Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya

1952 – 2002
Rimicii 1aad

Cabdi-Shakuur “Cobol” Mire Aadam


Dhammaan xuquuqda buuggan waa dhawrsantahay. Waxaa iska leh qoraha, lama daabici karo, lama koobiyayn karo, lama minguurin karo, keydna looma haysan karo, iyadoon oggolaansho rasmi ah laga helin qoraha la’aantiis.

© Cabdishakuur Mire Aadam, 2011

ISBN: 978-0-9549555-8-8

Waxaa lagu daabacay
Xarunta Madbacadda Horyaal
Boosaaso, Soomaaliya
2011
horyalpr@yahoo.com | horyalpr@gmail.com
+252 907 796169 | +252 907 726169 | +252 5-824299

Wixii faahfaahin ah ama dalab ah kala soo xiriir qoraaga
cobol319@gmail.com | cobol319@hotmail.com

 

Hibayn

Qoraalka buuggan waxaan u hibeeyay oo ku xusuusanayaa Sheekh Nuur Cali Colow (Alla ha u naxariistee), bud-dhiggii baraarugga Islaamiga ee Soomaaliya qarnigii 20aad ee aynu kasoo gudubnay. Waxaan kaloo u hibaynayaa Cabdi-Rashiid Guuleed Warfaa, oo ahaa nin dhallinyara ah oo aannu isku arday ahayn, nin mufakir iyo qoraa labadaba ahaa.

Afeef

Waxaan ka afeefanayaa in wixii khalad ah ama gaf ah ee buuggan ku soo baxa aannay iga ahayn mid aan si ulakac ah u sameeyay.
Waxaan caddeynayaa in qoraalka iyo xog-uruurinta aqoontaydu sidaas noqotay, diyaar ayaan u ahay inaan raalli gelin ka bixiyo iyo weliba inaan saxo.
Ma ahan wax sahlan in qoraal laga diyaariyo Islaamiyiinta Sooamaaliya oo aan laga hayn qoraalo la tixraacayo oo ka waramaya sidii wax u socdeen iyo marxaladihii kala duwanaa ee taariikhda kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya. Waxaan Ilaahay ka baryayaa haddaan khaldamay cafis iyo dembi dhaaf xaggiisa ah.


 

Tusmada Buugga
Cutubka I
Cutubka II
Cutubka III
Cutubka IV
Cutubka V

Gogoldhig
Ararta Qoraaga
Guud-mar Ku Saabsan Buugga
Mahadnaq

Cutubka I
1. Baraarugga Dacwada
Indha Kala Qaadkii Islaamiyiinta Soomaaliya
Macnaha Salafiyada
Macnaha Suufiyada
Wahaabiyadu Waa Ayo?
Aasaaskii al-Ahli
Maxaa Ka Dhashay Xeerka Qoyska?
Doorka Ikhwaanka Ee Dacwada Soomaaliya
X.H.K.S Iyo Herdintiisii Islaamiyiinta
Kaalinta Haweenka Ee Baraarugga Dacwada
Isku Daygii al-Ahli Ee Awood Ku Qabsiga Xukunka

2. Midabbadii Islaamiyiinta Soomaaliya
Dildilaacii al-Ahli
Khilaafkii Gama’sanaa Ee Islaamiyiinta
Jamaacatul Muslimiin-ta Masar
Al-Islaax
Jamaaca Islaamiya
Waxda al-Shabaab al-Islaamiya
Waayihii Hor-u-Socodka Islaamiyiinta
Al-Ittixaad al-Islaam
Saamaynta Qabiilku Ku Dhex Lahaa Islaamiyiinta
Dhexdhexaadintii Turaabi Ee Siyaad Barre iyo Islaamiyiinta

3. Ismuujintii al-Ittixaad
Garabkii Hubaysnaa
Ismuujintii Al-Ittixaad
Saamayn Intee Le’eg Ayuu Reebay Dagaalkii Araare?
Shirkii Hoggaanka Al-Ittixaad Jabuuti 1991
U Guuristii Al-Ittixaad Gobolka Waqooyi Bari

Cutubka II
Al-Ittixaad iyo SSDF
Ifafaalihii Colaada Al-Ittixaad iyo SSDF
Isku Dhicii Al-Ittixaad iyo SSDF
Dagaalkii Garoowe
Eeshu Dagaalku Reebay
Duulaankii Boosaaso

 

Gogoldhig

Diinta Islaamku waxay soo gaartey Soomaalida iyada oo ay bilow tahay. Raadkii ugu horeeyay waxaa reebay saxaabadii ka soo hijrooday degmada Maka ee aaday boqorkii Xabashida. Tan iyo waagaas waxaa jiray hirar kacaanimo ah oo isugu jiray dacwad Iagu faafinayay Caqiidada Islaamka iyo baraarug lagu xoojinayay aqoonteeda. Kiisii ugu danbeeyay wuxuu ahaa baraaruggan Casriga ah ee ka dhashay in Soomaalidu ay dib ugu laabtaan Hiddihii iyo Xeerar-dhaqameedkii Islaamku lahaa.
Guud ahaan, hayaanka geeddi-socodka nolosha waa xawaare horay u socda oo bulshooyinku ay ku urursadaan tijaabooyinka aqooneed. Dhaxalka ay facuhu isu gudbiyaan waxaa ugu hilan culus dhaqanka, kaas oo ah mid ka dhasha garasho la miiray iyo howlo lagu fuliyay karti badan. Dhaqdhaqaaqyada ay facuhu unkaan wuxuu saldhig u yahay qaabkii ay bulshadu ula fal-geli lahayd nolosha waayaha cusub. Haddii ay bulshadu ku sugan tahay guul, waxay u baahan tahay fac karti iyo xeelad ku ilaaliya guushii ay dhaxleen. Haddayse bulshadu ku sugan tahay guul-darro, waxay u baahan tahay fac ka tallaabiya godka taariikheed. Bulshadii laga waayo jiilal ceynkaas ah waxay ku xukman tahay in cimrigeedu dhamaado oo ay ka tir-tiranto nolosha.
Buugga Kobocii Islaamiyiinta wuxuu inoo soo bandhigayaa sawir uu leeyahay dhaqdhaqaaqii ugu xoogga waynaa oo dhallinyaro Soomaaliyeed ay curiyaan muddadii ay Soomaalidu u dhisnayd dowlad madax-bannaan. Dhaq-dhaqaaqaasi wuxuu ka mid ahaa kuwii mucaaradka ku ahaa dowladdii Soomaalida u dhisnayd. Laakiin mabaadiida diiniga ah oo hadafka u ahaa ayaa waxay siisay in uu ka midab duwanaado dhaqdhaqaaqyadii hubaysnaa ee mucaaradka ku ahaa dowladdii Kacaanka. Haddii ururadii mucaaradka ahaa ay aydiyolojiyo ka dhigteen qabiil, kani wuxuu lahaa aydiyolojiyo diineed. Haddii ay cudud ka raadiyeen xoogaggii reer miyiga ee la qabiilka ahaa, iyagu waxay cudud ka raadiyeen reer magaalkii Soomaaliyeed iyo dhallinyaradii dugsiyada dhiganayay, kuwaas oo weliba ay diinta bareen. Haddii mucaaradkii kale ay xabbad ku bilaabeen halgankooda, iyagu dacwad ayay ku bilaabeen dhaqdhaqaaqooda. Haddii mucaaradkii kale cudud ka raadiyeen dowladihii deriska ahaa ee cadaawadda taariikheed ay ka dhexeysey iyaga iyo Soomaaliya, iyagu cadowga Soomaaliyeed cadow ayay u arkayeen.
Nuxurka buugga wuxuu inoo soo bandhigayaa, qaabkii Islaamiyiintu ay ula fal-galeen marxaladihii kala duwanaa oo ay la soo kufaa-kacayeen dacwadda diiniga. Xiiso gaar ah waxaa leh sida qoraagu uu isugu howlay in uu u kala qeybiyo xilliyo muhim u ah taariikhda baraarugga.
Qoraagu wuxuu si qurxoon u soo bandhigay taariikhda xilli howlaha baraarugga ay bilow ahaayeen, isga oo xusaya raggii fikradda wadey. Waxaa xigey xilli ay howshu ku socotey qarsoodi iyada oo laga cabsi qabay cadaadis kaga yimaada dowlad ciidan ka taliyo. Waxaa xigey xilli baraaruggii xoogeystay oo ay isa soo bandhigeen. Dabadeena waxaa ka sheekeynayaa xilligii hubka la qaatay.
Waxaa kale oo buugga xiiso u yeelaya hayaanka taariikhda baraaruggan oo ah mid aanan caga-dhigan oo weli geeddi-socod ku jira. Bulshada Soomaaliyeedna in-badan ayaanan la socon hayaanka baraarugga Islaamka iyo kobacooda.
Sawirkaas taariikeed iyo sida runta ah oo uu uga war-bixiyay ayaa waxay tahay mid soo-jiidasho iyo xiiso ku abuuraysa akhriste kasta ee uu gaaro buugga Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya.
Ugu danbayntii qoraaggu waa uu ku mahadsan yahay dadaalka xoogga wayn ee uu isugu taxalujiyay ururinta taariikhdan ah hanti ummadeed iyo sida qurxoon ee caddaaladda ku dhisan ee uu u soo bandhigay.

Dktr. Saadiq Eenow
Jaamacadda Bariga Afrika, Boosaaso, Soomaaliya

 

ARARTA QORAAGA

Guud ahaan qoraalku wuxuu saldhig u yahay in bulshada loo soo bandhigo isbedelka taariikhda. Waxaan doonayaa inaan ka hadlo sababihii igu dhaliyey innaan qoro buugga Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya. Mowduucan ayaa ah mid aad u xasaasi ah kolka la eego waqtigan taagan. Dhiiri gelintii ugu horeysay waxaa iska lahaa qorista buuggan Ladan Axmed Caafi iyo Cabdullaahi Abuukar Busuri oo iyagu si hagar la’aan ah iigu taageeray in aan mawduucan ku soo bandhigo kulan Jabuuti lagu qabtay Disembar 2007, waxaa kaloo iyaguna kaalintaas ka mira dhallinta qormadaydan si weyn dhiiri gelin ugu lahaa Cabdirisaaq Hiirad iyo qoraagga caanka ah Cabdicasiis Cali Ibraahim (Xildhibaan). Weligay waan ku hammiyi jiray inaan qoraal ahaan u soo bandhigo kufaa kaca waayaha Islaamiyiinta Soomaalida oo aan wax badan ka xasuusto waqtigay curdinka ahaayeen. Waxaan jeclaystay inaan u iftiimiyo jiilka dambe ee Soomaalida meel ay ka dheegtaan wixii dhacay ee taariikhdu dhigayso.
Sannadkii 1992dii ayaan waxaan ka mid ahaa qaxooti Soomaaliyeed oo ku jiray xero lagu magacaabi jiray Majeengo oo ku taalay bartamaha magaaladda Mombaasa ee dalka Keenya. Habeen habeennada ka mid ahaa koox dhallinyaro ah ayaa waxaa muxaaadaro u jeedinayey daaciga caanka ahaa ee Sheekh Nuur Cali Colow, wuxuu aad habeenkaas ugu dheeraaday shirkiga iyo sida looga fogaanayo, khatarta shirkiga ka imaan karta, gabagabadii muxaadaradaas ayuu si qiiro leh wuxuu sheekhu uga hadlay saxwada iyo baraarugga dacwadda iyo heerarkay soo martay. Wuxuu kaloo iftiinshay siday daruuriga u tahay in la laelo waqti walba dhallinyaro qaada mas’uuliyadda dacwada iyo baraaruggeeda oo dadka gaarsiisa, wuxuu ilaafay in wax la qoro. Xilligaas ayey aniga (Cabdishakuur Mire Aadam, qoraagga buuggan Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya) igu abuurantay inaan u qalab qaato bal inaan wax ka qoro, kaalintaas lama dhaafaanka ah.
Ma fududa inaad xog ka ururisid dhacdo weli socota, isla markaana wax badan oo xogtaas ahi qarsoon tahay. Waxaa laga yaabaa in qof markaad wax weydiiso uu si kale wax u qaato. Su’aalaha ugu badan ee la i weydiinayay ayaa ahaa, “Maxaad ku falaysaa waxyaabaha aad qorayso? Mowduuc kale ka hadal.” Waxyaabahaas oo dhammi igama hor-istaagin inaan ka miro dhalliyo qoraal ururiskii aan ku jirray. Qoraa kastaa meel u gaar ah ayuu qoraalkiisa diiradda ku saaraa, anigu waxaan liishaamay oo qoraalkayga ku wajahay dhaqdhaqaaqyadii Islaamiyiinta Soomaaliya, wuxuuna buuggani tilmaamayaa isla markaasna xanbaarsan yahay wejiyadii isbedbedelayay ee Islaamiyiinta. Waxaan si gaar ah u tilmaamayaa xubnihii sida muuqata iigu gacan siiyey xaqiiqooyinka kufaa kacayey ee Islaamiyiinta Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax, Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, Xuseen Cabdulle Codweyn, Ustaad Cabdiraxmaan Baadiyow, iyo Cabdullaahi Diiriye Abtidoon oo isagu si geesinimo leh u iftiinshay taariikh la isku khilaafsanaa iyo adeerkay Sheekh Maxamed Ismaaciil Yusuf. Kuligood waxaan oran karaa inay door muhiim ah ku lahaayeen u soo gudbinta jiilalka dambe taariikhda Islaamiyiinta Soomaalida oo siyaabo kala duwan mararka qaarkood loo tebin jiray. Waxaa aad u mudan in aan ku celceliyo xubno badan oo ka mid ahaa bud-dhigayaashii Islaamiyiinta Soomaaliya oo si hufan xog warranka taariikhda iigu tebiyay, iyagoon dhinacna u iilanayn. Qoraalkayga waxaan uga gol-lahaa inaan xaska usha ku dhifto si ay uga soo baxaan waxyaabaha ku jira, in la doodo isla markaana dib loo eego taariikhda baraarugga Islaamiyiinta Soomaaliya, inaan la dayicin ee qoraal loo bedelo waaya aragnimadaas.
Waxaa dhici karta in kolka la akhriyo qoraalkan inuu dhinacba si u arko, anigoo ka war haya is riixriixa Islaamiyiinta dhexdooda ah oo qoloba qolada kale si uga biyo diidsan tahay. Waxaa cad innaan xoogga saaray qoraalkayga dhinaca dhaqdhaqaaqyadii Islaamiyiinta Soomaaliya ee xoogaystay bartamihii kontomaadkii qarnigii labaatanaad, igama ahan inaan qoraalkayga ku xayisiinayo sida dadka qaarkii igula doodeen kooxo gaar ah. Balse waxaan ka hadlayay bilowga xarakooyinka Islaamiga ah ee Soomaalida oo dardartoodu muuqatay.
Weli waa socdaa hammiga ah in qayb ka mid ah Islaamiyiintu ku doonayaan in Soomaaliya laga dhiso dowlad Islaami ah. Qola waliba dariiqa ay rabto ha ku gaartee, waa bartilmaameedka dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah ee Soomaaliya higsanayaan. Sidaas darteed Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya wuxuu soo bandhigayaa oo hummaag muuqda ka bixinayaa konton sannadood xaaladda dhabta ah ee Islaamiyiinta Soomaaliya oo weli socotay taas oo maalinba meel joogtay.

Qoraaga Cabdishakuur Mire Aadam “Cobol”

GUUD-MAR KU SAABSAN BUUGGA

Waxay ahayd 2009kii markii iigu horaysay ee aan akhriyo qormooyin ku saabsan buugga Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya, kuwaas oo ku soo bixi jiray wargeyska Ogaal ee ka baxa magaalada Hargeysa. Si aad u weyn ayay qormooyinkaasi ii soo jiiteen, iyaga oo igu beeray dareen iyo xiiso gaar ah oo ku salaysan inaan mar uun arko qoraaga buugga oo ah Cabdishakuur Mire Aadam (Cobol).
Buuggan Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya mar waa macallim marna waa taariikh tebiye mar kalena waa soo bandhige arrin muhiim u ah in la ogaado. Mar waa macallimoo, waxa uu dadka barayaa oo uu musawir dhab ah ka bixinayaa arrin in badan maankooda iyo maskaxdooda ku soo noqnoqonaysay oo ku saabsan bar-bilowgii iyo asaaska fikirka kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya oo ay xuddun u yihiin kooxihii kala dambeeyey sida Al-Ahli, Al-Islaax, Jamaaca Islaamiya, Takfiir iyo Al-Ittixaad, marna waa taariikh tebiye oo waxa uu si saafan oo sarraaxad leh uga hadlayaa maraaxilkii iyo jaranjarooyinkii kala geddisanaa ee ay soo mareen kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya, mar kalena waa soo bandhige oo waxa uu daaha ka rogayaa siro qarsoon oo muujinaya ujeeddooyinkii iyo rabitaannadii is-barkanaa ee ay ka duulayeen kooxahaasi. Waxa kale oo uu soo bandhigayaa sababaha dhabta ah ee keenay inay abuurmaan kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya.
Buuggu waxa uu ka kooban yahay shan cutub oo xidhiidhsan. Cutubka 1aad waxa uu iftiiminayaa baraarugga dacwada Islaamka ee Soomaaliya, maraaxilkii ay soo martay iyo asaaskii kooxda Al-Ahli, waxaana cutubkaani aad u taabanayaa arrimaha ay ka midka yihiin: Midabbadii Islaamiyiinta oo nuxur ahaan noqonaya; dildillaacii Al-Ahli, Khilaafkii gama’sanaa ee Islaamiyiinta, Waayihii hor-u-socodka Islaamiyiinta, Saamaynta uu qabilku ku lahaa Islaamiyiinta, Dhexdhexaadintii Turaabi ee Siyaad Barre iyo Islaamiyiinta iyo Ismuujintii Al-Ittixaad. Cutubka 2aad waxa uu ku saabsan yahay iska hor-imaadkii xoogganaa ee ka dhex qarxay Al-Ittixaad iyo SSDF. Waxa cutubkan ku jira laba ciwaan oo kala ah: Dagaalkii Saliid, oo ay ku sii jiraan qodobo si faahfaahsan uga hadlaya sidii uu dagaalkaasi u dhacay, iyo Al-Ittixaal iyo Al-Qaacida. Cutubka 3aadna waxa uu tafaasiil ka bixinayaa dagaaladdii qadhaadhaa ee Muqdisho ku dhexmaray Islaamiyiinta iyo Unisom. Waxa cutubkan ku sii jira labada ciwaan oo kala ah: Al-Ittixaad iyo Gudaha Itoobiya iyo Al-Ittixaad iyo Gedo. Cutubka 4aad waxa uu kala dhigdhigayaa kala-dhambalankii Al-Ittixaad, waxaana ku sii jira labada ciwaan oo kala ah: Islaamiyiinta Maxaa Kasoo Guuxayay? iyo Milicsiga Islaamiyiinta Soomaaliya. Cutubka 5aad wuxuu inoo sheegayaa Ugxamihii Aasnaa, Abaabulkii Qarsoonaa, Qaraxyadii Geeska Afrika, Saamayntii Soomaaliya ee 11kii Sibtembar 2001, iyo Dagaalkii Dibqallooca.
Buuggan Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya ee uu qoray Cabdishakuur Mire Aadam, runtii waa buug xambaarsan macluumaad ballaadhan oo ka dhashay cilmi-baadhis iyo xog-uruurin soo gudbinaya dhacdooyin wax badan ka iftiiminaya asaaska kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya oo ay dad badani ku jaha wareeri jireen. Waana buug marjac u noqon doona cid kasta oo danaynaysa inay wax ka ogaato bar-bilowgii iyo geeddi-socodkii kooxaha Islaamiyiinta, iyo weliba maraaxilkii ay soo martay dacwada diinta Islaamka ee ay wadeen kooxahaasi.
Qoraagu waxa uu xil weyn iska saaray inuu adeegsado hannaan-qoraaleed sahlan, oo haddana qaabaysan una suurtagelinaya cid kasta oo buuggan akhridaa inay si dhib yar u dhuuxi karto muhiimadda iyo macluumaadka uu xambaarsan yahay.
Waxaaan qoraalkan kooban ee sida guud-marka ah uga hadlay buugga Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya uu bud-dhigaha u yahay Cabdishakuur Mire Aadam aan ku soo af-meerayaa laba arrimood: Waa midda koobaade, waxa aan leeyahay qoraaga buugga sida aad isugu hawshay inaad dadkaaga u soo tebiso xogahaas wax-ku-oolka ah waad ku mahadsan tahay. Waa ta labaade, waxa aan dadka afka Soomaaliga ku hadlayaa aan farayaa: wax akhriya, wax qora, oo wixii la qoraa quroomo hadhee jiilalka soo socda ha looga tago dhigaal ay tix-raacaan, kana faa’idaysta nuxurka uu xambaarsan yahay buuggani.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse “Heersare”
cabdiheersare01@hotmail.com
Tel: 00 252-2-4428516
Qoraa iyo Cilmi-baadhe
Hargeysa, Soomaaliya

MAHADNAQ

Waxaa ugu horayntii mahad iska leh Ilaahay, isagoo keliya ayaa mahadi u sugnaatay. Hase ahaate waxaan u mahad celinayaa shakhsiyaadkii gacanta igu siiyay waqtigii aan ku howlanaa qorista buuggan. Ugu horayn Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo si hagar la’aan ah iiga jawaabay waxyaabihii macluumaadkii ahaa ee aan weydiiyay, aqoonyahan Cabdirisaaq Hiirad oo sixid iyo akhrinta buuggan kaalin mug leh ka qaatay. Saaxiibkay Maxamed Saciid Kashawiito oo habaynta iyo turxaan bixinta lahaa. Burhaan Axmed Daahir oo lahaa sixidda ugu dambaysay.
Ma illaawi karo talo soo jeedintii ivo tusaalooyinkii Cabdicasiis Cali Ibraahim “Xildhibaan” oo la’aantiis aannu buuggani hirgaleen. Lama hilmaami karo sinaba kaalintooda ahayd in qoraalka buugga si habsimi leh loogu soo bandhigo akhristayaasha. Dktr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, Dktr. Saadiq Eenow, Ustaad Maxamed Cumar, Ustaad Cabdiraxmaan Baadiyow, Suldaan Cabdisalaam Maxamuud iyo adeerkay Sheekh Maxamed Ismaaciil Yuusuf “Cobol”.
Kama tegi karo Cabdullaahi Abuukar Busuri iyo Ladan Axmed Cafi oo bilowgii igu dhiirrigeliyay inaan buuggan qoro. Laba aqoonyahan oo dhallinyaro ah Cabdifataax Maxamed Suggule iyo Cabdifataax Nuur Axmed “Ashkir”. Waxaa iyana mudan inaan u mahad celiyo Sheekh Fu’aad Maxamuud Aflow, Dktr. Ciise Sheekh Axmed, Maxamed Cali Nuur “Jubba”, Brofesoor Cabdiraxmaan Faarax Cali iyo Brofesoor Maxamed Yuusuf, Sheekh Cabdirisaaq Ciise. Waxaa kaloo kaalintooda aan la dafiri karin Mahad Saciid Jebiye iyo Dktr. Maxamuud Xayir Ibraahim, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Buntlaan. Kaalin muhiim ah waxaa lahaa Maxamed Cali Aadam (tafatiraha somalitalk.com), Muuse Ducaale Aadam iyo walaalkay Cabdikaafi Mire Aadam iyo Maxamuud Saciid Xuseen (Siyaar Dable). Ma ahan inaan ilaawayo Maryan Xaaji Cabdiraxmaan iyo xaaskayga Cadar Xasan Ibraahim oo wax badan igu taageeray inuu hirgalo buuggani.
Naqshadaynta iyo dhinaca habdhiska waxaa wax weyn igu biiriyay Brofesoor Yuusuf Maxamed Xayd iyo tafatiraha Wargayska Ilays Cumar Saciid Maxamed. Gabagabadii waxaan u mahadcelinayaa Brofesoor Cabdirashiid Cabdiraxmaan Geyre oo dhiirri gelin ballaaran ka gaystay buuggan.

CUTUBKA 1AAD
BARAARUGGA DACWADA
INDHA KALA-QAADKII ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

[A BLOODLESS REVOLUTION]

Afgembigii 21kii Oktoobar 1969kii ee aannu dhiiggu ku daadan, xukunka dalka Soomaaliyana kula wareegeen ciidamadii uu hoggaamiyaha u ahaa Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre, waxaa la oran karay wuxuu kaga duwanaa dowladdii rayadka ahayd ee ka horreeysay, isagoo durba ka soo horjeestay diinta iyo dhaqanka dadka oo u badnaa xoolo dhaqato si niyad ah u aamminsan diinta oo u ah halka loo noqdo mar walba oo is qabad dhexdooda ah yimaado.
26kii Febraayo 1970kii Kacaanka ayaa laallay dastuurkii dalka u yaallay. Wuxuu 2dii Maarso 1970kii gebi ahaan mamnuucay axsaabtii siyaasadda ee Soomaaliya ka jirtay, kuwaas oo kor udhaafayay in ka badan 80 (siddeetan) xisbi. Dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiintu waxay ka mid noqdeen axsaabta iridaha loo laabay. Waaga cusub ee beryay waa ku faraxsanaayeen Islaamiyiintu isbeddelka askartu samaysay ee ay awoodda dalka ku maroorsadeen, wuxuuna Kacaanku u dhiibay jagooyin sar-sare. Laakiinse waxay ka soo horjeesteen kolkuu qaaday toobiyaha hantiwadaagga oo aannay Soomaalidu aqoon durugsan u lahayn, wuxuuna la yimid xir-xirnaansho siyaasadeed iyo mid bulsheedba, iyadoo Soomaalida lagu tilmaamo dad tur-turan oo laab xaaran. Marka dib loo milicsado bulshada Soomaalidu waxay ahaayeen dhammaantood dad Muslim ah, muddo dheerna diinta soo haystay. Taasooy uga duwanaayeen ummadaha kale ee Geeska Afrika ku nool. Sidaas ayay culimadu hoggaan iyo horseed ugu ahaayeen markii isticmaarku dalka soo galay.

[Sayid Maxamed Cabdulle Xasan]

Halgankii Daraawiishta1 ee uu hoggaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ka tirsanaa dariiqada Saalixiyada, ayaa waxaa la oran karay inuu salka ku hayay diidmo Soomaalidu gebi ahaanba diideen wax ka soo horjeeda diintooda, sharaftooda, dhaqankooda iyo caadadooda, uguna babacdhigeen quwadihii gumeystayaasha oo awood ahaan aad uga itaal roonaa xilligaas.
Wuxuu halgankaas waday 1900 ilaa 1921 waxaana marar badan soo shaac baxay wadaaddo Soomaaliyeed oo daacad u ahaa diintooda lana dagaallamay gumaysigii.
Waxaa ka mida Sheekh Bashiir Xasan oo dowladdii Ingiriiska aad uga hor yimid Burco, iyo Sheekh Xasan Barsane oo gobolka Shabeelladda Dhexe Febraayo ilaa Abriil 1924, si bareer ah ugu gacansayray gumeysigii Talyaaniga. Waxaa kaloo jiray culimo dariiqooyinka ka tirsanaa oo iyagu gumaysiga kaga hortagay qaab aan qoriga la qaadanayn, waxaana ka mid ahaa Sheekh Axmed Mahdi iyo Sheekh Abiikar oo ahaa wadaaddo dadka waxbara iyagoo isaga haajiray deggaanadii ay ku noolaayeen gumaysi nacayb dartiis.
Dariiqooyiinka keligood ayaa Soomaaliya ka jiray lama oran karayn, waxaana la xusaa inay dalka soo galeen afkaaro cusub. Qarnigii 19aad rag ay ugu horeeyeen Xaaji Cali Cabdiraxmaan Fiqi-Khayre oo ku magac dheeraa Xaaji Cali Majeerteen (1787 ilaa 1852), sida ku qoran buugga Aw-Jaamac Cumar Ciise ee Taariikhda Buunigii Mujtahidka ahaa Xaaji Cali Cabdiraxmaan, iyo Sheekh Xasan Ibraahim Yabarow oo isagu xer ballaaran ku lahaa deggaanka Baardheere, ka aasaasayna jameeco sannadkii 1819, inay labadan Sheekh ahaayeen salafiyiin. Waxaa Sheekh Xasan Ibraahim Yabarow iyo xertiisuba dadka ka reebeen in la cuno tubaakada, in fagaarayaasha lagu cayaaro, ka ganacsiga foolka maroodigu inuu yahay mamnuuc iyo iyagoo faray in dumarku is asturaan. Laakiin Suufiyada ayaa waqtigaas ka xoog badnayd salafiyiinta. Waxaase jirtay in ay dad door ah ka aflaxeen dugsiyada shiikhyadan (Sheekh Cali Majeerteen iyo Xasan Ibraahim Yabarow) iyo weliba inay qabteen howlo badan oo dib u heshiisiin ah, colaado u dhexeeyay qabiilooyinka oo ay xalliyeen, waxay kaloo ahaayeen kuwa lagu ixtiraamo mas’alooyinka diinta xaggooda jira.

1. [Taariikhdii Daraawiishta, Aw-Jaamac Cumar Ciise]

 

Macnaha Salafiyada

Macnaha Salafiya2 waxa loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu horreeyay qeexay Imaam Shamsuddiin Al-Dahabi oo ka mid ahaa culimada Shaaficiyada. Wuxuu ku dhashay Dimishq 673 Hijriyada, kaasoo geeriyooday 748 Hijriyada. Wuxuu ku macneeyay Salafiyada u noqosho dhaqankii ay iska lahaayeen Saxaabadii Rasuulka iyo labadii jiil ee ka dambeeyay. Asalka salafiyada waa in diinta Islaamka laga qaataa Kitaabka Qur’aanka iyo Axaadiista, loona qaataa siday u fahmeen asxaabtii iyo intii waddadoodii raacday. Waxaa xilliyadii dambe Soomaaliya la oran karayay waxaa nooleeyay fekerkaas Salafiyada Sheekh Nuur Cali Colow oo ahaa wadaad caan ah.

Macnaha Suufinimada

Suufinimadu3 waxay ka kooban tahay qaybo dariiqooyinka ka mid ah, waa Islaam haddii aannay la imman waxyaabo cad oo ka hor imanaya shareecada Islaamka. Waxay Suufinimadu baahday kolkii Alla ka cabsiga dadku daciifay, adduunya jacaylkuna xoogaystay, isla markaasna uu jihaadkii dowladaha Islaamku ku fidin jireen diinta aad u daciifay. Waxay caan ku yihiin xadrada (digriga), iyadoo qolo walbi cisaynayso si ay daraja sare (fiqi) u gaaraan dhinaca ruuxiga (awliyannimo). Suufiyadu ma ahan dariiqo ama diin gaar ah, amase mad-hab gooni ah ee waa dariiq qofku u marayo siduu Ilaahay ugu dhowaan lahaa, sida Suufiyiintu aamminsan yihiin. Waa la isku khilaafaa erayga ahlu Suufinimada. Dadka qaar ayaa ku sheega inay suufinimadu kasoo jeedday saxaabo masjidka Nebiga joogtay. Ibni Jawsi kitaabkiisa Talbiis Ibliis wuxuu ku sheegay in ay ka soo jeedeen Sufa Ibna Mara, ninkan oo hooyadii nidar ku gashay in ay suri doonto tiirka Kacbada markay dhasho si uu ugu go’o diinta, kolkaas ayaa loo bixiyay Suufi. Waxaa kaloo la sheegaa inuu suufi macna ahaan ka soo jeedo eray Giriig ah oo la macno ah falsafa.
Soomaaliya xilligii aasaaskii xisbigii SYL ayaa waxaa soo shaac baxay rabitaan ah qaar ka mid ahaa xubnihii aasaasay inay doonayeen inuu noqdo ururkaasi Jamciyad Islaami ah.4 Xubnaha waxaa ka mid ahaa Cabdiqaadir Sheekh Sakhaawaddiin oo isagu feker ahaan qabay in Soomaalida lagu midayn karo Jamciyad (urur) Islaami ah. Halka saaxiibkiis Yaasiin Cismaan Sharmaarke aamminsanaa in la aasaaso xisbi siyaasi ah oo Ummadda Soomaaliyeed u wada dhan tahay. Hase ahaatee urur Islaami ah oo Soomaalidu aasaasto waxaa ugu fac weynaa ururkii uu Xaaji Faarax Oomaar 1925kii ka aasaasay magaaladda Cadan ee dalka Yemen.

4. [Qoraal ay leedahay Safiya Abuukar Karaani, kana soo warisay aabbeheed]

[Jamaal Cabdinaasir iyo Shariif Maracadde]

Raabida Al-Islaamiya oo uu hoggaaminayay Shariif Maxamuud Cabdiraxmaan oo loo yaqaanay Maracadde ayaa waxaa laga dareemay ururkaas saansaanta Islaamiyiinta. Shariif Maracadde wuxuu ku dhashay Luuq 1904. Waxbarasho ayuu u tegey Masar. Ururkii SYL ayuu isaga baxay, wuxuuna aaasaasay Raabida Al-Islaamiya. Sababta ka tegistiisa SYL
ayuu ku macneeyay inuu aad u saluugay waxyaabo xisbigaasi aamminsanaa.
Wuxuu kaloo si wevn uga soo horjeeday gumeysigii Talyaaniga. Dhowr jeer ayaa loo masaafuriyay magaalooyinka Boosaaso iyo Baraawe. Waxaase kolkii dambe soo baxday in ururka Raabida Al-lslaamiya yahay mid huwanaa Waddaniyad Carbeed, Shariif Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa sannadkii 1952 si bareer ah u soo bandhigay waxyaabaha uu aamminsanaa ee Carabnimada iyo fekerka Naasiriyiinta ahaa. In kastoo Raabida Al-Islaamiya magac Islaannimo wadatay, haddana wuxuu ururkaasi noqday mid si weyn ugu dhowaa hoggaamiyihii hore ee Masar Jamaal Cabdinaasir oo aad loogu yaqaannay la dagaallanka dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiinka dalkiisa.
Sannadkii 1967 ayaa Muqdisho waxaa la aasaasay Jamciyad la oran jiray Al-Nahda oo ay horseed ka ahaayeen dhallinyaro wax ku soo baratay waddammada Carabta qaarkood sida Masar, Sacuudiga iyo Suudaan. Aasaasayaasha waxaa ka mid ahaa Sheekh Cabdiqani Sheekh Axmed, Sheekh Maxamed Axmed Garyare iyo Shariif Calawi oo ku xirnaa Ikhwaanul Muslimiinta Masar, Sheekh Maxamed Macalin Xasan oo isagu Masar ka soo noqday Febraayo 1968. Waxaa aad u kobcayay xilliyadaas raadka fekerka Ikhwaanku ku yeelanayay Soomaaliya. Dowladdii dalka ka talinaysay ee rayadka ahayd uma aysan muuqan mid faragelin ku haysay baraarugga dacwada oo ku jirtay xilligeedii indha kala-qaadka.
Wax ayaa la iska weydiin karaa dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiinka?
Ikhwaanul Muslimuun waa dhaqdhaqaaq Islaami ah oo soo shaacbaxay kolkay burburtay dowladdii ugu dambasay ee boqortooyadii Cismaaniyiininta, Maarso 1923. Waa dhaqdhaqaaq ku dheggan Islaamnimada, iyadoo Kitaabka iyo Sunnaha Rasuulka (scw) la raacayo.
Waxaa la aasaasay xarakada Ikhwaanka Abriil 1928, waxayna dunida Islaamka u soo bandhigtay in Islaamku yahay Diin iyo Dowlad.
Baraarujayaashii Ikhwaanul Muslimiinka Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Sheekh Cabdiqani Sheekh Axmed. Sheekh Cabdiqani Sheekh Axmed wuxuu ku dhashay gobolka Bakool 1935. Masaajidyada Soomaaliya ayuu wax ku soo bartay ilaa uu ka gaaray darajada sheekhnimada. Sannadkii 1951 ayuu tagay dalka Masar. Wuxuu ku biiray Jaamacadda Al-Azhar oo uu ka qalin jabiyay 1957 qaybta Shareecada, isla sannadkaas ayuu xubin ka noqday xarakada Ikhwaanul Muslimiinka Caalamka, dabadeedna dalka ayuu ku soo laabtay.
Sannadkii 1967dii Al-Nahda waxaa madax looga dhigay Sheekh Cabdiqani Sheekh Axmed. Wuxuu ka shaqeeyay Wasaaradda Waxbarashda, Garsoorka iyo Jaamacadda Ummadda oo uu macallin ka ahaa. Wuxuu noqday Waasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta 1970kii. Dabadeed waa laga qaaday xilkaas markii ay is khilaafeen madaxdii dowladda Kacaanka. Muddo dheer ayuu xabsiga ku jiray ilaa uu uga haajiray dalka Kuwayt, halkaas oo uu ka shaqayn jiray Mowsuucada Fiqiga Islaamka ilaa uu ka geeriyooday l7kii Agosto 2007dii.
Al-Nahda waxaa saldhig u ahaa maktabad lagu akhristo kutubta diiniga ah ee la jaan-qaadaysay dhaqdhaqaaqa guud ee Islaamiyiinta. Kutubta maktabaddaasi dalka soo gelisay waxaa sabab u ahaa qoraal uu Sheekh Maxamed Axmed Garyare u diray Sheekh Manna Al-Qataan oo ay isku yaqaanneen Sacuudiga, ahaana Sheekhii ku daray xarakada Ikhwaanka. Sidoo kale Sheekh Cabdiqani Sheekh Axmed kolkii uu booqday dalka Kuweyt, dabayaaqadii lixdamaadkii wuxuu la kulmay ragga ugu waaweynaa Ikhwaanka Kuweyt oo uu ka mid ahaa Yuusuf Xiji iyo Cabdalla Mudawwac. Guud ahaan waxay cullimmadaasi ugu deeqen Al- Nahda kutub farabadan oo dhinaca baraarugga u janjeertay. Kutubta lagu akhrisan jiray oo taallay maktabaddaas waxay u badnaayeen kuwa ay qoraan ragga hormuudka u ahaa Ikhwaanka sida Xasan Al-Banna, Abul Aclaa Mawduudii iyo Sayid Qudbi, waxayna ahayd halka loo soo mariyo shacabka Soomaalida baraarugga Islaamka.

Islaamiyiinta Soomaaliya waxaa raad ku lahaa Ikhwaanul Muslimiinka Masar, waxaana xubin ka noqday Sheekli Maxamed Axmed Garyare7 oo ku dhashay 1935kii Dhagaxbuur, dugsi Qur’aanka ayuu ka galay. Wuxuu noqday xer, ka dibna wuxuu aqoon diineed u tegey boqortooyada Sacuudiga, waxbarasho ayuu ka galay Machadka Riyaadi Cilmi, wuxuuna ahaa qofkii ugu horreeyay Soomaalida oo waxbarashana ka billaaba Jaamacadda Madiina Al-Munawwara. Dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiinka Masar ayuu ku biiray 1962dii. Kusoo noqoshadiisii Soomaaliya wuxuu ku shaqeeyay La-Taliyaha Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Diinta. Waxaa xilligaa muuqanayay inuu guntanaa xiriir mug weyn oo u dhexeeyay Ikhwaanka Guud iyo Ikhwaanka Soomaaliya oo ku jiray waqtigaas socod barad. Sheekh Maxamed Garyare mar uu waraysi siiyay shabakadda Soomaaliya Maanta (somaliatoday) wuxuu xaqiijiyey inay Al-Nahda qaab Ikhwaan lahayd.
Kooxda Ansaarul Sunna Al-Muxammadiya oo salka ku haysay salafinimada waxaa madax u ahaa Sheekh Nuur Cali Colow. Ururkani wuxuu xanbaarsanaa markasta fekerka salafiyada. Gabyaagii Cismaan Yuusuf Keenadiid ayaa xilligii ay soo if baxeen Islaamiyiintu dabayaaqadii kontomaadkii, ka tiriyay tixo gabaygiisii caanka ahaa Yaw Garniqi Doona oo uu malaha markaas ula jeeday wadaadka Sheekh Nuur Cali Colow iyo raggiisa oo iyagu afkaarta salafiyiinta la yimid waddanka, waxaana ka mid ahaa tuducyadii gabaygiisa:

Muslinkii gumaysiga ku jiray garay xumaantiiye
Guhaad iyo wuxuu wada qabaa gayrashiyo ciil e
Giddigii Islaamkii hadduu gees isugu leexday
Iyo gaaladaynu ogsoonahay yaw garniqi doona?
Culumadii gadaalkan waxaa galay khilaaf weyne
Geyigana Dariiqooyin baa goosan ku ahaaye
Khaliifyadatan guutada wata iyo calanka giirgiiran
Iyo gabannada soo baxay dhowaan yaw u garniqi doona?

[Sheekh Nuur Cali Colow]

Sheekh Nuur Cali Colow siday dad badani qabaan wuxuu ahaa horseedaha salafiyada Soomaaliya ee qarniga 20aad, ninka bilaabay aragtidaas, isla markaasna aabbaha u noqday baraarugga Islaamka Soomaaliya. Waa lagu dhibay oo lagu dhaleeceeyay fidinta afkaarta Salafiga ah. Gaalkacayo ayaa lagaga kacay waqti dad aad u yari fahansanaayeen baraarrugga Islaamka. Xarakada Salafiyada ee uu madaxda ka ahaa dadka dhaliilaa waxay ugu yeeraan Wahaabiya oo ay ku lamaaniyaan Sheekh Maxamed Cabdiwahaab iyo fekerkiisii Salafinimada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *