Qeybta 20aad

Maalintii danbe ayuu Jebron iska soo dhigay habar gabowday oo soo xidhay dhar habareed; waxanu soo qaatay danbiil ubax ah oo la hor fadhiistay irriddii guriga reer Bataylus. Siduu filayey ayey Blekso iyo aabbihii ka soo laabteen kaniisaddii, saacad ka dibna Blekso ayaa intuu fuulay gaadhifaras yar oo laba faras jiidayso, ayuu ka baxay gurigii. Jebron halka uu fadhiyey waxa uga muuqday meesha uu jidku ku kala weecdo waddo woqooyi toos ugu baxda iyo laba bidix iyo midig u kala baydha — mid xagga webiga u baxda iyo mid buuraha u leexata. Blekso markaa wuxuu qaaday waddadii xagga buuraha u baxaysay. Waxaaba suurta gal ahayd inuu muraad kaleba u socday hase yeeshee Jebron waxay la noqotay in uu kollay ku socdo halka ay Maysa ku qarsoon tahay.
Fiidkii markay labadii kale isu yimaadeen ayuu Jebron ku yidhi, “Casar dheer ayuu baxay; waxanu u toosay xagga buuraha.” “Waa in aynnu halkaa isku sii taagnaa,” ayuu yidhi Jetro, “Waxa laga yaabaa in uu hadda soo dhaw yahay. Jebron, adigu aayar soo soco ilaa halka uu jidku ka weecdo. Amubana laba mayl ayuu ka sii shishayn doonaa. Aniguna meel laba mayl Amuba ka sii durugsan ayaan isa sii taagi. Haddii uu, sida aynnu filayno, halkaa maanta marayna, berri ayeynu kobtaa ka sii wadi.”

Mar allaale markii uu Jetro gaadhay halkii uu joogsan lahaa ayaa wuxuu maqlay gariir meel ka baxaya; wax yar kadibna waxaba soo galay gaadhifaraskii oo kaga duulinaya. Jetro deeto wuxuu u noqday xaggii magaalada waxayna dhexda ku kulmeen Jebron iyo Amuba, oo iyana xaggiisa u soo socda.

Habeennimadii dambe ayey Amuba iyo Jetro midha meeshii uu habeennimadii hore joogsaday meel hal mayl ka durugsan joogsaday; Jebronse halkii hore ayaa loo daayey. Nasiib darrose habeenkaa gaadhifaraskii meeshiiba ma soo marin.

Afar habeen markay sidaa habeen walba ilaaladii u ahaayeen ayaa habeen shanaadkii Blekso jidkii soo maray. Waxase dhacday in aanu halkii u Jetro joogay aanu soo marin. Markaa waxa saaxibadeen u caddaatay in uu meel halkaa ay Amuba iyo Jetro kala joogaan u dhaxaysa ka leexday. Waxay mugdigii raad gaadhifaras meel uu ka leexday raadiyaanba ugu danbaystii ayey heleen. Hase yeeshee waxay la noqotay in habeenkaa ayna ku noqon godkii buurka ee ay geedo meesha ka dhawaa ku dhex dhuuntaan, si marka cadceeddu soo baxdo ay si fiican raadka uraacaan. Kama ay filayn in ay halkaa gaadhifarasyo kale maraan; waxayna la noqotay in arroornimada si fiican ay u arki doonaan raadka.

Subaxdii ayey arkeen halkii uu gaadhifarasku ka leexday; hasa yeeshee waddada uu maray oo dhagax ahayd awgeed raadkii ayaa markiiba ka lumay. Halkii bay dabadeed maalinba maalinta ka danbaysa ka wadeen ilaalladii oo ay gaadhifaraskii ku sugayeen. Toddoba cisho markii laga soo wareegay, ayaa Jebron, isaga oo halkii fadhiya, sheed ka arkay gaadhifaras soo socda; gaadhifarasyada halkaa mara oo badnaa awgeed shaki baa kaga jiray in uu kii Blekso yahay iyo in kale. Markuu soo dhawaaday ayuuse gartay in uu kii uu sugayey yahay. Farduhu waa kuwii Blekso. Dharkiisii wadaadnimaduna aad bay bayaan u ahaayeen.

Markan imika ah addoon ma soo raacin ee waxa la socday nin uu u maleeyey inuu Bataylus nafahaantiisa yahay. Gaadhifaraskii baa xuf ku dhaafay oo ku libdhay waddo wax yar u jirta buuraha sintooda. Mar alla markii uu ka qarsoomay ayuu tow yidhi oo isku sii daayey halkii uu Amuba ku sugayey. Halkii bay ka wada yaaceen oo tageen meeshii uu labadooda Jetro u sii taagaan.

“Ma aragtey?” ayuu deg deg u waydiiyey. “Waan arkay geestay u tooseenna waa amaaradsaday,” ayuu ugu jawaabay Jetro. “Ma u jeeddaan geedaha dhexdooda, meesha guriga la moodo? Halkaasay u leexdeen oo ku libdheen. Waxayna ila tahay waa innoo halkaa iyo sidaynu muraadkeennii u dhamayn lahayn.”

“Sidee ugu habboon ee aynnu yeellaa? Ma waxaynnu sugnaa ilaa inta ay soo baxayaan, oo markaas baynnu u dhaafnaa?” ayuu yidhi Jebron. “Maya,” ayuu ugu jawaabay Jetro, “laba xaalo ayaa imika inna hor yaalla. Waa mide waa in aynu Maysa badbaadinaa. Ta labaad waa sidii aynnu Bataylus iyo wiilkiisa wax uga qaban lahayn. Kollay Bataylus meesha wax kale uma imaan ee wuxuu isku dayayaa in uu u hanjabo gabadha, si uu ugu qasbo in ay ogolaato guurka Blekso. Miyey gabadh yar oo da’deeda ihi iska dhicin kartaa ninkaas oo kale? Waxa laga yaabaa bahalkan Blekso in uu dhawr jeer isku dayey in uu is jeclaysiiyo, ayse diidday; sidaas awgeedna Bataylus u yimid in uu u kaalmeeyo.”

“Amuba iyo aniga waxaanu qaadan doonaa laba budh oo waaweyn; adna ablayda ku qarso maryahan habarteed sidato abadeed gebegoodba kedis baynu ku qaban. Waxaa laga yaabaa in qarinta uu sirtiisa qarinayo awgeed aanu ciidan badan soo kaxaysan, ee laba ilaa seddex nin, iyo ama naag addoon ah, wallow ay suuro gal tahay in afartii nin ee soo qafaashtay ay ayana la joogaan. Xataa haddii ay laabaatan yihiin, waxba ha ka baqanina waynu u bir dhigi doonaaye.”

Halkii bay deeto ku dhaqaaqeen xaggii guriga meesha geedaha leh ee buuraha sintooda ah ku yaallay ilaa ay soo gaadheen guriga dabadiis. cabbaar ayey la rafteen hasa yeeshee way iska shubeen dayrkii. Deeto qunyar ayey gaadgaatyeen ilaa darbigii guriga. Jetro baa markaa intuu gacanta u taagay labadii kale, dhegta u dhaweeyo dariishadii oo dhawaaq dhegeystay; waxanu maqlay cod uu gartay in kii Bataylus yahay oo leh: “Anigu ma doonayo niicniicdan, Maysa. Hubaal guurka Blekson waad ku badhaadhi doonta. Markaa jawaab dhakhso ah ayaa kaa sugayaa. waxaan kaa rabaa in aad ku ballan qaado in aad ilaahyada hortooda sidaa ka qirran doonto. waxaa kale oo aan kaa doonayaa in dadka aad ka hor qirato in aan sidaa cidina kuugu khasbin joogiddaada halkan ee aad adigu iska timid adiga oo ka xun kana cadhaysan dhiilada uu walaalkaa gaystay. Haddii aad sidaa yeeli waydo waxa kugu dhaca anigu kuma jiro.”

Dabadeed cod ay qoladeenii dhawaaq dhegaysanaysay ay maleeyeen in uu kii Ruut yahay ayaa hadlay, oo yidhi, “Ha maqlin, Maysa. Waa beentii, dheg ha u dhigin.” Haddana waxay ku jeedsatay Bataylus, “Ma sidaasaad ku tahay Wadaadka Sare. Ilaahayada aad leedahay waan caabudaa hadday waxaad inantan yar ku samaynayso kula oggol yihiin ilaahyo ma aha. Hadday ilaahyo yihiin oo aanay dhagaxaan aad meesha qotomiseen uun ahayn, kobtaa aad imika joogto ayey kuugu dili lahaayeen oo kuumay oggolaadeen in aad waxaas oo kale ku kacdo.” Intaa hadday cod dhiirran ku tidhi ayuu Bataylus cadho la oogsaday oo intuu garabka soo gundhigay, gabigeediiba gilgilay. Iyana lamaba ay sugine, dharbaaxo ayey la tiigsatay oo labada indhood hadhsatay. Dib intuu u booday isaga oo cadho wajigii ximirkaa cas noqday, kuye, “Blekso! Iisoo qabo! Wasakhadda.” Halkaa markay arrin marayso ayey qoladeenii dhawaaq dhagaysanaysay intaa ka badan sugi kari waayeen, oo irriddii ayey xoog ku daafa deeyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *