Xadiiska 2aad

TIIRARKA ISLAAMKA

عَنْ عُمَرَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَيْضًا قَالَ: ”بَيْنَمَا نَحْنُ جُلُوسٌ عِنْدَ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ ذَاتَ يَوْمٍ، إذْ طَلَعَ عَلَيْنَا رَجُلٌ شَدِيدُ بَيَاضِ الثِّيَابِ، شَدِيدُ سَوَادِ الشَّعْرِ، لَا يُرَى عَلَيْهِ أَثَرُ السَّفَرِ، وَلَا يَعْرِفُهُ مِنَّا أَحَدٌ. حَتَّى جَلَسَ إلَى النَّبِيِّ ﷺ . فَأَسْنَدَ رُكْبَتَيْهِ إلَى رُكْبَتَيْهِ، وَوَضَعَ كَفَّيْهِ عَلَى فَخِذَيْهِ، 
وَقَالَ: يَا مُحَمَّدُ أَخْبِرْنِي عَنْ الْإِسْلَامِ. 
فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ الْإِسْلَامُ أَنْ تَشْهَدَ أَنْ لَا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ، وَتُقِيمَ الصَّلَاةَ، وَتُؤْتِيَ الزَّكَاةَ، وَتَصُومَ رَمَضَانَ، وَتَحُجَّ الْبَيْتَ إنْ اسْتَطَعْت إلَيْهِ سَبِيلًا. 
قَالَ: صَدَقْت . فَعَجِبْنَا لَهُ يَسْأَلُهُ وَيُصَدِّقُهُ!
قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنْ الْإِيمَانِ. 
قَالَ: أَنْ تُؤْمِنَ بِاَللَّهِ وَمَلَائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ، وَتُؤْمِنَ بِالْقَدَرِ خَيْرِهِ وَشَرِّهِ.
قَالَ: صَدَقْت. قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنْ الْإِحْسَانِ. 
قَالَ: أَنْ تَعْبُدَ اللَّهَ كَأَنَّك تَرَاهُ، فَإِنْ لَمْ تَكُنْ تَرَاهُ فَإِنَّهُ يَرَاك. 
قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنْ السَّاعَةِ. قَالَ: مَا الْمَسْئُولُ عَنْهَا بِأَعْلَمَ مِنْ السَّائِلِ. 
قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنْ أَمَارَاتِهَا؟ قَالَ: أَنْ تَلِدَ الْأَمَةُ رَبَّتَهَا، وَأَنْ تَرَى الْحُفَاةَ الْعُرَاةَ الْعَالَةَ رِعَاءَ الشَّاءِ يَتَطَاوَلُونَ فِي الْبُنْيَانِ. ثُمَّ انْطَلَقَ، فَلَبِثْنَا مَلِيًّا، 
ثُمَّ قَالَ: يَا عُمَرُ أَتَدْرِي مَنْ السَّائِلُ؟. 
‫‬قُلْتُ: اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ. 
قَالَ: فَإِنَّهُ جِبْرِيلُ أَتَاكُمْ يُعَلِّمُكُمْ دِينَكُمْ“. [رَوَاهُ مُسْلِمٌ]

Waxaa laga weriyey sidoo kale Cumar (Alla ha ka raalli noqdee), inuu yiri:
Maalin maalmaha ka mid ah annagoo Nebiga ﷺ la fadhinna ayuu nagu soo baxay nin aad u dhar cad aadna u tima madow oo aanay ka muuqan astaan safar nin yaqaanna nagu jirin, ilaa uu Nebiga ﷺ ag fariistay, markaasuu jilbaha jilbaha u saaray, baabacooyinkiisana kor saaray bowdada Nebiga ﷺ markaasuu ku yiri, “Muxammadow ii sheeg Islaamka.”

Markaasuu Rasuulkii Alla ﷺ yiri, “Islaamku waa inaad qirto inaan ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, Nebi Muxammadna Rasuulkii Alla yahay, inaad oogtid salaadda, bixisid sakada, soontid bisha Ramadaan iyo u xajidid Baydka Alla haddii aad awooddid.”

Markaasuu yiri, “Run baad sheegtay.” Markaasaan la yaabnay ninka wax warsanaya ee haddana leh run baad sheegtay. Haddana wuxuu ku yiri, “Ii sheeg iimaanka.”

Markaasuu yiri: “Iimaanku waa inaad rumeysid Alla iyo malaa’iktiisa, Kutubtiisa, Rusushiisa, maalinta qiyaamaha iyo Qaddarka Alla shar iyo kheyrba.”

Wuxuu yiri, “Run baad sheegtay.” Wuxuu yiri, “Haddana ii sheeg ixsaanka.”

Wuxuu yiri, “Ixsaanku waa inaad Alla u caabuddid sidii adigoo arkaya, maxaa yeelay, haddii aadan arkeyn isagaa ku arkaya.”

Wuxuu yiri, “Iiga warran saacaddu markay dhacayso.”

Wuxuu yiri Nebiga ﷺ, “Kaagama war rooni.”

Wuxuu yiri, “Iiga warran calaamadaha lagu garto markay soo dhowaato.”

Wuxuu ku jaawaabay, “In addoontu dhasho sayidkeeda iyo in dadka kabaha la’ ee qaawan ee saboolka iyo reer baadiyaha ku tartamaan sara-dhis.”

Markaasuu iska tegey. Markii Nabigu ﷺ cabbaar aamusnaa ayuu yiri, “Cumarow, ma garanaysay ninkii wax warsanayey?”

Markaasaan iri, “Alla iyo Rasuulkiisaa og.”

Wuxuu yiri Nebiga ﷺ, “Wuxuu ahaa Jibriil, oo idiinku yimid inuu idin baro diintiinna.”

Waxaa weriyey Muslim.

 

SHARAXA XADIISKA
Xadiiskani wuxuu koobay saldhigyadii diinta Islaamka oo ah tiirarka Islaamka, tiirarka iimaanka iyo daacadnimada. Marka irridda laga gelayaa diinta Islaamka waa inaad qirto ikhtiyaarkaada, in ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, in Nebi Muxammed  Rasuulkii Alla yahay. Tiirka labaad ee diintu waa salaadda, qofkii ka tagaana waa qof Alla ku kufriyey.
Tiirka saddexaad waa in la bixiyo sakada, qofka leh xoolo ay ka waajibtay. Tiirka afaraad waa in la soomo bisha Ramadaan oo laga reebtoomo cuntada, cabidda iyo galmada u dhexeysa ragga iyo haweenka, laga billaabo waaberiga ilaa qorraxdu ka dhacdo.
Tiirka shanaad waa inaad u xajidid Beydka Alla ee Makka ku yaalla, waxaana laga rabaa tiirkan qofka awoodda u leh. Marka tiir kasta oo ka mid ah shantaa, wuxuu ku fadhiyaa saldhig weyn oo leh xididdo furuuc badan, haddaad si faahfaahsan u rabtid, waxaad ka heli kartaa kutubaha fiqiga.
Tiirarku iimaanku iyagu waa lix (6) oo kala ah:

  1. Inaad rumeyso si dhab ah u ictiqaadiso jirista iyo midnimada Alla.
  2. Inaad rumeyso jirista malaa’ikta oo ah khalqi Ilaahay ka uumay nuur oo innaga duwan.
  3. Inaad rumeyso in Ilaahay kutub hanuun iyo iftiin gudcurka nolosha looga baxo ah soo dejiyay ee uu u dambeeyey laguna khatimay kitaabka Qur’aanka,
  4. Inaad rumeysid in Ilaahay rusul soo diray, ee uu u dambeeyey laguna khatimay nebigeennii suubbanaa Muxammad ﷺ.
  5. Inaad rumeysid maalinta xisaabta, oo ah inay jirto maalin la xisaabi doono dadka waxay faleen, dhimashada kaddib la soo saari doono lagana abaal marin doono waxay geysteen samaan iyo xumaan.
  6. Inaad rumeysid dhacdooyinka ka dhacaaya dunida inay yihiin wax Ilaahay qaddaray shar iyo kheyrba.

Tiirarka iimaanku waa camal qalbiga ku xiran qofka iyo Ilaahay un baa og inuu run sheegay iyo in kale, mana laha furuuc badan oo muuqaneysa sida tiirarka Islaamka.
Arrinta saddexaad ee saldhigga Islaamka, waa ixsaanka, waxaan dhihi karnaa waa dhuuxa Islaamka. Haddii aanu geed dhuux laheynna isma taagi karo marka ixsaanka waxaa loola jeedaa in ay qofka dhab ka tahay rumeynta Diinta Islaamka waa inuu si daacad iyo hagar la’aan ah ugu camal falo sharciga Islaamka.
Waa inuu Alla u caabbudo sidii asagoo hor taagan, maxaa yeelay, haddii aanu qofku arkeyn Ilaahay asagaa arkaaya.
Markii saldhigyadii Islaamku dhammaadeen ayuu warsaday Jibriil Nebigii waqtiga qiyaamuhu kacaayo. Wuxuu ugu jawaabay, “Kaagama war rooni.” Sababtoo ah waa arrimaha cilmigooda Ilaahay la keli noqday oo aanu u sheegin khalqigiisa, halkaa waxaan ka ogaaneynaa dadka isku shuqliya inay wax ka sheegaan cilmi-qeybka, sida kuwa dhaha dunidu waxay jireysaa 7,000 oo sano ama 4,000 iyo shey la mid ah, iney sheeko baraley tahay.
Wuxuu warsaday haddana Jibriil astaamaha lagu ogaado in Qiyaamuhu dhow yahay, wuxuu sheegay Nebigu in astaamaha ay ka mid yihiin: In addoontu sayidkeeda dhasho, waxay ku fasireen culamadu inay badan doonaan carruurta waalidkood ku caasi noqonaaya oon u aabbo yeeleyn xurmada, sharafta iyo xannaanada waalidku ka mudan yahay carruurtooda ilaa ay ka gaaraan heer ay ula dhaqmaan hooyadooda sidii addoon ay leeyihiin ama qof ciidan ah oo u shaqeeya. Waxaa ka mid ah calaamadaha saacadda in dadka reer baadiyaha ah ee cayrta ah ay qabsan doonaan magaalooyinka kuna tartami doonaan saraha dhaadheer isuguna faani doonaan.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Waxaa lagu koobay xadiiskan saldhigyadii diinta Islaamka.
  2. Waxaa lagu sheegay in waqtiga Qiyaamuhu kici doono Alla oo keliya og yahay haddii cid loo sheegi lahaa waxaa loo sheegi lahaa Jibriil iyo Nebi Muxammad ﷺ.
  3. Qofka Muslimka ah waxaa ku habboon inuu ku dadaalo nadaafadda dharkiisa iyo heybaddiisa sida Jibriil u soo labbistay oo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *