Xadiiska 5aad

BIDCADA

 

[arabic-font]عَنْ أُمِّ الْمُؤْمِنِينَ أُمِّ عَبْدِ اللَّهِ عَائِشَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا، قَالَتْ: قَالَ: رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “مَنْ أَحْدَثَ فِي أَمْرِنَا هَذَا مَا لَيْسَ مِنْهُ فَهُوَ رَدٌّ[/arabic-font]
[arabic-font][رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ][/arabic-font]
[arabic-font]، [وَمُسْلِمٌ][/arabic-font]

[arabic-font] وَفِي رِوَايَةٍ لمسلم: من عَمِلَ عَمَلًا لَيْسَ عَلَيْهِ أَمْرُنَا فَهُوَ رَدٌّ[/arabic-font]

 

 

 

Waxaa laga weriyay hooyadii Mu’miniinta Umm Cabdullaah Caa’isha (Alla ha ka raalli noqdee) inay tiri: wuxuu yiri Rasuulkii Alla ﷺ:
“Qofkii amarkayagan ku soo dara waxa aan ka mid ahayn isagaa lagu celinayaa.”
Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim

Sharaxa
Xadiiskani wuxuu caddeynayaa qofkii ka leexda Jidkii Alle iyo Rasuulku jideeyeen inuu baadi yahay. Xadiiskani waa udubbada ugu waaweyn ee Islaamka, wuxuu ka digayaa in Diinta lagu soo daro wax aan ka mid ahayn, ama laga naaqusiyo, ama la beddelo ama la qalloociyo. Sababtoo ah Diinta Islaamku wey dhammeystiran tahay oo Ilaahay baa abyay, marka qofkii wax ku soo daraya ama ka naaqusinaya wuxuu ka dhigan yahay qof leh anigaa Ilaahay ka aqoon badan oo waxaanu sheegin baan Diinta ku darayaa, ama wuxuu sheegay baan ka goynayaa. Waxyaalaha laga digaayo in diinta lagu soo dirriyo ama laga naaqusiyo ma aha oo keliya cibaadada ee waa farac kasta oo ka mid ah Diinta Islaamka sida macaamilaadka Nikaaxa, Usluubta, Anshaxa, Xiriirka Bulshada, xuquuqdooda iwm. Haddaba, qofka muslimka ah ee ku camal fala masalo aan sharciga ku dhisneyn abaalkiisu waa in camalkiisu buro oon laga ajar siin, weliba waxaa la arkaa inuu ku dambaabo ama diintaba kaga baxo falalka qaarkood.
Haddaba, waxaa waajib ku ah qof kasta oo muslim ah inuu hubsado in camalkiisu sharciga waafaqsan yahay iyo in kale. Waxaana jira miisaan lagu qiyaaso camalka oo ah sida uu Nebigu ﷺ. iyo asxaabtiisu ugu camal fali jireen mas’alada hortaalla, waxaad heleysaa jawaab saxiix ah oo laga soo weriyay Nebigii iyo Asxaabtiisii. Haddaba, waa in laga digtoonaado bidcada iyo sheekada ku-tiri-ku-teenka ah ee loo ekeysiinayo diinta laguna khawiyeysiinayo dadka ma-kastada ah ama aqoonta gaaban xagga diinta.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Mas’ala kasta oon sharciga ku fadhin waa baadinnimo;
2. In laga digtoonaado bidcada;
3. In qofku falkiisa ku miisaamo sharciga Islaamka;
4. In la barto diinta si loo kala saaro bidcada iyo sunnada;
5. In diintu dadka ku filan tahay oo laga deeqtoon yahay bidcada.

2 thoughts on “Xadiiska 5aad

  1. Pingback: Afartanka Xadiis

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *