Xadiiska 9aad

QOFKA LAGUMA WAAJIBIYO WAX KA SARREEYA AWOODDIISA

 

[arabic-font]عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَبْدِ الرَّحْمَنِ بْنِ صَخْرٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: “مَا نَهَيْتُكُمْ عَنْهُ فَاجْتَنِبُوهُ، وَمَا أَمَرْتُكُمْ بِهِ فَأْتُوا مِنْهُ مَا اسْتَطَعْتُمْ، فَإِنَّمَا أَهْلَكَ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ كَثْرَةُ مَسَائِلِهِمْ وَاخْتِلَافُهُمْ عَلَى أَنْبِيَائِهِمْ “. [/arabic-font]
[arabic-font][رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ][/arabic-font]
[arabic-font]، [وَمُسْلِمٌ][/arabic-font]

 

 

 

Waxaa laga weriyay Abuu—Hureyra CAbd ar- raxmaan ibn Sakhar (Allaha ha ka raali noqdee), inuu yiri: waxaan maqlay Rasuulkii Alla ﷺ oo leh:
Waxaan idinka reebo ka dheeraada, waxaan idin faray la imaada intaad awoodi kartaan, waxa halaagay dadkii idinka ka horreeyey su’aal badnaan iyo khilaafkii Nebiyadooda.”
Waxaa weriyay Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa
Xadiiskani wuxuu ugu yeerayaa Muslimiinta in ay Nebiga raacaan, waxaana saldhig u ah raacidda Nebiga ﷺ ka dheeraanshaha wuxuu reebay, taasbo aan ku xirneyn a wood, maxaa yeelay, iska dhowridda waxyaalaha xaaraanta ah kuma xirna awood ee waa wax qof kastaba ka suuroobi kara, waxaan ka ahayn xaaladaha khatarta ah ee baqtigu bannaanaado.
Laakiin, wixii Nebigu faray iyagu waxay ku xiran yihiin in qofku awoodi karo, sababtoo ah wixii ka baxsan awoodda qofka loo qaban maayo, waxaase waajib ah wixii awooddiisa ah inuu daaacad iyo hagar la’aan u fuliyo.
Waxaa kale ee Nebigu ﷺ nooga warramay in ummadihii hore qaar ka mid ah lagu rogay su’aal badnaan iyo inay khilaafi jireen waxay faraan Nebiyadoodu, su’aasha badan waxaa loola jeedaa su’aalaha looga dan leeyahay xujada iyo cariigsiga ee ma aha in qofku warsado waxyaalaha uu jaahilka ka yahay haddii uu doonayo kaliya aqoon—kororsi iyo ku—dhaqan.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Wixii Nebiga ﷺ reebay in laga dheeraado,
2. Wixii Nebiga faray in la falo inta awooddu ku gaarsiiso,
3. Su’aalaha aan loo baahneyn inaan culimada loo jeedin,
4. Qofka inaan lagu kallifin waxa aanu awoodi karin,
5. Inay waajib tahay raacidda jidka Nebiga.

2 thoughts on “Xadiiska 9aad

  1. Alla ha ka raali noqdo ciddii laga wariyey iyo ciddii wax ku qaadataba Alla ha ka abaal mariyo dhammaan wixii Muslim ah. Aamiin, aamiin yaa Rabbi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *