In Kabadan 1000 Sunno

Waxaa diyaariyey Khaalid Al-Xuseynaan
Waxaa turjumay C/Qaadir sh.max,ed akhii

INKA BADAN 1000 SUNO
MAALINTII IYO HABEENKII
Waxaa diyaariyey khaalid Al-Xuseynaan Waxaa tuijumay C/Qaadir sh.max,ed akhii

HORDHAC
Waxaa mahad iska leh allaha raxiimka ah ee qafaarka ah ee kariimka ah ee qahaarka ah,allaha gedgadiya quluubta iyo aragyada banii.aadamka, Allaha og waxa muuqda iyo waxa qarsoon ayaan ku mahdin, mahad aan kala go,laheyn habeen iyo maalin walba..Waxaan makhraati ka ahay inuusan jirin allaah xaq lagu caabudo oon aheyn allaha waaxidka ah een laheyn cid la wadaagta dineysa cidii allaahnimada, shahaado ka badbaa- ictiqaadisa cadaabka naarta, waxaan kaloo makhraati ka ahay inuu muxamed yahay nabiga alle soo doortay, nabad galyo iyo naxariis dushiisa allaha yeelo isaga iyo ehelkiisii iyo xaasaskiisii iyo asxaabtiisii mudneyd in la darajeeyo , nabadgalyo aan dhamaaneynin intey habeenkii iyo maalintu baaqi yihiin .Intaa kadib..
Arinta u fiican ee looga baahan yahay inuu muslimku ku dadaalo intuu nool yahay waa ku dhaqanka sunada nabiga s.c.w. hadalkiisa iyo ficilkiisa ilaa ay xayaatadiisu ku sal garowdo sunada habeen iyo maalin walba.
Du,nuun Al-Misri wuxuu yiri: (Calaamada lagu garto inuu allaah adoonkiisa jecel yahay waa inuu adoonku raaco akhlaaqdii nabiga s.c.w. iyo ficilkiisii iyo amarkiisii iyo sunadiisii..

Allaah sareeye wuxuu yiri : (Nabi muxamadow waxaad dhahdaa hadaad Allaah jeceshihiin isoo raaca, Allaah wuu idin jeclaan wuuna idiin dhaafi Allaah waakan danbiyada dhaafa ee danbiyadiina naxariista).
Xasan Al-Basri wuxuu yiri: (Calaamada lagu garto iney allaah jecel yihiin waxey aheyd sunada nabigiisa oo la raaco).
Qofka muslimka ah waxaa lagaga qiyaas qaataa siduu sunada nabiga ku yahay , mar kasta oo uu aad ugu dadaalo allaah agtiisa ayuu sharaf ku yeeshaa, sidaas owgeed ayaan anigoo uga gol leh soonooleynta sunada nabiga s.c.w. -muslimiinta dhexdooda- ayaan waxaan diyaariyey kitaabkan yar si ay u noqoto ku dhaqanka sunadu nolol maalmeedkooda xaga cibaadada iyo markey seexanayaan iyo markey wax cunayaan ama cabayaan iyo markey la tacaamulayaan dadka iyo dhamaan markey is daahirinayaan, bixidooda iyo galidooda iyo markey dhar xiranayaan iyo dhaamaan dhaqdhaqaaq kasta oo la sameynaayo waa inuu ku saleysnaado sunada xabiibka s.c.w. Bal kawaran haduu mid inaga mida kadhumo waxoogaa lacaga waxaad arkeysaa qofkii oo aad u raadinaaya oo murugsan ilaa uu kahelo Jaakiin meeqa sunada nabiga s.c.w. ina dhaaftay oo hadana aynaan ka murgin ,,

DHIBAATOOYINKA UGU WAAWEYN EE INA HEYSTA..
Waxaan aad uweyneynay diinaarka iyo dirhamka si ka weyn sunada nabiga s.c.w. Hadii dadka la dhihi lahaa qofkii hal sune ah nooleeya waxaa la siinayaa beeso waxaad arki laheyd iyagoo ku dadaalaya ku dhaqanka sunada Nabiga s.c.w habeen iyo maalin walba si ay suno kasta uga helaan faaido .. Maal muxuu ku tarayaa? markii lagu dhigo qabrigaaga oo ciida dusha lagaa saaro..
Aduunyada ayaad doorateen , aakhiro ayaana khery badan oo baaqi ahaaneysa ..
Sunada aan halkan ku cadeyneyno waxaa laga wadaa tan qofkii sameeya uu ajir ka helaayo, qofkii katagana aan la ciqaabeynin, waana sunada habeen iyo maalin walba soo noqnoqota , qof kastana wey udhib yar tahay inuu sameeyo.
Waxaana ogaaday haduu qof walba xil iska saaro sunooyinkan inuu dhaqan galin karo in ka badan maalin kasta ^***suno, bishiina waxey ku imaaneysaa v., *.. oo suno, bal eeg qofkii ka jaahil noqday sunooyinkan ama intuu bartay aan ku carnal falin , qofkaasi wuxuu naftiisa ka dayacay xasanaad badan waana mid ka qaday kheyr badan ..

SUNADA OO LA LAASIMO WAXEY LEE DAHAY FAA,DOOYIN..
^ -Qofku wuxuu gaari darajada allaah adoonkiisa ku jeclaado
Sunada waxey kabtaa naqsiga ku dhaca faraa.isha..
Sunadu waxey dadka ka badbaadisaa in lagu dhaco bidcada.
Sunadu waxey ku tuseysaa weyneynta diinta ilaahay.
War muslimiinow yaan sunada nabiga loo deymo la,aanin ha noqoto sunada nabiga s.c.w. mid shaqeysa nolol maalmeedkiina , hadii aydaan idinku ku dhaqmin yaa ku dhaqmi, sunadu waa astaanta lagu garto dhabnimada jaceylka nabiga s.c.w. iyo raacitaankiisa .

MARKII HURDADA LAGA TOOSO ..
‘ -Waxaa sune ah In labada gacmood wajiga lagu masaxo, arintan waxaa cadeeyey imaamu nawawi iyo xaafid ibnu xajar daliilkooduna waa : (Nabiga s.c.w. ayaa intuu hurdo ka toosay labadiisa gacmood wajigiisa ku masaxay ) Eeg Saxiixul-Muslim .
*-ln la duceysto : (Allaah baa mahada iska leh , Allaha nasoo nooleeyey markuu nadilay kadib , Allaahaas ayaana nasoo saari doona )eeg bukhaari. f-ln la cadeydo : (Nabigu s.c.w markuu hurdada ka tooso cadey ayuu afkiisa ku jiid jiidi jiray) Bukhaari iyo Muslim.
Mn biyaha sanka laga soo saaro markii la sandaarsado kadib , Nabiga s.c.w. wuxuu yiri: ( Haduu axadkiin hurdada ka tooso, sadex jeer ha firdhiyo biyaha uu ku sandaarsaday.waayo sheydaanka ayaa ku barya sanqaroorkiisa) Bukhaari iyo Muslim..
o-ln gacmaha la meyro sadex jeer Nabigu s.c.w. wuxuu yiri : (Haduu axadkiin ka tooso hurdadiisa yuusan gacantiisa galinin weelka ilaa uuka meyro sadex jeer)

WAXAA SUNE AH MARKII MUSQUSHA LAGALAAYO AMA LAGA SOO BAXAAYO IN :
> -Lugta bidix la hor galiyo , markii laga soo baxaayana lugta midig la hor bixiyo.
v-ln la aqristo markii lagalaayo musqusha ducada: (Allahayow waxaan kaa magan galeynaa shayaadiinta kuwooda dhadiga iyo kuwooda labka ah) Bukhaari iyo Muslim. Musquluhu waa hoyga shayaadilntu galaan.
v-ln la aqristo markii laga baxaayo musqusha ducadan (Allow ii dhaaf),waxaa soo saaray sunanka markii laga reebo An-Nisaa,i .
Markasta oo uu qofku galaayo musqusha ama kasoo baxaayo sunooyinkan ayuu ku carnal fali , saas ayuuna ku dhaqan galiyey labo suno oo markii musqusha lagalaayo ah – lugta bidix iyo ducada galida musqusha iyo labo kale oo ah markii laga soo baxaayo musqusha lugta midig iyo ducada bixitaanka)..

WAXAA SUNE AH MARKII LA WEYSO QAADANAAYO
>-ln la dhaho bismillaahi.
Mn la dhaqo sadex jeer gacmacaha..
v-lntaan wajiga la meyrin inlaga hormariyo
luqluqasho iyo sandaar. Mn biyaha lagu
sandaarsaday loo firdhiyo xaga bidix, iyadoo laga qaadanaayo xadiiskii nabiga s.c.w.: (Wuxuu meyray gacmihiisa sadex jeer kadibna wuu luqluqday, kadibna wuu sandaarsaday , kadibna biyihii sanka ayuu firdhiyey kadibna wajigiisa ayuu sadax jeer meyray) Bukhaari iyo Muslim.
°-Luqluqashada iyo sandaarsiga oo lagu xeel dheeraado Macnahu waa in si fiican biyaha loo gaarsiiyo, Nabiguna s.c.w. wuxuu yiri :(lnaad soman taahay mooyaane si fiican u luqluqo oo u sandaarso) afarta ayaa soo saartay-waa sunanka-
^-Luqluqashada iyo sandaarsiga oo gacan kaliya lagu guto nabiga s.c.w. ayaa sidaas yeelay sida ku cad Bukhaari iyo Muslim .
v-ln la cadeydo markii la luqluqanaayo, nabiga s.c.w. wuxuu yiri :(Hadaana ka baqeynin inaan umaddeyda dhibo waxaan amri lahaa cadeyga markasta oo ay weyso qaadanaayaan^ Axmed iyo Nisaa.i
Mn garka weyn biyaha la dhex galiyo markii wajiga la dhaqaayo Nabigu s.c.w. markuu weyso qaadanaayo gacmihiisa ayuu garkiisa dhex marin jiray) At-Tarmiidi *Un madaxa la masaxo , habka madaxa loo masaxo waa : Labadiisa gacmood oo biyo leh ayuu foodiisa ka bilaabi markaasuu qadaadka ku geyn,kadibna halkuu kabilaabay ayuu kusoo celin, masaxida waajibka ah waa in madaxa oo dhan la masaxo..nabiguna s.c.w. sidii hore aan usoo sheegnay ayuu u masaxay madaxiisa sida ku
^ *-ln weysada la gaarsiiyo cad bukhaari iyo muslim.. faraha gacmaha iyo kuwa lugaha dhexdoodaa, waana siduu amray nabigeenu s.c.w. sida ay soo saareen afarta sunanka ah.
^-In weysada midigta lugaha iyo gacmaha laga bilaabo, rasuulkii illaahayna s.c.w. wuxuu jeclaa midigeysiga markuu kabaha xiranaayo, iyo markuu is daahirinaayo , waana sida ay soo saareen bukhaari iyo muslim >Y-ln laga badiyo dhaqida hatmar markii la dhaqaayo wajiga iyo labada gacmood iyo labada lugood..
^-In la ashahaato markii weysada la dhameeyo, faa,idada laga helaayana waa qofkii dhaha waxaa loo furayaa sideeda albaab ee janada markaasuu ka galayaa midkuu doono, muslim baa soo saaray.
> t-ln guriga lagu soo weyso qaato , Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: (Qofkii ku daahir qaata gurigiisa kadibna aada masjid kamida masaajidda illaahay si uu usoo guto farad ka mida faraa,isha illaahay ,kaas talaabadiisa midna danbiga ayaa lagaga hoobiyaa midna darajo ayaa loogu siyaadiyaa )muslim baa soo saaray..
> °-ln weysada xubnaha gacanta lagu marmariyo . n-ln biyaha la tashiilo Nabigu s.c.w. wuxuu ku weyso qaadan jiray mud -waa labo sacab oo biyo ah. Eeg Bukhaari iyo Muslim ..’iV-Waa la dhaafin karaa weysada xunbaha afarta ah labada lugood iyo labada gacmood meelaha la sheegay, Abuuhureyra A.H.R.N. markuu dhaqaayo labadiisa gacmood wuxuu gaarsiin jiray weysada dhudhunkiisa,markuu lugaha dhaqayana dhudhumihiisa lugaha, kolkaasuu dhihi jiray sidaas ayaan arkay nabiga s.c.w. oo u weyso qaadanaaya .. Eeg Muslim.
>A-in la tukado labo rakcadood markii la weyso qaato, Nabigu s.c.w. wuxuu yiri :(Qofkii uweyseysta sidaan u weyso qaatay oo kaleeto kadibna tukada labo rakcadood oon naftiisa u sheegin wax mashquuliya danbigiisa waa loo dhaafaa).. bukhaari iyo muslim baa soo saaray . saxiisul-muslim. Xadiiska cuqbah ibnu caamir waxaa ku cad qofkii sidaas u weyso qaata iney jano u waajibtay..
^ ‘Mn weysada lagu xeel dheeraado oo macnaheedu yahay in la gaarsiiyo xubin walba biyaha , qofka muslimka ah waxaa dhacda inuu weyseysto maalin iyo habeen kasta dhowr jeer, qaarkoodna shan jeer, qaarna ka badan gaar ahaan qofkii raba inuu tukado salaada barqinka iyo salaatu leyl , markasta oo uu qofku weyso qaato wuxuu awood u lee yahay inuu ku carnal falo sunadan kadibna wuxuu helayaa ajir aad u weyn ..
FAA,IDADA KAGA HELAAYO KUCAMAL FALKA SUNADAN WAA :Waxey soo hoos galeysaa hadalkii nabiga s.c.w. (Qofkii markuu weyso qaadanaayo weysada hagaajiya danbigiisa ayaa hoobanaya ilaa uu ka baxo cidiyaha hoostooda )waxaa wariyey muslim. Nabigu s.c.w. wuxuu kaloo yiri : (Majiro qof intuu weyso qaato weysada toosinaya, kadibna labo rakcadood tukanaaya isagoo qalbigiisa iyo wajigiisa allaah dartiis u jeediyey.haduu jiro qof noocaasa waxaa u waajibeysa jano ,danbigiisana waa la dhaafayaa ) waxaa soo saaray Muslim.
Imaamu nawawi wuxuu yiri : Wuxuu ku helay martabadan naftiisa ayuu ka ilaalin jiray wiswiska sheydaanka iyo inuu sunadan udiido .aadbuuna u xifdin jiray si uusan marnaba uga mashquulin, qalbigiisa oo u kali noqday sunadan ayuu uga badbaaday sheydaanka.

CADEYGA.
Dhowr waqti oo uu cadeydo muslimku habeenkii iyo maalintii ayaa jira
Nabigu s.c.w wuxuu yiri:(Hadii aanan dhibeynin umadeyda waxaan amri lahaa cadeyga salaad kasta markey tukanaayaan) Bukhaari iyo Muslim ayaa soo saaray..markii la isu geeyo intuu muslimku cadeydo ^*ka saac kama yaraaneyso jeer ,shanta salaadood wuu u cadayan, sunooyinka raatibada ah salaada barqinkii la tukado, witirka iyo markuu gurigiisa galaayo sida ay Caa,siho A.H.R.N. ku cadeysay saxiixul muslim, Akhii si aad sunada u asiibto cadayo markasta ood galeyso gurigaaga iyo markaad Quraanka aqrineyso iyo hadii afku is badalo iyo markaad hurdada ka soo kacdo iyo markaad weyso qaadaneysid .. Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: (Cadeygu wuxuu nadiifiyaa afka, rabina wuu raali galiyaa) waxaa soo saaray Imaamu Axmed..

FAAJDADA LAGA HELAAYO KUDHAQANKA SUNADAN..
A- Rabi ayaa adoonkiisa raali ka ahaanaya ..
B-Afka ayuu nadiifiyaa .
Waxaa baritaan lagu gaaray dhinaca cilmaga caafimaadka inuu cadeygu ka sameysan yahay waxyaabo badan oo faa,ido u leh ilkaha iyo ciridka waxaana kamida ..
> – Maadooyin ka hortagaaya jeermiska . v- Maadooyin afka nadiifinaaya .
”“-Maadooyin ilkaha sifeynaaya .
i- Maadooyin afka carfiya.

SUNADA KABA GASHIGA..
Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: (Haduu midkiin kabo gashanaayo midigta haka bilaabo, haduu iska siibaayana bidixda haka bilaabo, labada kabood hawada xirto ama kabo la,aan ha ahaado) waxaa soo saaray muslim. Sunadan waxey muslimka ku soo noqnoqotaa dhowr jeer habeenkii iyo maalintii waayo wuxuu kabaha xirtaa ama siibaa markuu masaajidka aadaayo ama ka soo noqdo, markuu musqusha galaayo ama ka soo baxaayo markuu shaqadiisa aadaayo, sunadan aad ayey usoo noqnoqotaa sidaas owgeed hadii la niyoodo ajir weyn ayaa laga helayaa qofkuna wuxuu ahaanayaa qof ku dhex nool sunada markuu soconaayo iyo markuusan soconin ..
SUNOOYIN KU TACALUQA LABISKA .
Waxaa iyadana aad usoo laablaabta habeenkii iyo maalintii in la xirto dharka ama la iska siibo, gaar ahaan markii la qubeysanaayo ama la seexanaayo i.w.m. hadaba waxaa lagama maarmaana inaad ogaatid sunooyinkan..
^ -Waxaad dhehdaa markaad dharka xiraneysid ama iska siibeysid bismillaah .
Imaamu nawawi wuxuu yiri : Bismilaahi markasta in la dhaho waa lama huraan.
*- Nabigu s.c.w. haduu labisto khamiis ama go, ama cimaamad wuxuu dhihi jiray : (Allahayow waxaan ku weydiisanayaa kheyrkiisa iyo kheyrka loo sameeyey waxaana kaa magangalayaa sharkiisa iyo sharka loo sameeyey) waxaa wariyey abuu daa,uud iyo tarmidi iyo axmed ,waxaana saxiixiyey ibnuxibaan iyo xaakim, xaakimna wuxuu yiri : shardiga muslim dahabina wuu waafaqay.
v’-ln midigta laga bilaabo labiska , Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: ( Hadaad labisataan midigta ka bilaaba ) waxaa wariyey tarmidi iyo abuuda,uud iyo ibnu maaja, waana saxiix..
$-ln bidixda laga bilaabo markii la siibaayo kadibna midgta ..
SUNOOYINKA MARKII GURIGA LAGA BAXAAYO IYO MARKII LASOO GALAAYO.
Imaamu nawawi wuxuu yiri: Waxaa fiican in !a dhaho bismillaah oo la badiyo wardiga, waana in dadka la salaamo.
^ -Markii guriga la soo galaayo waxaa suno ah in la xuso illaahay nabiguna s.c.w. wuxuu yiri : (Haduu midkiin Allaah xuso markuu gurigiisa galaayo iyo markuu cuntadiisa cunaayo, sheydaanku wuxuu dhahaa caawa jiif iyo casho idiinma taalo ) ^-Ducada markii guriga la galaayo xadiiskii Nabiga s.c.w.: (Allahayow waxaan ku weydiisanaayaa kheyrka guri galida iyo kheyrka guri ka bixida , bismi llaah ayaan ku galeynaa bismi llaahi ayaan ku baxeynaa, Allaah ayaana talo saaraneynaa, kadibna wuxuu salaamayaa reerkiisa ) waxaa wariyey abuu daa,uud .
Qofku markuu gurigiisa ka baxaayo ama uu galaayo wuxuu dareemayaa inuu Allaah talo saartay, taasina waxey xoojin xiriirka ka dhexeeya isaga iyo Allaah
^-Cadeyga : Nabigu s.c.w. markuu gurigiisa galaayo wuxuu bilaabi jiray cadey ) muslim. *-As-salaam Allaah sareeye wuxuu yiri:
Hadaan ka soo qaadno inuu qofku gurigiisa soo galay shanta salaadood ee faradka ah markuu masaajidka ku soo tuk^dey kadaib, wuxuu dhabaqay ^ • suno Qofku haduu dhaho markuu guriga ka baxaayo : (Bismi llaahi allahayow adigaan ku talo saartay , xeelad iyo quwad ma lihi , waxaa loo dhahaa waa lagu kaafiyey, waa lagu ilaaliyey, waa lagu hanuuniyey, sheydaankuna wuu ka dheeraadaa) waxaa wariyey At-Tarmidi iyo Abuu Daa,uud ..
Qofka muslimka ah gurigiisa siyaalo badan ayuu uga baxaa , markuu dantiisa u baxaba haduu sunadan dabaqo wuxuu helayaa ajir badan ..

FAA,IDADA LAGA HELAAYO KUDHAQANKA SUNADA KA BIXIDA GURIGA ..
^ -Qofka waxaa laga kaafin wax kastoo murug galinaaya aduunkiisa iyo aakhiradiisa .
Qofka waxaa laga ilaalin wax kasta oo shar ah ama la kohdo jinni iyo insi midkuu rabo ha ahaado. v’-Qofka waxaa la siinayaa hanuun.

SUNOOYINKA MARKII MASAAJIDKA LA AADAAYO..
>-n masaajidka lagu jarmaado ama la hormaro si jamaacacada muslimiinta loola tukado..nabigu s.c.w. wuxuu yiri: (Hadey dadku og yihiin kheyrka ku jira in loo dagdago aadaanka iyo safka hore , xataa hadaan lagu heleynin in loo qori tuurto ma.ahane dadku wey u qori tuuran lahaayeen, sidoo kale dadku hadey oh yihiin faa,idada ku jirta in la jarmaado wey jarmaadi lahaayeen, sidoo kale hadey dad og yihiin faa,idada ku jirta salaada cishaha iyo subaxda wey imaan lahaayeen xataa gurguurad) waxaa soo saaray Bukhaari iyo Muslim ..
x-in la aqristo ducada markii masaajidka la aadaayo. (Allahayow qalbigeyga iyo carabkeyga nuuri, Allahayow maqalkeyga iyo arageyga iyo gadaasheyda iyo horteyda iyo dusheyda iyo hoosteyda ka yeel nuur, Allahayow isii nuur) waxaa wariyey Muslim.
”“-In masaajidka tartiib loo socdo oon la dagdagin.. Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: (Hadaad maqashaan
aqimaada aada salaada, ahaadana kuwo tartiibsada oo xasiloon ) waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim . Mn masaajidka lug lagu tago .. waa arin fiican sida ay cadeeyeen fuqahadu, waxaa haboon in talaabada la isu dhadhaweeyo oon la dagdagin si xasanaad badan loo helo.waxeyna udaliishadeen nusuusta cadeyneysa fadliga ku soo arooray in la badiyo talaabada loo qaadaayo masaajidka , Nabigaa s.c.w. wuxuu yiri: (Ma idin tusiyaa waxa dunuubta lagu daadiyo darajadana kor loogu qaado ? haa rasuulkii Allow waa masaajidka oo in badan loo socdo ) waxaa wariyey Muslim ..
°-ln la aqristo ducada markii masaajidka la galaayo : (Allahayow ii fur albaabada naxariistaada) Xadiis kalena wuxuu lee yahay haduu midkiin damco inuu masajidka galo nabiga ha ku saliyo kadibna ha dhaho : Allahayow ii fur albaabada naxariistaada) waxaa wariyey nisaa.I iyo ibnu maaja iyo ibnu khuseyma iyo ibnu xibaan ..
“Mn la hor galiyo lugta midig markii masjidka la galaayo, anas ibnu maalik A.H.R.N. wuxuu yiri: (Waxaa sunada ka mida inaad lugtaada midig hor galisid masjidka,markaad baxeysana lugtaada bidix hor bixisid )waxaa soo saaray xaakim wuxuuna yiri: waa saxiix shardiga muslim dahabina wuu ku waafaqay ..
v- In loo dheereeyo salaada safka hore ..
A-ln la duceysto markii masaajidka laga baxaayo : (Allahayow waxaan ku weydiisan fadligaada )waxaa wariyey muslim .. imaamu nisaa,l ayaa wuxuu ku siyaadiyey ducadan in nabiga lagu saliyo..
‘’-In la tukado markii masjidka lagalo labo rakcadood – taxiyatul masjid – intaan la fariisan ka hor sida ku cad Bukhaari iyo Muslim ..
Imaamu shaafici wuxuu yiri : Taxiyatul masjidka waa la tukan karaa xataa waqtiyada reeban, xaafid ibnu xajarna wuxuu yiri : waxaa si dhan loo go,aamiyey iney taxiyatul masjidku sune tahay ..
markii la isku dardaro sunooyinka ku tacaluqa aadida masaajidka shanta salaadood iyo galida masjidka , kasoo bixidiisa , ducooyinka la aqristo markasta , taxiyatul masjidka waxey gaarayaan ° * suno ..

SUNOOYINKA AADAANKA ..
Ibnu qayim wuxuu sheegay iney yihiin shan suno.. >-ln la dhaho siduu lee yahay mu.adinku marka laga reebo xaya cala salaat ,xaya calal falaax labadan waxaa la dhihi: Laa xowla walaa quwati ilaa billaah) waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim..
FAA,IDADA LAGA HELAAYO KU CAMAL FALKA SUNADAN ..
^-Janada ayaa lagu gali sida ku cad Saxiixul- Muslim..
^-In la dhaho : Aniguna waxaan makhraati ka ahay inuusan jirin Allaah xaq lu caabudo oon aheyn allaha waaxidka ah, Muxamedna s.c.w. yahay rasuulkii illaahay . waxaan raali ka,ahay inuu allaah yahay rabi islaamkuna yahay diinta xaqa ah ,muxamedna
s.c.w. yahay rasuulkii illaahay )waxaa wariyey muslim ..ku carnal falka sunadan waxaa laga heli danbi dhaaf sida ku cad xadiiskan ..
f-ln Nabiga s.c.w. lagu saliyo markii aadaanku dhamaado , sida u fiican ee loogu saliyo nabiga s.c.w. waa in layiraahdo saliga ibraahiimiya : (Allahuma Sali calaa muxamed wacalaa aali muxamed kamaa saleyta calaa ibraahiin wacalaa aali ibraahiim inaka xamiidu majiid , allaahuma baarik calaa muxamed wa calaa aali muxamed kamaa baarakta calaa ibraahiim wacalaa aali ibraahiim inaka xamiidu majiid ) waxaa wariyey Bukhaari..
*-Waa in la dhaho saliga nabiga ka dib ducadan : (Allaahuma rabi haadihi dacwati taamah Wasalaatil- Qaa.imah aati muxamedan alwasiilata walfadiilata wabcas-hu maqaaman maxmuudan aladii wacadtahu) waxaa wariyey bukhaari.
Faa,idada laga helaayo ku carnal falka ducadan : Qofkii dhaha shafaacada nabiga s.c.w. ayuu helayaa °-lntaa kadib wuxuu doono ayuu ku duceysan karaa sunooyinka ku tacaluqa maqalka aadaanka iyo ajiibidiisa waxaa lagu qiyaasaa t«suno ..

SUNOOYINKA AQIMAADA..
Gudiga daaimka ah ee cilmi baarista iyo fatwada sacuudiga waxey cadeeyeen iney aqimaada shanta salaadood lee dahay * * suno marka la isu geegeeyo.
FAA.IDO :Sida sunada ah waa inuu qofka maqlaaya aqimka dhaho sida qofka aqimaaya marka laga reebo xaya calas-salaat iyo xaya calal-falaax .. qadqaamati salaat sideeda ayuu udhihi ,dhihi maayo aqaamahaa -llaah wa adaamahaa ,waayo xadiiska ku soo arooray waa daciif (Gudiga daaimka ah ee cilmi baarista iyo fatwada sacuudiga)
SALAADA OO LA DHIGTO SUTRO ..
Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: (Haduu midkiin tukanaayo ha dhigto hortiisa sutro hana u dhawaado, yuusana u ogolaanin in axad dhex maro isaga iyo surtadiisa) waxaa wariyey Abuu daa,uud iyo Ibnu maajah iyo Ibnu khuseyma .
Xadiiskan wuxuu cadeynayaa iney sutradu tahay sune masaajid ha ahaado guri ahaaado , raga iyo haween waa is ku mid , muslimiinta qaar kamida wey ka qadeen sunadan, sidaas darteed waxaad arkeysaa iney tukanayaan iyagoo aysan hortooda oolin sutro.. sunadan aad ayey usoo noqnoqotaa habeenkii iyo maalintii, salaadaha raatibada,salaada barqinka, taxiyatul masjidka ,salaada witirka, haweenkana sidaasoo kale ayey usoo laablaabataa markey gurigooda ku tukanayaan , laakiin salaada jamaacada imaamka ayaa sutro u ah dadka ku dabatukanaaya ..

MAS,ALOOYIN KU TACALUQA SUTRADA..
^-Sutradu waxey ku asaxi wax kastoo qofka tukanaaya hortiisa dhigto sida usha ama yaal sida darbiga tiirka ,wax loo shardiyo majiro xaga balarka ..
*-Waxaa haboon iney sutradu dhanaato taako iyo waxoogaa.
v-Waxaa haboon qofka tukanaaya iyo sutradu iney kala fogaadan sadex dhudhun in la eg meeluu ku sujuudo.
s-Sutrada waxaa loo baneeyey imaamka iyo qofkii kaligii tukanaaya ..
0- Sutrada imaamka ayaa surto u ah dadka ku daba tukanaaya ,sidaas owgeed wey banaan tahay in la dhex maro safafka hadii loo baahdo .

FAA.IDADA LAGA HELAAYO KU CAMAL FALKA SUNADAN ..
A-Salaada ayaa waxey ka badbaadin iney naaqusto, hadii waxa hor maraya ay yihiin naag iyo dameer iyo eey madow..
B-Salaada waxey ka badbaadin inuu qofku eeg eego meelo aan loo baahneyn , qofku wuxuu ku gaabsanayaa aragiisa sutrada sokodeeda.taasina waxey qeyb ka qaadan inuu salaadiisa ku khushuuco.
C-dadka ayaa fursad u helaaya iney maraan sutrada gadaasheeda ..

SUNOOYINKA LA SAMEEYO HABEENKII IYO MAALINTII..
^-Sunooyinka raatibada ah Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: (Ma jiro qof muslim ah oo allaah dartiis u tukanaaya maalin kasta > y rakco oo sune ah – haduu jiro kaas – allaah wuxuu janada uga dhisaa giri..) waxaa wariyey Muslim .
Sunooyinkan waa sidan : * rakcadood oo duhurka ka horeysa iyo labo ka danbeysa ,labo rakcadood oo maqribka ka danbeysa iyo labo cishaha ka danbeysa iyo labo fajarka ka horeysa ..
AKHII miyaadan jaceyl uqabin in guri janada lagaaga dhiso ?..ilaali naseexadan ka soo fushay nabiga s.c.w. tuko ^rakcadood oo sune ah .. ^-Salaatu-Duxaa waa salaada barqinkii la tukado waxey udhigantaa sidii adigoo bixiyey sadaqo, xubnaha banii damku wxey ka kooban yihiin vi* xubnood ,xubnahaas mid kasta waxey ubaahan tahay maalin kasta in laga sadaqeeyo shukhri lagu mahdinaayo nicmadan ,intaasoo dhan waxaa gudi kara labo rakcadood oo barqinkii la tukado ..
FAAJDADA KU CAMAL FALKA SUNADAN :
Saxiixul-muslim abiidar wuxuu nabiga ka wariyey inuu yiri : (Xubin kasta oo waagu ubaryo waxaa dusheeda ahaaday sadaqo, subxaana llaah kasta waa sadaqo, wanaag kasta oo la is amro waa sadaqo , xumaan kasta oo la iska reebo waa sadaqo , waxaasoo dhan waxaa badal ka noqon kara labo rakcadood oo barqinkii la tukado.)
Abii hureyra waxaa ka sugnaaday inuu yiri :
Nabiga s.c.w. oo ah kaan jeclaa ayaa ii dardaarmay inaan soomo sadex maalmood iyo inaan tukado labada racadood ee barqinkii iyo inaan tukado witirka intaana seexan ka hor) waxaa soo saaray Bukhaari iyo Muslim.
Waqtiga Salaatul-Duxaa wuxuu bilaabanayaa aroortii markey qoraxdu soo baxdo rubac saac kadib, wuxuuna dhamaanayaa salaada duhur rubac saac ka hor, waqtiga ugu haboon ee la tikado waa markey qoraxdu aad u kululaato, waxaana u yar inta la tukado labo rakcadood sideed rakcadood ayaana ubadan ,qaarna waxey dhaheen wax go,an ma lehan..
^-Sunada casarka: Nabigu s.c.w. wuxuu yiri:
(Allaah ha u naxariisto qofkii tukada afar rakcadood salaada casar ka hor) waxaa wariyey Abuu da,uud iyo Tarmidi..
f-Sunada maqribka : Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: (Tukada maqribka ka hor tukada maqribka ka hor, markii sadexaad wuxuu yiri: Qofkii doona) waxaa wariyey Bukhaari.
*-Sunada cishaha : Nabigu s.c.w. wuxuu yiri : (Aadaan kasta iyo aqimaad kasta waxaa u dhaxeeya salaad , aadaan kasta iyo aqimaad kasta waxaa u dhaxeeya salaad markii sadexaad wuxuu yiri:(Qofkii doona) waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim .
Imaamu nawawi wuxuu yiri: Macnaha xadiiska labada aadaan waxaa laga wadaa aadaanka iyo iqimaada..

SUNOOYINKA SALAATUL-LEYLKA ..
Rasuulku s.c.w. wuxuu yiri: (Soom la soomo ramadaan ka dib waxaa u fiican soomka bisha muxaram, salaad latukado faradka kadib waxaa u
fiican salaada habeenkii) waxaa wariyey Saxiixul- Muslim .
>-Tirada u fiican ee habeenkii la tukado waa ^ ^ rakcadood ama > ?rakcadood waxaana daliil u ah xadiiskii nabiga s.c.w. salaadiisu habeenkii waxey aheyd > > rakcadood) Bukhaari ,riwaayad kale oo Bukhaari soo saaray waxey tiri: Habeenkii wuxuu tukan jiray >^rakcadood.
v-Waxaa sune ah markuu habeenkii salaada u kacaayo inuu cadeydo waxaana fiican in la aqriyo aayadaha udanbeeya suurada Aali-Cimraan ilaa dhamaadka suuradda..
£iJ$ i ijiajjii yk £))
^ J ( LAJV
f-Waxaa sune ah inuu ku duceysto ducadii nabiga s.c.w. ka sugnaatay: Allahayow adigaa mahad iska leh, adigaa ah kan leh samooyinka iyo dhulalka iyo waxa ku dhex jira, Allahayow adigaa mahad iska leh adigaa ah nuurka samooyinka iyo dhulalka iyo waxa ku dhex jira, Allahayow adigaa mahad iska leh, adigaa mulki u leh samooyinka iyo arlooyinka, adigaa mahad iska leh Allahayow adigaa xaq ah, balantaaduna waa xaq, la kulankaaduna waa xaq, hadalkaaduna waa xaq, janadaaduna waa xaq,naartuna waa xaq.nabiyaduna waa xaq, muxamedna s.c.w. waa xaq,saacaduna waa xaq, Allahayow adigaan isu kaa dhiibay ,adigaan ku rumeeyey,adigaan ku talosaartay, adigaan kuusoo
laabtay, adigaan kugu dooday, adigaan kugu xukuntamay,iidhaaf wixii aan horey u faly iyo waxaan dib ka falay iyo waxaan sireystay.iyo waxaan si cad u falay, adigaa hormareeye ah wax kaadanbeeyana aysan jirin illaah xaqlagu caabudo oon adiga aheyn majiro) waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim lafdigana Bukhaari baa leh..
*-Waxaa kale oo sunooyinka kamida : In salaada habeenkii labo rakcadood oo khafiifa lagu bilaabo si inta danbe ufududaato , Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: (Haduu midkiin ukaco inuu tkado salaatul-leylka haku bilowdo marka hore labo rakcadood oo khafiifa ) waxaa wariyey Muslim ..
°-Waxaa kale oo sune ah in salaatu-leylka lagu bilowdo ducadan ka sugnaatay nabiga s.c.w. : (Rabiga jibriil iyo miikaa,iil ,iyo israafiil, allaha abuuray samooyinka iyo dhulka allaha og sheyga maqan iyo kan loo jeedo ,adigaa xukminaaya adoomahaaga waxey isku khilaafaan, igu hanuuni wixii la isku khilaafo oo xaqa idimkaaga dartiis, adigaa qafkaad doontid ku hanuuniya jidka toosan) waxaa wariyey Muslim ..
T-Waxaa sune ah in salaada habeenkii la dheereeyo.. Rasuulka s.c.w. ayaa la weydiiyey salaada u fadli badan : markaasuu yiri: Mida u dheer waxaa wariyey Saxiixul Muslim ..
v-Waxaa sune ah in allaah la magan galo markii la gaaro aayad cadaabka ka hadleysa waxaana la dhihi : Acuudu billaahi min cadaabi llaahi , sidoo kale markii lagaaro aayad raxmada ku saabsan waxaa la dhihi : Allahayow waxaan ku weydiisaneynaa fadligaada , sidoo kale waa la tasbiixsan markii la maraayo aayad allaah hufeysa , arimahan waa ficilkii nabiga s.c.w. sida ku cad Saxiixul-Muslim .

ASBAABTA LOO KAALMEYSTO QIYAAMU-LEYLKA..
>-Duco. ‘Mn laga fogaado soojeedka badan. f-ln maalintii wax laga seexdo. *-ln macsida laga dheeraado. °-ln nafta kheyrka lagu dirqiyo.
WITIRKU WUXUU LEE YAHAY SUNOOYIN ..
^-Qofkii sadex rakco kutukada witir waxaa fiican inuu aqriyo rakcada koobaad faatixada kadib Sabixisma Rabikal-Aclaa rakcada labaadna Qul- Acuudu birabil falaq,rakcada sadexaadna Qulhuwallaahu axad ,sidan waxaa wariyey Abuudaa,uud iyo Tarmidi iyo ibnu Maajah ..
Inuu yiraahdo markuu witirka dhameeyo subxaana malikil-quduus sadex jeer ,marka sadexaad wuxuu daaraqudni ku siyaadiyey in kor loo qaado oo la dhaho rabil malaa,ikati war-ruux , waxaa sax yiri Daaraqudni & Abuudaa,uud iyo Nisaa.ina wey wariyeen..

SUNADA FAJARKA..
Sunadani waxey lee dahay sunooyin khaas ku ah..
>-Waxaa sune ah in la fududeeyo ,caaisha A.H.R.N. waxey tiri : ( Rasuulkii illaahay s.c.w. wuxuu tukan jiray labo rakcadood oo khafiifa inta u dhaxeysa aadaanka fajarka iyo aqimaada) Bukhaari iyo Muslim
i- Waxaa la aqrinayaa rakcada hore aayada ku jirta Suuratul-Baqrah -.(Quuluu aamanaa billaaahi wamaa unsila ileynaa) rakcada labaadna aayada ku jirta Aali-Cimraan : (Aamanaa billaahi wash-had bi anaa muslimuun) waxaa iyada la akhrin karaa aayada t * ee suurada Aali-Cimraan: (Qul yaa ahlal kitaabi tacaalow ilaa kalimatin sawaain beynanaa wa beynakum) waxaa wariyey saxiixul Muslim..
Riwaayad kale oo uu muslim wariyey ayaa waxey cadeysay :inuu nabigu s.c.w. aqrin jiray labada rakcadood ee fajarka: (Qulyaa ayuhal kaafiruun iyo Qulhuwa-Llaahu axad )
f-Markii labada rakcadood ee fajarka la tukado waxaa sune ah in dhinaca midig loo seexdo walow daqiiqado yarba ha ahaatee.. waa sida ku cad Bukhaari..

SALAADA FAJARKA KA DIB OO LA FARIISTO..
Nabiga s.c.w. markuu tukado salaada fajarka wuu fadhin jiray ilaa ay qoraxdu si fiican uga soo baxdo) waxaa wariyey saxiixul-muslim- imaamu nawawi wuxuu yiri: (Xasnaa waxaa laga wadaa markey qoraxdu si fiican u soo baxdo )
Maxey tahay nicmada ka weyn in.. Allaah sareeye uu ku ‘kalifay malaa,ig uduceysa dadka fadhiya masaajidda salaada kahor iyo salaada ka dib malaaigtaasi waxey dhaheysaa : (Allahyow udhaaf
Allahayow unaxariiso) akhii eeg markaad allaah adeecdo sida laguu qadarinaayo Allaah wuxuu kuu sahlay malaa,ig kuu duceyneysa ..

SUNOOYINKA SALAADA EE ODHAAHDA AH..
> -Ducada salaada lagu furfurto: (Subxaanaka- Llaahuma abixamdika watabaaraka ismuka watacaalaa jaduka walaa ilaaha qeyruka) waxaa wariyey afarta..
Waxaad kaloo aqrisan kartaa ducadan kale : (Allaahuma baacid beynii wabeyna khadhaayaaya kamaa baacadta beynal mashriq wal maqrib , Allaahuma naqinii min khadhaayaaya kamaa tunaqaa soobal-abyad mina danas,Allaahuma aqsilnii min khadaayaaya bitalji wal-maai wal- bardi)waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim, ducooyinkan midaad doonto ayaad aqrin kartaa markaad salaada xirato ..
f-ln sheydaanka la iska naaro intaan quraanka la bilaabin, Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim..
Mn la dhaho bismillaahi AR-Raxmaani Ar-Raxiimi. °-ln la dhaho aamiin markey faataxadu dhamaato iyo In la aqriyo quraan faatixada ka dib salaadaha fajarka jimcaha , maqribka salaadaha afarta rakcadood ah , qofka kaligii tukanaaya , laakiin qofka hadii la tujinaayo hadey salaadu tahay kuwa kor loo qaado aqrin maayo hadey tahay salaadaha hoos loo dhigana wuu aqrinayaa .
”-Waxaa sune ah markii rukuucda laga soo kaco in la dhaho:(Rabanaa walakal-xamdu mil,u samaawaati wamil,ul ardi wamaa beynahumaa, wamil.u maashi.ta min shey.in bacdu, ahlu sanaa,I wal majdi axaqu maaqaalal cabdu ,wakulunaa laka cabdu allaahuma laa maanica limaa acdeyta walaa mucdiya limaa manacta, walaa yanfacu daljadi minkal-jadi) waxaa wariyey muslim..
v-Waxaa sune ah in la dhaho tasbiixda sukuucda iyo sujuuda mar ka badan . A-Labada sujuudood inta u dhaxeysa waxaa la dhihi: Rabi Iqfir-Lii wixii mar kabadan. *Mn lagu duceysto attaxiyaatka danbe : (Allaahuma inii acuudu bika min cadaabi jahanama wa min Cadaabil-Qabri wamin fitnatil-maxyaa walmamaat, wa min fitnatil-masiixi Ad-Dijaal) waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim ..
Waxaa fiican qofka sujuudsan inuusan ku ekeysanin tasbiix kaliya ee uu badiyo ducada , nabiga s.c.w. wuxuu yiri : (Adoonka wuxuu rabigiis ugu dhow yahay markuu sujuudsan yahay ee badiya ducada ) waxaa wariyey muslim . Waxaa kaloo jira ducooyin kale, qofkii raba dib ha u eego kitaabka xisnu muslim ee uu qoray Al- QaxdaanL
Sunooyinkan waxaa la dhihi rakcada dhexdeeda markii laga reebo ducada salaada lagu bilaabo iyo ducada ka danbeysa atixiyaadka ..

SUNOOYINKA SALAADA EE FICILKA U BAAHAN.
Mn gacmaha kor loo qaado markii la xiranaayo salaada.
In gacmaha kor loo qaado markii la rukuucaayo .. f-ln gacmaha kor loo qaado markii rukuucda lagasoo kacaayo .
t-ln gacmaha kor loo qaado markii laga istaagaayo dhamaadka rakcada labaad salaadaha labada atixiyaadka leh ..
o_i_v-Gacmaha markaad kor uqaadeysid faraha isku dhaji ,00 utaag xaga qiblada iyadoo calaacashu furan tahay , waxaana fiican in lala simo garbaha ama dacalka dhagaha..
A- in gacanta midig la saaro gacanta bidix ama lagu qabto gacanta midig dhudhunka bidixda..
t-ln la fiiriyo barta lagu sujuudo..
^ * -In labada lugood la kala qaado waxoogaa ..
In markii quraanka la aqrinaayo si fiican loo dhuuxo macnihiisa ..

SUNOOYINKA RUKUUCDA..
Mnuu ku jilbihiisa ku qabto labadiisa gacmood oo faraha lakala durkiyey ..
Mnuu ka fogeeyo labiida dhinac cududadiisa ..
SUNOOYINKA SUJUUDA..
UY-V- Markii la sujuudaayo waa in laga dheereeyo labada cudud labadadhinac, calooshana bowdyaha , bowdyahana dhudhumaha laga fogeeyo.. Makuu sujuudaayo waa inuu labada low kala dheereeyo.
o-*uv- Waa in faraha labada lugood dhulka lagu suro la isna dhajiyo inta sujuuda lagu jiro..
A-Labada gacmood waxaa la dhigi lasimanka garbaha ama dhagaha.
.-U- Gacmuhu waa iney fidsanaadaan farahuna is heystaan, qibladana u jeedaan’..

SUNOOYINKA U DHAXEEYA LABADA SUJUUDOOD..
Fadhiga u dhaxeeya labada sujuudood wuxuu lee yahay labo qaab .
^-Al-lqcaa : Waa inuu qofku taago faraha labada lugood, kadibna ku fadhiiso labadiisa cidhbood..
X- Al-lftiraash : Waa in lugta midig la taago ,lugta bidixna lagu fariisto waana sida attixiyadka hore , Nabigu s..c.w. aadbuu u dheereyn jiray fadhigan ilaa la moodo inuu hilmaamay ..
Jalsatul istiraaxa : Waa fadhi yar oo ka danbeeya sujuuda labaad markii la tukado rakcada koobaad iyo rakcada sadexaad ..

SUNOOYINKA TASHAHUDKA..
At-Taxiyaadka- Labaad
Tashahudka labaad : Wuxuu lee yahay sadex qaab . A-ln lugta midig la taago ,lugta bidixna laga hoos mariyo dhudhunka midigta kadibna dabada la dhigo dhulka ..
B-Sidii hore ayaa la yeeli laakiin la taagi maayo lugta midig , ee waxaa laga soo horjeedin lugta bidixda .. C-Lugta midigta ayaa la taagi , lugta bidixdana waxaa lakala dhex galin bowdyada lugta midig iyo dhudhunkeeda..

GACMAHA XAGEE LA SAARI?
> -Gacmaha waxaa la saari labada bowdyood korkooda midigta midig baa la saari, bidixdana bidixdaa la saari iyagoo ay faruhu fidsan yihiin iskuna dhagan yihiin.-Far murugsatada ayaa la taagi ilaa at-tixiyaadku ka dhamaado (suulkana farta dhexe ayaa lagu qaban sidii iyadoo la goobaabiyey oo kale waxaana la fiirin farta taagan )
f-ln loo jeesto markii la salaamo naqsanaayo dhinaca midigta kadibna dhinaca bidixda .. waxaa jira (>’0)suno oo ficil ah oo soo noqnoqota rakcad walba ,marka hadii la isku daro dhamaan salaada faradka ah waxey noqon )suno
Salaada sunada ahna waa rakcadood, sidaan horey usoo sheegnay habeenkii iyo maalintii , sunooyinka ku dhex jirana waxey dhan yihiin suno, hadii si fiican loo dhaqan galiyo rakcad kasta .
Haduu qofku sii siyaadiyo rakcooyinka uu tukanaayo waxaa sii siyaadaya sunooyinkan..
Waxaa jira sunooyin ficli ah oon iyagu hal mar kabadan soo laablaabaneynin ama iabo jeer..
> -Markii salaada la xiranaayo gacmaha ayaa kor loo qaadi. ^-Rakcada sadexaad markii loo kacaayo gacmaha ayaa kor loo qaadaa labadaas jeer ma soo laalaabtaan..
v’-Farta ayaa la ishaari ilaa uu At-Tixiyaadku ka dhamaado, atixiyaadka hore iyo kan danbe waa isku mid ..
i- Markii la salaamo naqsanaayo labada dhinac midigta iyo bidixda ayaa loo jeedsan.
®-‘i- Jalsatu istiraaxa iyo tawaruku horey ayaan usoo cadeynay .
Faa,ido :lbnu qayim wuuxu yiri : Adoonku labo jeer ayuu illaahay hor istaagi ,mid waa markuu salaada tukanaayo mida kalena waa maalinta uu illaahay la kulmi doono, qofkii guta mida hore si fiican u ilaaliya -salaada- mida labaad illaahay baa u dhib yareyn, qofkii mida koobaad -salaada – ku gabood fala illaahay ayaa tan danbe ku adkeeya ..

SUNOOYINKA SALAADAHA FARADKA KA DANBEEYA..
>-Sadex jeer ayaa la dhihi istaaqfurullaahi kadibna : Allahuma anta salaam wa minka salaam tabaarakta yaa dal jalaali wal ikraam)waxaa wariyey Muslim.
^-Laa illaaha ila llaahu waxdahu laa shariika lah , lahul-mulki walahul-xamdi wahuwa calaa kuli shey,in qadiir allaahuma laa maanica limaa acdayta walaa mucdiya limaa manacta, walaa yanfacu dal jadi minkal-jadu) waxaa wariyey bikhaari iyo muslim..
”-Laa illaaha ilallaahu waxdahu laa shariika lah. Lahul-mulku walahul-xamdu wahuwa calaa kuli shey.in qadiir, laa xowla walaa quwati ilaa billaahi ,laa illaaha ila llaahu alaa nacbudu ilaa iyaahu lahu- nicmatu walahul-fadlu walahu as-sanaaul-xasan walaa illaaha ilallaahu mukhlisiina lahu-diini wallow karihal kaafiruun) waxaa wariyey Muslim..
£-Waxaad dhaheysaa subxaana llaah walxamduli llaah wallaahu akbar midkasta vrjeer, kadibna dheh mida boqiaad Laa illaaha ilallaahu waxdahu laa shariika lah. Lahul-mulku walahul-xamdu wahuwa calaa kuli shey.in qadiir) waxaa wariyey Muslim ..
°-Allaahuma acinii calaa dikrika wa shukrika wa xusni cibaadatika ) waxaa wariyey Abuudaa.uud iyo NisaaJ .
^-Allahuma inii acuudu bika minal-jubni, wa acuudu bika an aruda ilaa ardalil-cumri ,wa acuudu bika min fitnati dunyaa, wa acuudu bika min cadaabil-qabri) waxaa wariyey Bukhaari..
v-Rabi qinii cadaabaka yowma tubcas cibaadaka, ducadan waxaa laga wariyey barraa A.H.R., Baraa wuxuu yiri: markaan ku tukano nabiga s.c.w. gadaashiisa waxaan aad u jeclaan jiray inaan ahaano dhinaciisa midigtiisa si uu noo soo aadiyo wajigiisa waxaana maqlay isagoo dhahaaya ducadii aan soo sheegnay..
A-Waxaa sune ah in la aqriyo Qulhuwa-Llaahu axad iyo Qul acuudu Birabil-Falaq iyo Qul acuudu Birabi- Naas ) waxaa wariyey Abuudaa,uud iyo Tarmidi iyo Nisaa.I..
Salaada fajarka iyo salaada maqribka kadib suuradahan sadex sadex jeer ayaa la aqrinayaa ..
^-Waxaa sune ah in la aqriyo Aayatul-Kursi..
^ *-Dheh salaada subax iyo salaada maqrib kadib
> *jeer : Laa illaaha ilallaahu waxdahu laa shariika lah. Lahul-Mulku walahul-xamdu yuxyii wayumiitu wahuwa calaa kuli shey,in qadiir) waxaa wariyey Tirmidi..
> > -Waa inuu ku tasbiixsado gacantiisa , waxaa jirta riwaayad dhaheysa gacanta midig , dad baa waxka sheegay laakiin riwaayado kale ayaa xoojinaaya ..
> Waa in wardigan la guto inta la fadhiyo meesha lagu tukaday..
Qofka muslimka ah haduu ku dadaalo wardigan salaad walba markuu tukado wuxuu dhaqan galin karaa sunooyin ku dhow 00 suno, salaada subax iyo maqribku wey ka siyaadayaan intan..

FAA,IDADA LAGA HELAAYO KU DHAQANKA SUNOOYINKAN ..
A-Qofka muslimka ah ee ku dadaala tasbiixdan salaad walba gadaasheeda wuxuu la mid yahay qof sadaqeystay 0 * • 00 sadaqo, hadalkii nabiga s.c.w. (Tasbiix walba waxaa laga helaa sadaqo Allaahu akbar kasta waxaa laga helaa sadaqo, ak-xamdulli llaahi kasta waxaa laga helaa sadaqo ,Laa illaaha ila llaahu kasta 00 la dhaho waxaa laga halaa sadaqo) waxaa wariyey muslim..
Imaamu nawawi wuxuu yiri:(Waxey qaadaneysaa xukunka sawaabkeeda)..
B-Qofka muslimka ah ee ilaaliya tasbiixdan waxaa janada dhexdeeda looga talaalayaa * oo geed .. Nabiga s.c.w. ayaa wuxuu soo maray Abuuhureyra oo talaalaya geed markaasuu ku yiri :(Abuuhureyrow Makutusiyaa talaal ka kheyr badan talaalkan aad heyso? Abuuhureyra wuxuu yiri: Haa, Nabiga s.c.w. ayaa yiri waxaad dhahdaa:(Subxaanallaah walxamdulli llaah walaa illaaha ila llaah wallaahu akbar , mid kasta oo ka mida kuwan janada ayaa geed lagaaga talaali ) waxaa wariyey ibnu maajah waxaana saxiixiyey Al-Baani..
C-Qofkii aqriya aayatul kursi salaad walba gadaasheeda waxaa janada uga dhiman inuu galo inuu dhinto kaliya ..
D-Qofkii daa.ima tasbiixdan danbigiisa waala hoobin xataa haduu dhan yahay xunbada bada ,sida ku cad Saxiixul-Muslim ..
H-Qofkii daa.ima tasbiixdan salaadaha gadaashooda hoogi maayo aduun iyo aakhiro, sida ku cad Saxiixul Muslim ..
W-Tasbiixdan waxey kabeysaa naqsiga ku dhaca salaadaha faradka ah ..

SUNOOYIN LA AQRIYO AROORTII IYO GALABTII..
> -Aayatul-kursiga ..
Faa,idada laga helaayo Aaytul-Kursiga waa : Qofkii aqriya galabtii iyo aroortii jinka ayaa laga korinayaa
waxaa wariyey nisaa,l waxaa sax yiri Al-Baani.
^-Qulhuwa-llaah, Qul acuudu birabil-falaq , Qul acuudu birabin-naas ) waxaa wariyey abuudaa.uud iyo tarmidi.. Faa,idada laga helaayo:Qofkii dhaha sadex jeer aroortii iyo galabtii waxey ka kaafin wax walba .
f-Asbaxnaa wa asbaxa mulku lillaah , walxamdulli- Laa illaaha ilallaahu waxdahu laa shariika lah. llaah Lahul-mulku walahul-xamdu yuxyii wayumiitu wahuwa calaa kuli shey,in qadiir , rabiyow waxaan kaa baryi kheyrka maanta iyo kheyrka ka danbeeya , rabiyow waxaan kaa magan gali sharka maanta iyo sharka ka danbeeya , rabiyow waxaan kaa magan gali caajis,iyo cantabnimo iyo cadaabka qabriga iyo cadaabka naarta) waxaa wariyey muslim, galabtiina meesha asbaxnaa ah ayaad dhihi amseynaa, habeenkiina meesha maalintii ah ayaad ku badali..
*-Allow adigaa waaga noo bariisiiyey , Allow adigaa na galabeysiiyey, allow adigaa na nooleeyey ,allow adigaa na dili, allow adigaa kolkaan dhimano nasoo nooleyn.. kolkii galabtii lagaarana wuxuu dhihi: Allow adigaa na galabeysiiyey, allow adigaa waaga noo bariiyey allow adigaa na nooleeyey .allow adigaa na dili, allow adigaa kolkaan dhimano xagaada loo ahaan. °-Allaahuma anta rabii laa illaaha ilaa anta khalaqtanii wa anaa cabduka wa anaa calaa cahdika wawacdika mastadhactu acuudu bika min shari maa sanactu , abuu.u laka binicmatika calaya waabuu,u bidanbii faqfirlii fa inahu laa yaqfiru dunuuba ilaa anta) waxaa wariyey bukhaari..Faa,idada laga helaayo ducadan : Qofkii dhaha galabtii isagoo yaqiinsan kadibna dhinta habeenkeeda janada ayuu galayaa , aroortii qofkii dhahana waa la mid..
‘’-Allaahuma inii asbaxtu ush-hiduka wa ush-hidu xamalati carshika wamalaa,ikatika wajamiica khalqika inka anta allaah, laa illaaha ilaa anta waxdaka laa shariika laka, wa ana muxamdan cabduka warasuuluka: waxaa wariyey abuudaa,uud iyo nisaa,l .
Qofkii dhaha ducadan aroortii iyo galabtii afar jeer allaah naarta ayuu ka xoreeyaa ..v-Allaahuma Maa Asbaxa bii Min Nicmatin Aw bi Axadin min Khalqika Faminka Waxdaka Laa shariika Lak, Falakal -xamdu walakal-shukru..waxaa wariyey abuudaa.uud iyo nisaa,l oo ku wariyey kitaabkiisa fii camali al-yowm wa leylah..Ducadan qofkii dhaha aroortii wuxuu gutay shukriga maalintaas, qofkii dhaha galabtiina wuxuu gutay shukriga habeenkaas.. A-Allaahuma Caafinii fii Badanii, Allaahuma caafinii fii samcii, Allaahuma caafinii fii basarii, Laa.ilaaha ilaa anta Allaahuma inii Acuudu bika Minal-kufri wal-faqri wa Acuudu bika min cadaabil-qabri , Laa ilaaha Ilaa Anta, sadex jeer ayaa la dhahayaa ,, waxaa wariyey Abuudaa,uud iyo Axmad ..
^-Xasbiyallaahu Laa illaaha ilaa huwa caleeyhi tawakaltu wahuwa rabul-carshi Al-cadiim. Todobo jeer ayaa la dhihi, waxaa soo saaray ibnu-suni isagoo loo koryeelay nabiga s.c.w. -marfuuc- abuudaa.uudna wuxuu ku sheegay inuu saxaabi ku istaagay-mowquuf..Faa,idada xadiiskan laga faa.idaayo waa : Qofkii todobo jeer ku calceliya ducadan aroortii iyo galabtii illaahay ayaa ka kaafiya hamiga aduunyada iyo aakhiro ..
> ‘-Allaahuma inii As-aluka Al-cafwa wal-caafiyah fiidunyaa wal-aakhirah, Allaahuma inii As,aluka Al- cafwa wal-caafiyah fii diinii wa dunyaayii wa Ahlii,wa Maalii.Allaahuma astur caawraatii wa min roowcaatii. Allaahuma axfidnii minbayni yadeeya wa min khalfii wacan Yamiinii wacan Shimaalii wa min foowqii wa acuudu bicadamatika an uqtaala mintaxtii..waxaa wariyey abuu daa.uud iyo ibnu maajah..
^ > -Allaahuma caalimul-qeybi wash-shahaadah faadhiral-samawaati wal-ardi Rabi kuli sheey.in wamiliikihi Ash-hadu allaa illaaha ilaa anta acuudu bika min shari nafsii wa min shari shaydaan wa shirkihi wa an aqtarifa calaa nafsii suu,an aw ajurahu ilaa muslim.. waxaa wariyay tarmidi iyo abuu daa.uud..
^-Bismilaahi Al-ladii laa yaduruhu maca Ismihi Sheey.in fil-ardi walaa fis- samaa.I wahuwa As- samiicu Al-caliim ..
Waxaad leedahay sidax jeer .waxaana wariyay Abuu Daa,uud iyo tarmidi iyo ibnu maajah iyo axmed..
^-Radeytu billaahi raban, wabil islaami diinan wabimuxamadin s.c.w. nabiyan ) sadex jeer.. waxaa wariyey abuudaa,uud iyo tarmidi iyo nisaa.I iyo axmed Faa,idada wardigan : Qofkii dhaha sadex jeer aroortii iyo galabtii allaah waxaa xaq ku ah inuu ka raali noqdo maalinta qiyaamaha )
> *-Yaa xayu yaa qayuum,biraxmatika astaqiis.aslix lii sha,nii kulahu walaa takilnii ilaa nafsii dharfatal-ceyn) waxaa wariyey xaakim wuuna saxiixiyey dahabina wuu waafaqay..
^ D-Asbaxnaa calaa fidratil-islaam wa kalimatil-ikhlaas addiini nabiyinaa muxamed s..c.w. wamilati abiinaa ibraahiim xaniifan musliman wamaa kaana minal- mushrikiin) waxaa wariyey axmed..
^ ‘’-(Subxaana llaah wabixamdihi) boqol jeer, waxaa wariyey Muslim.. Faa,idada tasbiixdan :Qofkii dhaha boqol jeer galabtii iyo aroortii, ma jiro qiyaamaha qof la imaan kara wax ka fiican wuxuu la yimi ilaa qof layimi intiisa oo kale ama ka siyaadiyey ma.ahane ..
Faa.ido kale : Danbiyadiisa waa laga hoobiyaa xataa hadey dhan tahay xunbada bada oo kale..
> v- Laa illaaha ila llaahu waxdahu laa shariika lah , lahul-mulki walahul-xamdi wahuwa calaa kuli shey,in qadiir boqol jeer markuu waagu baryo waxaa wariyey bikhaari iyo muslim.. faa,idada laga helaayo qofkii dhaha wardigan : ’’-Wuxuu la mid yahay sidii qof xoreeyey toban qoorood..
Waxaa loo qoraa boqol xasano..
Waxaa laga hoobiyaa boqol gaf.
* -Waxey maalintaas ka xijaabtaa sheydaanka ilaa galabtii..
^-(Istaaqfurullaahi wa atuubu lleyhi) maalin kasta boqol jeer… waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim..
> ^-Allaahuma inii As.aluka Cilman naafican Wa Rizqan Dhayiban wa Camalan Mutaqabalan..markuu waagu kuu baryo , waxaa wariyey ibnu Maajah.
* ♦-Subxaana-llaahi Wabixamdihi cadada Khalqihi waridaa Nafsihi wa zinati carshihi wa midaada kalimaatihL sadex jeer waxaa wariyey Muslim ..
-Acuudu Bikalimaati-llaahi At-taamaati Min Shari Maa Khalaq.. galabtii ayuu sadex jeer dhihi, waxaa wariyey tarmidi iyo ibnu maajah iyo axmed.. Qofku haduu aqriyo mid kamida adkaartan wuxuu ku carnal falay suno kamida sunoo yinka nabiga s.c.w.,sidaas owgeed waxaa looga baahan yahay qofka muslimka ah inuu ku dadaalo wardigan aroortii iyo galabtii si uu ajir iyo xasanaad badan u helo,waxaa iyadana loo baahan yahay in allaah dartiis iyo si yaqiin ku jirto loo dhaho adkaartan, lana dareemo macnaha weyn ee ay xunbaarsan tahay adkaartan, waxaan shaki kujirin inay isbadel weyn ku ridi nolosha qofka iyo akhlaaqdiisa ..

SUNOOYINKA MARKII DADKA LALA KULMO..
Mn la isa salaamo, Nabiga s.c.w ayaa la weydiiyey salaanteebaa u fiican ? markaasuu yiri: ( Dadka oo la quudiyo iyo salaanta qofkaad taqaan iyo midkaadan aqoonin )waxaa wariyey Bukhaari iyo Musilim ..
Ninbaa Nabiga s.c.w. usoo galay markaasuu yiri. (As-Salaamu caleykum Nabiga s.c.w. ayaa salaantii ka qaaday, markaasuu ninkii fariistay, Nabiga s.c.w. ayaa yiri : Toban,hadana nin kale ayaa yimi markaasuu yiri: As-Salaamu caleykum wa raxmatu llaahi , nabiga s.c.w. ayaa salaantii ka qaaday, markaasuu ninkii fariistay ,nabiga s.c.w. ayaa yiri : Labaatan ,hadana nin kale ayaa yimi markaasuu yiri: As-Salaamu caleykum waraxma tullaahi wabarakaatuhu, nabiga s.c.w. ayaa salaantii ka qaaday markaasuu ninkii fariistay ,nabiga s.c.w. ayaa yiri : Sodan ) waxaa wariyey abuudaa.uud, tarmidina wuxuu ka dhigay xasan ..
Akhii fiiri allaha ku dhowree : Meeqa xasanaad ayuu naftiisa ka dayacay qofka aan salaanta oo dhan wax ku salaameynin?-salaanta oo dhan waa Sodan xasano ,halkii xasanana markuu u yar yahay waa Toban xasano,^*x’ * * oo xasano , xasanaduna
intaasoo la sii jibaaray ayey haan kartaa.. akhii bar carabkaada inaad dhahdo salaanta oo dhan si aad u hesho ajirkaas weyn, Salaantu marar badan ayey soo noqnoqotaa markaad masjidka galeysid waxaad salaami walaalahaa , markaad ka baxeysidna waa la mid, sidoo kale markaad guriga galeysid iyo markaad ka baxeysid, Waxaa sune ah markaad walaalkaa kala tageysaan inaad salaanto salaan dhameystiran, waxaana daliil u ah xadiiskii nabigu s.c.w. yiri: (Hadii aad dad meel fadhiya u tagtid salaan, hadaad ka tageysidna salaan maxaa yeelay salaantii hore kama xaq badna tan danbe) waxaa wariyey Abuudaa,uud iyo Tamidi .Inta jeer ee qofku uu wax salaami karo
wey ka badan tahay * * jeer, markuu guriga soo galaayo, markuu ka baxaayo , markuu masaajidka galaayo markuu ka baxaayo markuu dad arko , markuu taleefon diraayo i.w.m.
Y-ln la muusoodo ama dhoolo cadeyn , nabigu s.c.w. wuxuu yiri: (Ha yareysanin shey macruufa walow aad walaalkaa waji furan kula kulantide) waxaa wariyey Muslim..
V- in fa is gacan galiyo , nabiga s.c.w . wuxuu yiri : (Ma jiraan labo muslim oo intey kulmaan is gacan galinaya , hadey jiraan waa loo dhaafi danbigooda intesan kala tagin ) waxaa wariyey Abuudaa.uud iyo Tarmidi iyo Ibnu Maajah.
Imaamu Nawawi wuxuu yiri: Ogow iney is gacan galintu tahay shey fiican markii la kulmaba) hadaba akhii ku dadaal inaad qofkaad la kulantidba aad isugu dartid salaan iyo gacan galin iyo dhoolo cadeyn halkaas waxaad hir galisay hal waqti ‘“suno.. *-Hadalka wanaagsan taaro: Allaah sareeye wuxuu yiri
u) f$ u 0-“^ if* ^ jUfcl Jdj)
of; Vi ( 1 ijj a I
Nabiguna s.c.w. wuxuu yiri: ( Kalimada fiican waa sadaqo ) waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim.
Kalimada fiican waxaa soo hoos galaaya wardiga, ducada .salaanta, iyo amaanta xaqa ah, akhlaaqda mideeda toosan, anshaxa iyo asluubta hagaagsan, Kalimada fiican sida sixirka oo kale ayey qofka usaameysaa qofka wey soo jiidataa , qalbigana wey qaboojisa, .Kalimada dhayibka ah waxey daliil utahay in qofku qalbigiisa ka buuxo hanuun iyo nuur. sidaas darteed ma ku fakirtay inaad xayaatadaada oo dhan ku camirto aroortii iyo habeenkii kalimada fiican, naagtaada, carurtada dariskaada, saaxiibahaa iyo cid kasta ood la tacaamuleyso waxey ubaahan yihiin kalimada dhayibka ah..

SUNOOYINKA MARKII CUNTADA LA CUNAAYO..
Sunooyin cuntada ka horeeya iyo sunooyin cuntada dhexdeeda la dhaho >-Bismi llaah. v- In gacanta midig lagu cuno. f- In qof walba hoostiisa ka cuno .. sunooyinkan waxaa si dhan u cadeeyey xadiiskii nabiga s.c.w. uu yiri :(Wiilyahow markaad wax cuneyso bismi llaahi dheh , gacantaada midigna ku cun, hoostaadana ka cun )waxaa wariyey Muslim..
* -Hadii gobal cuntada ka mida dhulka kaaga dhaco , katir wasakhda oo cun, waa dardaarankii nabiga s.c.w. waxaa warieyey Saxiixul-Muslim..
®-ln lagu cuno cuntada sadex farood, nabiga s.c.w. sadex farood ayuu ku cuni jiray waana sidii badneyd ee uu yeeli jiray , waana sida fiican iney dan kale timaado ma.ahane

HABKA LOO FARIISTO MARKII CUNTADA LA CUNAAYO ..
Waxaa haboon sida uu sheegay xaafid : In dhulka la dhigo labada jilbood.caloosha lugahana lasoo daahiriyo,ama in la taago lugta midigta ah,tan bidixdana lagu fariisto,Waxaa kaloo jira sunooyin dhaca hunguriga ka dib.
‘-Nabiga s.c.w. ayaa ina amray in la leefleefo faraha iyo xeerada,sababtuna waa ma ogin meesha barakadu ku jirto, waxaa wariyey Saxiixul-Muslim.. ‘“-In allaah lagu mahdiyo markii la cunteeyo kadib : Allaah sareeye wuxuu raali ka ahaan adoonkiisa markuu cutada cuno kadibna allaah ku mahdiyo) waxaa wariyey Saxiixul-Muslim .
Nabigu s.c.w. markuu cunteeyo wuxuu ku duceysan jiray : (Al-Xamduli llaah alladii adcamanii hadihi wa rasaqaniihi min qeyri xowlin minii walaa quwah) Faa,idada ducadan laga helo : danbigiisii hore ayaa la dhaafi,, waxaa wariyey abuudaa.uud iyo tarmidi iyo ibnu maajah , Xaafid iyo Albaanina waxey ka dhigeen Xasan..
Guud ahaan markii la isu geeyo sunooyinka markii cuntada la cuno kadib la dhaho waxey gaarayaan * * suno ,gaar ahaan markii sadex jeer maalintii wax la cuno , kabadan hadii wax la cuno wey ka sii badan, hadaba waxaa loo baahan yahay qofka muslimka ah inuusan fursadghan oo kale iska dayicin..

SUNOOYINKA LAMA HURAANKA AH MARKII WAX LA CABAAYO..
‘-Bismi llaah . in gacanta midig lagu cabo. xadiiskii nabiga s.c.w.:
(Wiilyahow markaad wax cuneyso bismi llaahi dheh , gacantaada midigna ku cun)
^-In banaanka weelka lagu neefsado ,sadex jeerna biyaha la cabo , lama ogola in hal mara biyaha lagu
cabo, Nabigu s.c.w. biyaha hal neefsi ayuu ku cabi jiray) waxaa wariyey saxiixul-muslim .. f-ln biyaha fadhiga lagu cabo , Nabigu s.c.w. wuxuu yiri :(Qofna yuusan biyaha cabin isagoo taagan ) waxaa wariyey Saxiixul- Muslim.
°-Dheh Al-Xamduli llaah kolkaad biyaha cabtid Allaah sareeye wuxuu raali ka ahaan adoonkiisa markuu cutada cuno kadibna allaah ku mahdiyo ama intuu biyo cabo uu allaah ku mahdiyo ) waxaa wariyey Saxiixul-Muslim .
Guud ahaan markii la isu geeyo sunooyinka markii biyaha lacabaayo la dhaho waxey gaarayaan(* •) suno iney kasii siyaadaana wey dhici kartaa , dadka qaar waxey cabaan sharaabka qabow iyo mid kulul waxaana dhici karata ineysan sharaab ahaan iyo biyo ku xisaabin hadaba waxaa loo baahan yahay qofka muslimka ah inuusan fursadahan oo kale iska dayicin..

SUNOOYINKA OO GURIGA LAGU TUKADO..
^-Nabigu s,c,w, wuxuu yiri : (Salaada waxaa kheyr badan in guriga lagu tukado .markii laga reebo kuwa faradka ah) waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim.
Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: (Salaada sunada ah ee uu midkiin tukado iyadoon loo jeedin waxey ka kheyr badan tahay salaadiisa sunada ah ee loo jeedo ^ °jeero)waxaa wariyey abuu yaclaa, albaanina wuu saxiixiyey. Sunooyinkan aad ayey usoo laalaabtaan habeenkii iyo maalintii sidaas owgeed waxaa lagama maarmaana in lagu dadaalo waxaana fiican in guriga lagu tukado si ajir weyn loo helo
sunadana loo asiibo

FAA,IDADA LAGA HELAAYO KU CAMAL FALKA SUNADA GURIGA..
A-Waxey sabab u noqotaa in qofku u khushuuco alle dartiis.B-Waxey sabab u noqotaa in raxmada eebe ku soo dagto guriga sheydaankuna ka fogaado
C-Waxey sabab u noqotaa in lalaban laabo ajirkeeda sida loo laban laabo salaada masjidka lagu tukado..

SUNADA LA DHAHO INTAAN FADHIGA LAGA ISTAAGIN KA HOR..
Subxaanaka liaahuma wabixamdika ash-hadu an laa illaa anta astaqfiruka wa atuubu ileyka) waxaa wariyey sunanka..
Maxaa ka badan fadhiyada la fariisto , hadii aan qaar ka mida sheegno ..
^-Markaad wax cuneysid sadexda waqti inta badan dadku wey sheekeystaan ..
^-Markaad aragto mid saaxibadaa kamida ama daris kuu ah ood waxoogaa la sheekeysato xataa hadeydaan fariisan, waxaa lagaa rabaa markaad kala tageysaan inaad ducada majliska aqrisatid..
v’-Hadaad xaaskaada iyo caruurtaada u sheekeyso ama ay kuu sheekeeyaan.. *-Hadaad mid saaxiibadaa ka mida ama xaaskaada babuur sii wada fuushaan ha hilmaamin ducada majliska lagu khatimo..°-Markaas la fariisato saaxiibada aad wada shaqeysaan ama kuwa aad wax wada barataan. t- Hadii aad xaadirtid goob lagu qabtay darsi iyo
muxaadaro markii lakala tagaayo waalama huraan inaad ducada majliska ku gunaanadid..ducadan wax la heli karo ma.aha, waxaana sharaf ugu filan muslimka daa,ima markasta oo ay munaasabadeedu timaado inuu allaah subxaanahu watacaalaa ka hufay xumaanoo dhan, waliba wuxuu markasta cusbooneysiiyaa towbada iyo alle u laabashada laga rabo qofkasta ..wuxuu kaloo mar kasta waxidaa allaah subxaanahu watacaalaa oo mudan in kaligiis la caabudo Faa,ido :lbnu qayim wuxuu yiri: Kulanka walaaluhu kulmaan waa labo nooc : Midka koobaad waa mid iska caadi ah oo dadka is fahmaya ay ku baashaalayaan si waqtigu isu gooyo, ibnu qayim wuxuu yiri noocan dhibkiisa ayaa ka badan faa,idada laga helaayo.. ugu yaraan qalbiguu ingajiyaa, waqtigana wuu dhumiyaa ..
Midka labaad : Kulan gogoldhigiisu yahay in la iska kaashado kheyrka xaqana la isu dardaarmo , kulankan waa mid dhaxalgal ah oo lama huraan ah.. Markii carnal la qabanaayo waa in niyadu xaadir tahay,..
Akhii Allaha ku ilaaliyee ogow in dhamaan camalka aad sameyneysid oo dhan sida hurdada ,cunida , shaqada ,i.w.m. in loo badali karo cibaado iyo daaco lagu heli karo kumanyaai xasanaad ah Jaakiin waxaa shardi ah in loo niyoodo markii lasameynaayo allaah dartiis , nabigu s.c.w. wuxuu yiri : (Carnal kasta waxaa halbowle u ah niyada,qof kastana wuxuu niyoodo ayuu iska lee yahay) waxaa wariyey bukhaari iyo muslim .. Matalan : haduu qofku dhaqso useexdo si uu salaatul-leyl ama salaada fajarka
utukado,hurdadiidu waxey isu badali cibaado, sidaas ayaa waxkastoo banaan cibaado iooga dhigi karaa.
HABKA HAL WAQTI LOOGA FAA,IDEYSAN KARO CIBAADOOYIN BADAN ..
Arintan waxaa yeeli kara kaiiya dadka yaqaana qiimaha waqtiga , waxaana jira habab ioo hirgalin karo..
^-Haduu qofku aado masaajidka waa cibaado ,haduu sii wardiyo ama quraan dhexda ku sii aqriyana waa cibaado kale. ^-Hadii qofka aroos Iooga yeero ajiibida uu ajiibay waa cibaado , haduu intuu waqtiga ka faa,ideysto wardi ama waano iyo wacdi dhex galiyana waa cibaadooyin kaleT-Shaqada ay haweeneydu gurigeeda allaah dartiis uga shaqeyneyso waa cibaado , hadey ku darto wardi iyo cajaladaha diintu ku duuban tahay oo la dhageystana waa cibaadooyin kale Ibnu cumar A.H.R.N wuxuu yiri : (Waxaan ka tirin jiray hal fadhi oo uu fariistay nabaiga s.c.w. boqol jeer: Rabi iqfirlii watub calaya inaka anta tawaabu raxiim ) waxaa wariyey abuudaa,uud iyo tarmidi wuxuuna yiri : waa xadiis saxiix ah., eeg siduu nabigu s.c.w. uga faa,ideystay hal fadhi labo cibaado, digriga illaahay iyo istiqfaar , tan labaadna asxaabta ayuu wuxuu baraayey diintooda..

IN ALLAAH LA XUSO MAR KASTA ..
^-Allaah oo mar kasta la xuso waa aasaaskii cibaadada waana cinwaanka xoojinaaya xiriirka ka dhexeeya khaaliqa iyo adoonkiisa, Caa,isha A.H.R.N. waxey tiri :(Nabiga s.c.w. markasta allaah
ayuu xusi jiray) waxaa wariyey Saxiixul-Muslim.
Allaah oo lagu xirnaado waa nolol , isaga oo loo cararana waa badbaado, udhawaanshihiisana waa liibaan iyo raali ahaansho.
Ka fogaanshihiisana waa baadinimo iyo khasaaro.. ^-Dikriga illaahay waa kan kala saara muuminiinta iyo munaafiqiinta, munaafiqiinta waxaa lagu gartaa allaah ma xusaan wax yar mooyaane ..
f-Sheydaanku dadka wuxuu ka raayaa markey ka gaabiyaan xuska illaahay , xuska illaahay waa darbi adag oo ka ilaalinaya dadka dhagarta sheydaanka.. sheydaankuna wuxuu dadka jecel yahay markey hilmaamaan xuska illaahay..
* -Xuska illaahay waa jidka lagu liibaano, Allaah sareeye wuxuu yiri:
Y A ;
°-Waa in la daa.imo xuska illaahay ,ahlu janahu kama shalaayaan saacad dhaaftay ,waxey kaliya oo ka shalaayaan saacad ku dhaaftay macno la,aan – saacad aysan allaah xusin- Xuska allaah oo la daa.imo wuxuu ka dhigan yahay xiriirka rabi oon goin..
Imaamu nawawi wuxuu yiri: Culimadu waxey go.aamiyeen inuu qalbiga iyo carabka ka wardin karo qofka weysadu ka jabtay iyo kuwa qaba jinaabada iyo caadada, waxeyna dhihi karaan subxaanallaah wal xamdulillaah wallaahu akbar walaa illaaha ila
llaahu wallaahu akbar aliahuma Sali calaa muxammed s.c.w. weyna duceysan karaan , laakiin quraanka lama ogola iney aqriyaan gaar ahaan labadan danbe.. ‘i-Qofkii badiya xuska eebe ,allaah ayaa xusa, Allaah sareeye wuxuu yiri:
: SJLJ (yJjjSjii)
Hadii qofku ku farxaayo in boqor magaciisa ka sheego dadka dhexdiisa, ama loo sheego inuu maanta amaanaayey boqor hebel sidee noqonayaa farixiisu , sookama sii sareyso inuu allaah kaa sheego meel ka fiican meeshii aad ku xusto..
v-Ma aha qasadka loola jeedo digriga in la hamhamleeyo kaliya iyadoo qalbigu ka mashquulsan yahay weyneynta allaah, ee waa in la fahmo macnaha digriga oo waliba la sii dhuuxo..
djj – Jli
X * O ; JC.VI ( O-
Waxaa lagama marmaana in qofku si dhaba u facmo macnaha wardiga si wardiga carabka iyo kan qalbigu dhamaan ugu xidhaan qofka rabigiisa isagoo kor iyo hoosba nadiif ka ah ..

IN LAGU FIKIRO NICMOOYINKA ILLAAHAY ..
Nabigu s.c.w. wuxuu yiri : (Ku fikira nicmooyinka illaahay , hana ku fikirina illaahay ) waxaa wariyey dhabaraani fil-owsad wal-beyhaqiyu fii shucab albaanina wuxuu ka dhigay xasan .
Nicmooyinka illahay waxey ka mid yihiin waxyaabaha qofku dareemaayo habeen iyo maalin kasta ,gaar ahaan markuu eego aduunka ku hareereysan taasina waxey sababi in la badiyo mahada illaahay iyo shukrintiisa ..
^-Akhii wali ma dareentay nicmada markaad masaajidka aadeysid iney jiraan dad badan oon loo dhibyareynin nicmadan gaar ahaan salaada fajrka.. ^-Ma dareentay nicmada illaahay markaad baabuurkaada saaran tahay eed daawaneysid dhulka illahaay ,midbaa baabuurku la gadoomay, midna wuxuu dhageysanayaa hees iyo sheydaan codkiisa ..
f-Ma dareentay nicmada Allaah kuu nicmeeyey markaad dhageysaneysid dhib iyo dufaano iyo dagaalo ku habsaday caalamka meelo ka mida .Caaqilku waa kan ku cibra qaata , Caaqilku waa kan aysan marnaba qalbigiisa ka baxeynin inuu ku xamdinaayo mahadaha eebe, nicmada diinta, nicmada caafimaadka, nicmada barwaaqada, nicmada in alllaah ka badbaadiyey shar ideylkiis .
QURAANKA OO LA KHATIMO BIL KASTA ..
Nabiga s.c.w. wuxuu yiri: (Aqri quraanka bil kasta) waxaa wariyey Abuu daa,uud Habka loo khatimi karo quraanka : Waxaad imaaneysaa masaajidka salaada ka hor ^ * daqiiqo , Aqri labo baal oo udhigma afar bog sidaas waxaad ku aqrisay shanta salaadood > * baal oo udhiganta ^ * bog ama hal jus, habkan ayaad bil kasta si dhibyaraan ah quraanka ugu khatimi kartaa ..

SUNOOYINKA LA DHAHO INTAAN LA SEEXAN KAHOR
> -Bismika-Llaahuma Amuutu wa axyaa . waxaa wariyay Bukhaari..
Waxaad Aqrineysaa : >-Qul huwa llaahu axad . ^-Qul acuudu birabil falaq . ‘f-QuI acuudu Birabin- Naas waxaa wariyay Bukhaari.. v- Waxaad kaloo akhrisaa Aayutul kursi : (Allaahu laa ilaaha ilaahuwal-xayul-qayuum) waxaa wariyey Bukhaari..
*-(Bismika rabii wadactu janbii wabika arfacu in amsakta nafsii farxamhaa, wa in arsaltahaa faxfid- haa bimaa taxfad bihi cibaadaka saalixiin) waxaa wariyey Bukhaari & Muslim.
°-(Allaahuma innaka khalaqta nafsii wa anta tatawafaahaa laka mimaatahaa wa maxyaahaa in axyeytahaa faxfid-haa wa in amatahaa faqfir lahaa, Allaahuma inii As.aluka Al-caafiyah).. waxaa wariyay Muslim..
“’-(Allaahuma qanii cadaabaka yoowma tubcathu cibaadaka) waxaad dhahdaa sedax jeer. Waxaa wariyey Abuudaa.uud iyo Tarmidi.. v-(Subxaanallaah)ff jeer. (Walxamdulillaah)^ jeer. (Wallaahu akbar)^^ jeer. Waxaa wariyey Bukhaari & Muslim..
A-(Alxamdulillaahi Alladii adcamanaa wasaqanaa wakafaanaa wa.awaanaa fakam miman laakaafiiya lahu walaa mawaa).. waxaa wariyey muslim.. ^-(Allaahuma caalimul-Qaybi wa shahaadah faadhira-samawaati wal ardi, rabi kuli sheey.in wamaliikihi Ash-hadu an laa,illaaha ilaa anta acuudu
bika minshari nafsii wamin sharri-shaydhaan wa shirkihi wa ana aqtarifa calaa nafsii aw ajuruhaa ilaa muslim).. waxaa wariyey Abuudaa,uud iyo Tirmidi..
^ • -(Allaahuma aslamtu nafsii ileyka wafawadtu amrii ileyka wawajahtu wajhii ileyka, wa alja.tu dahrii ileyka raqbatan warahbatan ileyka, laamalja.a walaa manjaa ilaa ileyka Aamantu bikitaabika aliadii anzalata wabinabiyika aliadii arsalata) waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim.
> > -(Allaahuma rabi As-Samaawaati sabca warabill- carshi Al-cadiim, Rabanaa waraba kuli sheey,in faaliqul xabi wanawaa wamunzilu At-toowraata wal.injiil wal furqaan acuudu bika minshari kuli sheey,in anta aakhidu binaasiyatihi, Allaahuma antal- awal faleeysa qablaka sheey.un wa antal aakhir faleeysa bacdaka sheey.un wa anta daahir faleeysa foowqaka sheey,un wa antal-badhin faleeysa duunaka sheey.un Aqdi canaa Ad-deyn wa aqninaa minal-faqri) waxaa wariyay muslim.. > f-Waxaad kaloo aqrisaa labadda aayadood ee ugu danbeysa Suuratul Al-baqara :
J 4m.ij O* Jjj? t-AJ Jj**A$ Jti
AJ$ Sjjjj
Nabigu s.c.w. wuxuu yiri : (Qofkii aqriya habeenkii weyku filan yihiin) waxaa wariyey bukhaari iyo muslim . Culimada ayaa isku khilaaftay macnaha wey kaafineysaa ,qaar waxey yiraahdeen waxey ka kaafin Salaatul-Leylka, qaarna waxey yiraahdeen waxey ka kaafin wax kasta oo xun oo la kahdo, sheekha kitaabkan qorey wuxuu yiri : wey banaan
tahay in labada macne loola jeedo -hadalkii imaamu nawawi halkaas ayuu ku dhamaaday -Al -Adkaar.. ^-Waa in daahir la ahaado kudhaqan lagu dhaqmaayo xadiiskii nabiga s.c.w. yiri: (Weyso qaado markaad seexaneysid)
> *-Waa in loo seexdo dhinaca midigta , waa hadalkii nabiga s.c.w. sida ku cad bukhaari iyo muslim.. >°-Nabigu s.c.w. markuu seexanaayo gacantiisa midig ayuu dhigi jiray dhabankiisa midig hoostiisa) waxaa wariyey abuu daa,uud ..
^-Waa in firaashka la dhabaandhabo intaan lagu seexan, nabigu s.c.w. wuxuu yiri:(Markuu damco midkiin inuu firaashkiisa ku seexdo ha dhabaandhabo, waayo ma oga waxa uga danbeeyey) Waxaa wariyey Bukhaari & Muslim..
W-in la aqriyo :Qul yaa ayuhal kaafiruun, Faa,idada laga helaayana waa gaalada ayey kaa bari yeeleysaa, arintan waxaa wariyey Abuudaa,uud iyo tirmidi iyo axmed waxaana saxiixiyey ibnu xibaan iyo xaakim waxaana waafaqay dahabi, xaafidna wuxuu yiri :Waa xasan, Albaanina wuu saxiixiyey..
Imaamu nawawi wuxuu yiri : Waxaa fiican in la la imaado dhamaan adkaarta ku timi baabkan , hadii laga gaari waayana inta u mihiimsan ayaa laga sameyn..
Markaad eegto dadka waxey u badan yihiin dad seexda habeenkii iyo maalintii labo jeer,sidaas darteed sunadan in labo jeer la sameeyo waa labo huraan, waayo sunoo yinkan khaas kuma aha hurdada habeenkii kaliya, axaadiista waxaa laga fahmayaa iney caam yihiin..
FAA,IDADA LAGA HELAAYO SUNOOYINKA INTAAN LA SEEXAN..
‘ -Qofka muslimka ah haduu dhaho tasbiixdan intuusan seexan ka hor waxaa loo qorayaa
> *»sadaqo .. waxaana udaliila xadiiskii nabiga s.c.w. yiri: (Tasbiix kasta ,iyo takbiir kasta ,alxamduli llahi kasta iyo laa illaaha ila llaahu kasta waa sadaqo ) waxaa wariyey muslim ..
Imaamu nawawi wuxuu yiri : (Waxey qaadaneysaa xukunka ajirkeeda)
^-Qofka muslimka ah ee ku dadaala inuu adkaartan dhaho intuusan seexan > * *geed oo timir ah ayaa janada loogu talaalaa ..
f-Adoonka illaahay ayaa xifdiya habeenkaas sheydaanka iyo wixii shar ahna waa laga fogeeyaa habeenkaas ..
*-Sidaas muslimka yeelay wuxuu habeenkiisii ku soo afjaray illaahay oo la xuso iyo daaco iyo alle talo saarasho..

GABAGABO..
Intaas ayaa ii dhibyaraatay inaan soo aruuriyo – sunooyinka dadku maalin walba sameyn karo-Allaah waxaan su,aalaneynaa inuu nagu nooleeyo sunada nabiga s.c.w. naguna dilo sunadiisa s.c.w. Ugudanbeyntii waxaan ku duceysaneynaa Al- Xamduli llaahi rabil caalamiin..
AKHII MARNABA HA KA HILMAAMIN WALAALKAA DUCADAADA , MIDA KALE HADII AAD U BAAHATO INAAD LA SOO XIRIIRTO M: OOArMnn
TUSMO BOGGA
HORDHAC .’
DHIBAATOOYINKA UGU WAAWEYN EE INA HEYSTA r SUNADA OO LA LAASIMO WAXEY LEE DAHAY FAA.DOOYIN… *
MARKII HURDADA LAGA TOOSO .. *
WAXAA SUNE AH MARKII MUSQUSHA LA GALAAYO AMA LAGA SOO BAXAAYO IN : °
WAXAA SUNE AH MARKII LA WEYSO QAADANAAYO.. ° FAA.IDADA LAGA HELAAYO KUCAMAL FALKA SUNADAN.. A CADEYGA… 1
FAA.IDADA LAGA HELAAYO KU DHAQANKA SUNADAN.. H SUNADA KABA GASHIGA .. >•
SUNOOYIN KU TACALUQA LABISKA … ^
SUNOOYINKA MARKII GURIGA LAGA BAXAAYO.. i ‘
IYO MARKII LASOO GALAAYO.
FAA.IDADA LAGA HELAAYO KU DHAQANKA SUNADA KA BIXIDA GURIGA..
SUNOOYINKA MARKII MASAAJIDKA LA AADAAYO.. > r
SUNOOYINKA AADAANKA
FAA.IDADA LAGA HELAAYO KU DHAQANKA SUNADAN.. ‘ ° FAA.IDADA LAGA HELAAYO KU DHAQANKA DUCADAN.. SUNOOYINKA AQIMAADA… u
SALAADA OO LA DHIGTO SUTRO .. w
MAS.ALOOYIN KU TACALUQA SUTRADA.. > v
FAA.IDADA LAGA HELAAYO KU CAMALFALKA SUNADAN…
SUNOOYINKA LA SAMEEYO HABEENKII IYO MAALINTII.. > A SUNOOYINKA SALAATUL-LEYLKA .. u
ASBAABTA LOO KAALMEYSTO QIYAAMU-LEYLKA .. ^
WITIRKU WUXUU LEE YAHAY SUNOOYIN .. rr
SUNADA FAJARKA.. yr
SALAADA FAJARKA KA DIB OO LA FARIISTO .. * t
SUNOOYINKA SALAADA EE ODHAAHDA AH..
SUNOOYINKA SALAADA EE FICILKA U BAAHAN.. ^
SUNOOYINKA SUJUUDA.. xv
SUNOOYINKA U DHAXEEYA LABADA SUJUUDOOD.. SUNOOYINKA TASHAHUDKA.. YA
GACMAHA XAGEE LA SAARI? * n
SUNOOYINKA SALAADAHA FARADKA KA DANBEEYA.. r. FAA.IDADA LAGA HELAAYO KU DHAQANKA SUNADAN. ty SUNOOYIN LA AQRIYO AROORTII IYO GALABTII .. rr ASUNOOYINKA MARKII DADKA LALA KULMO.. rA
SUNOOYINKA MARKII CUNTADA LA CUNAAYO.. £’
HABKA LOO FARIISTO MARKII CUNTADA LA CUNAAYO.. t > SUNOOYINKA LAMA HURAANKA AH..
MARKII WAX LA CABAAYO.. i t
SUNOOYINKA OO GURIGA LAGU TUKADO .. tr
FAA.IDADA LAGA HELAAYO KUCAMAL FALKA SUNADA GURIGA.. ££
SUNADA LA DHAHO INTAAN FADHIGA LAGA ISTAAGIN KA HOR.. £ £
HABKA HAL WAQTI LOOGA FAA.IDEYSAN KARO CIBAADOOYIN BADAN .. n
IN ALLAAH LA XUSO MAR KASTA .. £ i
IN LAGU FIKIRO NICMOOYINKA ILLAAHAY .. £A
QURAANKA OO LA KHATIMO BIL KASTA .. M
SUNOOYINKA LA DHAHO INTAAN LA SEEXAN KAHOR .. FAA.IDADA LAGA HELAAYO SUNOOYINKA INTAAN LA SEEXAN.. or
GABAGABO.. or

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *