Jebron baa qolkii aabbihii ka soo baxay isaga oo aad mooddo in uu riyo ku jiro farxad darteed. Waxaa aad u yaab galisay oo marna madaxiisii ka bixi wayday naxariis badnaanta aabbihii. Wuxuu filayey, marka loo eego dambiga uu galay, in sidii wax wasakh ah guriga dibadda looga tuuro. Markuu qolkii soo galay wuxuu arkay Amuba iyo Jetro oo halkii ku sugaya. “Aad baan uga xumahay waxa dhacay,” ayuu yidhi Jetro, “kollayba aniga qaska ka dhaca bisad la dilay wuxuu ila yahay waalli; waanse ogsoonahay dhibaataday ku galin karto waxanan kuugu imid in aan kuu sheego inaan diyaar kuu ahay haddii aad rabto in aad baxsato.”
“Waad mahadsan tahay, Jetro,” ayuu Jebron ugu jawaabay, “hadda waqtigan aan joognana garan maayo waxaan ku dhaqaaqayo. Aabbahay waannu iska aragnay arrinta; wax walbana waan u sheegay. Isagaana, markaa, go’aan ka sugayaa.”
“Markaa taa macnaheedu waxay tahay in uu waxa kula qabanayo oo aanu ku sheegayn,” ayuu yidhi Amuba, “Waa sidaasaan filayey. Aabbahaa waa nin maskax leh oo xakiim ah, waxanu ogyahay in aan ilaahyadu kuu cadhoonayn, waayo arrintu kas umaad samayn.”
Halkaa markay sheekadii marayso ayaa waxa qolkii Jebron soo galay adeege; waxanu u sheegay in Ameres doonayo inuu Jebron iyo Amuba arko.
“Waxan labadiinaba idiinku yeedhay,” ayuu Ameres ku yidhi dhalintii markii ay hor yimaadeen, “inkasta oo aanu Amuba waxba isagu dhimin; haddana dadku waxay odhan doonaan dambiga waad u wada jirteen.” Intaa kolkuu yidhi ayuu yara hakaday sidii wuxuu iyaga jawaab ka sugayo; Amubana si deggan yidhi, “Diyaar waxan u ahay, sarreeye. in aan haddii aad damacdo in aad sharciga gacanta noo galiso iyo haddii aad ku taliso in aannu baxsanaba, in aannan sinaba uga ag tagin Jebron.” Ameres intuu madaxa u ruxay hadalkii Amuba ayuu eegay xaggii wiilkiisa.
“Aabbo,” ayuu yidhi Jebron, “inkasta oo aan arrintan iyo arrin walboo kale aan diyaar u ahay in aanan amarkaaga jabin; waxan haddana ka baryayaa in aad ii ogolaato in aan sharciga isku dhiibo. Waxan ahay wadaad, waana waajib in aan sidaa yeelaa.” “Waan filayey in aad sidaa geesinnimada ah u hadasho, aad baanan ugu faraxsanahay,” ayuu yidhi Ameres. “Haddii aan sidaada aaminsanahay in dilka bisaddu danbi weyn oo ilaahyada laga galay yahay, markiiba sharciga ayaan kuu dhiibi lahaa; waxase jirta in aanan anigu sidaa qabin.”
Jebron baa indhuhu soo baxeen oo rumaysan waayey erayada aabbihii afkiisa ka soo baxay. Ameres baa hadalkii sii waday, “Way jirtay in aad su’aalo badan oo ku saabsan diinteenna iyo ilaahyada i waydiin jirtay. Wax jawaab ah kuman siin jirin ee waan kaa aamusi jiray. Iminkase waa khasab in aan fikrad kaa siiyo. Waa mide ilaahyadan aan caabudnaa waa uun dhagaxaan dadku iska samaysteen oo loogu talo galay in ay si uun ugu taagnaadaan quwadda iyo tamarta Ilaaha weyn, oo isagu mid kaliya ah. Dhagxaantan iyo asnaamtan aynnu samaysannay iyagu wax nool ma aha sida dadka badidiisu u haystaan. marka aanu wadaaddo ahaan u tukanayno ama qurbaanka u bixinayno kaniisadda, ma aha ilaahyadan dhagaxaanta ah kuwa aannu waajibaadka diiniga ah u gudanaa ee waxa weeyaan Ilaah weyn oo kale oo aan isaga la arkayn. Sidaas darteed wax xumaan ihi kuma jiraan waxa aannu ku samayno kaniisadda, inkasta oo aan ujeeddada runta ah dadka badidiisu garanayn. Macnaha meesha ku jiraa waxa weeyaan dadweynuhu dhagaxaantaa ayey caabudaan annaga wadaadda ihise waxan caduudnaa Ilaah weyn ee aan la arkayn.”
“Sidaas darteed,” ayuu Ameres hadalkii ku sii waday, “waxba ha ka baqan oo ha moodin in aad ilaahyadii kaga cadhaysiisay dilkaad bisaddii dishay. Bubaysta, ilaahadda magaalada lagu magacaabay ee kaniisaddaa bisadda la gaynayeyna lagu caabudaa naf ahaanteedu waa uun sanam dhagax ah.”
“Alla! Aabbo!” ayaa qaylo kaga soo boodday Jebron, markuu hadalkaa la yaabka leh aabbihii kaga soo baxay maqlay. Markaasuu dhulka isku tuuray oo aabbihii labada jilib ka dhunkaday, “Aabbo! Noloshii iyo kalsoonidii baad ii soo celisay. Iminkaan wax kala garanayaa. Hadday adiga kula noqoto waan baxsan; haddii kalena waan joogi oo wax kasta oo iga hor yimaada beerkaan u dhigi.”
Markay Jebron iyo Amuba ku soo noqdeen qolkoodii, bisaddii ay dileen iyo halista ku soo foolle labadaba way iska ilaaween oo waxa sheekadoodii ka bixi wayday hadalladii Ameres iyo siday uga yaabeen. “Waa cajiib,” ayuu yidhi Jebron, intuu qolkii kolba gees u tallaabsaday, “kolkaan runtii ogaaday hadda waxaabad mooddaa sidii oo aanan waligay marnaba rumaysnayn in asnaamtan dhagxaanta ihi ilaahyadeenna yihiin. Run ahaantii waligayba waan ka fikiri jiray; marnabana isma qanci kari jirin in waxani runtii ilaahyo yihiin, hase yeeshee haddana in aan shakigayga muujiyo waan ka biqi jiray oo waxan is odhan jiray kollay malaha wuxuun baa waxan dadka oo dhani rumaysan yahiin ka jira. Iminka waxay iila eg tahay sidii oo dadweynaha Masar oo dhami wax aad riyo mooddo ku nool yihiin. Maxay, talow, inta yar ee waxan sirta ka danbaysa ogi ay ula noqotay in ay aqoontooda mugdi kula jiraan.”
Islamarkaa halkaa hadalku marayey ayaa waxa si kadis ah qolkii daf u soo tidhi Ruut oo cararaysa, kuye “Bawkis luntay! Kolkaannu aniga iyo Miise ka soo noqonay tamashlihii ayaannu ku leexanay beerta xayawaanka. Waxaanu aragnay gurigii bisadda oo irriddii furan tahay, oo aan bisaddiina ku jirin. Miise waxay ii kiin soo fartay in aad deg deg u soo yaacdaan oo aad bisaddii baadigoobtaan, anna waxan u soo wada yeedhayaa wax alla waxa dumar aqalka jooga si ay raacdada innoola galaan.”
Warkii ahaa in bisaddii Bawkis luntay ayaa markiiba adeegayaashii iyo adoontii guriga wada gaadhay. Hawlihii kale oo dhan baa la wada joojiyey oo waxa uu addoon walboo guriga joogay nin, naag, wiil gabadh — ka qayb qaatay baadidoonkii.
Beertii baa sida ayaxa lagu dhagac siiyey oo geed walba iyo xashiish walba gun iyo baar la fatashay, iyaga oo intaa u baaqayey bisaddii luntay.
Ameres baa isna markiiba soo baxay oo markuu maqlay in bisaddii la la’yahay raggii oo dhan ku amray in guriga iyo inta u dhawba si fiican u baadhaan; dumarkiina wuxuu u diray xaafadihii jaarka oo uu ka codsaday beeraha guryahooda ku ceersan in ay ka raadiyaan bisadda luntay.
Habeennimadii baa baadidoonkii socday. Meel bisaddii sal iyo cidhib dhigtay baa la waayey, Shaw Amuba ayaa si baas u qariyey meydkeediiye. Subaxnimadii danbe ayaa markii bahashii la waayey dadkii baqdin iyo caloolyow galay. Waxa la islamaray in malaha bisaddii eey dilay ama yaxaas qaatay. Qofna isma odhan bahashii ruux bani’aadam ah ayay gacantiisa ku dhimatay, waayo qofna ma malaysan karo nin Masar ah baa ku dhacaya in uu danbi kaasa kale ah ku kaco.