Xadiiska 30aad

XUDUUDDA ALLA

[arabic-font]عَنْ أَبِي ثَعْلَبَةَ الْخُشَنِيِّ جُرْثُومِ بن نَاشِر رَضِيَ اللهُ عَنْهُ عَنْ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم قَال: “إنَّ اللَّهَ تَعَالَى فَرَضَ فَرَائِضَ فَلَا تُضَيِّعُوهَا، وَحَدَّ حُدُودًا فَلَا تَعْتَدُوهَا، وَحَرَّمَ أَشْيَاءَ فَلَا تَنْتَهِكُوهَا، وَسَكَتَ عَنْ أَشْيَاءَ رَحْمَةً لَكُمْ غَيْرَ نِسْيَانٍ فَلَا تَبْحَثُوا عَنْهَا”. [/arabic-font]
[arabic-font]حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ الدَّارَقُطْنِيّ ْ”في سننه” [4/184]، وَغَيْرُهُ.[/arabic-font]

Waxaa laga weriyey Abuu—Saclaba al—Khushani Jurthum ibn Naashir (Allaha ka raalli noqdee), in uu yiri Rasuulkii llaahay wuxuu yiri:
llaahay wuxuu faray waajibaad, ha dayacina wuxuu dhigay soohdimo, ha gudbina, wuxuu xaaraantinnimeeyey waxyaalo ee, ha falina, wuxuu ka aamusay waxyaalo isagoon hilmaansanayn uu idinku naxariisanaya ee ha baarbaarina.
Waa xadiis Xasan ah, waxaa weriyey Ad- Daaraqudni iyo kuwo kaleba.

SHARAXA
Xadiiskani wuxuu ku soo murtiyeeyey Islaamkii oo dhan afar arrimood oo kala ah:
1. In la falo wixii llaahay ina amray;
2. Inaan la falin wixii llaahay innaga reebay;
3. inaan la gudbin soohdinta llaahay ku kala xiray wanaagga iyo xumaanta;
4. Inaan la baarbaarin wixii llaahay ogaan uga aamusay.
Waxaa looga jeedaa inaan la baarbaarin arrimaha dahsoon:
Arrimaha dunida jira wey u wada bannaan yihiin Muslimka, wixii aan lagu caddeyn in la xaaraantinimeeyey. Haddaba, qofka Muslimka wanaagsan ahi, waa inaanu waxyaalahaas faagfaagin, si aan shaki iyo waswaas ugu dhicin dadka Muslimka ah ee waa in uu ku kalsoonaado llaahiisa oo u qeexay wixii xun ee aan loo oggoleyn ee dadka dhibaaya.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Gudashada waajibaadka iyo ka dheeraanshaha xaaraanta;
2. Inta la fulinayo waajibaadka ee laga fogaanayo xaaraanta waa in lagu dhex jiro xuduudda llaahay uu dejiyey oo aan laga tallabsan;
3. Uma bannaana qofna in uu xaaraantinimeeyo waxaan sharcigu dhigin.
4. Wax kasta markooda hore wey bannaan yihiin ilaa laga helo qodob lagu xaaraantinimeeyo oo sharciga ku saleysan.

One thought on “Xadiiska 30aad

  1. Pingback: Afartanka Xadiis

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *