Xadiiska 40aad

INAAN LAYSKU HILMAAMIN DUNIDA

 

[arabic-font]عَنْ ابْن عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ: أَخَذَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ بِمَنْكِبِي، وَقَالَ: “كُنْ فِي الدُّنْيَا كَأَنَّك غَرِيبٌ أَوْ عَابِرُ سَبِيلٍ”. وَكَانَ ابْنُ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا يَقُولُ: إذَا أَمْسَيْتَ فَلَا تَنْتَظِرْ الصَّبَاحَ، وَإِذَا أَصْبَحْتَ فَلَا تَنْتَظِرْ الْمَسَاءَ، وَخُذْ مِنْ صِحَّتِك لِمَرَضِك، وَمِنْ حَيَاتِك لِمَوْتِك. [/arabic-font]
[arabic-font][رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ].[/arabic-font]

 

 

Waxaa iaga weriyey ibn Cumar (Alla ha ka raalli noqdee), in uu yiri:
Rasuulkii llaahay ﷺ ayaa garabka iga qabtay oo yiri:
“Ku ahow dunida sidii nin marti ah ama socoto ah,” ibn Cumar (isaga iyo aabbihaba ilaahay ha ka wada raalli noqdee), wuxuu oran jirey haddii aad galbaysato ha sugin waaberiga, haddii aad waabariisatona ha sugin galabnimada, intaad fayowdahay u sahay—qaado cudurka, intaad nooshahay wax u hormarso dhimashada.
Waxaa weriyey Bukhaari

SHARAXA
Waxaa jira in qof kasta oo ku nooi dunida og yahay in uu ka tegi doono, iaakiin, qofna ma oga waqtiga uu ka tegayo, waxaa kaloo jira in qofka muslimka ah og yahay in dunidu tahay beerta aakhiro, qofkuna goosan doono wuxuu beertaa ku abuurtay.
Xadiiskani wuxuu innagu baraarujinayaa inaan maalinta aan joogno wixii aan qabsan karno aan fulinno oo aynaan dib u dhigin, sababtoo ah ma hubtid inaad berri gaari doonto. Marka qofkii lagu yiraahdo berri shaqo laguuma hayo ee maanta waxaad shaqaysato ayaad berri ku noolaanaysaa, waxaa hubaal ah in uu shaqada laban laabi lahaa.
Sidaa awgweed waa inaan waqti iska lumin ee ilbiriqsi kasta ka faa’iideysanno waqtigeenna
qaaliga ah, kuna tebinno falal wax inoo tara if iyo aakhiraba. Waxaannu innooga digay inaan dib u dhigno ficil aan maanta fulin karno.
Tusaale ahaan, intaad is—tiraahdo berri ayaad towbad keeni doontaa, berri ayaad salaad billaabi doontaa, berri ayaad wax sadaqaysan doontaa, berri ayaad aasaasi doontaa masaajid, dugsi, warshad ama wax kale oo bulshada wax u taraya. Marka wuxuu xadiisku ina farayaa haddii aad subax joogtid lama hubo inaad galabta gaareysid, haddaad galab joogtid lama hubo inaad waabariisanayso, marka ficilka kheyrka ah ee maanta aad qaban karto dib ha u dhigin.
Xadiis kale wuxuu sheegayaa inaan qofku seexannin ilaa dardaarankiisu barkinta ugu hoos jiro, sababtoo ah haddii aadan sidaa yeelin oo tii Alle kuu timaado lama garan karo xaqa laguugu leeyahay iyo kan kaa maqan midna. Xadiis kale wuxuu ahaa haddii adigoo tallaalaya geedwax tar leh saacaddu kacdo oo aad ka gaarsiin karto tallaalka geedkaas tallaal, maxaa yeelay, ficilkaa aad gacanta ku hayso laftiisa ayaa lagaa ajar siinayaa.
Cabdullaahi Ibnu Cumar, wuxuu dadka ku waanin jirey in ay carnal fashaan intay fayow yihiin iyo in ay wax wanaagsan u hormarsadaan aakhiro intay nolosha ifka ku raaxaysanayaan.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Inaan leysku halleyn adduunyada;
2. In fayoobida looga faa’iideysto jirrada;
3. In aakhiro loo hormarsado wax ku anfaca;
4. In lagu degdego towbada oo aan dib loo dhigin;
5. In saacad kasta loo diyaar—garoobo dhimashada;
6. Inaan waqtiga hal ilbiriqsi leyska dhumin oo looga faa’iideysto in la qabsado wax ku anfacaya if iyo aakhiraba.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *