Xadiiska 7aad

WAANADA

 

[arabic-font]عَنْ أَبِي رُقَيَّةَ تَمِيمِ بْنِ أَوْسٍ الدَّارِيِّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَنَّ النَّبِيَّ ﷺ قَالَ: “الدِّينُ النَّصِيحَةُ. قُلْنَا: لِمَنْ؟ قَالَ لِلَّهِ، وَلِكِتَابِهِ، وَلِرَسُولِهِ، وَلِأَئِمَّةِ الْمُسْلِمِينَ وَعَامَّتِهِمْ” . [/arabic-font]

[arabic-font][رَوَاهُ مُسْلِمٌ][/arabic-font]

 

 

Waxaa laga weriyay Abuu-Ruqayya Tamiim ibn Aws ad-Daarii (Alla ha ha ka raalli noqdee), in Nebigu yiri ﷺ: “Diintu waa waano.” Waxaannu niri, “Yuu u yahay?” Wuxuu yiri, “Wuxuu u yahay Alla iyo Kitaabkiisa, iyo Rasuulkiisa, iyo madaxda muslimiinta iyo dadweynahaba.”

Waxaa weriyay Muslim.

 

Sharaxa
Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa qiimaha weyn ee waanadu ku leedahay Diinta Islaamka, Diintu waxay waano u tahay Ilaahay waxaa looga jeedaa: in la aqbalo waanadiisa uu dadka ugu yeeray, in la rumeeyo keli ahaantiisa, in lagu sheego wuxuu isagu isku tilmaamay, lagalana haro shirkiga ama wadaajinta cibaadada, xaqa Ilaahayna aan cid kale la siinnin, nicmaduu kuugu deeqay aan cid kale loo tiirin.
Wuxuu diinku waana u yahay Kitaabka Ilaahay: in la rumeeyo inuu yahay kitaab ka soo degay xagga Ilaahay, kaddibna la xurmeeyo laguna camal falo.
Wuxuu diinku waano ugu yahay Nebiga ﷺ in la rumeeyo inuu yahay Rasuulkii Ilaahay u soo diray dadka lana rumeeyo wuxuu sheego oo dhan, lana raaco awaamiirta uu faro, lagana dheeraado wuxuu reebo.
Madaxda Muslimka wuxuu diinku waano ugu yahay waa in xaqa loogu gargaaro wixii gefef ama qallooc ah lagu baraarujiyo amarrada ay soo saaraan oo ay dadka ugu daneynayaan, shareecadana waafaqsan in la fuliyo, inaan loo baarin ceebo, inaan laga faafin dacaayad dadka nacsiisa iyo in lagu gacansiiyo mashaariicda lagu hormarinayo danaha ummadda iyo inaan ammaan been been ah iyo munaafaqnimo lala hoos roorin.
Dadweynaha wuxuu waano ugu yahay in lagu hunuuniyo xaqa, in wax la baro, kuwa qalloocan in looga digo xumaanta, kuwa jaahilka ah wax la baro iyo wixi la mid ah. Marka diinkuba wuxuu ku hirgeli karo waa waano iyo wax isu sheeg.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Wuxuu na tusayaa in waanadu qiimo weyn ku leedahay Diinta Islaamka,
2. Waanada Ilaahay waa in la aqbalo wuxuu ummaddiisa ku waaniyay,
3. Waanada Rasuulka waa in la rumeeyo lana raaco jidka uu inoo jideeyay,
4. Waanada kitaabka waa in lagu camalfalo,
5. Waanada madaxda waa in lagu caawiyo fulinta xaqa,
6. Waanada dadweynaha waa in la hanuuniyaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *