Qur’aanka Kariimka iyo Tarjamada Macnihiisa ee Afka Soomaaliga

 

1. Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista. ﭑﭒﭓﭔﭕ

QUR’AANKA KARIIMKA

Iyo Tarjamada Macnihiisa Ee Afka Soomaaliga

Waxaa Ku Sharaf Mutay Amarka Daabacidda Jaamacan Sharafta Badan iyo Tarjamada Macnihiisa Adeegaha Labada Xaram Ee Sharafka Badan Boqor Fahad Ina Cabdulcaziiz Reer Sucuud Boqorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya

ﭡﭢﭣ

(ﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥ)

Waxaa ammaan oo dhan iska leh Allahii barbaariyay caalamka ee yidhi “Qur’aankan wuxuu ku hanuuniyaa tan ugu toosnaasho badan, wuxuuna ugu bishaareeyaa mu‘miniinta wanaagga fala inay leeyihiin abaalmarin weeyn.”

Naxariis iyo nabadgalyo Rasuulkii Alle korkiisa ha ahaato ee gaarsiiyay dadka kitaabka Rabbigii ee yidhi, “Waxaa idiinku kheyr badan kii Qur’aanka barta dadkana bara,” wuxuuna dadka ugu yeedhay inay akhriyaan isagoo yidhi, “Akhriya Qur’aanka maxaa yeelay wuxuu iman maalinta Qiyaame isagoo u shafeecaya dadkiisa.”

Intaa kaddib:

Iyadoo la fulinayo amarrada adeegaha labada Xaram ee sharafta badan ahna faafiyaha kitaabka Alle ee sharafka badan boqor Fahad ina Cabdulcaziiz, Alla ha xifdiyee, ee la xidhiidha daneynta kitaabka Alle ee kariimka ah, meeleyn iyo daabacaadba iyo in loo hawlgalo fududeynta faafintiisa si uu u wada gaaro gacmaha Muslimiinta, iyo in lagu tarjumo laguna fasiro micnihiisa afafka kale, isla markaa iyadoo tusaalooyinkaa yihiin yoolasha ugu sarreeya ee u jeexan wadajirka adeegaha labada Xaram ee sharafta leh boqor Fahad ee daabacaadda jaamaca sharafka badan ee ku yaal Madiina Al-Munawwarah.

Iyadoo ku saleysan iskaashiga ka dhexeeya xogheeynta guud ee wadajirka adeegaha labada Xaram ee sharafta leh boqor Fahad ee daabacaadda jaamaca sharafka leh fadhigiisuna yahay Madiina Al-Munawwarah iyo xogheynta guud ee Raabidada Caalamka Islaamka fadhigeeduna yahay Makka Al-Mukarramah sidii looga soo uruurin lahaa waddammada Muslimka culimada tafsiirka si ay ugu tarjumaan uguna fasiraan macnaha Qur’aanka kariimka afafka kale taasoo ay keeneyso baahida loo qabo in lagu jilciyo tafaasiirtaa iyo macnahaas dhammaan afafka ay ku hadlaan Muslimiinta si aanay ugu koobmin in ay ku cibaadeystaan akhrintiisa kali ah iyagoon fahmayn macnihiisa.

Iyadoo la rumeynayo hadalka Alle ee ah (ﯜﯝﯞ) iyo dareen ah waajibnimada ka qeybqaadashada Islaamnimo waxaan ku faraxsannahay in aan soo gudbinno jaamacan sharafta leh iyo tarjamada macnihiisa ee ah afka Soomaaliga oo uu amray daabiciddiisa adeegaha labada Xaram ee sharafta badan, Alla ha xifdiyee, uuna tarjamay Sheekh Maxamuud Maxamed Cabdi; dibna u eegeen culumada kala ah:

Sheekh Nuuraddiin Cali As-Salafi (guddomiye)

Sheekh Shariif Cabdinuur Xasan (xubin)

Sheekh Cabdurraxmaan Yuusuf Aadam (xubin)

Sheekh Maxamuud Maxamed Cabdi (qoraaga, xubin iyo xogheynta)

 

Waxaa ugu dambeyntii dib u eegay baroofooyinka, aayadaha qaarna faallo yar ka bixiyay Sheekh Cabdurraxmaan Sheekh Cumar Axmed Diinle.

Waxaa oggolaatay tarjamadan Raabidada Caalamka Islaamka, waxaana ammaan oo dhan leh Allihii na waafajiyay dhammeystirka hawshan una gudbinno Muslimiinta ku hadasha afka Soomaaliga ee jooga gudaha Soomaaliya iyo dibaddeedaba annagoo quuddarreynayno in ay ka qaataan nuur iyo hanuun kaas oo xoojiyo iimaankooda, Islaamnimadoodana adkeeya, kuna hagaajiyo xaalkooda adduun iyo aakhiraba. Raabidada goorta ay soo gudbineyso dadaalkan iyadoo la kaashatay Wadajirka Adeegaha labada Xaram ee sharafka leh boqor Fahad ee daabacaadda jaamaca sharafka leh waxay ogeysiineysaa in tarjamooyinka heer kasta oo ay ka gaaraan diqqada aanay gaadhi karin halkuu gaarsiinaya naska Qur’aanka ee aan lala imaan karin isagoo kale. Saa darteed waxay ka rajeyneysaa qof kastoo akhriya tarjamadan in uu ka soo jeediyo wixii talooyin iyo milicsiin ah si looga faa’ideeysto dabcooyinka soo socda hadduu Alle idmo.

Allaa ku toosiya dadka jidka toosan.

 

Hordhac

Mahad Eebbaa iska leh ee ah kan ku soo dejiyey Nabigiisa kitaabka Qur’aanka ah ee toosan, naxariis iyo nabadgalyana ha ahaato Rasuulka Muxamed ah korkiisa iyo ehelkiisii iyo asxaabtiisii iyo inta wanaagga ku raacda tan iyo Qiyaamada.

Intaas kadib:

Waxaan ku mahadin Eebbaheenna Sarreeye ee ii suuro galiyey inaan ka qayb qaato qoridda macnaha Qur’aanka sharafta leh. Sida dhabta ahna camalkani ma fududa, hasayeeshee kaalmaha Eebbe iyo awooddiisa yey arrimuhu ku jilcaan, saas darteed yaan u gudogalay arrintan. Sababaha igu xambaaray inaan qorana waxaa ka mida:

  1. Inuu ii noqdo camalkani kayd Eebbe agtiisa, maalintay naf kasta heli waxay camal fashay oo khayra oo muuqda.
  2. Inaan ka qayb qaato u adeegidda Kitaabka Eebbe ee Qur’aanka kariimka ah, iyo u caddaynta macnihiisa dadka garan luuqada Soomaaliga ah, ee ay ku adagtahay luuqada Carabiga ah illeen waxay u dhawdahay in Eebbe ku anfacee.
  3. Wax badan oo luuqadaha ka mida waxay ka qayb qaateen caalamka Islaamka arrintan si faa‘iidadu u badato, laakiin waxay ka muuqataa baahi iyo banaani xagga luuqada Soomaaliga ah.
  4. Waxaa dhacday in lagu turjumay kutubo badan oon Islaam ahayn luuqada Soomaaliga ah, luguna qaybiyo Muslimiinta, gaar ahaan qoxootiga, markaas waxaa lagama maarmaan noqotay in lagu dhaqaaqo arrintaas, illeen bir waxaa uun jilcisa bire.

Sababahaas iyo kuwo kale yaa igu xambaaray billaabidda camalkan, annagoo ka kaalmo warsan Eebbaha sare ee kara inuu na toosiyo, nana xoojiyo. Waxaa laga yaabaa in dad iswarsado maxaa loogu fasiri macnaha Qur’aan luuqadda Soomaaliga ah oon loo dayn dadku ha barteen luuqada Carabiga ahe, waa fiicantahay, miyeyse isdiidi in Qur’aanka macnihiisana luuqada Soomaaliga ah lagu fasiro, isla markaas dadku barto kana faa‘iidaysto luuqada Carabiga ah, sow ma ahayn culimadii hore ee Soomaalida ahaa kuwii dadka ugu fasiri jiray uguna caddayn jiray macnaha Qur’aan tan iyo hadda si af ah quruumo badan, xalqada masaajidka iyo meelo kalaba, taasoo reebtay raad fiican, sababna u noqotay sugnaanta gomadda Islaamku gobalkan Geeska.

Waxna uma dhexeeyo ku caddaynta Qur’aanka odhaah ama qoraal, inkastoon rumaysanahay waajibnimada barashada luuqada Qur’aanka (Carabiga) sidoo kale ku barashada macnaha Qur’aanka wayn si kasto oo khayra oo wanaagsan, ma waxaa roon in layska fadhiisto oo wax uun la sugo camal la‘aan, mise in dadaal lagu dhiibo u adeegidda Qur’aanka sharafta leh? Haddaan eegno habka kitaabka waxaad ogtahay inaan kitaabka Qur’aanka ah dhammaantiis lagu fasirin hadda ka hor intaan ogahay luuqada Soomaaliga ah, iyadoo luuqadduna ku jirto waqti korid. Arrinta labaad waxaa jira xuruuf qaarkeed aan laga helayn luuqadda Soomaaliga ah sida (ث) waxaana baddelkeeda qaatay xarafka TH iyo xarafka (ز) oon beddelkeeda qaatay xarafka Z sida badan, kuwo kalana waa laga yaabaa.

Waxaana ku qorray naska Qur’aanka luuqadda Carabiga ah iyadooy aayad walba wadato raqamkeedii taasoo ka yeeli ruuxu inuu u akhriyo sida kitaab jaamac ah, waxaana kasoo horjeeda macnihii Qur’aanka oo luuqadda Soomaaliga ah, hasayeeshee raqamku aayadaha dhammaadkooda yuu iman, macnahana billowga.

Kuma dhibin naftayda inaan u turjumo Qur’aanka si xarfi ah, waxaanse isku dayey inaan u caddeeyo macnihiisa si kooban, waana kala duwanyihiin labada arrimood sidaan citiqaadin, illeen tan dambe waa uun fasiraad kaliyee.

Arrinta kale ma doonin lahjad gaara oo Soomaali ah, waxaanse ku dadaalay Soomaaliga guud, haddana laga yaabo in dadka qaarkii wax u muuqdo. Tarjamo kasta waxaan u dambeeysiiyay sharax kooban oo kulmin macnaha aayadaha isku xidhan, mararka qaarkoodna waxaannu soo aroorinaa xadiithka Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ama hadal asxaabi, ama hadal mid ka mida culimadii Islaamka ee la yaqiinay, ama ku baraarujin xukun ama xikmad, ama caddayn sababta suuraddu kusoo degtay, ama aayaddu, waxaas oo dhanna waa si kooban, illeen hadal ma dhammaado inta dadku ka dhammaan. Ujeeddadeennuna waa in la fahmo dhinac ka mida macnaha Qur’aanka cad, mase aha in wax walba la sheego, hadalka badanna wax buu dhibaa markuu xadda ka baxo. Inkastoon isku daynay inaan soo dhawayno macnaha Qur’aanka dadaalna aan ku dhiibnay intaan karro oo u noqonnay kutubo badan muddo shan sano dhexdeeda oon ku shuqloonayn arrintan, lana noolayn Qur’aanka, haddana waxaa dhici kara gaf, waxaanse ka baryeynaa Eebbaha gargaara ee kara ee naxariista ee saamaxaadda badan inuu naga dhaafo wixii naga dhaca oo simbiriirixo ah, naguna arzuqo niyad fiican iyo camal wanaagsan, oo la aqbalo Eebbe waa dhawe ducada ajiibee.

Fadliga Kitaabka Ilaahay ee Qur’aanka ah ee wayn, iyo fadliga isku shuqlintiisa: barasho, ogaansho, xifdid, akhrin, barid, fasiraad, raaciddiisa iyo ku camal falkiisu waa arrin aan ciddii baran ka qarsoonayn. Waxaana wax kaga ishaarray qoraalkannaga lagu magacaabo Culuunta Furqaan.

Ugu dambayn waxaan Ilaaheenna wayn ee naxariista ka baryeynaa dambi dhaaf anaga iyo waalidiintanno, Muslimiinta oo dhan iyo cid kasta oo gacan khayr ka gaysata Kitaabka iyo cid kasta oo ka faa’iidaysata kitaabkan oo mu‘miniinta ka mida, Eebbe isagaa gargaare fiican ehe.

Waxay dhammaatay qoriddii kitaabkan 7dii Dul Qicdah 1405 Hijriyada.

Muqdisho, 12kii Safar 1405 Hijri

Maxamuud Maxamed Cabdi

 

 

Jaamaca Magaaladii Nabiga

Qur’aanka Kariimka iyo Tarjamada Macnihiisa ee Afka Soomaaliga

Wadajirka Adeegaha Labada Xaram ee Sharafka Badan Boqor Fahad ee Daabacaadda Jaamaca Sharafta Badan

***

ﮌﮍ

ﭑﭒﭓﭔﭕ
ﭖﭗﭘﭙﭚ
ﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡ
ﭢﭣﭤﭥﭦﭧ
ﭨﭩﭪﭫﭬﭭ
ﭮﭯﭰﭱ
ﭲﭳﭴ

Suurat Al-Faatixah

  1. Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.
  2. Mahad Eebbaa iska leh ee barbaariyaha caalamka ah [koonka].
  3. Ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.
  4. Ee hanta maalinta abaalmarinta [Qiyaamada].
  5. Adiga un baan ku caabudaynaa, adiga un baana kaa kaalmo waydiisanaynaa [Eebbow].
  6. Ee nagu hanuuni jidka toosan [xaqa].
  7. Jidka kuwii aad unicmaysay eedan u cadhoonin dhuminna.

 

Suuradani waa suurad wayn, Kitaabka Ilaahayna ka billowdo, wax walbana in lagu billaabo ay fiican tahay, salaaddana in lagu akhriyo ay waajib tahay, kulmisatayna ammaanta Eebbe, mahaddiisa, Qiyaamada, cibaadada Eebbe iyo kaalmo-waydiisigiisa iyo inuu ku toosiyo jidka toosan ee xaqa ah, jidkaasoo ah kay qaadeen dadkii fiicfiicnaa ee Eebbe unicmeeyey oo ahaa nabiyadii, rumeeyayaashii, shuhadadii iyo kuwii suubbanaaba ee ka leexday waddada kuwii loo cadhooday ee Yuhuudda ahaa iyo kuwii dhumay ee Nasaarada ahaa. Waxaana lagu magacaabaa suuradan magacyo badan oy ka mid tahay Hooyada Qur’aanka, Nabiguna (naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha yeelee), wuxuu yidhi, “Amar kastoon lagu bilaabin bisinka waa naaqus.” Sidoo kale wuxuu yidhi, “Salaaddu uma jirto ruux aan akhriyin Faataxada.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim.

Fadligeedana halkan kuma soo koobi karno, waxaase fiican in la fahmo waxay kulmisatay laguna dhaqmo, Eebbana dhab loo caabudo dhabna looga kaalmo waydiisto, had iyo jeerna la digtoonaado, hanuun iyo toosnaanna Eebbe la warsado iyo inuu kaa duwo jidka xun ey qaadeen xaqdiidayaashu iyo gaalada dhammaanteed. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Dhugbadane waa ruuxa naftiisa xisaabiya una camal fala geeri dabadeed.” Waxaa wariyey Imaam Axmed iyo kuwo kale. Al-Faatixah (1-7).

***

 


ﮌﮎ

ﭫﭬﭭﭮ
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚ
ﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡ
ﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩ
ﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲ
ﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹ
ﭺﭻﭼ

 

Suurat Al-Baqarah

Magaca Eebe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Alif. Laam. Miim. [Aad baa macnaheeda looga hadlay, waxaana la sheegay inay magaca suuradda tahay, ama ay ku tusin mucjisadda Qur’aanka, Eebbe un baa ogna waa la dhahaa.]
  2. Kitaabkaas [Quraanka] shaki kuma jiro hanuun baana ugu sugan kuwa dhawrsada.
  3. Ee ah kuwa rumeeya waxaan la arkayn [ee xaq ah] oogana salaadda, waxaan ku arzaaqnayna wax ka bixiya.
  4. Ee ah kuwa rumeeya waxa lagugu dajiyey [Nabiyow], iyo wixii la dajiyey horay, aakhirana yaqiinin.
  5. Kuwaasi hanuun Eebbe yey ku sugan yihiin, kuwaasina waa uun kuwa liibaanay.

Suuraddan waa suuradda u dheer Qur’aanka, waxayna kulmisatay waxyaalo badan oo ah: xukumo, qisooyin, iyo wanaagyo badan, waxayna ku billaabatay xaqnimada Qur’aanka iyo siduu hanuun ugu yahay kuwa xumaanta ka dhawrsada, ee rumeeya xaq ayna arkayn sida Eebbeheen, malaa‘igta, Qiyaamada, Jannada iyo Naarta iyo wax kastoo xaq ah, Eebbena ka yaaba hadday cid la joogaan iyo haddii kaleba, salaaddana ooga, zakada iyo sadaqadana bixiya, Qur’aanka iyo Kutubtii horana rumeeya, kuwaasina waa kuwa hanuunay ee liibaanay. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Haka yeelina guryihiinna qubuuro, illeen gurigii lagu akhriyo suuradda Baqarah ma galo shaydaane.” Waxaa wariyey Imaam Muslim iyo Axmed iyo kuwo kale. Xasan Basri wuxuu yidhi, “Dhawrsade waa kan iska ilaaliya waxa laga reebay, gutana waxa lagu faralyeelay.” Al-Baqarah (1-5)

  1. Kuwii gaaloobay waxaa isugu mid ah udigtayaa iyo umaadan diginaa, mana rumeeyaan [xaqa].
  2. Eebbaa daabacay quluubtooda iyo maqalkooda. araggoodana wuxuu yeeley dabool, waxaana u sugnaaday cadaab weyn.
  3. Dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi “Waxaan rumeynay Eebbe iyo maalintii dambaysay [Qiyaamada],” haddana aan mu’miniin ahayn.
  4. Waxay khiyaameyn Eebbe iyo kuwa [xaqa] rumeeyey mase khiyaamaynayaan waxaan naftooda ahayn, mase kasayaan.
  5. Quluubtay ka bukaan markaasaa Eebbe u siyaadiyay cudurro, waxayna mudan cadaab daran beentoodii darteed.
  6. Marka lagu dhoho ha fasaadinina dhulka waxay dhahaan, “Annagu waxaan uun nahay hagaajiyayaal.”
  7. Iyaga un baa fasaadiyayaal ah hasa yeeshee ma kasayaan.

 

Suuraddu waxay xagga hore kaga hadashay mu‘miniinta iyo xaqay ku sugan yihiin, haddana waxay ka hadashay gaalada iyo sida loo daboolay qalbigooda, maqalkooda iyo indhahoodaba iyo in xumaan u sugnaatay. Mar saddexaadna waxay ka hadashay munaafiqiinta iyo warkooda beenta ah iyo siday isugu dayayeen inay Eebbe iyo mu‘miniinta khayaameeyaan, iyadoy dhabtu tahay inay naftooda khiyaamayn, qalbigana ka bukaan una sii kordhi, marka xumaanta laga reebana ey sheegtaan inay wax wanaajin, dhab ahaanna iyaga un baa xumaan wadayaal ah mase oga. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaa lay faray inaan la dagaalamo dadka intay ka dhahaan Eebbe mooyee ilaah kale [xaq lagu caabudo] ma jiro, hadday dhahaanna way iga ilaaliyeen dhiiggooda iyo xoolahoodaba waxaan xaqeeda ahayn, Xisaabtooduna Eebbaa leh (waynaaye).” Waxaa wariyay labadii Sheekh (Bukhaari iyo Muslim). Al-Baqarah (6-12)

 

  1. Marka lagu dhaho rumeeya sida dadku u rumeeyey waxay dhihi, “Ma waxaannu u rumayn sida sufahada [caqli gaabka]?” Waxaase sufaha ah iyaga uun laakiin ma oga.
  2. Markay la kulmaan kuwa rumeeyey [xaqa] waxay dhihi waan rumaynay, markay la kaliyoobaan shaydaamadoodana waxay dhahaan, “Annagu waan idin la jirraa, ee waxaan ahayn uun kuwa ku jeesjeesa (mu‘miniinta).”
  3. Eebbaa ka abaal marin jeesjeeska, wuxuuna u siyaadin kibirkooda iyo baadidooda, iyagoo ku dhex wareeri.
  4. Kuwaase waxay ku gateen baadida hanuunka, mana ribxin [faa’idin] ganacsigoodu mana hanuunsana.
  5. Waxay la mid yihiin mid huriyey dab, markuu iftiimiyay gaararkoodana yaa Eebbe la tagay nuurkoodii ugagana tagay mugdi ayan wax arkayn.

 

Xumaanlow iyo munaafiq marka la waaniyo oo wanaagga la faro wuxuu ku jawaabaa xumaan iyo madax adayg isagoo dhihi ma waxaan wax u rumayn siday mu‘miniinta caqliga yar wax u rumeeyeen, dhabtuse waa in isagu caqli-gaab yahay, shayaadiinta ay wax isku qastaanna wax u tarayn ee xumaan uun u siyaadi, waana kuwo wanaagga nacay oo baadi doortay, kuna khasaaray ganacsigii, nuurkii iyo Iftiinkiina ka fogaada oo mugdi iyo qas ku dhex dabaalan. Ibnu Cabbaas iyo Mujaahid waxay sheegeen in shaydaamadoodu yihiin gaalada hoggaamisa ee Yuhuud iyo mushrikiin ah. Al-Baqarah (13-17)

 

  1. Waa dhaga la‘aan, hadal-la‘aan, arag-la’aan, xaqana uma soo noqdaan.
  2. Wuxuu la mid yahay xaalkoodu sidii roob samada kasoo degay oo mugdiyo onkod iyo hillaac leh, oy yeelayaan farahooda dhagahooda hanqadhka [danabka] xaggiisa geeri ka digtooni darteed, Eebbana waa koobay gaalo.
  3. Wuxuu u dhaw yahay hillaacu [xaqu] inuu dafo araggooda, markastoos u Ifo way ku socdaan, markuu ku mugdiyoobana way istaagaan, hadduu Eebbe doonana wuxuu la tagaa maqalkooda iyo araggooda Eebbana wax walba waa karaa [oos doono].
  4. Dadow caabuda Eebbihiinna idin abuuray idinka iyo kuwii idinka horreeyey, waxaadna mudataan inaad dhowrsataan
  5. Eebbaha dhulka idiin ka yeelay gogol, samadana dhismo, idiinkana soo dajiyey samada biyo, kuna soo bixiyey midho si laydiinku arzuqo ee ha yeelina Eebbe kuwa la mid ah idiinkoo og.

 

Eebbe wuxuu sheegay in gaaladu xaqa ka maqal, arag iyo afla‘dahay oy lamid yihiin cid roob hanqadh iyo hillaac badan ku da‘ayo waqti mugdi ah oo cabsi iyo argaggax ku sugan, taasina waxay tusaale u tahay siday u wareersan tahay gaaladu oy xaqa uga sii jeeddo, waxaase ku habboon dadka inay caabudaan Eebbaha u nicmeeyey, wax walbana abuuray. imaamyadii waawaynaa sida Shaafici, Abuu Xaniifa iyo Axmed binu Xambal si cad bay uga hadleen aayaddan iyo siday kuu tusin jiridda Eebbe iyo awooddiisa marar la weeydiiyay xaalkaas. Al-Baqarah (18-22)

 

  1. Haddaad shakisantihiin waxaan ku dejinay addoonkanaga [Nabiga], keena suurad la mid ah, una yeedha markhaatiyadiin [kaalmeeyayaashiinna] ee Eebbe ka soo hadhay haddaad runlow tihiin.
  2. Haddaydaan falin mana falaysaane ka dhawrsada Naar lagu shido dadka iyo dhagaxa, loona darbay gaalada.
  3. Ugu bishaaree kuwa rumeeyey [xaqa] camal fiicanna falay inay mudan Janooyin ay socoto dhexdeeda wabiyaalkii, markastoo laga arzaaqo xaggeeda midho waxay dhahaan kani waa kii horay naloogu arzuqay, waxaa la siiyey isagoo isu eg [aragga] waxayna dhexdeeda ku leeyihiin haween [Janno] oo nadiif ah, dhexdeedana way ku waari.

 

Kitaabka Qur’aanka ah waa kitaab wayn oo wanaaggu ku dhan yahay, xukun, amar, reebid, akhlaaq, qisas, tusaale iyo wax kastoo loo baahan yahay. Saas darteed yaa Eebbe ku cajis-galiyey gaalada inay la yimaadaan wax la mid ah Qur’aanka, cidday rabaanna la kaashadeen, mar haddayse ka noogeen oyna waligoodna keeni Karin, haka dhawrsadeen naftooda Naar daran, oo gaal loo darbay. Mu‘miniinta xaqa rumeeyey ee wanaagga fashayna waxay mudan Jannooyin wanaag ku dhan yahay oo wanaaggeeda iyo midhaheedu isu egyihiin xagga aragga. Ibnu Mascuud waxaa laga wariyey inuu yidhi, “Haddaad maqashaan Eebbe oo ku leh Qur’aanka kuwa xaqa rumeeyow aad u dhagaysta waa khayr uu fari ama shar uu reebi.” Al-Baqarah (23-25)

 

  1. Eebbe kama xishoodo [reebtoonaado] inuu tusaale u yeelo kaneeco iyo wax ka sarreeyaba, kuwa [xaqa] rumeeyeyse waxay ogyihiin inuu xaq yahay [Qur’aanku] kana yimid xagga Eebbahood, kuwa gaaloobayse waxay dhihi, “Muxuu Eebbe ula jeedaa tusaalahan?” Wuxuu ku dhumin Eebbe in badan wuxuuna ku hanuunin in badan, waxaan faasiqiiin ahayna kuma dhumiyo.
  2. Ee ah kuwa buriya ballanka Eebbe intay adkeeyeen ka dib, oo gooya wuxuu faray Eebbe in la xidhiidhiyo oo fasaadiya dhulka, kuwaasu waa kuwa khasaaray.
  3. Seed uga gaaloobaysaan Eebbe idinkoo ahaa waxaan noolayn, markaas Eebbe idin nooleeyey haddana idin dili haddana idin soo noolayn ka dibna xaggiisa laydiin celin.

 

Markay gaaladii dheheen, “Maxaa looga jeedaa caarada iyo daqsiga lagu sheegay Qur’aanka?” yaa Eebbe soo dajiyey aayaddan, Eebbana xaqa caddayntiisa waxba uma daayo, mu‘minkase wax walboo xaq ah wuu rumeeyaa, waxaase ku dhumi faasiqiinta ballankana buriya, gooyana wixii Eebbe faray in la xidhiidhiyo dhulkana fasaadin, waana kuwa khasaaray, mana habboona in laga gaaloobo Eebbaha wax dila waxna nooleeya xaggiisana loo noqon. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Wixii khasaara ah oo Eebbe ku sheego waxaan Islaamka ahayn waa gaalnimo, wixii khasaara ah oos ku sheego dadka Islaamkana waa dambi.” Al-Baqarah (26-28)

 

  1. Eebbe waa kan idiin abuuray waxa dhulka ku sugan dhammaan, markaas samada ahaysiiyey kana dhigay toddobo samo, Eebbe wax walbana waa ogyahay.
  2. Xus markuu ku yiri Eebbahaa malaa’igta, “Waxaan yeeli dhulka cid u hadha,” oyna dheheen, “Ma waxaad yeeli dhexdeeda cid fasaadisa oo ku daadisa dhiig annagoo ku nasahayna mahaddaada darteed oo ku wayneynayna?” Markaasuu yiri, “Anigu waxaan ogahay waxaydaan ogayn.”
  3. Eebbe wuxuu baray Nabi Aadam magacyada dhammaan, markaasuu u bandhigay Eebbe malaa’igta kuna yidhi, “Iiga warrama magacyada kuwaas haddaad runlow tihiin.”
  4. Waxayna dheheen, “Nasahnidaada Eebow, cilmi ma lihin waxaad na barto mooyee, waxaad tahay adigu wax oge falsan.”
  5. Wuxuuna yidhi Eebbe, “Aadamow uga warran magacyadooda,” markuu magacyadooda uga warramay yuu yidhi Eebe, “Miyaanan idiin ku dhihin anigu waxaan ogahay waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka, iyo inaan ogahay waxaad muujinaysaan iyo waxaad qarsanaysaan?”

 

Dhulka waxa ku sugan Eebbe wuxuu u abuuray dadka, waana inay ku mahdiyaan si fiicanna ugu dul noolaadaan dhulka, Eebbe waa kan imtixaamay malaa‘igta una sheegay inuu dhulka yeeli cid dagta oo khaliif ka noqota, markay la yaabeen oo sheegeen inay ka yaabi inay dhulka fasahaadiyaan yaa Eebbe Nabi Aadam abuuray oo faray inuu sheego wax malaa‘igtu garan weyday oo magacyo ah, taasna waxay ku tusin in Eebbe uun wax walba ogyahay wax qarsoon, wax muuqda iyo wax la muujiyaba. Al-Baqarah (29-33)

 

  1. Xus markaan ku nidhi malaa’igta “U sujuuda Aadam,” markaasay sujuudeen Ibliis mooye, wuu diiday wuuna iskibriyay, wuxuuna ka mid noqday gaalada.
  2. Waxaana nidhi, “Aadamow dag adiga iyo haweenaydaadu jannada, kana cuna xageeda [cunno] shifo oo waasac ah meeshaad doontaan, hana u dhawaanina geedkan oo markaas aad ka mid noqotaan daalimiinta.”
  3. Waxaana ka fogeeyey xaggooda jannada shaydaan, wuxuuna ka bixiyey waxay ku sugnaayeen, waxaana ku nidhi “Ka hoobta Jannada, qaarkiinna qaarka kale col uu u yahay, waxaana dhulka idiinku sugnaaday meel aad ku nagaataan iyo raaxo tan iyo waqti.”
  4. Waxuuna kala kulmay Aadam xagga Eebbe kalimooyin, wuuna ka tawbad aqbalay, Eebbana waa tawbad-aqbal badane, waana naxariiste.

 

Aayadahan waxay ka warrami sida Eebbe u sharrifay Nabi Aadam iyo carruurtiisa, malaa‘igtana u faray inay u sujuudaan, hase yeeshee Ibliis baa diiday, isna kibriyey, gaaloobayna, Nabi Aadamna wuxuu ku noolaa Jannada isaga iyo haweenaydiisii intuu Ibliis ka waswaasiyo geediina cunaan, markaas Eebbe ka saaray Jannada, isagooy ku noolaan dhulka iyagoo col isu ah. Eebbe waa ka tawbad aqbalay Aadam markuu u tawbad keenay. Taasina waxay muujin xumaanta Ibliis iyo inay waajib tahay in xumaanloo dhan laga digtoonaado, lagana fogaado isaga iyo xumaantiisa. Al-Baqarah (34-37)

 

  1. Waxaan ku nidhi “Ka hoobta xaggeeda dhammaantiin, hadduu idiinka yimaaddo xaggayga hanuun ruuxii raaca hanuunka cabsi korkiisa ma ahaato iyo murug midna.”
  2. “Kuwa gaaloobayse oo beeniyey aayaadkannaga, kuwaasu waa ehlu-Naar, dhexdeedana way ku waari.”
  3. Banii Israa’iilow xusa nicmadayda aan idiinku nicmeeyey, oofiyana ballankaygii aan oofiyo ballankiina, aniga uun iga cabsada.
  4. Rumeeyana waxaan dejiyey isagoo rumayn waxaad haysataan, hana noqonina mid ka gaaloobay Qur’aanka kii ugu horreeyay, hana ku gadanina aayaadkayga qiimo yar [adduunka], aniga uun iga dhawrsada.
  5. Hana ku khaldina xaqa baadilka, ood qarisaan xaqa idinkoo og.
  6. Ooga salaadda, bixiyana zakada, lana rukuuca kuwa rukuuca [tukada].

 

Aayadahan waxay sheegi in dadka markuu u yimaaddo hanuun iyo nabiyo ruuxii raaca uusan cabsi iyo murug midna arkayn, ciddii ka gaalowdana oo beenisa aayaadka Eebbe uu ku waari Naarta. Aayadaha kalena waxay ka qisoon reer Banii Israa‘iil iyo siduu ballan adag uga qaaday una nicmeeyey ayna waajib tahay inay ka cabsadaan, iyo inay rumeeyaan xaqa Eebbe soo dajiyey, ayna noqonin Qur’aanka kuwa ugu horreeya ee ka gaaloobo, xaqana ayna ku gadanin wax yar, xaqa iyo baadilkana ayan isku khaldin, xaqoyna qarinin iyagoo og, salaadda iyo sakadana gutaan lana tukadaan mu’miniinta tukan. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Ruuxii cilmi in dar Eebbe loo barto ahayd u barta uun adduunyo ku helo ma uriyo udugga Jannada.” Waxaa wariyey Abu Daawuud. Al-Baqarah (38-43)

 

  1. Ma waxaad faraysaan dadka wanaagga ood halmaansantihiin naftiinna idinkoo akhrin Kitaabka, miyeydaan wax kasayn?
  2. Kaalmaysta samirka iyo salaadda, wayna ku wayn tahay salaaddu [ku culustahay] kuwa khushuuca mooyee.
  3. Kuwa citiqaadsan inay la kulmi Eebbahood xaggiisana loo celin.
  4. Banii Israa‘iilow xusa nicmadeydii aan idiinku nicmeeyey, iyo inaan idinka fadilay caalamkii [markaas].
  5. Kana dhawrsada maalin [Qiyaamada] aan naf abaalmarinayn naf [kale], aan lagana aqbalayn shafeeco lagana qaadayn [oggolayn] furasho loona gargaarayn.
  6. Xusa markaan idinka korinnay Fircoon iyo colkiisii ee idin dhadhansiin jiray cadaab daran, ayna gawrici jireen wiilashiinna ayna dayn jireen gabdhihiinna, taasina waxaa ku sugan imtixaan wayn oo Eebbihiin.
  7. Xusa markaan idiin dhanballay badda oon idin korinnay oona maanshaynay Fircoon iyo colkiisii idinkoo eegaya.

 

Aayadda hore wuxuu Eebbe ku caddeeyay ehlu-Kitaabka, taasoo uu u sheegay inayan habboonayn inay dadka wanaagga faraan naftoodana halmaansanyihiin iyagoo Kitaabka Tawreed akhrin, ruux wax kasina uma habboona, markaasuu Eebbe faray addoomadiisa inay kaabnaystaan samir iyo salaad, umana fududa salaaddu mu’miniinta mooyee, hadda rumaysan inay Eebbe la kulmi una noqon. Waana in laga dhawrsadaa dhibka maalinta Qiyaame ee cidna cid kale wax u tarayn, wax furasha ahna aan laga aqbalayn, markaasaa Eebbe u sheegay Banii Israa‘iil wuxuu ugu nicmeeyey iyo siduu uga nabadgaliyey Fircoon iyo colkiisii. Dabaraani wuxuu yidhi, “Caalimka dadka khayrka fara oonse ku camal falayn wuxuu la mid yahay siraad isgubi.” Al-Baqarah (44-50)

 

  1. Xusa markaan u yaboohnay [Nabi] Muuse afartan habeen, markaas aad yeelateen dibi [aad caabudeen] gadaashiis idinkoo daalimiin ah.
  2. Markaas aan idin saamaxnay arrintaas kadib si aad u mahdisaan.
  3. Xusa markaan siinnay [Nabi] Muuse Kitaab iyo kala-bixiye [xaqa iyo baadilka] si aad u hanuuntaan.
  4. Xusa markuu [Nabi] Muuse ku yidhi qawmkiisa, “Qawmkayow! Waxaad dulmideen naftiina yeelashadiinnii dibiga [caabudo] ee u tawbadkeena Eebbihiinna dilana naftiina, saasaa idinku khayr badan Eebbihiin agtiis. Markaasuu idinka tawbad aqbalay, maxaa yeelay Eebbe waa tawbad-aqbal badane naxariista.”
  5. Xusa markaad dhahdeen, “Muusow kuma rumaynayno intaan ka aragno Eebbe si caddaan ah.” Markaasay idin qabatay qaylo iyo naar idinkoo eegi.
  6. Markaasaan idin soo bixinnay geeridiinnii kadib si aad u mahadisaan.

 

Wuxuu Eebbe ku sheegay halkan nimcooyin badan oo uu ku mannaystay, sida yaboohii Tawreed iyo siismadii, saamaxaaddii, tawbaad-aqbalid, hase yeeshee waxay caabudeen dibi, naftoodiina way dulmiyeen, waxayna sheegeen inayan xaqa rumeyneyn intay uga arkaan Eebbe si caddaan ah, hase yeeshee waxaa lagu riday qaylo waana lasoo bixiyey intey dhinteen, taasina waxay ku tusin madax adeyga Banii Israa’iil iyo abaal-ka-darkooda. Qusheyri wuxuu yiri, “Ruuxii ku samra qadar Eebbe wuxuu Eebbe ugu cawadaa saaxiibbo wanaagsan.” Al-Baqarah (51-56)

 

  1. Waxaan idinku hadhaynay daruur, waxaan idinku soo dajinnay macaan iyo hilib [shimbireed], waxaana idinku nidhi wax ka cuna wanaaggaan idiinku arzaaqnay, mana ayan na dulmin, laakiin waxay ahaayeen naftooda uun kuwa dulmiya.
  2. Xusa markaan nidhi gala magaaladan oo ka cuna xaggeeda meeshaad doontaan barwaaqa ah, kana gala irridda idinkoo sujuudsan dhahana [Eebow] hoobi [danbi] aan idiin dhaafno gafafkiinnee. Waxaan u siyaadinayna samafalayaasha [wanaag].
  3. Markaasay ku badaleen kuwii dulmi falay hadalkii loo yidhi mid aan ahayn, markaasaan kaga soo dajinnay kuwii dulmiga falay cadaab samada faasiqnimadoodii ay falayeen darteed.
  4. Xusa markuu [Nabi] Muuse u roobdoonay qawmkiisa, markaasaan ku nidhi ku garaac ushaada dhagaxa, waxaana ka dillaacay xaggeeda labo iyo toban ilood, wuuna ogaaday ruux kasto [koox kasta] meeshay ka cabbi lahayd, waxaan ku nidhi ka cuna oo ka cabba rizqiga Eebbe, dhulkana fasaad ha ku xumeynina.

 

Sidoo kale wuxuu Eebbe ku mannaystay Banii Israa‘iil nicmooyin kale sida hadhayn, macaan, hilib xalaal ah iyo rizqiga Eebbe ee kale, wayse dulmi-faleen ooy diideen wixii la faray, kuna badaleen wanaaggii xumaan, markaasaa Eebbe ciqaabay xumaantooda darted, [Nabi] Muusana waa kii u roobdoonay Eebbana u dillaaciyey ilo labiyo toban ah si ay uga cabbaan, wuxuuna faray inayan fasaadinin dhulka, wuxuuna Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) sheegay in loo yidhi Banii Isra‘iil “Ka gala albaabka oo dhaha dambi hoobin waxayse galeen iyagoo gurguuran oo dhihi, Xabbad ku jirta tin.” Bukhaari yaa ka wariyey Abuu Hurayra. Al-Baqarah (57-60)

 

  1. Xusa markaad dhahdeen, “Muusow kuma samrayno cunno kaliya ee noo bari Eebbaha hanoo soo bixiyo waxa dhulku soo dhaliyo, oo ah bagal, xinidh, toon, cadas iyo basal.” Wuxuuna ku yidhi, “Ma waxaad ku bedalanaysaan wax xun kii khayrka badnaa, u daga [hoobta] Masar waxaad helaysaan waxaad warsateen,” waxaana lagu qadaray dulli iyo miskiinnimo, waxayna la noqdeen cadho Eebbe, arrintaasna waxaa ugu wacan inay yihiin kuwo ka gaalooba aayaadka Eebbe, dilayeenna nabiyada xaq-la’aan, taasina waa caasinnimadooda darteed iyo xadgudubkoodii.
  2. Kuwii rumeeyey iyo kuwii Yuhuudda ah iyo Nasaarada iyo Saabi’iinta ciddii rumeysa Eebbe iyo maalintii dambe oo camal suubanna falay waxay ku leeyihiin Eebbe agtiisa ajir, cabsina korkooda ma noqoto mana tiiraanyoodaan.

 

Waxaa ka mid ah madax-adayga iyo xumaan-jacaylka Banii Israa‘iil inay Nabi Muuse u sheegeen inayan ku samrayn cunno kaliya ee la siiyo toon, basal, bagal, iyo wax la mid ah, markaasaa Eebbe ku canaantay arrintaas, farayna inay Masar aadaan waxay codsadeenna la siiyo dulli iyo miskiinnimana waa lagu qaddaray, cadho Eebbena way la noqdeen, gaalnimadooda, dilidda nabiyada xaq darro, caasinnimadaa iyo xadgudubkooda, dartiis. Ruuxiise xaqa rumeeya oo Eebbe, Rasuulkiisa iyo malaa‘igta, Qiyaame, camal fiicanna fala, ama Muslim ha ahaado ama Yuhuud islaamtay, ama Nasaara islaamtay, ama Saabi’iin islaamtay ee ajrina way heli cabsi iyo murug midna ma arkaan, mar hadday xaqa si dhab ah u raaceen. Waxaana la sheegay inay aayaddu kusoo degtay markuu Salmaan Al-Faarisi wax warsaday Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee). Al-Baqarah (61-62)

 

  1. Xusa markaan idinka qaadnay ballan [adag] oo korkiina yeelay [Buurta] Duur oon idinku nidhi, “Ku qaata waxaan idin siinnay niyad adag, xusuustana waxa ku sugan, si aad u dhawrsataan.”
  2. Markaasaad jeedsateen intaas ka dib, hadduusan jirin fadliga Eebbe ee korkiina iyo naxariistiisa waxaad ahaan lahaydeen kuwa khasaaray.
  3. Dhab ahaan baad u ogtihiin kuwii xadgudbay Sabtida, oo idinka mid ah, markaasaan ku nidhi, “Noqda daanyeer la fageeyo [oo dullaysan].”
  4. Waxaana ka yeelay ciqaabtaas waanada waxa ka horreeya iyo wax ka danbeeyaba, iyo waano kuwa dhawrsada.
  5. Xusa markuu ku yidhi [Nabi] Muuse qawmkiisa, “Eebbe wuxuu idin fari inaad gawracdaan sac.” Waxayna dheheen, “Miyaad nagu jeesjeesi?” Wuxuuna yidhi, “Waxaan ka magangali Eebbe inaan ka mid noqdo jaahiliinta.”

 

Eebe wuxuu ka qaaday Banii Israa‘iil ballan adag, wuxuu korkooda yeelay Buurta Duur, uuna faray inay ku gudoomaan Kitaabka Eebbe siiyey niyad adag oyna ku waantoobaan waxa ku sugan, wayse jeedsadeen intaas ka dib, waxayna noqdeen kuwa khasaara haddaan Eebbe naxariisan, maalinta Sabtida ah oo la faray inay qadariyaanna way xadgudbeen, markaasaa Eebbe ku yidhi noqda daanyeer dullaysan, si loogu waano qaato, looguna dhawrsado. Mar kalaa Eebbe Imtixaanay markuu Nabi Muuse faray inay gawracaaan sac, taasoo Eebbe amray waxayse dhaheen sidoodii xumayd “Waad nagu ciyaari,” Nabi Muuse wuxuu yidhi, “Waxaan ka magangalay Eebbe inaan ka mid noqdo jaahiliinta dadka ku dheeldheesha,” xaalkuna wuxuu ku saabsanaa si loo soo saaro nin oy iska dileen oon lana ogayn ciddii dishay. Al-Baqarah (63-67)

 

  1. Waxayna dhaheen “Noo bari Eebbahaa hanoo caddeeyo waxay tahaye,” wuxuuna yidhi “Eebbe wuxuu leeyahay waa sac oon duq ahayn yarayna, oo u dhaxaysa taas [labadaas] ee fala waxa laydin fari.”
  2. Waxay dhaheen “Noo bari Eebbahaa hanoo caddeeyo midabkeeda,” wuxuuna yidhi “Eebe wuxuu leeyahay waa sac boora ah, booranimadeed darantahay, oo ka farxin [cajabin] kuwa eegi.”
  3. Waxay dhaheen “Noo bari Eebbahaa hanoo caddeeyo waxay tahay, maxaa yeelay waxaa is kaga kaana shabbahday [isu ekaatay] lo’dee, hadduu Eebe doonana waan toosaynaa.”
  4. Wuxuu yidhi, “Eebbe wuxuu leeyahay waa sac aan laylanayn oon qodayn dhulka, oon waraabinayna beerta, wayna ka nabadgashantahay [ceeb] midab kalana ma leh,” waxay dheheen “Haddaad la timid dhabta,” markaasay gawraceen sicii, waxayna udhawaadeen inayna falin.

 

Aayadahan waxay ka warrami Banii Israa’iil iyo madax-adaygooda iyo siday isugu dhibeen sicii gawraca la yidhi, ay warsadeen da‘deeda, midabkeeda, tilmaanteedaba, taasina waxay ku tusin ciddii wax isku adkeeya isagoo fudud in lagu dhibi siduu yidhi Ibnu Cabbaas, “Hadday qaadan lahaayeen saca ugu yar way ku filaan lahayd, laakiin way isku adkeeyeen. markaasaa Iagu adkeeyey.” Al-Baqarah (68-71)

 

  1. Xusa markaad disheen naf ood isku khilaafteen Eebbana wuu soo bixin [muujin] waxaad qarineyseen.
  2. Waxaan ku nidhi “Ku garaaca kan la dilay saca qaarkiis, saasuuna u nooleeyaa Eebbe wixii dhintay, idiinna tusin aayaadkiisa si aad wax u kastaan.”
  3. Markaasay ingagtay quluubtiinu intaas ka dib, waxayna la mid tahay dhagax, ama waa ka darantahay ingeega, dhagaxyada waxaa ka mid ah kuway ka burqadaan wabiyaal, waxaana ka mid ah kuwo dildillaaca oo kasoo baxaan biyo, waxaana ka mid ah kuwo hooban cabsida Eebbe darteed Eebbana ma halmaansana waxaad camal falaysaan.

 

Saan horay u soo sheegnay waxay iska dileen Banii Israa’iil ruux, markaasaa la faray inay gawracaan sac si loo baadho ciddii wax dishay, hasa yeeshee ay isku khilaafeen iskuna dhibeen, Eebbana wuu muujiyey waxay qarinayeen, waxaana Eebbe faray in wax ka mida saca lagu garaaco maydkii la dilay si uu u noolaado* Eebbana waa karaa inuu nooleeyo wixii dhintay sida ruuxaas la dilay ee lasoo nooleeyay, waxaase ingagtay quluubtoodii sida dhagaxa. ama ka daran, illeen dhagaxa waxaa ka mid ah mid wabiyaal ka dilaacaan iyo mid la dillaaca oo biyo ka yimaadaan iyo mid la hoobta cabsi Eebbe. Wax walbana Eebbe waa ogyahay mana halmaamo. In dhagax Eebbe ka cabsadana la yaab ma leh, maxaa yeeley tasarrufka adduunka Eebbaa iska leh, waxna ma daaliyo, Nabigana (naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaan garan dhagax ku yiil Maka oo i salaami jiray intaan lay bixinin.” Waxaa wariyey Imaam Muslim. Al-Baqarah (72-74)

 

  1. Ma waxaad damcaysaan mu’miniintaay inay rumeeyaan Yuhuudda xaqa [oy idin raacaan] iyagoo koox ka mid ahi ay maqlayaan hadalka Eebbe [Towreed] haddana ay xarrifaan [leexiyaan] intay kaseen kadib, iyagoo og [inay gafsanyihiin]?
  2. Markay la kulmaan kuwii rumeeyey [xaqana] waxay dhahaan waan rumaynay, markuu qaarkood qaarka kale la kaliyoobana waxay dhahaan, “Ma waxaad uga sheekaynaysaan [u qireysaan] mu‘miniinta, waxa Eebe idiin faray [oo xaqnimada Nabiga Muxamed ah] si ay idiin kula doodaan Eebbe agtiisa miyaydaan wax kasayn?”
  3. Miyayna ogayn in Eebbe ogyahay waxay qarsan iyo waxay muujin.
  4. Waxaa ka mid ah Ehlu-Kitaabka kuwo aan wax qorayn waxna akhriyeyn, oon aqooninna Kitaab [Towreed] hasa yeeshee rumayn yididiilo, waxaan malo ahayna kuma socdaan.
  5. Halaag wuxuu u sugnaaday kuwa ku qoraya Kitaabka [Towreed] gacmahooda haddana dhihi kani wuxuu ka yimid xagga Eebbe si ay qiimo yar ugu gataan. Halaag baana ugu sugnaaday waxay qori gacmahoodu, halaag baana ugu suganaaday waxay kasban.

 

Markuu Eebbe soo sheegay madax-adayga Yuhuudda iyo siday u fulin waayeen amarka Eebbe, iyo muran-badnidooda iyo xaq-diidnimodooda wuxuu raaciyay ceebahooda iyo dambiyadooda badan, sida rumeyn la‘aanta xaqa, leexinta macnaha Kitaabka, qarinta xaqnimada Nabiga, jaahilnimada qaarkood, yididiillo been ah, ku noolida badalaadda Kitaabka iyo ka-ganacsiga xaqa iyo xumaanno kale oo badan, Eebbase wuu ogyahay wuuna arkaa wuuna ka abaalmarin, waxaana u sugnaaday jab iyo halaag. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Yuhuuddu markay mu‘miniinta la kulmaan waxay dhihi jireen waa Nabi idinku gaar ah, markay isla kaliyoobaana waxay dhihi sow kaad qirsanaydeen ma aha?” Al-Baqarah (75-79)

 

  1. Waxay dhaheen Yuhuud, “Nama taabanayso Naartu waxaan ayaamo tirsan ahayn,” waxaad dhahdaa “Ma ballan baad ka qaadateen Eebbe agtiisa oosan idinkaga baxayn Eebbe ballankiisa? Mise waxaad ku sheegaysaan waxaydaan ogayn?”
  2. Saas ma aha ee ruuxii kasbada xumaan oo uu koobo gafkiisu ciddaasi waa asxaabta Naarta, wayna ku waari dhexdeeda.
  3. Kuwa rumeeyey [xaqse] oo camal wanaagsan sameeya kuwaasi waa asxaabta Jannada wayna ku waari dhexdeeda.
  4. Xusa markaan ka qaadnay Banii Israa‘iil ballan inaydaan caabudin Eebbe mooyee, iyo inay u sama falaan labada waalid, qaraabada, agoonta, masaakiinta iyo inay u dhahaan wanaag, salaaddana oogaan, bixiyaana zakada, markaasaad jeesateen in yar oo idinka mid ah mooyee, idinkoo jeedsan.

 

Eebbe wuxuu buriyay sheegashadi Yuhuudda ee ah inaan Naartu taabanayn muddo yaroo tirsan mooyee oo ah ayaamahay caabudeen dibiga, wuuse ku beeniyey Eebbe una caddeeyey inayan wax ballan ah Eebbe ka qaadin ee ay ku hadli wax been ah ooyana u cilmi lahayn, ciddiise xumaan kasbata dambigeeduna koobo waxay noqon Naarta ehelkeeda, kuna waari, mu‘miniinta xaqa rumeeyeyse wanaaggana fala waxay gali kuna waari Jannada, wuxuuna Eebbe caddeeyey ahmiyadda Eebbe kaliya oo la caabudo, iyo in loo sama falo waalidka, qaraabada, agoonta, masaakiinta, hadal wanaagsan oo loo dhaho dadka, iyo salaadda iyo zakada oo la guto, hase yeeshee gaalo way ka jeedsatay. Cabdullaahi ibnu Mascuud waxaa laga wariyay inuu yidhi, “Rasuulka Eebbow camalkee u fiican?” Wuxuuna yidhi, “Salaadda oo waqtigeeda la guto.” “Maxaa ku xiga?” “Labada waalid oo loo samo falo.” “Haddana maxaa ku xiga?” Wuxuu yidhi, “Jidka Eebbe oo lagu jahaado.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Al-Baqarah (80-83)

 

  1. Xusa markaan idinka qaadnay ballan [adag] inaydaan iska daadin dhiig [inaydaan isdilin] aydaan qaarkiin [qaarka kale] guryihiinna ka bixinin, markaasaad aqoonsateen arrintaas idinkoo marag furi.
  2. Haddana waxaad ahaateen kuwo dili naftooda, oo ka erya kooxo idinka mid ah guryahooda, idinkoo isugu kaalmayn korkoodu dambi iyo colnimo, haddii la qafaashana waad furanaysaan, iyadooy dhabtu tahay inay xaaraan idinka tahay bixintoodu. Miyaad rumaynaysaan Kitaabtka qaarkiis, kana gaaloobaysaan qaar? Ruuxii saas fala oo idinka mid ah abaalkiisu ma aha dulli adduun iyo maalinta Qiyaame oo loo celin cadaab daran mooyee, Eebbana ma halmaamayo waxaad falaysaan.
  3. Kuwaasina waa kuwa ku gatay nolosha adduunyo [ee dhaw] aakhiro, lagamana fududeeyo xaggooda cadaabka loomana gargaaro.

 

Aayadahan wuxuu Eebbe ku sheegay xaalkii Yuhuudda joogtay waqtigii Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) iyo wixii ballan laga qaaday inayna islaynin, hase yeeshee ay khilaafeen isna laayeen isna bixiyeen, haddii qaar la qafaashana oy furan jireen, taasina waa Kitaabka qaarkiis oo la rumeeyay qaarna laga gaaloobay, ciddii saas fashana waa kuwa adduunyada ku gatay aakhiro, cadaab daranna way mudan Qiyaamada, aayaduhuna waxay canaanan ruux kasta oon xaqa suu yahay ugu dhaqmin, ama Yuhuud ha ahaato ama cid kale. Al-Baqarah (84-86)

 

  1. Dhab ahaan yaan u siinnay [Nabi] Muuse Kitaabka, waxaana raacinnay gadaashiis rasuullo, waxaana siinnay [Nabi] Ciise Ibnu Maryama mucjizaad cad cad, waxaana ku xoojinnay ruux daahir ah [Jibriil] markastoose idiinla yimaaddo rasuul waxaan naftiinu jeclayn [xaqa] ma iskibrisaan, koox waad beenisaan, kooxna waa dishaan.
  2. Waxayna dheheen Yuhuud “Quluubtannadu waxay ku sugantahay dabool,” saas ma aha ee waa la nacladay gaalnimadooda darteed wax yar bay rumeeyn.
  3. Markuu uga yimid Yuhuud Kitaab xagga Eebbe isagoo rumeyn waxa agtooda ah [Tawreed] horayna u ahaayeen kuwa ku gargaarsada kuwii gaaloobay, markuu yimid waxay garanayeen way ka gaaloobeen Nabiga, naclad korkooda ha ahaato gaaladee.

 

Yuhuudu hadal qallocan iyo xumaan ma waydo, halkanna markii xaqu u yimid Qur’aanka iyo Nabiga yey sheegteen inay qalbiga ka daboolan yihiin, markaasuu Eebbe nacladay, maxaa yeelay wax yar bay rumeyn, wayna yaqiiniyeen Nabiga iyagoo ku dhihi jiray gaalada kale waxaa lasoo bixin Nabi intaan la safanno naloo gargaari, wax Iala yaabana ma aha in Eebbe soo diro Nabi siduu Nabiyo badanba u bixiyey. Xudayfe waxaa laga wariyey, “Quluubtu waa afar, waxaana ka mid ah qalbi daboolan oo loo cadhooday waana qalbiga gaalka.” Waxaa wariyey Bukhaari. Al-Baqarah (87-89)

 

  1. Waxaa u xun waxay ku gataan naftooda inay ka gaaloobeen xaqa Eebbe soo dajiyey xasad dartiis, kusoo dajinta Eebbe fadligiisa ciduu doono oo addoomadiisa ka mid ah, waxayna la noqdeen cadho cadho kale lagu kordhiyey, gaalana waxaa u sugnaaday cadaab wax dulleeya.
  2. Marka lagu yidhaah Yuhuudda, “Rumeeya waxa Eebbe soo dajiyey,” waxay dhahaan, “Waxaannu rumeyn waxa nalagu soo dejiyey,” wayna ka gaaloobaan waxa ka dambeeyey, isagoo xaq ah oo rumeyn waxa agtooda ah, waxaad dhahdaa, “Maxaad ugu disheen nabiyada Eebbe horay haddaad mu‘miniin tihiin?”
  3. Dhab ahaan yuu idiin la yimid [Nabi] Muuse mucjisooyin, markaasaad yeelateen dibi [ilaah] isaga kadib idinkoo daalimiin ah.

 

Ganacsi waxaa u xun xaqoo la naco oo xumaan la raaco, isagoo xasad iyo dulmi ku madax taagi sida Yuhuuddii Nabiga diidday, kuwaasoo marka la faro inay Qur’aanka iyo Nabiga raacaan sheegi inay rumayn Tawreed wixii ka dambeeyeyna ay ka gaalobi, inkastoos xaq yahay u rumeynna Tawreed, waase beentood Yuhuuddu, maxaa yeelay waxay layn jireen nabiyadii hore, dibina way caabudeen iyagoo daalimiin ah. Abul Caaliya wuxuu yidhi, “Cadhada hore waxay ku dhacday markay beeniyeen Nabi Ciise iyo Kitaabkii Injiil. Tan kalana markay beeniyeen Nabi Muxamed (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) iyo Qur’aanka.” Al-Baqarah (90-92)

 

  1. Xusa markaan idinka qaadnay ballan, korkiinnana yeelay [Buurta Duur] oon idinku nidhi “Ku qaata waxaan idin siinay xoog [niyad-adag] maqlana [xaqa],” waxayna dheheen “Waan maqalnay waana caasinay,” waxaana laga waraabiyey quluubtooda [jacaylkii] dibiga [ay caabudeen] gaalnimadooda darteed, waxaad dhahdaa waxaa xumaan badan wuxuu idin farayo iimaankiinnu haddaad mu’miniin tihiin.
  2. Waxaad dhahdaa hadday daarta aakhiro idinka uun idiin sugnaatay dadka kale ka sokow, jeclaada geeri haddaad run sheegaysaan.
  3. Mana jeclaanayaan [geerida] waligood waxay hormarsadeen gacmahoodu darted, Eebbana waa ogyahay daalimiinta.
  4. Dhab ahaan waxaad ugu ogaan Yuhuudda inay ugu dadaal badan yihiin nolosha, kuwa gaalada ah qaarkood wuxuu jecel yahay in la cimri siiyo kun sano, cimrigaasna kama fogeeyo cadaab, Eebbana waa arkaa waxay camal fali.

 

Yuhuud waligeed way madax adkeyd, sidii horay u soo martayna waxaa korkooda la yeelay Buurta Duur si ay u qaataan xaqa iyo Kitaabkii Tawreed, wayse caasiyeen oo jeclaadeen dibi caabudiddiis, waxaasina iimaan ma aha. waxayna arrintaas ku dareen inay sheegan inay Jannadu iyaga u sugnaatay. Hadday taasi run tahayna waxay jeclaan lahaayeen geeri, mase jecla, wax ka naf jecelna ma jiro, kun sano ruux jirana wax ugama tarto cadaab, arrintaas Yuhuudda lagu sheegay cidaan ka leexanba waxba isma dhaamaan, adduunyo layska dabaridana wax ma tarto. Al-Baqarah (93-96)

 

  1. Waxaad dhahdaa ruuxii col u ah [Malaku] Jibriil [waa colka Eebbe], maxaa yeelay wuxuu ku dajiyey qalbigaaga idin Eebbe dartiis, isagoo rumeyn Qur’aanka wixii ka horreeyey waana hanuunka iyo bishaarada mu‘miniinta.
  2. Ruuxii col Eebbe ah, malaa’igtiisa, rasuulladiisa, Jibriil iyo Miikaa’iil, Eebbana col buu u yahay gaalada.
  3. Dhab ahaan yaan kuugu dajinnay aayaad cad cad, kamana gaaloobo faasiq cid aan ahayn.
  4. Markastooy ballantamaanna Yuhuuddu waxaa tuura [buriya] ballanka koox ka mid ah, saas ma ahee Yuhuudda badankood waxba ma rumeyn.
  5. Markuu uga yimid Rasuulku xagga Eebbe isagoo rumayn waxa agtooda ahna [Tawreed] waxay ka tuuraan koox ka mid ah kuwii Kitaabka la siiyey [culimada Yuhuudda] Kitaabka Eebbe dhabarkooda gadaashiisa, waxayna la mid yihiin iyagoon garanayn.

 

Aayadahani waxay soo dageen markay Yuhuuddu sheegteen in Malaku Jibriil col u yahay, taasina waxay ku tusin madax-adeygooda iyo xaqdiidnimadooda intay kala colloobaan malaga waxyiga kusoo dajiya nabiyada, ma waxse lala colloobaa malag idanka Eebbe kusoo gaadhsiiya xaqa, Eebbana wuu la colloobi ciddii la collowda malaa‘igtiisa, beeniyana Qur’aanka lagu soo dajiyey Nabiga Muxamed ah, Yuhuuddana waxaa caadaddooda ka mid ah inay buriyaan ballannada, beeniyaanna wixii sugi xaqnimada Nabiga Muxamed ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) xataa Kitaabkooda Tawreedba ha ahaadee. Al-Baqarah (97-101)

 

  1. Waxay raaceen gaaladii Yuhuuddu waxay shayaadiintu akhriyeysay waqtigii xukunkii Nabi Suleymaan, ma gaaloobin Nabi Suleymaan, laakiin shayaadiinta yaa gaalowday, waxayna baraan dadka sixirka iyo wixii lagu soo dajiyey labadii malag ee Baabil joogay ahaana Haaruut iyo Maaruut, mana baraan cidna intay uga dhahaan waxaan uun nahay fidnee ha gaaloobin, waxayna ka bartaan xaggooda wax kala geeya ninka iyo haweenaydiisa, kumana dhibaan ruuxna idinka Eebbe la‘aantiis, waxayna bartaan dadkaasu wax dhiba oon anfacayn, dhab ahaan yey u ogaadeen Yuhuuddu ruuxii sixir barta inuusan aakhiro nasiib ku lahayn, waxaana baas leh sixirkay naftooda ku gateen hadday wax ogyihiin.
  2. Hadday kuwa [sixirka baran] rumeeyaan xaqa oy dhawrsadaan wanaag ku abaalmarinta Eebbe yaa u khayr roon hadday ogyihiin.

 

Yuhuudu waxay raaceen oo ku dhaqmeen sixir intay ka jeedsadeen xaqa, iyo Kitaabadii Eebbe. Nabi Suleymaan xaqa kama leexan, hasa yeeshee waxaa gaaloobay shayaadiintii dadka sixirka bari jiray, sixir iyo xumaan ciddii ku dhaqanta nasiib kuma laha aakhiro, waxaana dadka u khayr roon cabsi Eebbe iyo rumeyntiisa, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ruuxii u taga kaahin wax sheegaha ama sixirre u rumeeya wuxuu sheegi, wuxuu ka gaaloobay wixii lagu soo dajiyey Nabiga Muxammad ah.” Waxaa wariyey Nasaa’i. Al-Baqarah (102-103)

 

  1. Kuwa xaqa rumeeyow ha dhihina na ilaali ee dhaha na sug maqlana, gaalana waxaa u sugnaaday cadaab daran.
  2. Ma jecla kuwii gaaloobay oo ehlu-Kitaabka ahaa [Yuhuud iyo Nasaara] iyo gaaladii Carbeed in laydinku soo dajiyo khayr xagga Eebbe ka yimid, Eebbana wuxuu ku kali yeelaa naxariistiisa ruuxuu doono, Eebbana fadligiisu [khayrkiisu] waa wayn yahay.
  3. Waxaan tirro oo aayad ah ama aan dib u dhigno waxaan keenaynaa mid ka khayr badan ama la mid ah, miyaadan ogayn in Eebbe wax kastoos [doono] uu karo.
  4. Miyaadan ogayn in Eebbe leeyahay xukunka samaawaadka iyo dhulka, idinmana sugnaanin Eebbe ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.
  5. Mise waxaad dooneysaan inaad wax warsataan Rasuulkiinna sidii loo warsaday [Nabi] Muuse mar hore, ruuxii ku baddasha gaalnimo iimaan wuxuu ka dhumay jidka toosan.

 

Diinta Islaamku ma oggola in laysku shabbaho gaalada, ama xagga hadalka, ama camalka, dhaqanka iyo wax kastoo keeni shakhsiyadda Muslimka, Eebbana fadligiisu waa badan yahay, cidduu doono yuuna u naxariistaa, wixii xukun ah oo Eebbe tirana ama dib u dhigo, wuxuu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) kusoo dajin jiray mid ka khayr badan ama la mid ah, wax lala yaabana ma aha maxaa yeelay Eebbaa abuuray dadka isagaana og dantooda, wax walbana awooddiisay ku jirtaa, warsi iyo su‘aal aan qiimo lahaynna waa baadinnimo iyo xaq ka leexasho, oo la mid ah tay Yuhuuddu warsatay [Nabi] Muuse, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebe wuxuu idinka reebay muran, xoolo hallayn iyo warsi badan oo macno darro.” Waxaa lagu wariyey Saxiixayn. Al-Baqarah (104-108)

 

  1. Waxay jecel yihiin in badan oo ehlu-Kitaab ah [Yuhuud iyo Nasaara] inay idiin celiyaan iimaankiinna kadib gaalo, xasad naftooda ka yimid dartiis, intuu xaqu u caddaaday kadib, ee iska cafiya iskana saamaxa inta Eebbe ka keeni amarkiisa [la dagaallankooda ama islaamkooda], Eebbana wax kastuu doono wuu karaa.
  2. Salaaddana ooga zakadana bixiya, waxaad u hormarsataan naftiina oo khayr ah waxaad ka helaysaan Eebbe agtiisa, Eebbana waxaad camal falaysaan waa arkaa.
  3. Waxay dhaheen, “Ma galo Jannada ruux aan Yuhuud ahayn ama Nasaaro,” taasina waa yididiillo [been ah]. Waxaad dhahdaa “Keena xujadiina haddaad run sheegeysaan.”
  4. Ruuxiise u hoggaamiya wajigiisa Eebbe isagoo sama fala ah, wuxuu ku leeyahay ajrigiisa Eebbe agtiisa, mana cabsadaan mana walbahaaraan.
  5. Yuhuud waxay tidhi Nasaaro waxba ma aha, Nasaarana waxay tidhi Yuhuuddu wax ma aha, iyagoo akhrin Kitaabka [Tawreed iyo Injiilba], saasay dhahaan kuwaan wax ogaynna [gaaladii Carbeed] hadalkoodoo kale, Eebbana wuu kala xukumin dhexdooda maalinta Qiyaame waxay isku diiddanaayeen.

 

Gaalo waxay jecel yihiin in Muslimiintu gaaloobaan oo xaqa ka leexdaan, xasad iyo xumaan darteed, waase in xaqa lagu sugnaado warkoodana aan la maqlin, waxay kaloo sheegeen Yuhuud iyo Nasaaraba in mid walba iyadu xaqa ku taagan tahay ee tan kale ayna waxba ahayn, Janno galiddeed iyo hanuunkuna ma aha sheegasho ee waa toosni iyo camal fiican oo la falo, taas darteed yuu Eebbe ku ballan qaaday inuu kala bixin dadka maalinta Qiyaame waxay isku diiddanaayeen, waxaana sugnaatay in Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Ciddii camal fasha waxaan camalkannaga ahayn waa wax la tuuri (la aqbalayn).” Al-Baqarah (109-113)

 

  1. Cidna kama dulmi badna ruux reebay [diiday] in masaajidda Eebbe dhexdiisa lagu xuso magaciisa, una camal fala say u kharaabi lahayd [masaajiddu] kuwaas [gaalada ah] xaq uma leh inay galaan masaajidda iyagoo cabsan mooyee, adduunka waxay ku mudan dulli aakhirana cadaab wayn.
  2. Qorrax kasoo bax iyo u dhacba Eebbaa iska leh, meel kastood u jeedsataanna waa jaho Eebbe [markaad Qiblada garan weydaan], Eebbana waa waasac [naxariistiisu] wax walbana og.
  3. Waxay dhaheen gaaladii, “Wuxuu yeeshay Eebbo ilmo,” waana ka nasahan yahay, saas ma aha ee waxaa u sugnaaday Eebbe waxa ku jira samada iyo dhulka, dhammaanna Eebbay u hoggaansamaan.
  4. Isagaa abuuray samooyinka iyo dhulka, markuu doono arrinna wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaadaa.
  5. Waxay dhaheen kuwii aan wax ogayn [gaaladii], “Muxuu Eebbe noola hadli waayey ama noogu imaan wayday aayad,” saasoo kaley dhaheen kuwii ka horreeyey hadalkooda oo kale, waxaa is shabbahday [isu ekaatay] quluubtooda dhab ahaan yaan aayadaha ugu caddaynay ciddii wax yaqiinin.

 

Cid ka dulmi badan ma jiro ruux reebay in la nooleeyo masaajidda Eebbe, laguna xuso magaciisa, inuu kharaabana doona, cidda saas yeesha waa in la cabsi galiyo, dulli baana u sugnaaday adduun iyo aakhiraba, adduunkana Eebbaa iska leh, meel kastood u jeedsato, ama sunada ama ciddii wareerta, Eebbana waa ka nasahan yahay caruur, wuxuu iska leeyahay waxa ku sugan cirka iyo dhulka, wax walbana Eebbuu u hoggaansamaa, wuxuu doonana wuu ahaadaa, gaaladuna waxay had iyo jeer warsadaan waxyaalo waawayn, iyagoo hadalku isku mid yahay, waxaana ugu wacan inayan wax yaqiinsanayn. Zayd wuxuu yidhi, “Cidna uma habboona inuu Baytka dadka ka celiyo.” Al-Baqarah (114-118)

 

  1. Annagaa ku dirray Nabiyow adoo xaq wata oo bishaarayn digana, lagu warsanna maayo ehelka [Naarta] Jaxiimo.
  2. Kaama raalli noqdaan Yuhuud iyo Nasaara intaad ka raacdo diintooda, waxaad dhahdaa hanuunka Eebbaa hanuun ah, haddaad raacdo hawadooda intuu kuu yimid cilmi ka dib, kama heshid xagga Eebbe sokeeye iyo gargaare [midna].
  3. Kuwaan siinnay Kitaabka waxay u raacaan raacid xaq ah [u akhriyaan] kuwaasina waxay rumeyn Qur’aanka, ciddii ka gaalowdana Qur’aankase [ama Nabiga] waa cidda khasaartay uun.
  4. Banii Israa’iilow xusa nicmadaydii aan idiinku nicmeeyey iyo inaan idiinka fadilay adduunka [waqtigiinnii].
  5. Ka dhawrsada maalintayna nafna naf kale ka abaalmarinaynin waxba, furashana aan laga aqbalayn, shafeecana ayan anfacayn oona loo gargaarayn.

 

Nabiga Muxamed ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) Eebbaa diray, waajibkiisana wuu gutay, ehlu-Naarkana wax laga weeydiin maayo, tan kale Yuhuud iyo Nasaara iyo gaalaba kaama raali noqdaan intaad ka raacdid waxay rabaan, hanuun iyo wanaagna waa midka Eebbe, ciddii warkooda raacdana wax Eebbe kasoo haray oo u gargaari ma jiro, dadkase Kitaabka rumaysan waxay si fiican u raacaan Kitaabkaas wayna rumeeyaan, ciddiise ka gaalowda waa mid khasaartay. Qur’aankana wax badan yuu Eebbe ku sheegay inuu u nicmeeyey Banii Israa’iil markay xaqa ku toosnaayeen, markayse xumaan sameeyeen waxay la kulmi ciqaab daran. Cabdullaahi binu Mascuud wuxuu sheegay in kuwa Qur’aanka u raaca si xaq ah ay yihiin kuwa wuxuu banneeyay raaca, wuxuu reebana ka jooga, una akhriya sida Eebbe usoo dajiyey. Al-Baqarah (119-123)

  1. Xusuusta marka Eebbe ku imtixaamay [Nabi] Ibraahim kalimooyin [ereyo] uuna dhammeeyey, kuna yidhi, “Waxaan kaaga yeeli dadka imaam,” wuxuuna yidhi [Ibraahiim], “Caruurtaydana [ka yeel Eebbe]. Wuxuu yidhi, “Ballankaygaa [fiican] ma gaadho daalimiinta.”
  2. Xusuuso markaan ka yeeley Baytka [Kacbada] meel dadku ku kulmo, iyo nabadgalyo kana yeesha Maqaamka Ibraahim meel lagu tukado, waxaan u waxyoonnay [Nabi] Ibraahim iyo Ismaaciil inay u daahiriyaan baydkayaga kuwa dawaafi, kuwa ku nagi, iyo kuwa rukuuci ee sujuudi.
  3. Xusuuso markuu yidhi [Nabi] Ibraahim, “Eebbow ka yeel magaaladan [Makka] aamin kuna arzaaq dadkeeda midho kooda rumeeya Eebbe iyo maalinta dambe [Qiyaamada].” [Eebe] wuxuu yidhi, “Iyo kan gaaloobaba waan u raaxayn in yar markaas waanu galin cadaabka Naarta, meel la ahaadana iyadaa u xun.”
  4. Xusuuso markuu kor yeelay [Nabi] Ibraahim tiirarka Kacbada iyo [Nabi] Ismaaciil iyagoo leh, “Eebbow naga aqbal adaa waxna maqla waxna oge.”
  5. “Eebow naga yeel kuwa kuu hoggaansama, faracannagana ka yeel ummad kuu hoggaansanta, nana tusi camalkannaga [Xajka] nagana tawbad aqbal adaa tawbad-aqbal badane, wanaag-badanane ahe.”

 

Nabi Ibraahim Eebbaa imtixaanay, wuuna ku guulaystay imtixaankii, wuxuu Eebbe ka dhigay imaam, isaga iyo wiilkiisii Nabi Ismaaciil yaana dhisay Kacbada, Eebbana way baryeen wuuna ka aqbalay baryadii reer Makkaadna Eebbe u baryeen inta xaqa raacda in Eebbe irzaaqo, Eebbana wuu arzaaqi cid kasta, gaaladana aakharuu ka aarsan, waxayna ku tusin aayaduhu waynida iyo sharafta Kacbada iyo magaalada Makkaad ee barakeysan. Al-Baqarah (124-128)

  1. “Eebbow u soo bixi Rasuul ka mid ah oo u akhriya aayaadkaaga barana Kitaabka [Qur’aanka] iyo xikmadda [sunnada Nabiga] oo nadiifiya, adigaa Adkaade Falsame ahe.”
  2. Yaa naca diinta [Nabi] Ibraahim ruux xumeeyey naftiisa mooyee? Waana doorannay [Nabi] Ibraahim adduunyada, aakhirana wuxuu ka mid noqon kuwa suusuubban.
  3. Xusuuso markuu Eebbe ku yidhi, “Hoggaansan,” oo uu yidhi “Waan u hoggaansamay Eebbaha caalamka.”
  4. Wuxuu u dardaarmay arrintaas [Nabi] Ibraahim caruurtiisa, [Nabi] Yacquubna wuu u dardaarmay, wuxuuna yidhi, “Caruurtaydiiyey Eebbe wuxuu idiin doortay Diinta ee ha dhimanina idinkoon Muslim ahayn.”

 

Waynida Xaramka iyo Kacbada iyo waxa kusoo arooray waxay ku qoran tahay kutubaha dheer dheer, tan kale waxay aayaduhu caddeeyeen in Nabi Ibraahim Eebbe warsaday inuu Makka ka yeelo magaalo aamin ah, oo dadkeeda la arzuqo, waxaa kale oos warsaday Eebbe in camalkooda la aqbalo isaga iyo wiilkiisa Nabi Ismaaciil, Muslimna laga yeelo iyo carruurtooda, camalkooda fiicanna la tusiyo, Nabi dadka ka mid ahna loo soo bixiyo (Nabiga Muxamed ah naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), si uu u baro xaqa, ugana leexiyo xumaanta, saas darteed Diinta Islaamka ah oo Diintii Nabi Ibraahim iyo nabiyadii kale ma naco ruuxaan doqon aan wax garanayn ahayn mooyee, laguna dhaqmo laguna dhinto. Nabiguna wuxuu yidhi, “Makka Eebbaa xarrimay ee dad ma xarrimin, cidna uma bannaana inuu dhiig ku daadiyo, ama geedaheeda guro.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Waxaa kale oo Nabigu yidhi, “Anaa ugu dambeeya Nabiyada Eebbe agtiisa isagoo Nabi Aadamna dhoobada ku dhex jiro, waxaana ahay baryadii Nabi Ibraahim iyo bishaaradii Nabi Ciise. Hooyadayna way aragtay saasayna ahaayeen nabiyada hooyooyinkood.” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Waxaase habboon in wanaaggoodii la raaco. Al-Baqarah (129-132)

 

  1. Miyaad joogteen [Yuhuuday] marka geeridu u timid [Nabi] Yacquub markuu ku yidhi carruurtiisa, “Maxaad caabudaysaan gadaashay?” Ayna dheheen, “Waxaan caabudaynaa Eebbahaaga iyo Eebbaha aabayowgaa Ibraahim, Ismaaciil iyo Isxaaq, Eebbe kaliya, isagaana u hoggaansamaynaa.”
  2. Taasina waa ummad tagtay, waxayna mudatay waxay kasbatay, idinkuna waxaad mudanaysaan waxaad kasbateen, laydin warsan maayo waxay camal falayeen.
  3. Waxay [gaaladii Muslimiinta] ku dhaheen, “Ama Yuhuud noqda ama Nasaara aad hanuunteene,” waxaad dhahdaa, “Mayee milladda [Diinta Nabi] Ibraahiim yaan raacaynaa ee xaqa u iishay, kamana mid ahayn gaalada.”
  4. Waxaad dhahdaan, “Waxaan rumaynay Eebbe iyo waxa naloo soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyay Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub. iyo carruurtoodii iyo wixii la siiyay [Nabi] Muuse iyo [Nabi] Ciise iyo wixii laga siiyey nabiyadii (kale) xagga Eebbohood kala gayn mayno dhexdooda, waxaana u hoggaansamaynaa Eebbe.”
  5. Hadday u rumeeyaan saad u rumayseen way hanuuneen, hadday jeedsadeenna waxay ku sugan yihiin khilaaf, waxaana idinka kaafin Eebbe, isagaa wax maqla waxna oge.

 

Eebe wuxuu halkan ka qisoon Nabi Yacquub iyo carruurtiisii iyo wuxuu u dardaarmay markuu dhimanayey iyo inay haysteen Milladdii awoowyadood Nabi Ibraahiim, Ismaaciil iyo Isxaaq, hase ahaatee waxay Yuhuud iyo Nasaara sheegeen in hanuunkooda la raaco waa wax kama jiraan ee Diinta xaqa ah waa Diinta Nabi Ibraahiim ee Diinta Islaamka ah, Muslimiintuna waxay rumeysan yihiin Eebbe, Qur’aanka wixii lagu soo dajiyay Nabi Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub iyo carruurtoodii iyo wixii Nabi Muuse iyo Nabi Ciise lagu soo dejiyay mana kala qaybiyaan xaqa, haddayse gaaladu u rumeeyaan sida Muslimiinta waa hagaag, haddii kale waa inaan xaqa ku toosnaanno Eebbaa ina kaafinaayee. Al-Baqarah (133-137)

  1. Ku sugnaada Diinta Eebbe, yaa ka fiican Diinta Eebbe? [Ma jiro], isagaana caabudaynaa.
  2. Waxaad dhahdaa [Nabiyow] “Ma waxaad igula doodaysaan Eebbe isagoo Eebbahanno iyo Eebbihiinna ah, annaguna camalkannagu noo sugnaaday idinkuna camalkiinna, isagaana u kali yeelaynaa Diinta.”
  3. Mise waxaad dhahaysaan [Nabi] Ibraahim, Ismaciil, Isxaaq, Yacquub iyo carruurtii waxay ahaayeen Yuhuud ama Nasaara? Waxaad dhahdaa, “Ma idinkaa wax og mise Eebbe? Yaa ka dulmi badan ruux qariya marag agtiisa Eebbe ku yeeshay? Eebbana ma halmaamo waxaad falaysaan.”
  4. Taasi waa ummad tagtay, waxayna mudan waxay kasbatay, idinkuna waxaad mudanaysaan waxaad kasbateen, laydin warsanna maayo waxay camal falayeen.

 

Ma aha xaalku sida Yuhuud iyo Nasaarada oo ah in la dhaho waxaa la sibqin ilmo, waxaase khayr iyo wanaagba ah Diinta Islaamka ee ah Diinta hanuunka iyo toosnida, mana aha in dood xaq darro iyo qallooc ah la dodo. Nabi Ibraahim iyo Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub iyo carruurtuna ma ahayn Yuhuud iyo Nasaara midna, maxaa yeeley cidna Eebbe wax kama oga, mana halmaamo waxa la camal fali, ummad horreysay oo xaqa ku toosnayd in wax laga sheegana ma aha, maxaa yeeley cid walba waxay mudan waxay kasbatay wanaag iyo xumaanba. Qataade waxaa laga wariyey inuu yidhi, “Yuhuud iyo Nasaaraba waxay sibqiyaan [wax mariyaan] carruurtooda, sibqinta Eebbana waa Diinta Islaamka, wax ka fiican oo ka nadiifsanna ma jiro, waana Diinta Nabi Nuux iyo nabiyadii ka dambeeyey.” Al-Baqarah (138-141)

  1. Waxay dhihi kuwii xumaa ee dadka [gaalada] ka mid ahaa, “Maxaa ka jeediyey Muslimiinta Qiblay qaabili jireen [Baytul Maqdis]?” Waxaad dhahdaa [Nabiyow], “Qorrax-kasoo-bax iyo u-dhacba Eebbaa iska leh, wuxuuna ku hanuunin cidduu doono Jidka toosan.”
  2. Saasaan idinka dhignay ummad caadil [khayr ah] si aad marag ugu noqotaan dadka, Rasuulkuna idiinku noqdo markhaati, mana aanaan yeelin Qibladii aad qaabili jirtay inay kala muuqato ruuxa Rasuulka raaca iyo kan dib u noqon [gaaloobi] mooyee waana arrin ku weyn dadka marka laga reebo kuwa Eebbe hanuuniyey, Eebbana ma dhumiyo iimaankiinna [salaaddiina] Eebbana waa u naxariis badan yahay dadka.
  3. Dhab ahaan yaan ugu jeednay gadgadoonka wajigaaga ee samada, waxaana kuu jeedinaynaa Qiblad aad ka raalli noqon, ee u jeedi wajigaaga xagga Masjidka Xurmeysan, meel kastood joogtana u jeediya wajigiinna xaggiisa, kuwa Kitaabka la siiyeyna waa ogyihiin in jeedintaas xaq Eebbe tahay, Eebbana ma halmaansana waxay camal fali.

 

Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Eebbe ha yeelee) wuxuu qaabili jiray intii muddo ah markuu tukan xagga Qudus, markii Eebbe faray inuu Kacbada u jeedsado yaa kuwii xumaa dicaayad iyo war fureen, iyagoo is warsan waxa Nabiga jeediyey, Eebbaase xukunka leh, ummadda Muslimka ahna ka dhigay marag caadil ah, siduu Nabiga uga yeelay maragga umadda, arrinta u jeedinta Qibladana uma fududa ruux aan mu‘min ahayn Eebbana hanuuniyey, Qibladii horay u tukadayna Eebbe ma halleeyo camalkeeda, Eebbana wuxuu daalacanayey ogaana jacaylka Nabiga in Kacbada loo jeediyo, inay arrintaasu xaq tahayna waxaa ogayd ciddii xaqa rabta. Ibnu Cumar waxaa laga wariyey inuu yidhi, “Dadkoo ku tukan Quba salaad Subax yuu ruux u yimid kuna yidhi Rasuulkii xalaa lagu soo dajiyey Qur’aan inuu Kacbada qaabilo Shaam bayna u jeedeen.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Al-Baqarah (142-144)

 

  1. Haddaad ula timaaddo kuwa ehlu-Kitaabka ah aayad kasta ma raacayaan Qibladaada adiguna ma raacaysid Qibladooda, qaarkoodna ma aha kan raaca Qiblada qaarka kale, haddaad raacdo waxay jecel yihiin gaaladu, inta cilmi kuu yimid [waxyiga Eebbe], waxaad ka mid noqon daalimiinta.
  2. Kuwaan siinnay Kitaabka waxay u yaqaannaan Nabiga [iyo xaquu la yimid] siday u yaqaannaan carruurtooda, koox ka mid ahna waxay qarin xaqa iyagoo og.
  3. Xaqu wuxuu ka yimid xagga Eebbahaa ee ha ka mid noqonin kuwa shakiya.
  4. Cid walba waxay leedaahay joho ay dhawrto [raacdana] ee u oratama wanaagga, meel kastood ahaataanna Eebbe wuu idin keeni [oo idin kulmin] dhammaantiin, Eebbana wax walba wuu karaa [hadduu doono].

 

Cid aan xaqa Eebbe rabin lama qancin karo wax kastoo loo keeno, sida xaq-diidayaasha,  ruuxa mu‘minka ahana waa inuusan ku kadsoomin xumaantooda kana digtoonaadaa inuu jidkooda raaco, Eebbana markuu ku adkeeyey Nabiga xaalkaas waxay digniin u tahay ummaddiisa, gaaladuna way garan xaqa iyo wanaagga iyo runnimada Nabiga, hase yeeshe waxay u diidi xasad iyo xumaan jacayl, maxaa yeeley xaq cad wax la shakiyo ma aha, cid walbase wax bay aaminsan tahay kuna socotaa, waase in khayrka iyo wanaagga loo degdego, Eebbana dadka wuu kulmin Qiyaamada si uu u kala bixiyo. Waxaa laga wariyey in Cumar ku yidhi Cabdullaahi binu Salaam, “Ma garan Nabiga Muxamed ah sidaad u garan ilmahaaga?” Markaasuu yidhi, “Haa, wax ka badan, aminkii yaa ka soo dajin cirka kuna soo dajin aminka dhulka waana aqoonsaday, ilmahaygase ma ogi waxay fashay hooyadiis.” Al-Baqarah (145-148)

 

  1. Meel kastood u baxdo u jeedi wajigaaga xagga Masjidka Xurmaysan, xaqu xagga Eebbahaa buu ka ahaaday Eebbana ma mooga waxaad falaysaan.
  2. Meel kastood u baxdana jeedi wajigaada xaggisa [Masjidka Xurmaysan], meel kastood joogtaanna u jeediya wajiyadiinna xaggiisa, si ayna xujo ugu ahaan dadka korkiinna, kuwa daalimiinta ah mooyee [ee gardarrada ku socda] hana ka cabsanina ee aniga iga cabsada, waxaana idiin taam yeeli [dhammayn] nicmadayda si aad u hanuuntaan.
  3. [Waan idiin nicmeynay] sidaan idinku dirnay dhexdiina Rasuul idin ka mid ah oo idinku akhriya aayaadkannaga, oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka [Qur’aanka] iyo Sunnada Nabiga, idinna bara waxaydaan aqoonin.
  4. Ee i xusa aan idin xusee [ajir idin siiyee] iguna mahadiya hana iga gaaloobina.

 

Waa amar saddexaad oo Eebbe dadka Muslimiinta ah faray inay qaabilaan Masjidka Kacbada ee Xurmeysan, waxaana loo soo celceliyey waynida arrinta, waxaana lala hadlay ciddii Kacbada u jeedda, iyo kii Makka jooga iyo kan adduunka kale jooga, waana amar waajib ah, ciddii ka murantana ayan wax xujo ah lahayn, hase yeeshee xaq-diidayaashu way iska murmi xujo la‘aan, waase in Eebbe uun laga cabsado isagaa Rasuulka inoo soo diray si uu inoo toosiyo, xaqana inoo baro, xumaantana inooga leexiyo, xusidda Eebbe iyo mahaddiisuna waa in la badiyo, Eebbana wuxuu yidhi, “Haddaad kali igu xusto waan ku xusi si kali ah, haddaad i xusto adoo dad la joogana waxaan kugu xusi kulan ka khayr badan kiinna.” Nabigana wuxuu yidhi, “Ruuxii Eebbe u nicmeeyo Eebbe wuxuu jecel yahay inay nicmada raadkeedu ka muuqdaan khalqigiisa.” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Al-Baqarah (149-152)

  1. Kuwa [xaqa] rumeeyow, kaalmaysta samir iyo salaad, Eebbe wuxuu la jiraa kuwa samree.
  2. Hana ku dhihina kuwa lagu dilo jidka Eebbe [Jahaadka] waa dhinteen, saas ma aha ee waa nool yihiin, mase kaseysaan.
  3. Waxaan idin ku imtixaanaynaa wax cabsi ah iyo gaajo, iyo nusqaamin xoolaha iyo nafta iyo midhaha, ee u bishaaree kuwa samra.
  4. Kuwaas markuu dhib ku dhoco yidhaahda Eebbaa na leh isagaana u noqonaynaa.
  5. Kuwaas waxaa korkooda ahaan deeq Eebbe iyo naxariistiisa, waana kuwa hanuunsan.
  6. Safo iyo Marwo waxay ka mid yihiin calaamooyinka [wayneynta] Eebbe ee ruuxii u xajiya Baydka ama cumraysta wax ma saarra hadduu ku wareego dhexdooda, ruuxa wax dheeraad ah la yimaadana Eebbe wuu ku mahdin wuuna ogyahay.

 

Samirka iyo salaadduba way u kaalmeeyaan dadka, waana in lagu dadaalo, tan kale dadkii jidka Eebbe ee Jahaadka ah lagu dilay ma aha dad dhintay, waxayse ku nool yihiin wanaag iyo nolol aynaan kasayn, adduunkuna waa guri imtixaan oy ku heli cabsi, gaajo, xoolaha iyo nafta iyo midhaha oo nusqaama, waxaase loo bishaareeyey kuwa adkaysta ogna inay addoomo Eebbe yihiin una noqon, waxayna mudan naxariis iyo wanaag, waana kuwa toosan. Safo iyo Marwo in la dawaafana waa waajib ciddii xajinaysa ama cumraysan, waxaa loo yidhi ruuxii dawaafa wax ma saarra waa in loo maleeyey inay tahay arrin soo jirtay, xadiithna waxaa ku sugnaaday, “Waxaa la yaab leh xaalka mu‘minka, hadduu khayr helo wuu ku mahdiyaa khayr bayna u noqotaa, hadduu dhib ku dhacana wuu samraa waxayna u noqotaa khayr.” Al-Baqarah (153-158)

 

  1. Kuwa qariya waxaan soo dajinnay oo aayaad ah iyo hanuun intaan dadka ugu caddaynay Kitaabka kuwaas waxaa nacladi Eebbe iyo kuwa wax naclada [malaa’igta iyo mu’miniinta].
  2. Marka laga reebo kuwa tawbad keena oo wanaagga fala oo xaqa caddeeya, kuwaas waan ka tawbad aqbali, waxaana ahay tawbad-aqbal badane naxariis badan.
  3. Kuwii gaaloobay oo ku dhintay gaalnimo kuwaas waxaa korkooda ah nacladda Eebbe iyo malaa‘igta iyo dadka dhammaan.
  4. Waxayna ku waari dhexdeeda [Naarta iyo nacladda] lagamana fududeeyo xaggooda cadaabka, loomana sugo.
  5. Eebbihiin waa Eebbe kaliya, isaga mooyee Eebbe kalana ma jiro, waana naxariis guud iyo mid gaaraba naxariiste.
  6. Cirka abuurkiisa iyo dhulka iyo kala duwanaanta habeenka iyo maalinka iyo doonta la socota badda wax anfaca dadka iyo waxa Eebbe kasoo dajiyay samada oo biyo ah kuna nooleeyay dhulka intuu dhintay ka dib, kuna fidiyay dhulka daabad kasta iyo gadgadoonka dabaysha iyo daruuraha loo sahlay samada iyo dhulka dhexdiisa waxaa ugu sugan calaamo kuwa wax kasi.

 

Xaqa oo la qariyo waxay keentaa ciqaab Eebbe iyo naclad, Illeen Islaamku waa in wanaagga la is faro, xumaantana la iska reebo, ciddii saas yeesha oo xaqa caddaysa oo wanaag fasha Eebbe wuu ka tawbad aqbalaa, gaalnimo lagu dhinto yayna ciqaab ku dhan tahay. Dadkana waxaa ugu filan calaamaad abuurka cirka, dhulka, habeenka, dharaarta, maraakiibta badda socota, roobka, iyo daruuraha xawaarayn cirka iyo dhulka dhexdooda. Abuu Daawuud wuxuu wariyay in Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi, “Ruuxii cilmi la warsado oo qariya waxaa lagu xakamayn Qiyaamada xakama naar ah.” Al-Baqarah (159-164)

 

  1. Dadka waxaa ka mid ah cid ka yeelan Eebbe ka sokow wax lala caabudo una jecel yihiin say u jecel yihiin Eebbe, kuwa rumeeyey xaqa yaa ka daran jeceelkooda Eebbe, hadday arkaan kuwa dulmiga falay cadaabka [Aakharo] waxay ogaan lahaayeen in xoog dhammaantiis u sugnaaday Eebbe, Eebbana cadaabkiisu daran yahay.
  2. Markay iska bari yeelaan kuwii la raacay kuwii raacay, oy arkeen cadaabka, kalana go’day xidhiidhkoodii.
  3. Waxayna dhaheen kuwii raacay, “Haddii nala celiyo waan iska bari yeeli lahayn xaggooda say iska kaanna bari yeeleen,” saasuuna Eebe u tusiyaa camalkooda.
  4. Dadow cuna waxa dhulka ku sugan kiisa xalaasha fiican ah hana raacina waddooyinka Sheydaanka illeen cadaw cad buu idiin yahaye,
  5. Wuxuuna idin fari uun xumaan iyo macsiyo iyo inaad ku sheegtaan Eebbe waxaydaan ogayn.

 

Eebbaa jacayl xaq ah mudan, mana habboona in sida Eebbe wax kale loo jeclaado, Qiyaamadana way iska bari yeeli madaxdii iyo kuway ku hoggaaminayeen xumaanta, xidhiidhkoodiina wuu go‘i, calaacal iyo qoomamana wax ma tarayso iyo yaa i celiya aan iska bari yeelee say isaga kaanno bari yeeleen. Dadkuna waa inay xalaasha cunaan, waxa Shaydaanku farina ayan raacin illeen waa cadaw xumaan farayee. Waxaa sugnaatay in Sacad bini Waqaas ku yidhi Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Eebbe ii bari inuu ducadayda aqbalo.” Markaasuu ku yidhi, “Cunnadaadu xalaal ha noqoto ducaadaada waa la aqbaliye.” Al-Baqarah (165-169)

 

  1. Marka lagu dhaho [gaalada], “Raaca wuxuu soo dajiyey Eebbe,” waxay dhihi, “Saas ma aha ee waxaannu raaci waxaan ka helley aabbayowganno [oo caabudi].” Oo hadday yihiin aabbayowgood kuwaan wax kasayn hanuunsanayna [miyey raaci]?
  2. Waxay la mid yihiin kuwii gaaloobay mid u dhawaaqay [heesi] waxaan wax maqlayn, kasayna qaylada iyo dhawaaqa mooyee, wax ma maqlaan mana hadlaan waxna ma arkaan, waxna ma kasaan.
  3. Kuwa xaqa rumeeyow, wax ka cuna wanaaggaan idinku arzuqnay, kuna mahdiya Eebbe haddaad tihiin kuwo isaga caabudi.
  4. Wuxuu uun idinka reebay bakhtiga, dhiigga, hilibka doofaarka iyo wixii Eebbe magiciisa waxaan ahayn lagu gawraco, ruuxiise dhibaatooda [baahan] oon xadgudbin dulmina galin korkiisa dambi ma saarra [inuu] wax ka cuno, Eebbena waa dambi-dhaaf badane naxariis badan.

 

Xaqa in la raaco yaa habboon ee ma aha in aabbe iyo cid kale midna xumaan lagu raaco, oo lala mid noqdo xoolo loo heesi oo kale oo xaq-diiid la noqdo, Eebbana wax buu reebay in la cuno, waxna wuu xalaaleeyey, ee waa in la cuno xalaasha laguna mahadiyo Eebbe, lagana fogaado bakhtiga, doofaarka, dhiigga iyo waxaan magaca Eebbe kaliya lagu gawricin, dhibaato iyo baahise waa meesheeda ciddaan xad gudbin. Xadiithna waxaa ku sugnaaday, “Eebbe waa wanaagsane, waxaan wanaag ahayna ma aqbalo, wuxuuna faray mu‘miniinta wuxuu faray Rasuulladii…” Al-Baqarah (170-173)

 

  1. Kuwa qariya waxa Eebbe soo dajiyey oo Kitaabka ah [Qur’aanka] kuna gata lacag yar kuwaasi kuma cunayaan [ma galinayaan] calooshooda waxaan Naar ahayn, lamana hadlo Eebbe maalinta Qiyaame mana daahiriyo, waxayna mudan cadaab daran.
  2. Kuwaasi waa kuwa ku gatay baadida hanuun, cadaabna dambi-dhaafid, maxaa uga adkaysi badan Naarta?
  3. Arrintaas waxaa ugu wacan in Eebbe u soo dejiyey Kitaabka xaqa ah, kuwii isku diiday kitaabkana waxay ku sugan yihiin khilaaf fog.
  4. Samo-falku ma aha inaad wajiga u jeedisaan qorrax-kasoo-bax iyo qorrax-u-dhac, laakiin sama-fale waa ruuxii rumeeya Eebbe, Qiyaame, malaa‘igta. Kitaabka [Kutubta Alle], Nabiyada, oo siiya xoolaha isagoo jecel qaraabada, agoonta, masaakiinta, masaafirka, kuwa baryootama, fakin qoor, oogana salaadda, bixiyana zakada, oofiyana ballankooda markay ballamaan, samra [adkaystana] waqtiga saboolnimada, jirrada iyo dagaalka. Kuwaasina waa kuwa ku runsheegay iimaankooda, waana kuwa dhawrsada.

 

Xaqoo la qariyo ama si xun loo sheego waa arrin daran oo Eebbe ugu goodiyey ciddii fasha ciqaab daran iyo cadaab, maxaa yeelay Xaqii bay ku gateen adduunyo, hanuunkii iyo dambi-dhaafkiina baadi iyo cadaab, marse hadday khilaaf iyo Xaq-diid ku sugan yihiin ha u darbadeen cadaab hadday u adkeysan. Sama-falkuna ma aha istustus iyo wajigoo la jeediyo, waase in Xaqa dhammaantiis la rumeeyo, dadkana loo naxariisto, cibaadadana la badiyo, dhibka iyo Jahaadka iyo jirradana loo adkeysto iyadoo lagu dadaali sidii laysaga fududayn lahaa, kuwa saas fala waa kuwa xumaanta ka dhawrsaday. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Sadaqo waxaa u fiican inaad bixiso adoo fayow oo ku adag bixinta, yididiillana hodontinnimo.” Waxaa wariyey Xaakiim. Al-Baqarah (174-177)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, waxaa laydinku waajibiyey qisaasta dadka la dilo, xurta xur baa loo qisaasan, addoonkana addoon, haweeneydana haweeney, ruuxiise looga cafiyey walaalkis [xaggiisa] wax waxaa saaran inuu si fiican u raaco isna si fiican loogu gudo, taasina waa fudayd xagga Eebbe iyo naxariis, ruuxiise xadgudba intaas ka dib wuxuu mudan cadaab daran.
  2. Waxaa idinku sugan qisaasta nolol dadka wax garadka ahow, waxaadna mudan tihiin inaad dhawrsataan.
  3. Waxaa laydinku waajibiyey markaad dhimanaysaan haddaad ka tagaysaan xoolo dardaaranka waalidaynka iyo qaraabada si wanaagsan, xaq bayna ku tahay kuwa dhawrsada.
  4. Ruuxiise baddala dardaaranka intuu maqlay kadib dambigu wuxuu saaran yahay uun kuwa wax baddala, Eebbana waa maqle og.
  5. Ruuxii uga cabsada dardaaran iilasho ama dambi oo hagaajiya dhexdoda, korkiisa danbi ma saarra, Eebbana waa dambi-dhaaf badane naxariis badan.

 

Eebbe wuxuu soo dajiyay sharci wanaag badan si loogu dhaqmo. hasa yeeshee dadku isku mid ma aha, qaar waxay ku dhaqmi sharcigaas, qaarna in xoog iyo toosin la toosiyo mooyee ma hagaagaan, saas darteed ciddii cid kale si gardarra ah u disha waa in iyana la dilaa si nabad iyo nolol loo helo. Haddii layska cafiyo si heshiis ah waa in si fiican laysu xaqmariyaa, waa naxariis Eebbe. Tan kale waa in ruuxu geeri ka hor xuquuqda ku caddeeyaa dardaaran, si caddaalad markhaatiguna ka run sheegaa, waxna baddalin, wixii gaf ahna saxaa isgoon xumaan iyo danbi galin. Al-Baqarah (178-182)

 

  1. Kuwa xaqa rumeeyow, waxaa laydinku waajibiyay soonka sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horreeyey si aad u dhawrsataan.
  2. Waa maalmo tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama safar ah waxaa korkiisa ah ayaamo kale [soonkood] kuwa uu dhibina waxay bixin [quudin] miskiin, ruuxii badsada [khayrkana] saasaa u fiican, inaad soontaan yaana idiin khayr badan haddaad tihiin kuwo wax og.
  3. Waa bisha Soon ee la soo dajiyey dhexdiisa Qur’aanka, isagoo hanuun dadka u ah, iyo caddayn hanuun iyo kala bixin [xaqa iyo baadilka] ee ruuxii jooga [nagi] ha soomo, ruuxiise buka ama safar ah waxaa saaran maalmo kale, wuxuu idinla dooni Eebbe fudayd ee idin lama doonayo culays, waana inaad dhammaystirtaan tirade, wayneysaanna Eebbe wuxuu idinku hanuuniyey, waxaadna u dhawdihiin, mudantihiin, inaad mahadisaan Eebbe.

 

Tiirarka waaweyn ee Islaamka waxaa ka mid ah soonka oo Eebbe waajibiyey siduu ummadihii hore ugu waajibiyey si xumaanta looga dhawrsado, waana maalmo tirsan oo soddomeeye ama wax ka yar ah, ciddii kartana waa ku waajib oo qaangadh ah oo cudur iyo safar midna hayn. Soonku waa bishii Qur’aanka oo hanuun iyo caddayno ah la soo dajiyay. Eebbana dhib inalama doonayo ee fudayd buu inala rabaa iyo inaan dhammayno soonka, Eebbana waynayno, kuna mahdino hanuunkiisa.

Rasuulku wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Ruuxii u sooma (bisha) Soon rumeyn Eebbe iyo ajri-kasab, waxaa loo dhaafaa wuxuu hor marsaday oo dambi ah.” Tan kale wuxuu ku tusin soonku sinnaan iyo caddaalad iyo in laysu naxariisto. Al-Baqarah (183-185)

 

  1. Hadday ku warsadaan [Nabiyow] addoomadu xagayga anigu waan dhawahay waana ajiibaa [aqbalaa] baryada markay i baryaan, ee ha i maqleen iyaguna hana i rumeeyeen si ay u hanuunaan.
  2. Waxaa laydiin banneeyey inaad habeenka Soonka is aragtaan haweenka, maxaa yeelay dhar [asturaad] bay idiin yihiin, idinkuna dhar [asturaad] baad u tihiin, Eebbana wuxuu ogaaday inaad khayaamayseen naftiinna, wuuna idinka tawbad aqbalay idina cafiyey ee hadda u taga haweenkiinna kana doona waxa Eebbe idiinku qoray, cuna oo cabbana intuu ka muuqdo liilanka cadi [waagu] kan madow aroortii, dhammeeyana soonka tan iyo habeenka hana u tagina haweenka idinkoo ku nagi masaajidda, taasina waa xuduudda [soohdinta] Eebbe ee haw dhawaanina, saasuuna ugu caddayn Eebbe aayaadkiisa dadka si ay u dhawrsadaan.
  3. Hana ku cunina xoolihiinna dhexdiinna si baadil [xaq darri] ah idinkoo u dhiibi [laaluush] xukaamta si aad ugu cuntaan qayb ka mid ah xoolaha dadka dambi idinkoo og.

 

Eebbeheen waa inoo dhaw yahay wuuna maqli ducada iyo baryada addoomadiisa mu‘miniinta ah, wuuna aqbalaa, ee waa in iyaguna Eebbehood adeecaan si dhab ahna u caabudaan, isagana baryaan, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe waa ka xishoodaa in addoon fidiyey gacmihiisa isagoo baryi inuu hoojiyo.” Tan kale soonka habeenkii ma reebna inay is arkaan laba is qabta, maalintiise way reeban tahay bisha Soon inay is hunguriyeeyaan, waxaa kaloo la reebay inay is arkaan iyagoo masaajidda ku nagi, waxaasi waa xuduudda Eebbe waana inaan loo dhawaan, wayna u caddahay dadka lana dhawrsado.

Xoolaha dadka kalana waa inaan xaq darro iyo madaxda oo lala kaashado lagu cunin, waana reeban tahay in lagu cuno laaluush, khayaamo, been iyo wadda kasta oo xaaraan ah iyadoo la ogyahay. Nabigaa yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) macnahaas. Al-Baqarah (186-188)

 

  1. Waxay ku warsan [Nabiyow] bisha ee waxaad dhahdaa waqtigay [mudday] ugu tahay dadka iyo Xajka, mana aha samo-falku inaad ugaga timaaddaan guryaha xagga dhabarka ee sama-fal waa ruuxii dhawrsada, ugagana imaada guryaha albaabbada, kana dhawrsada Eebbe waxaad u dhawdihiin inaad liibaantaane.
  2. Kula dagaallama Jidka Eebbe kuwa idinla dagaallama, hana xadgudbina Eebbe ma jeclee kuwa xadgudbee.
  3. Ku dila meeshaad ka heshaanba, kana bixiya meeshey idin ka bixiyeen, gaalnimaa ka daran dilka, ha kula dagaallamina Masaajidka Xurmaysan agtiisa intay idinkula dagaallamaan dhexdiisa, haddayse idinkula dagaalaan la dagaallama, saasaa abaalka gaalada ahe.
  4. Haddayse reebtoomaan Eebbe waa dhaafid badane naxariis badan.
  5. La dagaallama intaan la helin gaalnimo, oo diintu u ahaan Eebbe, hadday reebtoomaan lalama collaytamo cidaan xadgudbayn.

 

Bishu waa calaamaadka Eebbe lagu aqoonsado, Soonku iyo khayr badan, samo-falna ma aha in guryaha dhabarka looga yimaado sidii jaahiliintii, ee sama-fal waa dhawrsanaan, ee uga imaada guryaha albaabbadooda, Eebbana ka dhawrsada si aad u liibaantaan, kulana dirira Jidka Eebbe kuwa idinkula dirira, hana xadgudbina Eebbe ma jecla kuwa xadgudba, lana dirira meeshaad ka heshaanba, cadawga gaalada, kana bixiya meeshay idinka bixiyeen, gaalnimadaa ka daran dilkee, hana kula dagaallamina Masaajidka Xurmeysan agtiisa intay idinkala dagaallamaan dhexdiisa, haddayse idinkula dagaallamaan la dagaallama, saasaana abaalka gaalada ahe, haddayse joogsadaan Eebbe waa dambi-dhaaf badane naxariis badan. Dagaallama intaan gaalnimo iyo xumaan laga helin dhulka, Diintuna Eebbe u ahaato, hadday joogsadaan waxaan daalim ahayn lalama collaytamo, ruuxii u dagaallama in kalimadda Eebbe (Islaamku) sareeyo un baa Jidka Eebbe ku toosan. Waa Xadiith Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee). Al-Baqarah (189-193)

 

  1. Bisha Xurmaysan [dagaalkeeda] waxaa laga horgayn bisha Xurmaysan, waxyaalaha xurmaysanna qisaas baa ah, ee ciddii idinku xadgudubta ku xadgudba [ku abaal mariya] intuu idinku xadgudbay wax la eg, Eebbana ka dhawrsada, ogaadana in Eebbe la jiro kuwa dhawrsada.
  2. Ku nafaqeeya [ku bixiya wax] Jidka Eebbe, hana ku tuurina gacmihiinna halaag [waxbixin la‘aan] wanaagna fala, Eebbe wuxuu jecel yahay kuwa wanaagga fala.
  3. Dhamaystirana Xajka iyo Cumrada, haddii laydin sharana waxaa idin saaran wixii fududaada oo hadya ah [inaad gawracdaan] hana xiirina madaxiina intay ka gaadhi hadyada meesheeda, ruuxii idinka mid ah oo buko ama dhib madaxa kaga yaallo, waxaa saaran fidyo [furasho] soon ah, ama sadaqo, ama gawrac, markaad aamin noqotaan ruuxii Cumro iyo Xajku ku raaxaysta [kulmiya] waxaa saaran wixii fududaada oo hadya ah [gawrac], ruuxaanse helin ku soon saddex maalmood Xajka iyo toddoba markuu ku noqdo gurigiisii, taasina waa toban buuxda, waase ruuxaan degganayn Masaajidka la Xurmeeyey [Makka], ka dhawrsada Eebbe ogaadana in Eebbe yahay kay daran tahay ciqaabtiisu.

 

Dagaalka xaq darro waqti walba waa reeban yahay bisha xurmada lehna waa kasii daran yahay, hadday gaaladu inala dagaallamaan waa inaan iska celinnaa, ciddii Muslimka ku xadgudubtana waa in la abaalmariyo, iyagoon lagu tacaddiyeyn Eebbana laga dhawrsan, lana ogaan in Eebbe la jiro kuwa dhawrsada, waana in wax la bixiyo oon bakhaylnimo laysku halaagin, Xajka iyo Cumradana si fiican loo guto, haddiise laguu diido intaad xarmatay waxaad gawrici xoolo madaxana lama xiiro inta hadiyado meesheeda ka gaadhi, ruuxiise madaxa boogu dhibi wuu xiiri, oo fidyana samayn, ruuxiise raaxeysta Cumrada iyo Xajka dhexdooda waxaa laga rabaa wixii u fududaada oo hadya ah, hadduusan karinna soon toban bari ah, saddex Xajka dhexdiisa, toddobana markuu noqdo waana ruuxaan Makka dagganayn, waana in Eebbe laga dhawrsado, ciqaabtiisu waa daran tahaye, sharidda la sheegina waa sidii Nabiga iyo asxaabtiisa lagu sameeyey sanadkii lixaad ee Xudeybiyo. Al-Baqarah (194-196)

 

  1. Xajku waa bilo la yaqaan, ee ruuxii gudagala bilahaas Xajka, isutagid, fisqi iyo muran ma jiro Xajka dhexdiisa, waxaad fashaan oo khayr ah wuu ogaan Eebbe, ee sahay qaata, sahay tan u khayr badanna waa dhawrsashada, ee iga dhawrsada kuwa caqliga lahow.
  2. Korkiina wax dhib ah ma aha haddaad dalabtaan fadliga Eebbihiin [ganacsi] ee markaad kasoo gaddoontaan Carrafo ku xusa Eebbe Mashcarul Xaraam agtiisa, una xusa siduu idiin hanuuniyey, waxaadna ahaydeen xaqa hortiis kuwa dhunsan.
  3. Markaas ka gaddooma meesha dadka ka gaddoomi, dambi-dhaafna waydiista Eebbe, Ilaahay waa dambi dhaafe naxariistee.

 

Bilaha Xajka waa Soonfur, Sidataal iyo Tobanka Arafo (DuJ-Xija), ciddii xarmata Xajna waa ka reeban tahay inay xaaskiisa is arkaan (isu-tagid), sidoo kale waa reeban yihin xumaan iyo dambi iyo fisqi, inkastooy xumaantu reeban tahay had iyo jeer haddana way kasii daran tahay waqtiga Xajka, murankuna waa reeban yahay Xajka, waana in la sahay qaato iyadoo la ogyahay in cabsida Eebbe sahay ugu fiican tahay, ceebna ma aha in ganacsi xalaal ah lagu sameeyo Xajka, waana Eebbe in aad loo xusaa, kibirka iyo isla-waynidana layska jiro, waxaana sugnaatay, “Ruuxii xajiya oon tagid iyo fisqi la imaan wuxuu noqdaa isagoo dambi ka ah siday hooyadii ku dhashay.” Waxaa wariyey Muslim iyo Bukhaari. Al-Baqarah (197-199)

 

  1. Markaad gudataan camalkiina xusa Eebbe saad u xustaan aabbayowgiin ama si ka daran u xusa, dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi, “Eebbow na sii adduunka wanaag,” aan kuna lahayn Aakhiro qayb.
  2. Waxaana ka mid ah dadka kuwo dhihi, “Eebbow na sii adduunka wanaag, Aakhirana nasii wanaag, nagana dheeree cadaabka Naarta.”
  3. Kuwaasi waxay mudan qayb waxay kasbadeen, Eebbana waa degdegtaa xisaabtiisu.
  4. Xusa Eebbe maalmo la yaqaanno [iidda Carafo dabadeed], ciddiise dagdagta laba maalmood dhexdood ma saarra dambi korkiisa, ruuxii dib marana ma saarra dambi korkiisa ciddii dhawrsata, ka dhawrsada Eebbe, ogaadana in xaggiisa laydiin soo kulmin.

 

Xusidda Eebbe yaa wax walba ka horreysa kana wanaagsan, waana in Eebbe wanaagga Aakhiro iyo adduunba la waydiistaa een adduun un lagu gaabsan, illeen Eebbaa wax walba xisaabiyee waana in Eebbe aad loo xuso ayaamaha ciiddda Arrafo ka dambeeya. waxaa sugnaatay inuu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ku ducaysan jiray, “Eebbow na sii adduunka wanaag Aakhirana wanaag nagana dhawr cadaabka Naarta.” Al-Baqarah (200-203)

 

  1. Dadka waxaa ka mid ah mid ku yaab galin hadalkiisu noloshan adduun, maragna gashay Eebbe waxa qalbigiisa ku sugan, isagoo dood badan.
  2. Markuu jeedsadana, socda dhulka fasaad darteed iyo inuu halligo beeraha iyo faracaba, Eebbana ma jecla fasaadka.
  3. Marka loo dhoho ka dhawrso Eebbana waxaa qabata isla-weyni dambi dartiis, waxaa ku filan Jahannamo iyadaana u xun gogol.
  4. Dadkana waxaa ka mid ah mid ku gadi naftiisa dalab raalli ahaanshaha Eebbe, Eebbana waa u naxariistaha addoomada.

 

Hadal macaan iyo uur xun oo is khilaafsan waa calaamadaha dadka xun ee fasaad iyo xumaan la socda dhulka, saas oo kale doodda, muran badnida iyo Xaqa iska kibrinta. Waase in lagu dadaalo raalli ahaanshaha Eebbe.

Saciid waxaa laga wariyay, “Kutubta qaarkeed waxaa ku sugan addoomada waxaa kamid ah kuwa carrabkoodu ka macaan yahay malab, qalbigooduna ka khadhaadhyahay dacar, waxay xidheen maryo suuf ka jilicsan, kuna gatay adduunka Diinta. Eebbana wuxuu yidhi, ‘Waynideeydaan ku dhaartee waxaan ku diri fidmo wareerisa.’” Markasuu yidhi Maxamad binu Kacab, “Waxaa laga heli Qur’aanka.” Markaasuu Siciid yidhi, “Xagee?” Wuxuuna akhriyay, “Dadka waxaa kamid ah…” Al-Baqarah (204-207).

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, u gala Islaamka dhammaan [kuna camal fala] hana raacina waddooyinka Shaydaanka, wuxuu idiin yahay col cad e.
  2. Haddaad simbiriiraxataan intuu idiin yimid xujooyin, ogaada in Eebbe yahay adkaade falsan.
  3. Miyey sugi inuu Eebbe u yimaaddo ciqaabtiisa hoos daruura ah mooyee, iyo malaa’igtu lana xukumo amarka, xagga Eebbaana loo celin umuuraha.
  4. Waydii Banii Israa‘iil imisaan siinay aayad cad, ciddii baddasha nicmada Eebbe intay u timid, Eebbe ciqaabtiisu waa ku daran tahay.
  5. Waxaa loo qurxiyey kuwa gaaloobay nolosha dhaw ee adduun, waxayna ku jeesjeesaan kuwa rumeeyey Xaqa, kuwa dhawrsada iyagaana ka sarrayn maalinta Qiyaame, Eebbana wuu arzaaqaa cidduu doono xisaab la‘aan.

 

Waa in dadku wada galo Diinta, kuna dhaqmo dhammaanteed, wadiiqadaha Shaydaankana laga leexdo, haddii la gafana Eebbe waa awoodle, waana kan Qiyaamada kala bixin dadka, xaalkuna u noqon, Banii Israa‘iil waa ogyihiin inta xujo u timid, ciddiise diidda nicmada Eebbe oo baddasha kuna jeesjeesta Xaqa iyo dadkiisa Eebbe wuu ciqaabi, wuxuuna sara marin Xaq-rumeeyaha. Al-Baqarah (208-212)

 

  1. Dadku wuxuu ahaa ummad kaliya, wuxuuna Eebbe u bixiyey Nabiyo u bishaareeya una diga, wuxuuna la soo dajiyey Kitaab Xaq ah, si ay ugu xukumaan dadka dhexdiisa waxay isku khilaafaan, iskumana khilaafin dhexdiisa kuwii la siiyey mooyee intay u yimaadaan xujooyin, xasad dhexdooda ah dartiis, wuxuuna ku hanuuniyey Eebbe waxay isku khilaafeen oo xaq ah idankiisa kuwii rumeeyey, Eebbana waa ku hanuuniyaa cidduu doono Jidkiisa toosan.
  2. Ma waxaad u maleyseen inaad galaysaan Jannada isagoon idiin imaanin wixii u yimid kuwii tegay ee hore oo kale, waxaa taabtay baahi iyo cudur, waana la gilgilay intuu ka dhaho Rasuulku iyo kuwa rumeeyey lana jira, “Waa goorma gargaarka Eebbe?” Gargaarka Eebbana waa dhawyahay.

 

Dadku Xaquu ku kulansanaa intay iska khilaafaan xasad dartiis, wuxuuse Eebbe hanuuniyey kuwa Xaqa rumeeyey. Jannada ciyaar laguma helo iyo imtixaan la’aan. Waxaa sugnaatay in Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Eebbaan ku dhaartee wuu taam yeeli Ilaahay Diintan inta ruuxu ka tago Sancaa oo aado Xadramuut, isagoon ka yaabayn Eebbe mooyee iyo waraabaha adhigiisa, waxaase tihiin qawm degdegi.” Al-Baqarah (213-214)

 

  1. Waxay ku warsan maxay bixiyaan, waxaad dhahdaa waxaad bixisaan oo khayr ah waxaa mudan labada waalid, qaraabada, agoonta, masaakiinta iyo socdaha. Waxaad fashaanna oo khayr ah Eebbe waa ogyahay.
  2. Waxaa laydinku waajibiyey dagaal idinkoo neceb, waxaa laga yaabaa inaad nacdaan wax, isagoo khayr idiin ah, waxaana laga yaabaa inaad jeclaataan wax isagoo shar idiin ah, Eebbaa wax og idinkuse ma ogidin.

 

Waa in wax la sadaqaysto waxna la baxsadaa dadkana loo naxariisto gaar ahaan labada waalid, qaraabada, agoonta, masaakiinta iyo dadka musaafurka ah, Diinta Islaamkuna waa Diin naxariis iyo xidhiidhin, waana inay saas gartaan Muslimiintu kuna dhaqmaan, tan kale waxaa lagu waajib yeelay Muslimiinta inay Jidka Eebbe ku dagaallamaan, maxaa yeeley waxaa loo baahan yahay caddaalad, nabadgalyo, sinnaan iyo barwaaqo kuwada noolaansho, intaasna waxaa laga helaa Diinta Islaamka sida ka muuqatay socodka taariikhda, saas darteed ciddii ka hortimaadda socodkaas waa in laga leexiyo, tanse la dhaho Jahaadku ma is-daafac baa mise waa weerar waa ruuxaan garanin macnaha Jahaad, Jahaadkuna waa ka guda wayn yahay dagaal, oo waxaaba jira Jahaad aan dagaal ahayn, waana arrin cadawga Islaamku keeneen, Muslimiintuna qaarkeed si niyad sami ah ugu kala jabeen iyagoo fili inay Diinta daafici Jahaadkuse waa ka waasacsan yahay difaac iyo weerar, halkanna kuma faahfaahin karro. Al-Baqarah (215-216)

 

  1. Waxay ku warsan dagaalka bisha xurmaysan [Rajab iyo wax la mid ah], waxaad dhahdaa dagaalku dhexdiisa waa wayn yahay, ka celinta Jidka Eebbe iyo ka gaalowgiisa iyo Masaajidka Xurmeysan iyo ka bixinta ehelkiisa yaase kaga wayn Eebbe agtiisa, gaalaynta dadka yaana ka wayn dilka, kama tagaan gaaladu inay idinla dagaallamaan intay idinka celiyaan Diintiinna hadday karaan, ruuxii ka riddooba Diintiisa oo dhinta isagoo gaal ah kuwaasi waa kuwa buray camalkoodu adduun iyo aakhiraba, kuwaasina waa Naarta ehelkeeda, wayna ku waari dhexdeeda.
  2. Kuwa rumeeyey Xaqa iyo kuwii hijrooday ee ku jahaaday Jidka Eebbe kuwaasi waxay rajayn naxariista Eebbe, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.

 

Diinta Islaamku ma aha Diin dagaal iyo dhiig daadis, hase yeeshee ma aha Diin dulli iyo xadgudub iyo gardarro qaadan iyo in lagu soo duulo xeradeeda, illeen waa dullowday ummad loogu soo duulay gurigeedee, tan kale gaalnimada yaa ka weyn bilaha xurmada leh oo la dagaallamo, gaalana ma dayso Muslim intay ka gaalayso hadday karaan, waana cid khasaartay oo ehlu-Naar ah cid gaalnimo ku dhimatay (Eebaa laga magangalaye), waxaase khayr iyo naxariis rajayn kuwa Xaqa rumeeya ee xumaanta ka fogaada Jidka Eebbana ku jahaada. Al-Baqarah (217-218)

 

  1. Waxay ku waydiin khamrada iyo qamaarka, waxaad dhahdaa waxaa ku sugan dhexdooda dambi weyn, iyo wax nafci ah, dambigooda yaana ka weyn nafcigooda, waxayna ku waydiin maxay bixiyaan, waxaad dhahdaa [bixiya] saa‘idka, saasuuna Eebbe idinku caddayn aayadihiisa waxaadna mudan tihiin inaad fikirtaan.
  2. Adduun iyo aakhiraba [inaad ka fikirtaan], waxayna ku waydiin agoonta, waxaad dhahdaa wanaajintooda yaa khayr badan, haddaad dheehdaana waa walaalihiin, Eebbana waa ogyahay cidda wax fasaadin iyo kan hagaajin, hadduu doono Eebbana wuu idin dhibi lahaa, Eebbana waa adkaade falsan.

 

Khamradu waa wax xun siduu garan ruuxii caqli leh, maxaa yeelay waxay ka qaaddaa ruuxa garaadka oo dadku kaga duwan yahay xoolaha, Diinta Islaamkuna waa reebtay cabbiddeeda inkastoo tartiib tartiib loo xaaraam yeeley, sidoo kale waxaa xaaraan ah qamaarka oo ah cunid xaq darro ee xoolo dad kale taasina kuma bannaana Diinta Islaamka waana in la fikiraa oo wax la gartaa, lana sadaqaysto gaar ahaan dheeraadka, laguna dadaalo dhaqaalaynta agoonta haddaad dheehdanna dhib kuma jiro, isagoo Eebbe kala ogyahay kan wax hagaajin iyo kan fasaadin. Al-Baqarah (219-220)

 

  1. Ha guursanina haweenka mushrikaadka ah, intay ka rumeeyaan, addoon rumaysan Xaqa yaa ka khayr roon mid mushrikad ah [Eebbe la wadaajisay cibaada] haba idin yaab galiso, hana u guurinina ragga mushrikiinta ah intay ka rumeyn, addoon rumeeyey Xaqa yaa ka khayr badan mid mushrik ah haba idin yaab galiyee, kuwaasu waxay idiin ku yeedhi Naarta, Eebbana wuxuu idiin ku yeedhi Janno iyo dambi-dhaaf idinkiisa, wuxuuna u caddayn aayaadkiisa dadka si ay u xusuustaan.
  2. Waxay ku waydiin caadada [haweenka], dheh waa dhib [wasakh] ee ka fogaada meesha caadada, hana u dhawaanina intay ka daahir noqon, markay daahir noqdaan uga taga meeshuu idin faray Eebbe, Ilaahayna wuxuu jecel yahay kuwa tawbada badan, wuxuuna jecel yahay kuwa is-daahiriya.
  3. Haweenkiinnu beer bay idiin yihiin ee ugu taga beertiinna saad doontaan [oo bannaan], una hor marsada naftiinna [wanaag], Eebbana ka dhawrsada, ogaadana inaad la kulmaysaan Eebbe una bishaaree mu’miniinta.

 

Gaaladaan Kitaab lahayn waxaa xaaraan ah in lays guursado, gaaloo dhanna waa ka reeban tahay haweenay Muslim ah. Haweenkana waa inaan loo tagin waqtiga caadada, illeen waa xaaraane, waxaase xalaal ah meesha Eebbe xalaaleeyey markay daahir noqdaan. Haweenkuna waa beer oo kale, waana in looga tago meesha Eebbe banneeyey. Wanaag iyo khayrna la hormarsado lana ogaado in Eebbe lala kulmi, lagana dhawrsada, loona bishaareeyo mu‘miniinta. Al-Baqarah (221-223)

 

  1. Ha uga yeelina Eebbe kabdhood dhaartiinna adinkoon samo-falayn oo dhawrsanayn, oo hagaajineyn dadka dhexdiisa, Eebbena waa maqle wax og.
  2. Idiin ma qabanayo Eebbe dhaar qasad la‘aaneed, wuxuuse idiin qaban waxay kasbatay quluubtiinnu, Eebbana waa dambi dhaafe dul badan.
  3. Kuwa ka dhaarta haweenkooda [tan iyo muddo] waxaa la sugi afar bilood, hadday ka noqdaanna Eebbe waa dambi dhaafe naxariista.
  4. Hadday goostaan furidna Eebbe waa maqle oge ah.
  5. Haweenka la furayna waxay sugi naftoodu saddex daahir, mana u bannaana inay qariyaan waxa Eebbe ku abuuray makaankooda hadday yihiin kuwo rumeeyey Eebbe iyo maalinta dambe. Raggoodaana ku xaq badan soo celintooda, arrintaas [cidadaas dhexdeeda] hadday doonaan wanaag. Haweenkuna waxay leeyihiin wax la mid ah waxa korkooda ah si fiican, raggase waxaa ugu sugnaa korkooda darajo [dheeraad], Eebbana waa adkaade falsan.

 

Ma habboona in Eebbe si fudud loogu dhaarto had iyo jeer iyo inaan wanaag la falin, dhaartiise carrabku xado Eebbe uma qabto, waxaase laysu qaban tan la niyoodo, kuwa ku dhaarta inay taabanayn haweenkooda waxaa la sugi afar bilood, hadday oofiyaan waa wanaag, haddii kale waa inuu furo. Haweenka la furana waxay tirsan saddex daahirnimo iyagoon qarinayn waxa uurkooda ku jira, wayna isku xaq leeyihiin labada dhinac inkastoo tan raggu badan tahay. Al-Baqarah (224-228)

 

  1. Furiddu waa labo jeer, intaas kadib ama waa haysasho fiican, ama sii dayn fiican, mana bannaana inaad ka qaadataan waxaad siiseen wax, inay ka cabsadaan inayan oogin xuduudda Eebbe mooyee, haddaad ka cabsataan inayan oogin xuduudda Eebbe wax dhib ah ma saarro korkooda waxay isku furato, taasi waa xuduudda Eebbe ee ha tallaabina, ruuxii tallaaba xuduudda Eebbe kuwaasi waa daalimiinta.
  2. Hadduu furo uma bannaana kadib intay ka guursato nin kale, hadduu [kaasi] furana dhib ma saarra hadday is ceshadaan [is-guursadaan] hadday u malayn inay oogi xuduudda Eebbe, taasi waa xuduudda Eebbe wuxuuna u caddayn ciddii wax og.

 

Guurka waxaa looga dan leeyahay in lagu dhiso guri fiican oo ka abuurmo qoys wanaagsan, Islaamkuna ma jecla in la dumiyo gurigaas, saas darteed yuu furitaanku u noqday wax Eebbe u cadhoodo, ha yeeshee hadduu noqdo lagama maarmaan waa in si quruxsan laysu furaa, xoolo xaq darrana la kala cunin, waxaana roon inuusan is-raacinin dalaaqaha, waxaa laga yaabaa in wax dib kasoo cusboonaadee, inay haweenaydu xoolo ku gadato dalaaqdana waa bannaan tahay, mar hadday dalaaqdoo dhan ku kala tagaanna ma bannaana inay isa soo ceshadaan haddaan nin kale guursan oosan furin, kaasoon maxlal ahayn. Anas binu Maalik waxaa laga wariyey inuu yidhi, “Nin baa u yimid Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuuna yidhi, ‘Rasuulka Eebbow, wuxuu sheegay Eebbe furidda laba jeer ee aaway tii saddexaad?’ Wuxuuna yidhi, ‘Haysasho fiican ama siidayn fiican.’” Al-Baqarah (229-230)

 

  1. Haddaad furtaan haweenka oy gaadhaan muddadooda u haysta si fiican ama u siidaaya si fiican, hana u haysanina inaad dhibtaan si aad u xadgudubtaan, ruuxii fala sidaas wuxuu dulmiyey naftiisa, ee ha ka yeelina aayaadka Eebbe jeesjees, xusuustana nicmada Eebbe ee korkiinna, iyo wuxuu ku dejiyey korkiina oo Kitaab iyo xikmad ah [Sunnada], wuu idinku wacdoon Eebbe Qur’aanka, ee ka dhawrsada Eebbe, ogaadana in Eebbe wax kasta ogyahay.
  2. Haddaad furtaan haweenka oo ay gaadhaan muddadooda ha u diidina inay guursadaan nimankooda hadday raalli isu noqdaan si fiican, arrintaasu waa mid la idinku waanin ciddii idinka mid ah oo rumayn Eebbe iyo maalinta dambe, saasaana idiin wanaagsan oo idiin nadiifsan, Eebbana waa ogyahay idinkuna ma ogidin.

 

Xaq ma aha mana habboona in haweenka la dhibo, waa in si fiican laysu qabaa ama si fiican loo kala tago, mase bannaana in loo xajisto si loo dhibo, saasina waa tacaddi iyo gardarro iyo ku ciyaarid aayadaha Eebbe, waana inaan la halmaamin nicmada Eebbe oo ah Qur’aanka iyo Sunnada Nabiga, waana in xumaanta laga dhawrsado, mar hadday laba ruux is furaanna ma habboona in la cidhiidhiyo haweeneyda loona diido inay guursato ninkay isku raalli noqdaan, waxaana arrintaas loo sheegi ciddii xaqa rumeysay, Eebbe iyo Qiyaamada. Al-Baqarah (231-232)

 

  1. Waalidaadka [hooyooyinku] waxay nuujin carruurtooda labo sano oo dhammaystiran, ciddii doonta inay taam yeesho nuugidda, kan wax loo dhalayna waxaa saaran cunnadooda iyo arradbaxooda si fiican, laguma dhibo naf waxayna awoodin, laguma dhibo hooyo ilmaheeda dartiis, [lamana dhibo] aabbo ilmihiisa dartiis, kan wax dhaxlaya waxaa saaran taasoo kale, hadday doonaan gudhin iyagoo raalli ah iyo wadatashi dhib ma saarra korkooda, haddaad doontaan inaad ka nuujin dalabtaan carruurtiinna [haweeney kale] dhib korkiinna ma saarra haddaad u dhiibtaan waxaad bixinaysaan si fiican, ka dhawrsada Eebbe, ogaadana in waxaad camal falaysaan Eebbe arko.

 

Nuujinta Ilmaha waa arrin muhiim ah oo loo baahan yahay inay hooyadu fasho hadduusan jirin wax garowsha ah, aabbahana waxaa saaran masruufka iyo arradbaxa hooyada, iyadoo Eebbe cidna ku mashaqaynin wuxuusan karin, mar kastooy isku oggolaadaan in la gudhiyana waxba kuma jabna haddaan hooyo, aabbe iyo ilmaha midna lagu dhibayn, hadday cid kale nuujiso dhib ma leh haddii si fiican xuquuqda laysu siiyo, iyadoo Eebbe laga dhawrsan, lana ogyahay in Eebbe arko waxa la fali. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yiri, “Wax ma xaaraan yeesho nuugitaan labo sano dhexdeed ahayn.” Al-Baqarah (233)

 

  1. Kuwa la oofsado [dhinto] oo idin kamid ah oo ka taga haween waxay sugi [ciddo] naftoodu afar bilood iyo toban bari, markay gaadhaan muddadoodana wax dhib ah idinkama saarra waxay ku falaan naftooda si fiican, Eebbana waxaad falaysaan waa ogyahay.
  2. Dhib [dambi] korkiinna ma aha waxaad sarbeebtaan oo hadal haween ah [doonid] ama aad ku qarisaan naftiinna, Eebbe waa ogyahay inaad sheegaysaan haweenkaas, laakiin hawgu yaboohina qarsoodi inaad dhahaysaan hadal fiican mooyee, ha goynin [ha u qasdina] xidhidda guurka intuu ka gaadho kitaabku [ciddadu] waqtigooda, ogaadana in Eebbe ogyahay waxa naftiinna ku sugan ee ka digtoonaada, ogaadana in Eebbe dambi dhaafe dulsan yahay.
  3. Dhib ma saarro korkiinna haddaad haweenka furtaan idinkoon taaban ama u qadarin meher, ugu deeqa kii hodona qaddarkiisa, kan cidhiidhyanna qaddarkiisa, waa raaxayn wanaag ah oo xaq ku ah kuwa dhawrsada.

 

Waxaa Eebbe jideeyey in haweenka laga dhinto sugaan muddo ah afar bilood iyo toban bari, markay muddadaas dhammeystaanna waxba korkooda ma aha hadday guursadaan si wanaagsan, muddadaas ay ciddada ku jirtona ma habboona in guur loo caddeeyo si dul mar ah mooye, mana aha in guurkooda la goosto intay muddadu ka dhammaan, tan kale haddii la furo haweenay aan la taaban meherna loo sheegin wax meher ah ma waajibayo, wuxuuse bixin mutco gacan maris uun iyo awoodiis, waana arrin xaq ah, waxaana sugnaaday, “Inayna bannaanayn inay haweeney Xaqa rumeysan isu basaasiso qof saddex maalmood wax ka badan, ninkeeda oy afar bilood iyo toban bari u tirsan mooyee.” Al-Baqarah (234-236)

 

  1. Haddaad furtaan haweennka taabasho ka hor idinkoo wax [meher ah] u qaddaray waxay mudan kala badhka waxaad qaddarteen, inay cafiyaan mooyee ama uu cafiyo midka gacantiisu xidhidda nikaaxu ku jiro [waa ninka ama waliga], haddaad iska cafisaan yaa u dhowse dhawrsashada, hana halmaamina fadliga [dheeraadka] dhexdiina ah, Eebbana waxaad camal falaysaan wuu arkaa.
  2. Xifdiya [ilaaliya] salaadaha iyo salaadda dhexe [sharafta badan, Casarka] una istaaga dar Eebbe idinkoo adeeci [khushuuci].
  3. Haddaad cabsataan, tukada idinkoo lug ah ama saaran gaadiid, markaad aamin noqotaan xusa Eebbe siduu idiin baray wax aydaan aqoonin [caadi u tukada].

 

Haddii la furo haweeney aan la taabanin meherna loo sheegay waxay mudan meherka nuskiis. inay cafido ama ninku cafiyo inta kale ama waaligeedu cafiyo mooyee. Inaan wanaagga la halmaamin yaana khayrku ku jiraa, ileen Eebbe waa wax walba arkee. Tan kale waa in Eebbe lagu xidhnaado, saladdana la ilaaliyo gaar ahaan salaadda Casar, Eebbana si dhab ah loo adeeco. Haaddii cabsi iyo dagaal jirana waxaa loo tukan sidii fududaata, marka la aamin noqdana waxaa loo tukan si caadi ah. Waxaa sugnaatay in Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi, “Maalintii (godka) waxay naga shuqliyeen salaaddii dhexe (sharafta lahayd) Casarka, Eebbe ha ka buuxiyo quluubtooda iyo guryohooda Naar.” Wuxuuna tukaday Maqribka iyo Cishaha dhexdooda. Waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslin iyo kuwa kale. Al-Baqarah (237-239)

  1. Kuwa la oofsado [dhinto] idin kamid ah kana taga haween dardaaranka haweenkoodu waa u raaxayn tan iyo sano iyagoon la bixinayn, haddayse baxaan dhib [dambi] ma saarra korkiinna waxay ku falaan naftooda oo wanaag ah, Eebbana waa adkaade falsan.
  2. Kuwa la furo waxaa u sugnaaday gacan maris [mataac] si fiican, waxayna ku tahay xaq kuwa dhawrsada.
  3. Saasuuna Eebbe idiinku caddayn aayaadkiisa inaad kastaan darteed.
  4. Ka warran [warkoodu ma kusoo gaadhay] kuwii ka baxay guryahooda iyagoo kumaan ah digtooni geeri darteed, markaas ku yidhi Eebbe dhinta, soona nooleeyey, Eebbana waa saaxibul fadli [dheeraad] dadka korkiisa, dadka badankiisuse kuma mahdiyaan.
  5. Ku dirira Jidka Eebbe, ogaadana in Eebbe maqli oo ogyahay.
  6. Waa kuma kan amaah fiican gashan Eebbe, oo uu u labanlaabo, labanlaab badan, Eebbana wuu ku cidhiidhiyaa rizqiga oo u waasiciyaa [cidduu doono], xaggiisaana loo celiyaa dadka.

 

Haweenka laga dhinto waa in loo naxariisto, gurigana laga bixinin, tan iyo sano, intaas ka dibna siday rabaan oo wanaag ah hadday falaan xumaan ma leh, sidoo kale tan la furo waa in la gacan mariyo, illeen way barakaceene. Geeri laga cararana wax ma tarto, Eebbana wax walba waa awoodaa, ee waa in jidka Eebbe lagu jahaadaa, sadaqo iyo wanaagna la hormarsadaa si Eebbe laablaab iyo wanaag inoogu abaal mariyo, illeen Eebbaa wax u quudiya cid walba siduu doonee, waxayna ku tusin isu naxariisashada iyo Eebbe ku xidhnaanta wanaaggeeda. Al-Baqarah (240-245)

 

  1. Ka warran [warkoodu ma ku soo gaadhay] madaxdii Banii Israa‘iil Muuse ka dib markay ku dheheen Nabigoodii, “Noo soo bixi malik [xaakim] oon ku dagaallanno Jidka Eebbe,” wuxuuna yidhi, “Armaad mudan tihiin haddii laydinku faral yeelo dagaalka inaydaan dagaallamin?” Waxayna dheheen, “Maxaanaan ugu dagaallamayn Jidka Eebbe isagoo nalaga bixiyey guryahannagii iyo carruurtannadii [wiilashannadii]?” Markii lagu faral yeelay korkooda dagaalkii wey jeedsadeen, in yar oo kamid ah mooyee, Eebbana waa ogyahay daalimiinta.
  2. Wuxuuna ku yidhi Nabigoodii, “Eebbe wuxuu idiinku bixiyey Daaluut malik [xaakim].” Waxayna dheheen, “Sidee ugu ahaan xukun korkannaga annagoo ka mudan xukunka, aan lana siinin xoolo waasac ah [badan]?” Wuxuuna yidhi [Nabigii], “Eebbe wuu u doortay korkiinna wuxuuna u siyaadiyey waasacnimo cilmi iyo jidh [xoog], Eebbana wuxuu siiyaa xukunkiisa cidduu doono, Eebbana waa deeq-badane og.”

 

Waxay caddayn aayadda hore lagama maarmaanimada in si isku duuban loo dagaallamo iyo hoggaan toosan oo isku mid ah, waana waajib marka lagu dulmiyo oo guryahaaga iyo carruurtaada lagaa eryo, mana bannaana cabsidu markaasoo kale. Tan kale ciddii toosan oo cilmina leh caafimaadna qabta yaa mudan inay wax hoggaamiso ee shardi ma aha inuu xoolo badan yahay siday maleeyeen dadka qaarkiis, xaalkuse waa akhlaaq iyo Eebbe u-dhawaansho. Al-Baqarah (246-247)

 

  1. Nabigoodii wuxuu ku yidhi, “Calaamadda xukunkiisu waa inay u timaaddo Taabuud [sanduuq] oy ku jirto xasilloonida Eebbihiin iyo wax kasoo hadhay waxay ka tageen ehelkii Muuse iyo ehelkii Haaruun oo malaa’igtu xambaari arrintaasna calaamaa idiinku sugan haddaad tihiin mu‘miniin.”
  2. Markuu la baxay Daaluut askartii wuxuu yidhi, “Eebbe wuxuu idinku imtixaani wabi, ee ciddii ka cabta iga mid ma aha, ruuxaan wax ka dhadhaminna waa iga mid, ruux ku qaata gacanta qaadasho mooyee.” Waxayna ka cabbeen xaggiisa wax yar mooyee. Markuu tallaabay isaga colkii rumeeyay la jiray, waxay dhaheen, “Awood uma lihin maanta Jaaluud iyo colkiisa.” Waxayna dhaheen kuwii yaqiinsanaa inay la kulmi Eebbe, “Badanaa intay koox yari ka adkaatay koox badan idinka Eebbe, ilaahayna wuxuu la jiraa kuwa samra.”

 

Aayadahan iyo kuwii ka horreeyeyba waxay ka warrami xaalkii Banii Israa‘iil Muuse kadib, iyo qisadii Daaluut oo hoggaaminayey iyo Jaaluud oo col gaalo ahaa watay, waxaana calaamadda wanaaggiisa ka mid ahaa in Eebbe u soo celiyey sanduuq malaa‘igo xambaarsan tahay oy ku sugan tahay wax kasoo hadhay Muuse iyo Haaruun, wuxuuna Daaluut u caddeeyey colka in biyo lagu imtixaani ciddii cabtana ayna kamid ahayn, kan cabbinna kamid yahay, intii badnaydna cabtay oo khilaaftay amarkii, waxayna ku calaacaleen inayn awood u lahayn Jaaluud iyo colkiisa, kuwiise xaqa rumeeyey waxay dheheen, “Imisaa cid yari mid badan ka adkaaday idanka Eebbe.” Al-Baqarah (248-249)

 

  1. Markay u soo muuqdeen Jaaluud iyo colkiisii waxay dhaheen mu’miniintii Eebbow ku shub korkannaga samir, sugna gomadahannaga, noogana gargaar qawmka gaalada ah.
  2. Markaasay [mu’miniintii] jabiyeen gaaladii idinka Eebbe, wuuna dilay Daawuud Jaaluud, wuxuuna siiyey Eebbe Daawuud xukun iyo xikmo [nabinnimo iyo cilmi] wuxuuna baray wuxuu doono, hadayan jirin ku reebidda Eebbe dadka qaarkood qaarka [kale], waxaa fasaadi lahaa dhulka, hasa yeeshee Eebbe waa fadli u saaxiib [u deeqe] caalamka.
  3. Taasi waa aayaadka Eebbe waana kugu akhriyaynaa si xaq ah. Adiguna waxaad kamid tahay kuwa la soo diray [Rasuullada].
  4. Kuwaasu waa Rasuulladii, waana ka fadilnaa qaarkood qaarka [kale], waxaa ka mid ah kuwo la hadlay Eebbe, wuuna koryeelay qaarkood darajooyin, waxaana siinnay Ciise binu Maryama xujooyin, waxaana ku xoojinnay Ruuxdii daahirka ahayd [Malaku Jibriil]. Hadduu Eebbe doono isma laayeen kuwii ka dambeeyay intay u timid xujooyin kadib, laakiin way is khilaafeen, waxaa kamid ah mid rumeeyay [xaqa], waxaana kamid ah mid ka gaaloobay. Hadduu Eebbe doonana isma laayeen, laakiin Eebbe wuxuu falaa wuxuu doono.

 

Waxay ku tusin aayaddu sugnaanshaha mu’miniinta iyo sida Eebbe ugu gargaaray, Nabi Daawuudna u sharrifay una dilay Jaaluud, xikmada Eebbana waxaa ka mid ah in qaarkood qaar lagu celiyo, Rasuullada Eebbana qaar baa qaar ka fadilan, sida Nabiga Muxamed iyo Nabi Muuse iyo Nabi Ciise. Al-Baqarah (250-253)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, nafaqeeya [bixiya] waxaan idinku arzuqnay qaarkood ka hor imaatin maalin [Qiyaamada] oon gadasho jirin iyo saaxiibtinimo iyo shafeeco [midna], gaaladuna iyaga un baa daalimiin ah.
  2. Eebbe ilaah [xaq lagu caabudo] aan isaga ahayn ma jiro, waana Eebaha Nool, khalqigana maamula, ma qabato lulmo iyo hurdo [midna], wuxuuna iska leeyahay waxa samooyinka ku sugan iyo dhulka. Waa kuma kan ka shafeeci agtiisa [Eebe] idankiisa mooyee? Wuxuu ogyahay [Eebe] waxa dadka hortooda ah iyo waxa ka dambeeya mana koobaan wax cilmigiisa ah, wuxuu Eebbe doono mooyee, wuuna u waasac noqday kursigiisu samaawaadka iyo dhulka, mana cusleeyo ilaalinteedu, Eebbana waa sarreeye wayn.

 

Aayadda hore waxay sugi inay habboon tahay in wax wanaagsan la hormarsado Qiyaame ka hor, maxaa yeelay waa maalin aan ganacsi iyo saaxiibtinimo iyo shafeeco midna jirin cid Eebbe shafeeco u idmo mooyee, gaalana iyaga un baa daalimiin ah. Tan kale aayadda dambe waxaa la dhahaa Aayatul Kursi, waxayna ka mid tahay aayadaha Qur’aanka u weyn, waxaana fadligeeda ku soo arooray Xadiithyo badan, waxaana ka mid ah: In Nabigu warsaday Ubayi binu Kacab, “Aayaddee u weyn Qur’aanka?” oo uu yidhi, “Eebbe iyo Rasuulkiisaa og,” markuu ku celceliyeyna uu yidhi, “Aayatul Kursi.” Markaas Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi, “Ha kuu shifoobo cilmigu Abaa Mundirow!” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Waxayna kulansatay aayaddu toban arrimood oo muhiim ah oos garan ciddii aad u fiirisa oo fahmida. Al-Baqarah (254-255)

 

  1. Ikraah [qasab] ma aha Diinta galiddeedu, hanuunku [iimaanku] waa ka caddaaday [soocan yahay] baadida [gaalnimada] ruuxiise diida daaquut [shayaadiinta iyo xuma-fare wixii ah] oo rumeeya Eebbe wuxuu qabsaday xadhig [guntay] sugan oo adag [Islaamka] oon go‘ayn, Eebbana waa maqle og.
  2. Eebba waa u gargaaraha kuwa rumeeyey [xaqa], wuxuuna ka bixiyaa mugdiga [gaalnimada] una bixiyaa Nuurka [iimaanka], kuwa gaaloobayna gargaarahoodu waa daaquut [xumaan-fare] wuxuuna ka bixiyaa Nuurka una bixiyaa mugdiga [gaalnimada] kuwaasina waa ehelka Naarta wayna ku waari dhexdeeda.
  3. Ka warran [warkiisu ma kusoo gaadhay] kii kula murmay [Nabi] Ibraahiim Eebbihiis [waa Namruud] in Eebbe siiyey xukun markuu [Nabi] Ibraahiim yidhi, “Eebbahay waa Nooleeye Dile,” markaa yidhi [gaalkii], “Anba waan nooleeyaa oon dilaa,” markaas [Nabi] Ibraahiim yidhi, “Eebbe wuxuu ka keeni qorraxda Bari ee ka keen Galbeed,” markaasaa la wareeriyey [oo aamusay] kii gaaloobay, Eebbana ma hanuuniyo qawm daalimiin ah.

 

Cidna xoog iyo qasab Diinta qalbigiisa laguma galiyo illeen Xaqu waa cad yahaye, ruuxiise raaca Diinta Islaamka ee Xaqa ah wuxuu qabsaday xadhig adag oon go‘ayn, Eebbana waa gargaaraha mu‘miniinta hanuuniyana, Shaydaanna waa gargaaraha gaalada, sida Namruudkii la dooday Nabi Ibraahiim markuu kibray oo isla weynaaday sheegtayna awood markii dambase ceeboobay oo wareerey oo hadli waayey, saasina waa caadada gaalada iyo xumaan-farayaasha, wax nooleys iyo dilse ma aha wuxuu sheegtay oo ah inuu labo nin midna gawraco midna siidaayo, ciddii awood ku faanta wax haka baddasho xukunka Eebbe iyo khalqigiisa, mana jirto. Al-Baqarah (256-258)

 

  1. Ka warran kii maray magaalo iyadoo la duntay darbigeedii [oo cidla ah] markaas yidhi, “Sidee Eebbe u nooleyn middaan dhimasho [kharaab] kadib?” Markaasaa Eebbe dilay boqol sano [qadarkeed] markaasuu soo bixiyey wuxuuna ku yidhi, “Imisaad nagaatay adigoo mayd ah?” uuna yidhi, “Waxaan nagaaday maalin ama maalin qaarkeed,” uu kuna yidhi [Eebbe], “Waxaad nagaatay boqol sano; ee day cuntadaada iyo cabiddaada oon doorsoomin, day dameerkaaga waxaan kaaga yeeleynaa calaamo dadka, day lafaha sidaan u soo koryeeleyno [u nooleyn] una huwinayno hilib.” Markuu u caddaaday xaalku wuxuu yidhi, “Waxaan ogahay in Eebbe wax walba karo.”

 

Waxaa la wariyey in nin la dhihi jirey Cuzayr uu maray magaalada Baytul Maqdis oo la kharribay, markaas yidhi sidee Eebbe u noolayn kharaab kadib, markaas Eebbe dilay soona nooleeyey muddo kadib, tusayna qudrada Eebbe iyo siduu wax u nooleeyo, awoodda Eebbana ma aha wax la shakiyo ama la fogeysto, cidda Xaqa rumeysana waxaa looga baahan yahay u hoggaansanka Eebbe kor iyo hoosba illeen waa wax walba karee. Al-Baqarah (259)

 

  1. Xusuuso markuu yidhi [Nabi] Ibraahiim, “Eebbow i tusi sidaad u nooleyso waxa dhinta,” uuna yidhi, “Miyaadan rumeynin [xaqa]?” oo uu yidhi, “Waan rumeeyey laakiin [waxaan doonay] inuu xasilo qalbigaygu,” markaas [Eebbe] yidhi, “Qaad afar shimbirood una iil xaggaaga [jarjar] kadibna yeel buur kasta qayb ka mid ah, markaas u yeedh way kuu imaan iyagoo ordi, ogowna in Eebbe adkaade falsan yahay.”
  2. Kuwa ku bixiya xoolahooda Jidka Eebbe waxay la mid yihiin xabbad [masago ah] oo bixisay toddobo sabuul, sabuul kastana bixiyey boqol xabbo, Eebbe waa u laablaabaa [ajirka] cidduu doono Eebbana waa deeq-badane og.

 

Nabi Ibraahiim wuu rumeysnaa awoodda Eebbe, wuxuuse u warsaday xaalkaas in iimaanku u sii kordho, mase aha shaki siduu Nabiguba yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee], “Annagaa ka mudan shaki (Nabi) Ibraahiim markuu yidhi ‘Eebow i tus saad wax u nooleyso.’” Bukhaari iyo Muslim. Tan kale cidda wax wanaagsan hor marsata Eebbe wuu u laablaabi ajirka sida xabbad masago ah oo dhulka lagu riday oo soo bixisa sabuullo badan, waxaana Xadiith ku sugnaaday, “Ciddii ku baxsata nafaqo dheeraad ah Jidka Eebbe waxaa loo laablaabi ilaa toddobo boqol oo jeer.” Ibnu Cabbaasna wuxuu yidhi, “Jahaadka iyo Xajku waxay dirhamka u laablaabaan ilaa toddobo boqol oo jeer.” Al-Baqarah (260-261)

 

  1. Kuwa ku bixiya xoolahooda Jidka Eebbe markaasna raacinin waxay bixiyeen manno iyo dhib waxay ku mudan ajrigooda Eebbahood agtiisa, cabsina korkooda ma ahaato, mana murugoon.
  2. Hadal wanaagsan iyo dhaafid [saamaxaad] yaa ka khayr badan sadaqo uu raaco dhib. Eebbana waa hodan dul badan.
  3. Kuwa Xaqa remeeyow, ha ku burinina sadaqadiina manno iyo dhib sida kan u bixiya xoolihiisa is-tuska dadka, aan rumeynin Eebbe iyo maalinta Aakhiro, wuxuuna la mid yahay sida sallax korkiisa carro tahay oo roob badan heley oo ka tagtay isagoo sibibiq ah [madhan], ma karaan kuwaasu wax ka mid ah waxay kasbadeen [ajri kama helaan] Eebbana ma hanuuniyo qawm gaalo ah.

 

Wax bixinta iyo sadaqadu waa waxyaalaha waaweyn ee Diinta Islaamku fartay, hasa yeeshee waa inaan sheegsheeg iyo ku-maneysi la raacinin, sadaqaduna mar hadday tahay dar Eebbe oo is-tustus iyo dhib loo bixinin abaalkeedu waa cabsi iyo murugo la‘aan, haddaadan wax bixineyninna waxaa wanaagsan hadal fiican, is-tustusna cidhibtiisu waa wax la‘aan, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ma galo Jannada caaqa (caasiga waalidka) iyo ka wax ku manaysta (dadka) iyo khamri-sameeye, iyo beeniyaha Qaddarka (Eebbe).” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Al-Baqarah (262-264)

 

  1. Kuwa ku bixiya xoolahooda doonidda raalli ahaanshaha Eebbe iyo yaqiinsi naftooda [khayrka] waxay la mid yihiin beer ku taal meel sare oo helay roob badan, oo markaas keentay cunnadeedii labanlaab hadduusan roob badan helinna uu helo roob yar [shuux], Eebbana waxaad camal falaysaan wuu arkaa.
  2. Ma jecel yahay midkiin inay u ahaato beer timir iyo canabyo ah oy dareeri dhexdeeda wabiyaal oos ku leeyahay dhexdeeda wax kastoo midho ah ayna hayso dacfi weyni uuna leeyahay carruur tabar yar oo markaas beertii asiibto [ku dhacdo] dabayl daran oo dab wadata oo gubatay beertii? Saasuu Eebbe idiinku caddeeyaa aayaadkiisa si aad u fikirtaan.

 

Dar Eebbe oo wax loo bixiyo waxay labanlaabtaa camalka ajrigiisa, is-tustuska iyo niyo xumiduna waxay gubtaa camalka sida beerta aayaddu tilmaantay iyo siduu ugu baahan yahay ninkii lahaa, waxaana sugnaatay in macnaha aayaaddan Cumar warsaday asxaabtii oy dhaheen Eebbaa og, oos cadhooday yidhina, “Dhaha ma naqaan ama waan naqaannaa,” markaas Ibnu Cabbaas yidhi, “Waa ruux camal fiican falay oo Shaydaan duufsaday.” Waxaa wariyey Bukhaari. Al-Baqarah (265-266)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, wax ka bixiya ka wanaagsan waxaad kasbateen, iyo waxaan idinka soo bixinay dhulka, hana u qasdina kan xun inaad wax ka bixisaan, oo idinkuba aydaan qaadateen, inaad indho laabtaan mooyee, ogaadana in Eebbe yahay hodan la mahdiyo.
  2. Shaydaanku wuxuu idiin yaboohi faqri, wuxuuna idin fari xumaan, Eebbana wuxuu idiin yaboohi dambi-dhaaf iyo fadli, Eebbana waa waasac [deeqdiisu] waxna og.
  3. Wuxuu siiyaa xikmo cidduu doono, ruuxii la siiyo xikmana waxaa la siiyey khayr badan, wax waantoobo oon kuwa caqliga leh ahayna ma jiro.

 

Aayaddan waxay fari in xoolaha xalaasha ee fiican wax laga bixiyo, oon ka xun loo soocin bixin iyo Shaydaanku ku cabsi-galin dadka baahi iyo faqri, Eebbana u yaboohi dambi-dhaaf iyo dheeraad, cidduu doonana uu siin caqli iyo xikmad uu wanaagga ku raaco, waana khayr iyo sharaf wayn, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe wuxuu idiin qaybiyey akhlaaqda siduu idiin ku qaybiyey arzaaqda, Eebbana wuu siiyaa adduun ruuxuu jecel yahay iyo miduusan jecleynba, mase siiyo Diinka miduusan jecleyn, ruuxuu siiyo Diin wuu jeclaaday…” Intuu ka dhaho, “Ruuxii ka bixiya xaaraam, ama sadaqeeya lama aqbalo, hadduu ka tagana wuxuu ku noqon shay Naareed.” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Al-Baqarah (267-269)

 

  1. Waxaad bixisaan oo nafaqo ah [sadaqo] amaad ku nadartaan oo nadar ah Eebbe waa ogyahay, daalimiinna gargaare uma sugnaanin.
  2. Haddaad muujisaan sadaqaadka waa fiican tahay, haddaadse qarisaan ood siisaan fuqarada yaa idiin khayr badan, wuuna asturi Eebbe xumaantiina [dambiga] Eebbana waxaad falaysaan wuu ogyahay.
  3. Korkaaga ma saarra hanuunintoodu, Eebbaase hanuuniya cidduu doono, waxaad bixinaysaan oo khayr ah naftiinnaa iska leh, umana bixisaan doonid Waji Eebbe mooyee, waxaad bixisaan oo khayr ahna waa laydiin oofin, idinkoon laydin dulmiyeyn.

 

Wixii sadaqa ah oo la bixin ama wixii lagu nadro iyo camal walba Eebbe waa ogyahay, muujinta sadaqa iyo qarinteeduba waa bannaan tahay, waxaase khayr badan qarinteeda, hanuunkana Eebbaa haysta, Nabigana waxaan gaadhsiis ahayn ma saarro. Wixii dar Eebbe loo bixiyaana Eebbe wuu ka abaalmarin. Waxaana toddobada la hadhayn ka mid ah, “Ciddii sadaqo qarsoon bixisa.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Al-Baqarah (270-272)

 

  1. [Waxaa muta sadaqadaas] fuqarada lagu koobay Jidka Eebbe [Jahaadka] oon karin inay dhulka ku safraan, wuxuuna u malayn kaan ogayn hodan dhawrsanaanta, waxaadse ku garan calaamaddooda, umana waydiiyaan dadka ku celcelin, waxaad bixisaan oo khayr ah Eebbe waa ogyahay [oo ka jazayn].
  2. Kuwa bixiya xoolahooda habeen iyo dharaarba qarsoodi iyo muuqaalba waxay ku mudan ajirkooda Eebbahood agtiis, cabsina korkooda ma ahaato iyo murug midna.

 

Wax bixintu waa lagama maarmaan, waajib ahaatayaa iyo siin kale ahaatayaaba, adaygeeda iyo ahmiyaddeeda darteed ayuu Qur’aanku wax badan soo celceliyey, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wax badan u faray uguna hanuuniyey, taasina waxay ku tusin in Diinta Islaamku tahay Diin xidhiidhin iyo taakulayn, sida fuqarada aan shaqaynayn, ee jidka Eebbe ku jahaadi, cidna wax warsanin loona malaynayn fuqaro, oyse ka muuqato dhibaato, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ruuxii is dhawra Eebbaa dhawra, ruuxii is hodan yeelana Eebbaa hodmiya, ruuxii wax waydiista isagoo hanta wax la eg shan wiqiyadoodna wuxuu u waydiiyey dadka celcelin.” Waxaa sheegay Imaam Axmed. Al-Baqarah (273-274)

 

  1. Kuwa cuna ribada kama istaagaan [qubuurahooda] siduu u istaago mid la dhici Shaydaan taabashadiis mooyee, waxaana ugu wacan arrintaas inay dhaheen, “Baycu [gadashadu] waa sida ribada.” Wuu banneeyey Eebbe bayca [gadashada] wuxuuna xarrimay ribada, ruuxuu u yimaado waano Eebbihiis oo reebtooma wuxuu mudan wixii horreeyey, amarkiisana waxaa [loo bandhigi] Eebbe, ruuxiise ku noqda [ribada] kuwaasu waa asxaabta [ehelka] Naarta wayna ku waari dhexdeeda.
  2. Wuxuu tiraa Eebbe ribada wuxuuna badiyaa [barakeeyaa] sadaqooyinka, Eebbana ma jecla gaalnimo-badane dambi badan dhammaantiis.

 

Diinta Islaamku waa Diin fari xalaal cunka, shaqada fiican iyo is-taakulaynta, mana oggola xaaraan cunka, is-khayaamidda iyo dulmiga, ribaduna waa xoolaha dadkoo xaq-darro iyo dulsaar lagu cuno, waxaana lagu ciqaabi dhidhicid sida ruux waalan Qiyaamada, Cadaab iyo barako-darro, illeen Eebbe kala gadashaduu banneeyaa, ribadana wuu xarrimaa, mana aha siday gaaladu sheegeen in bayca iyo ribadu isku mid yihiin. Rasuulkuna (naxariiis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaan u imid habeenkii la dheelmay qaar calooshoodu tahay sida guryo oo abeesana dhex socoto, waxaana dhahay ‘Waayo kuwaasi Jibriilow?’ Wuxuu yidhi, ‘Kuwaasi waa kuwa cuna ribada.’” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Kuwa cuna ribada waxaa lasoo bixiyaa Qiyaamada iyagoo waalan oo neefaysan.” Al-Baqarah (275-276)

 

  1. Kuwa rumeeyey Xaqa, oo camal fiican falay, oo oogay salaadda, oo bixiyey zakada, waxay ka mudan ajirkooda Eebbahood agtiisa, wax cabsi ah iyo murugana korkooda ma ahaato.
  2. Kuwa xaqa rumeeyow, ka dhawrsada Eebbe kana taga waxa hadhay oo ribo ah haddaad mu’miniin tihiin.
  3. Haddaydaan falin [sidaas] ogaada dagaal Eebbe iyo Rasuulkiisa, haddaad tawbad keentaanna waxaad leedihiin raasa-maalkii xoolihiina, wax dulmin maysaan idinna laydin ma dulmayo.
  4. Haddii la helo isagoo caydh ah [kan wax lagu leeyahay] hala sugo intay uga fududaato, haddaad sadaqaysataan [ka saamaxdaan] yaa idiin khayr badan haddaad ogtihiin.
  5. Kana dhawrsada maalinta laydiin soo celin Eebbe, kadibna qof walba loo oofin waxay kasbatay, lamana dulmiyo.

 

Ciddii xaqa rumeysa oo camal fiican la timaadda: salaad, zako iyo wanaagga kalaba wuu ka helaa abaalkiisa fiican Eebbe agtiisa, isagoon cabsi iyo murugo arkayn. Ribadana saan horay u soo sheegnay waa camal xun iyo kasab xaaraan ah, mudanna in laga dheeraado, ciddii fashana ha u darbado dagaalka Eebbe iyo Rasuulkiisa, maxaadse u malayn cid Eebbe iyo Rasuulkiisu la dagaallameen? Ibnu Cabbaas wuxuu sheegay in, “Kan cuna ribada lagu dhihi Qiyaamada, ‘U qaado hubkaaga dagaal Eebbe.’” Ribaduna waa irrido badan tahay, waana mas’alooyinka aad u adag oy waajib tahay dadaal iyo ka fogaanta shakiga. Waana in loo naxariisto cidda daynta qabta ee faqiirka ah, intuu ka helana la sugo ama laga saamaxo, iyadoo loo darban Qiyaamada illeen Eebbaa loo noqone cid kastana ka abaalmarin wuxuu kasbaday isagoon la dulmiyeyn. Al-Baqarah (277-281)

 

  1. Kuwa xaqa rumeeyow, haddaad wax kala daynsataan tan iyo muddo magacaaban qora hana idiin kala qoro dhexdiina qof si caddaalad ah, yuuna diidin qore inuu u qoro siduu wax u baray Eebbe, ha qoro hana u yeedhiyo kan xaqa lagu leeyahay, hana ka dhawrsado Eebbe, yuuna wax ka nuqsaaminin hadduu yahay kan xaqa lagu leeyahay safiih ama tabar yare ama uusan karin inuu yeedhiyo ha u yeedhiyo waligiisu si caddaalad ah, maragana ka yeela laba marag oo rag ah, haddaan laba nin la helinna nin iyo laba haweenood ka raalli tihiin marag ahaan [laga yaabo] inay midi halmaanto oo tan kale xusuusiso, yeyna diidin maraggu haddii loo yeedho, hana ka daalina inaad qortaan wax yar iyo wax waynba tan iyo muddadiisa, saasaa ku caddaalad badan Eebbe agtiisa una sugan maragga una dhaw inaan la shakiyin, inay tahay tijaara [ganacsi] joogta aad maamulaysaan dhexdiina oo korkiinna dhib [dambi] ma aha inaydaan qorin, marag u yeela haddaad wax kala gadanaysaan, yaana la dhibin qore iyo marag midna, haddaad fashaan waa faasiqnimadiinna, ka dhawrsada Eebbe wax buu idin bariye, Eebbana wax kasta waa ogyahay.

 

Aayaddan waa aayad wayn, waxayna faraysaa in la qoro wixii la kala daynsan, maragna loo yeelo, si caddaalad loo gaadho wax shaki ahna u dhicin, waxay kaloo fari in maragga, qoraha iyo kan daynta qaadanba dhabta iyo caddaalada ku dadaalaan, wax dhib ahna aan laysu gaysan, haddii cidda daynta qabta wax yeedhin waayo yari ama safiihnimo ama tabar yari awgeed waxaa tawallin waligiisa, waxaa sugnaatay in Nabigu galay magaalada Madiino iyagoo isu hor marin wuxuuna yidhi, “Ciddii salaf hormarin samaysa ha ku hor mariso beegid la yaqaan iyo miisaan la yaqaan tan iyo muddo la yaqaan.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Al-Baqarah (282)

 

  1. Haddaad safar tihiin oydaan helin qore rahan la qibloodo [ha baddasho qoridda] hadduu qaarkiin aamino qaar ha siiyo kii la aaminay amaanadiisa hana ka dhawrsado Eebbihiisa barbaariyey, hana qarinina maragga, ruuxii qariyana wuu dambaabi qalbigiisu, Eebbana waxaad camal-fashaan waa ogyahay.
  2. Eebbaa iska leh waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, haddaad muujisaan waxa naftiinna ku sugan ama qarisaan wuu idin ka xisaabin Eebbe, wuuna u dhaafi cidduu doono ama cadaabi cidduu doono, Eebbana wax kasta [oo uu doono] wuu karaa.

 

Haddiii safar la yahay oon la helayn qore waxaa la kala qaadan rahan (cudhaadh), haddii lays aaminana ha siiyo kii la aaminay ciddii aamintay xaqeeda, Eebbana haka yaabo, maragana yaan la qarinin, illeen ciddii qarisa wuu dambaabiye, Eebbana waa ogyahay waxaad camal falaysaan. Samooyinka iyo dhulka waxa ku suganna Eebbaa iska leh, wax kastood fashaanna ama muuji ama qari ee mar walba Eebbe wuu ku xisaabin dadka, cidduu doonana wuu u dhaafi tuu doonana wuu cadaabi, illeen wax kasta wuu karaayee, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe wuxuu yidhi, ‘Hadduu doono addoonkaygu xumaan waxba ha uqorina intuu ka falo, hadduu falana mid u qora, hadduu wanaag doono ka dibna falin u qora wanaag, hadduu falana u qora toban wanaag.’” Waa saxiix. Markay aayaddan soo dagtayna asxaabtii Nabiga aad bay u cabsadeen hasa yeeshee Eebbaa sheegay inaan cidna lagu mashaqayn waxayan karin, taasina waxay ku tusin caddaaladda iyo naxariista Eebbe, kaliya waxaa uun loo baahan yahay toosnaan iyo samo-fal iyo Eebbe ku-xidhnaan. Al-Baqarah (283-284)

 

  1. Wuu rumeeyey Rasuulku wixii looga soo dajiyey xagga Eebbihiis, mu‘miniintuna [way rumeeyeen] dhammaanna waxay rumeeyeen Eebbe, malaa’igtiisa, Kutubtiisa iyo Rasuulladiisa, mana kala geynayno mid ka mid ah Rasuulladiisa dhexdooda, waxayna dhaheen waan maqalnay oon adeecnay, dhaafiddaada Eebbahanow, xaggaagaana loo ahaan.
  2. Kuma mashaqeeyo Eebbe naf waxay awooddo mooyee, waxay mudan waxay kasbatay [oo wanaag ah] waxaana korkeeda ah waxay isu kasbatay [oo xumaano]. Eebbow hanoo qabanin haddaan halmaanno ama gafno, Eebbow ha nagu xambaarin culays saad ugu xambaartay kuwii naga horeeyey, Eebbow hanagu xambaarin [dhibin] waxaanaan awood u lahayn, na cafina oo noo dhaaf noona naxariiso, adaa gargaarahannaga ahe, nooga gargaar qaarka gaalada ah.

 

Waxay ku tusin aayadda hore in xaqa aad u yeedhi aad dhab u rumeysid. Sida Eebbe u sheegay in Rasuulku iyo mu‘miniintuba rumeeyeen Qur’aanka iyo Xaqa Eebbe soo dajiyey. Tan kale waajibnimada rumeynta Eebbe, malaa‘igtiisa, Kutubtiisa iyo Rasuulladiisa, oon la kala qaybinin, Xaqana la maqloo la adeeco, waxayna caddaysay arkaanta iimaanka badideed, aayadda kale waxay caddayn inaan Eebbe ku dhibin addoonkiisa wuxuusan awoodin wax kastaba ha ahaadee, naf walbana ay mudan waxay kasbato, halmaansho iyo gafna Eebbe uga naxariistay dadka, culayskii ummadihii hore saarnaana laga fududeeyey, waxayna ku dhammaatay Suuraddu warsi Eebbe cafi, dambi-dhaaf, naxariis iyo ka-guulaysi gaalada. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ruuxii akhriya laba aayadood ee Suuradda Baqara u dambeeya habeen way ku fillaan.” Waxaa wariyey Bukhaari. Waxaa kaloo Nabigu yidhi, “Waxaa laygu soo diray Diin toosanoo fudud.” Al-Baqarah (285-286)

***

Suurat Aali-Cimraan

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Alif. Laam. Miim. [Waxay ku tusin mucjisada Qur’aanka.]
  2. Eebbe ilaah kale [xaq lagu caabudo] ma jiro isaga mooyee, ee nool, ee maamula khalqiga.
  3. Wuxuu kugu dejiyey [Nabiyow] Kitaabka [Qur’aanka] si xaq ah, isagoo u rumeyn wixii ka horeeyey, wuxuuna soo dejiyey Eebbe Tawreed iyo Injiil
  4. [Waqti] hore iyagoo hanuun u ah dadka, wuxuuna soo dejiyey [Eebbe] Furqaan [Qur’aanka], kuwa ka gaaloobay aayaadka Eebbe waxay mudan cadaab daran, Eebbana waa Adkaade aarsada.
  5. Eebbana kagama qarsoona korkiisa waxba dhulka iyo samada midna.
  6. Waana Eebbaha idinku sawira [abuura] riximyada [ilmo-galeenka] siduu doono, Eebbe mooyee ilaah kale [xaq lagu caabudo] ma jiro waana Adkaade Falsan.

 

Waxay soo degeen aayadahan mar wafdi ka yimid xagga Najraan sanadkii sagaalaad ee Hijrada, waxayna sugi kalinimada Eebbe, noloshiisa, awooddiisa, xaqnimada Qur’aanka, inuu u rumeyn Kutubtii hore wixii xaq ah, iyo inuu hanuun u yahay dadka, Xaqa iyo baadilkana uu kala bixin, ciddii Xaqa diiddana uu ciqaabi, Eebbe wax kaga qarsoonna uusan jirin cir iyo dhul midna, siduu doonana uu dadka ugu abuuro uurka hooyo. Nawaas binu Samcaan waxaa laga wariyey inuu yidhi, “Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, ‘Waxaa la keeni Qur’aanka maalinta Qiyaame iyo ehelkiisii ku camal fali jiray, isagooy hor socoto Suuratu Baqara iyo Aal Cimraan.’” Aali-Cimraan (1-6)

 

  1. Eebbe waa kan kugu soo dejiyey Kitaabka, waxaana ka mid ah aayado sugan [macnahoodu cad yahay] oo ah hooyada Qur’aanka [asalkiisa] iyo kuwa kale oo isu eg, kuwa qalbigoodu leexasho ku jirto waxay raacraacaan kan is-shabaha [isu eg] doonid fidmo [xumaan] iyo doonid ta’wiil [leexin fasir] darteed, wax og fasirka [kaasna] ma jiro Eebbe iyo kuwa ku xididaystay cilmiga mooyee, waxayna dhihi, “Waan rumeynay kaas, dhammaana wuxuu ka ahaaday Eebbeheen agtiisa,” mana waantoobo kuwa caqliga leh mooyee.
  2. “Eebbow ha iilin quluubtannada intaad hanuunisay kadib, nagana sii agtaada naxariis, adiga un baa bixin-badane ehe.”
  3. “Eebbow adaa u kulmin dadka maalin darteed [Qiyaamada] oon shaki lahayn,” Eebbana ma baajiyo ballanka.

 

Eebbaa Qur’aanka soo dejiyey, isagoo midna macnihiisu cad yahay, midna is-shabaho (caddayn) oo u baahan garashadiisu cilmi dheeraad ah, mana habboona in Qur’aanka loo leexiyo si aan habbooneyn Xaqna ahayn, si loo fidmeeyo loona dhumiyo dadka, waase in dhammaan la rumeeyo Qur’aanka, Eebbana la weydiisto ku sugnaanta Xaqa iyo inuusan leexinin quluubta, illeen isagaa wax bixiyee, dadkana kulmiya Qiyaamada, yaboohana baajineyn. Rasuulka (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Haddaad aragtaan kuwo ku murmi Qur’aanka waa kuwa Eebbe magacaabayee ka digtoonaada.” Imaan Axmed. Wax badan wuxuu ku ducaysan jiray Nabigu, “Eebbaha gaddiya quluubtow, ku sug qalbigeyga Diintaada.” Waxaa wariyey Ibnu Mardaweyhi. Aali-Cimraan (7-9)

 

  1. Kuwa gaaloobay ugama taraan xoolahoodu iyo carruurtoodu Eebbe xaggiisa waxba, kuwaasina iyaga un baa ah shidaalka Naarta.
  2. Waa sidii caadadii Fircoon iyo ehelkiisii iyo kuwii ka horreeyey, waxay beeniyeen aayaadkanagii, markaasuu qabtay Eebbe dambigooda dartiis, Eebbana waa daran tahay ciqaabtiisu.
  3. Waxaad u dhahdaa kuwii gaaloobay waa laydinka adkaan, waxaana laydiin soo kulmin Jahannamo, iyadaana u xun gogol.
  4. Waxaa idiinku sugan aayad labo kooxood oo kulmay [dagaallamay], kooxu waxay ku dagaallami Jidka Eebbe tan kalana waa gaal, waxayna ku arkaan mu‘miniinta laba jibbaarkood xagga aragtida isha, Eebbana waa ku ayidaa [xoojiyaa] gargaarkiisa cidduu doono, arrintaasna waanaa ugu sugan ciddii arag leh [wax garan].

 

Xoolo iyo carruur iyo wax kale toona wax ugama taraan Eebbe agtiisa ciddii ku madax-adayga, gaaladana waxay lamid tahay tii Fircoon iyo qawmkiisii iyo kuwii ka horreeyey ee Eebbe si daran u qabtay, ciddii xoog is-bidda iyadoo gaal ah waxaa uun u dambeyn jab iyo halaag iyo galidda Jahannamo, ciddii waana qaadanna ha fiiriso dagaalkii Badar iyo in Eebbe u gargaaray mu‘miniintii Xaqa ku dagaallamaysay. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yaa istaagay habeen Makka wuxuuna yidhi, “Eebbow ma gaadhsiiyey?” saddex jeer. Markaasuu Cumar yidhi, “Haa waadna dadaashayood is-dhibtay ood naseexaysay, ee Samir.” Markaasuu yidhi Nabigu, “Waxaa sarrayn iimaanka ilaa gaalnimadu ku noqoto waddankeedii, waxayna la dhunban rag badda Islaamka.” Aali-Cimraan (10-13)

 

  1. Waxaa loo qurxiyey dadka jacaylka waxa naftu doonto oo ah haween, wiilal iyo wax badan oo labanlaaban oo dahab iyo qalin ah, iyo fardo laylyan oo darban, iyo ancaamta [xoolaha nool] iyo beeraha, arrintaasna waa raaxada nolosha adduun, Eebbe agtiisaana noqosho wanaagsan leh.
  2. Maydiin ka warramaa wax ka khayr roon kiinnaas? Kuwa dhawrsada waxaa ugu sugnaaday Eebbahood agtiisa Jannooyin ay dareeri dhexdeeda wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda iyo haween la daahiriyey iyo raalli ahaansho Eebbe, Eebbana waa arkaa addoomada
  3. Ee ah kuwa dhihi, “Eebbow annagu waan rumeynay ee noo dhaaf dambiyadannada nagana dhawr cadaabka Naarta.”
  4. Ee ah kuwa samra ee runlowga ah, ee adeeca Eebbe, ee wax bixiya, ee dambi-dhaaf warsada aroortii.

 

Dabeecadda dadka waxaa ka mid ah inuu jeclaado nolosha adduunka iyo waxa laysku qurxiyo oo xoolo, ehel iyo lacagba ah, Eebbe agtiisaase wanaag, Jannooyin, ehel nadiif ah iyo rilaha Eebbe jiraan, waxaana mudan arrimahaas kuwa Eebbe dambi-dhaaf ka warsada ee ka magangala Naarta, ee ku sifooba samir, run-sheeg, daacad, wax-bixin iyo tawbad-keen. Ibraahiim binu Xaadib wuxuu ka wariyey aabbihiis inuu yidhi, “Waxaan maqlay ruux aroortii ku leh dhinaca masjidka, ‘Eebbow waad i amartay waana ku adeecay, waqtiguna waa aroor ee ii dhaaf (dambiga).’ Markaasaan dayay illeen waa Ibnu Mascuud Eebbe haka raalli noqdee.” Aali-Cimraan (14-17).

 

  1. Eebbe wuxuu qirayaa inaan Eebbe mooyee ilaah kale [xaq lagu caabudo] jirin, malaa’igtuna [way qiri] iyo kuwa cilmiga leh, maamulana caddaalad, Eebbe kale ma jiro isaga mooyee waana Adkaade Falsan.
  2. Diinta [xaqa ah] Eebbe agtiisa waa Islaamka, ismana khilaafin kuwii la siiyey Kitaabka intuu u yimid cilmi mooyee, xasad [dulmi] dhexdooda ah dartiis, ruuxii ka gaalooba aayaadka Eebbe Ilaahay waa degdeg badan tahay xisaabitiisu [wuu ciqaabi].
  3. Hadday kula xujaytamaan [murmaan] waxaad dhahdaa, “Waxaan u hoggaamiyey [aniga] iyo inta i raacday wajigayaga Eebbe.” Waxaad ku dhahdaa kuwa la siiyey Kitaabka [ehlu-Kitaabka] iyo ummiyyiinta [wax aqoon], “Ma hoggaansamaysaan? [Hoggaansama]” Hadday hoggaansamaanna way hanuuneen, hadday jeedsadaanna waxaa uun ku saaran gaadhsiin, Eebbana waa arkaa addoomada.

 

Kalinimada Eebbe iyo Xaqnimadiisa waxaa qiray Eebbe, malaa‘igta, kuwa cilmiga leh. Diinta dhabta ah ee xaqa ahna waa Diinta Islaamka, waxa kasoo hadhay waa wax-kama-jiraan, gaaladuna waxay Xaqa u diideen kibir iyo xasad, Eebbaana ku ciqaabi, muran iyo doodna looma baahna ee waa in Eebbe loo hoggaansamo, dadkoo dhanna waa inay islaamaan, ciddii diiddana xil kama saarna Nabiga, wuxuuna yidhi Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Nabiyada waxaa loo bixiyey qawmkooda, anigase waxaa la ii bixiyey dadka dhammaantiis.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Waxayna ku tusin aayaddu in Eebbe Rasuulka u diray dadkoo dhan, oo ciddaan rumeynin dhuntay tahayna ehelka Naarta. Aali-Cimraan (18-20)

 

  1. Kuwa ka gaaloobi aayaadka Eebbe oo u dila Nabiyada xaq-darro oo dila kuwa fara caddaaladda oo dadka kamid ah ugu bishaaree cadaab daran.
  2. Kuwaasi waa kuwuu buray [hoobtay] camalkoodu adduun iyo Aakhiraba, mana u sugnaan wax u gargaara.
  3. Ma aragtay [ka warran] kuwii la siiyey qayb kamid ah Kitaabka oo loogu yeedhi Kitaabka Eebbe inuu kala xukumo dhexdooda markaas ay jeedsan koox kamid ah iyagoo diiddan [Xaqa].
  4. Waxaana ugu wacan inay dheheen, “Mana tabaato Naartu maalmo mooyee,” waxaa ku dhagray Diintooda waxay been abuuran jireen.
  5. Ee say ahaan markaanu u kulminno maalin aan shaki lahayn, loona oofiyo [dhammeeyo] naf kastaa waxay kasbatay iyagoon la dulmayn?

 

Kuwii gaaloobay ee diiday aayaadka Eebbe oo layn jiray Nabiyada iyo kuwa xaqa fara dadka, si xaq-darro ahna u wax yeelleeyey, waxay mudan cadaab daran, camalkooduna wuu buri adduun iyo Aakhiraba, wax u gargaarana ma helaan. Abuu Cubayda binul Jarraax waxaa laga wariyey inuu yidhi, “Waxaan idhi, Rasuulka Eebbow yaa dadka ugu cadaab daran maalinta Qiyaamo? Wuxuuna yidhi Nabigu, ‘Ruux dilay Nabi ama ruux fari wanaag reebina xumaanta…’” Waxaa wariyey Ibnu Abii Xaatim iyo Ibnu Jariir. Yuhuud iyo Nasaara waxaa la kala siiyey Tawreed iyo Injiil, waxaana loogu yeedhay inay rumeeyaan Kitaabka Qur’aanka ah ee xaqa ah, iskuna xukumaan, weyse diideen iyagoo qaarkood sheegay inaan la cadaabayn wax maalmo ah oo tirsan mooyee, taasina waxaa ugu wacan dhagar iyo been-abuurashada ay ku samayn Diinta, waxaase la abaal marin Qiyaamada oon cidna la dulmiyeyn. Aali-Cimraan (21-25)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Eebbow adaa hanta xukunka, waxaad siisaa xukunka ciddaad doonto waxaadna ka siibtaa [wareejisaa] xukunka ciddaad doonto, waxaadna cizaysaa ciddaad doonto, waxaadna dullaysaa ciddaad doonto, adaana hanta khayrka, adaana wax kasta kara.”
  2. “Waxaadna dhexgalisaa habeenka maalinta, dhexgelisaana maalinta habeenka, kana soo bixisaa wax nool wax dhimaad ah, kana soo bixisaa wax dhimaad ah wax nool, waadna arzaaqdaa ciddaad doonto xisaab la’aan.”
  3. Yeyna ka yeelan mu‘miniintu gaalada sokeeye mu‘miniinta ka sokow, ruuxii fala saas waxba Eebbe kama mudna, inaad dhawrsasho xaggooda ka dhawrsataan mooyee, wuxuuna idiinka digi Eebbe Naftiisa, xagga Eebbaana loo ahaan.

 

Eebbaa awoodda iska leh, cidduu doonana wuxuu u dhiibaa xukunka, tuu doonana wuu ka wareejiyaa, waxna isagaa sharrifa waxna dulleeya, wax kastana awooddiisay ku hoos jiraan, nusqaaminta habeenka iyo maalinta, kasoo-saaridda wax nool wax dhimaad ah, iyo wax dhimaad ah wax nool, wax arzuqiddana isagaa hanta. Tan kale ma habboona mana bannaana in mu‘miniintu gaalada ka sokeeye yeeshaan iyagoo ka leexan mu‘miniinta, ciddii saas fashana Eebbe xidhiidh kama dhexeeyo, marka laga reebo duruuf iyo waqti gaar ah oo mu‘miniintu gaalada sharkooda ka dhawrsan, waana in Eebbe laga digtoonaado illeen xaggiisaa loo ahaane. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Dhawrsashadu (ka dhawrsashada gaalada) ma aha camal ee waa uun carrab.” Aali-Cimraan (26-28)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Haddaad qarisaan waxa laabtiinna ku sugan amaad muujisaan waa ogaan Eebbe, wuxuuna ogaan waxa samooyinka ku sugan iyo dhulka, Eebbana wax kasta uu [doono] wuu karaa.”
  2. [Xusuuso] maalinta ay heli naf kastaa waxay camal fashay oo khayr ah oo la soo xaadiriyey [la keenay] waxay camal fashay oo xumaan ahna waxay jeclaan in la yeelo iyada iyo isaga dhexdooda muddo dheer, wuxuuna idiinka digi Eebbe Naftiisa [ciqaabtiisa], Eebbana waa u-naxariistaha addoomadiisa.
  3. Waxaad dhahdaa, “Haddaad tihiin kuwo jecel Eebbe i raaca haydin jeclaado Eebbee hana idiin dhaafo dambigiinee, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.”
  4. Waxaad dhahdaa, “Adeeca Eebbe iyo Rasuulkiisa, haddaad jeedsataan Eebbe ma jecla gaalada.”

 

Waxba kama qarsoona Eebbe, ama laab ha lagu qariyo ama hala muujiyo, ama cir iyo dhul haku sugnaadee, waana awoodle ka abaal-marin naf kasta waxay camal fashay khayr iyo sharba, waana naxariis badane ka digi ciqaabtiisa, faray in ciddii jecel Eebbe ay raacdo Nabiga si Eebbe u jeclaado uguna dambi dhaafo uguna naxariisto, waana waajib in Eebbe iyo Rasuulkiisa la addeeco, ciddii ka jeedsatana waa gaaloowday Eebbana ma jecla gaalo. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Cidda fasha waxaan amarkannaga ahayn waa lagu celin (diidi).” Xasanul Basri wuxuu yidhi, “Eebbe naxariistiisa waxaa ka mid ah inuu isaga digo dadka.” Aali-Cimraan (29-32)

 

  1. Eebbe wuxuu ka doortay Aadam, Nuux, ehelkii Ibraahiim iyo ehelkii Cimraan caalamka.
  2. Waana farac qaarkood qaar ka yimid, Eebbana waa maqle oge ah.
  3. Xusuuso markay tidhi haweenaydii Cimraan, “Eebbow waxaan kuugu nadray waxaa uurkayga ku jira inuu xor kuu ahaado [cibaadadaada] ee iga aqbal adiga un baa wax maqle oge ehe.”
  4. Markay dhashay gabadh waxay tidhi, “Eebbow waxaan dhalay dhaddig,” Eebbana waa ogyahay waxay dhashay, labna la mid ma aha dhaddig, “Waxaana ku magacaabay Maryam, waxaana kaa magan galin iyada iyo faraceeda Sha’ydaanka la dhagaxyeeyey [la dheereeyey].”

 

Eebbe Sarreeye wuxuu abuuray doortayna Aadam nafna galiyey, malaa‘igtana faray inay u sujuuddo, barayna magaca wax kasta, dajiyeyna Jannada, kana soo dejiyey xikmad darteed, Nuuxna ka dhigay Rasuulkii ugu horreeyey doortayna isaga iyo ehelkii Nabi Ibraahiim iyo ehelkii Cimraan. Aayadaha kale waxay sheegi Maryam hooyadeed iyo siday ugu nadartay in waxa uurkeeda ku jira hadduu lab noqdo ka shaqeeyo masjidka, markuu noqday gabadhna ay ka magan galisay Eebbe Shaydaanka iyada iyo waxay dhasho. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Cid kastoo la dhalo Shaydaan baa taabta Ciise ibnu Maryam mooyee,” markaasuu akhriyey Nabigu aayadda (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee). Aali-Cimraan (33-36)

 

  1. Wuxuuna ka aqbalay Eebbe aqbal fiican, wuuna koriyey korin fiican [xanaano] waxaana kafaala qaaday [dhaqaaleeyey] Zakariye, markastoos ugu galana mixraabka [qolka] wuxuu ka helaa agteeda rizqi, wuxuuna dhahaa, “Xaggee kaaga yimid Maryamow kan,” waxayna dhahdaa, “Wuxuu ka yimid Eebbe agtiisa,” Eebbana wuu u arzuqaa cidduu doono xisaab la‘aan.
  2. Halkaasuu baryey Zakariye Eebbihiis yidhina, “Eebbow iga sii agtaada farac wanaagsan adaa maqla [ajiiba] ducadee.”
  3. Waxaana u dhawaaqday malaa’igtii isagoo taagan oo ku tukan mixraabka, “Eebbe wuxuu kuugu bishaarayn Yaxye isagoo rumeyn Kalimadda Eebbe [Ciise] sayidna ah dhawrsoonna, Nabina ah, kamid ah kuwa wanaagsan.”
  4. Wuxuu yidhi, “Eebbow sidee iigu ahaan wiil anooy isoo gaadhay duqnimo, haweeneydeyduna ma-dhalays tahay?” Wuxuu yidhi, “Saasuu ku falaa Eebbe wuxuu doono.”
  5. Wuxuu yidhi, “Eebbow ii yeel calaamo,” wuxuuna yidhi, “Calaamaddu waa inaadan la hadlin dadka saddex maalmood ishaaro mooyee, xusna Eebbahaa wax badan, una tasbiixso galabtii iyo aroortiiba.”

 

Waxay caddayn aayaduhu sida Eebbe Maryam u dhaqaaleeyey una arzaaqay, Nabi Zakariyana u xanaaneeyey, markuu wax la-yaab leh ku arkeyna baryay Eebbe inuu ilmo siiyo looguna bishaareeyey Yaxye, inkastoos wayn yahay haweeneyduna ayan dhalin, hasa yeeshee Eebbe wuxuu doono wuu karaa, waxaana la faray inuusan saddex maalmood dadka la hadlin ee cibaadaysto, taasoo calaamo u ah aqbal iyo siinta wiilka. Aali-Cimraan (37-41)

 

  1. [Xusuuso] markay tidhi malaa‘igtu, “Maryamoy Eebbe waa ku doortay waana ku daahir yeelay wuxuuna kaa doortay haweenka caalamka.”
  2. “Maryamooy adeec [u khushuuc] Eebbahaa sujuudna rukuucna [la tuko] kuwa rukuuca [tukada].”
  3. Taasi waa warka waxa maqan oonnu kuu waxyoon mana aadan la joogin markey tuurayeen qalimadooda koodii kafaala qaadi Maryam, mana aadan la joogin markey murmayeen.
  4. [Xusuuso] markey tidhi Malaa‘igtu, “Maryamooy Eebbe wuxuu kuugu bishaarayn kalimo xaggiisa ah [wiil] magaciisu yahay Masiix Ciise ibnu Maryam isagoo sharaf leh adduun iyo Aakhiraba kana mid ah kuwa lasoo dhaweeyey.”
  5. “Kulana hadli dadka dharabta iyo isagoo [gadhmadoobe] nin wayn ah kana mid ah kuwa suubban.”

 

Aayaduhu waxay ka warrami waxay malaa‘igtu kula hadashay Maryam iyadoo fulin amarka Eebbe, iyo sida Eebbe u doortay una dahiray, una faray inay cibaadada badiso, saasuuna Eebbe ugaga warramay in kastoosan joogin Nabiga goobtaas, waxaa kalooy ka warrami sida Eebbe ugu bishaareeyey Nabi Ciise oo ah mid sharaf leh Aakhiro iyo adduunba, Eebbana dhaweeyey, isagoo dadka kula hadlay yaraan iyo wayniba. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaa u khayr badan haweenka caalamka afar: Maryama bintu Cimraan, Aasiya haweeneydii Fircoon, Khadiija bintu Khuweylid iyo Faadumo binti Rasuulka Eebbe.” Waxaa wariyey Ibnu Mardaweyhi. Aali-Cimraan (42-46)

 

  1. Waxay tidhi [Maryam], “Eebbow sidee ilmo iigu ahaan isagoon i taaban dad [nin]?” Wuxuu yidhi [Eebbe], “Saasuu Eebbe wax u abuuraa wuxuu doono, markuu xukmin amarna wuxuu uun u dhahaa ahow wuuna ahaadaa.”
  2. Wuxuuna [Eebbe] bari [Ciise] Kitaabka, xikmad, Tawreed iyo Injiil.
  3. Waa Rasuulka Banii Israa‘iil, [isagoo] u dhihi, “Waxaan idiin la imid aayad xaga Eebbihiin ka ahaatay, waxaana idiinka abuuri dhoobada shimbira oo kale, oon afuufi ooy noqon shimbir idanka Eebbe, waxaana bogsiiyaa indhala’aan-ku-dhashe iyo baraslaha, waxaana nooleeyaa maydka idanka Eebbe, waxaana idiin ka warrami waxaad cunaysaan iyo waxaad ku kaydsanaysaan guryihiinna, taasina waxay idiin tahay calaamad haddaad rumeynaysaan [Xaqa].”
  4. “Waxaana rumeyn wixii iga horreeyey oo Tawreed ah, waxaan idiin bannayn wixii laydinka reebay qaarkiis, waxaana idiin la imid calaamad xagga Eebbihiin ka ahaatay, ee ka dhawrsada Eebbe, ina adeeca.”
  5. “Ilaah waa Eebbahay iyo Eebbihiin ee caabuda, taasaana ah Jidka toosane.”

 

Aayadahan waxay ka warrami Maryam iyo wiilkeedii Ciise iyo sida Eebbe u siiyey iyadoon dad taaban, una baray Kutubta ugana yeelay Rasuul Banii Israa‘iil, idanka Eebbana wax ku bogsiin jiray, kuna nooleyn jiray, kagana warrami jiray waxay cuni iyo waxay kaydsan, dhammaan waxaasina waa wax Eebbe idankiisa ku ahaaday, ee Ciise waa uun addoon Eebbe, tan kale wuxuu raacay Xaqii ka horeeyey wuxuuna u banneeyey waxyaalihii laga reebay qaarkood, wuxuuna u sheegay Eebbihiis iyo Eebbahoodba in Ilaahay yahay, oyna waajib tahay in Eebbaha Xaqa ah la caabudo, saasaana ah Jidka Eebbe ah ee toosan. Aali-Cimraan (47-51)

 

  1. Markuu ka kasay Ciise xaggooda gaalnimo yuu yidhi, “Yaa iigu gargaari Eebbe?” Waxayna dhaheen Xawaariyiintii [gargaarayaashii], “Annagaa ah gargaaraha Eebbe [Diintiisa], waxaan rumeynay Eebbe ee marag ka noqo inaan Muslimiin nahay.”
  2. “Eebbow waan rumeynay waxaad soo dejisay waxaana raacnay Rasuulka ee nagu qor [naga dhig] la-jirka markhaatiyada [Ummadda Nabi Muxamad].”
  3. Way dhakreen, Eebbana wuu ka abaalmariyey, Eebbaana u wanaagsan wax abaalmariya.
  4. [Xusuuso] markuu ku yidhi Eebbe, “Ciisow waan ku oofsan waana ku koryeeli, waana kaa daahirin kuwii gaaloobay, waxaana yeeli kuwa raaca [Xaqa dhabta ah) korka kuwa gaaloobay tan iyo Qiyaamada, markaasna xaggaygaa laydiin soo celin waana idin kala xukumi dhexdiinna waxaad isku khilaafsanaydeen.”

 

Markuu diray Eebbe Nabi Ciise waxay kala hor yimaadeen Yuhuud iyo wixii raacay gaalnimo, waxaase raacay gargaarayaashii (Xawaariyiintii) oo Xaqa raacay Muslimiinna noqday Eebbana warsaday inuu marag ka yeelo mar hadday rumeeyeen Xaqa raaceenna Rasuulka, kuwii kale dhagar bay faleen, Eebbaana ka abaalmariyey, Ciisana oofsaday daahirna ka yeelay, kuwa Muslimka ah ee Xaqa dhabta ah raacana ka yeeli korka kuwa gaalooba tan iyo Qiyaamada, markay u noqdanna kala xukmin. Xaalka Nabi Ciisena waa in loo rumeeyo sida Eebbe uga warramay iyo Rasuulku, waana addoon Eebbe oon mudan in awood ama ilaahnimo lagu sheego, taasina waa doqonnimo iyo jaahilnimo daran, maxaa ka fiican in la dhaho waa addoon Eebbe doortay oo Nabi ah, mana dhaafsiisna Nabinnimo iyo Rasuulnimo. Wakaas xaqu. Aali- Cimraan (52-55)

 

  1. Kuwa gaaloobase waxaan cadaabi cadaab daran adduun iyo Aakhiraba, mana helaan gargaare.
  2. Kuwa [Xaqa] rumeeyeyse oo camal fiican falay wuxuu u oofin [dhammayn Eebbe] ajirkooda, Eebbana ma jecla daalimiinta.
  3. Kaasaan ku akhriyeynaa korkaaga oo aayaad ah iyo xus [Qur’aan] xikmo leh.
  4. Tusaalaha Ciise Eebbe agtiisa waa sida [Nabi] Aadam, Eebbaa ka abuuray carro markaasuu u yidhi ahow wuuna ahaan.
  5. Xaqu Eebbahaa buu ka ahaaday ee ha noqonin kuwa shakiya.
  6. Ee ruuxii kugula dooda intuu kuu yimid cilmi ka dib waxaad dhahdaa, “Kaalaya aan u yeedhno carruurtannada iyo carruurtiinna iyo haweenkannaga iyo haweenkiinna iyo naftannada iyo naftiinna markaas aan baryootanno oon lacanadda Eebbe koryeello beenaalayaasha.”

 

Waxaa ka mid ah usluubka Qur’aanka inuu isla sheego had iyo jeer kuwa wanaagsan iyo abaalkooda iyo kuwa xun iyo waxay muteen, tan kale abuurka Nabi Ciise wuxuu u egyahay kii Nabi Aadam xagga aabbo la‘aanta, iyo in Eebbe siduu doono wax u abuuro wax la shakiyana ma ahayn, waxaana jidaysan in ciddii Xaqa ku doodda intuu caddaaday lala habaartamo, aayaduhuna waxay soo dageen mar wafdi gaalada Nasaarada ah ka yimid xagga Najraan ayna ku murmeen xaalka Nabi Ciise, waxayna ka codsadeen inay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ay la habaartamaan, maxaa yeelay way sii khasaari lahaayeen. Aali-Cimraan (56-61)

 

  1. Kaas [Qur’aanka] un baa qisooyin xaq ah, Eebbe mooyee ilaah [kalana xaq lagu caabudo] ma jiro, Eebbana waa Adkaade Falsan.
  2. Hadday jeedsadaan gaaladuna Eebbe waa ogyahay kuwa wax fasahaadiya.
  3. Waxaad dhahdaa Nabiyow, “Ehlu-Kitaabow u kaalaya kalimo [odhaah] aan u simannahay annaga iyo adinkaba oo ah inaynaan caabudin Eebbe mooyee, [wax kale] oynaan lana wadaajin waxba kana yeelan qaarkeen qaar eebbayaal.” Hadday jeedsadaanna waxaad dhahdaa, “Marag noqda inaan Muslimiin nahay.”
  4. Ehlu-Kitaabow maxaad ugu murmaysaan [Nabi] Ibraahiim Tawreed iyo Injiilba lama soo dejin gadaashiisa mooyee, meydaan wax kasayn?

 

Qur’aanka un baa qisooyin xaq ah ku sugan yihiin, Eebbe mooyee ilaah kalana (xaq lagu caabudo) ma jiro, waana Adkaade Falsan, ciddii Xaqa ka jeedsatana Eebbe waa ogyahay iyo fasaadiyaasha, Xaqana cidna gaar uma laha ee waa loo siman yahay, sidoo kale cibaadada Eebbe iyo inaan qaar qaarka kale ka eebbe yeelanin kuna raacin qallooc, ciddii Xaqa ka jeedsatana ha ogaato inaan annagu mu‘miniin nahay, Yuhuud iyo Nasaarana ma aha inay ku murmaan in Nabi Ibraahiim ka mid ahaa, illeen Tawreed iyo Injiilba waxaa la soo dajiyey gadaashiiye. Bukhaari waxaa ku sugnaaday in Abuu Sufyaan u galay Qaysarkii Ruum, markaas warsaday Qaysar Nabiga tilmaantiisa, nasabkiisa, wuxuu u yeedhi iyo runtiisa, markuu u wada sheegayna uu yidhi waa sidaas Nabiyada tilmaantoodu. Aali-Cimraan (62-65)

 

  1. Kuwanow [Yuhuud iyo Nasaaro] waxaad ku muranteen waxaad wax ka ogtihiin ee maxaad ugu murmeysaan waxaydaan cilmi u lahayn, Eebbaa og idinkuse wax ma ogidiin.
  2. Ma aha [Nabi] Ibraahiim Yuhuud iyo Nasaara [midna] waase toosane Muslim ah kana mid ma aha mushrikiinta [gaalada].
  3. Waxaa dadka ugu mudan [Nabi] Ibraahiim kuwii raacay iyo Nabigan [Muxamad ah] iyo kuwa [Xaqa] rumeeyey, Eebbana waa Waliga [Gargaaraha] mu‘miniinta.
  4. Waxay jeclaatay koox ka mid ah ehlu-Kitaabka inay idin baadiyeeyaan, mana baadiyeeyaan waxaan naftooda ahayn, mana kasayaan.
  5. Ehlu-Kitaabow maxaad uga gaaloobaysaan aayaadka Eebbe idinkoo marag ah [og xaqnimadeeda]?
  6. Ehlu-Kitaabow maxaad ugu khaldaysaan Xaqa baadil [xumaan] oo u qarineysaan Xaqa idinkoo og?

 

Yuhuud iyo Nasaara iyo gaalada kalaba ma daayaan muran iyo dood, waxay ku murmaan waxayan waxba ka ogayn, sida xaalka Nabi Ibraahiim, Nabi Ibraahiimna ma ahayn Yuhuud iyo Nasaara midna, wuxuuse ahaa Muslim toosan, oon gaalada wax ka dhexeynin, waxaana ugu dhaw dadka intii raacday iyo Nabiga Muxamad ah iyo mu‘miniinta, Eebbana waa gargaaraha mu‘miniinta, waxayna dooni ehlu-Kitaabku (Yuhuud iyo Nasaara) qaarkood inay idin dhumiyaan, naftooda un bayse dhumin mase oga, hadday ka gaaloobaan aayaadka Eebbe, ama Xaqa iyo xumaanta isku khaldaan ama Xaqa qariyaan iyaga un bay dhibi. Cabdullaahi binu Mascuud waxaa laga wariyey in Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi, “Nabi kasta wuxuu leeyahay sokeeye Nabiyada ka mid ah, sokeeyahayguna waa aabbahay, jeclaha Eebbe, Nabi Ibraahiim korkiisa nabadgalyo ha ahaatee. Aali-Cimraan (66-71)

 

  1. Waxay dhaheen koox ka mid ah ehlu-Kitaabka, “Rumeeya waxa lagu soo dajiyey kuwa [Xaqa] rumeeyey [Qur’aanka] maalinta horteeda, kana gaalooba maalinta gadaasheeda, waxay u dhawyihiin mu‘miniintu inay noqdaane [gaaloobaan].”
  2. “Hana aaminina [rumeynina] ruux aan Diintiinna raacin.” Waxaad dhahdaa, “Hanuun waa hanuunka Eebbe, in la siiyo cid wax la mid ah waxa laydin siiyey ama idinkula doodaan Eebbihiin agtiisa.” Waxaad dhahdaa, “Fadligu gacanta Eebbe yuu ku sugan yahay wuxuuna siiyaa cidduu doono, Eebbana waa waasac [deeq-badane] og.”
  3. Wuxuuna ku gaar yeelaa naxariistiisa cidduu doono, Eebbaana iska leh fadliga wayn.

 

Gaaladu had iyo jeer waa colka Muslimiinta, halkanna waxaad ku arkeysaan akhlaaq-xumadooda iyo khayaamadooda, iyagoo is faray inay isu muujiyaan niska hore Muslimiin, niska dambana muujiyaan gaalnimo, si ay Muslimiinta ugu beeraan shaki iyo walaac, una dhahaan kuwii cilmiga lahaa ee rumeeyey niskii hore waa kuwaa ka baxeen niskii dambana, waxay kalooy is-fareen inayna aaminin ruux aan iyaga raacin xasad iyo xumaan darteed, Eebbaase iska leh fadliga iyo wanaagga siinna cidduu doono, naxariistiisana ku khaas-yeeli cidduu doono oo mu‘miniinta ah, illeen waa deeq-badanee, taasina waxay inooga digi gaalada iyo dhagartooda iyo niyad-xumaantooda iyo in laga foojignaado. Aali-Cimraan (72- 74)

 

  1. Ehlu-Kitaabka waxaa ka mid ah ruux haddaad ku aaminto xoolo badan ku siin [Nasaarada qaarkeed] waxaana ka mid ah mid haddaad ku aaminto diinaar aan ku siinaynin, inaad kor taagnaato mooyee [waa Yuhuudda iyo wixii la mid ah] waxaana ugu wacan arrintaas inay dhaheen, “Naguma laha Ummiyyiintu jid,” waxayna ku dhihi Eebbe been iyagoo og.
  2. Saas ma aha ee ruuxii oofiya ballankiisa oo dhawrsada Eebbe waa jecel yahay dhawrsadayaasha.
  3. Kuwa ku gata ballankii Eebbe iyo dhaartoodii lacag [qiimo] yar kuwaasu nasiib kuma laha Aakhiro, lamana hadlo Eebbe [si naxariis ah] mana dayo xaggooda maalinta Qiyaame, mana daahiriyo, waxayna mudan cadaab daran.

 

Ehlu-Kitaabkii Yuhuud iyo Nasaara waxaa kamid ahaa kuwo haddaad wax badan ku aaminto kuu soo celiya sida kuwii islaamay ama Nasaarada qaarkeed, waxaase ka mid ah kuwo aan hal diinaar haddaad ku aaminto aan ku siineyn inaad kor joogto mooyee sida Yuhuudda oo dhihi xaq naguma leh Muslimiintu, beenna Eebbe ku sheega iyagoo wax og, waxaase Eebbe jecel yahay kuwa oofiya ballanka oo dhawrsada, ciddiise ku gadata ballanka Eebbe iyo dhaartiisa xoolo waa mid aan nasiib ku lahayn Aakhiro oon naxariis Eebbana helayn Qiyaamada cadaab daranna u sugnaaday. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Ruuxii ku goosta xoolo ruux Muslim ah xaq-darro dhaar wuxuu la kulmaa Eebbe isagoo u cadhaysan.” Imaam Axmed. Taasina waxay ku tusin in layska dhawro xaqa dadka oon xaq-darro lagu cunin, haddii kale ha sugo halaag iyo ciqaab. Aali-Cimraan (75-77)

 

  1. Waxaa kamid ah [Yuhuudda] koox ku leexisa carraabkooda Kitaabka [Qur’aanka] si aad ugu malaysaan Kitaabka, kana mid ma aha Kitaabka, waxayna odhan isagu wuxuu ka ahaaday Eebbe agtiisa kamana ahaanin Eebbe agtiisa, waxayna ku dhihi Eebbe been iyagoo og.
  2. Kuma habboona dad in Eebbe siiyo Kitaab, xukun iyo Nabinimo markaas ku dhaha dadka, “Addoomo ii noqda Eebbe ka sokow,” hasa yeeshee noqda culimo [dabeeco fiican] Kitaabkaad baraysaan dartiis iyo waxaad baranaysaan.
  3. Idinmana farayo Eebbe inaad ka yeelataan malaa‘igta iyo Nabiyada eebbayaal, ma wuxuu idin fari gaalnimo intaad Muslim noqoteen kadib?

 

Yuhuud waxaa caadadeeda kamid ah Xaq-diiddo iyo hadal-leexin, waxaana ka mid ah kuwo baddala hadalka Eebbe oo waji kale u yeela si ay dadkaan wax aqoonin ugu khaldaan, iyagoo dhihi wuxuu kasoo dagay xagga Eebbe, kamana imaan xagga Eebbe ee waa been ay ogyihiin. Diinta Islaamkuna ma oggola in cid aan Eebbe ahayn la caabudo ama addoon loo noqdo aad caabuddid, waase in la noqdaa culimo toosan marba haddaad Kitaabka akhriyeysaan ama baranaysaan, Eebbana ma faraayo in laga yeesho malaa‘igta iyo Nabiyada ilaahyo, Eebbana gaalnimo ma faraayo cidna, waxayna soo degeen aayaduhu mar gaalo Yuhuud iyo Nasaara ah ku dhaheen Nabiga ma waxaad noogu yeedhi inaan ku caabudno sidii Ciise loo caabuday, oo Nabigu yidhi, “Eebbaan ka magangalay inaan caabudo wax kasoo hadhay.” Daxaakna wuxuu yidhi, “Waxaa xaq ku ah ruuxii Qur’aan baran inuu faqiih ahaado.” Aali-Cimraan (78-80)

 

  1. [Xusuuso] markuu ka qaaday Eebbe ballan adag Nabiyada waxaan idin siiyo oo Kitaab iyo xikmo ah markaas idiin yimaado Rasuul rumeyn waxaad haysataan waa inaad rumeysaan una gargaartaan, kuna yidhi [Eebbe], “Ma qirteen oo ma qaadateen arrintaas ballankeyga ah?” oo dheheen, “Waan qirnay [oggolaanay],” markaas ku yidhi, “Marag ka noqda Anna la jirkiina yaan ka mid noqon kuwa marag kici.”
  2. Ruuxiise jeedsada intaas kadib kuwaasi waa kuwo faasiqiin ah.
  3. Ma Diinta Eebbe waxaan ahayn yey rabaan isagoo u hoggaansamay waxa samaawaadka iyo dhulka ku sugan oggolaan iyo ikraahba xaggiisaana loo celin [dadka].
  4. Waxaad dhahdaa, “Waxaan rumaynay Eebbe iyo waxa nalagu soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyey [Nabi] Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub, faracyadii, wixii la siiyey Muuse, Ciise iyo Nabiyadii xagga Eebbahood kala bixin mayno dhexdooda, annaguna Eebbaan u hoggaansameynaa.”
  5. Ruuxii doona diin aan Islaamka ahayn laga aqbali maayo, Aakhirana wuxuu noqon kuwa khasaaray.

 

Waxay aayaduhu caddayn in Eebbe ballan adag ka qaaday Nabiyada inay is-rumeeyaan isuna gargaaraan, siduu ballan uga qaaday in hadday haleelaan Nabiga Muxamed ah u rumeeyaan uguna gargaaraan, ayna aqbaleen, ciddii ka leexatana ay xumaan, xaqna ma aha in waxaan Diinta Islaamka ahayn la doono, illee Eebbaa wax kastaa u hoggaansamaye waana in la rumeeyo Nabiyada Eebbe dhammaantood lana kala saarin, diin aan Islaamka ahayn ruuxii doonana wax lagama aqbalo wuuna khasaari Aakhiro, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ruuxii camal fala waxaan haysanno waxaan ahayn waa lagu celin.” Waa saxiix. Aali-Cimraan (81-85)

 

  1. Sidee u hanuunin Eebbe qawm gaaloobay rumayn kadib, oo qiray in Rasuulku xaq yahay una yimaadeen xujooyin? Eebbana ma hanuuniyo qawm daalimiin ah.
  2. Kuwaas abaalkoodu waa lacnad Eebboo korkooda ah iyo malaa‘igta iyo dadka dhammaantiis.
  3. Wayna ku waari [ciqaabtooda] dhexdeeda lagamana fududeeyo cadaabka lamana sugo.
  4. Kuwa tawbad keena intaas kadib mooyee oo wanaajiya Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.
  5. Kuwa gaalooba rumayn kadib, markaas kororsada gaalnimo lagama aqbalo tawbadooda kuwaasina waa kuwa dhumay.
  6. Kuwii gaaloobay oo dhintay iyagoo gaalo ah lagama aqbalo mid kamid ah dhulka muggii oo dahab ah hadduu isku furto, kuwaasina waxaa u sugnaaday cadaab daran, wax u gargaarana ma leh.

 

Eebbaan ka magan galnay dhumid hanuun kadib. Waxay soo dageen aayaduhu mar nin reer Madiina ahaa islaamay haddana gaalnimo u noqday haddana qoomameeyay oo cidduu warsaday inuu tawbad leeyahay iyo in kale, wuxuuna mudan ruuxii islaanimo kadib laabta ciqaab daran oo uu ku waari, ciddiise tawbad keenta wuu ka aqbali Eebbe una dhaafi dambiga. Ciddiise kusii madax-adaygta gaalnimada oo sii korarsata tawbad lagama aqbalo wayna baadiyoobeen, ciddii saas ku dhimatana lagama aqbalo dhulka muggiis oo dahab ah hadduu isku furto, wuxuuna mudan cadaab daran, wax u gargaarina ma jiro. Waxaa sugnaaday in mid ehlu-Naarka ah loo dhihi Qiyaamada, “Ka warran haddaad leedahay waxa dhulka ku sugan maysku furan lahayd?” Markaasuu dhihi, “Haa.” Markaasuu Eebbe dhihi, “Wax ka fudud yaan kaa doonay oo ballan kaaga qaaday duudkii Nabi Aadam waa inaadan ii shariik yeelin (ila caabudin wax kale) waadna diidday gaalnimo mooyee.” Basaar. Aali-Cimran (86-91)

 

  1. Ma gaadhaan sama-fal intaad wax ka bixisaan waxaad jeceshihiin, waxaad bixisaana Eebbe waa ogyahay.
  2. Cuntada dhammaanteed xalaal bay u ahayd Banii Israa‘iil wuxuu ka reebay Israa‘iil naftiisa mooyee, soo degiddii Tawreed ka hor, waxaad dhahdaa, “Keena Tawreed oo akhriya haddaad runlow tihiin.”
  3. Ruuxii ku been-abuurta Eebbe korkiisa intaas kadib kuwaasu waa uun daalimiin.
  4. Waxaad dhahdaa, “Run buu sheegay Eebbe, ee raaca Milladda Ibraahiim [jidkiisii] isagoo toosan, kamana mid ahayn mushrikiinta.”

 

Aayaddu waxay caddayn inaan wanaagga dhabta ah la gaadhayn inta laga bixiyo waxa la jecel yahay qaarkiis, markay aayaddu soo degtay yaa Abuu Dalxa beertiisii sadaqaystay, markaasaa Nabigu faray (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu qaraabadiisa ku sadaqaysto, markaasuu u qaybiyey. Tan kale waxay ahayd Yuhuud tahayna Xaq-diidayaal warsi iyo xujo badan, waxayna Nabiga warsadeen wixii ka reebbanaa Israa‘iil oo cunno ahaa, wuxuuna Eebbe u sheegay in cunnadu xalaal u ahayd wuxuu isagu iska reebay mooyee, Tawreed ka hor, ee ha akhriyeen Tawreed hadday run sheegi, ciddiise been-abuurta waa daalimad, Eebbana run buu sheegay ee halla raaco waddadii Nabi Ibraahiim oo ah Diinta Islaamka ah, gaalana wax isuma ahayn Nabi Ibraahiim. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Israa‘iil  (waa Yacquub) wuxuu ku nadray hadduu Eebbe caafiyo inuusan cunin xubnaha qaarkood isaga iyo carruurtiisu.” Aali-Cimraan (92-95)

 

  1. Guriga ugu horreeyey ee loo soo dejiyey dadka waa kan Makka [Kacbada] waana barakaysan yahay waana hanuunka caalamka.
  2. Waxaa ku sugan aayaad cadcad, Maqaamu Ibraahiimna [waa ku yaal], ruuxii galana wuxuu ahaan aamin, Eebbana wuxuu ku leeyahay dadka Xajka Baytka ruuxii kara waddada. Ruuxii gaaloobana Eebbe waa ka kaaftoon yahay caalamka.
  3. Waxaad dhahdaa, “Ehlu-Kitaabow, maxaad uga gaaloobaysaan aayaadka Eebbe, isagoo Eebbana marag u yahay waxaad camal falaysaan?”
  4. “Ehlu-Kitaabow, maxaad uga celinaysaan dadka Eebbe ruuxii rumeyn idinkoo la dooni [Xaqa] qallooc idinkoo marag ah? Eebbana ma halmaansana waxaad falaysaan.”

 

Eebbe wuxuu sheegi in guriga ugu horreeyey in Eebbe lagu caabudo uu yahay Kacbada, Eebbana waa sharrifay Baytkaas iyo Masaajidka Barakaysan ee Makka, waxaana ku sugan aayado waaweyn oo ka mid yahay Maqaamu Ibraahiim, ciddii gashana waa aamin, Eebbana dadka wuxuu ku waajibiyey ciddii karta inay u Xajiyaan Baytkaas, ciddii iska diidda isagoo karana Eebbe waa ka kaaftoon yahay gaalo. Abuu Dar waxaa laga wariyey inuu yidhi, “Waxaan idhi, ‘Rasuulka Allow masaajidkee u horreeyey?’ Markaasuu yidhi, ‘Masaajidka Xurmaysan (ee Makka).’ Waxaan idhi, ‘Yaa ku xiga?’ Wuxuu yidhi, ‘Masaajidka Aqsaa (ee Qudsi).’ Waxaan idhi, ‘Immisaa u dhaxaysay?’ Wuxuu yidhi, ‘Afartan.’ Waxaan idhi, ‘Yaa ku xigay?’ Wuxuuna yidhi, ‘Meeshii salaadi kugu haleeshaba ku tuko dhammaan waa masaajidee.’” Imaam Axmed. Yuhuud iyo Nasaarana Xaqay ka gaaloobi iyagoo arka, kana leexin dadka, ayna ceebayni oo qalloocin, waana wax la-yaab leh inay saasu caado u tahay. Maantadan aan joogno waxay Muslimiinta iyo Diinta Islaamka ku hayaan wax la halmaami karo ma aha. Aali-Cimraan (96-99)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, haddaad adeecdaan [maqashaan] koox ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka [Yuhuud iyo Nasaara] waxay idiin celin iimaankiinna kadib gaalnimo.
  2. Seed u gaaloobaysaan idinkoo laydinku kor akhrin aayaadka Eebbe dhexdiinnana joogo Rasuulkiisii? Ruuxii cuskada Eebbe [oo ka dhawrsada] waxaa lagu hanuuniyey Jidka Toosan.
  3. Kuwa [Xaqa] rumeeyow ka dhawrsada Eebbe dhawrsashadiisa xaqa ah, hana dhimanina idinkoon Muslim ahayn.
  4. Qabsada Xadhigga Eebbe [Islaamka] dhammaantiin hana kala tagina, xusana Nicmada Eebbe ee korkiinna ah, markaad col ahaydeen oos isu dumay quluubtiinna ood noqoteen Nicmada Eebbe darteed walaalo, idinkoo ahaa qar god Naar ah, oos idinka koriyey xaggeeda, saasuu idiinku caddayn Eebbe aayaadkiisii si aad u hanuuntaan.

 

Eebbe wuxuu sheegay in hadday mu‘miniintu maqlaan warka gaalada ay xasdi Jidka Xaqa ahna ka leexin, maxaa yeelay gaaladu waa colka mu‘miniinta waxayna ku dadaali say u gaalayn lahaayeen, mana habboona in la gaaloobo iyadoo Xaqa la haysto oo cad yahay. Tan kale waa in Eebbe la cuskadaa, cibaado dhab ahna la caabudaa, Muslimnimana lagu dhintaa, lana qabsado dhammaan Xadhigga Eebbe oon lana kala tagin, lana xusuusnaado side Eebbe isagu soo dumay qalbiga Muslimiinta iyagoo col ahaan jiray, ku dhicid Naareedna u dhawaa kana koriyey, una caddeeyay aayaadka Eebbe si ay u hanuunaan. Waxaa sugnaatay, dhawrsashada Eebbe waa in la adeecoon la caasiyin, laguna mahdiyaa lagana gaaloobin lana xusoo la halmaamin. Xaakim. Tilmaanta Qur’aankuna waxaa ka mid ah, inuu yahay Xadhiggii Eebbe ee Adkaa iyo Jidkiisii Toosnaa, waxaase loo baahan yahay walaalnimo, isku-duubnaan, Xaq-raacid, gaalo ka-digtoonaan iyo toosnaan. Aali-Cimraan (100-103)

 

  1. Ha laydinka helo ummad u yeedha khayrka oo fari wanaagga oo ka reebta waxa la naco [xumaanta] kuwaasina waa uun kuwa liibaanay.
  2. Hana noqonina kuwa kala tagay oo kale ee is-khilaafay intay u yimaadeen xujooyin kadib kuwaasina waa kuwa cadaab weyn u sugnaaday.
  3. Maalintay caddaan [nuuri] wajiyaal oyna madoobaan [doorsoomi] wajiyaal, kuway madoobaato wajiyadoodu [waxaa lagu dhihi], “Miyaad gaalowdeen rumeyntiinnii kadib, dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinnii darted?”
  4. Kuwuu caddaado [nuuro] wajigoodu naxariista Eebbe dhexdeeday ku waarayaan.
  5. Taasi waa aayaadkii Eebbe oon ugu akhriyeynaa korkaaga si xaq ah, Eebbana ma aha mid la doona dulmi caalamka.
  6. Eebbe waxaa u sugnaaday waxa samaawaadka iyo dhulka ku sugan, xaggiisaana loo celiyaa umuuraha.

 

Ummadan Muslimka ah wuxuu Eebbe faray inay khayrka u yeedhaan, wanaaggana faraan xumaanta reebaan, si ay u liibaanaan, oyna ka figaadaan kala tag iyo is-khilaaf, iyagoo Xaq u yimid, si ayna ula mid noqonin gaalada cadaab daran mutay. Maalinta Qiyaamana wajiyada mu‘miniintuna way dhalaali, kuwa gaaladuna way doorsoomi oo madoobaan, mu‘miniintuna Jannay ku waari, gaaladuna Naar bay dhadhamin, aayaadka Eebbana waa xaq sugan, isagaana iska leh xukunka samooyinka iyo dhulka, umuuraha oo dhanna xaggiisaa loo celin, fadli badan yaana kusoo arooray khayrkoo lays faro iyo xumaanta oo layska reebo, waana tiirka Diinta Islaamka, laguna sharrifay ummadan Muxammadiyada ah.

Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Ruuxii arkaa xumaan haku dooriyo gacanta, hadduusan karin carrabka, hadduusan karin qalbiga, waana iimaanka u tabar yar.” Muslim. Mar kale wuxuu yidhi, “Eebbaan ku dhaartee wanaaggaad faraysaan oo xumantaanad reebaysaan ama wuxuu Eebbe u dhawyahay inuu idinku diro ciqaab agtiisa ah, ood baridaan oosan idin ajiibin.” Axmed iyo kuwa kale. Taasina waxay ku tusin ahmiyadda umuurtaas iyo in ummaddii ka tagtaa ay mudan ciqaab halaag. Aali-Cimraan (104-109)

 

  1. Waxaad tihiin ummadda u khayroon ee loo soo bixiyey dadka, waxaad fartaan wanaagga waxaadna ka reebtaan xumaanta waxaadna rumeysaan Eebbe, hadday rumeeyaan ehlu-Kitaabku [Xaqa] saasaa u khayr roonaan lahayd, waxaa ka mid ah mu’miniin, badankoodna waa faasiqiin.
  2. Idin wax yeellayn mahayaan wax dhib ah mooyee, hadday idin la dagaallamaana waxay idiin jeedin dabada [way carari] loona gargaari maayo.
  3. Waxaana lagu qadaray korkooda dulli meel kastooy joogaanba, xadhig Eebbe iyo xadhig dad mooyee, waxayna la noqdaan cadho Eebbe, waxaana lagu qadaray miskiinimo, waxaana ugu wacan inay ka gaaloobaan aayaadka Eebbe dilayaanna Nabiyada xaq-darro, waxaana ugu wacan caasinimadooda iyo xadgudubkooda.

 

Eebbe wuxuu sheegay in Ummadda Muxammadiyada ah u khayr badan tahay ummadaha, maxaa yeelay wanaaggay faraan, xumaantana way reebaan, Eebbana way rumeeyaan. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Annagaa ugu dambeyna dadka uguna horayn Qiyaamada, uguna hor gali Jannada, in kastoo horteen la siiyey Kitaab inagana kadib layna siiyey, waxaana Eebbe nagu hanuuniyey waxay isku khilaafeen oo Xaq ah, maantana way isku khilaafeen, dadkuna innagay ina raacaan, barri Yuhuud baa leh, barri dambana Nasaara.” Waxaa wariyey Abuu Yaclaa. Xumaanta Yuhuud iyo sida loo dulleeyeyna wax badan yuu Qur’aanku ka warramay, hadday Muslimiin dhab ah la dagaallamaanna way jabi ooy carari, dulli baana lagu qaddaray iyo cadho Eebbe, illeen aayaadka Eebbe yey beeniyeene oo anbiyaday xaq-darro ku dili jireen oo waxay la imaanayeen xumaan iyo xad-gudub. Haddaanse aragno inay gaaladu ayaamahan isugu tageen Muslimiinta dhulkii Islaamkana qabsadeen dadkiina laayeen taas waxaa sababay Muslimiinta oon Jahaad dhab ah jahaadin, si xaq ahna u raacin amarka Eebbe, markayse si dhab ah Eebbe u adeecaan xadhigga Eebbana wada qabsadaan shaki ma laha inay adkaan, xaqoodana soo ceshan, caalamkuna khayr ku hoggaamin sida Eebbe ballan qaaday. Aali-Cimraan (110-112)

 

  1. Isku mid ma aha, ehlu-Kitaabka waxaa ka mid ah ummad u taagan [Xaqa] oo akhrida aayaadka Eebbe saacadaha habeenka iyagoo sujuudsan, [waa Cabdullaahi binu Salaam iyo saaxiibbadiis].
  2. Rumeynna Eebbe iyo Maalinta Dambe farana wanaagga kana reeba waxa la naco [xun] una dagdagi wanaagga, kuwaasi waxay kamid yihiin kuwa suubban.
  3. Waxay falaan oo khayr ah lagama qariyo [dayaco], Eebbana waa ogyahay kuwa dhawrsada.
  4. Kuwa gaaloobay kama kaafido xoolahoodu iyo carruurtoodu Eebbe xaggiisa waxba, kuwaasuna waa ehelka Naarta wayna ku dhex waari.
  5. Waxay bixiyaan noloshan adduunna waxay la mid tahay dabayl qabow [daran] oo ku dhacday beer qawm dulmiyey naftooda ooy halaagtay, ma dulmiyin Eebbe iyagaase naftooda dulmiyey.

 

Marka Qur’aanku ehlu-Kitaabka wax ka sheegi wuxuu u jeedaa kuwa Xaqa ka leexday, hase yeeshee kuwa rumeeyey Xaqa sida saxaabigii Cabdullaahi binu Salaam iyo saaxiibbadiisii kale, kuwaasoo Eebbe ku tilmaamay aayadahan camalkoodii iyo waxa Eebbe ku abaal marin oo wanaag ah, kuwa Xaqa ka gaaloobayse waxba uma taraan xoolo iyo carruuru, waxayna mudan Naar, waxay adduunka ku bixiyeenna waxuu la mid yahay beer dabayl darani halaagtay, Eebbana cidna ma dulmiyo ee dadku iyagaa naftooda dulmiya, camalka fiican ee layska abaal marin waxaa u shardi ah Eebbe-rumeyn iyo Xaq-raacid, iyo toosnaan, haddii kale waxay noqon wax-kama-jiraan iyo luggooyo. Aali-Cimraan (113-117)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, haka yeelanina saaxiib [hoose] wax idinka soo hadhay, kuma gabood falaan fasaadintiinna waxayna jecel yihiin dhibkiinna, waxay ka muuqataa cadhadu afkooda, waxay qarsan laabahoodu yaa ka weyn, waan idiin caddaynay aayaadka haddaad wax kasaysaan.
  2. Idinkani waad jeceshihiin iyaguna idinma jecla, waxaadna rumeysaan Kitaabka dhammaantiis, hadday idin la kulmaanna waxay dhahaan waannu rumeynay hadday kaliyoobaanna waxay idiin qaaniinaan xubnaha [faraha] cadho darteed, waxaad dhahdaa, “Ku dhinta cadhadiinna, Eebbana waa ogyahay waxa laabta ku sugan.”
  3. Hadday idin taabato wanaag way xumeysaa hadday idinku dhacdo xumaanna way ku farxaan, haddaad samirtaan ood dhawrsataan idin kama dhibayso dhagartoodu waxba, Eebbana waxay camal fali wuu koobay.

 

Eebbe Sarreeye wuxuu uga digi mu‘miniinta inay gaalada ka yeeshaan saaxiib gaar ahaaneed ooy sirtooda ku qarsadaan, taasi ma habboona oo gaalo layskuma halleeyo, illeen waa col xumaan kula jecel, marama ka sheega afkooda, inkastoo waxa laabta kaga jiraa ka weyn yahay, arrintaasna waa xaal Eebbe ogaysiiyey mu‘miniinta hadday wax fahmi ooy waana qaadan. Ma aha inaan jeclaanno iyagoo ina neceb, oon rumeynay Xaqa dhammaan iyaguna ka gaaloobeen, oyna khayaani mu‘miniinta ooy wanaag u muujin markay isla joogaan, markay kali noqdaanna cadho faraha inoola qaniini, haku dhinteen cadho, wanaaggeenay ka nixi oo xumaanteenay ku farxi, haddaanse adkeysanno oon toosnaanno dhagartoodu waxba inama yeesho, illeen Eebbaa koobay waxay qarsan ama camal fali oo xumaan ah. Waxaa la sheegay in Cumar binu Khaddaab lagu yidhi, “Waxaa jooga wiil gaal ah oo wax qora ee maad qoraa ka dhigatid.” Markaasuu yidhi, “Ma waxaan ka dhigan saaxiib hoose (bidaano)?” Waxaa ku dhacay Muslimiinta oo dulli iyo kala-tag ah waa markay gaalo saaxiib moodeen, iyaguna colloobeen oy qaybsameen, waase in laga baxo arrintaas. Aali-Cimraan (118-120)

 

  1. [Xusuuso] markaad ka kallahday [tagtay] ehelkaaga adoo u yeeli mu‘miniinta goob dagaal Eebbana waa maqle og.
  2. Markay hamiday [doontay] labo kooxood oo idinka mid ah inay fashilaan [cabsadaan] Eebbana waligooda [gargaarahooda] ahaa ee Eebbe uun ha tala saarteen mu‘miniintu.
  3. Dhab ahaan buu idiin ku gargaaray Eebbe [maalintii] Badar idinkoo dullaysan [tabar yar] ee ka dhawrsada Eebbe waxaadna mudan tihiin inaad ku mahdisaan.
  4. Markaad ku lahayd mu‘miniinta, “Miyuusan idiinku fillayn inuu idinku xoojiyo Eebbihiin saddex kun oo malaa‘ig ah oo soo degi?”
  5. Waa na kaafiyaan ee haddaad samirtaan [adkeysataan] ood dhawrsataan [waydinku fillaan] waxayna idiinku imaan degdaggooda, kaasna waa xoojin Eebbihiin shan kun oo malaa‘ig ah oo calaamaysan.
  6. Uma yeelin Eebbe [arrintaas] bishaaradiinna mooyee iyo inay ku xasisho quluubtiinnu isaga, gargaar aan Eebbe agtiisa ahayna ma jiro ee ah Adkaade Falsan.
  7. Si uu u gooyo [halaago] qayb ka mid ah kuwa gaaloobay ama walbahaariyo oy noqdaan iyagoo khasaaray.

 

Aayadahan wuxuu Eebbe kaga warrami dagaalladii Uxud iyo Badar oo tan hore ahayd bishii Soonfur sanadkii saddexaad ee Hijrada, Uxudna waa buur weyn oo magaalada Madiina xagga waqooyiga ka xigta, Muslimiintana dhib baa ku gaadhay markay khilaafeen amarkii Nabiga, qaarkood oo ka tageen halkay ilaalinayeen, markaas laga soo galay halkaa ilaa Nabiga laga dhaawacay dad badan oo asxaabtii ahna ku shihiideen, taasina waxay ku tusin xumaanta is-khilaafka iyo amarka fiican diidmadiisa waana waxay u waajibtay in laga digtoonaado. Tan kale waa dagaalkii Badar ee weynaa ee Eebbe u gargaaray Muslimiinta xoojiyeyna iyagoo tabar iyo tiraba yaraa, hase yeeshee Eebbaa nasrigiisa iyo malaa‘ig ugu gargaaray, taasina waxay ku tusin in Eebbe u gargaari Muslimiinta markay dhab ahaan Eebbe u adeecaan sharcigiisana ku dhaqmaan, day sida loo jabiyey gaaladii Qureysheed ee kibirka usoo duushay si ay Xaqa u baabi‘iyaan una wax-yeelleeyaan Muslimiinta. Badar waa magaalo u dhaw Madiino dagaalkuna wuxuu ahaa maalin Jimce ah toddobiyo tobanka bisha Soon, sanadkii labaad ee Hijrada, Muslimiintu waxay ahaayeen saddex boqol iyo dhawr iyo toban gaaladuna ilaa kun. Aali-Cimraan (121-127)

 

  1. Waxba amarka kuma lihid [Nabiyow] ama wuu ka tawbad aqbali Eebbe ama wuu cadaabi gaalada, illeen waa daalimiine.
  2. Eebbaa iska leh waxa samooyinka ku sugan iyo waxa dhulka ku sugan, wuxuu u dhaafaa [dambiga] cidduu doono, wuxuuna cadaabaa cidduu doono, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.
  3. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, ha u cunina ribada laablaab, kana dhawrsada Eebbe, waxaad mudan tihiin inaad liibaantaane.
  4. Kana dhawrsada Naarta loo darbay gaalada.
  5. Adeecana Eebbe iyo Rasuulka, waxaad u dhawdihiin in laydiin naxariistee.
  6. Una degdaga dambi-dhaafka Eebbihiin iyo Janno ballaadhkeedu yahay samaawaadka iyo dhulka oo loo darbay kuwa dhawrsada.
  7. Ee ah kuwa wax bixiya waqtiga ladnaanta iyo dhibkaba, ee damiya cadhada ee iska cafiya dadka, Eebbana waa jecel yahay samafalayaasha.
  8. Kuwa markay falaan xumaan ama dulmiyaan naftooda xusa Eebbe, warsadana dambi-dhaafid dambigooda, wax dambi dhaafana ma jiro Eebbe mooyee, oon daa’imin [xumaantay] faleen iyagoona og.
  9. Kuwaas abaalkoodu waa dambi-dhaafka Eebbahood iyo Jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, waxaa wanaagsan abaalka kuwa camal falay.

 

Gaaladu waxay ka jabiyeen Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) maalintii Uxud dhoosha wayna dakhreen markaasaa dhiiggu dareeray markaasuu yidhi, “Say u liibaani qawm ku falay Nabigooda waxaas isagoo Xaqa u yeedhi?” Markaasay soo dagtay, “Waxba kuma lihid amarka, Eebbaa ku shaqa leh oo ama ka tawbad aqbali ama cadaabi kolley waa daalimiine, illeen isagaa xukunka caalamka iska lehe,” taasina waxay ku tusin in Jahaad iyo camal waajib tahay arrinta dhabteedase Eebbe ku shaqa leeyahay, wuxuu rabana fali cidduu rabana u gargaari. Ribaduna waa xaaraan reebban ama ha yaraato ama ha badnaatee, saan soo sheegnay, waana in Naar laga dhawrsadaa Eebbe iyo Rasuulkiisana la adeeco loona dagdago dambi-dhaaf iyo Janno wayn oo loo darbay kuwa dhawrsaday, ee wax bixiya had walba, ee cadha damiya, cafiyana dadka, wanaaggana sameeya, Eebbana xusa markay dambaabaan, dambi-dhaafna Eebbe warsada, illeen waxaan Eebbe ahayn dambi ma dhaafee, oon xumaanta daa‘imin, waxaana lagu abaal marin dambi-dhaaf iyo Jannooyin ay ku waari loona darbay kuwa camalka fiican. Saas darteed waa in wanaagga lagu dadaalo xumaantana laga fogaado. Aali-Cimraan (128-136)

 

  1. Waxaa dhab ahaan u tagay hortood sunno [waddo] ee socda dhulka oo eega siday noqotay cidhibtii beeniyayaashii.
  2. Kaasi waa caddayn dadka waana hanuun iyo waanada kuwa dhawrsada.
  3. Ha tabar yaraanina hana murugoonina idinkaa sarreyn haddaad tihiin mu‘miniine.
  4. Hadduu idin taabtay dhib [dhaawac] dhab ahaan buu u taabtay qawmkana dhib la mid ah, waana saas adduunyadu waxaannu ku kala wareejinnaa dadka dhexdiisa iyo in Eebbe muujiyo kuwa rumeeyey kana yeesho xaggiinna marag, Eebbana ma jecla daalimiinta.
  5. Iyo inuu imtixaamo kuwa rumeeyey tirtirana gaalada.
  6. Ma waxaad u maleyseen inaad galaysaan Jannada isagoon muujinin Eebbe kuwa jahaaday oo idinka mid ah oosan muujinin kuwa samra?
  7. Dhab ahaan waxaad u ahaydeen kuwa jecel geerida ka hor la kulankeeda, waadna aragteen geeridii idinkoo fiirin.

 

Eebbe wuxuu u sheegay mu‘miniinta dagaalkii Uxud kadib inuu imtixaankan oo kale u horreeyey ummadihii hore, Qur’aankuna hanuun iyo waano yahay, in la cabsado oo la tabar yaraado ama la walbahaarana ayna habboonayn, maxaa yeelay waxaa guusha ku dambeyn mu‘miniinta dhabta ah, hadduu dil iyo dhaawac idin taabtayna iyagaba wuu taabtay waana sidaas sunnada Eebbe inay marba ruux ku dhacdo masiibadu, waana imtixaan, mana suurowdo in Janno la galo imtixaan la‘aan, mana aha in Jahaadka iyo ku-shihiidkiisa la jeclaado marka gaalada lala kulmana la cabsado. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ha jeclaanina la-kulanka colka, ee warsada Eebbe caafimaad, markaad la kulantaanna adkaysta oo ogaada in Jannadu tahay hooska seefaha hoostiisa.” Saxiix. Aali-Cimraan (137-143)

 

  1. [Nabi] Muxamadna ma aha waxaan Rasuul ahayn, waxaa tagey hortiis Rasuullo, ee hadduu dhinto ama la dilo ma waxaad u gaddoomaysaan cidhibtiinnii [dib]? Ruuxii u gaddooma cidhibtiisii [gaalooba] kama dhibo Eebbe waxba, wuuna abaal marin kuwa ku shukriya.
  2. Nafna ma aha tii dhimata idanka Eebbe la’aantiis, waa kitaab muddeysan, ruuxii doona abaalka adduunyo wax baan ka siineynaa, ruuxii doona abaalka Aakhirana wax baan ka siinnaa, waxaana abaal marin kuwa shukriya.
  3. Imisa Nabi la dilay ooy la jireen culimo dagaallami oo badan, oyna cabsanin wax ku dhacay Jidka Eebbe dartiis, tabarna yareynin, dulloobinna, Eebbana waa jecel yahay kuwa samra.
  4. Mana aha hadalkoodu waxaan ahayn, “Eebbow noo dhaaf dambigannaga iyo xadgudubkannaga amarkanaga, sugna gomadahannaga noogana gargaar qawmka gaalada ah.”
  5. Markaasuu siiyey Eebbe abaalka adduunyo iyo wanaagga abaalka Aakhiro, Eebbana wuxuu jecel yahay sama-falayaasha.

 

Maalintii Uxud markuu dhib gaadhay Muslimiinta yaa Iagu dhawaaqay in la dilay Nabigii (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waxaana jirtay in la dhaawacay, markaasay naxeen oo walbahaareen Muslimiintii markaasay soo dagtay aayaddu. Cid walbana way dhiman waxaase hadhi Eebbe, Nabiyadii horana waa kuwii dhintay, waxaase loo baahan yahay adkaysi iyo samir iyo doonid abaal-marinta Eebbe ee wanaagsan, ee ma bannaana in la shakiyo ama la walbahaaro oo la tabar-yareeyo. Aayaddana waxaa akhriyey Abuu Bakar maalintii Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) geeriyooday, markuu u yimid Cumar oo dadka la hadli, oo leh, “Car waa ruuxii sheega in Nabigii dhintay.” Markaasuu Abuu Bakar khudbad akhriyey isagoo leh, “Ruuxii Nabi Muxamed caabudayayoow Muxamed wuu dhintay, ruuxii Eebbe caabudayeyna Eebbe waa nool yahay mana dhimanayo.” Taasina waxay ku tusin fadliga Abuu Bakar iyo xaq ku sugnaantiisa, saasaana looga baahan yahay mu‘minka inuu Xaqa ku sugnaado had iyo jeer iyo si walba. Aali-Cimraan (144-148)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, haddaad addeecdaan [maqashaan] kuwa gaaloobay waxay idiin celin cidhibtiinna, markaasaad noqonaysaan idinkoo khasaaray.
  2. Eebbaase gargaarihiinna ah, isagaana ugu khayr roon gargaare.
  3. Waxaan ku tuuraynaa quluubta kuwa gaaloobay argaggax la-wadaajintooda Eebbe waxaan loo soo dejinin xujo darteed, hoygooduna waa Naar, iyadaana u xun xerada daalimiinta.
  4. Dhab ahaan yuu idiinku rumeeyey Eebbe yaboohiisii markaad ku dhammayneyseen [ku dilayseen] idankiisa, intaad ka cabsataan ood ku murantaan amarka ood caasidaan intuu idin tusiyey waxaad jeceshihiin kadib, waxaa idinka mid ah ruux dooni adduunyo, waxaana idinka mid ah ruux dooni Aakhiro, markaas idinka lilay xagooda si uu idiin imtixaano, dhab ahaanna wuu idiin cafiyey, Eebbena wuu ku fadli leeyahay mu’miniinta.
  5. Markaad koreyseen aydaan milicsanayn cidna, Rasuulkuna idiinka yeedhi gadaashiinna oo idinku dhacay murug la jirto murug [kale] si aydaan ugu walbahaarin wixii idinka tagay iyo wixii idinku dhacay, Eebbana waa ogyahay waxaad falaysaan.

 

Qisada dagaalkii Uxud aad bay aayaduhu uga warrameen, waxayna si fiican u tilmaameen xaalkii Muslimiinta iyo say u xanuunsadeen markay koox kamid ah oo ilaalinaysay colka khilaaftay amarkii Rasuulka, lagana cararay Rasuulkii isagoo ugu yeedhi inay soo joogsadaan. Tan kale war gaal waa inaan la maqlin oon la adeecin illeen waa khasaare. Waxaa sugnaatay in Rasuulku (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ku yidhi Cabdullaahi binu Jubayr iyo kooxdiisii, “Halkan haka tagina, xataa haddaad aragtaan annagoo nala jabiyey hanoo kaalmeynina.” Markey Muslimiintu raayeen yaa kooxdii ka tagtay halkeedii ninkii madaxda u ahaa iyo wax yar mooyee, markaasay gaaladii soo hareereeyeen Muslimiintii. Taasina waxay ku tusin wanaagga isku-duubnida Muslimiinta iyo xumaanta is-khilaafka. Ruuxii doona inuu si fiican u siyaadsado arrintan ha akhriyo kutubta siirada iyo tafsiirada wax badan buu ka heliye. Aali-Cimraan (149-153)

 

  1. Markaas uu kusoo dejiyey korkiinna murug kadib aaminnimo darteed lulmo daboolaysa koox idinka mid ah, kooxna waxaa walaacisay naftooda waxayna u malayn Eebbe male jaahiliyeed waxayna dhihi, “Ma wax baan ku leennahay amarka?” Waxaad dhahdaa, “Amarka dhammaantiis Eebbaa iska leh.” Waxayna ku qarin naftooda waxayna kuu muujinayn iyagoo dhihi, “Haddaan amarka wax ku leennahay nalaguma dileen halkan.” Waxaad dhahdaa, “Haddaad tihiin guryihiinna way usoo bixi lahaayeen kuwa loo qoray geerida halkay seexan [lagu dili],” [saasna wuxuu u falay Eebbe] inuu imtixaano Eebbe waxa laabtiinna ku sugan iyo inuu kala shaandheeyo waxa quluubtiinna ku sugan, Eebbana waa ogyahay waxa laabta ku sugan.
  2. Kuwii jeedsaday oo idinka mid ah maalintay kulmeen labadii col waxaa uun simbiriirixiyey Shaydaan waxay kasbadeen sababtiisa qaarkood wuuna iska cafiyey Eebbe xaggooda Eebbena waa dambi-dhaafe dul badan.

 

Eebbe wuu ku mannaysan addoomadiisa wuxuu kusoo dajiyey mu‘miniinta Uxud oo lulmo ah murug kadib, sidoo kale xasilooni taasina waxay ku tusin sugnaan iyo ku-kalsoonida Eebbe. Ibnu Mascuud waxaa laga wariyey, “Lulmadu dagaalka waxay ka timid Eebbe, salaaddana Shaydaan.” Waxaa sheegay Ibnu Abii Xaatim. Munafiqiintuse waxay la joogeen qas iyo calaacal iyo, “Ma amaraa gacanta noogu jira?” Xaalka Eebbaa iska leh dhammaantiis. Ciddii dagaalka ku dhimatana kolley way usoo bixi lahaayeen halkay ku dhinteen, hase yeeshee wuxuu Eebbe saas u falay imtixaan dartiis, iyo inay caddaadaan kuwa simbiriirixday oo Shaydaan waswaasiyey. Saas darteed waa Eebbe in lagu kalsoonaado, wax fiicanna laga malaysto, walaacin iyo murugeyn mu’miniintana layska jiraa illeen isagaa wax walba awoodee. Muslimiintii hore qaarkood waxay dhihi jireen, “Wanaagga abaalkiisu waa in wanaag lagu waafajiyo, xumaanta abaalkeeduna waa in xumaan kale lagu dhoco.” Runtii qisada Uxud waa imtixaan cad. Aali-Cimraan (154- 155)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, ha noqonina sida kuwa gaaloobay oo ku yidhi walaalahood markay ku safraan dhulka ama duulaan, “Hadday agtannada joogaan ma dhinteen lamana dileen,” si uu uga yeelo arrintaas qoomamo quluubtooda, Eebbana waa Nooleeye iyo Dile, Eebbana waxaad camal falaysaan wuu arkaa.
  2. Haddii laydinku dilo Jidka Eebbe amaad dhimataan dambi-dhaaf Eebbe iyo naxariistiisa yaa idiinka khayr badan waxay kulmin.
  3. Haddaad dhimataan ama laydin dilo xagga Eebbe un baa laydiin celin.
  4. Naxariista Eebbe darteed yaad ugu jilicday haddaadse tahay mid ingagan oo qalbi adag way kaa kala tagi lahaayeen gaararkaada, ee iska cafi una dambi-dhaaf warso, kalana tasho amarka, markaas haddaad wax goosatana talo saaro Eebbe [ku dhaqaaq], Eebbe wuxuu jecel yahay kuwa tala saartee.
  5. Hadduu idin gargaaro Eebbe wax idinka adkaan ma jiro, hadduu idin hoojiyana waa kuma kan idiin gargaari gadaashiis, Eebbe uun ha tala saarteen mu‘miniintu.

 

Rasuulka Muxamed ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu Eebbe ugu deeqay dabeeco fiican, saas darteed yey mu‘miniintu ugu soo kulmeen, hadduuse kakan yahay way ka ag carari lahaayeen, saasuuna Eebbe u faray inuu iska cafiyo wixii dhib ah ee kaga yimaada mu’miniinta, una dambi-dhaaf warsado, lana tashado, marka arrin la goostana lagu talaabsado isagoo la talo saaran Eebbe, gargaarna Eebbaa iska leh, hadduu Muslimiinta u gargaaro wax ka adkaan ma jiro, haddii kalena yaa Eebbe kasoo hadhay oo gargaara ah. Mu‘miniintuna waa inayna noqonin sida gaalada oo ciddii meel kusoo dhimata ama Jahaad ku shahiidda ku dhihin, “Hadday nala joogi lahaayeen mayna dhinteen,” taasina waa qoomamo la yeelay quluubtooda, Eebbaase waxna nooleeya waxna dila, si kastood u dhimatana Eebbaa lagu hor keeni, waxaase ka khayr roon waxa la kulmin oo adduunya ah in lagu shahiido Jidka Eebbe si dambi-dhaaf iyo naxariis Eebbe loo helo. Aali-Cimraan (156-160)

 

  1. Kama suurowdo Nabi inuu wax khayaamo, ruuxii wax khayaama wuu la imaan wuxuu khayaamay maalinta Qiyaame, markaas waxaa loo oofin [dhammayn] naf kasta waxay kasbatay lagamana dulmiyo.
  2. Ruux raacay raalli-ahaanshaha Eebbe ma lamid baa ruux la noqday cadho Eebbe hoygiisuna yahay Jahannamo? Iyadaana u xun meel loo noqdo.
  3. Iyagu waa darajaad Eebbe agtiisa, Eebbana waa arkaa waxay fali.
  4. Dhab ahaan buu ugu mannaystay Eebbe mu‘miniinta markuu ka bixiyey dhexdooda Rasuul naftooda ka mid ah kuna akhriyi korkooda aayaadkiisa, daahirinna, barina Kitaabka [Qur’aanka] iyo Xikmadda [Sunnada Nabiga], waxayna ahaayeen horay baadi cad.

 

Khayaamada iyo dhagartu waa ka reebban tahay ruuxa Muslimka ah ama ha ahaato waxa gaalada laga helo ama waxa kale, khayaamadana wuu keeni Qiyaamada saaxiibkeed isagoo xambaarsan, cid walbana waxay la kulmi Qiyaamada waxay kasbatay dulmina ma jiro. Ruux raacay Xaqa Eebbe la mid ma aha mid cadho Alle ku dhacday oo gali Naar, dadkuna waa darajaad oo iskuma qasna Eebbana waa arkaa, mu‘miniintuna wuxuu Eebbe ku mannaystay soo bixinta Rasuulka Muxammed ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) iyagoo yaqaannay runtiisa, aaminnimadiisa iyo wanaaggiisaba, kuna akhriyi Qur’aanka, iyo Sunnada Nabiga iyagoo horay baadi u ahaa. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaan garan midkiino imaan Qiyaamada isagoo xambaarsan riti qayliyi markaa uu dhihi, ‘Muxamedow, Muxamedow,’ oon dhihi, ‘Waxba kaagamo hanto Eebbe, waan ku gaadhsiiyey…’” Waa dheer yahay. Waxaana soo arooray wax badan oo ka digi xumaanta khiyaamada iyo cunidda xaq-darro ee xoola kale, haddaadse iska khayaanto ciddaad aragto, ood iska cunto waxaad la kulanto, oodan waxba u aabbayeelin taasi ma Islaam baa? Muslimnimaduna waa toosnaan, Eebbe ka-yaabid, Xaq-raacid, xalaal-cunid, wanaag u-yeedhid, xumaan ka-reebid iyo ku-dhaqan dhab ah Diinta Islaamka. Aali-Cimraan (161-164)

 

  1. Hadday idin asiibtay [idinku dhacday] dhibaato waxaad asiibteen laba-jibbaarkeed [Badar], waxaad dhahdeen, “Xaggee nooga yimid [dhibku]?” Waxaad dhahdaa, “Agta naftiinna,” Eebbana wax kasta wuu karaa.
  2. Waxa idinku dhacay maalintay kulmeen labadii kooxood waa idanka Eebbe iyo inuu muujiyo mu‘miniinta.
  3. Iyo inuu muujiyo kuwa munaafaqoobay oo loo yidhi, “Kaalaya ku dirira Jidka Eebbe ama difaaca,” waxayna dheheen, “Haddaan ognahay dagaal waan idin raaci lahayn,” iyagu gaalnimaday maalintaas uga dhawyihiin rumeyn, waxay ka odhan afkooda waxaan ahayn quluubtooda, Eebbana waa ogyahay waxay qarin.
  4. Waa kuwa ku yidhi walaalahood [munaafiqiintu] iyagoo iska fadhiistay, “Hadday na adeecaan lama dileen,” waxaad dhahdaa, “Ka dhawra naftiinna geeri haddaad run sheegaysaan.”

 

Hadday Muslimiintu qaadan waayeen dhibkii maalintii Uxud iyaba waxay dileen ama qabteen maalintii Badar labo-jibaadh, xaalkuna wuxuu ku dhacay idan Eebbe iyo ogaanshihiis iyo inay kala muuqdaan mu‘miniinta dhabta ah iyo munaafiqiinta, waxaana dhacday in munaafiqiintii iska soo noqotay isagoos hoggaamin munaafaqii Cabdullaahi binu Ubayyi binu Saluul, iyagoo sheegey inayna muuqan waxay u dagaallamaan, Muslimiintuna ku lahayd, “War kaalaya dirira ama badiya muuqaalka.” Saasay ku tageen iyagoo sheegi inaan la laayeen kuwii Jahaadka lagu dilay haddii warkooda la maqlo. Haka celiyeen naftooda geerida hadday run sheegi, taasina waa caadada munaafiqiinta calaacala. Aali-Cimraan (165-168)

 

  1. Hana u malaynina kuwa lagu dilay Jidka Eebbe kuwa dhintay, saas ma aha waxay ku nool yihiin Eebbahood agtiisa laguna arzaaqi.
  2. Iyagoo ku Faraxsan wuxuu siiyey Eebbe oo fadligiisa ah, kuna bishaaraysan kuwaan wali haleelin ee gadaashooda ah inuusan korkooda cabsi iyo murugo [midna] ahayn.
  3. Waxayna ku bishaaraystaan nicmo Eebbe iyo fadli iyo inaan Eebbe dayacayn ajriga mu‘miniinta.
  4. Ee ah kuwa ajiibay [maqlay] Eebbe iyo Rasuulka kadib intuu asiibay dhaawac, kuwa wanaag falay oo kamid ah oo dhawrsaday waxaa u sugnaaday ajir wayn.
  5. Ee ah kuwuu yidhi dadku [gaaladu], “Dadkii baa idiin kulmay ee ka cabsada,” oo u siyaadiyey rumeyn, oy dhaheen, “Kaafiyahannagu waa Ilaahay isagaana u fiican Wakiil.”
  6. Oo noqday nicmo Eebbe iyo fadli oyna taaban xumaan raacayna raalli-ahaanshaha Eebbe, Ilaahayna waa fadli wayn lahaade.
  7. Kaasi waa Shaydaan wuxuuna idinku cabsi galin awliyadiisa [saaxiibbadiis] ee haka cabsanina, ee iga cabsada haddaad mu‘miniin tihiin.

 

Ciddii shahiid lagu dilo wuxuu ku nool yahay Eebbe agtiisa isagoo farxi oo bishaaraysan jecelna in saaxiibbadiisu soo shihiidaan, bishaaro, nicmo iyo ajir yaana u sugnaaday, waana kuwa Eebbe iyo Rasuulka adeeca inta dhib ku dhacay kadib, una adkeystay markii loo kulmay Eebbana cuskaday, lana noqday wanaag iyo rille Eebbe oon kana cabsanin warka Shaydaanka ee Eebbe ka cabsaday. Fadliga shahiidnimada iyo Jihaadka waxaa kusoo arooray wax badan, waxaa ka mid ah, inay arwaaxdoodu ku jirto shimbiro daaqi Jannada oo u dheelmada tiriigyo Carshiga ku xidhan. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “’Waxaa na kaafiya Eebbe, isagaa u fiican Wakiil,’ waxaa yidhi Nabi Ibraahiim markii dabka lagu tuuray iyo Nabi Muxamed markii lagu yidhi ‘Dadkii baa idiin kulmay.’” Waxaa fadliga Jihaadka iyo wanaaggiisa rumeeya kuwa Jidka Eebbe ee xaqa ah ku jahaada. Aali-Cimraan (169-175)

 

  1. Yeyna ku murug galin kuwa u degdegi gaalnimada, iyagu kama dhibaan Eebbe waxba, wuxuu dooni Eebbe inuusan ugu yeelin nasiib aakhiree waxayna mudan cadaab weyn.
  2. Kuwa ku gatay gaalnimo iimaanka kama dhibayaan Eebbe waxba waxayna mudan cadaab daran.
  3. Yeyna u malaynin kuwa gaaloobay inuu sugiddoodu khayr u tahay, waxaannu u sugi uun inay siyaadsadaan dambi, waxayna mudan cadaab dulleeya.
  4. Ma aha Eebbe kii kaga taga mu‘miniinta sidaad tihiin intuu ka kala sooco ka xun iyo kan fiican, mana aha Eebbe kii idin daaliciya [tusiya] waxa maqan, hase yeeshee wuxuu ka dooran Rasuulkiisa cidduu doono ee rumeeya Eebbe iyo Rasuulkiisa, haddaad rumeysaan Xaqa oo dhawrsataan waxaad mudanaysaan ajir weyn.
  5. Yeyna u malaynin kuwa ku bakhayli wuxuu siiyey Eebbe oo fadli ah inay khayr u tahay, shar bayse u tahay waxaana luqunta loo galin waxay ku bakhaylayeen maalinta Qiyaame, Eebbaana iska leh dhaxalka samaawaadka iyo dhulka, Eebbana waxaad camal falaysaan waa ogyahay.

 

Cid gaalowday waxba ha u murgin, waxba Eebbe kama dhibtee, Aakhirana nasiib kuma leh, illeen gaalnimay iimaanka ka doorteene, sugidduna khayr uma aha ee waa dambi badsasho. Adduunkuna waa imtixaan si loo kala sooco kan xun iyo kan fiican, wax og waxa maqanna ma jiro Eebbe mooyee. Wuxuu u doortay Rasuulladiisa cidduu doonay, waase in Xaqa la rumeeyo lana dhawrsado, ku-bakhayl Xaqana khayr ma aha ee waa khasaare, Qiyaamana wuxuu imaan isagoo luqunta ku wada wuxuu ku bakhaylay, Eebbana u hadhi waxa cirka iyo dhulka ku sugan waxa la falina og ee haloo darbado. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Addoonkaan gudan zakada xoolihiisa waxaa laga dhigaa mas bara leh oo raaci oo ka carari oo raaci isagoo dhihi, ‘Waxaan ahay kanzigaagii.’” Markaasuu aayaddan akhriyey Cabdullaahi. Waxaa wariyey Imaam Axmed iyo kuwo kale. Xaqoo la sheegi waayana way noqotaa. Aali-Cimraan (176-180)

 

  1. Dhab ahaan yuu u maqlay Eebbe hadalka kuwii yidhi, “Eebbe waa faqiir annaguna waxaan nahay hodan.” [Waa Yuhuud ha halaagmeene.] Waan qoraynaa waxay dhihi iyo diliddooda Nabiyada ee xaq-darro, waxaan u dhahaynaa, “Dhadhamiya cadaabka gubashada.”
  2. Taasina waa waxay hormarsatay gacmahoodu Eebbana ma aha dulmiyaha addoomada.
  3. Waa kuwa yidhi, “Eebbe wuxuu nagula ballantamay inaanaan rumeyn Rasuul intuu nooga keeno qurbaan [sadaqo] oy cunto naar,” waxaad dhahdaa, “Waxay idiinla yimaadeen Rasuullo hortay xujooyin iyo waxaad sheegteen ee maxaad u disheen haddaad run sheegaysaaan?”
  4. Hadday ku beeniyaan waxaa dhab ahaan loo beeniyey Rasuullo kaa horreeyey oo la yimid xujooyin iyo Kutub iyo Kitaab cad.

 

Yuhuud iyo wixii la mid ah (Eebbe ha dulleeyo) waa af-xun yihiin had iyo jeer intay kaga sheegaan Eebbe inuu faqiir yahay iyaguna hodan yihiin markay maqleen aayadaha sadaqada ku boorrin waase laga abaal marin hadalkaas, oo la cadaabi waxay hor marsadeen darteed, waana beentood in lagula ballamay inaanay rumeynin Rasuul intay sadaqadiisu naaru ka cunto, imisay Rasuullo dileen xujooyinna beeniyeen? Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Markay soo dagtay: ‘Yaa Eebbe amaah fiican amaahiya [wax sadaqaysta]?’ yey Yuhuudu tidhi, ‘Muxammadow, wuu baahday Eebbahaa intuu ka warsado addoomada amaah,’ markaasay soo degtay jawaab ahaan aayadda, ‘Waa maqlay Eebbe kuwii hadalkaa yidhi Eebbe waa faqiir annaguna waxaannu nahay hodan.’” Eebbaa hodan ah wax walbana isagaa awooda dadkuna waa u baahan yihiin, waxa la bixiya dadkay wax u tartaa ee Ilaahay uma baahna, ee waa in laga digtoonaado waddada gaalada, waxna dar Eebbe loo baxsado si dadka baahan loo kaalmeeyo. Aali-Cimraan (181-184)

 

  1. Naf kasta waxay dhadhamin geeri, waxaa uun laydiin oofin ajrigiinna maalinta Qiyaame, ruuxiise laga iilo Naarta oo la galiyo Jannada wuu liibaanay, nolosha adduunna ma aha waxaan raaxo kado ahayn.
  2. Waan idinku imtixaamaynaa xoolihiinna iyo naftiinna waxaadna ka maqlaysaan kuwa la siiyey Kitaabka oo idin ka horreeyey iyo mushrikiinta [gaaladii Carbeed] dhib badan, haddaadse samirtaan ood dhawrsataan, arrintaasu waa umuuraha loo qasdo.
  3. [Xusuuso] markuu qaaday Eebbe ballanka kuwii la siiyey Kitaabka inaad u caddaysaan [Xaqa] dadka oydaan qarinin waxayse ka tuureen dhabarkooda gadaashiis waxayna ku gateen lacag yar, waxaa xun waxay gadan.
  4. Haw maleyn kuwa ku farxa waxay la yimaadaan oo jecel in lagu mahdiyo waxayna falin, haw malayn inay ka nabad-gali cadaabka waxaana u sugnaaday cadaab daran.
  5. Eebbaa iska leh xukunka samaawaadka iyo dhulka, Eebbaana wax kasta kara.

 

Naf walba way dhiman waana la abaalmarin Qiyaamada, liibaan waa Janno la galo iyo Naar laga nabadgalo, xoolo iyo naftana waa laysku imtixaami, gaaladana had iyo jeer dhib baa laga maqlaa waxayse u baahan tahay adkaysi iyo dhawrsasho. Tan kale waa waajib in Xaqa loo caddeeyo dadka oon laga qarinin, ciddiise Xaqa tuurta oo wax kale oon qiima lahayn ku baddalata jecelna in waxay sameeyaan iyo waxayna sameeyninba lagu amaano kuwaasu ma aha kuwo liibaani oo Naar ka kori illeen Eebbaa xukunka iska leh wax walbana karee, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbaan ku dhaartaye, adduunku ma aha marka Aakhiro loo eego midkiin oo farta badda galiyey oo kasoo celiyey mooyee.” Tan kale waa in dadka wax loo sheego lagana qarinin. Nabiguna wuxuu yidhi, “Ruuxii cilmi la warsado oo qariya waxaa lagu xakamayn Qiyaamada xakama Naar ah.” Aali-Cimraan (185-189)

 

  1. Abuuridda samaawaadka iyo dhulka iyo is-khilaafidda habeenka iyo maalinta calaamooyin yaa ugu sugan kuwa caqliga leh.
  2. Ee ah kuwa ku xusa Eebbe taagni iyo fadhi iyo jiifba, oo ku fikira abuuridda samaawaadka iyo dhulka [iyagoo dhihi], “Eebbow umaadan abuurin kan [khalqiga] baadil [ciyaar], waad nazahan tahay ee naga kori cadaabka Naarta.”
  3. “Eebbow adigu ruuxaad galiso Naarta dhab ahaan baad u dullaysay, daalimiintana uma sugnaanin gargaarayaal.”
  4. “Eebbow annagu waxaan maqallay yeedhe u yeedhi iimaanka oo dhihi ‘Rumeeya Eebbihiin’ waana rumeynay, Eebbahannow noo dhaaf dambiyadannada asturna xumaantannada naguna dil la-jirka kuwa baarriga ah [fiican].”
  5. “Eebbahannow na sii waxaad noogu yaboohday Rasuulladaada hanana dulleyn maalinta Qiyaame, Adigu ma baajisid ballane.”

 

Eegidda cirka iyo dhulka, habeenka iyo maalinta waxaa ugu sugan mu’miniinta caqliga leh calaamadda awoodda Eebbe iyo jiridiisa, kuwaas had iyo jeer Eebbe xusa ogna inaan Eebbe ciyaar u abuurin adduunka, kana magan gala Eebbe Naarta, mar hadday Xaqa rumeeyeen iyo inaan Eebbe dulleyn maalintaas. Cirka iyo dhulka, iyo khalqiga kalaba waa in la eego laguna waano qaato, dibna wax looga fikiraa. Xadiith dheer waxaa ku sugnaaday in Bilaal u yimid Nabigoo ooyi markaas uu yidhi, “Maxaa kaa oohin?” Nabiguna yidhi, “Magacaa be’e, maxaan la ooyi waayi? Waxaaba laygu soo dajiyey xalay aayaddan: ‘Abuuridda samooyinka, dhulka iyo is-khilaafidda habeenka iyo maalinta calaamad baa ugu sugan kuwa caqliga leh.’” Wuxuuna yidhi waxaa halaagsamay ciddii akhrida oo fikirin. Waxaa wariyey Ibnu Mardaweyhi. Xasan Basrina wuxuu yidhi, “Fikirku waa muraayadda ku tusin wanaaggaada iyo xumaantaada.” Saas darteed waa in had iyo jeer la fikiraa lana xisaabtamaa, Eebbana lagu xidhnaado, wanaag adduun iyo Aakhirana lagu dadaalaa. Aali-Cimraan (190-194)

 

  1. Wuxuu ku ajiibay Eebbahood, “Annagu ma dayacno camal mid camal falay oo idin kamid ah lab iyo dhaddig, qaarkiin qaar buu ka ahaaday, kuwa hijrooday ee laga bixiyey guryahooda oo lagu dhibay Jidkayga oo dagaallamay oo la dilay waannu asturi xumaannahooda, waxaana galin Jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal, waana abaal marin Eebbe xaggiisa ah, Eebbe agtiisaana abaalmarin wanaagsan tahay.”
  2. Yeyna ku dhagrin ku-gaddoonka kuwa gaaloobay ee dhulka [adduunka].
  3. Waa raaxo yar, kadib hoygoodu waa Jahannamo, iyadaana u xun gogol.
  4. Hase yeeshee kuwa ka dhawrsada Eebbahood waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, waa martiqaad xagga Eebbe ka ahaaday, waxa Eebbe agtiisa ah yaana u khayr roon kuwa baarriga ah [wanaagsan].
  5. Ehlu-Kitaabka waxaa kamid ah mid rumeyn Eebbe iyo waxa laydiin soo dejiyey iyo wixii loo soo dejiyey iyagoo u khushuuci Eebbe kumana gataan aayaadka Eebbe qiimo yar, kuwaas waxaa u sugnaaday ajirkooda Eebbahood agtiis, Eebbana waa degdegtaa xisaabtiisu.
  6. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, samra oo samirtama kuna nagaada dhawridda [xuduudda Islaamka] kana dhawrsada Eebbe, waxaad mudan tihiin inaad liibaantaane.

 

Eebbe ma dayaco camal ruux lab iyo dhaddigba kuwa dar Eebbe u hijrooda ee guryahooda laga bixiyey ee lagu dhibo Jidka Eebbe oo dagaallama oo la dilo Eebbe wuxuu ku abaalmarin dambi-dhaaf iyo Janno. Mana aha in lagu dhagramo gadgaddoonka gaalada iyo shaqadooda adduunyo kanay sameeyeen oo meel heblay gaadheen iyo waxaasay soo saareen, illeen waa wax yar oo Naaru uga dambayso. Kan Eebbe ka dhawrsadaase khayr baa u yaal Eebbe agtiisa, ehlu-Kitaabkana waxaa kamid ah kuwo Xaqa rumeeyey Eebbaana abaal marin, tan kale waa in la adkaysto lana jahaado Islaamkana la ilaaliyo si loo liibaano, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ku-nagaadi Jidka Eebbe maalin yaa ka khayr badan adduunka, iyo waxa ku sugan korkiisa.” Bukhaari. Taasina waxay ku tusin fadliga jahaadka Jidka Eebbe iyo daaficidda xuduudda Islaamka iyo adkeysiga arrintaas yey liibaantu tahay sidaas. Mar kalana Rasuulku (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Laba indhood ma taabato Naari: il u ooyday cabsi Eebbe iyo il bariday iyadoo ilaalin Jidka Eebbe.” Tirmidi. Waana kaas sharafta Jahaad, Muslimiintuna waxaa xoog, sharaf iyo cizzi ugu dambeysay markay ka tageen Jahaadka iyo difaaca xuduudda Islaamka. Aali-Cimraan (195-200)

***

Suurat an-Nisaa’

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Dadow ka dhawrsada Eebbihiina idinka abuuray naf kaliya [Aadam] kana abuuray xaggeeda haweenaydeeda [Xaawo] kana abuuray xaggooda rag badan iyo haweenba, ka dhawrsada Eebbihiinna aad wax isku warsataan iyo qaraabada, Eebbana wuxuu u yahay korkiinna ilaaliye.
  2. Siiya agoonta xoolahooda hana ku baddalina xumaan wanaag, hana cunina xoolahooda la-jirka xoolihiinna, taasina waa dambi weyn.
  3. Haddaad ka cabsataan inaydaan ku caddaalad falin agoonta guursada wixii idiin wanaagsan oo haween ah, labo, saddex iyo afar, haddaad ka cabsataan inaydaan caddaalad falin mid kaliya [guursada] ama waxay hanatay gacmihiinnu, saasaa u dhaw inaydaan jawr faline.
  4. Siiya haweenka meherkooda isagoo waajib ah hadday idiinka raali noqoto wax kamid ah naftoodu cuna idinkoo shifaysan oo kadban.

 

Suuraddu waa suurad weyn oo daryeeli xaqa haweenka iyo agoonta iyo kuwa kale waxayna fari in Eebbe laga dhawrsado illeen waa kan naf kaliya dadka ka abuuraye, taasoo ah Nabi Aadam. Waxaa kaloo beenaalayaashu ka sheegi abuurka dadka waa waxaan jirin, sidoo kale waxay fartay dhawridda xaqa qaraabada, agoonta, guurka oo lagu caddaalad falo haddaan la karayna mid kaliya la guursado, iyo in haweenka la siiyo meherkooda waxay ka raalli noqdaan mooyee, Diinta Islaamkuna wax badan bay ka digtay dhibka agoonta iyo haweenka, waxaa sugnaaday, “U caabud Eebbe sidii adoo arka, haddaadan arkin isagaa ku arkee.” Saas darteed waa in la dhawraa xuquuqda dadka gaar ahaan agoonta oon la cunin xoolahooda loona wanaag falo, iyo haweenka oo la siiyo xaqooda iyo meherkooda lana dulmiyin. An-Nisaa’ (1-4)

 

  1. Ha siinina sufahada [maamuli Karin] xoolahooda ah kuwo idiinka yeelay Eebbe ilaaliye ka quudiya kana arrad-bixiya una dhaha hadal fiican.
  2. Imtixaamana agoonta markay gaadhaan guur haddaad ku aragtaan [ogaataan] rashiidnimo [wanaag] siiya iyaga xoolahooda hana u cunina xad-gudub iyo ka-degdegis intayna weynaan, ruuxii hodan ah ha dhawrsado ruuxii faqiir ahna haka cuno si wanaagsan, markaad u dhiibtaan xoolahooda marag u yeela korkiisa, waana ku filan yahay Eebbe xisaabiye.
  3. Ragga waxaa u sugnaaday qayb kamid ah waxay ka tageen laba waalid iyo qaraabadu haweenkana waxaa u sugnaaday qayb kamid ah waxay ka tageen laba waalid iyo qaraabadu kiisa yar iyo kiisa badanba waa qaddar la waajibiyey.

 

Dadka Muslimka ah waa mid kaliya, waana inay is dhaqaaleeyaan, ciddii xoolo leh oon is-maamuli karin waa in gacanta loogu hayaa, laguna dhaqaaleeyaa, lana imtixaamo markay qaangaadhaan hadday maamuli karaanna loo dhiibo, oon loona cunin xadgudub iyo ka-degdegid weynaansho, ruuxii hodan ah ha dhawrsado, kii faqiir ahna haka cuno si dhawrid ah, marka xoolaha la siinna marag haloo yeelo isagoo Eebbe xisaabiye ku filan yahay. Rag iyo haween mid kastaa qayb buu ku leeyahay waxay ka tagaan waalidkood, ama qaraabadii yaraa iyo badnaaba, waa qadar xukuman. Waxaa sugnaatay in nin u yimid Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuuna ku yidhi, “Waxaan hayaa agoon xoola leh anna xoolo ma lihi ee wax ma ka cunaa>” Wuxuuna ku yidhi, “Ka cun si fiican oon xadgudub ahayn.” Taasina waxay ku tusin dhawridda xuquuqda dadka tabarta yar, iyo ilaalinta arrimahooda, iyo inaan lagu xadgudbin. An-Nisaa’ (5-7)

 

  1. Hadday joogaan qaybta qaraabo, agoon iyo masaakiin [aan dhaxlayn] wax ka siiya una dhaha hadal wanaagsan.
  2. Hana ka cabsadeen kuwa hadday kaga tagaan gadaashooda carruur tabar yar una cabsan lahaa hana ka dhawrsadeen Eebbe hana dheheen hadal toosan.
  3. Kuwa u cunaya xoolaha agoonta dulmi [xaq-darro] waxay uun ku cunayaan calooshooda Naar waxayna gali Saciiro.
  4. Wuxuu idiin dardaarmi Eebbe carruurtiinna kan lab lamid qaybta labo dhaddig, hadday yihiin haween ka sarreeya labo waxay mudan labo dalool wuxuu ka tagay, hadday tahay mid waxay mudan nus, labada waalidna mid kastoo kamid ah wuxuu mudan sudus [lix meelood meel]. Hadduu ka dhintay [ilmahoodu] carruur, hadduu carruur lahayn oy dhaxlayaan labada waalid hooyadu waxay mudan saddex meelood meel, hadduu walaalo leeyahay hooyadu waxay mudan sudus, dardaaranka iyo daynta kadib, aabbayaalkiina iyo wiilashana ma ogidin kooda idinku dhaw nafci, waa faralyeel qaddaraad Eebbe, Ilaahayna waa Oge Falsan.

 

Aayadda hore waxay fari in hadday qaybta joogaan dad aan dhaxalka lahayn oo qaraabo, agoon iyo masaakiin ah wax laga siiyo, tan kalana in la dhaqaaleeyo carruurta tabar yar sidaad u jeceshahay in haddaad ka tagto iyagoo kale loo dhaqaaleeyo, iyo inaan la cunin xoolaha agoonta ciddii cuntana waxay cuni Naar. Aayadda dambana waxay caddaysay dhaxalka waxayna kamid tahay saddexda aayadood ee suuraddan ku sugan ee ka warramay dhaxalka, barashada dhaxalkana waxaa kusoo arooray isku boorrin, sida cilmigu waa saddex waxa kasoo hadhay waa siyaado: Aayad sugan, sunno taagan, ama fariido caadil ah. Waxaa kaloo sugnaaday, “Barta faraa‘isha barana dadka, waa cilmiga nuskiiye, waana la halmaami, waana waxa ugu horreeya ee laga siibi ummaddayda.” Saasaana loo caddeeyey, oo loo muujiyey. An-Nisaa’ (8-11)

*Saddex meelood laba meel oo ah xoolihii marka saddex loo qeybiyay labadiisa.

 

  1. Waxaa idiin sugnaaday nus waxay ka tagaan haweenkiinnu haddayna ilmo lahayn, haddayse lahaayeen ilmo waxaad leedihiin rubuc [afar meelood meel] waxay ka tagaan dardaaran ay dardaarmeen iyo dayn kadib, haweenkuna waxay mudan rubuc waxaad ka tagteen haddaydaan ilmo lahayn, haddaad ilmo leedihiin waxay mudan thumun [siddeed meelood meel] waxaad ka tagtaan, dardaaran aad dardaarmaysaan iyo dayn kadib, hadduu yahay ninku mid la dhaxli waalid iyo ilmo la‘aan ama haweenaydu isagoo leh walaal ama walaashiis mid kasta wuxuu mudan sudus [hadday la hooya yihiin] hadday yihiin wax ka badan intaas waxay wadaagi thuluth [saddex meelood meel] dardaaran la dardaarmo iyo dayn kadib, isagoon dardaaranka cidna lagu dhibayn, waana dardaaran Eebbe, Ilaahayna waa Oge Dulsan.

 

Aayaddanna waa aayadda kale ee caddaysay dhaxalka, iyo in cid walba la siin waxay mudatay marka laga bixiyo dardaaranka iyo daynta, waana arrin Eebbe adkeeyey caddeeyeyna, Rasuulkana (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe wuxuu siiyay ruux kastaba xaqiisa ee u dardaaran mid wax dhaxli ma jiro.” Waa saxiix. Waxaa kaloo sugnaatay dardaaranka oo laysku dhibo waa dambiyada waaweyn. Saas darteed waa in cid walba la siiyo wixii Eebbe u sugay, dardaaran iyo kala jeclaysina inaan lagu dhibin ruux xaqiis, illeen Eebbaa saas faraye, waana in la maqla amarkiisa si loo liibaano Aakhiro iyo adduunba. An-Nisaa’ (12)

 

  1. Taasi waa xuduud Eebbe, ruuxii adeeca Eebbe iyo Rasuulkiisa wuxuu galin Jannooyin ay dareeri dhexdeeda wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, taasina waa liibaan weyn.
  2. Ruuxiise caasiya Eebbe iyo Rasuulkiisa oo tallaaba xuduuddiisa wuxuu galin Naar isagoo ku waari dhexdeeda, wuxuuna mudan cadaab wax dulleeya.
  3. Kuwa la imaan xumaan [zino] oo haweenkiinna kamid ah, marag uga dhiga afar idin kamid ah, hadday ku marag kacaan ku haya guryaha intay ka disho geeridu ama u yeelo Eebbe waddo.
  4. Labadii la timaadda xumaanta [zinada] oo idin kamid ah dhiba haddayse tawbad keenaan ooy wanaagsanaadaan ka jeedsada xaggooda, Eebbana waa tawbad-aqbale naxariista.

 

Aayadaha lasoo sheegay waxay caddeeyeen qaddar iyo qaybta ruux kasta iyo in Eebbe ruuxba qayb siiyay, u dhawaanshaha ruuxa dhintay iyo dhibaatadiisa wuxuuna faray inaan la tallaabin xuduuddaas Eebbe oon cidna loo badinin midna loo yareynin, waase in loo daayo xukunka Eebbe iyo qaybintiisa, ciddii saas fulisana abaalkeedu waa Janno, tii ka leexatana waxay mudan ciqaab daran iyo cadaab wax dulleeya. Tan kale Islaamku markuu billawday hadday haweenaydu xumaan zino ku kacdo marag baa loo yeeli jiray gurigana way iska joogi jirtay intay ka dhimato ama sharci caddeeyo xaalkeeda, labada kala zinaysatana waxaa lagu ciqaabi jiray dhib aan saas u weynayn, hase yeeshee waxaa kusoo dagay arrintaas xukun ah in ciddii ku kacda xaalkaas isagoo horay wax u guursaday isna arkeen lagu ciqaabi dhagax lagu dilo, kuwaan hadda kahor guursaninna boqol ulood lagu dhufto, saasuu Rasuulku (naxariis iyo nabadgalye Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi, “Iga qaata labada bikaarada ah waa boqol ulood, labada wax guursatayna waa boqol ulood iyo dhagax lagu dilo.” Muslim. An-Nisaa’ (13-16)

 

  1. Tawbada [aqbalkeeda] waxay Eebbe uga ahaatay kuwa fala xumaha iyagoo jaahil ah markaas tawbad keena waqti dhaw kuwaas wuu ka tawbad aqbalaa Eebbe korkooda, Eebbana waa Oge Falsan.
  2. Uma aha tawbaddu ku fala xumaha intuu uga yimaado midkood geeridu markaas dhaha anigu waxaan tawbad keeni hadda, iyo kuwa dhiman iyagoo gaala ah, kuwaas waxaan u darabnay cadaab daran.
  3. Kuwa [Xaqa] rumeeyow idiinma bannaana inaad u dhaxashaan haweenka xoog iyo inaad dhibtaan si aad ula tagtaan [qaadataan] qaar waxaad siiseen inay la yimaadaan xumaan cad mooyee, kulana noolaada si fiican, haddaad kahataan waxaa suurowda inaad kahataan wax uu yeelo Eebbe dhexdiisa khayr badan.
  4. Haddaad doontaan inaad ku baddashaan haweenay mid kale idinkoo siiyey meher [badan] haka qaadanina xaggiisa waxba, ma waxaad qaadanaysaan been iyo dambi cad?
  5. Seed uga qaadanaysaan idinkoo qaarkiin qaar arkay, ood kana qaaddeen ballan adag?
  6. Ha guursanina waxay guursadeen aabbayaashiin wixii hor maray mooyee, waa xumaan iyo wax loo cadhoodo waddana Iyadaa u xun.

 

Dadku wuu dambaabi waase inuu tawbad keeno suginna inta geerida uga imaan Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe wuu aqbalaa tawbada addonkiisa intaan sakaraadku u imaan.” Mujaahidna wuxuu yidhi, “Cid kastoo Eebbe caasiday waa jaahil intay ka tagto. aayadaha kale waxay caddayn inaan la dulmiyin haweenka, lana dhibin xoolahoodana laga xoogin, waxaa kale oo reebban in la guursado haweenaydii aabbahaa, arrimahaasuna waa reebban yihiin, waana dambi weyn. An-Nisaa’ (17-22)

 

  1. Waxaa laydinka reebay hooyooyinkiin [inaad guursataan] iyo gabdhihiinna, walaalihiin, eeddooyinkiin, habaryarihiin, gabdhaha walaalkaa, gabdhaha walaashaa, hooyooyinka idin nuujiyey, walaalaha nuugmada hooyooyinka haweenkiinna, gabdhaad dhaqaalaysaan, ee haweenkiinna aad is aragteen dhaleen, haddaydaan is-arkin wax dhib ah [danbi] ma saarna korkiinna, haweenka wiilashiinna dhabta ah, iyo inaad kulmisaan labo walaalo ah wixii horay maray mooyee, Eebbana waa u dhaafe naxariista.
  2. [Waxaa kaloo idinka reeban] haweenka la qabo, waxay hantaan gacmihiinnu mooyee Kitaabka Eebbaa korkiinna ah, waxaa laydiin banneeyey waxa kasoo hadhay kuwaas inaad ku dalabtaan xoolahiinna idinkoo dhawrsoon oon xumaan [zino] falin, waxaad ku intifaacdaan xaggooda siiya meherkooda waa qadaraad Eebbe, dhib [dambi] korkiinna ma saarra waxaad isaga raalli noqoteen qadaridda kadib, Eebbana waa Oge Falsan.

 

Aayaddani waxay caddayn waxa ka reebban ninka inuu guursado oo haween ah, Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Waxay ku xarrimantay toddobo nasab, toddobana xigid.” Sidoo kale cidda wax nuujisa iyo tan kula nuugta. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaa ku reebban nuugmada waxa ku reebban nasabka, waase inay ahaato shan nuugmo.” Sidoo kale waxaa reebban haweenay la qabo, Eebbana waa Oge Falsan oo waxa fiican ku toosin dadka. An-Nisaa’ (23-24)

 

  1. Ruuxaan karin oo idin kamid ah awood uu ku guursado haweenka dhawrsoon ee rumeysan [Xaqa] ha guursado waxay hanatay gacmihiinnu oo ah gabdhaha rumeysan [Xaqa] Eebbana waa ogyahay iimaankiinna, qaarkiin qaar buu ka ahaaday, kuna guursada idanka ehelkooda u siiyana ujuurada [meherkooda] si fiican, iyagoo dhawrsoon oo xumaan [zino] ka dheer, saaxiibbana yeelanayn, haddii lagu dhawro [guur] ooy xumaan la yimaadaan korkooda waxaa ah nus waxa ah kuwa xorta ah oo ciqaab ah, arrintaas waa ruuxii ka cabsada zino, oo idin kamid ah, haddaadse samirtaan yaa idiin khayr roon, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.

 

  1. Wuxuu dooni Eebbe inuu idiin caddeeyo idinkuna hanuuniyo waddadii kuwii idinka horreeyey oo idinka tawbad aqbalo Eebbana waa Oge Falsan.
  2. Eebbe wuxuu dooni inuu idinka tawbad aqbalo waxayse dooni kuwii raacay waxa naftoodu jeceshahay inaad iilataan iilasho wayn.
  3. Wuxuu dooni Eebbe inuu idinka fudeydiyo, waxaase la abuuray dadka isagoo tabar yar.

 

Waa in guurku ahaadaa mid laga fiirsado, oo la guursadaa haweenka xorta ah ee dhawrsoon, haddii tabar loo waayana la guursado kuwa dhawrsoon ood hanataan haddaad xumaan ka yaabtaan, iyagoo la warsan ehelkooda, xumaan hadday falaanna waxaa la ciqaabi nus ciqaabta kuwa xorta ah. Tan kale Eebbe wanaag iyo hanuun yuu inala rabaa iyo fudayd, kuwa xumaanta iyo waxay naftoodu jeceshahay raacayse waxay idinla dooni inaad si weyn u dhuntaan. Wax badan baa kusoo arooray tabaryarida dadka. Xagga cibaadada iyo xagga dooniddaba. An-Nisaa’ (25-28)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow ha cunina xoolihiinna dhexdiinna [si baadil ah, xaaraam ah] inay ganacsi raalli aad tihiin tahay mooyee, hana dilina naftiinna, Eebbe wuxuu idiin yahay naxariistee.
  2. Ciddii u fasha arrintaas colnimo iyo dulmi waxaannu galin doonnaa Naar, arrintaasna Eebbe waa u fududdahay.
  3. Haddaad ka dheeraataan dambiyada waaweyn waxaan idinka reebeynno waxaannu ka asturi xaggiinna xumaantiinna waxaana idin galin meel fiican [sharaf leh].
  4. Ha tamaniyina wuxuu kaga fadilay Eebbe qaarkiin qaar, ragga waxaa u sugnaaday qayb waxay kasbadeen, haweenkana waxaa u sugnaaday qayb waxay kasbadeen, waydiista Eebbe fadligiisa, Eebbana wax kasta waa ogyahay.
  5. Cid kasta waxaan u yeellay kuwo dhaxla waxay ka tageen labada waalid iyo qaraabadu iyo kuwaad guntateen dhaar [is-dhaarsateen] siiya qaybtooda, [oo gargaar ah], Eebbana wax kasta waa u marag.

 

Aayadaha hore waxay caddayn xaaraanimada xoolaha dadka oo xaq-darro lagu cuno ganacsiga xalaasha ah ee lagu heshiiyase waa bannaan yahay, is-dilkuna waa reebban yahay illeen Muslimiintu waa naf kaliyee, ciddii saas fashana waxaa lagu ciqaabi Naar, haddii dambiyada waaweyn laga dhawrsadana Eebbe wuu dhaafi xumaanta kale Jannana wuu galin, xasadka iyo niyad-xumiduna waa la reebay, cid walbase waxaa u bannaan shaqo iyo kasab xalaal ah iyo inuu Eebbe wax warsado, cid walbana mudan waxay waalidku iyo qaraabadu ka tagaan, iyadoo wax laga siin ciddaad is-xidhiidhisaan, dambiyada waaweynna waxaa kamid ah: Gaalnimo, dil xaq-darro ee Muslim, ka-cararka Jahaadka, caasiga waalidka, zino ku-sheegga haweeney dhawrsoon, barashada sixirka, cunidda ribada iyo cunidda xoolaha agoonta. zinada, dhaarta beenta ah, iyo kuwo kale. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Dambiyada waaweyn toddoba waxay uga dhaw yihiin toddobaatan.” An-Nisaa’ (29-33)

 

  1. Raggaa u taagan [maamulka] haweenka, ka-fadilidda Eebbe qaarkood qaar iyo ku-nafaqaynta xoolahooda darteed, [haweenka] wanaagsan way adeecaan ilaaliyaanna maqnaasho ilaalinta Eebbe darteed, kuwaadse ka cabsataan caasinimadooda waaniya, kagana fogaada jiifka edbiyana, hadday idin adeecaanna ha u dalbina korkooda jid [inaad dhibtaan], Eebbana waa Sare Wayn.
  2. Haddaad ka cabsataan is-khilaafka dhexdooda u bixiya xaq-soore ehelkiisa ah iyo xaq-soore ehelkeeda ah, hadday doonaan wanaajinna Eebbe wuu is-waafajin dhexdooda, Eebbana waa Oge Xeeldheer.
  3. Caabuda Eebbe hana la wadaajinina waxba, labada waalidna u wanaag fala, iyo qaraabada, agoonta, masaakiinta, dariska dhaw, dariska durugsan, saaxiibka dhinaca, socotada iyo waxay hanatay gacmihiinnu, Eebbana ma jecla cidda kibirka badan ee faanka badan.

 

Ragga iyo haweenka Eebbaa isu abuuray mid walbana si u abuuray, una yeelay shaqooyin lagu kala habboon yahay sida uurka, nuujinta iyo wixii la mid ah, saas darteed mar haddii meel lagu wada nool yahay waa in ninku ilaaliyaa qoyska oo nafaqeeyaa, oo hoggaamiye u noqdaa, haweeneyda fiicanna waa tan suubban ee dhawrsoon, hadday gaftana waa la waanin, haddii laga noogana waa laga fogaan jiifka, lana edbin, hadday toosnaato wax jid ah laguma leh, hadduu khilaaf yimaadana waxaa loo bixin qaraabada labada dhinac, oo is-waafajin Eebbana waa in la caabudo waxna lala wadaajin, loona samo-falo waalidka, qaraabada, agoonta, masaakiinta, dariska dhaw, dariska durugsan, saaxiibka dhabta ah, socotoda, iyo waxa gacmahooda ku hoos jira. Kibir iyo faanna Eebbe ma jecla. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaa ku wareega ehelka Muxamed haween ka sheegan raggooda, raggaasina ma aha kuwo fiican.” Abuu Daawuud. Bal day aayadahan sida Islaamka ugu dadaali wanaagga, heshiiska, naxariista, iyo is-dhaqaalaynta iyo is-taakulaynta. Saaxiibka u fiican waa kan u fiican saaxiibkii. Imaam Axmed. Taasina waxay dharbaaxo ku tahay kuwa Islaamka iyo haweenkiisa wax ka sheega een wax kasayn. An-Nisaa’ (34-36)

 

  1. Oo ah kuwa bakhayla farana dadka bakhaylnimo, qarinna wuxuu siiyey Eebbe oo fadli ah, waxaana u darabnay gaalada cadaab wax dulleeya.
  2. Iyo kuwa u bixiya xoolahooda is-tuska dadka oon rumeyn Eebbe iyo Maalinta Dambe, ruuxii Shaydaan u noqdo saaxiib wuu xumaaday saaxiibkiis.
  3. Maxaa korkooda ah hadday rumeeyaan Eebbe iyo Maalinta Dambe oy bixiyaan qayb wuxuu ku arzuqay Eebbe? Ilaahayna waa ogyahay iyaga.
  4. Eebbe ma dulmiyo wax la eg darro [wax yar] hadday wanaag tahayna wuu laablaabaa wuuna ka siin agtiisa ajir weyn.
  5. Ee say ahaan markaan ka keenno ummad kasta marag oon kuu keenno adigana [Nabiga] kuwaas korkooda marag?
  6. Maalintaas waxay jeclaan kuwii gaaloobay oo caasiyey Rasuulka in lala simo [liqo] dhulka kamana qariyaan Eebbe hadal.

 

Bakhaylnimadu waa ceeb waana la caayey, waxaabase kasii daran inaad fartid dadka bakhaylnimo, waana inaad Xaqa wax ku bixin weydo, ama qariso wax wanaag ah ee Eebbe ku siiyey ama wax u bixiso is-tustus aadan dar Eebbe u bixinin, kuwaas Shaydaan baa ka saaxiib yeeshay, cidduu la saaxiibana way khasaartay, waase in la rumeeyo Eebbe iyo Qiyaamada waxna la baxsado, illeen Eebbe dadka kama dulmiyo wax yarnee, hadday wanaag tahayna wuu u laablaabi oo siin ajir weyn, xaalkuse sees noqon marka ummad walba marag loo keeno, Nabigana marag loogu keeno ummaddiisa? Maalintaas gaalada Rasuulka caasiday waxay jeclaan in dhulku la go‘o, cid wax ka qarin Eebbana ma jirto. Waxaa sugnaaday marka Eebbe u nicmeeyo addoon wuxuu jecel yahay inay ka muuqato raadkeedu. Cabdullaahi binu Mascuud wuxuu yidhi, “Rasuulkaa i yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeele), ‘Igu akhri Qur’aanka.’ Markaasaan idhi, ‘Ma waxaan kugu akhriyaa adoo lagugu soo dajiyey?’ Markaasuu yidhi, ‘Waxaan jeclahay inaan cid kale ka maqlo.’ Markaasaan ku akhriyey Suuratu Nisaa’ intaan ka gaadho, ‘Say ahaan markaan uga keenno ummad kasta marag?’ Markaasuu yidhi, ‘Waa ku filan tahay,’ isagoy indhihiisu ilmayn.” Bukhaari. An-Nisaa’ (37-42)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, haw dhawaanina salaadda idinkoo sakhraansan intaad ka garataan waxaad dhahaysaan, iyo idinkoo junub ah inaad jid gudbaysaan mooyee intaad ka maydhataan, haddaad tihiin kuwa buka ama safar ah ama ka yimid ruux idin kamid ah kortag, ama taabataan haweeneey aadanna helayn biyo ku gagabaysta carro wanaagsan, kuna masaxa [mariya] wajiyadiinna iyo gacmihiinna, Eebbana waa cafiye dambi dhaafa.
  2. Ka warran kuwa la siiyey qayb Kitaabka ah [Tawreed] oo gadan baadi doonina inaad ka dhuntaan Jidka?
  3. Eebbaa og colkiinna, waxaana ku filan Eebbe, wuxuuna ugu filan yahay Eebbe Gargaare.
  4. Kuwii yahuudoobay waxay ka leexin kalimooyinka meelahooda waxayna dhihi, “Waan maqalnay oon caasinay, maqla ha maqlinee,” waxayna [dhihi], “Na ilaali,” iilid carrabkooda iyo durid Diinta [Islaamka] darteed, hadday dhahaan, “Waan maqalnay waana adeecnay ee maqal na dayna,” saasaa u khayr roonaan lahayd una toosnaan lahayd, laakiin waxaa lacnaday Eebbe gaalnimadooda darteed mana rumeeyaan wax yar mooyee.

 

Ruuxaan kasayn wuxuu ku hadli ma bannaana inuu salaadda galo, sidii kuwii tukanaayey iyagoo wax maskaxda dooriyey cabba, tan kale Eebbe ma cidhiidhyin Muslimka, oo cidda junubta, ama jirran, ama safar ah, ama kortaga, ama haween taabta oon biyo helin wuu gagabaysan, taasoo ah inuu carrada wajiga iyo gacmaha mariyo, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Dhulka masjid baa nalooga dhigay carradiisana daahir.” Aayadaha kale waxay ka warrami Yuhuud iyo xumaantooda iyo say Xaqa uga leexdeen, una leexiyeen, haddallo xun iyo dhibna ay ugu hadlaan. Taasina waa waxa Eebbe ku nacladay uguna cadhooday, waana caado ay iska leeyihiin oy iska dhaxleen Xaq-diidka iyo xumaan-jacaylka. An-Nisaa’ (43-46)

 

  1. Kuwa la siiyey Kitaabkow, rumeeya waxaan soo dajinnay isagoo rumeyn waxaad haysataan ka hor tirid wajiyaal oon u celinno gadaasheeda ama nacladno sidaan u nacladnay asxaabtii [kuwii] Sabtida [Yuhuudda] amarka Eebbana waa kan la falo.
  2. Eebbe ma dhaafo in lala wadaajiyo, wuxuuse ka dhaafaa waxaa wixii kasoo hadhay cidduu doono, ruuxii la wadaajiyo Eebbe wuxuu been-abuurtay dambi weyn.
  3. Ka warrama kuwa daahirin [amaani] naftooda, Eebbaa daahiriya cidduu doono lagamana dulmiyo waxa ku dhaggan jeex laf timireed [wax yar].
  4. Day siday ugu been-abuuran Eebbe isagaa ugu filan dambi cad.
  5. Ka warran kuwa la siiyey qayb Kitaabka ah oo rumeyn sixir iyo Shaydaan, una dhihi kuwa gaaloobay, “Kuwaasaa ka hanuunsan [toosan] kuwa rumeeyey jidkooda.”
  6. Kuwaas waa kuwuu nacladay Eebbe, cid Eebbe nacladayna uma heshid gargaare.

 

Waxaase loogu yeedhi gaalada ehlu-Kitaabka ah inay rumeeyaan Qur’aanka rumeeyey Kutubtii hore intaan Eebbe doorinin, ama nacladin siduu u nacladay kuwii Sabtida dambaabay ee Yuhuudeed. Eebbana waa ka dhaafaa dadka waxaan gaalnimo ahayn, gaalnimose waa dambi weyn, mana aha inay is-amaanaan, Eebbaa og cidda ammaan mudane, been-abuurasho, xumaan iyo Shaydaan la rumeeyo, iyo sheegasho ka toosnaanta Muslimiinta waxay sabab u tahay naclad, wax u gargaarana ma helaan. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Dulmigu waa saddex: midkood ma dhaafo Eebbe, midna wuu dhaafaa, midna kama tago, kuusan dhaafayn waa gaalnimada, kuu dhaafi waa dambiga kale, kuusan ka tagayna waa is-dulminta dadka qaarkood qaar ilaa isaga abaal mariyo.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. An-Nisaa’ (47-52)

 

  1. Mise waxay leeyihiin qayb xukunka oo markaas ayan siinayn dadka laf timir duleelkeed [wax buuxiya].
  2. Mise waxay ku xasdi dadka waxa Eebbe siiyey oo fadli ah, waxaan siinay ehelkii Ibraahiim Kitaabka iyo xikmad, waxaana siinnay xukun wayn.
  3. Waxaase kamid noqday mid rumeeya [Xaqa] waxaana kamid ah mid ka jeediya Xaqa, waxaa ugu filan Jahannamo gubid.
  4. Kuwii ka gaaloobay aayaadkannaga waxaanu galin Naarta, mar kastoos gubto haraggoodu waxaan ku baddalnaa hargo kale si ay u dhadhamiyaan cadaabka, Eebbana waa Adkaade Falsan.
  5. Kuwa rumeeyey [Xaqa] oo falay camal fiican waxaan galinaynaa Jannooyin ay dareeri dhexdeeda wabiyaal, oyna ku waari dhexdeeda waligood, waxayna ku mudan haween la daahiriyey waxaana galinaynaa hoos fiican.

 

Aayaduhu waxay caddayn xasadka Yuhuud iyo inayna u oggolayn Muslimiinta wanaag iyo khayr sidii iyagoo awoodda wax ku leh, Eebbe cidduu doono yuu siiyaa Kitaab iyo xikmad iyo xukun, ciddii Xaqa rumeysa iyo tii ka jeedsatana waa uun laga abaalmarin, kuwa gaaloobana oo beeniya aayaadka Eebbe waxay gali Naar gubi jidhkooda mar kastoy gubatana lagu baddali mid kale si ay u dhadhamiyaan cadaabka, kuwa Xaqa rumeeyeyna oo camal fiican fala waxay gali Janno oy ku waari oo wanaagsan. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Jannada waxaa ku yaal geed uu socon hooskeeda mid saaran gaadiid boqol sano oosan goynayn.” Waa saxiix. An-Nisaa’ (53-57)

 

  1. Eebbe wuxuu idin fari inaad u guddaan [siisaan] amaanada ehelkeeda [ciddeeda] haddaad kala xukumaysaan dadkana inaad ku kala xukuntaan caddaalad, Eebbe waxaa wanaagsan wuu idinku waanin Eebbana waa Maqle Arka.
  2. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, adeeca Eebbe oo adeeca Rasuulka iyo kuwa amarka leh oo idin kamid ah, haddaad ku dooddaan arrin u celiya Eebbe iyo Rasuulka haddaad tihiin kuwo rumeeyey Eebbe iyo Maalinta Dambe [Qiyaamada] saasaana khayr roon oo wanaag badan xagga abaalmarinta.
  3. Ka warran kuwa sheegan inay rumeeyeen waxa lagugu soo dejiyey iyo waxa lagu dejiyey kuwii kaa horreeyay oo ku xukuntami Shaydaan, iyagoo la faray inay diidaan, wuxuuna dooni Shaydaanku inuu baadiyeeyo baadi fog.
  4. Marka lagu dhaho, “U kaalaya wuxuu soo dejiyey Eebbe iyo xagga Rasuulka,” waxaad arkaysaa munaafiqiinta oo kaa jeedsan jeedsasho.

 

Amaanadoo la dhawro loona celiyo ciddeeda iyo caddaaladda dadka lagu maamulo laguna kala xukumo waa waxyaalaha waawayn oy Diinta Islaamku fari, sidoo kale Eebboo la adeeco iyo Rasuulka iyo kuwa xaqa wax ku hoggaamin oo culimada iyo xaakimka Muslimiinta ah, wixii dood ahna loo celiyo Eebbe iyo Rasuulkiisa saasaana wanaag badan, kuwa munaafiqiinta ah oo dooni inay Shaydaan iyo wax leexsan isku xukumaan oo ka baxsan Qur’aanka iyo Islaamka kuwaas Shaydaan baa dhumiyey, marka Qur’aanka iyo Rasuulka loogu yeedhana way jeedsadaan. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Adeeciddu waa uun waxa fiican.” Mar kalana wuxuu yidhi, “Layskuma adeeco xumaan.” Taasoo ah in khayrka laysku maqlo, waxa xunse laysku raacin. An-Nisaa’ (58-61)

 

  1. Say noqon markay ku dhacdo musiibo [dhibaato] waxay hor marsadeen gacmahoodu darteed, markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaran Eebbe inaanaan doonin waxaan wanaag iyo tawfiiq ahayn.
  2. Kuwaasu waa kuwa ogyahay Eebbe waxa quluubtooda ku sugan ee ka jeedso xaggooda waanina waxaadna u dhahdaa naftooda hadal xeel dheer.
  3. Umaanaan dirin Rasuul in la adeeco mooyee idanka Eebbe, hadday markay dulmiyaan naftooda ay kuu yimaadaan oy dambi-dhaaf waydiistaan Eebbe una dambi-dhaaf waydiiyo Rasuulku waxay Eebbe [ogaan] dambi-dhaafe naxariista.
  4. Eebbahaa baan ku dhaartaye ma rumeeyaan intay kugu xukuntamaan waxa dhex mara oyna ka helin naftooda dhib waxaad xukuntay ooy hoggaansamaan hoggaansi.

 

Waxaa kamid ahayd caadada munaafiqiinta inay dhib iyo xumaan ula joogaan Nabiga iyo mu’miniinta, markay musiibo ku dhacdana ay Nabiga u yimaadaan iyagoo ku dhaaran Eebbe inayan waxaan wanaag ahayn rabin, Eebbena waa ogyahay waxa quluubtooda ku sugan ee waa in la waaniyo oo laga jeedsado. Nabiyadana waxaa loo diray in lagu adeeco idanka Eebbe, haddaadse tawbad keentaan oo Xaqa u noqotaan Eebbe waa u dhaafi lahaa, Xaqana ma rumeeyaan intay uga hoggaansamaan xukunka Rasuulka wax dhib ahna ayna ka helin. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbaan ku dhaartaye, midkiin ma rumeeyo intuu ka raaco waxaan la imid.” An-Nisaa’ (62-65)

 

  1. Haddaan ku faral-yeello korkooda dila naftiinna ama ka baxa guryihiinna ma faleen wax yar oo kamid ah mooyee, hadday falaan waxa lagu waanin yaa u khayr roon kuna daran [adag] sugnaan [rumeyn].
  2. Markaasaan ka siin lahayn agtannada ajir wayn.
  3. Waxaana ku hanuunin lahayn Jid Toosan.
  4. Ciddii adeeca Eebbe iyo Rasuulka kuwaasu waxay ahaan la-jirka kuwuu u nicmeeyey Eebbe, oo Nabiyada, rumeeyayaasha, shuhadada iyo kuwa suubban, waxaana u fiican rafiiq kuwaas.
  5. Arrintaasuna waa fadliga Eebbe, waxaana ku filan Eebbe ogaansho.

 

Wuxuu ka warrami Eebbe in haddii dadka badankiis la faro inay falaan waxay sameyn oo xumaan ah ma ayan yeeleen, wax yar mooyee, waxaase fiican inay maqlaan waxa lagu waanin, markaasuu Eebbe siin lahaa ajir wayn, toosinna lahaa ciddii Eebbe adeecda iyo Rasuulka wuxuu Jannada la gali kuwa Eebbe u nicmeeyey oo ah Nabiyada, rumeeyayaasha, shuhadada iyo kuwa suubban, waana wehelka u fiican, arrintaasuna waa fadliga Eebbe isagaana ku filan ogaade. Rabiica binu Kacab waxaa laga wariyey inuu Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ku yidhi, “Wax warso,” markaasuu yidhi, “Waxaan rabaa inaan kugula rafiiqo Jannada,” markaasuu yidhi, “Waxaas waxaan ahayna?” Wuxuuna yidhi, “Waa intaas,” markaasuu yidhi, “Iigu kaalmee naftaada badinta sujuudda.” Waxaa wariyey Muslim. Taasina waxay ku tusin inay lagama maarmaan tahay in la camal-falo, laguna dadaalo khayrka iyo wanaagga si loo haleelo kuwa fiican. An-Nisaa’ (66-70)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, qaata digtoonidiinna duulana idinkoo kooxkoox ah, ama duula dhammaan.
  2. Waxaa idin kamid ah [munaafiqiin] cabsiin [dib marin], hadday idinku dhacdo musiibo [dhibaato] wuxuu dhahaa, “Waxaa ii nicmeeyey Eebbe korkayga haddaanan la joogin.”
  3. Hadduu idin soo gaadho [heshaan] fadli Eebbe [khayr] wuxuu dhihi sidii isagoo ayna ahayn dhexdiinna jacayl, “Shallaaytee maxaan ula joogi waayay, oon liibaano liibaan wayne.”
  4. Ha kula dagaallameen Jidka Eebbe kuwa ku gatay nolosha dhaw Aakhiro [doorta adduun], ruuxii ku dagaallama Jidka Eebbe oo la dilo ama adkaada waxaan siinaynaa ajir wayn.

 

Jahaadku iyo meel-marinta Xaqa iyo difaaca Diinta iyo dalka Islaamka waa waajib sugan, iyadoo laga wada qayb qaadan, waxaase jira kuwo munaafiqiin ah oo dadka cabsi galin, marka dhib dhacana yidhaahda, “Eebbaan i raacinin,” marka guul la helana yidhaahda, “Maxaan ula joogi waayay?” Waxayna ku tusin aayaddu wanaagga Eebbe u darbay cidda lagu dilo Jahaadka ama adkaata, taasoo ku tusin inaan laga adkaanayn Muslimiinta markay kulmistaan iimaan dhab ah, isku-duubni iyo u-darbasho, hase yeeshee markay Xaqa ka leexdaan oo kala tagaan sida muuqata ayaamahan waxaa ku dhiirran cadawgooda oo ka adkaan, waase inay is-gaadhaan intay goori goor tahay. An-Nisaa’(71-74)

 

  1. Maxaad leedihiin ood ugu dagaallami waydeen Jidka Eebbe, iyagoo kuwa la daciifsan [tabarta yaraa] oo rag iyo haween iyo carruurba ay leeyihiin, “Eebbow naga bixi magaaladan daalimiinta ah ehelkeedu noogana yeel agtaada wali iyo gargaare.”
  2. Kuwa [Xaqa] rumeeyey waxay ku dagaallami Jidka Eebbe, kuwa gaaloobayna waxay ku dagaallami jidka Shaydaanka, ee la dagaallama sokeeyaha Shaydaanku, dhagarta Shaydaanku waa tabar yar yahaye.
  3. Ka warran kuwa loo yidhi [billowgii Islaamka], “Reeba gacmihiinna, oogana salaadda, bixiyana zakada,” markii lagu faral-yeelay dagaalkana waxaa soo baxay koox kamid ah oo uga cabsan dadka cabsida Eebbe oo kale ama ka daran cabsi, waxayna dhaheen, “Eebbow maxaad noogu faral-yeeshay dagaalka? Maxaad dib noogu dhigi wayday tan iyo muddo dhaw?” Waxaad dhahdaa, “Raaxada adduunyo waa yar tahay, Aakhiraana u khayr roon ciddii dhawrsan, laydin kama dulmiyo fatiil oo kale [wax yar].”

 

Aayaduhu waxay ku boorrin Muslimiinta inay jahaadaan oo dagaallamaan mar hadday Muslimiin rag, haween iyo carruurba leh oo tabar yar jiraan lana dullayn, dagaalkuna waa mid xaq ah oo dar Eebbe ah iyo mid xaq-darro oo jid Shaydaan ah, waana in lala dagaallamo gargaaraha Shaydaanka, waana tabar yar yahay, mana aha in lagu dagdago dagaalka ee waa in cibaadada la badiyo lana adkaysto Jahaadka cabsida dhabta ahna laga cabsadaa Eebbe, lana ogaado inay nolosha adduun tahay wax yar oo tagi. Xasan al-Basri wuxuu yidhi, “Eebbe ha u naxariisto addoon kula noolaaday adduunyada qadarkeeda, adduunyana ma aha billowgeed iyo dhammaadkeed waxaan ahayn ruux seexday oo ku arkay hurdada wuxuu jecel yahay soona baraarugay.” An-Nisaa’ (75-77)

 

  1. Meeshaad ahaataanba wuu idin haleeli mawdku [geeridu] aad ahaateenba daaro dheerdheer oo la adkeeyey, hadday taabato wanaag waxay dhahaan, “Tani waxay ka timid xagga Eebbe,” hadday ku dhacdo xumaanna waxay dhahaan, “Tani waxay ka timid agtaada [Nabiga],” waxaad dhahdaa, “Dhammaan waxay ka ahaadeen Eebbe agtiisa,” maxaa u sugnaaday qawmkaas uma dhawa inay fahmaan hadale.
  2. Wixii kusoo gaadha oo wanaag ah waxay ka ahaadeen Eebbe, wixii kugu dhaca oo xumaan ahna waxay ka ahaatay naftaada,waana kuu diray dadka adoo Rasuul ah, wuuna ku filan yahay Eebbe marag.
  3. Ruuxii adeeca Rasuulka wuxuu dhab u adeecay Eebbe, ruuxii jeedsadana kuugu maanaan dirin ilaaliye.
  4. Waxay dhihi [munaafiqiintu], “Daacad [baan nahay],” markay ka tagaan agtaadana waxay maamulaan [habeenkii] koox kamid ah waxay leedahay waxaan ahayn, Eebbana wuu qori waxay maamuli [miri] ee ka jeedso xaggooda talana saaro Eebbe, waxaana ku filan Wakiil Eebbe.

 

Meel kastoo la joogo waa la dhiman si kasta ha laysu ilaaliyo ama guryo adag ha la galee, wax kastana waxay ku hoos jiraan awoodda Eebbe ee ma aha in gaaladu xumaanta iyo musiibada u tiiriyaan Nabiga, waxaase jirta in dadka laga abaal-mariyo waxay kasbadeen khayr iyo sharba. Rasuulkana wuxuu Eebbe u diray dadka, Eebbaase Wakiil ilaaliye ah ugu filan dadka. Ruuxii adeeca oo raaca Rasuulka wuxuu adeecay Eebbe, ruuxii jeedsadase waxba Nabiga kama saarna, waana munaafaqnimo in la muujisto Xaq-rumayn, markii la fogaadana la diido Xaqa oo wax kale la falo, Eebbaase arka kuwaas oo abaal-marin. An-Nisaa’ (78-81)

 

  1. Miyeyna fiirfiirinayn Qur’aanka, hadduu ka yimid Eebbe agtiisa meel aan ahayn waxay ka heli lahaayeen dhexdiisa is-khilaaf badan.
  2. Markuu u yimaaddo amar nabadgalya ah ama cabsi way faafiyaan, hadday u celiyaan xagga Rasuulka ama kuwa cilmiga leh oo kamid ah waxaa ogaan lahaa kuwa lasoo baxa [dhabta] oo kamid ah, hadduusan jirin fadliga Eebbee korkiinna iyo naxariistiisa waad raaci lahaydeen Shaydaan wax yar mooyee.
  3. Ee ku dagaallan Jidka Eebbe lama mashaqayn naftaada mooyee, kuna boorri mu‘miniinta [dagaalka] wuxuu u dhawyahay Eebbe inuu idinka reebo dhibka kuwa gaaloobay, Eebbaana daran dhib daranna xanuujin.
  4. Ruuxii shafeeca shafeeco wanaagsan waxaa u ahaada qayb kamid ah, ruuxiise shafeeca shafeeco xun waxaa u ahaan dambi kamid ah, Eebbaana wax kasta ilaaliya.

 

Wuxuu farayaa Eebbe in Qur’aanka si fiican loo fiiriyo, lana kaso macnihiisa, illeen xagga Eebbuu ka ahaadaye, wax is-burin ahna kuma jirto sida hadallada kale, markay arrin muhiim ah soo daristana waxaa Eebbe faray in loo celiyo Rasuulka iyo kuwa u cilmi leh, Shaydaanna laga digtoonaado, Jidka Eebbana lagu jahaado, cid walbana waxay la kulmi shafeecadeeda abaalkeedii samaan iyo xumaanba. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaa uun halaagay ummadihii idin ka horreeyay isku-khilaafkii Kitaabkoodii.” Mar kalana wuxuu yidhi, “Waxaa ugu filan ruux been inuu ka sheekeeyo wuxuu maqlay oo dhan.” An-Nisaa’ (82-85)

 

  1. Haddii laydin salaamo salaan ku salaama mid ka fiican ama ku celiya [mid la mid ah] Eebbana waa wax kasta Xisaabiye [Kaafiye].
  2. Eebbe ilaah [kale xaq lagu caabudo] ma jiro isaga mooyee wuuna idiin soo kulmin maalinta Qiyaame, shaki ma leh, yaa ka run badan Eebbe hadal? [Ma jiro.]
  3. Maxaad leedihiin [mu’miniinta] ood munaafiqiinta laba kooxood ugu noqoteen [in la laayo iyo in kale]? Eebbe wuu halaagay [oo celiyey] waxay kasbadeen dartiis, ma waxaad doonaysaan inaad hanuunisaan cidduu dhumiyey Eebbe? Ruuxuu dhumiyo Eebbana uma heshid waddo [hanuun].
  4. Waxay jecel yihiin [munaafiqiintu] inaad gaalowdaan siday u gaaloobeen ood isku mid noqotaan, haka yeelanina xaggooda sokeeye intay uga hijroodaan Jidka Eebbe, haddayse jeedsadaan qabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, hana ka yeelanina xaggooda sokeeye iyo gargaare [midna].
  5. Kuwa gaadhi qawm dhexdiinna iyo dhexdooda ballan [heshiis] yahay mooyee, ama idiin yimid iyadow cidhiidhyan tahay laabtoodu inay idinla dagaallamaan ama la dagaallamaan qawmkooda, hadduu doono Eebbe wuu idinku diri lahaa wayna idin la dagaallami lahaayeen haddayse idinka dheeraadaan oyan idin la dagaallamin oy idiin soo hormariyaan nabadgalyo, idiin ma yeelin Eebbe korkooda jid [xaq kuma lihidiin dagaal].

 

Salaantu waa calaamadda Muslimiinta, ruuxii ku salaamana waa inaad u celisaa mid ka fiican ama la mid ah. Qiyaamana waa la kulmi, Eebbana waa run badane, mana aha in gaalada lala kala safto ama laysku khilaafo xaalkooda, iyaguba waxay jecel yihiin in Muslimiintu gaalowdo siday iyagu u gaaloobeen, hana ka yeelanina sokeeye iyo gargaare midna, kuwiise la nool kuwo aad ballan leedihiin ama idinla dagaallamin nabadgaliya, ciddii idin nabadgalisa nabadgaliya, tii idinla col ahna la dagaallama, waana taas caddaaladda iyo wanaagga Islaamku dagaallan ma jecla. An-Nisaa’ (86-90)

 

  1. Waxaad helaysaan kuwa kale oo dooni inay idin nabadgaliyaan, oo nabadgaliyaan qawmkooda [daahirka], mar kastoo loo celiyo gaalnimana waa lagu dedejiyaa dhexdiisa, haddayna idinka dheeraan ooyan idin siinin nabadgalyo ooyan idinka reebin gacmahooda qabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, kuwaasna waxaan idiinka yeellay xujo cad.
  2. uma habboona [bannaana] ruux mu’min ah inuu dilo mu‘min si gaf ah mooyee, ruuxii u dila mu‘min gaf waxaa saaran xorayn qoor mu‘min, iyo mag la siiyo ehelkiisii, inay sadaqaystaan moyee, hadduu kamid yahay qawm aad col tihiin isna mu‘min yahay waxaa saaran xorayn qoor mu‘min, hadduu kamid yahay qawm ballan idin dhex yaal waxaa saaran mag la siiyo ehelkiisii iyo xorayn qoor mu’min ah, hadduusan helin [qoorna] wuxuu soomi laba bilood oo is-raacraacsan, waana tawbad Eebbe, Eebbana waa Oge Falsan.
  3. Ruuxii u dila mu’min si kas ah, abaalkiisu waa Jahannamo oos ku waari dhexdeeda, wuuna u cadhoon Eebbe wuuna lacnadi wuxuu u darbi cadaab wayn.

 

Waxaa jirta munaafiqiin ku gabban Islaamka jecelse gaalnimada kuwaas haddayna nabadgalinin Muslimiinta waa in layska celiyo. Aayadaha kale waxay ka warrami inayan bannaanayn in naf mu‘min loo dilo xaq-darro, ciddiise si gaf ah u disha waxaa saaran xorayn qoor iyo mag la siiyo ehelkiisa, haddii la waayana soon laba bilood oo is-raacraacsan, waa tawbad fiican, ciddiise kas u disha si xaq-darro ah ruux mu‘min ah abaalkiisu waa Jahannamoos ku waaro, cadho iyo lacnad Eebbe iyo cadaab wayn, maxaa yeelay ma fududa nafta Muslimku ee waa qaali mana bannaana in lagu xadgudbo. Waxaa sugnaatay, “Adduunkoo taga (rogmada) yaa ka sahlan Eebbe agtiisa dil ruux Muslim ah,” mar kalana wuxuu yidhi Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Hadday u kulmaan waxa samaawaadka iyo dhulka ku sugan inay dilaan Muslim wuxuu Eebbe ku tuuri lahaa Naarta.” Taasina waxay ku tusin sida Islaamku u dhawray xuquuqda dadka iyo noloshiisa, iyo qaalinimada iyo sharafta Muslimka mar hadduu ka wayn yahay adduunka oo dhan iyo waxa ku sugan. An-Nisaa’ (91-93)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, markaad u safartaan Jidka Eebbe wax caddaysta [hubsada] hana dhihina ruux salaan idiin soo gudbiyey “Ma tihid mu‘min,” idinkoo dooni dhalanteedka nolosha dhaw, Eebbe agtiisa yey tahay qaniimooyin badan, saasaad ahaydeen horay waxaana idinku mannaystay Eebbe korkiinna, ee caddaysta [hubsada], Eebbana waxaad camal-falaysaan waa ogyahay.
  2. Ma sinna kuwa fadhiya ee mu‘miniinta ah oon kuwa dhibban ahayn iyo kuwa kula jahaadi Jidka Eebbe xoolahooda iyo naftooda, wuu ka fadilay Eebbe kuwa ku jahaaday xoolahooda iyo naftooda kuwa fadhiya darajo, dhammaanna wuxuu u yaboohay wanaag, wuuna kaga fadilay Eebbe kuwa jahaaday kuwa fadhiya ajir wayn.
  3. Waa darajooyin xaggiisa ah iyo dambi-dhaaf iyo naxariis, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariiista.

 

Aayadahanna waxay caddayn inaan lagu dagdagin dilka dadka hadday Islaanimo muujiyaan iyadoo la dooni in xaqooda la bannaysto, illeen cid walba mar bay dhunsanayd Eebbaana hanuuniyee, iyo inayna ekeyn mu‘miniinta cudur la‘aan ka fadhiista Jahaadka iyo kuwa ku jahaada xoolahooda iyo naftooda Jidka Eebbe, wuxuu Eebbe ka fadilay kuwa ku jahaada Jidka Eebbe kuwa ka fadhiista, in kasta oo mu‘min dhammaantiis Eebbe wanaag u darbay, haddana wuxuu Eebbe siin kuwa Jidkiisa ku jahaada darajooyin waawayn, dambi-dhaaf iyo naxariis. Waxayna ku tusin aayaduhu in wax la hubsado een lagu dagdagin ciddaan la hubin gaalnimadiisa, iyo in Jidka Eebbe ku-jahaadkiisu leeyahay fadli iyo ajir wayn. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Jannada waxaa ah boqol darajo oo Eebbe u darbay kuwa ku jahaada Jidkiisa, labadii darajana waxaa u dhaxaysa sida cirka iyo dhulka.” Wakaas fadliga Jahaadka, waa ciziga iyo sharafta mu‘miniinta iyagoon cidna dulmiyeyn, markayse ka tageen Jahaadka waa kuwaas dulloobay ee la addoonsaday ee la qaybsaday iyagoo dhulkoodii laga xoogay lagana saaray. An-Nisaa’ (94-96)

 

  1. Kuway oofsato malaa‘igtu iyagoo dulmiyey naftooda waxay ku dhahaan, “Maxaad ahaydeen?” waxayna dhahaan, “Kuwo lagu daciifsaday [tabar yar] dhulka,” waxayna dhahaan [malaa‘igtii], “Miyeyna ahayn dhulka Eebbe waasac ood ku hijrootaan dhexdeeda?” Kuwaas hoygoodu waa Jahannamo wayna u xun tahay aaye.
  2. Kuwa la daciifsado oo rag, haween iyo carruur oon tabar lahayn kuna toosi karin jidka mooyee.
  3. Kuwaas wuxuu u dhawyahay Eebbe inuu iska cafiyo xaggooda, Eebbana waa Saamaxe dhaafa [dambiga].
  4. Ruuxii ku hijrooda Jidka Eebbe wuxuu ka heli dhulka magangal badan iyo waasacnimo, ruuxii ka baxa gurigiisa isagoo u hijroon xagga Eebbe iyo Rasuulkiisa markaas uu haleelo mawdku [geeridu] wuxuu ku sugnaaday ajrigiisu Eebbe [fadli dartiis] Eebbana waa [dambi] dhaafe naxariista.

 

Diinta Islaamku ma oggola inay ku dullaysato gaalo adoo Muslim ah, maxaa yeelay waa laga fogaan karaa si loogu darbado Jahaadkooda siday faleen Muslimiintii hore, hase yeeshee dadka tabarta yar ee ah rag, haween iyo carruurba dhib ma saarna hadday ku dhex noolaadaan Eebbana wuxuu u dhawyahay inuu iska saamaxo, ruuxiise dar Eebbe u hijrooda wuxuu ka heli dhulka khayr iyo waasacnimo, ciddii ka baxda gurigeeda iyadoo u hijroon dar Eebbe iyo Rasuulka oo dhinta kuwaas Eebbaa ajir iyo wanaag ku abaal-marin. Taasina waxay ku tusin inay waajib tahay in la wanaajiyo niyada, siduu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) uu yidhi, “Camalku waa uun niyo, cid walbana waxay mudan waxay niyooto…” Tan kale waa inaan Muslim qaadanin dullaynta gaalada, uuna dulliga gaalada ka baxo si kasta oo suurowda oo hijro iyo ka-durkid ah, isagoo la jahaadi. An-Nisaa’ (97-100)

 

  1. Haddaad ku safartaan dhulka ma aha korkiinna dhib [dambi] inaad gaabisaan salaadda haddaad ka cabsataan inay idin fidmeeyan [dhibaan] kuwa gaaloobay, gaaladuna waxay idiin yihiin col cad.
  2. Markaad tahay dhexdooda [Muslimiinta] ood u oogto salaadda ha is-taagto koox kamid ah agtaada hana qaateen hubkooda, markay sujuudaan ha ahaadeen gadaashiinna, hana timaaddo koox kale oon tukanin hana tukadeen la-jirkaaga hana qaateen digtoonidooda iyo hubkooda, waxay jecel yihiin kuwa gaaloobay inaad halmaantaan hubkiinna iyo alaabtiinna oo markaas ay idin soo weeraraan mar kaliya [idinku kadiyaan]. Korkiinna ma aha dhib hadduu idin hayo dhib roob ah ama aad tihiin kuwa buka inaad dajisaan hubka, qaatana digtoonidiinna, Eebbana wuxuu u darbay gaalada cadaab wax dulleeya.

 

Aayadda hore waxay ka warrami inay bannaan tahay gaabinta salaadda marka socotada la yahay, taasoo ah in Duhurka, Casarka iyo Cishaha labolabo laga tukado, waana naxariis Eebbe iyo fududayn. Aayadda kale waxay ka warrami salaadda waqtiga dagaalka iyo sida loo tukan, oo ah qawmna tukan qawmna ilaalin colka iyagoo hubka haysta. Taasina waxay ku tusin waynida salaadda iyo jameecaadka iyo inaan laga tagayn. Tan kale waxay ku tusin ahmiyadda Jahaadka iyo darbashada. Arrinta salaadda dagaalka iyo cabsida waxay ku faahfaahsan tahay kutubaha, waxaase muhiim ah in la ogaado waynideeda iyo waajibnimadeeda. An-Nisaa’ (101-102)

 

  1. Markaad gudataan salaadda xusa Eebbe taagni, fadhi iyo dhiniciinnaba [jiif] markaad xasishaanna [aamin noqotaan] ooga salaadda [dhammeeya]. Salaaddu waxay ku tahay mu‘miniinta xukun waqtiyeysan [muddaysan].
  2. Haka daciifina [jilcina] doonidda qawmka [gaalada], haddaad tihiin kuwa xanuunsan iyaguba way xanuunsan sidaad u xanuunsanaysaan, waxaadna ka rajaynaysaan Eebbe waxayna ka rajaynayn, Eebbana waa Oge Falsan.
  3. Annagaa kugu soo dajinnay Kitaabka si xaq ah inaad ku kala xukunto dadka dhexdiisa wuxuu ku tusiyo Eebbe, hana u noqonin khaa‘in u-doode.
  4. Dambi-dhaaf warso Eebbe, Ilaahay waa dambi-dhaafe naxariista.
  5. Haka doodin kuwa khayaamayn naftooda, Eebbana ma jecla khayaamo-badane dambi badan.
  6. Waxay iska qarin dadka iskamana qariyaan Eebbe isagoo la jooga markay maamuli wuxuusan raalli ka ahayn oo hadal ah, Eebbana waxay camal-fali wuu koobay.
  7. Idinku kuwaasow waad ka dooddeen xaggooda nolosha adduunyo, yaase ka doodi xaggooda maalinta Qiyaame ama u noqon wakiil?

 

Aayadahanna waxay caddayn in Eebbe la xuso salaadda dabadeed iyo si kastoo la yahay, markaan dagaal la jooginna salaadda la dhammaystiro, tan kale waa inaan Jahaadka laga cabsanin illeen haddaynu xanuunsan gaaladuba way xanuunsane waxaynnu Eebbana ka rajayn Janno iyo liibaan ayna iyagu rajaynayn. Qur’aankana waxaa loo soo dajiyey in laysku xukumo, xumaantana waa inaan garab la siin, Eebbana dambi-dhaaf la warsado oon lagana doodin xagga kuwa khaa‘imiinta ah, ee dadka iska qarin, Eebbana aan iska ilaalinayn markay wax qarsan, cid Qiyaame wax u tarina ma jirto. An-Nisaa’ (103-109)

 

  1. Ruuxii fala xumaan ama dulmiya naftiisa [dambaaba] markaas dambi-dhaaf warsada Eebbe wuxuu ka heli [ogaanna] isagoo dambi-dhaafe ah naxariistana.
  2. Ruuxii kasbada danbi wuxuu uun u kasbaday naftiisa [dhibkeeda] Eebbana waa oge Falsan.
  3. Ruuxii kasbada gaf ama dambi markaas ku gana dambiga [ku sheega] mid barii’ ah wuxuu xambaartay been-abuurasho iyo dambi cad.
  4. Hadduusan jirin fadliga Eebbee korkaaga iyo naxariistiisa waxay hammin lahayd koox [dooni lahayd] oo kamid ah inay ku dhumiyaan mana dhumiyaan naftooda mooyee mana kaa dhibaan waxba, wuxuuna kugu soo dajiyey Eebbe Kitaabka iyo Xikmadda wuxuuna ku baray waxaadan aqoon fadliga Eebbana korkaaga waa ku wayn yahay.
  5. Khayr ma leh wax badan oo faqooda ah, oon ahayn mid fara sadaqo ama wanaag ama hagaajin dadka dhexdooda, ruuxii fala saas doonid raalli ahaanshaha Eebbe waxaanu siin ajir wayn.
  6. Ruuxii khilaafa Rasuulka kadib intuu u caddaaday hanuunku oo raaca jidka mu‘miniinta midaan ahayn waxaa uga wali yeeleynaa wuxuu yeeshay, waxaana galinaynaa Jahannamo iyadaana u xun meel loo ahaado.

 

Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Wuxuu uga warramay Eebbe addoomadiisa cafigiisa, dulqaadkiisa, deeqdiisa, naxariistiisa waasaca ah iyo dambi-dhaafkiisa, ruuxii dambaaba ha yaraado ama ha waynaado oo dambi-dhaaf warsada Eebbe, wuxuu heli Eebbe oo dambi-dhaafi oo naxariisan, haba ka waynaato samaawaadka iyo dhulka iyo buuraha.” Tan kale gaaladu waxay uun baadiyeyn naftooda. Eebbana wuxuu siiyey Nabiga Kitaab iyo Xikmo wuxuuna baray wuxuuna aqoonin. Eebbaana fadli wayn siiyay. Faq aan wanaag ahayna ma fiicna, ciddii ka leexata Jidka Nabiga iyo mu’miniintana wuxuu galin Naar daran. An-Nisaa’ (110-115)

 

  1. Eebbe ma dhaafo in lala wadaajiyo [cid kale cibaadada] wuuse ka dhaafaa wixii waxaas kasoo hadhay cidduu doono, ruuxii la wadaajiya Eebbe wuxuu dhumay dhumid wayn.
  2. Ma caabudayaan Eebbe ka sokow waxaan dhaddig ahayn, mana caabudayaan waxaan Shaydaan madax-adag ahayn.
  3. Ha lacnado Eebbe, Shaydaan wuxuu yidhi, “Waxaan ku yeelan addoomada qayb sugan.”
  4. “Waan baadiyeyn, waan yididiilo [xun] galin, waana fari [xumaanta] waxayna jeexjeexi dhagaha xoolaha waana fari [xumaanta] waxayna doorin abuurka Eebbe.” Ruuxii ka yeesha Shaydaan wali Eebbe ka sokow dhab ahaan buu u khasaaray khasaare cad.
  5. Wuu u yaboohi oo yididiila galin mana yabooho Shaydaan waxaan dhagar ahayn.
  6. Kuwaasna hoygoodu waa Jahannamo, kamana helaan xaggeeda iilasho [iyo fakasho].
  7. Kuwa rumeeyey Xaqa oo fala camal fiican waxaannu galin Jannooyin oy socoto dhexdeeda wabiyaal oyna ku waari dhexdeeda waligeed, waana yabooha Eebbe oo sugan, yaa ka run badan Eebbe hadal [cidna].

 

Eebbe wuu ka dhaafaa waxaan gaalnimo ahayn cidduu doono, gaalana waxay caabudaan sanamyo iyo Shaydaan Eebbe lacnaday oo ballan-qaaday inuu qayb ku yeeshaa dadka, kuna dhaartay inuu dhumiyaa oo xumaan faraa intay ka dooriyaan abuurka Eebbe, ciddii Shaydaan wali ka yeelatana wuxuu khasaaray khasaare wayn. Wuxuu yaboohina waa dhagar iyo Naar, ciddiise Xaqa raacda oo camal fiican fasha wuxuu gali Janno uu ku waari, Eebbana waa runle, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Hadal waxaa u run badan hadalka Eebbe, hanuunna waxaa u fiican hanuunka Muxammed, waxaana u xun umuuraha waxaa la soo darriyey waana bidco baadi ah.” An-Nisaa’ (116-122)

 

  1. Ma aha [xaalku] yididiiladiinna iyo yididiilada ehlu-Kitaabka midna, ciddii fasha xumaan waa laga abaal-marin mana helayo Eebbe ka sokow wali iyo gargaare [midna].
  2. Ruuxii fala wanaag lab ah ama dhaddig isagoo rumeysan [Xaqa] kuwaasu waxay gali Jannada lagamana dulmiyo duleel [laf timireed].
  3. Yaa ka diin fiican ruux u jeediyey wajigiisa Eebbe isagoo sama-fali oo raaca diinta [Nabi] Ibraahiim? Wuxuuna ka yeeshay Eebbe Ibraahiim khaliil [mid u gaar ah].
  4. Eebbe waxaa u sugnaaday waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka, Eebbana waa wax walba koobe.
  5. Waxay ku warsan haweenka, waxaad dhahdaa “Eebbaa idiin fidyoon [sheegi] xaalkooda iyo waxa lagu akhriyi korkiinna Kitaabka haweenka agoonta ah ee ah kuwaydaan siinayn waxa loo qadaray oo doonaysaan inaad guursataan iyo kuwa tabarta yar ee carruurta ah, iyo inaad u maamushaan agoonta caddaalad, waxaad fashaan oo kheyr ahna Eebbe waa ogyahay.”

 

Waxaa jirtay inay isu faaneen Muslimiin iyo gaalo, markaas Eebbe soo dajiyey aayaddan mana aha cidna waxay iyadu doonto ee xumaan iyo wanaagba waa layska abaal-marin, rag iyo haweenna waxba lagama nusqaamiyo wanaaggay falaan. Wax ka fiicanna ma jiro cid raacday waddadii Nabi Ibraahiim oo ah Diinta Islaamka. Aayadda dambana waxay ka warrami sida loola dhaqmi haweenka agoonta ah ee dhaqaalaynaysaan iyo kuwa tabarta yar ee carruurta ah iyo in agoonta caddaalad lagu dhaqo, illeen Eebbaa wax walba oge. Markay soo dagtay aayadda hore yey naxeen asxaabtii oy dheheen waxba uma reebin ummadan, markaasuu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi, “Way soo dagtaye bishaaraysta oo dhexdhexaysta…” An-Nisaa’ (123-127)

 

  1. Hadday haweeney ka cabsato ninkeeda xaggiisa fogaansho ama jeedsasho dhib ma saarna korkooda hadday heshiiyaan heshiis, heshiiskaana khayr ah, waxaana lagu soo kulmiyey nafta bakhaylnimo, haddaadse wanaag fashaan ood dhawrsataan Eebbe waxaad camal-falaysaan waa ogyahay.
  2. Ma kartaan inaad sintaan haweenkiinna dhexdooda aadba dadaasheene ee haka iilanina iilasho dhan, oo ka tagtaan sida mid xidhan [dayacan], haddaad wanaajisaan ood dhawrsataan Eebbe waa dambi-dhaafe naxariista.
  3. Hadday kala tagaan wuu kaafiyaa Eebbe mid kasta waasacnimadiisa, Eebbana waa waasac [fadligiisu] waana falsame.
  4. Eebbaa iska leh waxa samaawaadka ku sugan iyo dhulka, waxaana u dardaaranay kuwii la siiyey Kitaabka ee idinka horeeyey iyo idinkaba ka dhawrsada Eebbe, haddaadse gaaloowdaan Eebbe waxaa u sugnaaday waxa ku sugan samaawaadka iyo dhulka, Eebbana waa hodan amaanan.
  5. Eebbaa iska leh waxa ku sugan samaawaadka iyo dhulka waana ku filan yahay Eebbe Wakiil.
  6. Hadduu doono wuu idin tagsiin [dhammayn] dadow lana imaan kuwo kale waana karaa Eebbe taas.
  7. Ruuxii dooni abaal adduunyo Eebbe agtiisa yuu jiraa abaalka adduunyo iyo Aakhiraba Eebbana waa Maqle Arka.

 

Hadday haweenaydu ka kasto ninkeeda fogaansho ama jeedsasho waa inay heshiiyaan xumaantana layska jiraa, tan kale in caddaaladda lagu dadaalo ciddii laba haweenna qabta, haddii lakala tagana Eebbaa deeqi cid walba, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ciddii laba haweenna qaba oo u iisha middood wuxuu yimaadaa maalinta Qiyaame isagoo dhinac leexsan.” Tan kale Eebbaa xukunka iska leh, wuxuuna faray dadka dhammaan Alla ka-yaabid, illeen hadduu doono wuu dhammayn karaa dadkee, Aakhiro iyo adduunba Eebbaa iska leh, waana in si quruxsan Eebbe looga doono. An-Nisaa’ (128-134)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, noqda kuwo u istaaaga caddaalad oo ah marag Eebbe, naftiinnaba ha ahaato ama waalidkiin ama qaraabo, hadday hodan yihiin ama faqiir Eebbaa u mudnaansho badan ee ha ka raacina hawada inaad caddaalo fashaan, haddaadse iilataan ama jeedsataan Eebbe waxaad camal-falaysaan waa ogyahay.
  2. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, rumeeya Eebbe [si dhab ah] iyo Rasuulkiisa iyo Kitaabka uu ku dejiyey Rasuulkiisa iyo Kitaabkuu u dejiyey horay, ruuxiise ka gaalooba Eebbe, malaa‘igtiisa, Kutubtiisa, Rasuulladiisa iyo maalinta dambe [Qiyaamada] wuu dhumay dhumid fog.
  3. Kuwa rumeeyey ee gaaloobay ee haddana rumeeyey ee gaaloobay markaas sii badsaday gaalnimo ma aha Eebbe mid u dhaafi iyaga, kumana hanuuniyo Jidka [Toosan].
  4. Ugu bishaaree munaafiqiinta inay mudan cadaab daran.
  5. Waana kuwa ka yeesha gaalada sokeeye mu‘miniinta ka sokow, ma waxay ka dooni agtooda sharaf, sharafna Eebbaa iska leh dhammaanteed.
  6. Wuxuuna idiin kusoo dejiyey korkiinna Kitaabka dhexdiisa haddaad maqashaan aayaadka Eebbe oo laga gaaloobi ama lagu jeesjeesi ha fadhiisanina agtooda intay ka dhumbadaan hadal kale, waxaad noqonaysaan iyaga oo kale, Eebbana wuxuu ku kulmin munaafiqiinta iyo gaalada Jahannamo dhammaan.

 

Waa in caddaaladda lagu dadaalaa naftaada, waalidkaa iyo qaraabadaadaba ha ahaatee, illeen Eebbaa ku mudnaan badane, waana inaan hawada la raacin waana in si dhab ah loo rumeeyo Eebbe, Rasuulkiisa, Kitaabka Qur’aanka ah iyo Kutubtii horaba, ciddii ka gaalowda Eebbe, malaa‘igta, Rasuullada iyo Maalinta Dambe waa cid dhuntay. Kuwase marna gaalooba marna wax rumeyn waa kuwo dhumay, munaafiqiintana waxay gali Naar daran, waana kuwa gaalada sokeeye ka dhigan, kuna jeesjeesa Qur’aanka iyo Xaqa, abaalkooduna waa Naar. An-Nisaa’ (135-140)

 

  1. Oo ah kuwa idin la suga [dhibaato] hadduu gargaar xagga Eebbe idiinka ahaado waxay dhihi “Miyaanaan idinla jirin?” Hadduu gaalada u sugnaado nasiibna waxay dhahaan “Miyaanaan idin adkeynin oonaan idinka reeebin mu‘miniinta?” Eebbaa xukumi dhexdooda maalinta Qiyaame, mana ugu yeelayo Eebbe gaalada mu‘miniinta korkooda waddo.
  2. Munaafiqiintu waxay dhagri Eebbe [isku dayi] isna wuu dhagri [oo abaal-marin] markay u istaagaan salaaddana way istaagaan iyagoo wahsan, oo is-tusi dadka mana xusaan Eebbe wax yar mooyee.
  3. Waxayna ku noqnoqon [wareeri] arrintaas dhexdeeda kuwaasina lama jiraan kuwaana lama jiraan, cidduu dhumiyey Eebbe uma heshid waddo [cid-hanuunin].
  4. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, haka yeelanina gaalada sokeeye mu‘miniinta ka sokow, ma waxaad doonaysaan inaad isugu yeeshaan Eebbe korkiinna xujo cad [inuu idin ciqaabo]?
  5. Munaafiqiintu waxay ku sugnaan dabaqa hoose ee Naarta umana heshid gargaare.
  6. Kuwa tawbad keena ee wanaajiya camalka, oo isku dhawra Eebbe, oo u kali-yeela diintooda [cibaadadooda] Eebbe kuwaasi waxay la jiri mu‘miniinta, wuuna siin doonaa Eebbe mu‘miniinta ajir wayn.
  7. Muxuu ku fali Eebbe cadaabkiinna haddaad mahdisaan ood rumeysaan, Eebbana waa mahdiye waana oge.

 

Munaafiqiintu waa kuwa Muslimiinta la suga balaayo, hadday guul helaanna yidhaahda waan idin la jiray, hadday gaaladu wax gaadhaanna dhaha annagaa idin guulaynay, kuwaase Eebbaa kala xukumi iyaga iyo mu’miniinta, Eebbana uguma yeelo jid iyo xujo mu‘miniinta korkeeda, munaafiqiintu waa kuwa salaaddu ku culus tahay dadkana is-tustusiya, oon meella haysan. Tan kale waa inaan gaalo sokeeye ka dhigan mu’miniinta intii la gudbo si aan ciqaab Eebbe u imaan, munaafiq abaalkiisna waa dabaqa hoose ee Naarta, ciddiise tawbad keenta oo Xaqa raacda Eebbana dhab ahaan u caabuda waxba Eebbe cadaabkeeda iyo ciqaabteeda ku fali maayo, wuuna ku mahdin. Waxaana sugnaatay, “Camalka Eebbe u kali-yeel wax yar baa kugu fillaane,” waxayna ku tusin naxariista Eebbe iyo inuusan rabin ciqaabta addoomadiisa hadday toosnaadaan. An-Nisaa’ (141-147)

 

  1. Ma jecla Eebbe in lala qayliyo xumaan oo hadal ah ruux la dulmiyey mooyee, Eebbana waa maqle og.
  2. Haddaad muujisaan khayr ama qarisaan ama cafidaan xumaan Eebbana waa dhaafe kara.
  3. Kuwa ka gaalooba Eebbe iyo Rasuulkiisa oo dooni inay kala [bixiyaan] Eebbe iyo Rasuulkiisa oo odhan, “Waxaannu rumayn qaar waana diidi qaar,” oo dooni inay ka yeeshaan arrintaa dhexdeeda waddo.
  4. Kuwaasi iyaga un baa gaalo dhab ah, waxaana u darbannay gaalada cadaab wax dulleeya.
  5. Kuwa rumeeyey Eebbe iyo Rasuulkiisa oon kala bixinin cid kamid ah kuwaas wuu siin doonaa [Eebbe] ajirkooda, Eebbana waa dhaafe naxariista.
  6. Waxay ku warsan ehlu-Kitaabku inaad kaga soo dejiso Kitaab xagga samada, dhab ahaan yey u warsadeen [Nabi] Muuse wax ka wayn kaas waxayna dheheen, “Noo tusi Eebbe si cad,” waxaana qabatay qaylo [daran] dulmigooda dartiis, waxayna yeesheen dibi intay u timid xujooyin, waana ka cafinnay arrintaas, waxaana siinnay [Nabi] Muuse xujo cad.

 

Ma habboona in xumaan iyo hadal dhib ah lala qayliyo, ciddiise la dulmiyo waxaa u bannaan inuu aarsado. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Ma jecla Eebbe in ruuxna ruux habaaro haddaan la dulmiyin.” Eebana wax walba waa ogyahay, ciddii kala saarta Eebbe iyo Rasuulladiisa kuwaasu waa gaalo dhab ah gaalana waxaa loo darbay cadaab daran, mu‘miniintuse waxay mudan Janno illeen ma kala saarin Xaqee. Tan kale ma habboona sidii Yuhuuddii Nabiga si madax-adayg ah wax u warsan jiray illeen caaday u tahaye waxayna warsadeen Nabi Muuse wax ka wayn, waana in laga fogaado jidkooda. An-Nisaa’ (148-153)

 

  1. Waxaan kor yeellay [Buurta] Duur ballankoodii dartiis waxaana ku nidhi, “Ka gala irridda idinkoo sujuudsan,” waxaana ku nidhi, “Haku xad-gudbina Sabtida,” waxaana ka qaadnay ballan adag.
  2. [Waan lacnadnay] burintooda ballankooda iyo ka-gaalowgooda aayaadka Eebbe iyo u-dilidda Nabiyada xaq-darro iyo hadalkooda quluubtannadu way daboolan tahay, saas ma aha ee waxaa daabacay [daboolay] Eebbe gaalnimadooda darted, mana rumeeyaan wax yar mooyee.
  3. Iyo gaalnimadooda darteed iyo hadalkooda Maryama oy ku been-abuurteen si wayn.
  4. Iyo hadalkoodii ahaa, “Annagaa dilnay Masiix Ciise ibnu Maryam Rasuulkii Eebbe ahaa,” mayna dilin mana wadhin laakiin waa loo shabbahay [ekeysiiyey], kuwii isku khilaafay [Ciise] waxay kaga sugan yihiin shaki, wax cilmi ahna uma leh oon ahayn raacid male umana dilin dhab.
  5. Saas ma aha ee waxaa u kor yeelay xaggiisa Eebbe, Ilaahayna waa Adkaade Falsan.
  6. Ehlu-Kitaab kasta wuu rumeyn Ciise geeridiisa ka hor, maalinta Qiyaamana wuxuu ku noqon korkooda markhaati.

 

Waxaa korkooda la yeelay Buurta Duur waxaana la faray inay hoggaansamaan oo sujuudaan lagana reebay inay xad-gudbaan, hase yeeshee markay buriyeen ballankii, oy ka gaaloobeen aayaadka Eebbe oy laayeen Nabiyadii ooy sheegeen inay quluubtoodu daboolan tahay iyo xumaantay ku sheegeen Maryam iyo inay dileen Nabi Ciise iyagoon dilin Eebbaase u moodsiiyey shabbahay korna yeelay waxyaalahaas iyo wax la mid ah yaa Eebbe u ciqaabay una lacnaday, una dulleeyey illeen Xaqay diideene. Qisada Nabi Ciise iyo hooyadiina waa in loo rumeeyo sida ku cad Qur’aanka oo ah inuu yahay addoon Eebbe oo Nabi ah ee san wax cibaada ah mudan, waana doqonnimo in wax Eebbe kasoo hadhay la caabudo. An-Nisaa’ (154-159)

 

  1. Dulmi kuwii yuhuudoobay dartiis yaan uga reebnay korkooda wanaagga loo xalaaleeyey iyo ka-celintooda Jidka Eebbe wax badan.
  2. Iyo qaadashadooda ribada iyagoo laga reebay xaggeeda iyo ku-cunidda xoolaha dadka si baadil ah, waxaana u darbannay gaalada kamid ah cadaab daran.
  3. Laakiin kuwa ku xeeldheer cilmiga oo kamid ah iyo mu’miniintu waxay rumeyn waxa lagugu dejiyay, iyo wixii la dejiyey hortaa, iyo kuwa oogo salaadda ee bixiya zakada ee rumeeya Eebbe iyo Maalintii Dambe kuwaas waxaan siinaynaa ajir wayn.
  4. Annagaa kuu waxyoonnay sidaan ugu waxyoonay [Nabi] Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyey waxaana u waxyoonnay [Nabi] Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub, [awlaad] faracii, Ciise, Ayuub, Yuunus, Haaruun, Sulaymaan, waxaana siinnay Daawuudna Zabuur.
  5. Iyo Rasuullo aan kaaga qisoonnay horay iyo Rasuullo aanaan kaaga qisoon, wuuna la hadlay Eebbe [Nabi] Muuse hadal.
  6. Waa Rasuullo bishaarayn oo digi si ayan dadka xujo ugu yeelan Eebbe kadib Rasuullada, Eebbana waa Adkaade Falsan.

 

Dulmigii Yuhuudda yaa looga xarrimay waxyaalo u xalaal ahaa iyo Jidka Xaqa ahooy ka leexiyaan dadka, iyo cunidda xaq-darro ee xoolaha dadka. Kuwa cilmiga leh ee Xaqa rumeeya oo kamid ah iyo kuwa rumeeya Xaqa oo salaadda iyo zakada guta waxay mudan ajri wayn. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu kamid yahay Nabiyada Eebbe u waxyooday Eebbana wuxuu u waxyooday Nabiyo badan qaar uu ka qisooday iyo qaar kalaba, waxaase waajib ah in guud ahaan loo rumeeyo inta la sheegayna gaar ahaan Xaqana la raaco. An-Nisaa’ (160-165)

 

  1. Laakiin Eebbaa marag furi wuxuu kugu dejiyey wuxuuna ku dejiyey cilmigiisa, malaa‘igtuna way marag furi, Eebbana ku filan marag.
  2. Kuwa gaaloobay oo ka leexiya Jidka Eebbe waay dhumeen dhumid fog.
  3. Kuwa gaaloobay ee dulmi falay ma aha Eebbe kii u dambi-dhaafa ama ku hanuuniya jid.
  4. Jidka Jahannamo mooyee iyagoo ku waari waligood, arrintaasna waa u fududdahay Eebbe.
  5. Dadow wuxuu idiinla yimid Rasuulku Xaq xagga Eebbe ee rumeeya [Xaqa] saasaa idiin khayr roon, haddaad gaalowdaanna Eebbe waxaa u sugnaaday waxa ku sugan samaawaadka iyo dhulka Eebbana waa oge falsan.
  6. Ehlu-Kitaabkow, haku xad-gudbina Diintiinna hana ku dhihina Eebbe waxaan Xaq ahayn, Masiix Ciise ibnu Maryam waa uun Rasuulkii Eebbe iyo Kalimadiisii uu ku tuuray Maryama iyo ruux xaggiisa ah ee rumeeya Eebbe iyo Rasuuladiisa, hana dhihina saddex [ilaah] reebtooma, saasaa idiin khayr roon, Eebbe waa uun Ilaah kaliya, waa ka nazahan yahay in ilmo u sugnaado, waxaa u sugnaaday waxa samaawaadka iyo dhulka ku sugan, Eebbaana ku filan Wakiil.

 

Eebbaa wax walba og, cid dhuntayna way khasaartay waxayna la kulmi ciqaab. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu la yimid Xaq cad. Mana habboona in Nabi Ciise iyo Diinta lagu xad-gudbo, Ciisena waa addoon Eebbe, Ilaahay waa kali saddex ilaahna ma jirto oo waa uun Eebbe kaliya, wehel iyo carruurna uma baahna. An-Nisaa’ (166-171)

 

  1. Iskama kibriyo Masiix inuu ahaado addoon Eebbe, malaa‘igta la dhaweeyeyna [iskama kibriso] ruuxii iska kibriya cibaadadiisa oo is-wayneeya wuu u soo kulmin xaggiisa dhammaan.
  2. Kuwa rumeeyey Xaqa oo camal fiican fala wuxuu u oofin ajrigooda wuxuuna u kordhin fadligiisa, kuwa iska wayneeya oo is-kibriya wuxuu cadaabi cadaab daran mana helayaan Eebbe ka sokow wali iyo gargaare [midna].
  3. Dadow waxaa idiin yimid xujo xagga Eebbe ah waxaanan idiin soo dejinnay Nuur cad.
  4. Kuwa rumeeyase Eebbe oo qabsaday [isku dhawray] Eebbe [iyo Qur’aanka] wuxuu galin naxariis xaggiisa ah iyo fadli wuxuuna ku hanuunin xaggiisa Jid Toosan.
  5. Wax bay ku warsan, waxaad dhahdaa “Eebbaa idiin fidyoon kalaalada, hadduu dhinto ruux aan ilmo lahayn oo leh walaashiis waxay mudan nus wuxuu ka tagay isaguna wuu dhaxli hadduusan ilmo u sugnaanin, hadday labo yihiinna waxay mudan labo dalool wuxuu ka tagay, hadday yihiin walaal rag iyo haween ah kan lab waxaa u sugnaaday labo dhaddig qaybtood, wuxuu idiin caddayn Eebbe [Xaqa] inaydaan dhumin, Eebbana wax kasta waa ogyahay.

 

Ciddii iska kibrisa ama iska waynaysa cibaadada Eebbe wuxuu la kulmi Eebbe wuuna abaal-marin, Nabi Ciise iyo malaa‘igta Eebbana iskama kibriyaan. Mana habboona in cidna iska waynayso cibaadada Eebbe. Suuradduna waxay ku dhammaatay waxay ku billaabatay oo ah dhaxalka si aan loo dhumin Xaqana looga leexan ee loo raaco qaybta Eebbe iyo sharcigiisa caadilka ah. An-Nisaa’ (172-176)

 

Suurat al-Maa’idah

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, oofiya ballanka, waxaa laydiin banneeyey xoolaha nicmoolayda waxa laydinku akhrin korkiinna mooyee idinkoon bannaysanayn ugaadhsiga idinkoo xarman Eebbana wuxuu xukumaa wuxuu doono.
  2. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, ha bannaysanina calaamooyinka Eebbe [waxa reebban] iyo bisha xurmaysan iyo hadyada iyo midda loo luqun xidhay [hadyada Baytka] iyo kuwa u qasdi Baytka Xurmaysan, iyagoo dooni fadliga Eebbahood iyo raalli-ahaanshihiisa, markaad xalaalowdaanna [dhammaysaan Xajka iyo Cumrada] ugaadhsada [haddaad doontaan] yeyna idin ku xambaarin cadhada qawm idinka celiyey Masaajidka Xurmaysan inaad xad-gudubtaan, isugu kaalmeeya samaha iyo dhawrsiga hana isugu kaalmaynina dambi iyo colnimo, kana dhawrsada Eebbe, Ilaahay way darantahay ciqaabtiisu.

 

Suuraddan waxaa la dhahaa Suuratul Maa‘idah, waxayna kulmisatay xukumo badan, aayadahanna wuxuu Eebbe fari dadka inay oofiyaan ballamada wuxuuna u caddeeyey in loo banneeyey cunnada xoolaha marka laga reebo waxa lagu akhriyey iyo ugaadhsiga iyagoo xarman, wuxuuna ku boorriyey inayna ku xad-gudbin kuna dacatiyin, calaamadda Eebbe iyo waynaantiisa, iyo bisha xurmaysan, iyo hadyada la calaameeyey iyo kuwa ku socda guriga xurmaysan, iyagoo dooni khayrka Eebbe iyo raalli-ahaanshihiisa, markay xalaaloobaanna way ugaadhsan karaan, mana habboona in caddaaladda sina looga tago, waase in khayrka laysugu kaalmeeyo oon xumaanta laysugu kaalmaynin, illeen waxaa daran ciqaabta Eebbe. Caa‘isha waxay tidhi, “Suuraddan waa wixii u dagid dambeeyey ee waxay bannaysana cuna waxay reebtana daaya iyo waxay kala gataan ama ku heshiiyaan.” Al-Maa’idah (1-2)

 

  1. Waxaa laydinka xarrimay bakhtiga iyo dhiigga iyo hilibka doofaarka iyo wixii lagu xuso [lagu gawraco] waxaan magaca Eebbe ahayn, iyo tii la ceejiyo, iyo la ganac gooyo, iyo tan meel ku dhacda, iyo tii la hardiyo, iyo midduu cunay bahal, waxaad gawracdaan mooyee [waxaa kaloo reeban] wixii lagu gawraco sanam, iyo inaad ku nasiib doontaan faal, kaasi waa fisqi, maantayna ka quusteen kuwii gaaloobay Diintiinna, ee haka cabsanina ee iga cabsada, maantaan idiin kaamilay [dhammeeyey] Diintiinna waxaana idiin taam-yeelay korkiinna nicmadayda waxaana idiinka raalli noqday Islaamka Diin ahaan, ciddii loo dhibaateeyo baahi inay cunaan wixii laga xaaraameeyey oon falayn dambi, Eebbe waa dambi-dhaafe naxariista.
  2. Waxay ku warsan maxaa loo xalaaleeyey, waxaad dhahdaa, “Waxaa laydiin xallilay wanaagga [xalaasha] iyo waxaad wax barteen oo wax dhaawaca idinkoo ku ugaadhsan, ood baraysaan wuxuu idin baray Eebbe ee ka cuna waxay idiin qabtaan ku xusana magaca Eebbe kana dhawrsada Eebbe, Ilaahay waa degdegtaa xisaabtiisuye.

 

Waxa wax dhiboo dhan Eebbe wuu reebay, sida bakhtiga, dhiigga, hilibka doofaarka iyo wixii magaca Eebbe waxaan ahayn lagu gawracay, waxaa si gaar ah loo sheegay inay reebban tahay tan la ceejiyo, tan la ganac gooyo, tan meel ka dhacda, tan hardida ku dhimata, tan bahal cuno oon la gawricin. waxaa kaloo reebban waxa sanamyada loo gawraco iyo waxyaalo la taagay, iyo wax lagu sameeyo faal, waxaasuna waa faasiqnimo, maalintaas yeyna ka quusteen gaaladu Diinta Islaamka, mana mudna in laga cabsado ee waa in Eebbe uun laga cabsado, Eebbana wuu taam-yeelay Diinta Islaamka ah iyo nicmadiisa, wuxuuna inooga raalli noqday Diinta Islaamka waxa kasoo hadhayna waa wax-kama-jiraan, ciddiise baahata oon xad-gudbin Eebbe waa u-dhaafe naxariista. Al-Maa’idah (3-4)

 

  1. Maanta waxaa laydiin xalaaleeyey wanaagga cunnada kuwa la siiyey Kitaabna xalaal buu idiin yahay, cunnadiinuna xalaal bay u tahay, iyo kuwa dhawrsoon oo mu‘minaadka ah [guurkooda] iyo kuwa dhawrsoon oo kamid ah kuwa la siiyey Kitaabka oo idin ka horreeyey haddaad siisaan ujuuradooda [meherkooda] iyagoo dhawrsoon oon xumaan [zino] samaynayn yeelanaynna saaxiibbo [xun] ciddii ka gaalowda iimaanka wuu hoobtay camalkiisu wuxuuna kamid noqon Aakhiro kuwa khasaaray.
  2. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, haddaad u kacdaan salaadda dhaqa wajiyadiinna, iyo gacmihiinna tan iyo jiqilka [xusulka] masaxana madaxiinna [dhaqana] lugihiinna tan iyo anqawyada, haddaad janaabo qabtaan is-daahiriya, haddaad buktaan ama safar tihiin ama ka timaaddaan kortag ama is-taabataan haween oydaan helayn biyo ku gagabaysta dhul daahir kuna masaxa wajigiinna iyo gacmihiinna, idin lama doonayo Eebbe inuu idin yeelo korkiinna dhib wuxuuse dooni inuu idin daahiriyo idiin dhammeeyo nicmadiisa korkiinna inaad shukridaan darteed.

 

Halkan wuxuu Eebbe ku sheegay in loo banneeyey mu‘miniinta cunnada xalaasha ah, iyo cunnada kuwa Kitaabka leh, iyo haweenka dhawrsoon oo mu’miniinta ah, iyo kuwa Kitaabka leh ee naga horreeyey marka la siiyo meherkooda ee dhawrsoon, ciddiise Xaqa iyo iimaanka ka gaalowda waa mid buray camalkiisu oo khasaaray. Sayid Cumar waxaa laga sheegay, “Waxaan doonay inaanan u oggolaan ruux xumaan [zino] sameeyey inuu guursado haweenay dhawrsoon.” Aayadda kale waxay ka warrami waysada iyo in la dhaqi wajiga, gacmaha tan iyo jiqillada, madaxana la masixi, lugahana la dhaqi tan iyo anqawyada, janaabadana laga maydhan, ciddii jirran ama safar ah ama kortag ka timid ama haween taabta oon biya helinna inuu carrada ku gagabaysan oo marin wajiga iyo gacmaha, waana fududayn Eebbe iyo inuu idiin muujiyo nicmadiisa iyo inaan ku mahdinno. Al-Maa’idah (5-6)

 

  1. Xusuusta nicmada Eebbe iyo ballankiisa uu idin kula ballamay markaad dhahdeen, “Waan maqallay waana adeecnay,” kana dhawrsada Eebbe illeen Ilaahay waa ogyahay waxa laabta ku sugane.
  2. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, noqda kuwa is-taaga [u darban] dar Eebbe oo ku marag-kaca caddaalad yeyna idinku xambaarin cadhada qawm inaydaan caddaalad falin, caddaalad fala iyadaa u dhaw dhawrsashada [Eebbe] kana dhawrsada Ilaahay, Eebbe waa ogyahay waxaad falaysaane.
  3. Wuxuu u yaboohay Eebbe kuwa rumeeyey [Xaqa] oo falay camal fiican inuu u sugnaaday dambi-dhaaf iyo ajir wayn.
  4. Kuwa gaaloobay oo beeniyey aayaadkannaga kuwaasu waa asxaabta [ehelka] Jaxiimo.
  5. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, xusuusta nicmada Eebbe korkiinna markay hamiyeen [dooneen] qawm inay idinku fidiyaan [xumaan] gacmahooda oo [Eebbe] idinka reebay gacmohooda xaggiina, kana dhawrsada Eebbe, Ilaahayna ha tala-saarteen mu‘miniintu.

 

Aayadahan wuxuu Eebbe fari dadka mu‘miniinta ah inay xusuustaan nicmadiisa oo ah inuu usoo dejiyey Sharcigan toosan, una soo diray Rasuul, iyo ballankii uu ka qaaday inay Xaqa u gargaaraan oyna aqbaleen, iyo inay Eebbaha wax walba og ka dhawrsadaan, waxaa kale oo uu faray inay caddaaladda ku dadaalaan xataa dadkay colka yihiin, saasaana u dhaw Xaqa iyo wanaagga, markaasuu Eebbe caddeeyey abaalka kuwa wanaagga fala iyo kuwa gaaloobay, iyo in Eebbe ka dhawray cadaw isku dayey inay xumaan ku falaan, oyna mudan yihiin inay Eebbe tala-saartaan. Waxaa sugnaatay inay Muslimiintii la ballantameen Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) si kastoo yihiinba inay Xaqa u gargaaraan. Eebbana waa kan ka dhawray Nabiga cadowgii isku dayey inuu wax-yeelleeyo, Yuhuud iyo kuwa kalaba. Al-Maa’idah (7-11)

 

  1. Dhab ahaan buu u qaaday Eebbe ballanka Banii Israa’iil, waxaana ka bixinnay xaggooda labo-iyo-toban madax ah, wuxuuna yidhi Eebbe, “Annagu waan idin la jirnaa haddaad oogtaan salaadda oo bixisaan zakada ood rumaysaan Rasuulladayda, ood una gargaartaan oo amaah gashataan Eebbe amaah [sadaqo] fiican waxaan ka asturi xaggiinna xumaanta waxaana idin galin Jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal, ruuxii gaalooba intaas kadib oo idin kamid ah wuxuu ka dhumay Jidka Toosan.
  2. Burintooda ballankooda [Yuhuud] yaan u lacnadnay kana yeellay quluubtooda mid ingagan, iyagoo ka leexin kalimadda meesheeda waxayna halmaameen qayb kamid wixii lagu waaniyey kamana waydid xaggooda inaad ku aragtid khayaamo wax yar mooyee ee iska cafi iskana saamax Eebbe wuxuu jecel yahay samo-falayaashee.

 

Halkanna wuxuu Eebbe ka qisoon Banii Israa‘iil iyo in Eebbe kasoo saaray labo-iyo-toban madax ah kuna yidhi, “Waan idin la jiraa haddaad oogtaan salaadda, oo bixisaan zakada, ood rumaysaan Rasuulladayda, ood u gargaartaan ood wanaag Eebbe amaahsataan,” uuna asturi xumaantooda uuna galin Jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal, ciddiise kadib gaalowda wuxuu ka dhumay Jidka Toosan. Waase la lacnaday qalbi-ingeeggooda iyo ka-leexinta hadalka meelihiisa, waxayna halmaameen wax badan oo lagu waaniyey, khayaamana lagama waayo badankooda, ee iska-dhaaf hana ku dhibin naftaada, Eebbe wuxuu jecel yahay sama-faleyaashee. Waana taas dabeecadda Yuhuud iyo wixii lamid ah, waxaase waajib ah in laga digtoonaadaa layskuna dayo in la toosiyo. Al-Maa’idah (12-13)

 

  1. Kuwa yidhi, “Waxaan nahay Nasaara,” waxaan ka qaadnay ballankooda waxayna halmaameen qayb wixii lagu waaniyey, markaasaan ku sii-daynay dhexdooda colnimo iyo cadho tan iyo maalinta Qiyaame, wuuna uga warrami Eebbe waxay samaynayeen.
  2. Ehlu-Kitaabow, waxaa idiin yimid Rasuulkannaga oo idiin caddayn wax badan ood ahaydeen kuwo ka qariya Kitaabka [Tawreed] wuxuuna idinka cafiyi wax badan, waxaana idiinka yimid xagga Eebbe Nuur iyo Kitaab cad.
  3. Uuna ku hanuuniyo Eebbe ruuxii raaca raalli-ahaanshihiisa Jidka nabadgalyada kana bixin mugdiyada xagga Nuurka idinkiisa kuna hanuunin Jidka Toosan.
  4. Waxaa gaaloobay kuwa yidhi, “Eebbe waa uun Masiixi ibnu Maryama.” Yaa uga hanan Eebbe waxba hadduu doono inuu halaago Masiixi ibnu Maryama iyo hooyadiis iyo waxa dhulka ku sugan dhammaan? Eebbaa iska leh xukunka samooyinka iyo dhulka, iyo waxa u dhexeeya, wuxuuna abuuraa wuxuu doono, Eebbana wax kasta wuu karaa.

 

Kuwa sheegta inay Nasaara yihiin wuxuu Eebbe ka qaaday ballan inay rumeeyaan una gargaaraan Nabiga Muxammad ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wayse halmaameen oo iska diideen arrintaas, markaasaa Eebbe dhex-dhigay col iyo cadho tan iyo Qiyaame, Eebbana wuu uga warrami oo ka abaal-marin waxay falayeen. Ehlu-Kitaabkow waxaa idiin yimid Rasuulka Eebbe oo idiin caddayn wax badan ood qarinaysaan, idinka cafin wax badan, xagga Eebbana waxaa idiinka yimid Nuur iyo Qur’aan cad kuna hanuuniyo Eebbe Jidka nabadgalyo ciddii raacda raalli-ahaanshihiisa, iyo Jidka Nuurka ah ee Toosan. Waxaa dhab u gaaloobay kuwa yidhi, “Eebbe waa Ciise ibnu Maryama,” yaase Eebbe ka celin hadduu halaago Ciise iyo hooyadiis iyo waxa dhulka ku sugan dhammaan? Xukunka samooyinka iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeyana Eebbaa Iska leh wuxuu doono yuu abuuraa, wax walbana wuu karaa, Eebbana waa kali awood leh. Al-Maa’idah (14-17)

 

  1. Waxay dheheen Yuhuud iyo Nasaaraba, “Annagu waxaan nahay carruur Eebbe iyo kuwuu jecel yahay,” waxaad dhahdaa, “Muxuu idiinku cadaabaa dambigiinna? Saas ma aha ee waxaad tihiin dadka Eebbe abuuray, wuu u dhaafi cidduu doono wuuna cadaabi cidduu doono, Eebbana waxaa u sugnaaday xukunka samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya xaggiisaana loo ahaan.
  2. Ehlu-Kitaabow, waxaa idiin yimid Rasuulkannagii isagoo idiin caddayn muddo [kadib] Rasuullada inaydaan dhihin, “Nooma imaan bishaareeye iyo dige.” Eebbana wax kasta wuu karaa.
  3. [Xusuuso] markuu ku yidhi [Nabi] Muuse qawmkiisa, “Qawmkayow xusuusta nicmada Eebbe ee korkiinna markuu yeelay dhexdiinna Nabiyo idinkana yeelay xukaam idin siiyeyna waxaan la siin cid caalamka ah [waqtigiinnii].”
  4. “Qawmkayow gala dhulka la daahiriyey oo idiin yaboohay Eebbe hana u noqonina gadaashiinna oo gaddoontaan idinkoo khasaaray.

 

Yuhuud iyo Nasaara iyo gaaladaba waxay ku hadlaan haddallo xun, siday halkan ku sheegeen inay yihiin carruurtii Eebbe, iyo kuwo uu jecel yahay, taasise waa been ee waa dad kamid ah khalqiga uu abuuray, wuuna cadaabi Eebbana wuu ka diigtoon yahay khalqiga, waxaana u sugnaaday cirka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya xaggiisaana loo ahaan. Waxaana idiin soo dirnay Rasuulkannaga muddo Rasuullada kadib, saydaan u dhihin, “Nooma imaan bishaareeye iyo dige,” wuuse idiin yimid, Nabi Muusena wuu waaniyey Banii Israa‘iil wuxuuna xusuusiyey nicmada Eebbe iyo Nabiyada uu usoo diray kana yeelay xukaam waqtigoodii, wuxuuna faray inay galaan dhulka daahirka ah Qudsi. waxaana wax laga xishooda ah magaaladaas barakaysan ay gaalada Yahuuddu ay xoog ku qabsadeen. Dhulka Eebbaa leh, waxaana xaq u leh inuu ku noolaado Muslim mu‘min ah, waana inay kusoo noqoto Qudsi gacanta Muslimiinta. Al-Maa’idah (18-21)

 

  1. Waxay dheheen, “Muusow waxaa [dhulka] dhexdiisa ah qawm daran mana galayno intay ka baxaan xaggeeda, hadday ka baxaanna waanu gali.”
  2. Waxay dheheen labo nin oo kamid ah kuwa ka cabsada [Eebbe] una nicmeeyey Eebbe, “Uga gala albaabka markaad gashaan idinkaa adkaane, Eebbana tala-saarta haddaad mu‘miniin tihiin.”
  3. Waxay dheheen, “Muusow annagu ma galaynno waligeed intay joogaan ee taga adiga iyo Eebbahaa oo la dagaallama annagu halkanaan fadhiyeynaaye.”
  4. Wuxuu yidhi [Nabi] Muuse, “Eebbow ma hanto naftayda iyo walaalkay mooyee ee nakala bixi [xukun] dhexdannada iyo qawmka faasiqiinta ah [xun].
  5. [Eebbe] wuxuu yidhi, “Iyadu [dhulka] waa ka xaaraan korkooda afartan sano oy ku wareeri dhulka ee haw murugoon qawmka faasiqiinta ah.

 

Mana habboona in fulayadii diidday inay galaan Qudsi waqtigii Nabi Muuse iyo kuwa ka liita ay xoog ku qabsadeen magaaladaas. Waxaase lagaga kicin karaa in dhab ahaan Xaqa loo rumeeyo Jidka Eebbana dhab loogu jahaado, Muslimiintuna isku mid noqdaan, iyagoo ku toosan Sharciga Eebbe ee wanaagsan, haddii kale waxaa ku dhici Muslimiinta wareerkii ku dhacay Banii Israa‘iil, waana looga adkaan dhulka waxayna noqon kuwo ka baxay daacada iyo Sharciga Eebbe, wax loo murugoodana noqon maayaan, Sidii Eebbe u sheegay Nabi Muuse, waana in laga leexdo waddada Yuhuud. Al-Maa’idah (22-26)

 

  1. Ku akhri korkooda warka labadii wiil ee ilmo [Nabi] Aadam ahayd si dhab ah, markay dhaweeyeen [sadaqaysteen] sadaqo oo laga aqbalay midkood lagana aqbalin kii kale, oo uu yidhi, “Waan ku dili,” uu yidhi [kii kale], “Wuxuu uun Eebbe ka aqbalaa kuwa dhawrsada.”
  2. “Haddaad usoo fidiso xaggayga gacantaada inaad i disho anigu kugu fidin maayo gacanta inaan ku dilo, anugu waxaan ka cabsan Ilaahay ee ah Eebbaha caalamka.”
  3. “Waxaana dooni inaad la noqoto dambigayga iyo kaagaba ood noqoto Naarta ehelkeeda, taasina waa abaalka daalimiinta.”
  4. Markaasay u qurxisay naftiisii dilka walaalkiis wuuna dilay, wuxuuna noqday kuwa khasaaray.
  5. Wuxuuna Eebbe u bixiyey [muujiyey] tuke faadhi dhulka inuu tusiyo siduu u asturo maydka walaalkiis, wuxuuna yidhi, “Shalaytee miyaan ka caajisay inaan noqdo sida tukahan oon asturo maydka walaalkay?” Wuxuuna ahaaday mid qoomamooda.

 

Aayadahani waxay ka warrami wixii dhex-maray labadii wiil ee Nabi Aadam oo ahaa mid fiican iyo mid xun, kaasoo xasad iyo gardarro u dilay walaalkiis in Eebbe ka aqbalay sadaqadii, wuxuuna u sheegay inuusan isagu rabin inuu dilo naf xaq-darro, maxaa yeelay ciddii saas fasha waa mid daalim ah oo gali Naarta, markuu dilay walaalkiisna wuu khasaaray wuxuu falana wuu garan waayey intuu ka arko tuke qodi dhulka, markaasuu ku dayday si uu u asturo una qariyo maydka walaalkiis isagoo qoomamayn, kaasuna waa xasad iyo Shaydaan taladii iyo dilkii xaq-darro ee u horreeyey. waxaana sugnaatay inuu naf kasta oo xaq-darro loo dilo uu qayb ku yeelan wiilkaas illeen isagaa jideeyey dilkee. Saas darteed waa in laga fogaado dil xaq-darro illeen abaalkiisu waa Naare. Al-Maa’idah (27-31)

 

  1. Saas darteed yaan ugu jidaynay Banii Israa‘iil ciddii disha naf aan [dilin] naf ama fasaadin dhulka waxay lamid tahay inuu dilay dadka dhammaan, ciddii noolaysa nafna [korisa] waxay lamid tahay isagoo nooleeyey dadkoo dhan, waxay ula timid Rasuulladannadii xujooyin markaas in badan oo kamid ah intaas kadib dhulkay ku xad-gudbeen.
  2. Abaalka kuwa la-dagaallama Eebbe iyo Rasuulkiisa oo la socda dhulka fasaad waa in la dilo ama la wadho, ama loo gooyo gacmahooda iyo lugahooda is-dhaaf, ama laga fogeeyo dhulka, arrintoodaasna waa inay mudan yihiin dulli adduun iyo Aakhiro oo cadaab wayn ah.
  3. Kuwa tawbad keena qabasho kahor mooyee, ogaadana in Eebbe dambi-dhaafo oo naxariisto.
  4. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, ka dhawrsada Eebbe una doona xaggiisa dhawaansho kuna jahaada Jidkiisa waxaad u dhawdihiin inaad liibaantaane.

 

Eebbe ma jecla xumaanta iyo fasaadka ee wuxuu jecel yahay wanaagga iyo khayrka, saasuuna u dhawray nafta dadka oo ciddii u disha naf xaq-darro waxay lamid tahay mid dadkoo dhan dishay, tii noolaysa oo korisana waxay lamid tahay mid dadkoo dhan noolaysay, saasaana loo ciqaabi ciddii Diinta Eebbe iyo Nabiga la dagaalanta, oo dhulka fasaadisa, waana in la laayo ama gacmaha iyo lugaha is-dhaaf loo gooyo, ama la wadho, ama dhulka laga eryo iyagoo dulloobay Aakhiro iyo adduunba, ciddiise intaan la qabanin tawbad-keenta Eebbe wuu u dhaafi. Tan kale waa in Ilaahay loogu dhawaado camal fiican iyo wanaag, sida salaadda, zakada, soonka, Xajka, Jahaadka, sadaqada, wax-barashada iyo baridda. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Wasiiladu waa dhawaansho,” Qataadana wuxuu yidhi, “Ugu dhawaada Eebbe daacadiisa iyo wuxuu jecel yahay.” Waxaana xadiith ku sugnaaday inay tahay darajo Jannada dhexdeeda ah oo la siiyo cid Eebbe jecel yahay sida Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee). Al-Maa’idah (32-35)

 

  1. Kuwa gaaloobay hadduu u ahaado waxa dhulka ku sugan oo dhan iyo wax lamid ah inay iskaga furtaan cadaabka maalinta Qiyaame lagama aqbaleen waxayna mudan cadaab daran.
  2. Waxay dooni inay kasoo baxaan Naarta kamana baxaan xaggeeda waxayna mudan cadaab joogta ah.
  3. Tuugga iyo tuugadda gooya gacmahooda abaal-marin waxay kasbadeen darteed waana xanuujin Eebbe, Ilaahayna waa Adkaade Falsan.
  4. Ciddiise tawbad keenta dulmigiisa kadib oo fiicnaada Ilaahay wuu ka tawbad aqbali, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.
  5. Miyaadan ogayn in Eebbe u sugnaaday xukunka samooyinka iyo dhulka uuna cadaabi cidduu doono, waana u dambi-dhaafi cidduu la doono, Ilaahayna wax kasta wuu karaa.

 

Cadaabka Aakharo iyo ciqaabteeda wax kasta oo adduunka jooga iyo wax lamid ahba waa layskaga furan lahaa, lamase aqbalo, gaalana lagama bixiyo Naarta, waxayna mudan cadaab joogta ah. Aayadaha kale waxay ka warrami farina in tuugga la gooyo gacanta rag iyo haweenba, maxaa yeelay waa arrin xun oo Diinta, caqliga, iyo abuuridda fiicanba diidi, sidee ruux caqli leh u gali guryo dad ama u jabsan, ama xoolahooda u kaxaysan si qarsoodi ah isagoon ka yaabayn Eebbe, dhawrayna akhlaaqda, ilaalinayna xaqa walaalkiisa ku dhibtamay xasilinta xoolahaa, kaas abaalkiisu waa in laga fogeeyo gacanta xun oo bukta, kuwase doqommada ah een wax kasayn ee wax ka sheegi ciqaabta tuugga, may u naxariistaan miskiinka la xaday dhididkiisii intay u naxariisan tuug, mise iyagaa tuuga ah, maxaase laga faa‘iiday markii laga tagay arrintaas sow cid walba kuma seexato cabsi kumana soo toosto cabsi? Imisaase tuugo dhacda habeen iyo dharaar, dadna lagu dilaa, ood maqashaa dhibaato aan laga sheekaysan karin, ma saasaa roon mise in la qabto tuugga gacantiisa oo la edbiyo, oo dadka iyo xoolihiisu nabadgalyo ku noolaadaan? Gaaladuse ma Eebbay uga naxariis badan yihiin khalqigiisa? Ha abuurteen iyagu tuugo ayna goynayn, oo haw sameeyeen cir iyo dhul iyo waddan ay dagaan, hana ka bexeen waddanka iyo dhulka Eebbe, illeen tuugo iyo tuug ma rabee. Rasuulkuna (naxarriis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe ha lacnado tuug, wuxuu xadaa ukun oo la goyn gacantiisa, oos xadi xadhig oo la goyn.” Taasina waxay ku tusin naf-xumida tuugga iyo kan daba joogaba, naxariisina ma aha in ruux buka lagu sii-daayo dadka ee waxaa naxariis ah in la daweeyo khayrkana la tusiyo wanaaggana lagu hanuuniyo shaqana loo yeelo hadday baahi jirto, waxaannu rumaysanahay Eebbaha falka san iyo xukunkiisa caadilka ah, ee ha usoo noqdeen kuwaas qalbiga ka buka ee tuugada ayidi. Al-Maa’idah (36-40)

 

  1. Rasuulow yeyna ku walbahaarin kuwa ku dagdagi gaalnimada oo ah kuwa ku yidhi afkooda, “Waan rumaynay,” oyna rumayn quluubtoodu, iyo kuwa yuhuudoobay waxay maqli og yihiin beenta waxayna maqli og yihiin qawm kale oon kuu imaanin waxayna ka leexiyaan kalimooyinka meelaheeda [dhabta] waxayna odhan, “Haddii laydin siiyo kan [leexsan] qaata haddaanse laydin siinin ka digtoonaada.” Ruuxuu doono Eebbe ibtilayntiisa waxba ugama hanatid Eebbe waxba, kuwaasina waa kuwaan Eebbe la doonin inuu daahiriyo quluubtooda, waxayna mudan adduunka dulli Aakharana waxay mudan cadaab wayn.
  2. Waxay maqli og yihiin beenta waxayna cunid badan yihiin xaaraanta, hadday kuu yimaadaanna kala xukun dhexdooda ama ka jeedso, haddaad ka jeedsatana wax kaama dhibaan, haddaad kala xukuntana caddaalad ku kala xukun, Eebbe wuxuu jecel yahay caadiliintee.
  3. Siday kuugu xukuntami iyadoo agtooda yahay Tawreed oo xukunkii Eebbe ku yaal markaasna ay ka jeedsan intaas kadib, kuwaasi ma aha mu‘miniin.

 

Aayadahanu waxay kusoo degeen kuwa ku dagdaga gaalnimada oo ka baxa daacadda Eebbe iyo Rasuulkiisa, oo ka hormariya hawadooda iyo ra‘yigooda Shareecada Eebbe, waana munaaflqiinta colka Eebbe ah, waxaa kale oo iyana colka Eebbe ah kuwa Yuhuudda ah ee beenta maqla dhexdoodana wax isu-sheega, Xaqana leexiya, siday u leexiyeen, ee qalloocana is-fara inay haystaan, wax kalana ayan maqlin, waana kuwa Eebbe ibtileeyey, wax xagga Eebbe wax uga tarina ma jiraan, dulli iyo cadaab bayna mudan Aakharo iyo adduunba. Been-maqalkana waxay ku darsadeen cunidda xaaraanta iyo boolida, wuxuuna u khiyaar-galiyey inuu iskaga jeedsado hadday u yimaadaan ama caddaalad ku kala xukumo. Xaqa oo la qariyo, beentoo la faafiyo oo la maqlo iyo xaaraanta oo la cuno waa caadada Yuhuudda iyo inta raacda ama lamid noqda gaar ahaan waxay kusoo degeen xaalka zinada iyo magdhawga dilka, oy ka been-sheegeen, waxaase waajib ah in laga leexdo jidkooda. Al-Maa’idah (41-43)

 

  1. Annagaa soo dejinnay Tawreed oo dhexdeeda ku sugan yahay hanuun iyo Nuur, oyna ku xukumayeen Nabiyadii u hoggaansamay Eebbe kuwii yuhuudoobay, waxaana xukumi jiray madaxdii iyo culimadii wixii laga doonay inay ilaaliyaan oo Kitaabka Eebbe ah, waxay ku ahaayeen markhaati ee haka cabsanina dadka ee iga cabsada ani, hana ku gadanina aayaadkayga lacag [qiimo] yar, ciddaan xukumin wuxuu soo dejiyey Eebbe kuwaasi waa gaalo uun.
  2. Waxaan ku faral-yeelnay korkooda in nafta [loo qisaaso] nafta, ishana isha, sankana sanka, dhagtana dhagta, iliggana iligga, nabarradana waa laysu qisaasi, ciddii iska sadaqaysata [saamaxda] waxay u noqon kafaaro [dambi-dhaaf]. Ciddaanse xukumin wuxuu soo dejiyey Eebbe kuwaasi waa daalimiin uun.

 

Tawreed wuxuu ahaa Kitaab Eebbe oo xaq ah oos Nabi Muuse kusoo dejiyey, kadibse Yuhuuddu leexisay waxaana ku yiil hanuun iyo Nuur, waxaana xukumi jiray Nabiyadii Eebbe u hoggaansamay iyo culimadii iyo madaxdii wax kasaysay, waxaana la faray inay dhawraan maragna ka ahaadaan, oyna ku gadanin aayaadka Eebbe wax nafci ah, ciddaan xukumin waxa Eebbe soo dejiyeyna waa mid gaaloobay. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Ciddii diidda waxa Eebbe soo dejiyey wuu gaaloobay.” Aayadda kalana waxay ka warrami qisaasta iyo in cid walba laga gudan waxay gaysato, ama naf ama xubin, taasina waxay ku tusin caddaaladda Islaamka iyo in Sharciga Eebbe u siman yahay dadku, ciddii iyadu iska cafida xaq bay u leedahay ajirna way ka heli, ciddaan saas xukuminna waa mid daalimiin ah. Aayadduna waa arrin guud oo cid walba ku rumoobi, waxayna caddayn in dadka rag iyo haween lagu qisaasi, waxaana sugnaaday in ragga haweenka loo qisaasi. waana taa caddaaladda Islaamka ciddii ku dhaqmi. Al-Maa’idah (44-45)

 

  1. Waxaana raacsiinnay raadkoodii Ciise ibnu Maryama isagoo rumayn wixii hortiisa ahaa oo Tawreed ah, waxaana siinnay Injiil oo hanuun iyo Nuur ku sugan yahay, una rumayn wixii ka horreeyey oo Tawreed ah hanuun iyo waanana u ah kuwa dhawrsada.
  2. Ha xukumeen ehelka-Injiil wuxuu kusoo dejiyey Eebbe dhexdiisa, cidaan xukumin wuxuu soo dejiyey Eebbe waa mid faasiq ah uun.
  3. Waxaana kugusoo dejiyey Kitaabka Xaqa Isagoo rumayn wixii ka horreeyey oo Kitaab ah, isagoo marag iyo ilaaliye u ah, ee ku kala xukun dhexdooda wuxuu soo dejiyey Eebbe hana ka raacin hawadooda waxa kuu yimid oo Xaq ah, dhammaan waxaan u yeellay Shareeco iyo waddo, hadduu doono Eebbana wuxuu idinka yeeli ummad kaliya, laakiin wuu idinku imtixaami wuxuu idin siiyey ee u tartama khayrka, xagga Eebbe yey noqoshadiinnu tahay, dhammaan wuxuuna idiinka warrami waxaad isku diiddanaydeen.

 

Waxaa ka dambeeyey Tawreed Nabi Ciise oo Injiil lagu soo dejiyey isagoo hanuun ah u rumaynna Tawreed, waxaana la faray Injiil ehelkeedii inay xukumaan waxa Eebbe soo dejiyey illeen ciddaan xukumin waxa Eebbe soo dejiyey waa uun faasiq ee. Markaasaa Qur’aanka sharafta leh Eebbe kusoo dejiyey Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) isagoo marag iyo ilaaliye u ah Kutubtii hore, waana in lagu dhaqmo, oon hawada laga dooranin, ummad kasta wuxuu Eebbe u yeelay Sharci iyo waddo, hadduu doonana wuxuu ka yeeli lahaa ummad qudha, laakiin inuu ku imtixaamo wuxuu siiyey, waana in wanaagga loo tartamo illeen Eebbaa loo noqone. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Annagu haddaan nahay Nabiyada waxaan nahay walaalo Diintannaduna waa mid.” Al-Maa’idah (46-48)

 

  1. Ku kala xukun dhexdooda wuxuu soo dejiyey Eebbe, hana raacin hawadooda, kana digtoonow inay kaa fidmeeyaan waxa Eebbe kugu soo dejiyey qaarkiis, hadday jeedsadaanna ogow in Eebbe la doonayo inuu ku asiibo [ciqaabo] dambigooda qaarkiis, wax badan oo dadka kamid ahna waa faasiqiin.
  2. Ma xukunka jaahiliyad yey doonayaan? Yaa uga fiican Eebbe xukunkiisa qawmka wax yaqiinsan [rumaysan]?

 

Wuxuu Eebbe faray Nabiga, ummaddiisuna waa la mide, inuu ku kala xukumo dadka Qur’aanka Eebbe soo dejiyey, uusanna raacin waxay gaaladu jeceshahay, kana digtoonaado inay ka leexiyaan Xaqa, hadday Xaqa ka jeedsanna waxaa u sabab ah dambigooda oo Eebbe u qabtay, dadka wax badan oo kamid ahna waa faasiqiin, mana habboona in xukun jaahili ah laga doorto xukunka iyo Sharciga Eebbe ee wanaagsan. Ibnu Kathiir wuxuu yidhi, “Eebbe wuxuu ku diidi oo canaanan kuwa ka leexda xukunka Eebbe ee kulmiyey khayr oo dhan, kana reeba xumaan oo dhan, oo uga leexday wax kasoo hadhay oo ra‘yi iyo hawo iyo nadaamyo ay sameeyeen dad iyagoon daliil Shareecada Eebbe ka haysan, ciddii saas fasha waa in lala dagaallamo intuu uga noqdo xukunka Eebbe iyo Rasuulkiisa, uusanna xukumin wax kasoo hadhay wax yar iyo wax wayn midna.” Xasan Basrina wuxuu yidhi, “Ciddii xukunta xukunka Eebbe waxaan ahayn, waa xukun jaahili ah.” Waana kaas Sharciga Eebbe iyo Diintiisii waxaana dhab ah ciddii ku dhaqantana inay heli nabadgalyo, caddaalad, barwaaqo iyo wanaag. Tii ka leexatana ay la kulmi halaag, qas, caddaalad-darro, khilaaf, nabadgalyo-la‘aan iyo dhib oo dhan, sida muuqata, waxaase lala hadli ciddii caqli leh. Al-Maa’idah (49-50)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, haka yeelanina Yuhuud iyo Nasaara sokeeye, qaarkood waa sokeeyaha qaarka [kale], ciddii ka sokeeya-yeelata oo idin kamid ah wuxuu kamid yahay iyaga, Eebbe ma hanuuniyo qawmka daalimiinta ah.
  2. Waxaad arkaysaan kuwa qalbiga ka buka [munaafiqiinta] oo u degdegi dhexdooda, iyagoo dhihi “Waxaannu ka cabsan inay nagu dhacdo dhibaato [socota],” waxay u dhawdahay in Eebbe keeno fatxi [gargaar] xaggiisa ah oo markaas ay ahaadaan kuwo waxay u qarsanayeen naftooda [oo jacaylka gaalada ah] qoomameeya.
  3. Waxay odhan kuwii rumeeyey [Xaqa], “Ma kuwaasaa kuwii ku dhaartay Eebbe dhaar adag inay idin la-jiraan? Waxaa hoobtay Camalkoodii waxayna ahaadeen kuwo khasaaray.”

 

Wuxuu Eebbe Sarreeye ka reebayaa kuwa Xaqa rumeeyey inay sokeeye ka yeeshaan Yuhuud iyo Nasaara ee ah col Islaamka iyo dadkiisa, illeen qaarkood qaarka kale sokeeyuu u yahaye, ciddii xidhiidh sokeeye la yeelatana iyaguu kamid yahay, Eebbana ma hanuuniyo qawm daalimiin ah, waxaana jira in kuwa munaafiqiinta ah ee qalbiga ka buka u degdagaan xidhiidhintooda iyagoo sheegi inay ka cabsan in dhib ku dhaco, waxayse u dhawdahay in gargaarka Eebbe yimaado oo markaas qoomameeyaan xumaantay qarsanayeen, waxayna odhan kuwa Xaqa rumeeyey, “Ma kuwaasaa kuwii dhaarta adag Eebbe ku dhaartay inay idin la-jiraan? Camalkoodu wuu buray wayna khasaareen.” Aayaduhuna waxay wareemi kuwaan noolaan karin xidhiidh-gaalo la‘aanteed, waana doqonnimo inaad colkaa saaxiib ka dhigato, yaase wax maqashiin dadka dhumay? Al-Maa’idah (51-53)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, ruuxii ka riddooba Diintiisa oo idin kamid ah, wuxuu Eebbe keeni qawm uu jecel yahay iyana jecel, una naxariista mu‘miniinta kuna daran gaalada, kuna jahaadi Jidka Eebbe oon ka cabsanayn canaanta canaante, taasina waa fadliga Eebbe wuxuuna siiyaa cidduu doono, Eebbana waa Deeq-Badane Og.
  2. Waligiinnu waa uun Eebbe iyo Rasuulkiisa iyo kuwa rumeeyey [Xaqa] ee ooga salaadda oo bixiya zakada oo rukuuca.
  3. Ciddii ka wali yeelata Eebbe iyo Rasuulkiisa iyo kuwa rumeeyey Xaqa, Xizbiga Ilaahay un baa adkaan.

 

Ilaahay wuxuu inoo sheegi ciddii ka jeedsata gargaarka Diintiisa iyo fulinta Sharcigiisa inuu Eebbe ku baddali mid ka khayr-roon, kana xoog badan kana toosan, oo ku jahaadi Jidka Eebbe, kana cabsanayn dagaalid, illeen Eebbaa fadligiisu waasac yahaye, mu‘miniintana Eebbaa u Wali ah, iyo Rasuulkiisa iyo kuwa Xaqa rumeeyey, ee tukada, zakadana bixiya, ciddii ka Wali yeelata Ilaahay, Rasuulkiisa iyo kuwa Xaqa rumeeyeyna wuu guulaysan, illeen Xizbiga Eebbe un baa adkaadee. Aayaduhuna waxay ishaari in ciddii gaalawda Eebbe ka kaaftoomi, kuna baddali mid ka fiican. Tan kale waa inaan Xaqa looga leexan loogana aamusin dagaalidda. Imaam Axmed waxaa laga wariyey in Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi, “Yuuna ka reebin midkiin cabsida dadka Eebbe korkiisa inuu Xaqa sheego, illeen masoo dhaweeyo ajal, mana fogeeyo rizqi in Xaqa la sheego, ama loo sheegi mid wayn.” Al-Maa’idah (54-56)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, haka yeelanina kuwa ka yeeshay Diinta jeesjees iyo ciyaar oo ah kuwa ehlu-Kitaabka ah idinkana horreeyey iyo gaalada sokeeye, kana dhawrsada Eebbe haddaad tihiin mu’miniin.
  2. Markaad ugu dhawaaqdaan salaaddana waxay ka yeeshaan jeesjees iyo ciyaar, waxaana arrintaas ugu wacan inay yihiin qawm aan wax kasayn.
  3. Waxaad dhahdaa, “Ehlu-Kitaabow miyaad noogu cadhoonaysaan inaan rumaynay Eebbe iyo waxa naloo soo dejiyey iyo wixii la dajiyey horay mooyee? Badankiinnu waa faasiqiin.”
  4. Waxaad dhahdaa, “Maydinka warramaa waxa ka shar badan arrintaas? Abaal-marinta Eebbe agtiisa waa mid Eebbe nacladay una cadhooday kana yeelay daanyeerro, doofaarro iyo Shaydaan-caabude, kuwaasay shar badan tahay meeshoodu kana dhumid badan Jidka Toosan.”

 

Wax badan yuu Qur’aanku ka digay sokeeye-ka-yeelashada gaalada ka yeelan Diinta Eebbe jeesjees iyo ciyaar, ama ha ahaado ehlu-Kitaab ama gaala kale. Sidoo kale waxay ku jeesjeesaan aadaanka salaadda illeen waa kuwo aan wax kasayne, waxay Muslimiinta ku nici oon Xaqay rumeeyeen ahaynna ma jiro, waxaana u xun wax la arko cid Eebbe lacnaday, oo u cadhooday, oo ka yeelay daanyeer, doofaar iyo Shaydaan-caabud, waxaana jirta arrin dhab ah oo Qur’aanku ku celceliyo oo ah in gaalo tahay colka Eebbe, Nabiga, Diinta Islaamka ah, Muslimiinta iyo Xaqa toosanba, waana in laga digtoonaado lagana feejignaado. Al-Maa’idah (57-60)

 

  1. Hadday idiin yimaaddaan waxay dhahaan, “Waan rumaynay [Xaqa],” iyagoo lasoo galay gaalnimo, lana baxay, Eebbana waa ogyahay waxay qarin.
  2. Waxaad arkaysaa wax badan oo kamid ah oo u degdegi dambiga iyo colnimada iyo cunidda xaaraanta, waxaa xumaan badan waxay fali.
  3. May ka reebaan ikhyaartu iyo culimadu hadalkooda dambiga ah iyo cunidda xaaraanta, waxaa xumaan badan waxay samayn.
  4. Waxay tidhi Yuhuuddu, “Gacanta Eebbe waa laaban tahay,” hala laabo gacmahoodu hana la naclado hadalkay dheheen dartiis, saas ma aha ee waxay ku fidsan yihiin khayrka [deeq-badane] wuxuuna u nafaqeeyaa siduu doono, wuxuuna u kordhin wax badan oo iyaga kamid ah waxa lagaaga soo dejiyey Eebbahaa xad-gudub iyo gaalnimo, waxaana ku dhex-tuuray col iyo cadho tan iyo Qiyaame, mar kastoy huriyaan dab dagaalna waxaa bakhtiiya Eebbe, waxayna la socdaan dhulka fasaad, Ilaahayna ma jecla kuwa wax fasaadiya.

 

Munaafiqiintu meelay joogaanba kama tagaan gaalnimo iyo xumaan, Eebbana waa ogyahay waxay qarin, waxaadna ku aragtaa inay u degdegi dambiga, colnimada iyo xaaraan-cunka, wax xun bayna falaan, culimadaan ka reebin waxaasna waxay sameeyeen wax xumaan badan. Yuhuudna lacnadi haku dhacdee waxay af-xumeeyeen Ilaaheen Sarreeye, kuna sheegeen bakhaylnimo, iyagaase bakhayllo ah lana lacnaday ee Eebbe waa deeqsi siduu rabo wax u bixiya, waxayna ka qaadi Xaqa xad-gudub, gaalnimo, col dhexdooda ah, cadho tan iyo Qiyaamada, dabkay huriyaanna Eebbaa bakhtiin, dhulkana way fasaadiyaan Eebbana ma jecla kuwa wax fasaadiya. Al-Maa’idah (61- 64)

 

  1. Hadday ehlu-Kitaabku rumeeyaan Xaqa oy dhawrsadaan waxaan ka asturi lahayn xaggooda xumaantooda waxaana galin lahayn Jannada Naciimo.
  2. Hadday ku camal-falaan Tawreed, Injiil, iyo waxa looga soo dejiyey xagga Eebbahoodna waxay ka cuni lahaayeen korkooda iyo hoostooda [barwaaqo], waxaa kamid ah ummad dhexdhexaysa, wax badan oo kamid ahna waxaa xun waxay fali.
  3. Rasuulow gaadhsii [dadka] waxa lagaaga soo dejiyey Eebbahaa, haddaadan falin ma aadan gaadhsiin risaaladiisa [farriintiisa], Eebbaana kaa ilaalin dadka, Eebbana ma hanuuniyo qawm gaala ah.

 

Kutubta Eebbe soo dejiyey waa Xaq haddaan la leexin, saas darteed hadday ku camal-fali lahaayeen ehlu-Kitaabku waxaa la dhaafi lahaa dambigooda, waana la jannayni lahaa, waxayna heli lahaayeen barwaaqo, waxaase laga helaa cid dhexdhexaysa, wax badan baase xumaan fala, Eebbana wuxuu faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu gaadhsiiyo dadka waxa Eebbe kusoo dejiyey, hadduusan saas falinna wax ma gaadhsiin, dadkana Eebbaa ka dhawri, mana hanuuniyo gaalada. Caa‘isha waxay tidhi, “Hadduu Nabigu qarin waxa loo waxyooday wuxuu qarin lahaa aayaddan.” Nabiguna maalinta Xajkii Waynaa wuxuu warsaday asxaabta inuu gaadhsiiyey Xaqa iyo in kale, waxayna sheegeen inuu gaadhsiiyey. Markaasuu farta cirka u taagay oo yidhi oo kusoo celceliyey oo yidhi, “Eebbow sow ma gaadhsiin?” Al-Maa’idah (65-67)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Ehlu-Kitaabow, waxba ma tihidiin intaad ka oogtaan Tawreed, Injiil iyo waxa laydiin kasoo dejiyey xagga Eebbihiin [Qur’aanka],” wuxuuna u kordhin wax badan oo kamid ah waxa xagga Eebbahaa lagaaga soo dejiyey xad-gudub iyo gaalnimo ee haw murugoon qawmka gaalada ah.
  2. Kuwa Xaqa rumeeyey iyo kuwa yuhuudoobay iyo Saabi‘iinta iyo Nasaara ciddii rumeysa Eebbe, Maalinta Dambe [Qiyaamada] oo fala camal fiican cabsi korkooda ma ahaato iyo walbahaar [midna].
  3. Waxaan qaadnay ballanka Banii Israa‘iil, waxaana u dirnay xaggooda Rasuullo, markastoos ula yimaado Rasuul waxaan naftoodu jeclayn koox way beeniyaan kooxna way dilaan.
  4. Waxayna u maleeyeen inaan fidmo jirin, wayna indho-beeleen oo dhago-beeleen, markaasuu Eebbe ka tawbad aqbalay, markaasay indho-beeleen oo dhago-beeleen wax badan oo kamid ah, Eebbana waa arkaa waxay fali.

 

Ehlu-Kitaab waxba ma aha intay kaga socdaan waxay Tawreed, lnjiil iyo Qur’aanka fari, wax badan oo kamid ahna way xad-gudbaan oo gaaloobaan markay Qur’aanka maqlaan, ciddii Eebbe rumeysa iyo Qiyaame oo camal fiican fasha oo waafaqsan Shareecada Islaamka cabsi iyo murug midna ma hayso, reer Banii Israa‘iil wuxuu Eebbe ballan kaga qaaday inay Xaqa rumeeyaan, wayse buriyeen oy Rasuullada qaar beeniyaan qaarna dilaan, iyagoon dhib u arkayn, waase kuwo indho- iyo dhaga-la‘, waana arkaa Eebbe waxay fali. Aayaduhuna waxay caddayn in dadku qiimo ku leeyahay raacidda iyo ku-dhaqanka Xaqa, haddii kale waxba ma aha, wax qiima ahna ma laha. Al-Maa’idah (68-71)

 

  1. Waxaa gaaloobay kuwa yidhi, “Eebbe waa Masiixi ibnu Maryama,” wuxuuna yidhi Masiix [Ciise], “Banii Israa’iilow, caabuda Eebbe ee ah Eebbahay iyo Eebbihiin, ruuxii u shariik yeela Eebbe [la wadaajiya] wuxuu Eebbe ka xarrimay Jannada wuxuuna ku hoyan Naarta, daalimna ma helo gargaare.”
  2. Waxaa gaaloobay kuwii yidhi, “Ilaahay waa saddex midkood,” Ilaah kaliya mooyee ilaah kalana [Xaq lagu caabudo] ma jiro, haddayna ka joogin waxay sheegina waxaa taaban kuwa gaaloobay oo kamid ah cadaab daran.
  3. Miyeyna u tawbad keenayn Eebbe oyna dambi-dhaaf warsanayn? Eebbaana dambi-dhaafe naxariista ah.
  4. Masiix [Ciise] ibnu Maryama ma aha waxaan Rasuul ahayn, waxaana tagay hortiis Rasuulladii, hooyadiisna waxay ahayd rumayso, waxayna cuni jireen cunnada, day saannu ugu caddayn aayaadka markaas day sida loo iilo.

 

Aayadahanu waxay caddayn siday Nasaaro u gaalowday, oo ah inay Nabi Ciise ilaah ku sheegeen, oy dheheen waa ilaah saddaxaad, isagoy dhabtu tahay inuu Ilaah kaliya yahay wax la wadaaga ilaahnimada jirin, ciddii wax la wadaajisana Janno ka dheer tahay, Naarna uu gali, Nabi Ciisana yahay addoon Eebbe oo Rasuul ah sidii Rasuulladii hore, hooyadiina runlay tahay oyna ahaayeen kuwo wax cuna, balse day sida Xaqa loogu caddeeyey iyo siday u dhumi. Saas darteed yey doqonnimo tahay in Eebbe la diido ama ilaah kale la sheego, wanaag, sharaf, iyo Jannona waxaa mudan Muslimka toosan siduu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) u yidhi, “Ma galo Jannada ruux aan Muslim ahayn.” Al-Maa’idah (72-75)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Ma waxaad caabudaysaan Eebbe ka-sokow waxaan hananin dhib iyo dheef [midna] Eebbana yahay Maqle Oge ah?”
  2. Waxaad dhahdaa, “Ehlu-Kitaabow haku xad-gudbina Diintiinna si aan xaq ahayn, hana raacina hawada qawm dhumay mar hore dhumiyeynna wax badan kana dhumay Jidka Toosan.”
  3. Waa lagu lacnaday kuwii gaaloobay oo Banii Israa‘iil ah carrabka Daawuud iyo Ciise ibnu Maryama, arrintaasna waxaa ugu wacan caasinimadooda ahaayeenna kuwo xad-gudba.
  4. Waxayna ahaayeen kuwaan iska reebayn xumaan ay falayaan, waxaa xun waxay falayeen.
  5. Waxaad arkaysaan wax badan oo kamid ah oo ka sokeeye dhigan kuwo gaaloobay waxaa xun waxay u hormarsatay naftoodu oo ah in Eebbe u cadhooday, cadaabkana ay ku waari.
  6. Hadday yihiin kuwo rumeyn Eebbe iyo Nabiga iyo waxa lagu soo dejiyey mayna yeesheen sokeeye gaalo laakiin wax badan oo kamid ah waa faasiqiin.

 

Eebbaa cibaado muta awoodna leh, mana habboona in wax kale la caabudo, tan kale waa inaan lagu xad-gudbin Diinta si aan xaq ahayn oo cidna la siin xaqa Eebbe siday gaaladu faleen, kuwaasoo lagu lacnaday carrabkii Nabi Daawuud iyo Ciise ibnu Maryama, illeen xumaanta iskama reebi jirine, waxaana jira kuwo gaalada sokeeye ka dhigan, waase kuwo Eebbe u cadhooday oo ku waari Naarta, illeen hadday Eebbe iyo Nabiga dhab u rumeeyaan kamayna yeesheen sokeeye, laakiin wax badan oo kamid ah waa faasiqiin. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Fara wanaagga oo reeba xumaanta ka hor intaydaan intaad Ilaahay baridaan uusan idin ajiibin.” Taasina waxay muujin in wanaagga la faro dadka xumaantana laga reebo, jidka gaaladana laga fogaado. Al-Maa’idah (76-81)

 

  1. Waxaad ogaan kuwa dadka u daran colnimada kuwa [Xaqa] rumeeyey [Muslimiinta] Yuhuud iyo mushrikiinta [diinlaawayaasha] waxaad ogaan kuwa ugu soo dhaw jacayl kuwa rumeeyey Xaqa [Muslimiinta] inay yihiin kuwa dhihi, “Waxaan nahay Nasaaro,” illeen waxaa kamid ah qaysas iyo raahibiin ismana kibriyaan.
  2. Markay maqlaan waxa lagu soo dejiyey Rasuulkana waxaad arkaysaa indhahoodoo ilmo ka daadan waxay aqoonsadeen oo Xaqa ah iyagoo dhihi, “Eebbow waan rumeynay ee nagu dhig [yeel] kuwa marag furi [Xaqa qiri].”
  3. “Maxaanaan u rumeynaynin Eebbe iyo waxa noo yimid oo xaq ah oonaan u damcaynin inuu na galiyo [naga mid yeelo] Ilaahanno qawmka suubban la-jirkooda.”
  4. Wuuna ku abaal-marin Eebbe waxay dhaheen Jannooyin oy socoto dhexdeeda wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, taasina waa abaal-marinta sama-falayaasha.
  5. Kuwa gaaloobay oo beeniyey aayaadkannaga kuwaasu waa Jaxiimo ehelkeeda.

 

Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi waxay kusoo degtey aayadahan Najaashi iyo saaxiibbadiis, markuu Jacfar ku akhriyey Qur’aanka, waxaase muuqata had iyo jeer colnimada iyo nacbaanta Yuhuud iyo diinlaaweyaashu u qabaan Xaqa iyo Diinta Islaamka iyo Muslimiinta, hase yeeshee hadday Nasaaradu ugu dhaqmi Injiil si dhab ah oo sugan waa inay noqdaan sida aayaduhu sheegeen oo ka dhawraan colka iyo waxyeellada Muslimiinta iyo Diinta Islaamka, haddii kale kuma dhaqmaan Injiil ee waa Yuhuud ama Mulxidiin diinlaawayaal ah, kuwaasna waxaa Xaqa u diiday xasad, isla-wayni, xumaan-jacayl iyo inay xorriyad u helaan si ay uga dharjiyaan naftooda wax kastoo xumaan ah oy doonaan. Waxaana sugnaatay hadduu la kaliyoobo Yuhuudi ruux Muslim ah wuxuu doonaa inuu dilo. Taasina way muuqataa had iyo jeer, waase in laysku duubnaado lagana digtoonaado, lagana hortago. Al-Maa’idah (82-86)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, ha xarrimina wanaagga [xalaasha] Eebbe idiin banneeyey hana xad-gudbina, Eebbe ma jecla kuwa xad-gudbee.
  2. Waxna ka cuna wuxuu idinku arzaaqay Eebbe isagoo xalaal fiican ah kana dhawrsada Eebbe ee ah kaad rumeysan tihiin.
  3. Eebbe idiin ma qabto dhaar dan-la‘aaneed [laqwi] laakiin wuxuu idiin qaban dhaartaad u qasaddaan, kafaaradeeduna waa quudin toban miskiin [oo siisaan] kan u dhexeeya waxaad ku quudisaan ehelkiinna ama arrad-bixintooda ama xorayn qoor, ciddaan helinna waxay soomi saddex maalmood, taasaana ah kafaarada dhaartiinna markaad dhaarataan, ee dhawra dhaartiinna, saasuuna idiinku caddayn Eebbe aayadkiisa, waxaadna mudan tihiin inaad ku mahdisaan.

 

Ma bannaana wax Eebbe banneeyey in la xarrimo, ama lagu xad-gudbo, illeen Eebbe ma jecla kuwaas xad-gudbee, waana in xalaasha fiican la cuno. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Waxay soo degtay mar koox asxaabtii ah ay damceen in nolosha adduunka dhan ka maraan, markaasuu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi markii loo sheegay, ‘Anigu waan soomi (sunnaha) oon marna afuri, marna waan tukan (sunnaha) marna waan seexan, haweenkana waan guursan ee ciddii Sunnadayda (waddadayda) qaadatana waa iga mid, ciddaan qaadaninna iga mid ma aha.’” Ibnu Abii Xaatim. Aayadda kalana waxay ka warrami inaan Eebbe inoo qabanayn dhaarta carrabku xado ee midda loo qasdo un baa laysu qaban, waxaana lagu kafaara-gutaa haddaan la falinin toban miskiin quudintood ama arrad-bixintood ama xorayn qoor, waase in la dhawraa dhaarta Eebbana wax walba wuu caddayn inaad ku mahdisaan. Al-Maa’idah (87-89)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, khamrada, qamaarka, sanamyada [taagan] iyo faalku waa uun xuman [wasakh] oo camal Shaydaan ah ee ka fogaada inaad liibaantaan.
  2. Wuxuu uun dooni Shaydaanku inuu idinku dhex-tuuro colnimo iyo is-nac khamrada iyo qamaarka idinkana celiyo xusidda Eebbe iyo salaadda ee maka joogaysaan? [ka jooga.]
  3. Adeeca Eebbe adeecana Rasuulka, digtoonaadana, haddaadse jeedsataan ogaada waxaa uun Rasuulkannaga saaran gaadhsiin cadi.
  4. Dhib [dambi] ma saarra kuwa Xaqa rumeeyey oo camal fiican falay waxay quuteen hadday dhawrsadaan oy Xaqa dhab u rumeeyaan camal fiicanna falaan, oy xumaanta ka dhawrsadaan oy Xaqa rumeeyaan, haddana dhawrsadaan samana falaan, Eebbana wuxuu jecel yahay samo-falayaasha.

 

Khamrada iyo qamaarka, iyo wax u gawricidda iyo xuska sanamyada la taagay iyo faalkuba waa waxyaalo xun oo camal Shaydaan ah, oo khayrka kaa celin, colnimo iyo cadhana beeri waana waajib inuu ruuxa Muslimka ah ka fogaado isagoo Eebbe iyo Rasuulkiisa adeeci, ciddii Xaqa ka jeedsatana waxba Rasuulka kama saarna oon gaadhsiin cad ahayn, dadkiise falay wax kamid ah waxaas intaan la xarrimin dambi ma saarna hadday dhab Xaqa u rumeeyaan kadib oo dhawrsadaan camal fiicanna falaan, illeen Eebbaa jecel sidaase. Xumaanta khamrada, qamaarka iyo waxa la midka ah wax qarsoon ma aha, waana Aakharo-, adduun-, caafimaad-, xoolo-, caqli- iyo sharaf-waa, inta caqliga leh oo dhanna waxay ku kulmeen xumaanta iyo waxyeellada khamrada, waxaana ka warramay xaaraannimadeeda iyo waxyeelladeeda Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waxaana kamid ah, “Wax kastoo wax waaliya waa khamro waana xaaraan,” iyo “Eebbe ha lacnado khamrada, kan cabba, kan waraabiya, kan gada, kan gata, kan xambaara, kan loo xambaaro, kan miira, kan loo miiro iyo kan cuna lacagteeda.” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Bal day xaalkeeda iyo xumiddeeda, wataas aragtida Islaamka ee khamrada. wuxuuna Eebbe banneeyey waxyaalo macaan oo fiican oo la cabbo, maxayse ka heleen kuwa banneeyey? Waa uun waalli, cudur, dil, nabadgalyo-darro iyo xumaan oo dhan, illeen khamro waa hooyada xumaantee, maxaa ka fiican Islaamka iyo wuxuu fari? Waana waajib in la raaco. Al-Maa’idah (90-93)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, wuxuu idinku imtixaami Eebbe wax ugaadha kamid ah [waqtiga Xajka] oo gaadhayaan gacmihiinnu iyo waramihiinnu in Eebbe muujiyo cidda ka cabsata isagoo kali ah, ciddiise xad-gudubta intaas kadib wuxuu mudan cadaab daran.
  2. Kuwa Xaqa rumeeyow, ha dilina ugaadha idinkoo xarman, ciddiise disha oo idin kamid ah si kas ah waxaa saaran wuxuu dilay wax lamid ah oo xoolo ah oy xukumi labo caadil ah oo idin kamid ah isagoo ah hadiyad gaadhi Kacbada, ama kafaaro-gud quudin masaakiin ama wax u dhigma oo soon ah inuu dhadhamiyo ciqaabta amarkiisa, wuu idinka saamaxay Eebbe wixii horreeyey ciddiise ku noqota wuu ka aarsan Eebbe, Ilaahayna waa Adkaade aarsada.

 

Aayaduhu waxay ka warrami in waqtiga la xarmado Xajka ama Cumrada ay reebban tahay in ugaadha la laayo, waxaana jirtay inuu Eebbe ku imtixaamay Muslimiintii arrintaas si loo kala caddaado ciddii saas fashana way xad-gudubtay, waxaana saaran inuu gudo ugaadhuu dilay wax lamid ah oo xoolo ah, waxaana qiimayn labo caadil ah oo Muslimiinta kamid ah, waxaana la geyn Xaramka Makkaad sadaqo ahaan, haddii kale wuxuu quudin masaakiin qiimihiisa ama wuu soomi si uu u dhadhamiyo ciqaabta gafkiisa, intaan layska reebin wixii dhacay waa ka saamaxay Eebbe, ciddii ku noqotana wuu ka aarsan. Muqaatil binu Xayaan wuxuu yidhi, “Waxay soo degeen Cumradii Xudaybiyo. Taasina waxay ku tusin inay waajib tahay inuu gawraco waqtiga Ixraamka.” Al-Maa’idah (94-95)

 

  1. Waxaa laydiin banneeyey ugaadhsiga badda iyo cunnadeeda idinkoo ku intifaaci iyo socdaalba, [idinkoo xarman] waxaana laydinka reebay ka-ugaadhsiga barriga intaad xarman tihiin, ka-dhawrsada Eebbaha xaggiisa laydiin soo kulmin.
  2. Wuxuu ka yeelay Ilaahay Kacbada Bayd [guriga] Xurmada leh, dhawridda dadka iyo bilaha xurmada leh iyo hadyada iyo tan la calaameeyey [hadyada darteed] waana inaad ogaataan in Eebbe ogyahay waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka iyo in Eebbe wax kasta ogyahay.
  3. Ogaada in Eebbe ciqaabtiisu daran tahay Eebbana yahay dambi-dhaafe naxariista.
  4. Ma saarra Rasuulka waxaan gaadhsiin ahayn, Eebbana waa ogyahy waxaad muujinaysaan iyo waxaad qarinaysaan.

 

Aayadahanna waxay ka warrami in Ilaahay u banneeyey muxrimka Xajka iyo Cumrada inuu cuno waxa badda laga soo saaro, waxaase laga reebay ka-ugaadhsiga barriga intay xarman yihiin waana inay ka dhawrsadaan Eebbaha xaggiisa laysu soo kulmin. Kacbadana wuxuu Ilaahay ka yeelay guri sharaf leh oo xurma leh, dadkana maslaxo, iyo nabadgalyo ugu sugan tahay. Sidoo kale bilaha xurmaysan iyo hadyadda Xaramka loo wado, arrintaasna waxaa ugu wacan in Ilaahay ogyahay waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, iyo wax kastaba, waana in la ogaado in Eebbe ciqaab daran yahay, naxariistana, Rasuulkana waxaan gaadhsiinta Xaqa ahayn ma saarra, Eebbana wuu ogyahay waxa la muujin iyo waxa la qarsanba. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi isagoo badda ka warrami, “Waa daahir biyaheedu waana xalaal waxeeda dhinta.” Imaam Axmed. Waana waxyaalaha Eebbe dadka ugu nicmeeyey, kuna tusin awoodda Eebbe iyo naxariistiisa oy waajibna tahay in si fiican oo xaq iyo caddaalad ah loogu intifaaco laguna aqoonsado Eebbe iyo deeqdiisa. Al-Maa’idah (96-99)

 

  1. Waxaad dhahdaa [Nabiyow], “Ma eka wax xun iyo wax fiican aadba la yaabtid badnida kan xune, kana dhawrsada Eebbe dadka caqliga lahow inaad liibaantaan.”
  2. Kuwa Xaqa rumeeyow, ha warsanina waxyaalo haddii laydiin muujiyo idin murug-galin, haddaana warsataan marka Qur’aanka lasoo dejin waa laydiin muujin, wuuna idinka cafiyey Eebbe xaggeeda Ilaahayna waa dambi-dhaafe dul badan.
  3. Waxaa warsaday qawm idinka horreeyey markaasay noqdeen kuwo ka gaalooba [markii loo muujiyey].

 

Aayadahan waxay caddayn inaan xumaan iyo wanaag sinnayn, si kasto haw badnaato xumaantuye, waana inay dhawrsadaan dadka caqliga leh ee wax-garadka ah. Waxaana xadiith ku sugnaatay, “Wax yar ood gudato shukrigiisa yaa kaaga fiican wax badan oodan karin.” Taasina waxay ku tusin in waxa wanaagsani fiican yahay wuxuu yahayba, waxa xumina qiimo daran yahay si kasto haw batee ama wuxuu dooni ha noqdee. Waxaa kale oo aayadaha dambe ka warrami inaan la badinin warsiga macna-la’aaneed iyo ujeeddo-xumo illeen Diintu waa caddahaye, wixiise kaa qarsooma waa inaad si xushmad leh u warsataa ciddii garan, waxayna soo degeen aayaduhu mar Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) uu khudbad akhrinayey oo yidhi, “Haddaad ogtihiin waxaan ogahay wax badan baad ooyi lahaydeen, wax yarna waad qosli lahaydeen.” Markaasay asxaabtii wajiga dabooleen, iyagoo ooyi, markaasuu nin warsaday, “Aabbahay waa kuma?” Markaasay soo degeen aayaduhu, illeen Yuhuud iyo Nasaaro iyo gaaladii kalaba waxay warsan jireen warsi xun iyo madax-adayg wayna ka gaaloobi jireen. Wax warso laakiin si maamuusa iyo wax loo baahan yahay oo macquula oo wax tari. Al-Maa’idah (100-102)

 

  1. Ma yeelin Eebbe xoolo caanahooda sanamyada loo bixiyo [Baxiira] iyo xoolo sanamyada loo siidaayo [Saa’ibo] iyo xoolo dhaddig oo sanamyada lagu sadaqaysto [Wasiilo] iyo riti sanamyada loo daayo [Xaam]. Laakiin kuwii gaaloobay waxay ku been-abuuraan Eebbe been, badankoodna wax ma kasayaan.
  2. Marka loo yidhaahdo, “U kaalaya waxa Eebbe soo dejiyey iyo xagga Rasuulkana,” waxay dhahaan, “Waxaa nagu filan waxaan ka hellay aabbayaalkanno,” oo hadday aabbayaalkood ayna wax ogayn hanuunsanayna? [Ma raacayaan?]
  3. Kuwa Xaqa rumeeyow, waxaa idin saaran naftiinna, idinma dhibo ciddii dhunta haddaad hanuunsantaan, xagga Eebbe un baana noqoshadiinnu tahay dhammaan wuxuuna idinka warrami waxaad camal falayseen.

 

Jaahiliintii waxay ahaayeen kuwo aan Eebbe si fiican ugu xidhnayn, jaahil oo dhan caadadiisu waa saas, xoolahoodana waxay u bixin jireen waxaan dar Eebbe ahayn, sida sanamyada iyo waxa la midka ah, caanaha yey u bixin jireen neefkana way u siidayn jireen sanamyada, hadday dhaddig isku xijisiisana ama ritigu wax badan rimiyo waxay u siidayn jireen sanamyada, waana been-abuurasho aan xujo lahayn, marka Qur’aanka iyo Rasuulka loogu yeedhana waxay raacaan waxay aabbayaalkood oon wax ogayn hanuunsanaynna ka heleen, taasina waa ceeb weyn. Tan kale markaad toosnaato Xaqana si dhab ah dadka u fartid ciddii diidda oo dhunta waxba kaama saarra, mana aha ujeeddada aayaduhu inaan Xaqa la farin ee naftaada kaliya uun xil kaa saaran yahay, ma aha saas, waa inaad wanaag si fiican u farto, xumaantana si fiican uga reebto kadib xil kuma saarra. Waxaa jirta in dadka qaarkood si qalad ah u fahmeen aayaddan, oy dhaheen “Ani naftayda un baa i saaran ee maxaa dad kale hadduu dhumi iga galay?” Ma jiro cid kaligeed uun toosnaan karta dadkuna dhunsan yahay, illeen dadku waa xubin kaliya oo kale, waxaana khaladkaas ka waaniyey dadka Sayid Abuu-Bakar oo yidhi, “Waxaad ku fasirtaan aayadda si aan sideedii ahayn, wanaagga fara xumaantana reeba, siduu Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee).” Al-Maa’idah (103-105)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, maragga dhexdiinna ah markii mid idin kamid ah geeridu u timaaddo uu dardaarmi waa labo caadil oo idin kamid ah, ama labo kale oon idin kamid ahayn, markaad socdaal tihiin oo geeri idin hesho, idinkoo ku reebi salaad dabadeed iyagoo ku dhaaran Eebbe haddaad shakidaan, “Inaanan ku gadanayn qiimo yar qaraababa ha ahaadee, qarinna mayno maragga Eebbe markaas aan noqonno kuwa dambaabay.”
  2. Haddii la ogaado inay muteen dambi waxaa meeshooda joogsan [oo la dhaarin] labo kale oo ah kuwa ugu mudnaan badan dhaxalkiisa, wayna ku dhaaran Eebbe inuu maraggoodu ka xaqsan yahay maraggooda, “Mana xad-gudbaynno markaas aan noqonno daalimiin.”
  3. Saasaana u dhaw inay maragga ula yimaadaan sidiisa fiican ama ay ka cabsadaan in la diido dhaartooda intay dhaartaan kadib, ee ka dhawrsada Eebbe maqlana, Eebbana ma hanuuniyo qawm faasiqiin ah.

 

Aayadahani waxay ka warrami in hadduu ruux socdaal ah geeri u timaaddo uu ku dardaarmi labo caadil oo Muslim ah hortood haddii la waayana labo kale, iyagoo la dhaarin salaado dabadood inay run sheegi ooyan wax khayaamayn, oyna qarinayn xaqa. Haddii la shakiyana waxaa beddeli oo dhaaran inay xaqaas muteen labo kamid ah kuwa ugu dhaw kii dhintay, waxayna ku dhaaran in iyagu ka run badan yihiin. Saasaana u toosan in maragga ay u gutaan iyadoo saxiix ah si aan hadda kadib loo celin maraggooda. Waana Eebbe in laga yaabo, Xaqana la maqlo, illeen Ilaahay ma hanuuniyo qawm faasiqiin ah. Taasina waxay ku tusin siduu Islaamku ugu dadaali dhawridda xuquuqda dadka, una qadarin dadka Diinta haysta, una fari caddaalad, Eebbe ka-yaabid, sharaf-dhawrid iyo wanaag ku-dadaalid. Al-Maa’idah (106-108)

 

  1. [Ka warran] maalintuu kulmin Eebbe Rasuullada kuna dhihi, “Maxaa laydiinku jawaabay?” oy dhihi “Ma ogin Adiga un baa ogaal badan waxa maqan.”
  2. [Xusuuso] markuu Eebbe dhihi, “Ciise binu Maryamow, xusuuso nicmadaydii korkaaga ahayd iyo hooyadaaba markaan kugu xoojinnay Ruuxii Daahirka ahaa [Jibriil] ood kula hadlaysay dadka sariir-ilmood iyo adoo meel dhaxaada, iyo markaan ku baray Kitaabka iyo Xikmadda, iyo Tawreed iyo Injiil, iyo markaad ka yeelaysay dhoobada sidii shimbir idankayga ood afuufaysay oy noqonaysay shimbir idankayga, ood bogsiinaysay indhoole-ku-dhashe iyo baraslaha idankayga, ood soo bixinaysay maydka idankayga, markaan kaa kaafiyey Banii Israa’iil markaad ula timid xujooyin, oy dheheen kuwii gaaloobay oo kamid ah, “Kani waxaan sixir ahayn ma aha.”
  3. Markaan u waxyooday [ku ilhaameeyey] saaxiibbadi, “I rumeeya Aniga iyo Rasuulkayga,” oy dhaheen, “Waan rumaynay ee marag ka noqo inaan Muslimiin nahay.”

 

Aayadahan waxay ka warrami mucjisooyinkii Eebbe siiyey Nabi Ciise, sida lagu soo sheegay Suuradda Aali-Cimraan, waxaas oo mucjiso ahna waxay ku tusin awoodda Eebbe, iyo inuu isaga uun khayrku ka yimaado, wayna waajib tahay in si dhab ah loo caabudo loona raaco Sharcigiisa. Nabi Ciisana waa addoon Eebbe oo lamid ah Nabiyada kale iyo dadka, waana doqonnimo iyo waalli in la siiyo awood uusan mudan ama lagu sheego ilaahnimo sida Nasaaradu citiqaadiso, sidee ruux caqli leh u caabudi wax Eebbaha wax walba abuuray kasoo hadhay, waa la-yaab, Eebbe nama dhumiyo. Aayadda hore iyadu waxay ka warrami inuu Eebbe Qiyaamada warsan Rasuullada isagoo og waxay ugu jawaabeen qoomkoodii, iyaguna xaalkoo dhan waxay u celiyeen Eebbe khatamimada Qiyaamada iyo dhibaatada taalla. Taasina waxay ku tusin inay waajib tahay dhab u-caabudidda iyo ku-xidhnaanta Eebbe iyo raacidda Rasuullada. Al-Maa’idah (109-111)

 

  1. [Xusuuso] markay dheheen Xawaariyiintii, “Ciise Ibnu Maryamow, ma karaa Eebbahaa inuu nooga soo dejiyo xeedho [cunno] samada?” Wuxuuna yidhi, “Ka dhawrsada Eebbe haddaad mu’miniin tihiin.”
  2. Oyna dheheen, “Waxaannu dooni inaan wax ka cunno oy xasisho quluubtannadu oon ogaanno inaad run noo sheegi oonu noqonno kuwa ka marag kaca.”
  3. Uuna yidhi Ciise binu Maryama, “Ilaahayow Eebbahannow nooga soo deji xeedho samada u noqota ciid kaannaga hore iyo kaannaga dambe iyo aayad xaggaaga ka ahaatay, nana arzaaq adaa arzaaqe u khayr roone.”
  4. Wuxuuna yidhi Eebbe, “Waan kusoo dejin korkiinna ee ciddii ka gaalowda kadib oo idin kamid ah waxaan cadaabi cadaab aanan cadaabayn ruux caalamka kamid ah.”

 

Aayadahan waxay ka warrami Maa‘idada lagu magacaabay suuradda, waxayna kamid tahay mucjisooyinka Eebbe Nabi Ciise ku mannaystay, taasoo ah inay warsadeen in Eebbe samada cunno uga soo dejiyo, markuu Nabi Ciise ka waaniyeyna waxay sheegeen inay dooni inay wax ka cunaan, qalbigooduna xasilo, ogaadaanna runta Nabi Ciise, maragna ay ka noqdaan. Markuu Nabi Ciise baryey Eebbe inuu usoo dejiyo, si ay ciid ugu ahaato mid hore iyo mid dambaba, iyo calaamadba, Eebbana wuxuu u yaboohay inuu soo dejin, ciddiise ka gaalowda wuxuu u cadaabi cadaab aan cid kale la cadaabin. Warsashada saasoo kale ahna waa laga fiican yahay, ruuxu waa inuu rumeeyo awoodda Eebbe, wixii anficina uu warsado, isagoon madax-adayg iyo xumaan uga qasdin, dhabtuna waa in Eebbe wax walba ahaysiiyey, fali wuxuu doono, Nabiyadana ay run sheegi, oyna waajib tahay in dhab loo rumeeyo dhammaan lana raaco Xaqay u yeedhi, si loo liibaano. Al-Maa’idah (112-115)

 

  1. [Xusuuso] markuu yidhi Eebbe, “Ciise binu Maryamow, ma adaa ku yidhi dadka ka yeesha ani iyo hooyaday ilaahyo Eebbe ka sokow?” uuna yidhi, “Waad nazahan tahay iguma habboona inaan dhaho waxaanan xaq u lahayn, haddaan idhina waad ogtahay, waxaadna ogtahay waxa naftayda ku sugan anuguse kuma ogi, adiga un baa ah kan waxa maqan og.”
  2. “Kuma dhihin waxaad i fartay waxaan ahayn, oo ah caabuda Eebbahay iyo Eebbihiin, waxaana ku ahay marag intaan ku noolahay dhexdooda markaad i oofsatana Adaa Ilaaliye u ah Adi un baana wax walba marag u ah.”
  3. “Haddaad cadaabto waa uun addoomadaadii, haddaad u dhaaftana Adi un baa Adkaade Falsan ah.”

 

Aayadahani waa gooddi Ilaahay u jeediyey Nasaarada caabuday Nabi Ciise iyo hooyadiis, isagoo Eebbe ku yidhi Nabi Ciise, “Ma adaa u yidhi dadka ilaah ka yeesha aniga iyo hooyaday Eebbe ka sokow?” Ilaahayna wuu ogyahay inuusan Nabi Ciise farin xaalkaas ee waa cabsi-galin kuwii caabuday, Nabi Ciisana wuxuu ku jawaabay in Eebbe ka nazahan yahay waxaas, “Xaqna uma Iihi inaan sheegto waxaanan mudan, haddaan idhi iyo haddii kalaba waad ogtahay, waxaad ogtahay naftayda waxa ku sugan umase ogi anugu, Adiga un baa wax walba oo maqan og. Waxaan Eebbe caabuda ahayn ma farin, intaan dhex-joogay anaa u marag ah haddaad i oofsatana Adaa ilaalin oo wax walba ka marag ah, haddaad cadaabtana waa addoomadaadii, haddaad u dhaaftana Adigaa Adkaade Falsan ah.” Waana kaas hadalkii Nabi Ciise, oo ah in cibaadada Eebbe kaliya uu farayey, wax in la caabudo mudan oon Eebbe ahayna ma jiro, isagoo xaq u Ieh cibaado iyo waynaynba. Al-Maa’idah (116-118)

 

  1. Wuxuu yidhi Eebbe “Kani [Maanta] waa maalinta ay anfici kuwa runta sheega runtoodu, waxaana u sugnaaday Jannooyin oy socoto dhexdeeda wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda waligood waxaana ka raalli noqday Eebbe iyana way ka raalli noqdeen. Taasina waa liibaanta wayn.
  2. Eebbaa iska leh xukunka samooyinka iyo dhulka iyo waxa ku dhex-sugan Eebbana wax kasta [uu doono] wuu karaa.

 

Eebbana wuxuu sheegay in Qiyaamada ay anfici runtu ciddii runle ahayd, oy Jannana gali iyadoo ku waari Eebbaana ka raalli noqon iyana way ka raalli noqon, taasina waa liibaan wayn, xukunka samooyinka iyo dhulka iyo waxa ku dhex-jirana Eebbaa iska leh wax walbana wuu karaa, wax walbana awooddiisay ku jiraan, waxaana run sheegay Nabi Ciise iyo inta lamid ah ee cibaadada Eebbe u qirtay, waxaana been sheegay Nasaarada iyo waxa lamid ah ee caabudi wax Eebbe kasoo hadhay. Al-Maa’idah (119-120)

 

Suurat Al-Ancaam

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Mahad Eebbaa iska leh ahna kan abuuray samooyinka iyo dhulka, yeelayna mugdiyada iyo nuurka, kuwa gaaloobayse Eebbahood yey wax la simi [la caabudi].
  2. Eebbe waa kan idinka abuuray dhoobo markaas xukumay ajal [muddo] ajal magacaaban yaana agtiisa ah, idinkuse gaalooy waad shakisan tihiin.
  3. Eebbe waa Ilaaha samooyinka waxa ku sugan iyo waxa dhulka ku sugan wuxuuna ogyahay qarsoodigiinna iyo muujiskiinna, wuxuuna ogyahay waxaad kasbanaysaan.

 

Eebbeheen wuxuu ku billaabay suuraddan ammaantiisa iyo siduu u abuurey cirka iyo dhulka, iyo mugdiga iyo nuurka, dadkana ka ahaysiiyey dhoobo (aabbahood Aadan), muddana u yeelay mana habboona in wax lala caabudo, ama la shakiyo, waana Ilaaha xaqa ah ee cirka waxa ku sugan iyo Ilaaha xaqa ah ee dhulka waxa ku sugan, ogna qarsoodiga dadka iyo muujiskooda iyo waxay kasbanba, waxayna aayaduhu adkayn Ilaahnimada Eebbe iyo awooddiisa iyo xaqnimadiisa mudan yahay mahad, cibaado iyo raacidda sharcigiisa. Al-Ancaam (1-3)

 

  1. Aayaddii u timaadda oo aayadaha Eebbahaa kamid ah way ka jeedsadaan.
  2. Waxayna dhab u beeniyeen Xaqii markuu u yimid waxaase u imaan doona [cidhibta] warkay ku jeesjeesayeen.
  3. Miyeyna arkayn intaan halaagnay hortood [wax badan] oo qarniyo ah, oon ku makaninay [siinnay] dhulka waxaanaan idin makanin [siinin] waxaan uga soo deynay samada [roob] darar ah, waxaana ka yeelay wabiyada kuwo socda dhexdooda waanse halaagnay dambigooda dartiis waxaana ahaysiinnay gadaashood qarni kale.

 

Aayadahani waxay ka warrami madax-adayga gaalada oo mar kastoo u timaaddo mucjisad beeniya oo Xaqa ka jeedsada, waxayse la kulmi doonaan ciqaabta madax adaygoodaas, maxaa yeelay hortood wax badan baa la halaagay kuwo ka xoog badan oo loo barwaaqeeyey, kuwa kalana lagu baddalay, taasina waxay ku tusin inaan cidna isku hallayn awood, illeen wax kastaba Eebbaa ka awood badane, oo ka yeelay dad wax is-bidayey sheeko iyo meel madhan, iyo raad cidla ah. Al-Ancaam (4-6)

 

  1. Haddaan kugu soo dejinno Nabiyow Kitaab qoran oo ay ku taabtaan gacmahooda waxay odhan kuwii gaaloobay, “Kani waxaan sixir cad aan ahayn ma aha.”
  2. Waxayna dhihi, “Maa lagusoo dejiyo malag,” haddaan soo dejinno malagna waxaa la dhammayn lahaa amarka [halaagga] lamana sugeen.
  3. Haddaan ka yeello malagna waxaan ka yeeli lahayn nin, markaasaan iskaga dari lahaydeen xaalka siday isaga dari jireen.
  4. Waxaa dhab ahaan loogu jeesjeesay Rasuullo kaa horreeyey waxaana kuwii jeesjeesay ku dhacay [ciqaabti] waxay ku jeesjeeseen.
  5. Waxaad dhahdaa, “Ku socda dhulka oo eega siday noqotay cidhibtii beeniyeyaasha Xaqa.”

 

Aayadahan wuxuu Eebbe kaga warrami madax-adayga gaalada iyo in si kastoo Xaqa loo tuso ay diidi kana jeedsan, waxayna dooni in malag lagu soo dejiyo, haddii lagu soo dejiyana waxaa loo yeeli lahaa suuro dad inay arkaan, markaasay haddana diidi lahaayeen, waxaana shaqadooda kamid ah jeesjees iyo isla-weyni, waxayse noqotaa cidhibta jeesjeesaha ciqaab iyo halaag ee dhulka mar si aad u ogaato waxa ku dhacay gaaladaas Xaqa beeniyey waxaase habboon rumaynta Xaqa iyo raaciddiisa iyo ka-fogaanta xumaanta iyo Xaq-diidka iyo isla-waynida. Al-Ancaam (7-11)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Yaa leh waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka?” Dheh “Eebbe, wuxuuna isa saaray naxariis, wuxuuna idin kulmin maalinta Qiyaame shakina ma leh, kuwa khasaariyey naftoodase ma rumaynayaan.”
  2. Eebbe waxaa u sugnaaday waxa xasila habeenkii iyo maalintiiba waana maqle oge ah.
  3. Waxaad dhahdaa, “Ma wax Eebbe kasoo hadhay yaan ka yeelan wali [la caabudo]? Eebbaana ah kan abuuray samooyinka iyo dhulka isagaana wax quudiya lamase quudiyo.” Waxaad dhahdaa, “Waxaa lay faray inaan noqdo kan ugu horreeya cid islaanta [hoggaansanta ummaddan] oonan kamid noqoninna mushrikiinta.”
  4. Waxaad dhahdaa, “Anigu waxaan ka cabsan haddaan caasiyo Eebbahay cadaab maalin wayn.”
  5. Ciddii laga iilo cadaabka maalintaas wuu u naxariistay Eebbe taasina waa liibaanta cad.

 

Ilaaheen wuxuu nooga warrami inuu leeyahay xukunka cirka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya iyo in naxariistiisu badan tahay, siduu xadiith Qudsi ah ku yidhi, “Naxariistaydaa ka badan cadhadayda,” isagaana dadka usoo kulmin Qiyaamaha shaki la‘aan, ciddii khasaarisay nafteedase ma rumayso, waxa xasila habeenka iyo dharaarta iyo waxa dhaqdhaqaaqana Eebbaa iska leh, waana maqle oge ah, wax xaq lagu caabudo oon Isaga ahayna ma jiro, waana quudiye aan la quudinin, waana in loo hoggaansamo, gaaladana laga fogaado illeen cadaab maalin wayn yaa jirta ciddii laga ilaaliyana uu liibaanaye. Al-Ancaam (12-16)

 

  1. Hadduu ku taabsiiyo Eebbe dhib wax faydi ma jiro Isaga mooyee hadduu ku taabsiiyo khayrna Isagaa wax walba kara.
  2. Waana ka-adkaadaha addoomadiisa korkooda waana falsame xeel dheer.
  3. Waxaad dhahdaa, “Yaa ugu wayn marag?” Waxaad dhahdaa, “Eebbaa maragga dhexdeenna ah, waxaana lay waxyooday Qur’aankan inaan idiinku digo idinka iyo cidduu gaadho. Idinku ma waxaad marag furaysaan inay Eebbe la jiraan ilaahyo kale?” Waxaad dhahdaa, “Ma marag furayo [saas].” Waxaad dhahdaa, “Eebbe waa uun Ilaah kaliya anuguna waxaan ka bari ahay waxaad la wadaajinaysaan.”
  4. Kuwaan siinnay Kitaabka waxay u yaqaannaan Nabiga [xaqnimadiisa] siday u yaqaanaan carruurtooda, kuwa khasaariyey naftoodana ma rumeeyaan [Xaqa].
  5. Wax ka dulmi badanna ma jirto cid ku abuuray Eebbe been ama beeniyey aayaadkiisa, mana liibaanto daalimiintu.

 

Eebbaa hanta nafci iyo dhibba isagaana wax kasta kara, awooddana leh, maragna isagaa u wayn, Qur’aankuna waa digniinta caalamka, Eebbe mooyee ilaah kalana (xaq lagu caabudo) ma jiro, ehlu-Kitaabkana (Yuhuud iyo Nasaare weeye) way yaqaannaan xaqnimada Qur’aanka iyo Nabiga siday carruurtooda u yaqaanaan, kuwa naftooda khasaariyayse wax ma rumeeyaan, cid ka dulmi badanna ma jirto ruux ku been-abuurtay Eebbe ama beeniyey aayaadkiisa, daalimna ma liibaano, waxaa sugnaatay xadiith ah, “Wax ka gaadhsiiya Eebbe, ruuxii gaadhsiiyey aayad Kitaabka Eebbe ah wuu gaadhsiiyey amarkii Eebbe.” Al-Ancaam (17-21)

 

  1. Ka warran maalintaan kulmineyno [dadka] dhammaan markaas aan ku dhahayno kuwii la wadaajiyey, “Aaway kuwaad la wadaajiseen [Eebbe cibaadada] aadna ahaydeen kuwo sheegan [inay wax tari]?”
  2. Markaas xujadoodii ma ahayn inay dhahaan, “Eebbaan ku dhaarannaye maanaan ahayn mushrikiin [wax la wadaajiya].”
  3. Bal day say ugu been-sheegeen naftooda ugana dhumay waxay been-abuuran jireen.
  4. Waxaa kamid ah kuwo ku dhagaysan waxaana yeellay quluubtooda dabool inay kasaan [Qur’aanka] dhagahoodana waxaan yeellay culays, hadday arkaan aayaad kasta ma rumaynayaan, markay kuu yimaadaanna way kula murmaan iyagoo dhihi kuwii gaaloobay, “Kani [Qur’aanku] ma aha waxaan warkii kuwii hore ahayn.”
  5. Waxayna ka reebi dadka rumaynta Nabiga iyaguna way ka fogaan mana halaagayaan waxaan naftooda ahayn, mase oga.

 

Qiyaamada wuu soo kulmin Eebbe gaalada iyo waxay caabudayeen, wayna inkiraan, waase beenin naftoodu, waxaa kamid ahaa gaaladii kuwo dhagaysan akhriska Qur’aanka lagana yeelay quluubtooda dabool, dhagahoodana culays, aayad kastoy arkaanna ma rumeeyaan, markay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ay u yimaadaanna way la murmaan iyagoo ku sheegi Qur’aanka wararkii hore, dadkana way ka reebi Qur’aanka inay rumeeyaan iyaguna way ka fogaan, waxaan naftooda ahaynna ma halaagaan, mase kasayaan. Al-Ancaam (22-26)

 

  1. Haddaad aragto marka la joojin gaalada Naarta korkeeda oy dhihi, “Shallaytee, maa nala celiyo oo aanaan beenin aayaadka Eebbahanno oo noqonno kuwa rumeeyey.” [Waxaad arki lahayd arrin wayn.]
  2. Waxaase u muuqday waxay qarinayeen horay haddii la celiyana waxay ku noqon lahaayeen wixii laga reebay waana beenaalayaal.
  3. Waxay dhihi, “Wax kale ma jiro ee waannu ku noolaan adduunyada nalamana soo bixinaayo.”
  4. Haddaad aragto marka la hor-joojiyo Eebbahood oo ku dhaho, “Miyuuna kan xaq ahayn?” oy dhahaan waa xaq Eebbaan ku dhaaranaye,” oo uu ku dhaho, “Dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinna darted.” [Waxaad arki arrin wayn.]

 

Eebbe wuxuu ka warrami xaalka gaalada markay joogaan Qiyaamada, taasoo ah inay calaacali oy dooni in dib loo celiyo si ay u rumeeyaan, waxaase dhab ah haddii la celiyana inay beenin lahaayeen waana beenaalayaal, waxayna sheegan inay iska noolaan lana soo bixinaynin, waase la guulguuli Qiyaamada wuxuuna ku dhammaan xaalku in lagu dhoho, “Dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinna darteed.” Maalinta Qiyaame yeyna kale caddaan Xaqa iyo xumaantu waana tay wax walba kala soocmi, labo waddana la kala qaadi Janno iyo Naar. Al-Ancaam (27-30)

 

  1. Waxaa dhab u khasaaray kuwa beeniyey la-kulanka Eebbe markay ugu timaaddo Saacadda [Qiyaame] si kada ahna waxay dhahaan, “Shallaytadanno, waxaan ku gabbood-fallay dhexdeeda,” waxayna ku xambaari dambigooda dhabarkooda waxaana xumaan badan waxay xambaari.
  2. Nolosha adduunyana ma aha waxaan ciyaar iyo madadaalo ahayn, guriga Aakharaana u khayr-roon kuwa dhawrsan ee miyeydaan wax kasayn?
  3. Waxaan ognahay inuu ku walbahaarin waxay sheegi dhab ahaan kuuma beeninayaan laakiin daalimiintu aayaadka Eebbe yey diidi.

 

Eebbeheen wuxuu noo sheegi khasaaraha kuwa beeniya Saacadda Qiyaame intay uga timaaddo kado, oo shalleeytoodaan waxay faleen ee xumaa iyagoo xambaarsan dambigoodii, waxaa sugnaaday in camalka xun uu suuro xun iyo suudh xun ugu imaan saaxiibkiis, uuna dhabarka ka fuuli oo Qiyaamada tagi isagoo xambaarsan. Tan kale nolosha adduun waa ciyaar ee guriga Aakharo yaa u khayr-roon kuwa xumaanta ka dhawrsada. Waxaana jirtay in warka gaaladu walbahaar galin jirtay Rasuulka (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) hase yeeshee dhab ahaan uma beeninayn isaga ee waxay diidayeen uun aayaadka Eebbe iyo Xaqa. Waxaa jirtay inuu Abuu Jahal la kulmay Nabiga maalin uuna gacan-qaaday markaas lagu yidhi, “War ma kaas leexday yaad gacan-qaadi?” markaas uu yidhi, “Eebbaan ku dhaartaye waxaan ogahay inuu Nabi yahay, laakiin goormaan Cabdi Manaaf u noqonnay daba-gal?” Waxaana jirtay inay Abuu Jahal iyo Abuu Sufyaan iyo Akhnas u kala dhuuman jireen dhagaysiga Qur’aanka. Saasaana u aragtaa say u khayaamayeen dadka kale, oo ugu sheegi jireen beenta. Al-Ancaam (31-33)

 

  1. Waxaa dhab loo beeniyey Rasuullo kaa horreeyey waana ku samreen wixii lagu beeniyey waana la dhibay intuu uga yimaado gargaarkannagu wax beddeli hadalka Eebbana ma jiro, waxaana kusoo gaadhay warkii Rasuulladii.
  2. Hadday kugu waynaatay [cuslaatay] jeedsigoodu haddaad karto inaad god ka yeelato dhulka ama sallaan samada ood aayad u keentid [samee] hadduu doono Eebbana wuxuu ku kulmin lahaa hanuunka ee ha kamid noqonin jaahiliinta.
  3. Waxaa uun ajiibi [oggolaan] Xaqa kuwa maqli, kuwa dhintayse waxaa soo bixin Eebbe xaggiisaana loo celin.
  4. Waxay dhaheen, “Maxaa loogu soo dejin waayey [mucjisad] aayad xagga Eebbihiis?” Waxaad dhahdaa, “Eebbe waa karaa inuu soo dejiyo aayad,” badankoodse ma oga.

 

Aayadahan sida aayado kale oo ku badan Qur’aanka waa samirsiin Nabiga iyo calool-adkaysiin, wuxuuna Eebbe u yaboohay gargaar, saas darteed waa inuu Nabigu iska fududeeyo xaalkooda, illeen dhulka intuu godad ka jeexdo ama cirka sallaan ugu koro uma keeni karo aayade, awooddana Eebbaa iska leh, “Hadduu doonana wuxuu dadka ku kulmin hanuunka ee ha kamid noqonin kuwaan wax ogayn,” yuu Eebbe ku yidhi, Xaqana waxaa maqla kuwa qalbigoodu nool yahay, gaalo qalbiga ka dhimatayse wax ma maqlaan, waxaase loo soo kulmin Qiyaamaha, waxayna codsan jireen in aayad loo soo dejiyo, Eebbana wuu karaa soo-dejinteeda badankoodse wax ma oga. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Wuxuu jeclaa Nabigu in dadka dhammaan Xaqa rumeeyaan, Eebbaase u warramay inuu rumeyn uun ruuxuu Eebbe doono oo toosiyo.” Al-Ancaam (34-37)

 

  1. Wax ku socda dhulka ama shimbir ku duuli garbihiisa oo dhan waa ummado idin lamid ah, waxba kagama aanan tagin Kitaabka, waxaana loo soo kulmin dadka xagga Eebbahood.
  2. Kuwa beeniyey aayadkannaga waa dhaga-la‘ yihiin oo af-la‘ yihiin mugdi bayna ku sugan yihiin, cidduu doono wuu dhumiyaa Eebbe tuu doonana wuxuu yeelaa jid toosan.
  3. Waxaad dhahdaa, “Bal ka warrama hadduu idiin yimaado cadaabka Eebbe ama idiin timaaddo Saacaddu [Qiyaame] wax Eebbe kasoo hadhay miyaad baryeysaan haddaad run sheegaysaan?”
  4. “Isaga un baana baryeysaan oo faydi waxaad ka baryeysaan hadduu doono waadna halmaamaysaan waxaad la wadaajinaysaan.”

 

Abuurka Eebbe waa badan yahay, Kitaabkiisana wax kasta oo wax anfaca wuu ku sheegay, cid walbana waa la horkeeni Eebbe, waxaana sugnaaday in lasoo kulmin xayawaanka oo loo qisaasi midda geeska leh tii seenyada ahayd oy hardiday, gaalada Xaqa diiddanna waa wax dhago-la‘ oo af-la‘ oo mugdi ku jira, cidduu doonana Eebbe wuu hanuunin, tuu doonana wuu dhumin. Marka gaalada cadaaabka Eebbe u yimaaddo ama Qiyaamadu waxaan isaga ahayn ma baryaan, isaga un baana fayda dhibka hadduu doono, waana la halmaami waxa kasoo hadhay oo adduunka lagu caabudi jiray waxna laga dayi jiray, saasayna waajib u tahay in Eebbe uun la caabudo, sharcigiisana la raaco oo lagu dhaqmo si dhab ah, illeen isagaa jidkii liibaanta iyo guusha ahe, waxa ka soo hadhayna waa khasaare. Al-Ancaam (38-41)

 

  1. Waxaan u dirray [Rasuul] ummado idin ka horreeyey waxaana ku qabannay dhibaato iyo cudur intay baryaan [Eebbe].
  2. Maa markuu u yimaaddo dhib- ku ay baryaan [Eebbe] waxaase ingagtay quluubtoodii wuxuuna u qurxiyey Shaydaan waxay falayeen.
  3. Markay halmaameen [ka jeedsadeen] wixii lagu waaniyey yaan u furray korkooda irridaha wax kasta markay ku farxaan waxaa la siiyey yaan ku qabannaa kado, markaasay ahaadaan kuwo quusta.
  4. Waxaana la gooyey cidhibta qawmkii dulmiga falay mahadna Eebbaa iska leh ah Eebbaha caalamka.

 

Ilaahay ummado badan oo hore yuu Nabiyo u diray, kuna qaban jiray dhibaato iyo cudur, si ay Eebbe u xusuustaan, waxaase ingagay qalbigoodii oo Shaydaan baa wax u qurxiyey, markay Xaqii ka jeedsadeenna waxaa loo furay wax kasta [oo shuqliya] markay ku farxaanna waxa la siiyey waxaan ku qabannaa kado markaasay quustaan, waxaana la cidhibtiray gaaladii mahadna Eebbaa iska leh, waxaana habboon in marka Eebbe wax ku siiyo aad ku aqoonsatid oo ku mahadisid ee ma habboona inaad ku kibirtid ood la boodboodid. Xasan al-Basri wuxuu yidhi, “Ciddii Eebbe u waasiciyo rizqiga oon ogaan in la magri, oo la sasabi waa midaan wax garad ahayn.” Qataadana wuxuu yidhi, “Waxaa la halaagaa dadka markay kibraan oy shuqliso nicmadu oy ku sirmaan Eebbe iyo nicmadiisa waxaana saas noqda cid Xaqa ka leexatay. Al-Ancaam (42-45)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Bal warrama hadduu Eebbe qabto maqalkiinna iyo araggiinna oo daboolo quluubtiinna waa Ilaahee kasoo hadhay Eebbe ee idiin keeni?” Day sidan u celcelinno aayaadka markaa say u jeedsan.
  2. Waxaad dhahdaa, “Bal warrama hadduu idiinku yimaado cadaabka Eebbe kado ama caddaan miyaa la halaagaa waxaan qawmka daalimiinta ahayn?”
  3. Rasuullada waxaan u dirraa inay bishaareeyaan oo digaan, ciddii rumaysa Xaqa oo wanaajiya [camalka] cabsi iyo murug midna ma saarro.
  4. Kuwa beeniyey aayaadkannaga waxaa taaban cadaab faasiqnimadooda darteed.

 

Hadduu Eebbe ka qaado ruuxa nicmada, maqalka ama aragga ama qalbiga daboolo cid aan Eebbe ahayn oo u keeni karta ma jirto Eebbana Xaquu soo celceliyaa si loogu waano qaato, gaaladuse way ka jeedsan Xaqa, wax cadaabka Eebbe celin karana ma jiro ama kado haku yimaado ama si caddaanaba, daalimiinta un baana la halaagi, Rasuuladuna waa bishaareeyayaal diga, ciddii Xaqa rumaysa oo camalka wanaajisana cabsi iyo murug midna ma aragto, kuwa beeniya aayaadka Eebbana waxaa taaban cadaab faasiqnimadooda darteed, ujeeddaduna waxaa weeye in Eebbe cid la wadaagta awoodda ayna jirin, Xaqana uu caddeeyey, Nabiyana diray, Xaq-beeniyana uu halaagi. Al-Ancaam (46-49)

 

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Ma dhahayo waxaa agtayda ah khaznadaha Eebbe, waxa maqanna ma ogi, mana dhahayo waxaan ahay malag, waxaan uun raaci wixii lay waxyoodo.” Waxaad dhahdaa, “Ma egyihiin indhoole iyo arke? Miyeydaan fikirayn?”
  2. Ugu dig Qur’aanka kuwa ka cabsan in loo soo kulmiyo Eebbahood iyagoon lahayn sokaydiis qaraabo iyo shafeece midna inay dhawrsadaan darteed.
  3. Hana eryin kuwa baryi Eebbahood aroor iyo galabba iyagoo dooni wajigiisa waxba kaama saarra xisaabtooda iyana xisaabtaada waxba kama saarra ood eridid ood kamid noqotid daalimiinta.

 

Wuxuu Eebbe faray Nabiga inuu u sheego dadka inuusan hananin khaznadda Eebbe, waxa maqanna ogayn, malagna ahayn, ee uu raaci uun Xaqa loo waxyooday, mana sinna indhoole iyo wax arke, waana in wax la fiiriyo si Xaqa loo rumeeyo, Qur’aanka yuuna Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ugu digi jiray dadka ka cabsan in Eebbe loo soo kulmiyo iyagoon helayn gargaare iyo shafeece kasoo hadhay inay dhawrsadaan, wuxuuna Eebbe ka reebay Nabiga inuu eryo kuwa Eebbe caabudi had iyo jeer iyagoo dooni wajigiisa, illeen xisaabtooda ma saarra korkiisee, xisaabtiisana ma saarra korkoodee, hadduu fogeeyana uu noqon mid Xaqa ka leexday, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waa ka fog yahay inuu fogeeyo kuwa Xaqa rumeeyey ee waxaa lagu quusin gaalada doonaysa inay isku dayaan inay kala fogeeyaan Nabiga iyo mu‘miniinta, aayaduna waxay soo degtay mar Nabiga ay la joogeen Suhayl, Bilaal iyo Cammaar oo gaaladii Qureysheed ku dhaheen Nabiga, “Ma kuwanaa Eebbe naga doortay? Iska eri aan ku raacnee.” Al-Ancaam (50-52)

 

  1. Saasaaan isugu imtixaanay [dadka] qaarkood qaarka kale inay dhahaan, “Ma kuwanaa Eebbe ku mannaystay [Islaamka] dhexdannada? Miyuusan Eebbe ahayn kan og kuwa ku mahdiya?”
  2. Markay kuu yimaadaan kuwa rumeeyey aayaadkannaga waxaad dhahdaa, “Nabadgalyo korkiinna ha ahaato, wuxuu Eebbe isa saaray naxariis, oo ah ciddii idin kamid ah oo fasha xumaan isagoo ka jaahil ah oo tawbad keena oo wanaajiya Eebbaa u dhaafi una naxariisan.”
  3. Saasaanu u kala bixinnaa aayaadka si ay u caddaato jidka dambiilayaasha.

 

Adduunku waa guri imtixaan, dadkana waa laysku imtixaanay, siday gaaladii Qureysheed u xaqiri jireen, ma kuwanaa Eebbe naga doortay oo hanuuniyey, Eebbaase og cidda ku mahdisa, wuxuuna Eebbe faray Nabiga in hadday u yimaadaan kuwa Xaqa rumeeyey uu salaamo, soona dhaweeyo, wuxuuna u yaboohay ciddii gafta isagoon ogayn oo haddana tawbad keenta wanaaggana fasha in Eebbe u naxariisan una dambi-dhaafi, Eebbana Xaqa wuu qeexay si ay u caddaato jidka dambiilayaashu, gaalada iyo kuwaan wax kasayn had iyo jeer waxay qiimo dheeraada siiyaan xoolaha, madaxtinnimada iyo carruurta, iyagoo qiyaasi in cidda wax haysata ay mudan tahay hanuunka, taasina waa fikrad xun oo khaldan, cidda xoolaha haysata kama sarreyso kan saboolka ah, waxaase lagu kala sarreeyaa akhlaaqda, wanaag-falka, Eebbe ka-yaabidda iyo raacidda Xaqa. Al-Ancaam (53-55)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Waxaa layga reebay inaan caabudo waxaad caabudaysaan oo Eebbe kasoo hadhay.” Waxaad dhahdaa, “Raaci maayo hawadiinna oon dhumo markaas noqoninna kuwaan hanuunsanayn.”
  2. Waxaad dhahdaa, “Waxaan ku sugnahay xujo Eebbahay waadna beeniseen Xaqaas, agtayda ma aha waxaad dadajisanaysaan, xukunkana Eebbaa iska leh, Xaquuna xukumi, waana kuu xukunkiisu khayr leeyahay.”
  3. Waxaad dhahdaa, “Hadduu yahay agtayda waxaad dedejisanaysaan [ciqaabta], waxaa la kala xukumi lahaa dhexdeenna Eebbana waa ogyahay daalimiinta.”
  4. Eebbe agtiisa waxaa ah furaha waxa maqan wax og oon isaga ahayna ma jiro, wuxuuna ogyahay waxa barriga iyo badda ku sugan, wixii caleena oo dhacdana wuu ogyahay, xabbad masagga ah oo mugdiga dhulka ku sugan iyo wixii qoyan ama ingagan waxay ku sugan yihiin Kitaab cad.

 

Eebbaa mudan cibaadada, gaalada hawadeeda ciddii raacdana way dhumi, Nabiguna wuxuu ku sugan yahay xujo cad oo Eebbe, gaaladuna way beeniyeen Xaqii, Nabigana waxaa saaran gaadhsiin, Eebbaana Xaqa kala xukuma, ciqaabna waxaa hanta Eebbe, isagaana og daalimiinta, isagaana og waxa ku maqan barri iyo badba. Ai-Ancaam (56-59)

 

  1. Eebbe waa kan idin oofsada habeenkii ogna waxaad fashaan maalintii markaasna idin soo bixiya in la xukumo ajal magacaaban xaggiisaana laydiin celin, markaasuu idiinka warrami waxaad falaysaan.
  2. Eebbe waa kan ka sarreeya addoomadiisa, wuxuuna idiin soo diraa ilaaliye, markuu u yimaado midkiin mawdku waxaa oofsata [disha] malaa‘igtannada mana gabood-falaan.
  3. Markaasaa loo celin dadka xagga Sayidkooda Xaqa ah isagaana leh xukunka dedejiyana xisaabta.

 

Eebbe waa kan dadka oofsada habeenkii markay hurdaan, ogna waxay fali maalintii, muddo magacaabanna sameeyey, xaggiisaana loo noqon, ugana warrami waxay faleen, waana kan wax walba u khushuuco oo ka sarreeya, malaa‘ig nafta qaadana usoo dira dadka oon gabood-falayn, dadkuna xaggiisa u noqon, Sayid Xaq ahna ah, xukunkana iska leh, xisaabtiisuna degdegayso. Waxaa sugnaatay in marka la dhiman malaa‘igtu u bishaarayn nafta fiican, canaananna midda xun, saas darteed waa in loo darbado, Eebbana la warsado Xaq-ku-sugnaan iyo wanaag. Al-Ancaam (60-62)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Yaa idinka koriya mugdiga barriga iyo badda ood u baridaan is-dullayn iyo qarsoodi, idinkoo dhihi, ‘Hadduu naga koriyo tan waxaan kamid noqonaynaa kuwa mahadiya’?”
  2. Waxaad dhahdaa, “Eebbaa idinka koriya taas iyo shiddo kasta, markaasaad u shariik yeeshaan.”
  3. Waxaad dhahdaa, “Eebbe waa kan kara inuu idinku soo daayo cadaab korkiinna ama lugihiinna hoostooda ama idin qaso [idinka yeelo] kooxo uu dhadhansiiyo qaarkood qaarka kale dhibkiisa, bal day sidaan ugu caddaynaynno aayaadka inay kasaan.”

 

Eebbaa dadka ka koriya mugdiga barriga iyo baddaba, oyna baryaan dadku inuu ka koriyo dhibka, isagaana ka koriya dadka shiddo oo dhan, haddana ay u shariik yeeli, karana inuu cadaab korka ama hoosta kaga soo daayo, ama kooxo is-laaya ka yeelo, Xaqana caddeeya si wax loo fahmo, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaan warsaday Eebbahay saddex: waxaan warsaday inuusan ummaddayda ku halaagin maanshayn, wuuna i siiyey, waxaana warsaday inuusan ummaddayda ku halaagin abaar, wuuna i siiyey, waxaana warsaday inuusan dhexdooda yeelin dagaal wuuna ii diiday.” Waxaa wariyey Muslim. Al-Ancaam (63-65)

 

  1. Waxaa beeniyey [Qur’aanka] qawmkaagii isagoo xaq ah, waxaad dhahdaa, “Kama ahi korkiinna wakiil [ilaaliye].”
  2. War kasta meel uu ku sugnaado yuu leeyahay waadna ogaan doontaan.
  3. Markaad aragtaan kuwa dhumban aayaadkannaga, isaga jeedso intay ka dhumbadaan sheeko kale, haddduu ku halmaansiiyo Shaydaanna ha fadhiyin xusuusta kadib daalimiinta agtooda.
  4. Kuwa dhawrsoonna xisaabtooda waxba kaama saarra laakiin waa waano inay dhawrsadaan.

 

Qur’aanka waxaa beeniyey gaaladii Makkaad isagoo xaq ah, Nabiguse ilaaliye qasbi ma ahayn, illeen wax kastaba waqti buu leeyahay la ogaan doone, waa in marka lala kulmo cid wax ka sheegi Qur’aanka iyo Xaqa aan lala fadhiisan intay iska dayso xaalkaas, hadduu Shaydaan ku halmaansiiyana waa inaan lala sii fadhiyin daalimiinta, ciddii dhuntana xil kaama saarra cidda dhawrsoon, waxaase laga rabaa waano iyo wax u-sheegid uun. Aayaduhuna waxay caddayn in Xaqu muuqdo, ciddii diidda oo ceebbeyn Xaqana aan lala fadhiisan ee laga fogaado, wax dhib ahna kaama saarra ciddii diidda Xaqa, haddaad dhawrsato ood Eebbe ka yaabtid. Al-Ancaam (66-69)

 

  1. Iskaga tag kuwa ka yeeshay diintooda ciyaar iyo madaddaalo kuna kadsoomay nolosha dhaw xusuusina intaan laga abaal-marinin [loo xabisin] nafi waxay kasbatay iyadoon lahayn Eebbe ka sokow wali [sokeeye] iyo shafeece midna, hadday isku furato furasho oo dhanna lagama qaado, kuwaasu waa kuwa loo dhiibay [halaag] waxay kasbadeen dartiis, waxayna mudan cabbid kulul iyo cadaab daran, gaalnimadooda darteed.
  2. Waxaad dhahdaa, “Ma waxaan caabudaynaa Eebbe ka sokow waxaan na anfacayn nana dhibayn oo dib naloo celin [gaalnimo] inta Eebbe hanuuniyey kadib?” Sida kan ay ku wareerisay [dhumisay] Shayaadiintu dhulka isagoo saaxiibbo ugu yeedhi hanuunka oo ku leh “Noo kaalay,” waxaad dhahdaa, hanuunka Eebbe un baa hanuun ah, waxaana nala faray inaan u hoggaansanno Eebbaha caalamka.”

 

Ciddii Xaqa ka jeedsata oo diintiisa ka yeesha ciyaar oo adduunyada khaladdo waa in layskaga tago, oon lagu waqti-seegin, mar haddii loo caddeeyey Xaqa iyo in naf walba loo xidhi camalkeeda iyadoon sokeeye iyo shafeece helayn, wax kastooy kasbatay, wax is-furasha ahna aan laga aqbalayn, waana kuwa loo ciqaabi camalkoodii xumaa dartiis, mudanna cabbid kulul iyo cadaab daran, gaalnimadoodii xumaa dartiis, saas darteed waa in Eebbe kaliya la caabudo, lagana leexdo waddada Shaydaanka dadka baadiyeeya, oo hanuunka ka leexiya. Al-Ancaam (70-71)

 

  1. Oogana salaadda kana dhawrsada Eebbe waa kan xaggiisa laydiin soo kulmine.
  2. Waana kan Eebbe u abuuray samooyinka iyo dhulka xaq maalinta uu dhihi “Ahow!” wuu ahaan [waxaasu] hadalkiisu waa xaq, wuxuuna leeyahay xukunka maalinta la afuufi suurka, waana ogyahay wax maqan [la arkayn] iyo waxa joogaba, waana falsame xeel dheer.

 

Waxaa la faray inay hoggaansamaan oogaanna salaadda, kana dhawrsadaan Eebbe, illeen isagaa xaggiisa loo kulmine, Eebbana waa kan samooyinka iyo dhulka xaq u abuuray, wuxuu amraana isla markaasba ahaan, hadalkiisuna Xaq yahay, xukunkana iska leeyahay maalinta suurka Qiyaame la afuufi, ogyahayna wax kasta, faina san yahay ogaanshihiisuna xeel dheer yahay. Saas darteed waa in loo darbadaa maalintaas wayn ee lays abaal marin, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Israafiil wuxuu afka saaray suurka wajigiisana wuu leexiyey isagoo sugi marka la fari inuu afuufo.” Waxaa wariyey Imaam Muslim. Al-Ancaam (72-73)

 

  1. Ka warran markuu ku yidhi [Nabi] Ibraahiim aabbihiis Aazara, “Ma waxaad ka yeelan sanamyo ilaahyo? Waxaan kugu arkaa adiga iyo qawmkaagaba baadi cad.”
  2. Saasaan u tusinnay Ibraahiim xukunka samooyinka iyo dhulka inuu kamid noqdo kuwa yaqiiniya [Xaqa].
  3. Markuu ku madoobaaday habeenku wuxuu arkay xiddig wuxuuna yidhi, “Kani ma eebbahay baa?” Markuu dhacay wuxuu yidhi, “Ma jecli kuwa dhaca.”
  4. Markuu arkay dayaxa oo soo muuqda wuxuu yidhi, “Kani ma eebbahay baa?” Markuu dhacay wuxuu yidhi, “Hadduusan i hanuunin Eebbahay waxaan kamid noqon kuwa dhuma.”
  5. Markuu arkay qorraxda oo soo muuqata wuxuu yidhi, “Kani ma eebbahay baa kanaa wayne?” Markay dhacday wuxuu yidhi, “Qawmkayow, bari baan ka ahay waxaad la wadaajinaysaan [Eebbe].”
  6. “Anugu waxaan u jeediyey wajigayga Eebbaha abuuray samooyinka iyo dhulka anoo toosan oon ka mid ahayn gaalada.”

 

Nabi Ibraahiim wuxuu u digay aabbihiis iyo qawmkiisiiba, wuxuuna ka reebay inay caabudaan sanamyo, illeen Eebbaa Nabi Ibraahiim tusiyey aayaadkiisa inuu kamid noqdo kuwa Xaqa yaqiinsan, wuxuuna qawmkiisii u sheegay in xiddigaha, dayaxa iyo qorraxdaba ayan mudnayn in la caabudo, ee caabudidda xaqa ah Eebbe kali ah mudan yahay, wuxuuna u caddeeyey qawmkaas inuu bari ka yahay waxay caabudi oo Eebbe kasoo hadhay, uuna u jeedsaday xagga Eebbaha xaqa ah, ee abuuray cirka iyo dhulka, taasina waxay ina tusin ku-sugnaanta Xaqa iyo in qaraabanimadu tahay Islaamnimada iyo Diinta, waxa kasoo hadhay uusan wax ahayn. Nabi Ibraahiimna wuxuu uga dan lahaa xiddigaha, dayaxa iyo qorraxda inuu tusiyo gaalada in waxay caabudi uusan wax ka jirin, maxaa yeelay waa wax doorsoomi oo dhici oo soo bixi, mase ahayn Nabi Ibraahiim mid wax shakiyey. Al-Ancaam (74-79)

 

  1. Way la doodeen Nabi Ibraahiim qawmkiisii, wuxuuna yidhi, “Ma waxaad igula doodaysaan Eebbe? Isagoo i hanuuniyey, oonan ka cabsanayn waxaad la wadaajinaysaan, in Eebbahay wax doono mooyee, Eebbahay waa u waasac [awood leeyahay] wax kasto ogaansho, miyeydaan xusuusanayn [wax]?”
  2. “Sideen uga cabsan waxaad la wadaajiseen, idinkuna aydaan ka cabsanayn inaad la wadaajiseen Eebbe wuxuusan usoo dejinin xujo, ee labada kooxood [Muslimka iyo gaalada] koodee mudan nabad-galyo haddaad wax ogtihiin?”
  3. Kuwa Xaqa rumeeyey oon ku dheehin iimaankooda dulmi [gaalnimo] kuwaasaa nabad-galyo u sugnaatay hanuunsanna.
  4. Taasina waa xujadannadii aan u siinnay Ibraahiim qawmkiisa, waxaan kor-yeellaa darajaadka ciddaan doonno Eebbahaana waa falsame oge ah.

 

Aayadahan wuxuu Eebbe ku sheegay inay ku doodeen Nabi Ibraahiim iyo qawmkiisii xaalka Eebbe, una caddeeyey in Eebbe hanuuniyey uuna ka cabsanayn waxay la wadaajiyeen Eebbe, Ilaahayna ogyahay wax walba, wuxuuna ku yidhi, “Sideen uga cabsan waxaad la wadaajiseen Eebbe idinkuna aydaan ka cabsanayn inaad Eebbe la wadaajiseen wuxuusan xujo idiinku soo dejinin, yaase mudan nabadgalyo labadeenna qolo haddaad wax garanaysaan?” Waxaa mudan nabadgalyo oo hanuunsan kuwa rumeeyey Xaqa oon ku dheehin iimaankooda gaalnimo, waana taas xujaduu Eebbe siiyey Nabi Ibraahiim, wuxuuna kor-yeelan darajaadka cidduu doono waana falsame oge ah, taasina waxay tusin in cidda Xaqa ku socota mudan yahay nabadgalyo iyo hanuun iyo inuusan ka cabsan waxay ku cabsi-galin. Al-Ancaam (80-83)

 

  1. Waxaan siinnay Isxaaq iyo Yacquub dhammaana waan hanuuninay, [Nabi] Nuuxna waan hanuuninay waqti hore, waxaana kamid ah faraciisii [Nabi] Daawuud, Sulaymaan, Ayuub, Yuusuf, Muuse iyo Haaruun, saasaana ku abaal-marinnaa samo-falayaasha.
  2. Iyo Zakariye, Yaxye, Ciise, Ilyaas, dhammaanna waxay ahaayeen kuwo suubban.
  3. Iyo Ismaaciil, Alyasac, Yuunus, iyo Luud, dhammaanna waxaan ka fadilnay caalamka.
  4. Iyo aabbayaalkood iyo faracoodii iyo walaalahood waana doorannay waana ku hanuuninay Jidka Toosan.
  5. Kaasi waa hanuunkii Eebbe wuxuuna ku hanuuniyaa cidduu doono oo kamid ah addoomadiisa, hadday Eebbana wax la wadaajiyaan waxaa ka buri waxay fali jireen.
  6. Kuwaasu waa kuwaan siinnay Kitaabka, xukunka iyo Nabinimada, hadday ka gaaloobaanna kuwaasu [gaalada Makkaad] waxaan u wakaalannay qawm aan ka gaaloobayn [Muslimiinta].
  7. Kuwaas [Nabiyada] weeye kuwa Eebbe hanuuniyey ee hanuunkooda ku dayo, waxaadna dhahdaa “Idin ma warsanaayo ujuuro, ee waa uun waanada caalamka.”

 

Halkan wuxuu Eebbe ku sheegi nicmaduu siiyey Nabiyada gaar ahaan inuu siiyey Nabi Ibraahiim ilmo isagoo wayn, Jidka Toosanna ku hanuuniyey dhammaan Nabiyada doortayna Eebbe, Eebbana uga digay inay ka leexdaan Jidka Toosan haddii kale waxaa buri camalkoodii, waxaana Eebbe siiyey Kutubo, xukun iyo Nabinimo. Hadday gaaladu Xaqa diidaanna wuxuu Eebbe leeyahay dad aan marna ka gaaloobaynin, waana kuwaa Nabiyaduu Eebbe hanuuniyey ee ha lagu daydo marba hadduu Eebbe faray arrintaas, wax ujuuro ahna Nabigu kama warsanayo Xaqa gaadhsiintiisa, ee waa uun waanada caalamka. Al-Ancaam (84-90)

 

  1. Mayna waynaynin Eebbe waynaantiisa xaqa ah markay dheheen, “Kuma soo dejin Eebbe dad waxba.” Waxaad dhahdaa, “Yaa soo dejiyey Kitaabkii uu la yimid [Nabi] Muuse isagoo iftiin hanuunna u ah dadka, ood yeelayseen warqado aad muujisaan, oodna qarisaan wax badan, waxaana laydin baray waxaydaan aqoonin idinka iyo aabbayaalkiin?” Waxaad dhahdaa, “Eebbaa [soo dejiyey],” markaas isaga tag dhumbashadooda iyagoo ciyaari.
  2. Kanna waa Kitaab aan soo dejinnay oo barakaysan, oo rumayn wixii ka horreeyey iyo inaad ugu digtid Makka iyo dhinacyadeeda, kuwa rumayn Aakhiro waxay rumeyn Qur’aanka salaaddana way ilaalin.

 

Aayaddaan hore wuxuu Eebbe ku sheegi inayan gaaladu qaddarinin Eebbe mudnaantiisa, markay dheheen, “Wax Kitaab ah Eebbe kumasoo dejinin cidna,” waxaase la waydiiyey, “Yaa soo dejiyey Tawreedkii Nabi Muuse? oy Yuhuuddu qiraysay oy qaarna muujinayeen qaarna qarinayeen, lana baray waxayna aqoon iyaga iyo aabbayaalkood. Kuwaas waa in warkooda layska dhaafo ha dabbaasheen xumaane. Kitaabka Qur’aanka ahna waa Kitaab barakaysan, oo rumayn Xaqii ka horreeyey si loogu digo dadka, kuwa rumeeyey Aakhirana way rumeen Qur’aankooda, salaaddana way ilaalin. Nabigana waxaa loo diray dadkoo dhan, Qur’aankuna waa digniinta caalamka oo dhan. Siduu Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Waxaa la ii soo bixiyey dadka dhammaantiis.” Taasina waxay ku waajibin dadkoo dhan inay rumeeyaan oo raacaan kuna dhaqmaan Qur’aanka iyo Sunnada Nabiga. Al-Ancaam (91-92)

 

  1. Yaa ka dambi badan cid ku been-abuuratay Eebbe ama yidhi waa lay waxyooday isagoon loo waxyoonin waxba, iyo ciddii dhahda waxaan soo dejin waxa Eebbe soo dejiyey oo kale? Haddaad aragto markay daalimiintu sakaraadka geerida ku sugan yihiin malaa‘igtuna ku dhihi iyagoo ku taagi gacmaha, “Bixiya naftiinna, maanta waxaa laydinku abaal-marin cadaab dulli ah waxaad ku dhahayseen Eebbe xaq-darro ood ahaydeen kuwo iska-wayneeya aayaadkiisa.” [Waxaad arki lahayd wax wayn.]
  2. Waxaad noogu timaaddeen kali kali sidaan idiinku abuurnay markii hore, waxaadna kaga timaaddeen waxaan idinku nicmaynay gadaashiinna, mana ku aragno agtiinna shafeecayaalkiinnii aad sheegayseen inay shurako yihiin, waxaana go‘ay xidhiidhkiinnii waxaana dhumay waxaad sheeganeyseen.

 

Cid ka dulmi badan ma jirto ruux ku been-abuurtay Eebbe ama sheegatay in loo waxyooday isagoon waxba loo waxyoonin, ama sheegatay inuu soo dejin waxa Eebbe soo dejiyey oo kale, waxayse dhabta ogaan marka sakaraadka geeridu u timaaddo, oo malaa‘igtu garaacdo iyadoo canaanan, cadaabna ugu bishaarayn xaq-darraday ku hadli jireen iyo isla-waynidoodii darteed, cid kastoo is qaadqaaddana waxay uun Eebbe u imaan iyadoo kali ah, sidii markii hore lagu abuuray, wax xoolo ahna ayan wadanin, wax u shafeecana uusan jirin, uuna go‘ay xidhiidhkii iyaga iyo waxay caabudi jireen Eebbe ka sokow. Al-Ancaam (93-94)

 

  1. Eebbaa jeexa xabbadda midhaha ah, iyo timirta, wuxuuna kasoo bixiyaa wax nool wax dhimaad ah, kanasoo bixiyaa wax dhimaad ah wax nool, kaasi waa Eebbe ee xaggee laydiinka iili [Xaqa]?
  2. Eebbe waa kan abuuray iftiinka kana yeelay habeenka xasil, qorraxda iyo dayaxana xisaab, taasina waa maamulka Eebbe adkaada ee og.
  3. Eebbe waa kan idiin yeelay xiddigo inaad ku toostaan mugdiga barriga iyo badda, waxaan u caddaynay aayaadka ciddii garan.

 

Eebbaa wax walba ahaysiiyey, awooddiisaana wax walba ku jiraan, midhaha soo bixintooda, abuuridda waxa nool, iftiinka, waxaasoo dhan waxay ku jiraan awooddiisa, habeenkana wuxuu Eebbe ka yeelay xasil, qorraxda iyo dayaxana xisaab. Waxaa Ibnu Abii Xaatim wariyey in Suhayl ay ku canaanatay haweenaydiisu soo-jeedid badani habeenkii, uuna markaas ku yidhi, “Eebbe habeenka xasilooni yuu ka yeelay marka Suhayl laga reebo, oo marka Janno la sheega bato jacaylkiisu, marka Naar la sheegana ay duusho hurdadiisu.” Al-Ancaam (95-97)

 

  1. Eebbe waa kan idinka abuuray naf kaliya [Nabi Aadam] idiinna yeelay sugnaansho iyo hoyosho, waan u caddaynay aayaadka ciddii wax kasi.
  2. Eebbe waa kan kasoo dejiya samada biyo kuna soo bixinno doog cagaaran oon kasoo saarro midho kala koreeya, timirtana fiiddeeda waxaa ah laamo dhow, beerana [waan kusoo bixinnaa] oo ah cinab, zaytuun iyo rummaan, [qaar] isu-eg iyo qaar aan isu-ekayn, daya midhihiisa markuu midho-dhalo iyo bisaylkiisa taasina calaamaa ugu sugan ciddii wax rumayn.
  3. Waxay u yeeleen gaaladu Eebbe shurako jinni ah isagoo abuuray waxay ku sheegeen [been] Eebbe wiilal iyo gabdho iyagoon wax ogayn, waa ka nazahan yahay Eebbe waana ka sarreeyaa waxay ku sheegi.

 

Eebbe waa kan ka abuuray dadka Aadam, kuna sugay uurka hooyo iyo jidhka ragga, kuna sugay adduunka una celin Aakhiro, aayaadkana u caddeeyey ciddii wax kasi, cirkana roob ka keenay kuna soo bixiya khayraad badan oo lagu nafciyo, oo ciddii Xaqa rumayn ay ku waano-qaadato, Eebbahaas yey gaaladu u yeeleen kuwo la wadaaga cibaadada oo jinni ah, isagoo abuuray, waxayna ku sheegeen carruur lyagoo jaahiliin ka ah, Eebbana waa ka dheer yahay waxay ku sheegi, waxaana halkan ka muuqda waynida awoodda Eebbe, naxariistiisa, caqli-xumada gaalada iyo xaq-diidnimadooda. Al-Ancaam (98-100)

 

  1. Eebbe waa kan abuuray samooyinka iyo dhulka. Sideese ilmo ugu ahaan isagoon haweenay lahayn? Wax walbana [Eebbaa] abuuray [Isagaana] wax kasta og.
  2. Kaasi waa Eebbihiin isaga mooyee ilaah kale [xaq lagu caabudo] ma jiro, wax kastana isagaa abuuray ee caabuda, wax walbana isagaa u wakiil ah [ilaaliya].
  3. Ma haleesho aragti isagaase haleela aragtida [wuu arkaa Eebbe lamase arko adduunka], waana wax oge xeel dheer.
  4. Waxaa idiin yimid [idin soo gaadhay] xujooyin Eebbihiin ka yimid ciddii aragta [ku hanuunta] naftiisa un buu wax u taray ciddii ka indho-beeshana naftiisuu dhibay, anna ma ihi mid idin ilaalin.
  5. Saasaannu u gadgadinnaa [caddaynaa] aayaadka inay dhahaan, “Waad akhrisatay,” iyo inaan u caddayno ciddii wax garan.

 

Eebbaa wax walba ahaysiiyey: cir, dhul iyo wax kastaba; umana baahna carruur iyo haweeney illeen isagaa wax walba abuuraye, wax kastana oge, tilmaantaas waxaa mudan Eebbe isaga mooyee Ilaah kalana (xaq lagu caabudo) ma jiro, ee hala caabudo, waana ilaaliyaha wax kasta, lamana arko adduunka illeen lama awoodee, isaguse wuu arkaa waana wax walba oge, dadkana waxaa xagga Eebbe kasoo gaadhay Xaq ciddii ku waano-qaadata waa isaga, tii ka indho-beeshana waa iyada, Nabiguna ilaaliye uma aha, waana loo caddeeyey Xaqa, waxaase jira kuwo ku sheegi Nabiga inuu akhristay Qur’aanka waase kuwa aan wax ogayn. Al-Ancaam (101-105)

 

  1. Raac Nabiyow waxa lagaaga waxyooday xagga Eebbehaa, Ilaahay mooyee Eebbe kalana ma jiro kana jeedso mushrikiinta.
  2. Hadduu doono Eebbe mayna la wadaajiyeen kaagamana aanaan yeelin ilaaliye wakiilna kama tihid.
  3. Ha caayina waxay caabudi oo Eebbe kasoo hadhay oo markaas iyana caayaan Eebbe colnimo iyo cilmi-la’aan, saasaan ugu qurxinay ummad kasto camalkeeda xagga Eebbe un bayna noqoshadoodu tahay, wuxuuna uga warrami waxay fali jireen.

 

Eebbe wuxuu u dardaarmay Rasuulkiisa inuu raaco waxa Eebbe u waxyooday, illeen Eebbe mooyee ilaah kale (xaq lagu caabudo) ma jiree, iyo inuu isaga jeedsado gaalada, wax walbana awoodda Eebbe un buu ku jiraa, Nabiguna ilaaliyaha dadka ma aha. Tan kale waa inaan la caayin waxay caabudi oo markaas iyana Eebbe u caayin colnimo iyo jaahilnimo, illeen ummad kastaa waxaa loo qurxiyey camalkoodee, waxaana loo celin xagga Eebbahood wuxuuuna uga warrami waxay camal-falayeen, waxaa jirtay gaaladii Qureysh oy Abii Daalib u tageen oo ku dhaheen, “Hanaloo daayo ilaahyadannada, anaguna aan u daynno Ilaahiisa, haddii kale waxaan caayaynaa Ilaahay.” Markaasay soo degtay aayaddu, taasina waxay ku tusin in si miyir iyo cay-la’aan Eebbe loogu yeedho dadka, ee canaan, cay iyo hadal adag wax tarayn. Al-Ancaam (106-108)

 

  1. Waxay ku dhaarteen gaaladii dhaar adag, hadday soo gaadho aayadi inay rumaynayaan, waxaad dhahdaa, “Aayaadku waxay jiraan Eebbe agtiisa,” miyeyse ogyihiin hadday aayaddu soo gaadho inayna rumaynayn.
  2. Waxaannu gaddin quluubtooda iyo araggooda sidayna u rumayn, markii horaba waxaana ku daynaynaa iyagoo ku wareersan xad-gudubkooda.
  3. Haddaan kusoo dejinno malaa‘ig oo dadkii dhintay la hadlo oon wax kasta hortooda kusoo kulminno, mayna rumeeyeen in Eebbe doono mooyee, hase yeeshee badankood waa jaahiliin.

 

Gaaladu wanaagga kuma toosaan, waxayna ku degdegaan dhaarta Eebbe, waxaana jirtay in gaaladii Makkaad ku dhaaran jireen in haddii Eebbe mucjisad soo dejiyo ay rumayn, Eebbaase awooddaas leh, hadday soo gaadhana ma rumaynayaan, markay Xaqa diideen yuuna Eebbe sii iilay qalbigooda iyo araggooda, si ay xumaanta ugu dhex wareeraan, xataa haddii malaa‘ig lagu soo dejiyo, dadkii dhintayna la hadlo, wax walbana la hor-keeno ma rumaynayaan Xaqa in Eebbe doono mooyee, badankooduna waa jaahiliin. Taasina waxay ku tusin xaqiiqada gaalada iyo siday ugasoo hor-jeedaan wanaagga. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Markay gaaladu diideen waxa Eebbe soo dejiyey qalbigoodu kuma sugnaanin waxba, wax walbana way diideen.” Al-Ancaam (109-111)

 

  1. Saasaan ugu yeellay Nabi kasta col shaydaan insi iyo jinniba leh, oo qaarkood qaarka kale u waxyoon [sheegi] hadal la dhoobdhoobay dhumin darteed, hadduu Eebbe doonana mayna faleen ee iskaga tag iyaga iyo waxay been-abuuran.
  2. Iyo inay maqasho quluubta kuwaan rumayn Aakhiro, iyo inay ka raalli noqdaan, iyo inay kasbadaan waxay guranayeen.
  3. Ma Diinta Eebbe waxaan ahayn yaan u dooni xaakim isagoo idiin soo dejiyey Kitaabka oo la caddeeyey? Kuwaan siinnay Kitaabka waxay ogyihiin in Qur’aanka laga soo dejiyey xagga Eebbahaa ee ha noqonin kuwa shakiya.
  4. Waxay ku taam-noqotay Kalimooyinka Eebbahaa run iyo caddaalad wax baddali Kalimooyinka Eebbana ma jiro, Eebbana waa maqle og.

 

Nabi kasta wuxuu lahaa col insi iyo jinniba leh, oo wax isu sheega, wuxuuna Eebbe faray Nabiga inuu warka gaalada iskaga fogaado, illeen waxay maqashaa quluubta kuwaan rumayn Xaqa waxa xune, Eebbe waxaan ahayn ma mudna in xaakin laga yeesho, illeen Isagaa soo dejiyey Kitaabka Qur’aanka ah oo cad, Yuhuud iyo Nasaarana waa ogyihiin in xagga Eebbahaa looga soo dejiyey, Xaqa in la shakiyana ma habboona, Sharciga Eebbana waa dhan yahay isagoo run iyo caddaalad ah, wax baddali karana ma jiro, Eebbana waa maqle og. Saas darteed waa in Xaqa lagu toosnaado, shaydaanna laga digtoonaado insi iyo jinba. Waxaa sugnaaday in Abuu Bakar warsaday Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) in dadku shaydaanno leeyahay oo uu ku yidhi, “Haa.” Al-Ancaam (112-115)

 

  1. Haddaad maqashid waxa dhulka ku sugan badankooda waxay kaa dhumin jidka Eebbe, mana raacayaan waxaan malo ahayn waana beenaalayaal.
  2. Eebbahaa yaa og cidda ka dhumi jidkiisa, isagaana og cidda hanuunsan.
  3. Ee cuna waxa magaca Eebbe lagu xusay haddaad aayaadkiisa rumaynaysaan.
  4. Maxaad la cuni waydeen waxa magaca Eebbe lagu xusi, isagoo laydiin caddeeyey waxa laydinka reebay inaad dhibban tihiin mooyee? Wax badan waxay ku dhumin [dadka] hawadooda cilmi-darro, Eebbahaana waa ogyahay kuwa xad-gudba.

 

Dadka badankiisu waxay dhumiyaan dadka, waxaan malo iyo been ahayna ma raacaan, Eebbana waa ogyahay cidda dhuntay iyo tan hanuunsan. Tan kale wuxuu Eebbe u banneeyey dadka rumeeyey inay cunaan waxa magaca Eebbe lagu xusay, illeen Eebbaa caddeeyey waxa la reebay haddaan dhibaato jirin, dadka badankiisuna wax bay dhumiyaan cilmi-darro, Eebbana isagaa og cidda hanuunsan. Aayaduhuna waxay muujin in laga digtoonaado xumaan-farayaasha, xalaashana la cuno, xaaraantana laga dheeraado. Al-Ancaam (116-119)

 

  1. Ka taga dambiga muuqda iyo kan qarsoonba, kuwa kasbada dambigana waxaa laga abaal-marin waxay kasbanayeen.
  2. Ha cunina waxaan lagu xusin magaca Eebbe, illeen waa xumaane, shaydaamaduna wax bay u sheegaan saaxiibkooda inay idinla murmaan, haddaad maqashaanna waxaad noqonaysaan gaalo.
  3. Cid mayd ahayd oon noolaynay oon u yeellay nuur uu ku dhex socdo dadka ma lamid baa mid mugdi ku sugan oo ka baxayn, saasaana loogu qurxiyey gaalada waxay falayeen.

 

Aayadda hore wuxuu Eebbe ku faray in dambiga dhammaantiis laga tago, mid muuqda iyo mid qarsoonba, ciddii dambi kasbatana waa laga abaal-marin wuxuu kasbaday, dambina waa waxa laabtaada kiciya ood neceb tahay in dadku kugu arko, siduu Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee). Aayadda kalana waxay reebi in la cuno waxaan magaca Eebbe lagu xusin marka la gawrici, uuna yahay jidka fiican oo laga baxo, illeen Shaydaanka yaa wax u sheega saaxiibbadiis si ay ugula murmaan Muslimiinta, ciddii warkaas maqashana oo raacda waa mid gaalowday. Yuhuud baa Nabiga ku tidhi, “Ma waxaan cunaynaa waxaan dillay oynaan cunayn waxa Eebbe dilay?” Markaasay soo degtay aayaddu. Tan kale waa tusaale Eebbe u yeelay cidda hanuunsan iyo cidda dhunsan oo shabaha mayd iyo noole, illeen midina nuur buu ku socdaa midina mugdi buu ku sugan yahay uusan ka baxayn, gaalana waxaa loo qurxiyey waxa xun oy falayaan, aayaduhuna waxay muujin in xumaanta laga tago, xalaashana la cuno, Shaydaankana laga digtoonaado, jidka fiicanna la qaado. Al-Ancaam (120-122)

 

  1. Saasaan ugu yeellay magaalo kasto dambiilayaal waawayn, inay wax ku dhagraan dhexdeeda, waxaan naftooda ahayna ma dhagrayaan mase oga.
  2. Markay soo gaadho aayad waxay dhahaan, “Rumayn maynno inta nalooga keeno wixii la siiyey Rasuulladii Eebbe.” Ilaahay baana og meeshuu yeeli Rasuulnimada, waxaana ku dhici kuwii dambaabay dulli Eebbe agtiisa ah iyo cadaab daran waxay dhagrayeen darteed.
  3. Cidduu Eebbe hanuuniyo wuxuu u waasiciyaa laabtiisa Islaamka, cidduu doono inuu dhumiyana wuxuu ka yeelaa laabtiisa cidhiidhi [dhib] ah sidii isagoo kori samada saasuuna u yeelay Eebbe xumaanta korka kuwaan rumaynin Xaqa.

 

Meel kasta waxaa jooga dad xun oo fasaad ka shaqeeya, dhagarna maleega, Xaqana beeniya iyagoo codsan in la tusiyo mucjisooyin lamid ah kuwii hore, awoodda iyo tasarrufkase Eebbaa iska leh, waxaana ku dhici dambiilayaasha dulli iyo cadaab daran dhagartooda darteed, Eebbana isagaa og cidduu dooran iyo cidduu u waxyoon. Cidduu Eebbe hanuun la doono laabtiisuu u waasiciyaa Xaqa, ciddii kalana laabteeduu cidhiidhi ka yeelaa sidii ruux samada u koraya, xumaanna waxay ku dhan tahay kuwaan rumaynin Xaqa. Nabigana (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waxaa la warsaday laabta la waasiciyey, wuxuuna yidhi, “Waa nuur Eebbe ku tuuro qalbiga ruuxa,” markaasay dheheen, “Maxaa lagu garan?” Markaasuu yidhi, “Aakhiro oo loo darbado, adduunyadoon lagu khaldamin, iyo darbasho geeri ka hor.” Al-Ancaam (123-125)

 

  1. Wakaas jidkii Eebbahaa oo toosan aayaadkana waxaan u caddaynay ciddii wax xusuusan.
  2. Waxayna mudan yihiin guri nabadgalyo oo Eebbahood agtiisa ah isagaana gargaarahooda ah waxay camal-falayeen dartiis.
  3. Xusuuso maalintuu Eebbe kulmin dhammaantood [kuna dhihi], “Kulanka jinniyow waad badsateen [baadiyeynta] insiga,” waxayna dheheen saaxiibbadood oo insiga ah, “Eebbahannow qaarkanno qaar buu ku shaqaystay waxaana gaadhnay ajashaad [muddadaad] noo samaysay,” wuxuuna ku yidhi, “Naar baa hoyaadkiinna ah idinkoo ku waari dhexdeeda wuxuu Eebbe doono mooyee, Eebbahaana waa falsame oge ah.”
  4. Saasaana ugu dirraa daalimiinta qaarkood qaarka kale waxay kasbanayeen darteed.

 

Markuu Eebbe sheegay jidka kuwa dhumay yuu raaciyey Jidka Toosan ee xaqa ah, waana u cad yahay ciddii waantoobi, waxaana kuwaas u sugnaaday guri nabadgalyo oo Jannada ah, illeen xumaan iyo balaayoo dhan yey ka nabadgashaye, Eebbaana gargaare u ah camalkooda dartiis. Markaasuu Eebbe sheegay soo-kulmin insi iyo jinniba oy markaas sheegi in midkood kan kale ku intifaacay intay ka gaadhaan muddaduu Eebbe u qabtay, taasoo ah in insigu magan-gali jiray jinniga, wuxuuse Eebbe ku xukumay Naar ay ku waari, wuxuu Eebbe doono mooyee, waxaana caadi ah in daalimiinta qaarkood qaar lagu diro oo taladiisa uu gacanta ku dhigo, taasina waxay ku tusin in gaaladu sokeeye isu yihiin, siduu yidhi Qataade, “Mu‘minku waa sokeeyaha mu‘minka meel kastooy joogaan, gaaladuna waa sokeeyaha gaalka meel kastooy joogaan.” Al-Ancaam (126-129)

 

  1. Jinni iyo insiyow, miyuuna idiin imaanin Rasuullo idin kamid ah oo idiinka warrama aayaadkayga idiinkana diga la-kulanka maalintan? Waxayna dheheen, “Waan ku marag-furray naftannada,” waxaana dhagartay nolosha dhaw, waxayna ku marag-fureen naftooda inay gaalo ahaayeen.
  2. Arrintaasna waa inaan Eebbahaa halaagin magaalo dulmi dartiis iyadoo dadkeedu halmaansan yihiin [aan loo digin].
  3. Cid kasta darajooyin yey leedahay oo waxay camal-fashay ah Eebbahaana ma aha mid halmaansan waxay camal-faleen.
  4. Eebbahaana waa hodan naxariis badan, hadduu doono wuu idin baabi‘in idinkuna beddeli gadaashiin cidduu doono siduu idiinka abuuray faracii qawm kale.
  5. Waxa laydiin yaboohi wuu imaan, Eebbana ma daalisaan.
  6. Waxaad dhahdaa, “Qawmkayow, ku camal-fala sidiinnaas, anna waan camal-faliye, waxaadna ogaan doontaan cidday cidhib dambe u ahaatee, mana liibaano daalime.”

 

Aayadahanna wuxuu Eebbe ku sheegey in Qiyaamada la warsan gaalada insi iyo jinniba inuu u yimid Rasuul u diga iyo in kale, waxay isku marag-fureen inay u timid, waxaase khayaantay adduunyadii, waxayna isku marag fureen inay gaalo ahaayeen, Eebbana ma halaago dad uusan u soo dirin hanuuniye, cid walbana waxay mudan darajo waxay kasbatay, Eebbana ma halmaamo waxay fali dadku. Eebbana waa hodan naxariista, cidduu doonana wuu halaagi oo mid kale ku baddali, wax Eebbe daalinna ma jiro, cid walbana ha fasho waxay rabto, daalimna ma liibaano. Al-Ancaam (130-135)

 

  1. Waxay uga yeeleen Eebbe wuxuu abuuray oo beero iyo xoola ah qayb, waxayna dheheen, “Kan Eebbaa iska leh,” sheegashadooda, “Kanna waxaa iska leh shurukadannada [sanamyada],” waxa sanamyadu ma gaadho Eebbe, waxa Eebbana wuxuu gaadhaa sanamyadooda, waxaa xun waxay xukumeen.
  2. Saasayna ugu qurxiyeen in badan oo gaalada ah dilidda carruurtooda shurakadoodu [shayaadiintu] inay halaagaan kana khaldaan diintooda, hadduu Eebbe doonana mayna faleen ee isaga-tag iyaga iyo waxay been-abuuran.
  3. Waxay dheheen, “Tan waa nicmooleey iyo beer reeban oosan ka quudanayn ciddaan doonno mooyee,” sheegashadooda, iyo nicmoolay la xarrimay dhabarkeeda [in la rarto] iyo nicmoolay aan magaca Eebbe lagu xusayn ku been-abuurasho darteed, wuxuu ka abaal-marin Eebbe waxay been-abuuranayeen.

 

Aayadahanna waa canaan iyo guulid gaaladii qaybisay xoolaha iyo beeraha oo qaarna Eebbe ku sheegay qaarna sanamyada, hadduu waxa sanamku ku darmado kan kalana ay soo celinayaan, hadduu kay Eebbe ku sheegeen ku darmadana daayaan, waana xaal guud ahaan u xun, waxaa kalooy sanamyadu u qurxiyeen gaalada dilidda carruurtooda, iyagoo xoolana qaar ka reebay inuusan hilibkooda cunayn cidayna doonin, qaarna ay sii-daayeen, qaarna aan lagu gowracayn magaca Eebbe, waxaasuna waa wax Eebbe ka abaal-marin oo been ah, ku tusinna caqli-xumada gaalada iyo garasha-darridooda. Al-Ancaam (136-138)

 

  1. Waxay dheheen gaaladii, “Waxa ku jira uurka nicmoolaydan waxay gaar u tahay raggannaga waxayna ka reebban tahay haweenkannaga, hadday bakhti tahayna way wadaagi.” Wuxuu ka abaal-marin Eebbe tilmaantooda, illeen waa falsame oge.
  2. Waxaa dhab u khasaaray kuwa dilay carruurtooda caqli-xumo darteed iyo cilmi-la‘aan oo reebay wixii Eebbe ku arzuqay been-abuurasho Eebbe darteed, way dhumeen mana hanuunsana.
  3. Eebbe waa kan soo bixiyey beero la dhisay iyo kuwaan dhisnayn, iyo timir, iyo tallad kala duwan yahay cuniddiisu, iyo zaytuun, iyo rummaan isu-eg iyo qaar aan isu-ekeyn, ka cuna midhihiisa [zakada] maalinta la goyn, hana xad-gudbina Eebbe ma jecla kuwa xad-gudbee.
  4. Nicmoolayda waxaa kamid ah mid la rarto, iyo mid kuwa yaryar ah, ka cuna waxa Eebbe idinku arzaaqay hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka illeen waa colkiinna oo cade.

 

Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Caanaha waxay u diidi jireen gabdhaha waxayna siin jireen wiilasha, hadduu neefka dhaddiga ah lab dhalo way gawrici jireen, waxayna siin jireen ragga, hadduu dhaddig yahayna way dayn jireen, hadduu bakhti yahayna way wadaagi jireen, markaasuu Eebbe ka reebay arrintaas.” Waxaa kale oo uu yidhi, “Haddaad dooni inaad ogaato jaahilnimadii Carab akhri waxa ka sarreeya boqol iyo soddan suuradda Ancaam.” Aayadaha kalana wuxuu Eebbe ku sheegay nicmooyinka iyo khayraadka dhulka kasoo baxa, wuxuuna faray in laga bixiyo xaqiisa, oon laguna xad-gudbin, xoolahan waxaa kamid ah kuwo la rarto iyo kuwo yaryar, waana in nicmada Eebbe si fiican loo cunaa oon lana raacin waddooyinka Shaydaanka illeen waa colka dadkee, mana habboona in nicmada Eebbe lagu kibro ama lagu xad-gudbo. Al-Ancaam (139- 142)

 

  1. Waa siddeed nooc, labo ido ah iyo labo riyo ah [lab iyo dhaddig], ma labada lab yuu reebay Eebbe mise labada dhaddig mise waxa uurka kuwa dhaddig ku jira? Noo warrama cilmi haddaad run sheegaysaan.
  2. Geelana labo kamida lo‘dana labo, dheh “Ma labada lab yuu Eebbe reebay mise kuwa dhaddig mise waxa uurka kuwa dhaddig ku jira, mise marag baad ka ahaydeen markuu idin faray Eebbe sidaas, yaase ka dulmi badan cid ku abuuratay Eebbe, inuu dhumiyo dadka cilmi-darro? Eebbana ma hanuuniyo qawm daalimiin ah.”
  3. Waxaad dhahdaa, “Kama helayo waxa lay waxyooday wax ka reebban cidda cuni oon ahayn bakhti, dhiig butaaci, hilib doofaar, illeen waa nijaase iyo wax xun oo lagu gawracay magaca Eebbe waxaan ahayn, ruuxii baahda dulmi iyo xad-gudub la’aan, Eebbahaa wuu u dambi-dhaafi una naxariisan [hadduu baahidaa u cuno].

 

Aayadaha hore waxay caddayn jaahilnimadii Carbeed Islaamka ka hor, markay xaaraan yeeleen xoolaha qaarkood, waxaasi waa beentooda ay dooni inay dadka ku dhumiyaan, Eebbana ma toosiyo daalimiinta, waxaana jiray nin la dhihi jiray Camar binu Luxyi oo dadka u horseeday waxyaalahaas, dhabtuna waa in xaaraantu tahay bakhtiga, dhiig butaaci, hilibka doofaarka, illeen waa nijaase, iyo wax xun oo lagu gowracay waxaan magaca Eebbe ahayn, waxay Diintu u reebtay waxaasna waa xikmad wayn, oo qaarna muuqdo qaarna qarsoon yahay, waxyaalo kalana waa jiraan. Al-Ancaam (143-145)

 

  1. Kuwa Yuhuudda ah waxaan ka reebnay wax kastoo ciddi leh, lo‘da iyo adhigana waxaan ka reebnay baruurtooda, waxay dhabarka ku qaadaan [baruurta dhabarka] mooyee, ama uur-ku-jirta, ama wixii ku dheehan laf, saasaana ku abaal-marinnay dulmigooda dartiis, run baana sheegaynaa.
  2. Hadday ku beeniyaan waxaad dhahdaa. “Eebbihiin waa naxariis-badane lagamana celiyo ciqaabtiisa qawmka dambiilayaasha ah.”

 

Yuhuud way kibirtay, markaasaa Eebbe ku ciqaabay inuu ka xarrimay hilibka waxa ciddida leh, sida geela, gorayada iyo wixii lamid ah, sidoo kale waxaa laga xarrimay baruurta lo‘da iyo adhiga, waxa dhabarka kaga yaalla, ama uur-ku-jirta ku sugan ama laf ku dheehan mooyee. Saasaana loo ciqaabaa ciddii kibirta, Eebbana waa runle, haddday Yuhuud iyo gaaladuna beeniyaan Nabiga, Eebbe waa naxariis-badane ciddii tawbad keenta, ciqaabtiisana wax ka celin dambiilayaasha ma jiro, Yuhuudduna wataas khayaamada iyo xumaanta la joogtay. Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: Eebbe ha naclado Yuhuud wuxuu ka reebay baruurta, markaasay gadeen oo cuneen lacagtii (wixii laga reebay lacagtiisa).” Al-Ancaam (146-147)

 

  1. Waxay odhan kuwii gaaloobay, “Hadduu Eebbe doono maanaan gaalowneen anaga iyo aabbayowganno, waxna maanaan xarrimneen,” saasayna u beeniyeen kuwii ka horreeyey intay ka dhadhamiyaan ciqaabtannada, waxaad dhahdaa, “Agtiinna cilmi ma yahay aad noo soo bixisaan [muujisaan]? Waxaan malo ahayn ma raacaysaan waxaadna uun tihiin beenaalayaal.”
  2. Waxaad dhahdaa “Eebbaa iska leh xujada wayn, hadduu doonana wuu idin hanuunin dhammaan.”
  3. Waxaad dhahdaa, “Keena markhaatigiinna idiin marag-furi in Eebbe reebay kan [aad reebteen],” hadday marag-furaan ha marag-furina la-jirkooda, hana raacina hawada kuwa beeniyey aayaadkannaga, kuwaan rumaynin Aakhiro iyaguna Eebbahood wax bay la simaan.

 

Aayadahan waxay caddayn muran iyo waxyaalo ay u xujaysan waxa xun oy fali, iyagoo sheegi in Eebbe arko oo raalli ka yahay, waana xujooyin ay sheegsheegi oon qiimo lahayn, waana male iyo been raac, Eebbaase iska leh xujada iyo xikmada dhabta ah cidduu doonana hanuunin, wax marag ah oy u hayaan xaalkaasna ma jiro, waana in laga digtoonaado hawada kuwa beeniyey aayaadka Eebbe, kuwaan Aakhiro rumaynna waxay Eebbe la simi waxyaalo kale, cidna xaq uma leh inay sheegato in xumaantiisa Eebbe ka raalli yahay, maxaa yeelay Eebbe caqli buu siiyey, jidkana wuu u caddeeyey, saas darteed waa in wanaagga la raaco xumaantana laga leexdo oon sababo loo daydayan, ma jirto sabab loo cuskan arrintaas, ee waa uun xumaan iyo shaydaan. Al-Ancaam (148-150)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Kaalaya aan idiin akhriyo waxa Eebbe idinka reebaye, waa inaydaan wax la wadaajin, labada waalidna waa inaad u samo-fashaan [oydaan caasiyin] oydaan laynna carruurtiinna saboolnimo [baahi] Annagaa idinka iyo iyagaba arzaaqi, hana u dhawaanina xumaanta teeda muuqata iyo teeda qarsoonba, hana dilina naftii Eebbe reebay in xaq-darro lagu dilo, saasuuna Eebbe idin fari inaad wax kastaan.”
  2. “Hana u dhawaanina xoolaha agoonta si fiican mooyee intay ka gaadhaan xooggooda, dhammaystirana miisidda iyo miisaanka, si caddaalad ah, laguma kallifo nafi waxayna karin haddaad hadlaysaanna caddaalad fala qaraababa ha ahaadee, oofiyana ballanka Eebbe, sidaasaana Eebbe idin faray inaad waantowdaan.
  3. Kaasina waa Jidkayga Toosan ee raaca, hana raacina wadiiqadaha oo idin la kala tago [idinka leexiyo jidka Eebbe] saasaana Eebbe idin faray inaad dhawrsataan.

 

Ibnu Mascuud wuxuu yidhi, “Ciddii dooni inuu arko dardaarankii Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ee korkiisa shabadiisu ku taallay ha akhriyo aayadahan.” Ibnu Cabbaasna wuxuu yidhi, “Suuradda Ancaam waxaa ku sugan aayado sugan oo Qur’aanka hooy u ah,” wuxuuna akhriyey aayadahan. Waxayna ka digi aayaduhu gaalnimo, waalidka oo la xumeeyo, carruurtoo baahi darteed la laayo, xumaanta oo loo dhawaado wax muuqda iyo wax qarsoon, naf xaq-darra loo dilo, xoolaha agoonta oo loogu dhawaado xumaan isagoon qaan-gaadhin, miisidda iyo miisaanka oo la nusqaamiyo, caddaalad-xumo, ballanka Eebbe oon la oofin, jidka Shaydaanka oo la raaco. Waana aayado la-yaab leh oo kulmiyey dardaaran wayn kana digtay xumaan badan, jidka Eebbe ee toosanna waa jidka Xaqa ah ee Qur’aanku fari, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuu tusiyey taasoo caddayn in jidka Xaqa ah mid kaliya yahay, waddooyin badan oo Shaydaan ugu yeedhina jiraan, oy waajib tahay in laga digtoonaado. Al-Ancaam (151-153)

 

  1. Waxaana siinnay [Nabi] Muuse Kitaabkii [Tawreed] annagoo dhammaystiri waxa wanaagsan, wax walbana caddayn, isagoo hanuun iyo naxariis ah, inay la-kulanka Eebbahood rumeeyaan.
  2. Kanna [Qur’aanku] waa kitaab aan soo dejinnay oo barakaysan, ee raaca dhawrsadana in laydiin naxariisto.
  3. Oydaan dhihin, “Waxaa uun Kitaab lagusoo dejiyey labadii qolo ee naga horreeyey, annaguna ma naqaanno cilmigoodii.”
  4. Ama aydaan dhihin, “Haddii nalagu soo dejiyo Kitaab waxaan ahaan lahayn kuwo ka hanuunsan iyaga,” waxaa idiinka yimid xujo [cad] xagga Eebbihiin, iyo hanuun, iyo naxariis, cid ka dulmi badanna ma jirto mid beenisay aayaadka Eebbe oo ka jeedsatay, waxaannu ku abaal-marin kuwa ka jeedsada aayaadkannaga cadaab xun jeedsigooda dartiis.

 

Halkan Eebbe wuxuu ku sheegay ammaanta Tawreed iyo Kitaabka Qur’aanka ah ee barakaysan, oy waajib tahay in la raaco, lana dhawrsado si naxariista Eebbe loo muto, aayadaha kalana waxay caddayn in Qur’aanka lasoo dejiyey si aan loo calaacalin, oon loo dhihin, “Kuwii naga horreeyey waxaa la siiyey Kitaab annagana wax ma naqaanno,” ama ayna u dhihin, “Haddii Kitaab nalagu soo dejiyo annagaa ka hanuunsanaan lahayn,” markaasuu Eebbe u sheegay in xujo iyo hanuun Eebbe u yimid iyo naxariis cid ka dulmi badanna uusan jirin ruux beeniyey aayaadka Eebbe oo ka jeedsaday, waxaana lagu abaal marin kuwaas cadaab xun, jeedsigooda dartiis. Aayaduhuna waxay caddayn inaan cidna xujo u haysan beeninta Xaqa illeen Kitaab Xaq ah oo wax walba caddeeyey yaa Eebbe u soo dejiyeye, kaasoo mudan in la raaco oo lagu dhaqmo, looguna yeedho wanaaggiisa. Al-Ancaam (154-157)

 

  1. Ma waxay sugayaan inay Eebbe iyo malaa‘igta la kulmaan ama u yimaadaan aayadaha Eebbahaa qaarkood? Maalintay u imaan aayadaha Eebbahaa qaarkood wax uma tarto naf rumayn iyadoon horay u rumayn ama aan ku kasban iimankeeda khayr, waxaad dhahdaa, “Suga annaguna waanu sugaynaa.”
  2. Kuwa ku kala-tagay diintooda oo noqday kooxo, kamid ma tahid, amarkoodana Eebbe un baa iska leh markaasuu uga warrami waxay falayeen.
  3. Ciddii la timaadda wanaag wuxuu mudan toban lamid ah, ciddii la timaadda xumaanna waxaa laga abaal-mariyaa mid lamid ah lamana dulmiyo.

 

Halkan wuxuu Eebbe ugu goodiyi gaalada Xaqa beenisay maalintay la kulmaan Eebbe iyo malaa‘igtiisana wax rumayna oo laga aqbali ma jirto, haddaan horay Xaqa loo rumeyn, ama khayr horay loo kasban, ha sugeen gaaladu Muslimiintuna way sugiye, kuwa ku kala-tagay diintana Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waxba kama dhexeeyo, amarkoodana Eebbaa iska leh, aayadduna waxay ka digi ku kala-tagga Diinta iyo is-khilaafka mar hadduu Xaqu cad yahay mid kaliyana yahay, waana ka Nabiga lagu khatimay Nabiyadii horana haysteen. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Haddaan Nabiyada nahay Diintannadu waa mid kaliye.” Kala-tag, is-khilaaf, iyo kooxo kooxana ma oggola Diinta Islaamku, Eebbe waa kali dadkuna waa addoomadiisa Xaquna waa mid markaas maxaa loo kala tegi? Tan kale ciddii wanaag fasha waa loo toban-laabi, xumaantuna waa hal kaliya, cid la dulminna ma jirto, taasina waa naxariista Eebbe iyo fadligiisa uu u naxariisan addoomadiisa illeen waa naxariistee. Al-Ancaam (158-160)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Wuxuu igu hanuuniyey Eebbahay Jid Toosan Diin sugan oo Diintii [Nabi] Ibraahiim isagoo toosan oon gaalada kamid ahayn.”
  2. Waxaad dhahdaa, “Salaaddayda, waxaan gawrici, noloshayda iyo geeridaydaba Eebbaa iska leh, Eebbaha caalamka ah.”
  3. “Wax la wadaagana ma jiro, saasaana lay faray anigaana ugu horreeya Muslimiinta [ummaddan].”
  4. Waxaad dhahdaa, “Ma wax Ilaah kasoo hadhay yaan Eebbe ka dooni [dhigan] isagoo Ilaahay wax walba Eebbe u ah, naf kastana waxay kasbato waa uun korkeeda, nafna dambi naf kale ma qaaddo, xagga Eebbihiin un baana laydiin celin, wuxuuna idiinka warrami waxaad isku diiddanaydeen.
  5. Eebbana waa kan idinka yeelay kuwo dhulka u hadhay, qaarkiinna qaar ka sara-mariyey darajooyin, inuu idinku imtixaamo wuxuu idin siiyay, Eebbana waa degdegtaa ciqaabtiisu waana dambi-dhaafe naxariista.

 

Halkanna wuxuu Eebbe faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu sheego inuu ku toosan yahay Diin fiican oon qallooc lahayn, oo ah Diintii Nabi Ibraahiimkii toosnaa, iyo salaadda camalka iyo gawraca, noloshooda iyo geeridoodaba Eebbe iska leeyahay ee wax la wadaagaa uusan jirin, Nabiguna waa imaamka ummaddan iyo mu‘miniinta oo dhan, waxaan Eebbe ahaynna Eebbe lagama dhigto illeen Isagaa wax walba Eebbe u ahe. Naf walbana waxay kasbatay iyadaa ka mas’uul ah, nafna naf kale dambigeeda ma qaaddo, dhammaanna Eebbaa loo noqon, caddaynna wixii laysku diiddanaa, waana kan inaga yeelay kuwa camira dhulka oo ku noolaada, kalana duway dadka oo ka yeelay mid cilmi leh, mid jaahil ah, mid xoola leh, mid sabool ah, mid Eebbe ka yaabi, mid kale iyo wax la mida, imtixaan dartiis. Eebbana waa degdegtaa ciqaabtiisu waana dambi-dhaafe naxariista. Suuradduna waxay ku dhammaatay cabsi-galin iyo rajo-galin oo ah sida Qur’aanka ku badan, si aan laysu illoobin, ama looga quusanin naxariista Eebbe. Al-Ancaam (161-165)

***

Suurat al-Acraaf

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guild iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Alif. Laam. Miim. Saad. [Waxay ku tusin mucjisada Qur’aanka.]
  2. Kani waa Kitaab aannu kuu soo dejinnay ee yeyna laabtaada dhibi [cidhiidh] ahaan inaad ugu digto, waana waanada mu‘miniinta.
  3. Raaca waxa laydiinka soo dejiyey xagga Eebbe, hana raacina wax kasoo hadhay oo awliyo ah [gargaara ah] yaraana intaad waantoobaysaan.
  4. Badanaa intaan magaalo halaagnay oo u timid ciqaabtannadii iyadoo jiifta [habeen] ama qayluushan [maalin].
  5. Baryadoodu [qayladooduna] markuu u yimid halaaggannagu ma ahayn waxaan ahayn inay dhahaan, “Annagaa daalimiin ahayn.”
  6. Waana warsanaynaa kuwii loo diray [ummadihii waxay ku jawaabeen] waana warsanaynaa kuwii la diray [Rasuulladii inay gaadhsiiyeen].
  7. Waana uga warramaynaa ogaansho mana aanaan ka maqnayn.

 

Kitaabka Qur’aanka ah waa Kitaab xaq ah oo Nabiga lagu soo dejiyey, mana aha inuu cidhiidhi ku galo gaadhsiintiisa, waana waanada mu‘miniinta, waana in la raaco Qur’aankan Eebbe soo dejiyey, mana aha in la raaco xukun Eebbe xukunkiisa kasoo hadhay, wax waano qaadanna waa yar yahay. Imisaa la halaagay magaalo goor habeen ah ama maalin, markaasna ku qayliyeen inay daalimiin ahaayeen, Eebbana wuu warsan ummadaha waxay ugu jawaabeen Nabiyada, Rasuulladana waxaa la warsan inay gaadhsiiyeen Xaqii, Eebbana wax walba waa ogyahay wax ka qarsoonna ma jiro illeen Eebbe inagama maqnee, Rasuulkana (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Dhammaantiin waxaad tihiin ilaaliye dhammaantiinna waa laydin warsan.” Al-Acraaf (1-7)

 

  1. Miisaanku waa xaq maalintaas [Qiyaamada] cidday cuslaato miisaankiisa [fiican] kuwaasu waa uun kuwa liibaanay.
  2. Cidduu fududaado miisaankiisuna kuwaasuna waa kuwa khasaariyey naftooda dulmigay ku falayeen aayaadkannaga dartiis.
  3. Waxaan idin makaninay dhulka waxaana idiinka yeellay meel lagu noolaado, waxaase yar intaad shukriyeysaan.
  4. Waan idin abuurray [Nabi Aadan] waana idin suuraynay, markaasaan ku nidhi malaa‘igta, “U-sujuuda [Nabi] Aadam [salaan],” wayna sujuudeen, Ibliise ma ahayn kuwa sujuuda.
  5. Wuxuu yidhi [Eebbe], “Maxaa kaa reebay inaad sujuuddo markaan ku faray?” Wuxuu yidhi, “Anaa ka khayr-roon, waxaad iga abuurtay dab isagana waxaad ka abuurtay dhoobo.”

 

Eebbe waa caadil, wuxuuna oogi Qiyaamada miisaan xaq ah, ciddii khayrkeedu badnaadana waa liibaantay, tii khayrkeedu yaraadana way khasaartay isagaana dulmi falay, markaasuu Eebbe xusuusiyey addoomadiisa siduu ugu nicmeeyey, dhulkana ugu sugay una makaniyey, wayse shukri yar yihiin, markaasuu haddana xusuusiyey siduu u sharifay aabbahood Nabi Aadam, malaa‘igtana u faray inay qaddariso, wayna yeeleen oo faleen wuxuu Eebbe faray, Ibliise isagu wuu diiday inuu wayneeyo Nabi Aadam, wuuna xasday wuxuuna sheegay inuu isagu ka fiican yahay, illeen dab baa laga abuuray, Nabi Aadamna dhoobee, waana qiyaas beena oo xun. Cid kastoo nasab, dhalasho, iyo asal si xun ugu faanta oo Xaqa ku diidana Ibliis baa bare iyo hoggaamiye u ah, dadkuna waxay ku kala fiican yihiin Eebbe ka-yaabid, wanaagga, sharafta iyo akhlaaqda fiican ee wax-tarka ah mase aha waxaan ahay hebel. Al-Acraaf (8-12)

 

  1. Wuxuu yidhi [Eebbe], “Ka daga xaggeeda [Jannada] xaq uma lehid inaad isku dhex kibriside, bax waxaad kamid tahay kuwa dullaysane.”
  2. Wuxuu yidhi, “Ii sug tan iyo maalinta lasoo bixin.”
  3. Wuxuu yidhi [Eebbe], “Waxaad kamid tahay kuwa la sugi.”
  4. Wuxuu yidhi, “I baadiyeyntaada darteed waxaan u fadhiisan Jidkaaga Toosan [waan dhumin].”
  5. “Waxaana kaga iman hortooda, gadaashooda, midigta iyo bidixda mana helaysid badankooda oo shukriyi.”
  6. Wuxuu yidhi Eebbe, “Ka bax xaggeeda adoo caayan oo la dheereeyey, ciddii ku raacdana waxaa laga buuxin Jahannamo dhammaantiin.”

 

Eebbe wuxuu amray Ibliis inuu ka baxo Jannada Eebbe agteeda illeen kuma habboona Eebbe agtiisa isku-kibrine, wuxuuna faray inuu baxo isagoo dullaysan, wuxuuse Eebbe warsaday in la sugo tan iyo Qiyaamada, wuxuuna u ballan-qaaday in la sugi tan iyo maalintaas, wuxuuna ku dhaartay Ibliis inuu dhumiyo dadka kana leexiyo Jidka Toosan, dhan walbana uga imaan, una qurxin adduunka, wuxuuna Eebbe ugu jawaabay, “Bax adoo ceeb leh oo caayan lana fogeeyey, Jahannamana laydinka buuxin adiga iyo inta ku raacdaba.” Ibliisna saasuu col ugu yahay dadka ayna waajib tahay in laga digtoonaado. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Shaydaan wuxuu u fadhiistay dadka jidka wuxuuna ka reebay Islaamidda, Hijrada, iyo Jahaadka, wayna khilaafeen oo faleen khayrkii ciddii saas yeesha oo si kasta u dhimata Jannaday gali.” Waxaana wariyey Imaamu Axmed. Al-Acraaf (13-18)

 

  1. “[Nabi] Aadamow dega adiga iyo haweenaydaadu Jannada, kana cuna meeshaad doontaan, hana u dhawaanina geedkan, ood noqotaan daalimiin.”
  2. Waxaana waswaasiyey Shaydaan, inuu ka muujiyo xaggooda wixii laga asturay oo cawradooda ah, wuxuuna yidhi, “Wuxuu idinka reebay Eebbe geedkan inaydaan noqonin malaa‘ig, ama aydaan waarin.”
  3. Wuxuuna ugu dhaartay, “Inaan idiin ahay naseex.”
  4. Wuuna soo dejiyey dhagar darteed, markay dhadhamiyeen geedka waxaa u muuqday xumaantooda waxayna ahaayeen kuwo isku dhadhajiya caleenta Jannada waxaana u yeedhay Eebbahood, “Miyaanan idinka reebin geedkan, oonan idinku odhan Shaydaanku wuxuu idiin yahay col cad?”
  5. Waxayna dheheen, “Eebbow waxaan dulminay naftannada haddaadan noo dambi-dhaafin oodan noo naxariisanna waxaan ahaanaynaa kuwo khasaaray.”

 

Ilaaheen wuxuu ina xusuusin siduu ugu nicmeeyey Aadam iyo Xaawo Jannadana u dejiyey una banneeyey inay nicmadeeda cunaan marka laga reebo hal geed, waxaase xasday Shaydaan, wuuna khayaamay isagoo u dhaartay inuu nasteex u yahay, markay geedkii wax ka cuneenna darajadii ka dhacday, cawradiina muuqatay, Eebbana xusuusiyey inuu Shaydaan uga digay una caddeeyey inuu col idiin yahay, markaasay calaacaleen oo qirteen gafkoodii Eebbana naxariis warsadeen, taasina waxay ku tusin tabar-yarida dadka iyo khaldami ogiddiisa, iyo wax badso jacaylka inkastoo loo nicmeeyo, iyo colnimada Ibliis iyo khayaamadiisa, iyo in laga digtoonaado cid kasta oo nasteex iska dhigi haba dhaartee, illeen cid kastoo dhaaratay run ma sheegaysee, iyo in dambigu ceebta muujin, kuna kashifi, waase in Eebbe la magan-galo, laguna xidhnaado. Al-Acraaf (19-23)

 

  1. Wuxuu yidhi Eebbe, “Ka dega, qaarkiin qaar buu col u yahaye, waxaana dhulka idiinku sugan nagaadi iyo raaxo tan iyo muddo.”
  2. Wuxuuna yidhi Eebbe, “Dhexdiisaad ku noolaanaysaan dhexdiisaana ku dhimanaysaan xaggiisaana laydin kasoo bixin.”
  3. Banii Aadamow waxaan idiin soo dejinnay dhar astura xumaantiinna [cawrada] iyo labbis [xarrago] dharka dhawrsashada yaase khayr-roon, kaasina waa aayaadka Eebbe inay dadku wax xusuustaan.
  4. Banii Aadamow yuusan idin fidnayn Shaydaan siduu ugasoo bixiyey labadiinnii waalid Jannada, isagoo ka siibi dharkoodii inuu tusiyo xumaantooda [cawrada] wuu idin arkaa isaga iyo colkiisu idinkuse ma aragtaan, waxaana uga yeelnay Shaydaanka sokeeya kuwaan rumeynin Xaqa.

 

Wuxuu faray Eebbe inay ka baxaan Jannada iyagoo qaarkood qaar col u yahay, iyagoo dhulka ku nagaan tan iyo muddo, oy kuna noolaan dhexdiisa kuna dhiman lagana soo bixin, markaasuu Eebbe uga warramay dadka wuxuu ugu nicmeeyey oo dhar ay isku asturaana iyo mid xarrago, waxaase ka khayr-roon dhawrsoonida si ay u xusuustaan, wuxuuna uga digay inuu fidmeeyo Shaydaanku siduu waalidkood Aadam iyo Xaawa uga saaray Jannada, isagoo ka siibay dharkoodii, waxaana jira inuu Shaydaanku u jeedo dadka iyaguse ayan arkayn, Shaydaankuna wuxuu saaxiib la yahay kuwaan rumaynin Xaqa. Waxayna aayaduhu caddayn siduu Shaydaan dadka col ugu yahay, iyo inay ka digtoonaadaan, iyo inay xusuustaan sida Eebbe u arrad-bixiyey uguna soo dejiyey dhar ay isku asturaan, waxaase muuqda in dadka qaarkiis jecel yahay is-qaawinta, sida kuwa dharka gaabsaday iyo kuwa xidhay dharka khafiifka ah ee aan wax asturayn, taasoo ku tusin inta diidday shukriga nicmada Eebbe. Al-Acraaf (24-27)

 

  1. Markay falaan xumaanna waxay dhahaan, “Waxaan ka hellay aabbayaalkanno Eebbaana na faray iyada.” Waxaad dhahdaa, “Eebbe ma faro xumaan. Ma waxaad ku dhahaysaan Eebbe waxaydaan ogayne?”
  2. Waxaad dhahdaa, “Wuxuu faraa Eebbe caddaaladda iyo inaad u-jeedisaan wajigiinna [xaggiisa] masaajid kasta agtiisa, baryana idinkoo u kali-yeeli Diinta, siduu idinku billaabay yaad kusoo noqonaysaan.”
  3. Koox wuu hanuuniyey, kooxna waxaa ku sugnaaday korkooda baadi, maxaa yelay waxay ka yeesheen shayaadiinta awliyo, waxayna u malayn inay hanuunsan yihiin.

 

Waxaana wax lala yaaba ah in markay gaaladu xumaan falaan sheegaan inay aabbayaalkood kasoo gaadheen, Eebbana faray sidaas, Eebbase ma faro xumaan, mana habboona in Eebbe lagu been-abuurto. Eebbese wuxuu faraa caddaaladda, salaad dar Eebbe ah, waxaana jirta inuu Eebbe dadka u soo celin siduu ku billaabay, Eebbe wuxuu hanuuniyaa qaar, qaarna way dhumaan, maxaa yeelay Shaydaan yey sokeeye ka yeesheen Eebbe ka-sokow iyagoo isu-malayn inay hanuunsan yihiin, mana habboona in cidna xumaanta lagu raaco ama aabbo ha ahaado ama cid kale ha ahaatee. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuuu yidhi, “Dadow waxaa laydiin soo kulmin Eebbe idinkoo kaba la‘, qaawan, oon gudnayn, Eebbaa yidhi, ‘Saan ku billownay yaan kusoo celinaynaa.’” Bukhaari iyo Muslim. Al-Acraaf (28-30)

 

  1. Banii Aadamow qaata quruxdiinna [dharka] masaajid kasta agtiisa, cuna oo cabbana hana xad-gudbina illeen Eebbe ma jecla kuwa xad-gudbee.
  2. Waxaadna dhahdaa, “Yaa reebay quruxdii Eebbe usoo bixiyey addoomadiisa, iyo wanaagga rizqiga ah?” Waxaad dhahdaa, “Waxaa iska leh kuwa rumeeyey nolosha adduunyo dhexdeeda, gaarna u tahay maalinta Qiyaame,” saasaana ugu caddaynay aayaadkannaga ciddii wax og.
  3. Waxaad dhahdaa, “Wuxuu uun xarrimay Eebbahay waxa xun kan muuqda iyo ka qarsoonba, iyo dambiga, iyo xad-gudub xaq-darro iyo inaad la wadaajisaan Eebbe wuxuusan xujo u soo dejinin, iyo inaad ku sheegtaan Eebbe waxaydaan ogayn [xaqnimadiisa].”

 

Waa in cawrada la asturo marka la cibaadaysan iyo mar walba, waxna la cuno lana cabbo isagoon la xad-gudbayn, illeen Eebbe ma jecla kuwa xad-gudbee, cid xarrimi kartana ma jirto quruxda iyo wanaagga rizqiga ah ee Eebbe usoo saaray dadka, wanaagga way mudan tahay mu‘miniinta adduunka, gaar bayna u tahay Qiyaamada saasuuna Eebbe ugu caddeeyey aayaadkiisa ciddii wax kasi, Eebbe wuxuu xarrimaa xumaanta mid muuqata iyo mid qarsoonba iyo dambiga, iyo dulmiga xaq-darro iyo in Eebbe lala wadaajiyo waxaan xujo lahayn iyo in lagu sheego Eebbe waxaan loo cilmi lahayn. Aayaduhuna waxay ku tusin in wanaaggana la falo xumaantana laga fogaado. Al-Acraaf (31-33)

 

  1. Ummad kasta waxaa u sugnaaday ajal [muddo] markay timaaddo ajashuna kama dib-maraan saacad kamana hor maraan.
  2. Banii Aadamow hadday idiin yimaadaan Rasuullo idin kamid ah oo idiinka warrama aayaadkayga ciddiise dhawrsata oo wanaag fasha, cabsi ma saarra mana walbahaaraan.
  3. Kuwa beeniyey aayaadkannaga oo iska-kibriya xaggeeda kuwaasi waa Naarta ehelkeeda wayna ku waari.
  4. Yaa ka dulmi badan cid ku abuuratay Eebbe been ama beenisa aayaadkiisa? Kuwaasu waxay heli qaybtoodii loo qoray, markay u timaaddo malaa‘igtannada [mawdka] oo dili waxay ku dhahaan, “Aaway waxaad caabudayseen Eebbe ka-sokow?” Waxay dhahaan, “Way naga dhumeen,” waxayna ku marag-fureen naftooda inay ahaayeen gaalo.

 

Eebbe wuxuu u yeelay ummad kasta waqti ayna kana dib-dhacayn kana hor-marayn, wuxuuna uga digay khilaafidda Rasuulladiisa, taasoo ah in ciddii dhawrsata oo wanaag fasha ayan cabsi iyo murug midna arkayn, ciddiise beenisa aayaadka Eebbe oo is-kibrisana ay Naar gali kuna waari, cid ka dulmi badanna ma jirto ruux ku been-abuurtay Eebbe ama beeniyey aayaadkiisa, wuxuuna la kulmi camalkiisii iyo wixii loo yaboohay, markay dhimanna malaa‘igtaa canaanata oo warsata waxay caabudi jireen oo Eebbe kasoo hadhay, waxayna qirtaan gaalnimadii iyagoo waxay caabudayeen ka maqnaaday, taasna waxay dadka uga digi inay wax Eebbe kasoo hadhay wax ka dayaan. Al-Acraaf (34-37)

 

  1. Wuxuu yidhi Eebbe, “La gala Naarta ummado hortiin tegay oo jinni iyo insiba leh,” markastooy ummadu gasho waxay lacnaddaa walaasheed [saaxiibkeed] markay isku haleelaan dhammaantood dhexdeedana waxay ku dhahdaa tan dambe [wax raacda] tan hore [la raaco], “Eebbow kuwanaa na dhumiyey ee u laablaab cadaab,” Eebbe wuxuu odhan, “Mid kasta waa loo laablaabi mase ogidin.”
  2. Waxay ku odhan tan hore tan dambe, “Wax dheeraada naguma lihidin ee dhadhamiya cadaabka waxaad kasbanayseen darteed.”
  3. Kuwa beeniyey aayadkannaga oo iska-kibriyey looma furo irridaha samada mana galaan Jannada intuu ka galo riti irbad dulkeed saasaana ku abaal-marinnaa dambiilayaasha.
  4. Waxay ku mudan Jahannamo gogol korkoodana waxaa ahaan dabool, saasaana ku abaal-marinnaa daalimiinta.

 

Eebbe wuxuu ku odhan gaalada maalinta Qiyaame, “La gala Naarta ummado idinka horreeyey oo jinni iyo insiba leh, markay Naarta galaanna inay is-nacladaan, iyagoo sheegi inay dhumiyeen kuwaasu oyna warsan Eebbe inuu u laablaabo cadaabka, dhammaantoodse waa loo laablaabi cadaabka, kan wax dhumiyey iyo kan la-dhumiyeyba mase, oga, calaacal iyo qaylana wax uma tarto, kuwa beeniyey aayaadka Eebbe oo iska-kibriyeyna cirka looma furo Jannana ma galaan inta riti ka galo irbad dulkeed, waana abaalka dambiilayaasha, Jahannamaana hoos iyo korba ka jiri taasoo ah abaalka daalimiinta. Waxaana kusoo arooray nafta fiican iyo tan xun xadiith dheer oo sheegi in tan fiican loo furi samada lana soo dhaweyn, tan xunna laga xidhi samada iyadoo suudh xun leh. Eebbaana ka magan gallay xumaan. Al-Acraaf (38-41)

 

  1. Kuwa rumeeyey Xaqa oo falay camal fiican, kuma mashaqaynno naf waxayna karin, kuwaasu waa Jannada ehelkeeda wayna ku dhex waari.
  2. Waxaana ka siibnaa waxa ku jira laabtooda oo xasad ah, waxaana dareeri hoostooda wabiyadii, waxayna dhahaan, “Mahad waxaa mudan Eebbaha nagu hanuuniyey kan [wanaagga] maanaan hanuuneen haddaan Eebbe na hanuunin, waxay la timid Rasuulladii Eebbaheen Xaq,” waxaana loogu dhawaaqay, “Tiinnani waa Jannadii laydin dhaxalsiiyey camalkiinna dartiis.”

 

Markuu Eebbe sheegay kuwii xumaa wuxuu raaciyey kuwii liibaanay, waana kuwa Xaqa rumeeyey ee camal fiican falay, kuwaasoo ku waari Jannada, oo wanaag ku dhan yahay, isagoo laga daahiriyey xumaan iyo xasadba, kuna mahadin Eebbahooda hanuuniyey, illeen cid aan Eebbe hanuunin ma toosee, waxayna qiri in Rasuulladii Eebbe Xaq la yimaadeen, waxaana loogu dhawaaqi inay galaan Jannada iyagoo ku dhaxli camalkoodii fiicnaa dartiis. Waxaa xadiith ku sugnaaday in markay mu‘miniintu ka nabadgalaan Naarta lagu joojin meel u dhaxaysa Jannada iyo Naarta, markaasaa laysu qisaasi waxay isku dulmiyeen adduunkii, markii la daahiriyo yaa loo idmi inay galaan Jannada. Wuxuuna Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ku dhaartay in mid kasta ka garan ogyahay gurigiisa Jannada in ka badan kii addunka. Waxaa wariyey Bukhaari. Al-Acraaf (42-43)

 

  1. Waxay u dhawaaqaan ehlu-Jannuhu ehlu-Naarka, “Waan hellay wixii Eebbe noo yaboohay si dhab ah ee idinku ma hesheen wuxuu idiin yaboohay Eebbe si dhab ah?” Waxayna dhahaan, “Haa,” waxaana ka dhawaaqa dhexdooda mid dhawaaqa, “Lacnadda Eebbe haku dhacdo daalimiinta.”
  2. “Ah kuwa ka celiya dadka Jidka Eebbe lana doona qallooca, iyagoo Aakhiro ka gaaloobay.”
  3. Dhexdoodana waxaa ahaan xijaab acraafkana [meel sare] waxaa ahaan dad ku garan cid kasta calaamaddooda, waxayna u dhawaaqaan ehlu-Jannaha iyagoo ku leh, “Nabadgalyo korkiinna ha ahaato,” mayna galin Jannada wayse damci.
  4. Markii loo jeediyo wajigooda xagga ehlu-Naarka waxay dhahaaan, “Eebbow hana yeelin la-jirka daalimiinta.”

 

Ehlu-Jannuhu wuxuu la hadli ehlu-Naarka iyagoo warsanaya inay heleen wixii Eebbe ugu goodiyey ee ciqaab ahaa, iyaguna way heleen wixii wanaag ahaa ee Eebbe u yaboohay, waxayna ugu jawaabeen inay heleen, markaasaa dhexdooda lagu dhawaaqay lacnadu haku dhacdo daalimiinta dadka ka leexiya Jidka Eebbe oo qallooca la rabta, Aakharana ka gaalobay, waxaana u dhaxeeya xijaab, acraafkana waxaa ah dad ku garan cid kasta calaamaddeeda, waxayna ugu dhawaaqaan ehlu-Jannaha, “Nabadgalyo korkiinna ha ahaato,” waana dad aan wali galin Jannada doonahayase, haddii loo jeediyo xagga ehlu-Naarkana waxay dhahaan, “Eebbahanow hana yeelin la-jirka daalimiinta.” Aayaduhuna waxay caddayn sida loo kala bixi maalinta Aakharo, cid walbana ay u heli wuxuu Eebbe ugu yaboohay una camal falay, wax isku qasanna uusan u jirin, Eebbana waa kariim caadil ah awoodna badan (Eebbaana kariima). Al-Acraaf (44-47)

 

  1. Waxay u dhawaaqayaan dadka acraafku dad ay ku garan calaamaddooda, waxayna ku odhan, “Waxba idiinma tarin badnaantiinnii [kulankiinnii] iyo waxaad isku kibrinayseen.”
  2. Ma kuwanaa kuwaad ku dhaarateen inaan Eebbe gaadhsiinayn [siinayn] naxariis [waxaana lagu odhan], “Gala Jannada idinkoon cabsi iyo walbahaar midna arkayn.”
  3. Waxay u dhawaaqi ehlu-Naarku ehlu-Jannaha [iyagoo dhihi] “Noogu soo deeqa biyaha ama waxa Eebbe idinku arzaaqay,” waxayna dhahaan, “Eebbe wuu ka xarrimay labadaas gaalada.”
  4. Ee ah kuwa ka yeeshay diintooda madadaalo iyo ciyaar, oyna dhagartay nolosha adduunyo, maanta wuu ku dayn Naarta siday u halmaameen la-kulanka maalintan, iyo diiddadooda aayaadkannaga dartiis.

 

Waxayna u dhawaaqaan dadka acraafku dad ay ku garan calaamaddooda oy kuna dhihi, “Waxba idiinma tarin waxaad kulminayseen iyo waxaad kasbanayseen waana kuwaas kuwaad ku dhaaranayseen inuusan Eebbe siinayn naxariis,” waxaana lagu odhan, “Gala Jannada idinkoon cabsi iyo murugo midna arkayn,” waana dadkii rumeeyey Xaqa, waxaase dhawaaqay ehlu-Naarkii (Eebbaan ka magan-galaye) iyagoo ku dhihi ehlu-Jannaha, “Biyaha wax naga siiya oo noogu deeqa, iyo waxa Eebbe idinku arzaaqay,” waxayna dhahaan, “Eebbaa ka xarrimay gaalada ka yeeshay diintooda madadaalo iyo ciyaar, oyna dhagartay nolosha adduunyo, maalinta Qiyaamana waxaa lagu dhex dayn Naarta siday u halmaameen la-kulanka maalintaas, aayaadkana u diideen.” Al-Acraaf (48-51)

 

  1. Dhab ahaan baannu ugula nimid Kitaab aannu caddaynay annagoo ku cilmi leh, isagoo hanuun iyo naxariis u ah ciddii rumayn.
  2. Miyey sugi waxaan ahayn wuxuu sheegi Qur’aanku? Maalintuu yimaado wuxuu sheegi Qur’aanku waxay odhan kuwii horay u halmaamay [kuna camal-falin] waxay la timid Rasuulladii Eebbe Xaq, ee ma jiraa shufaco hanoo shafeeceene, ama ma nala celin inaan fallo waxaan ahayn waxaan fali jirray, waxay khasaariyeen naftooda waxaana ka dhumay waxay been-abuuran jireen.
  3. Eebbihiin waa kan ku abuuray samooyinka iyo dhulka lix maalmood kuna istawooday Carshiga, wuxuuna ku daboolaa habeenka maalinta wuuna doonaa habeenku si degdega qorraxda, dayaxa iyo xiddigahana waxaa loo sakhiray amarka Eebbe, Eebbaana abuuridda iyo amarkaba iska leh, waxaana waynaaday [oo khayr batay] Eebbaha barbaariya caalamka.

 

Eebbe wuxuu soo dejiyey Kitaabka Qur’aanka ah oo cad, wanaagna ku dhan yahay, gaalase waxay xaqiiqada dhabta ah ogaan markuu u yimaado wuxuu sheegi oo xaq ah, waxaana khasaari ciddii iska nacday oon ku camal-falin oo iska halmaantay, waxayna ku calaacali inay Rasuulladii Eebbe Xaq ula yimaadeen, yaase u shafeeci ama u celin adduunkii si ay camal fiican u falaan. Aayadda kale waxay ka warrami awoodda Eebbe iyo siduu u abuuray cirka, dhulka, qorraxda, dayaxa, iyo xiddigahaba, uguna sugnaaday abuuridda iyo amarkuba, waana Eebaha wayn ee khayrka badan caalamkana Eebbe u ah. Aayaddana kama muuqdo wax Eebbe khalqigiisa ku dhaweeya, Jidka Xaqa ah ee toosanna waa in la raaco jidkii hore ee suubbanaa. Wuxuu yidhi Nucaym binu Xamaad sheekhii Bukhaari, “Ciddii Eebbe u ekaysiisa dadka wuu gaaloobay, ciddii diidda wax Eebbe isku tilmaamayna wuu gaaloobay, wuxuu Eebbe isku sheegay ama Rasuulkiisu ku tilmaamay u ekaysiin ma leh,” waana in Eebbe xumaan laga dheereeyo wanaagna lagu tilmaamo. Al- acraaf (52-54)

 

  1. U barya Eebbihiin si khashuuc ah iyo qarsoodi illeen Eebbe ma jecla kuwa xad-gudbee.
  2. Hana fasaadinina dhulka inta la wanaajiyey kadib, baryana Eebbe cabsi iyo doonidba naxariista Eebbana waxay u dhawdahay kuwa samaha fala.
  3. Eebbe waa kan u dira dabaysha bishaaro naxariistiisa [roobka] hortiisa markay xambaarto daruur culusna waxaan u kaxaynaa dhul dhintay [abaar] waxaana ku dejinaa [shubnaa] biyaha, waxaana kusoo bixinnaa midho kasta, saasaana usoo bixinnaa wixii dhintay inaad xusuusataan.
  4. Dhulka fiican wuxuu kusoo baxaa dooggiisu idinka Eebbe, midka xunna waxaan dhib ahayn kumasoo baxo, saasaan ugu caddaynaa aayaadka ciddii ku shukrin Eebbe.

 

Eebbe waa in loo baryaa si habboon, dhulka waa in wanaag lagu joogaa oon la fasaadin inta Eebbe wanaajiyey kadib, Eebbe waa in lagu xidhnaado illeen naxariistiisu waxay u dhawdahay sama-falayaashee, wuxuu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ku yidhi asxaabta, “Dadyahow u-dhimriya naftiinna idinku uma dhawaaqaysaan Eebbe dhaga-la’ ama maqane, Eebbahaad baryeysaan waa maqle dhaw. Aayadaha kale waxay ka warrami sida Eebbe ugu nicmeeyey addoomadiisa roobna ugu keeno, uguna nooleeyo dhul dhintay, uguna soo bixiyo doog iyo barwaaqo si ay calaamo ugu noqoto awoodda Eebbe iyo inuu soo nooleyn karo wixii dhintay, dadkuna waxay lamid yihiin dhulka oo midna khayr baa ka imaan oo Xaquu raaci sida dhul roob wax kasoo saaray, midna waa Xaq-diide sida dhul xun oon wax soo dhalinayn, taasina dadkaa loo caddayn inay wax gartaan. Al-Acraaf (55-58)

 

  1. Waxaan u dirray [Nabi] Nuux qawmkiisii, wuxuuna ku yidhi, “Qawmkayow caabuda Eebbe idiinma sugna Eebbe kasoo hadhaye, anugu waxaan idiinka cabsan cadaab maalin wayn.”
  2. Waxay dheheen madaxdii qawmkiisa kamid ahayd, “Waxaan kugu aragnaa baadi cad.”
  3. Wuxuuna yidhi, “Qawmkayow baadi kuma sugni waxaanse ahay Rasuul Eebbaha caalamka.”
  4. “Waxaana idiin gaadhsiin farriinta Eebbahay waana idiin naseexayn, waxaana ka ogahay xagga Eebbe waxaydaan ogayn.”
  5. “Ma waxaad la yaabteen inuu u yimaado nin idin kamid ah xuska Eebbihiin si uu idiinku digo iyo inaad dhawrsataan laydiinna naxariisto?”
  6. Wayse beeniyeen waxaana ku korinnay Nuux iyo intii la jirtay doontii waxaana maanshaynay kuwii beeniyey aayaadkannaga, illeen waxay ahaayeen qawm indha-la’ [Xaqa arkayn].

 

Qur’aanku wax badan yuu ka warramay Nabi Nuux iyo Nabiyada kalaba, siday Xaqa u gaadhsiiyeen dadkii iyo siday u beeniyeen, iyagoo Nabiyadu nasteex u ah qawmkoodii, iyaguna ka madax-adaygi, waxaase loo baahan yahay in lagu waano-qaato, Xaqana la raaco, maxayse noqotay cidhibtii qawmkii Nabi Nuux in la halaago oo biyo iyo duufaan lagu maansheeyo, Nabi Nuux iyo intii raacdayna ay nabad-galaan oo u-hadhaan dhulkii iyagoo doon koray. Maxamed binu Isxaaq wuxuu yidhi, “Nabi Nuux wuxuu la kulmay cid la kulantay ma jirto Nabi la dilay mooyee.” Ibnu Cabbaasna wuxuu yidhi, “Qawmkii Nabi Nuux waa qawmkii ugu horreeyey ee caabuda sanam.” Ujeeddadu waa in Xaqa la raaco, xumaantana laga leexdo si loo liibaano. Al-Acraaf (59-64)

 

  1. Waxaan u dirray Caadna walaalkood [Nabi] Huud wuxuuna yidhi, “Qawmkayow caabuda Eebbe idiinma sugna eebbe kasoo hadhay, miyeydaan dhawrsanayn?”
  2. Waxay dheheen madaxdii gaalowday oo qawmkiisa kamid ah, anagu waxaan kugu aragnaa safaaho [xumaan] waxaana kuu malaynaynaa beenaalayaasha.
  3. Wuxuuna yidhi, “Qawmkayow safaaho [xumaan] imahayso waxaanse ahay Rasuul Eebbaha caalamka.”
  4. “Waxaana idin gaadhsiin farriinta Eebbahay waxaana idiin ahay nasteex aamin ah.”
  5. “Ma waxaad la yaabteen inuu u yimaaddo xuska Eebbihiin nin idin kamid ah inuu idiin digo? Xusuusta markuu idinka yeelay Eebbe kuwa u hadhay [dhulka] qawmkii [Nabi] Nuux kadib, idiinna kordhiyey xoog, ee xusuusta nicmada Eebbe, waxaad u dhawdihiin inaad liibaantaane.”

 

Sidoo kale wuxuu Eebbe u diray Caad Nabi Huud, waana Caadkii hore, wuxuuna ku waaniyey inay Eebbe kaliya uun caabudaan, dhawrsadaanna illeen eebbe kale ma lehe, madaxdiise way gaaloobeen oo diideen Xaqii oo xumaan iyo caqli yari ku sheegeen Nabigii, wuxuuse u sheegay inuusan caqli xumayn, ee uu yahay Rasuul Eebbaha caalamka, gaadhsiinna farriinta Eebbe yahayna nasteex aamin ah, oyna habboonayn inay la yaabaan in waxyi lagu soo dejiyo nin kamid ah inuu u digo, wuxuuna xusuusiyey in Eebbe ka yeelay kuwo kasoo hadhay kana dambeeya qawmkii Nabi Nuux, xoogna Eebbe u yeelay, oyna waajibna ku tahay inay xusuustaan nicmooyinka Eebbe, inay liibaanaan. Taasina waxay ku tusin inay Xaqa iyo xumaantu dagaallamaan had iyo jeer, wanaagguna hadho xumaantuna tirtiranto. Taasoo muujin in Xaqa lagu sugnaado, xumaantana laga leexdo. Al-Acraaf (65-69)

 

  1. Waxay dheheen, “Ma waxaad noola timid inaan caabudno Eebbe kaliya, oon ka tagno waxay caabudayeen aabbayaalkanno? Noo keen waxaad noogu gooddiyeysay haddaad runle tahay.”
  2. Wuxuu yidhi, “Waxaa idinkaga dhacaya xagga Eebbe cadaab iyo cadho. Ma waxaad igula murmaysaan magacyo ood magacowdeen idinka iyo aabbayaalkiin oon Eebbe usoo dejinin xujo, suga anna waan idinla sugiye.”
  3. Markaasaan korinnay isaga iyo intii la jirtay naxariistannada darteed, waxaana goynay cidhibta kuwa beeniyey aayaadkannaga, mana ayan rumayn [Xaqa].

 

Nabi Huud iyo Nabiyada kalaba waxay la yimaadeen in Eebbe kaliya la caabudo, hase yeeshee way la yaabeen gaaladii Caad, waxayna diideen inay ka tagaan waxay aabbayaalkood caabudi jireen, waxaase ku dhacay ciqaab iyo cadho Eebbe, illeen cilmi-la‘aan yey ku murmeen Eebbe iyo Xaqiiye, waxaana la cidhib-tiray intii beenisay Xaqa ee gaalada ahayd, sidii lagu halaagayna waxaa caddeeyey aayado kale oo badan, oo tilmaami sidii loo halaagay markay kibreen oo Xaqii beeniyeen, taasuna waa u-digid ciddii marta waddadoodii, oo Xaqa ka madax-adaygta, cid xoog iyo tabar ku faani kartana ma jirto illeen dad waa miskiin tabar-yar ee. Al-Acraaf (70-72)

 

  1. Waxaan u dirray Thamuudna walaalkood [Nabi] Saalax, wuxuuna yidhi, “Qawmkayow caabuda Eebbe wax kasoo hadhay Eebbe idiinma sugnee, waxaa idiinka timid xagga Eebbe xujo [cad] tanna waa hashii Eebbe, waxayna idiin tahay calaamo, ee iska daaya haka cunto dhulka Eebbe hana ku taabanina xumaan oo markaas idin qabto cadaab daran.”
  2. “Xusuusta markuu idinka yeelay [Eebbe] kuwo baddalay Caad kadib idin dajiyeyna dhulka idinkoo ka yeelay dooxyaheeda daaro, ood kana qoranaysaan buuraheeda guryo, xusuusta nicmooyinka hana fasaadinina dhulka.”
  3. Waxayna ku dheheen madaxdii is-kibrisay oo qawmkiisa kamid ah kuwii tabarta-yaraa oo rumeeyey, “Ma waxaad ogtihiin in Saalax laga soo diray xagga Eebbe?” Waxayna dheheen, “Annagu waxa lagu diray waan rumaynay.”
  4. Waxayna dheheen kuwii is-kibriyey, “Annagu waxaad rumeyseen waan ka gaalownay.”

 

Reer Thamuud waxay ahaayeen qawm Carab ah oo loo soo diray Nabi Saalax, wuxuuna faray inay Eebbe kaliya caabudaan una sheegay in hasha loo soo diray ay calaamo u tahay, oyna nabad-galiyaan, xusuustaanna nicmooyinkii Eebbe, dhulkana ayan fasaadin, waxaase is-kibriyey sidii caadada ahayd kuwii madaxda ahaa, iyagoo warsan warsi xun in Nabi Saalax laga soo diray, waxayna caddeeyeen inay diideen waxa lagu soo diray Nabi Saalax, mu‘miniintiise waxay caddeeyeen inay Xaqa rumeeyeen, saas darteed waa inaan cidna is-moodin inay iyadu Xaqa ka sarrayso ama awood leedahay, illeen Xaqaa mudan in la raacee. Al-Acraaf (73-76)

 

  1. Waxayna dileen hashii waxayna ka madax-adaygeen amarkii Eebbahood, waxayna dheheen, “Saalaxow noo keen waxaad noogu gooddiyeyso haddaad tahay mid lasoo diray.”
  2. Waxaana qabtay gariirkii waxayna ahaadeen kuwo guryahoodii ku dhintay.
  3. Wuxuuna ka jeedsaday [Nabi Saalax] xaggooda wuxuuna yidhi, “Waan idin gaadhsiiyey farriintii Eebbahay waana idiin naseexeeyey mase jeclidiin nasteexa.”

 

Waxay caddayn aayaduhu inay dileen hashii, inkastoo la sheegay in nin kaliya dilay haddana waxay aayaddu sheegtay in dhammaan wax ka dileen illeen raalli bay ka ahaayeen dilkeedee, waxayna ku dambeeyeen in dhul-gariir lagu halaagay, oy guryahoodi ku bakhtiyeen, Nabi Saalaxna wuxuu sheegay inuu ku dadaalay siday Xaqa u rumayn lahaayeen uguna naseexeeyey mase jeclayn kuwa naseexeeya. Taasina waxay caddayn in ciddii Xaqa iyo naseexada diidda ay la kulmi ciqaab iyo halaag, waxaa kale oo ay ku tusin inay waajib tahay in Jidka Toosan la raaco, xumaantana laga leexdo. Al-Acraaf (77-79)

 

  1. Xusuuso [Nabi] Luud markuu ku yidhi qawmkiisii, “Ma waxaad la imaanaysaan xumaanta uusan idiinka hor-marin ruux caalamka kamid ah?”
  2. “Idinku waxaad u-tagaysaan ragga hunguriyeyn darteed haweenka ka-sokow, waxaadse tihiin qawm xad-gudbay.”
  3. Waxayna ahayd jawaabtii qawmkiisa, “Ka bixiya Luud iyo inta rumaysay magaaladiinna waaba dad is-daahirinayee.”
  4. Waana korinnay Luud iyo ehelkiisa haweenaydiisii mooyee oo kamid noqotay kuwa halaag ku hadhay.
  5. Waxaana kusoo daadinnay roob [Naareed] bal day siday noqotay cidhibtii dambiilayaasha.

 

Qawmkii Nabi Luudna waxay ahaayeen kuwa akhlaaq xun, oo haweenka ka leexda oo ragga aada, markuu ka waaniyeyna waxay is-fareen in Luud iyo inta rumaysay laga bixiyo magaalada, iyagoo ku caayey inay yihiin kuwo nadiif ah, Eebbaase halaagay, nabadna galiyey Nabi Luud iyo intii rumaysay. Waxaadna halkaas ku aragtaan in marka akhlaaqdu xumaato ay dadka iskaga darman wanaagga iyo xumaantu. Goormayse nadaafaddu ceeb noqotay, waana wax la-yaab leh in wanaag laysku caayo. Qataadana wuxuu yidhi, “Way caayeen ceeb-la‘aan.” Al-Acraaf (80-84)

 

  1. Madyanna waxaan u dirnay walaalkood [Nabi] Shucayb wuxuuna yidhi, “Qawmkayow caabuda Eebbe idiinma sugna eebbe kasoo hadhaye, waxaa idiinka timid xagga Eebbe xujee, dhammaystirana miisidda iyo miisaanka, hana ka nusqaaminina dadka waxooda, hana fasaadinina dhulka wanaajin kadib, saasaa idiin khayr-roon haddaad mu’miniin tihiin.”
  2. “Hana fadhiisanina jid kasta idinkoo gooddin oo ka celin dadka jidka Eebbe ciddii rumaysa idinkoo qallooc la dooni, xusuustana markaad yareydeen oo Eebbe idin badiyey, dayana siday noqotay cidhibtii fasaadiyaasha.”
  3. “Haddayse koox idin kamid ah rumaysay waxa laygu soo diray kooxna ayna rumeynin samra [suga] inta Eebbe ka kala xukmin dhexdeenna isagaa xaakim khayr-roon ah.

 

Waxaa lagu sheegay Madyan inay ahayd meel u dhaw magaalada Macaan ee Urdun, wuxuuna ka waaniyey Nabi Shucayb inayna nusqaaminin miisidda iyo miisaanidda, dadkana khayaamin, dhulkana ayan fasaadin wanaajin kadib, jidkana ayan fadhiisan iyagoo Xaqa dadka ka celin iyagoo qallooc la raba, iyagoo laga rabo inay xusuustaan sida Eebbe u badiyey iyagoo yaraa, haddayse kooxu rumaysay Xaqa midna beenisay hala sugo inta Eebbe ka kala xukumo illeen isagaa xaakim khayr-roon ah. Waxayna aayaduhu ku tusin xumaan falka qawmkaas, maxayse ka heleen oon ahayn waxa aayaduhu sheegi doonaan oo ciqaab daran ah? Al-Acraaf (85-87)

 

  1. Waxay dheheen madaxdii is-kibrisay oo qawmkiisii ah, “Waxaannu kaa bixin Shucaybow adiga iyo kuwa ku rumeeyey magaaladannada ama waxaad kusoo noqon diintanada,” wuxuuna yidhi, “Oo haddaan necebnahayna?”
  2. “Waxaan ku been-abuurannay Eebbe haddaan ku noqonno diintiinna inta Eebbe naga koriyey kadib, nagumana habboona inaan ku noqonno in Eebbe doono mooyee, illeen Eebbaa cilmigiisu waasac yahaye, waxaana talo-saarannay Eebbe, Eebbow nagu kala xukun dhexdannada Xaq adaa xaakim khayr-roon ahe.”

 

Aayadahan waxay ka warrami waxay la qaabileen Nabi Shuceyb iyo inta la jirtay oo mu‘miniinta ah, oyna ugu gooddiyeen inay ka eryi magaaladooda haddayna kusoo laaban diinta, ku-noqoshada diintoodana waxay ula jeedaan dadkii ka baxay ee raacay Nabi Shucayb iyo Xaqa illeen Nabi Shucayb marna diintooda ma haysane, ugu dambayntii way diideen mu‘miniintii warkii gaalada mar hadduu Eebbe ka koriyey, waxayna talo-saarteen Eebbahood kana baryeen inuu si xaq ah ku kala xukumo iyaga iyo gaalada Xaqa diidday, taasina waxay ku tusin inay waajib tahay in Xaqa lagu sugnaado laguna dhaganaado, Eebbana la talo-saarto isagaa xaakim caadil ahe oo cid walba marin waxay mudan tahaye. Al-Acraaf (88-89)

 

  1. Waxayna dheheen madaxdii gaalowday oo qawmkiisii kamid ah, “Haddaad raacdaan Shucayb waad khasaarteen.”
  2. Waxaase qabtay gariir waxayna ahaayeen kuwo guryahoodii ku dhintay [iyagoo lagdan].
  3. Kuwii beeniyey Shucayb waxaad mooddaa inayna ku nagaanin magaaladaas dhexdeeda, kuwii beeniyey Shucaybna iyaga un baa khasaaray.
  4. Markaasuu isaga jeedsaday oo yidhi, “Qawmkayow waan idin gaadhsiiyey farriintii Eebbahay waana idiin naseexeeyey ee sideen ugu walbahaari qawm gaala ah?”

 

Eebbe wuxuu ka warrami gaalnimadooda iyo madax-adaygooda iyo waxay dhex-dabaalan oo baadinimo ah, iyagoo isaga digay raacidda Nabi Shucayb oo ay khasaare ku sheegeen, waxaase qabatay gariir waxayna ku dhinteen guryahoodii waxaadna mooddaa inayna Xaq-diidayaashu ku nagaanin halkaan, khasaarana iyaga un buu ku dhacay, Nabi Shucaybna wuu isaga jeedsaday isagoo sheegay inuu gaadhsiiyey farriintii Eebbe una naseexeeyey uusanna u murgaynin, wax loo calaacalana ma aha cid intii Xaqa si cad loo gaadhsiiyey looguna sharraxay haddana diidda, dulmi, madax-adayg, Xaq-diiddo iyo dhibid dadka toosan iyo Xaqaba. Al-Acraaf (90-93)

 

  1. Magaalo kasta oon Nabi u dirraba waxaan ku qabannay ehelkeeda cudurro iyo dhibaato inay khushuucaan [oo baryaan Eebbe].
  2. Markaasaan u baddallaa meeshii xumaan [dhibka] wanaag [khayr] intay ka bataan oy dhahaan, “Waxaa taabtay aabbayaalkaanno dhibaato iyo farax,” markaasaan ku qabannaa kado iyagoon ogayn.
  3. Hadday dadka magaalooyinku rumeeyaan [Xaqa] oo dhawrsadaan waxaan ku furi lahayn korkooda [sii dayn lahayn] barakada samada iyo dhulka, wayse beeniyeen [Xaqii] waana qabannay waxay kasbanayeen dartiis.
  4. Miyey ka aamin-noqdeen dadka magaaladu inuu u yimaado dhibkannaga habeenkii iyagoo hurda?
  5. Miyeyse ka aamin yihiin dadka magaaladu inuu u yimaado dhibkannagu barqinkii iyagoo ciyaari?
  6. Ma waxay ka aamin-noqdeen dhibka Eebbe? Cid khasaartay yaa ka aamin-noqota ciqaabta iyo dhibka Eebbe.

 

Adduunku waa guri imtixaan, dadkana waxaa lagu imtixaamaa dhib iyo khayrba inay xusuustaan Eebbe, haddii kale wuxuu ku qaban Eebbe kado iyagoon ogayn, hadduu dadku toosnaado oo Xaqa raaco wuxuu Eebbe ugu deeqi lahaa khayr iyo barwaaqo, waxayse beeniyeen Xaqii waxaana lagu ciqaabay dambigooda dartiis, mana habboona in laga aamin-noqdo ciqaabta Eebbe illeen waxaa suurawda in ciqaabta Eebbe u timaaddo habeen ay hurdaan ama maalin ay ciyaari, illeen cid khasaartay un baa ka aamin-noqota oon xil iska saarin ka-dhawrsashada ciqaabta Eebbe. Waxaana xadiith ah, “Mu‘minka xaalkiisu waa khayr, hadday dhib ku dhacdo wuu samraa khayrna wuu u noqdaa, hadduu wanaag helana wuu mahdiyaa oo khayr u noqdaa.” Waana in saas loo gartaa xaalka Eebbana lagu tiirsanaadaa. Al-Acraaf (94-99)

 

  1. Miyeyna u caddaanin kuwa dhaxlaya dhulka ehelkiisa [halaaggiisa] kadib haddaan doonno waan qaban lahayn dambigooda dartiis, oon dabooli lahayn quluubtooda oyna wax maqlin.
  2. Taasi waa magaalooyinkii waxaana kaaga qisoonaynaa warkoodii, waxayna ula timid Rasuulladii xujooyin mana ayan rumayn beenintooda darteed horay, saasuuna u daabacaa Eebbe quluubta gaalada.
  3. Kama aanaan helin badankooda ballan, waxaanse ka hellay badankood iyagoo faasiqiin ah.

 

Eebbe wuxuu halaagaa ciddii isla-waynaata oo Xaqa beenisa, waxaase habboon in ciddij dhaxasha ay waajib tahay inuu toosnaado oo hanuunsanaado si ayna ugu dhicin ciqaabta Eebbe, sidii qawmkii Nabi Nuux, Nabi Huud, Nabi Saalax, Nabi Luud, iyo Nabi Shucayb, oo dhammaantood Nabiyadu ula yimaaddeen xujooyin cad, badankooduna Xaqii bay diideen, waxayna muteen in la daabaco quluubtooda faasiqiinna noqdaan, taasina waxay caddayn in Xaqa la raaco, lana digtoonaado, lana toosnaado. Al-Acraaf (100-102)

 

  1. Markaasaan la bixinnay [Nabi] Muuse aayaadkannaga xagga Fircoon iyo qawmkiisii wayna dulmiyeen [diideen] ee day siday noqotay cidhibtii mufsidiinta.
  2. Wuxuuna yidhi [Nabi] Muuse, “Fircoonow anagu Rasuul Eebbaha caalamkaan ahay.”
  3. “Waxaana dhab ah inaan Eebbe ka sheegayn waxaan Xaq ahayn, waxaana idiin la imid xujo Eebbihiin ee u-daa Banii Israa‘iil la-jirkayga.”
  4. Wuxuuna yidhi [Fircoon] “Haddaad la timid aayad keen haddaad run sheegi.”
  5. Markaasuu tuuray ushiisii markaasay soo baxday iyadoo mas cad ah.
  6. Wuxuuna siibay gacantiisii markaasay soo baxday iyadoo u cad dadka eegi.

 

Nabi Muuse wuxuu Eebbe u diray Fircoon iyo qawmkiisii isagoo aayado wata, wayse beeniyeen oo diideen, wuxuuna u sheegay Fircoon inuu Rasuul Eebbe yahay dhabna waxaan Xaq ahayn uusan sheegayn, xujana uu la yimid uuna warsaday inuu u daayo Banii Israa‘iil, wuxuuse codsaday Fircoon sidii caadada u ahayd inuu xujo keeno hadduu run sheegi, wuxuuse u muujiyey ushii oo mas noqotay iyo gacantiisa oo cad cudur-la‘aan. Qisaduna saasay ku socotaa inta laga halaago Fircoon iyo colkiisii xumaa. Al-Acraaf (103-108)

 

  1. Waxay dheheen madaxdii qawmkii Fircoon kamid ah, “Kani waa sixirrow aad u yaqaanna.”
  2. “Wuxuuna dooni inuu idinka bixiyo dhulkiinna ee maxaad faraysaan?”
  3. Waxayna dheheen, “Dib u-dhig [xaalkiisa] iyo walaalkiis una dir magaalooyinka kuwo soo kulmiya.”
  4. “Oo kuu keena sixir-badane kasta aadna u yaqaanna.”
  5. Waxayna u yimaadeen sixirlayaashii Fircoon waxayna dheheen, “Ujuuro ma leenahay haddaan annagu adkaanno?”
  6. Wuxuuna yidhi, “Haa, waxaadna noqonaysaan kuwa lasoo dhaweeyo.”
  7. Waxayna dheheen, “Muusow ama tuur ama aan tuurro.”
  8. Wuxuuna yidhi, “Tuura,” markay tuureenna waxay sixreen indhaha dadka wayna cabsi-galiyeen waxayna la yimaadeen sixir wayn.

 

Saasaad u aragtaa markuu dambiile Fircoon Xaqii beeniyey inuu madaxdii ka ag-dhawaydna ay ku raaceen beenintii iyagoo ku sheegi Nabi Muuse inuu dooni inuu dadka dhulka ka bixiyo taasoo ay rabeen inay dadka khaldaan, waxayna dadkii ku dheheen, “Wax na fara idinkaa idinka amar qaadanaynaaye,” waxayna u soo jeediyeen in la sugo Muuse iyo walaalkii, dadka lasoo kulmiyo cid kastoo sixir taqaanna timaaddo, wayna u yimaadeen Fircoon iyagoo warsan ujuuro hadday adkaadaan, wuxuuna ugu yaboohay ujuuro iyo waliba u-dhawaansho, waxayna tuureen wax ay indhaha dadka ku sixreen kuna cabsi-galiyeen oo wayn. Taasina waxay ku tusin xaalkii Fircoon iyo colkiisii ee xumaa khaldanaana. Al-Acraaf (109-116)

 

  1. Waxaana u waxyoonnay [Nabi] Muuse, “Tuur ushaada,” waxayna soo baxday inay cunto waxay dhoobdhoobeen.
  2. Waxaana sugnaaday Xaqii waxaana buray waxay falayeen.
  3. Waxaana lagaga adkaaday gaaladii halkaas, waxayna noqdeen iyagoo dullaysan.
  4. Waxaana loo riday sixirlayaashii sujuud.
  5. Waxayna dheheen, “Waxaan rumeynay Eebbaha caalamka.”
  6. “Eebbaha Muuse iyo Haaruun.”
  7. Wuxuuna yidhi Fircoon, “Miyaad rumeyseen Muuse idan ka hor? Arrintani waa dhagar aad ku dhagarteen magaalada si aad uga bixisaan xaggeeda dadkeeda, waad ogaan doontaan.”
  8. “Waxaan u-goyn gacmihiinna iyo lugahiinna is-dhaaf waana idin wadhi dhammaantiin.”
  9. Waxayna dheheen, “Xagga Eebbahannaa u noqonaynaa.”
  10. “Waxaad nagu nacayso oon ahayn inaan rumaynay aayaadka Eebbahanno ma jiro, markay noo timid, Eebbow samir naga buuxi na dilna annagoo Muslimiin ah.”

 

Waxaa sugnaaday Xaqii, xumaantiina waa burtay, gaaladiina waa laga adkaaday iyagoo dullaysan, sixirlayaashiina way rumeeyeen Xaqii, wuxuuse ku guulguulay Fircoon arrintaas, wuxuuna sheegay inay rumeeyeen Xaqa isagoon u idmin, wuxuuna ugu gooddiyey inuu ciqaabi oo goyn gacmaha iyo lugaha, wadhina, wayse calool-adaygeen Eebbana warsadeen samir iyo adkaysi illeen waxaan Xaqa rumayntiisa ahayn Fircoon kuma nicine, kuna oofsado Eebbe iyagoo Muslimiin ah. Waana kaas xaqa xumaan waligeed, waana kaas Fircoon iyo isla-waynidiisii, waana kaas Xaq oo lagu sugnaado iyo rumayn aayaadkiisa dhab ah. Al-Acraaf (117-126)

 

  1. Waxay dheheen madaxdii oo qawmkii Fircoon ah, “Ma ku dayn Muuse iyo qawmkiisa inay fasaadiyaan dhulka inuu ku daayo adiyo cibaadadaada [iyo Ilaahyadaada]?” Wuxuuna yidhi, “Waxaannu dili wiilashooda waxaannu dayn gabdhahooda annagaana ka sarrayna oo dullayn.”
  2. Muusana wuxuu ku yidhi qawmkiisa, “Kaalmaysta Eebbe, samrana dhulka Eebbaa iska leh wuxuuna dhaxalsiin cidduu doono oo addoomadiisa kamid ah, cidhibta [fiicanna] waxaa iska leh kuwa dhawrsada.”
  3. Waxayna ku dhaheen, “Waa nala dhibay kahor imaatinkaaga iyo kadib imaatinkaaga,” wuxuuna [Nabi Muuse] ku yidhi, “Waxay u dhawdahay in Eebbihiin halaago cadawgiinna oo dhulka idinku reebo si uu u eego waxaad fashaan.”

 

Madaxdii xumayd ee Fircoon ka ag-dhawayd waxay Fircoon u-jeediyeen arrin ah, “Ma waxaad dayn Muuse iyo qawmkiisa inay fasaadiyaan dhulka adna ay kuu daayaan ilaahyadaada?” Waxaana la sheegay in Fircoon lahaa ilaahyo uu qarsoodi ku caabudi jiray, wuxuuse ugu jawaabay waxay rabeen oo ah inuu layn wiilasha oo dayn gabdhaha inuu ku shaqaysto ee u rooni ma aha, wuxuuna ku faanay inuu Muuse iyo qawmkiisa ka adag yahay kana sarreeyo, waana faan jaahil aan wax garanayn. Nabi Muuse isagu wuxuu u jeedsaday xagga Eebbe wuxuuna faray qawmkiisa inay kaalmaystaan Eebbe samraanna ogaadaanna in dhulka Eebbe leeyahay una reebi cidduu doono oo addoomadiisa kamid ah cidhibta fiicanna ay yeelan kuwa dhawrsada, waxaase calaacalay qawmkiisii oo sheegay in mar kasta la dhibay, wuxuuna ku calool-adkaysiiyey inay u dhawdahay in Eebbe halaago cadowgooda oo dhulka iyaga u reebo imtixaan dartiis iyo inuu eego waxay falaan, wana taas Xaqa iyo xumaan, iyo mu‘min iyo gaal xaalkiisu. Al-Acraaf (127-129)

 

  1. Waxaan ku qabannay Fircoon ehelkiisii abaar iyo nusqaan midhaha inay wax xusuustaan.
  2. Hadduu wanaag u yimaado waxay dhahaan “Anaa leh tan [mudan],” hadday dhibaato ku dhacdana waxay sharaystaan Muuse iyo inta la jirta, baaskoodu wuxu uun jiraa Eebbe agtiisa, badankooduse ma oga.
  3. Waxayna dheheen, “Wax kasta oo aayad ah ood noola timaaddo inaad nagu sixirto anagu kuma rumaynayno.”
  4. Markaasaan ku dirray daad, ayax, injir iyo rah iyo dhiig aayaad cad iyagoo ah, wayna is-kibriyeen waxayna ahaayeen qawm dambiilayaal ah.
  5. Markuu ku dhacay korkooda cadaabku waxay dheheen, “Muusow noo bari Eebbahaa wuxuu kugula ballamay, haddaad naga fayddo cadaabka waannu ku rumayn, waxaana la diri [u dayn] la-jirkaaga Banii Israa’iil.
  6. Markaan ka faydnay cadaabkii tan iyo muddo ay gaadhayaan yey ahaadeen kuwo buriya [ballankii].

 

Eebbe wuxuu ku qabtay Fircoon iyo qawmkiisii abaar iyo beerihii oo ka nusqaamay bal inay waantoobaan, waxaase dhacday in marka wanaag u yimaadana ay sheegtaan inay mudan yihiin, haddii xumaani taabatana ay baasaystaan Nabi Muuse iyo inta la jirta, mase oga in dhibaatadu uga imaan xagga Eebbe, markaasay caddeeyeen warkii oo u sheegeen Nabi Muuse iyo dadkii rumeeyey wax kasta oo calaamad ah oo loo keeno inayna rumaynayn, markaasaa Eebbe ku sii-daayey daad, cayayaan, rah, ayax iyo dhiig oo ah calaamooyin cadcad, wayse iska-kibriyeen, waxayna noqdeen dambiilayaal, markuu dhibku ku dhacayna waxay u sheegeen Nabi Muuse in haddii dhibka laga faydo ay rumayn Xaqa, wayse beeniyeen ballankii. Taasina waxay ku tusin awoodda Eebbe iyo siduu wax u ciqaabo, iyo xumaanta gaalada iyo madax-adaygooda, waxaase habboon in Xaqa la raaco. Al-Acraaf (130-135)

 

  1. Waan ka aarsannay gaaladii waxaana ku maanshaynay badda illeen waxay beeniyeen aayaadkannaga, wayna halmaameen.
  2. Waxaana dhaxalsiinnay qawmkii ahaa kuwa lagu dullaysto bariga dhulka iyo galbeedkiis [Masar iyo Shaam] een barakaynay dhexdiisa, wayna u dhammaatay kalimadda [yaboohii] Eebbahaa ee wanaagsanaa Banuu Israa‘iil samirkoodii dartiis. Waxaana baabi‘innay wuxuu samaynayey Fircoon iyo qawmkiisii iyo waxay dhisayeeen.
  3. Waxaana tallaabinay Banuu Israa‘iil baddii waxayna u yimaadeen qawm ku nagi sanamyadoodii markaasay dheheen, “Muusow noo yeel ilaah siday iyaba Ilaahyo u yeesheen,” wuxuuna ku yidhi, “Idinku waxaad tihiin qawm jaahiliin ah.”
  4. Kuwaas waa lagu halaagi waxay ku sugan yihiin waana baadil waxay fali.

 

Eebbe wuxuu ka warrami in markay gaaladu madax-adaygeen Xaqii uu halaagay, baddana ku maansheeyey, Fircoon iyo qawmkiisiina saasay ku halaagsameen, waxaana dhulkii kusoo hadhay dadkii la dullaysan jiray, waxayna dhaxleen dhulkii barakaysnaa, waxaana la halaagay Fircoon iyo qawmkiisii iyo waxay dhisayeen, waxaase dhacay in kuwii jaahiliinta ahaa ee Banuu Israa‘iil ay warsadeen Nabi Muuse inuu ilaahyo u yeelo sida kuwa ay arkeen oo caabudayey sanamyo, una sheegay inay jaahiliin yihiin, waxay kuwaasu falina khasaare iyo baadil yahay, waxaa sugnaatay in dad u yimaadeen Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) kuna dhaheen, “Noo samee geed sida gaaladu u leedahay geed ay hubkana ku xoqdaan,” markaasuu yidhi, “Eebbaa wayn waa waxay ku dhaheen Banii Israa‘iil Nabi Muuse ‘Ilaah noo yeel siday Ilaah u leeyihiin,’ waxaad qaadaysaan jidkii kuwii hore, taasina waxay muujin in Xaqa layskaga daydo ee aan xumaan iyo dambi layska raacin layskagana dayanin. Al-Acraaf (136-139)

 

  1. Wuxuu yidhi ma wax Eebbe kasoo hadhay yaan ilaahnimo idiinka doonaa isagoo caalamkan [jooga] idinka faddilay.
  2. Xusuusta markaan idinka korinnay Fircoon dadkiisii iyagoo idin dhadhansiiyey cadaab xun, oo laynayey wiilashiinna daynayeyna gabdhihiinna, arrintaasna waxaa ku sugan ibtilo Eebbihiin xaggiisa ka ahaatay oo wayn.
  3. Waxaan u yaboohnay Nabi Muuse soddon habeen waxaana ku dhammaystirray toban, wuxuuna ku dhammaaday ballankii Eebbihiis afartan habeen, wuxuuna ku yidhi [Nabi] Muuse walaalkiis Haaruun “Iiga dambee qawmkayga wanaajina hana raacin jidka mufsidiinta.”

 

Wuxuu xusuusiyey Nabi Muuse qawmkii nicmooyinka Eebbe iyo siduu Fircoon uga koriyey isagoo wiilashana laynayey, gabdhahana daynayey si uu u dullaysto, markaasaa Eebbe u yaboohay Nabi Muuse Kitaabkii Tawreed, siiyeyna muddo afartan habeen ah si Eebbe la hadalkiisa ugu darbado, waxaana intaas lasii joogay dadkii walaalkiis Nabi Haaruun oo uu u dardaarmay inuu wanaajiyo dadka xumaanna ku raacin. Taasina waxay ku tusin in khayrka laysku baraarujiyo, illeen Haaruunba Nabi buu ahaaye. Al-Acraaf (140-142)

 

  1. Markuu u yimid [Nabi] Muuse ballankannagii oo la hadlay Eebbihiis wuxuu yidhi, “Eebbow i tus aan ku arkee,” wuxuuna yidhi Eebbe, “Ima arkaysid ee day buurta hadday meesheeda ku sugnaato markaasaad i arki, markuu Eebbe u daahiray buurtii wuxuu ka yee- lay burbur waxaana dhacay Nabi Muuse suuxdin darteed, markuu miyirsadayna wuxuu yidhi (Eebbow adaa) nazahan waan kuu tawbad-keenay waxaan ahay mu‘miniinta kan ugu horreeya [waqtigan] inaan adduunka lagugu [arkayn].
  2. Wuxuu yidhi Eebbe, “Muusow waxaan kaa doortay dadka [sabankan] diriddayda iyo la-hadalkayga dartiis ee qaado waxaan ku siiyey ahowna kuwa mahdiya.
  3. Waxaan ugu qorray alwaaxda wax kastoo wacdi iyo caddayn ah, ee ku qaado niyad-adag farna qawmkaaga inay qaataan, ha qaataan teeda fiican ee waxaan idin tusin guryihii faasiqiinta.

 

Nabi Muuse markuu ku yimid muddadii oo Eebbe la hadlay yuu ka baryey inuu arko, Eebbese sarreeye wuxuu u sheegay inuusan arkayn, markuu buurtii u daahiriyeyna ay burburtay, Nabi Muusana suuxay markuu miyirsadayna uu wayneeyey Eebbe oo nazahay, markaas Eebbe xusuusiyey siduu u doortay uuna faray inuu qabsado waxa loo waxyooday ee waanada iyo caddaynta ah, qawmkiisana faro inay aad u qabsadaan, wuxuuna tusay guryihii kuwii faasiqiinta ahaa ee la halaagay. Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Dadku way suuxi Qiyaamada anaana usoo hor miyirsan markaasaan arkaa nabi Muuse oo Carshiga haysta, marka ma ogi inuu hortay soo miyirsaday iyo inuu kamid yahay kuwa Eebbe kasoo reebay, taasina waxay ku tusin sharafta Nabigeenna iyo Nabi Muusaba, iyadoo nabiyaduba, sharaf wada leeyihiin. Al-Acraaf (143-145)

 

  1. Waxaan ka iilaa aayaadkayga kuwa isku kibriya dhulka xaq darro, hadday arkaan aayaad kasta ma rumeeyaan hadday arkaan jidka hanuunka kama yeeshaan waddo, hadday arkaan waddada baadidana waxay ka yeeshaan jid, waxaana ugu wacan inay beeniyeen aayaadkannaga oy ahaayeen kuwo halmaamay.
  2. Kuwa beeniyeen aayaadkannaga iyo la-kulankannaga Aakhiro waxaa buray camalyaalkooda miyaase laga abaal-mariyaa waxay camal-falayeen mooyee.
  3. Waxay ka yeesheen qawmkii Nabi Muuse gadaashiis jawhartoodii dibi cod leh, miyeyna arkaynin inuusan lahadlaynin kuna toosinaynin jid, way yeesheen iyagoo daalimiin ah.
  4. Markii gacmahooda lagu riday [nidaamoodeen] oy arkeen inay dhumeen waxay dhaheen, “Hadduusan noo naxariisan Eebbahanno oosan noo dambi dhaafin waxaan noqonaynaa kuwo khasaara.

 

Xaqa waxaa laga leexin kuwa is-kibriya oon Xaqa rumayn, hadday xumaan arkaanna raaci, illeen waxay beeniyeen oo halmaameen aayaadka Eebbe, kuwa beeniya aayaadka Eebbe iyo la-kulankiisana waxaa buri camalkooda. Sufyaan binu Cuyeyna wuxuu yidhi, “Waxaa laga siibay fahminta Qur’aanka markaasaa laga leexiyey.” Aayadaha kale waxay ka warrami in qawmkii Nabi Muuse intuu ka maqnaa ka yeesheen dibi waxay caabudaan, waana doqonnimo illeen wax ma taree, markay arkeen inay khasaareenna waxay sheegeen haddaan Eebbe u dhaafin una naxariisan inay dhab u khasaareen. Al-Acraaf (146-149)

 

  1. Markuu kusoo noqday Nabi Muuse qawmkiisii isagoo cadhaysan oo walbahaarsan wuxuu yidhi, “Waxaa xun waxaad iiga dambeyseen gadaashay, ma waxaad dadajisateen amarkii Eebbihiin?” Wuxuuna tuuray alwaaxdii wuxuuna qabtay madaxa walaalkiis isagoo xaggiisa u-jiidi, wuxuuna yidhi, “Ina-hooyow qawmku way i tabar-yaraysteen waxayna u dhawaadeen inay i dilaan ee ha igaga farxin colka hana iga yeelin la-jirka qawmka daalimiinta ah.”
  2. Wuxuuna yidhi [Nabi] Muuse, “Eebbow u dambi-dhaaf ani iyo walaalkay nana gali naxariistaada adaa naxariis badane ahe.”
  3. Kuwa yeeshay dibi waxaa gaadhi cadho Eebbahood iyo dulli nolosha adduunyo saasaana ku abaal-marinnaa been-abuurtayaasha.
  4. Kuwa falay xumaan markaas tawbad keenay intaas kadib oo rumeeyey Xaqa Eebbahaa intaas kadib waa dambi-dhaafe naxariista.

 

Markuu Nabi Muuse kusoo noqday qawmkiisii isagoo cadhaysan oo ka walbahaarsan waxay faleen wuxuu ku yidhi, “Waxaa xun waxaad iiga dambeyseen, ma waxaad dedejisateen amarkii Eebbe?” Wuxuuna cadho la tuuray alwaaxii, wuxuuna madaxa qabtay walaalkiis Haaruun oo uu ku dhaafay gadaashii wuuna jiiday. Markaasuu calaacalay oo ku yidhi, “Ina-hooyo madaxa hay qabanin, qawmkii way i liideen ina dili gaadheen ee colka ha igaga farxin, daalimiintana haygala mid dhigin.” Markuu ogaaday inuu walaalkii dambi-la‘aan yahay yuu u dambi-dhaaf warsaday naftiisa iyo walaalkiis. Waana abaalka been-abuurayaasha, ciddiise xumaan fasha oo tawbad-keenta oo Xaqa rumaysa Eebbe wuu u dambi-dhaafi. Abuu Qilaabo wuxuu yidhi, “Waxaa dulli mudan been-abuurte oo dhan.” Al-Acraaf (150-153)

 

  1. Markay cadhadu ka xasishay [Nabi] Muuse wuxuu qaatay alwaaxdii waxaana ku qorraa hanuun iyo naxariis u ah kuwa Eebbahood ka cabsan.
  2. Wuxuu ka doortay [Nabi] Muuse qawmkiisa toddobaatan nin ballankannaga dartiis, markay qabatay gariirku wuxuu yidhi, “Eebbow haddaad doonto waad halaagi lahayd horay iyaga iyo anigaba, ma waxaad noo halaagi waxay faleen sufaho naga mid ah? Waa imtixaankaaga ciddaad doontana waad dhumisaa kaad doontana waad hanuunisaa, adaa Wali noo ah ee noo dambi-dhaaf noona naxariiso adaa dambi-dhaafe khayr-roon ahe.”
  3. “Noona qor adduunyadan wanaag iyo Aakhiraba waannu kuu noqonaye,” wuxuu yidhi, “Cadaabkaygu wuxuu ku dhici ciddaan doono, naxariistayduna waxay u waasac noqotay wax kasta, waxaana u qori kuwa dhawrsada oo bixiya zakada iyo kuwa aayaadkaygana rumeeya.”

 

Markay cadhadii ka ba‘day Nabi Muuse wuxuu qaatay looxdii oo hanuun iyo naxariis ku qoran tahay, kuna waantoobi ciddii cabsan, wuxuuna doortay toddobaatan qawmkiisii kamid ah inay Eebbe u tawbad-keenaan, markuu gariirkii qabtayna wuxuu ku calaacalay in hadduu Eebbe doono uu halaagi lahaa mar hore, “Haddase ma waxaa naloo halaagi wax kuwo xun oo naga mid ah faleen? Eebbow waa imtixaamkaagii, ciddaad doontana waad dhumisaa taad doontana waad hanuunisaa, adaana Wali noo ah, ee noo dambi-dhaaf noona naxariiso, adaa dambi-dhaafe khayr-roon ahe, noona qor adduun iyo Aakharaba wanaag, waan kuu tawbad-keennaye,” wuxuuna u sheegay Eebbe inuu cadaabkiisu ku dhici cidduu doono, naxariistiisuna wax kasta u waasac tahay, khayrna mudan kuwa dhawrsada oo bixiya zakada, rumeeyana aayaadka Eebbe. Taasina waxay ku tusin waasacnimada naxariista Eebbe iyo in lagu dadaalo sidii loo heli lahaa. Al-Acraaf (154-156)

 

  1. Ee ah kuwa raaca Rasuulka Nabiga ah ee ummiga ah ee ah kay ka heleyeen isagoo ku qoran agtooda Tawreed iyo Injiil farana wanaagga kana reeba xumaanta una banneeya wanaagga [xalaasha] kana xarrima xumaanta [xaaraanta] kana dejiya culayskii iyo xadhkihii korkooda ahaa, kuwa rumeeyey Nabigaas oo qaddariyey oo u gargaaray oo raacay nuurka lagusoo dejiyey kuwaasu waa uun kuwa liibaanay.
  2. Waxaad dhahdaa, “Dadow anugu waxaan ahay Rasuulkii Eebbe ee xaggiinna dhammaan, waana Eebbaha iska leh xukunka samooyinka iyo dhulka, Ilaahay mooyee Eebbe kalana ma jiro isagaa wax nooleeya, waxna dila ee rumeeya Eebbe iyo Rasuulkiisa Nabiga ah ee ummiga ah ee rumeeyey Eebbe iyo malaa‘igtiisa raacana inaad hanuuntaan.”

 

Aayadahani waxay tilmaami Nabiga Muxamed ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) oo ah inuu wanaagga faro xumaantana ka reebo, xalaashana u banneeyo xaaraantana ka reebo, dhibka iyo culayskana ka fududeeyo, oy naxariista Eebbena mudan ciddii raacda, oo rumaysa, qaddarisa, u gargaarta, oo raacda Qur’aanka nuurka ah, inay liibaanto, waana Rasuul Eebbe usoo diray dadkoo dhan, oy waajib tahay in la raaco si loo hanuuno. Waana taas tilmaanta Nabiga, waxa dadka laga dooni inay falaan oo Xaq ah ciddaan indho-la‘ayn. Al-Acraaf (157-158)

 

  1. Waxaa kamid ah qawmkii [Nabi] Muuse ummad ku hanuunsanayd Xaqa kuna caddaalad falaysay.
  2. Waxaana u kala gaynay laba-iyo-toban farac oo ummadood, waxaana u waxyoonay [Nabi] Muuse markay waraab warsadeen qawmkiisii inuu ku garaaco ushiisa dhagaxa waxaana kasoo burqatay laba-iyo-toban ilood cid kastana waxay ogaatay meeshey ka cabbi lahayd, waxaana ku hadhaynay daruuro, waxaana kusoo dejinnay manna [macaan] iyo cunno, waxaana ku nidhi, “Ka cuna wanaaggaan idinku arzuqay,” mana ayan na dulmiyin waxayse dulmiyeen naftooda.
  3. Markii lagu yidhi, “Dega magaaladaa kana cuna meeshaad doontaan dhahana ‘Eebbow noo dambi-dhaaf,’ kana gala albaabka idinkoo sujuudsan aan idiin dhaafno dambigiinee una siyaadinno sama-falayaashee.”
  4. Waxayse ku baddaleen kuwii dulmi falay oo kamid ah hadal ka duwan kii loo yidhi [fala] waxaana ku dirray cadaab samada kaga yimid dulmigoodii dartiis.

 

Eebbeheen wuxuu inoo sheegay inuu qawmkii Nabi Muuse kamid ahaayeen dadka Xaqa raacay oo ku socday, kana yeelay Banii Israa‘iil qaybo midba meel ka cabto, Eebbana ugu nicmeeyey nicmooyin badan sidaan soo sheegnay horay ayse dulmi faleen, wanaaggiina xumaan ku baddaleen, taasina waa caadadooda xun ee Xaqa ka leexsan. Waxaase lagu abaal-mariyey ciqaab daran, ay waajib tahay in laga digtoonaado isagoo kale. Al-Acraaf (159-162)

 

  1. Warso [Yuhuud] magaaladii badda ku dhawayd [dadkeedii] markay xad-gudbayeen Sabtida, oo kalluunkoodu u imanayey maalinta Sabtida ah isagoo muuqda, maalintaan Sabti ahaynna uma timaaddo, saasaana ugu imtixaannaa faasiqnimadooda darteed.
  2. Ka warran markay tidhi ummad kamid ah, “Maxaad u wacdiyeysaan qawm Eebbe halaagi ama u cadaabi si daran,” waxayna dhaheen, “Waa Eebbe u-cudur-daarasho, iyo inay dhawrsadaan inay u dhawyihiin.”
  3. Markay halmaameen wixii lagu waaniyey waxaan korinnay kuwii xumaanta reebayey waxaana ku qabannay kuwii dulmiga falay cadaab xun faasiqnimadooda darteed.
  4. Markay ku madax-adaygeen wixii laga reebay yaan ku nidhi, “Noqda daanyeer dullaysan.”

 

Wuxuu Eebbe halkan kaga warramay Yuhuuddii degganayd magaalo badda ku dhawayd oo lagu sheegay magaceeda Aayla, markii dadkeedii xad-gudbeen oo kalluunka laga reebay maalinta Sabtida ah ay ugaadhsadeen markuu usoo muuqdo Sabtida, maalmaha kalana ka qarsoomo imtixaan dartiis, waxayna u-qaybsameen saddex qeybood: koox ugaadhsatay, mid ka reebtay xumaanta, iyo mid iska aamustay, kuna yidhi kooxdii wax reebaysay, “Maxaad u waaninaysaan dad Eebbe halaagi ama cadaabi?” Markaas ugu jawaabeen, “Inaan waajib gudanno yaannu u fali, ama ay dhawrsadaan,” markiise ay halmaameen waanadii yaa waxaa la koriyey kuwii xumaanta reebayey, waxaana cadaab lagu qabtay kuwii xumaanta falay, laguna yidhi, “Daanyeer dullaysan noqda.” Taasi waxay ku tusin waajibnimada xumaan-reebka iyo samo-farka, waxaana la sheegay in Yuhuuddu dabi jireen kalluunka maalinta Sabtida ah, markuu ku dhacana ay la baxaan maalinta dambe, taasina waxay ku tusin khayaamada iyo xumaanta Yuhuud. Tan kale waxaa laga aamusay kuwii aamusay, waxaana lays warsaday in la halaagay iyo in la nabad-galiyey, labadana waa la sheegay. Al-Acraaf (163-166)

 

  1. Xusuusta markuu Eebbe ogeysiiyey inuu usoo bixiyaa [Yuhuud] tan iyo Qiyaamaha cid dhadhansiisa cadaab xun, Eebbahaana ciqaabtiisu way degdegtaa, waana dambi-dhaafe naxariista.
  2. Waxaana ku kala-gaynay dhulka iyagoo ummada ah, kuwo suubban iyo kuwo kalaba waxaana ku imtixaannay wanaag iyo dhibba inay noqdaan.
  3. Waxaana baddelay kuwo xun oo dhaxlay Kitaabkii qaadanina muuqa adduunyadan dhaw, iyagoo dhihi, “Waa naloo dhaafi,” hadduu u yimaado muuqaal lamid ahna way qaataan, miyaan laga qaadin ballankii Kitaabka inayan Eebbe waxaan Xaq ahayn ku sheegin oyna akhriyin waxa dhaxdiisa ah, daarta Aakhiro yaana u khayr-roon kuwa dhawrsada ee miyeydan wax kasayn?
  4. Kuwa qabsada Kitaabka oo ooga salaadda annagu ma dayacno ajriga kuwa wax suubbiya [samo-fala].

 

Wuxuu Eebbe u-yaboohay Yuhuud in loo soo bixiyo tan iyo Qiyaamada dad dhadhansiiya ciqaab daran, Eebbana isagaa wax ciqaaba, naxariistana, waxaana lagu kala saydhay adduunka iyagoo kuwo roon iyo kuwo xunba lahaa, waana la imtixaamay bal inay waantoobaan, waxaase ka dambeeyey kuwaas kuwo adduunyada ka doortay Aakhiro inkastoo ballan laga qaaday waxaan run iyo Xaq ahayn inayna Eebbe ku sheegin, oy Kitaabkana bartaan, illeen daarta Aakhiro yaa u khayr-roon ciddii dhawrsan oo wax kasiye, ciddiise qabsata Kitaabka Xaqa ah iyo Xaqa dhabta ah oo salaadda oogta Eebbe ma dayaco ajriga sama-falaha. Waxayna ku tusin wanaag-ku-dadaalka. Al-Acraaf (167-170)

 

  1. [Ka warran] markaan ku kor-yeelnay buurtii, sidii isagoo hadhayn, una maleeyeen inuu ku dhici, kuna nidhi,”Ku qaata waxaan idin siinnay niyad adag, kuna waana-qaata waxa ku sugan si aad u dhawrsataan.”
  2. [Xusuuso] markuu Eebbahaa ka qabtay dadka dhabarkooda faracoodii uuna marag uga yeelay naftooda, kuna yidhi, “Miyaanaan Eebbihiin ahayn?” oy dhaheenna “Inaad Eebbahanno tahay yaan marag kacnay,” inaydaan dhihin maalinta Qiyaame, “Annagu waan halmaansanayn kan.”
  3. Ama aydaan dhihin, “Waxaa wax la wadaajiyey [Eebbe] aabbayaalkannagii mar hore annaguna waxaan nahay farac ka dambeeyey ee miyaad noo halaagi waxay faleen xumo-falayaal?”
  4. Saasaanu u caddaynaa aayaadka iyo inay u noqdaan Xaqa.

 

Eebbe wuxuu ku amray Banii Israa‘iil inay niyad adag ku qaataan Kitaabkii Tawreed, wuxuuna korkooda yeelay buur hadhaysay, haddayna aqbalinna lagu dabooli, waxaa kale oo la faray inay ku socdaan Tawreed si ay u dhawrsadaan. Aayadaha kalana waxay ka warrami in Eebbe Banii-Aadamka naftooda marag uga yeelay, warsadayna inuu Eebbahood yahay iyo in kale, oyna marag kaceen Ilaahnimada Eebbe, si ayna u-dhihin maalinta Qiyaame, “Waxaan halmaansanayn oo jaahil ka ahayn arrintan,” ama ayan u dhihin, “Waxaa Eebbe la wadaajiyey aabbayaalkanno annaguse waxaan nahay farac dambeeyey ee ma waxaa naloo halaagi waxay dad xun faleen?” Saasuuna Eebbe ugu caddeeyey aayaadka inay Xaqa u noqdaan. Taasina waxay muujin inaan dadka cudur-daar u hadhin iyo waxay ku calaacalaan. Waxaana la wariyey in Eebbe kulmiyey arwaaxda dadka ballanna ka qaaday inay rumeeyaan Xaqa, Eebbana u hoggaansamaan. Waxaana habboon Eebbe ka-yaabid, toosnaan iyo wanaag-jacayl. Al-Acraaf (171-174)

 

  1. Ku akhri korkooda warkii kii aan siinnay aayaadkannaga oo ka siibtay Shaydaanna uu raacay [isaga] noqdayna kuwa baadida ah.
  2. Haddaan doonno waannu kor-yeeli lahayn, hasa yeeshee wuxuu u iishay dhulka [adduunyo-jacayl] wuxuuna raacay hawadiisa, wuxuuna lamid yahay eey haddaad erido wuu lalmin carrabka, haddaad deysana wuu lalmin, saasna waa masalka qawmka beeniyey aayaadkannaga ee uga warran qisooyin inay waantoomaan.
  3. Waxaa tusaale u xun qawmkii beeniyey aayaadkannaga, naftoodana waxay ahaayeen kuwo dulmiya.
  4. Ciddii Eebbe hanuuniya un baa hanuuni, cidduu dhumiyana waa uun kuwa khasaaray.

 

Say dooni ha ahaatee waxay ka warrami aayadahani cid cilmi la baray oo addunyo ka doortay, Xaqana ka leexday, noqdayna baadi, oyna ku habboonayd inuu ku hanuuno, wuxuuse jeclaaday adduunyada, wuxuuna raacay hawadiisa xun, wuxuuna lamid yahay eey had iyo jeer carrabka lalmin, waana sidaas ciddii beenisa Xaqa iyo aayaadka Eebbe, ayna habboon tahay in dadka looga warramo inay waantoomaan, tusaale iyo dadna iyagaa u xun, illeen waxay beeniyeen aayaadka Eebbe, waxayna dulmiyeen naftooda, ciddii Eebbe hanuuniyo yaa hanuuni, tuu dhumiyana wuu dhumi, taasina waxay ku tusin xumaanta cid Eebbe cilmi baray oon ku socon, Xaqana raacin, adduunyana u xishay, cidday dooni ha noqotee, ama Banii Israa‘iil ama Carabtii ama cid kasta, Eebbana wuxuu uun dadka ka dooni wanaag, Xaq-raac, iyo toosnaan dhab ah. Al-Acraaf (175-178)

 

  1. Waxaan u abuurnay Jahannamo wax badan oo jinni iyo insiba leh, waxayna leeyihiin quluub ayna wax ku kasayn, waxayna leeyihiin indho ayna wax ku arkayn, waxayna leeyihiin dhago ayna wax ku maqlayn, kuwaasina waa xoolo oo kale, waana kasii dhunsan yihiin, kuwaasina waa uun kuwa halmaansan.
  2. Eebbe waxaa u sugnaaday magacyo wanaag badan, ee ku barya, iskagana taga kuwa leexin magacyadiisa, waxaannu ka abaal-marin waxay camal falayeen.
  3. Waxaa kamid ah waxaan abuurnay ummad ku hanuunsan Xaqa, kuna socon.

 

Eebbe isagaa abuuray Jahannamo (Eebbaan ka magan-galnaye) wuxuuna u ballan-qaaday inuu jinni iyo insi ka buuxiyaa, maxaa yeelay wax ma kasayaan, xubnaha Eebbe siiyey ee ah: qalbiga, indho iyo dhago toona kuma intifaacayaan, waana xoolo oo kale iyo kasii daran, waana kuwo halmaamay Xaqa. Tan kale Ilaaheenna Wayn wuxuu leeyahay magacyo wanaag badan oyna habboon tahay in lagu baryo, lagana fogaado kuwa leexin magaca Eebbe oo ka yeeli wuxuusan raalli ka ahayn, oo ah beenin, leexin, si xun u-fasirid iyo wax kastoo wax u dhimi, waana la abaal-marin kuwaas. Waxaase jirtay dad hanuunsan oo Xaqa ku socda, siduu Rasuulku yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Lama waayo koox ummaddayda ah oo Xaqa ku taagan oo muuqda wax dhibi karana uusan jirin inta Qiyaamadu ka timaaddo.” Waxaa wariyey Bukhaari. Al-Acraaf (179-181)

 

  1. Kuwa beeniyey aayaadkannaga waxaannu ka qaban meel ayna ogayn.
  2. Waana sugi kaydkaygu [awooddayduna] waa daran tahay.
  3. Miyeyna fikirin inaan saaxiibkooda [Nabiga] waalli hayn, waxaan dige cad ahayna uuna ahayn?
  4. Miyeyna dayin xukunka samooyinka iyo dhulka, iyo waxa Eebbe abuuray oo wax ah, iyo inay mudan tahay inay dhawdahay ajashoodu, hadalkayse Qur’aanka kadib rumayn?
  5. Cidduu dhumiyo Eebbe wax hanuunin ma leh. Wuxuuna kaga tegi xad-gudubkooda iyagoo ku wareersan.
  6. Waxay ku warsan saacadda [Qiyaame] markay sugnaan, waxaad dhahdaa, “Ogaanshaheedu waa Eebbahay agtiisa, waqtigeeda wax muujin kara oon Eebbe ahayn ma jiro, waxay ku cuslaatay samooyinka iyo dhulka, waxaan kado ahaynna idiinkuma timaaddo.” Waxay ku warsan saacadda sidii adoo og, waxaad dhahdaa, “Ogaanshaheedu waa uun Eebbe agtiisa dadka badankiisase ma oga [xaalkaas].

 

Xaq-beeniye Eebbaa siduu doono u ciqaabi, in xoolo iyo nolol lagu imtixaamana waa dhici kartaa, Eebbana wuu sugi markuuse qabto ciqaabtiisu way daran tahay, waana inay gaaladu fikirto inaan Nabigu waallayn, ee dige cad uun yahay, hase eegeen mulkiga iyo xukunka Eebbe samooyinka iyo dhulka, waxa Eebbe abuuray, waxaana laga yaabaa inay ajashoodu dhawdahay, maxayse rumayn Qur’aanka kadib? Cidduu Eebbe dhumiyo wax hanuunin ma leh, waxayna ku wareeri xumaanta. Saacadda Qiyaamana cidaan Eebbe ahayn ma oga wayna ku cuslaatay cirka iyo dhulka, waxayna ku imaan kado, hase la rumeeyo, oo loo darbado. Xadiithna waxaa ku sugnaaday in Qiyaamadu dhici iyadoo dad wax kala gadan, ama cidi maali xoolaheeda, ama dhoobay daarkiisa oo malaasi, ama cunnadii kor u qaaday. Eebbe hanaga fududeeyo dhibkeeda isagaa awood leh. Al-Acraaf (182-187)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Uma hanto naftayda nafci iyo dhib midna, wuxuu Eebbe doono mooyee, haddaan ahay mid og waxa maqan waxaan badsan lahaa khayrka imana taabteen xumaani, anigu waxaan uun ahay u-dige una bishaareeye qawmkii rumayn [Xaqa].”
  2. Eebbe waa kan idinka abuuray naf kaliya, kana yeelay xaggeeda haweenaydiisii inuu weheshado markay kulmeenna waxay qaadday uur fudud saasayna ahayd markay cuslaatayna waxay baryeen Eebbahood, “Haddaad na siiso [ilmo] suubban waxaan noqonaynaa kuwa shukriya.”
  3. Markuu siiyey mid suubban waxay u yeeleen wax la wadaaga wuxuu Eebbe siiyey, Eebbaa ka sarreeya waxay la wadaajiyeen.

 

Awoodda Eebbaa iska leh, cid nafci iyo dhib hananna ma jirto, illeen Eebbaa faray Nabigiisa (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu dadka u caddeeyo xaalkaas, hadduu ogyahay waxa maqanna wuxuu badsan lahaa khayrka dhibna uusan taabteen, waana uun u-dige u-bishaareeye, ciddii Xaqa rumayn. Eebbana dadka wuxuu ka abuuray naf kaliya Aadam kana ahaysiiyey haweenaydiisii si ay isugu xasilaan isuna weheshadaan, markay kulmeenna ay uuraysatay ayna Eebbe warsadeen inuu ilmo suubban siiyo, markaasay dadku Eebbe wax la wadaajiyaan arrimihiisa, intay ku mahdin lahaayeen, Eebbana waa ka sarreeyaa wax lala wadaajiyo. Waxaana la sheegay in kuwo Eebbe wax la wadaajiyey ay ahaayeen dad kale oon ahayn Aadam iyo Xaawo. Al-Acraaf (188-190)

 

  1. Ma waxay la wadaajin waxaan wax abuuran iyagana la abuuro.
  2. Oon karaynna gargaar naftoodana aan u gargaarayn.
  3. Haddaad ugu yeedho hanuunkana idin ma raacaan waana isku-mid haddaad u-yeedhaan iyo haddaad ka aamustaanba.
  4. Kuwaad caabudaysan [u yeedheysaan] Eebbe ka-sokow waa addoomo idinkoo kala ah, bal u-yeedha oo haydin yeeleen [aqbaleen] haddaad run sheegaysaan.
  5. Ma waxay leeyihiin lugo ay ku socdaan, mise waxay leeyihiin gacmo ay wax ku qabtaan mise waxay leeyihiin indho ay wax ku arkaan, mise waxay leeyihiin dhago ay wax ku maqlaan, waxaad dhahdaa, “U-yeedha shurakadiinna ina dhagra hana i sugina.”
  6. Waligaygu waa Ilaaha soo dejiyey Kitaabka isagaana u gargaara kuwa suubban.

 

Siday Eebbe ula caabudi waxaan wax abuurayn oo la abuuri iyaga, karaynna inay u gargaaraan ama naftooda u gargaarayn, haddaad wax toosin ugu yeedhana kuma raacaan waana isku-mid haddaad u yeedhaan ama ka aamustaan, waana addoomo idinkoo kale ah, mana ajiibaan hadday u yeedhaan, lugo ma leeyihiin ay ku socdaan, ama gacmo ay wax ku qabtaan, ama indho ay wax ku arkaan, ama dhago ay wax ku maqlaan, hasoo kulmiyaan shurakadooda hana dhagreen waxna yeyna sugin, gargaaraha Nabiga ee kuwa suubban dhaqaaleeya waa Eebbaha soo dejiyey Kitaabka Qur’aanka ah, mana habboona, mana bannaana in la caabudo waxaan Eebbe ahayn, waxna laga rajeeyo, illeen Eebbe un baa awood buuxda lehe. Al-Acraaf (191-196)

 

  1. Waxaad caabudaysaan Eebbe ka-sokow ma karaan gargaarkiinna naftoodana uma gargaarayaan.
  2. Hadday ugu yeedhaan hanuunkana ma maqlaan waxaadna aragtaa iyagoo kusoo eegi oon waxba arkayn.
  3. Qaado waxa fudud farna wanaagga kana jeedso jaahiliinta.
  4. Hadduu ku waswaasiyo Shaydaan waswaasiye ka magan-gal Eebbe isagaa maqle oge ahe.
  5. Kuwa dhawrsaday hadduu taabto shar Shaydaan way xusuustaan [waantoomaan] wayna arkaan Xaqa [toosnaadaan].
  6. Walaalaha Shaydaankuse waxay ku kaalmeeyan baadida kamana daalaan.

 

Waxa Eebbe kasoo hadhay oo la caabudo waa waxaan waxba karayn, gargaari karinna, naftoodana u-gargaari karin, kumana maqlaan, kumana arkaan. Wuxuuna Eebbe fari dabeecada wanaagga iyo wanaagga oo la faro, jaahiliintana laga jeedsadaa, hadduu Shaydaan waswaasiyo ruuxana waa inuu Eebbe ka magan-galaa illeen Eebbaa waxna maqla waxna oge. Maxaa yeelay waxaa kamid ah xaalka kuwa dhawrsada in marka Shaydaan xumaan ku taabto ay xusuustaan Eebbe waantoomaanna, kuwa gaaloobayse waxaa sii dhumiya Shaydaan illeen walaalay ka yeesheene. Aayadahanna waxay fari dadka wanaag, ugana digi xumaanta, lagana digtoonaado Shaydaanka, gaalada, jaahiliinta. Waxaana xadiith ah, “Xidhiidhi ciddii ku goysa, siina ciddii kuu diidda, kana jeedso ciddii ku dulmida.” Saas darteed waa in Eebbe uun la caabudo, wanaagna laga rajeeyo, Shaydaan iyo colkiisna laga digtoonaado. Al-Acraaf (197-202)

 

  1. Haddaydaan ula imaanin aayad waxay dhahaan, “Maxaad usoo dooran wayday?” Waxaad dhahdaa, “Waxaan uun raaci wixii layga waxyooday xagga Eebbahay, kaasina waa xujooyin xagga Eebbihiin ka ahaatay iyo hanuunka iyo naxariista ciddii rumayn [Xaqa].”
  2. Markii la akhriyo Qur’aanka dhagaysta una dhag-raariciyana in laydiin naxariisto.
  3. U-xus Eebbahaa naftaada khushuuc [baryo] iyo cabsi, iyo qaylo-la‘aan hadal, aroor iyo galabba, hana noqon kuwa halmaama [xuska Eebbe].
  4. Kuwa Eebbe agtiisa ah iskama kibriyaan cibaadadiisa wayna u tasbiixsadaan [nazahaan] isagayna u sujuudaan.

 

Gaaladu waxay warsadeen Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu la yimaado mucjisooyin jeebkiisa ah, wuxuuse raacaa wixii Eebbe u waxyooday oo Xaq ah, waxna lagu kala garto, hanuun iyo naxariisna u ah ciddii Xaqa rumayn, Xaquna waa u cad yahay ciddii raaci, oo markuu maqlo Qur’aankoo la akhrin maqlo una dhag-raariciya, si loogu naxariisto. Waana in Eebbe si hoos iyo khushuuca loo xuso oon qaylo lahayn waqti kasta iyo subax iyo galabba, lana halmaamin. Malaa‘igta Eebbe ag-joogtana iskama wayneeyaan cibaadadiisa, wayna nazahaan oo u-tasbiixsadaan wayna u sujuudaan. Saas darteed waa in Xaqa la raaco, Qur’aankana la akhriyo, Eebbe loo xuso hoos subax iyo galabba, lana halmaamin, illeen malaa‘igtaa caabudi, isna kibrinayn, una sujuudiye. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Dadow u dhimriya naftiinna illeen uma yeedhaysaan mid dhaga-la’ ama maqane, Ilaahaad u yeedhaysaan waa wax-maqle, dhawe, idiinkana dhaw cunaha gaadiidkiinna.” Waxayna ahayd mar dadku kor u qaadeen ducada. Al-Acraaf (203-206)

***

Suurat al-Anfaal

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxay ku warsan dadku [xukunka] qaniimada, waxaad dhahdaa, “Qaniimada waxaa iska leh Eebbe iyo Rasuulka ee ka dhawrsada Eebbe wanaajiyana xaalka dhexdiinna ah Eebbana adeeca iyo Rasuulkiisa haddaad kuwo rumeeyey tihiin.”
  2. Mu‘miniinta dhabta ah waa uun kuwa marka Eebbe la xuso ay cabsato quluubtoodu, marka lagu akhriyo korkooda aayaadka Eebbana ay iimaan u kordhiso, Eebbahood uun tala saarta.
  3. Ee ah kuwa ooga salaadda waxaannu ku arzaaqnayna wax ka bixiya.
  4. Kuwaasaana ah mu’miniinta xaqa ah, waxayna mudan Jannooyin Eebbahood agtiisa ah, iyo dambi-dhaaf iyo rizqi sharaf leh.

 

Dagaalkii waynaa ee Badar ee dhex maray Muslimiinta iyo gaaladii yey kusoo degtay aayaddu, markay qaar Muslimiintii kamid ah ku hadleen qaniimadii, waxaana tawallin Eebbe oo loo ***ili Xaqa iyo Rasuulka (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) oo ku bixin una qaybin Xaqa. Mase habboona in lagu murmo, waase in Muslimiintu Eebbe ka dhawrsadaan, hagaajiyaanna xaalka dhexdooda ah, oyna adeecaan Eebbe iyo Rasuulkiisa hadday mu‘miniin dhab ah yihiin. Aayadaha kale waxay tilmaami mu‘miniinta dhabta ah, wanaagga kuwa kulansaday, marka Eebbe la xuso qalbigoodaa argaggaxa oo cabsada, marka Qur’aanka lagu akhriyana iimaan u kordho, Eebbe uun tala saarta, salaadda ooga, waxna bixiya, kuwaasaana ah mu‘miniinta xaqa ah ee dhabta ah, mudanna darajooyin Eebbe agtiisa, dambi-dhaaf iyo rizqi sharaf leh. Al-Anfaal (1-4)

 

  1. Siduu kaaga bixiyey Eebbahaa gurigaaga si xaq ah [Jahaad] koox mu‘miniinta kamid ah way nacayeen.
  2. Waxayna kugula murmi Xaqa intuu u caddaaday sidii iyagoo loo wado geeri iyagoo eegi.
  3. Xusuuso markuu idiin yaboohay Eebbe labadii kooxood midkood [colkii iyo safarkii] idiin sugnaatay idinkoo jecel in midda tabarta yar idiin ahaato, Eebbana wuxuu dooni inuu Xaqa ku sugo Kalimaddiisa, gooyana cidhibta gaalada.
  4. Si uu Xaqa u sugo, una buriyo baadilka [xumaanta] haba naceen dambiilayaashuye.

 

Aayadahanna waxay ka warrami dagaalkii waynaa ee Badar iyo in dad kamid ah Muslimiintii ay nacayeen in loo baxo dagaalka, Eebbese wuxuu u yaboohay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) labada kooxood middood oo ah safarkuu Abuu Sufyaan hoggaaminayey ee Shaam ka yimid iyo colkii waynaa ee gaaladii Makkaad, inkastoy mu‘miniintu jeclayd inay la kulmaan safarka, Eebbaha xikmadda lehse wuxuu doonay inuu Xaqa sugo, xumaanta iyo baadilkana buriyo oo jabiyo, gaaladana gumaado, saasaana dhacday maalintaas oo gaaladii kibirsanayd ee badnaa waxaa jabiyey mu‘miniin yar, gargaarka Eebbana waa mudan tahay ciddii Xaqa si dhab ah u raacda ee Diinta Eebbe ku toosta. Al-Anfaal (5-8)

 

  1. Xusuusta markaad ka gargaar warsanayseen Eebbe oo uu idinku ajiibay, “Waxaan idinku xoojin kun malaa‘igta kamid ah oo is-raacraacsan.”
  2. Wuxuu Eebbe u yeelay bishaaro iyo inuu xasilo qalbigiinnu, gargaarra waxaan Eebbe agtiisa ahayn ma aha, Eebbana waa Adkaade fal san.
  3. Xusuustana markuu idinku daboolay hurdo aaminnimo darteed idinkagana soo dejiyey samada biyo inuu idinku daahiriyo idinkagana tegsiiyo waswaaska shaydaanka iyo inuu ku adkeeyo quluubtiinna kuna sugo gommadihiinna.
  4. Markuu u waxyoon Eebbahaa malaa‘igta, “Anaa idinla jira ee suga kuwa Xaqa rumeeyey [xoojiya] waxaan ku tuuri quluubta kuwa gaaloobay argaggax ee ka garaaca luqunta korkeeda kana garaaca xubnaha faraha.”
  5. Maxaa yeelay waxay khilaafeen Eebbe iyo Rasuulkiisa, ciddii khilaafta Eebbe iyo Rasuulkiisana Eebbe waa u ciqaab daran yahay.
  6. Ee arrintaas dhadhamiya, gaalana waxaa u sugnaaday cadaabka Naarta.

 

Dagaalkii Badar wuxuu ahaa arrin aad u wayn, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) markuu dayey asxaabta oo saddex boqol iyo dhawr ah iyo gaaladii oo kun ah yuu qaabilay Qiblada beryeyna Eebbe isagoo dhihi, “Ilaahow ii fuli yaboohaagii, Ilaahow haddaad halaagto kooxdan Islaamka ah lagugu caabudi maayo dhulka waligeed.” Intuu go‘ii garbaha ka dhaco oo Sayid Abuu Bakar ka dhaho “Kugu filan,” wuxuuna Eebbe ku xoojiyey malaa‘ig si loogu bishaareeyo mu‘miniinta, quluubtoodana loo xasiliyo, gargaarna Eebbaa haysta, waxaana qabatay Muslimiinta hurdo inayan cabsan, roob daahiriyana wuu usoo daayey niyada u adkeeyey, lugahana u sugay, wuxuuna Eebbe faray malaa‘igta inay sugaan mu’miinta illeen Eebbaa la jiree, kuna tuuri niyadda gaalada argaggax, iyo inay ka garaacaan madaxa iyo faraha illeen waxay khilaafeen Eebbe iyo Rasuulkiisii, ciddii khilaaftana waxay mudan ciqaab daran, gaalana waxaa u sugnaaday cadaabka Naarta, saasuuna Eebbe ugu gargaaraa mu‘miniinta dhabta ah. Al-Anfaal (9-14)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow haddaad la kulantaan kuwa gaaloobay idinkoo isu soo dhawaan ha u jeedinina dabada [ha cararina].
  2. Ruuxii u jeediya maalintaas dabadiisa [carara] isagoo u xeelaysanayn dagaal ama u dumayn koox wuxuu la noqdaa cadho Eebbe hoygiisuna waa Jahannamo iyadaana u xun meel loo ahaado.
  3. Idinku maydaan ku layn gaalada [xooggiinna] Eebbaase laayey, mana aadan ganayn markaad ganaysay Eebbaase ganay [ku hagaajiyey] inuu u nicmeeyo mu‘miniita nicmo wanaagsan, Eebbana waa Maqle Og.
  4. Arrintaasna waxaa ugu wacan in Eebbe uu tabaryarayn dhagarta gaalada.

 

Aayaduhu waxay caddayn inay ka reeboon tahay mu‘miinta markay cadowgooda gaalada ah dagaal kula kulmaan inay cararaan oo dhabarka u jeediyaan, ciddii carartana waxay mudan cadho Eebbe waxayna u dheelman Naarta Jahannamo ee u xun meel loo ahaado, marka laga reebo u-xeelaysi dagaal ama ku-biirid iyo dumid koox kale oo taageerta. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu ka mid yeelay ka-cararka Jahaadka toddobada dadka halaagta Naartana galisa. Wuxuuna Eebbe ku mannadaystay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) gargaarkii iyo guushii waynayd ee Badar iyo in Eebbe si dhab ah ugu hagaajiyey uguna toosiyey tuuryadii gaalada intay ka jabaan oo laga laayo, illeen awoodda Eebbaa lehe, mu‘miniintana wuxuu ugu nicmeeyey nicmo wanaagsan, wuxuuna saas u falay inuu jilciyo oo tirtiro dhagarta gaalada, colka Islaamka ah, taasina waxay ku tusin in Jahaadku waajib adag yahay, ciddii Muslim ah oo ka tagtana ay mudan dulli, addoonsi iyo tabar-yari, markiise Eebbe lagu xidhnaado, Diintana lagu toosnaado Xaqana lagu jahaado waxaa la heli guul, sharaf, cizzi, dambi-dhaaf iyo Jannadii Eebbe ee wanaagsanayd. Al-Anfaal (15-18)

 

  1. Haddaad kala xukumid dalabteen gaalooy waxaa idiin yimid gargaarkii [Nabiga] inaadse reebtoontaan yaa idiin khayr roon, haddaad ku noqotaan xumaantana waxaannu ku noqon gargaarka [Nabiga] waxna idiinma tarayso kooxdiinnu haba badnaadeene, Eebbana wuxuu la jiraa mu‘miniinta.
  2. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, adeeca Eebbe iyo Rasuulkiisa hana ka jeedsanina idinkoo maqli.
  3. Hana noqonina kuwii yidhi, “Maqallay,” iyagoon wax maqlayn.
  4. Dhul socod waxaa ugu shar badan [u xun] Eebbe agtiisa ma-maqle [Xaqa] ma-hadle oon kasayn [wanaagga].
  5. Hadduu ku ogyahay Eebbe khayr wuu maqashiin lahaa [garansiin lahaa] hadduuse maqashiiyo way jeedsan lahaayeen [kibir dartiis] iyagoo is-dadbi.
  6. Kuwa Xaqa rumeeyow, maqla Eebbe iyo Rasuulka markuu idiinku yeedho wax idin nooleeya [Xaqa] ogaadana in Eebbe [karo] inuu kala dhex-maro ruuxa iyo qalbigiisa, oo xaggiisa laydiin soo kulmin.

 

Gaaladii Carbeed waxay Eebbe warsan jireen isla-wayni darteed in Eebbe halaago ciddii xumaan wadda iyaga iyo mu’miniinta, waxaana u yimid waxay warsanayeen maalintii Badar, waana la halaagay, inay xumaanta ka joogaan yaana u khayr roon, hadday ku noqdaanna Eebbe wuxuu u gargaari mu‘miniinta dhabta ah, waxaana laga rabaa mu‘miniinta inay si run ah u adeecaan Eebbe iyo Rasuulkiisa, Xaqana raacaan, oyna la mid noqon kuwa dhaha “Waan maqalay,” iyagoon maqlin, waxaana ugu liita Eebbe agtiisa waxa dhulka ku socda cid Xaqa ka dhaga-la’ oo ka af-la‘, oon garaynayn oo markii Xaqa loo sheego ka jeedsata, dadka mu‘miniinta ahse waa inay maqlaan oo yeelaan Eebbe iyo Rasuulkiisa markuu wax nooleeya oo Diinta Islaamka ah iyo Xaqa ugu yeedho, illeen waa nolol ee, waxa kasoo hadhayna waa geeriye, arrintana Eebbaa haysta oo toosin cidduu doono oo wanaagga ku dadaasha, xaggiisaana laysu kulmin. Saas darteed ciddii nolol, wanaag, sharaf iyo khayr rabta ha raacdo Qur’aanka iyo Xaqa. Al-Anfaal (19-24)

 

  1. Ka dhawrsada fidmo oon ugu dhacayn kuwii dulmiga falay gaar ahaan oo idin kamid ah, ogaadana in Eebbe ciqaabtiisu daran tahay.
  2. Xusuustana markaad ahaydeen kuwo yar oo lagu tabar-darraysto dhulka [Makkaad] idinkoo ka cabsan in dadku idin dafo oo markaas uu idin dhaweeyey [dumay] idinkuna xoojiyey gargaarkiisa, idinkuna arzaaqay wanaag [xalaal] inaad ku mahdisaan.
  3. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, ha khayaamina Eebbe iyo Rasuulka iyo ammaanadiinna idinkoo og.
  4. Ogaadana in xoolihiinnu iyo carruurtiinnu fidno uun yihiin oo Eebbe agtiisa ajir wayn yahay.
  5. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, haddaad ka dhawrsataan Eebbe wuxuu idiin yeeli faraj [iyo nabadgalyo] wuxuuna asturi xumaantiinna [dambigiinna], wuuna idiin dhaafi Eebbana waa fadli-wayne.

 

Xumaanta haddaan layska reebin kuma kaliyeysato adduunka ciddii fashay kaliya, ee way wada heli ciddii ku dhaw oon xumaanta reebin sida xadiithyo badan ku sugnaaday, waana arrin ay waajib tahay in si dhab ah loo garto looguna camal-falo. Tan kale waxay ahaayeen Muslimiintii Makkaad kuwo tabar yar oo cabsada Eebbaase xoojiyey oo Madiino dejiyey una gargaaray, oo rizqi fiican ku arzaaqay, waana wax la xusuusto oon la halmaami karin. Tan kale waa inaan la khayaamin Eebbe, Diinta, Nabiga, ammaanada iyo Xaqa isagoo la ogyahay, lana garto in xoolaha iyo carruurtu fidmo iyo imtixaan yihiin ee wanaag iyo ajir Eebbe agtiisa yaallo, ciddii si fiican u dhawrsatana Eebbe wuxuu u furi faraj, wuuna asturi, una dambi-dhaafi illeen fadligiisaa waasac ahe, isagaana awoodda lehe. Al-Anfaal (25-29)

 

  1. Xusuuso [Nabiyow] markay ku dhakrayeen kuwii gaaloobay inay ku xidhaan, ama ku dilaan ama ku bixiyaan, way ku dhakrayeen Eebbaase ka abaal-marin isagaana abaal-mariye khayr roona ah.
  2. Marka lagu akhriyo aayaadkannaga waxay dhahaan, “Waan maqallay haddaan doonana waan dhahaynaa kanoo kale [Qur’aanka], kanu waxaan warkii kuwii hore ahayn ma aha.”
  3. Xusuuso markay dheheen, “Eebbow hadduu kanu Xaqa agtaada ah yahay nagaga soo daadi dhagaxyo [Naara] samada, ama noo keen cadaab daran.”
  4. Eebbase ma aha kii cadaaba adoo dhex-jooga, mana aha mid cadaaba iyagoo dambi-dhaaf warsan.

 

Gaaladii Qureysheed dhagar bay u sameeyeen Nabigii (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waxayna ku shireen Daaru Nadwa markay wax badan hadleenna waxaa arrin soo jeediyey Abuu Jahal wuxuuna soo jeediyey in meel kasta wiil xoog leh laga keeno markaas seefo loo dhiibo Nabigana hal mar kuwada dhuftaan si qaraabadiisu mag u qaadato illeen lama colloobi karaan dadkoo dhane, waxayna isku waafaqeen ra‘yigaas, Eebbaase ogaysiiyey Nabigiisa arrintiina gacantooda ka bixiyey oo nabad-galiyey Nabigii, waana kii baxay ee godka galay isaga iyo Sayid Abuu Bakar, kadibna Madiina aadeen. Waxayna ahaayeen gaaladaasu kuwa marka lagu akhriyo Qur’aanka yidhaahda “Maqallay, haddaan doonno waan dhihi lahayn isagoo kale, waana warkii dadkii hore,” waxayna codsadeen in Eebbe cadaab cirka kaga soo daayo hadduu Qur’aanku Xaq yahay, taasina waa doqonnimo wax Eebbe la waydiistana ma aha, ee waxaa habboon in la dhaho “Eebbow nagu hanuuni Xaqa,” Eebbase ma cadaabo Nabigoo dhex jooga ama iyagoo dambi-dhaaf warsan, illeen way dawaafi jireene. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Waxaa jiray labo ammaan, Nabigii iyo dambi-dhaaf warsasho, waxaase tegey Nabigii waxaana hadhay dambi-dhaaf dooniddii.” Al-Anfaal (30-33)

 

  1. Muxuusanse Eebbe u cadaabayn iyagoo ka celin dadka Masjidka Xurmada leh, mana aha ehelkiisa, ehelkiisu waxaan kuwa dhawrsada ahayn ma aha, badankoodse ma oga.
  2. Salaaddooda Kacbada agteeda ahna ma aha waxaan foodhi iyo sacabbo-tumid ahayn, ee dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinna darteed.
  3. Kuwii gaaloobay waxay ku bixin xoolahooda inay ka celiyaan dadka Jidka Eebbe, way bixin doonaan waxayna ku noqon qoomamo markaasaa laga adkaan, kuwa gaaloobayna xagga Jahannamaa loo kulmin.
  4. In Eebbe kala bixiyo xumaanta iyo wanaagga, yeelana xumaanta qaarkeed tan kale korkeeda uuna kulmin dhammaan uuna yeeli Jahannamo, kuwaasuna waa uun kuwa khasaaray.

 

Gaaladu way mutaan ciqaabta iyo cadaabkaba, illeen waxay dadka ka celiyaan Masaajidka Xurmaysan, oo ayna mudnayn inay daris la noqdaan waxaase mudan inuu gacanta ku hayo Muslimiinta. Gaaladuna dhab ahaan ugama yaabaan Eebbe, cibaadadooduse waa foodhi, buuq iyo sacabbo-tun, abaalkooduna waa cadaab gaalnimadooda dartiis, waxay gaaladu bixin oo xoola ah inay Jidka Eebbe ka leexiyaan, way bixin waxayse ku noqon khasaare waana laga adkaan, Naarta Jahannamana waa lagu kulmin, si Eebbe u kala saaro xumaanta iyo wanaagga, xumaanta wuu kulmiyaa dhammaanna yeela Naarta Jahannamo waana kuwa khasaaray. Ibnu Isxaaq wuxuu sheegay in Cabdullaahi binu Rabiica, Cikrima Abuu Jahal iyo Safwaan binu Umayya u tageen Abii Sufyaan dagaalkii Badar ee lagu laayey qaraabadoodii inay oggolaadaan safarkii Abuu Sufyaan hoggaaminayey ee dagaalku ku billowday xoolihiisa in lagu bixiyo la-dagaallanka Nabiga iyo Muslimiinta, markaasaa waxaa soo degtay aayadahan. Badar bay kusoo degeenna waa la yidhi, waxaase dhab ah in gaalo khasaari. Al-Anfaal (34-37)

 

  1. Ku dheh kuwii gaaloobay hadday ka reebtoomaan [gaalnimada] waxaa loo dhaafi wixii hor maray, haddayse daa‘imaan [gaalnimada] waxaa tagtay [horraysay] jidkii kuwii hore.
  2. La dagaallama gaalada intaan gaalnimo iyo [xumaan] laga helin una ahaato Diintu dhammaan Eebbe, hadday reebtoomaan Eebbe waxay fali wuu arkayaa.
  3. Hadday jeedsadaanna ogaada in Eebbe yahay Gargaarihiinna isagaana u fiican Gargaare.
  4. Ogaadana waxaad qanimaysataan in Eebbe shan-meelood meel leeyahay, iyo Rasuulku, iyo qaraabada, iyo agoonta, iyo masaakiinta, iyo socdaalka, haddaad tihiin kuwo rumeeyey Eebbe iyo waxaan ku dejinnay addoonkannaga maalintii kala-bixinta, maalintay kulmeen labadii col [Badar], Eebbana wax kasta [oo uu doono] wuu karaa.

 

Eebbe waa Naxariiste wuxuuna u dhaafaa wixii hore ciddii gaalnimada kasoo noqota oo xumaanta ka tawbad-keenta, sida ku sugnaatay xadiith: “Islaamku wuu tiraa wixii ka horreeyey, tawbaduna way tirtaa wixii ka horreeyey,” ciddii xumaan ku noqota way caddahay waddadii kuwii hore. Waana in gaalada lala dagaallamo intaan xumaan laga helin, Diintuna dhammaan Eebbe u ahaato, ciddii xumaanta ka joogtana Eebbe wuu arkaa, ciddii jeedsatana Eebbaa uga gargaari mu‘miniinta, Kaalmeeye iyo Gargaarana Eebbaa u fiican. Wixii gaalada laga helo waqtiga dagaalkana shan-meelood meel waxaa loo iili Jidka Eebbe iyo Rasuulkiisa, qaraabada Nabiga oo zako la siinayn, agoonta, masaakiinta, iyo socdaalka, haddii dhab loo rumeeyey Eebbe iyo Qur’aanka, waana xoolo xalaal ah oo lagu xoojin Islaamka iyo Xaqa, laguna wiiqi gaalada. Al-Anfaal (38-41)

 

  1. Xusuusta markaad ahaydeen dhinicii u dhawaa [Badar] gaaladuna ahayd dhinicii ka fogaa [Badar] safarkiina idinka hooseeyey, haddaad isu yaboohdaan [ballanna] waad isku khilaafi lahaydeen ballanka, Eebbaase falay inuu xukumo amar uu fali in ciddii halaagsamina si cad u halaagsanto, ciddii noolaanna si cad u noolaato, Eebbana waa Maqle Og.
  2. Markuu idinku tusiyey Eebbe gaalada hurdada iyagoo yar, haddu ku tusiyo iyagoo badanna waad fashili lahaydeen ood ku murmi lahaydeen amarka, Eebbaase nabadgaliyey, illeen wuu ogyahay waxa laabta ku sugane.
  3. Iyo markuu idin tusiyey markaad kulanteen iyagoo ku yar indhihiinna, idinkuna yareeyey indhahooda in Eebbe xukumo amar uu fali, xagga Eebbaana loo celin umuuraha.

 

Muslimiintu waxay degeen daanta Badar ee xigta xagga Madiino, gaaladuna xagga Makka jahadeeda, safarkiina maray xagga badda Eebbana kulmiyey si ciddii halaagsami iyo tan noolaanba xaalku u caddaado, wuxuuna Eebbe isu muujiyey labada kooxood iyadoo midba la yar tahay midda kale, in Eebbe sugo guusha Islaamka, saasayna u kulmeen labadaas col, oo midna Xaqa iyo Islaamka matalayo iyo mid gaalnimo iyo isla-wayni. Wuxuuna Ibnu Jariir sheegay in Abuu Sufyaan u ciddiray gaaladii Qureysheed kuna yidhi, “Noqda waa nabadgalaye,” waxaase siiday Abuu Jahal oo sheegay inayna noqonayn intay ka tagaan Ceelka Badar, saddex maalmoodna ku nagaadaan oo cunno ku cunaan, geelna ku qashaan, khamrana ku cabbaan gabdhuhuna durbaan u garaacaan oo Carabtuna maqasho, qaddariyaanna. Nabiguna wuxuu yidhi, “Makka waxay idinku soo tuurtay beerkeedii, waana kaas Xaq iyo xumaan.” Al-Anfaal (42-44)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, haddaad la kulantaan koox [cadow ah] sugnaada xusana Eebbe wax badan inaad liibaantaan.
  2. Adeecana Eebbe iyo Rasuulkiisa hana murmina ood fashishaan uu tagana xooggiinnu, samra Eebbe wuxuu la jiraa kuwa samree [adkaysta].
  3. Hana kamid noqonina kuwii ka baxay guryahooda kibir iyo is-tuska dadka darttiis kana celinaya [dadka] Jidka Eebbe, Eebbana waa koobay waxay camal-fali.
  4. Markuu u qurxiyey Shaydaanku camalkooda kuna yidhi, “Wax idinka adkaan oo dad ah ma jiro maanta, anna kaalmeeyaan idiin ahay,” markay is-arkeen labadii kooxoodna wuxuu u gurtay cidhibtiisa, wuxuuna yidhi, “Anugu bari baan idinka ahay, waxaana arkaa waxaydaan arkin, waxaana ka cabsan Eebbe Ilaahayna waa ciqaab-darane.”
  5. Markay dhahayeen munaafiqiintu iyo kuwa cudurku qalbiga kaga jiro, “Waxaa dhagray kuwaas Diintooda,” ciddii Eebbe tala-saarata Ilaahay waa Adkaade Falsan.

 

Waa in la sugnaado marka colka lala kulmo oon la cararin, Eebbana la xuso, lana adeeco Eebbe iyo Rasuulkiisa, lana murmin si aan loo fashilin loona tabar-yaraan, waana in la adkaysto illeen Eebbe wuxuu la jiraa cidda adkaysatee, lana mid noqonin sidii gaaladii reer Makkaad ee kibirka iyo is-tustuska dadka iyo Xaqa-ka-leexintiisa usoo baxday, Shaydaanna u qurxiyey camalkooda una sheegay inaan laga adkaanayn una gargaari, markay labadii col kulmeenna dib u gurtay, sheegayna inuu arko waxayna arag, sheegayna inuu Eebbe ka yaabi isagoo been sheegi. Munaafiqiinta iyo kuwa qalbiga ka bukana ku sheegi mu‘miniinta in Diintoodu khaladday beenna u sheegtay, ciddiise Eebbe tala-saarata isagaa Adkaada ah Falsan, waxaana muuqda in la adkaysto Eebbana lagu xidhnaado, kibir, is-tus, iyo Shaydaanna laga fogaado. Al-Anfaal (45-49)

 

  1. Haddaad aragto markay oofsan [nafta ka qaadi] malaa‘igtu kuwii gaaloobay oy ka garaaci wajiyadooda iyo gadaashooda iyagoo ku dhihi, “Dhadhamiya cadaabka gubidda,” [waxaad arki lahayd arrin wayn].
  2. Arrintaasuna waa waxay hor-marsatay gacmihiinnu darteed Eebbana ma dulmiyo addoomada.
  3. Waa caadadii Fircoon qawmkiisii iyo kuwii ka horreeyey ee ka gaaloobay aayaadkii Eebbe oo Eebbe qabtay dambigooda dartiis, Eebbana waa xoog-badane ciqaab daran.
  4. Arrintaasna waa inaan Eebbe doorinin nicmo uu ugu nicmeeyey qawm intay ka dooriyaan waxa naftooda ah, Eebbana waa Maqle Og.
  5. Waa caadadii Fircoon qawmkiisii iyo kuwii ka horreeyey, waxay ka gaaloobeen aayaadkii Eebbahood markaasuu halaagay dambigooda dartiis waxayna dhammaan ahaayeen daalimiin.

 

Geeridu waa wax wayn, saas darteed yuu Eebbe u sheegay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) in hadduu arko gaalada oo malaa‘igtu nafta ka qaadi kana garaaci wajiga iyo gadaasha kuna dhihi, “Dhadhamiya cadaabka gubidda,” inuu arki lahaa arrin wayn, waana hor-marsadeen gacmahoodu illeen Eebbe ma dulmiyo addoomadee, waxayna lamid yihiin Fircoon iyo dadkiisii iyo kuwii ka horreeyey ee ka gaaloobay aayaadka Eebbe oo Eebbe qabtay dambigoodii dartiis, Eebbana waa xoog-badane ciqaabtiisuna daran tahay, waxaana ugu wacan inaan Eebbe dad ka doorinin nicmo uu ugu nicmeeyey intay naftooda ka dooriyaan, dambina falaan, illeen Eebbe waa Maqle Oge, sidaasna waxaa falay Fircoon iyo dadkiisii iyo kuwii ka horreeyey oo beeniyey aayadkii Eebbe markaasna Eebbe halaagay dambigooda dartiis, Fircoon iyo colkiisiina wuu maansheeyey illeen daalimiin bay ahaayeene. Al-Anfaal (50-54)

 

  1. Dhul socde waxaa ugu shar badan Eebbe agtiisa kuwa gaaloobay oon rumeynin.
  2. Ee ah kuwaad la ballantay markaas buriya ballankooda mar kasta, oon dhawrsanayn.
  3. Haddaad ku liibaanto [adkaato] dagaalka ku eri [xanuuji] kuwa ka dambeeya inay xusuustaan.
  4. Haddaad ka cabsato qawm khayaanadii u tuur [ogaysii] ballankii si siman, illeen Eebbe ma jecla khaa’imiinta.
  5. Yeyna u malayn kuwii gaaloobay inay carari [karaan] iyagu ma daaliyaan [Eebbe].
  6. Ugu darbada waxaad kartaan oo xoog ah, iyo darbidda fardaha inaad ku cabsi-galisaan colka Eebbe iyo colkiina [gaalada] iyo kuwa kale oo kasoo hadhay [munaafiqiinta] ma ogidin Eebbaase og, waxaad ku bixisaan Jidka Eebbana waa laydiin oofin [dhammayn] idinkoon laydin dulmiyeyn.

 

Aayadahanna wuxuu Eebbe ku sheegay in waxa dhulka ku socda ugu liito gaalada beenisay Xaqa, een waliba rumaynayn, oo buriya ballanka Nabiga mar kasta oon dhawrsanaynna, Eebbaana faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) in cidduu ka helo kuwaas dagaalka uu xanuujiyo si kuwa ka dambeeya u cabsadaan, una xusuustaan, hadduu khayaamadooda ka yaabana uu ogaysiiyo inuu ballankoodii u celiyey aaminaynna mar kale, illeen Eebbe ma jecla khaa‘imiintee. Yeyna u malayn gaaladu inay Eebbe ka carari karaan, wuxuuna Eebbe faray Muslimiinta inay u darbadaan dagaalka gaalada una hub samaystaan, iyagoo ku cabsi galin colka Eebbe iyo Muslimiinta ee gaalada ah, kuwa la ogyahay iyo kuwa Eebbe uun ogyahay, Jidka Eebbana wax lagu bixiyo, si Eebbe ugu oofiyo wanaagga oon loona dulmiyin. Waxaana kusoo arooray wanaagga dagaal-barashada iyo hubka xadiithyo badan sida, “Fardaha fuuliddooda waxaa lagu xidhay khayr tan iyo Qiyaamada,” iyo “Gana oo kora, ganiddaana ka khayr-roon koridda.” Taasina waxay muujin inay waajib tahay in loo darbado Jahaadka iyo daaficidda Diinta, xoolaha, dhulka iyo sharafta, markay ka tageen Muslimiintuna amarkii Eebbe yey dulloobeen, gaalana u talisay, Jahaad un baana ka saari kara. Al-Anfaal (55-60)

 

  1. Hadday u iishaan gaaladu nabad u iilo adna talana-saaro Eebbe, illeen Isagaa uun maqla ognee.
  2. Hadday doonaan inay ku dhagraan waxaa Kaafiyahaaga ah Eebbaha kugu xoojiya gargaarkiisa iyo mu’miniinta.
  3. Isuna soo dumay quluubtooda, haddaad bixiso waxa dhulka ku sugan oo dhan maadan isu dunteen quluubtooda, Eebbaase isu-dumay dhexdooda illeen isagaa Adkaade Falsan ehe.
  4. Nabiyow waxaa kugu filan Eebbe adi iyo inta ku raacday ee mu‘miniinta ah.
  5. Nabiyow ku boorri mu’miniinta dagaalka hadday idin kamid yihiin labaatan samra [adkaysta] waxay ka adkaan labo boqol, hadday idin kamid yihiin boqol waxay ka adkaan kun ah kuwa gaaloobay illeen waa qawm aan wax kasayne.

 

Diinta Islaamku waa Diin nabadgalyo, is-jaceyl, is-kaalmayn, saas darteed yuu Eebbe faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) in hadday gaaladu u leexdaan oo doonaan nabad iyo dagaal-la‘aan Nabiguna u leexdo Eebbana talo-saarto kana digtoonaado, illeen Eebbaa wax maqla waxna oge, hadday doonaan inay khayaamaan oo dhagraan Nabigana waxaa ku filan Eebbaha ku xoojiyey gargaarkiisa iyo mu‘miniinta, isuna dumay quluubta mu‘miniinta, illeen waxa dhulka ku sugan oo dhan haddii la bixiyo cidina isuma dumi karto quluubtoode, Eebbaase isu dumay, illeen isagaa adkaada oo falsame, kaafiyana Nabiga iyo mu‘miniintee. Tan kale waa in mu‘miniintu dagaallamaan Xaqana difaacaan haba ka badnaadeen gaaladuyee, illeen Muslimiinta waxaa laga rabaa adkaysi, rumayn Xaqa, iyo Jahaad dhab ah, gaalana way jabi oo halaagsami hadday la dagaallamaan Muslimiintii dhab ah oo geerida oggol Eebbana ku xidhan dhabna u rumeysan. Al-Anfaal (61-65)

 

  1. Hadda wuu idinka fududeeyey Eebbe wuxuuna ogyahay inaad tabar-yar tihiin, hadday idin kamid yihiin boqol samra [adkaysta] waxay ka adkaan labo boqol, hadday idin kamid yihiin kunna waxay ka adkaan labo kun idanka Eebbe, Ilaahayna wuxuu la jiraa kuwa samra.
  2. Kuma habboona Nabi inay u ahaato kuwo la qafaashay intuu kaga jilciyo dhulka dhexdiisa [gaalada] waxaad doonaysaan muuqa adduunyada Eebbana wuxuu dooni Aakhiro, Eebbana waa Adkaade Falsan.
  3. Hadduusan jirin Kitaab Eebbe oo horreeyey waxaa idin taaban lahaa waxaad qaadateen darteed cadaab wayn.
  4. Ee cuna waxaad qaniimaysataan oo xalaal fiican ah kana dhawrsada Eebbe illeen Ilaahay waa Dhaafe Naxariistee.

 

Ibnu Cabbaas waxaa laga wariyey in markay soo degtay aayadda caddayn in labaatan Muslimiina la dagaallamaan labo boqol oo gaala ah ay ku cuslaatay Muslimiintii markaas Eebbe soo dejiyey aayadahan ka fududayn oo ah in boqolku la dagaallamaan labo boqol, kunkuna labo kun la dagaallamo, markay samraan oo adkaystaan Eebbaa u gargaari, saasuuna xaalku ku sugnaaday, sina uma bannaana in markaas la cararo ama la cabsado, markii maalintii Badar qaar la laayey gaaladii qaarna la qafaashay yuu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) la tashaday asxaabta sidii la yeeli lahaa dadkaas markaasuu Sayid Abuu Bakar yidhi, “Aan daynno oon la layn,” Sayid Cumarna yidhi hala laayo, markii la raacay soo-jeedintii Sayid Abuu Bakarna waxaa soo degtay aayadahan oo canaan ah, iyo inay habboon tahay in Eebbe la adeeco adduunna loo xilan, saasna uu ku xalaaleeyey qaniimada laga helo gaalada waxaana Muslimiinta ku waajib ah Jahaad, adkaysi iyo Eebbe-adeecid. Al-Anfaal (66-69)

 

  1. Nabiyow ku dheh kuwa la qafaashay ee gacmihiinna ku jira, “Hadduu ku ogyahay Eebbe quluubtiinna khayr wuxuu idin siin mid ka khayr-roon wixii laydinka qaaday wuuna idiin dhaafi, Eebbana waa Dhaafe Naxariista.”
  2. Hadday doonaan khiyaamadaadana waxay khayaameen Eebbe mar hore markaasuu idin makaniyey Eebbana waa Oge Falsan.
  3. Kuwa rumeeyey ee hijrooday ee ku jahaaday xoolahooda iyo naftooda Jidka Eebbe iyo kuwa dumay [soo dhaweeyey] una gargaaray kuwaasu qaarkood waa gargaaraha qaar, kuwa rumeeyey oon hijroonin gargaarkooda waxba idinkama saarra intay ka hijrooni, haddayse idiinku gargaar-warsadaan Diinta korkiinna gargaar baa ah qaar dhexdiinna ballan yahay mooyee, Eebbana waxaad falaysaan wuu arkaa.

Dagaalkii Badar ee waynaa waxaa lagu qafaashay gaalo badan iyo dad lasoo qasbay, ciddii toosnaata oo kamid ahna Eebbe wuxuu siin wax ka khayr-roon wixii laga qaaday una dambi-dhaafi, haddayse Nabiga khayaamaan horay Eebbe u khayaameen markaas Muslimiinta gacanta u galiyey, illeen waa wax-walba-oge Falsane. Tan kale ciddii rumaysay Xaqa oo hijrootay oo xoolaheeda iyo nafteedaba ugu jahaadday Jidka Eebbe, iyo kuwii soo dhaweeyey una gargaaray qaarkood qaar buu sokeeye u yahay, kuwaanse saas falin waxba kama dhaxeeyo intay ka falaan, haddayse gargaar idin warsadaan waa loogu gargaari ciddaan ballan lala dhigan. Al-Anfaal (70-72)

 

  1. Kuwa gaaloobay qaarkood waa sokeeyaha qaar, haddaydaan saas falinna [ogaanna] fidmaa ahaan dhulka iyo fasaad wayn.
  2. Kuwa rumeeyey ee hijrooday ee ku jahaaday Jidka Eebbe iyo kuwa soo dhaweeyey una gargaaray kuwaasu iyagaa mu’miniin dhab ah, waxayna mudan dambi-dhaafid iyo rizqi sharaf leh.
  3. Kuwa rumeeya gadaal oo hijrooda oo jahaada la-jirkiinna kuwaasu waa idin kamid, qaraabadaana qaarkeed qaar ku mudan yahay xukunka Eebbe Ilaahayna wax kasta waa ogyahay.

 

Waa in la ogaado in Muslimiintuna walaalo yihiin, gaaladuna isu-kaalmaystaan colnimada Xaqa iyo Diinta Islaamka. Haddii kale waxaa dhici fidmo iyo fasaad wayn, kuwa Xaqa rumeeyase oo hijrooda kuna jahaada Jidka Eebbe iyo kuwa soo dhaweeya una gargaara kuwaasu waa mu‘miniinta xaqa ah ee dhabta ah dambi-dhaafid iyo wanaagna way mudan. Kuwa dib ka rumeeya oo hijrooda oo jahaada la-jirkiinna waa idin kamid, qaraabadaasi qaarkeed qaar ku mudan yahay Kitaabka Eebbe, wax kastana Eebbaa og. Waxay caddeeyeen aayaduhu abaalka wanaagsan ee mu‘miniintu mudan Aakhiro. Al-Anfaal (73-75)

 

Suurat at-Tawbah

  1. Tani waa ka bari ahaasho Eebbe iyo Rasuulkiisa kuwaad la ballanteen oo mushrikiinta [gaalada] ah.
  2. Ee socda dhulka afar bilood ogaadana inaydaan daalinayn Eebbe iyo in Eebbe uu dulleyn gaalada.
  3. Waana ogaysiin Eebbe ka ahaaday iyo Rasuulkiisa oo dadka maalinta Xajka wayn in Eebbe ka bari yahay gaalada iyo Rasuulkiisu, haddaad tawbad-keentaanna saasaa idiin khayr-roon, haddaad jeedsataanna ogaada inaydaan Eebbe daalinayn, uguna bishaareeya kuwii gaaloobay cadaab daran.
  4. Kuwaad ballanteen mooyee oo gaalada ah markaasna aan idinka nusqaaminin waxba, idiinkuna kaalmaynin cidna, ee dhammeeya tan iyo ballankooda [muddadood] Eebbana wuxuu jecel yahay kuwa dhawrsada.

 

Suuraddani waxay kamid tahay suuradaha ugu dambeeyey soo-degid, illeen xaggeeda hore waxay soo degeen markii lagasoo noqday duullaankii Tabuuk, bisinna laguma billaabin suuradda, waxayna caddeyn in Eebbe iyo Rasuulkiisu ka bari yihiin gaalo, kuwii ballan lala dhigtayna uu u jiro muddo afar bilood ah, saasaana la ogaysiiyey maalintii iiddii Carrafo, cid ballan leh oon jabin mooyee, colna ugu kaalmaynin Muslimiinta waxaana la sugi muddadooda, taasina waxay ku tusin sida Islaamku ballanka u dhawro una ilaaliyo iyo inaan Eebbe iyo Rasuulkiisa iyo gaalo wanaag dhex oollin. At-Tawbah (1-4)

 

  1. Markay faydmaan bilaha xurmada leh ku dila gaalada meeshaad ka heshaan qabtana [qafaasha] go‘doomiya una fadhiista meel gabbasho ah oo dhan, haddayse tawbad-keenaan oogaanna salaadda, bixiyaanna zakada u sii daaya jidkooda Eebbe waa dambi-dhaafe naxariistee.
  2. Mid kamid ah gaaladana hadduu magan-gal idin waydiisto magan-galiya intuu ka maqlo hadalka Eebbe markaas gaadhsiiya meeluu aamin ku yahay, illeen waa qawm aan wax ogayne.
  3. Siday ugu ahaan gaalada ballan Eebbe agtiisa iyo Rasuulkiisa agtiisa kuwaad kula ballanteen Masaajidka Xurmada leh agtiisa mooyee ee hadday idiin toosnaadaan u-toosanaada, Eebbe wuxuu jecel yahay kuwa dhawrsadee.

 

Markay baxaan bilaha xurmada leh waxaa bannaan in la laayo gaalada meel kastoo laga helo oo la qafaasho lana qabto meel kastana loo fadhiisto, haddayse tawbad-keenaan oo salaadda oogaan oo bixiyaan zakada waxaa loo sii dayn jidkooda, illeen Eebbe waa dambi-dhaafe naxariiste, haddii cid gaalada kamid ah nabad-galin warsadaan Muslimiinta hala nabad-galiyo intay ka dhagaystaan hadalka Eebbe, markaas la gaadhsiiyo meeshay aaminka ku yihiin illeen waa kuwaan wax ogayn, siduu Nabigu falay (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) sanadkii Xudaybiyo, iyo marar kale oo sabab u noqotay hanuunkooda, tan kale gaaladu ballan kuma laha Eebbe iyo Rasuulkiisa agtiisa, kuwii lagula ballamay Masaajidka Xurmada leh agtiisa mooyee, waana in loo toosnaado intay toosan yihiin, Eebbana wuxuu jecel yahay kuwa dhawrsada, Nabiguna saasuu falay Muslimiintuna saasay faleen mana bannaana in ballan la jabiyo. At-Tawbah (5-7)

 

  1. Waa sidee hadday idinka adkaadaan ayna idiin dhawrayn qaraabanimo iyo ballan midna, waxay idinku raalli-galin afkooda wayna diidi quluubtoodu, badankooduna waa faasiqiin.
  2. Waxay ku gataan aayaadka Eebbe qiimo yar waxayna ka leexiyeen Jidka Eebbe waxaana xun waxay falayeen.
  3. Umana dhawraan mu‘min qaraabonimo iyo ballan [midna] kuwaasuna waa uun xad-gudbayaal.
  4. Haddayse tawbad-keenaan oo oogaan salaadda bixiyaanna zakada waa walaalihiinna Diinta waana u caddaynay aayaadka qawmkii wax garan.
  5. Haddayse buriyaan dhaartooda ballankoodii kadib, duraanna Diintiinna, dila madaxda gaalada waa kuwaan dhaar lahayne, inay ka joogan [xumaanta].

 

Gaaladu ma dhawraan Muslimiinta hadday ka tabar-roonaadaan ugumana naxariistaan qaraabannimo iyo ballan midna, iyagoo afkana isku dayi inay ku raalli-galiyaan Muslimiinta, qalbigooduna diidi oo faasiqiina ah, kuna gatay aayaadka Eebbe qiimo yar, Jidkiisana ka leexiya dadka wax xunna fala, cid mu‘min ahna aan u dhawrayn qaraabo iyo ballan, iyagoo xad-gudbi, haddayse tawbad-keenaan oo salaadda oogaan oo zakada bixiyaan, waa walaalihiinna Diinta, aayaadkana wuxuu Eebbe u caddeeyey ciddii wax garan, haddayse buriyaan dhaartooda ballan kadib duraanna Diintiinna waa in la laayo madaxda gaalada dadka fari xumaanta, Xaq-diidka iyo gaalnimadana ku hagaajin, waa kuwaan ballan iyo dhaar lahayne bal inay xumaanta ka joogaan, saasayna u muuqataa waddada Islaamku oon qarsoodi iyo qalqallooc midna ugu jirin, ciddii kula nabaddana la nabad tii diidda Xaqa oo burisa ballankana iska celiya kana digtoonaada. At-Tawbah (8-12)

 

  1. Miyeydaan la dagaallamayn qawm buriyey dhaartooda oo hamiyey [doonay] bixinta Rasuulka idinkuna billaabay markii horaba, miyaad ka cabsanaysaan? Eebbaa mudan inaad ka cabsataan haddaad mu‘miniin tihiin.
  2. La dagaallama, Eebbe haku cadaabo gacmihiinnee, hana dulleeyee, hana idinku gargaaree oo bugsiiyo laabta qawm mu‘miniin ah.
  3. Tegsiiyana cadhada quluubtooda, wuxuuna ka tawbad aqbalaa Eebbe cidduu doono, Eebbana waa oge falsan.
  4. Ma waxaad u malayseen in laydinka tegi isagoon Eebbe muujin kuwa jahaaday oo idin kamid ah oon ka yeelanin wax kasoo hadhay Eebbe iyo Rasuulkiisa iyo mu‘miniinta saaxiib? Eebbana waa ogyahay waxaad falaysaan.

 

Aayaduhu waxay ku adkayn Muslimiinta inay la dagaallamaan gaalada burin ballanka oo ahaa kuwii bixinta Rasuulka hamiyey doonayna xumaanna billaabay, wax laga cabsadana ma aha ee Ilaahay yaa ka cabsi mudan, waana in kuwaas lala dagaallamo, lana dulleeyo, Eebbana ugu gargaaro mu’miniinta quluubtoodana u-caafiyo cadhadana ka tegsiiyo, cidduu doonana uu ka aqbalo tawbada, illeen waa oge falsane. Imtixaan-la‘aanna mu‘miniinta lagu dayn maayo intay ka muuqato kuwa jahaaday oon gaalo saaxiib ka yeelan intay Eebbe, Rasuulkiisa iyo mu’miniinta ka leexdaan, Eebbase waa ogyahay waxay fali, wuuna ka abaal-marin. Aayaduhu waxay ku uruursadeen in gaalo colka Muslimiinta tahay oyna waajib tahay in lala jahaado intay Xaqa kasoo hor-jeedaan lagana dhiganin saaxiib sokeeye iyo gargaare midna, illeen waa col ee. At-Tawbah (13-16)

 

  1. Uma bannaana gaalada inay cammiraan masaajidda Eebbe iyagoo ku qiri naftooda gaalnimo kuwaas waxaa buray camalkoodii Naartana way ku dhex waari.
  2. Waxaa uun cammira masaajidda Eebbe cid rumaysay Eebbe iyo Maalinta Dambe oo salaadda ooga oo bixiya zakada kana cabsanayn waxaan Eebbe ahayn, waxay u dhaw yihiin kuwaas inay kamid noqdaan kuwa hanuunsan.
  3. Ma waxaad kala mid dhigteen waraabinta xaajiga iyo camiridda Masaajidka Xurmaysan ruux rumeeyey Eebbe iyo Maalinta Dambe oo ku jahaaday Jidka Eebbe? Kuma sinna Eebbe agtiisa, Eebbana ma hanuuniyo qawmka daalimiinta ah.
  4. Kuwa rumeeyey [Xaqa] oo hijrooday oo ku jahaaday Jidka Eebbe xoolahooda iyo naftooda, yaa ku darajo wayn Eebbe agtiisa, kuwaasina waa kuwa uun liibaanay.
  5. Wuxuu ugu bishaarayn Eebbahood naxariis xaggiisa ah, raalli-ahaansho iyo Jannooyin oy ku mudan dhexdeeda memo nagaadi ah [joogto].
  6. Iyagoo ku waari dhexdeeda waligood Eebbe agtiisaana ajir wayn yahay.

 

Gaalo xaq uma leh inay cammiraan oo dhisaan ama ku nagaadaan masaajidda Eebbe illeen waaba gaalee, camalkooduna wuu buri, Naarna way ku waari, waxaase cammira masaajidda Eebbe mu‘miniinta hanuunsan, isku midna ma aha cid Xaqa dhammaan rumaysay iyo gaaladii Makkaad ee waraabin jiray xujaajta masaajidkana cammiri jiray, waxbase uma tarin, waxaase liibaani oo Janne ku waari kuwa rumeeya Xaqa, oo hijrooday oo jahaada, waana kaas Jidka Xaqa ah ee toosan ee wax tara qiimana leh. Waxaa jirtay in dad ku faaneen inay cammiri Masaajidka Xurmaysan iyo waraabinta xujaajta iyo wax lamid ah, markaasaa waxaa soo dagay aayaddan caddeyn mu‘minka dhabta ah ee liibaanay. At-Tawbah (17-22)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, haka yeelanina aabbayaalkiin iyo walaalihiin sokeeye hadday ka jeclaadaan gaalnimada iimaanka, ciddiise ka sokeeye-yeelata oo idin kamid ah kuwaasu iyaga un baa daalimiin ah.
  2. Waxaad dhahdaa, “Haddaad aabbayaalkiin, carruurtiinna, walaalihiin, haweenkiinna, qaraabadiinna, xoolo aad kasbateen, ganacsi aad ka cabsanaysaan inuu baaro iyo guryo aad ka raalli tihiin ka jeceshihiin Ilaahay, Rasuulkiisa iyo Jahaad Jidkiisa, suga inta Eebbe ka keeni amarkiisa, Eebbana ma hanuuniyo qawmka faasiqiinta ah.”
  3. Wuxuu idiinku gargaaray Eebbe meelo badan, iyo maalintii Xunayn markay idin cajabisay badnidiinnii oona waxba idiin tarin dhulkuna idinku cidhiidhyamay isagoo waasac ah markaas aad jeedsateen idinkoo carari.
  4. Markaas Eebbe kusoo dajiyey xasilkiisii Rasuulkiisii iyo mu’miniintii kuna soo dejiyey junuud aydaan arkayn uuna cadaabay kuwii gaaloobay, taasina waa abaalka gaalada.
  5. Markaas Eebbe ka tawbad-aqbalo intaas kadib cidduu doono Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.

 

Eebbe wuxuu ku reebi aayadaha hore in qaraabo laga yeesho cid gaalnimo Xaqa ka dooratay ama aabbo ha ahaato ama walaal iyo wax lamid ah, ciddiise qaraabadiisa, xoolihiisa, ganacsigiisa iyo guryihiisa ka doorta Xaqa iyo Jahaadka ha sugo balaayo iyo ciqaab, illeen faasiq buu noqdaye. Waxaana waajib ah in Eebbe, Diinta Islaamka ah iyo Rasuulka Muxamad ah, loo jeclaado si daran, wax kastana laga jeclaado sida xadiith ku sugnaatay. Aayadaha kale waxay caddayn in Muslimiinta wax badan Eebbe u gargaaray, gaar ahaan maalintii Xunayn oo Muslimiintu la yaabeen badnidooda markaas ay carareen Nabiga iyo in la jirtay mooyee, markaas Eebbe xoojiyey si fiicanna u dagaallameen gaaladiina jabiye, cidduu doonana ka tawbad-aqbalay, waana dagaalkii Xuneyn ee Makka iyo Daa‘if dhexdooda lala galay qawmkii Hawaasin, taasina waxay ku tusi inayna badni waxba tarayn mar haddaan Eebbe gargaarkiisu jirin laguna xidhnayn, illeen maalintii Badar oo la yaraana waa kii markiiba gaaladii badnayd la jabiyey, maalintii Xuneyna ee la badnaana markii hore la jabay markaas Eebbe u gargaaray. At-Tawbah (23-27)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, mushrikiintu [gaalada] waa nijaas ee yeyna Masaajidka Xurmaysan u dhawaanin sanadkan kadib, haddaad ka cabsataan saboolnimana wuxuu idinku hodmin Eebbe fadligiisa hadduu doono illeen waa oge falsane.
  2. La dagaallama kuwaan rumeyn Eebbe iyo maalinta Aakhiro oon xaaraan yeelayn wuxuu reebay Eebbe iyo Rasuulkiisu, ka diin-dhiganayn Diinta Xaqa ah [Islaamka] oo ah kuwa ehlu-Kitaabka ah Yuhuud iyo Nasaarada intay ka dhiibaan jizyada [iyadoo darban] iyaguna dullaysan yihiin.
  3. Waxay dhaheen Yuhuud Cuzayr waa wiil Eebbe, Nasaarana waxay tidhi Masiix [Ciise] waa wiil Eebbe, kaasina waa hadalkoodii oy afka ka sheegeen, waxay shabahaan kuwii horey u gaaloobay hadalkoodii, Eebbe hallaayo ee xaggee loo leexin?
  4. Waxay ka yeesheen culimadoodii iyo suufiyadoodii eebbayaal Ilaahay ka-sokow iyo Ciise ibnu Maryama, waxaan cibaadada Ilaahay kali ah ahaynna lama farin, Eebbe mooyee ilaah kalana [xaq lagu caabudo] ma jiro waana ka nazahan yahay waxay la wadaajin.

 

Gaaladu waa nijaas mana bannaana inay masaajidda galaan una dhawaadaan, waana in lala dagaallamo kuwa Kitaabka sheegan intay xoolo jizya ah ay bixiyaan Muslimiintana siiyaan dhawriddooda darteed, illeen waxay ka leexdeen Diintii Islaamka ee Xaqa ahayde kamana joogaan waxa Eebbe iyo Rasuulkiisu reebeen, waana in kuwaas la xukumo lana ilaaliyo, kibir iyo isla-waynina ayan kula noolaanin Muslimiinta, aayadaha kale Yuhuuddu waxay Cuzayr ku sheegtay wiil Eebbe, Nasaarana waxay Ciise ku sheegeen wiil Eebbe waana hadalkii gaaladii ka horraysay oo kale, meel daran yaana loo leexiyey, waxayna eebbe ka yeesheen wadaaddadoodii iyo Nabi Ciise iyadoo cibaadada Eebbe kaliya la faray. Cadiy binu Xaatim yaa ku yidhi, “Maanaan caabudi jirin culimada,” markaasuu yidhi Nabigu, “Waxay jideeyaan sow kumaydaan dhaqmayn?” Wuxuuna yidhi, “Haa.” Markaasuu yidhi, “Wataas cibaadadu.” At-Tawbah (28-31)

 

  1. Waxay dooni gaaladu inay ku damiyaan Nuurka Eebbe afkooda, Eebbana wuu diidi dhammaystirka Nuurka mooyee haba naceen gaaladuye.
  2. Eebbe waa kan ku diray Rasuulkiisa hanuun iyo Diin Xaq ah inuu ka kor-mariyo diimaha dhammaan haba naceen gaaladuye.
  3. Kuwa Xaqa rumeeyow, wax badan oo kamid ah axbaarta [culimada Yuhuud] iyo ruhbaantu [culimada Nasaarada] waxay ku cunaan xoolaha dadka xaq-darro waxayna ka celiyaan [dadka Xaqa] kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oon ku bixinayn Jidka Eebbe ugu bishaaree cadaab daran.
  4. Maalinta lagu gubi xoolahaas dartood Naarta Jahannamo ay ku guban wajiyadoodu iyo dhinacyadoodu iyo dhabarkoodu oo lagu odhan, “Kani waa waxaad u kaydsanayseen naftiinna ee dhadhamiya waxaad kaydsanayseen ciqaabtiisa.”

 

Culimada xun waa balaayo dadka ku dhex jirta sida culimadii Yuhuud iyo Nasaara oo been iyo xaq-darro ku cunayey xoolaha dadka, ciddii sidooda fashana wuxuu qaaday jidkoodii, tan kale ciddii Eebbe xoola siiyey oon Xaqa ku bixinin ee kulmiya uun oo uruuriya wuxuu mudan in xoolihii lagu gubo lagagana shido meel kasta isagoo lagu dhihi, “Dhadhami waxaad kaydsatay ciqaabtiisa.” Xoolahaan zakada iyo xaqa Eebbe laga bixininna waa kayd Naareed, aayadaha horena waxay caddeyn in gaaladu dooni inay Xaqa iyo Nuurka Eebbe damiyaan kuna qariyaan xumaan iyo baadil, Eebbaase diray Rasuulka oo hanuun wata iyo Diinta Islaamka ee Xaqa ah, Eebbaana dhammaystiri oo diimaha ka kor-marin haba naceen gaaladuye. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Diintu waxay gaadhi meeshey habeen iyo maalin joogaan, waxayna gali guri kasto.” Taasina waa bishaaro caddeyn caalaminimada Diinta Islaamka iyo say u faafi. At-Tawbah (32-35)

 

  1. Tirada bilaha Eebbe agtiisa waa labiyo-toban Kitaabka Eebbe dhexdiisa taniyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana kamid ah afar xurmo [gaar ah] leh waana taas Diinta toosan ee ha dulmiyina dhexdooda naftiinna, lana dagaallama gaalada dhammaantiin, siday idiinla dagaallamayaan dhammaan, ogaadana in Eebbe la jiro kuwa dhawrsada.
  2. Dib u-dhigidda [bilo] waa uun badsasho gaalnimo laguna baadiyeeyo kuwa gaaloobay, waxay banneeyaan sanad waxayna reebaan mid inay waafaqaan tirada Eebbe reebay waxayna banneeyaan wax Eebbe reebay, waxaa loo qurxiyey camalkoodii xumaa Eebbana ma hanuuniyo qawmka gaalada ah.

 

Waxaa jirtay in gaaladu bilaha sanadka say rabaan u qaybin jireen oo mar soo hormarin jireen marna dib u-dhigi jireen markaasaa Eebbe ku caddeeyey aayadda in biluhu yihiin labiyo-toban, afar si gaar ah loo dhawrana kamid yihiin sida: Sidataal, Arafo, Saka, iyo Rajab oyna xun tahay in lays dulmiyo. Tan kale waa in gaalada dhammaan lala dagaallamo siday iyaba dhammaan ula dagaallami Muslimiinta, Eebbana wuxuu la jiraa Muslimiinta dhawrsada ee dhabta ah, in kastoo dulmigu goor walba xun yahay haddana bilahaas waa kasii daran yahay, saas darteed dib u-dhigga bil ama hor-u-marinteedu waa uun kordhisasho gaalnimo, waxaana halkaas ka muuqda in xalaal tahay wuxuu Eebbe banneeyey, xaaraanna tahay wuxuu Eebbe reebay, xaaraanna yahay wuxuu Rasuulku reebo ciddii wax Eebbe reebay bannaysa ama wax Eebbe banneeyey reebta waa mid Ilaahay is barbar-dhigtay oo dhuntay Xaqana ka leexatay. At-Tawbah (36-37)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, maxaad leedihiin oo marka laydin dhaho, “Ku baxa Jidka Eebbe,” aad ugu cuslaataan dhulka, ma waxaad ku raalli noqotaan nolosha adduun Aakhiro ka-sokow? Nolosha adduunyo marka Aakharo loo dayo waa uun raaxo yar.
  2. Haddaydaan bixin wuxuu Eebbe idin cadaabi cadaab daran, wuxuuna idinku baddali qawm aan idinka ahayn, waxna kama dhibaysaan Eebbe, Ilaahayna wax kasta oo uu doono waa karaa.
  3. Haddaydaan u-gargaarin Nabiga waxaa u-gargaaray Eebbe markay bixiyeen kuwii gaaloobay isagoo labo midkood ah markay godka ku jireen markuu ku lahaa saaxiibkiis, “Ha walbahaarin Eebbaa inala jiree,” oo Eebbe ku dajiyey xasilkiisa kuna xoojiyey januud aydaan arkayn kana yeelay kalimadda kuwa gaaloobay tan hoosaysa, Kalimadda Ilaahayna waa tan sarreysa, Eebbana waa adkaade falsan.

 

Jahaadku waa waajib mana habboona in marka jahaadku joogo la dib-maro oon la bixin, lana doorto nolosha iyo raaxada adduunka, raaxada adduunse waa wax yar oo dhammaan, haddaan Jahaadka loo bixinna Eebbe wuu cadaabi isagoo ciqaab adduun usoo dadajinaya, kuna baddali qawm kasoo hadhay, waxna Eebbe kama dhimaan, Eebbana isagaa awood leh. Hadday dadku u-gargaari waayaan Nabiga iyo Diinta Eebbe, Ilaahay waa kuu u-gargaaray markay gaaladii ka bixiyeen Makka oo uu godka galay isaga iyo saaxiibkiis Abuu Bakar kuna yidhi, “Ha walbahaarin Eebbaa inala jiree,” Ilaahayna xasil kusoo dajiyey kalimaddii gaaladana hoos ka yeelay, Kalimaddii Eebbe ee Xaqa ahna kor-yeelay, illeen Eebbaa adkaada oo falsan, waana taas dhibaatada loosoo maray Diinta Islaamka, waxaa sugnaaday in markuu sayid Abuu Bakar ku yidhi Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Hadduu midkood dayo gondihiisa wuu ina arki lahaa,” uu ku yidhi, “Maxaad u-malayn labo Eebbo saddaxeeyo?” Eebbaana wax lagu tiirsada ah lana rumeeyo, Diintiisana loo dagaallamo. At-Tawbah (38-40)

 

  1. Baxa idinkoo fudud iyo idinkoo cuius kuna jahaada xoolihiinna iyo naftiinna Jidka Eebbe, saasaana idiin khayr-roon haddaad wax ogtihiin.
  2. Hadduu jiro muuqaal adduunyo oo dhaw iyo socdaal gaaban way ku raaci lahaayeen waxaase ku fogaaday socdaalkii, waxayna ku dhaaran Eebbe, “Haddaanu kari waan idinla bixi lahayn,” waxayna halaagi naftooda Eebbana waa ogyahay inay been sheegi.
  3. Eebbe haku cafiyee maxaad u idantay intay kaaga caddaato kuwa runta sheegi ood ka ogaato beenaalayaasha?
  4. Kaama idin waydiistaan kuwa rumeeyey Eebbe iyo Maalinta Dambe inay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda, Eebbana waa ogyahay kuwa dhawrsada.
  5. Waxaase ku idin waydiin kuwaan rumaynin Eebbe iyo Maalinta Dambe ayna shakiday quluubtoodu, waxayna ku noqnoqon [ku wareersan yihiin] shakigooda.

 

Duullimaadkii waynaa ee Tabuuk yuu Eebbe faray Muslimiinta inay la baxaan Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waxaana loo baxay xagga Shaam oo gaaladii Ruum, waxayna ahayd arrin adag oo lagu kala-baxay, oo munaafiqiintii soocmeen, haddii qaniimo dhaw la heli ama socdaalku gaaban yahay way bixi lahaayeen, waxaase dheer jidka, waxayna ku dhaaran “Haddaan karno waan kula jiri lahayn,” iyagoo been sheegi oo naftooda halaagi, markuu Nabigu qaar kamid ah u idmay inay hadhaan yuu Eebbe ku yidhi Nabiga, “Eebbe haku saamaxo ee maxaad u fasaxday intay dadku dhab ugu kala caddaan?” Muslimiinta dhabta ahse ma idin warsadaan inay jahaadaan iyo in kale, waxaase idin warsada kuwaan Eebbe iyo Aakhiro rumaynin oo shakiga la wareersan, aayaduhuna waxay caddeyn siday waajib u tahay inay u wada jiraan Jahaadka una kala-hadhin, si loo daafaco Diinta Islaamka iyo dhulka Islaamka, Muslimiintuna markay ka tageen Jahaadkii Xaqa ahaa nafna jecleysteen wakaas la qaybsaday oo la qabsaday dhulkoodii, wax sharaftoodii usoo celin oo Jahaad dhab ah ahayna ma jiro ee cid maqli ma jirtaa? At-Tawbah (41-45)

 

  1. Hadday doonaan bixid waxay u-darban lahaayeen qalab, wuxuuse nacay Eebbe bixintooda wuuna dib-mariyey waxaana lagu yidhi [gaaladii] “La fadhiista kuwa fadhiya.”
  2. Hadday baxaan dhexdiinna waxaan xumaan ahayn idiinma kordhiyaan, waxayna u dagdagi lahaayeen fasaadinta dhexdiinna iyagoo idinla dooni fidmo, waxaana idin ku jira kuwo idiin dhagaysan Eebbana waa ogyahay daalimiinta.
  3. Waxay idinla dooneen fidno mar hore waxayna kuu gadgaddiyeen umuuraha intuu ka yimaado Xaqu oo ka muuqdo amarka Eebbe [Xaqa] iyagoo nici.
  4. Waxaa kamid ah kuwo dhihi, “I fasax hana i fidneyn,” waxayse ku dhaceen fidno Jahannamana way koobtay gaalada.

 

Munaafiqiinta iyo diin-laawayaashu waxba uma taraan Muslimiinta, wayna u raacaan dagaalka wax faa‘iido ahna kuma jirto, illeen hadday run-sheegi way u darban lahaayeen Jahaadkee, Eebbaase nacay bixiddooda ee ha fadhiyeen sida kuwa fadhiya, hadday baxaan waxay ku abuuri war iyo xumaan Muslimiinta dhexdeeda ah iyo fidno iyo balaayo ay la dooni Muslimiinta, waxaana ku jira Muslimiinta kuwo maqli warka munaafiqiinta, Eebbese waa ogyahay daalimiinta, horay bay u damceen fidno iyo qasba, uguna gadgaddiyeen xaalka Nabiga iyo Muslimiinta dhibkeeda intuu ka muuqdo Xaqu iyo amarka Eebbe iyagoo neceb, waxaase kamid ah kuwo dhihi, “I fasax Nabiyow, hana igu fidneynin bixidda,” waxayse ku dhaceen fidnadii iyo balaayadii, Jahannamana waxay koobi gaalada. Halkaasna waxaa ka muuqda u-darbashada Jahaadka, ka-digtoonida munaafiqiinta iyo war-xumayaasha xumaanta la jecel Muslimiinta, in Eebbe muujin Xaqa oo kor-yeeli markay Muslimiintu gartaan wanaagga kuna socdaan, waana inaan laga cudur-daar warsanin Jahaadka ee waa in la muujiyaa niyad-sami, khayr-jacayl, daafaca Diinta Islaamka iyo doonidda wanaagga iyo sharafta Eebbe agtiisa ah, isagood tala-saarani adkaysi iyo shaqana badini. At-Tawbah (46-49)

 

  1. Hadduu wanaag kusoo gaadho wuu walbahaarinayaa munaafiqiinta, hadday ku hesho dhibaatana waxay dhahayaan,”Waan ka dadaalay raaciddiisa mar hore,” wayna jeedsadaan iyagoo faraxsan.
  2. Waxaad dhahdaa, “Naguma dhaco wax Eebbe noo qoray mooyee, isagaa Gargaarahannaga ah ee Ilaahay uun ha tala-saarteen mu’miniintu.”
  3. Waxaad dhahdaa, “Ma waxaad nala sugaysaan waxaan labada wanaag midkood ahayn [guul ama shahaado]? Annaguna waxaan idin la sugaynaa inuu Eebbe idinku asiibo [ciqaabo] cadaab agtiisa ah ama gacmahannaga, ee suga annaguna waan idin la sugaynaaye.”
  4. Waxaad dhahdaa, “Bixiya wax ama oggolaansho ama qasab marnaba laydin kama aqbalee, illeen waxaad tihiin qawm faasiqiin ah.”
  5. Wax u diiday in la aqbalo bixinteeda oon ka-gaalowgooda Eebbe iyo Rasuulkiisa ahayn ma jiro, mana yimaadaan salaadda iyagoo wahsan mooyee, mana bixiyaan iyagoo neceb mooyee.

 

Munaafiqiinta waxaa kamid ah kuwo Nabiga fasax waydiisan inay dagaalka ka hadhaan iyagoo sheegi inay fidnoobi hadday baxaan, waxayse dhab ugu dhaceen fidno Naarta Jahannamana way koobi gaalo, hadday Muslimiintu khayr helaanna way ka naxaan, hadday dhibaato ku timaaddana waxay sheegaan inay dadaaleen waana farxaan, waxaan Eebbe qorinse Muslimiinta kuma dhaco, isagaana Gargaara ah Muslimiintu ay tala-saartaan, Muslimiintuna waxay heli guul ama waxay ku dhiman shahaadanimo, gaalana ha sugto ciqaab Eebbe ama jab ku gaadha gacmaha Muslimiinta, waxay bixiyaanna lagama aqbalo illeen waa faasiqiine, waxayna ka gaaloobeen Eebbe iyo Rasuulkiisa, salaaddana iyagoo wahsanayeey yimaadaan, waxayna wax bixiyaan iyagoo neceb, illeen waa munaafiqiine. At-Tawbah (50-54)

 

  1. Yeyna ku yaab-galinin xoolahoodu iyo carruurtoodu, wuxuu un dooni Eebbe inuu ku ciqaabo nolosha adduun oy baxdo naftoodu iyagoo gaala ah.
  2. Waxay ku dhaaran Eebbe inay idinla jiraan idin lamana jiraan, waase qawm cabsan.
  3. Hadday helayaan meel ay magan-galaan ama godod [buuro] ama meel ay galaan way u jeedsan lahaayeen iyagoo degdegi.
  4. Waxaa kamid ah kuwo kugu ceebin sadaqada [zakada] haddii la siiyana raalli noqon haddaan la siininna cadhoon.
  5. Hadday ku raalli-noqdaan waxay siin Eebbe iyo Rasuulkiisu oy dhahaan, “Waxaana nagu filan Eebbe wuxuu naga siin Eebbe fadligiisa Rasuulkiisuna wuu na siin anaguna Eebbe un baan wax ka doonaynaa,” [saasaa u khayr-roon].

 

Wax lala yaabana ma aha ama la wanaajisto xoolahooda iyo carruurtooda waxay un ku noqon khasaare Aakharo iyo adduunbe, waxayna dhiman iyagoo gaalo ah, waxayna ku dhaaran inay la jiraan Muslimiinta lamana jiraan ee way cabsan, hadday helaan meelay ku cararaanna way ku degdegi, qaarkoodna waxay ku ceebayn jireen Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) iyo Muslimiinta waxay bixin, iyagoo haddii wax la siiyana raalli noqda hadday waayaanna cadhooda. Haddayse ku raalli-noqdaan waxay Eebbe iyo Rasuulkiisu siiyaan oy ku kalsoonaadaan Eebbe iyo Rasuulkiisa saasaa u wanaag badnaan lahayd, tilmaantaasna waa tilmaanta munaafiqiinta, had iyo jeerna waxay ceebeeyaan oo xumaan iyo shar la doonaan Muslimiinta sidii kii ku yidhi Nabiga, “Caddaalad maadan falin,” ee uu ku yidhi, “Yaa caddaalad fali haddaanan caddaalad falin?” Xumaan badanaa kuwaasu. At-Tawbah (55-59)

 

  1. Sadaqada [zakada] waxaa uun muta fuqarada, masaakiinta, kuwa ka shaqeeya, kuwa lasoo dhawayn quluubtooda, kuwa la xorayn, kuwa [Xaqa] ku daynoobay, Jidka Eebbe iyo socdaalka, waana wax Eebbe faral yeelay, Ilaahayna waa oge falsan.
  2. Waxaa kamid ah [munaafiqiinta] kuwa dhiba Nabiga oo dhaha, “Waa wax walba maqle,” waxaad dhahdaa, “Waa khayr maqlihiinna wuxuuna rumayn Eebbe, wuxuuna u-rumayn mu‘miniinta, waana u-naxariistaa kuwa rumeeyey oo idin kamid ah,” kuwa dhiba Rasuulka Eebbe waxay mudan cadaab daran.
  3. Waxay idiinku dhaaran Eebbe inay idin raalli-galinayaan, Eebbe iyo Rasuulkiisa yaa mudnaan badan inay raalli-galiyaan hadday mu‘miniin yihiin.
  4. Miyeyna ogayn ciddii la dagaallanta [oo khilaafta] Eebbe iyo Rasuulkiisa inuu mudan Naarta Jahannama, kuna waari dhexdeeda? Arrintaasuna waa dulli wayn.

 

Zakada waxaa mudan siddeeddaas nooc ee Eebbe sheegay isagoon cidna u-dayn, taasna waxay ku tusin inay bixinta zakadu waajib tahay, in siddeeddaas kooxood mudan yihiin wanaagga iyo isu-naxariisashada Diinta Islaamku ma aha hadal iyo war la sheegsheego saas darteed waa in la bixiyo zakada lana siiyo dadkaas iyo meelahaas mudan. Tan kale munaafiqiintu waa cudur ku dhex-jira Muslimiinta wax kastana wax ka sheegi, waxaana kamid ah inay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ku dhahayeen, “Waa wax walba maqle,” khayrka iyo wanaagga yuuna maqlayey, ciddiise dhibta waxay mudan cadaab daran dhaar beena yeyna maraan si ay u raalli-galiyaan Muslimiinta, Eebbaase mudan in la raalli-galiyo, ciddii la collowda Eebbe iyo Rasuulkana wuxuu mudan cadaab daran. At-Tawbah (60-63)

 

  1. Waxay ka digtoon yihiin munaafiqiintu in lagusoo dajiyo suurad ka warrami waxa quluubtooda ku sugan, waxaad dhahdaa, “Jeesjeesa Eebbe wuxuu soo bixin waxaad ka digtoon tihiin [cabsanaysaan].”
  2. Haddaad warsato waxay dhihi, “Waan un yar tiimbanaynay oon ciyaaraynay,” waxaad dhahdaa, “Ma Eebbe iyo aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa yaad ku jeesjeesayseen?”
  3. Ha cudur-daaranina waad gaalowdeen rumayn kadib, haddaan cafinno koox idin kamid ah waxaan cadaabaynaa koox illeen iyagu waa dambiilayaale.
  4. Munaafiqiintu rag iyo haweenba qaarkood qaarka kale yuu ka ahaaday waxayna faraan xumaanta, waxayna ka reebaan wanaagga, waxayna laabaan gacmahooda [wax ma bixiyaan] Eebbayna halmaameen isna aabbayeel-darro yuu kula dhaqmay, munaafiqiin iyaga un baa faasiqiin ah.
  5. Wuxuuna Eebbe u yaboohay munaafiqiintaa rag iyo haweenba iyo gaalada Naarta Jahannamo wayna ku dhex waari iyadaana ku filan, waxaana lacnaday Eebbe waxayna mudan cadaab joogta ah.

 

Munaafiqiinta rag iyo haweenba waa colka Diinta Islaamka iyo Muslimiinta waxayna ku jeesjeesi kuna ciyaaraan Eebbe iyo Rasuulka iyo Xaqa, waxayna is-faraan xumaanta wanaaggana way iska reebaan, Eebbe iyo Xaqana way halmaamaan waxayse mudan cadaab daran oy ku waari kuna dulloobi, illeen waa dambiilayaale. Aayaduhuna waxay kusoo dageen mar ay ku sheekeysanayeen dhibka iyo xumaanta Muslimiinta lahaayeenna, “Ma kuwanaa iska celin reer Ruum? Barri baan arkaynaa iyagoo xidhxidhan.” Munaafiqna wax uma taro Muslime wuu uun dhibaa. At-Tawbah (64-68)

 

  1. Waxaad lamid tihiin kuwii idinka horreeyey, waxayna ahaayeen kuwo idinka badan xoog iyo xoolo iyo carruur waxayna ku raaxaysteen nasiibkoodii idinkuna waxaad raaxaysateen nasiibkiin siday ugu raaxaysteen kuwii idinka horreeyey nasiibkoodii, waadna dhumbateen xumaanta siday u dhumbadeen, kuwaas waxaa buray camalkoodii adduun iyo Aakhiraba kuwaasuna iyaga un baa khasaaray.
  2. Miyeyna soo gaadhin warkii kuwii ka horreeyey oo ah qawmkii [Nabi] Nuux, Caad, Thamuud, qawmkii [Nabi] Ibraahiim, Madyan dadkeedi iyo qawmkii [Nabi] Luud, waxay ula timid Rasuulladoodii xujooyin, Eebbana ma aha mid dulmiya iyagaase naftooda dulmiya.

 

Aayadahan wuxuu Eebbe ku sheegi inay ku daydeen kuwa Xaqa diidi gaaladii hore kana xoolo, xoog iyo carruur badnaa, waxayna ku raaxaysteen addunka sidii kuwaas hore waxayna xumaanta u dhumbadeen siday kuwaas u dhumbadeen, waana buray camalkoodu adduun iyo Aakhiro, waana kuwo khasaaray. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaad maraysaan waddadii gaaladii taako taako iyo dhudhun dhudhun xataa hadday galaan god kharaaba waad ka daba-galaysaan.” Sidii qawmamkii ka horreeyey ee Nabiyada beeniyey markay Rasuulladii ula yimaadeen xujooyin iyo Xaq wayse dulmiyeen naftooda, illeen Eebbe wax ma dulmiyee, waxaase habboon rumayn iyo wanaag. At- Tawbah (69-70)

 

  1. Mu’miniinta rag iyo haweenba qaarkood qaarka [kale] waa u-sokeeye waxayna faraan wanaagga kana reebaan xumaanta, waxayna oogaan salaadda, waxayna bixiyaan zakada, waxayna addeecaan Eebbe iyo Rasuulkiisa, kuwaas waxaa u naxariisan Eebbe, illeen Eebbe waa adkaade fal sane.
  2. Wuxuu u yaboohay Eebbe mu’miniinta rag iyo haweenba Jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyaal- kii iyagoo ku waari dhexdeeda, iyo guryo wanaagsan oo Jannada Cadni [nagaadiga] raalli-ahaanshaha Eebbaana ka wayn, arrintaasuna waa uun liibaanta wayn.

 

Aayadahani waxay caddeyn in mu‘miniintu rag iyo haweenba sokeeye iyo qaraabo isu-gargaara yihiin, wanaaggana is-faraan, xumaantana iska-reebaan, salaaddana si wanaag ah u oogaan, zakadana bixiyaan Eebbe iyo Rasuulkiisana adeecaan, waana kuwa naxariista Eebbe awoodda lehe falka san muta. Wuxuuna Eebbe u yaboohay Jannooyin aan laga guuraynin oo wabiyaal dhex socdaan, isagoo raalli-ahaanshaha Ilaahay ka wayn yahay, waana liibaanta ugu wayn arrintaasi, waxaana halkaas ka muuqda siday u kala duwan yihiin tilmaanta munaafiqiinta iyo tan mu’miniinta, waxaana kamid ah tilmaanta mu‘miniinta inay isku-tiirsanaadaan, isuna naxariistaan, siduu Rasuulku yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Mu‘minku mu‘minka wuxuu u yahay sida dhista qaarkeed qaarka kale u xoojiyo,” iyo xadiithka kale ee caddayn inay jidh kaliya yihiin isuna xanuunsan, sidaas darteed khilaaf-badane, xumaan-fale, naxariis-yare, ma-gargaare, mu‘min toosan ma yahay? At-Tawbah (71-72)

 

  1. Nabiyow la jahaad gaalada iyo munaafiqiinta, kuna darrow dheelmadkooduna waa Naarta Jahannamo iyadaana u xun meel loo ahaan.
  2. Waxay ku dhaaran inayna dhihin [hadal xun] iyagoo yidhi hadal gaalnimo ayna gaaloobeen Islaamnimo [muuq ah] kadib, ayna dooneen waxayna gaadhin, waxayna ku naceen ku hodanaynta Eebbe iyo Rasuulkiisa fadligiisa, hadday tawbad-keenaan khayr bay u tahay, hadday jeedsadaanna wuxuu Eebbe cadaabi cadaab daran adduun iyo Aakhiraba, gargaarana kuma leh dhulka dhexdiisa iyo sokeeye midna.

 

Eebbe wuxuu faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu la jahaado gaalada iyo munaafiqiinta kuna darraado ayna ka helin jileec illeen hoygoodu waa Naartii Jahannamee, waxayna ku dhaartaan been iyo gaalnimo intay Islaamnimo muuq ah muujiyeen kadib, wax xunna way dooneen, waxayna la cadhoodeen u-nicmeynta Eebbe iyo Rasuulkiisa, hadday tawbad-keenaanna way u fiican tahay, hadday jeedsadaanna Eebbe wuxuu u-cadaabi si daran adduun iyo Aakhiraba, mana helayaan gargaare. Taasina waxay ku tusin xumaanta gaalada, munaafiqiinta, diin-laawayaasha iyo Xaq-diidayaasha, ayna habboon tahay in laga foojignaado. At-Tawbah (73-74)

 

  1. Waxaa kamid ah kuwo la ballamay Eebbe hadduu wax ka siiyo fadligiisa inuu sadaqaysto noqdana kuwa suubban.
  2. Markuu wax ka siiyey fadligiisa ay ku bakhayleen jeedsadeenna iyagoo diidi.
  3. Wuxuu ku reebay quluubtooda munaafiqnimo tan iyo maalintay la kulmi ku-baajintooda Eebbe waxay kula ballantameen iyo beenintoodii darteed.
  4. Miyeyna ogayn in Eebbe ogyahay qarsoodigooda iyo muuqooda iyo in Eebbe ogyahay waxa maqan?
  5. Waa kuwa ku ceebayn kuwa sadaqaysan oo mu‘miniinta ah sadaqadooda iyo kuwaan helaynin tabartooda mooyee, way ku jeesjeesi Eebbana wuu kula macaamiloon abaalkooda waxayna mudan cadaab daran.

 

Waxaa kamid ah dabeecadda munaafiqiinta inay ceebeeyaan Muslimiinta waxna ka sheegaan, iyo inay buriyaan ballanka, markuu Eebbe wax siiyana ay ka gaaloobaan nicmada, kuna bakhaylaan si qalbigoodu ugu waarto munaafiqnimo iyo kufri caloolo, illeen waxay baajiyeen ballankii Eebbe waxayna beeniyeen Xaqii, sidii iyagoon ogayn Eebbe qarsoodigooda iyo muuqooda iyo waxa maqan, waxayna sheegaan fasirayaashu inay aayaduhu kusoo degeen nin la dhihi jiray Thaclaba oo xoola batay markaas ka tagay cibaadadii Eebbe zakadiina diiday, cid kastase way u taallaa hadday Xaqa ka leexato, mana habboona in mu‘miniinta lagu ceebbeeyo waxa yar ee ay awoodaan hadday sadaqaystaan, ciddii ceebeysana Eebbaa ka abaal-marin oo u-ciqaabi si daran, waxaana la sheegay in Cabdiraxmaan binu Cawf sadaqaystay wax badan asxaabi kalana ku deeqay wax yar markaasay munaafiqiintii dureen labadiiba. Diinta Islaamkuna ma rabto ceebeynta, xumaan-sheegga iyo xaqiraadda Muslimiinta. At-Tawbah (75-79)

 

  1. Ama u dambi-dhaaf warso ama ha u dambi-dhaaf warsanin, haddaad u dambi-dhaaf warsato toddobaatan jeer uma dambi-dhaafo Eebbe, illeen iyagu waxay ka gaaloobeen Eebbe iyo Rasuulkiisa, Eebbana ma hanuuniyo qawmka faasiqiinta ah.
  2. Waxay ku farxeen kuwii kadib dhacay fadhigoodii Rasuulka gadaashiisa, waxayna naceen inay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda Jidka Eebbe, waxayna dheheen, “Haku bixina kulaylka,” waxaad dhahdaa, “Naarta Jahannamo yaa ka kulayl daran,” hadday wax kasi.
  3. Ee ha qosleen wax yar [adduunka] hana ooyeen wax badan [Aakhiro] iyadoo laga abaal-marin waxay kasbadeen.
  4. Hadduu kuusoo celiyo Eebbe koox kamid ah oy kaa idin waydiistaan bixid waxaad dhahdaa, “Bixi maysaan la-jirkayga waligiin, lana dagaallami maysaan col la-jirkayga illeen waxaad jeclaateen fadhi markii horaba ee la fadhiya kuwa dib-maray.”

 

Munaafiqiintu ma mutaan in loo dambi-dhaaf warsado, wuxuuna Eebbe Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ka reebay inuu u dambi-dhaaf warsado, illeen waxay ka gaaloobeen Eebbe iyo Rasuulkiisa, waxayna noqdeen faasiqiin aan hanuunayn, kuna farxay inay ka hadheen Jahaadka Nabigu u baxay, reebtayna xoolahoodii iyo naftoodii, isuna dardaarmay inayna kulaylka ku bixin, waxaase ka dambaysa Naartii Jahannamo hadday wax kasi, ee addunka wax yar ha qosleen, Aakhiray wax badan ooyiye, waxaana laga abaal-marin waxay kasbanayeen, hadday koox kamid ah doonaan inay idin la baxaan diida inay idin la baxaan ama dagaal idin la galaan illeen waa kuwii markii horaba iska fadhiistaye oo nacay Jahaadkee munaafiqiinna waa colka Muslimiinta. At-Tawbah (80-83)

 

  1. Haku tukanin mid kamid ah oo dhinta waligeed, hana kor is-taagin qabrigiisa, illeen waxay ka gaaloobeen Eebbe iyo Rasuulkiisa waxayna dhinteen iyagoo faasiqiin ah.
  2. Ee yeyna ku yaab-galinin xoolahoodu iyo carruurtoodu, wuxuu uun Eebbe dooni inuu ku cadaabo adduunka ay baxdana naftooduna iyagoo gaalo ah.
  3. Marka lasoo dejiyo suurad [dhihi], “Rumeeya Eebbe Jahaadana la-jirka Rasuulkiisa,” waxaa idan ku warsada kuwa awoodda leh oo kamid ah waxayna dhahaan, “Na daa aan noqonno kuwa fadhiyee.”
  4. Waxay ka raalli-noqdeen inay noqdaan kuwa dib-maray, waxaana la daboolay quluubtooda waxna ma kasayaan.

 

Eebbe wuxuu ka reebay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu ku tukado una duceeyo ciddii munaafiqiinta kamid ah oo dhimata iyo inuu qabrigeeda kor is-taago, illeen waxay ka gaaloobeen Eebbe iyo Rasuulkiisa, waxayna ku dhinteen iyagoo faasiqiine, waxaana la sheegay inay ku soo dagtay aayaddu xaalkii munaafiqiinta, sida Cabdullaahi binu Ubayyi. Waana inaadan la yaabin ama waynaysanin xoolaha iyo carruurta munaafiqiinta, adduunkana waa lagu cadaabi waxayna dhiman iyagoo gaalo ah, marka Jahaadka la farana waxaa inay iska hadhaan warsada kuwa awoodda leh oo kamid ah, iyagoo jecel inay xaaska iyo dadka tabarta yar la hadhaan. Waxaana la daabacay qalbigooda waxna ma kasayaan. Suuradduna wax badan yey ka warrami xaalka munaafiqiinta, waxaase habboon in laga digtoonaado camalkooda iyo habkooda oo kale. At-Tawbah (84-87)

 

  1. Rasuulkase iyo kuwa rumeeyey ee la jira way ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda waxaana kuwaas u sugnaaday khayraad, kuwaasuna waa Rasuulkase iyo mu‘miniinta la jira ee Xaqa rumeeyey waxay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda, waxayna mudan wanaag waana kuwa liibaanay, waxayna gali Jannooyin ay ku waari, waana liibaanta wayn.

 

Had iyo jeerna way cudur-daaran jireen reer-baadiyaha kuwa kamid ah, wayna iska fadhiisteen kuwii beeniyey Eebbe iyo Rasuulkiisa, waxaase haleeli cadaab daran. Taasina waxay muujin xumaanta nolosha munaafiqiinta iyo siday qas iyo lab iyo wareerin ugula dhex noolaayeen Muslimiinta, munaafiqiinna wanaag iyo sharaf waa ka fog yihiin. At-Tawbah (88-90)

 

  1. Wuxuuna u darbay Eebbe Jannooyin oy socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo ku waari dhexdeeda taasina waa liibaan wayn.
  2. Waxaa yimid kuwii cudur-daaranayey oo reer-baadiyaha ahaa in loo idmo [dib-mar] waxaana iska fadhiistay kuwii beeniyey Eebbe iyo Rasuulkiisa, waxaana ku dhici kuwii gaaloobay oo kamid ah cadaab daran.
  3. Dhib ma saarra kuwa tabarta yar, kuwa buka iyo kuwaan helayn waxay bixiyaan, hadday u naseexeeyaan [Diinta] Eebbe iyo Rasuulkiisa, kuwa sama-falana jid laguma leh Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.
  4. Kuwiina dhib ma saarra kuu yimid inaad xambaarto [gaadiid siisid] markaas aad ku tidhi, “Ma helayo waxaan idinku xambaaro,” markaas jeedsaday iyagoo indhahoodu la daadan illin walbahaar inayna helin waxay bixiyaan.
  5. Waxaa uun jid lagu leeyahay kuwa ku idan-warsada iyagoo hodanna oo ka raalli-noqday inay kamid noqdaan kuwa hadhay [xaaska] wuxuuna Eebbe daabacay quluubtooda waxna ma oga.

 

Jahaadkuna ma aha in cid walba lagu dhibi ee waxaa uun laga rabaa ciddii awoodda, saas darteed dambi ma saarra kuwa tabarta yar, kuwa buka, kuwaan helayn waxay ku bixiyaan Jahaadka, hadday niyad-samaadaan, sidoo kale dambi ma saarra kuwii Nabiga u-yimid iyagoo warsan inuu siiyo gaadiid ay ku jahaadaan, markaas noqday iyagoo ooyi oo walbahaarsan inayna helin waxay bixiyaan, waxaase jid lagu leeyahay kuwa xoolaha leh oo jeclaaday inay kamid noqdaan kuwa iska fadhiistay, waana kuwo la daabacay qalbigooda oon wax ogayn, taasina waxay muujin waajibnimada Jahaadka, difaaca Xaqa iyo Diinta Islaamka, iyo inaan waxba laga hagranin u-shaqaynta Diinta iyo Xaqa. At-Tawbah (91-93)

 

  1. Way idiin cudur-daaran markaad u noqotaan xaggooda, waxaad dhahdaan, “Ha cudur-daaranina idiin rumeyn meynee, wuu nooga warramay Eebbe xaalkiinne, Eebbana wuu arkaa camalkiinne iyo Rasuulkiisu, markaasna waxaa laydiin celin Eebbaha og waxa maqan iyo waxaa muuqdaba oo idiinka warrami waxaa camal-falayseen.
  2. Way idiin dhaaran markaad u gaddoontaan xaggooda inaad ka jeedsataan ee iskaga jeedsada iyagu waa wasakhe hoygooduna waa Jahannamee waana ka abaal-marin waxay kasbanayeen.
  3. Way idiin dhaaran inaad ka raalli noqotaan, haddaad ka raalli noqotaan Eebbe kama raalli noqdo qawmka faasiqiinta ah.

 

Markay Muslimiintii u baxeen dagaalkii iyo Jahaadkii Tabuuk munaafiqiintii way iska hadheen iyagoo wax dana ah sheegsheegan, markay Muslimiintii kusoo noqdeen Madiinnana waxay billaabeen munaafiqiintii inay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ay u cudur-daarani Eebbase waa ogyahay dhaartooda beenta ah iyo cudurdaarkooda aan wax-ka-jirin oy ku dooni inay ku raalli-galiyaan Muslimiinta, waase kuwo xun oo gali Naarta Jahannamo, Eebbana kama raalli aha camalkooda. Taasina waxay kuu adkeyn sidaan wax badan soo sheegnay inaan munaafiq, gaal, diin-laawe iyo Muslim waxba ka dhaxaynin isku ujeeddana ahayn, kala qaadeenna labo waddo oo kala duwan. At-Tawbah (94-96)

 

  1. Reer baadiyahaa ugu daran gaalnimada iyo munaafaqnimada, mudanna inayna waxba ka ogayn xuduudda [soohdimaha] waxa Eebbe kusoo dejiyey Rasuulkiisa, Eebbena waa oge fal san.
  2. Reer baadiyaha waxaa kamid ah kuwo ka-yeelan waxay bixin dayn-bax oo kale, oo idin la sugi dhibaato korkooda ha ahaato wareegga xumaanta, Eebbana waa maqle og.
  3. Reer baadiyaha waxaa kamid ah kuwa rumeyn Eebbe iyo maalinta Aakhiro kana yeelan wuxuu bixin dhawaansho Eebbe agtiisa, iyo u ducaynta Rasuulka [iyaga] taasi waa dhawaanshahooda wuxuuna galin Eebbe naxariistiisa, illeen Eebbe waa dambi-dhaafe naxariista.

 

Dadkii reer Madiina ma wada sinnayn isku midna ma aha, waxaa kamid ahaa reer-baadiyaha kuwo gaalnimada iyo munaafiqnimada ku fogaaday oo jaahiliin ah, iyo kuwo waxa la faray inay bixiyaan oo zaka ah iyo wixii lamid ah kala mid yeeli dayn-gud oo kale oo culays ku yahay xumaanna la jecel Muslimiinta, kuwaas balaayadu haku dhacdo. Waxaase kamid ahaa reer-baadiyihii Madiina kuwo rumeeyey Eebbe, Aakhiro, waxay bixinna ka yeelan sadaqo iyo dhawaansho Eebbe iyo in Rasuulku u duceeyo, waxayna u noqon sadaqo iyo u-dhawaansho Eebbe, wuxuuna gelin Eebbe naxariistiisa. Saasayna u kala tageen Muslim iyo munaafaq iyo gaal, Muslim wuxuu mudan yahay liibaan, guul iyo naxariista Eebbaha awoodda leh. At-Tawbah (97-99)

 

  1. Kuwii ku dheereeyey [khayrka] ee horreeyey oo kamid ah Muhaajiriinta iyo Ansaar iyo kuwii ku raacay wanaagga Eebbaa ka raalli noqday iyana way ka raalli noqdeen, wuxuuna u darbay Jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo ku waari waligood, taasina waa liibaan wayn.
  2. Gaararkiinna waxaa kamid ah reer-baadiye munaafiqiin ah, reer Madiinana [waa kamid] waxay ku madax taageen munaafaqnimo, ma ogidin annagaase og, waxaannu cadaabi labo jeer, markaasaa loo celin cadaab wayn.
  3. Kuwo kalana waxay qirteen dambigooda, waxayna isku khaldeen camal fiican iyo mid kale oo xun, Eebbe wuxuu mudan yahay inuu ka tawbad-aqbalo, illeen Eebbe waa dambi-dhaafe naxariista.

 

Kuwii wanaagga ku horreeyey oo Muhaajiriintii iyo Ansaar kamid ah iyo inta wanaagga ku raacda Eebbaa ka raalli noqda, iyana way ka raalli noqdaan, wuxuuna u darbay Jannooyin ay ku waari waligood, waana liibaanta u wayn, mar kale waxay aayaduhu ka warrameen in gaararka magaalada Madiina ahaayeen munaafiqiin, xataa magaalada dhexdeeda waxaa jiray kuwo ku dheeraaday munaafaqnimada dadkuse ma oga ee Eebbe un baa og wuxuuna u ciqaabi si daran, kuwo kale yaase jiray oo isku daray camal fiican iyo mid xun qirtayna dambigoodii mudanna in Eebbe u dambi-dhaafo. Ruuxuna hadduu dambaabo waa inuu Eebbe si dhab ah ugu noqdaa uguna tawbad-keenaa. At-Tawbah (100-102)

 

  1. Ka qaad xoolahooda xaggooda sadaqo [zakada] ood ku daahirin kuna nadiifin una ducee illeen ducadaadu waxay u noqon xasile, Eebbana waa maqle og.
  2. Miyayna ogayn in Eebbe ka aqbalo tawbadda addoomadiisa kana qaado sadaqada [aqbalo] iyo in Eebbe yahay kan tawbad aqbalka badan ee naxariista.
  3. Waxaad dhahdaa, “Camal fala wuu arki Eebbe camalkiinna iyo Rasuulkiisu iyo mu‘miniintu waxaana la idiin celin xagga [Eebbaha] og waxa maqan iyo waxa jooga idiinkana warrami [abaal-marin] waxaad falayseen.
  4. Kuwo kalana waxaa dib loogu dhigay amarka Eebbe inuu cadaabo iyo inuu ka tawbad-aqbalo, Eebbana waa oge falsan.

 

Eebbe wuxuu faray Rasuulkiisa (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu ka qaado xoolaha Muslimiinta zako uu ku daahirin uguna ducayn, illeen ducadiisu waa xasilloonida Muslimiintee, zakaduna ma aha wax la dhaafi karo ama la fudaydsan karo, Nabiguna (naxariis iyo nabad galyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu ahaa mid u duceeya ruuxii zako keena, sidii haweenaydii uu ku yidhi, “Eebbe ha u naxariisto adiga iyo ninkaagaba.” Eebana wuxuu ka aqbalaa adoomadiisa sadaqaduu ka qaado, wax kastoo la fali waa la arki waxaana dadka loo celin Eebbaha og waxa maqan iyo waxa jooga uu kana abaal-marin, waxaana xadiith ku sugnaaday, “Haddii ruux camal ku falo dhagax aan albaab iyo daaqad lahayn wuxuu u muujin Eebbe dadka meeshuu doono ha ahaadee. Taasina waxay muujin naxariista Eebbe, adayga zakada ogaanshaha Eebbe wax walba, u-ducaynta dadka zakada bixiya. Aayadaha danbana waxay ka warrami dad dib uga dhacay duullaankii Tabuuk markay tawbad-keeneenna xaalkoodii dib Eebbe u dhigay ugu danbayntiina Eebbe wuu ka aqbalay tawbadii illeen Eebbe waa naxariistee, inkastoy xun tahay in Jahaadka laga hadho ama laga wahsado. At-Tawbah (103-106)

 

  1. Waxaa kamid ah kuwo u yeeshay masaajid gaalnimo, kala-goynta mu‘miniinta iyo darbidda cid la dagaallanta Eebbe iyo Rasuulkiisa mar hore waxayna ku dhaaran inaanaan doonayn waxaan wanaag ahayn Eebbana waa ogyahay inay been sheegi.
  2. Ha joogsan dhexdiisa waligaa. Masaajid lagu billaabay maalintii horaba dhawrsasho yaa mudan inaad joogsato dhexdiisa [masaajidka Nabiga iyo Quba] waxaa dhex jooga niman jecel inay is-daahiriyaan Eebbana wuu jecel yahay kuwa is-daahiriya.
  3. Ma ruux ku billaabay dhismihiisa ka dhawrsasho Eebbe iyo raalli noqoshadiisa yaa khayr-roon mise ruux ku billaabay dhismihiisa god dumi dhinaciis oo kula dhici Naarta Jahannamo Eebbana ma hanuuniyo qawmka daalimiinta ah.
  4. Kama tago dhismahooda ay dhiseen inuu ku jiro shaki quluubtoodu intay ka kala go’do [dhimatana] quluubtoodu, Eebbana waa oge falsan.

 

Aayaduhu waxay soo dageen mar nin munaafaq ahaa oo dhib badnaa oo la dhihi jiray Abuu Caamir uu ka dhisay masaajidka Quba ee Madiina agtiisa uuna masaajid ku magacaabay si ciddii xumi ugu gabbato ama ugu shiraan dhibka Muslimiinta, kuna kala geeyo Muslimiinta. Eebbana wuu ka reebay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu ku tukado, illeen waxaa loo dhisay dhib Muslim iyo gaalnimee iyo xumaane, waxaase mudan in lagu tukado masaajidka khayrka iyo wanaagga lagu billaabay markii horaba, dad nadiif ah oo Eebbe jecel yahayna ku tukadaan, isku-midna ma aha dhismo khayr iyo dhismo shar oo dumi oo Jahannamo ku ridi ciddii dhista, oo shaki, munaafaqnimo iyo xumaan beeri, halkaasna waxaa kaaga muuqda xumaanta kala-gaynta Muslimiinta haba lagu kala-geeyo magac khayr u muuqdee, sida masaajidka iyo waxyaabo kale, waxaase fiican oo waajib ah isku-duubnida Muslimiinta. At-Tawbah (107-110)

 

  1. Eebbe wuxuu kaga gatay mu’miniinta naftooda iyo xoolahooda inay Janno u ahaato iyagoo ku dagaallami Jidka Eebbe oy waxna dili iyana la dili, waana yabooh ku sugan [dhab ah] Tawreed iyo Injiil iyo Qur’aanka, yaa ka oofin badan ballankiisa Eebbe? Ku-bishaaraysta gadiddii ood gaddeen kaasina waa uun liibaanta wayn.
  2. Waa kuwa tawbad-keena, ee caabuda [Eebbe] ee mahdiya, ee saa‘ixiinta ah [sooma oo jahaada] ee rukuuca ee sujuuda, ee fara wanaagga reebana xumaanta, ee dhawra xuduudda Eebbe, ee u-bishaaree mu‘miniinta.

 

Eebbe waa naxariis badan yahay, isagaa abuuray dad, xoolaha, isagaana leh oo hanta naftooda, iyo xoolahooda, iyo Jannaba, haddana kaga gatay mu‘miniinta naftooda iyo xoolahooda Janno, hadday jahaadaan oy Xaqa daafacaan, ama wax ha dileen ama iyaga hala dilee, waana yabooh adag oo Eebbe ku yaboohay Tawreed, Injiil, iyo Qur’aanka, wax Eebbe ka oofin badan ballanna ma jiro, ee ciddii ballan ka qaadda haku bishaaraysato iibkooda ah liibaanta u wayn, kuwaasuna waa kuwa tawbad-keena, ee Ilaah caabuda, ee mahdiya, ee sooma, jahaadana khayrkana u socdaala, ee salaadda ku dadaala, samahana fara, xumaantana reeba, dhawrana xuduudda Eebbe, waana loo bishaareeyey mu‘miniinta. Aayaduhuna waxay muujin qiimaha Jahaadka, naxariista Eebbe, sharafta iyo wanaagga mu‘miniinta, faridda wanaagga, reebidda xumaanta iyo bishaarada mu‘miniinta. At-Tawbah (111-112)

 

  1. Kuma habboona Nabiga iyo kuwa rumeeyey [Xaqa] inay u dambi-dhaaf warsadaan mushrikiinta [gaalada] haba ahaadeen qaraabadoodee intay u caddaatay kadib inay ehelka Naarta Jaxiima yihiin.
  2. Ma ahayn u dambi-dhaaf dooniddii [Nabi] Ibraahiim aabbihiis ballan uu u yaboohay mooyee, markayse u caddaatay inuu col Eebbe yahay wuu iska bari yeelay xaggiisa [Nabi] Ibraahiim wuxuu ahaa duco [baryo] badanaha [Eebbe] oo dul badan.
  3. Eebbana ma aha mid dhumiya qawm intuu hanuuniyey kadib intuu uga caddeeyo waxay ku dhawrsadaan, Eebbana wax kasta waa ogyahay.
  4. Eebbena waxaa u-sugnaaday xukunka samooyinka iyo dhulka isagaana wax nooleeya waxna dila, isagaana wax kasoo hadhayna oo wali ah ama gargaara ah ma lehidiin.

 

Geeridii Abuu Daalib yey soo degtay aayaddu, wuxuuna Eebbe reebay in loo dambi-dhaaf warsado cid ku dhimatay waxaan Islaamka ahayn qaraababa ha ahaatee, mar hadday caddaato inay Naarta ehelkeeda noqon, Nabi Ibraahiimse wuxuu uun u yaboohay aabbihiis inuu u dambi-dhaaf warsan markayse u caddaatay inuu col Eebbe yahay wuu iska bari yeelay illeen Nabi Ibraahiim wuxuu ahaa tawbad-keen badane dulsan. Caddaaladda Eebbana waxaa kamid ah inuusan cidna dhuminin isagoon u caddaynin waxa Xaqa ah oy ku dhawrsadaan, illeen wax walba wuu ogyahaye, wuxuuna leeyahay xukunka samooyinka iyo dhulka, waxna waa dilaa waxna nooleeyaa, wax kasoo hadhay oo gargaarina ma jiro. Taasina waxay muujin awoodda Eebbe iyo inaan cidna isku hallayn wanaagga cid kale iyo inaan jacayl cidna lagu hanuunin karin. At-Tawbah (113-116)

 

  1. Wuxuu Eebbe ka tawbad-aqbalay Nabiga, Muhaajiriinta iyo Ansaartii raacday saacaddii cidhiidhiga intay u dhawaatay inay iilato quluub koox kamid ah kadib, markaasuu ka tawbad-aqbalay, illeen waa u-turaha u naxariistee.
  2. Saddexdiina wuu [ka tawbad aqbalay] la dib-mariyey intuu kaga cidhiidhyamo dhulku isagoo waasac ah, kuna cidhiidhyantay naftoodu una maleeyeen [yaqiinsadeen] inayna jirin meel la magan-galo oon Eebbe ahayn, markaas Eebbe ka tawbad aqbalay inay tawbad-keenaan, Eebbana waa tawbad-aqbale naxariista.
  3. Kuwa Xaqa rumeeyow, ka dhawrsada Eebbe noqdana la-jirka kuwa runta badan.

 

Aayadahani waxay kusoo degeen duullaankii Tabuuk, wuxuuna ahaa waqti aad u daran oo kulul, oo socdaal dheer, illeen Madiina iyo Tabuuk waa kala dheer yihiin marka lug lagu socdee, wuxuuna Eebbe waafajiyey wanaagga Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) iyo Muhaajiriintii iyo Ansaartii raacday saacaddii dhibka markay u dhawaatay in quluub dad badan iilato oo leexato Eebbase ka tawbad-aqbalay illeen waa u-turaha naxariistee. Saddexdii la dib-mariyeyna Eebbaa ka tawbad aqbalay oo kala ahaa: Kacab binu Maalik, Maraaro binu Rabiic iyo Hilaal binu Umayya, waxayna ahaayeen niman fiicane markaas un bay naftoodu sirtay wayse run sheegeen Eebbana waa ka-tawbad-aqbalay, markay naftoodii la cidhiidhyantay, dhulkuna ku yaraaday isna-neceen, waxaana lala hadlin kontan maalmood wax ku dhaw, arrintaasuna waxay caddayn in Jahaadka loo darbado loona baxo markuu waajibo, in runta la sheego laguna socdo, Eebbana lagu xidhnaado, loona tawbad-keeno, kuwa runta sheega ee fala lala jiro, Muslimiintana aan la khayaamin, lana guntin-furin iyo in la edbiyo ciddii fasha waxyaalaha kala guntin-fura Muslimiinta. At-Tawbah (117-119)

 

  1. Kuma habboona [uma bannaana] reer-Madiino iyo kuwa gaararkeeda ah oo baadiyaha Carbeed ah inay ka gadaal-maraan Rasuulka Eebbe oy kana jeclaadaan naftooda naftiisa, illeen wixii ku dhaca oo oona, ama dhib ah ama gaajo ah Jidka Eebbe dhexdiisa ama meeshey ku joogsadaan oo cadho galin gaalada iyo waxay gaadhsiiyaan colka [dhammaan] waxaa loogu dhigi camal suubban, Eebbana ma halleeyo ajirka samo-falayaasha.
  2. Waxay bixiyaan oo yar ama wayn iyo togay gooyaanna waa loo qori inuu ka abaal-mariyo Eebbe wanaagga waxay falayeen.
  3. Mana aha inay mu‘miniinta oo dhan baxaan, ee may koox kastaba qaar ka baxdo inay Diinta kasaan, una digaan dadkooda markay usoo noqdaan waxay u dhawdahay inay digtoonaadaane.

 

Aayadahanna wuxuu Eebbe ku caddayn inayna ku habboonayn reer-Madiino iyo kuwa daggan gaararkeeda inay ka gadaal-maraan Rasuulka markuu Jahaadka u baxo, kana jeclaadaan naftooda naftiisa, wixiise lagala kulmo Jidka Eebbe oo ah oon, dhib, gaajo ama meel kasta oo la maro oo gaalada ka cadhaysa ama wixii dhiba oo gaalada lagala kulmo wuxuu Eebbe ugu qori camal fiican, Eebbana ma halleeyo ajir iyo wanaag cidda fasho, sidoo kale wixii bixin ah ama ha yaraato ama ha waynaato iyo toggay gooyaan waxaa loogu qori ajirka u wanaagsan. Mana aha inaan cidna magaalada ku hadhin ee Jahaad loo wada baxo ee waa in si nidaam ah iyo qorsha ah qaarna u baxaan qaarna u maamulaan dadka iyo magaalada si ciddii baxday markay soo noqoto ay dadka wax ugu faa‘iideeyaan, taasina waxay ku tusin in Diinta Islaamku tahay Diin nidaam. At-Tawbah (120-122)

 

  1. Kuwa Xaqa rumeeyow, la dagaallama kuwa idinla xidhiidha ee gaalada ah, hana idinka heleen adayg, ogaadana in Eebbe la-jiro kuwa dhawrsada.
  2. Marka lasoo dejiyo suurad waxaa kamid ah kuwo [munaafiqiin ah] dhihi, “Kiinnay u-kordhisay iimaan?” Kuwa Xaqa rumeeyeyse waxay u kordhisay iimaan iyagoo bishaaraysan.
  3. Kuwa quluubta ka bukase waxay u kordhisaa xumaan xumaantoodii [kale] wayna dhintaan iyagoo gaalo ah.
  4. Miyeyna arkayn in la imtixaamo sanad kasta hal jeer ama labo jeer markaas ayan tawbad-keenin xusuusanaynna?
  5. Marka lasoo dejiyo suurad way dayaan munafiqiinta qaarkood qaar waxayna is-dhahaan “Ruuxna maydin arkaa?” markaasay gaddoomaan, Eebbe ha iilo quluubtooda illeen waa kuwo aan wax kasayn.
  6. Waxaa idiin yimid Rasuul idin kamid ah oyna ku daran tahay waxa idin dhiba, idiin kuna dadaali, una turid iyo naxariis badan mu’miniinta.
  7. Haddayse jeedsadaan dadku waxaad dhahdaa kaalmeeyahaygu waa Ilaahay, Eebbe mooyee ilaah kalana [xaq lagu caabudo] ma jiro isagaana talo saartay waana Eebbaha Carshiga wayn.

 

Aayadda hore waxay fari in lala jahaado gaalada la-dariska ah Muslimiinta illeen dhib iyo xumaan lagama waayee, oy kuna ogaadaan Muslimiinta adayg iyo xoog, illeen Eebbaa la jiree, tan kale waxay ka warrami munaafiqiintii marka Qur’aanku soo dego is-warsan jiray ruuxuu wax rumayn ah u kordhiyey, mu‘miniintase waxaa u kordha iimaan koodii hore ka-sokow, munaafiqiintuse cudur iyo xumaan yey kororsadaan, iyagoo gaalo ah yeyna dhintaan, kumana waana qaataan imtixaanka had iyo jeer, wayna cararaan oo dusaan marka Qur’aan lasoo dejiyo illeen qalbigoodaa Eebbe iilay waxna ma kasayaane, wuxuuna Eebbe usoo diray Muslimiinta Rasuul kamid ah oo wanaaggooda jecel xumaantoodana neceb, una dadaala mu‘miniinta, una naxariis badan, ciddiise Xaqa ka jeedsata waxba kama saarra, illeen Eebbaa kaafiyee, isaga mooyee ilaah kalana ma jiree, lana talo saaran, lehna awood iyo Carshiga wayn, saasayna ku dhammaatay suuraddii iyadoo caddaysay wax badan oo Jahaad, wax-bixin, ballanka, munaafiqiin, iyo inuu Rasuulku yahay naxariis loosoo diray caalamka khayrna la jecel. At-Tawbah (123-129)

 

Suurat Yuunus

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Alif. Laam. Raa. [Waxay ku tusin mucjisada Qur’aanka.] Taasina waa aayaadka Kitaabka falka san.
  2. Dadka ma waxaa la-yaab ku noqotay inaan u waxyoon nin kamid ah u-dig dadka, uguna bishaaree kuwa rumeeyey inay ku leeyihiin camal fiican Eebbahood agtiisa, waxay dheheen gaaladiina, “Kani waa sixirrow cad.”
  3. Eebbihiin waa kan ku abuuray samooyinka iyo dhulka lix maalmood markaas ku istiwooday Carshiga isagaana maamula amarka wax shafeecina idinkiisa la‘aantiisa ma jiro, kaasi waa Eebbihiinna idin barbaariya ee caabuda, miyeydaan wax xusuusanayn?

 

Qur’aanka waxaa ku dhan xikmo iyo sharaf, gaaladuna waxay la yaabeen in ruux kamid ah lagusoo dejiyo waxyi inuu u-digo dadka una bishaareeyo kuwa Xaqa rumeeyey ee wanaag ku leh Eebbe agtiisa, gaaladuna waxay ku sheegeen in Nabigu saaxir yahay, Eebbaha Xaqa ahna waa kan abuuray cirka iyo dhulka isagoo awood, sharaf iyo qudraba mudan, isagaa wax maamula, wax shafeeci kara idinkiisa la‘aantiisna ma jiro, isagaana mudan in la caabudo. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Markuu Eebbe bixiyey Nabiga Muxamad ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yey beeniyeen Carabtu iyagoo sheegi in Eebbe ka wayn yahay inuu soo diro Nabi dad ah, markaasaa Eebbe soo dejiyey aayadda. Taasina waa doqonnimadii iyo madax-adaygoodii, maxaa yeelay dad waa in uun dad loo soo diro si uu u toosiyo. Yuunus (1-3)

 

  1. Xaggiisaa laydiin celin dhammaan yabooha Eebbena waa Xaq, Eebbaa billaaba abuurka haddana soo celin inuu ku abaal-mariyo kuwa rumeeyey [Xaqa] oo falay camal fiican, si caddaalad ah, kuwa gaaloobayna waxaa u sugnaaday cabbid kulul iyo cadaab daran gaalnimadooda darteed.
  2. Eebbe waa kan ka yeelay qorraxda ifid dayaxana nuur una qaddaray meelo ay socdaan, inaad ogaataan tirada sanooyinka iyo xisaabta wuxuu u abuuray Eebbe arrintaas xaq wuxuuna u caddayn aayaadka ciddii wax og.
  3. Is-baddalka habeenka iyo maalinta iyo abuurka Eebbe ee samooyinka iyo dhulka aayad baa ugu sugan ciddii dhawrsan.

 

Xagga Eebbaa loo noqon dhammaan, yabooha Eebbana waa dhab oo ah in si caddalad ah loogu abaal-mariyo kuwa wanaaggaa falay Janno kuwa gaaloobayna cadaab daran. Eebbana waa kan dadka ugu nicmeeyey qorraxda ifi iyo dayaxa nuuri si waqtiga iyo xisaabta loogu garto, habeenka iyo dharaarta is-baddelkeedana iyo abuurka cirka iyo dhulka waxaa ku sugan calaamooyin muujin xaqnimada Eebbe iyo awooddiisa, ciddii caqli leh oo Eebbe nuur u geliyey qalbiga wuxuu yaqiinsan waynida awoodda Eebbaha abuuray cirka, dhulka, qorraxda, dayaxa iyo khalqiga kalaba mudanna in la caabudo. Yuunus (4-6)

 

  1. Kuwaan rajaynayn la-kulankannaga kuna raalli-noqday nolosha dhaw kuna xasilay iyo kuwa halmaansan aayaadkannaga.
  2. Kuwaas hoygoodu waa Naar waxay kasbanayeen darteed.
  3. Kuwa rumeeyey Xaqa oo falay camal wanaagsan wuxuu ku hanuunin Eebbahood iimaankooda waxaana socon dhexdooda wabiyadii Jannooyinka naciimo dhexdeeda iyagoo ku sugan.
  4. Yeedhidooduna dhexdeeda waa Eebbow waad nazahan tahay, bariidadooduna waa [nabadgalyo] salaan, ducadooduna waxaa ugu dambayn mahad Ilaah baa leh Eebbaha caalamka ah.
  5. Hadduu Eebbe u dedejiyo dadka xumaanta siday khayrka u dedejistaan waxaa loo dhammayn lahaa ajashooda, waanuse ku dayn kuwaan rajaynayn la-kulankannaga fasaadkooda iyagoo ku wareersan.

 

Wuxuu Eebbe kaga warramay aayadahan xaalka kuwaan Eebbe la-kulankiisa rajaynayn, oo adduunyada ka raalli-noqday, kuna xasilay, halmaamayna aayaadka Eebbe ee Naari u sugnaatay, iyo kuwa rumeeyey Xaqa wanaaggana falay oo iimaankoodu hanuunin Jannada nicmadeedana ku waari, hadalkooduna yahay xuska Eebbe iyo salaan iyo mahad Eebbe, waana labo kooxood oo kala fog, oo midna khasaaray midna liibaanay. Tan kale hadduu Eebbe ugu dedejiyo dadka xumaanta sida khayr waa la dhammayn lahaa, wuxuuse u dayn daalimiinta xumaanta iyagoo ku indha-la‘ mana ku habboona ruux caqli leh inuu dedejisto shar iyo xumaan, waxaana xadiith ah: “Naftiinna, carruurtiinna iyo xoolihiinna ha habaarina ood waafaqdaan saacad ijaabo oo laydinka aqbalo.” Yuunus (7-11)

*hoostooda ama hortooda

 

  1. Markuu taabto dadka dhib wuu na baryayaa isagoo jiifa, ama fadhiya ama taagan, markaan ka faydno dhibkana wuu iska socdaa sidii isagoon na baryinba dhibkii taabtay, saasaa loogu qurxiyey xad-gudbayaasha waxay falayeen.
  2. Waxaan halaagnay quruumo idinka horreeyey markay dulmi faleen, waxayna ula timid Rasuulladoodii xujooyin, mana ayan rumeynayn, saasaana ku abaal-marinaa qawmka dambiilayaasha ah.
  3. Markaasaan idinka yeelay kuwo u hadha dhulka gadaashood inaan eegno sidaad fashaan.

 

Waxaa dadka dabeecaddiisa kamid ah in markuu bukoodo ama dhib taabto uu Eebbe baryaa isagoo jiifa ama fadhiya ama taagan, markuuse ka faydo dhibka uu iska dhaqaaqo sidii isagoon dhib taaban ama aan Eebbe horay u baryin, saasna waxaa loo qurxiyey xad-gudbayaasha, wuxuuna Eebbe halaagay ummado ka horreeyey gaaladaas markay dulmi faleen iyagooy Rasuulladoodii ula yimaadeen xujooyin oyna beeniyeen, saasuuna Eebbe ku abaal-mariyaa dambiilayaasha, idinkana laydiinku reebay dhulka gadaashood imtixaan iyo in Eebbe eego isagoo og waxa la falo. Waxaana xadiith ah, “Addunyadu waa macaan tahay waana cagaaran tahay, Eebbaana idinku reebay inuu eego waxaad fashaan, ee iska jira addunyada iyo haweenka.” Yuunus (12-14)

 

  1. Marka lagu akhriyo korkooda aayaadkannaga oo cad cad waxay dhahaan kuwaan rajaynayn la-kulankannaga, “Noo keen Qur’aan aan kan ahayn ama baddal,” waxaad dhahdaa “Igama suurowdo inaan ka baddalo agtayda, waxaan uun raaci waxa lay waxyoodo, waxaan ka cabsan haddaan Eebbe caasiyo cadaab maalin wayn.”
  2. Waxaad dhahdaa, “Hadduu doono Eebbe idinkuma akhriyeen idinmana ogaysiiyeen isaga, waxaan ku nagaaday dhexdiinna ka hor cimri ee miyeydaan wax kasayn.”
  3. Yaa ka dulmi badan cid ku been-abuuratay Eebbe ama beeniyey aayaadkiisa, illeen ma liibaano dambiilayaal?

 

Gaaladii Qureysheed ee Makkaad waxay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) marba wax warsadaan oo Xaqa ka jeedsadaanba waxay warsadeen inuu keeno Qur’aan kale oo kan ahayn, ama Qur’aanka wax ka baddalo, markaasuu Eebbe ku celiyey oo faray Nabigu inuu ku dhaho, “Iima suurowdo inaan baddalo, iskaba dhaaf inaan Qur’aan kale keenee, waxaanse raaci waxa lay waxyooday, illeen waxaan ka cabsan cadaab maalin daran haddan caasiyo Eebbahaye, waxaana jirtay inaan muddo idinla noolaa oonan wax idiin sheegin, ee Qur’aankan Eebbaa soo dejiyey, hadduu doona waxba idinkuma akhriyeen idinmana bareen ee miyeydaan wax kas ahayn?” Cid ka dulmi badanna ma jirto cid ku been-abuuratay Eebbe, ama beenisay aayaadkiisa, mana liibaano dambiile, waxayna ku tusin runnimada Qur’aanka, inuusan Nabigu iskala imaan karin waxna ka baddali karin, waxna ku dari karin, waxaad arki kartaa warkii Hiriqle, Cabdullahi binu Salaamo, Dimaam binu Thaclabo, Camar binu Caas iyo dad badan oo kale oo dhammaan sheegi runnimada Qur’aanka iyo Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee). Yuunus (15-17)

 

  1. Waxay caabudayaan Eebbe ka-sokow waxaan dhibayn anfaceyna waxayna odhan, “Kuwanu waa shafeecayaalkannaga Eebbe agtiisa,” waxaad dhahdaa, “Ma waxaad uga warramaysaan Eebbe wuxuusan ku ogayn samooyinka iyo dhulka? Wuxuu ka nazahan yahay oo ka sarreeyaa waxay la wadaajiyeen Eebbe.”
  2. Dadku wuxuu ahaa ummad kaliya markaasay is-khilaafeen, haddayan jirin kalimad Eebbahaa u horraysay waa la kala xukmin lahaa dhexdooda waxay isku diiddan yihiin.
  3. Waxay odhan gaaladu, “Maa lagaga soo dejiyo xagga Eebbahaa aayad?” Waxaad dhahdaa, “Waxa maqan Eebbe un baa iska leh, ee suga anuguna waan idinla sugiye.”

 

Eebbe wuxuu ku diidi gaaladii la-caabuday Eebbe wax kale iyagoo u-malayn inay wax tari ama u shafeeci, markaasuu Eebbe u sheegay in waxaan Eebbe ahayn wax anfacayn, wax Eebbe looga warramina uusan jirin, Eebbana wax walba oo xumaan ah waa ka nazahan yahay, dadkuna waxay ku sugnaayeen jid kaliya oo Xaqa ah, markaasay is-khilaafeen oo qaarba wax Eebbe kasoo hadhay caabudeen, Eebbase waa dul-badane oo dadka ciqaabta umasoo dedejiyo iyagoon loo caddaynin Xaqa. Waxayna codsadeen in Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) lagusoo dejiyo aayado muuqda, sidii ushii Nabi Muuse iyo hashii Nabi Saalax iyo wax lamid ah, awooddase Eebbaa iska leh, isagaana soo dejiya wuxuu doono ee suga Nabiguna waa idinla sugiye, si aad u aragtaan xukunka Eebbe iyo awooddiisa. Dhabtuna waa in gaalo dhunsan tahay, halaag iyo ciqaabna u dambayso, Xaquna cad yahay, ciddii rabtana u muuqdo, mudan yahay in la raaco, lana rumeeyo, oo lagu dhaqmo. Yuunus (18-20)

 

  1. Markaan dhadhansiinno dadka naxariis dhibaato kadib taabatay waxaa soo baxa iyagoo dhagri aayaadkannaga, waxaa degdeg badan ciqaabta Eebbe malaa‘igtannaduna way qori waxaad dhagraysaan.
  2. Eebbe waa kan idinku wada barriga iyo baddaba markay ahaadaan doonta oo ay ku socdaan dabayl fiican oo ay markaas ku farxaan oy u timaaddo dabayl daran ugana yimaado hirku dhan kasta oy una maleeyaan in la koobay [la halaagay] waxay baryaan Eebbe iyagoo u kali-yeeli Diinta iyagoo [dhihi] haddaad naga koriso tan waannu kugu mahdin.
  3. Markuu koriyeyna markaas ku xad-gudbaan dhulka xaq-darro dadow waxaad uun ku xad-gudbaysaan naftiinna, waa uun nolosha dhaw markaas xaggannagaa laydiin soo celin waxaana idiinka warramaynaa waxaad camal-falayseen.

 

Aayadahan wuxuu Eebbe kaga warrami dabeecadda dadka oo ah in marka dhibaato taabatana uu Eebbe baryo isuna dulleeyo, marka khayr iyo wanaag uu helana uu isla-waynaado oo kibro, dhagar iyo khayaamana la darbado, Eebbaase abaal-mariya oo ka jaaziya, bad iyo barribana Eebbaa iska leh mudanna cibaado, waxaase dhab ah in xumaantu ku noqon ciddii fashay Eebbana abaal-marin markuu u noqdo. Saas darteed waa in had iyo jeer Eebbe si dhab ah loo caabudo, dhibaato iyo barwaaqo, cudur iyo caafimaad iyo gaajo iyo dharagba iyo wixi lamid ah. Yuunus (21-23)

 

  1. Nolosha adduunyo waa uun biyo oo kale oon kasoo dejinnay samada oo ku dheehnay waxa kasoo baxa dhulka oo ah wuxuu dadku cuno iyo xooluhu markuu dhulku qurux ka buuxsamo oy is-qurxiso oo dadkeedu u-maleeyo inay karaan [goosashadeeda] yaa waxaa u-yimaada amarkannagii habeen ama dharaar waxaana ka yeelaa wax la shafay sidii iyadoon shalay jirin, saasaana ugu caddaynay aayaadka qawmkii fikiri.
  2. Eebbe wuxuu ugu yeedhi [dadka] guriga nabadgalyada [Jannada] wuxuuna ku hanuuniyaa cidduu doono Jid Toosan [Xaqa].
  3. Kuwa wanaagga falayna waxaa u sugnaaday wanaag [Janno Aakhiro] iyo siyaado [aragga Eebbe] mana haleelo wajigooda boodh iyo dulli midna kuwaasuna waa asxaabta [ehelka] Jannada wayna ku waari dhexdeeda.

 

Aayadda hore wuxuu Eebbe ku matalay nolosha adduunyo roob soo da‘ay oo dhulka cunno kasoo saaray mid dad cuno iyo mid xoolo cunaanba, markii dhulkii quruxsanaaday oo ubixii baxay oo dooggii is-qabsaday oo dadku u maleeyeen inuu goosan beerahoodii uu amarkii Eebbe u-yimid oo eber ka yeelay sidii iyadoon shalay wax ku oollin. Nolosha adduunyana waa uun saas oo waxay isukaa qurxisaba markay ku dhaafto ama aad dhaaftid wanaaggeed iyo quruxdeed wax ma taraan, waxaase wax tara camal fiican iyo jidka nabadgalyo waana midka Eebbe u yeedhi kuna toosiyo cidduu doono, ciddii wanaagga fashana waxay heli wanaag, Janno, aragga wajiga Eebbaha deeqda leh iyo khayr, dulmi iyo xumaanna ma arkaan, Jannadana way ku waari. Waxaa sugnaaday in marka Jannada la galo in loo dhawaaqi ehlu-Jannada in Eebbe u oofiyo ballankoodii waxayna arkaan Ilaahood waana waxa ilu ugu farax badan tahay uguna jeceshahay. Yuunus (24-26)

 

  1. Kuwa kasbaday xumaan abaalkood waa xumaan lamid ah, waxaana haleeli dulli wax Eebbe ka ilaalinna ma jiro, waxaadna mooddaa in lagu daboolay wajigooda goosin habeen oo mugdi ah, kuwaasu waa asxaabta [ehelka] Naarta wayna ku waari dhexdeeda.
  2. Ka warran maalintaan kulminaynno dhammaan markaas aan ku dhahaynno kuwii la wadaajiyey [gaaloobay) meeshiinna ahaada idinka iyo kuwaad la wadaajiseen markaasaan kala gaynay dhexdooda, waxayna dheheen kuway la wadaajiyeen [Eebbe] annaga nama aydaan caabudayn.
  3. Waxaa markhaati dhexdeenna ugu filan Eebbe inaan cibaadadiinna moogayn.
  4. Halkaasaa lagu imtixaani naf kasta waxay hor marsatay, waxaana loo celiyaa Ilaaha sayidkooda Xaqa ah waxaana ka dhumay waxay been abuuranayeen.

 

Waxaa lasoo kulmin maalinta Qiyaame dadkoo dhan, markaasaa Eebbe faraa gaalada inay halkooda joogaan iyaga iyo waxay caabudayeen, waana lakala kaxeeyaa, kuwii la caabudayeyna way dafiraan inay caabudi jireen, oy waliba Eebbe marag gashan inayan ogayn cibaadadooda, halkaasaana lagu imtixaami naf kasta waxay hor-marsatay, waxaana loo celin dadka Eebbahooda Xaqa ah, waxaana gaalada ka dhumi waxay abuuranayeen. Waxayna muujin arrintaasu sida ciddii waxaan Eebbe ahayn caabudda ama raacda ay isu-dafiri maalinta Qiyaame, wax ay isu-tarina ma jiro. Saas darteed waa in Eebbe sharcigiisa la raaco loona hoggaansamo. Yuunus (27-30)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Yaa idinka arzaaqa samada iyo dhulka, yaana hanta maqalka, aragyada, yaana kasoo bixiya wax nool wax dhintay, kanasoo bixiya wax dhintay wax nool, yaana maamula amarka waxay ku odhan Eebbe?” Waxaad dhahdaa, “Miyeydaan dhawrsanayn?”
  2. Kaasi waa Ilaahiin Eebbihiinna Xaqa ah, maxaase Xaqa ka dambeeya [ka duway] oon baadi ahayn, ee xaggee laydiin leexin?
  3. Saasay ugu waajibtay Kalimaddii Eebbahaa kuwa faasiqoobay oo ah inayan rumeynin [Xaqa].
  4. Waxaad dhahdaa, “Ma kamid yihiin shurakadiinna cid billowda abuurka soona celiya?” Waxaad dhahdaa, “Eebbaa billaaba khalqiga soona celiya ee xaggee loo iili?”
  5. Waxaad dhahdaa, “Ma kamid yahay shurakadiinna cid ku hanuunin Xaqa?” Waxaad dhahdaa, “Eebbaa ku hanuunin Xaqa, mase mid ku hanuunin Xaqa yaa mudan in la raaco mise midaan hanuuninayn in la hanuuniyo mooyee? Maxaad leedihiin sideed xukumaysaan?”
  6. Mana raaco badankoodu waxaan malo ahayn, malana waxba kama taro Xaqa, Eebbana waa ogyahay waxay falayaan.

 

Aayaddu waxay ka warrami sida Eebbe ugu samo-falay dadka una arzuqay maqal iyo aragna u-siiyey, iyo awoodda Eebbe iyo inuu isagu wax maamulo, waana Eebbaha Xaqa ah ee sugan, wax kale oo awood lehna ma jiro, illeen Eebbaa khalqiga billaabay soona celine, isagaana hanuuniya dadka, mudanna in la raaco oo la caabudo, gaaladuse waxaan malo ahayn kuma socdaan, malo iyo shakina waxba Xaqa kama taraan Eebbana waa ogyahay waxay fali Xaq-diidayaashu. Taasina waxay muujin in Eebbe uun yahay kan awoodda leh, mudanna in la caabudo, sharcigiisana la raaco, illeen isagaa wax hanuuniyee. Yuunus (31-36)

 

  1. Ma aha Qur’aankanu mid laga been-abuurtay Eebbe ka-sokow, waase u-rumeeyaha wixii ka horreeyey iyo caddaynta Kitaabka [xukunka] shakina kuma jiro wuxuuna ka ahaaday Eebbaha caalamka.
  2. Mise waxay odhan ‘wuu been-abuurtay’? Waxaad dhahdaa, “La-imaada suurad lamid ah una yeedha ciddaad kartaan oo Eebbe kasoo hadhay haddaad run sheegaysaan.”
  3. Waxayse beeniyeen waxayna cilmigiisa koobin [Qur’aanka] uusanna wali u imaanin aayahiisu saasayna u-beeniyeen kuwii ka horreeyey ee bal day siday noqotay cidhibtii daalimiinta.
  4. Waxaa kamid ah dadka mid rumeyn Qur’aanka iyo midaan rumaynayn Eebbana waa ogyahay mufsidiinta.

 

Qur’aankuna waa Xaq sugan oo Eebbe soo-dejiyey, una rumeyn Xaqii ka horreeyey, waana Xaq caddeeye, shakina kuma jiro, Nabiguna iskalama imaanin, iyaba ha keeneen suurad lamid ah intay u kaalmaystaan cidday doonaan hadday run sheegi, waxayna beeniyeen waxayna cilmigiisa gaadhin isagoon wali fasirkiisii u imaanin, waxayse lamid yihiin kuwii ka horreeyey ee beeniyey Xaqii ee daalimiinta ahaa lana haiaagay, cidna way rumeyn Qur’aanka, midina way beenin, Eebbaase og mufsidiinta. Yuunus (37-40)

 

  1. Hadday ku beeniyaan waxaad dhahdaa, “Anugu waxaan leeyahay camalkayga idinkuna camalkiinna idinku bari baad ka tihiin waxaan fali anna bari baan ka ahay waxaad falaysaan.”
  2. Waxaa kamid ah gaalada kuwo ku dhagaysan, ma adaa wax maqashiin kara mid dhaga-la‘ oon wax kasayn.
  3. Waxaana kamid ah mid kusoo dhawri, ma adaa toosin kara mid indha-la‘ oon wax arkayn.
  4. Eebbe kama dulmiyo dadka waxba, hasa yeeshee dadkaa naftiisa dulmiya.
  5. Maalinta la kulminna waxay lamid noqon iyagoon nagaanin saacad maalin mooyee, wayna is-aqoonsan dhexdooda, waxaana khasaaray kuwa beeniyey la-kulanka Eebbe mana hanuunsanayn.

 

Wuxuu Eebbe faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu u sheego gaalo hadday beeniyaan inuu bari ka yahay camalkooda, iyana ay bari ka yihiin camalkiisa, cid dambi cid kale qaadina ayan jirin, cid Xaqa ka indha-la‘ iyo mid ka dhaga-la‘na cid wax tusi ama maqashiin ma jirto, Eebbana cidna ma dulmiyo, dadkaase naftooda dulmiya, maalinta lasoo kulminna waxay lamid noqon iyagoon nagaanin saacad maalmeed mooyee. Wayna is-aqoonsan, waxaana khasaaray kuwa beeniyey la-kulanka Eebbe mana hanuunsana. Yuunus (41-45)

 

  1. Haddaan ku tusinno waxaannu ugu goodin qaarkiis ama aan ku oofsanno xaggannaga un baa loosoo celin, markaasna Eebbaa ka marag ah waxay falayaan.
  2. Ummad kasta Rasuul bay leedahay, markuu u yimaado Rasuulkooduna waxaa lagu kala xukmin caddaalad lamana dulmiyo.
  3. Waxayna odhan gaaladu, “Waa goorma yaboohaas [gooddiga] haddaad run sheegaysaan.”
  4. Waxaad dhahdaa, “Uma hanto naftayda dhib iyo nafci midna wuxuu Eebbe doono mooyee, ummad kastana waxay leedahay ajal [muddo] markay ajashoodu timaaddana lagama dib mariyo saacad lagamana hor-mariyo.”

 

Hadduu Eebbe tusiyo Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) isagoo nool ciqaabta gaalada ku dhici waa wanaag, haddii kalana xagga Eebbe un baa loosoo celin gaalada, Eebbana waa u marag waxay fali. Ummad kasta oo Rasuul loosoo diro markuu u yimaado Rasuulkoodu waxaa lagu kala xukmin dhexdooda caddaalad lamana dulmiyo, waxayse odhan waa goorma yaboohu haddaad run sheegaysaan, wuxuuna Eebbe faray Rasuulka (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu u sheego inuusan hananin dhib iyo nafci midna, wuxuu Eebbe doono mooyee, ummad kastana waxay leedahay muddo ayna ka hor-maraynin kana dib-dhacaynin. Taasina waxay sheegi in awoodda iyo ogaanshuhuba Eebbe iska leeyahay. Yuunus (46-49)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Bal ka warrama hadduu idiinku yimaado cadaabkiisu [Eebbe] mir ama maalin maxay ka dedejisan xaggiisa dambiilayaashu?”
  2. Mise markuu dhacaad rumaynaysaan hadda idinkoo dedejisanayey.
  3. Markaasaa lagu odhan kuwii dulmi falay, “Dhadhamiya cadaabka waaridda, miyaana laydinka abaal-marinin waxaad kasbanayseen mooyee?”
  4. Waxay ku warsan, “Ma xaq baa isagu?” Dheh “Haa, Eebbahay baan ku dhaartaye isagaa Xaq ah, idinkuna ma tihidiin kuwo [Eebbe] daalin.
  5. Hadday naf kasta oo dulmi fashay leedahay waxa dhulka ku sugan way isku furan lahayd, waxayna qarsan gaaladu shalayto markay arkaan cadaabka, waxaana lagu kala xukmin dhexdooda xaq lamana dulminayo.

 

Cadaabka Eebbe wax la-dedejisto ma aha, illeen markuu dhaco calaacal iyo waan rumeeyey wax ma tartee, waxaase lagu odhan kuwii dulmi falay dhadhamiya cadaabka waaridda waxaad kasbaneyseen un baa laydinka abaal-marine. Waxayna gaaladu Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) warsanayeen, “Ma xaq baa Qur’aanku?” Waxaana Eebbe faray inuu yidhaahdo, “Haa waa xaq, Eebbahay baan ku dhaartaye, waxna ma daalisaan hadday nafu hanato iyadoo dulmi fashay waxa dhulka ku sugan way isku furan lahayd, waxayna qarsadaan qoomamo markay arkaan cadaabka waxaana lagu kala xukmin caddaalad lamana dulmiyo.” Taasina waxay muujinaysaa xaqnimada Qur’aanka iyo Nabiga iyo darrida cadaabka Eebbe oy waajib tahay in la darbado si looga nabadgalo. Yuunus (50-54)

 

  1. Eebbana waxaa u sugnaaday waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka, yabooha Eebbana waa Xaq dadka badankiisuse ma oga.
  2. Eebbaa wax nooleeya waxna dila xaggiisaana laydiin soo celin.
  3. Dadow waxaa idiin timid waano Eebbihiin iyo caafimaadka waxa laabta ku sugan iyo hanuun iyo naxariista mu‘miniinta.
  4. Waxaad dhahdaa, “Fadliga Eebbe iyo naxariistiisa arrintaas haku farxeen [mu’miniintu] iyadaa ugu khayr-roon waxay kulmine.”
  5. Waxaad dhahdaa, “Ka warrama waxa Eebbe idiin soo dejiyo oo rizqi ah ood ka yeesheen qaar kamid ah xaaraan [qaarna] xalaal?” Waxaad dhahdaa, “Ma Eebbaa idiin idmay mise Eebbaad ku been-abuuranaysaan?”
  6. Maxay u malayn kuwa ku been-abuuran Eebbe [inuu ku fali] maalinta Qiyaame, Eebbe waa kan fadliga ku leh dadka badankooduse kuma mahadiyaan.”

 

Eebbaana iska leh xukunka cirka iyo dhulka, yaboohiisuna waa xaq, mase oga badankoodu, isagaana Eebbe wax nooleeya waxna dila, xaggiisaana loo noqon, waxaana dadka soo gaadhay waano xagga Eebbe ka timid oo Qur’aanka ah iyo caafiyaha waxa laabta ku sugan iyo hanuunka iyo naxariista mu‘miniinta fadliga Eebbe iyo naxariistiisana haku farxeen iyadaa ka fiican waxay kulmin oo adduunyo ahe. Gaaladuna xaq uma leh inay rizqiga Eebbe qaarna xarrimaan qaarna xalaaleeyaan, Eebbe uma idmin sidaas ee way ku been-abuuran Eebbe, maxayse u malayn kuwa ku been-abuuran Eebbe waxay mudan maalinta Qiyaame, Eebbaana wax xalaaleeya, waxna xarrima, laguna mahadiyaa, awooddana leh. Yuunus (55-60)

 

  1. Wixii xaal ah ood ku sugan tahay wixii Qur’aan ah ood akhrin, wixii camal ah ood falaysaan waan idin la joognaana [ognahay] markaad dhex galaysaan, kagama qarsoona Eebbahaa waxa u yar dhulka dhexdiisa iyo samada, wixii ka yar iyo wixii ka wayna Kitaab cad bay ku sugan yihiin.
  2. Awliyada Eebbana cabsi ma saarra mana murugoodaan.
  3. Waana kuwa rumeeyay [Xaqa] dhawrsadana.
  4. Waxaana u sugnaaday bishaaro nolosha adduunyo iyo Aakhiraba, wax baddali Kalimadda Eebbena ma jiro, taasina waa uun liibaanta wayn.
  5. Yuuna ku walbahaarin hadalkoodu cizzi dhammaantiis Eebbaa iska leh, waana maqle oge.

 

Wax kasta oo la fali iyo haddii Qur’aan la akhrin Eebbe waa ogyahay marka la dhex-geli, wax Eebbe kaga qarsoomi cirka iyo dhulkana ma jiro, ama ha u yaraado sida darrada ama ha kasii yaraado ama haka waynaado illeen wax kasta Kitaab cad bay ku sugan yihiin, awliyada Ilaahayna cabsi iyo walbahaar ma arkaan Aakhiro, waase kuwee waa kuwa Eebbe rumeeyay ee ka dhawrsada xumaanta, waxayna heli bishaaro adduun iyo Aakhiraba, wax hadalka Eebbe baddalina ma jiro, taasina waa liibaanta wayn. Waxaana kuu muuqda tilmaanta awliyada Eebbe oo ah kuwa Xaqa si dhab ah u rumeeyay, raacana Qur’aanka iyo sunnada Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) si dhab ahna ugu toosnaada Diinta iyo waxay fari, ciddiise aan tilmaantaas ku sifoobin ma aha wali Eebbe lagumana sheegi karo, waxaase lagu garan Diinta dhab ma u raacay. Bishaarada adduunka wuxuu Nabigu ku fasiray riyada fiican oo ruux arko ama loo arko, Aakhirana waa Jannada, waana kuwaas kuwaan cabsanaynin marka dadku cabsado oon murugoonayn marka dadku murugoodo, waana kuwa dar Eebbe isu-jeclaado iyagoon qaraabo isku xidhayn xoolana isa-siin, waase in Xaqa lagu dadaalo. Yuunus (61-65)

 

  1. Eebbaa iska leh waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, waxay raacayaan oy caabudi Eebbe ka-sokow waa shurako [sanamyo] waxaan mala ahayna ma raacayaan, waxaan beenaalayaal ahaynna ma aha.
  2. Eebbe waa kan idiin yeelay habeenka inaad xasishaan, maalintana arag [ka yeelay] arrintaasna waxaa ugu sugan calaamooyin qawmkii wax maqli.
  3. Waxay dheheen, “Wuxuu yeeshay Eebbe ilmo,” waa nazahan yahay, Eebbana waa uun hodan, wuxuuna leeyahay waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, agtiinna xujo uma taal waxaas [beenta] mise Eebbaad ku sheegaysaan waxaydaan ogayn?
  4. Waxaad dhahdaa, “Kuwa Eebbe ku abuurta beenta ma liibaanaan.”
  5. Waa uun raaxada adduunyo markaas xaggannagaa noqoshadoodu noqon, markaasaan dhadhansiinaynaa cadaab daran gaalnimadooda darteed.

 

Eebbaa leh cirka iyo dhulka iyo khalqigoo dhan, gaalana wax dhab ah ma caabudayaan ee waxay ku socdaan malo iyo been, iyagoo diiddan Eebbaha habeenka xasil ka yeelay, maalintiina iftiin iyo waqti wax-arag, waana arrin mudan in lagu waano-qaato ciddii wax maqli. Been bayna illeen sheegeen iyagoo ku sheegi Eebbe ilmo lsagoo ka nazahan, khalqigoo dhan yuu leeyahaye, wax xujo ahna ma hayaan, waxayna Eebbe ku sheegi waxayna ogayn, ciddii Eebbe ku been-abuuratana ma liibaanto, waa muddo yar nolosha adduun, waxaana loo celin Eebbe wuxuuna dhadhansiin cadaab daran gaalnimadooda darteed, taasina waa ciqaabta gaalada Xaqa diida. Yuunus (66-70)

 

  1. Ku akhri korkooda warkii [Nabi] Nuux markuu ku yidhi qawmkiisii, “Qawmkayow, hadday idin la waynaatay nagaadigayga iyo ku-waanintayada aayaadka Eebbe waxaan tala-saartay Eebbe ee kulmiya amarkiinna iyo shurakadiinna yuuna ahaan amarkiinna wax qarsoon [oo dhib ah] markaas i xukuma hana i sugina.”
  2. Haddaad jeedsataan idin warsan maayo ujuuro, ujuuradayda waxaa i siin Eebbe, waxaana lay faray inaan kamid ahaado Muslimiinta.
  3. Wayna beeniyeen waxaana ku korinnay [Nabi] Nuux iyo intii la jirtay doontii, waxaana ka yeelay kuwo u hadha dhulka, waxaana maanshaynay kuwii beeniyey aayaadkannaga ee day siday noqotay cidhibtii kuwii loo digay.

 

Qisada Nabi Nuux iyo Nabiyo kale oo badanba wax badan bay kusoo aroortay Qur’aanka, meelo badanna lagu sheegay waxaana habboon in lagu waano-qaato illeen wuxuu Eebbe usoo celceliyey in lagu waano qaato, lagana leexdo jidkoodii iyo camalkii xumaa, waxayna noqotay cidhibtii qawmkii Nabi Nuux khasaare, halaag iyo jab, markay khilaafeen amarkii Eebbe beeniyeenna Nabi Nuux, waana sidaas abaalka xaq-diidayaasha ka madax-adayga wanaagga, xumaantana ku madax-taaga, ciddii Eebbe ku kalsoonaata, rumaysa, Xaqa ku socota, wanaaggana fasha cid wax yeeli karta oon Eebbe ahayn ma jirto, illeen ciddii Eebbe tala-saarata wuu ku filan yahaye. Yuunus (71-73)

 

  1. Markaas kadib waxaan u bixinnay Rasuullo qawmkoodii waxayna ula yimaadeen xujooyin, mana rumayn beenintoodii darteed ee horraysay saasaan u daabacnaa [daboollaa] quluubta xad-gudbayaasha.
  2. Markaasaan u bixinnay gadaashood [Nabi] Muuse iyo [Nabi] Haaruun Fircoon iyo colkiisii iyagoo wata aayaadkannagii, wayna isla-waynaadeen waxayna noqdeen qawm dambiilayaal ah.
  3. Markuu uga yimid Xaqu xaggannaga waxay dhaheen, “Kani waa sixir cad.”
  4. Wuxuuna yidhi [Nabi] Muuse, “Ma waxaad ku dhahaysaan Xaqa markuu idiin yimid, ma sixir baa kani? Isagoosan liibaanin saaxiriintu.
  5. Waxayna dhaheen, “Ma waxaad noogu timid inaad naga leexisid waxaan ka hellay aabbayaalkanno oy idiin ahaato waynaanta dhulka [xukunka] annagu idinka idin rumayn-maynno.”

 

Aayadahanna waxay ka warrami rasuulladuu diray Eebbe iyo qisadii Nabi Muuse iyo Haaruun iyo wixii dhex maray Fircoon iyo qawmkiisii iyo Nabiyadaas, markay is kibriyeen ahaadeenna danbiilayaal, kuna sheegeen Xaqii sixir, Nabi Muusana u-sheegay in ciddii Xaqa sixir ku sheegta ayan liibaanaynin, markaasay tuhmaysteen iyagoo sheegi inuu dooni Nabi Muuse inuu ka leexiyo waxay aabbayaalkood ka heleen oo markaas u ahaato sharafta iyo awooddu Nabi Muuse iyo qawmkiisa, waxayna caddeeyeen inayan marna rumaynayn, taasina waa caadada iyo dabeecadda gaalada iyo xaq-diidayaasha oo ku sheega xaq-sheegayaasha xumaan iyo awood ujeed iyo ceebo ayna lahayn, Xaqaase guushu ku danbayn. Yuunus (74-78)

 

  1. Wuxuu yidhi Fircoon, “Ii keena saaxir cilmi badan oo dhan.”
  2. Markay yimaadeen saaxiriintiina wuxuu ku yidhi [Nabi] Muuse, “Tuura waxaad tuuraysaan.”
  3. Markay tuureenna wuxuu yidhi [Nabi] Muuse, “Sixir baad la timaadeen Eebbaana burin, Eebbana ma hagaajiyo camalka fasaadiyayaasha.”
  4. Wuxuuna ku sugaa Eebbe Xaqa Kalimaddiisa haba naceen dambiilayaashuye.
  5. Ma rumaynin [Nabi] Muuse farac yar oo qawmkiisii kamid ah mooyee iyagoo ka cabsan Fircoon iyo kooxdiisii inay fidmeeyaan, Fircoonna wuu isku-kibriyey dhulka wuxuuna kamid ahaa xad-gudbayaaaha.

 

Saasuuna Fircoon isula waynaaday una codsaday in loo soo kulmiyo ciddii sixirka taqaan, markaasay yimaadeen waxaana dhex-maray isaga iyo Nabi Muuse arrimihii wax badan Qur’aanku ka warramay oo ah in guushii Nabi Muuse raacday saaxiriintiina islaameen oo Xaqa raaceen, Eebbana tirtiray sixirkii illeen dhagarlow ma liibaanee, Xaqiina wuu sugay haba naceen dambiilayaashuye, Nabi Muusana markaas waxaa rumayey dad yar oo Fircoon ka cabsan illeen Fircoon wuxuu ahaa nin isla-wayn oo xad-gudba, maxaase u dambeeyey isaga iyo colkiisii kibray? Waxaa ka warrami aayadaha soo socda. Yuunus (79-83)

 

  1. Wuxuu yidhi [Nabi] Muuse, “Qawmkayow haddaad tihiin kuwa rumeeyey Eebbe isaga uun tala saarta haddaad Muslimiin tihiin.
  2. Waxayna dheheen, “Ilaahay yaan talo saarannay, Eebahannow hanooga yeelina fidmo qawmka daalimiinta ah.
  3. Nagana kori naxariistaada darteed qawmka gaalada ah.
  4. Waxaana u waxyoonay [Nabi] Muuse iyo walaalkiis inaad uga yeeshaan qawmkiinna Masar guryo kana yeesha guryihiinna qiblada [ku tukada] ooga salaadda una bishaaree mu’miniinta.
  5. Wuxuuna yidhi [Nabi] Muuse, “Eeebbahannow adaa siiyey Fircoon iyo kooxdiisa qurux iyo xoolo nolosha adduunka Eebbow inay ka dhumiyaan Jidkaaga Eebbow halaag [tirtir] xoolahooda adkeena quluubtooda oo yeyna rumeynin intay ka arkaan cadaab daran.
  6. Eebbe wuxuu yidhi, “Waa la-ajiibay baryadiinna ee toosnaada hana raacina jidka kuwaan wax ogayn.

 

Nabi Muuse qawmkiisii yuu u dardaarmay inay Eebbe talo saartaan waxayna Eebbe warsadeen wanaag iyo naxariis, Eebbana wuxuu faray Nabi Muuse iyo Haaruun inay dadka Masar dajiyaan, guryahana ku tukadaan, salaaddana oogaan, una bishaareeyaan mu’miniinta, Nabi Muusana wuxuu habaaray Fircoon iyo qawmkiisii Eebbana waa ka aqbalay baryadii, wuxuuna faray toosnaan iyo inayna raacin jidka jaahiliinta, taasina waxay ku tusin in wanaagga iyo Jidka Toosan lagu socdo oon la leexanin. Yuunus (84- 89)

 

  1. Waxaan tallaabinay Banii Israa‘iil badda waxayna u raaceen Fircoon iyo qawmkiisii kibir iyo cadaawanimo, markay haleeshay maansheyntiina wuxuu yidhi [Fircoon] waxaan rumeeyey inaan Eebbahay rumeeyeen Banii Israa‘iil mooyee ilaah kale [xaq lagu caabudo] jirin waxaana kamid ahay Muslimiinta.”
  2. [Eebbe wuxuu yidhi], “Hadda [miyaad rumeyn] adoo horay u caasiyey oodna kamid ahayd kuwa wax fasaadiya?”
  3. “Maanta waxaannu korin badankaaga inaad u noqotid cidda kaa dambaysa calaamo wax badan oo dadka kamid ah aayaadkannaga waa halmaansan yihiin.”
  4. Waxaan dejinnay Banii Israa‘iil dejin run ah [meel fiican] waxaana ku arzaaqnay wanaag, waxayna is-khilaafeen markuu cilmigu u yimid, Eebbahaana wuu kala xukumi maalinta Qiyaame waxay isku-khilaafeen.

 

Halkan wuxuu Eebbe ku caddayn siduu u maansheeyey Fircoon iyo colkiisii, waxaana dhacay in markii Banii Israa‘iil gudbeen, Fircoon iyo dadkiisiina biyaha badda ku dhex jiraan Eebbe maansheeyey siday aayado kale caddeeyeen, markaasna uu dambiile Fircoon isku dayey inuu Eebbe qiro, maxaase laga aqbali markaas oo kale, mar hadduu ahaa dulmi-badane, col ah, caasi ah, oo mufsid ah, waxaase Eebbe koriyey badankiisii si ciddii ka dambaysa ay calaamad xaqnimada Eebbe ugu noqoto oyna u halmaamin, markaasaa Eebbe dejiyey Banii Israa’iil meel roon kuna arzuqay wanaag, waxay isku-khilaafaanna Eebbaa kala xukumi Qiyaamada, saasuuna Xaqii u guulaystay baadilkii iyo kibirkiina u-jabeen una halaagsameen. Yuunus (90-93)

 

  1. Haddaad shakisan tahay waxaan kugusoo dejinnay warso kuwa akhriya Kitaabka hortaa, waxaa kaaga yimid xagga Eebbe Xaq, ee ha noqonin kuwa shakiya.
  2. Hana kamid noqon kuwa beeniya aayaadka Eebbe ood kamid noqoto kuwa khasaaray.
  3. Kuwa ku waajibtay Kalimaddii Eebbahaa [ciqaab] rumeyn maayaan.
  4. Xataa haddaad ula timaaddid aayad kasta, intay ka arkaan cadaab daran.
  5. Maxay u jiri wayday magaalo rumeysa [Xaqa] oo uu anfaco iimaankeedu, laakiin qawmkii [Nabi] Yuunus markay rumeeyeen waxaan ka faydnay cadaabkii dulliga ee adduunka, waxaana u raaxaynay tan iyo muddo.
  6. Hadduu doono Eebbahaa waxaa rumayn lahaa waxa dhulka ku sugan oo dhan, ee ma adaa dad ku qasbi intay ka rumeeyaan [Xaqa].
  7. Nafuna ma rumeyso idanka Eebbe kadib mooyee, wuxuuna Eebbe yeelaa xumaanta kuwaan wax kasayn korkooda.

 

Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ma shakinin waxa lagusoo dejin, ee waxaa diidi dadka, mana aha in cidna shaki ka galo Xaqa, ciddiise Eebbe u qoray ciqaab iyo rumeyn-la‘aan ma rumeyso intay ciqaab daran ka arkaan, waxaana ku habboon inay magaalo kastaba dadkeedu Xaqa rumeeyo, waxaana Eebbe ka tawbad-aqbalay qawmkii Nabi Yuunus markay rumeeyeen, waxayna ku noolaadeen adduunka tan iyo muddo, hanuunkana Eebbaa hanta, hadduu doonana waxaa Xaqa rumeyn waxa dhulka ku nool oo dhan, mase aha in dadka lagu qasbo rumeynta, nafuna ma rumeyso idanka Eebbe la‘aantiis, xumaanna waxaa mudan kuwaan Xaqa kasayn, taasina waxay ku tusin Xaqa iyo wanaagga, lana shakiyin Xaqa lana warsado Eebbe ku-sugidda Xaqa, had iyo jeerna Eebbe lagu xidhnaado lana warsado hanuun, khayr iyo sugnaan, illeen Eebbaa awoodda iska leh, wax kastana awooddiisa ku jiraan waase in si dhab ah loogu dhaqmo Xaqa. Yuunus (94-100)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Daya waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka waxna kama deeqaan aayado [calaamooyin] iyo digid qawm aan rumeyn [Xaqa].”
  2. Ma waxay sugi waxaan ahayn ayaamihii kuwii tagay hortood oo kale? Waxaad dhahdaa, “Suga anna waan idinla sugiye.”
  3. Markaasaan korinnaa Rasuullada iyo kuwa rumeeyey saasaana xaq nagu ah, inaan u korinno mu’miniinta.
  4. Waxaad dhahdaa, “Dadow haddaad tihiin kuwo shakisan Diintayda caabudi maayo waxaad caabudaysaan oo Eebbe kasoo hadhay waxaanse caabudi Eebbaha idin dili, waxaana lay faray inaan kamid noqdo mu‘miniinta.”
  5. “Iyo inaan u-jeediyo wajiga Diinta anoo toosan hana kamid noqonin mushrikiinta.”

 

Dadku waa inay ku waano-qaataan calaamooyinka cirka iyo dhulka, waxayse waanadu wax u tartaa kuwa Xaqa rumeeya, kuwaan Xaqa rumeynse wax uma tarto, ciddii Xaqa ka jeedsataa ha sugto wixii ku dhacay gaaladii ka horreeyey oo ciqaab ah. Wuxuuna Eebbe koriyaa kuwa Xaqa rumeeya, Diinta Islaamkana shaki ma leh, waana in laga fogaado cibaadada wax Eebbe kasoo hadhay, illeen waxaa cibaado mudan Ilaaha dadka oofsan, farayna in mu‘miniinta laga mid noqdo, wajigana loo jeediyo xagga Eebbe, lagana fogaado jidka gaalada. Aayaduhuna wuxuu warkoodu ku kooban yahay in abuurka Eebbe lagu waano qaato, si dhab ah loo caabudo, jidka xun ee baadida ahna laga dheeraado. Yuunus (101-105)

 

  1. Hana caabudin Eebbe ka-sokow waxaan wax ku tarayn kuna dhibayn, haddaad fasho waxaad kamid noqon daalimiinta.
  2. Hadduu ku taabsiiyo Eebbe dhib wax faydi oon isaga ahayn ma jiro, hadduu kula doono khayrna wax celin kara fadligiisa ma jiro, wuxuuna gaadhsiiyaa cidduu doono oo addoomadiisa kamid ah, waana dambi-dhaafe naxariista.
  3. Waxaad dhahdaa, “Dadow, waxaa idiinka yimid xagga Eebbe Xaqii, ciddii hanuuntana wuxuu uun u hanuunay naftiisa, cidii dhuntana wuxuu uun u dhumay naftiisa [dhibkeeda] anna korkiinna wakiil uma ihi.”
  4. Ee raac waxa laguu waxyooday samirna inta Eebbe ka kala xukmin [dadka] isagaa u wanaagsan xaakime.

 

Waxna haka dayin hana caabudin waxaan waxba kuu tarayn, ciddii saas fashana waxay kamid noqon daalimiinta, hadduu Eebbe dhib kula doono wax kaa faydi kara oon isaga ahayn ma jiro, hadduu khayr kula doonana wax celin kara fadligiisa ma jiro, cidduu doono yuuna siiyaa naxariis waana danbi-dhaafe naxariista. Dadkana Xaq baa u yimid ciddii ku hanuuntana wuxuu wax u taray naftiisa, ciddii dhuntana wuxuu uun dhibay naftiisa, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) cidna ilaaliye uma aha, wuxuuna Eebbe faray Nabiga iyo dadka kalaba inay raacaan Xaqa Eebbe u-waxyooday Nabiga adkaystaanna inta Eebbe ka kala-xukmin illeen Eebbaa xukunkiisu caadil yahaye, suuradduna waxay ku dhammaatay in Xaqa lagu fara-adkaado lana raaco, laguna samro oo loo adkaysto arrintaas. Yuunus (106-109)

 

Suurat Huud

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Alif. Laam. Raa. [Erayga hore wuxuu ku tusin mucjisada Qur’aanka.] Kitaabka Qur’aanka ahna waa mid la sugay aayadihiisa, markaas lagana caddeeyey Eebbaha falka san ee wax walba og xaggiisa.
  2. Inaydaan caabudin Eebbe mooyee wax kale, anugu waxaan idiinka ahay xagga Eebbe dige bishaareeya.
  3. Dambi-dhaafna warsada Eebbe una tawbad-keena wuxuu idiinku raaxayn nolol wanaagsan tan iyo muddo, wuxuuna siin cid kasta dheeraad leh [fadli] dheeraadkiisa [fadligiisa] haddaad jeedsataanna anugu waxaan idiinka cabsan cadaab maalin wayn.
  4. Xagga Eebbaa noqoshadiinnu tahay wax kastana wuu karaa.

 

Suuraddani waa suurad wax badan ka warrantay, waxaana dhacday in Nabigii (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) lagu yidhi, “Waxaan kugu aragnaa cirro,” markaasuu yidhi, “Waxaa i cirraysay Huud iyo walaalaheed.” Qur’aankuna waa wax sugan oo cad oo xagga Eebbe kasoo degay, farina inaan Eebbe mooyee wax kale la caabudin, Nabiguna waa dige bishaareeya, waana in Eebbe loo tawbad-keeno dambi-dhaafna la warsado. Huud (1-4)

 

  1. Waxay iilayaan laabtooda inay iska qariyaan Eebbe, markay isku-dadi maryahooda waa ogyahay Eebbe waxay qarsan iyo waxay muujin, illeen Eebbe waa ogyahay waxa laabta ku sugane.
  2. Dhul-socod kasta rizqigeedu wuxuu saaran yahay Eebbe wuxuuna ogyahay meeshey ku hoyan ooy u dheelman dhammaanna Kitaab cad yey ku sugan yihiin.
  3. Eebbe waa kan ku abuuray samooyinka iyo dhulka lix maalmood, wuxuuna ahaa Carshigiisu biyo korkood inuu idin imtixaamo kiinna camalka wanaagsan, haddaad dhahdo, “Waa laydin soo bixin geeri kadib,” waxay odhan kuwii gaaloobay, “Kani waxaan sixir cad ahayn ma aha.” Gaaladii wax kasta oo xaq-diidda ah way sameeyeen xataa waxay isku-dadeen maryo si ayna u maqlin Xaqa ama u arkin Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) Eebbase waa ogyahay waxay qarsan iyo waxay muujisan, illeen waxa qalbiga ku jiruu ogyahaye. Wax kasta oo dhulka ku noolla Eebbaa cunnadeeda ballan qaaday ogna meeshay ku sugan tahay iyo meeshay ku hoyan, wax kastana wuxuu ku sugan yahay Kitaab cad, Eebbaana ku abuuray samooyinka iyo dhulka lix maalmood Carshigiisuna ahaa biyaha korkooda inuu imtixaamo dadka kooda camal fiican, hadduu Nabigu gaalada ku dhaho, “Waa laydin soo bixin geeri kadib,” waxay odhan kuwii gaaloobay, “Kani waa sixir cad,” saasayna Xaqa u diidaan si doqonnimo iyo madax-adayg ah. Huud (5-7)

 

  1. Haddaan dib uga dhigno cadaabka xaggooda tan iyo muddo tirsan waxay odhan, “Maxaa celinaya?” Maalintuuse u yimaado mid laga iilo ma aha, waxaana ku dhaca waxay ku jeesjeesi [ciqaabtiisii].
  2. Haddaan dhadhansiinno dadka naxariis xaggannaga ah markaas aan ka qaadno wuxuu noqdaa mid quusasho badan oo dafir badan.
  3. Haddaan dhadhansiinno dadka nicmo dhib taabtay kadib wuxuu dhihi, “Waxaa iga tagay xumaantii,” isagoo farax iyo faan ku sugan.
  4. Kuwa samra ee camal fiican fala mooyee, kuwaasna waxaa u sugnaaday dambi-dhaaf iyo ajir wayn.

 

Waxaa kamid ah gaalada dabeecaddooda in haddii ciqaabta dib looga dhigo ay dheerersadaan oy dhahaan, “Maxaa reebaya?” Maalintuuse cadaab u yimaado wax la leexin ma jiro, waxaana ku dhici waxay ku jeesjeesayeen ciqaabtiisii, haddii dadka Eebbe naxariis dhadhansiiyo markaas ka wareejiyo waxaa kamid ah kuwo quusan oo gaaloobi, haddii nicmo la siiyo dhib kadibna waxay dhahaan iyagoo faani oo kibri, “Dhibkii waa tagay,” kuwa Xaqa rumeeyeyse oo samra oo camal fiican fala iyagu kuma jiraan saasna ma aha, ee waxay ogyihiin in wax walba awoodda Eebbe ku jiraan uuna dadka u nicmeyn, uuna dhibi, inuu imtixaamo ciddii rumeysa iyo tii diidda Xaqa, kuwa samo-falase waxaa u sugnaaday oy heli dambi-dhaaf iyo ajir wayn. Huud (8-11)

 

  1. Waxaad u dhawdahay inaad ka tegto waxa laguu waxyoon qaarkiis oy la cidhiidhyanto laabtaadu inay dhahaan, “Maa lagusoo dejiyo korkiisa kanzi ama la yimaado malag,” adugu waxaad uun tahay dige, Eebbana wax kasta wuxuu u yahay [ilaaliye] wakiil.
  2. Mise waxay odhan, “Wuu been-abuurtay,” waxaad dhahdaa “Keena toban suuradood oo lamid ah oo la been-abuurtay una yeedha ciddaad kartaan oo Eebbe kasoo hadhay haddaad run sheegaysaan.”
  3. Haddayna idin ajiibin [yeelin] ogaada in lagusoo dejiyey Qur’aanka ogaansho Eebbe iyo inaan Eebbe mooyee ilaah kale [xaq lagu caabudo] jirin, ee ma islaamaysaan?
  4. Ciddii dooni nolosha adduunyo iyo quruxdeeda waxaan u dhammaynaynaa camalkooda dhexdeeda lagamana nusqaamiyo.
  5. Kuwaasuna waa kuwaan ku lahayn Aakhiro waxaan Naar ahayn, waxaana buray waxay ku sameeyeen dhexdeeda waxaana baadil ah [wax-kama-jire ah] waxay falayeen.

 

Eebbe wuxuu Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) usoo jeediyey inuusan u aabboyeelin warka gaalada iyo madax-adaygooda, lana cidhiidhyamin waxay ka doonayaan oo ah xoolo badan iyo malaa‘ig-keenid, illeen shaqadiisu waa Xaq-gaadhsiine Eebbaase wax walba ilaaliya hadduu Nabigu Qur’aanka been-abuurtay iyaba ha keenaan toban suuradood oo lamid ah oo la been-abuuray hana la kaashadeen cidday karaan hadday run sheegi, hadday yeeli waayaanna ha ogaadeen in Qur’aanku kusoo degey ogaanshaha Eebbe iyo inaan Ilaahay mooyee eebbe kale jirin ee may islaamaan, ciddii doonta adduunyo iyo quruxdeed waannu ka siin camalkooda oon laga nusqaamineyn dhexdeeda, Aakharana kuwaasu wax kuma leh wuuna buray waxay faleen, waxaana baadil ah camalkoodii. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Kuwa is-tustusa waxaa lagu siin wanaaggooda adduunka, Aakharana way khasaari.” Huud (12-16)

 

  1. Ruux ku sugan [xujo] cad oo Eebbihiis,uu raacina marag Eebbe, hortiisna ahaayeen Kitaabkii Muuse isagoo imaam iyo naxariis ah ma lamid baa mid adduunyo uun doonay, kuwaas fiican way rumeyn Qur’aanka, ciddii ka gaalowda Qur’aanka iyo Nabiga oo xisbiyada kamid ah Naar baa ballan u ah, ee ha noqon mid shakiya xaggiisa isagu waa Xaq Eebbe ka ahaadaye, laakiin dadka badankiis ma rumeeyaan.
  2. Yaa ka dulmi badan ruux ku abuurtay Eebbe been? Kuwaas waxaa loo bandhigi Eebbahood waxayna odhan maraggu, “Kuwaasu waa kuwa ku been-abuurtay Eebbahood lacnadi ha ahaato daalimiinta korkooda.”
  3. Ee ah kuwa ka jeedsada Jidka Eebbe lana dooni qallooc Aakharana ka gaaloobay.

 

Mu‘miniinta xaalkoodu waa mid waafaqsan abuurka Eebbe ee ah Diinta siduu Rasuulku (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi, “Cid kastoo la dhalo waxaa lagu dhalaa Diinta Islaamka ee labada waalid un baa Yuhuud ka dhigta ama Nasaara ama Majuusi.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Diinta dhabta ahna waa tan Islaamka, waxaana saa marag furay Nabiyadii Eebbe oos kamid ahaa Nabi Muuse, ciddii ka gaalowda Qur’aanka ama Nabiga oo dadka kamid ah cidduu dooni ha noqdee Naar baa ballan u ah, Qur’aankuna shaki ma leh inuu Xaq xagga Eebbe ka yimid yahay dadka badankiisuse ma rumeeyaan, cid ka dulmi badanna ma jirto ruux ku been abuurtay Eebbe, kuwaasna waxaa loo bandhigi Eebbahood, maraguna wuxuu odhan oo ah dadka Qiyaamada jooga, “Kuwani waa kuwii ku been-abuurtay Eebbahood, lacnadi haku dhacdo daalimiinta Jidka Eebbe ka leexisa dadka oo qalloocna la doonta Aakharana ka gaalooba.” Dhabtii waa aayado la-yaab leh oo waaweyn. Huud (17-19)

 

  1. Kuwaasu ma aha kuwa ku daalin Eebbe dhulka dhexdiisa umana sugna wax Eebbe kasoo hadhay oo u-gargaari waxaana loo laablaabi cadaabka, mana karaan inay [Xaqa] maqlaan ama arkaan.
  2. Kuwaasu waa kuwa khasaariyey naftooda waxaana ka dhumay waxay been-abuurteen.
  3. Waxaana sugan inay kuwaasu Aakharo iyagu uun khasaaro badnaadeen.
  4. Kuwa rumeeyey Xaqa oo camal fiican falay oo u noqday Eebbahood kuwaasu waa Jannada ehelkeeda wayna ku dhex waari.
  5. Waxay lamid yihiin labada kooxood mid indha-la’ iyo mid dhaga-la‘ iyo mid wax arka iyo mid wax maqli, ma siman yihiin tusaale ahaan miyeydaan wax xusuusaneyn?

 

Cid Ilaahay ka carari karta ma jirto, cid wax ka faydi oo Eebbe kasoo hadhayna ma jirto, ciddii Xaqa ka indho-beesha ama maqli waydana waxaa loo laablaabi cadaabka, waana kuwa khasaariyey naftooda kana dhumay waxay been-abuuran jireen, waana kuwa khasaaray Aakharo, kuwa Xaqa rumeeyey oo camal fiican falayna oo Eebbe u tawbad-keena waxay mudan Janno oy ku waari, labada kooxood oo ah kuwa Xaqa rumeeyey iyo gaalada waxay lamid yihiin mid wax arki waxna maqli iyo indhoole dhaga-la‘ mana sinna ciddii wax xusuusan, gaalo waa indho- iyo dhaga-la‘dahay, mu’minna waa wax-arke wax maqli, yaana lagu khaldamin wax-araggooda adduun, xooluhuba wax bay arkaan. Huud (20-24)

 

  1. Waxaan u dirray [Nabi] Nuux qawmkiisii [isagoo leh] “Waxaan idiin ahay dige cad.”
  2. “Inaydaan caabudin wax Eebbe kasoo hadhay, waxaan idiinka cabsan korkiinna cadaab maalin daran.”
  3. Waxayna dheheen madaxdii gaalowday oo qawmkiisa kamid ah, “Waxaan bashar na lamid ah ahayn kuguma aragno, kugumana aragno inuu ku raacay waxaan ahayn kuwannaga xun xun ee ku degdega ra’yiga, kuugumana aragno korkannaga wax dheeraad ah waxaanse idiin malaynaynaa beenaalayaal.”
  4. Wuxuuna yidhi, “Qawmkayow ka warrama haddaan xujo [cad] oo Eebbahay ku sugnahay uu ina siiyey naxariis xaggiisa oo laydinka indho-tiray miyaan idinku laasimin karraa idinkoo nici?”

 

Qisada Nabi Nuux wax badan yey Qur’aanka kusoo aroortay, wuxuuna ahaa Nabigii ugu horreeyey ee si cad ugu yeedha dadka, halkanna markuu ugu yeedhay qawmkiisii caabudidda Ilaahay kaliya ugana digay cadaab daran waxay sidii caadada u ahayd gaaladii madaxda ahayd ee qawmkiisu ugu jawaabeen inuu dadka lamid yahay dad xun xunna raaceen wax dheeraad ahna uusan lahayn ey una maleyn inuu been sheegi, wuxuuse ku sugan yahay xujo cad oo Eebbe iyo naxariis uu ka siiyey agtiisa, oyse ka indho-beeleen uusan qasabna ku lahayn iyagoo nici Xaqa, taasina waxay muujin dabeecad wanaagga Nabiyada inta Xaqa ku raacda iyo inayna raacidda Diintu qasab ahayn ee ciddii doontana raaci, tii kalana aan xoog lagu galinayn, waxaase loogu sheegi si cad oo qabow oo wanaag ah. Huud (25-28)

 

  1. “Qawmkayow idin warsan maayo xoolo, ajirkayga Eebbaa haya, mana eryayo kuwa Xaqa rumeeyey illeen iyagu waxay la kulmi Eebbahoode, waxaanse idinku arkaa qawm jaahiliin ah.”
  2. “Qawmkayow, yaa iiga gargaari Eebbe haddaan eryo kuwaas [Xaqa rumeeyey]? Miyeydaan wax xusuusanayn?”
  3. “idin ma dhahayo waxaa agtayda ah khazaa’intii Eebbe, mana ogi waxa maqan, idin mana odhanaayo waxaan ahay malaa‘ig, idin mana odhanaayo kuway yasayso indhihiinnu ma siinayo Eebbe khayr, Eebbaa og waxa naftooda ku sugan, markaas waxaan kamid noqon daalimiinta.”

 

Wuxuu u sheegay Nabi Nuux qawmkiisa inuusan wax ujuura ah ka warsanayn Xaqa gaadhsiintiisa, uusan fogaynaynna kuwa Xaqa rumeeyey ee ka cabsaday xaalkaas, illeen waa arrin jaahilnimee, hadduu eryo dadkaasna wax Eebbe uga gargaari ma jiro, mana u sheegan in khasnadaha Eebbe agtiisa tahay, ama waxa maqan ogyahay, ama malaa‘ig yahay, mana u sheegin in mu‘miniinta ay xaqirayaan uusan Eebbe khayr siinayn, Eebbaa og xaalkooda kuna shaqo leh, ciddii xumaysana waxay kamid noqon daalimiinta, waana taas xaalka xaq u-yeedhayaasha iyo gaalada Xaqa diida. Huud (29-31)

 

  1. Waxay dheheen, “Nuuxow waad nala doodday ood badisay la-doodkannaga, ee noo keen waxaad noo yaboohayso haddaad run sheegi.”
  2. Wuxuuna yidhi, “Waxaa uun idiin keeni [kara] Eebbe hadduu doono, mana tihiin kuwo daalin Eebbe.”
  3. “Waxna idiinma tarto naseexadaydu haddaan doono inaan idiin naseexeeyo hadduu Eebbe doono inuu idin baadiyeeyo illeen waa Eebbihiine xaggiisaana laydiin celin.”
  4. Mise waxay dhihi, “Isagaa been-abuurtay,” waxaad dhahdaa, “Haddaan been-abuurto dambigaygu anuu i saaran yahay, anuguna bari baan ka ahay waxaad dambaabtaan.”

 

Gaaladii hadalkii yey ku adkeeyeen Nabi Nuux waxayna dheheen, “Waad nala murantay ood badisay murankii ee noo keen ciqaabtaad noogu gooddin haddaad run sheegayso,” taasina waa caadada Xaq-diidayaasha had iyo jeer inay warsadaan Nabiyada waxaasoo kale, wuxuuse ugu jawaabay Nabi Nuux in keenidda arrintaas Eebbe uun karo kuna shaqo leeyahay hadduu doono, wax daalin karana uusan jirin, naseexana ayan wax u tarayn cidduu Eebbe dhumiyo markay Xaqa diiddo oo ka jeedsato, waxayna ku sheegeen inuu been-abuurtay xaalkuu la yimid, wuxuuse ugu jawaabay in dambigiisu isaga saaran yahay, isna dambigooda ka madax-bannaan yahay, taasina waxay ku tusin in Nabiyaduna isku-hadal yihiin Xaq-diidayaashuna isku war iyo dabeeco yihiin. Huud (32-35)

 

  1. Waxaa loo waxyooday Nabi Nuux inuusan ku rumeynayn qawmkaaga inta ku rumaysay waxaan ahayn ee ha u murugoon waxay fali.
  2. Samaysana doon annagoo ku dhawri kuuna waxyoon hana igula hadlin [xaalka] kuwii dulmi falay waa la maansheyne.
  3. Wuxuu samaynayey doon mar kasta oo qawmkiisa koox kamid ah way ku jeesjeesayeen wuxuuna ku dhahayey, “Haddaad nagu jeesjeestaan anaguna waan idinku jeesjeesi saad u jeesjeesaysaan.”
  4. Waadna ogaan doontaan cidduu u yimaado cadaab dulleeya kuna dago cadaab joogta ah.
  5. Markuu yimid amarkannagii oo tanuurkii burqaday waxaan ku nidhi, “Ku xambaar doonida nooc kasta labo iyo xaaskaaga ciddii dhumid loo xukumay mooyee, iyo ciddii rumaysay Xaqa [iyana ku xambaar] mana rumeynin wax yar mooyee.”

 

Nabi Nuux wuxuu Eebbe u waxyooday inuusan qawmkiisa ka rumeyneyn Xaqa inta horay u rumeysay mooyee waana inuusan u murugoon waxay fali oo xumaana, samaystana doon isagoo Eebbe ilaalin una waxyoon, uusan Eebbana kala hadlin xaalka kuwaas dulmiga falay illeen waa la maansheyne, wuxuuna samaynayey doontii markay maraanna way ku jeesjeesayeen, wuxuuna ku dhahayey, “Haddaad nagu jeesjeestaan waannu idinku jeesjeesi waadna ogaan doontaan cidduu u yimaado cadaab dulleeya kuna dhaco cadaab joogta ah, markuu yimid amarkii Eebbe biyihiina kasoo burqadeen tanuurka yaa Eebbe ku yidhi Nabi Nuux ku xambaar doonta nooc kasta labo, cidda ciqaabi u sugnaatay mooyee, inta ku rumaysayna ku xambaar, wax yar baana rumeeyey, taasina waxay kuu muujin in mu‘miniintu ku sugan yihiin ujeeddo kaliya. Huud (36-40)

 

  1. Wuxuuna yidhi, “Ku kora magaca Eebbe oy kuna socon kuna joogsan Eebbahayna waa dambi-dhaafe naxariista.”
  2. Wayna la socotay hir dhexdiis oo buuro lamid ah wuxuuna u dhawaaqay Nabi Nuux wiilkiisii wuxuuna ahaa meel ka gaar ah [isagoo leh], “Wiilkaygow nalasoo kor hana la jirin gaalada.”
  3. Wuxuuna ku yidhi, “Waxaan u dunmi buur iga dhawrta biyaha,” wuxuu yidhi [Nabi Nuux] “Wax ilaalin kara maanta amarka Eebbe ma jiro cid Eebbe u naxariistay mooyee,” waxaana kala dhex maray hirkii wuxuuna noqday wiilkii kuwa la maansheeyey.
  4. Waxaana la yidhi, “Dhulow liq biyahaaga samooyna qaad [jooji] waxaana la yareeyey [la gudhiyey] biyihii waxaana la xukumay amarkii waxayna ku dul ekaatay doontii Juudi waxaana la yidhi, “Fogaansho haw sugnaato qawmka daalimiinta ah.”

 

Wuxuu yidhi Nabi Nuux, “Ku kora doonta magaca Eebbe ee ay ku socon kuna joogsan illeen waa dambi-dhaafe naxariistee,” wayna la socotay hirka dhexdiisa iyadoo buur oo kala ah, Nabi Nuuxna wuxuu u dhawaaqay wiilkiisa oo ka durugsan wuxuuna ku yidhi, “Wiilkayow nalasoo kor hana ahaan la-jiraha gaalada,” wuxuuse sheegay inuu kori buur ka dhawrta biyaha, wuxuuse ku yidhi Nabi Nuux, “Maanta wax celin kara amarka Eebbe ma jiro cid Eebbe u naxariisto mooyee,” hirkii baana kala dhex maray wuxuuna kamid noqday kuwa la maansheeyey, biyihiina waa gudheen oo joogsadeen amarkiina waa la xukumay waxayna ku ekaatay Juudi halaag baana ku dhacay daalimiintii. Wuxuu wariyey Ibnu Cabbaas in Nabigu (naxariisiyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) yidhi, “Amaanka ummadayda markay maanshoodaan waa inay akhriyaan magaca Eebbe markay doon kori.” Qisada Nabi Nuux iyo qawmkiisa iyo sida loo halaagay daalimiintii waa wax lagu waano-qaato. Huud (41-44)

 

  1. Wuxuu u dhawaaqay [baryey] Nabi Nuux Eebbihiis wuxuuna yidhi, “Eebbow wiilkaygu wuxuu kamid yahay ehelkeyga, yaboohaaguna waa xaq [sugan] adaana xukunkaagu falsan yahay.”
  2. Eebbe wuxuu yidhi, “Nuuxow wiilku ehelkaaga kama mid ma aha waana camal aan suubbanayn ee hay warsan waxaadan cilmi u lahayn, waxaan kaa waanin inaad jaahiliinta kamid noqoto.”
  3. Wuxuuna yidhi Nabi Nuux, “Eebbow waxaan kaa magan-galay inaan ku warsado waxaanan u cilmi lahayn, haddaadan ii dambi-dhaafin oodan ii naxariisan waxaan kamid noqon kuwa khasaaray.”
  4. Waxaa lagu yidhi, “Nuuxow ku deg nabadgalyo xaggannaga ah iyo ummadaha kula jira, ummadana waannu u raaxayn markaas waxaa taaban cadaab daran oo xaggannaga ka ahaada.”
  5. Kaasi waa warkii maqnaa oon kuu waxyoonayno maadan ahayn mid og adi iyo qawmkaagu midna kan hortiis ee samir, cidhibta [fiican] waxaa leh kuwa dhawrsada.

 

Markii la halaagay wiilkii Nabi Nuux yaa waxaa qaaday naxariistii waalid wax dhalay markaasuu Ilaahay u cawday isagoo sheegi inuu wiilku ehelkiisa kamid ahaa yabooha Eebbana xaq yahay oo ahaa in ehelkiisa loo korin Eebbana xukunkiisu caddaalad yahay, Eebbase wuxuu u sheegay inuusan wiilku ehelkiisa kamid ahayn marba hadduusan Xaqa rumeynin, wax fiicanna ma aha mana habboona in Nabi Nuux waxaasoo kale warsado sida kuwaan wax ogayn, markuu is-gartay Nabi Nuux Eebbana warsaday dambi-dhaaf iyo naxariis si uusan u-khasaarin, waxaana la faray inuu ka dego doonta isaga iyo inta la jirta iyagoo heli nabadgalyo iyo barako Eebbe, arrintaasna waa waxyaalaha aan la ogaan karin haddaan Eebbe Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) u-waxyoon, wuxuuna Eebbe faray Nabiga inuu adkaysto, wanaaggana waxaa ku dambayn kuwa dhawrsada ee Xaqa ku socda, aayadahanna waxay muujin in qaraabadu iyo sokeeyanimadu tahay caqiidada iyo Islaamnimada, inaan la lamid noqon daalimiinta. Huud (45-49)

 

  1. Caadna waxaa loo diray waiaalkood [Nabi] Huud, wuxuuna yidhi, “Qawmkayow caabuda Eebbe, ilaah kale [xaq lagu caabudo] idiinma sugnee, waxaan been-abuurasho ahaynna kuma sugnidin.”
  2. “Qawmkayow idinka warsan maayo Xaqa ujuuro, ujuuradayda waxaan uun ka mutaa Eebbaha i abuuray ee miyeydaan wax kasayn?”
  3. “Qawmkayow dambi-dhaaf warsada Eebbihiin una tawbad-keena hasoo [daayo] diro samada [roobka] korkiinna si badane hana idiinku kordhiyo xoog xooggiinii hana jeedsanina idinkoo dambiilayaal ah.

 

Way is-daba-joogtaa qisada Nabiyada iyo siduu Eebbe u diray iyo siday qawmkoodii u beeniyeen una dhibeen, si Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) u-adkaysto una ogaado inaan dhibku kali ku ahayn, halkanna waxaa laga warramay Nabi Huud iyo siduu Xaqa u tusiyay qawmkiisii una sheegay inuusan xoolo ka rabin ee abaal-marintiisa uu Ilaahay uun ka sugi, farayna inay Ilaahay kaliya caabudaan, danbi-dhaafna warsadaan una tawbad-keenaan, si Eebbe ugu naxariisto roob iyo barwaaqo iyo xoogna u-siiyo oyna Xaqa ka jeedsan, taasina waxay ku tusin in wanaaggu sabab u noqdo barwaaqo iyo khayr, xumaantuna wadato dhibaato iyo khasaare iyo luggooyo. Huud (50-52)

 

  1. Waxay dheheen, “Huudow noolama aadan imaanin xujo cad kagamana tageynno ilaahyahannaga hadalkaaga kumana rumeynayno.”
  2. “Wax kale kuguma dhaheyno oon ahayn in ilaahyahannaga qaarkood kugu asiibeen xumaan [cudur],” wuxuu yidhi, “Waxaan Eebbe marag-galin ee idinkuna marag noqda inaan bari ka ahay waxaad la wadaajinaysaan [cibaadada].”
  3. “Oo Eebbe kasoo hadhay ee i dhagra dhammaan hana i sugina.”
  4. “Anugu waxaan tala saartay Ilaahay ee ah Eebbahay iyo Eebbihiin wax socda oosan foodda qabanayn ma jiro [awoodayn] Eebbahayna wuxuu ku sugan yahay Jid Toosan.”

 

Waxay dheheen, “Huudow xujo cad nooma aadan keenin mana nihin kuwa uga tegi ilaahyadooda hadalkaaga kuna rumeyn maynno, waxaa uun waalli kugu asiibay ilaahyadanna qaarkood markaad ka reebtay cibaadadooda,” wuxuuna ku yidhi, “Waxaan Eebbe marag-galin idinkana idin marag-galin inaan bari ka ahay waxaad la wadaajinaysaan Eebbe oo kasoo hadhay, ee bal i dhagra dhammaan hana i sugina, waxaan tala-saartay Ilaahay ee Eebbahay ah iyo Eebbihiin, waxa socdoo dhanna wuxuu ku hoos jiraa awoodda Eebbe illeen Eebbe Jid Toosan oo Xaqa yuu ku sugan yahaye. Gaaladuna had iyo jeer waxay dadka Muslimiinta ah ku cabsi galiyaan waxyaalo kale oo Eebbe kasoo hadhay, waase in Eebbe si dhab ah loo caabudo isaga uun laga cabsado, waxa kasoo hadhayna laga jeedsado cibaadadooda iyo wax ka-dayiddooda, lana talo-saartaa illeen isagaa wax walba awooddiisa ku hoos jiraaye, Jidka Toosan ee Xaqa ah ee Eebbe ee Islaamka ahna lagu socdaa dadkana loogu yeedho laguna maamulo. Huud (53-56)

 

  1. “Haddaad jeedsataan waxaan idin gaadhsiiyey wixii laygu soo diray xaggiinna, wuuna idinka gadaal marin Eebbahay qawm kale waxna kama dhibaysaan, Eebbahayna wax kasta wuu ilaaliyaa.”
  2. Markuu yimid amarkannagii waxaan ku korinnay Huud iyo intii rumaysay naxariistannada waxaana ka korinnay cadaab adag.
  3. Taasi waa Caad, waxay diideen aayaadkii Eebbahood waxayna caasiyeen Rasuulladiisii waxayna raaceen amarka isla-weyne madax-adag dhammaantiis.
  4. Waxaana la raaciyey adduunyadan lacnad iyo maalinta Qiyaamaba, caad way ka gaaloobeen Eebbahood, fogaanshaa [halaag baana] u-sugnaaday Caadkii qawmkii Huud ahaa.

 

Nabi Huud wuxuu ku yidhi, “Haddaad cibaadada Eebbe kaliya ka jeedsataan diiddaanna anigu waan idin gaadhsiiyey Xaqii laygu diray, Eebbana cid kaluu idinku beddeli waxna kama dhimaysaan,” illeen wax walba Eebbaa daalacane, markaasaa la halaagay illeen way kibreene oo Xaqii ka jeedsadeene waana sidaas had iyo jeer, wuxuuna Eebbe koriyey Huud iyo intii la jirtay ee Xaqa rumeysay, waxaana naxariis Eebbe darteed looga koriyey cadaab adag, wanataas reer Caad markay beeniyeen aayaadkii Eebbahood caasiyeenna Rasuulladiisii raaceenna amarka mid kastoo kibir badan oo isla-weyn. Adduunyadana waa la lacnaday, Qiyaamadana waa lagu lacnadi reer Caadna waxaa ogaysiis ah inay ka gaaloobeen Eebbahood waxaana naxariis laga dheereeyey Caadkii qawmkii Nabi Huud ahaa, waddadooda ciddii martana waa lamid iyo ka xun. Huud (57-60)

 

  1. Thamuudna waxaan u dirray walaalkeed [Nabi] Saalax, wuxuuna yidhi, “Qawmkayow, caabuda Eebbe, ilaah [xaq lagu caabudo] Eebbe kasoo hadhay ma idiin sugnee, isagaana idiinka ahaysiiyey dhulka idinkuna cammiray dhexdeeda ee dambi-dhaaf warsada una tawbad-keena illeen Eebbahay waa dhawyahay oo ajiibaa [baryade].”
  2. Waxay dheheen, “Saalaxow waxaad ku ahayd dhexdannada mid la rajeeyo arrintan kahor, ma waxaad naga reebi inaan caabudno waxay caabudayeen aabbayaalkanno? Annagu shaki daran baan kaga sugannahay waxaad noogu yeedhi.”
  3. Wuxuu yidhi, “Bal ka warrama haddaan xujo Eebbahay ku sugnahay oo uu i siiyey naxariis xaggiisa ah yaa iiga gargaari Eebbe haddaan caasiyo? Iimana kordhinaysaan waxaan khasaare ahayn.”

 

Qisada reer Thamuud wax badan yuu Qur’aanku sheegay wixii dhex-maray Nabi Saalax, halkanse waxay sheegeen inay u han-waynaayeen Nabi Saalax intuusan ka reebin cibaadada waxay aabbayaalkood caabudi jireen oo baadil ah, waxayna sheegeen inay shakisan yihiin wuxuu ugu yeedhi, wuxuuse ugu jawaabay inuu Xaq iyo xujo Ilaah oo cad ku sugan yahay, warkooduna waxaan khasaare ahayn u-kordhinayn hadduu maqlo, waana kaas Xaqa iyo baadilku say u kala muuqdaan. Huud (61-63)

 

  1. “Qawmkayow tan waa hashii Eebbe calaamad bayna idiin tahay ee iska-daaya ha cunto dhulka Eebbe hana ku taabanina xumaan oo markaas idin qabto cadaab dhaw.”
  2. Wayse dileen hashii, wuxuuna ku yidhi, “Ku raaxaysta guryihiinna saddex maalmood kaasina waa yabooh aan la beeninayn.”
  3. Markuu u yimid amarkii Eebbe waxaan ku korinnay Nabi Saalax iyo intii rumaysay naxariistannada iyo inaan [ka korinnay] dulliga maalintaas Eebbana waa xoog-badane adkaada.
  4. Waxaana qabatay kuwii dulmi falay qaylo waxayna ahaadeen kuwo guryahooda ku dhex dhinta.
  5. Sidii iyagoon ku dhex-nagaanin, Thamuud waxay ka gaaloobeen Eebbahood waxayna muteen fogaansho [halaag].

 

Sidoo kale Nabi Saalax wuxuu u sheegay inay tanu tahay hashii Eebbe mucjisana tahay ee ay iska daayaan ha daaqdo dhulka Eebbee, xumaanna ayan ku taaban si aan loo ciqaabin, wayse dileen waana la halaagay, waxaana nabad-galay Nabi Saalax iyo intii rumeysay, waxaana laga koriyey dulligii maalintaas, illeen Eebbe waa xoog-badane, waxaana ku dhacday gaaladii qaylo oy bakhtiyeen, waxaadna mooddaa guryahoodii inaan la degin, reer Thamuudna waxay ka gaaloobeen Eebbahood waxaana laga dheereeyey naxariista Eebbe ee waasaca ah, waana wax ciddii caqli leh ku waano qaadan markaas Xaqa uun ku toosi si ay u liibaanto labada daaroodba. Huud (64-68)

 

  1. Waxay ula yimaadeen malaa‘igtannadii aan soo diray [Nabi] Ibraahiim bishaaro, waxayna dheheen, “Salaamo korkaaga ha ahaato,” isna wuxuu yidhi, “Salaam,” kamana nagaan [daahin] inuu u keeno dibi la dubay [hilibkiis].
  2. Markuu arkay inayna gacmahoodu gaadhayn wuu la yaabay wuxuuna iska kasay cabsi xaggooda ah, waxayna dheheen, “Ha cabsan waxaa naloo soo diray qawmka [Nabi] Luud e.”
  3. Haweeneydiisiina way taagnayd wayna qososhay waxaana ugu bishaaraynay [Nabi] Isxaaq gadaashiisna Yacquub [wiilkiisii].
  4. Waxayna tidhi, “Waa la-yaabe miyaan dhali anoo cajuuso ah ninkaygana oday yahay arrintaasu waa wax la-yaab leh.”
  5. Waxay dheheen, “Ma waxaad la yaabi amarka Eebbe naxariistiisa iyo barakadiisa korkiinna, qoyskanow, Eebbana waa la-mahdiye la-sharrifo.”

 

Nabi Ibraahiim malaa‘igtii way u bishaaraysay, wayna salaameen isna wuu ka celiyey oo soo dhaweeyey oo u-darbay martiqaad, wuxuuna u qalay dibi, mase ayan cunin illeen waa malaa‘ige, markaasuu shakiyey oo ka cabsaday, waxayse ku dheheen ha cabsan waxaa naloo soo diray qawmka [Nabi] Luud e, haweeneydiisiina way ag-taagnayd ooy qososhay, waxaana loogu bishaareeyey Isxaaq oo Yacquubna dhali oos ka dambeyn, markay haweeneydii la yaabtay waxaa loogu jawaabay, “Ma waxaad la yaabi amarka Eebbe iyo naxariistiisa iyo barakadiisa korkiinna dadka gurigan,” wax lala yaabo ma aha illeen Eebbe waa ammaanle sharaf leh, taasina waxay ku tusin isu-bishaaraynta, in dadka la xasiliyo, cabsida caadiga ah oo jirta, waynida awoodda Eebbe, naxariistiisa iyo barakadiisa aan la koobi karin. Huud (69- 73)

 

  1. Markay [Nabi] Ibraahiim ka tegtay cabsidii [argaggaxii] una timid bishaaradii yuu noqday mid nagula dooda xaalka qawmka [Nabi Luud].
  2. [Nabi] Ibraahiimna waa dulsame noqosho iyo tawbad-keen badan.
  3. Ibraahiimow iskaga jeedso xaalkan, waxaa dhab u yimid amarkii Eebbahaaye iyagana waxaa u imaan cadaab aan laga celinayne.
  4. Markay malaa‘igtaan soo diray u timid [Nabi] Luud wuu ka walbahaaray wuuna la cidhiidhyamay wuxuuna yidhi, “Tani waa maalin daran.”
  5. Waxaana yimid qawmkiisii oo u degdegi xaggiisa horayna waxay u ahaayeen kuwo fala xumaan, wuxuuna yidhi, “Qawmkayow kuwaasu waa gabdhahaygii iyagaa idiin dahiran ee ka dhawrsada Eebbe hana igu dullaynina martidayda miyuusan nin rashiid ah [fiican] idin ku jirin?”
  6. Waxay dheheen, “Waad ogtahay inaanaan ku lahayn gabdhahaaga xaq waadna ogtahay waxaannu dooni.”

 

Markay cabsidii ka ba‘day Nabi Ibraahiim yuu galay inuu ka doodo qawmka Luud illeen Nabi Ibraahiim wuxuu ahaa tawbad-keen badane dulsan, waxayse malaa‘igtii ku tidhi, “Isaga jeedso Ibraahiimow xaalkan amarkii Eebbaa yimide, waxaana u imaan cadaab aan la celinayne,” markay u yimaadeen Nabi Luudna wuu walbahaaray oo cidhiidhyamay isagoo yidhi, “Maanta waa maalin daran,” waxaana yimid qawmkiisii oo ordi, horayna waxay u fali jireen xumaanta, wuxuuna ku yidhi, “Wa kuwaase waa gabdhahaygii ee guursada iyagaa nadiif idiin ehe, Eebbana ka cabsada hana igu dullaynina martidayda, miyuusan nin rashiid ah idinku jirin?” Waxayse sheegeen inayan dan ka lahayn gabdhihiisa uu garanna waxay dooni. Waa la-yaab, kala fiicanaa hadal Muslim Eebbe rumeeyey iyo gaal Eebbe ka fogaaday oo xumaanta qasan, maxaase u dambeeyey? Waa halaag. Huud (74-79)

 

  1. Wuxuu yidhi [Nabi] Luud, “Haddaan xoog idiin leeyahay ama u-dumi tiir adag [waan idin ciqaabi lahaa].”
  2. Waxay dheheen [malaa’igtii], “Luudow waxaan nahay farriintii Eebbahaa dhibna kuma gaadhsiinayaan ee guuri ehelkaaga qayb habeenka kamid ah dibna hasoo dayina haweeyneydaada mooyee, waxaa ku dhici waxa ku dhacaya, ballankooduna waa subaxa, miyuusan subuxu dhawayn?”
  3. Markuu yimid amarkannagii waxaan ka yeellay korkoodii hoostoodii waxaana ku daadinay dhagaxyo la shiday oo is-raacraacsan.
  4. Lagu calaameeyey Eebbahaa agtiisa, wax daalimiinta ka fogna ma aha.

 

Wuxuu ku calaacalay Nabi Luud in hadduu awood leeyahay ama ku tiirsan yahay tiir adag uu ciqaabi lahaa gaaladaas, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe ha u-naxariistee Nabi Luud, wuxuu ahaa mid ku tiirsan tiir adag (Eebbihiis).” Malaa’igtii waxay u sheegeen in Eebbe soo diray, uusan cabsanna, wax dhib ahna uusan gaadhayn guuriyana ehelkiisa iyagoo dib soo eegayn, haweeneydiisa oo la halaagi mooyee, waxaana la halaagi subaxdii oon fogayn, amarkii Eebbaana u yimid oo waa la daba-gaddiyay laguna soo daadiyey dhagax Naar ah oo calaamaysan, arrintaasuna kama foga daalim oo dhan, waxaana loo baahan yahay in lagu waano-qaato, wanaaggana lagu dadaalo, xumaantana laga dheeraado. Huud (80-83)

 

  1. Madyanna waxaan u dirnay walaalkood [Nabi] Shucayb, wuxuuna yidhi, “Qawmkayow caabuda Eebbe idiinma sugna ilaah kale [xaq lagu caabudo], hana nusqaaminina beegidda [miisidda] iyo miisaanka waxaan idinku arkaa khayr ee [xoolo] waxaana idiinka cabsan cadaab maalin koobi.”
  2. “Qawmkayow oofiya miisidda iyo miisaanka si caddaalad ah, hana ka nusqaaminina dadka waxooda, dhulkana ha fasaadinina.”
  3. “Baaqiga Eebbe yaa idiin khayr-roon ee ma ihi mid idin ilaalin [karee].”
  4. Waxay dheheen, “Shucaybow ma salaadahaagaa ku fari inaan ka tagno waxay caabudayeen aabbayaalkaanno ama ku fallo xoolahannaga waxaan doonno, adugu waxaad uun tahay dul-badane toosan,” [jeesjees dartiis].

 

Qawmkii Madyanna waxaa loo diray Nabi Shucayb waana meel ku taalla Xijaaz iyo Shaam dhexdooda oo u-dhaw magaalada Macaan, wuxuuna faray in Eebbe kaliya caabudaan miisidda iyo miisaankana si cadaalad ah u dhammaystiraan khayrka Eebbe iyo baaqiga wanaagsanna shifaystaan dhulkana aanay fasaadinin dadkana waxooda ka nusqaaminin si uusan u dhicin cadaab daran oo kooba, wayse ku jeesjeeseen oy ku dheheen, “Ma salaaddaadaa ku fari inaan ka tagno waxay aabbayaalkanno caabudi jireen ama say doonaan u maamulaan xoolahooda?” Waxayna dheheen, “Waxaad tahay nin aad u fiican,” iyagoo ku jeesjeesi, waana xaal kala fog wanaagguu faray iyo xumaantay ugu jawaabeen illeen waa gaalee iyo caadadeede. Huud (84-87)

 

  1. Wuxuu yidhi, “Qawmkayow bal ka warrama haddaan ku sugnahay xujo Eebbahay iguna arzuqay rizqi wanaagsan, oonan doonaynna inaan idiin dabo-maro waxaan idinka reebi oonan doonayn waxaan wanaajin ahayn, intaan karo, waafajintaydana waxaan Eebbe ahayn ma karo isagaana talo-saartay xaggiisaana u noqon [tawbad].”
  2. “Qawmkayow yuusan idinku xambaarin khilaafkaygu inuu idinku dhaco wixii ku dhacay qawmkii [Nabi] Nuux ama qawmkii [Nabi] Huud ama qawmkii [Nabi] Saalax, idinkamana foga waqtigii qawmkii [Nabi] Luud.”
  3. “Ee dambi-dhaaf warsada Eebbihiin una tawbad-keena illeen Eebbahay waa naxariiste jecel [ciddii tawbad-keentee].”
  4. Waxay dheheen, “Shucaybow ma kasaynno wax badan ood sheegi waxaana kugu aragnaa inaad dhexdannada ku tabar-yar tahay, hadduusan qawmkaagu jirin waan ku dhagaxyeyn lahayn, mana tihid adugu mid cizzi nagu leh.”
  5. Wuxuu yidhi, “Qawmkayow ma jamaacaddaydaa idin kala wayn Eebbe ood ka yeelateen waxaad dhabarkiinna ka tuurtaan [Xaqa]? Eebbahayna waxaad falaysaan wuu koobay.”

 

Nabi Shucayb wuxuu ku sugnaa Xaq, Eebbana wuxuu siiyey Nabinimo iyo rizqi fiican, mana u daba-marayn xumaantuu ka reebi sida dadka qaarkiis ee liita falaan, waxaan wanaajin ahaynna ma rabin, Eebbuuna tala-saaranayey, wuxuuna uga digay in khilaafkoodu u sababo halaaggii ku dhacay ummadihii ka horreeyey oo kale, oyna ku habboon tahay inay Eebbe u noqdaan, illeen waa naxariiste khayr jecel ee, wayse diideen oy sheegeen inayn kasayn wax badan oos sheegi, tabar-yarina ay ku arkaan, haddayna ixtiraamayn qawmkiisana ay dhagax la dhici lahaayeen, wuxuuna la yaabay in qawmkiisu kala waynaado Eebbe iyo Xaqa, oyna ka jeedsadeen isagoo Eebbe koobay waxay fali. Wanaaggana waa in dadka la faro aadna adugu fartoonto eedan xumaantii u dabo-marin taasi waa ceeb ee, sidoo kale isla-waynida iyo in qabiil iyo qawm ka waynaado Xaqa waa wax la-yaab leh. Huud (88-92)

 

  1. Wuxuu yidhi, “Qawmkayow ku camal-fala dariiqadiinna anna waan camal-fali waxaadna ogaan doontaan cidduu u yimaado cadaab dulleeya iyo cidda beenaalaha ah ee suga anna waan idinla sugiye.”
  2. Markuu yimid amarkannagii waxaan ku korinnay Shucayb iyo kuwii rumeeyey naxariistannada, waxaana qabatay kuwii dulmi falay qaylo waxayna ahaadeen kuwo guryahoodii ku dhintay.
  3. Sidii iyagoon ku nagaanin fogaansho [halaag] baa u sugnaaday Madyan siday u fogaatay Thamuud [u-halaagsantay].

 

Ugu dambayn markuu Nabi Shucayb ka quustay xaalkoodii wuxuu ugu gooddiyey in cid walba say rabto ku socoto waxaa la ogaan doonaa cidduu cadaab dulleeya u yimaado oo beenaala ah, saasna la wada sugo, waxaana la halaagay gaaladii isla-waynayd ee madax-adkayd, wuxuuna Eebbe koriyey Nabi Shucayb iyo intii rumeysay, saasayna reer Madyan halaag iyo ciqaab ugu dhacday, waana abaalka Xaq-diidayaasha wanaagga neceb xumahana jecel, waana arrin u baahan ku-waano-qaadasho iyo ka-digtooni qallooc. Huud (93-95)

 

  1. Waxaannu dhab ula dirray [Nabi] Muuse aayaadkannagii iyo xujo cad.
  2. Xagga Fircoon yaana u dirray iyo qawmkiisii, waxayna raaceen amarkii Fircoon, amarka Fircoonna ma ahayn mid toosan [hanuunsan].
  3. Wuxuu hor-qaadi qawmkiisa maalinta Qiyaame, wuxuuna ku aroorin Naarta, meel lagu aroorana Naar baa u xun.
  4. Waxaana la raacsiiyey adduunyada lacnad iyo maalinta Qiyaamaba, wax laysu kordhiyana waxaa u xun [arrintaa].
  5. Arrintaasu waa warkii magaalooyinka waana kaaga qisoonaynaa, waxaana kamid ah kuwo taagan iyo kuwo la halaagay.
  6. Maanaan dulmiyin iyagaase dulmiyey naftooda waxna ugama tarin ilaahyahoodii ay caabudayeen Eebbe ka-sokow markuu u-yimid amarkii Eebbahaa, waxaan khasaare ahaynna uma kordhin.

 

Aayadahanna wuxuu Eebbe ku sheegay qisadii Nabi Muuse iyo cadawgii Diinta ee ahaa Fircoon iyo colkiisii iyo in Fircoon ku socday baadi, halaag iyo Naarna uu u-hoggaamin Qiyaamada qawmkiisii meel xunna uu ku aroorin lacnadna la raaciyey adduunyada iyo Qiyaamadaba. Kaasina waa warkii ummadihii hore, waxaana jira wax raad leh iyo wax la tirtiray Eebbana ma dulmiyin iyagaa is-dulmiyey, wixii Eebbe kasoo hadhay oy caabudayeenna waxba uma tarin markay ciqaabtii u-timid waxaan khasaare ahayna uma kordhin, taasina waxay ku tusin in ciddii ku hoggaamisa dadka xumaan adduunyada uu Qiyaamada Naarta iyo ciqaabta u hoggaamin, waana wax laga digtoonaado oo laga fogaado. Huud (96-101)

 

  1. Waana sidaas qabashada Eebbahaa markuu doono inuu qabto oo ciqaabo magaalo [dadkeed] oo dulmi fashay, qabashadiisuna way xanuun leedahay oy daran tahay.
  2. Arrintaasna calaamad baa ugu sugan ciddii ka cabsan cadaabka Aakhiro waana maalin loo kulmin dadka dartiis, waana maalin lasoo joogsan.
  3. Dibna uguma dhigaynno muddo magacaaban darteed mooyee.
  4. Maalintuu Qiyaamuhu yimaado ma hadasho nafi idinka Eebbe mooyee, waxaana kamid ah dadka kuwo xun [khasaaray] iyo kuwo liibaanay.
  5. Kuwa xumaadayna Naar bay gali dhexdeedayna ku hinraagi kuna qayliyi.
  6. Iyagoo ku waari inta samooyinku jiraan iyo dhulku wuxuu Eebbe doono mooyee, Eebbahaana wuxuu doonuu falaa.
  7. Kuwa la liibaanayna Jannay ku waari inta samooyinku jiraan iyo dhulku, wuxuu Eebbe doono mooyee, waana siismo aan go‘ayn.

 

Dulmi ciddiisuu la hadhaa, Eebbana wuu sugaa daalimka markuu qabtana ma bixiyo siduu Nabigu yidhi, dulmiguna waa waxyaalaha Eebbe soo dedejiyo ciqaabteeda inkastoo dadku dherersado mararka qaarkood illeen waqtigaa ku kala duwan Eebbe agtiisa iyo dadkee, saas darteed waa in dulmiga laga fogaado, illeen waxaa dambeeya cadaabkii Aakhiro iyo Qiyaamo lasoo kulmin, cid Eebbe idmo mooyee cid hadlina ayan jirin, dadkuna laba nooc noqon, mid khasaaray iyo mid liibaanay, labo jidna ay kala qaadi Naar iyo Janno, markii Naarta lagasoo bixiyo ciddii ashahaado ku dhimatay yaa Malakul Mawt dhiman markaasaa la dhahaa, “Ehlu-Jannow waad waaraysaan dhimanna maysaan, ehlu-Naarow waad waaraysaan dhimanna maysaan,” halkaasaana lagu kala tegi oyna kala caddaan ciddii faras saarrayd iyo ciddii dameer saarrayd markuu boodhku faydmo, waana dhab sugan. Soo-reebidduna ma aha in gaalada Naarta lagasoo bixin ama ehlu-Jannuhu ka bixi ee waa in ciddii ashahaadata laga bixin Naarta, mu‘miniintuna ay ku waari Jannada sida aayadda ka muuqata dhammaadkeeda. Huud (102-108)

 

  1. Ha shakin [xumaanta] waxay caabudi kuwaasu, ma caabudayaan waxay aabbayaalkood caabudayeen mar hore mooyee, waana u dhammaynaynaa qaybtooda [ciqaabta] oon laga nusqaaminayn.
  2. Waxaan siinnay [Nabi] Muuse Kitaabka [Tawreed] waana laysku khilaafay, hadduunan jirin hadal Eebbahaa oo horreeyey waa la kala-xukmin lahaa dhexdooda, waxayna iyagu kaga sugan yihiin shaki daran.
  3. Dhammaan wuu u-oofin Eebbahaa camalkooda illeen Eebbe waxay camal-fali wuu ogyahay.
  4. Ee u-toosnow sida lagu faray adiga iyo inta kula tawbad-keentay hana xad-gudbina illeen Eebbe waxaad camal-falaysaan wuu arkaaye.
  5. Ha u iilanina kuwa dulmi falay oo Naaru idin taabato idiinmana sugno Eebbe ka-sokow awliyo markaas laydiinna gargaari maayo.

 

Wuxuu Eebbe ku adkeeyey Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) iyo ummaddiisaba inayan shakiyin xumaanta waxay caabudi iyaga iyo aabbayaalkoodii hore, cid walbana waxaa loo dhammayn abaalkeeda, Kitaabkii Nabi Muusana waa laysku khilaafay haddaan Eebbe horay u-iraadayna waa la kala-xukumi lahaa, waxayna ku sugan yihiin shaki daran, una toosnaada sida laydin faray, hana kibrina illeen Eebbe wax kama qarsoonee, hana u-iilanina kuwa dulmiga falay oo markaas Naaru idin taabato, wax Eebbe kasoo hadhay oo idiin gargaarina uusan jirin. Abul Caaliya wuxuu yidhi, “Haka raalli-noqonina camalka gaalada.” Ibnu Cabbaasna wuxuu yidhi, “Ha u-iilanina kuwa dulmiga falay.” Aayaduhuna waxay soo jeedin in xumaanta si dhab ah loo garto, lana toosnaado, daalimiintana aan loo iilan oon raalli laga noqon, taasi waxay ku tusin xumaanta iyo darraanta dulmiga cid fasha iyo mid gacan ku siisaba. Huud (109-113)

 

  1. Oog salaadda maalinta darfaheeda iyo qayb habeenka kamid ah [saacaad] illeen wanaaggu wuxuu tegsiiyaa [tirtiraa] xumaantee, taasina waa waanada kuwa Ilaah-xuska badan.
  2. Samir [adkayso] Ilaahay ma dayaco ajirka kuwa sama-falee.
  3. Maxay u ahaan waayeen quruumihii hore dad khayr [caqli] leh oo ka reeba fasaadka dhulka, wax yar mooyee oo kamid ah kuwaan korinnay xaggooda, waxayna raaceen kuwii dulmi falay wixii loogu raaxeeyey waxayna ahaayeen dambiilayaal.
  4. Eebbana uma halaago magaalo dulmi iyadoo ehelkeedu wax wanaajin.
  5. Hadduu doono Eebbahaa wuxuu ka yeeli lahaa dadka mid kaliya mana ka tagaan kuwo is-khilaafsan.
  6. Cid Eebbe u naxariistay mooyee, saasaana Eebbe ku abuuray, wayna taam-noqotay Kalimaddii Eebbahaa oo ah inuu ka buuxiyo Jahannamo jinni iyo insi dhammaan.
  7. Dhammaan waxaannu kaaga qisoon wararkii Rasuullada waxaan ku sugno qalbigaaga, waxaana taam kuugu yimid Xaq iyo wacdi iyo waanada mu‘miniinta.
  8. Waxaad ku dhahdaa kuwaan rumeynin, “Ahaada sidiinnaas [ku camal-fala] annana waannu [ahaan] camal-faliye.
  9. Sugana annana waannu sugiye.
  10. Eebbe waxaa u-sugnaaday waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka, xaggiisaana loo celin amarka dhammaan ee caabud oo talo-saaro, Eebbana ma halmaansana waxaad falaysaan.

 

Salaadda waa in loo dadaalo illeen wanaaggaa tirtira xumaantee, shanta salaadood iyo salaadda Jimce iyo soonku waxay gudaan asturaanna waxa u dhaxeeya haddii dambi wayn laga tago siduu Nabigu yidhi, waana in la adkaysto si Eebbe wanaag noogu abaal-mariyo, caqli iyo diinna la yeesho oo xumaanta la reebo, iyo fasaadinta dhulka iyo dulmi iyo raaxo-xun-jacaylka isagoo dambiile la yahay, Eebbana waa caadil oo ma halaago cid toosan dulmin dartiis, Eebbana hadduu doono dadka wuxuu ka dhigi lahaa mid kaliya kamase tagaan khilaaf cid Eebbe u naxariistay mooyee, waxaase Eebbe hormariyey in Jahannamo laga buuxin jinni iyo insi. Waxa lasoo sheegay oo wararkii Rasuullada ahna waxaa lagu adkayn niyadda Nabiga. Huud (114-123)

 

Suurat Yuusuf

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariisguud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Alif. Laam. Raa’. [Xuruufta waxay ku tusin mucjizada Qur’aanka.] Tanna waa aayaadkii Kitaabka cad [Qur’aanka].
  2. Annagaana soo dejinay isagoo Qur’aan Carabi ah inaad kastaan.
  3. Annagaa kaaga qisoon qisooyin tan u fiican waxyigaan Qur’aankan kuu waxyoonay dartiis, waxaadna kamid ahayd hortiisa kuwaan wax ogayn.
  4. Markuu [Nabi] Yuusuf ku yidhi aabbihiis, “Aabbow waxaan arkay kow-iyo-toban xiddigood iyo qorraxda iyo dayaxa waxaan arkay iyagoo ii sujuudsan.”
  5. Wuxuuna yidhi [aabbihiis Yacquub] “Wiilkayow hawga qisoonin riyadaada walaalahaa oy markaas ku dhagraan dhagar, illeen Shaydaanku dadka wuxuu u-yahay col cad ee.”
  6. “Saasuuna kuu doortay Eebbahaa kuuna baray fasiraadda riyada iyo xadiithyada, kuuna taam-yeeli nicmadiisa korkaaga iyo Yacquub ehelkiisa siduu ugu taam-yeelay labadaadii waalid mar hore [Nabi] Ibraahiim iyo [Nabi] Isxaaq eebbahaana waa oge falsan.”

 

Ibnu Kathiir wuxuu yidhi, “Eebbaa Qur’aanka kusoo dejiyey luqadda u sharaf badan, Kitaabka u sharaf badan, Nabiga ugu sharaf badan, malagga u sharaf badan, meesha u sharaf badan, bisha u sharaf badan, saasuuna dhan walba kaamil uga noqday.” Qisada Nabi Yuusufna waa wax la-yaab leh Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ma aqoon waxyiga ka hor. Wuxuuna arkay Nabi Yuusuf kow-iyo-toban xiddigood iyo qorraxda iyo dayaxa oo u-sujuudi, aabbihiina wuxuu faray inuu ka qariyo walaalihiis si ayna u xasdin una shirqoolin, illeen Shaydaan baa dadka weheliya colna u ah, Eebbaa doortay Nabi Yuusuf barayna cilmi iyo fasiraadda riyada una nicmeeyey isaga iyo ehelkii Yacquuba aabbihiis iyo aabbayaalkiisii hore Nabi Ibraahiim iyo Nabi Isxaaq. Nabiguna wuxuu yidhi, “Kii fiicnaa ee mid fiican dhalay mid fiicanna sii dhalay mid fiicanna sii dhalay waa Yuusuf binu Yacquub binu Isxaaq binu Ibraahiim.” Nabiyadoo dhanna waa sharaf badan yihiin sida Nabigeenna. Yuusuf (1-6)

 

  1. Yuusuf iyo walaalihiis calaamad baa ugu sugan kuwa warsan [waano].
  2. Markay dheheen, “Yuusuf iyo walaalkiis yaa aabbe naga jecel yahay inagoo koox ah, aabbeheen wuxuu ku sugan yahay baadi cad [jacaylkaas].”
  3. “Dila Yuusuf ama ku tuura dhulka, ha idiin kaliyoobo wajiga aabbihiine, aadna ahaateen gadaashiis qawm suubban ee.”
  4. Mid kamidaa yidhi, “Ha dilina Yuusuf ee ku tuura ceel salkiis ha qaateen qaar safaree haddaad wax falaysaan.”
  5. Waxay dheheen, “Aabbow maxaad noogu aamini la‘dahay Yuusuf annagoo u naasixa.”
  6. “Nala dir barri ha cuno hana ciyaaree annaguna isaga waannu ilaaline.”
  7. Wuxuu yidhi [Yacquub] “Waxaa i walbahaarin inaad la tagtaan, waxaana ka cabsan in yeeyi cunto idinkoo halmaansan.”
  8. Waxay dheheen, “Hadday yey cunto annagoo koox ah waxaan kamid nahay kuwa khasaaray.”

 

Qisada Nabi Yuusuf iyo walaalihiis waxaa ku sugan waano iyo xusuus. Waxayna ku tashadeen xasad dartiis inay ama dilaan Yuusuf ama ceel ku ridaan, ugu dambayn mid baa usoo jeediyey inay ceel ku ridaan, aabbahood bayna warsadeen wuxuu ugu aamini la‘yahay Yuusuf, waxayna warsadeen in la diro ha lasoo ciyaaree, wuxuuna u sheegay inuu ka walbahaarini inay la tagaan uuna dugaag uga cabsan, waxayse sheegeen inay ilaalin oo dhawri oyna koox yihiin saasayna kula tageen. Maxamed binu Isxaaq wuxuu yidhi, “Waxay isku waafaqeen arrin wayn oo ah qaraabo-goys, caaq-waalid, naxariis-darro, iyagoo kala-gayn ilmo yar iyo oday aabbihiis ah oo duq ah.” Waana arrin wayn waana in laga fogaado waxaasoo kale illeen waa halaage. Yuusuf (7-14)

 

  1. Markay la tageen oy ku kulmeen inay yeelaan ceel salkii, waxaan u waxyoonnay waad uga warrami amarkoodan iyagoon kasayn.
  2. Waxayna u yimaadeen aabbahood habeenkii iyagoo ooyi.
  3. Waxayna dhaheen, “Aabbow waannu tagnay inaan orotonno waxaana ku dhaafnay Yuusuf alaabtannada agteeda markaasay yey cuntay aduguse nama rumaynaysid aanba run sheegnee.”
  4. Waxayna la yimaadeen qamiiskiisii oo dhiig beena leh, wuxuuna yidhi [Yacquub] “Saas ma aha ee waxay idiin qurxisay naftiinnu arrin [xaalkayguse] waa samir fiican Eebbaana laga kaalmaystaa waxaad tilmaamaysaan.”

 

Way la tageen Yuusuf, waxayna isku waafaqeen inay ceel ku ridaan, markay ku rideenna Eebbaa u waxyooday oo ogaysiiyay Yuusuf in cidhiidhigan farax ka danbayn ugana warrami walaalihiis xaalka iyagoon garanayn, si ay arrinta u adkeeyaan yay ula yimaadeen waqti habeen ah aabbahood qamiis dhiig leh iyagoo ooyi oo sheegi inay Yuusuf ku dhaafeen alaabta agteeda iyaguna ciyaar iyo oroton aadeen halkaasna yay ku cuntay inkastoon aabbahood rumaynayn si kasta oy run u sheegaan, kuna yidhi “Naftiinnaa arrin idiin qurxisay, waxaanse samri samir fiican oon argaggax lahayn Eebbaana looga kaalmo warsadaa waxaad falaysaan.” Waadna aragtaa inay wax dhoodhoobeen oohin, qamiis dhiig leh, hadal qurxin in wiilkii waraabe cunay, taasina waxay nooga digi inaan lagu khaldamin muuqaalka iyo wax-dhoodhoobka, caqli- iyo Eebbe-kaalmaysi, iyo kaadsiinyo iyo samir iyo adkaysina lagu socdo. Thawri wuxuu yidhi, “Saddex samirkay kamid tahay inaadan ka warramin xanuunkaaga, iyo dhibkaaga, naftaadana ammaanin.” Bukhaarina wuxuu sheegay xaalkii Caa‘isha iyo markay tidhi, “Tusaale ma helayo aan ahayn kii Yacquub, xaalkay waa samir quruxsan Eebbaana looga kaalmo-warsadaa waxaad sheegaysaan,” taasina waa xaalka mu‘miniinta dhabta ah. Yuusuf (15-18)

 

  1. Waxaa yimid socoto waxayna direen dhaamiye wuxuuna siidaayay wadaantiisii, wuxuuna yidhi, “Bishaaradayda waa wiil,” wayna qarsadeen isagoo badeeco ah, Eebbana waa og yahay waxay fali.
  2. Waxayna ku gateen qiima jaban dirhamo tirsan waxayna ahaayeen kuwaan rabin.
  3. Wuxuu ku yidhi kii gatay oo Masar ah haweenaydiisii “[Wanaaji] ixtiraam hooygiisa waxay u dhawdahay inuu na anfaco ama ka yeelanno ilmo,” saasaana u makaninay Yuusuf dhulka iyo inaan barro fasiraad [riyada] xadiithyada, Eebbaana u adag arrinkiisa, laakiin badida dadku ma oga.
  4. Markuu gaadhay xooggiisa yaan siinnay xikmad iyo cilmi [Nabinimo] saasaana ku abaal-marinaa sama-falayaasha.

 

Eebbe isagaa awoodda cirka iyo dhulka iyo wax walba leh, wuxuuna usoo diray Yuusuf safar kasoo saaray ceelkii kuna bishaaraysatay, kuse gatay qiimo jaban illeen si dhib yar buu kusoo galaye oo way heleene, waxayna ka gateen nin madax ah oo Masar ah wuxuuna faray haweeneydiisii inay ixtiraamto, waxaa suurawda inay wiil ka dhigtaan ama anfacee, saasaana Eebbe Yuusuf u koriyay dhulkana u makaniyay una baray fasiraadda riyada iyo xadiithka, illeen Eebbaa xaalka maamula una adage, in kastoon dadka badankiisu ogayn, markuu xoogaystayna oo caqligiisu buuxsamay yuu Eebbe siiyay cilmi iyo Nabinnimo, sidaasuuna Eebbe ku abaal-mariyaa wanaag-falayaasha. Cabdullaahi ibnu Mascuud wuxuu yidhi, “Waxaa wax u-qiyaasi ogaa dadka saddex: ninkii Masar ee ku yidhi haweenayda ‘Ixtiraam Yuusuf,’ iyo tii tidhi ‘Aabbow noo ijaar [Nabi Muuse],’ iyo Sayid Abii Bakar markuu Sayid Cumar uu magacaabay.” Saasayna ugu soo degdegtay Nabi Yuusuf naxaariistii iyo bishaaradii Eebbaha awoodda badan. Yuusuf (19-22)

 

  1. Waxaa dalbatay naftiisa tii uu joogay gurigeeda waxayna xidhay albaabyadii waxayna ku tidhi “Kaalay,” wuxuuna yidhi “Magan-gal Ilaah, illeen waa sayidkaygii, wuxuu wanaajiyay hoygaygee mana liibaanaan daalimiintu.”
  2. Way ku hamiday [doontay] isna waa ku hammin lahaa hadduusan arkin xujada Eebbe, saasaana uga iili xumaanta iyo fal-xumida illeen wuxuu kamid yahay addoomahannaga la doortay [camalkana u kali-yeela Eebbe].
  3. Waxay u orotameen albaabka [irridda] waxayna ka goysay qamiiskiisa gadaasha waxayna kula kulmeen ninkeedii irridda agteeda, waxayna ku tidhi, “Maxaa lagu abaal-marin cid la doontay ehelkaaga [haweenaydaada] xumaan in la xidho ama caddibaad daran la gaadhsiiyo mooyee.”

 

Imtixaankii yaa wali daba-socday Nabi Yuusuf waxaana hunguriyaysay haweenaydii uu gurigeeda joogay oo xidhay irridihii kuna tidhi “Kaalay,” wuxuuse ka magan-galay Eebbe, kumana habboona inuu khayaamo ninkii u wanaag-falay, ee ku ixtiraamay gurigiisa ama Eebbe caasiyo illeen daalim ma liibaanee. Way doontay haweenaydii Yuusuf naftiisa, isna haddayna dhawridda iyo ilaalinta Eebbe jirin wuu hammin lahaa Eebbaase dhawray tusiyayna xujooyin iyo calaamad cabsi Eebbe kusii abuurta, saasuuna Eebbe xumaanta uga dhawray illeen wuxuu kamid yahay addoomada Eebbe doortay camalkoodana Eebbe u kali-yeela, wuxuuna u cararay xagga irridda wayna ka daba-oroday oy ka goysay qamiiskiisii xagga danbe, waxayna kula kulmeen ninkeedii irridda agteeda, waxayse doontay inay Yuusuf ku rogto xumaanta waxayna lasoo boodday inay ku tidhaahdo ninkeedii cidda xaaskaaga xumaan la doontay abaalkiisu waa in la xabbiso ama ciqaab daran la dhadhansiiyo, halkaasna waxaa ka muuqday masabid iyo nabidda xaq-darro ee dad ku talo-galo iyo sida la isu-dulmin. Yuusuf (23-25)

 

  1. Wuxuu yidhi [Nabi Yuusuf] “Iyadaa i dalabtay naftayda,” wuxuuna ku marag-furay marag ehelkeeda ah, “Hadduu qamiiskiisu ka go‘an yahay xagga hore iyadaa run sheegi isna waa beenalayaasha.”
  2. “Hadduu qamiiskiisu ka go‘an yahay xagga danbana iyadaa beenalay ah isna [Yuusuf] wuxuu kamid yahay runlayaasha.”
  3. Markuu arkay ninkeedii qamiiskii Yuusuf oo gadaal ka go‘an wuxuu yidhi, “Kaasi waa dhagartiinnii, dhagartiinuna waa wayn tahay.”
  4. “Yuusufow iskaga jeedso xaalkan [haka warramin], haweeneeyahay adna ka dambi-dhaaf warso Eebbe danbigaaga waxaad kamid tahay kuwa gafaye.”

 

Saasuu Eebbe u muujiyay ceeb- iyo danbi-la‘aanta Nabi Yuusuf iyo in iyadu doontay isna diiday, waxaana sidaas si caddaalad ah ugu marag-furay cid qaraabadeeda kamid ah oo qamiiska Nabi Yuusuf ku kala xukuntay hadduu horay ka go‘an yahay iyadaa run sheegi hadduu gadaal ka go‘an yahayna isagaa run sheegi, markuu ninkeedii arkay inuu qamiisku gadaal ka go‘an yahay oo xaalku u caddaaday wuxuu ku tuhmaystay haweenayda inay dhagar iyo khayaamo waddo, dhagartooduna wayn tahay, wuxuuna usoo jeediyay Yuusuf inuu ka gaabsado xaalkan kana warramin, iyadana wuxuu faray inay ka tawbad-keento arrintaas ay doontay ee dhicin iyo masabidka Yuusuf. Halkaasna ugama bannaana in cidu Yuusuf wax ka sheegto illeen wuxuu ahaa Nabi dhawrsoon oo Sharaf leh sida Eebbe caddeeyay. Markhaatiguna ama ha ahaado cid guriga joogtay, ama llmo yar oo hadlay waxaase muhiim ah in Eebbe bari yeelay Nabi Yuusuf saasuuna Eebbe ceebta uga dhawraa mu‘miniinta is-dhawrta iyaga iyo ehelkoodaba, waana qiso aad u xeel dheer. Yuusuf (26-29)

 

  1. Waxayna dheheen haweenkii magaalada, “Haweenaydii casiis [wasiirka] waxay dooni khaadimkeeda naftiisa [la nool] jeceylkiisaa qalbiga ka galay, waxaana ku aragnaa baadi cad.”
  2. Markay maqashay dhagartooda [xantoodii] way u farriin-dirtay waxayna u darabtay fadhi [martiqaad] waxayna siisay mid kasta mindi waxayna ku tidhi Yuusuf, “Kusoo bax,” markay arkeenna way wayneysteen waxayna iska gooyeen [sareen] gacmaha [faraha] waxayna dheheen, “Xaashaa-Ilaah kani bashar [dad] ma aha kani waxaan malag sharaf leh ahayn ma aha.”
  3. Waxay tidhi, “Kaasi waa waxaad igu dagaasheen anaa doonay naftiisa wuuna is-dhawray hadduusanse falin waxaan fari wallee waa la xabbisi uu noqon kuwa dullooba.”

 

Waxaa magaaladi ku faafay warkii haweeneydaas iyo Yuusuf, waxayna haweenkii magaaladu ku sheekeysteen in haweeneydii casiis oo ahaa wasiir ay dooni wiilkii gurigeeda joogay Yuusuf jeceylkiisuna qalbiga ka galay, ayna ku sugan tahay baadi cad, markay warkii iyo xantoodii maqashayna waxay u sameysay martiqaad iyo wax la jarjaro waxayna u dhiibtay mindiyo, Yuusufna waxay amartay inuu usoo baxo, markay arkeenna way la yaabeen oo waynaysteen oo farihii iska sareen intay dhawriddiisa mashquul ku ahaayeen, waxayna sheegeen inuusan Yuusuf dad ahayn ee malag sharaf badan yahay, markaasay iyagii kusoo jeedsatay oo ku tidhi, “Wakaas waxaad igu dagaalayseen inaad idinba faraha iska goyseen, anaana doonay naftiisa haddana hadduusan falin waxaan fari waa la xabbisi oo noqon kuwa dullooba.” Halkaasna waxaa ka muuqda in ciddii Eebbe dhawro iyana is-dhawrta Eebbe ka fogayn xumaan iyo ceeb, iyo nadaafaddii Nabi Yuusuf iyo siday ugu caddaysay haweenkii dhabta illeen Nabiyada Eebbaa ilaaliyayey. Yuusuf (30-32)

 

  1. Wuxuuna yidhi [Nabi Yuusuf] “Eebbow xabbis baan ka jeclahay waxay iigu yeedhi haddaadan iga iilin dhagartooda waan u iilan xaggooda waxaana kamid noqon jaahiliinta.”
  2. Waxaana ajiibay Eebbihiis wuuna ka iilay dhagartooda illeen Eebbe waa maqle og.
  3. Markaasaa waxaa u muuqday intay arkeen aayaad [calaamooyin] inay xidhaan tan iyo muddo.
  4. Waxaana la galay xabbiska laba dhalinyara ah midkood baana yidhi, “Waxaan arkay [riyo] anoo miiri khamro,” kii kalana wuxuu yidhi, “Anna waxaan arkay anoo ku xambaari madaxayga korkiisa khubus [kibis] kana cunayso shimbirtu xaggiisa, nooga warran fasiraadda waxaan kugu aragnaa inaad kamid tahay sama-falayaashee.”

 

Nabi Yuusuf sida caadada dadka wanaagsan tahay wuxuu Eebbe ka baryey inuu ka koriyo dhagartooda naftiisana u iilan illeen waa banii-Aadame, wuxuuna sheegay inuu xabbiska ka-jecel yahay kana dooran waxay ugu yeedhi oo xumaan ah, intaas kadibna waxay maslaxo moodeen dadkii hoggaaminayey halkaas in la xidho Nabi Yuusuf tan iyo muddo waana la xidhay, waxaana xabbiska la galay labo wiil oo dhalinyaro ah oo riyo arkay mid isagoo khamra miiri, midna isagoo khubus ama cunno madaxa ku xambaarsan shimbiruhuna wax ka cunayaan, waxayna warsadeen inuu u-fasiro illeen waxay arkeen inuu nin fiican yahaye, wayna imaan doontaa fasiraaddii, aayaduhuna waxay ku tusin sharafkii Nabi Yuusuf iyo inuu xabbis ka dooran xumaan oo dhan, iyo Eebbe la warsado kaalmo iyo dhawrid, iyo in Eebbe ajiibo baryada dadka suubban, iyo dhagartay ku sameeyeen Nabi Yuusuf oo iyagoo og inuusan dambi lahayn ay haddana xidheen si ay u asturaan haweeneyda sumcaddeeda, iyo siduu u-yiqiin fasiraadda riyada looguna yaqiinnay wanaag iyo sharaf iyo akhlaaq wanaagba. Yuusuf (33-36)

 

  1. Wuxuu yidhi [Yuusuf] “Wixii cunna ah oo laydinku arzaaqo waxaan idiinka warrami fasirkiisa kahor imaatinkiisa, kaasina waa waxa Eebbahay i baray, anuguna waxaan ka tagay [nacay] millada qawmkaan rumaynayn Eebbe oo Aakhirana ka gaaloobay.”
  2. “Waxaana raacay millada [diinta] aabbayaalkay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub, nuguma habboona inaan la wadaajinno Eebbe cibaadada waxna, taasina waa fadliga Eebbe ee korkannaga iyo dadkaba, laakiin dadka badankiisu kuma shukriyaan.”
  3. “Saaxiibbadayda xabbiskow, ma ilaahyo kala-tagsan yaa khayr-roon mise Ilaah kaliya ee awoodda badan?”
  4. “Ma caabudaysaan Eebbe ka-sokow waxaan magacyo aad magacawdeen ahayn idinka iyo aabbayaalkiin oon Eebbe usoo dejinin xujo, xukunkana Eebbe mooyee cid kale ma leh, wuxuuna faray inaydaan caabudin isaga mooyee, saasaana Diinta toosan ah, laakiin dadka badankood ma oga.”

 

Nabi Yuusuf intuusan wali u fasirin riyaday warsadeen labada wiil wuxuu uga hor-mariyey inuu Eebbe ogaysiiyey cunnada loo keeni waxay tahay, uu nacayna diinta kuwaan rumeyn Eebbe iyo Aakhiro oo ka gaaloobay, uu raacina Diintii aabbayaalkiis Nabi Ibraahiim Nabi Isxaaq iyo Nabi Yacquub, waxaan Ilaahay ahayn ayan caabudayn. Taasina waa fadliga Eebbe siiyey iyaga iyo dadkaba inkastoon dadka badankii ku shukriyeen Eebbe, wuxuuna u-sheegay in Eebbe kaliya ka khayr-roon yahay ilaahyo badan oo kala-tagsan, oo ah magacyo aan xujo lahayn ee layska magacaabay, xukunkana Eebbaa iska leh, wuxuuna faray in isaga uun la caabudo, saasaana Diinta toosan ah dadka badankiise ma oga, markaas kadib yuu u-sheegay warsigoodii. Yuusuf (37-40)

 

  1. “Saaxiibbadayda xabbiskow, midkiin wuxuu waraabin sayidkiisa khamro, kan kalase waa la wadhi [dili] oy shimbiruhu ka cuni madaxiisa, waana la xukumay amarkaad warsateen.”
  2. Wuxuuna [Yuusuf] ku yidhi kii uu u-maleeyay inuu nabad-gali oo midkood ah, “Iigu sheeg sayidkaaga agtiisa,” waxaase halmaansiiyay Shaydaan xusidda eebbihiis, wuxuuna [Yuusuf] ku nagaaday xabbiska dhawr sano.
  3. Xaakinkii wuxuu yidhi, “Waxaan arkay toddobo sac oo shilshilis oy cunayaan toddobo wayd ah, iyo toddobo sabuul oo cagaaran, iyo kuwo kaloo ingagan dadyahaw iiga warrama riyadayda haddaad fasiri kartaan riyada.”
  4. Waxay dheheen, “Waa qaraw annaguna ma naqaanno fasirka qarawyada [dhadhabka].”

 

Nabi Yuusuf wuxuu u-fasiray riyadii isagoo ku yidhi midna sayidkiisa yuu khamri waraabin oo bixi midna waa la dili oo shimbirtu madaxa ka cuni waana xaal dhammaaday, wuxuuna faray kii baxayey inuu xusuusiyo sayidkiisa xaalka Yuusuf wuuse halmaamay, saasuuna Yuusuf xabbiska ugu nagaaday dhawr sano, markaasaa xaakimkii arkay riyo ah toddobo sac oo shilshilis oy cuni toddobo caata ah iyo toddobo sabuul oo cagaaran iyo kuwo kale oo ingagan, wuxuuna warsaday dadkii inay u fasiraan hadday garan fasiridda riyada, waxayse ugu jawaabeen inay tahay dhadhab iyo qarow iyana ayan aqoonin fasiraadda dhadhabka, waxaase soo socota in Yuusuf fasiri, aayaduhuna waxay ku tusin inay waajib tahay in dadka wanaagga la faro meel kasta ood joogto iyo in Diinta Xaqa ah isku-mid tahay, iyo in laga fogaado jidka kuwa xun iyo in Eebbe kaliya la caabudo illeen isagaa amarka iska lahe. Yuusufna Eebbaa baray fasiridda riyada. Yuusuf (41-44)

 

  1. Wuxuu yidhi kii nabadgalay oo midkood ah markuu xasuustay muddo kadib, “Anaa idiinka warrami fasirkiisa ee i dira.”
  2. Wuxuu yidhi, “Yuusufow saaxiibow, nooga warran toddoba sac oo shilshilis oy cunayaan toddobo wayd ihi iyo toddobo sabuul oo cagaaran iyo kuwo ingagan oo kale, inaan ula noqdo dadka inay ogaadaan.”
  3. Wuxuuna yidhi, “Waxaad tacbanaysaan toddoba sano oo is-raacsan ee waxaad goosataan ku daaya sabuulkiisa wax yar ood cunaysaan mooyee.”
  4. “Markaas waxaa imaan arrintaas kadib toddobo daran [abaar ah] oo cuni waxaad hor-marsateen wax yar ood kaydsateen mooyee.”
  5. “Markaas kadib waxaa imaan sano loo gargaaro dadka oo dhexdeeda ay wax miiran [barwaaqo].”

 

Intaas kadib kii nabad-galay labadii wiil yaa xusuustay Nabi Yuusuf iyo siduu u-fasirayay riyada wuxuuna codsaday in loo diro Yuusuf, waana loo diray, wuxuuna warsaday xaalka toddobada sac ee shilis ee toddobada caatada ah cunayso, iyo toddobada sabuul ee cagaaran iyo toddobada ingagan wuxuuna u sheegay in barwaaqo imaan markaas abaaru dhici oy cuni wixii hore ee la kaydsaday kadibna barwaaqo ka danbayn, wuxuuna usoo jeediyay inay wax kaydsadaan, taasina waxay ku tusin sida Eebbe Nabi Yuusuf u baray fasiraadda riyada iyo in Eebbe dadka ku imtixaamo barwaaqo iyo abaarba, iyo wax la kaydsado oo laga gaashaanto dhibaatada inta la karo iyo in Eebbe yahay gargaaraha dadka dhibban. Yuusuf (45-49)

 

  1. Wuxuu yidhi xaakimkii, “Ii keena Yuusuf,” markuu kii loo diray u yimidna wuxuu ku yidhi, “Ku noqo sayidkaaga oo warso muxuu ahaa xaalkii haweenkii iska saray farahooda Eebbehay waa ogyahay dhagartooda.”
  2. Wuxuu yidhi xaakimkii, “Xaalkiinnu muxuu ahaa markaad doonteen Yuusuf naftiisa?” Waxayna dhaheen, “Eebbaa xumaan ka nazahan ee kuma ogin xumaan,” waxayna tidhi haweenaydii wasiirka “Hadduu caddaaday xaqii anaa dalbay Yuusuf naftiisa isaguna run buu sheegi.”
  3. “Arrintaasna waa inuu ogaado inaanan khayaamin isagoo maqan iyo inuusan Eebbe toosinin dhagarta khaa‘imiinta.”
  4. “Mana bari yeelayo naftayda naftu waa farid badanta xumaanta naxariis Eebbahay mooyee Eebbahayna waa dambi-dhaafe naxariista.”
  5. Wuxuu yidhi xaakimkii, “Ii keena Yuusuf gooni ha ii ahaadee [talinta],” markuu la hadlayna wuxuu yidhi, “Adigu maanta agtannada waxaad ku tahay sharafle aamin ah.”
  6. Wuxuuna yidhi Yuusuf, “Iga yeel mas’uulka khasnadaha dhulka waxaan ahay aamin cilmi lehe.”

 

Markay muuqatay sharaftii iyo aqoontii Nabi Yuusuf yuu xaakimkii u cid-diray in loo keeno, Yuusufse wuu soo celiyay farriintii isagoo warsan xaalkii haweenkii dhagrayay, markuu xaakimkii warsadayna waxay sheegeen inayna xumaan ku ogayn Yuusuf, markaas waxaa dhabtii sheegtay haweenaydii wasiirka oo tidhi, “Hadduu xaqii caddaaday anaa dalbay isna waa runle,” saasaana dhacday inuu ogaado wasiirku inayan khayaamo dhicin isagoo maqan, Eebbana toosinayn dhagarta khaa‘imiinta, “Mana bari yeelo naftayda, naftuna waa xumaan-fala cid Eebbe u naxariisto mooyee,” waana hadalkii Yuusuf, waxaana la sheegay inuu noqon karo hadalkii haweenayda, xaakimkii wuxuu Yuusuf ka dhigay la-taliyihiisa gaarka, wuxuuna codsaday Nabi Yuusuf in laga dhigo mas’uulka khasnadaha xoolaha ee dhulka Masar illeen waa aamin cilmi lehe. Taasina waxay ku tusin samirkii Nabi Yuusuf, sida Eebbe u bari yeeli addoomadiisa suubban, in Xaqii caddaaday, inuusan khaa‘in liibaanayn, nafta khatarsanideeda, in xaakimkii dhawaystay Nabi Yuusuf, iyo inuu dalbay in loo dhiibo khasnadaha dhulka illeen waa aamin cilmi lehe. Yuusuf (50-55)

 

  1. Saasaan u makaninay Yuusuf dhulka [Masar] kagana tasarrufi oo degi meeshuu doono, waxaan gaadhsiinnaa naxariistannada ciddaan doonno mana dhuminaynno ajirka samo-falayaasha.
  2. Ajirka Aakhiraana u khayr-roon kuwa rumeeyey [Xaqa] oo ah kuwa dhawrsada.
  3. Waxaana yimid Yuusuf walaalihiis wayna usoo galeen wuuna aqoonsaday iyagoon garanayn.
  4. Markuu darbay rarkoodii [u oofiyey miisiddii] wuxuu ku yidhi, “Ii keena walaalkiinna aabbe, miyeydaan arkayn inaan oofiyo kaylka [miiska] ahayna mid dejin fiican.”
  5. “Haddaydaan ii keeninna agtayda miisid kama helaysaan hana ii soo dhawaanina.”
  6. Waxay dheheen, “Waannu ka dalbi aabbihiis waana falaynaa [sidaas].”
  7. Wuxuuna ku yidhi dhallinyaradiisii, “Yeela alaabtooda [badeecadooda] rarka dhexdiisa si ay u aqoonsadaan markay ku noqdaan ehelkoodii inay soo noqdaan.”

 

Eebbe wuxuu makaniyey Nabi Yuusuf dhulkii Masar siduu doono oo wanaag ahna u maamuli, naxariista Eebbana way gaadhaa cidduu doono, wanaagna Eebbe ma dayaco, ajirka Aakhiraase u khayr-roon kuwa Xaqa rumeeyey ee dhawrsada, markaas kadib waxaa Nabi Yuusuf ugu yimid socdaal walaalihiis oos garan iyaguse ayan garanayn, markuu u dhammeeyey rarkoodii iyo alaabtay rabeenna wuxuu ka doonay inay u keenaan walaalkooda aabbe, haddayna keeninna ayan kusoo noqonayn, iyagoo arka inuu u oofiyey miisidda ixtiraamayna, waxayna sheegeen inay aabbahood ka dalbi doonaan arrintaas, wuxuuna faray in badeecadday la yimaadeen loo dhex-galiyo rarka si ay u aqoonsadaan inaan waxba laga qaadan una soo noqdaan. Suddi wuxuu sheegay in la wariyey in Nabi Yuusuf warsaday waxay rabeen, aabbahood dalkay ka yimaadeen, intay yihiin iyo kii u yaraaye ku halaagsamay baaddiye kii bahdooda ahaana aabbihiis la hadhay aadna u jecel yahay, wuxuuna ugu jeclaa kii yaraa, markaasuu faray in la dhaqaaleeyo lana ixtiraamo. Yuusuf (56-62)

 

  1. Kolkay u noqdeen aabbahood waxay dhaheen, “Aabbow waa naloo diiday beegidda [hadda kadib hadduuna walaalkood raacin] ee nala dir walaalkanno aan miisannee annaguna waanu ilaalin isagee.”
  2. Wuxuuna yidhi, “Miyaan idinku aamini karaa sidaan idiinku aaminay walaalkiis horay? Eebbaa u khayr-roon dhawre waana naxariis badane.”
  3. Markay fureen alaabtoodii waxay ka heleen badeecaddoodii oo loo soo celiyay, waxayna dheheen, “Aabbow maxaan rabnaa tani waa badeecaddeenii oo lay noo soo celiyay waxaannu u shamadsanaynaa ehelkeenna waxaan ilaalinaynaa walaalkanno waxaana kororsanaynaa miisid riti taasina waa beegid sahlan.”
  4. Wuxuuna yidhi [Yacquub] “Idinla diri maayo intaad ballan Eebbe iga siisaan inaad ii keenaysaan wiilka in laydin koobo mooyee,” markay siiyeen ballankiina wuxuu yidhi, “Ilaahay waxaynu sheegi waa u wakiil shaahid ah.”

 

Way noqdeen waxayna aabbahood u sheegeen in hadda kadib loo diidi beegidda iyo inay kasoo masagaystaan dhulka Masar haddayna walaalkood wadin, waxayna ka codsadeen inuu la diro si ay isagana u ilaaliyaan riti badar ah oo saa‘id ahna u helaan, wuuse shakiyay oo ka cabsaday in sidii Yuusuf ku dhacdo, waxayna arkeen badeecaddoodii oo loosoo celiyay, waxayna dheheen, “Aabbow maxaa inaga maqan waa tan badeecaddeenii waa laynoo soo celiyay, waana soo badaraysannaynaa walaalkanana waanu dhawri waxaanu kororsan riti.” Wuxuuse yidhi, “Idinla diri maayo inaad ballan adag ii qaaddaan mooyee inaad igusoo celinaysaan,” markay ballan qaadeenna wuxuu yidhi, “Eebbaa u wakil ah hadalkeenna.” Ibnu Isxaaq wuxuu yidhi, “Wuxuu saas u yeelay waxaa lagama-maarmaan ah inay masagaystaan. Taasina waxay ku tusin in la digtoonaado Eebbana lagu xidhnaado oo wanaag la sugo. Yuusuf (63-66)

 

  1. Wuxuu yidhi, “Wiilashaydow haka galina [magaalada] irrid kaliya ee ka gala irrido kala tagsan, waxna idiinkama tarayo xagga Eebbe, amarka cid aan Eebbe ahayn ma leh, isagaan talo-saartay isaga uun ha talo-saarteen kuwa wax talo-saaran.”
  2. Markay ka galeen meeshuu faray aabbahood ma ahayn wax Eebbe xaggiisa wax uga tari ee waxay ahayd dan nafta [Nabi] Yacquub ku sugnayd oo uu gutay, isaguna wuxuu ahaa mid cilmi leh oon barray dadka badankiise ma oga.
  3. Markay u galeen Yuusuf wuxuu dhaweeyay walaalkiis wuxuuna ku yidhi, “Anigu walaalkaa baan ahay ee haka murugoon waxay faleen.”
  4. Markuu darbay safarkoodii wuxuu yeelay galaaskii walaalkii rarkiisa, markaas waxaa dhawaaqay mid dhawaaqi, “Safaryahaw tuugaad tihiin!”
  5. Waxayna dheheen intay soo qaabileen, “Maxaad waydeen?”
  6. Waxayna dheheen, “Saacii xaakimka, ciddii keentana wuxuu yeelan rar riti anaana kafiil u ah.”

 

Nabi Yacquub wuxuu ugu naseexeeyay wiilashiisa inay ka galaan magaalada irrido kala duwan, amarkana Eebbaa iska leh ee waa uun dadaal, Eebbaana kan la talo-saarto ah, markay meeshii tageen waxay faleen siduu aabbahood faray inkastoon amarka Eebbe cidna wax ka tarayn, waxayse ahayd arrin Nabi Yacquub doonay wuxuuna ahaa mid Eebbe cilmi baray, dad badan baanse ogayn. Markay magaaladii galeen wuxuu soo dhaweeyay walaalkii isuna sheegay inuu walaalkii yahay murugoonna. Waxaana la sameeyay si lagu soo reebo oo galaaskii boqorka yaa alaabtiisa la dhex-galiyay, waxaana loogu dhawaaqay “Safaryahaw tuugaad tihiin,” markay warsadeen wax la waayayna waxaa loo sheegay in la waayay galaaskii boqorka ciddii keentana ay heli rar riti oo ujuura ah xaalkana Eebbaa iska leh isagaana maamula, waxaana waajib ah in la rumeeyo Xaqa laguna waano-qaato qisooyinka. Yuusuf (67-72)

 

  1. Waxayna dheheen, “Eebbaan ku dhaaranaye waad ogtihiin inaanaan u imaanin inaan fasaadinno dhulka tuugana aanaan ahayn.”
  2. Waxayna dheheen [qawmkii Yuusuf] “Waa maxay abaalkiisu haddaad been sheegaysaan?”
  3. Waxay dheheen, “Abaalkiisu waa ruuxa laga helo rarkiisa saasaana ku abaal-marinnaa daalimiinta.”
  4. Wuxuuna ka billaabay [fatashihii Yuusuf] alaabtoodii walaalkii alaabtiisa ka hor markaasuu kasoo bixiyey weelkii walaalkiis, saasaana u baray kaydkaas Yuusuf mana ahayn mid ku qaadan kara walaalkiis diinta boqorka in Eebbe doono mooyee, waxaan kor-yeellaa darajada ciddaan doonno, mid kastoo cilmi lehna waxaa ka sarreeya cilmi-badane [Eebbe].

 

Waxay ku dhaarteen Yuusuf walaalihiis inayan u iman inay fasaadiyaan dhulka tuugona ahayn iyagoo run sheegi, waxaase la warsaday abaalka ciddii laga helo, waxayna sheegeen in isaga loo qaadan, markaasaa la fatashay alaabtoodii laguna billaabay kuwii kale kadibna lagasoo saaray Yuusuf walaalkiis, waana arrin Eebbe baray Yuusuf si uu walaalkiis ula soo hadho, mana suurawdeen inuu kula soo hadho diinta boqorka dhulkaas Masar, wuxuu Eebbe doonase waa gaar, Eebbana wuxuu kor-yelaa cidduu doono darajadiisa, cid kastoo cilmi lehna waxaa kasii sarreeya mid ka cilmi badan intuu cilmigu kaga dhammaado Eebbe. Ibnu Cabbaas iyo Xasan al-Basri waxaa laga wariyay, mid cilmi badanba mid kalaa ka sarreeya intuu cilmigu kaga dhammaado Eebbe. Aayaduhuna waxay tusin siday run u sheegeen Yuusuf walaalihiis iyo sida Eebbe Yuusuf u baray siduu walaalkiis ulasoo hadhi lahaa iyo inaan cidina cilmi ku faani karin iyo in Eebbe cidduu doono darajeeyo, oo ah dadka toosan ee Xaqa ku socda. Yuusuf (73-76)

 

  1. Waxayna dheheen [Yuusuf walaalihiis] “Hadduu xaday waxaa xaday mar hore walaalkiis,” markaasuu Yuusuf u-qarsaday naftiisa oosan u-muujin, wuxuuna yidhi “Idinkaa ka shar badan Eebbana waa ogyahay waxaad sheegeysaan.”
  2. Waxayn dheheen, “Wasiirow wuxuu leeyahay [wiilku] aabbo wayn oo oday ah ee qaado midkanno baddalkiisa waxaan kugu aragnaa samo-falee.”
  3. Wuxuuna yidhi, “Magan Eebbe inaan qaadanno midkaan ka hellay alaabtannadii agtiisa mooyee, markaas daalimiin baan noqonaynaa.”
  4. Markay ka quusteen yey kaliyoobeen iyagoo faqi, wuxuuna yidhi kii u waynaa, “Waad ogtihiin in aabbihiin ballan adag idinka qaaday iyo inaad horay ugu xad-gudubteen Yuusuf anugu dhulkan kama tagayo inta aabbahay iga idmi ama Eebbe i xukumi isagaa xukun fiicane.

 

Nabi Yuusuf Eebbaa dhawray illeen Nabi buu ahaaye, sida Eebbe u-dhawray Nabiyada dhamaantood, saas darteed wax ma bi’inin sey sheegeen in hadduu kani wax xaday (waxna ma xadine) walaalkiis yaa horay wax u xaday, Nabi Yuusufna hoos-hoos yuu ugu jawaabay inay iyagu ka liitaan, markii walaalkiis lasoo reebay yey cawdeen ooy sheegeen aabbihiis inuu oday gaboobay yahay oyna codsan in midkood lagu baddalo waase laga diiday illeen ujeeddadaa ahayd in la reebee, markay quusteenna way faqeen, wuxuuna usoo jeediyey kii u waynaa inay noqdaan iyagoo xusuusan waxay horay Yuusuf ugu faleen ballanna ay ka qaadeen inay kanna soo celin, wuxuu u-sheegay inuusan tagayn inta aabbihii ka idmi ama Eebbe xukun fiican siin oo ah soo-daynta wiilka. Taasina waxay ku tusinin waxa qarsoon Eebbe kaliya ogyahay tasarrufkana isagu iska-leeyahay, wixii bannaan oo la fali karana la sameeyo markaas xaalka isaga loo bandhigo. Yuusuf (77-80)

 

  1. Wuxuuna ku yidhi, “Ku noqda aabbihiin waxaadna dhahdaan aabbow wiilkaagii wuu xaday, mana furaynno waxaan ogaannay mooyee, mana nihin kuwo waxa maqan ilaaliya [og].”
  2. “Waydiina magaaladaan ahayn iyo safarkaan lasoo noqonnay annaguna run baannu sheegi.”
  3. Wuxuuna yidhi, “Saas ma aha ee waxay idiin qurxisay naftiinnu arrin [xaalkayguse] waa samir fiican wuxuu u dhawyahay Eebbe inuu ii keeno dhammaan illeen isagaa oge falsan ehe.”
  4. Wuuna iskaga jeedsaday xaggooda wuxuuna yidhi, “Walbahaarkay Yuusufow,” waxayna la caddaadeen indhihiisu walbahaar wuxuuna noqday mid aad u tiiraanyeysan.
  5. Waxayna dheheen, “Dhaar Allee ma daynaysid sheegidda Yuusuf intaad ka tabar-gabtid ama ka halaagsantid.”
  6. Wuxuuna yidhi, “Waxaan uun u sheegan xusnigayga iyo walbaharkayga Eebbe, waxaana ka ogahay xagga Eebbe waxaydaan ogayn.”

 

Way noqdeen waxayna uga warrameen aabbahood xaalkii iyo waxay indhahooda ku arkeen aynase waxa qarsoon ogayn, run bayna sheegeen sidii u-muuqatay, aabbahoodse wuu ka aamin-baxay oo ku tuhmay inay ku faleen siday horay Yuusuf ugu faleen wuxuuna Eebbe ka rajeeyey inuu dhammaan u keeno, inkastoo indhuhu la cadaadeen walbahaar, mase falin wax reeban illeen wuu uun walbahaaray waana arrin daran dhabtii,waxayse ugu sii dareen inay dhahaan Yuusuf magaciisa dayn maysid intaad ka jilicdo ama ka dhimatid, wuxuuse u sheegay inuu Eebbe uun u cabanogyahayna waxayna ogayn, taasina waxay ku tusin in Eebbe lagu kalsoonaado farajna laga sugo isagoo wixii la karo la fali. Yuusuf (81-86)

 

  1. [Wuxuu yidhi Yacquub], “Wiilashayow taga oo soo daydaya [warkii] Yuusuf iyo walaalkiis hana ka quusanina naxariista Eebbe [farajkiisa], kama quusto farajka Eebbe qawm gaala ah mooyee.”
  2. Markay usoo galeen Yuusuf waxay dheheen, “Wasiiryahow, waxaa na taabtay annaga iyo ehelkannagaba dhib waxaana la nimid badeeco liidata ee noo oofi dhammee beegidda nuguna sadaqayso Ilaahay wuxuu abaal mariyaa kuwa sadaqaystee.”
  3. Wuxuuna ku yidhi, “Ma ogtihiin waxaad ku fasheen Yuusuf iyo walaalkiis idinkoo jaahiliin ah?”
  4. Waxayna dheheen, “Oo adugu ma Yuusuf baa tahay,” wuxuu yidhi, “Anugu Yuusuf baan ahay kanna waa walaalkay Eebbaa nagu mannaystay [kulmin] illeen ciddii ka dhawrsata Eebbe oo samirta Eebbe ma dayaco ajirka samo-falayaashee.”
  5. Waxay dheheen, “Dhaar Eebbee waxaa naga kiin doortay Eebbe waana gafsanayn.”
  6. Wuxuuna yidhi, “Canaani korkiinna ma aha maanta, Eebbe ha idiin dambi-dhaafo isagaa naxariis badan ee.”

 

Nabi Yacquub wuxuu faray wiilashiisii inay noqdaan soona warsadaan Yuusuf iyo walaalkiis oyna ka quusanin farajka Eebbe, illeen gaalaa ka quusatee, markay noqdeen way ku calaacaleen in dhibaato hayso badeeca liidatana ay wataan waxay ka codsadeen in loo samo-falo loona masaggeeyo, markaas waxaa hadlay Yuusuf oo warsaday waxay ku faleen Yuusuf iyo walaalkiis waxayna warsadeen inuu Yuusuf yahay, wuxuuna ugu jawaabay inuu Yuusuf yahay kanna walaalkiis yahay, Eebbana u samo-falay illeen ciddii Eebbe caabudda oo samirta Eebbe ma dayacee, markaasay ku calaacaleen in Eebbe ka doortay oyna gafsanaayeen, Yuusufse wuu iska saamaxay ugana dambi-dhaaf dalbay Eebbe una sheegay inaan canaanu maanta saarayn, taasina waa caddaaladda Eebbe iyo awooddiisa iyo naxariista Eebbe iyo fadligiisa iyo inuusan dayacayn mu‘miniinta caabudda oo samir iyo adkaysi la timaadda. Tan kale waxay ku tusin naxariis, isu-turid, dhibaato ka-fududayn, isa-saamixid iyo isu-ducayn. Waana taas akhlaaq iyo wanaag iyo kala-aarsasho-la‘aan iyo in Eebbe yahay meesha khayrku ka yimaado. Yuusuf (87-92)

 

  1. “La taga qamiiskaygan kuna tuura wajiga aabbahay ha noqdo mid wax arkee, iina keena ehelkiinna dhammaan.”
  2. Markuu safarkii soo baxay wuxuu yidhi aabbahood, “Anugu waxaan heli Yuusuf dabayshiisii [caraftiisii] haddaydaan i dhaliilayn.”
  3. Waxayna dheheen, “Adugu wali waxaad ku sugan tahay gafkii hore [jacaylkii Yuusuf].”
  4. Markuu yimid kii bishaaraynayey wuxuu ku tuuray [qamiiskii] wajigiisa wuxuuna noqday mid wax arka, wuxuuna yidhi, “Miyaanan idinku dhihin anugu waxaan ka ogahay xagga Eebbe waxaydaan ogayn?”
  5. Waxayna dheheen, “Aabbow nooga dhaafid-warso dambigannaga waan gafsanayne.”
  6. Wuxuuna yidhi, “Waan idiinka dambi-dhaaf warsan doonaa Eebbahay isagaa dambi-dhaafe naxariista ehe.”

 

Wuxuu faray Yuusuf inay sii qaadaan qamiiskiisa kuna tuuraan wajiga aabbihiis inuu wax arko, dadkiina u keenaan, Yacquubna wuxuu Eebbe gaadhsiiyey dabayshii Yuusuf, wuxuuna u sheegay dadkii isagoo ka yaabi inay ku sheegaan cantatab iyo isku-darsan, waxayna ku sheegeen inuu wali ku sugan yahay jacaylkii Yuusuf ee darnaa, markaas waxaa u-yimid kii bishaaraynayey wuxuuna qamiiskii ku tuuray wajiga aabbihiis waxna wuu arkay, markaasuu ku yidhi, “Miyaanan idin dhihin waxaan ka ogahay xagga Eebbe waxaydaan ogayn?” Waxayna qirteen gafkoodii waxayna warsadeen aabbaahood inuu u dambi-dhaaf warsado, wuxuuna u sheegay inuu u dambi-dhaaf dalbi doono. Ibnu Mascuud wuxuu yidhi, “Wuxuu dib ugu dhigay tan iyo aroortii (oo ducada la aqbalo), saasayna u dhabowday yididiilladii Nabi Yacquub, Eebbaana ka fayday dhibkii hayay muddo dheer, taasina waxay ku tusin awooda Eebbe. Iyo inuu u-gargaaro addoomadiisa suubban, kana faydo kurbada markay dhab u rumeeyaan. Yuusuf (93-98)

 

  1. Markay u galeen Yuusuf wuxuu isu dumay labadiisii waalid, wuxuuna yidhi, “Gala Masar Eebbe hadduu doono idinkoo aamin ah.”
  2. Wuxuuna u kor-yeelay labada waalid kursigii, waxayna ula hoobteen sujuud [salaan] wuxuuna yidhi, “Aabbow waatan fasirkii riyadaydii horay, wuxuu ka yeelay Eebahay xaq [sugan] wuuna ii wanaag-falay markuu igasoo bixiyay xabbiska idinkana keenay baadiyaha kadib intuu Shaydaan fasaadiyay ani iyo walaalahay dhexdannada Eebbahayna waa u-turaha wuxuu doono waana oge falsan.”
  3. “Eebbow waxaad i siisay xukun waxaadna i bartay fasiraadda riyada, Eebbaha abuuray samooyinka iyo dhulkow adaa wali [gargaare] ii ah adduun iyo Aakhiroba ee i oofso anoo Muslim ah ina haleeshii kuwa suubban.”

 

Eebbaa wayn awoodna leh, xaqiijiyayna riyadii Nabi Yuusuf dadkiisiina usoo kulmiyay xabbis iyo dhibaato kadib iyo fasaadin Shaydaan isaga iyo walaalihiis dhexdooda, illeen Eebbe waa u-turaha u-naxariis badan cidduu doono, waana wax walba oge falsan, markaasuu Nabi Yuusuf ujeedsaday xagga Eebbe xusayna nimcada Eebbe siiyay wuxuuna ka baryay Eebbaha awoodda leh ee cirka iyo dhulka abuuray ee gargaaraha u ah adduun iyo Aakhiraba inuu ku dilo Muslimnimo haleeshiiyana kuwii suubbanaa. Aayaduhuna waxay tusin in Eebbe faydo dhibka iyo cidhiidhiga, suu u-kulmiyo wax kala-tagsan, in nicmo adduun ayan waarayn, in Eebbe yahay gargaaraha mu‘miniinta, in la warsado khaatimo fiican iyo ku-dilid Diinta Islaamka, iyo inuu wehel uga yeelo suubbanaa. Waxayna ku tusin in marka xaal taam-noqdo ku xigi nuqsaan oo adduun lagu waarayn, ruuxa caqliga badanna uu xusuusnaado xaalkii Nabi Yuusuf iyo xukunkiisii iyo siduu Eebbe uga baryay khaatimo fiican, Eebbe ha nagu khatimo khaatimo fiican. Yuusuf (99-101)

 

  1. Kaasi waa wararka wax maqan annagaana kuu waxyoon, mana aadan ahayn agtooda markay kulmayeen amarkoodii iyagoo shirqooli.
  2. Dadka badankiisna ma rumaynayaan aad kuba dadaashide.
  3. Wax ujuura ahna kama warsanaysid [Xaqa] waa uun waanada caalamka.
  4. Badanaa calaamad samooyinka iyo dhulka oo ay marayaan iyagoo ka jeedsan.
  5. Mana rumaynayaan badankoodu Eebbe iyagoo la wadaajin mooyee.
  6. Ma waxay ka aamin noqdeen inay u timaaddo masiibo cadaabka Eebbe ama ugu timaaddo saacaddu kado iyagoo ogayn.
  7. Dheh “Tan waa waddadayda [Xaqa ah] waxaana ugu yeedhi [dadka] xagga Eebbe anoo ku sugan xujo cad aniga iyo inta i raacda, waxaana nazahay Eebbe, kamidna ma ihi mushrikiinta.”

 

Waxaa lasoo sheegay oo qisada Yuusuf ah waa wax maqnaa oo Eebbe u-waxyooday Nabiga, mana la joogin markay u kulmayeen dhagarta, dadka badankiina si kastoo loogu dadaalo ma rumeeyo Xaqa, Nabiguna wax ujra ah ma warsanayn gaadhsiinta Xaqa, ee Qur’aanku waa waanada caalamka, waxaana badan intay marayaan calaamado cirka iyo dhulka ayna ku waano qaadanayn ee ay iska mari kana jeedsadaan, wax badan oo kamid ahna waxay isku daraan rumayn Eebbe iyo la-wadaajis cibaadadiisa. Wax habboonna ma aha in Eebbe wax kale wuxuu dooni ha ahaadee, wax lala wadaajiyo, sida baryada, wax-tarka, kaalmaha iyo wixi lamid ah. Illeen aamin lagama aha inay masiibo timaaddo ama saacaddu kado ugu timaado dadka, tan kale Diintu waa caddahay waana jidka Xaqa, een qallooc lahayn, Nabiga iyo inta raacdayna way ku hanuunayaan dadka iyagoo ku cilmi leh oo toosan, kana fog jidka gaalada, waana in Xaqa la rumeeyo, looguna yeedho dadka si cad oo wanaag iyo asluub ku dheehan tahay oo loo cilmi leeyahay Xaqa. Yuusuf (102-108)

 

  1. Ma ahayn kuwii aan diray hortaa waxaan rag loo waxyoodo ahayn oo ehelka magaalooyinka miyayna soconin dhulka oo ay fiiriyaan siday noqotay cidhibta kuwii ka horreeyay, daarta Aakhiro yaana u khayr-roon kuwii dhawrsadayee miyaydaan kasayn?
  2. Markay quusteen Rasuulladii una maleeyeen in la beeniyay waxaa u yimaadda gargaarkannaga waxaana korinaynaa ciddaan doonno lagamana celiyo ciqaabtannada qawmka danbiilayaasha ah.
  3. Waxaa ugu sugan qisadooda waano kuwa caqliga leh, mana aha sheeko la been-abuurtay waase u-rumayn wixii ka horreeyay [oo kutubtii xaqa ahayda] iyo caddaynta wax kasta iyo hanuunka iyo naxariista ciddi rumayn Xaqa.

 

Eebbe wuxuu diray Nabi Muxamed hortiisa (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) Rasuullo loo waxyooday, ee dadku waa inay dhulka maraan ee waano qaataan siday noqotay cidhibtii kuwii hore Aakhiraana u khayr-roon kuwa dhawrsada. Tan kale markay Rasuulladii ka quusteen rumaynta qawmkoodii oo la beeniyay yaa waxaa u imaanayay gargaarkii Eebbe markaasuu korinaayey cidda uu doono, wax ciqaabta Eebbe kuwa danbiilayaasha ah ka celinna ma jiro, qisooyinkaa lasoo sheegayna waanaa ugu sugan ciddii caqli leh, mana aha war la iska been-abuuray, waase urumayn Xaqii ka horreeyay, iyo caddaynta wax kasta iyo hanuunka iyo naxariista ciddii rumayn Xaqa. Saasayna ku dhammaatay suuraddii iyadoo kulmisay wax badanoo qisadii Nabi Yusuuf iyo xikmooyin kalaba, waxaase waajib ah in lagu waano-qaato siday suuradduba ku dhammaatay, lana rumeeyo Xaqa, Eebbana loo kali-yeelo cibaadada, lana sugo gargaarka Eebbe, lana ogaado xaqnimada Qur’aanka, wanaagga iyo Xaqana loogu yeedho dadka, guud ahaan Eebbe si dhab ah loo rumeeyo Yuusuf (109-111)

 

Suurat ar-Racd

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Xarfaha hore oo kale waan soo sheegnay fasirkooda.] Kuwaasna waa aayaadkii Kitaabka [Qur’aanka], waxaa lagaaga soo dejiyay xagga Eebbahaa waana Xaq, dadka badankiise ma rumaynin.
  2. Eebbe waa kan kor-yeela samooyinka tiir-la‘aan aad aragtaan markaas ku istiwooday Carshiga, sakhirayna qorraxda iyo dayaxa dhammaanna waxay ku socdaan muddo magacaaban, Eebbaa maamula amarka caddeeyana aayaadka inaad la-kulanka Eebbihiin yaqiinsataan.
  3. Eebbe waa kan fidiyay dhulka yeelayna dhexdiisa buuro, iyo wabiyo midho kastana ka yeelay dhexdiisa laba nooc wuxuuna ku dadaa habeenkii maalinta, arrintaasna calaamooyin yaa ugu sugan ciddii fikiri.

 

Suuradaha lagu billaabay xarfahaas oo kale waxay ku tusin sida Eebbe Qur’aanka ugu gargaaray iyo Xaqa iyo waynida Qur’aanka, aayadahanna waxay ku tusin in Qur’aanku Xaq Eebbe soo dejiyay yahay, inkastoo dadka badankii rumaynin, Ilaaha Qur’aanka soo dejiyayna waa kan kor-yeelay samooyinka tiir la‘aantiis. Kuna istiwooday Carshiga si u cunanta hallayn-la‘aan iyo u-ekaynsiin-la‘aan sahlayna qorraxda iyo dayaxa, muddo ay ku socdaanna u-yeelay, amarkana isagaa maamula, caddeeyana aayaadka inaad la-kulanka Ilaahiinna rumaysaan, waana kan dhulka fidiyay, buuro, wabiyo, iyo nooc kastoo midha ahna yeelay, habeenka iyo maalintana isku baddala si ay calaamo ugu noqoto ciddii fikiri. Taasina waxay ku tusin in Eebbe maamulo adduunka sare iyo hoosaba, awooddiisuna wax la qiyaasi karo ahayn, mudanna cibaado dhab ah iyo aqoonsi. Ar-Racd (1-3)

 

  1. Dhulka waxaa ah goosinno daris ah [isku dhaw] iyo bustaan cinaba iyo beer iyo timir oo mataano ah iyo kuwo aan mataano ahayn, laguna waraabiyo biyo kaliya waxaana ku kala fadilaynaa [wanaajinaynaa] qaar qaarka kale cunnada [dhadhanka] arrintaasna calaamaa ugu sugan ciddii wax kasi.
  2. Haddaad yaabtana waxaa yaaba hadalkoodii ahaa, “Ma markaan noqonno carro yaa markaas abuur cusub [nala abuuri]?” Kuwaasi waa kuwa ka galoobay Eebbahood waana kuwa luquntooda la yeelay katiinado waana kuwo Naarta ehelkeeda ah kuna dhex waari.
  3. Waxayna kaa dedejisan xumaan wanaag ka hor iyadooy tagtay hortood tusaalayaal [ciqaabeed] Eebbahaana waa u danbi-dhaafaha dadka iyagoo dulmi ku sugan Eebbahaana waa ciqaab darane.

 

Aayaduhuna waxay ka warrami qudrada Eebbe iyo awooddiisa iyo midhaha isu dhaw ee biyo kaliya ka waraaba haddana kala duwan yahay dhadhankoodu, midabkoodu, adaygga, jileeca, waynida, yaraanta, waxaasoo dhanna waxay ku tusin awoodda iyo maamulka Eebbe ay ku waano-qaadan ciddii wax kasi, yaan Ilaahay ahayn oo saas yeeli kara, aaway kuwii caqli xumaa ee lahaa dabeecad baa wax fasha, waa la-yaab waxaase la-yaab isna ah inay gaaladu cuslaystaan in markay dhintaan oy carro noqdaan lasoo celin mar kale, kuwaasu waa kuwa Eebbe ka gaaloobay ee luqunta laga xidhi waana kuwo ku waari, ee dadajista ciqaab iyo dhibaato wanaag kahor, hortoodana waxaa ahaa wax lagu waano qaato oo ciqaab ah, Eebbase wuu isaga danbi-dhaafaa iyagoo dulmi fali, ciqaabtiisuna way daran tahay. Rasuulkana (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Saamaxa Eebbe la‘aantii iyo dhaafiddiisu cidna nolol kuma xasisheen, ciqaabtiisuna haddayna jirin cid kasta way talo-saaran lahayd.” Waxaa wariyay Ibnu Abii Xaatim, saas darteed waa in la waano-qaato wanaaggana lagu dadaalo, xaaraantana laga fagaado. Ar-Racd (4-6)

 

  1. Waxay dheheen kuwii gaaloobay, “Maxaa loogu soo dejin waayey korkiisa aayad xagga Eebbihiis ka timid?” Adugu waxaad uun tahay dige cid kastana waxay leedahay hanuuniye.
  2. Eebbaa og waxay ku siddo uurka dhaddig kasta, iyo waxay ilmo galleennadu nusqaamin, iyo waxay kordhin [dhicis iyo shin] wax kastana Eebbe agtiisa qaddar [waqti] yuu leeyahay.
  3. Wuxuuna ogyahay wax maqan iyo waxa jooga waana weyne ka sarreeya [wax kasta].
  4. Waana isku-mid kiinna qarsada hadalka iyo kiinna la qayliya, iyo kii is-qariya habeenkii iyo kii muujiya maalintii.
  5. Wuxuuna leeyahay [ruux kasta] kuwo ku is-beddela [malaa‘ig] oo hortiisa iyo gadaashiisa ah kuna dhawra amarka Eebbe, Ilaahayna ma dooriyo wax dad ku sugan yahay intay ka dooriyaan waxa naftooda ku sugan, markuu Eebbe la doono dad dhibna wax ka celin ma jiro, mana laha Eebbe ka-sokow gargaare.

 

Wax badan yey gaaladii warsadeen aayado kibir iyo isla-wayni darteed, Nabiguse waa uun u-dige, cid kastana waxay leedahay hanuuniye. Tan kale Eebbaa wax walba og, waxa uurka ku jira, waxa dhicis noqon waxa shin ku dhalan, wax walbana waqti bay ku leeyihiin Eebbe agtiisa, wuuna ogyahay waxa maqan iyo waxa jooga, waana waynaha sarreeya, waana isugu mid Eebbe ciddii wax qarsata iyo tii muujisa iyo tii habeen la gabbata iyo tii maalin muujisata, ruux walbana malaa’ig baa hortiisa iyo gadaashiisa ku dhawrta idinka Eebbe, sunnada Eebbana waa inaan cidna laga doorrinin siday ku sugan tahay haddayna doorinin waxa naftoodu ku sugan cidduu Eebbe xumaan la doonana wax ka celin ama gargaari ma jiro. Waxaana sugnaaday in malaa’igtu isu keen beddesho habeen iyo maalin, saasayna u habboon tahay in xumaanta laga dhawrsado wanaaggana lagu dadaalo, Eebbana la cuskado. Ar-Racd (7-11)

 

  1. Eebbe waa kan idin tusiya hillaaca cabsi-gelin iyo rajo-gelin darteed, wuxuuna abuuraa daruurta culus.
  2. Wuxuuna la tasbiixsadaa onkadku mahadda Eebbe ku dheehan iyo malaa’igtuna [waxay la tasbiixsan] cabsida Eebbe, wuxuuna diraa dana iyo wuxuuna ku ridaa cidduu doono, iyaguna waxay ku murmi Eebbe isagoo ciqaabtiisu daran tahay.
  3. Eebbe waxaa u sugnaaday baryo [iyo cibaado] Xaqa, waxa kasoo hadhayna waxba uma ajiibaan [kuwa baryi] sida mid ku fidiyey gacmihiisa xagga biyaha inay afkiisa gaadhaan, mana gaadhayaan, baryada gaaladuna waxaan baadi ahayn ma aha.
  4. Waxaa Ilaahay u sujuuda [u khuduuca] waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka oggolaansho iyo qasab iyo hooskooda aroor iyo galbihiiba.

 

Eebbe waa kan awoodda badan ee dadka tusiya hillaac cabsi-gelin iyo damac-galin, abuurana daruur culus, lana tasbiixsado onkadku iyo malaa‘igtu dartiis, dirana danabyada cidduu doonana ku rida, gaaladuna waxay ku murmi Eebbe isagoo ciqaabtiisu daran tahay, Eebbana wuxuu mudan yahay cibaado xaq ah isagaana baryo mudan, waxay baryi Eebbe ka-sokowna waxay lamid yihiin ruux gacmaha biyaha ku taagay inay soo gaadhaan afkiisa mana suurowdo, gaalada baryadeeduna waa baadi wax-kama-jiraana, waxa cirka iyo dhulka ku suganna Eebbay u-khuduucaan oggolaansho iyo qasabba oo cid abuurid, doorsoon, cudur, geeri iyo maamulka Eebbe diidi karta ma jirto. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Haddaad maqashaan onkodka Eebbe xusa, kuma dhoco cid Eebbe xusiye.” Waxaa wariyey Dabaraani. Dhabtuna waa in Eebbe Xaq yahay, Nabiguna Xaq yahay, Diintuna Xaq tahay, Qiyaamo iyo xisaab iyo Janno iyo Naarna wax sugan yihiin lana rabo darbasho iyo samo-fal. Ar-Racd (12-15)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Yaa ah Eebbaha samooyinka iyo dhulka?” Waxaadna dhahdaa, “Waa Eebbe,” waxaadna dhahdaa, “Ma yeelanaysaan Eebbe ka-sokow awliyo [gargaarayaal] oon u hananayn naftooda nafci iyo dhib midna?” Dheh, “Ma egyihiin indhoole iyo wax-arke? Mase egyihiin mugdi iyo iyo nuur?” Mise waxay u yeeleen Eebbe shuruko wax u abuuray sida abuurka Eebbe oo waxaa isaga ekaaday abuurkii? Waxaad dhahdaa, “Eebbaa wax kasta abuuray waana kali awood badan.”
  2. Wuxuu kasoo dejiyey samada biyo waxaana la durduray waadiyo awooddood wuxuuna xambaartaa daadku daadxoor sarraysa, waxay dabka ku huriyaanna doonid isku qurxin, ama alaabo waxaa ah abuur lamid ah, saasuuna Eebbe ugu yeelan tusaale xaqa iyo baadilka, xumbaduse way tagi iyadoo ingagan waxa dadka anficise wuxuu ku nagaan dhulka, saasuuna Eebbe u yeelaa tusaalayaasha.

 

Eebbe mooyee ilaah kale (xaq lagu caabudo) ma jiro, cirka, dhulka iyo khalqiga dhammaanna Eebbaa ahaysiiyey, mana mudna cid kale in wax lala wadaajiyo, illeen waxba ma hantaane, mana sinna mu‘min iyo gaal, sidayna u sinnayn indhoole iyo wax-arke, iyo mugdi iyo iftiin, wax abuura abuurka Eebbe oo kalena ma jiro, Eebbaase wax kasta abuuray, waana kali awood badan, isagaana roobka keena toggagana durduriya iyagoo xambaarsan xumbo sarreysa, sida xumbada birta, saasuuna Eebbe ugu yeelaa tusaale Xaqa iyo baadilka, xumbaduse way tagtaa iyadoo ingagan waxa dadka anficise dhulkuu ku hadhaa, saasuuna Eebbe wax u tusaaleeyaa, arrintaasuna waxay ku tusin in Eebbe Ilaaha Xaqa yahay, inayna sinnayn mu‘min iyo gaal, mugdi iyo nuur, in roobka Eebbe keeno, in xumaantu baabi‘i Xaquna sugnaan, waana tusaale caddeyn sida kala-bixi maalinta Qiyaame iyo Aakharo. Alla ha sahlo. Ar-Racd (16-17)

 

  1. Kuwa Eebbahood ajiibay [maqlay] waxaa u sugnaaday wanaag [Janno] kuwaan ajiibin [maqlinna] hadduu u-sugnaado waxa dhulka ku sugan dhammaan oo wax lamid ah la jiro way isku furan lahaayeen kuwaasna waxaa u sugnaaday xisaab xun [daran] hooygooduna waa Jahannamo iyadaana u xun gogol.
  2. Cid og in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Eebbahaa uu Xaq yahay ma lamid baa mid indho-la‘, waxaa uun waantooma kuwa caqliga leh.
  3. Ee ah kuwa oofiya ballanka Eebbe oon burininna ballanka adag.
  4. Ee ah kuwa xidhiidhiya waxa Eebbe faray in la xidhiidhiyo kana cabsada Eebbahood kana cabsada xisaab xun.
  5. Ee ah kuwa u samray doonid wajiga Eebbahood dartiis, oogayna salaadda, kana bixiyey waxaan ku arzaaqnay qayb qarsoodi iyo muuqaalba, raacsiiyana wanaagga xumaanta, kuwaas cidhib fiican yaa u sugnaatay.
  6. Waxaana gali Jannada Cadni iyaga iyo cidda suubban oo aabbayaalkooda, haweenkooda iyo carruurtooda, malaa‘igtuna waxay ugasoo gali irrid kasta.
  7. Iyagoo ku dhihi, “Nabadgalyo korkiinna ha ahaato samirkiinna dartiis waxaa wanaag badan cidhibta daarta [Janno].”

 

Wanaag fale wanaag iyo Jannaa u sugnaaday illeen Eebbuu maqlaye, kuwaan Eebbe maqlinna waxa dhulka ku sugan hadday leeyihiin dhammaan iyo wax lamid ah way isku furan lahaayeen Qiyaamada waxaana u sugnaaday xisaab xun iyo hoy cadaab, mana sinna cid og xaqnimada Qur’aanka iyo cid ka indho-la‘ waanaduna waxay anfacdaa kuwa caqliga leh ee oofiya cahdiga iyo ballanka Eebbe, ee xidhiidhiya waxa Eebbe faray in la xidhiidhiyo oo qaraabo iyo dadka dhibaataysan iyo Xaqa Eebbe, xisaab xunna ka yaaba, ee samra oo u-adkaysta cibaadada dar Eebbe, oogana salaadda waxna bixiya qarsoodi iyo muuqba, waana kuwa cidhib fiican iyo Jannada Cadni u sugnaatay iyaga iyo ehelkooda wanaagsan, malaa‘igtuna meel walba way ugasoo geli iyadoo salaami uguna bogaadin cidhibta fiican, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Kooxda Jannada u hor-gali waa fuqarada kuwii dar Eebbe u-hijrooday, ilaaliya xuduudda Islaamka oo xumaanta lagaga dhawrsado isagoo dantiisii laabta ku haysta wax u gudina jirin.” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Ar-Racd (18-24)

 

  1. Kuwa buriya ballanka Eebbe adkayntiisa kadib gooyana wuxuu faray Eebbe in la xidhiidhiyo oo fasaadiyana dhulka kuwaas waxaa u sugnaaday lacnad iyo guri xun.
  2. Eebbaana u fidiya rizqiga cidduu doono kuna cidhiidhya [cidduu doono], waxayna ku farxeen gaaladii nolosha adduunyo, mana aha nolosha adduunyo Aakharo agteeda waxaan maalmo iagu raaxaysto ahayn.
  3. Waxay dhihi kuwii gaaloobay, “Maxaa loogu soo dejin waayey korkiinna aayado Eebbihiisa xaggiisa?” Waxaad dhahdaa, “Eebbe wuu dhumiyaa cidduu doono [oo Xaqa diidda] wuxuuna u hanuuniyaa xaggiisa ciddii u noqota.”
  4. Ee ah kuwa rumeeyey Xaqa kuna xasishay quluubtoodu xuska Eebbe, xuska Eebbayna ku xasishaa quluubtu.
  5. Ee ah kuwa rumeeyey Xaqa falayna camal suubban waxaana u sugnaaday khayr iyo nicmo iyo noqosho wanaagsan.

 

Aayadda hore kuwa ku xusan waa kuwa kasoo horjeeda mu’miniinta ee buriya ballanka gooyana wuxuu faray in la xidhiidhiyo Eebbe, dhulkana fasaadiya oo xumaan iyo gaalnimo iyo dulmi ku maamula, kuwaas lacnad iyo guri xun baana u sugnaaday, awooddana Eebbaa iska leh oo cidduu doonana imtixaan ugu waasiciya, kuu doona wax kaafiya siiya ama ku cidhiidhiya, mana aha jaceyl iyo nacayb midna, gaalana waxay ku farxaan adduunyada, nolosha adduunyana markii loo eego Aakharo iyo waxa Eebbe u darbay mu’miniinta waa maalmo raaxo leh ee tegi, waxaana xadiith ku sugnaaday, “Adduunyadu markii loo eego Aakharo waa far bad la geliyey, bal ha eego wuxuu kasoo celiyey.” Waxaa wariyey Muslim. Gaalana mucjiso-doonid iyo madax-adayg waa caadadood, ciddiise Xaqa diidda Eebbaa sii dhumiya, tii hanuunka doontana wuu hanuuniyaa, ee qalbigeedu ku xasisho xuska Eebbe, xusidda Eebbaana quluubtu ku xasishaa, kuwaa Xaqa rumeeyey ee camal fiican fala waxay heli Janno iyo noqosho fiican, Rasuulkuna (naxariis iyo nabaddgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Jannada waxaa ah geed uu socda kan saaran hooskeed boqol sano oosan goynayn.” Waxaa wariyey Bukhaari. Wakaas Xaqa Eebbe iyo awooddiisa, iyo xaalka adduun iyo kan Aakhiro iyo wax qalbigu ku xasilo iyo Janno iyo wanaag iyo hanuun iyo baadi ciddii caqli lehna way kala dooran. Ar-Racd (25-29)

 

  1. Saasaan kuugu dirray ummad ay tageen ummado hortood inaad ku akhrido kaan kuu waxyoonnay iyaguna waxay ka gaaloobi Eebbaha Raxmaan ah, waxaad dhahdaa, “Eebbe mooyee ilaah kale [xaq lagu caabudo] ma jiro, isagaana tala-saartay xaggiisaana u noqon.”
  2. Haddii Qur’aan dartiis buuro lala kaxayn, ama lala goyn dhulka ama lagula hadli dadkii dhintay [wuxuu noqon lahaa Qur’aankan) amarkase Eebbaa dhammaantiis iska leh, miyeyanse ogayn kuwa rumeeyey Xaqu hadduu Eebbe doono inuu hanuunin lahaa dadka dhammaan kamana tagaan kuwii gaaloobay [xumaan] intay kaga dhacdo musiibo waxay faleen darteed ama degto meel ku dhaw guryahooda intuu ka yimaado yaboohii Eebbe Ilaah ma baajiyo ballanka.
  3. Waxaa lagu jeesjeesay Rasuullo kaa horreeyey markaasaan sugay kuwii gaaloobay, kadibna waan qabtay ee siday noqotay ciqaabtaydii [way darrayd].

 

Eebbe wuxuu sheegay Nabiga inuu u diray ummad ay ka horreeyeen ummado Rasuullo loo diray, si aad ugu akhrido waxa laguu waxyooday, waxayna ka gaaloobi Eebbaha Raxmaan, waxaad dhahdaa, “Waa Eebbahay, Ilaahay mooyee eebbe kalana ma jiro, isagaanan talo-saartay xaggiisaana u noqon, u tawbad keeni, Eebbana isagoo amaani Qur’aanka wuxuu sheegay in haddii Kutubihii hore laga heli Kitaab buuraha meeshooda ka kaxeeya ama dhulka lala gooyo, ama dadkii dhintay lagula hadlo waxaa ka mudnaan lahaa Qur’aankan, amarka Eebbaa dhammaantiis iska leh, miyeynase ogayn kuwii rumeeyey in hadduu Eebbe doono hanuunin lahaa dadka dhammaan, gaalana kama tagaan xumaanta inta kaga dhacdo musiibo, ama ay ku dhacdo meesha u dhaw guryahooda intuu ka yimaado yaboohii Eebbe oo ah guusha Islaamka, ama Qiyaamada, Eebbana ma baajiyo ballanka. Waxaa lagu jeesjeesay Rasuullo kaa horreeyey waxaana u sugay gaaladii markaasaan qabtay ee siday tahay ciqaabtaydii? Aayaduhuna waxay caddayn Rasuulnimada Nabiga, kalinimada Eebbe, tala-saarashadiisa, in isaga loo noqon, fadliga iyo sharafta Qur’aanka, madax-adaygga gaalada, in la ciqaabi Eebbana oofin ballanka. Ar-Racd (30-32)

 

  1. Cid ku ilaalin naf kastaa waxay kasbatay [Eebbe] ma lamid baa midaan saas ahayn, waxayna u yeeleen Eebbe shurako, dheh “Magacaaba, mise waxaad Eebbe uga warramaysaan waxaan joogin dhulka mise hadal muuqaal ah.” Saas ma aha ee waxaa loo qurxiyey kuwii gaaloobay dhagartooda waxaana laga leexiyey jidka, cid Eebbe dhumiyeyna ma laha wax hanuunin.
  2. Waxayna mudan cadaab nolosha adduun, cadaabka Aakhiraana daran mana u sugna wax Eebbe ka ilaalin.
  3. Tusaalaha [tilmaanta] Jannada loo darbay kuwa dhawrsada waa inay dhex socdaan wabiyaalkii, cunnadeeduna waa joogto iyo hooskeedu, taasina waa cidhibta kuwa dhawrsada cidhibta gaaladuna waa Naar.

 

Eebbaa wax walba ilaaliya oo daalacan, wax lamid ahna ma jiro, iyo wax ku dhaw midna, shurakada ay u yeeleenna waa been ay magacaabeen oon joogin dhulka iyo war muuqaalkiis, mase Eebbay uga warrami khalqigiisa kuwaas wuxuu Shaydaan u qurxiyey dhagartooda, Jidka Xaqa ahna waa laga awday, wax toosinna ma helaan, waxayna mudan cadaab adduun iyo mid ka daran oo Aakhiro, wax Eebbe ka dhawrina ma jiro, Jannada loo darbay mu‘miniinta dhawrsatana waa in wabiyaal dhex socdaan cunnadeeda iyo hooskeeduna joogto yahay, waana cidhibta kuwa dhawrsada, sida Naartu u tahay cidhibta gaalada. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wax badan yuu fasiray aayadaha Jannada ka warrami oo tilmaamay inay nicmo ku dhan tahay, xumaanna ka fog tahay, lagana dhimanayn, dhib iyo rafaadna lahayn, ciddii caqli lehna waa inay u darbato, una guuro, una galab carraabo, una kallaho cid guurtayna way gaadhaa maqsadkeeda, haddiise lagu khaldamo dhalanteed iyo bildhaanta adduun waa uun khasaare iyo halaag. Eebbe hana toosiyo. Ar-Racd (33-35)

 

  1. Kuwaan siinnay Kitaabka waxay ku farxaan waxa lagugu soo dejiyey, xisbiyada waxaa kamid ah kuwo diidi qaarkiis, waxaad dhahdaa, “Waxaa uun lay faray inaan caabudo Eebbe una shariik yeelin, xaggiisaan u yeedhi xaggiisaana u noqon.”
  2. Saasaana kuugu soo dejinnay xukun Carabi ah, haddaad raacdo hawadoodana intuu cilmi kusoo gaadhay kadib, kama helaysid xagga Eebbe gargaare iyo dhawre.
  3. Waxaan dirray hortaa Rasuullo waxaana u yeellay haween iyo carruur, Rasuulna mucjiso lama imaan karo idimka Eebbe la’aantiis, muddo kastana way qoran tahay.
  4. Eebbana wuu tiraa wuxuu doono wuuna sugaa, agtiisana waxaa ah Lawxul Maxfuudka.

 

Kuwii ehlu-Kitaabka ahaa qaarkooda rumeeyey Nabiga iyo Xaquu la yimid way ku farxayeen, inkastoo koox kamid ah ay diidi Xaqa qaarkiis, Nabigana waxaa la faray inuu Eebbihiis uun caabudo xaggiisana ugu yeedho dadka illeen xaggiisaa loo noqone, saasaana loogu soo dejiyey Qur’aan Carabi ah, ciddii raacda hawo dad oo xun iyagoo u cilmi leh kama helayo xagga Eebbe gargaare iyo ilaaliye midna. Inuu Eebbe diro Rasuulna waa jid Eebbe oo horreeyey waxayna yeesheen xaas iyo carruur, illeen waa bani-Aadame, Rasuul mucjiso la imaan karana ma jiro idinka Eebbe la‘aantiis, wax kastana waqti go‘an yuu leeyahay, wuxuu rabana Eebbe wuu tiraa, wuxuu doonana wuu sugaa, agtiisana waxaa ah Lawxul Maxfuudka. Taasina waxay ku tusin in ciddii cilmi iyo caqli leh ay rumayn Nabiga iyo Qur’aanka, iyo in Eebbe kaliya la caabudo, looguna yeedho dadka, ciddii Xaqa ka leexata ayan gargaare heleyn, in Rasuulladu dad yihiin oy wax cuni waxna guursan waxna dhalaan, in mucjisadu xagga Eebbe ka timaaddo, in wax walba muddo leeyahay, in Eebbe wuxuu doono tiro kuu doonana sugo. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ruuxa waxaa rizqiga looga hoojiyaa dambi dartiis, ducaduna qaddarkay wax ka tartaa, cimrigana waxaa siyaadiya samo-fal.” Waxaa wariyey Axmed, Nasaa’i iyo kuwo kale. Ar-Racd (36-39)

 

  1. Haddaan ku tusinno qaar waxaan u yaboohi [oo dulli ah waa saas] haddaanse ku oofsanno waxaa uun korkaaga ah gaadhsiin anagana waxaa na saaran inaan xisaabinno.
  2. Miyeyna arkayn inaannu uga imaan dhulka darfaha anagoo nusqaamin furid [ama abaar]? Eebbana wuu xukumi, wax burinna ma jiro xukunkiisa, waana midkay degdeg tahay xisaabtiisu.
  3. Waxaa wax dhagray kuwii ka horreeyey Eebbaase abaal-maris [dhagar] iska leh dhammaan, wuxuuna ogyahay waxay kasban naf kasto, waxayna ogaan gaaladu cidday u ahaato cidhib fiican.
  4. Waxayna dhihi kuwii gaaloobay, “Ma tihid Rasuul,” waxaad dhahdaa waxaa marag ugu filan dhexdeenna Eebbe iyo cidda agteed ogaanshaha Kitaabku yahay.

 

Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) dhib ma saarra hadduu Eebbe ciqaabo gaalada intuu Nabigu noolyahayna waa wanaag, hadduu ka hor oofsadana waxaa uun Nabiga saaran gaadhsiin, Eebbana xisaabtooda, wuuna u gargaaray Eebbe Rasuulkiisa, gaaladiina jabiyey isagoo nool, waxaana u muuqatay in dhulka darfaha lagasoo nusqaaminayey oo Islaamku ka adkaanayey gaalnimada, xukunkana Eebbaa iska leh, wax xukunkiisa ka daba hadli karana ma jiro, xisaabtiisuna way degdegtaa, dhagarna waa shaqada gaalada ama ha horreeyeen ama ha dambeeyeene, Eebbaase dhammaan abaal-marin iska leh oo ka jaasiin, gaalana mar un bay ogaan cidda cidhibta fiican u hadho, waxayba ku af adeygeen inay Nabiga beeniyaan kuna dhahaan ma tihid Rasuul, maxaase looga baahan yahay maraggooda, waxaa marag ugu filan Eebbihiis iyo ciddii cilmi leh oo rumeysan Nabiga oo ehlu-Kitaabkii ah. Suuradduna waxay ku dhammaatay dhagarta gaalada xumiddeeda, in Xaqu sarreyn, in cidhib fiican Muslimiintu heli, in Rasuullada Eebbe soo diray maragna ugu filan yahay. Ar-Racd (40-43)

***

Suurat Ibraahiim

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Alif. Laam. Raa. [Xarfaha hore oo kale waa lasoo sheegay macnahooda] kanna waa Kitaab aannu kugu soo dejinnay inaad kaga bixisid dadka mugdiyada xagga nuur idanka Eebbohood iyo Jidka Eebbaha adkaada ee la mahadiyo.
  2. Ilaaha iska leh waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, halaagna waxaa mudan gaalada cadaab daran xaggiis.
  3. Oo ah kuwa ka jecel nolosha adduun Aakhiro oo ka leexiya [dadka] Jidka Eebbe lana dooni qallooc, kuwaasuna waxay ku sugan yihiin baadi fog.
  4. Rasuul kuma dirro waxaan afka qawmkiisa ahayn si uu ugu caddeeyo, wuuna baadiyeeyaa Eebbe cidduu doono inta Xaqa loo caddeeyey kadib, wuuna hanuunin cidduu doono, waana adkaade falsan.

 

Qur’aanka Eebbaa kusoo dejiyey Nabiga Muxammad ah (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu dadka mugdiga iyo jahliga kaga saaro oo Nuur iyo Jidka Toosan ee Ilaahay u saaro, illeen Eebbaa awood lehe, lana mahdiya, lehna cirka iyo dhulka waxa ku sugane, halaag iyo ciqaabna waxaa mudan gaalada adduun ka doortay Aakhiro oo Jidka Eebbe dadka ka leexiya doonina qalloociisa iyo xumaantiisa, kuwaasuna waa kuwa baadi fog ku sugan, xikmadda Ilaahayna waxay keentay in Rasuul kasta lagu bixiyo afka qawmkiisa si marka hore iyaga loo gaadhsiiyo markaas u-faafto diintu, mana keenin xikmadda Eebbe in af kasta lagu diro maxaa yeelay afafku way badan yihiin, saasaana Nabigeennii loogu bixiyey luuqadda Carabiga oo cid kastoo Muslim ah iyo caalamkaba laga rabo inuu barto. Rasuulkana waxaa saaran u-caddeyn Xaqa, dadkana waxaa saaran rumeyn, Eebbana wuu xisaabin cid kasta waxay beeratay khayr iyo shar. Ibraahiim (1-4)

 

  1. Waxaan la dirray [Nabi] Muuse aayaadkannaga, “Bixi qawmkaaga mugdiyada xagga Nuurka, kuna waani [xusuusi] nicmooyinkii Ilaahay,” arrintaasna aayaad baa [calaamooyin] ugu sugan samir badane, shukri badan dhammaantiis.
  2. Iyo markuu [Nabi] Muuse ku yidhi qawmkiisa, “Xusuusta nicmada Eebbe korkiinna markuu idinka koriyey colkii Fircoon iyagoo idin dhadhansiin cadaab [daran] xun oo gawrici wiilashiinna oo dayn gabdhihiinna [dullaysi] arrintaasna waxaa ku sugnayd balaayo [imtixaan] Eebbihiin oo wayn.”
  3. “Iyo markuu Eebbihiin ogaysiiyey, ‘Haddaad shukridaan waan idiin kordhin, haddaad gaalowdaanna cadaabkaygu waa daran yahay.’”
  4. Wuxuuna yidhi [Nabi] Muuse, “Haddaad gaalowdaan idinka iyo waxa ku sugan dhulka dhammaan Eebbe waa hodan mahadsan.”

 

Eebbe wuxuu la diray Nabi Muuse sagaal mucjiso si uu qawmkiisa mugdiga uga saaro Nuurkana u-tusiyo, kuna wacdiyo isagoo xusuusin nicmooyinkii Eebbe, waana arrin calaamo u ah ciddii samir iyo shukri badan. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Amarka mu‘minku waa la-yaab, wax kastoo Eebbe u keeno waa u khayr, dhib hadduu ku dhaco wuu ku samraa khayr bayna u noqotaa, haddii wanaag soo gaadhana wuu ku shukriyaa khayrna way u-noqotaa.” Waa xadiith saxiix ah. Nabi Muusana wuxuu xusuusiyey qawmkiisii sida Eebbe ugu nicmeeyey ugana koriyey Fircoonkii dullaystay ee wiilasha laynaayey gabdhahana dullaysanayey, waxayna ahayd imtixaan wayn, Eebbana wuxuu dadka ogaysiiyey in ciddii ku shukridana uu u-kordhin nicmada, tii ka gaalowdana cadaabka Eebbe daran yahay, dhammaan hadday dadku gaaloobaanna Eebbe waa hodan mahadsan, umana baahna taakulayn iyo gacan-siin, waxaase kaalmo u-baahan miskiinkaa dadka ah ee haddana markuu ladan yahay wax is-bidi. Ibraahiim (5-8)

 

  1. Miyuuna idin soo gaadhin warkii kuwii idinka horreeyey [oo ah] qawmkii [Nabi] Nuux, Caad, Thamuud, iyo kuwii ka dambeeyey? Ma oga [tiradooda] Eebbe mooyee, waxayna ula yimaadeen Rasuulladoodii xujooyin waxayna ku celiyeen gacmahooda afkooda [way beeniyeen] waxayna dhaheen, “Annagu waan ka gaalownay waxa laydinku soo diray annaguna shaki baan kaga sugannahay waxaad noogu yeedhaysaan xaggiisa oo daran.”
  2. Waxay dheheen Rasuulladoodii, “Ma Eebbaa shaki ku jiraa ee abuuray samooyinka iyo dhulka idiinkuna yeedhi inuu idinka dhaafo dambiyadiinna dibna idiin dhigo tan iyo muddo magacaaban?” Waxayna dheheen, “Idinku ma tihiin waxaan bashar [dad] na lamid ah ahayn, waxaadna doonaysaan inaad naga leexisaan waxay caabudi jireen aabbayaalkanno, noo keena xujo cad.”
  3. Rasuulladii waxay dheheen, “Annagu ma nihin waxaan dad idin lamid ah ahayn, Eebbaase ku mannaysta [khayr] cidduu doono oo addoomadiisa kamid ah, xujana idiinma keeni karro idinka Eebbe mooyee, Eebbe uunna ha tala-saarteen mu‘miniintu.”
  4. “Maxaanaan u talo-saaranayn Eebbe isagoo nagu hanuuniyey jidkannaga, waana ku samraynaa waxaad nagu dhibaysaan Eebbe uun ha talo-saarteen kuwa talo-saaran [cid].”

 

Wax badan yuu Eebbe ka warramay ummadihii hore iyo waxa ku dhacay si loogu waano-qaato, wayna badnaayeen, Nabiyadii iyo Xaqiina way diideen, iyagoo shakiyey Xaqa, Rasuulladuse waxay u-sheegeen inaan Eebbe iyo Xaqu shaki lahayn, see loo shakin Eebbaha cirka iyo dhulka iyo wax kasta oo khalqi ah abuuray, runtii waxaa shakin Eebbe iyo abuurkiisa gaalada liita ee jecel inay xumaanta dabaashaan si aan waxna u celin, Eebbe dadka wuxuu ugu yeedhi dambi-dhaaf, wuxuuna u-yeelay waqti magacaaban, mana habboona in gaaladu xujaystaan in Nabiyadu dad lamid ah yihiin kana leexin waxay aabbayaalkood caabudi jireen, Rasuulladuse waa dad Eebbaase ku mannaystay waxyi iyo suubbanaan, waxay la imaan karaanna ma jiro idin Eebbe la‘aantiis, Eebbaana cid la talo-saarto ah, mu‘miniinta iyo Rasuulladuna isagay talo-saartaan illeen isagaa hanuuniyey Jidka Toosanna ku tusiyey, waana in lagu samro oo loo adkaysto dhibka Xaqa dartiis kugu gaadhi adoo isku dayi inaad si fiican isaga reebtid, Eebbayna mu‘miniintu talo-saartaan. Wakaas Xaqii iyo wanaaggii, maxayse hayaan gaalada Xaqa diidaysa ee beenaalayaasha ah? Waxba. Ibraahiim (9-12)

 

  1. Waxay ku dheheen kuwii gaaloobay Rasuulladoodii, “Waxaynu idinka bixin dhulkannaga ama waxaad kusoo noqonaysaan [soo galaysaan] diintannada,” wuxuuna u waxyooday Eebbahood inuu halaago daalimiinta.
  2. Dajinna idinka dhulka kuwaas kadib, arrintaasna waxaa heli ciddii ka cabsata la-kulankayga oo ka cabsata gooddigayga.
  3. Wayna gargaar-dalbeen waxaana khasaaray kibir-badane madax-adag dhammaantiis [Xaq-diid].
  4. Waxaana ka horraysa Jahannamo waxaana laga waraabin biyo carow ah [dhacaanka ehlu-Naarka].
  5. Wuuna ku margan mana ka degayo wuuna uga imaan mawdku [geeridu] meel kasta, mana dhimanayo, gadaashiisna waxaa ah cadaab adag.
  6. Kuwa ka gaaloobay Eebbahood wuxuu lamid yahay camalkoodu dambas ku darraatay [ku dhacday] dabayli maalin dabayl dhabasho daran, kama karaan (helaan) waxay kasbadeen waxba, kaasina waa baadida fog uun.

 

Siday caadada gaaladu tahay had iyo jeer waxay ku haddidi jireen Rasuulladii inay dhulkooda ka eryi ama ay soo geli diintooda, waxaad mooddaa inay dhulka iyaga kaliya leeyihiin dhabtuna waa in dhulka Eebbe leeyahay ugana raalli yahay inay ku noolaato ciddii caddaalad iyo Islaamnimo ku fulin oyan gaaladu lahayn say sheegi, daalin waa la halaagi waxaana u hadhi dhulka ciddii Eebbe ka yaabta, Rasuulladii iyo gaaladuba way gargaar warsadeen, waxaase khasaari ciddii kibir badan oo Xaqa is kala wayn galina cadaab daran oon geeri iyo nolol midna ahayn, gaalada camalkeeduna waa sida dambas dabaylu qaadday oo waxba kama helaan, waxayna ku sugan yihiin baadi fog. Waxaa Abii Umaamo laga wariyey in Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) in biyo Naareed loosoo dhawayn gaalka oo uu nici wajiga iyo madaxana ka gubi markuu cabbana xiidmuhu soo daadan. Waxaa sheegay Imaam Axmed. Eebbe ha naga koriyo Naarta. Camalbaase loo baahan yahay. Ibraahiim (13-18)

 

  1. Miyeydaan arkayn in Eebbe u-abuuray samooyinka iyo dhulka xaq, hadduu doonana idin tagsiin karo lana imaan karo khalqi cusub?
  2. Arrintaasina Eebbe kuma adka.
  3. Waxayna dadku usoo bixi Eebbe markaasay ku dhihi kuwii [raaciyada] ahaa kuwii madaxda ahaa, “Annagu idinkaan idin raacaynay ee wax ma nooga taraysaan cadaabka Eebbe?” Waxayna dhahaan, “Hadduu Eebbe na hanuuniyo waan idin hanuunin lahayn, waa isugu mid korkeenna haddaan argaggaxno ama samirno [adkaysanno] ma helayno fakasho.”
  4. Wuxuuna dhahaa Shaydaankii marka amarka la xukumo, “Eebbe wuxuu idiin yaboohay yabooh xaq ah anna waan idiin yaboohay waana idinku beeniyey, wax xujo ahna idinkuma lahayn oon ahayn inaan idiin yeedhay ood i maqasheen ee hay dagaalina ee dagaala naftiinna anuguna idiinma gargaari karo idinna iima gargaari kartaan, anugu waan diiday waxaa ila wadaajiseen horay,” daalimiintuna waxay mudan cadaab daran.
  5. Waxaana la gelin kuwii rumeeyey Xaqa oo camal fiican falay Jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo ku dhex waari idanka Eebbe dartiis soo dhawayskooduna dhexdeeda waa salaan.

 

Dadkoo dhan Eebbey hor-imaan Qiyaamada, waxaana is-dagaali oo murmi madaxdii xumayd iyo raaciyadoodii oo ay raaciyadu dhihi, “Idinkaa na dhumiyey ee wax manoo taraysaan?” Iyana ugu jawaabi inayan waxba u-tarayn, hadday argaggaxaan iyo hadday adkaystaanna isku-mid tahay wax u-gargaarina ayan helayn, waxaana la xidhiidhiyey iyaga iyo Shaydaan oo isna marka dadka la kala-xukumo u-sheegi kuwuu dhumiyey in Eebbe dhabta u-sheegay isna been u sheegay wax xoog ah ama xujo ahna uusan u-haysan saasna warkiisii ku maqleen, ee hays dagaaleen iyagu ee yeyna dagaalin isaga waxna isuma tari karaan, wuuna kaga baxay warkoodii, gaalna cadaab daran baa u-sugnaaday, mu’miniintana waxaa la gelin Jannooyin khayr ku dhan yahay ay ku waari dhexdeedana ay salaan iyo nabadgalyo kala kulmi. Saasayna u muuqataa siday isu-dagaali isuna canaanan madaxdii dhumisay dadkeeda iyo dadkeey dhumiyeen, iyo siduu Shaydaan khudub ugu akhrin kuwuu dhumiyey. Shacbi wuxuu yidhi, “Wuxuu ka khudbayn Qiyaamada dadka hortooda.” Saas darteed waa inaan cidna lagu raacin xumaan laga digtoonaado Shaydaanka jinniga iyo kan insigaba, Eebbana aan lagaa dhex-marin si aad u-liibaanto. Ibraahiim (19-23)

 

  1. Ma ogtahay sida Eebbe ugu yeelay tusaale kalimadda [erayga] fiican sida geed wanaagsan oo xididdadeedii dhulka ku sugan yihiin laamaheediina samada [kor jiraan].
  2. Oo siisa [bixisa] cunnadeeda waqti kasta idanka Eebbeheed dartiis, wuuna u yeelaa Eebbe tusaalayaal dadka inay waantoomaan.
  3. Kalimadda [erayga] xunna [gaalnimada iyo xumaanta] waxay lamid tahay geed xun lagana rujiyey dhulka korkiisa oon sugnaan lahayn.
  4. Wuxuu ku sugaa Eebbe kuwa rumeeyey Xaqa erayga sugan [ashahaadada iyo Xaqa] nolosha adduun iyo Aakhiraba wuxuuna dhumiyaa daalimiinta, wuxuuna falaa Eebbe wuxuu doono.
  5. Ma ogtahay kuwa ku baddelay nicmadii Eebbe gaalnimo, dejiyeyna qawmkoodii guri halaag.
  6. Jahannamayna gali meel lagu sugnaadana iyadaa u xun [Jahannamo].
  7. Waxayna u-yeeleen Eebbe shariik inay ka dhumiyaan Jidkiisa, waxaad dhahdaa raaxaysta ahaanshihiinnu waa Naare.

 

Hadal fiican iyo Xaqu wuxuu lamid yahay geed fiican oo midho badan waqti kastana cunno laga helo, tan xunna waxay lamid tahay geed xun oon sugnayn waxna laga helayn, hadalka fiicanna waxaa u-horreeya ashahaadada waxaana soo raaca hadal kasta oo khayr ah, kan xunna waa gaalnimo iyo dambi iyo dhib Muslim, Eebbana wuxuu mu‘miniinta ku sugaa adduun iyo Aakhiraba hadalka sugan ee Xaqa ah, waxaana Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ka sugnaaday xadiithyo badan oo ka warrami su‘aasha qabriga iyo sida mu‘minka Eebbe u-waafajin Xaqa una dhihi Eebbahay waa Ilaahay, Diintaydu waa Islaam, Nabigaygu waa Muxammed, markaas loo nicmayn, daalimiintase wuu dhumiyaa oo gafsiiyaa Xaqa illeen iyagaa ka jeedsadaye, Eebbana wuxuu doono yuu falaa, wax ka xun ma jiro kuwa ku baddasha nicmada Xaqa iyo wanaagga gaalnimo iyo Xaq-diiddo, dadkoodiina dejiya una horseeda guri halaag iyo jab, iyo Jahannamo iyo meel daran, una yeela Eebbe shurako iyo wax lala caabudo xaq-darrana arrinkiisa lagu raaco. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Gaaladoo dhan yaa loola jeedaa oo Eebbe wuxuu kusoo diray Nabiga Muxammad ah naxariis iyo nicmo, ciddii oggolaatana oo ku mahdisa Eebbana Jannay mudan, tii diiddana ciqaabay mudan iyo cadaab.” Cumar binu Khaddaab waxaa laga wariyey, “Waa labadii dambiilayaal ee Qureysh Banuu Muqiira iyo Banuu Umayya, Banuu Muqiirase waxaa la halaagay maalintii Badar, Banuu Umayyase waxaa loo raaxeeyey muddo.” Ibraahiim (24-30)

 

  1. Ku dheh addoomadayda rumeeyey [Xaqa] ha oogeen salaadda hana ka nafaqeeyeen waxaan ku arzaaqay qarsoodi iyo muuqba kahor imaatin maalin aan gadasho iyo saaxiib jirin [Qiyaamada].
  2. Eebbe waa kan abuuray samooyinka iyo dhulka kanasoo dejiyey samada biyo kunasoo bixiyey midho rizqigiinna dartiis, idiinna sakhiray doonta inay ku socoto badda amarka Eebbe idiinna sakhiray wabiyada.
  3. Idiinkuna sakhiray qorraxda iyo dayaxa si joogta ah idiinna sakhiray habeenka iyo maalinta.
  4. Idinkana siiyey wax kastood warsataan, haddaad tirisaanna nicmada Eebbana ma koobi kartaan, dadse waa dulmi-badane gaalnimo badan.
  5. Xusuusta markuu [Nabi] Ibraahiim yidhi, “Eebbow ka yeel baladkan (Makka) aamin igana dheeree ani iyo carruurtayda inaan caabudno sanamyada.”
  6. “Eebbow waxay dhumiyeen wax badan oo ciddii i raacdana waa iga mid tii i caasidana adaa dambi-dhaafe naxariista ah.”

 

Eebbe wuxuu faray addoomadiisa daacadiisa, salaad, wax-bixin qarsoodi iyo muuqba Qiyaamaha kahor illeen wax-gadasho, ganacsi iyo saaxiibtinnimo ma jirtee, Eebbaha mudan cibaadadaasna waa kan abuuray cirka iyo dhulka kana soo dejiyey cirka biyo cunno soo saara, una sahlay dadka markabka, qorraxda, dayaxa, wabiyada, habeenka iyo maalinta iyo wax kastooy u baahan yihiin, siiyana addoomadiisa waxay warsadaan, nicmada Eebbe ee Xaq-rumeyn, caafimaad, caqli, cilmi, rizqi iyo kuwo kale ee badan lehna wax tiro lagu koobi karo ma aha ee waxaa loo baahan yahay in lagu mahdiyo Eebbe daacadiisa, wanaagga iyo khayrna loogu dhaqmo, illeen caadada dadka waxaa kamid ah dulmi iyo Xaq-diidnimo. Aayadaha dambe waxay ka warrami in Nabi Ibraahiim Eebbe ka baryey inuu Makka ka yeelo balad aamin ah kana fogeeyo isaga iyo carruurtiisaba inay sanam caabudaan illeen dad badan baa ku dhumaye, in nicmada Eebbe lagu shukriyana waa waajib. Abii Dardaa waxaa laga wariyey, “Ruuxaan aqoonsan nicmada Eebbe korkiisa cunno iyo cabbid mooyee waxaa yaraaday camalkiisa waxaana soo dhawaaday cadaabkiisa.” Camal fiican, dad-anfac, xaq u-yeedhid iyo wanaag yaa lagu mutaa gudashada shukriga Eebbe. Ibraahiim (31-36)

 

  1. “Eebbow waxaan dejiyey carruurtaydii [qaar] tog aan beer lahayna oo ah Baytkaaga sharafta leh agtiisa Eebbow inay oogaan salaadda ee ka yeel quluubta dadka tii u-iilata xaggooda kuna arzaaq midho inay shukriyaan.”
  2. “Eebbow adugu waxaad ogtahay waxaannu qarin iyo waxaannu muujin, kamana qarsoona Eebbe waxba samada iyo dhulka [midna].”
  3. “Mahad Eebbaa iska leh ee ah kan i siiyey anoo wayn Ismaaciil iyo Isxaaq Eebbahayna waa maqlaha baryada [ajiibe].”
  4. “Eebbow iga yeel mid ooga salaadda aniga iyo carruurtayda Eebbow aqbal baryadayda.”
  5. “Eebbow ii dambi-dhaaf ani iyo labadaydii waalid iyo mu‘miniinta maalinta ay kici xisaabtu [Qiyaamadu].”
  6. Ha u-malayn in Eebbe halmaansan yahay waxay fali daalimiintu, wuxuu uun dib ugu dhigi maalin ay taagmi dhexdiisa indhuhu.
  7. Oyna degdegi oo madax kor-yeeli oosan soo noqonayn araggoodu [taagmi indhuhu] quluubtooduna oy madhan tahay [cabsi darteed].

 

Aayadaha hore waxay aad ula xidhiidhaan aayadihii ka horreeyey, wuxuuna Nabi Ibraahiim Eebbe ka baryey inuu quluubta dadka usoo jeediyo xagga Baytkiisa uu ag-dejiyey carruurtiis isagoon beer lahayn, wuxuuna ka baryey inuu ku arzaaqo midho si ay cibaadada u-gutaan kuuguna shukriyaan, Eebbana waa ka aqbalay oo waxaa muuqda in Makka balad nicmo tahay, waxaase loo baahan yahay camal fiican mahad Eebbe iyo isu-naxariisasho, Nabi Ibraahiim wuxuu isu-bandhigay Eebbe oo uu yidhi “Adaa og wax kasta wax kaa qarsoonna ma jiro,” wuuna ku mahdiyey Eebbaha siiyey Ismaaciil iyo Isxaaq isagoo wayn, illeen Eebbaa ducada aqbalee, wuxuuna Eebbe ka baryey inuu ka yeelo mid daa’ima gudashada salaadda isaga iyo carruurtiisa ducadana ka aqbalo, una dambi-dhaafo isaga, waalidiintiis, iyo mu‘miniintaba maalinta lays xisaabin Qiyaamada, maxaa ka cajab badan Nabi Ibraahiim iyo naxariistiisa iyo xaalkiisa? Tan kale Eebbe ma halmaansana daalimiintu waxay fali, wuxuu dib ugu dhigi maalin indhuhu taagmi Qiyaamada, oo cabsi badan quluubtuna gilgilan cabsi darteed, dhibka Qiyaame iyo culayska iyo waxyaalaha ku sugan waa wax Eebbe laga magan-galo loona darbado lana feejignaado, Alla ha sahlo. Ibraahiim (37-43)

 

  1. Uga dig dadka maalintuu u-iman cadaab oy odhan kuwii dulmi falay, “Eebbow dib noogu dhig muddo dhaw aan ajiibno yeedhiddaadee oon raacno Rasuulladee.” Miyeydaan ahayn kuwii ku dhaartay horay inaydaan tegayn?
  2. Oo degteen guryihii kuwii dulmiyey naftooda oo idiin caddaaday sidaan ku fallay iyagii oon idiin yeellay tusaalayaal.
  3. Iyagoo dhagar samayn Eebbe agtiisaana abaalka dhagartoodu yahay, dhagartooduna ma aha mid la suulaan [tagaan] buuruhu.
  4. Ee ha u-malayn in Eebbe baajin u-yabooha Rasuulladiisa illeen Ilaahay waa adkaade aarsadee.
  5. Maalin buuna [oofin] lagu beddeli dhulka dhul kale iyo samooyinkaba, waxaana loo soo bixi Eebbaha kalida ah ee awoodda sara leh.

 

Eebbe wuxuu faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu uga digo dadka cadaab daran kahor intayan warsan in dib loo dhigo muddo yar si ay u-maqlaan Xaqa Rasuulladana u-raacaan, waxayse horay ugu dhaarteen inayan ka guurayn adduunka, iyagoo waliba degay guryihii kuwii ka horreeyey ee daalimiinta ahaa ee la halaagay, una caddaatay sida Eebbe ku falay, haddana gaaladu dhagar iyo khiyaanad kama daayaan Xaqa iyo mu‘miniinta, inkastoon dhagartoodu buuro jajabinayn, oyse u dhawdahay, Eebbana baajin maayo ballan-qaadkiisii ahaa inuu Rasuullada u-gargaari, waana adkaade aarsada maalin dhulka iyo cirka lagu baddali dhul kale iyo cir kale, dhammaan dadkuna usoo bixi Eebbaha kalida ah ee awoodda sare, waana maalinta Qiyaame. Waxaa Bukhaari iyo Muslim ku sugnaaday in dadka lagusoo kulmin maalinta Qiyaame dhul cad oo nadiif ah oon cidna calaamo ku lahayn, siduu Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) Eebbase wuu u naxariisan mu‘miniinta Xaqa raacay ee si dhab ah u-caabuday, wuxuuna ciqaabi Xaq-diidayaasha gaalada ah ee khayaamada, dhagarta, dhuminta iyo xumaanoo dhan u-maleegi Xaqa iyo Islaamka, adduunkase waa in lagu dulleeyo gacmaha Muslimiinta, Aakhirana waa inay la kulmaan wax madaxooda ka wayn oo ciqaab iyo dulli ah. Ibraahiim (44-48)

 

  1. Waxaadna arkaysaa danbiilayaashii oo maalintaas lagu xidhiidhiyay [lays kula-xidhay] biro [Naareed].
  2. Dharkooduna [qamiisyadoodu] waa daamur [Naar ah] waxaana dabooli wajigooda Naar.
  3. Inuu ka abaal-mariyo Eebbe naf kasta waxay kasbatay, Eebbana way degdegtaa xisaabtiisu.
  4. Qur’aankana waa gaadhsiin dadka iyo in loogu digo iyo inay ogaadaan in Eebbe Ilaah kaliya uun yahay, iyo inay waantoonto cidda caqliga leh [mu‘miniinta].

 

Eebbe cidna ma dulmiyo ee dadku iyagaa naftooda dulmiya, Maalinta Xisaabta ee Qiyaamana cid walba waxaa laga abaal-marin camalkeeda, waxaana danbiilayaasha gaaloobay la isugu xidhxidhi kooxo iyo labo iyagoo loo xidhi dhar Naar ah wajigoodana Naaru dabooli, taasina waa in Eebbe ka abaal-marin ruux kasta wuxuu kasbaday, oy Eebbana degdegto xisaabtiisu. Qur’aankuna waa Xaq iyo war dhab ah oo cad kanasoo fulay Xaakimka awoodda badan ee wax kasta ku hoos jiraan, Ilaaheenna wayn, lana gaadhsiin adduunka iyo dadkoo dhan, si loogu digo, iyo inay ogaadaan in Eebbe Ilaah kaliya yahay oy kuna waano-qaataan kuwa caqliga leh. Taasina waxay ku tusin in dambiilayaasha la abaal-marin, in Qur’aanku iyo Diinta Islaamku caalami yahay, dadkoo dhanna ay waajib ku tahay rumayntiisu, raaciddiisa, ku-dhaqankiisa, ugu-yeedhidda dadka, ogaansho inuu u suubado waqti kasta, in wanaag ku dhan yahay, inuu yahay jidkii Jannada iyo liibaan adduun iyo Aakhiraba. Ibraahiim (49-52)

 

Suurat al-Xijr

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Xarfaha hore waa lasoo sheegay macnahooda.] Kuwanna waa aayadaha Kitaabka iyo Qur’aanka cad.
  2. Wax badan bay tamanin [jeclaan] kuwii gaaloobay [Aakhiro] inay Muslimiin ahaadaan [adduunkii].
  3. Ka-tag ha cuneen hana raaxaysteene hana shuqliso yididiilo way ogaan doonaane.
  4. Magaalo kasta oo la halaago waxaa u-sugnaaday waqti la yaqaanno.
  5. Kamana hor-marto ummadi ajasheeda [waqtigeeda] kamana dib marto.
  6. Waxay dhaheen, “Kan Qur’aanka lagusoo dejiyayow adugu waad waalan tahay.”
  7. “Maad malaa‘ig noo keentid haddaad run sheegi.”
  8. Umana soo dejinno malaa‘igta xaq mooyee lamana sugeen gaalada [markaas].
  9. Annagaa soo dejinnay Qur’aanka annagaana dhawri.

 

Qur’aanku waa Kitaab Xaq suganna oo Eebbe soo dejiyay, gaaladuna markay ku kaliyoobaan Naarta oo dadkii caasiyiinta ahaa ee Muslimiinta ahaa laga saaro Naarta yay shalaayi waxay Muslimiin u noqon waayeen, waase la dhaafay saacaddeedii, waqti calaacalna wuu dhammaaday ee waa uun Janno mu‘min iyo Naar danbiilayaal, illeen adduunkii yay iska cuneen ooy iska raaxaysteen iyagoo Xaqa beeniyay wayse arki waxa ku dhaca Aakhiro, cid kastana mudday leedahay ayna ka hor-marayn kana dib-marayn marka la halaagi, marka Xaqa loo caddeeyo. Gaaladii waxay ku sheegeen Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu waalan yahay waxayna warsadeen in malaa‘ig loo soo dejiyo, malaa‘igtu farriin ama halaag un bay lasoo degtaa. Tan kale Eebbaa Qur’aanka soo dajiyay isagaana ilaalin, Eebbana wakaas ka dhawray Qur’aanka halmaansho, baddalaad, leexin, nusqaamin iyo wixii ku dhacay Kutubihii hore oo leexin ah, waxaadna aragtaa in malaayiin Muslimiin ah xifdisan tahay meelo kala duwan oo caalamka ah, waxaa kaliya ee loo baahan yahay in lagu dhaqmo, lagana qaato xukunka, mucaamilada, maamulka iyo wax kastoo nolosha taaban, illeen waa Kutaab adduun iyo Aakhiree, mase aha siday rabaan gaaladu iyo jaahiliintu inuu noqdo Kitaab Aakhiro kaliya. Al-Xijr (1-9)

 

  1. Waxaan u dirray hortaa [Rasuullo] ummadihii hore.
  2. Rasuul kasta oo u-yimaadana waxay ahaayeen kuwo ku jeesjeesa.
  3. Saasaana u galinnaa [gaalnimada] quluubta dambiilayaasha.
  4. Mana rumeeyaan Qur’aanka waxaana tagay [hor-maray] sumaddii [jidkii] kuwii horreeyey.
  5. Haddaan uga furro korkooda irrid samada ooy ahaadaan kuwo kora
  6. Waxay odhan lahaayeen, “Waxaan uun la-awday [la-tiray] aragyadannadii, waxaabanse nahay qawm la-sixray.”
  7. Waxaan yeellay samada buruuj [meelo] waxaan u qurxinnay kuwa dayi [eegi].
  8. Waxaana ka dhawrnay Shaydaan la-tuuray [fogeeyey] dhammaantiis.
  9. Mid dafa maqalka oo danab cad raaco mooyee.
  10. Dhulkana waan fidinnay waxaana ku ridnay [sugnay] dhexdeeda buuro, waxaana kasoo bixinnay wax kasta oo miisaaman.
  11. Waxaana idiinka yeellay dhexdiisa nolol iyo waxaydaan arzaaqi karin.

 

Eebbe wuxuu u-diray Rasuullo ummadihii hore, wayna ku jeesjeesi jireen Rasuul kasta, saasayna quluubtooda xumaan loo galiyey ooyen Qur’aanka iyo Xaqa u-rumeynin, wax badan baana la halaagay hortood, gaalnimadooda iyo madax-adaygooda, haddii samadaa irdaha looga furo oo ay koraan waxay dhihi lahaayeen, “Waa nala indho-awday oo Xaq ma aragno waana nala sixray,” siday sheegeen kuwo kor u-baxay samadana Eebbe wuxuu yeelay manaazil iyo qurux ciddii eegi oo ku waano-qaadan waana laga dhawray Shaydaan mid maqalka dafa oo danab raaco mooyee, dhulkana wakaa Eebbe fidiyey buurana ku sugay, cunno miisaamanna kasoo saaray, nololna dadka u dhex-yeelay iyaga iyo waxayna arzaaqi karin oo xoola ah, Eebbaa wayn, wataas awooddiisu iyo khalqigiisu iyo naxariistiisu iyo nicmooyinkiisu yaase ku waano-qaadan oo rumeyn, oo ku mahdin oon mu‘miniinta ahayn. Al-Xijr (10-20)

 

  1. Waxaan agtannada khaznadihiisu [kaydkiisu] ahayn ma jiro, umana soo dejinno qaddar la ogyahay mooyee.
  2. Waxaana dirnaa dabaysha oo tallaasha [daruurta] waxaana kasoo dajinaa samada biyo aan idinku waraabinno idinkoon ahayn kuwo ka keydsan kara [gudhidda].
  3. Annagaa wax nooleeyna waxna dilla, anagaana wax dhaxalla uun [u-hadha].
  4. Waxaana ognahay kuwiinna hor-maray waxaana ognahay kuwiina dib-maray.
  5. Eebbahaana isagaa soo-kulmin dadka waana falsame oge ah.
  6. Annagaana ka abuurray dadka dhoobo doorsoon.
  7. Jaankana [jinniga] waxaan ka abuurnay mar hore naar samuum leh [kulayl].

 

Wax kasta Eebbe agtiisa wuxuu ku leeyahay khaznad iyo meel kayd, wax walbana wuxuu ku leeyahey Eebbe agtiisa qaddar la yaqaanno, dabayshana Eebbaa soo dira si ay u-tallaasho daruuraha, samadana Eebbaa uga keena kana waraabiya iyagoon kaydsan karin hadday gudhaan oo ceelku ama wabigu ingago, Eebbaana waxa nooleeyee waxna dila, una hadhi dhulka marka khalqigu halaagsamo isagaana og ciddii hor-mari iyo tii dib-mari, ama camal fiican iyo camal xun ama geeri iyo nolol ama Jahaadka iyo ka-tagiddiisa, Eebbaana dhammaan soo-kulmin illeen waa falsame wax walba oge. Dadkana Eebbaa asalkoodii ka abuuray carro doorsoon, jinnigana ka abuuray naar kulul, aayaduhuna waxay ku tusin in wax walba kaydkoodu Eebbe agtiis yaal, in wax kasta qaddar la-yaqaan leeyahay, in Eebbe inoogu naxariisto roobka iyo biyaha, wax Eebbe kasoo hadhay oo kaydin karana jirin, geeri iyo nololla Eebbaa haya, isagaana baaqi ah, ciddii hor-mar sheegaan iyo mid dib-u-dhac ku yimidna Eebbaa oge ma aha war iyo hadal layska yidhi, in Eebbe soo kulmin dadka, in Eebbe dadka asalkoodii Nabi Aadam ka abuuray carro doorsoon, oyan ahayn siday gaalada doqomada ah ee wax u-dhiman yihiin sheegi, iyo in jinniga laga abuuray naar. Waxaas oo dhanna waxay sugi cibaadada iyo Xaqnimada Eebbe. Al-Xijr (21-27)

 

  1. Xusuuso markuu ku yidhi Eebbahaa malaa‘igta, “Anugu waxaan ka abuuri dad dhoobo doorsoon.”
  2. “Ee markaan ekeeyo kuna afuufo dhexdiisa ruuxdayda ugu dhaca sujuud.”
  3. Wayna sujuudeen malaa‘igtii dhammaan oo kulansan.
  4. Ibliis oo diiday inuu kamid noqdo kuwa sujuuday mooyee.
  5. Wuxuuna yidhi [Eebbe] “Ibliisow maxaad leedahay oodan u-noqonin kuwa sujuuda.”
  6. Wuxuuna yidhi, “Ma ihi mid u-sujuudi dad aad ka abuurtay dhoobo doorsoon.”
  7. Wuxuuna yidhi Eebbe, “Ka-bax xaggeeda adigu waa lagu fogeeyaye.”
  8. Korkaagana waxaa ah lacnad tan iyo Maalinta Abaal-marinta [Qiyaamada].
  9. Wuxuuna yidhi, “Eebbow i sug tan iyo maalinta lasoo bixin dadka.”
  10. Wuxuuna yidhi Eebbe, “Adugu kuwa la sugi yaad kamid tahay.”
  11. Tan iyo maalinta waqtiga la-yaqaan leh.

 

Abuuridda Nabi Aadam iyo sida Eebbe u-faray malaa‘igta inay u-sujuudaan iyagoo salaami een caabudaynin, iyo sida Ibliis u-diiday, isagoo iska-kibriyay oo sheegan jaahilnimo inuu ka asal fiican yahay iyo sida Eebbe u-lacnaday naxariistiisana ugu dheereeyay, loona sugay tan iyo maalinta dadka lasoo bixin dhammaan waxaa lagaga sheegay Qur’aanka meelo badan, waxaase loo baahan yahay uun in la ogaado in Ibliis iyo xisbigiisu oo ah inta gaalnimada iyo xumaanta ku raacday oy col u-yihiin mu‘miniinta, Islaamka Qur’aanka iyo wanaagga, saas darteed waa in laga digtoonaado colna laga yeesho samahana lagu dadaalo. Al-Xijr (28-38)

 

  1. Wuxuuna yidhi Ibliis, “Eebbow i baadiyayntaada darteed waxaan u-qurxin dhulka dhexdiisa waana dhumin dhammaan.”
  2. “Addoomadaada cibaadada kuu kali-yeelay mooyee [lana doortay].”
  3. Eebbe wuxuu yidhi, “Kaasi waa jid igu toosan [oo layska abaal-marin].
  4. Addoomadayda [toosan] kuma lihid xujo cid ku raacday oo kuwa baadida ah kamid ah mooyee.
  5. Jahannamaana yaboohoodu yahay [inta dhunta] dhammaan.
  6. Waxayna leedahay toddoba irridood oo irrid kastana waxay leedahay qaddar loo qaybiyay [oo Ibliis iyo colkiisa ah].

 

Eebbe wuu dhumiyey Ibliis, isna wuxuu ku dhaartay inuu dhumiyo dadka dhammaan marka laga reebo addoomada Eebbe ee toosan, kuwaasna Ibliis jid kuma leh, waxayna mudan Ibliis iyo inta raacday Naarta Jahannamo oo toddobo irridood leh, irrid kastana loo darbay ciddii gali lahayd oo ah Ibliis iyo colkiisa (Eebbe hanaga koriyee) irridahaasna waxay u kala gali sida loo sii kala xun yahay. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Jahannama waxay leedahay toddoba irridood waxaana kamid ah irrid uu ka gali ruuxii u-siibta seefta ummadayda.” Waxaa wariyey Tirmidi. Cali binu Abii Daalib (Eebbe haka raalli noqdee) wuxuu yidhi, “Irridaha Jahannamo waa toddobo is-kor-saaran, waana la buuxin dhammaan.” Waa wax Eebbe laga magan-galo. Camal flican oo ah Eebbe-caabudid dhab ah, raacid Qur’aankiisa, adeecidda Rasuulkiisa iyo Xaq ku-socod yaana lagaga koraa. Al-Xijr (39-44)

 

  1. Kuwa Eebbe ka dhawrsadana waxay gali Jannooyin iyo ilo [durduri].
  2. Waxaana la dhahaa, “Ku gala nabad-galyo iyo aaminnimo.”
  3. Waxaana ka siibnaa waxa laabtooda ku jira oo xiqdi ah, waana walaalo sariira is-qaabilsan ku sugan.
  4. Kumana taabto Jannada dhexdeeda dhib xaggeedana lagama bixiyo.
  5. U warran addomadayda inaan anugu dambi-dhaafe naxariista ahay.
  6. Iyo in cadaabkaygu uu yahay cadaabka daran uun.
  7. Ugana warran dadka martidii [malaa‘ig] Nabi Ibraahiim.
  8. Markay usoo galeen kuna dhaheen “Salaan,” kuna yidhi, “Waanu idinka cabsan.”
  9. Ooy dhaheena, “Ha cabsan waxaanu kuugu bishaarayn wiil cilmi yeelane.”
  10. Wuxuuna ku yidhina, “Waxaad ii bishaaraynaysaan anoo odaynimo i taabatay, maxaad iigu bishaaraynaysaan?”
  11. Waxayna dhaheen, “Waxaanu kuugu bishaarayn Xaq ee ha noqonin mid quusta.”
  12. Wuxuuna yidhi, “Yaa ka quusta naxariista Eebbihiis kuwa baadida ah mooyee?”

 

Eebbe wuxuu raaciyay xaalka mu‘miniinta oo ah inay Janno aan xiqdi iyo xasad iyo xumaan iyo dhib lahayn ay gali iyagoo walaalo ah isasoo qaabilina, Eebbana waana danbi-dhaafe, waana ciqaabe, waana in danbi-dhaaf la warsado, cadaabkiisana laga digtoonaado. Aayadaha kalana waxay ka warrami sida meelo kale oo Qur’aanka ah lagu sheegay Nabi Ibraahiim iyo malaa‘igtii bishaarada u-waday iyo siduu uga yaabay iyo siday u xasiliyeen uguna bishaareeyeen markuu sheegtay inuu duq yahayna ay u-sheegeen inay dhab u-wadaan kana quusan naxariista Eebbe, wuxuuse u-sheegay in naxariista Eebbe ka quustaan kuwa dhumay, saas darteed waa in Eebbe la rumeeyo naxariistiisana la rajeeyo iyadoo la camal-fali. Al-Xijr (45-56)

 

  1. Wuxuu yidhi, “Xaalkiinnu muxuu yahay kuwan lasoo dirayow?”
  2. Waxayna dhaheen, “Waxaa naloo diray qawm danbiilayaal ah xaggood.”
  3. “Ehelka [Nabi] Luud mooyee oo waanu korin dhammaantood.”
  4. “Haweenaydiisa mooyee oo noqon kuwa ku hadhi [halaagga].”
  5. Markay u-yimaadeen ehelkii [Nabi] Luud kuwii lasoo diray.
  6. Wuxuu yidhi, “Idinku waxaad tihiin qawm aan la garanaynin.”
  7. Waxayna dheheen, “Saas ma aha ee waxaannu kuula nimid waxay shakisanaayeen [halaaggoodii].”
  8. “Waxaana kuula nimid xaq, runna waan sheegaynaa.”
  9. “Ee guuri ehelkaaga qayb habeenka kamid ah socona gadaashooda yayna soo milicsan ruux kamid ah [dib] kuna socda meesha laydin faray.”
  10. Waxaana u waxyoonnay amarkaas ah in cidhibta kuwaas la goyn subaxdii.

 

Nabi Ibraahiim wuxuu warsaday xaalkooda, waxayna u-sheegeen in loo soo diray inay halaagaan qawmka Nabi Luud ee danbiilayaasha ah ehelkiisa oon haweenaydiisu ku jirin mooyee oo iyada la halaagi, markay Nabi Luud u-yimaadeenna wuu garan waayay, waxayna u-sheegeen inay ula yimaadeen waxay shakisnaayeen oo ah halaaggooda, wuxuuna Eebbe faray inuu guuriyo ehelkiisa uuna daba socdo dibna cidi soo eegin una socdaan meeshii la faray, waxaana loo waxyooday Nabi Luud in xaalka kuwaas lagu dhammeeyay in la cidhib-goyn aroortii. Waxayna ku tusin wanaagga in la isu-bishaareeyo, inaan qaraabanimo dadka hanuunin karin inkastooy waajib tahay in qaraabada lagula dadaalo khayr iyo dadkaba dhammaan, in Eebbe ka aarsan danbiilayaasha, in amarka Eebbe fuli iyo in Ilaahay lagu xidhnaado Xaqana la raaco isaga un baa wax tariye. Al-Xijr (57-66)

 

  1. Waxaana yimid dadkii baladka oo bishaaraysan [aragga martida].
  2. Wuxuuna yidhi, “Kuwan waa martidaydii ee ha igu ceebaynina.”
  3. “Kana dhawrsada Eebbe hana i dullaynina.”
  4. Waxayna dhaheen, “Miyaanaan kaa reebin caalamka [inaad marti-galiso cidna].
  5. Wuxuuna yidhi, “Kuwaasi waa gabdhahaygii haddaad wax falaysaan [ood guursanaysaan].
  6. Cimrigaagee iyagu baadi bay ku wareersan yihiin.
  7. Waxaana qabatay qayladii qorrax-soo-baxa.
  8. Waxaana ka yeellay korkoodii hoostooda waxaana kusoo daadinnay korkooda dhagaxyo naar ah.
  9. Arrintaasna calaamooyin baa ugu sugan kuwa fiirfiiriya [fikira].
  10. Waxayna ku taal magaaladaas waddo toosan [oy maraan oo cad].
  11. Arrintaasna calaamad yaa ugu sugan kuwa Xaqa rumeeyay.

 

Dadkii magaalada waxay soo qaabileen martidii iyagoo dooni caadadoodii xumayd, wuxuuse warsaday Nabi Luud inayna ku ceebeynin kuna dullaynin martidiisa, hana guursadeen gabdhihiisa iyo kuwa magaalada, waxayse ku sugnaayeen wareer iyo baadi, halkii baana iagu halaagay aroortii oo la daba-gaddiyay dhagax naar ahna lagusoo daadiyay waana arrin lagu waano-qaato ciddii fikiri ama rumayn, wayna muuqataa meeshii lagu halaagay. Waxaana loo baahan yahay in la fikiro wanaaggana la raaco, xumaantana laga fogaado. Abii Saciid waxaa laga wariyay in Rasuulku (naxariis iyo nabad-galyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu yidhi, “Ka dhawrsada saadinta mu‘minka wuxuu wax ku arkaa Nuurka Eebbee.” Abii Xaakim. Waana faraasada. Al-Xijr (67-77)

 

  1. Waxayna ahaayeen qawmkii kaynta daalimiin [qawmkii Nabi Shucayb].
  2. Waana ka aarsannay, waxayna labaduba deggenaayeen waddo cad [oo la yaqaanno].
  3. Waxayna beeniyeen qawmkii Xijrina kuwii loosoo diray [Saalax].
  4. Waana siinnay aayaadkannagii waxayna ahaayeen kuwa xaggeeda ka jeedsada.
  5. Waxayna ahaayeen kuwo ka qota buuraha guryo aamin ah.
  6. Waxaana qabatay qaylo aroortii.
  7. Waxna uma tarin waxay kasbanayeen.
  8. Samooyinka iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeyana waxaan Xaq ahayn umaanan abuurin Saacadduna way iman ee iska-saamax saamixid quruxsan.
  9. Eebbahaa baa ah abuuraha cilmiga lehe.

 

Qawmkii Nabi Shucayb iyana waxay ahaayeen daalimiin Xaqa beenisay, waxayna deggenaayeen iyaga iyo qawmkii Nabi Luudba jid la maro oo la yaqaan oy habboon tahay in lagu waano-qaato, sidoo kale qawmkii Nabi Saalax waxay beeniyeen Xaqii uu ula yimid iyo mucjizadii, kana jeedsadeen iyagoo ku noolaa meesha la yidhaah Xijr oo xagga Tabuuk ah iyagoo buuraha guryo ka samaysan jiray iyagoo aamin ah, waase la ciqaabay waxna uma tarin xoolohoodii waxaana ku dhacay masiibo. Rasuulkuna (naxariis iyo nabad-galyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi maruu maray guryahoodii, “Ha galina guryihii kuwii la caddibay idinkoo ooyi mooyee, haddaydaan ooyinna iska-ooyhisiiya cabsi inuu idinku dhaco wixii ku dhacay.” Waa xadiith saxiix ah. Tan kale Eebbe wuxuu u-abuuray cirka iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeya xikmad, caddaalad iyo tusid qudrada Eebbe iyo ku waano-qaadasho, illeen Saacaddii Qiyaamaa imane, waana samir iyo dhaafid la isticmaalo waxaan diinta iyo dhib ahayn, Eebbana waa abuuraha wax walba og. Saas darteed waa in wanaagga lagu dadaalo xumaanta, macaasida, beeninta Xaqa iyo dhibka Islaamkana laga fogaado. Al-Xijr (78-86)

 

  1. Waxaan ku siinnay toddobo soo noqnoqota [Faataxada] iyo Qur’aanka wayn.
  2. Ee ha u-taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaybo kamid ah. Hana u-murugoon, una raarici [jilci] garabkaaga [macaamiladooda] mu‘miniinta.
  3. Waxaadna dhahdaa, “Anugu waxaan uun ahay u-dige cad.”
  4. Sidaan ugu soo dejinnay cadaab kuwii isu-dhaarsaday [dhibka Xaqa].
  5. Ee ka yeelay Qur’aanka qaybo.
  6. Eebbahaa baan ku dhaartaye waan warsanaynaa dhammaantood
  7. Waxay falayeen.
  8. Ee muuji waxa lagu fari iskagana jeedso mushrikiinta.
  9. Annagaa kaa kaafiyeyna kuwa jeesjeesa
  10. Ee la-yeela Eebbe miciisa ilaah kale, wayna ogaan doonaan [waxa ku dhaca].
  11. Waxaana ognahay laabtaadu inay ka cidhiidhyami waxay sheegi [oo xun].
  12. Ee ku tasbiixso mahadda Eebbahaa ahawna kuwa sujuuda.
  13. Caabudna Eebbahaa intay yaqiintu [geeridu] kaaga timaaddo.

 

Eebbe wuxuu siiyey Nabiga Faataxada iyo Qur’aanka wayn, wuxuuna faray inayna khaldin adduunyo, una murgin gaalada, si fiicanna kula noolaado mu‘miniinta illeen waa dige cade, ugana digo wixii ku dhacay kuwii Xaqa dhibkiisa isu-dhaarsaday oo kala qaybiyey Qur’aan, Eebbana wuxuu faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu Xaqa muujiyo oo la jahro qarisna dhammaado, illeen Eebbaa kaga filan kuwa jeesjeesee, wuuna kaga fillaaday oo ciqaabay, illeen Qur’aankay kala-qaybiyeene, oo ilaah kale yeesheene, wayna ogaan ciqaabta ku dhacda, iyo inayna laabtiisu la cidhiidhyamin Xaq-beeninta iyo xumaantay sheegi, iyo inuu daa‘imo oo badiyo tasbiixda, mahadda iyo cibaadada Eebbe inta yaqiintu oo geerida ah uga timaaddo, taasina waxay ku tusin in cibaadada Eebbe waajib tahay inta ruux nool yahay. Ibnu Kathiir wuxuu yidhi, “Waxayse sheegeen diinlaawayaashu oo ah in yaqiinta loola jeedo darajo aqooneed oo marka la gaadho cibaadadu ka dhici ruuxa waa gaalnimo, baadi iyo jaahilnimo, illeen Nabiyadii iyo asxaabahood baa Eebbe u yaqiinay uguna cilmi badnaa waxayna ahaayeen kuwa ugu cabsi iyo cibaado Eebbe badan daacadda way daa‘imeen intay geeridu uga timid.” Saas waxaa qaba Suufiyadii hore ee culimada ku gaalnimo xukumeen sida Xallaaj iyo kuwa maanta qaarkood sida Rabiiciyada ama Timaweynta saldhiggeedu yahay Nugaal. Xaqana waa saas, suuradduna waxay ku dhammaatay in Qur’aanku wayn yahay, in dadka loo digo, in Xaqa la muujiyo, in Eebbe Xaqa u-gargaari, in Eebbe kaliya la caabudo, in la adkaysto Eebbana la caabudo inta laga geeriyoodo. Al-Xijr (87-99)

 

Suurat an-Naxl

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaa yimid amarkii Eebbe [Qiyaamihii iyo ciqaab] ee ha dedejisanina, waxaa ka nazahan oo sarreeya Eebbe waxay la wadaajin.
  2. Wuxuu kusoo dejiyaa malaa‘igta waxyi oo amarkiisa kamid ah cidduu doono oo addoomadiisa kamid ah oo ah ugu diga inaan Ilaahay mooyee Eebbe kale jirin ee Ani uun iga dhawrsada.
  3. Wuxuu u-abuuray Eebbe samooyinka iyo dhulka xaq, wuuna ka sarreeya waxay la wadaajin.
  4. Wuxuu ka abuuray dadka dhibic markaasuu noqdaa dood-badane cad.
  5. Xoolahana wuu idiin abuuray dhexdoodana waxaa ah duggaal iyo nafci xaggeedaadna ka cuntaan.
  6. Qurux baana idiinku sugan dhexdooda markaad dheelmaysaan iyo markaad foofinaysaan.
  7. Waxaadna ugu rarataan culaysyo xagga magaalo oydaan gaadhayn naf dhibkeed mooyee Eebbihiinna waa u-ture naxariista.

 

Qiyaamada iyo maalinta Aakhiro waa xaq imaan, saas darteed yuu Eebbe uga cabbiray wax dhacay illeen waa hubaale, markay Muslimiintii aad u cabsadeenna waxaa soo degay inayna dedejisanin, Eebbana la wadaajis cibaado waa ka nazahan yahay kana sarreeyaa, waxyigana wuxuu malaa‘igta ugu soo dhiibaa cidduu doono oo Nabiyada kamid ah, si ay ugu digaan inaan Ilaahay mooyee Eebbe kale jirin, kana dhawrsadaan, cirka iyo dhulkana wuxuu u-abuuray xaq, xumaanna wuu ka sarreeyaa, dadka wuxuu ka abuuray dhibic markaasay murmaan oo isla-waynaadaan, xoolaha Eebbaa dadka u-abuuray isagoo duggaal iyo nafci iyo cunno ugu sugan yahay, iyo qurux markay dheelman iyo markay foofi, kuna rartaan culays ay la aadaan meel ayna gaadheen dhib mooyee, taasina waa naxariista Eebbe, saas darteed waa in Eebbe si dhab ah loo caabudo, laguna mahdiyo nicmooyinkiisa, lagana digtoonaado kibirka isla-waynida, muran xaq-darro iyo madax-adayg ah. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu candhuuf ku tufay gacantiisa wuxuuna yidhi, “Eebbe wuxuu dhahaa, ‘Bani-Aadamow sideed ii daalin anoo kaa abuuray waxanoo kale, markaad ekaatay ood waynaatay ood ku socotay dharkaaga iyo dhulka, ood kulmisay xoolo reebtayna, markay naftu dhuunta gaadhana aad dhahdid “Haddaan sadaqaysan,” ma haddaa waqti sadaqa ah?’” Waxaa wariyey Imaam Axmed iyo Ibnu Maajah. An-Naxl (1-7)

 

  1. Fardaha iyo baqlaha iyo dameeraha wuxuu [idiinku abuuray Eebbe] inaad kortaan iyo qurux, wuxuuna abuuri waxaydaan ogayn.
  2. Xagga Eebbaana Jid Toosan yahay [hanuun], mid leexsanna waa jiraa [xumaanta] hadduu doonana wuu idin hanuunin lahaa dhammaan.
  3. Eebbe waa kan idinka soo dejiyay samada biyo xaggiisaa laga cabbaa xaggiisaana geeduhu ka ahaadaan aad daajisaan [xoolaha].
  4. Wuxuuna idiinku soo bixiyaa beero zaytuun, timir, cinab iyo wax kastoo midha ah, arrintaasna calaamad baa ugu sugan ciddii fikiri.
  5. Wuxuuna idiin sakhiray habeenka, maalinta, qorraxda, dayaxa, xiddigahana waxaa lagu sakhiray amarkiisa, arrintaasna calaamooyin yaa ugu sugan ciddii wax kasi.
  6. Iyo wuxuu idiinku abuuray dhulka oo kala duwan yahay midabkeedu, arriintaasna calaamad yaa ugu sugan ciddii wax xasuusan [fikiri].

 

Eebbe wuxuu ku mannaysan nicmooyin badan oon la koobi karin halkanna waxaa lagu sheegay fardaha, baqlaha iyo dameeraha oo Eebbe u-abuuray in lagu intifaaco iyo in lagu xarragoodo, wuxuuna Eebbe sheegay inuu abuuri waxayna ogayn, taasina waa mucjizada Qur’aanka oo Eebbe had iyo jeer wuxuu ahaysiiyaa waxaan jiri jirin, xagga Eebbaana Jid Toosan oo xaq ah yahay, kuwa ka leexday Eebbana waa jiraan, hadduu doonana wuu hanuunin lahaa dhammaan, waxaa kale oo nicmooyinka Eebbe kamid ah roobka wax laga cabbo, lana daaqsado dooggiisa, kuna soo bixiyo beero kala duwan iyo midho nooc kasta leh, waana arrin ciddii fikiri ay ku waano-qaadato, waxaa kale oo kamid ah nimcooyinka Eebbe ee u-baahan in laga faa‘iidaysto habeenka, maalinta, qorraxda, dayaxa iyo xiddigaha, oo lagu sakhiray amarka Eebbe iyo nicmooyinka kale ee kala duwan ee Eebbe ku abuuray dhulka dadka dartiis, waana wax ay ku waano-qaataan kuwa caqliga leh ee xusuusta, wanaagna falaan xumaanna ka tagaan, Eebbana si dhab ah u-mahadiyaan una caabudaan. An-Naxl (8-13)

 

  1. Eebbe waa kan idiin sakhiray badda inaad ka cuntaan hilib cusub kalana baxdaan qurux [macdan] ood xidhataan, waxaadna aragtaan doonida [markabka] oo dillaacin [dabbaalan] dhexdeeda iyo inaad doontaan fadliga Eebbe iyo inaad ku shukridaan.
  2. Wuxuuna ku riday [sugay] dhulka buuro inayna idinla iilan [wuxuuna yeelay] wabiyo iyo waddooyin inaad ku toostaan.
  3. Iyo calaamado iyo xiddigo ay dadku ku toosaan.
  4. Cid wax abuuri ma lamid baa mid aan wax abuurayn miyaydaan wax xasuusanayn.
  5. Haddaad tirisaan nicmada Eebbe ma koobi kartaan, Eebbana waa danbi-dhaafe naxariista.

 

Nicmooyinka Eebbe ugu nicmeeyey dadka waxaa kamid ah badda hirka wayn ee haddana Eebbe u-sakhiray dadka inay hilib cusub ka cunaan kalana soo baxaan jawhar iyo macaadin kala duwan oo xarrago iyo wax-tar leh. Maraakiibtu iyo doonyuhuna dhex-mushaaxi si dadku u doonaan fadliga Eebbe iyo rizqigiisa kuna mahdiyaan, waana wax Eebbe lagu mahdiyo in markab culays weyn ey biyuhu xambaaraan, waxaa kale oo nicmooyinka kamid ah dhulka Eebbe noo goglay buurana ku sugay inayan iilan, wabiyaal iyo waddooyin lagu tooso oo laga socdaalana yeelay, calaamooyinna yeelay iyo xiddigo lagu tooso. Markuu Eebbe xusay wax badan oo nicmooyinka ah yuu ku baraarujiyey awooddiisa oo in isaga uun la caabudo ay waajib tahay illeen isagaa wax abuura, waxa kasoo hadhayna wax ma abuuraan, waana inay saas ogaato ciddii wax xusuusan, nicmada Eebbe haddii la tiriyana lama koobi karo waxaase loo baahan yahay Eebbe ku mahdin iyo aqoonsi. Saciid iyo Xasan al-Basri waxay dheheen markuu Eebbe abuuray dhulka yuu gilgishay, markaasay malaa‘igtii tidhi meel lagu sugnaan ma aha markaasaa waagu baryey iyadoo buur leh. An-Naxl (14-18)

 

  1. Eebbe waa ogyahay waxaad qarsanaysaan iyo waxaad muujinaysaan.
  2. Waxay caabudayaan oo Eebbe kasoo hadhayna ma abuuraan waxba iyagaase la abuuraa.
  3. Waana mayd aan noolayn mana oga waqtiga lasoo bixin [dadka].
  4. Ilaahiinnu waa Ilaah kaliya, kuwa aan rumeynin Aakhirana quluubtoodu way diidi [kalinnimada Eebbe], wayna is-kibrin.
  5. Waxaa sugan in Eebbe ogyahay waxay qarsan iyo waxay muujin Eebbana ma jecla kuwa is-kibriya.
  6. Marka lagu dhoho, “Muxuu soo dejiyey Eebbihiin?” waxay dhahaan, “Waa warkii kuwii hore.”
  7. Inay xambaaraan culayskooda [dambigooda] oo dhan maalinta Qiyaame, iyo culayska [dambiga] kuway dhumiyeen cilmi-la‘aan waxaana xun waxay xambaaranayaan.

 

Eebbe waxba kama qarsoona ama hala qarsado ama hala muujiyee, wax kasoo hadhay oo nooc cibaado mutana ma jiro ama hala caabudo, hala baryo, kaalmo hala warsado, xukunkiisa hala raaco, illeen Eebbaa wax abuura waxa kasoo hadhayna wax ma abuuraane, waana mayd aan noolayn ogayna marka Qiyaamadu kici, Ilaahayna waa kali, gaalase Ilaah kali ah ma rabto ee waxay rabaan in waxyaalo kale lala caabudo, maxay isla-kibrin mar hadduu Eebbe wax walba ogyahay, kuwa is-kibriyana uusan jeclayn, oo marka Qur’aanka la warsado dhaha, “Waa warkii kuwii hore,” si ay u-xambaaraan dambigoodii oo dhan iyo kii dadkay cilmi-la‘aan dhumiyeen, wax la xambaarana dambi baa u xun. Xadiithna waxaa ku sugnaaday, in ciddii hanuun u-yeedhana heli ajirkeeda iyo ajirka inta raacda iyagoon laga nusqaamin ajir, tii baadi u-yeedhana waxay xambaari dambigeeda iyo dambiga inta raacday iyadoon iyana laga nusqaaminayn. Taasina waxay ka digi inaan dadka xumaanna la farin laguna raacin ee samo la faro laguna raaco. An-Naxl (19-25)

 

  1. Waxaa wax dhagray kuwii ka horreeyey markuu Eebbe [amarkiisii] uga yimid xagga asaaska [tiirarka] waxaana kaga dumay saanqaafkii korkooda wuxuuna uga yimid cadaab meelayan ogayn.
  2. Kadibna maalinta Qiyaame wuu dullayn wuxuuna dhihi, “Aaway shurakadaydii aad ku doodayseen dhexdeeda?” kuwiina waxay dheheen cilmiga la siiyey [culimadii] “Dulli iyo xumaan maanta wuxuu saran yahay gaalada.”
  3. Ee ah kuway oofsan malaa’igtu iyagoo dulmiyey naftooda, waxayna muujiyaan hoggaansi iyagoo dhihi, “Maanaan ahayn kuwo xumaan fala,” saas ma aha ee Eebbe waa ogyahay waxaad falayseen.
  4. Ee ka gala irridaha Jahannamo idinkoo ku waari dhexdeeda waxaana xumaan badan hoyga kuwa is-kibriya.

 

Eebbe wuxuu ka warramay inay kuwo hore oo gaalo ahaa dhagar faleen markaas Eebbe ku dumiyey guryihii, ciqaabna uga timid meelayna ka filayn, Qiyaamadana ay la kulmi dulli iyo khasaare, waxna u-tarayn waxay caabudayeen, oy ku qirina dadka culimada ah inuu dulli iyo xumaani haleeli gaalada, oy malaa‘igtu nafta ka qaadi iyagoo dulmiyey naftooda isna-dhiibay inkirayna inay horay xumaan u-faleen Eebbase waa ogyahay waxay faleen waxaana lagu abaal-marin Naar ay ku waaraan oo ah hoyga u xun ee loo darbay kuwa is-kibriya, taasina waxay muujin in dhagartu ku noqon saaxiibkeed, in dulli u-dambayn kuwa dhagra Muslimiinta, inaan waxaan Eebbe ahayn wax-tarayn, sharafta cilmiga lagu camal falo, in dulli u-dambayn kuwa Xaqa iska-kibriya, in daalimiintu is-dhiibi Aakhiro, inayan waxba u-tarayn xumaan diiddo maalinta Qiyaame, saas darteed waa in laga faa‘iidaysto waqtiga Eebbana la caabudo. An-Naxl (26-29)

 

  1. Waxaa lagu dhahaa kuwa dhawrsaday, “Muxuu soo dejiyay Eebbihiin?” waxayna dhahaan “Khayr.” Kuwa sama-falay adduunyadana waxay mudan wanaag daarta Aakhiraana u khayr-roon waxaana wanaag badan daarta muttaqiinta [kuwa dhawrsaday].
  2. Waa Jannada Cadni oy gali oy soconna dhexdeeda wabiyaashii waxayna ka heli waxay doonaan, saasuuna Eebbe ku abaal-mariyaa kuwa dhawrsada.
  3. Ee ah kuway oofsato malaa‘igtu iyagoo fiican [kuna dhihi] “Nabad-galyo korkiinna ha ahaato ee ku gala Jannada waxaad camal fali jirteen dartiis.”
  4. Gaaladuse miyay sugi inay u-timaaddo malaa’igtu mooyee ama u-yimaado amarka Eebbahaa? Saasayna faleen kuwii ka horreeyay, mana dulmiyin Eebbe iyagaase dulmiyay naftooda.
  5. Waxaana ku dhacay xumaantii waxay faleen, waxaana ku dagay [ciqaabtii] waxay ku jeesjeesi jireen.

 

Aayadaha hore waxay ka warrami xaalka kuwa Eebbe rumeeyey ee xumaanta ka dhawrsaday oo ah inay wanaag mudan adduun iyo Aakhiroba, oy galina Janno ay ku waari, kana heli waxay doonaan, saasaana Eebbe ku abaal-mariyaa kuwa xumaanta ka dhawrsada oo malaa‘igtu nafta ka qibloon iyagoo wanaagsan oy salaami uguna bishaarayn Janno camalkoodi flicnaa dartiis. Gaalase waxay sugtaa waa halaag iyo Eebboo amra ciqaabtooda, waana ciqaabtii haleeshay kuwii hore, ee naftooda dulmiyay illeen Eebbe wax ma dulmiyee, kuna dhacay oo koobay ciqaabtii camalkoodii xumaa ee Xaq-ku-jeesjees ahaa, ciddii Xaqa yasta oo iska-kibrisa isagoon waxba ahayn ee miskiin tabar-yar ah waxse is-mooda ha u-adkaysto dulliga iyo ciqaabta haleeli hana ka kabbado khadhaadhka midhaha beertiisa ku miirmay. An-Naxl (30-34)

 

  1. Waxay dhahaan kuwii Eebbe la wadaajiyay [cibaadada] “Hadduu doono Eebbe maanaan caabudneen cid kasoo hadhay waxba annaga iyo aabbayaalkanno mana xarrimneen isaga ka-sokow waxba,” saasayna faleen kuwii ka horreeyay, ee Rasuullada ma saaran yahay waxaan gaadhsiin cad ahayn?
  2. Waxaan ka bixinnay ummad kasta Rasuul inay caabudaan Eebbe kana dheeraadaan daaquutka [cibaadada Eebbe ka-sokow], waxaana kamid ah dadka cid Eebbe hanuuniyay, waxaana kamid ah ciday ku sugnaatay baadinimo, ee socda dhulka oo eega siday noqotay cidhibtii beeniyayaasha.
  3. Haddaad ku dadaashid hanuunkooda Eebbe ma hanuuniyo cidduu dhumiyay mana helaan gargaare.

 

Gaalada iyo dad badan oo jaahiliin ah way khaldamaan oo u-xujaystaan dhumiddooda qaddarka Eebbe iyagoo sheegan inuu hadduusan Eebbe doonin ayna iyaga iyo aabbayaalkood xarrimeen wax bannaan, caabudeenna wax Eebbe kasoo hadhay, waana waxay fali jireen kuwii horana, Rasuulladana waxaan gaadhsiin ahayn ma saarra, waa jirtaa in Eebbe maamulo adduunka laakiin cid walba wuxuu siiyey caqli oy ku kala doorato xumaanta iyo samaanta, Rasuullana wuu usoo diray Kutubna wuu usoo dejiyey cudur-daarna ma jiro, waana Eebbe kaliya in la caabudo lagana fogaado cibaadada baadilka Eebbe kasoo hadhay waxay dooni ha ahaatee, ciddii doontana Eebbe wuu sii hanuuniyaa, tii Xaqa diidda inta loogu yeedhana way sii dhuntaa, cid Eebbe mooyee wax hanuuninna ma jirto. Saas darteed mar hadduu Eebbe Xaqii caddeeyey, jidkiina muuqdo, cid kastana Rasuul loo diray way dhammaatay lug geed ku mar iyo kanay tahay iyo wax la caabudo oo Eebbe kasoo hadhay ee waa in uun Xaqa la raaco loona hoggaansamo Eebbe. An-Naxl (35-37)

 

  1. Waxay ugu dhaarteen Eebbe dhaar adag inuusan soo bixinayn Eebbe cid dhimatay, saas ma aha ee waa yabooh Eebbe isa-saaray [sugan] dadka badidiise ma oga.
  2. Inuu u-caddeeyo waxay isku-diiddan yihiin iyo inay ogaadaan kuwii gaaloobay inay ahaayeen beenaalayaal.
  3. Haddaan doonno arrinna waa inaan uun ku dhahno ahow oy ahaato.
  4. Kuwii u-haajiray dar Eebbe intii la dulmiyey kadib waxaan dejinaynaa adduunka wanaag, ajirka Aakhiraana ka wayn hadday wax ogyihiin.
  5. Waana kuwa samray [adkaystay] Eebbahoodna uun tala-saarta.

 

Gaaladii waxay dhaar adag ku dhaarteen inaan Eebbe soo bixinayn cid dhimatay wuuse soo bixin siduu yaboohay, mase oga dadka badankiisa jaahiliinta ah, illeen wax walba waqti iyo mudduu leeyahaye, inuu u-caddayn waxay isku-diiddanaayeen ogaadaanna kuwii gaaloobay inay beenaalayaal ahaayeen oo waxay adduunka ku hayeen gaaladu iyo Xaq-diidayaashu been la dhoodhoobay ahayd, dhabta iyo runtuna tahay waxa Eebbe yaboohay Rasuulladuna rumeeyeen, Eebbana wuxuu damco wuxuu dhahaa ahaw wuuna ahaadaa wax ku culusna ma jiro. Kuwa dar Eebbe u-hijrooday wuxuu Eebbe u ballan-qaaday inuu wanaag siiyo adduun iyo Aakhiraba, iyadoo abaal-marinta Aakhiro iyo ajrigeedu ka wayn yahay kan adduun, waxaana muta kuwa samray oo u-adkaysta dhibka Eebbahoodna tala-saarta. Wuxuuna ahaa Cumar binu Khaddaab markuu muhaajiriinta wax siin kii yiraahda, “Qaado Eebbe hakuu barakeeyee, kani waa wuxuu Eebbe kuu yaboohay adduunkee, wuxuu kuu kaydiyay Aakhiraana ka fiicane,” markaasuu akhriyay aayaddan. Taasina waxay ku tusin wanaagga iyo fadliga hijrada dar Eebbe iyo in Eebbe wanaag ku abaal-marin. An-Naxl (38-42)

 

  1. Waxaan dirray hortaa rag aan u-waxyoonnay, ee warsada kuwa cilmiga leh haddaydaan wax ogayn.
  2. [Waxaana la dirray] xujooyin iyo Kutub waxaana kugu soo dejinnay Qur’aanka inaad u-caddayso dadka waxa loo soo dejiyey, inay fikiraan.
  3. Ma aamin bay ka noqdeen kuwii dhagarta falay in Eebbe la gooyo dhulka, ama uga yimaado cadaab meelayna filayn?
  4. Ama ku qabto Eebbe gadgaddoonkooda? Mana aha kuwa Eebbe daaliya.
  5. Ama ku qabto nusqaamin [iyo cabsi] iyagoo ku sugan, Eebbihiinna waa u-ture naxariista.

 

Gaaladu waxay wax badan inkireen in Rasuul dad ah la diro, saas darteed yaa Eebbe ku raddiyey aayado badan, haddayna wax aqoonna oo ogaynna waa inay warsadaan dadka cilmiga leh, Eebbana wuxuu soo dejiyey xujooyin iyo Kutub, Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) Eebbe wuxuu kusoo dejiyey Qur’aanka si uu ugu caddeeyo dadka waxa lagu soo dejiyey iyo inay fikiraan, aaminna kama aha gaaladu in Eebbe dhulka la gooyo ama cadaab uga yimaado meelayna ogayn, ama Eebbe qabto iyagoo gadgaddoomi mana daaliyaan Eebbe, ama Eebbe ku qabto cabsi iyo nusqaan, Eebbana waa u-ture naxariista, siduu Rasuulku yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) “Eebbe wax kaga samir badan dhib uu maqlay ma jiro, waxay ku sheegi ilmo isna wuu arzaaqi oo caafin.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Ruuxii caqli lehse waa inuusan ku kadsoomin ee Eebbe ka dhawrsadaa dhabna u caabudaa. An-Naxl (43-47)

 

  1. Miyeyna arkayn wuxuu Eebbe abuuray oo u-iilan hooskiisu midig iyo bidix sujuud Eebbe dartiis iyagoo u khushuucsan?
  2. Eebbe waxaa u-sujuuda waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan oo dhul-socod ah iyo malaa‘ig iskamana wayneeyaan [sujuuddiisa].
  3. Waxayna ka cabsan Eebbahooda Sarreeya waxayna falaan wax la faro.
  4. Wuxuuna yidhi Eebbe, “Ha yeelanina ilaahyo labo ah Eebbe waa uun Ilaah kaliya ee Aniga uun iga cabsada.”
  5. Eebbe waxaa u-sugnaaday waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, waxaana u-sugnaaday Diin [cibaado] joogta ah, ee ma Eebbe cid aan ahayn yaad ka dhawrsanaysaan?
  6. Waxa nicma ah ood haysataan waxay ka timid Eebbe, markuu idin taabsiiyo dhibna xaggiisaad u qayliyeysaan.
  7. Markuu idinka faydo dhibkana koox idin kamid ah yaa Eebbahood la wadaajisa [cibaadada].
  8. Inay ka gaaloobaan waxaan siinnay, raaxaysta waad ogaan doontaan [cidhibta xaalkiinnee].

 

Ibnu Kathiir wuxuu yidhi, “Eebbe wuxuu ka warrami waynidiisa oo wax kasta u-khushuuco dhammaan, wax nool iyo wax kalaba iyo insi, jinni iyo malaa‘igba, oo xataa hoosku Eebbe u-sujuudo, malaa‘igtuna fulin amarka Eebbe, kana cabsan, iyo inaan Ilaahay mooyee Eebbe kale jirin, isaga kaliyana muto cibaado, illeen isagaa wax walbaba lehe, cibaado joogta ahna mudane. Tan kale wixii nicma ah oo la haysto xagga Eebbay ka timid, Eebbaana dhibka fayda oyna xaq tahay in kaligiis la caabudo, gaalase way diidday ee haku raaxaysteen waxa Eebbe siiyey way ogaan waxa ku dhaca. Mahad Eebbaa mudan, waynaynna isagaa xaq u leh, isagaana lagu hoos-jiraa Aakhiro iyo adduunba, amarkiisuna fuli. An-Naxl (48-55)

 

  1. Waxay u-yeelaan waxayna ogayn qayb waxaan ku arzaaqnay kamid ah, dhaar Eebbee waa laydin warsan [gaaloy] waxaad been-abuuranaysaan.
  2. Waxayna u-yeelaan Eebbe gabdho, waa ka-nazahan yahay, iyaguna waxay yeelan waxay rabaan.
  3. Marka loogu bishaareeyo midkood dhaddig wuxuu noqdaa wajigiisu madow walbahaarina.
  4. Wuxuuna iska-qariyaa dadka xumida waxa loogu bishaareeyey, miyuu ku haystaa dulli mise wuxuu dhumbiyaa dhulka? Waxaa xun waxay xukumi.
  5. Kuwaan rumayn Aakhiro waxaa u-sugnaaday tusaale xun, Eebbana waxaa u-sugnaaday sifada sare, waana adkaade falsan.

 

Waxaa kamid ah caadada xun ee gaalada inay xoolahooda kala qaybiyaan oo qaarna Eebbe ku sheegaan qaarna shurakadooda, waase la warsan been-abuurashadooda, sidoo kale waxay Eebbe ku sheegaan gabdho iyaguna waxay doonaan oo wiilal ah, Eebbase waa ka-nazahan yahay waxay sheegi, iyadoo marka mid kamid ah loogu bishaareeyo gabadh uu wajigiisu doorsoomo walbahaarana, kana qarsoomo oo ka dhawrsado dadka isagoo ka xun waxa loogu bishaareeyey, kuna fikiri ma dulli buu ku hayaa mise wuu dilaa oo dhulka ku xabaalaa, waxayna xukumayaan wax xun, dhabtuna waa in kuwaan Aakhirana rumayn tusaale xun u-sugnaaday, Eebbana sarrayn, wanaag iyo wayni u-sugnaatay, yahayna mid awood iyo falsami ku sifoobay. Aayaduhuna waxay sugi in cibaadada khalqiga iyo xukunka dhammaan Eebbe iska leeyahay, uuna u-baahnayn ilmo iyo kaalmo, inay jaahiliyo tahay gabdho la silciyo ama la gacan-bidixeeyo, in wanaagga oo dhanna Eebbe ku dhammaado, xumaan, dulli iyo liidmana gaalo ku dhammaado, ee dhab haloo caabudo Eebbahaas. An-Naxl (56-60)

 

  1. Hadduu Eebbe u-qaban dadka dulmigooda kagama tageen korka dhulka wax socda, wuxuuse dib ugu dhigi muddo magacaaban, markay ajashoodu timaaddana kama dib-maraan saacad kamana hor-maraan.
  2. Waxayna u-yeelaan Eebbe waxay nacayaan, waxayna tilmaami carrabyadoodu been inuu wanaag u-sugnaaday, waxaa sugan in Naar uun u-sugnaatay, oo loo hor-marin [luguna dhaafi].
  3. Dhaar Eebbee waxaan [Rasuullo] u dirray ummado kaa horreeyey wuxuuna u-qurxiyey Shaydaan camalkooda isagaana sokeeye u ah maanta, waxayna mudan cadaab daran.
  4. Qur’aankana waxaan uun kuugu soo dejinnay inaad u-caddaysid dadka waxay isku-khilaafsan yihiin iyo hanuunka iyo naxariista ciddii rumayn.
  5. Eebbana waa kan kasoo dejiya samada biyo, kuna nooleeya dhulka abaar kadib, arrintaasna calaamad yaa ugu sugan ciddii wax maqli.

 

Aayadahan waxay ka warrami dusha Eebbe iyo hadduu dadka u-qaban dulmigooda aan dhulka ciduna ku noolaateen, wuxuuse dib ugu dhigaa muddo magacaaban markay timaaddana saacad dib loogama dhaco lagamana hor-maro, gaaladuna Eebbe wax xun yey ku sheegeen, beenna waxay ku sheegi in wanaaggu iyaga u-sugnaaday, waxaase dhab ah in Naaru u-sugnaatay loona hor-marin, waana jirtaa in Eebbe u-diray Rasuullo ummadahooda, Shaydaanna u-qurxiyey camalkooda, isagaana Qiyaamada sokeeye u ah, cadaab daranna way mudan, Qur’aankana wuxuu Eebbe ugusoo dejiyey Nabiga inuu dadka u-caddeeyo waxay isku-diiddan yihiin iyo isgaoo hanuun iyo naxariis u ah ciddii Xaq rumayn, uguna deeqay dadka roob iyo khayr ku nooleeya dhulka abaar kadib waana waxay ku waano-qaadato ciddii wax maqli, saas darteed dusha Eebbe iyo naxariistiisa yaan lagu kadsoomin wuu ciqaab iyo qabasho daran yahaye. An-Naxl (61-65)

 

  1. Waxaana idiinku sugan xoolaha cibrad [waano-qaadasho] waxaana idinka waraabinnaa waxa ku sugan caloosheeda digo iyo dhiig dhexdooda ah caano saafi ah oo u-fudud kuwa cabbi.
  2. Iyo midhaha timirta iyo cinabka ood ka yeelataan cabbid iyo rizqi fiican, arrintaasna calaamad baa ugu sugan ciddii wax kasi.
  3. Wuxuu u-waxyooday [ku ilhaameeyey] Eebbahaa shinnida, “Ka yeelo buuraha guryo iyo geedaha iyo waxay dhistaan.”
  4. “Markaas cun midho kasta xaggooda qaadna jidadka Eebbahaa oo laylyan,” waxaana kasoo baxa calooshooda cabbid kala-duwan tahay midabkoodu dhexdiisana waxaa ah daawo dadka, arrintaasna calaamaa ugu sugan ciddii fikiri.
  5. Eebbaa idin abuuray markaas idin oofsan [dili] waxaana idin kamid ah cid loo celin [la gaadhsiin] cimriga ugu liita inuusan ogaan waxba cilmi [ogaansho] dabadiis, Eebbana wax walba waa ogyahay karaana.

 

Xoolaha nicmoolayda ah waxaa ku sugan calaamad ku tusin qudradda Eebbe, sida Eebbe inooga siiyo caano saafi ah oo kasoo dhex-baxay uus iyo dhiig, macaanna oo cunaha cabbaha u-sahlan, iyo ciddii dhami, sidoo kale wuxuu ina siiyey oo midho timireed iyo canab aan ka yeelanno cunno fiican oo tusin ciddii caqli leh awoodda Eebbe iyo naxariistiisa, sidoo kale wuxuu ku ilhaameeyey shinnida oo ah duulaa yar inay guri ka yeelato buuraha, geedaha iyo dhista, oyna cunto midho kala duwan, qaaddana meelo iyo jidad Eebbe u-sahlay, kana soo baxo caloosheeda cabbid midabkeedu kala-duwan yahay, daawana dadka ugu sugan tahay, taasina waa calaamad ku tusin awoodda Eebbe ciddii fikiri, saasaadna u-aragtaa sida Eebbe dadka ugu nicmeeyey xoolo ay caano ka dhammaan, midho ay wax ka cunaan, shinni malab u-samaysa, waana xayawaankaas tabarta yar, yaa macaaneeyey dhacaankeeda? Eebbe kaliya. Waxaana sugnaatay in nin u-yimid Nabiga una sheegay in walaalkiis shubmi, kuna yidhi, “Malab waraabi,” kuna soo noqnoqday dhawr jeer isagoo sheegi inuu wali shubmi. Markaa Nabigu ku yidhi, “Waraabi malab Eebbaa run sheegi, caloosha walaalkaana waa beenaleeye,” markaasuu waraabiyey kadibna bogsaday. Taasina waxay ku tusin in Eebbe u-sakhiray dadka in wax badan u-adeegaan una shaqeeyaan si Eebbe loogu mahdiyo. An-Naxl (66-69)

 

  1. Eebbe wuu ka fadilay qaarkiin qaar rizqiga, mana aha kuwa la fadilay kuwii ku celiya rizqigooda waxay gacantoodu hanato oy isku-mid ku noqdaan ee ma nicmada Eebbaad diidaysaan?
  2. Eebbe wuxuu idinka yeelay naftiinna azwaaj wuxuuna idinka yeelay haweenkiinna carruur iyo farac idinkuna arzaaqay wanaag, ma baadil bay rumayn oy nicmada Eebbey ka gaaloobi?
  3. Waxayna caabudayaan Eebbe ka-sokow waxaan uga hananayn rizqi samooyinka iyo dhulka waxba, waxna karin.
  4. Ee haw yeelina Eebbe wax lamid ah, Eebbe wuu ogyahay idinkuse ma ogidine.

 

Eebbaa wax abuura dilana, dadna cimri siiya intay ka gaadhaan gabow daran oyna waxba kala kasin, oo ah da‘duu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) Eebbe ka magan-galay kuna yidhi, “Eebbow waxaan kaa magan-gali bakhaylnimo, wahsi duqnimo, iyo in la ii celiyo cimriga u xun iyo cadaabka qabriga iyo fitnada Dajjaal iyo fitnada nolosha iyo tan geerida.” Waxaa wariyay Bukhaari. Tan kale waxay muujin doqonnimada gaalada oo ah inay Eebbe addoomadiisa shariik uga yeelaan, mana eka, sidayna iyaga iyo waxay hantaan u-sinnayn, taasina waa nicmo Eebbe diid, tan kale in Eebbe isu-abuuray rag iyo haween markay is-guursadaanna kala siiya carruur iyo farac dadkana ku arzaaqa wanaag. Ma waxayse rumayn baadil iyo xumaan oy ka gaaloobi nicmada Eebbe, oy caabudi Eebbe ka-sokow waxaan rizqi ugu hananayn cirka iyo dhulka, waxna karin? Xaqna ma aha in Eebbe loo yeelo tusaale xun oo lagu shabbaho wax, oo lala simo, illeen wax buu ogyahay, dadkuna wax ma ogee, Eebbaa Xaq ah, awood leh, xukun leh, caddaalad leh, wax nooleeya waxna dila xaggiisana loo ahaan. An-Naxl (70-74)

 

  1. Eebbe wuxuu ka yeelay tusaale addoon la leeyahay oon waxba karin iyo ruux aannu ku arzaaqnay rizqi fiican oo u-bixin qarsoodi iyo muuqaalba, ma isku-mid baa? Mahad Eebbaa iska leh, badankooduse wax ma oga.
  2. Waxaa [kale] oo Eebbe tusaale ka yeelay laba nin oo midkood af-la‘ yahay [ma-hadle] waxna karin dhibna ku ah [culays] ilaaliyihiisa meel kastoos u-jeediyana aan wanaag ka imanaynin, ma egyihiin isaga iyo ruux fari caddaalada Jid Toosanna ku sugan?
  3. Eebbaa iska leh waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka, saacadda amarkeeduna ma aha il-bidhiqsigeed mooyee ama ka dhaw, Eebbana wax kasta wuu karaa.
  4. Eebbe wuxuu idin kasoo bixiyay caloosha hooyooyinkiin waxba idinkoon ogayn wuxuuna idiin yeelay maqal iyo arag iyo quluub inaad ku shukridaan Eebbe.
  5. Miyayna arkayn shinbiraha loo sakhiray hawada samada, waxaana Eebbe ahayna haynin? Taasina calaamooyin yaa ugu sugan ciddii rumayn [Xaqa].

 

Waa tusaalayaaal Eebbe u-yeelay Muslimka iyo gaalka, oo ah inayna sinnayn cid tasarrufi oo wax bixin iyo midaan waxba karin, iyo midaan hadlayn culaysna ku ah dadkuu la nool yahay wanaagna laga sugayn iyo mid wanaagga fari oo Jidka Toosan ku socda, tan kale Eebbaa iska leh waxa ku qarsoon cirka iyo dhulka, dhicidda Qiyaamana waa uun il-bidhiqsi ama ka dhaw, illeen Eebbaa wax kasta karee waana kan dadka kasoo saaray uurka hooyo iyagoo jaahiliin ah oon wax aqoon una yeelay maqal, arag iyo caqli si ay Eebbe ugu aqoonsadaan uguna mahadiyaan. Tan kale waxaa kamid ah awooddiisa shinbiraha ku duuli hawada cirka waxaan Eebbe ahayn haynin, waxaasoo dhanna waxay dadka ku waajibin Eebbe-aqoonsi iyo cibaadadiisa dhabta ah. An-Naxl (75-79)

 

  1. Eebbe wuxuu idinka yeelay guryihiinna xasil [degaan] wuxuuna idinka yeelay hargaha xoolaha guryo idiin fudud maalinta geeddiga iyo maalinta nagaadigaba, idinkana yeelay suufkeeda iyo dhogorta [geela] iyo dhogorta [riyaha] alaab iyo maacuun tan iyo muddo.
  2. Eebbe wuxuu idiinka yeelay wuxuu abuuray [geedaha] hadh, wuxuuna idiinka yeelay buuraha dugaal, idiinkana yeelay dhar idinka dhawra kulaylka iyo qamiis-bireed idinka dhawrta [dhibka] dagaalka, saasuuna idiinku taam-yeeli Eebbe nicmadiisa inaad Islaam noqotaan [Xaqa raacdaan].
  3. Hadday jeedsadaan waxaa uun korkaaga ah gaadhsiin cad.
  4. Way garan nicmada Eebbe wayna dafiri, badankooduna waa gaalo.

 

Eebbe wuxuu aayadahan ku sheegi nicmooyinkiisa qaarkood, sida guryaha, hargaha xoolaha, dhogorta xoolaha, geedaha la hadhsado, buuraha la dugsado, dharka kulaylka iyo qabowga ka dhawra, labbiska dagaalka, waxaas oo dhanna wuxuu Eebbe u-siiyey inay Muslim ahaadaan, oo Xaqa ku toosnaadaan, ciddiise ka gaalowda oo Xaqa ka jeedsata iyada un baa iska-dhuntay ee Rasuulka waxaa uun laga rabaa Xaq-gaadhsiin, haddana iyagoo og nicmada Eebbe yey dafirayaan oo diidi. Ibnu Abii Xaatim waxaa laga wariyey in nin reer miyiga Carbeed ah Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) u-yimid warsadayna Nabiga markaas ku akhriyey aayaadkan isagoo leh haa mid walba, markaas jeedsaday. Markaasay soo degtay aayadda kale, waase aayad guud ahaan loola jeedo, ayna waajib tahay in nicmada Eebbe la aqoonsado laguna mahdiyo. An-Naxl (80-83)

 

  1. [Xusuusi] maalintaan kasoo bixin ummad kasta marag, markaasna aan loo idmayn kuwii gaaloobay cudur-daarasho, lagana doonayn cudur-daar.
  2. Markay arkan kuwii dulmi falay cadaabka lagama fududeeyo xaggooda lamana sugo.
  3. Markay arkaan kuwii gaaloobay shurakadooda waxay dhahaan, “Eebbow kuwaasu waa shurakadannadii aannu caabudi jirray Eebbe ka-sokow,” markaasay kusoo tuureen hadal ah, “Idinku been baad sheegaysaan.”
  4. Waxayna u dhiibaan Eebbe maalintaa hoggaansiga, waxaana ka dhuma waxay been-abuuran jireen.
  5. Kuwii gaaloobay ee ka awday dadka Jidka Eebbe waxaan ugu siyaadinnaa cadaab korka cadaabka faasiqnimadooda darteed.

 

Aayadahanna waxay ka warrami xaalka gaalada maalinta Qiyaame iyo Nabigii ummad walba marag looga dhigi, wax cudur-daaranna aan laga aqbalaynin lana warsanayn, cadaabkana laga fududaynayn, oyna gaaladii iyo waxay caabudayeen oo Eebbe kasoo hadhay murmi isna beenin, gaalana maalinta hoggaan Eebbe u-dhiibi, mase aha waqti hoggaan dhiibid ee waa uun ama Janno wanaag ku dhan yahay (Eebbaan ka baryaynaaye) ama Naar dulli ku dhan yahay (Eebbaan ka magan-galaynaaye) wixii la caabudaayay ee Eebbe kasoo hadhayna wuxuu noqday been la dhoobdhoobay iyo wax-kama-jiraan kuwii gaaloobay ee dadkana Xaqa ka leexiyay waxay mudan cadaab mid kale lagu kordhiyo faasiqnimadooda darteed, saasayna dhabtu u-muuqan oo loo kala-bixi, loona kala-miirmi. An-Naxl (84-88).

 

  1. [Xusuusi] maalintaan kasoo bixinayno ummad kasta marag naftooda ah oon ku keenayno [Nabiyow] adoo marag ku ah kuwan [ummaddaada] waxaana kugu dajinnay Kitaab oo ah caddaynta wax kasta iyo hanuun iyo naxariis iyo bishaarada dadka Muslimiinta ah.
  2. Eebbe wuxuu fari caddaalad iyo sama-fal iyo wax-siinta qaraabada wuxuuna reebi xumaan iyo munkar iyo gar-darro, wuuna idin waanin inaad wax xasuusataan.
  3. Oofiya ballanka Eebbe markaad ballantantaan hana burinina dhaarta kadib intaad adkayseen ood uga yeesheen Eebbe korkiinna kafiil [ilaaliye], Eebbana waa ogyahay waxaad falaysaan.
  4. Hana noqonina sidii tii burisay [furfurtay] soohiddii xoog kadib furfurid idinkoo ka yeelan dhaartiinna dhagar dhexdiinna ah, inay ahaatay ummad mid ka badan ummad kale, Eebbe wuu idinku imtixaani [amarkaas] iyo inuu idiin caddeeyo maalinta Qiyaame waxaad isku diiddanaydeen.

 

Maalinta Qiyaame cid walba marag baa loo keeni, ummadanna waxaa marag u-noqon Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) Qur’aan wax kasta caddeeyayna waa lagusoo dajiyay oo hanuun, naxariis iyo bishaaro u ah Muslimiinta. Ibnu Mascuud wuxuu yidhi, “Qur’aanka waxaa naloogu caddeeyay cilmiga wax kasta.” Aayadda kale Eebbe wuxuu ku faray caddaalad, sama-fal, qaraabadoo la xidhiidhiyo, wuxuuna ku reebay xumaanta, munkarka iyo gar-darrada, waana waano si loo xusuusto. Xadiith waxaa ku sugnaaday, “Dambi in Eebbe ugusoo dedejiyo ciqaabta adduunka iyadoo tii Aakhiro dhiman tahay ka mudan gar-darro iyo qaraabo-goys ma jiro.” Ibnu Mascuudna wuxuu yidhi, “Aayadda u-kulmin badan ee Qur’aanka waa tan.” Eebbana wuxuu jecel yahay umuuraha sare ee sharafta leh, wuxuuna nacaa waxyaalaha hoose ee xun, sida xadiith ku sugnaatay, ballanka iyo dhaartana waa in la oofiyaa inta la adkeeyey kadib, lana burinin oon la noqonin sidii haweeneydii soohday xadhiga iyo dunta markaas furfurtay, lagana yeelanin dhaarta dhagar isagoo iaga faa‘iidaysan in ummaddii ka badatay ummad kale, Eebbana dadka wuu imtixaani inuu u-caddeeyo Qiyaamada waxay isku-khilaafsanaayeen kalana xukumo. An-Naxl (89-92)

 

  1. Hadduu doono Eebbe wuxuu idinka yeeli lahaa ummad kaliya wuxuuse dhumiyaa cidduu doono, wuuna hanuuniyaa cidduu doono, waana laydin warsan waxaad camal-falayseen.
  2. Haka yeelanina dhaartiinna dhagar dhexdiinna ah ood markaas simbiriirixataa gomadi intay sugnayd kadib ood dhadhamisaan xumaan [cadaab] ka-jeedintiinna dadka Jidka Eebbe darteed, waxaana idiin sugnaaday cadaab wayn.
  3. Hana ku gadanina ballanka Eebbe qiimo yar [waxba] waxa Eebbe agtiisa ah yaa idiin khayr-roone haddaad wax ogtihiin.
  4. Waxa agtiinna ah wuu dhammaan waxa Eebbe agtiisa ahna wuu hadhi waxaana ku abaal-marinaynaa kuwa samra [adkaysta] ajirkooda midka ugu fiican ee ay falayeen.

 

Eebbe wuxuu aayadahan ku sheegi in hadduu doono uu dadka wada marin lahaa waddo qudha kana yeeli lahaa ummad kaliya, waxayse keentay xikmaddiisu inay cidna dhunto midna hanuunto camalkoodan uu warsado Qiyaamada. Tan kale wuxuu ka reebi inay Xaqa ka leexdaan oo simbiriirixdaan, dhaartana isku khayaamaan, markaa ay dhadhamiyaan ciqaab ka-leexashada iyo ka-leexinta Jidka Eebbe, cadaab waynna u-sugnaado, iyo inaan lagu gadanin ballanka Eebbe qiimo yar, waxa adduunka jooga oo dhanna waa yar yahaye, waxaana khayr-roon waxa Eebbe agtiisa ah hadday wax garan, waxa dadka agtiisa ahna way dhammaan oy tegi, waxaase hadhi oo waari waxa Eebbe agtiisa ah oo camal fiican, ajir iyo khayr ah, waxaana lagu abaal-marin kuwa dar Eebbe u-samra ajirkooda ugu fiican camalkoodii dartiis. Aayaduhuna waxay ku tusin in ballanka la dhawro, in hanuunka lagu dadaalo, inaan dhaarta dadka lagu khayaamin, inaan Xaqa dadka laga celinin lagana leexin, inaan Xaqa la gadanin lagana dul faa‘iidaysan adoo Xaqa ka leexan oo leexin, in dadka iyo waxay haystaan tagi, Eebbe iyo Xaquna hadhi. An-Naxl (93-96)

 

  1. Ciddii camal-fasha wanaag oo rag ah ama haween ah isagoo mu‘min ah waxaan noolaynaynaa nolol wanaagsan, waxaana ku abaal-marinaynaa ajirkooda waxa ugu wanaagsan ee ay falayeen.
  2. Markaad akhriyi Qur’aanka ka magan-gal Eebbe Shaydaan la dheereeyey.
  3. Isagu kuma leh xujo kuwa rumeeyey Xaqa Eebbahoodna talo-saarta.
  4. Wuxuuse xujo ku yeeshaa kuwa ka wali yeesha iyo kuwa la-wadaajiya Eebbe.
  5. Haddaan ku badalanno aayad meel aayad kale Eebbana ogyahay wuxuu dejin waxay dhahaan, “Waxaad uun tahay been-abuurte,” badankooduse wax ma oga.
  6. Waxaad dhahdaa, “Waxaa kasoo dejiyey ruuxii daahirka ahaa [Jibriil] xagga Eebbaha Xaqa ah inuu ku sugo kuwii rumeeyey Xaqa iyo hanuun iyo bishaaro isagoo u ah Muslimiinta.”

 

Rag iyo haween ciddii wanaag fasha waxaa lagu abaal-marin wanaag illeen waa loo siman yahay cibaadada Eebbe iyo khayrkiisa iyo wanaaggiisee, wuxuuna Eebbe ku noolayn nolol wanaagsan, waxaana xadiith ku sugnaa, “Waxaa liibaanay ruuxii Muslim noqda oo lagu arzuqo kafaaf oo ku raalli-noqda waxa Eebbe ku arzuqo.” Waxaa wariyay Imaam Axmed iyo kuwo kale. Marka Qur’aanka la akhrinna waa in Eebbe Shaydaanka laga magan-galo, awoodna kuma leh mu‘miniinta Eebbahood tala-saarta ee wuxuu awood iyo suldo ku leeyahay kuwa ka wali yeesha ee raaca dhumintiisa iyo xumaantiisa iyo kuwa Eebbe la wadaajiya cibaadada, marka Eebbe aayad mid kale ku baddalana waxay dhahaan gaaladu, “Waa been-abuurasho,” Eebbaase og wuxuu soo dejin, Xaqna kusoo dejiyay, Jibriilna usoo dhiibay, waase jaahiliin badankoodu, wuxuuna usoo dejiyay inuu ku sugo kuwa Xaqa rumeeyay, hanuun iyo bishaarana u-noqdo Muslimiinta, halkaasna waxaa ka muuqda in ruuxii mu‘min ah oo toosnaada rag iyo haweenba Eebbe ku noolayn nolol fiican, Aakhirana khayr siin, inuu Shaydaan col yahay lagana magan-galo Eebbe mar walba iyo marka Qur’aanka la akhrin inuusan awood ku lahayn Shaydaanku mu‘miniinta Eebbe tala-saarta, ee uu awood iyo suldo ku leeyahay kuwa talo u-dhiibta ee ugu shariik-yeela Eebbe, in Eebbe awoodda isagu iska leeyahay soo dajinna jiray wuxuu doono oo Qur’aanka ah. An-Naxl (97-102)

 

  1. Waxaan dhab u-ognahay inay dhihi, “Waxaa bara Nabiga Qur’aanka dad,” carrabkay ku leexin waa Cajami, kanna waa lisaan [af] Carabi cad.
  2. Kuwaan rumayn aayaadka Eebbe ma hanuuniyo Eebbe waxayna mudan cadaab daran.
  3. Waxaa uun abuurta been kuwaan rumayn aayaadka Eebbe kuwaasuna iyaga un baa beenaalayaal ah.
  4. Oo ah kuwa Eebbe ka gaaloobay rumayn kadib [ee mudan halaag] ruux lagu qasbay qalbigiisuna ku xasillan yahay iimaanka mooyee, ruuxiise laabtiisu u waasac noqoto [rumayso] gaalnimo waxaa korkooda ah cadho Eebbe, waxayna mudan cadaab wayn.
  5. Arrintaasuna waa inay ka doorteen nolosha dhaw [ee adduun] Aakhiro iyo inaan Eebbe hanuuninayn kuwa gaalada ah.
  6. Kuwaas Eebbaa daboolay quluubtooda, maqalkooda iyo araggooda waana kuwa uun halmaansan [Xaqa].
  7. Waxaa sugan in kuwaasu Aakharo ay iyagu uun khasaareen.

 

Gaaladu wax kasta oo ceeb ah oo u-muuqata way ku sheegeen Nabiga iyo Qur’aankaba, intay ka dhahaan, “Waxaa wax bara nin Cajami ah,” Eebbaase beeniyay tirtirayna beentoodii illeen Qur’aanku waa Carabi cad ee, cid dhuntay oon rumaynayn Xaqana Eebbe ma waafajiyo hanuun iyo Xaqa, waxayna mudan ciqaab daran. Beenna waxaa abuurta kuwaan rumaynin aayaadka Eebbe ee uun beenaalayaasha ah, ee ah kuwa gaalooba rumayn kadib cid lagu qasbo oo qalbigeedu Xaqa ku sugan yahay mooyee, ciddiise qalbigeedu aqbalo gaalnimada waxaa korkooda ah cadho Eebbe, waxayna mudan cadaab wayn, illeen adduun bay Aakhiro ka doorteene, Eebbana ma hanuuniyo waana kuwa Eebbe daboolay qalbigooda, maqalkooda iyo araggooda ee halmaamay Xaqa, dhab ahaanna u-khasaaray, waana in Eebbe laga baryo ku-sugnaanta Diinta, laguna dadaalo ku-sugnaanteeda, ciddii dooni inay aragto siday Muslimiintii hore ugu sugnaayeen Diintooda ha akhrido taariikhda Bilaal, Xubayd binu Zayd, Cabdullaahi binu Xudaafa iyo kuwo kale wuxuu arki geesinnimada iyo adkaysiga iyo Xaq ku-sugnaanta. An-Naxl (103-109)

 

  1. Eebbahaase kuwa hijrooday intii la fidmeeyey [la dhibay] kadib markaas jahaaday oo samray [adkaystay] Eebbahaana intaas kadib waa u dambi-dhaafe naxariista.
  2. Waana maalin ay imaan naf walba iyadoo ka doodi [daafici] nafteeda oo loo oofin naf kasta waxay fashay lana dulminayn.
  3. Eebbe wuxuu tusaale ka yeelay magaalo ahayd aamin oo xasiloon ugana yimaado rizqigeedu [cunnada] oo barwaaqo ah meel kasta oo ka gaalowday nicmooyinkii Eebbe oo Eebbe dhadhansiiyey gaajo dabooshay iyo cabsi waxay sameynayeen darteed.
  4. Waxaa dhab ahaan ugu yimid rasuul kamid ah wayna beeniyeen, waxaana qabtay cadaab iyagoo daalimiin ah.

 

Ciddii ay u-suuroobi waydo inay dar Eebbe u-hijrooto, kadibse hijroota intii la dhibay markaas jahaadda oo adkaysata Eebbe wuu u dambi-dhaafi una naxariisan, maalinta Qiyaamana waa maalin naf kasta ay ka doodi oy ka murmi, naf kastana loo oofin waxay camal-fashay, oon lana dulmiyeyn, waxaana tusaale ugu filan magaalo aamin iyo nabad ahayd cunnaduna uga imaan jirtay meel kasta oo ka gaalowday nicmooyinkii Eebbe oo Eebbe dhadhansiiyey gaajo iyo cabsi camalkoodii dartiis, waxaana u-yimid Rasuul kamid ah ooy beeniyeen markaas cadaab qabtay iyagoo daalimiin ah. Ibnu Kathiir wuxuu yidhi, taasi waa tusaale Makka waxay ahayd aamin xasilloon ciddii gashana aamin noqon, markaasay gaalowday oo diiday nicmooyinkii Eebbe una wayneyd soo-bixintii Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wayna caasiyeen Rasuulkii wayna khilaafeen intuu abaar ku habaaro oo markaas abaari ku dhacday waana abaalka Xaq-diide oo dhan. An-Naxl (110-113)

 

  1. Ee cuna waxa Eebbe idinku arzuqay ee xalaasha fiican ah kuna shukriya nicmada Eebbe haddaad isaga caabudaysaan.
  2. Wuxuu uun idinka xarrimay bakhtiga, dhiigga, hilibka doofaarka iyo wixii lagu gawraco waxaan magaca Eebbe ahayn, ciddii dhibaatoota [gaajo] iyadoon dulmiyin xadna gudbin Eebbe waa dambi-dhaafe naxariista.
  3. Ha dhihina wuxuu carrabkiina ku tilmaami been, “Kani waa xalaal kanna waa xaaraan,” inaad ku been-abuurataan Eebbe, kuwa ku been-abuurta Eebbe ma liibaanaan.
  4. Waa nolol yar [adduunku] waxayna mudan cadaab daran.
  5. Kuwii yuhuudoobay waxaan ka xarrimnay waxaan kaaga qisoonnay horay, mana aanaan dulmiyin iyagaase naftooda dulmiyey.
  6. Markaas Eebbahaa kuwa xumaan ku fala jaahilnimo markaas tawbad-keena intaas kadib oo suubbiya camalka Eebbahaa kadib wuu u dhaafi una naxariisan.

 

Xalaasha waa in la cuno xaaraantana laga fogaado sida bakhtiga, dhiigga, hilibka doofaarka, waxa lagu xuso waxaan magaca Eebbe ahayn, boolida iyo waxaan ku bannaanayn sharciga Islaamka iyo Diinta, ruuxiise ka yaaba khatar gaajo darteed wuu ka cunaa waxaan la gawricin isagoon xad gudbayn dulmina falayn, waana in laga dheeraado inuu been iyo cilmi-darro la yidhaah, “Kani waa xalaal kanna waa xaaraan,” isagoo been sheegi, ciddii Eebbe ku been-abuuratana ma liibaanayso, adduunkana wuxuu ku noolaan wax yar, markaas cadaab daran mudan; Yuhuudna waxaa laga xarrimay wixii horay loo soo sheegay Eebbana ma dulmiyin ee iyagaa is-dulmiyey, ciddiise jaahilnimo dambi ku samaysa markaas tawbad-keenta oo suubbada Eebbe wuu u dambi-dhaafi una naxariisan. Culimadii hore qaarkood waxay dheheen, “Ciddii Eebbe caasida waa jaahil,” saas darteed waa in xalaal la cuno, Xaqa lagu hadlo, la tawbad-keeno. An-Naxl (114-119)

 

  1. [Nabi] Ibraahiim wuxuu ahaa ummad [khayr-fare] Eebbe-adeece Xaqa u-iishe, mana kamid ahayn mushrikiinta.
  2. Kuna shukriya nicmada Eebbe wuuna doortay wuxuuna ku hanuuniyey Jidka Toosan.
  3. Waxaana siinnay adduunka wanaag, Aakhirana wuxuu kamid noqon kuwa suubban.
  4. Markaas waxaan kuu waxyoonnay Nabiyow, “Raac Diinta [Nabi] Ibraahiim ee toosan,” kama mid ahayn mushriikiinta.
  5. Sabtida waxaa uun loo yeelay kuwii isku-khilaafay, Eebbahaana wuu kala-xukumi dhexdooda maalinta Qiyaame waxay isku-khilaafayeen.
  6. Ugu yeedh Jidka Eebbahaa si xikmad ah iyo wacdi fiican ah kulana dood sida u-fiican, Eebbahaana wuu ogyahay cidda ka dhunta Jidkiisa wuuna ogyahay kuwa hanuunsan.
  7. Haddaad wax ciqaabaysaan u-ciqaaba inta laydin ciqaabay, haddaad samirtaanna isagaa u khayr-roon kuwa samra.
  8. Samir, mana aha samirkaagu dar Eebbe mooyee, hana ka murugoon, hana ka cidhiidhyamin waxay dhagri.
  9. Eebbana wuxuu la jiraa kuwa dhawrsada wuxuuna la jiraa kuwa samo-fala.

 

Nabi Ibraahiim wuxuu ahaa ummad iyo imaam khayrka lagaga daydo, oo Eebbe adeeca Xaqana ku toosan mushrikiinta ka fog, nicmada Eebbana ku mahdiya, Eebbaana doortay, hanuuniyeyna, siiyeyna adduunka wanaag, Aakharana ka yeelay kuwa suubban, markaas Nabiga faray inuu raaco Diintii Nabi Ibraahiim ee toosnaa, saas darteed waa inaan Xaqa ku noqonnaa imaam lagu daydo oo khayrka u-hoggaamiya. Tan kale wuxuu Eebbe ka warramay sida Yuhuud loogu yeelay Sabtida inay cibaadaystaan nastaanna, sida ummaddeenna loogu yeelay Jamcada, wayse is-khilaafeen Yuhuud, Eebbaase kala xukumi Qiyaamada waxay isku-khilaafeen, waana in dadka Xaqa loogu yeedho lana tusiyo si xikmad iyo kaadsiinyo iyo waano fiican ah, ahaynna adayg iyo canaan iyo darraan, waana in sida u fiican loogula doodo Xaqa ciddii Xaqa ku doodi, Eebbana waa ogyahay cidda dhumi iyo tan hanuuni, haddii la ciqaabi oo laga aarsan cid kugu xad-gudubtayna waa in uun la ciqaabo wax le‘eg waxay ciqaabeen haddii layska samrana u-fiican ciddii samirta, dar Eebbaana loo samraa, sidii Nabiga kana reebay Eebbe inuu ka murugoodo ciddii beenisa oo khilaafta kana cidhiidhyamin dhagartooda, Eebbana wuxuu la jiraa kuwa dhawrsada iyo kuwa samo-fala. Markii Sayid Xamze lagu dilay Uxud lagana jeexjeexay jidhkiisii yuu Nabigu yidhi, “Waxaan ugu aari toddobaatan,” markaasay soo degtay. An-Naxl (120-128)

 

Suurat al-Israa’

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxa nazahan [ceeb ka fog] Eebbaha ka guuriyey addoonkiisa [Nabiga] habeen Masaajidka Xurmada leh [Makka] xagga Masjidkii Aqsaa een barakaynay gaararkiisa, inaan tusinno [Nabiga] aayaadkannaga, Eebbana waa maqle arka.
  2. Waxaana siinnay [Nabi] Muuse Kitaabkii [Tawreed] waxaana uga yeellay hanuun banii-Israa‘iil inaydaan ka yeelanin wax igasoo hadhay wakiil.
  3. Faricii kuwaan la xambaarnay [Nabi] Nuux, wuxuuna ahaa addoon [Eebbe] ee shukri badan.

 

Eebbe isagaa adduun iyo Aakhiro iyo waxa dhex-joogaba abuuray, cid abuurka kula murmina ma jirto, suu doono yuuna ugu tasarrufaa una maamulaa, wuxuuna Nabigiisii Muxammad ahaa (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ka dheelmay kana guuriyey Makka una guuriyey xagga Masaajidka Aqsaa ee isna barakaysan, si Eebbe u-tusiyo nicmooyinka Eebbe, illeen Eebbaa wax walbana maqla arkanee, waxaana ku sugnaaday xaqnimada arrintaas xadiithyo badan waxaana kamid ah xadiithka dheer ee Bukhaari wariyey ee ah: Anas binu Maalik wuxuu yidhi, “Habeen laga guuriyey Rasuulka Masaajidka Kacbada oy u-yimaadeen saddex ruux,” waana xadiith ka warramaya wuxuu arkay Nabigu habeenka. Bayhaqina wuxuu wariyey in Nabigu uu arkay nuur, Imaam Axmedna isna wuxuu weriyey xadiith ku saabsan xaalkan, waxayna sugi in Nabiga Makka laga dheelmay oo Qudsi loo dheelmay, in samada loo koriyey, inuu Nabiyadii la kulmay, in salaadda lasoo faray, inuu arkay dad badan oo la ciqaabi, sida kuwa salaadda ka cuslaaday, khamrada cabba, xaaraanta cuna, zinaysta, wax xanta, Xaqa u-hoggaansamin, iyo kuwo kale, wuxuuna arkay Jannadii iyo Naartii, Eebbana wuu sharrifay Nabigiisa, sidaas daraaddeed waa in si dhab ah loo rumeeyo guurinta Nabiga iyo koriddiisa cirka iyo waxyaalaha la faray iyo wuxuu arkay, waxaana shakin ama beenin munaafiq iyo gaalo, waa in lagu adkaado Diinta Eebbe halkaas Nabiga u-geeyey gaar ahaan salaadda, xumaantana laga fogaado, ciddii doonta inay war badan ka ogaato arrintan ha akhrido tafsiirka aayadda, aayadaha kale waxay ka warrami inuu Eebbe Nabi Muuse siiyey Kitaabkii Tawreed., ee hanuuninaayey banii-Israa‘iil ugana digaayey inayna wakiil ka dhiganayn wax Eebbe kasoo hadhay, illeen waa faricii cidduu Eebbe la koriyey Nabi Nuux ee, wuxuuna ahaa addoon mahadnaq badan, waana inay xusuustaan nicmadaas Xaqana ku toosnaadaan, Eebbana si dhab ah u-caabudaan una aqoonsadaan, haddii kale dulli iyo ciqaab. Ibnu Kathiir wuxuu yidhi, “Xadiithka dheelminta waxaa wariyey Anas, Cumar binu Khaddaab, Cali ibnu Mascuud, Abii Dar, Abii Hureyra, Maalik binu Sacsacata, Abii Saciid ibnu Cabbaas, Shaddaad, Ubayyi ibnu Camar, Jaabir, Abii Ayyuub, Xudeyfe, Abii Umaama, Samurra, Suhayb, Ummu Haani, Caa‘isho iyo Asmo.” Al-Israa’ (1-3)

 

  1. Waxaan ku [ogaysiinnay] ugu waxyoonnay banii-Israa’iil Kitaabka [Tawreed] inaad fasaadinaysaan dhulka labo jeer, isna-kibrinaysaan is-kibrin wayn.
  2. Markuu yimaado yabooha [waqtiga] midda hore waxaan idinku soo bixinnaa [dirraa] addoomadannada oo xoog daran leh, dhex-galina [hanan] guryaha dhexdooda waana yabooh la fali.
  3. Markaasaan idinku soo celinnaa dawladnimada, idinkuna xoogaynaa xoolo iyo carruur idinkana yeellaa kuwa tiro badan.
  4. Haddaad samo-fashaan waxaad u samo-fasheen naftiinna, haddaad xumaan fashaanna waa uun naftiinna, markuu yimaado yabooha dambana way xumeeyaan wajigiinna iyo inay galaan Masaajidka [Baytul-Maqdis] siday u-galeen markii hore iyo inay damiraan [tirtiraan] waxay u-adkaadaan tirtirid.
  5. Waxay u-dhawdahay in Eebbihiin idiin naxariisto, haddaad ku noqotaanna waannu ku noqon, waxaana uga yeelnay Jahannamo gaalada gogol.

 

Aayadahanna wuxuu Eebbe kaga warrami xaalka banii-Israa‘iil iyo inay fasaadin dhulka labo jeer aadna isula waynan, isuna kibrin, markaas labada jeerba lagu diri addoomo Eebbe oo daran dhulkana ka dhex-geli kana qabsan, ciqaab iyo halaagna dhadhansiin, hadday wanaag falaanna waa uun naftooda hadday xumaan falaanna waa dhibka naftooda, wuxuuna Eebbe sugay in marka dambe Masjidka Qudsi loogu gali xumaan iyo xanuunna ay la kulmi, naxariista Eebbase way u-furan tahay ciddii Eebbe u-noqon oo tawbad-keeni, haddayse xumaanta ku noqdaan Eebbana wuxuu ku noqon ciqaabtooda iyo abaal-marintooda, Jahannamana waa gogosha gaalada, wax badan yey culimadu ka hadleen arrintaas laakiin Eebbaa og inay tagtay iyo inay dhiman tahay. Maxaa diidi haddii lagu ciqaabo gacmaha Muslimiinta Qudsina lagasoo celiyo? Al-Israa’ (4-8)

 

  1. Qur’aankanna wuxuu ku hanuunin dadka arrinta u-toosan ugana bishaarayn kuwa fala wanaag inay mudan ajir wayn.
  2. Kuwaan rumeynin Aakhirana waxaan u-darabnay cadaab daran.
  3. Wuxuu u-yeedhaa [baryaa] dadku shar siduu ugu yeedho [baryo] khayrka, dadkuna waa degdeg ee.
  4. Waxaan ka yeellay habeenka iyo maalinta labo calaamo, waxaana tirraa calaamada habeenka, waxaana ka yeellaa calaamada maalinta mid wax tusisa [arag] inaad doontaan fadliga Eebbihiin iyo inaad ku ogaataan tirada sanooyinka iyo xisaabta, wax kastana waxaannu u-caddeynay caddayn [aad ah].
  5. Ruux kasta waxaan laaziminay camalkiisa [loo qaddaray] luquntiisa, waxaana usoo bixinnaa maalinta Qiyaame kitaab uu la kulmi isagoo fidsan.
  6. Laguna dhihi, “Akhri kitaabkaaga, isagaa kuugu filan maanta korkaaga xisaab ee.”

 

Qur’aankuna wuxuu ku toosin dadka arrinta ugu toosan uguna fiican xagga caqiidada, xukunka, akhlaaqda, macaamilada iyo wax kasta oo wanaag lagu gaadho adduun iyo Aakhiraba, wuxuuna ugu bishaarayn mu’miniinta wanaagga fala ajir wayn, kuwaan Eebbe iyo Aakhiro rumaynna cadaab daran in loo darbay, tan kale dadku wuu degdegaa isagoo shar iyo balaayo baryi sida khayrka iyo wanaagga, waxaana xadiith ah: “Ha habaarina naftiinna iyo xoolihiinna, waxaa laga yaabaa inaad ka waafaqdaan Eebbe saacad la ajiibo oo laydin ajiibo.” Eebana wuxuu ka yeelay habeenka iyo maalinta calaamad ku tusin qudradiisa, iyo inay xasilaan habeenkii, una socdaan maalintii shaqo iyo sanco iyo camal iyo safar, kuna ogaadaan ayaamaha, jumcooyinka, bilaha iyo sanooyinka, wuxuuna Eebbe caddeeyey wax kastoo loo baahan yahay, ruux kastana waxaa laazimi oo la xidhiidhi camalkiisa, Qiyaamadana waxaa loo soo bixin kitaab uu la kulmo isagoo fidsan, laguna dhihi, “Akhri kitaabkaaga iyo xaashidaada kuugu filan maanta xisaab ee.” Saas darteed mar haddaan haysanno Qur’aankana wanaagga ku toosin waa inaan qabsannaa oon raacnaa kuna fara adaygnaa. Al-Israa’ (9-14)

 

  1. Ruuxii hanuuna wuxuu uun u-hanuunay naftiisa kii dhumana wuxuu uun u-dhumay naftiisa, mana xambaarto nafi dambi naf kale, mana cadaabno intaan uga soo dirro Rasuul.
  2. Markaan doonno inaan halaagno qaryad waxaan farraa kuweeda loo nicmeeyey [khayr] markaasay ka faasiqoobaan waxaana ku sugnaada ciqaab waana tirtirraa tirtirid [halaag].
  3. Imisaan halaagnay quruun [Nabi] Nuux kadib Eebbahaa baana ugu filan dambiyada addoomadiisa ogaade arka.
  4. Ciddiise doonta Aakhiro oo u-fala camalkeedii isagoo mu‘min ah kuwaas camalkoodu wuxuu noqon mid la mahdiyo.
  5. Ruuxii dooni adduunyo waan ugusoo dedejinnaa dhexdeeda waxaan doonno ciddaan doonno, markaasaan ka-yeellaa Jahannamo mid gala isagoo caayan oo dullaysan.

 

Ciddii hanuunta wuxuu uun wax u-taray naftiisa, tii dhuntana waxay uun dhibtay nafteeda, nafna ma qaaddo dambi naf kale, Eebbana dadka ma cadaabo isagoon usoo dirin Rasuul Xaqa u-caddeeya oo tusiya Jidka Toosan, markii Eebbe halaagi magaalo ama ummadna waxaa Xaqa iyo wanaagga diida oo ka faasiqooba kuwa xoolaha loogu nicmeeyey iyo kuwo xun oo madax ah, markaasay ciqaabtii Eebbe ku dhacdaa, lana halaagaa halaag dhab ah, in badan yuuna Eebbe halaagay quruumo Nabi Nuux kadib, Eebbana ogaansho iyo arkid ugu filan dambiyada addoomadiisa, ciddii jecel oo camalkiisa la dooni adduunyo iyo dhalanteedka, wuxuu Eebbe ka siiyaa wax cidduu doono wuxuu doono, markaasuu galiyaa Jahannamo isagoo caayan oo dullaysan, ciddiise doonta Aakhiro oo u camal-fasha isagoo mu‘min Xaqa rumeeyey ah kaasi waa mid la mahdiyo camalkiisa, taasina waxay ku tusin in naf walba iyadu mas’uulka koowaad iska tahay nafci iyo dhibba, xumaanta ku kibirka, xoolaha iyo ladnaanta iyo awoodda iyo inay ciqaab sabab u noqon, inaan Eebbe ciqaabin dadka isagoon Xaqa u-caddayn, in ummado badan la halaagay Nabi Nuux kadib, adduunyo uun ruuxii doonana wuxuu ka heli wuxuu Eebbe doono, waxaana u-dambayn Naar isagoo caayan oo dullaysan, ruuxiise la doona camalkiisa Aakhiro camalna u-fala isagoo mu‘min ah oo raaci Nabiga camalkiisa iyo Islaamka, wuu mahdin camalkiisa lana mahdin, adduunyadana inkastoy Xaq tahay in xalaasha si fiican looga doono haddana ma aha in laga dabo-dhaco oo lagu waasho xalaal iyo xaaraan. Waxaa xadiith ah, “Adduunku waa guri cidaan guri lahayn iyo xoolo ruuxaan xoolo lahayn, waxaana u-kulmiya cidaan caqli lahayn.” Al-Israa’ (15-19)

 

  1. Dhammaan wax baan uga fidinnaa kuwaas [doona adduun] iyo kuwaas [doona Aakhiro] siismada Eebbahaa, mana aha siismada Eebbahaa mid reeban.
  2. Day sidaan uga fadilnay qaarkood qaarka [kale addunka] Aakharaase wayn darajooyin oo wayn fadilid.
  3. Ha yeelin Eebbe miciisa ilaah kale ood noqotid mid caayan oo la khasaariyo.
  4. Wuxuu faray Eebbahaa inaydaan caabudin isaga mooyee iyo inaad u samo-fashaan labadii waalid samo-falid, hadduu ku gaadho agtaada wayni midkood ama labaduba haku dhihin uf, hana canaanan una dheh hadal fiican.
  5. Una raarici [jilci] garab naxariiseed [u-naxariiso] dhehna, “Eebbow ugu naxariiso siday ii koriyeen anoo yar.”
  6. Eebbihiin wuu ogyahay waxa naftiinna ku sugan, haddaad suubban tihiin isagu kuwa tawbad-keenka badan wuu u-dhaafaa [dambiga].

 

Cid walba Eebbe wuu ka siin adduunka wuxuu doono Eebbe cidnana kama reebbana deeqda adduun ee Eebbe, waana lagu kala-duwan yahay, adduunka mid xoolo leh mid sabool ah, mid fayow mid buka iyo waxyaale kale, Aakharaase darajo wayn oo fadli badan, sida xadiith ku sugnaaday in dadka darajooyinka sare ay u-arki kuwa kale sida xiddiga jahada cirka. Waana in Eebbe kaliya la caabudo oon ilaah kale loo yeelin si uusan ruuxu u noqon mid caayan, oo khasaara, Eebbana wuxuu xukumay in isaga kaliya la caabudo, labada waalidna loo samo-falo, haddii midkood ama labadubana agtaada ku da‘oobaan ha nicin oo karaahiyeysan, hana ku dhihin hadal xun sida uf iyo wixii lamid ah hana canaanan, hadal fiicanna u-dheh, una naxariiso, Eebbana ka bari inuu u-naxariisto siday kuugu naxariisteen kuuna koriyeen yaraantaadii, Eebbana wuu ogyahay waxa naftiinna ku sugan, haddaad wanaagsan tihiinna Eebbaa u dambi-dhaafaa kuwa u tawbad-keena, bal day sida Islaamku u-wayneeyey xaqa waalidka, diintee iyo nadaamkee laga heli naxariistaa iyo qaddarintaa inta lala xidhiidhiyey xaqa Eebbe? Saas darteed waa in si dhab ah loo garto Islaamka looguna dhaqmo, waalidkana loo ixtiraamo loona naxariisto, waxaana xadiithyo badan ku sugnaaday adeecidda waalidka iyo xumaanta caasigooda sida, “Ruuxii soo gaadha labadiisii waalid ama midkood oo Naar gala, Eebbe haku fogeeyo,” [Abuu Daawuud] iyo “Jannadu lugta hooyaday ku hoos-jirtaa,” [lmaam Axmed] Aaway kuwa ku qayliyi u-roonida haweenka? Mase waa sawaxan aan riiqid lahayn iyo been cad? Al-Israa’ (20-25)

 

  1. Sii qaraabada xaqeeda iyo miskiinka iyo socdaalka hana ku xad-gudbin bixin xad-gudub [iyo si xun].
  2. Illeen kuwa ku xad-gudba waa walaalo Shaydaane, Shaydaanna Eebbihiis wuu ka gaaloobay.
  3. Haddaad ka jeedsato xaggooda [wax la‘aan] adoo rajayn naxariista Eebbahaa ood rajayn waxaad ku dhahdaa hadal fudud [fiican].
  4. Haka yeelin gacantaada mid ku xidhan luquntaada hana wada-fidin dhammaan ood noqoto mid la dagaalo oo tabar-gab ah.
  5. Eebbahaa wuu u-fidiyaa rizqiga cidduu doono wuuna u-qaddaraa [cidhiidhiyaa cidduu doono] illeen Eebbe addoomadiisa waa oge arkee.
  6. Ha dilina carruurtiinna ka cabsi faqri [saboolnimo] annagaa arzaaqayna iyaga iyo idinkaba dilkooduna waa gaf wayn.

 

Qaraabada, masaakiinta iyo musaafirkaba waa in la xidhiidhiyo waxna la siiyo, lana xad-gudbin ee si fiican wax loo bixiyo, illeen mubaddir waa walaal Shaydaane, Shaydaan waa mid Eebbe ka gaalooba, haddaadan wax haynna hadal fudud oo fiican ku dheh, waxaana xadiith ah: “Ruuxii jecel in loo waasiciyo rizqiga cimrigana loo dheereeyo ha xidhidhiyo qaraabadiisa. Waana in wax-bixintu dhexdhexaad ahaato, oodan gacanta luqunta ku xidhin bakhaylnimo, wada fidinna oo lagu naco, ama fadhiisatid illeen rizqigana Eebbaa haya oo u-fidiya cidduu doono una qaddara tuu doono imtixaan, wuuna ogyahay addoomadiisa iyo maslaxaddooda, waase in wax la bixiyo oo la sadaqaysto. Abuu Hurayra wuxuu ka wariyay Rasuulka (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee), “Subax kasta oo addoomuhu soo toosaan waxaa dhawaaqi labo malag oo mid dhihi, ‘Eebbow wax-bixiye baddel sii,’ kan kalana dhihi ‘Eebbow hayste halaag sii.’” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Tan kale waa inaan la layn carruurta siday falayeen jaahiliintu iyagoo faqri ka yaabi illeen Eebbaa dhammaan arzaaqee, dilkooduna waa gaf wayn oo xune, waana dambi daran oo adag sida cad. Al-Israa’ (26-31)

 

  1. Ha u-dhawaanina zino illeen waa xumaane waddana u xune.
  2. Hana dilina nafta Eebbe xarrimay xaq mooyee, ruuxii lagu dilo gar-darro waxaan u-yeellay waligiisa xujo ee yuusan ku xad-gudbin dilka waa loo gargaaraye.
  3. Hana u-dhawaanina xoolaha agoonta sida u-fiican mooyee intay ka gaadhaan xooggooda, oofiyana ballanka illeen ballanka waa lays warsane.
  4. Oofiyana kaylka [beegidda] markaad beegaysaan kuna miisama miisaan toosan [caadil ah] saasaa khayr-roon oo fiican cidhib ee.
  5. Hana dhihin [raacraacin] waxaadan u cilmi lahayn, illeen maqalka, aragga iyo qalbigaba waa lays warsane.
  6. Hana u-soconin dhulka kibir illeen ma jeexi kartid dhulka kumana gaadhaysid buuraha dherare.
  7. Dhammaan waxaasna xumaantiisu Eebbahaa agtiisa waa lagu neceb yahay.

 

Zinadu waa dulli, xaaraan iyo halaag, waana in laga fogaado, ileen danbi ka wayn zino gaalnimo mooyee ma jiree, sida Nabigu yidhi, sidoo kale waa inaan xaq-darro naf lagu dilin. Sunan waxaa ku sugnaaday xadiith, “Adduunkoo rogmada yaa ka fudud Eebbe agtiisa naf Muslim ah dilkeed.” Cidda waliga u ah ruuxa la dilana yuusan ku xad-gubin qisaasta, illeen waa loo gargaaraye, xoolaha agoontana waa inaan loogu dhawaanin waxaan wanaag ahayn intay ka xoogaystaan illeen cuniddoodu waa Naare, waana in ballanka la oofiyo, illeen waa lays warsane, kaylka beegidda iyo miisaankana la oofiyaa si fiican oo toosanna loo sameeyaa illeen saasaa fiican oo cidhib roone, waana inaan la sheegin waxaan loo cilmi lahayn, illeen maqalka, aragga iyo qalbigaba waa lays warsane. Tan kale waa inaan dhulka, Eebbe isla-wayni iyo kibir lagu soconin, maxaa faa‘iida ah oo ku jira mar haddaadan dhulka duleelinayn ama buuraha dherer ku gaarayn, illeen miskiin baa tahay hays dhibin si habsanna u-soco, waadna u-jeeddaa aayadahan waxa ku sugan waxaase loo baahan yahay in la raaco dardaaranka. Al-Israa’ (32-38)

 

  1. Arrintaasu waa waxa Eebbahaa kuu waxyooday oo xikmad ah, hana yeelin Eebbe la-jirkiisa ilaah kale oo lagugu tuuro Jahannamo adoo lagu dagaalay oo lagu fogeeyey.
  2. Ma wuxuu idiin doortay Eebbihiin wiilal oos ka yeeshay malaa‘igta gabdho? Idinku waxaad ku hadlaysaan hadal wayn.
  3. Dhab ahaan waan ku caddaynay [gadgaddinnay] Qur’aankan [wax badan] inay waantoobaan umase kordhin waxaan carar ahayn.
  4. Waxaad dhahdaa, “Hadduu la jiro Eebbe ilaah kale siday sheegi waxay ka dooni lahaayeen Eebbaha Carshiga leh jid [cibaado ama la mid noqosho].”
  5. Eebbaa ka nazahan kana sarreeya waxay sheegi sarrayn wayn.
  6. Waxaa u-tasbiixsada [qaddariya] Eebbe samooyinka toddobada ah iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeya, waxaan Eebbe u-tasbiixsanayn ama ku mahdinayna ma jiro, waydaanse garanayn tasbiixdooda, Eebbana waa dulsame dambi-dhaafa.

 

Waxaas wanaagsan ee Eebbe faray iyo waxyaalaha xun ee uu reebay waa waxa Eebbe u-waxyooday Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee). Tan kale waa inaan Ilaahay cid kale lala caabudin wuxuu mudan yahayna la siinin, oo ciddii saas yeeshaa lagu tuuri Jahannamo isagoo la dagaalay oo la fogeeyey, Eebbana uma doorin gaalada wiilal isna malaa‘igta gabdho kama yeelan waa hadal gaf ah oo wayn oo gaaladu dhahaan, Qur’aankana Eebbe wax badan buu ku caddeeyey kuna soo celceliyey Xaqa in dadku wacdoomo, daalimiintase waxaan carar ahayn uma siyaadin, Eebbana waa kali, hadday ilaahyo kale la jiraan siday gaaladu sheegi waxay isku dayi lahaayeen inay awoodda Eebbe oo kale yeeshaan, ama haddii kale Eebbaha Xaqa ah caabudaan iyana, Eebbana waa ka-nazahan yahay oo ka sarreeyaa waxay sheegi, waxaaba u-tasbiixsada toddobada samo iyo dhulka iyo waxa ku sugan, wax kastana wuxuu u-tasbiixsadaa kuna mahdiyaa Eebbe mase la kasayo tasbiixdooda, Eebbana waa dulsame dambi-dhaafa, la-yaabna ma leh in wax walba Eebbe weyneeyo xusana illeen isagaa awood leh oo ahaysiiyey. Waxaa la sheegay in Rasuulku (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) u-galay dad gaadiid saaran oo la taagan, kuna kor sheekaysan, markaasuu ku yidhi Rasuulku, “Kora iyadoo nabad qabta oo daaya iyadoo nabad qabta, hana uga yeelanina sheekadiinna waddooyinka iyo suuqa kuraas (oo kale) maxay jirtaa mid la korsan yahay oo ka khayr-roon kan korsan Eebbana ka xusid badan.” Imaam Axmed. Eebbaana awood leh. Al-Israa’ (39-44)

 

  1. Markaad akhriyi Qur’aanka waxaan yeellaa dhexdaada iyo dhexda kuwaan rumeynin Aakhiro xijaab [dayr] asturan.
  2. Waxaana yeellay quluubtooda dabool inay kasaan Qur’aanka, dhagohoodana culays, markaad ku xusto Eebbahaana Qur’aanka kaligiis waxay u-jeedsadaan gadaal iyagoo carari.
  3. Day siday kuugu yeelaan tusaalayaal oy u-dhumeen oyna u-karin jidka hanuunka.
  4. Annagaa og waxay dhagaysan markay ku dhagaysan adiga iyagoo faqi markay dhihi daalimiintu, “Waxaan nin sixran ahayn ma raacaysaan.”
  5. Waxay dheheen [gaaladii] “Ma markaan noqonno lafo iyo burbur yaa nalagu soo celin abuur cusub?”
  6. Waxaad dhahdaa, “Noqda dhagax ama bir.”
  7. “Ama khalqi [abuur] ku wayn laabtiinna,” waxayna dhihi, “Yaa nasoo celin?” Ku dheh, “Eebbihiin idin abuuray markii hore,” waxayna kuu gilgili madaxooda iyagoo leh, “Waa goorma isagu?” Waxaad dhahdaa, “Waxaa suurowda inay dhawdahay.”
  8. Waana maalintuu idiin yeedhi Eebbe ood maqlaysaan isagoo mudan mahad una malaynaysaan inaydaan nagaanin wax yar mooyee.

 

Gaaladu Xaqa iyo Qur’aanka way ka madax-adaygi oo xijaab baa ka xiga xaggiisa, qulubtooduna way daboolan tahay, mana fahminayso Qur’aanka, Eebbe kaliya marka la sheegana way cararaan iyagoo dooni in waxyaalo kale lala sheego, Eebbaa og waxay dhagaysan iyo markay faqi, sheegina daalimiintu in Nabigu yahay nin sixran waxyaalo tusaalooyin ahna way u-yeeleen, waxayse ka dhumeen Xaqii iyo Jidkii, mana karaan u-noqosho Xaq, waxayna diidaan in lasoo bixin iyagoo lafo iyo burbur noqday, waxay doonise ha noqdeen ama dhagax ama bir ama sida cirka iyo wixii lamid ah, waxaa uun idin soo celin Eebbihii markii hore idin abuuray, waxayna madaxa la ruxaan kibir iyo isia-wayni iyagoo warsan goortuu dhici xaalku, waxaase suurowda inuu dhawyahay, maalintase Eebbe ugu yeedhi kulanka Qiyaame way maqli iyagoo amaani una malayn inayna ku nagaanin adduunkii wax yar mooyee, waana kaas Qur’aankii, Nabigii, siday gaalo u-diideen, siday u-dhagreen, siday soo-bixinta u-diideen, Eebbaase soo celin Qiyaamana wataas, madax-ruxii, isla-waynidii iyo Xaq-diidna waxaa ka dambayn khasaare iyo luggooyo. Akhri qisada Abuu Sufyaan, Abuu Jahal iyo Akhras iyo siday u-dhagaysteen Qur’aanka iyagoo kala gabban iyo siday isu-warsadeen iyo hadalkii xumaa ee Abuu Jahal, Xaqii baase hadhay xumaanna tagtay. Al-Israa’ (45-52)

 

  1. Waxaad ku dhahdaa addoomadayda ha dheheen sida u-fiican, Shaydaanku wuu fasaadin dhexdiinnee, Shaydaanna dadka col cad buu u yahay.
  2. Eebbihiinaa idin og [waxaad tihiin] hadduu doono wuu idiin naxariisan, hadduu doonana wuu idin cadaabi, kuugumana aanaan dirin inaad wakiil [ilaaliye] u-noqoto.
  3. Eebbahaana waa ogyahay waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka, dhab ahaan baana ugu fadilnay Nabiyada qaarkood qaarka [kale] waxaana siinnay [Nabi] Daawuud Zabuur.
  4. Waxaad dhahdaa, “U-yeedha kuwaad sheegateen oo Eebbe kasoo hadhay ma hantaan inay idinka faydaan dhib ama idinka wareejiyaan.”
  5. Kuwaas ay caabudina iyagaaba ka dooni xagga Eebbe u-dhawaansho iyo kusii dhawaansho waxayna rajayn naxariistiisa, wayna ka cabsan cadaabkiisa, cadaabka Eebbana waa wax laga digtoonaado.

 

Eebbana wuxuu faray addoomadiisa inay wanaag ku hadlaan, illeen Shaydaanku dadka dhexdiisu fasaadiyaaye, waana colka dadkee, Eebbana waa ogyahay xaalka dadka, naxariis iyo ciqaabba isagaa hanta, Nabigana waxaa loo diray gaadhsiinta Xaqa, ee looma soo dirin inuu wakiil ka noqdo dadka, Eebbana wuu ogyahay waxa ku sugan cirka iyo dhulka, wuxuuna kala fadilay Nabiyada, Nabi Daawuudna wuxuu siiyey Kitaabkii Zabuur ahaa, wax Eebbe kasoo hadhay oo dhib faydi kara ama wareejin karana ma jiro, kuwa ay wax ka dayi ee ay baryi naftoodaa Eebbe u-dhawaansho dooni oo masaakiin ah, naxariistiisana rajayn kana cabsan cadaabkiisa, illeen cadaabka Eebbe waa laga digay waana wax laga digtoonaado, taasina waxay muujin inay waajib tahay in hadal fiican lagu hadlo, in Shaydaan laga digtoonaado, in naxariista Eebbe lagu dadaalo heliddeeda iyo in laga digtoonaado cadaabkiisa (Eebbaa laga magan-galaaye). Al-Israa’ (53-57)

 

  1. Qaryo [magaalo] aanaan halaagayn ma jirto kahor Qiyaamada ama aan la cadaabayn [ciqaabayn] cadaab daran waana arrin ku qoran Kitaabka [Lawxul-Maxfuudka].
  2. Umana aanaan daynin soo-diridda aayado [mucjizo] inay beeniyeen kuwii hore mooyee, waxaana siinnay Thamuud hashii oo wax tusisa wayna ku dulmi faleen [ka gaaloobeen] aayadaha waxaan cabsi-galin ahayn umasoo dirro [dejinno].
  3. [Xusuuso] markaan kugu nidhi, Eebbahaa wuxuu koobaa dadka, kamana aannaan yeelin riyadaan ku tusinnay fitnada dadka mooyee [imtixaan] iyo geedka lagu lacnaday Qur’aanka, waanu ku cabsiin umana siyaadiyo waxaan xad-gudub wayn ahayn.
  4. [Xusuuso] markaan ku nidhi malaa‘igta, “U-sujuuda Aadam,” oy sujuudeen Ibliis mooyee, oo yidhi, “Ma waxaan u-sujuudi waxaad abuurtay isagoo dhooba ah.”
  5. Wuxuuna yidhi, “Ka warran kan aad iga sharriftay, haddaad dib ii dhigto tan iyo Qiyaamada waxaan ka adkaan [dhumin] faraciisa wax yar mooyee.”

 

Magaalo kasta waxaa u-dambeeya halaag Qiyaamada kahor ama ciqaab daran, waana xaal ku qoran Lawxul Maxfuudka, Eebbana wuxuu u-daayey soo-dejinta mucjizadaha waxaa beeniyey kuwii hore, waxaana kamid ahaa hashii reer-Thamuud loosoo bixiyey ee ku tusinaysay awoodda Eebbe, wayna ka gaaloobeen. Waxayna gaaladii Makkaad warsadeen Nabiga waxyaalo ay ku dhibayeen sida in buuraha dahab looga dhigo, iyo togog loo jeexo iyo waxyaalo kale, mucjizadana Eebbe wuxuu usoo dejiyaa cabsiin. Riyaduu Nabigu arkay iyo geedka lagu lacnaday Qur’aankana waa imtixaan, Eebbana wuu koobay dadka, wuuna cabsiin badankoodse way xad-gudbaan oo fasaadka badiyaan. Qisada sujuudda malaa‘igta iyo diiddada Ibliisna waxaa lagu sheegay toddobo suuradood, waxaase loo baahan yahay in lagu waano-qaato, Ibliisna laga digtoonaado, Xaqana lagu tooso. Al-Israa’ (58-62)

 

  1. Eebbe wuxuu ku yidhi, “Tag, ciddii ku raacda oo kamid ahna Jahannamaa jazihiisu yahay abaal-marin dhammaystiran.”
  2. “Ku-duufso ciddaad karto oo kamid ah codkaaga kuna soo jiido fardahaaga iyo lugtaada lana wadaag xoolaha iyo carruurta una yabooh,” mana yabooho Shaydaan waxaan dhagar ahayn [iyo baadi].
  3. Addoomadayda kuma lihid xujo, Eebbahooda waa ku filan yahay wakiil [ilaaliye].
  4. Eebbihiin waa kan idinku wada doonta [markabka] badda dhexdeeda inaad doonataan fadligiisa [rizqi] Eebbana waa idiin naxariiste.
  5. Markuu idinku taabto badda dhibna wuu dhumaa waxaad baryeyseen Eebbe mooyee, markuu idiin soo koriyo barrigana waad jeedsatan dadkuna waa gaalnimo badane.

 

Eebbe wuxuu ugu jawaabay “Tag, adiga iyo inta ku raacda Naarta Jahannamaa abaal loo dhameeyey looga dhigiye, kuna duufso ciddaad karto codkaaga oo hees, durbaan iyo cid kastoo xumaan u-yeedhi, kuna kaxayso fardahaaga iyo lugtaada lana wadaag xoolaha iyo carruurta,” wuxuu yidhi Ibnu Cabbaas, “Xoolo la-wadaagiddu waa xumaanta ay ku bixiyaan,” Xasan al-Basrina wuxuu yidhi, “Waa kasabkeeda xaaraan iyo ku-bixin dambi, la-wadaagidda carruurtana waa dayiciddooda iyo xumayn akhlaaqdooda,” siduu yidhi Xasan al-Basri, waa gaalaynta iyo Islaamka ka-bixinta, yabooha Shaydaanna waa luggooyo, addoomada Eebbe ee fiicanse xujo kuma leh, Eebbaana wakiil ku filan, nicmooyinkiisa waxaa kamid ah inuu badda u-sahlay dadka kuna maraan markab iyagoo fadliga iyo rizqiga Eebbe raadsan. Waana u-naxariistaa ummaddiisa, markuu dhib ku taabto baddana waxay halmaamaan wax kastooy baryayeen oo Eebbe kasoo hadhay, markay barriga tagaanna way jeedsadaan, dadkuna waa gaalnimo badan yahay. Saas darteed waa in laga digtoonaado Shaydaan iyo jidkiisa, waa in xoolaha iyo carruurta xumaan laga dhawraa, nicmooyinka Eebbana lagu mahdiyaa. Al-Israa’ (63-67)

 

  1. Miyaad ka aamin noqoteen in Eebbe idinla gooyo dhinac dhulka kamid ah, ama idinku soo diro dabayl daran markaas aydaan helin wakiil?
  2. Miyaadse ka aamin noqoteen inuu idinku celiyo [badda] mar kale oos idinku diro dabayl [wax jajabisa] oos idin maansheeyo gaalnimadiinna darteed, markaas aydaan u-helin wax noo raacda?
  3. Dhab baanu u-sharrifnay banii-Aadamka waxaana ku xambaarray barriga iyo baddaba waxaana ku arzaaqnay wanaag, waxaana ka fadilnay wax badan oo kamid ah waxaan abuurray fadilaad.
  4. [Xusuuso] maalintaan cid walba ugu yeedhayno imaamkeeda [Qur’aanka ama Nabiga], ciddiise laga siiyo kitaabkiisa midigta kuwaasi way akhrin kitaabkooda lagamana dulmiyo xuub laf-timireed.
  5. Ciddiise adduunka ku indho-la’ [Xaqa diida] Aakharana wuu indho-la’aan oo ka dhumi jidka.

 

Cidna kama aamin aha ciqaabta Eebbe ama dhulka hala gooyo ama badda haku maansheeyo iyo sidii kasta oo uu doono, wax ka daba-kicina ma jiro, Eebbana wuu sharrifay banii-Aadamka, caqliga, abuurka, maqalka, aragga, iyo waxyaale kale, wuxuuna u-fududeeyey ku-safarka iyo ku-socodka barriga iyo badda, kuna arzaaqay wanaag, kana fadilay wax badan oo khalqigiisa ah, cid walbana wuxuu Eebbe ugu yeedhi Qiyaamada ama Nabigeedii ha noqdo ama Kitaabkii loosoo dejiyey iyo camalkiisii, ciddase liibaani waa midda kitaabkeeda midigta laga siin oo akhrin iyagoo ku faraxsan oon la dhibaatayn, ciddiise Xaqa ka indho-la‘ayd adduunka oo ka-leexatay nuurka Eebbe Aakharana way sii indho-beeli oo khasaari, illeen horay bay Xaqa ugasoo indho-beeshaye. Taasina waxay adkayn in Eebbe laga digtoonaado, in Qur’aanka iyo Nabiga imaama laga yeesho, in Xaqa lagu dadaalo si aan loo dhumin loogana indho-beelin adduun iyo Aakhiraba, Eebbana hanuun la warsado. Al-Israa’ (68-72)

 

  1. Waxay u-dhawaadeen gaaladii inay kaa fidmeeyaan waxaan kuu waxyoonnay inaad nagu been-abuuratid wax kale, markaas ay kaa yeeshaan saaxiib.
  2. Haddaanan ku sugin waxaad u dhawaan lahayd inaad u iilato xaggooda wax yar.
  3. Markaasaan ku dhadhansiin lahayn [cadaab] labanlaaban nolosha adduun iyo mid labanlaaban geerida mana hesheen gargaare.
  4. Waxayna u-dhawaadeen inay kaa argaggixiyaan dhulka inay kaa bixiyaan markaas oyna nagaadeen gadaashaada wax yar mooyee.
  5. Waana sunnada Rasuulladaan dirray hortaa, una heli maysid sunnadannada wax dooriya [leexin].

 

Eebbe wuxuu ka warramay siduu ugu gargaaray Nabigiisa, una sugayay inkastoy gaaladii isku dayeen inay Xaqa ka leexiyaan waxay rabaanna uu yeelo, ciddii Muslim ah ee Xaqa uga leexata gaalada darteedna si ay saaxiib ula noqdaan waa mid halaag iyo khasaare ku danbayn iyo ciqaab adduun iyo mid Aakhiroba, waxayna gaaladu had iyo jeer isku-dayi in Muslimiintu usoo dhawaadaan, waase dulli adduun iyo mid Aakhiro iyo gargaarid-la‘aan, gaaladiina waxay isku-dayeen inay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ka saaraan dhulka miyayse kaga danbayn wax yar mooyee, saasayna u-dhacday arrintii, waana sunnada Eebbe ee uu ku falay kuwuu horay u-diray, wax baddali karana ma jiro, dadka wanaagsan la nooliddooda waa tan fiican, markase dhulka ka madho wanaag iyo dadkiis waa uun halaag, ciqaab iyo khasaare sida dhacda. Aayaduhuna waxay adkayn ku sugnaan Xaqa, ka-digtoonida u-dhawaansho iyo la-saaxiibidda gaalada, ka-digtoonida in dadka fiican dhulka laga eryo (ama ha kusoo degto reer Makkaad ama Yuhuud waa arrin guud oo caam ah). Al-Israa’ (73-77)

 

  1. Oog salaadda markay qorraxdu zuusho ilaa madawga habeenka iyo Qur’aanka [salaadda] waabariga [subaxa] Qur’aanka waabariguna waa mid la joogee [malaa‘igta].
  2. Habeenkana tahajjud [qaar tuko] isagoo dheeraad kuu ah, waxay u-dhawdahay in Eebbahaa kuu soo bixiyo maqaam la mahadiyo [shafeecada].
  3. Waxaad dhahdaa, “Eebbow i gali meel galid run ah, ina bixi bixin run ah, iigana yeel agtaada xujo gargaar ah.”
  4. Waxaad dhahdaa, “Waxaa yimid Xaqii waxaana tirtirmay baadilkii, baadilkiina wuxuu noqday mid la tirtiro.”
  5. Waxaana soo dajinaynaa Qur’aanka isagoo caafimaad iyo naxariis u ah mu‘miniinta, daalimiintana uma siyaadiyo waxaan khasaare ahayn.

 

Aayaddu waxay sheegtay waqtiyada salaadda laga billaabo duhurkii ilaa subaxa, inkastoo xadiithyo badan caddeeyeen waqtiyadaas. Abuu Hurayrana wuxuu Nabiga ka wariyay (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) in salaadda subax malaa‘igtii habeenka iyo tii maalintii xaadiri (oo joogi). Imaam Axmed iyo kuwo kale yaa wariyay. Wuxuuna Eebbe faray Nabiga inuu si dheeraad ah u-tukado habeenkii, inkastooy cid walba sunno u-tahay inuu tukado habeenkii, haddana waxaa la sheegay inay Nabiga faral ku ahayd salaad u-kicidda habeenkii, wuxuuna Eebbe ugu bishaareeyay Nabiga maqaam la mahadiyo, oo ah shafeecada Qiyaamada marka Nabiyada lasoo maro dhibaataduna darraato, “War yaa shafeecana?” la is-warsado, sida xadiithyo badan ku sugnaatay, waxaana kamid ah, “Waa lay idmi markaasaan dhihi wuxuu Eebbe doono inaan dhaho, waana maqaamka la mahadiyay.” Imaamu Axmed. Wuxuuna Eebbe Nabiga faray inuu warsado inuu meel fiicanna galiyo bixin fiicanna bixiyo gargaarna siiyo, illeen Xaqii baa yimide, baadilna wuu tirtirmaye, Qur’aankuna waa daawada iyo naxariista mu‘miniinta iyo khasaaraha daalimiinta iyo gaalada, ciddii raacdana waa u khayr tii ka leexatana waa u khasaare. Al-Israa’ (78-82)

 

  1. Markaan u-nicmaynno dadka wuu jeedsadaa [Xaqa ka fogaadaa] hadduu taabto dhibna wuu quustaa.
  2. Waxaad dhahdaa, “Cid kasta haku camal-fasho jidkeeda [diinteeda] Eebbihiin baa og cidda jidkeedu hanuun badan yahaye.”
  3. Waxay ku warsan ruuxda, dheh “Ruuxdu waa amarka Eebbahay cilmina wax yar baa la idin siiyay.”
  4. Haddaan doonno waanu la tagi kaan kuu waxyoonnay [Qur’aanka] markaasna uma helaysid korkannaga wakiil [gargaare].
  5. Naxariista Eebbahaa mooyee illeen fadligiisu korkaaga waa ku wayn yahaye.
  6. Waxaad dhahdaa, “Hadday u-kulmaan insi iyo jinni inay la yimaadaan Qur’aankan oo kale lama imaan karaan wax lamid ah qaarkood qaar haba caawiyee.”
  7. Dhab baan ugu caddaynay dadka Qur’aanka tusaale kasta dadka badankiise wuu diiday gaalnimo mooyee.

 

Dabeecadda dadka badankiis waxaa kamid ah inuu kibro oo Xaqa ka jeedsado markuu ladan yahay, markuu dhib taabtana quustaa oon rajayn inuu khayr heli, cid walbase haku socoto waddadeeda illeen Eebbe wuu ogyahay cidda hanuunsan iyo tan kale wuuna abaal-marine, ruuxduna waa arrin amarka Eebbe ah oosan cidna barin, ciddii warsatayna saasaa loogu jawaabay ama reer Makkaad ha noqdeen ama Yuhuuddu haku kaalmayse, dadkana cilmigoodu waa yar yahay inkastooy qaar is-moodaan inay cilmi badan yihiin, Eebbaa laga magan-galay ee wuxuu caddeeyey in hadduu doono uu la tagi Qur’aanka cid u raacanna ayan jirin, Eebbe naxariistiisa mooyee oo fadliga Eebbe Rasuulka siiyey waa wayn yahay, hadday insi iyo jinniba kulmaan inay Qur’aankoo kale keenaanna ma keeni karaan haba isugu kaalmeeyaane, Qur’aankana Eebbe wax badan yuu ku caddeeyey tusaale dadka badankiise diid waxaan gaalnimo ahayn, ceebaynna ku tahay dadka inay markay ladan yihiin Xaqa ka jeedsadaan, dhibkana quustaan, waxaan anfacaynna warsadaan, illeen Eebbaa awood leh oo Qur’aanka soo dejiyey, wax keeni wax kusoo dhawna ma jiro insi iyo jinni. Al-Israa’ (83-89)

 

  1. Waxay dheheen gaaladii [Makkaad] “Ku rumayn mayno intaad nooga jeexdo dhulka ilo [burqan].”
  2. “Ama kuu ahaan beer timir iyo cinaba ood kusii dayso dhexdeeda wabiyo socda.”
  3. “Ama nagaga soo riddid samada saad sheegatay, goosimo iyadoo ah, ama u-keentid Eebbe iyo malaa‘igta si caddaan ah.”
  4. “Ama kuu ahaado guri dahab ah ama ka kortid samada, kuna rumayn mayno koriddaada intaad noogaga soo dejisid Kitaab aan akhrinno,” waxaad dhahdaa, “Eebbahay baa nazahane ma waxaan bashar [dad] Rasuul ah ahayn baan ahay.”
  5. Dadka uma diidin inay rumeeyaan markuu Xaqu u-yimid oon ahayn inay dhahaan, “Ma wuxuu soo bixiyaa Eebbe bashar [dad] ah Rasuullo?”
  6. Waxaad dhahdaa, “Hadday dhulka yihiin malaa‘ig ku xasilloon [deggan] waxaan ugasoo dejin lahayn samada malag Rasuul ah.”

 

Gaalada iyo caqliga yar waxay had iyo jeer dadka ku qiimeeyaan xoolaha iyo wixii soo raaca, saas darteed waxay usoo jeediyeen gaaladii Makkaad Nabiga inuu ilo biyo ah u-jeexo, ama beer barwaaqo ah u ahaato, ama cirka kusoo dumiyo iyagoo sheegi in Nabigu saas ku yidhi, ama guri dahab ah u-sugnaado, ama cirka ka koro, ayan rumayneyn koriddiisa intuu waraaqo ay akhristaan uga keeno, Eebbaa nazahan oo wayn, Nabigu ma waxaan dad Eebbe u waxyooday ahayn baa? Aad bay isula-wayn yihiin una madax-adkaayeen, sharaftana xoolo, guryo, beero iyo biyo socda u-moodeen, waxaase ka sarreeysa Nabinimo, Qur’aan, akhlaaq, caddaalad, Eebbe-aqoonsi iyo liibaan Aakhiro, hadday malaa‘igi deggan tahay dhulka Eebbe wuxuu usoo diri lahaa malag Rasuul ah, dad baase deggan marka waa in dad lamid ah loosoo diro warka kalana layska dhaafo. Al-Israa’ (90-95)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Eebbaa ugu filan marag dhexdeenna, isaguna waa ogaha arka addoomadiisa.”
  2. Cidduu Eebbe hanuuniyo un baa hanuunsan, cidduu dhumiyana uma helaysid u-gargaare Eebbe kasoo hadhay, waxaana kusoo kulminaynaa Qiyaamada wajigooda iyagoo indho-la‘ oo hadal-la‘ oo dhaga-la‘, hoygooduna waa Jahannamo, mar kastooy dantana waxaan u-siyaadinaa shidid [hurin].
  3. Taasina waa abaalkooda ah inay ka gaaloobeen aayaadkannaga, oy dheheen “Markaan lafo noqonno iyo burbur miyaa nalasoo bixin abuur cusub?”
  4. Miyeyna ogayn Eebbaha abuuray samooyinka iyo dhulka inuu karo inuu abuuro wax lamid ah una yeelo muddo aan shaki lahayn? Wayse diideen daalimiintii gaalnimo mooyee [wax kale].
  5. Waxaad dhahdaa, “Idinku haddaad hanataan khaznadaha naxariista Eebbahay waad xajisan lahaydeen ka-cabsi faqri, dadku waa bakhayl.”

 

Eebbaa marag ugu filan runnimada Nabiga, wuxuuna ogyahay oo arkaa addoomadiisa, cidduu hanuuniyo un baa hanuunsan, tuu dhumiyana cid u-gargaari ma jirto, waxaana loosoo kulmin kuwaas iyagoo wajigooda ku socda illeen Eebbaha lugahooda ku waday wuu karaa inuu ku wado wajigoodee, siduu Nabigu yidhi, waxayna imaan iyagoon wax arkayn, hadlaynna, waxna maqlayn, kuna hoyan Jahannamo markay dantaba lasii hurin, waana abaalkooda illeen aayaadka Eebbay ka gaaloobeene, waxayna diideen in Eebbe soo bixin intay lafo iyo burbur noqdeen waxayse illoobeen in Eebbaha abuuray cirka iyo dhulka uu karo iyagoo kale Qiyaamada una yeelay muddo dhab ah, gaalo iyo daalimiinse waxaan xumaan ku madax-taag ahayn waa diideen, Eebbaana hodan ah dadkuse waa fuqaro, hadday khaznadaha naxariista Eebbe haystaanna way xajisan lahaayeen iyagoo faqri ka yaabi illeen dad waa bakhayl ee. Al-Israa’ (96-100)

 

  1. Waxaan dhab u siinnay [Nabi] Muuse sagaal aayadood [mucjizo] oo cadcad ee warso banii-Israa‘iil markuu u-yimid oo ku yidhi Fircoon, “Waxaan kuu malayn Muusow mid la sixray.”
  2. Wuxuuna yidhi [Nabi Muuse] “Waad ogtahay inuusan soo dejinin kuwaan waxaan Eebbaha samooyinka iyo dhulka ahayn iyagoo xujooyin ah, anna waxaan kuu malayn Fircoonow mid la halaagi.”
  3. Markaasuu doonay Fircoon inuu ka kaxeeyo dhulka markaasaan maansheynay isagii iyo intii la jirtay dhammaan.
  4. Waxaana ku nidhi gadaashiis banii-Israa‘iil, “Dhulka daga, haddii yaboohi Aakhiro yimaado waanu idin keeni dhammaan.”
  5. Xaq baana kusoo dejinnay Qur’aanka Xaq buuna kusoo degay, waxaana ku dirray adoo bishaareeye u-diga ah.
  6. Waana Qur’aan oon u kala-bixinnay [soo-dejintiisa] inaad ku akhrido dadka kaadsiinyo, waana soo-dejinnay soo-dejin qaar qaar ah.

 

Eebbe wuxuu siiyey lana soo bixiyey Nabi Muuse sagaal mucjizo, oo kala ah sida aayaddu sheegtay: ushii, gacantii, abaartii, baddii, maanshayntii, ayixii, injirtii, rihii iyo dhiiggii ama nusqaantii midhaha, banii-Israa‘iilna waa ogyihiin, Fircoonse wuxuu ugu jawaabay inuu dhaho, “Muusow waxaan kuu malayn in lagu sixray,” wayna is-maleeyeen Fircoon iyo Nabi Muuse, waxaase rumoobay malihii Nabi Muuse oo yidhi, “Waad ogtahay inuu aayadahan soo-dejiyey Eebbaha cirka iyo dhulka isagoo xujooyin waano ah waxaana kuu malayn Fircoonow mid la halaagi,” waana la halaagay markuu isku-deyey inuu dhulka ka bixiyo oo la maansheeyey isagii iyo intii la jirtay, dhulkiina u-hadheen oo dageen banii-Israa‘iil inta yaboohii Eebbe ee soo uruurintooda laga gaadhi, Qur’aanka Eebbaa Xaq kusoo dejiyey, Xaq buuna kusoo dagay Nabiguna waa bishaareeye diga, soo-dejinta Qur’aankuna hal mar ma ahayn ee wuxuu soo degayey saddex-iyo-labaatan sano; saddex-iyo-toban sano Makka ah iyo toban sanoo Madiina ah, si dadka loogu akhriyo kaadsiinyo iyo inyar inyar, waana xikmadda iyo naxariista Eebbe illeen hadduu hal mar soo dego siday gaaladu codsadeen waa lagu dhibboon lahaa. Waxaase loo baahan yahay raacidda Qur’aanka, ku-dhaqankiisa, barashadiisa, ugu-yeedhiddiisa, si loo liibaano, illeen waa Xaqii Eebbaheenna wayn soo dejiyaye. Al-Israa’ (101-106)

 

  1. Waxaad dhahdaa rumeeya Qur’aanka ama ha rumeynina kuwa la siiyey cilmiga [kuwa fiican] marka lagu akhriyo korkooda waxay u-dhacaan wajiga iyagoo sujuudi.
  2. Waxayna dhihi, “Waxaa nazahan Eebbahanno ee yabooha Eebbahanno waa la fali [imaan].”
  3. Waxayna u dhacaan wajiga iyagoo ooyi wuxuuna u-kordhiyaa [Qur’aanku] khushuuc.
  4. Waxaad dhahdaa, “Ama ku barya Ilaah, ama ku barya Raxmaan, wax kasta ood ku baridaan wuxuu leeyahay magacyo fiican,” ee hala qayliyina akhriskaaga [salaadda] hana qarsan ee doon jid u-dhexeeya arrintaas [dhexdhexaad].
  5. Waxaadna dhahdaa, “Mahad Eebbaa iska leh een yeelanin ilmo, una sugnayn shariik xukunkiisu [la-wadaage] una sugnayn gargaare dulli dartiis [uga gargaara],” ee waynee waynayn [sharrif].

 

Gaalase ama ha rumeeyeen Qur’aanka ama ha beeniyeen, waxaana rumeeyey oo sujuud la dhacay markii lagu akhriyey kuwii fiicnaa ee cilmiga lahaa ee Xaqa rumeeyey ee ehlu-Kitaabka ahaa, iyagoo waynayn Eebbe rumayn yaboohiisa, ooyina iyagoo sujuudi oo khushuuci, gaaladiina waxay nici jireen magaca Eebbe ee Raxmaan ah markaasaa Eebbe u-caddeeyey Muslimiinta inay Eebbe ku baryi karaan magacyadiisa ama Alle ama Raxmaan illeen magacyo badan oo fiican yuu leeyahaye, wuxuuna Nabiga ku faray inuusan ku qayliyin oo kor u-qaadin akhriska salaadda hoosna u-dhigin ee si dhexdhexaad ah u-akhriyo, kuna mahdiyo Eebbahaan yeelanin ilmo, wax la wadaaga xukunkana jirin iyo uga gargaare dulli, una wayneeyo siduu muto, Eebbaa wayn oo awood leh, wax la wayneeyana ah, wax cibaado, xukun, caddaalad, sharci, maamul, iyo wanaag la wadaaga ama u-kaalmeeyana ma jiro, waxa kasoo hadhay dhammaan waa masaakiin tabar-yar oo naxariista Eebbe hoos-joogta sugina. Al-Israa’ (107-111)

 

Suurat al-Kahf

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Mahad Eebbaa iska leh Eebbaha kusoo dejiyey addoonkiisa [Nabi Muxammad ah] Kitaabka [Qur’aanka] oon yeelinna dhexdiisa qallooc.
  2. Waana toosan yahay si uu ugaga digo ciqaab daran oo Eebbe xaggiisa ka ahaatay, uguna bishaareeyo mu‘miniinta fala wanaagga inay muteen ajir fiican.
  3. Kuna nagaanayaan [Jannada] waligood.
  4. Ugana digo kuwa yidhi, “Wuxuu yeeshey Eebbe ilmo.”
  5. Uma laha wax cilmi ah iyaga iyo aabbayaalkood midna, waxaana waynaatay kalimad kasoo baxday afafkooda, mana dhahayaan waxaan been ahayn.

 

Suuraddu waxay soo degtay mar gaaladii Qureysheed ee Makkaad u-tageen qaarkood Yuhuuddii Madiino warsadeenna xaalka Nabiga oy Yuhuudna ku tidhi, “Waydiiya saddex arrimood hadduu idiin sheegana waa Nabi xaq ah, waydiiya dhalinyaro mar hore jirtay xaalkoodii, nin wada maray adduunka bari iyo galbeed, iyo ruuxda.” Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ruuxii xifdiya tobanka aayadood ee hore ee Suuratul Kahfi waxaa laga dhawraa Dajjaal.” Waxaa wariyey Muslim. Aayaduhuna waxay caddayn in mahad Eebbe muto, Qur’aanka toosanna kusoo dejiyey Nabiga, si uu uguna digo, uguna bishaareeyo, gaaladuna wax cilmi ah uma leh xumaantay Eebbe ku sheegi ee waxay ku hadli been iyo waxaan jirin. Al-Kahf (1-5)

 

  1. Waxaad u dhawdahay inaad ku [halaagto] naftaada Nabiyow raadkooda [gadaashooda] haddayna rumeyn Qur’aankan, walbahaar dartiis.
  2. Waxaan ka yeellay waxa dhulka korkiisa ah quruxdiisa, si aan u-imtixaanno midkooda fiican camal.
  3. Waxaana ka yeelaynaa waxa korkeeda ah bannaan aan wax kasoo bixin.
  4. Ma waxaad u-malaysay [Nabiyow] godkii asxaabtiisii [dadkiisii] iyo Kitaabkii [iyo looxii] inay ugu yaab badan tahay aayaadkannaga.
  5. Waa markay u-dummeen dhallin-yaradu godka oy dhaheen, “Eebbow naga sii agtaada naxariis noona darab amarkannaga hanuun.”
  6. Markaasaan ku siidaynay hurdo godka dhexdiisa sanooyin badan.
  7. Markaasaan soo bixinnay si aan u-muujinno labada xizbi midkooda kobid badan intay nagaadeen muddo.

 

Wuxuu Eebbe halkan ku calool-adkaysiin kuna samirsiin Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) isagoo u-tilmaami inuusan waxba walbahaar isugu badin hadday gaaladu rumeyn waayeen Qur’aanka, illeen Eebbe imtixaan yuu u-abuuray waxa dhulka korkiisa ahe, iyo in la eego kan camal fiican, Eebbaana halaagi waxa dhulka ku kor nool. Qisada Asxaabul Kahfina wax la-yaab leh ma aha waxayse ahaayeen dhallinyaro hanuuntay oo Eebbe warsaday toosnaan markaas Eebbe seexiyey godka sanado badan, kadibna Eebbe soo bixiyey si loo muujiyo cidda koobtay intay nagaadeen. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Adduunyadu waa macaan cagaaran, Eebbana wuu idinku reebay isagoo fiirin waxaad camal fashaan ee ka dhawrsada adduunyo, kana dhawrsada ragow haween, illeen fidmadii ugu horaysay banii-Israa‘iil waxay ahayd haweeneey ee.” Aayaduhuna waxay ku tusin dhawrka iyo diiddada xumaanta iyo in ciddii dan Eebbe u camal fasha uu Eebbe faraj u-furi, guushana ku dambeysiin, iyo wanaagga adkaysiga iyo samarka. Al-Kahf (6-12).

 

  1. Annagaa kaaga qisoon warkooda si xaq ah, waxay ahaayeen dhallinyaro rumeeyey Eebbehood, waxaana u-siyaadinnay hanuun.
  2. Waxaan xoojinnay [oon adkaynay] quluubtooda, oyna dhaheen, “Eebbehanno waa Eebbeha samaawaadka iyo dhulka, baryina mayno [caabudi mayno] ilaah kasoo hadhay, waxaan ku hadalnay markaas hadal xun [oo baadil ah].”
  3. “Kuwaasu waa qawmkannagii, waxay yeesheen Eebbe ka-sokow ilaahyo, mey u-keenaan korkooda wax xujo cad ah, yaase ka dulmi badan ruux ku abuurtay Eebbe dushiisa been?”
  4. “Markaad ka fogaataan gaalada iyo waxay caabudi oo Eebbe kasoo hadhay u dunma godka wuxuu idiin fidin Eebbihiin naxariise idinkana darbi amarkiinna waxaad ku istareexdaan kuna kala-saartaan xumaanta iyo wanaagga.”

 

Aayadahan waxay sharxi qisada Asxaabul Kahfi. Ibnu Kathiir wuxuu yidhi, “Eebbe wuxuu sheegay inay dhalinyaro ahaayeen, iyagaana Xaqa ka aqbali og kagagana hanuunin og jidka odayada ku madax-taagay kuna dabbaashay baadilka, saas darteed yey kuwii u badnaa ee ajiibay Eebbe iyo Rasuulkiisa ahaayeen dhallinyaro, odayadii Qureysheedse intoodii badnayd waxay ku hadheen diintoodii.” Eebbana wuxuu sheegay inay ahaayeen dhallinyaro rumeysan Xaqa, qalbigoodana Eebbe Xaqa ku sugay, Ilaah mooyee aan wax kalena u-jeedsan, kana leexday jidkii xumaa ee qawmkoodii, dar Eebbana u tegay godkana u aaday, Eebbana xoojiyey waafajiyeyna wanaagga. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxay u dhawdahay inay noqoto xoolo kan ugu khayr-roon adhi uu ku raaco buuraha iyo roobka isagoo kala carari Diintiisa fitnada.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Abuu Daawuud. Al-Kahf (13-16)

 

  1. Waxaad arkaysaa qorraxda oo markay dhalato uga iilan godkooda xagga midig, markay dhicina ka goyn xagga bidix iyagoo ku sugan meel waasac ah oo godka, taasina waxay kamid tahay aayaadka Eebbe, ruuxuu hanuuniyo Eebbe un baa hanuunsan, ruuxuu dhumiyana u-heli maysid gargaare hanuuniya.
  2. Waxaad u-malayn inay soo jeedaan iyagoo jiifa, waxaana u-gadgaddin midig iyo bidix, eygoodiina wuxuu ku fidin dhudhumadiisa albaabka, haddaad aragto waad ka jeedsan lahayd, adoo carari waxaana lagaa buuxin lahaa xaggooda argaggax.
  3. Saasaana usoo bixinnay inay is-warsadaan dhexdooda, wuxuu yidhi mid kamid ah, “Imisaad nagaateen?” Waxay dheheen, “Waxaan nagaannay maalin ama maalin qaarkeed,” waxay dheheen “Eebbeheen baa og waxaad nagaateen ee la dira midkiin lacagtan xagga magaalada, hana soo fiiriyo cid cunno xalaalaysan [cidda ugu cunno xalaalsan] hana idiinka keeno rizqi hana is-qariyo [oo is-tartiibiyo] yuuna idin ogeysiin xaggooda ruuxna.”
  4. “Iyagu hadday idin arkaan way idin dhagaxyeyn, ama idinku celin diintooda, mana liibaanaysaan markaas waligiin.”

 

Naxariista Eebbe darteed waxay ahaayeen kuwo laga dhawray kulaylka qorraxda oy ka maraysay dhinaca dhalasho iyo dhinaca dhicidda, arrintaasna waa aayaadka Eebbe, waxaana hanuuni ruuxii Eebbe waafajiyo, kii kalana ma helo hanuuniye Eebbe kasoo hadhay, qudrada Eebbe way soo jeedeen iyagoo la moodo inay hurdaan, waxay u-gadgaddoomayeen midig iyo bidix, eygoodina irridduu jeenyaha ku fidiyey, ciddii aragtana way cabsan lahayd oo carari lahayd, markaasaa Eebbe soo bixiyey iyagoo is-warsan intay noolaayeen oyna mid kamid ah magaalada u-direen isagoo lacag wata si uu cunno xalaal ah ugu soo gado isagoo is-qarin, illeen waxay ka yaabi in gaaladay ka carareen joogaan oo dilaan ama xoog diintooda ku galiyaan oy khasaaraan. Taasina waxay ku tusin naxariista Eebbe iyo awooddiisa iyo inuu falo wuxuu doono. Al-Kahf (17-20)

 

  1. Saasaan u-daalacsiinnay [u tusinnay] dadka si ay u-ogaadaan in yabooha Eebbe Xaq yahay, Saacadda [Qiyaamana] aan shaki ku jirin [waxaan tusinnay] markay ku murmeen dhexdooda amarkooda, oy [isku] dheheen, “Ka dhisa korkooda dhismo, Eebbahood baa og iyagee,” waxay dheheen kuwii ku raayay amarkooda, “Aan ka yeelanno korkooda masaajid.”
  2. Waxay dhihi, “Waxay ahaayeen saddex waxaana afreeyey eygoodii,” waxay dhihi, “Waxay ahaayeen shan waxaana lixeeyey eygoodii,” iyagoo iska gani wax maqan [iska dhihi cilmi-la‘aan] waxay dhihi, “Waxay ahaayeen toddobo waxaana siddeedeeyey eygoodii.” Waxaad dhahdaa, “Eebbahay baa og tiradooda, mana oga wax [dad] yar mooyee,” ee hakula murmin xaalkooda muran muuqda oo fudud mooyee, hana waydiin xaggooda ruuxna.

 

Waxay keentay xikmadda Eebbe in la arko dhallinyaradaa si loo ogaado in yabooha Eebbe Xaq yahay, Qiyaamadana aan shaki ku jirin, markay arkeen oy kadibna dhinteen yey ku murmeen in ardaagooda wax ku dhisaan waxaase raayay kuwii rabay in masaajid lagu dhiso. Tan kale waxaa lagu murmay tiradooda intay ahayd, cid ogna ma jirto Eebbe mooyee. Taasooy kuwo dheheen waxay ahaayeen saddex iyo eygoodii, kuwana shan iyo eygoodii, kuwana toddoba iyo eygoodii, Eebbaase og intay ahaayeen, cid ogna ma jirto wax yar mooyee, in lagu murmana ma habboona si fudud oo wax is-tus ah mooyee, cid ehlu-Kitaabka ahna waxba lagama warsado. Qisadana waxaa loo baahan yahay ruuxii mu‘min ah inuu si fiican u-rumeeyo una hoggaansamo, illeen Eebbe wax walba wuu karaaye marba hadduu Eebbe abuuray cirka, dhulka iyo khalqiga kalaba awooddiisu xad ma leh, wuxuu doonana wuu falaa, kuwa shakin arrimahan oo kalana waa kuwo caqli yar oo wax walba ku-eegi muraayadahooda aragga gaaban ama aragga xumaysa. Tan kale waxay ku tusin in Xaqa iyo ehelkiisu hadho xumaanta iyo ehelkeeduna tago. Al-Kahf (21-22)

 

  1. Haku dhihin, “Shaygaasaan fali barri.”
  2. [Adoon dhihin] “Hadduu doono Eebbe.” Xusna Eebbahaa haddaad halmaanto, waxaadna dhahdaa “Wuxuu u dhawyahay inuu igu hanuuniyo Eebbahay wax ka dhaw kaas oo toosni ah.”
  3. Waxay ku nagaadeen godkoodii saddex boqol oo sano waxayna siyaadsadeen sagaal.
  4. Waxaad dhahdaa, “Eebbaa og waxay nagaadeen, waxaa u-sugnaaday waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka, arki ogaa oo maqli ogaa Eebbe, umana sugnaanin dadka isaga ka-sokow gargaare lamana wadaajiyo xukunkiisa cidna.”

 

Eebbe wuxuu ku hanuuniyey Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) aadaab fiican oo ah inuusan dhihin waxaasaan fali isagoon raacinin hadduu Eebbe doono, mu‘miniintana saasaa laga rabaa, waana in had iyo jeer la xusaa Eebbe si halmaanshaha Shaydaanka looga fogaado, hanuunkana Eebbe la warsadaa. Dhallinyaradii Asxaabul Kahfina intay ku nagaadeen godka Eebbaa og waana muddadaas Eebbe sheegay, illeen Eebbaa og waxa maqan arkana maqlana, dadkana wax gargaare ah oo Eebbe kasoo hadhay ama xukunka la wadaaga ma jiraan. Eebbana isagaa Sayid awood leh ah, xukun, dil, dayn, irzaaqid, naxariis, xoog iyo tasarruf dhammaantiisna isagaa iska leh, wax kula wadaaga cirka iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeyana ma jiro, saas darteed waa in dhab ahaan loo caabudo, loona hoggaansamo, sharcigiisana lagu dhaqmo, xagga xukunka, mucaamalada, akhlaaqda iyo nolosha dhammaanteedba. Al-Kahf (23-26)

 

  1. Akhri [oo raac] waxa laguu waxyooday oo Kitaabka Eebbahaa ah, wax baddali kalimooyinkiisana ma jiro, mana heleysid wax ka sokeeya ood magan-gashid.
  2. Ee ku samirsii naftaada la-jirka kuwa baryaya Eebbahood aroor iyo galabba, iyagoo dooni Wajigiisa, yeyna ka iilanin indhahaagu xaggooda adoo dooni quruxda nolosha dhaw [ee adduun] hana adeecin ruuxaan halmaansiinnay qalbigiisa xusiddannada oo raacay hawadiisa uuna ahaaday amarkiisu xad-gudub [iyo xumaan].
  3. Waxaad dhahdaa, “Xaqu Eebbihiin buu ka ahaaday ee ciddii doonta ha gaalowdo,” annagu waxaan u-darabnay daalimiinta Naar oy koobtay iyaga [barxaddeedu] iyo darbigeedu, hadday kaalmo warsadaanna waxaa loogu kaalmeeyaa biyo daamuur oo kale ah oo duba wajiyada, iyagaa u xun cabbid iyadaana u xun dangiigsi.

 

Eebbe wuxuu faray Nabigiisa inuu akhriyo Kitaabka Qur’aanka ah dadkana gaadhsiiyo, wax baddali karana ma jiro, meel la magan-galoo Eebbe kasoo hadhayna ma jirto. Waxaa kaloo Eebbe faray Nabiga inuu la noolaado mu‘miniinta baryi Eebbahood had iyo jeer kana iilanin indhihiisu isagoo dooni nolosha adduunyo, uusan maqlin kuwa qalbigooda la halmaansiyey xuska Eebbe oo hawadooda xun raacay xadna gudbay, Xaquna waa cad yahay ee ciddii doonta ha raacdo tii doontana ha gaalowdo, waxaa uun gaalo loo darbay cadaab daran oo gubee. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Qawmkii kulma iyagoo xusi Eebbe oo Wajigiisa dooni waxaa looga dhawaaqaa circa, ‘Kaca waa laydiin dambi-dhaafaye, wuxuuna ku baddalay xumaantiinna wanaage.’” Imaam Axmed. Al-Kahf (27-29)

 

  1. Kuwa rumeeyey [Xaqa] oo camal fiican falay annagu ma hallayno ciddii wanaajisa camalka.
  2. Kuwaas waxay mudan Jannada Cadni oo dureeri dhexdeeda wabiyaal, looguna labbisi dhexdeeda jijimo dahab ah, una xidhay maryo cagaaran oo xariir jilicsan iyo mid adagba, waxayna ku dangiigsan dhexdeeda sariiro korkood, waa abaal-marin fiican una wanaagsan meel lagu [istareexo] laguna nasto.
  3. Uga yeel tusaale labo nin oon u-yeellay midkood laba beerood oo cinab ah, kuna koobnay timir yeellayna dhexdeeda tallaal [beer].
  4. Labada beeroodba oy keentay cunnadeedii, oyna waxba nusqaamin, oon kana dhambalay dhexdeeda wabiyo.
  5. Midhana uu leeyahay oo markaas ku yidhi saaxiibkiis asagoo hadalka ku celcelin, “Anaa kaa xoolo badan kaana tol badan.”
  6. Wuxuu galay beertiisii isagoo dulmiyey naftiisa, wuxuu yidhi, “Uma malaynayo inay halaagsami waligeed.”
  7. “Umana malaynayo in Saacadda [Qiyaame] kici, haddii lay celiyo xagga Eebbahayna waxaan ka heli mid ka khayr-roon noqoshada.”

 

Kuwa Xaqa rumeeyey oo wanaagga falay waxa fiican ee Eebbe u-darbay wax badan yuu Qur’aanku ka warramay, halkan arrintaas yaa ku cad. Aayadaha kale waxay ka qisoon laba nin oo midkood beera badnaa uguna faanay saaxiibkiis inuu ka xoolo iyo dad badan yahay isagooy yaab galisay beertiisu, iyo waxa ka baxay oo midha ah iyo waxa dhex socda oo biyo ah. Intuu ka inkiro oo ka gaaloobo dhicidda Qiyaamada. Mana habboona in nicmada Eebbe la qaabiliyo diiddo, gaalnimo, faan iyo kibir ee waa in Eebbe lagu aqoonsado laguna mahdiyo looguna kaalmaysto cibaadada Eebbe. Qataade wuxuu yidhi, “Taasi wallee waa yididiillada faajirka, xoolo badni iyo qaraabo xoog leh.” Al-Kahf (30-36)

 

  1. Wuxuu yidhi saaxiibkiisii isagoo la hadli, “Ma waxaad ka gaalowday Eebbaha kaa abuuray carro, haddana dhibic markaas ku ekeeyey adoo nin ah?”
  2. “Hasa yeeshee Ilaahay waa Eebbahay lana wadaajin maayo Eebbahay [cibaadada] cidna.”
  3. “Maxaadan markaad gasho beertaada u-dhihin, ‘Maa shaa’ Allaah [wuxuu doone Eebbe], xoog ma jiro kan Eebbe mooyee?’ Haddaad aragtay anoo kaa yar adiga xoolo iyo carruurba.”
  4. “Wuxuu u dhawyahay Eebbahay inuu i siiyo wax ka khayr badan beertaada, kuna diro korkeeda aafo samo, oy markaas ahaato bannaan lagu simbiririxoodo.”
  5. “Ama ahaadaan biyaheedu kuwa gudha oodan karin doonid [soo celin].”
  6. Waa la koobay midhihiisii [la halaagay] oo ahaaday kii gaddin gacmihiisa wuxuu ku bixiyey iyadoo ku dhacday darbiyadeeda, isagoo leh “Shalleytee maanan la wadaajin Eebbahay cidna.”
  7. Uma ahaanin koox u-gargaarta oo kasoo hadhay Eebbe mana aha mid gargaarta.
  8. Halkaas [Qiyaamada] yey awooddu u-ahaan Eebbaha Xaqa ah, isagaana khayr-roon abaal-marin, khayr-roonna cidhib.

 

Saasay kala yihiin Muslim iyo gaal, waxaa inoo soo hor-maray warkii gaalka iyo wuxuu ku abaal-mariyey nicmada Eebbe, mu‘minkiina waa kan xusuustay sida Eebbe u-abuuray ninna uga dhigay, iyo inayna habboonayn in cibaadada wax lala wadaajiyo, iyo Eebbe lagu mahdiyo nicmadiisa awooddana loo qiro, oon laguna faanin xoolo iyo carruur, illeen Eebbaa halaagi kara oo tirtiri karee, waxaana lagu abaal-mariyey gaalkii faanayey in la halaagay beertiisii oo uu shallaytooday wuxuu ku bixiyey, uuna qoomamooday waqti ayana wax tarayn qoomamo wax u-gargaarana uusan jirin, isna gargaaran karin, xukunka iyo awooddana Eebbaha Xaqa ah yaa leh maalinta Qiyaame. Rasuulku (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Abuu Hureyrow ma ku tusiyaa kanzi kamid ah kanziyada Jannada?” Markaasuu yidhi, “Haa, aabbahay iyo hooyaday ha lagugu furtee.” Markaasuu yidhi, “Waa inaad dhahdo, ‘Xoog ma jiro Eebbe mooyee.’ Wuxuuna dhihi Eebbe, ‘Wuu islaamay addoonkaygii wuuna hoggaansamay.’” Waxaa wariyey Imaam Axmed. Al-Kahf (37-44)

 

  1. Uga yeel [Nabiyow] tusaale nolosha adduunyo biyo oo kale oon kasoo dejinnay samada oo isku darsamay waxa kasoo baxay dhulka oo markaas noqday ingayg kala firdhiso dabayluhu, wuxuuna ahaaday Eebbe kii wax kasta kara.
  2. Xoolaha iyo wiilashu [carruurtu] waa quruxda nolosha adduunyo, kuwa hadha ee wanaagsan yaa ku khayr-roon Eebbahaa agtiisa abaal-marin una khayr-roon yididiillo [camalka fiican].
  3. Xus maalinta aannu kaxayn buuraha ood arkayso dhulka oo muuqda, oon soo kulminnay dadkii oonan ka tagin cidna.
  4. Waxaana loo bandhigi dadkii Eebbahaa iyagoo saf ah, “Dhab ahaan yaad noogu timaaddaan saan idiin abuurnay markii horaba,” [yaa lagu dhihi] “Waxaadse sheegateen inaanaan idiin yeelayn ballan [kulan ah].”
  5. Waxaana la dejin [keeni] kitaabkii [camalka] waxaadna arkaysaa dambiilayaashii oo ka cabsan waxa ku sugan oo dhihi, “Halaaganee muxuu leeyahay kitaabkan oosan uga tagayn wax yar iyo wax wayn ee uu koobay?” Wayna heli waxay camal faleen oo jooga, mana dulmiyo Eebbahaa cidna.

 

Aayado badan yaa ka warramay adduunyada iyo say ku dambeyn iyo inay habboon tahay inaan lagu kadsoomin, xoolo iyo carruurna waxba kama taraan Eebbe agtiisa, ee waxaa wax tara camalka fiican ee hadhi, maalinta Qiyaame ee buuraha la kaxayn dhulkuna bannaan noqon ee dadka lasoo kulmin cidna lagama tagayo, dadkuna way imaan iyagoo safan sidii Eebbe ugu abuuray oo kale, inkastooy gaaladu diideen, waxaadna arki maalintaas dambiilayaasha oo cabsan oo calaacali iyagoo sheegi inuusan kitaabka camalka lagu qoro wax yar iyo wax wayn midna ka tagayn, cid walbana heli waxay camal fashay oo jooga, isagoon Eebbe cidna dulmayn. Waxaana sugnaatay in Eebbe soo kulmin dadka Qiyaamada una dhawaaqi iyagoo wada maqli laysuna qisaasi xataa dharbaaxada, waxaana loo kala qaadi khayrka iyo sharka. Al-Kahf (45-49)

 

  1. [Xusuuso] markaan ku nidhi malaa‘igta, “U-sujuuda Aadam,” oo ay sujuudeen Ibliis mooyee, wuxuu kamid yahay jinniga wuxuuna ka faasiqoobay [baxay] amarka Eebbe, miyaad ka yeelanaysaan isaga iyo faraciisa gargaare Ani ka-sokow iyagoo col idiin ah? Waxaa u xun daalimiinta baddelkooda [Ibliis].
  2. Marag ugama dhigin kuwaas abuurka samooyinka iyo dhulka iyo abuurka naftooda, mana ihi mid ka yeelan baadiyayaalka kaalmo.
  3. [Xusuuso] maalinta Eebbe dhihi, “U-yeedha kuwaad ila wadaajiseen [cibaadada] ood sheegteen [adduunka],” markaasay u-yeedheen mana ajiibin [u-jawaabin] waxaana yeellay dhexdooda meel halaag.
  4. Waxayna arkaan dambiilayaashu Naarta waxayna yaqiinsan inay ku dhici mana helayaan xaggeeda meelay uga iishaan.
  5. Dhab ahaan yaan ugu caddaynay Qur’aankan dadka tusaale kasta, waxayna ahaadeen dadkii kuwo muran badan.

 

Ibliis iyo madax-adayggiisa iyo siduu dadka u-duufsaday Xaqa iyo amarka Eebbana u-diiday wax badan yuu Qur’aanku soo celceliyey si looga digtoonaado, wax Eebbe la maamula xukunka ama uu abuuridda marag uga dhigan ma jiro, Qiyaamadana Ibliis iyo kuwii caabudi jiray oo warkiisa maqlay wax isuma taraan, waxayna yaqiinsan inay halaagsami meelay uga leexdaanna ayna helayn. Qur’aankana wax badan yuu Eebbe ku celceliyey waano iyo tusaale waxayse noqdeen dadkii muran badane. Xasan -al-Basri wuxuu yidhi, “Ibliiska kamid ma noqon malaa‘igta il-bidhiqsi, waase asalka jinniga, sida Aadanba u-yahay asalka dadka.” Waxaa wariyey Ibnu Jariir. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu subax toosiyey Sayid Cali iyo Faadumo kuna yidhi, “Miyeydaan tukaneyn?” Markaasuu Sayid Cali yidhi, “Rasuulka Eebbow naftannada Eebbaa maamula markuu na kiciyo yaannu kacaynaa.” Markaasuu jeedsadey Nabigii isagoo akhrin aayadda, “Wuxuu noqday dad wax walba ka muran badane.” Waxaa wariyey Bukhaari, Muslim iyo Imaam Axmed. Al-Kahf (50-54)

 

  1. Wax ka reebay dadka inay rumeeyaan markuu u-yimid hanuunku oy dambi-dhaaf warsadaan Eebbahood ma jiro oon ahayn [sugid] inay u-timaaddo waddadii kuwii hore, ama ugu yimaado cadaab caddaan.
  2. Mana dirro Rasuullada iyagoon bishaarayneyn oon digayn, waxayna ku murmi kuwii gaaloobay xumaan inay ku buriyaan Xaqa, waxayna ka yeesheen aayaadkeygii iyo wixii loogu digay jeesjees.
  3. Ruuxna kama dulmin badna cid lagu waaniyey aayaadka Eebbihiis markaas ka jeedsaday xaggeeda oo halmaamay waxay hor-marsadeen gacmihiisu, waxaan yeellay quluubtooda dabool inayan fahmin Qur’aanka, dhagahoodana culays, haddaad ugu yeedho hanuunkana ma hanuunayaan waligood.
  4. Eebbahaa waa dambi-dhaafe naxariis leh, hadduu u-qaban dadka waxay kasbadeen [oo xumaan] wuxuu u-dadajin cadaabka, waxayse leeyihiin ballan oyna helayn meelay uga iishaan.
  5. Taasi waa magaalooyinkii oon halaagnay markay dulmi faleen waxaana u-yeellay halaaggoodii ballan [waqti].

 

Gaalada waxaa Xaqa rumeyntiisa ka reebay kibir iyo inay maraan waddadii kuwii hore inta cadaab ugaga yimaado, Rasuulladana waxaa loo diray bishaarayn iyo digid. Gaalse muran iyo Xaqooy ku tirtiraan xumaan iyo jeesjees waxaan ahayn ma rabaan. Dulmina wuxuu ku dhan yahay ruux Qur’aanka lagu waaniyey oo halmaamay waxay hor-marsadeen gacmihiisu oo xumaan ah, illeen qalbigoodaa ka daboolan inay fahmaan, dhagana waa ka culus yihiin mana hanuunaan. Eebbaase dambi-dhaaf iyo naxariis leh, hadduu dadka u-qaban waxay kasban oo xumaan ah wuxuu usoo dadejin lahaa ciqaabta, wuxuuse u-yeelay waqti ayan meella uga bixi karin, raadkii ummadihii hore ee la halaagayna waa muuqdaa markay xumaanta faleen waxaana loo yeelay halaaggooda waqti xaddidan. Xaqoo la diido, ku-jeesjeeskiisa, waanadoo laga jeedsado, iyo xumaanta oo dhanba waxay sababi ciqaab iyo halaag ee waa in laga digtoonaado lagana fogaado. Al-Kahf (55-59)

 

 

  1. [Xusuuso] markuu ku yidhi [Nabi] Muuse yarkiisii [ardaygiisii] “Ma joogayo intaan ka gaadho kulanka labada badood, amaan socdo muddo.”
  2. Markay gaadheen kulankooda waxay halmaameen kalluunkoodii oo ka dhigtay waddadiisa badda dhexdeeda god oo kale.
  3. Markay tallaabeen yuu ku yidhi khaadimkiisii, “Ina sii qadadeenna waxaan kala kulannay safarkeenna daale.”
  4. Wuxuu yidhi [yarkii] “Ka warran markaan u-dumannay dhagixii inaan halmaamay kalluunkii wax i halmaansiiyey oon Shaydaan ahayn inaan xusuusto ma jiro, wuxuuna ka dhigtay waddadiisa badda la yaab.”
  5. Wuxuu yidhi [Nabi Muuse] “Kaasi waa kaan doonaynay,” waxayna ku noqdeen raadkoodii iyagoo raaci.
  6. Waxayna ka heleen addoon kamid ah addoomadannada oon siinnay naxariis agtannada ah ka barneyna agtannada cilmi.

 

Waxay ahayd qisadu in Nabi Muuse loo sheegay in nin yaqaanna wuxuusan aqoonin uu joogo meelay labada badood ku kulmaan: tan Ruum iyo Faaris, ama Afrikada Waqooyi, saasayna u-qaateen sahay kalluun, markay meel marina halmaameen kalluunkii markay xusuusteenna kusoo noqdeen, halkaasna kula kulmeen addoon Eebbe oo suubban, Khadir. Waxayna ku tusin qisadu waynida awoodda Eebbe iyo inuu wax walba karo, in cilmiga loo safro oo had iyo jeer la kororsado, oon la dhihin waan waynahay ama wax baan aqaan, day Nabi Muuse iyo ardaygiisaba, inayna jirin cid wax walba og oon Eebbe ahayn, Eebbana wuu canaantaa oo imtixaamaa cidduu doono siduu Nabi Muuse ku falay markuu cilmi sheegtay, in ogaanshaha iyo cilmiguba Eebbe agtiisa yihiin cidduu doonana baro. Al-Kahf (60-65)

 

  1. Wuxuu ku yidhi Muuse, “Ma ku raaci karaa inaad i bartid waxa lagu baray oo hanuun ah?”
  2. Wuxuuna ku yidhi [Khadir] “Adigu ma karaysid la-jirkayga samir.”
  3. “Seed ugu samri waxaadan koobin cilmi [aqoon]?
  4. Wuxuu yidhi [Muuse] “Waad i heli hadduu Eebbe doono mid ku samra oon kuguna caasiyin arrin.”
  5. Wuxuu yidhi, “Haddaad i raacdo hay waydiinin waxba intaan kaaga sheego [warramo].”
  6. Way tageen intay ka koreen markab oo uu rujiyey [loox] markaas uu yidhi, “Ma waxaad u-rujisay inaad dadkeeda maansheyso? Waxaad la timid arrin la kahdo.”
  7. Wuxuu ku yidhi, “Miyaanan ku dhihin adigu ma karaysid la-jirkayga samir.”
  8. Wuxuu yidhi [Muuse] “Ha ii qabanin waxaan halmaamay hana igu mashaqayn amarkayga si dhib ah.”
  9. Way tageen intay kala kulmaan wiil [yar] markaasuu dilay, markaasuu yidhi Muuse, “Ma waxaad dishay naf daahir ah oon naf dilin, waxaad la timid shay la kahdo.”
  10. Wuxuu yidhi, “Miyaanan kuu dhihin adigu ma karaysid la-jirkayga Samir?”
  11. Wuxuu yidhi, “Haddaan ku warsado wax tan dabadeed hayla saaxiibin waxaad gaadhay garowsho xaggayga ahe.”

 

Way is-raaceen Muuse iyo Khadir in Muuse wax la baro, taasina ceeb ma aha in cid wax ka qarsoomo oo ka barto cid kale haba ka waynaadee, hase yeeshee waxyaaluhuu sameeyey Muusana kula yaabay sida markabka looxa uu ka bixiyey iyo yarka uu dilay, had iyo jeerna wuxuu dhahaa, ‘Uma adkeysan kartid la socodkeyga.” Arrimaha Eebbe iyo xikmaddiisa yaana wax walba ka sarreeya. Al-Kahf (66-76)

 

  1. Way tageen intay ka yimaadaan magaalo oy warsadaan cunno dadkeeda wayna diideen inay marti-galiyaan waxayna heleen darbi dooni inuu dumo markaasuu joojiyey wuxuuna yidhi, “Haddaad doonto waxaad ka yeelan lahayd ujuuro.”
  2. Wuxuu yidhi, “Kan waa kala-taggii dhexdeenna, waxaana kaaga warrami fasiraadda waxaadan karin inaad ku samirto.”
  3. “Markabka waxaa lahaa masaakiin ka shaqqeeya badda waxaana doonay inaan ceebeeyo waxaana ahaa hortooda xaakim ka qaata doon kasta [oo fayow] dhaca.”
  4. “Wiilkana waxay ahaayeen labadiisii waalid mu‘miniin waxaana ka cabsannay inuu ku mashaqeeyo xad-gudub [iyo gaalnimo].”
  5. “Waxaana doonnay inuu ugu baddalo Eebbahood mid ka khayr-roon daahirnimo iyo u dhawi naxariis.”
  6. “Darbigana waxaa leh labo wiil oo agoon ah oo magaalada, waxaana hoostiisa ah kanzi ay leeyihiin wuxuuna ahaa aabbahood mid suubban, wuxuuna doonay Eebbahaa inay gaadhaan xooggooda lana baxaan kanzigooda naxariista Eebbahaa dartiis, uma falin ra’yigayga kaasi waa fasirka waxaadan karin samirkiisa.”

 

Way socdeen Muuse iyo Khadir intay ka yimaadaan magaalo oyna warsadeen cunno. Wayna u-diideen markaasay arkeen darbi dhacaya waxaana toosiyey Khadir. Markaasuu yidhi Muuse, “Maad ujuuro ka qaadatid?” Markaasuu yidhi Khadir, “Halkan waa meeshaan ku kala-tagaynay, wuxuuna u-fasiray arrimihii uu soo mariyey oo ah in markabka masaakiin lahayd kuna dhawaa xaakim xoogga doonta fiican saasna u wax yeelleeyey. Yarkuna ma fiicnayn wuuna dilay si uusan u-gaalayn waalidka, darbigana agoon aabbahood wanaagsanaa yaa lahaa waxaana ku hoos-jiray kanzi si ay ula baxaan, arrimahaasna waxay ku dhaceen idanka Eebbe, taasina waxay ku tusin in Eebbe ogyahay maslaxadda iyo waxa wanaagsan dadkase waxaa la faray wanaag iyo camal fiican. Al-Kahf (77-82).

Qisadan kuma tusineyso in ay u-bannaan tahay qof inuusan ku dhaqmin sharciga Islaamka isagoo sheeganayo cilmi qarsoon oo la siiyay darteed, waayo Khadar wuxuu ahaa Nabi loo waxyoonayay sida uu u yidhi “Kama sameyn ra‘yigeyga,” waxaad ogtahay in aan Nabigeenna Nabi ka dambeyn; culumadana waxay ku xukmiyeen gaalnimo qofkii saas sheegta, mana jiro cilmi baadin iyo cilmi daahir.

 

  1. Waxay ku warsan Dul Qarnayn xaggiisa, waxaad dhahdaa, “Waxaan idinku akhrin xaggiisa war [waxyi].”
  2. Annagaa makaninay [siinnay] xukun dhulka waxaana u-siinnay wax kasta sabab [cilmi].
  3. Wuxuuna raacay waddo.
  4. Markuu gaadhay qorrax-u-dhacna wuxuu helay iyadoo ku dhici il dhoobo ah [muuqaalka] wuxuuna ka helay agteeda qawm, waxaana nidhi “Dul Qarnaynow waa inaad cadaabto ama ka yeelato wanaag.”
  5. Wuxuuna yidhi, “Ruuxii dulmi fala waannu cadaabi [ciqaabi] markaasaa loo celin Eebbihiis wuuna cadaabi cadaab daran.”
  6. “Ruuxiise rumeeya oo fala wanaag wuxuu mudan abaal fiican waxaana u dhihi amarkannaga fudayd.”
  7. Markaasuu raacay waddo.
  8. Markuu gaadhay qorrax-kasoo-baxna wuxuu helay iyadoo ku soo baxda qawm aanaan yeelin sokeydeeda asturaad.
  9. Waa sidaas, waxaana ku koobnaa waxa agtaada ah ogaansho.

 

Qisada Dul Qarnayn iyo in Eebbe siiyey xukun ballaadhay oo gaadhay bari iyo galbeed iyo waxyaaluhuu la kulmay waa in ruuxa Muslimka ah rumeeyaa illeen Qur’aankaa sheegay Eebbana wuxuu doono wuu falaa, waxaana Qur’aanka ka muuqata inuu ahaa nin wanaagsan oo Xaqa rumeeyey. Arrinta la sheegi oo ah inuu ahaa kii dhisay Iskandiriyada Masar oon mu‘min ahayn waxaa diidi waxaan soo sheegnay iyo in culimada Islaamku sheegeen inuu ahaa nin mu‘min ah oo joogay waqtigii Nabi Ibraahiim, mana wanaagsana in lagu dagdago taariikhda inta la yaqiinsado, mana bannaana in war kale laga hor-keeno Qur’aanka oo la dhaho saasuu sheegi Qur’aanku xaalkuna waa saas, ruuxa rumeeyey waa inuu raaco Qur’aanka kaan rumeynna loo sheego hadduu rumeeyana wanaag haddii kalana wuu khasaaray. Al-Kahf (83-91)

 

  1. Markaasuu raacay waddo.
  2. Markuu gaadhay labada xidhmo dhexdooda wuxuu ka helay hortooda qawm aan garanayn hadal [af gaar ah ku hadla].
  3. Waxayna dheheen, “Dul Qarnaynow, Ya’juuj iyo Ma’juuj waxay fasaadin dhulka ee ma kuu yeellaa ujuuro inaad yeesho dhexdannada xidheen jidaar.”
  4. Wuxuu yidhi, “Wuxuu i makaniyey [i siiyey] Eebbahay yaa ka khayr-roon ee iigu caawiya xoog aan yeelo dhexdiinna xidheene.”
  5. “I siiya goosimo bir ah,” markuu ekeeyey labada dhinac dhexdooda wuxuu yidhi, “Afuufa [buufiya]” markuu ka yeelay dabna wuxuu yidhi, “I siiya aan ku shubee maar la dhalaaliyey.”
  6. Mana karayaan inay kasoo kor baxaan [kasoo dhacaan] mana karayaan inay duleeliyaan.
  7. Wuxuuna yidhi, “Kan waa naxariis Eebbahay, markuu yimaado yabooha Eebbahayna wuxuu ka yeelaa burbur, yabooha Eebbahayna waa Xaq [sugan].”

 

Waxaa socotay qisadii Dul Qarnayn intuu ka gaadho jidaar xidhan oo ku ag nool yihiin dad af gaar ah ku hadli oon saas loo garanayn, kana cawday Ya’juuj iyo Ma’juuj oo ah kuwo fasaadin dhulka oyna ka codsadeen inuu jidaar adag dhex-yeelo oy waxna siiyaan wuxuuse u-sheegay in Eebbe siiyey wax ka roon waxooda kana codsaday inay xoog ku kaalmeeyaan una keenaan biro, markuu ekeeyeyna uu ku shubay maar iyo bir la dhalaaliyey kamana soo bixi karaan, waana naxariis Eebbe markuuse yimaado yabooha Eebbe wuu burburiyaa, waana Xaq yaboohiisu. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu ku yidhi xadiith dheer, “Waxaa dhexdiinna ah [Qiyaamada] laba ummadood oo waxay ahaadaanba badiya, Ya’juuj iyo Ma’juuj.” Waana waajib in la rumeeyo jiriddooda, hase yeeshee xaggee iyo sidee wax ma tarto. Al-Kahf (92-98)

 

  1. Waxaannu ka yeeli qaarkood maalintaas kii qaarka [kale] dhex-gali waxaana la afuufaa suurka waana soo kulminnaa kulmin.
  2. Waxaana u-bandhigaynaa Jahannamo maalintaa gaalada bandhig.
  3. Waana kuway indhahoodu yihiin dabool dhexdiis xagga xuskayga mana aha kuwo kara [maqalka] Xaqa.
  4. Ma waxay u-maleeyeen kuwii gaaloobay inay ka yeesheen addoomadayda iga sokow awliyo [oy caabudaan]? Waana u-darabnay Jahannamo gaalada dagid.
  5. Waxaad dhahdaa, “Ma idiin warramaa kuwa khasaaro badan camallo?”
  6. “Waa kuwuu dhumay camalkoodu nolosha adduun iyagoo isuna malayn inay wanaajin camalka.”
  7. Kuwaasu waa kuwa ka gaaloobay aayaadka Eebbahood iyo la-kulankiisa oo buray camalkoodu umana joojinno maalinta Qiyaame miisaan [qiimana ma leh].
  8. Kaasina waa abaalkoodii Jahannamo, gaalnimadooda darteed, waxayna ka yeesheen aayaadkayga iyo Rasuulladayda jeesjees.

 

Maalinta Qiyaame waa maalin dhibaato badan ciddii Eebbe ka fududeeyo mooyee, waana maalin la kulmin dadka oyna is dhex-qaadi iskuna wareeri, gaaladana lagu kulmin Naarta, kuwaasoo ah kuwa Xaqa ka indha-beelay oon maqlaynna, gaalada Eebbe ka-sokow waxay caabudaan yeeshayna waxaa loo darbay Naarta Jahannamo. Kuwa ugu khasaara badanna waa kuwa camalkoodu ku dhumay adduunka isuna malayn inay wanaag fali, kana gaaloobay Qur’aanka iyo la-kulanka Eebbe, wax qiima ahna loo yeeli maayo Qiyaamada, illeen way gaaloobeen ooy ku jeesjeeseen Qur’aanka iyo Rasuulkaba, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaa la keeni Qiyaamada nin wayn oo shilis oon u-miisaanmayn garab kaneeco.” Sacad binu Waqaasna waxaa laga wariyey, “Kuwa ugu khasaaro badan camal waa Yuhuud iyo Nasaaro.” Waxayna ku tusin in la digtoonaado oo la toosnaado. Al-Kahf (99-106)

 

  1. Kuwa rumeeyey [Xaqa] oo fala camal fiican waxay u-ahaatay Jannada Firdowso degid [martiqaad].
  2. Wayna ku waari dhexdeeda mana doonaan inay xaggeeda ka wareegaan [guuraan].
  3. Waxaad dhahdaa, “Hadday u-noqoto badda khad Kalimooyinka Eebbahay waxaa dhammaan lahaa badda kahor dhammaanshaha Kalimaadka Eebbahay aaban keenno isagoo kale [oo siyaadin ah].”
  4. Waxaad dhahdaa, “Waxaan uun ahay anigu bashar [dad] idinkoo kale ah, waxaa lay waxyooday in uun yahay Ilaahiin Ilaah kaliya, ruuxiise dooni la-kulanka Eebbihiis ha falo camal fiican, yuuna la wadaajinna cibaadada Eebbihiis cidna.”

 

Mu‘miniinta camalka fiican wuxuu Eebbe u-darbay Jannada Firdowsa oyna ku waari ka guuridna ayna doonayn, sida adduunka la dooni in marba meel loo guuro ama loo wareego. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Haddaad Eebbe warsataan Janno warsada Jannada Firdowsa waa Jannada ugu sarreysa uguna wanaagsan, kana soo burqadaan wabiyada Jannada.” Bukhaari iyo Muslim. Markaas waxay suuraddu ku dhammaatay waasacnimada cilmiga Eebbe iyo inuusan dhammaanayn haddii geedaha qalin laga dhigo sida suurad kale caddaysay, badahana khad laga dhigo. Nabiguna waa dad hase yeeshee loo waxyooday in Ilaah kali yahay loona kali-yeelo camalka cid kalana lala wadaajin. Rabiic binu Anas wuxuu yidhi, “Cilmiga dadka dhammaan marka loo eego cilmiga Eebbe wuxuu lamid yahay dhibic badahoo dhan.” Xaakim). Taasina waxay ku tusin inaan cidna cilmi ku faani Karin, sheeganna karin. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Markuu Eebbe kulmiyo kuwii hore iyo kuwii dambaba maalin aan shaki lahayn waxaa dhawaaqa dhawaaqe, ‘Ruuxii la wadaajiyey camal Eebbe cid kale haka doonto abaalkiisa, Eebbe waa ka kaaftoon yahay wadaage.’” Imaam Axmed. Waxaa uun loo baahan yahay waa camal fiican oo Eebbe dartiis loo falo si Eebbe abaal wanaagsan looga helo. Al-Kahf (107-110)

 

Suurat Maryam

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Kaaf. Haa. Yaa. Cayn. Saad. [Waa lasoo sheegay kuwo lamid ah.]
  2. [Kanna] waa sheegid naxariista Eebbahaa addoonkiisa Zakariye.
  3. Markuu u dhawaaqay Eebbihiis dhawaaq qarsoodi ah.
  4. Yidhina “Eebbow anigu waan tabar yaraaday madaxayguna wuxuu la huray cirro, mana ahayn baryadaada Eebbow mid ku khasaara.”
  5. “Anigu waxaan ka cabsan qaraabada iga dambaysa [inay xumaadaan] haweenaydayduna waa ma-dhalays, iga sii agtaada wali [walad].”
  6. “I dhaxla [Nabinimada] oo dhaxla ehelkii Yacquub kana yeel Eebbow mid laga raalli noqdo.”
  7. Zakariyow annagu waxaanu kuugu bishaarayn wiil magaciisu yahay Yaxye oonaan u-yeelin horay wax lamid ah [la magac ah].
  8. Wuxuu yidhi, “Eebbow sidee iigu ahaan wiil iyadooy tahay haweeneydaydu ma-dhalays oon ka gaadhay waynida gabow.”
  9. Wuxuu yidhi, “Waa saas, wuxuuna Eebbaha yidhi, ‘Isagu waa ii fududdahay waana ku abuuray horay adoon ahayn waxba.’”

 

Nabi Zakariye yaa Eebbe waydiistay isagoo wayn haweenaydiisuna dhalin in Eebbe siiyo cid wanaagga iyo Nabinimada ka dhaxasha, Eebbana wuu aqbalay baryadiisii wuxuuna siiyey wiilkiisii Nabi Yaxye, markuu la yaabay xaalkiisa iyo kan ehelkiisa wuxuu Eebbe u-sheegay inay u-fududdahay illeen isagaba wuxuu abuuray isagoon waxba ahayne. Waxaa sugnaaday inaan Nabiyada laga dhaxlin xoolo ee laga dhaxlo cilmi. Tan kale waxay ku tusin in Eebbe aqbalo baryada addoomadiisa, wax walbana u fudud yahay hadduu doono, iyo in loo cabsado Diinta iyo wanaagga iyo Xaqa. Maryam (1-9)

 

  1. Wuxuu yidhi, “Eebbow ii yeel calaamo [Xaqnimada yaboohaada],” wuxuu yidhi [Eebbe] “Calaamaddaadu waa inaadan la hadlin dadka saddex habeen oo is-raacsan [adoo fayow].”
  2. Markaasuu ugaga soo baxay qawmkiisii mixraabka wuxuuna u-ishaaray xaggooda inay tukadaan aroor iyo galabba.
  3. [Waxaa loo yidhi] “Yaxyow ku qaado Kitaabka [Tawreed] xoog [dadaal]” waxaan siinnay xikmo isagoo yar.
  4. Iyo naxariis agtannada ka ahaatay, iyo daahirnimo wuxuuna ahaa dhawrsade.
  5. Iyo baarri labadiisa waalid mana ahayn daalim caasi ah.
  6. Nabadgalyo korkiisa ha ahaato maalinta la dhalay iyo maalintuu dhiman iyo maalinta lasoo bixin isagoo nool.
  7. [Ku xusuuso] Kitaabka Maryama, markay uga fogaatay ehelkeeda meel bari ah [bariga Qudsi].
  8. Oyna ka yeelatay xaggeeda astur, oon u-dirray xaggeeda ruuxannagii [Jibriil] oo isugu shabbahay dad eg.
  9. Una tidhi anigu waxaan kaa magan-galay [Eebbaha] Raxmaan ah haddaad tahay dhawrsade.
  10. Kuna yidhi, “Anigu waxaan uun ahay Rasuulka Eebbahaa inaan ku siiyo wiil daahir ah.”
  11. Waxayna tidhi, “Sidee iigu ahaan wiil anoosan i taaban dad, ahaynna mid xun [la tuhmo].”
  12. Wuxuuna yidhi, “Waa sidaas, wuxuuna yidhi Eebbahaa, ‘Wuu u fudud yahay korkayga iyo inaan uga yeello calaamad dadka iyo naxariis xaggayga ah waana arrin la xukumay [dhammeeyey].’”

 

Zakariye wuxuu Eebbe warsaday in calaamo loo yeelo arrinkaas, wuxuuna aamusnaa saddex habeen, wuxuuna ku hadlayey ishaaro, waxaana la siiyey Yaxye Kitaab iyo xikmo, naxariis iyo daahirnimo wuxuuna ahaa dhawrsade, u ah baarri labadiisa waalid, mana ahayn madax adke caasi ah, Eebbana waa nabad-galiyey maalintii la dhalay, tuu dhiman iyo maalinta lasoo bixin isagoo nool. Maryama qisadeedu waxay ahayd mid wayn, waxayna dhanka bari ee Qudsi ugaga qarsoontay dadkeedii, waxaana u-yimid Jibriil oo bashar ku shabbahan waxayna ka magan-gashay Eebbe, wuxuuna u-sheegay in Eebbe usoo diray si uu wiil u-siiyo, wayse yaabtay siday u-heli wiil iyadoon nin qabin, mid xun oo suuqa gashana ahayn, Eebbaase u-sheegay in awoodda Eebbe u fududdahay, yahayna xaal dhammaysan. Waana soo sheegnay in si dhab ahoo nadiif ah loo rumeeyo arrintan innagoo ka duwan Yuhuud halaag haku dhacee, illeen Eebbaha Xaqa ah yaa si xaq ah uga warramaye. Maryam (10-21)

 

  1. Way xambaartay [uurowday] waxayna u-fogaatay meel dheer [durugsan].
  2. Waxayna u-dhibaataysay fooshii jirrid timir waxayna tidhi, “Shalleytee maan dhinto kahor arrintan oon noqdo mid la halmaamo oo laga tago.”
  3. Wuxuuna uga dhawaaqay hoosteeda, “Ha murugoonin, wuxuu yeelay Eebbahaa hoostaada wabi [yar].”
  4. “Una gilgil xaggaaga jirridda timirta hakuu soo riddo korkaaga timir [curdan ah] oo fiicane.”
  5. “Ee cun oo cab qabowsana il [farax] haddaad ka aragto dadkana ruux waxaad dhahdaa, ‘Anigu waxaan ugu nadray [Eebbaha] Raxmaan oon u-soomi oonan la hadlin maanta cidna.’”
  6. Waxayna ula timid [Ciise] qawmkeeda iyadoo xambaarsan waxayna dheheen, “Maryamoy waxaad la timid wax wayn.”
  7. “Haaruun walaashiisay [u eg wanaagga] ma ahayn aabbahaa ruux xun, mana ahayn hooyadaa mid xun [la tuhmo].”
  8. Wayna u-ishaartay xaggiisa waxayna dheheen, “Sideen ula hadlaynaa ruux ku sugan sariir-ilmood isagoo yar.”

 

Wuxuu Eebbe kaga warramay aayadahan inay Maryan uurowday Nabi Ciise, oyna ka fogaatay qawmkeedii, kadibna fooshii ku qabatay timir agteed, markaas jeclaatay inay dhimatoo la halmaamo, waana loo dhawaaqay, inayan walbahaarin, geedka timirta ahna ay lusho si midho ugasoo daataan, waxaana loogu yeedhay inay ka cunto kana cabto togga, hadday aragto dadna ayan la hadlin, waxayna ula timid qawmkeedii iyadoo xambaarsan, waxayna dheheen Maryamow waxaad la timid wax wayn, aabbahaa iyo hooyadaa midna ma xumayn, waxayna u-ishaartay inay yarka la hadlaan iyagoo leh seen ula hadlaynaa ilmo sariirta jiifa. Waxaan soo sheegnay inay waajib tahay in awoodda Eebbe la rumeeyo loona hoggaansamo Eebbe iyo sharcigiisa. Maryam (22-29)

 

  1. Wuxuuna yidhi [Ciise] “Anigu waxaan ahay addoon Eebbe, wuxuuna i siiyey Kitaabka [Injiil] wuxuuna iga yeelay Nabi.”
  2. “Wuxuuna iga yeelay mid la barakeeyey meel kastoon ahay, wuxuuna ii dardaarmay salaadda iyo zakada intaan noolahay.”
  3. “Wuxuuna iga yeelay baarriga waalidaday [hooyaday] igamana yeelin madax-adage xun.”
  4. “Nabadgalyana ha ahaato korkayga maalintii lay dhalay iyo maalintaan dhiman iyo maalinta laysoo bixin anoo nool.”
  5. Kaasi waa Ciise ibnu Maryama, waana hadalka Xaqa ah ee ay shakin.
  6. Kuma habboona Eebbe inuu yeesho ilmo, waana ka nazahan yahay, markuu doono xukun [amar] wuxuu uun dhahaa “Ahaw,” wuuna ahaan.
  7. Ilaahay waa Eebbahay iyo Eebbihiin ee caabuda, kaasaa ah Jidka Toosane.
  8. Wayse is-khilaafeen xizbiyadii dhexdooda wuxuuna halaag uga sugnaaday kuwii gaaloobay kulan maalin wayn.
  9. Maqli ogaa oo arki ogaa maalintay noo imaan, hase yeeshee daalimiintu maanta waxay ku sugan yihiin baadi cad.
  10. Uga dig iyaga maalin qoomama marka la xukmin amarka iyagoo ku sugan halmaansho oon rumeynayn.
  11. Annagaa dhaxli dhulka iyo waxa korkiisa ah xagganagaana laydiin soo celin.

 

Eebbaa ka hadliyey Nabi Ciise, wuxuuna sheegay inuu yahay addoon Eebbe oosan ahayn ilaah, Kitaabna siiyey Nabina ka dhigay, barakeeyeyna meel kastoos joogo, farayna salaadda iyo zakada intuu nool yahay iyo baarrinimada hooyadiis. Ahayna mid xun, nabadgaliyana meel kasta uu ahaan, qisadiisuna waa xaq, Eebbana waa ka nazahan yahay ilmo yeelasho, wax walbana waa u fudud yahay, Eebbana waa waaxid, inkastooy gaaladu isku-khilaaftay oo halaag u-sugnaan Qiyaamada, oyna aad wax u-maqli una arki maalinta Qiyaame ee Eebbe u-hadhi wax kasta. Maryam (30-40)

 

  1. Ku sheeg Kitaabka [Nabi] Ibraahiim, wuxuu ahaa run-badane Nabi ah.
  2. Markuu ku yidhi aabbihiis, “Aabbow maxaad u-caabudi waxaan maqlayn waxna arkayn kaana deeqayn waxba.”
  3. “Aabbow aniga waxaa ii yimid cilmi waxaan adi kuu imaanin ee i raac aan kugu hanuuniyo Jid Toosane [Xaqa].”
  4. “Aabbow ha caabudin Shaydaan, Shaydaanku wuxuu u yahay Eebbaha Raxmaan ah caasi.”
  5. “Aabbow anigu waxaan ka cabsan inuu ku taabto cadaabka Eebbaha Raxmaan ah ood u-noqoto Shaydaan qaraabo.”
  6. Wuxuu yidhi [aabbihiis] “Ma waxaad nici adigu ilaahyadayda Ibraahiimow haddaadan joogin waan ku dhagaxyeyn ee iga tag waligeed.”
  7. Wuxuu yidhi [Nabi] Ibraahiim, “Nabadgalyo korkaaga ha ahaato waan kuu dambi-dhaaf warsan adiga Eebbahay, Eebbe waa ii naxariiste.”
  8. “Waana idinka fogaan idinka iyo waxaad caabudaysaan oo Eebbe kasoo hadhay, waxaana baryi Eebbahay, waxaana mudan inaanan ku noqonin baryada Eebbahay mid ku xumaada [khasaara].”

 

Qisada Nabi Ibraahiim iyo aabbihiis iyo qawmkiisii wax badan yuu Qur’aanku ka warramay, halkanna waxaa ka muuqda siduu Nabi Ibraahiim ugu dadaalay wax u-sheegga aabbihiis iyo wuxuu ugu jawaabay, waxaana muuqda baarrinimadiisii oo ruux walba laga rabo inuu u wanaag-falo waalidkiis Diintaba ha kala duwanaadeene. Markuu ka noogay lana hadiday yuu u dambi-dhaaf warsaday oo saameeyey waana intaan laga reebin wali, waana taas lagu kala-tagay Diinta darted, illeen Diintu ma laha gorgortan iyo qaraabanimo, haddii Xaqa la diidee. Maryam (41-48)

 

  1. Markuu ka fogaaday iyaga iyo waxay caabudi oo Eebbe kasoo hadhay waxaan siinnay Isxaaq iyo Yacquub mid kastana waxaan ka yeellay Nabi.
  2. Waxaana ka siinnay naxariistannada [wanaag] waxaana u-yeellay amaan run ah oo sarraysa.
  3. Ku sheeg Kitaabka [Nabi] Muuse wuxuu ahaa Rasuul Nabi ah.
  4. Waana uga dhawaaqnay dhinaca [buurta] Duur ee midigta ah, waana soo dhawaynay annagoo la hadli.
  5. Waxaana ka siinnay naxariistannada walaalkiis Haaruun oo Nabi ah.
  6. Kuna sheeg Kitaabka [Nabi] Ismaaciil, wuxuu ahaa rumeeyaha yabooha wuxuuna ahaa Rasuul Nabi ah.
  7. Wuxuuna ahaa mid fara ehelkiisa salaadda iyo zakada, wuxuuna ahaa mid Eebbe agtiisa lagaga raalli yahay.
  8. Kuna sheeg Kitaabka [Nabi] Idriis, wuxuu ahaa run-badane Nabi ah.
  9. Waxaana u kor-yeellay meel sare.
  10. Kuwaas waa kuwuu u-nicmeeyey Eebbe oo Nabiyadii ah, oo durriyadii Aadam ah, iyo kuwaan xambaarray la-jirka [Nabi] Nuux iyo durriyaddii Nabi Ibraahiim iyo Israa‘iil iyo kuwaan hanuuninay oon doorannay, marka lagu akhriyo korkooda aayaadka Eebbaha Raxmaan ah way dhacaan iyagoo sujuudi oo ooyi.

 

Markuu Nabi Ibraahiim isaga tagay aabbihiis iyo qawmkiisii yaa Eebbe siiyey Isxaaq iyo wiilkiisii Yacquub, Eebbana ka yeelay Nabiyo, Eebbana u-naxariistay magac fiicanna u-yeelay, sidoo kale qisada Nabi Muuse iyo walaalkiis Haaruun iyana wax badan yey kusoo aroortay Qur’aanka. Sidoo kale Nabi Ismaaciilkii fari jiray salaadda iyo zakada, iyo Nabi Idriiskii runta badnaa. Waana Nabiyada Eebbe u-nicmeeyey marka aayaadka Eebbe lagu akhriyana sujuuda oo ooya. Maryam (49-58)

 

  1. Waxaase ka gadaal-maray kuwo xun oo dayacay salaadda oo raacay waxay naftoodu doonto [oo xun] waxayna la kulmi shar.
  2. Cidda tawbad-keenta oo rumeysa oo camal fiican fasha mooyee, kuwaasu waxay gali Jannada lagamana dulmiyo waxba.
  3. Jannooyinka Cadni [yey gali] ee ah tuu u-yaboohay [Eebbaha] Raxmaan ah addoomadiisa, iyagoo maqan, wuuna ahaan yaboohiisu kii yimaada.
  4. Kuma maqlaan dhexdeeda hadal macno darro, ee waxay maqlaan salaan, waxayna ku mudan rizqigooda dhexdooda aroor iyo galabba.
  5. Taasi waa Jannada aannu dhaxalsiin addoomadannada kooda ah mid dhawrsada.
  6. Kuma soo dagno amarka Eebbahaa mooyee, waxaa u-sugnaaday waxa horteenna ah, iyo waxa inaga dambeeya iyo waxa u-dhexeeya arrintaas, mana aha Eebbahaa mid halmaansan.
  7. Waa Eebbaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeya ee caabud kuna samir cibaadadiisa, ma u ogtahay Eebbe wax lamid ah [oo la-magac ah]?

 

Waxaase ka gadaal-maray kuwo xun oo salaadda dayacay, xumaanta raacay, oo la kulmi doona ciqaab daran, ciddiise tawbad-keenta oo camal fiican fasha waxay gali Janno lamana dulmiyo, waxayna mudan Jannadii Eebbe u-yaboohay, oy wanaag oo dhan ka heli, xumaanoo dhanna ka dheeraan. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Addoonka iyo gaalnimada waxaa u-dhexeeya salaadda.” Muslim. Malaa‘igta Eebbana waxay uun ugusoo dagi jirtay amarka Eebbe iyo idankiisa, Eebbana waa Eebbaha Xaqa ah ee samooyinka iyo dhulka wax lamid ahna ama la-magac ahna ma jiro. Maryam (59-65)

 

  1. Wuxuu dhihi dadkii [gaalka] “Ma markaan dhinto yaa laysoo bixin anoo nool?”
  2. Miyuuna xusuusanayn dadku anagu inaanu abuurnay horay isagoon waxba ahayn.
  3. Eebbahaan ku dhaartaye waannu kulmin iyaga iyo shayaadiinta, waxaana keenaynaa gaararka Jahannamo iyagoo fadhiya.
  4. Markaas waxaannu ka siiban koox kasta midkooda ugu daran madax-adayg [gaalnimada].
  5. Annagaa og kuwa mudnaan badan galidda Naarta.
  6. Cid idin kamid ah oon ku aroorayn ma jiro Naarta, arrintaasna waxay ku ahaatay Eebbahaa wax go‘an oo xukuman.
  7. Markaas waxaannu korin kuwa dhawrsaday, waxaannu kaga tagi daalimiinta dhexdeeda iyagoo jilbo u-fadhiya.
  8. Marka lagu akhriyo korkooda aayaadkannaga oo cad cad waxay u-dhihi kuwii gaaloobay kuwa rumeeyey, “Labada kooxood midkee khayr-roon nagaadi oo wanaagsan kulan [fadhi]?”
  9. Badanaa intaan halaagnay hortood quruun ka fiican xoolo [iyo dhar] iyo aragba.

 

Soo-bixinta iyo Qiyaamadoo la diido waa caadada gaalada, Eebbese waa kan abuuray iyagoon waxba ahayn, soona kulmin gaalada iyo shayaadiinta galina Naarta Jahannamo, Eebbaana og cidda mudan arrintaas, waana lawada mari jidka Naarta ee Eebbaana ka korin kuwa dhawrsaday, kuna daadin daalimiinta oo dullaysan, waana kuwa marka Xaqa iyo Qur’aanka lagu akhriyo ugu jawaaba faan iyo wanaag sheegasho. Imisuuse Eebbe halaagay kuwo xoolo iyo arag wacan? Ibnu Mascuud wuxuu yidhi, “Waa lagu wada aroori Naarta markaasaa cid walbana waxaa lagusoo bixin camalkiisa.” Taasina waxay muujin inaan xaalku fududayn, waajibna tahay in la darbado. Maryam (66-74)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Ciddii baadi ku sugan ha u-fidiyo [sugo] Eebbaha Raxmaan ah fidin, markay arkaan waxaa loogu gooddiyey ama cadaab ah ama Saacadda [Qiyaame] waxay ogaan cidday xumaan badan tahay gurigiisu oo tabar yar junuud [ciidamo].”
  2. Wuu u-siyaadiyaa Eebbe kuwa hanuunay hanuun, kuwa hadha ee suubban [camalka] yaa khayr-roon Eebbahaa agtiisa abaal-marin, khayrna roon meel laysu celiyo.
  3. Ka warran midka ka gaaloobay aayaadkannaga oo yidhi, “Waxaa lay siin [Aakhiro] xoolo iyo carruur.”
  4. Ma wuxuu daalacday waxa maqan, mise wuxuu ka yeeshay Eebbaha Raxmaan ah agtiisa ballan?
  5. Saas ma aha ee waannu qori wuxuu sheegi, waxaana u-fududaynaa [kordhin] cadaabka fidin.
  6. Waana dhaxlaynaa wuxuu sheegi wuxuuna noo imaan kali.

 

Ciddii baadida iyo xumaanta ku madax-adaygta Eebbana waa usii badiyaa, markaasay ogaan Qiyaamada cadaab iyo cidda tabar yar oo xun. Kuwa hanuunayse wuxuu u-siyaadiyaa Eebbe hanuun, camalka fiican yaana hadhi oo wax tari kuna khayr-roon Eebbe agtiisa. Kuwa gaaloobayse ee sheegan in la siin carruur iyo xoolo ma waxay daalacdeen waxa maqan, mise Eebbey ballan la dhigteen? Saas ma aha ee waa la qori waxay sheegi, cadaabna waa loo badin, wuxuuna imaan Qiyaamada kali. Maryam (75-80)

 

  1. Waxay yeesheen Eebbe ka-sokow ilaahyo inay ugu noqdaan cizzi [tabar].
  2. Saas ma aha ee waxay ka gaaloobi cibaadadooda, waxayna ku noqon korkooda lid [col].
  3. Miyaadan ogayn inaan ku dirro shayaadiinta gaalada oy boorrin [baadiyeyn] baadi.
  4. Ee haku degdegin korkooda, waannu uun u-tirin tiree.
  5. Xusuuso maalintaan u-kulmineyno kuwa dhawrsaday Eebbaha Raxmaan ah iyagoo wafdi ah.
  6. Oon u-kaxaynayno dambiilayaasha xagga Jahannamo iyagoo aroora.
  7. Mana hantaan shafeeco cid ka yeelata Eebbaha Raxmaan ah agtiisa ballan mooyee.
  8. Waxay dheheen [gaaladu] “Wuxuu yeeshay Eebbaha Raxmaan ah ilmo.”
  9. Waxaad la timaadeen wax wayn.
  10. Oy u dhawdahay samooyinku inay la dillaacaan lana jeexmo dhulku oy la hoobato buuruhu burbur.
  11. Inay u-sheegeen Eebbaha Raxmaan ah ilmo.
  12. Kuma habboona Eebbaha Raxmaan ah inuu yeesho ilmo.

 

Wuxuu ka warrami Eebbe inay gaaladu yeesheen ilaahyo Eebbe kasoo hadhay inay cizzi iyo gargaar ka helaan, saasna ma aha ee way diidi doonaan Qiyaamada colna way u-noqon. Shaydaan iyo gaalna waa saaxiib ku kicin xumaanta, ee samir wax walba wuxuu leeyahay waqtiye. Tan kale maalinta Qiyaame wuxuu Eebbe soo kulmin kuwa dhawrsada iyagoo wafdi sharaf leh ah, dambiilayaashana waxaa loo kaxayn xagga Jahannamo iyagoo aroori, wax Eebbe kasoo hadhay oo shafeeco hantana ma jiro, cid ballan ku yeelatay Eebbe agtiisa mooyee, Eebbana ilmo ma yeelan, warkaasina waa arrin wayn oy u dhawdahay in cirku iyo dhulku la dillaaco, buuruhuna la burburi gaadhaan, illeen Eebbey ilmo ku sheegeene, taasina kama suurowdo Eebbe. Cali binuu Abii Daalib wuxuu yidhi, “Kuwa dhawrsada waxaa lasoo kulmin iyagoo gaadiid fiican saaran, intay ka garaacaan albaabka Jannada.” Maryam (81-92)

 

  1. Wax kastoo samada iyo dhulka ku sugan wuxuu u-imaan Eebbe isagoo addoon ah.
  2. Wuu koobay Eebbe wuuna tiriyey tiro.
  3. Dhammaantoodna waxay u-imaan Eebbe Qiyaamada iyagoo kali ah.
  4. Kuwa Xaqa rumeeyey ee camal fiican falay wuxuu u-yeeli Eebbaha Raxmaan ah jacayl.
  5. Waxaan uun ugu fududaynay [Qur’aanka] carrabkaaga inaad ugu bishaarayso [Qur’aanka] kuwa dhawrsada uguna digtid qawm dood badan [oo xun].
  6. Badanaa intaan halaagnay hortood qarni, ma ka kasaysaa xaggooda [aragtaa] ruuxna? Ama ma ka maqli xaggooda cod?

 

Cirka iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeyaba waxa ku sugan Eebbaa iska leh, oyna cid walbaa u-imaan Qiyaamada iyadoo kaligeed ah. Eebbana waa koobay khalqiga waana u tirsan yahay, ciddii Xaqa rumeysa wanaagna sameysa wuxuu Eebbe u-yeeli jacayl. Siduu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) sheegay, in markuu Eebbe jeclaado ruux uu faro Jibriil inuu jeclaado markaasuu Jibriil u-dhawaaqaa ehelka samada inay jeclaadaan, markaasaa dhulkana aqbal loogu yeelaa, cadhaduna waa sidaas. Qur’aankana Eebbaa u-sahlay carrabka si loogu bishaareeyo kuwa dhawrsada, uguna digo gaalo madax-adag oo muran badan. Wax badan baana la halaagay quruumo ka horeeyey, wax raad ahna aan laga arkayn wax shanqadh ahna aan laga maqlayn. Cismaan binu Caffaan wuxuu yidhi (Eebbe haka raalli noqdee) “Ruux kastoo khayr fala ama shar fala wuxuu Eebbe huwiyaa marada camalkiisa.” Maryam (93-98)

 

Suuratu Daa-Haa

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Daa. Haa. [Nabiyow, micna kalana waa la sheegaa.]
  2. Maanaan dejin korkaaga Qur’aanka inaad ku dhibbooto.
  3. Waase waanada ciddii cabsan.
  4. Waana soo-dejinta Eebbaha abuuray dhulka iyo samooyinka sare.
  5. Eebbaha Raxmaan ah Carshiguu ku istawooday [si u cunanta].
  6. Waxaana u-sugnaaday waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan iyo waxa u-dhexeeya iyo waxa ka hooseeya dhulka.
  7. Haddaad kor u-qaaddo hadalka Eebbe waa ogyahay waxa qarsoon iyo waxa la qariyey.
  8. Eebbe ilaah kale [xaq lagu cabudo] ma jiro isaga mooye, waxaana u-sugnaaday magacyo fiican.
  9. Ma kusoo gaadhay warkii [Nabi] Muuse?
  10. Markuu arkay dab oo u yidhi ehelkiisa, “Nagaada [suga] anigu waxaan arkaa dabe, waxaana u-dhawahay inaan idiinka keeno dhuxul ama aan ka helo dabka korkiisa cid wax tusisa.”

 

Qur’aanka Eebbe uguma soo dejin Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu ku dhibtamo siday gaaladii sheegeen ee Qur’aanku waa digniin iyo soo-dejin Eebbaha Sare ee awoodda leh, wax walbana hanta, wax walbana og kor iyo hoosba, isaga mooyee ilaah kale (xaq lagu caabudo) ma jiro, magacyo fiican baana u-sugnaaday. Qisadii Nabi Muuse iyo iftiinkuu arkay iyo siduu xaalkiisu ahaana wax badan yuu Qur’aanku ka warramay, si Nabiga loo xoojiyo, loona samirsiiyo. Qur’aankuna waa khayr iyo wanaag iyo naxariis, waxaana ku dadaala cid khayr leh. Waxaana sugnaatay, “Ruuxuu Eebbe khayr la doono wuxuu kasisiiyaa Diinta.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Daa-Haa (1-10)

 

  1. Markuu yimid [Muuse] dabkii waxa loogu dhawaaqay, “Muusow!”
  2. “Anigu waxan ahay Eebbahaa ee siib kabahaaga adigu waxaad ku sugan tahay toggii daahirnaa ee Duwaa.”
  3. “Anaana ku doortay ee maqal waxa laguu waxyoon.”
  4. “Anigu waxaan ahay Alle, ilaah [kalana xaq lagu caabudo] ma jiro Ani mooyee, ina caabuda, oogna salaadda xuskayga.”
  5. “Saacadda [Qiyaame] way imaan waxaana u-dhawahay inaan qariyo in laga abaal-mariyo naf kasta waxay camal fashay.”
  6. “Ee yuusan kaa iilin xaggeeda ruuxaan rumeyn Saacadda, raacayna hawadiisa [xun] ood halaagsanto.”
  7. “Waa maxay taas midigtaada ku jirta Muusow?” [Ogaal waydiin.]
  8. Wuxuu yidhi, “Iyadu waa ushaydii waa cuskadaa korkeeda waxna waan ugu lulaa adhigayga dana kalana waa iigu sugnaadeen.”
  9. Wuxuu yidhi [Eebbe] “Tuur usha Muusow.”
  10. Wuuna tuuray waxayna soo baxday mas ordi.
  11. Wuxuuna yidhi [Eebbe] “Qaad hana cabsanin waxaannu ku celin xaalkeedii horee.”

 

Markuu Nabi Muuse soo gaadhay nuurkii yaa la faray inuu siibo kabaha illeen toggii daahirka ahaa ee Duwaa yuu ku sugan yahaye. Eebbana wuu doortay Nabi Muuse waxaana loo waxyooday inaan Ilaahay mooyee Eebbe kale jirin iyo salaadda dar Eebbe u-oogo. Saacadduna way iman shaki-la‘aan, naf walbana waa la abaal-marin ee yaan Jidka Toosan kaa leexinin cidaan rumeynin oo raacay xumaan oo halaagsamay. Markaasaa Eebbe ka warramay ushii Nabi Muuse iyo xaalkeedii sida meela badan lagu sheegay, taasina waxay ku tusin awoodda Eebbe. Daa-Haa (11-21)

 

  1. “U dum gacantaada garabkaaga waxay soo bixi iyadoo cad xumaan-la‘aan, waana calaamad kale.”
  2. “Inaan ku tusinno aayaadkannaga weyn.”
  3. “Ee aad xagga Fircoon wuu xad-gudbaye [kibray].”
  4. Wuxuu yidhi [Muuse] “Eebbow ii waasici laabta.”
  5. “Iina sahal [fududee] amarkayga.”
  6. “Furna guntinta carrabkayga.”
  7. “Ha kaseen hadalkeygee.”
  8. “Iina yeel wasiir ehelkeyga ah.”
  9. “Haaruun walaalkay.”
  10. “Kuna adkee [xooji] tabartayda [dhabarkayga].”
  11. “Lana wadaaji amarkayga.”
  12. “Inaan kugu tasbiixsanno wax badan.”
  13. “Oon ku xusno wax badan.”
  14. “Adugu waxaad tahay mid na arkee.”
  15. Wuxuu yidhi [Eebbe] “Waa lagu siiyey warsigaagii Muusow.”
  16. “Waana kugu mannaysannay wanaag [ku siinnay] korkaaga mar kale.”
  17. “Markaan u-waxyoonay hooyadaa [ku ilhaamay] wixii lagu ilhaameeyey.”
  18. “Ku tuur Muuse taabuud, kuna tuur taabuudka hirka badda, hirkuna haku rido xeebta, waxaa qaadan colkayga iyo colkiisa [Fircoon], waxaana kugu tuuray jeceylkeyga korkaaga iyo in lagu barbaariyo ilaalintayda.”

 

Aayadahani waxay ka warrami sida Eebbe u-xoojiyey Nabi Muuse una siiyey gacan nuura cudur-la‘aan, una faray inuu aado Fircoon una digo, una waasiciyey laabtiisa, amarkiisana u fududeeyey, carrabkiisana u-wanaajiyey si ay u-kasaan hadalkiisa, walaalkiis Haaruunna Nabi wasiir ah ka dhigay, inay Eebbe uwada caabudaan, iyo in Eebbe ka aqbalay Nabi Muuse baryada Eebbe, una wanaag-falay yaraantiisii markuu ka nabad-galiyey colkiisii Fircoon, hooyadiina ku celiyey. Taasina waxay ku tusin sida Eebbe u-ajiibay baryada mu‘miniinta, iyo in Xaqu guusha yeelan iyo in wanaagga laysla doono. Daa-Haa (22-39)

 

  1. “[Waxaan kugu mannaysanay] markay socotay walaashaa oy lahayd, ‘Maydin tusiyaa ruux idiin dhaqaalayn?’ Waxaana kugu celinnay hooyadaa si ay u-qabowdo isheedu, oyna murugoon, waxaadna dishay naf waana kaa korinnay walbahaar, waana ku imtixaanay imtixaan, waxaadna ku nagaatay sanooyin ehelkii Madyan, markaasaad ku timid qaddar [Eebbe] Muusow.”
  2. “Waxaana kuu doortay Naftayda.”
  3. “Ee la taga adiga iyo walaalkaa aayaadkayga hana ka daalina xuskayga.”
  4. “Aad xagga Fircoon wuu xad-gudbaye.”
  5. “Una dhaha hadal jilicsan bal inuu wax xusuusto ama cabsado.”
  6. Waxay dheheen, “Eebbow waxaannu ka cabsan inuu nagu degdego ama nagu xad-gudbo.”
  7. Wuxuu yidhi [Eebbe] “Ha cabsanina Anaa idinla jira waana maqli oon arkaa.”
  8. “Ee u-taga [Fircoon] una dhaha, ‘Annagu waxaan nahay Rasuulladii Eebbahaa ee dir [u-daa] banii-Israa‘iil hanala jireene, hana cadaabin [ciqaabin] waxaan kuula nimid aayad xagga Eebbahaa, nabad-galyana ha ahaato ruuxii raaca hanuunka.’”

 

Aayadahanna waxay daba-joogaan kuwii hore, waxayna ka warrami sida Eebbe u-nabadgaliyey Nabi Muuse una doortay, uguna diray Fircoon, una faray inay hadal jilicsan kula hadlaan, cabsi iyo xumaanna ayna ka yaabin, oy warsadaan inuu ka tago banii-Israa‘iil ha raaceen Xaqee oosan addoonsan. Waxayna tusin in Xaqa dadka si cad iyo fudud loogu yeedho oon canaan iyo caytan lahayn, sida Eebbe faray Nabi Muuse, Nabiga Muxammad ahna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) uu faray falayna sida ka muuqata warqaduhuu u-qoray Hiriqlihii Ruum, oo ahaa, “Islaam aad nabad gashid, Eebbana haku siiyo ajirkaaga laba jeere.” Waana taas aadaabta Islaamku. Daa-Haa (40-47)

 

  1. “Annaga waxaa naloo waxyooday in cadaab u-sugnaaday ruuxii beeniya [Xaqa] oo jeedsada.”
  2. Wuxuu yidhi [Fircoon] “Waayo Eebbihiin Muusow?”
  3. Wuxuu yidhi [Muuse] “Eebbahanno waa kan siiya wax kasta abuurkiisa oo toosiyey.”
  4. Wuxuu yidhi [Fircoon] “Sidee yahay xaalkii quruumihii hore?”
  5. Wuxuu yidhi [Muuse] “Cilmigoodu waa Eebbe agtiis kitaab aan ka dhumeyn Eebbe uuna halmaameyn.”
  6. Waa Eebbaha ka yeelay dhulka gogol, oo idinka bixiyey dhexdeeda waddooyin oo idiinka soo dejiyey samada biyo oon kusoo bixinnay noocyo doog ah oo kala tagsan.
  7. Ee cuna oo daajiya xoolihiinna, arrintaasna calaamooyin yaa ugu sugan kuwa caqliga leh.
  8. Xaggeedaan [dhulka] idinka abuurnay, dhexdeedana idinku celin, xaggeedaana laydinka soo bixin mar kale.
  9. Waxaan dhab ahaan u-tusinnay [Fircoon] aayaadkannaga dhammaan, wuuna beeniyey oo diiday.

 

Markuu Nabi Muuse Xaqa u-caddeeyey Fircoon uguna yeedhay ugana digay ciqaab yuu isla-weynaaday warsadayna Eebbaha Muuse isagoo is-moogaysiin caqli-xumo darteed, wuxuuse u-caddeeyey Nabi Muuse in Eebbe yahay kan tusiya wax kastoos abuuray maslaxadiisa, mid dayaca ama halmaamana ahayn, waana kan dhulka gogol ka yeelay, waddooyinna ka bixiyey, cirkana biyo ka keenay, kuna soo bixiya cunno kala duwan, oo calaamad u ah kuwa caqliga leh, waana Eebbaha dadka dhulka ka abuuray, kuna celin, kana soo bixin Qiyaamada. Daalimse had iyo jeer Xaquu diidaa sidii Fircoonkii si walba wax loo tusiyey ee beeniyey Xaqa diidayna. Ciddii caqli lehse waa inay fikirtaa kana leexataa waddadii Fircoon iyo waxa lamid ah. Daa-Haa (48-56)

 

  1. Wuxuu yidhi [Fircoon] “Ma waxaad noola timid inaad nagaga bixiso dhulkannaga sixirkaaga Muusow?”
  2. “Waxaannu kuula imaanaynaa sixir lamid ah ee noo yeel dhexdeenna ballan aynaan baajinayn anaga iyo adigu meel eg [la yaqaan].”
  3. Wuxuu yidhi [Nabi Muuse] “Ballankeennu waa maalinta quruxda [kulankooda] waana in lasoo kulmiyo dadka barqin.”
  4. Wuuna jeedsaday Fircoon wuxuuna kulmiyey dhagartiisii wuuna yimid.
  5. Wuxuu ku yidhi Muuse, “Magaciin ba’ haku abuuranina Eebbaha korkiisa been oos idinku halaago cadaab, waxaana khasaaray ruuxii been-abuurta.”
  6. Waxayna ku doodeen amarkooda dhexdooda wayna faqeen.
  7. Waxayna dheheen, “Labadani waa saaxirro waxayna dooni inay idinkaga bixiyaan dhulkiinna sixirkooda oy la tagaan dariiqadiinna [sharaftiinna] fiican.”
  8. “Ee kulmiya dhagartiinna, imaadana idinkoo saf ah, waxaa liibaanay maanta ciddii sarreysee.”

 

Wali waxaa socda qisadii Nabi Muuse iyo daalimkii Fircoon ahaa, meelo badan yeyna Qur’aanka kaga soo aroortay, inkastoo mid walba micna gaar ah tusin, halkanna wuxuu sheegay in Nabi Muuse dooni inuu kaga bixiyo dhulka sixir. Wuxuuna kulmiyey sixiroolayaalkii waqtina waa la muddaystay, hase yeeshee Nabi Muuse wuu waaniyey dadkaas wuxuuna uga digay xumaanta. Taasina waxay ku tusin in had iyo jeer Xaqa la faro, inkastoo Fircoon kiciyey dadkii guubaabiyeyna, isagoo ku beer jileecsan, Nabi Muuse inuu rabo sharaftooda iyo dawladnimadooda qaato, dhulka masarra dooni inuu isagu u-hadho, taasina waa afka xumaanlow, ee waxaa dhab ah inuu Nabi Muuse iyo mu‘miniintuba ay rabaan wanaag, nabad-galyo iyo in Xaqu sarreeyo, xumaantuna dhammaato. Daa-Haa (57-64)

 

  1. Waxay dheheen, “Muusow ama tuur usha ama aan anagu ahaanno kuwa hor tuura.”
  2. Wuxuu yidhi [Muuse] “Bal tuura,” waxaana soo baxay xargahoodii iyo ulahoodii oo loogu ekeysiiyey sixirkoodii inay ordi.
  3. Wuxuuna ka kasay naftiisa cabsi Muuse.
  4. Waxaana nidhi, “Ha cabsan adigu adaa sarreyne.”
  5. “Tuur waxa midigtaada ku jira ha gurato waxay sameeyeene, waxay uun sameeyeen dhagar sixir, mana liibaano sixirrow meeshuu yimaaddo.”
  6. Waxaa la riday saaxiriintii iyagoo sujuudi, waxayna dheheen, “Waxaan rumeynay Eebbaha Haaruun iyo Muuse.”
  7. Wuxuuna yidhi [Fircoon] “Miyaad u-rumeyseen kahor idankayga? Isagu waa kan idinku wayn ee idin baray sixirka, waxaan goyn gacmihiinna iyo lugihiinna si is-dhaaf ah waxaana idinku [daldali] wadhi jirrid timir, waxaadna ogaanaysaan midkannaga daran cadaab hadhidna badan.”
  8. Waxay dheheen, “Ka dooran meyno waxa noo yimid oo xujo ah iyo Eebbaha na abuuray, ee xukmi waxaad xukumi, waxaad uun xukumi nolosha adduunyo.”
  9. “Annagu waxaan rumeeynay Eebbahanno inuu noo dhaafo gafafkannaga iyo waxaad nagu qasabtay [Fircoon] oo sixir ah, Eebbaa khayr-roon oo hadhi.”

 

Dadkii Fircoon kusoo kulmiyey inay kala hortagaan Nabi Muuse sixir waxay arrintii noqotay in laga adkaaday waxay dhoobdhoobeen waxna tarin, markaas rumeeyeen Xaqii Fircoonna ciqaabay, umase aabbayeelin mar hadday arkeen Xaqii, waana kaas Xaq iyo xumaan, cidhibta fiican iyo sharaftiina Xaqaa yeeshay, dulli iyo ceebna Fircoon iyo qawmkiisii yey ku hadhay. Daa-Haa (65-73)

 

  1. Ruuxii u-yimaada Eebbihiis [Aakharo] isagoo dambiile ah waxaa u-sugnaaday Jahannamo kumana dhinto dhexdeeda kumana noolaado.
  2. Ruuxiise u-yimaada isagoo mu‘min ah oo falay camal fiican kuwaas waxaa u-sugnaaday Jannooyinka sare.
  3. Jannooyinka nagaadiga [yey gali] ooy socoto dhexdeeda wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, taasina waa abaal-marinta ciddii nadiif noqota.
  4. Waxaan dhab ugu waxyoonnay [Nabi] Muuse, “Guuri addoomahayga uguna yeel waddo badda oo ingagan hana ka cabsan haleel, hana cabsan [badda].”
  5. Waxaana raacay Fircoon [oo wata] colkiisii waxaana ka daboolay hirka xaggiisa wax daboolay.
  6. Wuxuuna dhumiyey Fircoon qawmkiisii mana hanuunin.
  7. Banii-Israa‘iilow waxaan idinka korinnay cadawgiinna, waxaana idinkula yaboohtannay [ballan] dhinicii buurta ee midig, waxaana kusoo dejinnay korkiinna macaan iyo shimbir.
  8. Ka cuna wanaaggaan idinku arzuqay hana ku xad-gudbina dhexdiisa, oo idinku dhaco cadhadaydu, ruuxay ku dhacdo cadhadaydu dhab buu u-hoobtay [halaagmay].
  9. Anigu waan u-dhaafid badanahay ruuxii tawbad-keena oo rumeeya oo fala wanaagga oo hanuuna.

 

Ma sinna cid dambiile ah oo gali Naar uusan kana dhimanayn kuna noolaanayn iyo ruux Xaqa rumeeyey oo camal fiican falay oo Janno ku waari, waxaana sugnaaday in ehlu-Jannaha sare loo arki sida xiddigga markii Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) la warsaday inay Nabiyada yihiin wuxuu yidhi, “Eebbaan ku dhaartaye, waa kuwa rumeeyey Eebbe rumeeyeyna Rasuullada.” Aayadaha kale waxay sheegi in Eebbe faray Nabi Muuse inuu garaaco badda isagoon cabsanayn, Fircoonna la halaagay intuu dhumiyey qawmkiisii iyo inuu Eebbe nicmeeyey banii-Israa’iil, kana koriyey colkoodii wanaagna ku arzuqay uuna yahay dambi-dhaafe ciddii tawbad-keenta oo rumeysa. Daa-Haa (74-82)

 

  1. “Maxaa kaasoo dedejiyey qawmkaagii Muusow?”
  2. Wuxuu yidhi [Muuse] “Iyagu waa kuwan raadkaygay kusoo joogaan, waana kuu soo degdegay Eebbow inaad iga raalli noqoto.”
  3. Wuxuu yidhi [Eebbe] “Annagu waxaan imtixaannay qawmkaagii gadaashaa, waxaana dhumiyey Saamiri.”
  4. Markaasuu u-noqday [Nabi Muuse] qawmkiisii isagoo cadhaysan oo walbahaarsan wuxuuna yidhi “Qawmkayow, miyuuna idiin yaboohin Eebbihiin yabooh wanaagsan, ma waxaa idinku dheeraaday korkiinna ballankii mise waxaad doonteen inay idinku dhacdo cadhada Eebbe ood u-baajiseen ballankaygii?”
  5. Waxay dheheen, “Maanaan u-baajin ballankaaga awooddannada, waxaase nala saaray culaysyo alaab oo ah waxa qawmku isku qurxin jireen waana tuurray siduu u-tuuray Saamiri.”
  6. Wuxuuna usoo bixiyey dibi muuqal ah oo cod leh, waxayna dheheen, “Kani waa ilaahiin iyo ilaahii Muuse wuuna halmaamay.”
  7. Miyeyna arkayn inuusan usoo celinayn hadal una hananayn dhib iyo nafci [midna]?

 

Markii Fircoon iyo qawmkiisii la halaagay yaa Nabi Muuse wafdi la baxay si ay u-aadaan buurtii lagula hadlay Nabi Muuse, wuuna ka hor-maray, hase yeeshee Eebbaa u-sheegay in qawmkiisii la baadiyeeyey intuu kasoo maqnaa, markaas Nabi Muuse noqday isagoo cadhaysan, oo walbahaarsan, markuu arrinta warsadayna ay sheegeen in nin Saamiri la dhihi jiray dhumiyey una sameeyey suuro dibi inay caabudaan isagoo sheegay inuu ilaah yahay, waase wax la-yaab leh in dibi la caabudo iyo wax lamid ah, taasina waxay ku tusin in ciddii dhunta ay wareeri oy marba wax caabudi. Eebbaase Xaq sugan ah. Daa-Haa (83-89)

 

  1. Wuxuuna u-yidhi Haaruun mar hore, “Qawmkayow waa uun laydinku fidmeeyey, Eebbihiinna waa Raxmaan ee i raaca, adeecana amarkayga.”
  2. Waxay dheheen, “Kama tagayno korkiisa inaan ku nagaanno intuu nooga soo noqon Muuse.”
  3. Wuxuu yidhi [Muuse} “Haaruunow maxaa kuu diiday markaad aragtay inay dhumeen?”
  4. “Inaadan raacin, ma waxaad caasiday amarkeygii?”
  5. Wuxuu yidhi [Haaruun] “Ina hooyow, hay qabanin gadhka iyo madaxa, anigu waxaan ka cabsaday inaad dhahdo, ‘Waxaad kala gaysay banii-Israa‘iil dhexdooda oodan maqlin hadalkayga.’”
  6. Wuxuu yidhi [Muuse] “Xaalkaagu muxuu yahay Saamiriyow?”
  7. Wuxuuna yidhi, “Waxaan arkay waxayna arkin, waxaana qaatay wax kamid ah raad Rasuul [malaga] waana tuuray saasayna ii qurxisay naftaydu.”
  8. Wuxuu yidhi [Muuse] “Tag, waxaa kuu sugnaaday nolosha inaad dhahdo taabasho ma jirto, waxaana kuu sugnaaday waqti aadan baajinayn, day ilaahaagii aad ahayd mid ku kor nagi [caabudi] waanu gubi markaas waxaana ku firdhin mawjadda [badda] firdhin.”
  9. Eebbihiin waa uun Ilaahiinna ah kaan Eebbe jirin isaga mooyee, wuuna u waasac-noqday wax kasta ogaansho.

 

Wuu ka reebay Haaruun banii-Israa‘iil cibaadada dibiga wuxuuna ugu yeedhay inay Eebbe uun caabudaan, isagana maqlaan, wayse diideen, markuu soo noqday Nabi Muuse wuu canaantay Haaruun wuxuuna doonay inuu wax-yeelleeyo, hase yeeshee Haaruun baa u-caddeeyey sababta kana codsaday inuusan dhibaato u-gaysan. Nabi Muusana wuxuu wax warsaday Saamiri wuxuuna u-sheegay inay naftiisu u-qurxisay arrintaas, wuxuuse Muuse ku yidhi, “Tag adooy ciqaabu kuu sugnaatay oo ah inaad dhahdaa, ‘Is-taabasho ma jirto,’ iyo tii Aakhiro,” halkii buuna ku gubay sawirkii dibiga baddana raaciyey illeen Eebbe waa Ilaah wax walba og kaliyee. Daa-Haa (90-98)

 

  1. Saasaan kuugu qisoon [sheegi] warkii hor-maray, waxaana kaa siinnay agtannada Qur’aan.
  2. Ciddii ka jeedsata xaggiisa waxay xambaari maalinta Qiyaame culays [dambi].
  3. Iyagoo ku waari [ciqaabta] dhexdeeda, waxaana u-xumaaday iyaga maalinta Qiyaame rar.
  4. Waa maalinta la afuufi suurka, oon soona kulmineyno dambiilayaasha maalintaas iyagoo indho-cawlan.
  5. Wayna is-warsan [xansan] dhexdooda, “Maydaan ku nagaanin [adduunyada] toban mooyee [maalmood].”
  6. Anagaa og waxay dhihi, markuu dhihi kooda ugu jid leh, “Maydaan nagaanin maalin mooyee.”
  7. Waxay ku warsan buuraha waxaad dhahdaa, “Waxaa burburin Eebbahay burburin.”
  8. Wuxuuna ka yeeli meel siman oo ebar ah.
  9. Ku arki maysid qallooc iyo taag midna.
  10. Maalintaas waxay raaci dhawaaqaha, kamana leexdaan waxayna u-xasishay codadku Eebbaha Raxmaan ah, mana maqashid shanqadh mooyee.
  11. Maalintaas ma anfacdo shafeeco cid Eebbaha Raxmaan ah idmo oo ka raalli noqday hadalkiisa mooyee.
  12. Wuxuu ogyahay Eebbe waxa hortaada ah iyo waxa ka dambeeya, mana ku koobayaan Eebbe ogaansho.
  13. Waxay u-khuduucday wajiyadu Eebbaha nool ee wax maamula, waxaana khasaaray ruuxii xambaara dulmi.
  14. Ruuxii fala wanaag isagoo rumeeyey kama cabsado dulmi iyo nusqaamin midna.

 

Siduu Eebbe uga warramay Nabiga warkii Nabi Muuse iyo Fircoon iyo wixii dhex-maray yuu Eebbe ugu qisoon Nabiga warkii kuwii hore, ciddii Xaqa ka jeedsatana wuxuu xambaari Qiyaamada dambi wuxuuna imaan isagoo dullaysan oon wax garanayn, waana maalinta buuruhu burburi oy dadku khushuuci. Cid hadli iyo cid shafeecina ma jirto idanka Eebbe la‘aantii illeen Eebbaa wax walba koobaye wajiyaduna u-hoggaansame, waxaana khasaari dulmiile mu‘minkuse kama cabaado dulmi. Saas darteed waa in wanaagga lagu dadaalo xumaantana laga fogaado. Daa-Haa (99-112)

 

  1. Saasaanu kugusoo dejinnay Qur’aan Carabi ah uguna caddaynay [celcelinnay] dhexdiisa gooddi inay dhawrsadaan darteed ama u-timaaddo xusuus [waano].
  2. Waxaa sarreeya Eebbaha Xaakimka Xaqa ah, hana ku degdegin Qur’aanka kahor dhammayn waxyigiisa xaggaaga, waxaadna dhahdaa, “Eebbow ii kordhi cilmi.”
  3. Dhab ahaan yaan ula ballantannay Aadam mar hore wuuna halmaamay kama aanaan helin niyo adag.
  4. Xusuuso markaan ku nidhi malaa‘igta, “U-sujuuda Aadam,” wayna sujuudeen Ibliis mooyee oo diiday.
  5. Waxaana nidhi, “Aadamow kani [Ibliis] waa colkaaga iyo colka haweeneydaada ee yuusan idinka bixinin Jannada ood dhibbooto.”
  6. “Waxaa kuu sugnaaday inaadan ku gaajoon dhexdeeda kuna arradin.”
  7. “Waxaana kuugu sugnaaday inaadan ku oomin dhexdeeda kuna qorroxoobin.”
  8. Waxaase waswaasiyey Shaydaan wuxuuna yidhi, “Aadamow maku tusiyaa geedda waaridda iyo xukun aan gaboobayn?”
  9. Wayna cuneen xaggeeda waxaana u-muuqday cawradoodii, waxayna noqdeen kuwa isku dhejiya korkooda caleenta Jannada, wuu caasiyey Aadam Eebbihiis wuuna leexday.
  10. Waxaase doortay Eebbihiis wuuna ka tawbad-aqbalay oo hanuuniyey.

 

Qur’aanka Eebbaa ku dejiyey Nabiga, wuxuuna ku celceliyey wax-sheeg si loo wacdoomo, wuxuuna Eebbe faray Nabiga inuusan ku degdegin akhriska Qur’aanka intaan la dhammayn waxyigiisa, wuxuuna faray inuu Eebbe warsado cilmi-kordhin. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ilaahow igu anfac waxaad i bartay ina bar wax i anfici, iina kordhi cilmi mahadna Eebbaa leh si kasta.” Tirmidi iyo Ibnu Maajah. Qisada Nabi Aadamse waxay ku faahfaahsan tahay Suuradda al-Baqarah. Waxaase jirta inuu Ibliis col u-yahay dadka had iyo jeer, cid kastana isku dayi inuu dhumiyo cid Eebbe ka dhawra mooyee. Daa-Haa (113-122)

 

  1. Wuxuu yidhi [Eebbe] “Ka hoobta Jannada dhammaantiin qaarkiin qaar col buu u yahaye, hadduu xaggayga idiinka yimaado hanuun ruuxii raaca hanuunkeyga ma dhumo [adduunka] mana xumaado [Aakhiro].”
  2. “Ruuxiise ka-jeedsada xuskeyga [Qur’aanka] waxaa u-sugnaaday nolol cidhiidhi ah, waxaana soo kulminaynaa maalinta Qiyaame isagoo arag-la‘.”
  3. Wuxuuna dhihi, “Eebbow maxaad ii soo kulmisay [keentay] anoo arag-la‘ oona ahaa arke [adduunkii]?”
  4. Wuxuu yidhaa [Eebbe] “Waa saas, waxaa kuu timid aayadahannaga waadna halmaantay saasaana maanta lagaaga tagi [sida halmaan].”
  5. “Saasaan ku abaal-marinnaa ciddii xad-gudubta oon rumayn aayaadka Eebbihiis cadaabka Aakhiraana daran oo hadhid badan.”
  6. Miyuuna u-caddayn gaalada intaan halaagnay hortood quruumo iyagoo ku socda guryahooda? Taasna calaamaa ugu sugan kuwa caqliga leh.
  7. Haddayna jirin kalimad u hor-martay Eebbahaa iyo muddo magacaaban wuxuu ahaan lahaa cadaabku mid kusoo degdega.
  8. Ee ku samir waxay sheegi kuna tasbiixso adoo mahadda Eebbahaa ku dheehan kahor qorrax-soo-bax iyo kahor dhicidda, saacadaha habeenkiina tasbiixso [tuko] iyo darfaha maalinta inaad raalli noqoto.

 

Waa lasoo sheegay qisada Nabi Aadam iyo Ibliis iyo siduu dadka col ugu yahay, tan kale ciddii raacda Qur’aanka ma dhumo mana khasaaro. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Wuxuu Eebbe u damiin-qaaday ciddii Qur’aanka akhrida oo ku camal fasha uusan dhumin adduunyada, kuna xumaaniin Aakhiro ciddise Xaqa ka-jeedsata waxay noolaan nolol xun, wuxuuna imaan Qiyaamada isagoo indho-la’ maxaa yeelay adduunkii yuu Xaqa ka jeedsaday, saasaana lagu abaal-marin ciddii xad-gudubta, waana in lagu waano-qaato ummadihii hore ee la halaagay, Eebbana cidduu doono wuu halaagaa hadduusan waqti la sugaynin, waase in la adkeysto lana samro, cibaadadana lagu dadaalo maalin iyo habeenba, illeen wixii Nabiga la faray ummaddana waa la faraye si Eebbe inoo nabad-galiyo maalinta Qiyaame. Daa-Haa (123-130)

 

  1. Haw taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay nooc kamid ah oo quruxda noloshaa adduun si aan ugu fidnayno, rizqiga Eebbahaa yaase khayr-roon oo hadhid badan.
  2. Far ehelkaaga salaadda kuna samir korkeeda, ku warsan mayno rizqiye annagaa ku arzuqi cidhibta [fiicanna] waxaa iska leh dhawrsashada.
  3. Waxay dheheen gaaladii, “Muu noola yimaado aayad xagga Eebbihiis ka timid?” Miyuuna u-imaanin maraggii wixii ku sugnaa Kutubihii hore?
  4. Haddaan ku halaagno cadaab Rasuulka [iyo Qur’aanka] kahor waxay dhihi lahaayeen “Eebbahannow maxaad noogu diri wayday Rasuul oon raacno aayaadkaaga kahor dullowgannaga iyo khasaarahannaga?”
  5. Waxaad dhahdaa [Nabiyow] dhammaan way sugi ee suga, waxaad ogaan doontaan cidda Jidka Toosan iyo cidda hanuunsane.

 

Eebbe wuxuu faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuusan dayin waxa adduunyo ah ee loogu raaxeeyey kuwaas gaalada ah illeen waa wax yar oo tagi, ee uu salaadda faro kuna samro, Eebbaana wax arzuqa, cidhib fiicanna waxaa iska leh ciddii dhawrsata. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaan idiinku cabsi badnahay waxa Eebbe idin siin oo quruxda adduunka ah.” Waxayna dheheen, “Waa maxay quruxda adduunka Rasuul-Allow?” Wuxuu yidhi, “Waa barakada dhulka.” Taasina ujeeddadu ma aha inaan la shaqaysan, waa inayan adduunyada kaliya ku shuqlinin. Aayadaha dambe waxay ka warrami inay gaaladu Xaqa diidi isagoo Nabiga loogu caddeeyey Kutubihii hore, haddii la halaago iyagoon Rasuul loo soo dirin waxay ku caban lahaayeen maxaa naloo halaagay anagoon Rasuul naloo soo dirin. Hase la sugo way kala caddaan cidda toosan iyo tan qalloocsan. Waxaana sugnaatay in ummadda Nabigu ugu badnaan maalinta Qiyaame. Waase in wanaagga lagu dadaalo si loo noqdo ummadda Nabiga. Daa-Haa (131-135)

 

Suurat Al-Anbiyaa’

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaa u-dhawaaday dadka xisaabtoodii iyagoo halmaansho ku sugan oo jeedsan.
  2. Qur’aankasee oo uga yimaada xagga Eebbahood kana soo darriya way maqlaan iyagoo ciyaari.
  3. Oy shuqloon tahay quluubtoodu, waxayna hoos u-dhigeen faqii kuwii dulmi falay [iyagoo dhihi] “Kanu ma waxaan dad idinkoo kale ahayn baa? Ma waxaad u-imanaysaan sixir idinkoo arka?”
  4. Wuxuu yidhi [Nabigii] “Eebbahay baa og hadalka samada ku sugan iyo dhulka, waana maqle oge ah.”
  5. Waxay dheheen [gaaladii] “Saas ma aha ee waa qarowyo, saa ma aha ee wuu been-abuurtay, saas ma aha ee waa gabayaa ee hanoo keeno aayad sidii lagu diray kuwii hore.”
  6. Mayna rumeynin hortood magaalo aan halaag [la doonnay] ee ma iyagaa rumeyn?

 

Suuraddan waxaa lagu magacaabay suuradda Anbiyada, maxaa yeelay waxaa kusoo arooray qisadooda. Aayadahanna waxay ka warrami inay Saacaddii Qiyaame dhawdahay dadkoo halmaansan. Wixii u-yimaada gaalada oo Xaq ahna way iska dhagaysan iyagoo ciyaari, faq xunna faqi oo isu-sheegi inayan maqlin dad lamid ah, Xaqana ay sixir ku sheegeen, Eebbaase og waxa cirka iyo dhulka ku sugan maqlina, Qur’aankuna ma aha wax lagu qarway ama heesaa la yimid, Nabiguna wuxuu ula yimid Xaq cad, maxayse waano tari mar haddii Xaqa la diido lana caasiyo. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Maxaad leedihiin oo u-warsanaysaan ehlu-Kitaabka waxay haystaan iyagoo leexiyey oo baddalay oo siyaadiyey oo nusqaamiyey, Kitaabkiinaana u-dambeeyey Kitaabaha, dhaar Eebbee waad akhriyeysaan isagoo cad oon la dheehin.” Al-Anbiyaa’ (1-6)

 

  1. Maanaan dirin hortaa rag mooyee, kuwaas oon u-waxyoonnay, ee warsada kuwa cilmiga leh haddaydaan wax ogayn.
  2. Kamaanaan dhigin [Nabiyada] jasad [muuqaal] oon cunayn cunno mana ahayn kuwo waara.
  3. Markaasna waxaan u-rumeynay yaboohii waana korrinay iyagii iyo ciddaan doonno, waxaana halaagnay xad-gudbayaasha.
  4. Waxaan idiin soo dejinnay Kitaab sharaftiinnu ku sugan tahayee miyeydaan kasayn.
  5. Badanaana intaan halaagnay magaalo dulmi badan [dadkeedu] oon ahaysiinnay gadaasheed qawm kale.
  6. Markay kaseen cadaabkannaga yey ahaayeen kuwo ka carari.
  7. Ha cararina kuna noqda wixii laydiinku raaxeeyey iyo guryihiinna waxay u dhawdahay in wax laydin warsadee.
  8. Waxay dheheen, “Halaagannagee waxaan nahay daalimiin.”
  9. Saasna kuma tagin qayladoodu intaan ka yeello wax la shafay oo bakhtiya.

 

Illeen wuxuu u-waxyooday Nabiyo badan oo rag ah oon malaa‘ig ahayn, wuxuuna faray dadka cilmiga iyo aqoonta leh, Nabiyaduna wax bay cuni jireen ee ma ahayn muuqaal aan wax cunin, wayna dhinteen, Eebbana wuxuu u-rumeeyey yaboohiisii wuuna koriyey cidduu doono, wuxuuna halaagi xad-gudbayaasha, Qur’aankuna waa sharafta mu‘miniinta, ciddii dulmi fashana waa la halaagi waxaana lagu baddali dad kale. Markay dhibaatada arkaanna way carari, waxaana loo dhihi, “Ha cararina ee raaxadiinna ku noqda iyo guryihiinna wax baa laydin warsane,” wayna shalleytoon intay ka noqdaan wax ebar ah oo bakhti ah. Al-Anbiyaa’ (7-15)

 

  1. Maanaan abuurin samooyinka iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeya annagoo ciyaari.
  2. Haddaan doonno madadaallo inaan yeelanno waxaan ka yeelan lahayn agtannada haddaan falayno.
  3. Xaqaanse ku gannaa baadilka oo tirtira markaasuu tagaa, waxaa idiinku sugnaaday halaag waxaad sheegaysaan.
  4. Ilaahay waxaa u-sugnaaday waxa samooyinka ku sugan iyo dhulka, kuwa Eebbe agtiisa ahna iskama kibriyaan cibaadadiisa kamana daalaan.
  5. Wayna nazahaan habeen iyo dharaarba kamana noogaan.
  6. Mise waxay yeesheen [gaaladii] ilaahyaal dhulka xaggiisa oo wax soo nooleeya.
  7. Hadday yihiin dhexdooda [samada iyo dhulka] ilaahyo way fasaadi lahaayeen, waxaa ka nazahan Eebbaha Carshiga leh waxay ku tilmaami.
  8. Lama warsanayo wuxuu falo iyagase waa la warsan.

 

Ilaaheen waa ka dheer yahay ciyaar iyo xumaanba, cirka, dhulka iyo khalqiga kalana wuxuu u-abuuray Xaq iyo in cid walba laga abaal-mariyo waxay kasbato. Malaa‘igtuna iskama waynayso cibaadada Eebbe, kamana daalaan habeen iyo dharaar nazihiddiisa, wax isaga kasoo hadhay oo ilaah ah oo wax nooleeyana ma jiro. Hadday cirka iyo dhulka joogaan ilaahyo way fasaadi lahaayeen oo xumaan lahaayeen, maxaa yeelay midba wax buu dooni lahaa markaasuu amarku iska hor-imaan lahaa, saas darteed Ilaaheennu waa kali, wehelna uma baahna, xumaanna waa ka fog yahay, sharafna isagaa iska leh, wuxuu doonana wuu falaa, cid warsanna ma jirto. Ruuxii caqli darro iyo isla-wayni aan meel jirin u-diidana waa jaahil aan wax ogayn lana kulmi abaalkiisa. Saas darteed waa in si dhab ah loo caabudo Eebbe kaliya. Al-Anbiyaa’ (16-23)

 

  1. Mise waxay yeesheen Eebbe ka-sokow ilaahyo, waxaad dhahdaa, “Keena xujadiinna, kani waa [Qur’aanka] sheegi waxa ila jooga iyo sheegiddii kuwii iga horreeyey,” badidoodse ma oga Xaqa wayna ka jeedsan.
  2. Rasuulkaan hortaa dirayba waxaan u-waxyoonnay, “Ilaah aan Ani ahayn ma jiro ee i caabuda.”
  3. Waxay dheheen gaaladii, “Wuxuu yeeshay [Eebbaha] Raxmaan ah ilmo,” waa ka nazahan yahay, waase addoomo [malaa‘igtu] la sharrifo.
  4. Kagama hor-maraan hadal iyaguna amarkiisay ku camal-falaan.
  5. Wuxuu ogyahay waxa hortooda iyo gadaashooda ah umana shafeecaan cidduu ka raalli yahay mooyee iyaguna cabsidiisay la baqaan.
  6. Ruuxii dhaha oo kamid ah malaa‘igta, “Anaa ilaah ah Eebbe ka-sokow,” kaas waxaannu ku abaal-marin Jahannamo, saasaana ku abaal-marinnaa daalimiinta.

 

Eebbe waa kali wax kasoo hadhay oo ilaah (xaq lagu caabudo) ahna ma jiro, saasaana ku qoran Qur’aanka iyo Kutubtii ka horraysayba, Rasuul kastana wuxuu Eebbe u-waxyooday in Ilaahay kali yahay lana caabudo. Malaa‘igtuna ilmo ma aha Eebbe waase addoomo sharaf leh, oon Eebbe caasiyayn, uuna ogyahay waxay fali iyo xaalkoodaba, waxay u-shafeecina ma jiro cid Eebbe ka raalli noqday mooyee, isaga un bayna ka yaabaan, kana cabsadaan, ciddii ilaahnimo sheegatana Eebbe ka-sokow wuxuu Ilaahay ku abaal-marin Naarta Jahannamo, saasuuna ku abaal-mariyaa daalimiinta, saas darteed Eebbaha Xaqa ah wax dila, wax nooleeya, wax arzuqa, roobka keena, sharciga soo dajiya, loo wada baahan yahay ka kaaftooma dadka waa uun Ilaaheenna awoodda leh. Al-Anbiyaa’ (24-29)

 

  1. Miyeyna arkayn kuwii gaaloobay in samooyinka iyo dhulku ahaayeen kuwo isku dhaggan oona kala bixinnay, kana yeelnay biyaha wax kasta oo nool ee miyeyna rumaynayn?
  2. Waxaana yeellay dhulka sugayaal [buuro] inayna la iilanin dadka, waxaana yeellay dhexdeeda karimo waddooyin ah, inay ku toosaan.
  3. Waxaana ka yeelnay samada saanqaaf ilaashan iyaguna calaamooyinkeeda way ka jeedsan.
  4. Eebbe waa kan abuuray habeenka, maalinta, qorraxda iyo dayaxa mid kastana falag buu dhex-dabbaalan.
  5. Maanan yeelin dadka ka horreeyey kuwo waara ee haddaad dhimato ma iyagaa waari [gaaladu]?
  6. Naf kastaa waxay dhadhamin geeri waxaana idinku imtixaami shar iyo khayr ibtilo darteed, xaggannagaana laydiin soo celin.

 

Ilaahay wuxuu ka warrami awooddiisa weyn iyo in cirka, dhulka, ahaayeen kuwo isku dhaggan Eebbaana ka keenay roobka iyo doogga, wax kastoo noolna biyo ka ahaaday, dhulkana buura yeelay si dhulka loogu sugo, looguna taago, cirkana ka yeelay saanqaaf ilaashan, habeenka, dharaarta, qorraxda iyo dayaxana falaggooda iyo meeshooda u-sahlay. Tan kale cid waari oo dad ah ma jirto, ee ruux walba wuu dhiman, waxaase loo baahan yahay camal fiican ee ma habboona in geerida cidda wanaagga fali la jeclaado. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Wax walba waxaa laga abuuray biyo.” Waxaa sheegay Imaam Axmed. Ibnu Cabbaasna wuxuu yidhi, “Waxaa laysku imtixaami shar, dhibaato, barwaaqo, caafimaad, cudur, hodan, saboolnimo, xalaal, xaaraan, daaco, macsiyo, hanuun iyo baadi.” Al-Anbiyaa’ (30-35)

 

  1. Markay ku arkaan kuwii gaaloobay waxay kaa yeeshaan jeesjees iyagoo dhihi, “Ma kanaa kan sheegi ilaahyihiinna?” iyagoo ka gaaloobi xusidda Eebbaha Raxmaan ah.
  2. Waxaa laga abuuray dadka degdeg, waxaana idin tusin aayaadkayga ee ha degdegina.
  3. Waxay dhihi, “Waa goorma yaboohii [cadaabku] haddaad run sheegaysaan?”
  4. Hadday ogyihiin kuwii gaaloobay markaan laga reebbeyn wajiyadooda Naarta iyo dhabarkooda oon loona gargaarayn [ma degdegsadeen].
  5. Waxayse ugu imaan [Naartu] si kada ah wayna wareerin mana karayaan celinteeda lamana sugo.
  6. Waxaa lagu jeesjeesay Rasuullo kaa horreeyey waxaana ku dhacay kuwii ku jeesjeesay oo gaalada ah waxay ku jeesjeesi jireen.
  7. Waxaad dhahdaa, “Yaa idinka ilaalin habeen iyo dharaarba Eebbaha Raxmaan ah?” Waxayse iyagu ka jeedsan xusidda Eebbahood.
  8. Ma waxaa u-sugnaaday ilaahyo naga celin? Ma karaan [waxay caabudi] gargaarka naftooda nalagamana magan-galiyo.

 

Ma habboona in cid Xaqa u-yeedhi lagu jeesjeeso, isagoo Xaqa la diidi, dabeecadda dadkana waxaa kamid ah inay dagdagaan oo wax dheeraystaan, waxaase imaan maalin gaalo wax cadaab ka baajin jirin, cadaabna ugu imaan kado, oyna arki cidhibta xumaanta, wax Eebbe dadka ka ilaalinna ma jiro habeen iyo maalin midna wax Eebbe kasoo hadhay oo wax reebina ma jiro, maxaa yeelay iyagaaba naftooda wax u-tarin, qudradiisa hadalkana wuxuu ku uruursan yahay awoodda Eebbe, tabar-yari iyo baahida dadka. Al-Anbiyaa’ (36-43)

 

  1. Saas ma aha ee waxaan u-raaxaynay kuwaas iyo aabbayaalkood intuu ku dheeraado cimrigu, miyeyna arkayn inaannu ku imanayno dhulka annagoo nusqaamin [guusha Islaamka] ma iyagaa adag?
  2. Waxaad dhahdaa, “Waxaa uun aan idiinku digi waxyiga mana maqlo dhagoole dhawaaqa marka loo digi.”
  3. Hadduu taabto wax yar oo cadaabka Eebbahaa ah waxay odhan, “Halaaggannagee annagaa daalimiin ah.”
  4. Waxaannu u-dejinaynaa miisaanka caadilka ah maalinta Qiyaame lagamana dulmiyo naf waxba, haba ahaado wax la eg xabbad khardal ah [wax yar] ee waan siinaynaa, annagaana ugu filan xisaabiye.
  5. Dhab ahaan yaan u-siinnay [Nabi] Muuse iyo [Nabi] Haaruun kala-bixiye [Tawreed] iyo nuur iyo waanada kuwo dhawrsada.
  6. Oo ah kuwa ka cabsada Eebbahood iyagoo kali ah iyagoo Saacadda [Qiyaame] ka cabsan.
  7. Kan [Qur’aankuna] waa Qur’aan la barakeeyey oon soo dejinnay ee ma idinkaa diidi isaga?

 

Gaalada waxaa xumaanta ku qaaday ku-raaxaysiga adduunka, waase inay ku waano-qaataan faafidda Islaamka iyo guusha. Waxaase jirta inaan cid dhuntay hanuunin karin, markuuse taabto ciqaab yar yey calaacalaan oo dhawaaqaan, Eebbaase miisaan caddaalad ah joojin maalinta Qiyaame, cid la dulminna ma jirto, Eebbahaana ku filan xisaab. Nabi Muuse iyo Nabi Haaruunna wuxuu siiyey Eebbe Kitaabkii Tawreed, oy ku hanuuniyeen kuwa Eebbe ka yaaba, Qur’aankuna waa Kitaab la barakeeyey ciddii diidda un baase khasaartay oo dhuntay Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Laba kalimo oo u-fudud carrabka kuna culus miisaanka Eebbana jecel yahay waa, ‘Waxaa nazahan oo mahadsan Eebbaha wayn.’” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Al-Anbiyaa’ (44-50)

 

  1. Dhab ahaan waxaan u-siinnay [Nabi] Ibraahiim hanuunkiisa mar hore Annagaana ogayn.
  2. Markuu ku yidhi aabbihiis iyo qawmkiisii, “Waa maxay sawirradan aad ku kor-negidihiin [caabudaysaan]?”
  3. Waxay dheheen, “Waxaan helnay aabbayaalkanno oo caabudi.”
  4. Wuxuu yidhi [Nabi] Ibraahiim, “Waxaad ku sugan tihiin idinka iyo aabbayaalkiin baadi cad.”
  5. Waxay dheheen, “Ma waxaad noola timid Xaq mise adigu waxaad kamid tahay kuwa ciyaari?”
  6. Wuxuuna yidhi, “Eebbihiin waa Eebbaha samooyinka iyo dhulka ee ah kan abuuray, aniguna arrintaas yaan ahay kuwa ka marag kici.”
  7. “Eebbaan ku dhaartaye waan dhagri sanamyadiinna kadib markaad jeedsataan idinkoo tagi.”
  8. Wuxuuna ka yeelay burbur koodii waynaa mooye inay xaggiisa u-noqdaan [inuu jajabiyey isagu].
  9. Waxay dheheen, “Yaa ku falay sidan ilaahyadannadii? Kaasi waa daalime.”
  10. Waxayna dheheen, “Waxaan maqallay wiil sheegi lana dhaho Ibraahiim.”
  11. Waxay dheheen, “Keena dadka indhihiisa inay ku marag furaan.”

 

Nabi Ibraahiim Eebbaa hanuuniyey mar hore, wuxuuna ka reebay qawmkiisii iyo aabbihiisba waxay caabudayeen ee Eebbe kasoo hadhay, wayse ku madax-adaygeen inkastoos u-caddeeyey kalinimada Eebbe iyo awooddiisa, markuu ka daalayna wuxuu jajabiyey waxay caabudayeen kii u-weynaa mooyee inay u-noqdaan isaga, markay is-warsadeen cidda saas yeeshayna waxay isu-sheegeen inuu Ibraahiim yahay, waxayna hor-keeneen dadkii si loo arko oo loogu marag furo. Al-Anbiyaa’ (51-61)

 

  1. Waxay dheheen gaaladii, “Ma adaa ku falay sidan ilaahyadannada Ibraahiimow?”
  2. Wuxuu yidhi, “Waxaa falay kooda weyn ee kan ah, waydiiya hadday hadli.”
  3. Markaasay u-noqdeen naftooda waxayna isu-dheheen, “War idinkaa daalimiin ah.”
  4. Markaasaa loo gaddiyey madaxooda [waxayna dheheen] “Dhab baad u-ogtahay inayna kuwani hadlayn.”
  5. Wuxuu yidhi, “Ma waxaad caabudaysaan Eebbe ka-sokow waxaan idin anfacayn waxba idinna dhibayn.”
  6. “Uf [baa laydin yidhi] idinka iyo waxaad caabudaysaan Eebbe ka-sokow. Miyeydaan wax kaseyn?”
  7. Waxay dheheen, “Guba, una gargaara ilaahyadiinna haddaad wax falaysaan.”
  8. Waxaan nidhi, “Naaray u-noqo qabow iyo nabadgalyo Ibraahiim.”
  9. Waxay la dooneen dhagar waxaana ka yeellay kuwo khasaaray.

 

Nabi Ibraahiim markuu ka gar-helay gaaladii hadal cadna ku yidhi yey goosteen inay gubaan oo dab ku tuuraan, taasina waa caadada jaahiliinta in marka laga gar-helo mu‘miniinta ku jeedsadaan xumaanna u-maamulaan, Eebbaase ka nabad-galiyey dhagartii, kana koriyey dabkii, gaaladii iyo waxay caabudayeenna khasaare ku dambaysiiyey, wuxuuna xusay Nabi Ibraahiim Eebbe markii lagu tuuray dabka. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “’Waxaa i kaafiya Eebbe isagaana u-fiican wakiil’ waxaa yidhi Nabi Ibraahiim markii dabka lagu tuuray, Nabiga Muxammad ahna Eebbe ha nabadgaliyee markii lagu yidhi ‘Dadkii baa idiin kulmay.’” Waxaa wariyey Bukhaari. Taasina waxay ku tusin in Xaqu sarrayn guulaysanna markii si dhab ah Eebbe loogu xidhnaado lana caabudo. Al-Anbiyaa’ (62-70)

 

  1. Waannu u-korinnay [Nabi] Ibraahiim iyo Nabi Luud dhulkii aan u-barakaynay caalamka [Shaam].
  2. Waxaan siinnay Isxaaq iyo Yacquub oo siyaada ah, waxaana ka yeellay dhammaan kuwo suubban.
  3. Waxaana ka yeellay imaamyo ku hanuuniya amarkannaga, waxaana u-waxyoonnay falidda khayrka, oogidda salaadda iyo bixinta zakada, waxayna ahaayeen kuwo na caabuda.
  4. [Nabi] Luudna waxaan siinnay xukun iyo cilmi, waxaana ka korinnay magaaladii ahayd mid fasha xumo, waxay ahaayeen qawm xun oo faasiqiin ah.
  5. Waxaana galinnay naxariistannada, wuxuuna kamid ahaa kuwa suubban.
  6. [Nabi] Nuuxna waa korinnay, markuu dhawaaqay mar hore, waana ajiibnay, waana ka korinnay isaga iyo ehelkiisaba murugadii waynayd.
  7. Waana uga gargaarnay qawmkii beeniyey aayaadkannaga, waxayna ahaayeen qawm xun waana maanshaynay dhammaantood.

 

Aayadahanna waxay ka warrami qaar kamid ah Nabiyadii sida Nabi Ibraahiim, Luud, Isxaaq, Yacquub iyo Nuux, iyo sida Eebbe uga koriyey qawmamkoodii daalimiinta ahaa ee Xaqa ka jeedsaday kana madax-adaygay, cidhibtii fiicnaydna waxay u-hadhay Nabiyadii iyo mu‘miniintii Xaqa ku raacday, khasaare iyo halaagna wuxuu u-dambeeyey gaaladii Xaqa diiday. Warka Nabiyadaasna meelo badan oo Qur’aanka ah yuu faahfaahsan yahay, waxaase muhiim ah in lagu waano-qaato Xaqana la raaco. Al-Anbiyaa’ (71-77)

 

  1. Xusuuso [Nabi] Daawuud iyo [Nabi] Suleymaan markay xukumayeen beerta markuu daaqay adhi qawm [dad] waxaana ahayn kuwa xukunkooda u marag ah [arka].
  2. Waxaana fahansiinnay Sulaymaan, dhammaanna waxaan siinnay xukun iyo cilmi, waxaana u-sakhirray Daawuud buuraha iyagoo la tasbiixsan iyo shimbiraha, waana fallaa [karnaa].
  3. Waxaana barray Daawuud samaynta duruucda inay idinka dhawrto dagaalkiinna, ee ma tihiin kuwo mahadin?
  4. Suleymaanna waxaan u-sakhirray dabaysha iyadoo daran oo ku socota amarkiisa xaggii dhulkii ahaa kaan barakaynay dhexdiisa, waxaana nahay kuwo wax walba og.
  5. Shaydaamadana, waxaan uga sakhirray kuwo u-dhumban [badda], una fala camal aan kaas ahayn, annagaana ilaalinna.

 

Sidoo kale Nabi Daawuud iyo wiilkiisii Nabi Sulaymaan iyagana Qur’aanku meeluu kaga hadlay, mid walbana wuxuu Eebbe siiyey xukun iyo cilmi, waxaana loo sahlay Daawuud buuraha, shimbiraha iyo sameynta qalabka dagaalka, sidoo kale waxaa loo fududeeyey Nabi Suleymaan dabaysha oo ku socon amarkiisa iyo shayaadiinta kuwo ka shaqeeya bad iyo shaqa kalaba. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Garsoorayaashu waa saddex: mid Jannaduu gali, labana Naarta, midka Xaqa yaqaan oo xukuma Jannaduu gali, mid jaahilnimo wax ku xukuma Naartuu gali, mid Xaqa yaqaan oo xukuma wax ka duwanna Naartuu gali.” Taasina waxay ku tusin ahmiyadda cadaaladda iyo in dadku ku qaybsami, ama Janno ama Naar. Al-Anbiyaa’ (78-82]

 

  1. [Xusuuso] Ayuubna markuu u-dhawaaqay Eebbihiis [isagoo dhihi] “Aniga waxaa i taabtay dhib adiguna waxaad tahay naxariis badane.”
  2. Waana ajiibnay waxaana ka faydnay waxa haya oo dhib ah, waxaana siinnay ehelkiisii iyo wax lamid ah naxariis xaggannaga ah darteed iyo waanada caalamka.
  3. Xusuuso Ismaaciil, Idriis iyo Dulkifli, dhammaan waxay kamid ahaayeen kuwa samra.
  4. Waxaana dhex-galinnay naxariistannada waxayna kamid ahaayeen kuwa suubban.
  5. Nabi Yuunus [xusuuso] markuu tagay isagoo cadhaysan una maleeyey inaanaan cidhiidhyayn korkiisa oo uu ku dhawaaqay mugdiyada dhexdooda, “Ilaah aan adi ahayn ma jiro nazahnaantaada anigu waxaan kamid ahaa kuwa daalimiinta ah.”
  6. Waana ajiibnay kana korinnay murugtii, saasaana u-korinnaa mu‘miniinta.
  7. Zakariyana [xusuuso] markuu u-dhawaaqay Eebbihiis isagoo leh, “Eebbow hayga tagin anoo kali ah adaa u khayr-roon cid wax dhaxashee [u-hadhee].”
  8. Waana ajiibnay waxaana siinnay Yaxye, waxaana u-hagaajinnay haweenaydiisii, waxayna ahaayeen kuwo u-degdega khayraadka oo na barya iyagoo rajayn oo cabsan waxayna ahaayeen kuwa noo khushuuca.

 

Aayadahan waxay ka warrami xaalkii Nabiyadaas iyo sida Eebbe u-ajiibay dhammaantood ugana koriyey dhibkii, saasaana Eebbe u-aqbalaa baryada dadka dhibban ee wanwanaagsan, waxaana shardi ah in si dhab ah loo caabudo Eebbe looguna hoggaansamo Xaqana la raaco xumaanna laga fogaado. Al-Anbiyaa’ (83-90)

 

  1. [Xusuusana] tii dhawrtay xubinteedaa [waa Maryama] oon ku afuufnay dhexdeeda ruuxdannadii kana yeellay iyada iyo wiilkeeda calaamadda caalamka.
  2. Tani waa Diintiinnii waana Diin kaliya aniguna waxaan ahay Eebbihiin ee i caabuda.
  3. Waxayse isku-khilaafeen amarkoodii dhexdooda dhammaanna xaggaygaa loosoo celin.
  4. Ruuxii fala wanaag isagoo mu‘min ah lagama qariyo camalkiisa, annaguna waan u-qoraynaa.
  5. Waxaa ka reebban magaalo aan halaagnay inay soo noqoto [soo-bixin kahor].
  6. Inta laga furi [soo-dayn] Ya’juuj iyo Ma’juuj, iyaguna jaho sarreysa dhammanteed yey kasoo degdegi.
  7. Waxaa dhawaaday yaboohii Xaqa ahaa waxaana soo bixi inay taagnaan indhaha kuwa gaaloobay [iyagoo dhihi] “Halaaggannagee waxaan kaga sugnayn halmaansho kan waxaanse ahayn daalimiin.”

 

Maryam bintu Cimraanna wax badan yuu Qur’aanku ka warramay sharafteedii iyo sida Eebbe u-dhawray ugana yeelay iyada iyo wiilkeedii aayad iyo calaamad caalamka. Eebbana waa kali wuxuuna mutaa in Isaga uun la caabudo, dadkiise way kala tageen oo is-khilaafeen. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Annagu Nabiyada haddaan nahay Diintannadu waa mid (kaliya).” Taasoo macnaheedu yahay in waxyaabaha waaweyn Diimuhu iskaga mid yihiin. Eebbaase loo noqon cid walbana ka abaal-marin waxay kasbatay, cid la halaagayna adduunka umasoo noqoto inta dadka lagasoo bixin oo Qiyaame la gaadhi oo ay kasoo bixi Ya’juuj iyo Ma’juuj oo waqtigu ka dhawaado, markaasoo kuwa gaaloobay ay indha taagi iyagoo sheegi inay halaagsameen daalimiinna ahaayeen, halmaanshana kaga sugnaayeen Qiyaamada, waxse ma taro calaacal waqtigaas ee waxaa wax tari wanaaggii la hor-marsaday. Al-Anbiyaa’ (91-97)

 

  1. Idinka iyo waxaad caabudaysaan oo Eebbe kasoo hadhay waxay noqon shidaalka Jahannamo idinkuna waad ku arooraysaan.
  2. Hadday yihiin kuwaasu ilaahyo kuma arooreen, dhammaanna way ku waari.
  3. Waxay ku yeelan dhexdeeda qaylo, waxna dhexdeeda kuma maqlaan.
  4. Kuway u hor-martay xaggannaga wanaag kuwaasu xaggeeda waa laga fogayn.
  5. Mana maqlaan shanqadhteeda iyaguna waxay doonto naftoodu yey ku waari.
  6. Mana walbahaariyo argaggaxii waynaa, waxayna kula kulmi malaa‘igtu “Kani waa maalintiinnii ah tii laydiin yaboohay.”
  7. Waana maalintaan u-duubayno samada sida loo duubo warqadaha Kitaabka, sidaan ku billownay abuuriddii hore yaana kusoo celinaynaa, waa yabooh korkannaga ah, annagaana falna saas.
  8. Dhab ahaan waxaan ugu qorray Zabuur sheegid kadib [Lawxul Maxfuudka] “Dhulka waxaa dhaxli addoomadayda suubban.”
  9. Kan gaadhsiin baa ugu sugan ciddii caabudi [Eebbe].
  10. Kumana aanaan dirin naxariista caalamka adoo ah mooyee.

 

Ciddii wax Eebbe kasoo hadhay caabudda iyo cidday caabudeenba oo ka raalli ah waxay noqon shidaalka Naarta, ciddii wanaag ugu hor-maray Eebbe waa laga fogayn, mana maqlo shanqadheeda, wuxuu doonana Jannaduu ka helaa, mana ka naxo argaggaxa Qiyaamada, malaa‘igtaana u-bishaarayn, waana maalinta cirka la duubi, dhulka Jannada iyo kan adduunba waxaa u-hadhi mu‘miniinta suubban, Qur’aankuna waa gaadhsiin Rasuulkuna waa naxariista caalamka, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa yeelee) wuxuu yidhi, “Layma bixinin anoo wax lacnada ee waxaa uun lay bixiyey anoo naxariis ah.” Muslim. Al-Anbiyaa’ (98-107)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Waxaa uun lay waxyooday aniga in Ilaaheennu Ilaah kaliya yahay ee idinku Muslimiin ma tihiin [ma hoggaansameysaan]?”
  2. Haddayse jeedsadaan waxaad dhahdaa, “Waxaan idin ogaysiiyey si siman [cad] colnimo mana ogi inay dhawdahay ama fog tahay waxa laydiin yaboohay.”
  3. Eebbe wuxuu ogyahay waxa lala qayliyo oo hadal ah wuxuuna ogyahay waxaad qarinaysaan.
  4. Mana ogi waxay u-dhawdahay inay fitno idiin tahay iyo raaxo tan iyo muddo.
  5. Wuxuu yidhi [Nabigu] “Eebbow ku kala-xukun [dhexdannada] Xaq, Eebbahanana waa Raxmaan ee looga kaalmo-waydiisto waxaad sheegaysaan.”

 

Eebbe waa kali, Isagayna waajib tahay in loo hoggaansamo, ciddiise jeedsata ha ogaato si cad inay Eebbe iyo Rasuulkiisa la collowday, kolleyna waa kii gaalo la ciqaabo ama ha dhawaato ama ha dib-dhacdo muddee, Eebbana waa ogyahay wax kasta ama hala muujiyo ama hala qarsadee, dib u-dhigidda ciqaabtuna waxaa suurowda inay tahay imtixaan iyo u-raaxayn muddo. Eebbana isagaa ah Xaakimka Caadilka ah, sharcigiisaana caadil ah, isagaana looga kaalmo-waydiistaa dhibaatada iyo waxay gaaladu sheegi oo xumaan ah. Nabiga iyo Nabiyadii kalaba (nabadgalyo Eebbe korkooda ha yeelee) waxay dhihi jireen, “Eebbow caddaalo nagu kala xukun annaga iyo qawmkannaga.” Al-Anbiyaa’ (108-112)

 

Suurat Al-Xajj

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Dadaw ka dhawrsada Eebbihiin maxaa yeelay gilgilashada Saacadda [Qiyaame] waa wax wayn [daran].
  2. Waana maalintaad arkaysaan iyadooy halmaami mid wax nuujisa dhammaanteed waxay nuujinaysay, ooy dejin [tuuri] mid kastoo uur leh uurkeeda, waxaadna arkaysaa dadkoo waalan, mana aha kuwo [dhab] u-waalan ee cadaabka Eebbaa daran.
  3. Dadka waxaa kamid ah ruux ku murmi Eebbe cilmi-la‘aan oo raaci shaydaan kastoo madax-adag.
  4. Waxa loo qoray [Shaydaan] ruuxii talada u-dhiibta [raaca] inuu baadiyeeyo kuna toosiyo cadaabka.

 

Suurraddan waxaa lagu magacaabaa Suuradda Xajka, maxaa yeelay waxay ka warrantay Xajka iyo waxa la xidhiidha, waxayna ku billaabatay shiddada Qiyaamada iyo inay dadku ka dhawrsadaan dhibaatadaas, waxaana looga dhawrsan camal fiican, dadkuna maalintaas waxay la kulmi arrin wayn inta laga moodo inay waalan yihiin iyagoon waallayn ee waa uun dhibka, wixii ilma ah oo la nuujin haya ama uurka ku jirayna la tuuro. Tan kale ma habboona in cilmi-darro lagu doodo Eebbe iyo Diinta, lana raaco Shaydaan wax dhumiya, Naartana u-hoggaamiya. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Waxaa laydin soo kulmin Qiyaamada idinkoo kaba-la‘ oo qaawan, oon gudnayn.” Caa‘isha waxay tidhi, “Rasuulka Eebbow ragga iyo haweenku mays dhawri?” Markaasuu yidhi Nabigu, “Caa‘ishoy xaalku waa ka daran yahay in waxaasi shuqliyo.” Taasina waxay ku tusin dhibaatada Qiyaamada. Al-Xajj (1-4)

 

  1. Dadow haddaad tihiin kuwo shakisan soo-bixinta Annagaa idinka abuurnay carro, haddana dhibic haddana calaqo, haddana goosin la abuuray iyo midaan la abuurin si aan idiinku caddayno [qudrada Eebbe] waxaana ku sugnaa makaanka waxaan doonno tan iyo muddo magacaaban, markaasaan idin soo bixinaynaa idinkoo yar, markaas inaad gaadhaan xooggiinna, waxaa idin kamid ah cid la oofsan [dhiman] waxaana idin kamid ah kuwo loo celin cimri liita [gabow] si ayna u-garanin intay wax yaqiineen kadib waxba, waxaad arkaysaa dhulkoo abaar [dhimaad] ah markaan kusoo dejinno korkeeda biyana way gilgilataa wayna kortaa, waxayna soo bixisaa nooc kastoo quruxsan.
  2. Taasna waxaa ugu wacan in Eebbe uun Xaq yahay uuna nooleeyo waxa dhintay iyo inuu wax walba karo.
  3. Iyo in Saacadda [Qiyaame] iman shaki-la‘aan, Eebbana wuxuu soo bixin waxa qubuuraha ku sugan.

 

Dadka kuma habboona inay diidaan soo-bixinta maxaa yeelay waxay soo mareen abuurid kala-duwan laga billaabo dhibic ilaa intay ka gaboobaan, arrintaasuna ugu filan waano, waxaa kaloo waano ugu filan roobka iyo doogguu soo bixiyo abaar kadib, taasina waxay sugi awoodda Eebbe iyo Xaqnimadiisa iyo in Qiyaamadu imaan shaki-la‘aan iyo Eebbe inuu soo bixin waxa dhintay. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Abuuridda midkiin waxaa lagu kulmiyaa uurka hooyadii afartan dhibic, markaas xinjir in lamid ah, haddana goosin sidoo kale, markaas malag loo bixiyaa waxaana la faraa afar kalimo waxaana la qoraa rizqigiisa, camalkiisa, ajashiisa xumaan iyo liibaan, markaasaa lagu afuufaa ruuxda.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Taasina waxay ku tusin in dadaal fiican la dadaalo iyadoo la ogyahay in Eebbe wax walba qaddaray. Al-Xajj (1-7)

 

  1. Dadka waxaa kamid ah mid ku doodi Eebbe cilmi-la‘aan iyo hanuun-la‘aan iyo kitaab wax nuurin la‘aantiis.
  2. Oo dadbi luqunta [is-kibrin] inuu ka dhumiyo Jidka Eebbe, wuxuu mudan adduunyada dulli waxaana dhadhansiin maalinta Qiyaame cadaab wax guba.
  3. Taasna waa waxay hor-marsatay gacmahaagu, Eebbana ma aha dulmiyaha addoomada.
  4. Waxaa kamid ah dadka mid u-caabudi [Eebbe] dhinac [shaki] hadduu soo gaadho khayra xasilo, hadduu soo gaadho imtixaan [dhibna] u-gaddooma wajigiisa [gaalooba] wuxuu khasaariyey adduun iyo Aakhiraba kaasina waa khasaaraha cad uun.
  5. Wuxuu caabudi [baryina] Eebbe ka-sokow waxaan dhibayn anfacaynna, kaasina waa uun baadida fog.
  6. Wuxuu caabudi wax dhibkiisu ka dhawyahay nafcigiisu, isagaa u-xun sokeeye una-xun la-noolaadi.

 

Waxaa kamid ah dadka kuwo ku murmi Ilaahay cilmi iyo hanuun iyo kitaab cad la‘aantiis, ee kibir iyo iska-weyni uun la jooga, inay dadka Xaqa ka leexiyaan, kuwaasuna waxay mudan dulli adduun iyo cadaab Aakhiro, lamana dulmiyin ee waa waxay hor-marsatay gacantiisu, waxaa kaloo kamid ah kuwa Eebbe u-caabudi dhinac oo hadduu khayr helana xasila, haddii dhib ku yimaadana gaalooba, kaasina waa mid iska-khasaariyey adduun iyo Aakhiraba, waana khasaaraha dhabta ah, wuxuuna caabudi Eebbe ka-sokow waxaan waxba tarayn, dhibkiisuna ka dhawyahay nafcigiisa, kaasaana u-xun sokeeye iyo cashiir. Ibnu Cabbaas wuxuu sheegay in baaddiyihii Carbeed markay khayr helaanna dhihi jireen, “Waa Diin fiican,” marka dhib ku yimaadana dhihi jireen, “Waa Diin xun,” markaasaa Eebbe soo dejiyey aayadahan, Diintuna waa uun Xaq, ama barwaaqo ha timaaddo ama dhib ha yimaadee. Al-Xajj (8-13)

 

  1. Ilaahay wuxuu galiyaa kuwa rumeeyey [Xaqa] oo falay camal fiican Jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyaal, Eebbana wuxuu falaa wuxuu doono.
  2. Ciddii u-malayn inuusan u gargaarayn Eebbe Nabigiisa adduun iyo Aakhiraba ha u-fidiyo xadhig xagga samada hana isku-gooyo [marjiyo] hana dayo inay dhagartiisu tegsiiso waxa cadho-galin.
  3. Saasaana kuugu soo dejinnay aayaad cad Eebbana wuxuu hanuuniyaa cidduu doono.
  4. Kuwa rumeeyey [Xaqa] iyo kuwa yuhuudoobay iyo Saabi’inta [xiddigaha caabuda] iyo Nasaarada iyo Majuusiga iyo mushrikiinta Eebbaa kala-bixin dhexdooda maalinta Qiyaame, Eebbana wax kasta wuu arkaa.
  5. Miyaadan arkayn inay Eebbe u-sujuudi waxa samooyinka iyo dhulka iyo qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha iyo buuraha iyo geedaha iyo xayawaanka iyo wax badan oo dadka ah, wax badanna waxaa ku sugnaaday korkooda cadaab, ruuxuu ihaaneeyo Eebbana ma laha wax sharrifi, Eebbana wuxuu falaa wuxuu doono.

 

Ciddii wanaag fasha waxaa lagu abaal-marin wanaag, ciddiise u-malayn Nabiga inaan Eebbe u-gargaarayn adduun iyo Aakhiraba hadduu doono cadho ha u-dhinto bal inay wax u-tarto, Eebbana Qur’aan cad yuu soo dejiyey, Eebbaana hanuuniya cidduu doono, dhammaanna Muslim iyo gaalo Eebbaa kala-bixin Qiyaamada, wax kastana Ilaahay buu u-sujuudaa, oo u-khushuucaa una hoggaansamaa, sujuudduna ma aha tan dadkoo kale ee wax kasta wuxuu u-sujuudaa si ku habboon, waxaana sugnaatay in Shaydaanku qoomamayn markuu galo Naarta mu‘miniintuna Jannada oo sheegi inuu khasaaray markuu diiday sujuudda. Waxayna ku tusin in ciddii sujuudi wayda ay raacday Shaydaan kana leexatay Jidka Toosan. Al-Xajj (14-18)

 

  1. Labadani waa doodayaal, waxayna ku doodeen Eebbahood, kuwa gaaloobay waxaa loo goyn maryo Naar ah waxaana lagu shubi korkooda biyo kulul.
  2. Waxaana lagu gubaa [lagu dhalaaliyaa] waxa caloosha ku jira iyo jidhka [haragga].
  3. Waxay mudan budhadh bir ah.
  4. Markastooy doonaan inay ka baxaan xaggeeda walbahaar dartiis waa lagu celiyaa dhexdeeda [waxaana la dhahaa] “Dhadhamiya cadaabka gubidda.”
  5. Eebbana wuxuu galiyaa kuwa rumeeyey [Xaqa] oo fala camal fiican Jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal, waxaana loogu xidhaa dhexdeeda jinjimo dahab ah iyo jawhar, dharkooduna dhexdeeda waa xariir.
  6. Waxaana lagu hanuuniyey wanaagga hadalka waxaana lagu hanuuniyey jidka la mahdiyo.
  7. Kuwa gaaloobay oo ka celiya Jidka Eebbe iyo Masaajidka Xurmaysan ee looga yeelay dadka sinnaan mid ku nagi iyo mid meel ka yimidba ciddii la doonta dhexdiisa leexin dulmi ah [xumaan] waxaannu dhadhansiin cadaab daran.

 

Kuwa Xaqa ku socda iyo kuwa gaalaada ah waa labo kooxood oo ku doodi Eebbe, markaasaa Eebbe gaalana si darran u-ciqaabi, mu‘miniintana Janno iyo wanaag ku abaal-marin, maxaa yeelay wanaag baa Eebbe ku toosiyey, ciddiise gaalowda oo ka celisa dadka Jidka Eebbe iyo Masaajidka Xurmaysan ee Eebbe u-simay mu‘miniinta iyo ciddii wax qallooca iyo dulmi kula timaadda dhexdiisa wuxuu ku abaal-marin cadaab daran. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Dulmigaas waa inaad ku bannaysataa Xaramka wax lagaa reebay oo xumaan ah ama dil xaq-darro.” Ciddii saas fashana waxay mudan cadaab daran. Al-Xajj (19-25)

 

  1. [Xusuuso] markaan u-muujinnay [Nabi] Ibraahiim meesha Baytka [Kacbada] Annagoo ku dhihi, “Hala wadaajin Eebbe [cibaadada] waxba, u-daahirina Gurigayga kuwa dawaafi iyo kuwa taagan iyo kuwa ku rukuucsan ee sujuudsan.”

 

  1. “Ogaysiina dadka Xajka ha kuu yimaadeen iyagoo lugayn iyo mid bog dheer dhammaanteed oo ka iman jaha kasta oo dheer.”
  2. “Inay joogaan [u-yimaadaan] nafcigooda dartiis, oy xusaan magaca Eebbe maalmo la-yaqaan, waxa Eebbe ku arzaaqay oo ah xayawaanka nicmoolayda, ka cuna xaggeeda quudiyana kan dhibaataysan ee faqiirka ah.”
  3. “Markaas ha dhammeeyeen basaastooda, hana oofiyeen nadarkooda, hana dawaafeen Baytka horreeyey.”

 

Waxaa Eebbe tusiyey Nabi Ibraahiim Kacbada wuuna dhisay isagoo faray inuu gaalnimada ka nadiifiyo, dadkana Xajka ugu yeedho, si ay meel kasta uga yimaadaan, una helaan nafci adduun iyo mid Aakhiraba, una xusaan Eebbe, hadyo xoola ahna ugu gawracaan waxna ka cunaan kana quudiyaan masaakiinta iyo kuwa dhibaataysan, basaastana iska bi’iyaan oofiyaanna nadarka, dawaafaanna Baytka horreeyey. Saasaad u-aragtaa in si daran loo yimaado Makka Xaj iyo Cumro, loogana helaa wanaag iyo khayr adduun iyo Aakhiraba, waana Masaajid sharaf leh oy Kacbadu ku taal oy waajibna tahay in la weyneeyo, waxaana sugnaatay in Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) la warsaday “Masaajidkee u-horreeyey?” uuna yidhi, “Masaajidka Xurmaysan,” lana yidhi, “Yaa ku xigay?” yidhina “Baytul Maqdis.” “Imisaa u-dhaxaysay?” markii la yidhina uu yidhi, “Afartan sano.” Kacbaduna waa tan ula jeedsadaan Muslimiintu salaadda kuna tusin midnimada iyo sinaanta iyo isu-naxariisashada, waana sharafta Islaamka iyo muuqiisa. Al-Xajj (26-29)

 

  1. Waa saas, ruuxii wayneeya wuxuu reebay Eebbe saasaa u khayr-roon Eebbihiis agtiisa, waxaana laydiin banneeyey nicmoolayda waxa laydinku akhriyo mooyee, ee ka dheeraada xumaanta ah sanamyada kana dheeraada hadalka beenta ah.
  2. Idinkoo u-toosan Eebbe oon mushrikiin ahayn, ruuxii u shariik-yeela Eebbe wuxuu lamid yahay mid kasoo dhacay samada oy dafi shimbirtu ama ay ku tuuri dabayshu meel dheer oo halaag ah.
  3. Waa saas ruuxii wayneeya amarrada Eebbe [sharcigiisa] taasi waa dhawrsashada quluubta.
  4. Waxaa idiinku sugnaaday [hadyada] nafci tan iyo muddo markaas waxay ku dhammaan Baytka horreeyey.
  5. Ummad kasta waxaan u-yeellay cibaado [ciid] inay ku xusaan Eebbe wuxuu ku arzaaqay oo xayawaanka nicmoolayda ah, Ilaahiinna waa Ilaah kaliya ee u-hoggaansama una bishaaree kuwa xasilloon [ee cabsada].
  6. [Ee ah] kuwa marka la xuso Eebbe ay cabsato quluubtoodu, kuna samra waxa ku dhaca ee ooga salaadda, waxaan ku arzaaqnayna wax ka bixiya.

 

Saan soo sheegnay suuraddan waxay ka warrami camalka Xajka, halkanna wuxuu Eebbe fari in la dhawro sharcigiisa, lagana dheeraado gaalnimada iyo beenta, illeen ciddii Eebbe wax la caabudda waa midday ku dhacday khasaare waxayna kale oy ka warrami aayaduhu hadyada la gawrici Xajka iyo habkeeda iyo in Eebbe kaliya la caabudo loona hoggaansamo sharcigiisa, kuwaas saas falana waa kuwa qalbigoodu cabsado oo samra, oo salaadda ooga, zakadana bixiya. Rasuulkuna (naxariis iyo nabad-galyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Maragga beenta ah wuxuu la sinnaaday Eebbe wax lala caabudo,” wuxuuna akhriyey aayadda. Taasina waxay ku tusin xumaanta beenta iyo inay khatar tahay inay kala mid noqotay gaalnimada. Al-Xajj (30-35)

 

  1. Loogga [hadyada] waxaan idiinka yeellay sharciga calaamooyinka Eebbe waxaana idiinku sugan dhexdeeda khayr ee ku xusa magaca Eebbe korkeeda iyadoo jilib xidhan, markay u-dhacdo dhinacna wax ka cuna, kana quudiya kan dhawrsoon iyo kan warsanba, saasaana idiinka fududaynaa, inaad mahdisaan.
  2. Ma gaadho Eebbe hilibkeedu iyo dhiiggeedu waxaase gaadha ka-dhawrsoonidiinna, saasaana Eebbe idiinku fududeeyaa inaad ku waynaysaan wuxuu idinku hanuuniyey una bishaaree kuwa wanaagga fala.
  3. Eebbana wuu daafacaa kuwa rumeeyey [Xaqa] Eebbana ma jecla mid kastoo khayaamo badan oo gaalnimo badan.
  4. Waxaa loo idmay kuwa lala dagaallami [inay dagaallamaan] maxaa yeelay waa la dulmiyey Eebbena gargaarkooda wuu karaa.
  5. Waana kuwa laga bixiyey guryahoodii xaq-darro iyo inay dheheen “Eebbahanno waa Ilaahay,” haddayna jirin ku-daaficidda Eebbe dadka qaarkood qaar waxaa la dumin lahaa macaabidda [Yuhuud], iyo biyac [kaniisadaha] iyo kaniisadda dad kale, iyo masaajidda lagu xuso dhexdeeda magaca Eebbe wax badan, wuuna u-gargaari Eebbe ciddii u-gargaarta [Diintiisa] Eebbana waa xoog-badane adkaada.

 

Xoolaha Eebbaa noogu nicmeeyey, cunno, cabbid, rarasho, korid iyo waxyaalo kale, hadyana Xajkaa loogu qalaa waxaana wax laga siiyaa kuwa baahan, Ilaahayna dan kama leh hilibkeeda iyo dhiiggeeda ee wuxuu ka abaal-mariyaa wanaagga, Eebbaana daafaca mu‘miniinta dhabta ah loona idmay inay dagaallamaan, illeen waa la dulmiyey oo xaq-darro looga soo bixiyey guryahoodiiye, haddaan Eebbe mu‘miniinta ku daaficin gaaladana waxaa la dumin lahaa meelaha lagu caabudo Eebbe. Al-Xajj (36-40)

 

  1. Waana kuwa haddaan makanino dhulka ooga salaadda oo bixiya zakada oo fara wanaagga oo ka reeba xumaanta, Eebbaana iska-leh cidhibta arrimaha.
  2. Hadday ku beeniyaan waxaa beeniyey hortood qawmkii [Nabi] Nuux iyo Caad iyo Thamuud.
  3. Iyo qawmkii [Nabi] Ibraahiim iyo qawmkii [Nabi] Luud.
  4. Iyo ehelkii Madyan, waana la beeniyey [Nabi] Muuse, waana sugay gaalada markaasaan qabtay ee see noqday ciqaabkii?
  5. Maxay badan tahay magaalo aan halaagnay iyadoo gar-daran iyaduna u-dhacday darbiyadeedii iyo ceel la halleeyey iyo daar wayn [markii la halaagay dadkii].
  6. Miyeyna ku soconin dhulka oy u-ahaato quluub ay wax ku kasaan ama dhago ay wax ku maqlaan, indha-beelka dhabta ahna waa indho-beelka quluubta ku sugan laabta.

 

Kuwa Eebbe u-yaboohay una-gargaaro waa kuwa niyeysan hadduu Eebbe makaniyo dhulka ku maamuli Diinta Eebbe iyo sharcigiisa, oo dhawri salaadda, zakada, wanaag-faridda, xumaan ka-reebidda, iyo khayr oo dhan. Kuwaan saas ahaynse siday ku mudan gargaar Eebbe? Ciddiise beenisa Nabiga iyo Xaqa, waxay lamid noqon kuwii hore ee beeniyey lana ciqaabay, imisaana la halaagay magaalo kibirtay oy guryihii, ceelashii iyo meel kastaba cidlowday? Wayna arki kartaa ciddii marta dhulka. Indha-la‘aanta dhabta ahna waa tan qalbiga mar haddaan Xaqa, hanuunka iyo Nuurka Eebbe lagu garanayn. Al-Xajj (41-46)

 

  1. Waxay dedejisan cadaab, mana baajinaayo Eebbe yaboohiisa, maalin Eebbe agtiisana waxay lamid tahay kun sano oo waxaad tirinaysaan.
  2. Badanaa magaalo aan u-sugnay [u-kaadinnay] iyadoo daalimad ah, markaas aan qabtay, xaggayga un baana loo ahaan.
  3. Waxaad dhahdaa, “Dadow waxaan uun anigu idiin ahay dige cad.”
  4. Kuwa rumeeyey [Xaqa] oo falay camal fiican waxay mudan dambi-dhaaf iyo rizqi sharaf leh [Janno].
  5. Kuwa u-socda [xumaanta] aayaadkannaga oo [isku-dayi] inay na daaliyaan kuwaasu waa ehelka Jaxiimo.

 

Mana habboona in lasoo dedejisto ciqaabta Eebbe iyo cadaabkiisa, illeen Eebbe ma baajiyo yaboohiisee, maalintuna Eebbe agtiisa waxay lamid tahay kun sano oo waxa la tiriyo ah. Waxaana sugnaaday in Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) “Waxay gali fuqarada Muslimiintu Jannada kahor kuwa xoolaha leh maalin nuskeed, shan boqol oo sano.” Cid kastoo la halaagana Eebbe un bay la kulmi oo abaal-marin. Nabiguna waa u-digaha dadka, ciddii wanaag fashana waxay mudan dambi-dhaaf iyo rizqi sharaf leh, kuwa Xaqa ka hor-imaanna waa ehelka Naarta. Mana sinna xumaanle iyo sama-fale Xaqa raaca oo wanaag u-horseeda. Al-Xajj (47-51)

 

  1. Rasuul kastoon dirray ama Nabi hortaa, markuu wax akhrin wax buu ku tuuraa Shaydaanku akhriskiisa, markaasuu baabi’yaa Eebbe wuxuu tuuri Shaydaanku wuxuuna sugaa aayaadkiisa, Eebbana waa ogaade falsan.
  2. Si uu uga yeelo waxa Shaydaanku tuuri fitno kuwa quluubtoodu bugto ee ka ingagan quluubta, daalimiintuna waxay ku sugan yihiin khilaaf [baadi] fog.
  3. Inay ogaadaan kuwa cilmiga la siiyey [mu‘miniintu] inuu yahay Xaq Eebbe ka yimid [Qur’aanka] oy rumeeyaan, oy u-khushuucdo dartiis quluubtoodu, Eebbana wuu ku hanuunin kuwa rumeeyey [Xaqa] Jid Toosan.
  4. Kana tagaan kuwa gaaloobay shaki intay ugu timaaddo Saacaddu kado ama u-yimaado cadaab maalin daran.
  5. Xukunka maalintaas Eebbaa iska leh, wuuna kala-xukmin dhexdooda, kuwa rumeeyey [Xaqa] oo falay camal fiican waxay gali Jannada Naciimo.
  6. Kuwa gaaloobay oo beeniyey aayaadkannagana kuwaas waxaa u-sugnaaday cadaab wax dulleeya.

 

Qisada kutubta qaarkeed qorto oo ku saabsan in Shaydaan Nabiga wax ugu tuuray intuu sanamyada sheego ma aha wax sugan, waana ka dhawrsan yahay Nabigu arrintaas, hase yeeshee gaaladaa Shaydaan moodsiiyey arrintaas, Eebbana xumaanta wuu tiraa Xaqana wuu sugaa, si cidduu dhuminna u-muuqato tii toosnaanna u-muuqato, iyo inay mu‘miniintu ogaadaan Xaqa jidka ku toosan, gaalana xumaan ma dayso intay uga timaaddo Saacadda ama ciqaab daran, xukunka Qiyaamadana Eebbaa iska leh, isagaana kala xukumi dhexdooda, kuwa fiicanna Jannuu galin kuwa xunna Naar daran, Nabiguna waa ka fog yahay inuu Shaydaan usoo dhawaado. Al-Xajj (52-57)

 

  1. Kuwa ku-hijrooday Jidka Eebbe haddana la dilo ama dhinta wuxuu ku arzaaqi kuwaas Eebbe rizqi wanaagsan, Eebbana waa ku khayr-roon yahay rizqigiisu.
  2. Wuxuuna galin meel ay ka raalli noqon [Janno] Eebbana waa oge dul-badan.
  3. Waa saas, ruuxii ciqaaba inta la ciqaabay oo kale markaas la gar-darraysto wuu u-gargaari Eebbe, Eebbana waa cafiye dhaafa.
  4. Waxaana ugu wacan in Eebbe galiyo habeenka maalinta, galiyana maalinta habeenka, Eebbana waa maqle arka.
  5. Waxaana ugu wacan taas in Eebbe Xaq [sugan] yahay, waxay caabudi oo kasoo hadhayna baadil yahay, Eebbana yahay Sarreeye Weyn.

 

Ciddii dar Eebbe u-hijroota oo Jahaad lagu dilo ama iska-dhimata wuxuu Eebbe ku arzaqaa rizqi wanaagsan oo ah inuu galiyo Janno ay ka raalli noqon. Tan kale ciddii la-dulmiyo lana gar-darraysto xaq-darro wuu u-gargaari Eebbe hadduu gargaar muto oo toosan yahay Xaqana ku joogo, wuxuu yidhi Shaxbiil binu Samda, “Waxaa dheeraaday nagaadigannagii dhulka Ruum, markaasuu na maray Salmaan (al-Faarisi) wuxuuna yidhi, ‘Waxaan maqlay Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) oo leh, “Ruuxii dhinta isagoo muraabid ah (gaalada dhulka ka dhawri) waxaa u-socon ajir lamid ah kaasoo kale, rizqina waa la siin waxaana laga nabad-galin kuwa wax fidmeeya.”’” Habeenka iyo maalintana Eebbaa iska leh maamulkooda, waana Eebbaha Xaqa ah, waxa la caabudo ee kasoo hadhayna baadil yahay waana Sarreeyaha Wayn, waana in Eebbahaas si dhab ah loo caabudo xagga caqiidada, xukunka, akhlaaqda, macaamilada, wax walbana lagu dhaqo sharcigiisa Xaqa ah, ee caadilka ah. Al-Xajj (58-62)

 

  1. Miyeydaan ogayn in Eebbe kasoo dejiyo samada biyo oo ahaado dhulku cagaar, Eebbana waa oge xeel dheer.
  2. Waxaa u-sugnaaday Eebbe waxa samaawaadka ku sugan iyo waxa dhulka ku suga, Eebbana waa hodan mahadsan.
  3. Miyeydaan ogayn in Eebbe idiin sakhiray waxa ku sugan dhulka iyo markabka socda badda dhexdeeda amarka Eebbe, wuxuuna ka hayaa samada inay ku dhacdo dhulka idinka Eebbe mooyee, Eebbana dadka waa u naxariis badane.
  4. Eebbana waa kan idin nooleeya, haddana idin dila haddana idin nooleeya, dadkuna waa diidmo-badane [nicmada Eebbe].
  5. Ummad kasta waxaan u-yeellay hab cibaado oy ku cibaadaysan ee yeyna kugula doodin amarka [Xaqa] uguna yeedh xagga Eebbahaa adigu waxaad ku sugan tahay hanuun toosane.
  6. Hadday kula doodaan waxaad dhahdaa, “Eebbaa og waxaad falaysaan.”
  7. Eebbana wuu kala-xukmin dhexdooda maalinta Qiyaame waxay isku-khilaafsanaayeen.

 

Waxaa ku tusin qudrada Eebbe iyo awooddiisa roobka doogga soo bixin, dhulkana cagaara oo qurxiya, iyo awooddiisa cirka iyo dhulka iyo hodanimadiisa. Waxaa kale oo tusin Ilaahnimadiisa sakhiridda waxa dhulka ku sugan iyo doonta ku socota badda amarka Eebbe iyo inuu cirka ka hayo inuu ku dhaco dhulka, waana u-naxariistaha dadka, waana kan wax nooleeya waxna dila, haddana nooleyn, dadse waa gaalnimo badane, ummad kastana Eebbe wuxuu u-yeelay cibaado ay gudato ee yaan Xaqa lagu kala murmin, uguna yeedh Xaqa waxaad ku sugan tahay Jid Toosane, hadday kula murmaanna Eebbaa og waxay fali isagaana kala xukumi dhexdooda Qiyaamada waxay isku-diiddan yihiin. Saas darteed waa inaad Xaqa ku toosnaato oon lagaa leexin war dad iyo dhagartiisna maqlin si uu kuugu gargaaro Eebbe una liibaantid. Al-Xajj (63-69)

 

  1. Miyaadan ogayn in Eebbe ogyahay waxa ku sugan samada iyo dhulka? Arrintaasna waxay ku sugan tahay Kitaab, arrintaasuna Eebbe waa u-fududdahay.
  2. Waxay caabudi Eebbe ka-sokow wuxuusan usoo dejinin xujo oyna u-lahayn cilmi, umana sugna daalimiinta gargaare.
  3. Marka lagu akhriyo korkooda aayaadkannaga oo cad cad waxaad ka garataa wajiyada kuwa gaaloobay diiddo, waxayna u dhaw yihiin inay ku boodaan [dhibaan] kuwa ku akhrin aayaadkannaga, waxaad dhahdaa, “Maydiinka warramaa wax ka shar badan taas? Waa Naar u-darbay Eebbe kuwa gaaloobay, iyadaana u-xun meel loo ahaado.”
  4. Dadow waxaa la-yeelay tusaale ee dhagaysta, kuwaad baryeysaan [caabudaysaan] Eebbe ka-sokow ma abuuraan daqsi haba u-kulmeene, hadduu ka qaato daqsi waxna kama ceshadaan, waxaa tabar yar kan wax dooni iyo kan la-dooni.
  5. Mayna waynayn Eebbe mudnida weynidiisa, Eebbana waa xoog-badane adkaada.

 

Eebbana waa ogyahay waxa cirka iyo dhulka ku sugan, wax walbana Kitaab bay ku sugan yihiin, Eebbana waa u-fududdahay xaalkaasu, mana habboona in la caabudo wax Eebbe kasoo hadhay oon waxba ahayn, wax Eebbe wax uga tarina ma jiro daalimiinta, marka Xaq-diidayaasha lagu akhriyo aayaadka Eebbe oo cad cad waxaad aragtaa wajiga gaalada oo diiddan oo u-dhaw inay ku boodaan cidda akhrin aayaadka Eebbe, waxaase shar ku dhan yahay Naarta Eebbe u-darbay kuwa gaaloobay iyadaana u-xun meel loo ahaado, waxay caabudi oo Eebbe kasoo hadhayna ma karaan abuur daqsi hadday kulmaan, hadduu wax ka qaatana kama dhacsan karaan, kan caabudi iyo kan la-caabudiba waa tabar yar yihiin, mana waynayn gaaladu Eebbe mudnaantiisa, waana xoog-badane adkaada, cid lamid ah ama ka dulmi-badan oo ka-xun ma jirto cid caabudday wax Eebbe kasoo hadhay. Al-Xajj (70-74)

 

  1. Eebbe wuxuu ka doortaa malaa‘igta Rasuullo dadkana [Rasuullo] Eebbana waa maqle arka.
  2. Wuxuuna ogyahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah, xagga Eebbaana loo celin umuuraha.
  3. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, rukuuca oo sujuuda oo caabuda Eebbihiin, falana khayrka waxaad u dhawdihiin inaad liibaantaane.
  4. Kuna dadaala dar Eebbe dadaal dhab ah, Isagaana idin doortay, mana yeelin Diinta dhib, waa milladii aabbihiin Ibraahiim, Isagaana [Eebbe] idiinku magacaabay Muslimiin horay iyo Qur’aankan si Rasuulku marag korkiinna ugu noqdo, idinkuna aad marag u-ahaataan dadka, ee ooga salaadda oo bixiya zakada oo qabsada Eebbe Isagaa gargaarihiinna ah, Isagaana u-fiican Sayid isagaana u-fiican gargaare.

 

Eebbe isagaa og meeshuu wax ka diri iyo cidduu diri iyo cidda loo diriba, siduu wax walba u ogyahay. Tan kale wuxuu fari Eebbe in salaadda la oogo Eebbana si dhab ah loo caabudo, khayrkana la falo si loo liibaano, dar Eebbana loo jahaado, illeen Ilaahay baa dooray ummaddan Muxamaddiyadee, dhibna ma yeelin Diintii, waxay waafaqsan tahay Diintii Nabi Ibraahiim, Ilaahay baana Muslimiin nagu magacaabay mar hore iyo Qur’aankaba. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) marag buu noo yahay ummaduna waa maragga dadka kale, waase in salaadda la oogo, zakadana la bixiyo, lana qabsado xadhigga Eebbe, illeen Isagaa Sayidkeenna iyo Gargaaraheenna ah una wanaagsan gargaaree, waana kaas Islaamka toosan oo wanaag, Islaamnimo, xumaan ka-tagid iyo samo-fal ah, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ruuxii u-yeedha yeedhid jaahiliyo wuxuu dhex-fadhiisan Jahannamo,” markaasuu nin yidhi, “Rasuulka Eebbow, haba soomo oo tukado?” Markaasuu yidhi, “Haba soomo oo tukado. U-yeedha Eebbaha oo ah inuu idinku magacaabay Muslimiin addoomada Eebbow.” Al-Xajj (75-78)

 

Suurat Al-Mu’minuun

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaa dhab ahaan u-liibaanay mu’miniinta.
  2. Ah kuwa salaaddooda ku khushuuca.
  3. Oo ah kuwa hadalka macno-darro ka jeedsada.
  4. Oo ah kuwa fala zakada [bixiya].
  5. Oo ah kuwa furuujtooda ilaaliya.
  6. Haweenkooda iyo waxay hanatay gacantoodu mooyee, laguma dagaalo taas.
  7. Ruuxiise doona waxaas wax kasoo hadhay kuwaasu waa xad-gudbayaal.
  8. Waa kuwa ammaanadooda iyo ballankooda dhawra.
  9. Waana kuwa salaadda ilaaliya.
  10. Kuwaasu waa kuwa dhaxli.
  11. Oo ah kuwa dhaxli Firdowsa wayna ku dhex-waari.

 

Suuraddan waxaa lagu magacaabaa Suuratul Mu‘minuun, waxayna ku billaabatay liibaanta mu‘miniinta ku khushuuca salaadda, oo macna-la’aanta hadal ah ka jeedsada, oo zakada fala, oo iska-dhawra waxaan Eebbe u-xalaalayn, oo amaanada iyo ballankooda ilaaliya, salaaddana ilaaliya, kuwaasuna waa uun kuwa dhaxli Jannada Firdowsa kuna waari dhexdeeda. Wana taas tilmaanta dhabta ah ee ruuxa mu‘minka ah ee mudan liibaan iyo Jannada Eebbe, waana liibaan aan wax lamid ah jirin. Caa‘isha Eebbe haka raalli noqdee waxaa la warsaday dabeecaddii Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waxayna tidhi, “Dabeecaddiisu waxay ahayd Qur’aanka,” waxayna akhriday billowga suuraddan tan iyo aayadda sagaalaad. Mana qarsoona wanaagga salaadda, bixinta zakada, ka-jeedsashada hadal macno-darro, ka-fogaanshaha zinada, ilaalinta ammaanada iyo ballanka iyo wanaagga ku dadaalka. Al-Mu’minuun (1-11)

 

  1. Waxaan ka abuurnay dadka wax laga soo soocay dhoobo.
  2. Markaasaan ka yeellay dhibic ku jirta meel sugan.
  3. Markaasaan ka abuurnay dhibicdii calaqo kana abuurnay calaqadii goosin, kana abuurnay goosintii lafo oon huwinnay lafihii hilib markaasaan ka ahaysiinay khalqi kale, waxaa khayr badnaaday Eebbaha abuurkiisu fiican yahay.
  4. Markaas idinku arrintaas kadib waad dhimanaysaan.
  5. Markaas maalinta Qiyaame laydin soo bixin.
  6. Waxaana ku abuurnay korkiinna toddobo samo mana nihin mid khalqiga halmaansan.

 

Aayadahanna waxay caddayn dadka asalkiisa iyo sida Eebbe u-abuuray una soo mareen abuur kala-duwan, waxaana wayn oo ammaan muta xumaanna ka dheer Ilaaheenna wanaajiya abuurka, markaas kadibna wuu dilaa, wuxuuna soo bixiyaa maalinta Qiyaame, waana kan ahaysiiyey korkooda toddobo samo oon halmaansaneyn khalqiga. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe wuxuu ka abuuray [Nabi] Aadam kasoo-qaad dhulkoo dhan, waxayna ahaadeen carruurtiisu sida dhulka, mid cas, mid cad, mid madow iyo mid u-dhexeeya, iyo mid fiican iyo mid xun iyo mid u-dhexeeya.” Al-Mu’minuun (12-17)

 

  1. Waxaan kasoo dejinnay samada biyo qiyaasan, waxaana dejinnay dhulka inaan la tagnana waan karraa.
  2. Waxaana idinku ahaysiinnay beero timir ah iyo cinabyo oo dhexdeeda khudaar badani ku sugan tahay ood wax ka cuntaan.
  3. Iyo geed ka baxa Duur Saynaa oo soo saarta subag iyo koosaar kuwa cuni.
  4. Waxaa idiinku sugnaaday xoolaha waano, waxaana idinka waraabinnaa waxa caloosheeda ku sugan waxaana idinku sugan manfaco badan, xaggeedaadna wax ka cuntaan.
  5. Korkeeda iyo markabka korkiisa yaana laydinku xambaaraa.
  6. Waxaan u-dirray [Nabi] Nuux qawmkiisii wuxuuna yidhi, “Qawmkayow caabuda Eebbe idiinma sugnaanin ilaah kasoo hadhaye, miyeydaan dhawrsanayn?”
  7. Waxayna dheheen madaxdii gaalowday oo qawmkiisa ahaa, “Kanu ma aha waxaan dad idin lamid ah ahayn, wuxuuna doonayaa inuu idinka fadilmo, hadduu doono Eebbe wuxuu soo dejin lahaa malaa‘ig, manaan ka maqlin arrintan aabbayaalkannagii horreeyey.”
  8. “Ma aha waxaan nin waalan ahayn ee suga tan iyo muddo geerida.”

 

Waxaa awoodda Eebbe iyo qudradiisa kamid ah roobka uu samada ka keeno markaas dhulka ku kaydiyo hadduu doono uu kaxayn karo, kuna soo bixiyo beero wax laga cuno, sida geedka subagga leh ee Saynaa oo kale, xoolahana Eebbaa inoogu nicmeeyey. Aayadaha kalena waxay ka warrami Nabi Nuux iyo qawmkiisii, iyo siday u-beeniyeen, wax badan yuuna Qur’aanku ka qisooday waxaase muhiim ah in laga leexdo jidka kuwa xun lana raaco Xaqa iyo wanaagga. Al-Mu’minuun (18-25)

 

  1. Wuxuu yidhi, “Eebbow iiga gargaar beenintooda.”
  2. Waxaana u-waxyoonnay, “Ku samee doon ilaalintannada iyo waxyigannaga, markuu yimaado amarkannagu oo burqado tanuurkii, gali doonta nooc kastaba labo labo iyo ehelkaaga ciddii hadal u hor-maray [halaag] mooyee oo kamid ah haygu lana hadlin [xaalka] kuwa dulmiga falay iyaga waa la maanshayne.”
  3. “Markaad korto adiga iyo inta kula jirta doonta waxaad dhahdaan, ‘Mahad Eebbaa iska leh ah kan iga koriyey qawmka daalimiinta ah.’”
  4. “Waxaadna dhahdaa, ‘Eebbow i daji guri la barakeeyey adaa u khayr-roon dejiyee.’”
  5. Arrintaasna waxaa ku sugan aayaad waxaana nahay kuwo wax imtixaama.

 

Wuxuuna ku dhammaaday xaalkii kuwaas in biyo lagu halaagay, Eebbana koriyey Nabi Nuux iyo intii rumaysay, taasina waa sunnada Eebbe iyo imtixaankiisa, qisaduna waxay aad ugu faahfaahsan tahay suuradda Huud, waxayna ku tusin lagdanka Xaqa iyo xumaanta tan iyo waqtigii Nabi Nuux iyo inaan la waayeyn Xaq-diidayaal xumaanta jecel oo wanaagga neceb, waxaase hadhi wanaagga iyo khayrka, waxaana tagi xumaanta iyo gaalnimada iyo kibirka. Al-Mu’minuun (26-30)

 

  1. Markaasaan ahaysiinnay gadaashood qarni kale.
  2. Waxaana u-dirray dhexdooda Rasuul kamid ah, “Caabuda Eebbe idiinma sugna ilaah [xaq lagu caabudo] Eebbe kasoo hadhay ee miyeydaan dhawrsanayn?”
  3. Waxay dheheen madaxdii qawmkiisa ee ah kuwii gaaloobay oo beeniyey la-kulanka Aakhiro oon ugu raaxaynay nolosha dhaw, “Kani ma aha waxaan dad idin lamid ahayn cunina waxaad cunaysaan, cabbina waxaad cabbaysaan.”
  4. “Haddaad adeecdaan dad idin lamid ah idinku waa khasaarteen.”
  5. “Ma wuxuu idiin yaboohi markaad dhimataan ood noqotaan carro iyo lafo in laydin soo bixin?”
  6. “Waa fog tahay oo fog tahay waxa laydinku goodin.”
  7. “Ma aha waxaan noloshannada adduunyo ahayn, waanu dhiman [qaar] oonnu noolaan [qaar] kuwa lasoo bixinna ma nihin.”
  8. “Mana aha waxaan nin ku been-abuurtay Eebbe ahayn, mana nihin kuwo u-rumeyn.”
  9. Wuxuuna yidhi, “Eebbow iiga gargaar beenintooda.”
  10. Wuxuu yidhi Eebbe, “Mudda yar kadib yey ahaan kuwo nidaamooda [shallaaya].”
  11. Waxaana ku qabatay si xaq ah qaylo, waxaana ka yeellay daad-xoor ee fogaansho haw sugnaado daalimiinta.

 

Nabi Nuux gadaashiis wuxuu Eebbe diray Rasuullo kale, waxaana beeniyey qawmkoodii iyagoo sheegi inay lamid yihiin una nool yihiin siday u nool yihiin, oy diideenna soo-bixinta iyo Qiyaamada, Nabiguna ay xumaan ku sheegeen, wuxuuse baryaye Eebbe, waxaana ku dhacay gaaladii halaag, taasina waa abaalka gaalada Xaqa diida ee daalimiinta ah, oo ku dambayn qoomamo iyo khasaare. Al-Mu’minuun (31-41)

 

  1. Markaasaan ahaysiinnay gadaashood quruumo kale.
  2. Kamana hor-marto ummadi ajasheeda [waqtigeeda] kamana dib-marto.
  3. Markaasaan diray Rasuulladannadii oo is-raacsan, mar kastoy ummad u-yimaado Rasuulkoodu way beeniyaan, waxaana raacsiinnay qaarkood qaar [halaag] waxaana ka yeelay sheeko, fogaanshaana u-sugnaaday qawm aan [Xaqa] rumeynin.
  4. Markaasaan la dirnay [Nabi] Muuse iyo walaalkiis Haaruun aayadkannagii iyo xujo cad.
  5. Xagga Fircoon iyo jameecadiisii [yaana u-dirray] wayna is-kibriyeen waxayna ahaayeen qawm is-korraysiiya.
  6. Waxayna dheheen, “Ma waxaannu u-rumayn labo ruux oo na lamid ah qawmkooduna annaga na caabudo?”
  7. Wayna beeniyeen waxayna noqdeen kuwo la-halaagay.
  8. Waxaana siinnay [Nabi] Muuse Kitaabka inay hanuunaan.
  9. Waxaana ka yeellay ina-Maryamna iyo hooyadiis aayad waxaana u-dunnay meel sare oo sugnaansho iyo biyo socda leh.

 

Markaas kadibna waxaa yimid quruumo kale, oo midna ayna ka hor-mari karin kana dib-mari karin waqtigeeda, waxaana loo soo diray Rasuulllo si is-raacsan, oo mar kasta la beenin jiray, waase la-ciqaabay beeniyayaashii, markaasaa Eebbe diray Nabi Muuse iyo Haaruun, wixii dhex-maray isaga iyo Fircoonna wax badan yuu Qur’aanku ka warramay waase in la waano-qaato. Sidoo kale Nabi Ciise iyo hooyadiisna waa in lagu waano-qaato. Al-Mu’minuun (42-50)

 

  1. Rasuullow ka cuna xalaasha, falana wanaag, anigu waxaad falaysan waan ogahaye.
  2. Tanna waa ummaddiinii [Diinta] ummad [Diin] kaliya anna waxaan ahay Eebbihiin ee iga dhawrsada.
  3. Waxayse u kala-goosteen amarkooda dhexdooda kooxo, xizbi kastana waxa agtooda ah yey ku faraxsan yihiin.
  4. Ee isagaga tag halmaanshahooda dhexdiisa tan iyo muddo.
  5. Ma waxay u-malayn waxaannu siin oo xoolo iyo carruur ah
  6. Inaanu usoo hor-marinnay khayraad? Wax ma oga.
  7. Kuwa uun ka cabsada Eebbahood ka-yaabid.
  8. Kuwa uun aayaadka Eebbahood rumeeya.
  9. Kuwa uun Eebbahood aan la wadaajinin.
  10. Kuwa bixin waxa la siiyay iyadooy ka cabsan quluubtoodu inay xagga Eebbe u-noqon.
  11. Kuwaasaa u degdegi khayraadka una hor-marinnay.

 

Eebbe wuxuu faray Nabiyada inay cunaan xalaasha wanaagna falaan, wayna fuliyeen wixii la faray, tan kale Xaqu waa mid, Eebbana waa mid kaliya, mana habboona in la kala-tago ama lays-khilaafo, mana aha xoolaha iyo carruurta la siin gaalada khayr loo soo dedejiyey, ee kuwa Eebbe ka-yaaba, ee rumeeya aayaadkiisa een u shariik-yeelin, ee wax bixiya iyagoo ka cabsan inay Eebbe u-noqon kuwaasaa khayrka loo soo dedejin, una hor-mara. Caa‘isha (Eebbe haka raalli noqdee) waxay warsatay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) in kuwa cabsan ay yihiin kuwa xada, zinaysta, oo khamro cabba. Wuxuuna yidhi, “Ma aha kuwaas, ee waa kuwa tukada, sooma oo sadaqaysta, haddana cabsan.” Imaam Axmed. Al-Mu’minuun (51-61)

 

  1. Kuma mashaqayno naf waxayna karin, agtannadana waxaa ah Kitaab ku hadli xaq, lamana dulmiyo iyagana.
  2. Waxayse kaga sugan tahay quluubtoodu halmaansho xagga kaas, waxayna leeyihiin camallo kaas ka duwan [oo xun] oy iyagu u camal-fali.
  3. Markaanse ku qabanno kuwooda nicmaysan cadaab markaasay qayliyaan.
  4. [Waxaana la dhihi] “Ha qayliyina maanta idinku xaggannaga laydiin kama gargaaree.”
  5. “Waxay ahayd aayaadkeygii tii lagu akhriyo korkiinna waxaadse ahaydeen kuwa cidhibtiinna dib ugu noqda [Xaqa diida].”
  6. “Idinkoo isku-kibrin Qur’aanka [ama Kacbada iyo Nabiga] cawaysimina idinkoo hadal xun.
  7. Miyeyna fiirinin Qur’aanka, mise waxaa u-yimid waxaan u-imaanin aabbayaalkoodii hore?
  8. Mise waxayna aqoonin Rasuulkooda oo ay diidi?
  9. Mise waxay dhihi, “Waa waalan yahay.” Wuxuuse ula yimid Xaq, badankoodse Xaqay nici.

 

Aayadahanna wuxuu Eebbe ku sheegay inuusan cidna ku mashaqayn waxayna karin, Eebba agtiisana yahay Kitaab xaq ku hadli, cid la dulminna ayna jirin, gaaladuse way halmaansan yihiin xaalkaas, waxayna leeyihiin shaqooyin kale, markase kuwooda raaxaysan kado lagu qabto markaasay Eebbe u-qayliyaan, mase habboona inay qayliyaan, illeen horay Xaqa u-diideene, una gaaloobeene, isla-wayni iyo kibirna ku darsadeene, miyeynase fiirinin Qur’aanka? Mise waxaa u-yimid waxaan u-imaan aabbayaalkoodii hore? Miyeynase aqoonin Rasuulkooda oo saasay ku diidi? Mise waalli bay ku sheegi? Dhabtuse waa inuu Xaq ula yimid, iyana ay Xaqa diidi. Jacfar iyo Abuu Sufyaanna waa kuwii u-caddeeyey Najaashi iyo Hiraqle inay yaqaannaan Nabiga runtiisa, ammaanadiisa iyo nasabkiisaba. Taasina waxay ku tusin in cidda Xaqa u-yeedhi tahay mid lagu yaqaan sharaf iyo amaano. Al-Mu’minuun (62-70)

 

  1. Hadduu raaco Xaqu hawadooda waxaa fasaadi lahaa samooyinka iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeya, waxaanse siinnay Qur’aanka wayse ka jeedsan Qur’aanka.
  2. Mise waxaad warsan kharaj [ujuuro]? Ajirka Eebbahaa baa khayr-roon, waana kan u khayr badan arzaaqe.
  3. Adiguna waxaad ugu yeedhi Jid Toosan.
  4. Kuwa aan rumeyn Aakhirona jidka way ka iilan.
  5. Haddaan u-naxariisanno oon ka faydno waxa haya oo dhib ah waxay ku madax-taagi xumaantooda iyagoo ku indho-la’.
  6. Waxaannu ku qabannay cadaab umana ayan hoggaansamin [dulloobin] Eebbahood umana khushuucin.
  7. Markaan ku furro korkooda cadaab daran markaasay quustaan.

 

Qur’aanka iyo Xaqa Eebbaa soo dejiyey, mana raacayo hawadooda iyo siday rabaan ee wuxuu ku socon Jidka Toosan ee habboon, haddii kale waxaa fasaadi cirka, dhulka iyo waxa ku dhex-sugan, wuxuuna Eebbe soo dejiyey Qur’aan sharaf leh oy gaaladuna ka jeedsan, Nabiguna wax ujuura ah ma warsado, illeen ajriga Eebbaa khayr roone, wuxuuse Nabigu ugu yeedhi Jidka Toosan, kuwaan rumayn Aakhirana jidka way ka leexdaan, hadduu Eebbe u-naxariisto oo ka faydo dhibna waxay kusii madax-taagaan xumaanta, Eebbana wuu imtixaamaa mase u-khushuucaan inta ay ka arkaan albaab cadaab daran oy markaas quustaa, saasuuna Qur’aanku iyo Nabigu ugu yeedhi Xaqa iyo Jidka Toosan, dadka qaarkiina u-diidi. Siduu Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) xadiith macnihiisu yahay: “Waxaan idin hayaa guntiga oo dabka idinka celin, idinkuna isku-tuuraysaan waxayna u-dhawdahay inaan idin sii daayo, waxaana layga celin doonaa dad markaan dhaho ‘Eebbow waa ummadayda,’ yaa la dhihi, ‘Ma ogid waxay sameeyeen gadaashaa, dib bay u-noqdeen (gaaloobeen).’” Waana taas dib u-noqoshada dhabta ah. Al-Mu’minuun (71-77)

 

  1. Eebbe waa kan idiin yeelay maqalka, iyo aragga iyo quluubta wax yar baadna ku shukriyeysaan [Eebbe].
  2. Eebbe waa kan idinka abuuray dhulka xaggiisaana laydiin soo celin.
  3. Eebbe waa kan wax nooleeya, waxna dila, wuxuuna leeyahay is-khilaafka [kala-duwanaanta] habeenka iyo maalinta ee miyeydaan wax kasayn.
  4. Waxayse dheheen wax lamid ah waxay dheheen kuwii hore [gaaladii].
  5. Waxay dheheen, “Ma markaan dhimanno oon noqonno carro iyo lafo miyaa annaga nala soo bixin?”
  6. “Waa naloo yaboohay aabbayaalkanno kan [soo-bixinta] horay, mana aha kani waxaan warkii hore ahayn.”
  7. Waxaad dhahdaa, “Yaa leh dhulka iyo waxa ku sugan haddaad wax ogtihiin?”
  8. Waxay odhan, “Eebbe,” waxaad dhahdaa, “Miyeydaan wax xusuusanayn?”
  9. Dheh, “Waayo Eebbaha samooyinka toddobada ah iyo Eebbaha Carshiga wayn?”
  10. Waxay odhan, “Eebbe,” dheh, “Miyeydaan dhawrsanayn?”
  11. Dheh, “Yey yaddiisa [gacantiisa] ku jirtaa xukunka wax kasta, oo wax magan-galiya, isna aan wax laga magan-galinayn, haddaad wax ogtihiin?”
  12. Waxay odhan, “Eebbe,” dheh, “Xaggee laydiin sixri?”
  13. Waxaanse siinnay Xaq, waana beenaalayaal.

 

Eebbaa dadka ugu nicmeeyey maqalka, aragga, caqliga iyo nicmooyinka kale si ay ugu mahdiyaan, wanaaggana ugu dhaqmaan, isagaana abuura, oo dila oo noolayn, wax walbana awooddiisa ku jiraa, dadkana soo kulmin, xukunka dhulka, cirka, Carshiga, wax kasta iyo magan-galintaba isagaa leh, wax dhibi ama wax u-tara ama magan-galinna ma jiro, sidaasayna waajib u-tahay in si dhab ah loo caabudo looguna dhaqmo sharcigiisa iyo Qur’aankiisa. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Xaalka Eebbe waa ka wayn yahay sidaas, Carshigiisu wuxuu ku yahay sidaas,” wuxuu ishaaray gacantiisa sida qubbad. Al-Mu’minuun (78-90)

 

  1. Ma yeelan Eebbe ilmo, mana aha miciisa ilaah [kale] illeen markaas wuu la tagi lahaa ilaah walba wuxuu abuuray, wuxuuna ka kor-mari lahaa [adkaan lahaa] qaarkood qaar, waxaa ka nazahan Eebbe waxay ku tilmaami.
  2. Waa ogaha waxa maqan iyo waxa jooga, wuuna ka sarreeyaa waxay la wadaajin.
  3. Waxaad dhahdaa, “Eebbow haddaad i tusiso waxa loo yaboohay.”
  4. “Eebbow hayga yeelin qawmka daalimiinta ah.”
  5. Annaguna inaan ku tusinno waxaan u-yaboohnay waan karraa.
  6. Ee raaci [dhaafso] tan wanaagsan midda xun, annagaa og waxay tilmaamiye [sheegi].
  7. Waxaadna dhahdaa, “Eebbow waxaan kaa magan-galay waswaaska shayaadiinta.”
  8. “Waxaana kaa magan-gali Eebbow inay ii yimaadaan shayaadiintu.”
  9. Markuu u-yimaaddo midkood [gaalada] mawdku wuxuu dhihi, “Eebbow i celiya.”
  10. “Waxaan u-dhawahay inaan falo wanaag waxaan ka tagay,” saas ma aha ee waa hadal uu iska yidhi gadaashoodana waxaa ah barzakh, tan iyo maalinta lasoo bixin.

 

Eebbe ilmo ma leh umana baahna, ilaah kalena lama jiro oo mid walba wuxuu qaadan lahaa wuxuu abuuray, mid baana midka kale ka sarreyn lahaa, waana ka nazahan yahay Eebbe waxaas, wax walbana waa ogyahay, Eebbana waa karaa ciqaabtooda, waana in Eebbe la warsado inuusan daalimiinta kala mid dhigin siduu Nabiga faray, xumaantana waa in wanaag lagu baddalaa, Shaydaankana Eebbe laga magan-galo, si aan marka la dhiman loo calaacalin celinna loo warsanin si camal fiican loo falo. Al-Mu’minuun (91-100)

 

  1. Marka la afuufo suurka ma jiro nasab dhexdooda maalintaas, waxna isma warsadaan.
  2. Ciddayse cuslaato miisaankiisu [wanaagga] kuwaasi waa kuwa uun liibaanay.
  3. Ciddayse fududaato miisaankiisu kuwaasi waa kuwa khasaariyey naftooda Jahannamayna ku waari.
  4. Waxaana gubi wajigooda Naarta iyagoo waji diiran.
  5. [Waxaa lagu dhihi] “Miyeyna ahayn aayaadkannagu kuwa lagu akhriyo korkiinna ood beenin jirteen?”
  6. Waxay dhahaan, “Eebbow waxaa naga adkaatay xumaantannadii, waxaana ahayn qaar dhunsan.”
  7. “Eebow naga bixi xaggeeda haddaan u-noqonnana annagaa daalimiin ah.”
  8. Wuxuu dhahaa Eebbe, “Ku fogaada dhexdeeda idinkoo [dullaysan] hana ila hadlina.”
  9. “Waxaa jirtay in koox kamid ah addoomadayda ay dhahaan ‘Eebbow waan rumaynay Xaqa ee noo dhaaf noona naxariiso adaa naxariiste u khayr-roone.’”
  10. “Waxaadse ka yeelateen jeesjees intay idinka halmaansiiyaan xuskayga ood kuna qoslayseen.”
  11. “Waan ka abaal-marinnay maanta samirkoodii dartiis, iyaga un baana liibaanay.”

 

Qiyaamada, miisaanka, Jannada, Naarta iyo abaal-marintaba wax badan yuu Qur’aanku soo celceliyey, waxaase loo baahan yahay waano-qaadasho. Waxbana uma taro gaalo calaacal maalintaa mar hadday beenin jireen Qur’aanka, kuna jeesjeesi jireen mu‘miniinta, kuna qosli jireen, kuwaasoo wanaag lagu abaal-marin maalintaas liibaanina. Waxayna caddayn aayaddu inaan nasab iyo qaraabo wax tarayn Qiyaamada ee wanaag iyo Xaq-rumayn uun wax tari iyo toosni dhab ah. Al-Mu’minuun (101-111)

 

  1. Wuxuuna dhihi Eebbe, “Imisa sanaad ku nagaateen dhulka?”
  2. Waxayna odhan, “Waxaan ku nagaannay maalin ama maalin qaarkeed, warsada kuwa wax tiriya [malaa’igta].”
  3. Wuxuu yidhi, “Maydaan nagaanin wax yar mooyee haddaad wax ogtihiin.”
  4. “Ma waxaad u-malayseen inaan idiin abuurnay ciyaar oon idinka xaggannaga loo soo celinayn?”
  5. Waxaa sarreeya Eebbaha Xaakimka Xaqa ah, ilaah [xaq lagu caabudo] aan isaga ahaynna ma jiro, waana Eebbaha Carshiga sharafta leh.
  6. Ciddii caabudda Eebbe la-jirkiisa ilaah kale oon xujo lahayn xisaabtiisu waa uun Eebbe agtiisa, mana liibaanto gaalo.
  7. Waxaad dhahdaa, “Eebbow dhaaf oo naxariiso adaa naxariiste u khayr-roone.”

 

Gaalada xisaabtu way ka lumi Qiyaamada, mana gartaan intay adduunka ku noolaayeen, waxayse sheegi inay maalin ama maalin badhkeed ku noolaayeen iyagooy la-yaraatay dhibka dartiis, wax yar bayse ku noolaayeen hadday garan, dadkana ciyaar looma abuurin, waxaana sarreeya Eebbaha Xaakimka Xaqa ah, ee Carshiga sharafta leh iska leh, ciddii caabudda oo xumaan iyo gaalnimo ku raacda wax kale Eebbe la-jirkiisa Eebbaa xisaabin, gaalana ma liibaanaan, dambi-dhaaf iyo naxariisna Eebbaa leh oo hanta. Al-Mu’minuun (112-118)

 

Suurat an-Nuur

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. [Tani] waa suurad aan soo dejinnay oo faralnay [wax ku caddaynay] kuna soo dejinnay dhexdeeda aayaad cad cad inaad wax xusuusataan [waano-qaadataan].
  2. Zaaniyadda [haween] iyo zaaniga [ragga] garaaca mid kastoo kamid ah boqol garaac yeyna idiin qabanin xaggooda naxariis Diinta Eebbe dhexdeeda haddaad tihiin kuwa rumeeyey Eebbe iyo Maalinta Dambe [Qiyaamada] hana joogo garaacooda koox kamid ah mu‘miniinta.
  3. Zaani ma guursado waxaan zaaniyad ahayn ama gaal, zaaniyadna ma guursato waxaan zaani ahayn ama gaal, waana laga reebay arrintaas mu‘miniinta.
  4. Kuwa [zino] ku gana [sheega] haweenka dhawrsoon oon afar marag ah keenin garaaca siddeetan garaacood, hana ka aqbalina marag waligood, kuwaasina waa uun faasiqiin.
  5. Marka laga reebo kuwa tawbad-keena intaas kadib oo wanaajiya, Eebbana waa [dambi] dhaafe naxariista.

 

Suuraddan waa suurad wayn, wax badanna ka warranta aadaabta Islaamka, oyna habboon tahay in la fahmo, waxayna ku billaabatay in Eebbe soo dejiyey kuna caddeeyay aayaad, waxaa ku xiga ciddii zino la timaadda rag iyo haweenba oon horay wax u-guursan in lala dhaco boqol ulood, oon loona nixin, maragna loo yeelo, iyo in dadka xun xun iyagu isku habboon yihiin oo zaani iyo gaal uu guursan mid lamid ah, lagana reebay mu‘miniinta, gaalada Kitaabka leh waa laga hadlay wayna bannaan yihiin guurka haweenkoodu. Tan kale ciddii qadafta ruux dhawrsoon kuna sheegta zino afar marag la’aan waa in lala dhaco siddeetan ulood, lagana aqbalin marag waligiis, ciddii tawbad-keenta oo wanaagsanaata mooyee, waxayna ku tusin xumidda zinada, dhawridda sharafta Muslimka iyo wanaagga Diinta Islaamka. An-Nuur (1-5)

 

  1. Kuwa qadfa [zino ku sheega] haweenkooda oon marag aan naftooda ahayn lahayn midkood maraggiisu waa inuu ku marag-kaco dhaarta afar dhaarood Eebbe inuu run sheegi.
  2. Tan shanaad waa inuu ku dhaarto in lacnadda Eebbe ku dhacdo hadduu beenaale yahay.
  3. Waxaa ka rida iyadana ciqaabta inay ku dhaarato afar dhaarood inuu beenaale yahay.
  4. Tan shanaadna waxay ku dhaaran in cadhada Eebbe ku dhacdo hadduu run sheegi.
  5. Hadduuna jirin fadliga Eebbe iyo naxariistiisa korkiinna oosan ahayn tawbad-aqbal badane falsan [waxaa beenaalaha ku dhici lahaa cadaab daran].

 

Sidoo kale ninkii haweenaydiisa zino ku sheega waxaa garaacidda ka reebi inuu shan goor Eebbe ku dhaarto inuu run sheegi, iyana waxay dhaaran shan jeer inuu been sheegi, kadibna way kala furmi, waxaana loo yaqaannaa licaan. Diinta Islaamkuna waa Diin sharaf iyo naxariis, doonina mayso inay cid aan wax ku caddayn ceebayso, hase yeeshee uma dul-qaadato waxa sharafta dhaawaca, sida ku-sheegga zinada iyo wax lamid ah, mase fududa in dadka lagu sheego waxaan jirin oon caddayn, waxaa xadiith ku sugnaatay, “Saddex Eebbaa ka xarrimay Jannada, midka khayaamada sameeya, kan caasiya waalidka, iyo kan ehelkiisa ku suga xumaanta.” Tan kale ma bannaana in been lagu dhaarto, waxayna kamid tahay waxyaalaha dadka Naarta galiya, saas darteed zino haw dhawaan, cidna zino haku sheegin adoon hubin, dhabtana indhaha ka qabsan, xuduudda Diinta iyo Islaamka ilaali, wanaagga ku dadaal, xumaanna ka dadaal. An-Nuur (6-10)

 

  1. Kuwa la yimid been-abuurka [qadafka Caa’isho] waa koox idin kamid ah, haw malaynina inay shar idiin tahay, waxayse idiin tahay khayr, qof kasta oo kamid ahna waxaa u-sugnaaday wuxuu kasban oo dambi ah, midka qaatay waynanka arrintana oo kamid ah wuxuu mudan cadaab weyn [Ibnu Saluul].
  2. Maxaydaan markaad maqasheen xaalka [qadafka] ayna ugu malayn mu‘miniinta ragga iyo haween naftooda khayr, oyna u-dhihin, “Kaasi waa been-abuur cad”?
  3. Mayse u-keenaan korkiisa afar marag, haddayna keenin marag kuwaasu Eebbe agtiisa waxay ku yihiin beenaalayaal.
  4. Hadduuse jirin fadliga Eebbe ee korkiinna iyo naxariistiisa adduun iyo Aakhiraba waxaa idin taaban lahaa waxaad dhex-gasheen dartiis cadaab weyn.
  5. Markaad kula kulmaysaan qadafka carrabkiinna oo ku dhahaysaan afkiinna waxaydaan ogayn, una malaynaysaan wax fudud isagoo Eebbe agtiisa ku wayn.

 

Aayadahan waxay soo degeen markay munaafiqiintu isku-dayeen inay dhaawacaan sharafta Sayido Caa‘isha bintu Abii-Bakar, ahaydna haweeneydii Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waxaana arrintaas hoggaaminayay munaafiqii waynaa Cabdullaahi binu Ubayyi binu Saluul, hase yeeshee wuu ku-khasaaray adduun iyo Aakhiraba, Eebbaana kusoo dejiyey Qur’aan ka bari-yeeli Caa‘isha waxaasoo kale, mu‘miniintuna fari inay ka-fogaadaan maqalka beentaas oo kale, wanaaggana ku dadaalaan. An-Nuur (11-15)

 

  1. Markaad maqasheen maad dhahdaan, “Nooma habboona inaan ku haddallo kan, Eebbaa nazahan ee kan [qadafka] waa been-abuur wayn.”
  2. Wuu idinka waanin Eebbe inaad u-noqotaan isagoo kale waligeed haddaad tihiin mu‘miniin.
  3. Wuxuuna idiin caddayn Eebbe aayaadkiisa, Eebbana waa oge falsan.
  4. Kuwa jecel inay ku-faafto xumaantu kuwa rumeeyey [Xaqa] waxaa u-sugnaaday cadaab daran adduun iyo Aakhiraba, Eebbena waa ogyahay idinkuna ma ogidin.
  5. Hadduuna jirin fadliga Eebbe ee korkiinna iyo naxariistiisa iyo in Eebbe yahay naxariis badane ilaaliya, [waxaa ahaan lahaa wax kale].
  6. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, ha raacina tallaabooyinka [camalka] Shaydaanka, ciddii raacda tallaabooyinka Shaydaanka isagu wuxuu faraa xumaanta iyo waxa la naco, hadduusan jirin fadliga Eebbe ee korkiinna iyo naxariistiisa ma daahirineen ruux idin kamid ah waligeed, laakiin Eebbaa daahiriya cidduu doono, Eebbana waa maqle og.

 

Kuma habboona mu‘miniintu inay waxaasoo kale ku hadlaan, ee waa inay dhahaan, “Eebbaa nazahane waa been-abuurasho wayn,” waana inay qaataan waanada Eebbe. Tan kale kuwa jecel inay xumaantu ku faafto mu‘miniinta waa kuwo ciqaab mudan adduun iyo Aakhiraba, waana in laga fogaado lagana digtoonaado Shaydaan iyo jidkiisa, illeen xumaan un buu fariye. Caalamkuna wuxuu ku dhisan yahay fadliga Eebbe iyo naxariistiisa cid wanaagsanaanna ma jiro naxariista Eebbe la‘aanteed. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ruuxu wuxuu ku hadlaa kalimo cadho Eebbe ah oosan ogayn intay gaadhi uguna hooban Naarta darteed wax ka fog cirka iyo dhulka dhexdooda.” Waa saxiix. An-Nuur (16-21)

 

  1. Yeyna ku dhaaranin kuwa fadliga [dheeraadka] leh iyo hodannimada inayan wax siinayn qaraabada, masaakiinta iyo kuwa ku hijrooda Jidka Eebbe, hana iska-cafiyaan hana saamaxeen, miyeydaan jeclayn inuu idiin dhaafo Eebbe? Ilaahayna waa dhaafe naxariista.
  2. Kuwa gana [qadfa] haweenka dhawrsoon ee halmaansan [xumaanta] ee mu‘minaadka ah waa la lacnaday adduun iyo Aakhiraba, waxayna mudan cadaab weyn.
  3. Maalinta ay ku marag-kici carrabbadoodu, gacmahoodu iyo lugahoodu waxay camal faleen.
  4. Maalintaas wuxuu u oofin Eebbe abaal-marintooda sugan, waxayna ogaan in Eebbe yahay Xaqa cad [sugan].
  5. Haweenka iyo hadalka xunba wuxuu u-sugnaaday nimanka xun, kuwa xunna waxay u-sugnaadeen kuwa xun, kuwa wanaagsanna waxay u-sugnaadeen kuwa wanaagsan, kuwaasna [Caa‘isha iyo ehelkeedu] waa ka bari [ka dheer yihiin] waxay sheegi, waxayna mudan dambi-dhaaf iyo rizqi sharaf leh [Janno].

 

Waxaa jiray nin Sayid Abuu-Bakar qaraabo u ahaa lana noolaa oo wax yar ku hadlay arrintii Caa‘isha, markaas Abuu-Bakar eryay kana joojiyey kaalmadii, markaas Eebbe ku yar-canaantay Abuu-Bakar xaalkaas, markaas uu soo celiyey. Aayadaha kalana waxay ka warrami in haweenka sharafta leh ee dhawrsoon ee Xaqa raacay kuwa ceebeeya ay la kulmi lacnad iyo cadaab wayn Aakhiro iyo adduunba oy kuna marag-furi xubnahoodu, lana abaal-marin ayna ogaan in Eebbe Xaq sugan yahay, illeen xumaan waxaa muta kuwa xun, samaanna waxaa muta kuwa fiican. Caa‘ishana waa ka bari kana fog waxay ku sheegeen, waxayna mudan kuwaas la dhibay dambi-dhaaf iyo Janno, saasuuna Eebbe ugu bari-yeelay Caa‘isha aayadahan, ciqaabna ugu xukumay munaafiqiintii ka qayb-gashay arrintaas, taasina waxay muujin in Eebbe u-gargaari addoomadiisa dhawrsoon ee suubban. An-Nuur (22-26)

 

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, ha galina guryo aan kuwiinna ahayn intaad ka idan warsataan kana salaantaan ehelkooda, saasaana idiin khayr-roon si aad u-xusuusataan.
  2. Haddaydaan ka helin dhexdeeda ruuxna ha galina inta laydinka idmi, haddii laydin dhaho noqdana noqda, saasaa idiin wanaagsan, Eebbana waxaad falaysaan wuu ogyahay.
  3. Ma aha korkiinna dhib [dambi] inaad gashaan guryo aan la degganayn oo dan [anfaco] idiinku jirto, Eebbe wuxuu ogyahay waxaad muujinaysaan iyo waxaad qarinaysaan.
  4. Waxaad ku dhahdaa mu‘miniinta ha laabeen indhahooda [daymada reeba] hana ka dhawreen furuujtooda [zinada] saasaa u-wanaagsan, Eebbana wuu ogyahay waxay sameyn.

 

Aayadahani waxay ku tusin wanaagga iyo aadaabta Diinta Islaamka, oo ah in la dhawro guryaha dadka, oon lana galin idan- iyo salaan-la‘aan, wanaagguna waa saas, haddaan dad joogin lama galo intaad idan ka hesho, haddii noqda laydin dhahana noqda saasaa idiin fiicane, haddayse guryuhu yihiin kuwa aan dad kale degganayn ee ah kuwa dadka u-dhexeeya galiddoodu, dambi kaama saarra haddaad gashid. Eebbana waa ogyahay waxa la muujin iyo waxa la qarinba, wuuna ka abaal-marin. Waa in mu‘miniintu ka dhawraan indhahooda dayidda xaaraanta ah, taasoo ah daymada haweenkood daydo, iyo in layska ilaaliyo zinada iyo xumaanta, illeen Eebbe waa ogyahay waxa la samayne. Wataas sharafta Islaamku iyo nadaafaddiisa iyo aadaabtiisa, waxaana meelo badan ku sugnaaday xaaraanimada iska-galidda ama fiirinta guryaha dadka, iyo daawashada haweenka, fiirintooda iyo inay tahay leeb Ibliis iyo billowga xumaanta, taasina waxay waran ku tahay kuwa iska-gala guryaha dadka idan-la‘aan iyo kuwa iska-daawada jidhka haweenka. An-Nuur (27-30)

 

  1. Waxaad ku dhahdaa [haweenka] mu‘minaadka ah [Xaqa rumeeyey] ha laabeen indhahooda hana dhawreen farjigooda muujininna quruxdooda wax muuqda mooye, hana ku dadeen hagoogtooda dhuuntooda, yayna u-muujin quruxdooda raggooda mooyee, iyo aabbayowgood iyo ninkooda aabbihiis, iyo wiilashooda iyo wiilasha nimankooda iyo walaalahood iyo wiilasha walaalahood, iyo wiilasha [gabdhahay] walaalaha yihiin, iyo haweenkooda [Muslimka ah] ama waxay hanato midigtoodu [gacantoodu] ama kuwa raaca een dan lahayn [hawood u-lahayn] oo ragga ah ama carruurta aan fiirsanayn cawrada haweenka, yeyna kuna garaacin lugahooda [dhulka] in la ogaado waxay qarin oo quruxdooda ah, una tawbad-keena [u-noqda] xagga Eebbe dhammaan mu‘miniineey, waxaad u-dhawdihiin inaad liibaantaane.

 

Aayaddan waxay soo degtay mar haweenku iska soo galeen guriga haweeney la dhihi jiray Asmaa binti Mirthad iyagoo bannaan laabta oyna tidhi, “Xumaa sidan,” waana amar Eebbe uu faraayo haweenka Muslimka ah inay falaan si ay uga soocmaan siday jaahiliintu falayeen oo ah is-qaawin iyo muujinta jidhka, waxayna fari aayaddu inay is-dhawraan isna-asturaan oyna isu-muujinin ragga marka laga reebo kuwa aayaddu taxday ee ah nimanka iyo qaraabada aan guursan karin, iyo kuwaan haweenka dan ka lahayn iyo wiilasha yaryar een wax eegayn iyo haweenka Muslimka ah, waxa la sheegina waa waxa cawrada iyo jidhka hoose kasoo hadhay, illeen kaasi waa ceeb ee. Miyeyse habboon tahay in lays-qaawiyo oo lagu noqdo jaahiliyadii hore wax ka daran, iyadoo cilmi la sheegan, wataas aadaabta Islaamka, waana inay is-dhawraan oo is-ilaaliyaan mu’miniintu rag iyo haweenba, sharaftooda iyo indhahooda iyo jidhkoodana xafidaan si ay u-helaan naxariista Eebbe iyo wanaaggiisa. An-Nuur (31)

 

  1. U-guuriya xaaslaawaha idin kamid ah iyo kuwa suubban oo addoomadiinna ah [rag iyo haweenba] hadday sabool yihiin wuxuu ka-hodmin Eebbe fadligiisa, Eebbana waa waasac [fadligiisu] waana oge.
  2. Hase dhawrsadeen kuwaan helayn [awood] guur inta Eebbe kaga hodmin fadligiisa, kuwa dooni inay is-furtaan oo hanatay gacantiinnu kitaabeeya [ka oggolaada] haddaad ku ogtihiin khayr, wax ka siiyana xoolaha Eebbe ee uu idin siiyey, hana ku qasbina gabdhihiinna [aad hanataan] zino hadday doonaan dhawrsooni idinkoo dooni sadka nolosha adduunyada, ciddii qasabta Eebbe qasabkaas kadib waa dambi-dhaafe naxariista.
  3. Waxaan idiin soo-dejinnay aayaad cad cad iyo tusaale kuwii tagay ee idinka horreeyey iyo waanada kuwa dhawrsada.

 

Diinta Islaamku waa Diin naxariis iyo isu-kaalmayn, sida ka muuqata aayaddan Eebbe ku fari in loo guuriyo dadka guri-la‘aanta ah rag iyo haweenba, lana kaalmeeyo dadka dooni inay ka hoos-baxaan gacanta iyo inay is-dhawrto ciddaan karin kharashka guur inta Eebbe ka deeqi, iyo inaan la farin haweenka iyo gabdhaha gacantooda ku hoos-jira xumaan iyo zino, isagoo la dooni dhalanteed adduun, Eebbase waa dambi-dhaafe ciddii u tawbad-keenta, wuxuuna inoo soo dejiyay aayaad cad cad iyo tusaale dadkii hore iyo waanada ciddii dhawrsata taasina waxay ku tusin in Islaamku yahay Diin caddaalad, isu-kaalmayn, nadaafo, sharaf iyo dhawrsooni, Islaamkuna markuu u-yeedhi in la xoreeyo dadka gacan ku hoos-jira oo ah ruux maxaad maleyn kuwa gaalada ah ee addoonsada dad, haddana qayliyi ama Islaamka xoraynta fari wax ka sheegi, waa doqommo indha-la‘, oon fikirayn, waxaase kasii xun kuwa u durbaan-tumi kuwaas. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Dhallin-yarooy ciddii karta kharash guurka ha guursato, isagaa isha laabid badane oo farjiga dhawrid badane, ciddaan karinna waxaa saaran soon si uu u-fududeeyo himada.” Inse laga tago guurka isagoo la dano-sheegan, haddana wax la-qasto oo la-meeraysto taasi Islaamku ma oggola mana bannaana. An-Nuur (32- 34)

 

  1. Eebbe waa nuuriyaha samooyinka iyo dhulka, nuurkiisu wuxuu lamid yahay daaqad misbaax ku jiro misbaaxuna ku jiro dhalo, dhaladana aad mooddo xiddig ifi lagana huriyey geed la barakeeyay oo ah zaytuun [saliid leh] oon bari iyo galbeed midna ahayn, waxayna u-dhawdahay saliiddeedu inay iska ifto yuuna taabaninba dabe, waa nuur lagu kordhiyay nuur, wuxuuna ku hanuuniyaa Eebbe nuurkiisa cidduu doono, wuxuuna u-yeelaa Eebbe dadka tusaale, Eebbana wax kasta waa ogyahay.
  2. [Kaasoo ah] guryo [masaajidda] uu idmay Eebbe in la kor-yeelo laguna xuso dhexdeeda Magaciisa, waxaana ugu tasbiixsada dhexdeeda aroor iyo galabba
  3. Rag ayna ka shuqlinayn ganacsi iyo gadasho xuska Eebbe, oogidda salaadda iyo bixinta zakada kana cabsan maalin oy gadgaddoomi dhexdeeda quluubta iyo aragguba.
  4. Inuu ka abaal-mariyo Eebbe wanaaggay faleen una kordhiyo fadligiisa, Eebbana wuu arzuqaa cidduu doono xisaab-la‘aan.

 

Nuurka Eebbe Waynaaye yey la ifaan samooyinka iyo dhulka, wuxuuna ku hanuuniyaa nuurkaas cidduu doono, waana tusaale Eebbe qadaray. Xadiithna waxaa ku sugnaaday, “Waxaan magan-gali nuurka Wajigaaga oy u-iftay mugdiyadu [Eebbow].” Masaajidda Eebbe ee uu idmay in la sharrifo oo la kor-yeelana lagu xuso magaciisa waqti kasta waxaa ku dadaala dad ayna ka shuqlinin xusidda Eebbe, salaadda, iyo zakada ganacsi iyo gadasho midna, iyagoo ka cabsan maalin qalbiga iyo araggu gadgaddoomo, Qiyaamada, iyagoo rajayn in Eebbe wanaag ku abaal-mariyo, masaajidda xaalkooduna waa wayn yahay waana meelaha nuurka Islaamku ka billowday, Eebbana ugu jecel yahay, waana in la dhiso, lana cammiro, waxna lagu barto cibaadada kale ka-sokow, waxaana kusoo arooray fadliga cidda dhista ama cammirta ama u-dadaasha wanaagyo badan, waxaana kamid ah: “Ruuxii dhisa masaajid isagoo dar Eebbe u-dhisi wuxuu Eebbe uga dhisaa Jannada isagoo kale.” Caa‘ishana waxay tidhi, “Wuxuu na faray Rasuulkii Eebbe (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) in laga dhiso masaajidda xaafadaha lana nadiifiyo, lana udgiyo.” An-Nuur (35-38)

 

  1. Kuwii gaaloobay camalkoodu wuxuu lamid yahay dhalanteed dhul siman [ka muuqda] oos u-malayn kan oomani biyo markuu yimaadana uuna ka helayn waxba, oo uu ka heli Eebbe [abaal-marintiisa] agtiisa una oofiyey xisaabtiisa, Eebbana way degdegtaa xisaabtiisu.
  2. Ama wuxuu lamid yahay mugdiyo bad dhexdeed ah oos dabooli hir korkiisana yahay hir, korkiisana tahay daruur, waa mugdiyo qaarkood qaar ka sarreeyo, hadduu bixiyo gacantiisana uma dhawa inuu arko, ruuxaan Eebbe u-yeelin nuur ma laha nuur.
  3. Miyaadan ogayn in Eebbe u-tasbiixsado waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka iyo shimbiraha oo [fidsan] safan? Mid kasta wuu ogyahay salaaddiisa iyo tasbiixdiisa, Eebbana waa ogyahay waxay fali.
  4. Eebbe waxaa u-sugnaaday xukunka samooyinka iyo dhulka xagga Eebbaana loo ahaan.

 

Markay aayadaha hore ka warrameen nuurka Eebbe iyo iimaanka iyo jidka wanaagga ee *** ku hanuuniyey mu‘miniinta, iyo masaajidda, iyo in kuwayna shuqlinin adduunyadu ay ku cibaadaystaan sharrifaanna yaa halkan lagu sheegay in camalka gaaladu lamid yahay dhalanteed ooman biyo mooday meel cidla ah oo oomana ah, markuu dhintana uu la kulmi Eebbe una oofin abaalkiisa, illeen mugdiyo baadiyuu ku sugnaaye, nuurna Eebbe uma yeeline, Eebbana kuwaas waa ka kaaftoon yahay, illeen waxaa wayneeya oo caabuda waxa cirka iyo dhulka ku sugan, xataa shinbiraha duuli hawada sare, isagoo Eebbe wax walba og, wax walbana xaggiisa u ahaan. Waxaa sugnaaday in Yuhuud lagu dhihi Qiyaamada, “Maxaad caabudayseen?” oy dhihi, “Waxaan caabudaynay Cuzayr ibnu Ilaah,” markaasaa lagu dhihi “Been baad sheegteen, Eebbe ilmo ma yeelanin, ee maxaad rabtaan?” Waxayna odhan, “Eebbow waannu oonnaye ee na waraabi,” markaasaa la dhihi, “Miyeydaan arkayn?” Naartaana ugu muuqata dhalanteed oo qaarkood qaar buuran markaasay isku-tuurayaan. Eebbaan ka magan-gallay, halkaasayna jiraan liibaan iyo khasaare, liibaanta mu‘miniinta iyo khasaaraha gaalada, waana arrin mudan u-darbasho. An-Nuur (39-42)

 

  1. Miyeydaan arkayn in Eebbe kexeeyo daruuro markaas isu-dumo kana yeelo mid is dul-saaran ood aragto roobkoo kasoo bixi dhexdiisa wuxuuna kasoo dejiyaa [Eebbe] samada buuro qabow ah [thalaj] wuxuuna gaadhsiiyaa cidduu doono, wuxuuna u-dhawyahay nuurka hillaaciisu inuu la tago aragga.
  2. Wuu gadgaddiyaa Eebbe habeenka iyo dharaarta, arrintaasna waano-qaadasho yaa ugu sugan kuwa aragga leh [caqliga leh].
  3. Eebbaa ka abuuray wax kastoo socda [oo nool] biyo waxaana kamid ah mid ku socda calooshiisa, waxaana kamid ah mid ku socda labo lugood, waxaana kamid ah mid ku socda afar, wuxuu abuuraa Eebbe wuxuu doono, Eebbana wax kasta waa karaa.
  4. Waxaan soo dejinnay aayaad cad cad, Eebbana wuxuu ku hanuuniyaa cidduu doono Jid Toosan.

 

Roobku wuxuu ku jiraa awoodda Eebbe, isagaana kulmiya daruuraha kana keena roobka meeshuu doonana ku da‘siiya, habeenka iyo maalintana Eebbaa ku tasarrufa inay ku waana-qaataan kuwa wax-garadka ah, wax kasta oo nafley ahna oo socda Eebbaa biyo ka abuuray, mid bog ku socda, mid labo ku socda iyo mid afar ku socdaba, wuxuu doonana wuu abuuraa, wax walbana waa karaa, wuxuuna soo dejiyay aayaad cad cad, cidduu doonana wuxuu ku toosiyaa Jidka Toosan. Taasina waxay sugi in Eebbe wax walba ogyahay, awooddana leeyahay, biyahana laga abuuray naflayda, kalana duway socodkooda iyo abuurkooda, wuxuu doona uu abuuri, waxayna aamusiin gaalada, mulxidiinta, jaahiliinta iyo kuwa rumeeya oo raaca kuwaas. An-Nuur (43-46)

 

  1. Waxay dhihi [munaafiqiintu] “Waxaan rumeynay Eebbe iyo Rasuulka, waana adeecnay,” markaasaa waxaa jeedsada kooxo kamid ah intaas kadib, kuwaasi ma aha mu‘miniin.
  2. Marka loogu yeedho Eebbe iyo Rasuulkiisa inuu kala-xukumo dhexdooda waxaa soo baxa koox kamid ah oo jeedsan.
  3. Hadduu Xaqu iyaga u-sugnaado way u-yimaadaan iyagoo adeeci.
  4. Ma qalbigay ka bukaan mise way shakiyeen mise waxay ka cabsan in Eebbe ku jawr-falo iyo Rasuulkiisu? Saas ma aha ee kuwaasu waa kuwo daalimiin ah.
  5. Mu‘minka hadalkiisu marka loogu yeedho Eebbe iyo Rasuulkiisu inuu kala-xukumo dhexdooda waa uun inay dhahaan, “Waan maqalnay waana adeecnay,” kuwaasuna waa uun kuwa liibaanay.
  6. Ciddii adeecda Eebbe iyo Rasuulkiisa oo cabsata kana dhawrsata kuwaasi waa uun kuwa liibaanay.

 

Munaafiqiintu had iyo jeer waa col kugu dhex jira iyo dhiqle Muslimiinta xasilka u-diida, afkana waxay ka sheegaan inay Xaqa rumeeyeen, haddana way ka jeedsan Xaqa, marka loogu yeedho in Xaqa lagu kala-xukumo way jeedsan, hadday u-fili in iyaga loo xukumina way yimaadaan iyagoo rumeysan oo maqli, taasna waxaa ugu wacan inay qalbiga ka bukaan shakina kaga jiro caddaaladda Eebbe iyo Rasuulkiisa waana daalimiin, mu‘miniintuse way maqli oy adeeci marka loogu yeedho xukunka Eebbe iyo Rasuulkiisa, waana kuwa liibaanay ee adeecay Eebbe iyo Rasuulka, Eebbana ka cabsada kana dhawrsada, waana kaas xumidda diiddada sharciga Eebbe iyo u-hoggaansankiisa, wax xukunka Eebbe lamid ah ama ku dhawna ma jiro, waana in lagu dhaqmo. An-Nuur (47-52)

 

  1. Waxay ugu dhaarteen Eebbe [munaafiqiinta] dhaar daran inay u-baxaan [Jahaad] waxaad dhahdaa, “Ha dhaaranina, adeecid la yaqaan [ha ahaado xaalkiinnu] Eebbana waa ogyahay waxaad falaysaan.”
  2. Waxaad dhahdaa, “Adeeca Eebbe oo addeeca Rasuulka haddaad jeedsataanna waxaa uun korkiisa ah [Nabiga] waxa la saaray [la faray] idinkana waxa korkiinna ah waxa laydin saaray [Xaq-raacid] haddaad addeecdaan [Nabiga] waad hanuunaysaan, Rasuulkana ma saarra waxaan gaadhsiin cad ahayn.”
  3. Wuxuu u-yaboohay Eebbe kuwa rumeeyay Xaqa oo camal fiican falay inuu u-reebo dhulka siduu ugu reebay kuwii ka horreeyay, wuxuuna makanin Diintooda uu uga raalli noqday wuxuuna ugu baddali cabsidooda kadib nabad-galyo, wayna i caabudi ilamana wadaajiyaan waxba, ciddii gaalowda intaas kadibna kuwaasu waa uun faasiqiin.

 

Munaafiqiin wax badan yey been ku dhaartaan, waxaase u-wanaagsan raacid Xaq iyo addeecid, cid walbana waxaa laga rabaa waxa la saaray, aayadda kale waxay ka hadli in Eebbe u-yaboohay mu‘miniinta inay dhulka u-hadhi oy xukumi hadday Xaqa rumeeyaan, wanaagna falaan, markaasuu makanin Diintooda uu ka raalli noqday cabsidana ammaan ugu baddali, Eebbe kaliyana ay caabudi, wuuna u-rumoobay mu‘miniintii hore yabooha Eebbe, markay Xaqa raaceen oo sharciga Eebbe isku-dhaqeen, ciddii saas fashana wuu u-gargaari Eebbe waqti kasta. Waxaa laga wariyey Caddiy binu Xaatim inuu Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) u-yimid uuna ku yidhi, “Ma taqaan Xiiro?” oo yidhi, “Ma aqaan waanse maqlay,” oo Nabigu yidhi, “Eebbaan ku dhaartaye wuu taam-yeeli Eebbe Diintan inta haweenaydu ka baxdo Xiiro oy ka dawaafto Baytka iyagoon cidna hoos-galin, waxaana la furan kanziga Kisre binu Hurmuz.” Markaasaan idhi “Kisre binu Hurmuz?” Markaasuu yidhi, “Haa Kisre binu Hurmuz.” Wuxuu yidhi Cadi “Wataas haweenaydu iska dawaafi Baytka iyadoo Xiira kasoo tagtay nabad-galyo, waxaanan kamid ahaa dadkii wax ka furtay kanzigii Kisre binu Hurmuz, wallee tii saddexaad ee Nabigu sheegayna waa la-heli.” Waxaa kale oo sugnaaday, “Ugu bishaaree ummaddan sharaf, sarreyn, Diin, gargaar iyo makanid dhulka, markay toosaan.” An-Nuur (53-55)

 

  1. Ooga salaadda, bixiya zakada oo addeeca Rasuulka waxaad mudan tihiin in laydiin naxariistee.
  2. Hana u-malayn kuwa gaaloobay inay ku daalin [Eebbe] dhulka, guryahooduna waa Naar waxaana u-xun meel loo ahaado [Naar].
  3. Kuwa Xaqa rumeeyow, haydin idan-warsadeen kuway hanatay gacantiinnu, iyo kuwaan qaan-gaadhin oo idin kamid ah saddex jeer, salaadda subax kahor iyo markaad iska-dhigtaan dharka Duhurkii, iyo salaadda Cishaha kadib, waa saddex waqti oo cawro ah [la nasto], ma aha korkiinna iyo korkooda midna dhib [ma saarra] intaas ka dib, way idin kor-socdaan [shaqeeyaan] qaarkiinna qaar buu ka ahaaday, saasuuna idiinku caddayn Eebbe aayaadkiisa, Eebbana waa oge falsan.
  4. Markay carruurtiinnu qaan-gaadhaanna haydin idan-warsadeen siday idiin idan-warsadeen kuwii ka horreeyay, saasuuna idiinku caddayn Eebbe aayaadkiisa, Eebbana waa oge falsan.
  5. Kuwa ka fadhiistay [ka quustay dhalmada] oo haweenka ah oon guur rajaynayn korkooda dhib [dambi] ma saarra inay iska-dhigaan dharkooda [iska-fududeeyaan] iyagoon is-muujinayn qurux, inay dhawrsadaan yaase u khayr-roon Eebbana waa maqle og.

 

Oogidda salaadda, bixinta zakada, iyo adeecidda Rasuulka waa sababaha naxariista, wax Eebbe daalinna ma jiro, gaalana wuxuu ku abaal-marin Naar. Aayadaha kale waxay ka warrami in guryaha galiddooda la dhawro gaar ahaan saddex waqti oo cid kasta laga rabo inay idan-warsadaan, xataa dadka gacantooda ku hoos-nool, carruurtuna mar hadday qaan-gaadho waa inay idan-warsadaan. Haweenka duqoobayna hadday dharka iska-fududeeyaan wax ma saarra haddayna cawro faydayn ama is-qurxinayn, waxaase fiican is-asturka. An-Nuur (56-60)

 

  1. Ma saarra indhoole dhib, lugoolana dhib ma saarra, mid bukana dhib ma saarra, naftiinnana dhib ma saarra inaad wax ka cuntaan guryihiinna ama guryaha aabbayaalkiin, ama guryaha hooyooyinkiin, ama guryaha walaalihiin, ama guryaha walaashiin, ama guryaha adeerradiin, ama guryaha eeddooyinkiin, ama guryaha abtiyadiin, ama guryaha habaryarihiin, ama guryahaad hanataan furihiisa, ama guryaha saaxiibbadiin, dhibna idin ma saarra inaad wax cuntaan idinkoo kooxa ah ama kala-tagsan, markaad gashaan guryana salaama naftiinna, salaan ka ahaatay Eebbe xaggiisa oo la barakeeyey oo fiican, saasuuna idiinku caddayn Eebbe aayaadka inaad wax kastaan.
  2. Mu‘miniintu waa uun kuwa rumeeyey Eebbe iyo Rasuulkiisa, markay la joogaan amar kulmiyey dartiis aan tagin intay ka idan-warsadaan, kuwa idan-warsada kuwaasu waa kuwa rumeeyey Eebbe iyo Rasuulkiisa, ee hadday kuu idan-warsadaan danahooda qaarkood u-idan ciddaad doonto oo kamid ah una dambi-dhaaf warso Eebbe, Ilaahay waa dambi-dhaafe naxariistee.

 

Aayadahanna waxay ka warrami aadaab kale iyo inay bannaan tahay in wax lala cuno dadka naafada ah iyo kuwa buka, waxna lagu cuno guryaha qaraabada iyo saaxiibbada iyo kuwaad hanataan furahoodaba, sidoo kale in koox koox wax loo cuno ama kali kali iyo in laysa salaamo marka la-gali guryaha, waxaasoo dhanna waa wax Eebbe u-caddayn si ay u-ogaadaan, taasina waxay ku tusin sida Diinta Islaamku wax walba oo dani ku jirto u-caddaysay, aayadda kalana waxay caddayn inay ahaayeen mu’miniintii dhabta ahaa kuwaan ka tagin kulanka Nabiga iyagoon idan-warsan, Nabiguna wuu idmi jiray cidday la noqoto, taasina waxay muujin in laga murgo danaha Muslimiinta oon lana ganta furin ee la dhawro isku-xidhnaantooda iyo danahooda. An-Nuur (61-62)

 

  1. Haka yeelina u-yeedhidda Rasuulka sida u-yeedhidda qaarkiin qaar, Eebbe wuu ogyahay kuwa dusi iyagoo gabban [fadhiga Nabiga] haka digtoonaadeen kuwa khilaafi amarka Nabiga inay ku dhacdo fitno [masiibo] ama ku dhoco cadaab daran.
  2. Eebbaa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka, waana ogyahay waxaad ku sugan tihiin, iyo maalinta loo celin xaggiisa, oo uga warrami waxay camal-faleen, Eebbana wax kasta waa ogyahay.

 

Ibnu Cabbaas wuxuu sheegay in asxaabtii ay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) ugu yeedhi jireen si caadi ah oo magaciisa ah markaasaa Eebba faray inay qadariyaan oo ugu yeedhaan si haybad leh, Eebbana waa ogyahay munaafiqiinta ka dusi jiray fadhiga Nabiga, dadkuna haka digtoonaadeen khilaafka amarka Nabiga, taasoo fitno iyo dhib ka dhalan ama cadaab daran, Eebbana waxaa u-sugnaaday xukunka iyo awoodda khalqiga, wuuna ogyahay waxay ku sugnaan adduun iyo Aakhiraba, wuuna abaal-marin. Aayadduna waxay uga digi dadka khilaafka Nabiga iyo inaan lala imaan wuxuusan idmin. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Ruuxii fala camal aan ahayn amarkannaga waa lagu celin.” Suuraddanna waa suurad wayn oo ka warranta aadaab wayn, sida ilaalinta carrabka, iska-ilaalinta zinada, dhawridda sharafta Muslimiinta iyo dadka, dhawridda galidda guryaha dadka, isa-salaamidda, indha-laabashada ragga iyo haweenka, is-asturidda haweenka iyo ilaalintooda sharaftooda, qiimaha Islaamka iyo iimaanka, awoodda Eebbe, caddaaladda iyo raacidda Xaqa, in Muslimiinta toosan u-hadhi dhulka, dhawridda danaha iyo fadhiga Muslimiinta, ixtiraamka Nabiga iyo raacidda amarkiisa. Saas darteed yey Cumar binu Khaddaab iyo Caa‘ishaba u-fari jireen Muslimiinta inay haweenkooda baraan suuraddan, Suuratun-Nuur. An-Nuur (63-64)

 

Suurat al-Furqaan

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Waxaa khayr batay [oo wayn] Eebbaha kusoo dejiyey Qur’aanka addoonkiisii [Nabiga] inuu u-ahaado caalamka u-dige.
  2. Eebbaha uu u-sugnaaday xukunka samooyinka iyo dhulka, yeelaninna ilmo una sugnaanin shariik [la-wadaage] xukunka, abuurayna wax kasta, oo u-ahaysiiyey si qiyaasan.
  3. Waxay ka yeesheen Eebbe ka-sokow ilaahyo oon abuurayn waxba iyagana la abuuri una hananayn naftooda dhib iyo nafci [midna] oonan hananayn geeri iyo nolol iyo soo-bixin [midna].
  4. Waxay dheheen gaaladii, “Kani [Qur’aanku] ma aha waxaan been-abuur ahayn, uu la yimid, uguna kaalmeeyeen qawm kale,” waxay la yimaadeen dulmi iyo been [daran].
  5. Waxay dheheen, “Waa warkii dadkii hore oos ka qoray iyadaana loo yeedhiyaa aroor iyo galabba.”
  6. Waxaad dhahdaa, “Waxaa soo dejiyey Eebbaha og waxa ku qarsoon samooyinka iyo dhulka waana dambi-dhaafe naxariista.”

 

Waxaa ammaan mudan Eebbaha kusoo dejiyey Qur’aanka kala bixiyey Xaqa iyo baadilka addoonkiisii Muxammad ahaa waana wax Eebbe ku tilmaamo dadka waxa u-wayn, si uu caalamka ugu digo dhammaantii, waxayna ku tusin caalaminimada Diinta Islaamka, xukunkana Eebbaa iska leh, ilmo iyo shariikna ma leh, wax walbana isagaa abuuray, cid wax abuuri karta oo Eebbe kasoo hadhayna ma jirto, ama hanta dhib, nafci, geeri, nolol, iyo soo-bixin midna. Qur’aankuna waa dhab sugan oo Eebbe soo dejiyey, wax Nabigu la imaan karana ma aha, ciddii warkaas sheegtana waa mid beenalay ah ee halla yimaadeen wax lamid ah intay isu-tagaan, dhabtuna waa inay beenaalayaal caqli daran yihiin, warkooduna wax u-dhimi maayo Xaqnimada Qur’aanka, sharaftiisa iyo caalaminimadiisa, siduu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) u yidhi, “Waxaa lay diray dadka dhammaantiis.” Saas darteed waa inay ku eegaan il xaq ah. Al-Furqaan (1-6)

 

  1. Waxay dheheen gaaladii, “Muxuu leeyahay Rasuulkani oos u-cuni cunto una socon suuqa, maa loo soo dejiyo malag oo ahaado mid la diga?”
  2. “Ama maa loo tuuro [dejiyo] kanzi ama u-ahaato beer uu wax ka cuno xaggeeda?” Waxayna dheheen daalimiintu, “Ma raacaysaan waxaan nin sixran ahayn.”
  3. Bal day siday kuugu yeeleen tusaale oy u-dhumeen una karin [qaadidda] Jidka [Xaqa].
  4. Waxaa khayr badan Eebbaha hadduu doono kuu yeeli wax ka khayr-roon taas, Jannooyinna [kuu yeeli] oy socoto dhexdeeda wabiyaal kuuna yeeli daaro [Janno].
  5. Waxayse beeniyeen Saacadda [Qiyaame] waxaana u-darabnay ciddii beenisa Saacadda Naarta Saciira.
  6. Markay ka aragto meel fog waxay ka maqlaan cadho iyo guux.
  7. Marka lagu tuuro dhexdeeda meel cidhiidhi ah iyagoo isku-xidhan waxay u-yeedhaan halaag, iyo [khasaare].
  8. [Waxaana la dhihi] “Haw yeedhanina maanta halaag kaliya ee u-yeedha halaag badan.”

 

Gaalada iyo Xaq-diidayaashu si xun bay wax u-qiyaasaan una-qiimeeyaan, waxaana kamid ah inay sheegeen in Nabigu wax cuni, oo suuqa socon, iyo maxaa malag loola soo diri waayey, ama xoolo badan loo siin waayey, taasina waxay ku tusin inay il xoola-jacayl ku dayi wax walba, maxaase xoolo qiima leeyihiin haddaan Xaqa loogu gargaarin, ama lagu bixin, waase karaa Eebbe inuu siiyo Nabiga wax ka wanaagsan waxaas, wuxuuna siiyey Nabinimo, Qur’aan uu kusoo dejiyey, iyo wanaag Aakhiro, maxayse gaalo fali markay la kulmaan Naar daran oo guuxi, waa uun calaacal iyo oohin, waxaana sugnaatay in qof loo jiidi Naarta oy usoo ciyi sida baqal shaciir loo soo fidiyey, una soo gunuunici, isagoon jirin ruuxaan cabsanayn. Al-Furqaan (7-14)

 

  1. Waxaad dhahdaa, “Ma taasaa khayr-roon mise Jannada waaridda ee ah middii loo yaboohay kuwa dhawrsada? Waxayna u-ahaatay kuwaas [dhawrsada] abaal-marin iyo noqosho.”
  2. Waxayna ka helayaan dhexdeeda waxay doonaan wayna ku waari, arrintaasuna waa yabooh isa-saaray Eebbahaa oo sugan.
  3. Xusuusta maalintaan kulminayno gaalada iyo waxay caabudi oo Eebbe kasoo hadhay oos ku dhihi, “Ma idinkaa dhumiyey addoomadaydaas, mise iyagaa ka dhumay Jidka?”
  4. Waxayna odhon, “Waad nazahan tahay naguma habboona inaan yeelanno adi ka-sokow awliyo [gargaare], waadse u-raaxaysay iyaga iyo aabbayaalkood intay ka halmaamaan waxyiga, waxayna noqdeen kuwa halaagsamay.”
  5. Way idinku beeniyeen waxaad sheegaysaan mana kartaan furasho iyo gargaar midna, ciddii wax dulmida oo idin kamid ah waxaannu dhadhansiin cadaab wayn.

 

Ma sinna wanaagga Eebbe u-darbay mu‘miniinta, iyo ciqaabta gaalada, kuwaasoo ay is-diidi waxay caabudi jireen Eebbe ka-sokow, taasina waxay ku tusin in saaxiibnimo iyo isku-xidhnaan kasta oon Xaqa ahayn ay u-dambayn kala-tag iyo colnimo iyo in cibaado kasoo hadhay tan Eebbe ay tahay khasaare, iyo wadda kasta oon ahayn midda Eebbe ee Islaamka ah ay tahay dhumid iyo luggooyo. Al-Furqaan (15-19)

 

  1. Ma aanaan dirin Rasuul kaa horreeyey oon cunayn cunnada soconaynna suuqa, waxaana uga yeellay qaarkiin qaarka kale fitno [ibtilo] ee ma samraysaan? Eebbahaana waa arke.
  2. Waxay dheheen kuwaan rajaynayn la-kulankannaga, “Maxaa naloogusoo dejin waayey malaa‘ig, ama maan aragno Eebahanno?” Way is-kibriyeen [isula-waynaadeen] naftooda wayna madax-adaygeen madax-adayg wayn.
  3. Maalintay arki malaa’igta [geerida] ma bishaaraystaan maalintaas dambiilayaashu, waxayna odhan xijaab oodan iyo reebnaan yaa ah [wanaag iyo isla-kulan ma jiro].
  4. Waannu usoo hor-marinnay waxay faleen oo camal ah waxaana ka yeelnay dhalanteed la firdhiyey.
  5. Ehlu-Jannaha yaa maalintaas khayr-roon sugnaansho iyo wanaag badan qayluushi [hurdo].

 

Rasuulladii kama reebnayn inay wax cunaan, suuqana socdaan, dadkana waa laysku ibtileeyey Eebbana waa arkaa, gaalana xaq uma leh inay codsadaan in malaa‘ig lagusoo dejiyo, ama codsadaan inay Eebbe arkaan, taasi waa isla-wayni iyo kibir aan meel haysan, maalintay malaa‘ig arkaanna bishaaro ma arkaan ee waa balaayo iyo calaacal, calaacalna wanaag Aakhiro kuma helaan, illeen rumayn baa u shardi ah, waxaase wanaag iyo khayr ku bishaaraysan maalintaa mu‘miniinta, waana kaas kala-tagga aan kulan iyo dhawaansho ka dambeyn. Xadiith Qudsi ah wuxuu Eebbe ku yidhi Nabiga. “Waan ku imtixaami, kuguna imtixaani.” Naxariis iyo nabad-galyo Eebbe korkiisa ha yeelee. Al-Furqaan (20-24)

 

  1. Xusuuso maalintay samadu la dillaaci daruuraha, lana soo dejin malaa‘igta soo-dejin.
  2. Xukunka maalintaas ee Xaqa ah waxaa iska leh Eebbaha Raxmaan ah, waana maalin gaalada ku daran.
  3. Xusuusana maalintuu qaniini daalimku gacantiisa [faraha] isagoo dhihi, “Shalleytee, maan yeesho la-jirka Rasuulka jid [maan rumeeyo].”
  4. “Halaag iyo shalleytee, maxaan hebel saaxiib uga yeeshay?”
  5. “Wuxuu iga leexiyey Qur’aanka intuu ii yimid kadib?” Shaydaanna dadka wuxuu u-yahay dayace [meel xun kaga tage].
  6. Wuxuu yidhi Rasuulkuna, “Eebbow qawmkaygii waxay ka yeesheen Qur’aankan mid laga tagay [ma maqlaan].”
  7. Saasaan ugu yeellay Nabi kasta col dambiilayaal ah, Eebbaana ku filan Hanuuniye iyo Gargaare.

 

Sida wax badan sugnaatay maalinta Qiyaame waxaa dhici doorsoon iyo waxyaalo waawayn, xukunka dhabta ahna Eebbaa leh maalintaas waana maalin ku culus gaalada, oyna qoomamo faraha la qaniini, oyna shallaayi rumayn-la‘aantooda Rasuulka, oyna shallaytoon saaxiibkii xumaa ee Xaqa ka leexiyey ey yeesheen, waxaana sugan in Shaydaan yahay meel xun joojiyaha dadka. Nabiguna wuxuu u-cabtay Eebbe markay gaaladii beeniyeen kana tageen Qur’aanka, waxse ku gaar ah Nabiga ma aha ee Nabi kasta wuxuu lahaa col gaala ah, ka-tagidda Qur’aankana waa in la beeniyo, oo la diido, amaan lagu dhaqmin oon la raacin, oon la akhriyin, oon la fiirfiirinin, ama la halmaamo oon loo aabboyeelin, dhammaanna waa halaag iyo khasaare. Aayaduhuna waxay sugi waynida Qur’aanka, xukunka sugan ee Eebbe, dhibka ku dhici gaalo maalintaas, calaacalka iyo shallaytada gaalada, xumidda saaxiibka xun, Shaydaan inuu dadka dhibi, dhibaatada ka-tagidda Qur’aanka iyo ku-camal la‘aantiisa, in gaalo col u-tahay Xaqa iyo Diinta Islaamka, waxaana ku habboon cidda caqliga leh inay wanaagna hor-marsataa, xumaantana ka dheeraato, Qur’aanka iyo Nabigana si dhab ah u-raacdo una-rumayso, si ay u-liibaanto. Al-Furqaan (25-31)

 

  1. Waxay dheheen kuwii gaaloobay, “Maa lagusoo dejiyo Nabiga Qur’aanka mar kaliya [isagoo dhan]?” Saasaan yeellay inaan ku sugno qalbigaaga, waana kugu akhriyeynaa akhrin [fiican].
  2. Wixii tusaale ah oy kuula yimaadaanna waxaannu kuugula imaan Xaq iyo fasiraadda u-fiican.
  3. Kuwa lagusoo kulmin wajigooda [Naarta} Jahannamo kuwaasu waa kuwa u-xun meel uguna dhumid-badan jid.
  4. Waxaana siinnay [Nabi] Muuse Kitaabkii waxaana ka yeelnay la-jirkiisa walaalkiis Haaruun wasiir.
  5. Waxaana nidhi aada qawmkii beeniyey aayaadkannaga waana baabi’innay [halaagnay] baabi’in [halaag].

 

Waxay sheegeen gaaladii oy Qur’aanka ku ceebiyeen, “Maxaa loogusoo dejin waayay Nabiga Qur’aanka dhammaantiis mar qudha?” Taasina waa xujo xun, wuxuuna Eebbe ugusoo dejiyey Qur’aanka aayad aayad iyo suurad suurad xikmo darteed sida sugidda qalbiga Nabiga iyo xoojintiisa, u-jawaabidda gaalada, fudaydinta akhriskiisa iyo xifdigiisa iyo la-socodka dhacdada iyo waxyaalaha soo cusboonaan. Gaalana muxuu war u-tari mar hadday gali Jahannamo oo u-xun meel loo hoydo, Nabi Muuse iyo wuxuu Fircoon kala kulmayna wax badan yuu Qur’aanku ka warramay. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi, “Qur’aanka hal mar yaa lagu soo dejiyey samada dhaw habeenka Laylatul Qadarka ah, markaas kadib loosoo dejiyey labaatan sano, sida aayaddu sheegtay.” Al-Furqaan (32-36)

 

  1. [Xusuuso] qawmkii Nabi Nuux, markay beeniyeen Rasuulladii yaan maansheynay ugana yeellay dadka calaamad, waxaana u-darabnay daalimiinta cadaab daran.
  2. Caadna [waan halaagnay] iyo Thamuud, iyo [ceelkii] Rassi ehelkiisii, iyo quruumo intaas u-dhexeeyey oo badan.
  3. Dhammaan waxaan u-yeellay tusaale dhammaanna waan halaagnay halaag.
  4. Way tageen gaaladu magaaladii lagusoo daadiyey roob xun [dhagax cadaab] miyeyna arkeyn? Waxayse ahaayeen kuwaan rajaynayn [ka-yaabayn] soo-kulmin.
  5. Hadday ku arkaan gaaladu waxay kaa yeeshaan jeesjees, iyagoo [dhihi] “Ma kanaa kan Eebbe soo bixiyey isagoo Rasuul ah?”
  6. “Wuxuu u-dhawaaday inuu naga dhumiyo ilaahyadannada haddaanaan ku samrin [ku adkaysan].” Waxay ogaadaan markay arkaan cadaabka cidda dhunsan.

 

Wax badan yuu Qur’aanku ka warramay Nabiyadii hore iyo qawmkoodii, waxaase loo baahan yahay in lagu waano-qaato, gaaladii Makkaadna way ku jeesjeesi jireen Nabiga iyagoo diiddan Rasuulnimadiisa, kuna madax-adaygi gaalnimadooda iyo ilaahyadooda baadilka ah. Taasina waa shaqada Xaq-diidayaasha ka hor-jeedsada Xaqa iyo dadkiisa iyagoo dhibi oo ceebeeyn, waxaase guusha hela Xaqa inta ku socota, day Nabigii iyo asxaabtiisii. Al-Furqaan (37-42)

 

  1. Ka warran ruux ka yeeshay ilaahiisa hawadiisa [suu jecel yahay] ma adaa wakiil [ilaaliye] ka noqon?
  2. Mise waxaad u-malayn in badankood wax maqli ama wax kasi? Ma aha waxaan xoolo oo kale ahayn, iyagaabase kasii dhunsan.
  3. Miyeydaan ogayn sida Eebbe u-fidiyo hadhka? Hadduu doonana wuxuu ka-yeeli lahaa mid xasilan [taagan] markaasaan ugu yeellay qorraxda korkiisa daliil [xujo].
  4. Markaasaan usoo qabannaa xaggannaga qabasho yar.
  5. Eebbe waa kan idinka yeelay habeenka astur, hurdadana raaxo, kana yeelnay maalinta soo-kulan [dhaqdhaqaaq].
  6. Eebbe [Sarreeye] waa kan u-dira dabaysha bishaaro darteed naxariistiisa [roobka] hortiisa, waxaana kasoo dejinnay samada biyo wax daahiriya.
  7. Inaan ku nooleyno magaalo dhimatay oon kuna waraabinno waxaan abuurnay xoolo iyo dad badan.
  8. Waana ku kala-duwnay [badinnay] dhexdooda, inay xusuustaan, wuuna diiday dadka badidiis waxaan gaalnimo badan ahayn.

 

Cid dhuntay oo hawadeeda raacday, Nabiga wax kama saarra, illeen waa xoolahoo kale. Tan kale waxaa kamid ah aayaadka Eebbe fidinta hooska, qorraxda, habeenka, maalinta, iyo roobka dhulka nooleeya, hase yeeshee dadka badidiis waxay doorteen gaalnimo, waxyaalahaas lasoo sheegayna waxay inoogu yeedhi rumaynta Eebbe iyo raacidda sharcigiisa, iyo u-hoggaansan dhab ah iyo rumayn sugan. Al-Furqaan (43-50)

 

  1. Haddaan doonno waxaan ka bixin lahayn magaalo kasta dige [Nabi].
  2. Ee ha adeecin gaalada kulana jahaad Qur’aanka Jahaad weyn.
  3. Eebbe wuu isku-daraa labada badood, kaasi waa macaan daran, kaasna waa khadhaadh daran [afku diido] yeelayna dhexdooda soohdin iyo xaajiz awdan.
  4. Eebbana waa kan ka abuuray biyaha dad, kana yeelay qaraabo iyo soddognimo, Eebbahaana wuu karaa [wuxuu doono].
  5. Waxayna caabudi gaaladu Eebbe ka-sokow waxaan anfacayn oona dhibayn, gaalna wuxuu ahaaday mid kasoo hor-jeeda Eebbihiis.
  6. Ma aanaan kuu dirin inaad bishaareeye dige ah [noqoto mooyee].
  7. Waxaad dhahdaa, “Idinkama warsado [Xaqa-gaadhsiintiisa] ujuuro, ruuxiise dooni inuu ka-yeesho Eebbihiis xaggiisa waddo [khayr ha falo].

 

Ilaah baa awoodda leh, hadduu doonana wuxuu u-diri lahaa magaalo kasta Nabi, waxayse keentay xikmaddiisu inuu Nabiga u-diro dadkoo dhan, farayna inuusan maqlin warka gaalada kulana jahaado Qur’aanka iyo gaadhsiintiisa Xaqa, waana Eebbaha ahaysiiyey badaha, kana yeelay kuwa kala duwan kalana jooga, biyahana ka abuuray dad, kana yeelay qaraabo iyo raxim, saas darteedna ayna habboonayn in wax lala caabudo Eebbe, gaalase waxay noqdeen kuwa Shaydaan u-kaalmaystay kasoo hor-jeedka Eebbe, Nabiguse waa bishaareeye digi, wax ujuuro ahna kama doono gaadhsiinta Xaqa. Saciid binu Jubayr wuxuu yidhi, “Gaal wuxuu noqday u-kaalmeeyaha Shaydaanka colnimada iyo gaalnimada.” Zayd binu Aslama wuxuu yidhi, “Wuxuu noqday xidhiidhiyaha Shaydaanka.” Al-Furqaan (51-57)

 

  1. Talo-saaro Eebbaha nool een dhimanayn una tasbiixso adoo mahdin, Eebbaana ku filan dambiga addoomadiisa ogaanshihiisa.
  2. Waana Eebbaha ku abuuray samooyinka iyo dhulka iyo waxa u-dhexeeya lix maalmood, kuna istawooday Carshiga [si u-cunanta] ee warso cid wax og.
  3. Marka la dhaho, “U-sujuuda [Eebbaha] Raxmaan ah,” waxay dhahaan, “Muxuu yahay Raxmaan? Ma waxaan u-sujuudeynaa waxaad na farayso,” wuxuuna u-kordhiyey carar.
  4. Waxaa khayr badnaaday Eebbaha yeela samada burjiyo yeelayna dhexdeeda siraaj [qorrax] iyo dayax ifi.
  5. Eebbana waa Ilaah uga yeelay habeenka iyo maalinta is-beddel ciddii doonta inuu wax xusuusto ama doono inuu mahdiyo.

 

Wuxuu Eebbe faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) dadka kalana waa lamid ee inuu Eebbe talo-saarto markuu raaco wuxuu Eebbe faray samayntiisa, illeen talo-saarashadu ma aha seexo ama shaqada ka-fadhiiso, ee waa in lala yimaado asbaabta intaas kadibna Eebbe la talo-saarto, illeen Isagaa nool oon dhimanayne, oo awoodda leh, mudanna mahad, waynayn, cibaado iyo baryaba, mana habboona in layska-kibriyo sujuuddiisa iyo cibaadadiisa, miyuuna mudanin waxaas Eebbaha cirka yeelay burjiyo, qorrax iyo dayax, yeelayna habeen iyo dharaar is-baddala, oos ku waano-qaato ciddii wax xusuusan ama waana qaadan? Gaaladii Qureysheed way diidi jireen magaca Eebbe ee Raxmaan, waxayna dhihi jireen, “Waa maxay Raxmaan?” Markaasaa Eebbe ku ceebiyey arrintaas. Al-Furqaan (58-62)

 

  1. Addoomada Eebbaha Raxmaan ah waa kuwa u-socda dhulka xasillooni, markay la-hadlaan [af-xumeeyaan] jaahiliinna yidhaahda, “Nabadgalyo.”
  2. Ee ah kuwa ku barya [habeenkii] iyagoo u-sujuudi oo u is-taagi [cibaado] Eebbe.
  3. Ee ah kuwa dhihi, “Ilaahow naga iil cadaabka Jahannamo, cadaabkeedu waa joogtee.”
  4. “Iyaduna waxay u-xun tahay ku-sugnaansho iyo ku-nagaadi.”
  5. Ee ah kuwa markay wax bixiyaan aan xad-gudbin cidhiidhiyinna, oo intaas dhexdeeda ku-toosnaada.
  6. Ee ah kuwaan caabudayn Eebbe la-jirkiisa ilaah kale, oona dilayn naftuu Eebbe xarrimay dilkeeda xaq mooyee, oon zinaysanayn, ciddii saas fashana waxay la kulmi dambi.
  7. Waxaana loo laablaabi cadaabka maalinta Qiyaame, wuuna ku waari dhexdiisa isagoo dullaysan.
  8. Ciddii tawbad-keenta oo rumaysa oo fasha camal fiican mooyee, oo kuwaas waxaa loogu baddali xumaantooda wanaag, Eebbana waa dambi-dhaafe naxariista.
  9. Ruuxii tawbad-keena oo fala wanaag wuxuu u-noqon Eebbe noqosho.

 

Isla-wayni Islaamku ma oggola, wuxuuna fari in jaahiliinta warkooda layska dhaafo, Eebbana la caabudo, lagana magan-galo Naarta, oon nafaqadana lagu xad-gudbin layskuna cidhiidhiyin ee la dhexdhexeysto, gaalnimana layska jiro, iyo dil naf la reebay oo xaq-darro, zinana laga fogaado, waxyaalahaasna waa waxa laablaaba cadaabka, ciddiise tawbad-keenta Eebbe wuu ka aqbali, xumaantana wuxuu ugu baddali wanaag, tilmaamahaasna waxaa ku sifooba mu‘miniinta fiicfiican. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Eebbe haw shariik yeelina, naf xaq-darrana ha dilina, hana zinaysanina, hana xadina.” Waxaa sheegay Salamo binu Qays. Al-Furqaan (63-71)

 

  1. [Kuwa fiican] waa kuwaan furayn been, markay maqlaan hadal xunna mara iyagoo wanaagsan [ka jeedsada].
  2. Waana kuwa marka lagu waaniyo aayaadka Eebbahooda aan dhicin dhago- iyo indho-la‘aan.
  3. Waana kuwa dhihi, “Eebbow naga sii [naga tusi] haweenkannaga iyo carruurtannada wax ishu ku qabowsato, noogana yeel kuwa dhawrsada imaam.”
  4. Kuwaas waxaa lagu abaal-marin fooqa [Janno] samirkoodii dartiis, waxayna kula kulmi dhexdeeda salaan iyo soo-dhawayn.
  5. Wayna ku waari dhexdeeda waxaana u-wanaagsan Jannada ku-sugnaan iyo nagaadiba.
  6. Waxaadna dhahdaa, “Idiinma aabboyeeleen Eebbahay haddaydaan baryeyn [illeen] waad beeniseen [Xaqee] wuxuuna ahaan mid idin laazima beeninta [ciqaabta].

 

Waxaa kamid ah tilmaanta addoomaha Eebbe inay yihiin kuwaan joogsan meel gaalnimo, oon furinna been iyo xumaan, kana jeedsada waxa macno-darro, kasa oo fahma aayaadka Eebbe een garasho-la‘aan iyo indho-la‘aan la joogin, waana kuwa ehelkooda wanaagga la jeclaada iyo Eebbe ka-yaabid, illeen haddii kale wax kuuma taraan. Kuwaa toosnaan ee Eebbe warsan inuu ka yeelo imaamyo lagu daydo oo suubban, kuwaas Jannaa lagu abaal-marin samirkooda dartiis, waxayna la kulmi salaan iyo soo-dhawayn, iyo ku-sugnaan meel fiican, Eebbana cidduu u-aabbayeeli ama danayn ma jirto haddayna caabudin ooyan baryin, gaalana hadday Xaqa beeniyaan waxaa haleeli ciqaabtiisa. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi, “Maydiinka warramaa ka u-wayn dambi?” saddex goor, waxayna dheheen, “Haa,” wuxuuna yidhi, “Gaalnimo, caaq-waalid, iyo hadalka beenta ah iyo maragga beenta ah,” wuuna celceliyey intaan ka dhahno, “Muu aamuso.” Saxiix. Al-Furqaan (72-77)

 

Suurat Ash-Shucaraa’

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.

  1. Daa. Siin. Miim. [Waxay ku tusin mucjizada Qur’aanka sida soo hor-martay.]
  2. Taasi waa aayadihii Kitaabka cad.
  3. Waxaadna u-dhawdahay [Nabiyow] inaad halaagto naftaada haddayna rumayn Xaqa.
  4. Haddaan doonno waxaan kaga soo dejinaynaa korkooda samada aayad oy noqoto luquntoodu miday u-khushuucdo.
  5. Wax kasta oo Qur’aan ah oo uga yimaada xagga Eebbaha Raxmaan ah oo soo darriyo [cusboonaada] waxay ahaan kuwo ka jeedsada.
  6. Waxayna beeniyeen [Xaqa] waxaase u-imaan warka waxay ku jeesjeesayeen.
  7. Miyeyna arkayn dhulka inaan kasoo bixinno nooc kasta oo fiican?
  8. Taasna waxaa ku sugan aayad badankooduna ma aha mid rumeyn [Xaqa].
  9. Eebbahaana waa adkaade naxariista.

 

Aayaduhu waxay xoojin oo calool adkayn Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) iyo in Eebbe awoodda leeyahay oo wuxuu doono kusoo dejin karo, waxayse ka caada-yeesheen gaaladu inay Xaqa beeniyaan, wayse ogaan cidhibta arrintaas. Ciddiise waano qaadan ha daydo iyo waxa Eebbe kasoo bixiyo oo ah wax lagu waano-qaato. Shacbi wuxuu yidhi, “Dadka waxaa laga abuuray dhulka ciddii Jannada gashana waa mid fiican, kii Naarta galana waa mid xun.” Ash-Shucaraa’ (1-9)

 

  1. [Xusuuso] markuu ugu yeedhay Eebbahaa [Nabi] Muuse inuu aado qawmka daalimiinta ah.
  2. Qawmka Fircoon, may dhawrsadaan.
  3. Wuxuu yidhi [Nabi] Muuse, “Eebbow waxaan ka cabsan inay i beeniyaan.”
  4. “Ooy cidhiidhyanto laabtaydu, siina daysmin carrabkaygu ee dir la-jirkayga Haaruun.”
  5. “Waxayna igu leeyihiin dambi [godob] waxaana ka cabsan inay i dilaan.”
  6. Wuxuu yidhi Ilaahay, “Saas ma aha ee la aada aayaadkannaga, Annagaa idinla jirra maqlina.”
  7. “Ee u-taga Fircoon una dhaha, ‘Annagu waxaan nahay Rasuulka Eebbaha caalamka.’”
  8. “Ee dir [u-oggolow] banii-Israa’iil la-jirkannaga.”
  9. Wuxuu yidhi [Fircoon] “Miyaanaan kugu barbaarinin dhexdannada adoo yar oodan ku nagaanin dhexdannada cimrigaaga sanooyin.”
  10. “Ood fashay arrintaad fashay adoo diiddan [sama-falkii].”
  11. Wuxuu yidhi [Nabi] Muuse, “Waan falay anoon wax kasayn.”
  12. “Waana idinka cararay markaan idinka cabsaday markaasuu Eebbe i siiyey Nabinimo, igana yeelay kuwa la diray [Rasuul].”
  13. “Taasise ma nicma aad igu mannaysan baa haddaad addoonsatay banii-Israa‘iil?”

 

Wax badan yuu Eebbe ka warramay siduu u-diray Nabi Muuse iyo siduu u-beeniyey Fircoon iyo wixii dhex-maray, iyo say u-doodeen, dood xaq iyo run ah oo Nabi Muuse iyo dood kibir iyo been ah oo Fircoon, waxaase hadhay Xaqii, waxaana tagay oo halaagsamay xumaantii iyo isla-waynidii, waana sidaa waligeed Xaqa iyo baadilka iyo kibirka. Ash-Shucaraa’ (10-22)

 

  1. Fircoon wuxuu yidhi, “Waa maxay Eebbaha caalamka?”
  2. Wuxuu yidhi [Nabi] Muuse, “Waa Eebbaha samooyinka iyo waxa u-dhexeeya haddaad wax yaqiinsanaysaan [rumaynaysaan].”
  3. Wuxuu ku yidhi [Fircoon] kuwii gaararkiisa ahaa, “War ma maqlaysaan?”
  4. Wuxuu yidhi [Nabi] Muuse, “Waa Eebbihiin iyo Eebbaha aabbayaalkiinnii hore.”
  5. Wuxuu yidhi Fircoon, “Rasuulkiinna laydiin soo diray waa waalan yahay.”
  6. Wuxuu yidhi [Nabi] Muuse, “Waa Eebbaha bari iyo galbeed iyo waxa u-dhexeeya haddaad wax kasaysaan.”
  7. Wuxuu yidhi Fircoon, “Haddaad yeelato ilaah igasoo hadhay waxaan kaa yeeli kuwa xabbisan.”
  8. Wuxuu yidhi [Nabi] Muuse, “Haddaan kuula imaado wax cadna?”
  9. Wuxuu yidhi Fircoon, “La imow haddaad run sheegi.”

 

Wali waxaa socda dooddii Xaqa iyo baadilka, Xaquu u-yeedhi Nabi Muuse amar Eebbe iyo baadil uu hoggaamin Fircoon waswaasin Shaydaan iyo kibir iyo isla-waynaan wax ka jirin, sidaasayna had iyo jeer u-loollamaan Xaqa iyo baadilku, waxaase la rabaa mu‘minka dhabta ah inuu ku-sugnaado Xaqa uguna yeedho dadka si cad oon qallooc, caytan iyo af-lagaaddo lahayn, bal day hadalka Nabi Muuse iyo Fircoon hadalkiisa, waa waano, is-farid iyo run Nabi Muuse, iyo af-xumo iyo caytan Fircoon faafin, taasina waxay wax tusaalayn kuwa Xaqa fari oo wanaagga u-yeedhi. Ash-Shucaraa’ (23-31)

 

  1. Markaasuu tuuray [Nabi] Muuse ushiisii waxayna noqotay mas muuqda.
  2. Wuxuuna siibay gacantiisa waxayna ahaatay mid u-cad dadka dayi.
  3. Wuxuu ku yidhi [Fircoon] kuwii gaararkiisa ahaa, “Kani waa sixirre xeel dheer.”
  4. “Doonina inuu idinkaga bixiyo dhulkiinna sixirkiisa ee maxaad faraysaan?”
  5. Waxay dheheen, “Dib u-dhig isaga iyo walaalkiis [xaalkooda] una dir magaalooyinka kuwo soo kulmiya.”
  6. “Ha kuu keeneen sixirre kasta oo xeel dheer.”
  7. Waxaana loo kulmiyey saaxiriintii imaatin maalin la-yaqaan.
  8. Waxaana loo yidhi dadkii, “Ma kulmaysaan?”
  9. “Inaan raacno saaxiriinta hadday adkaadaan?”

 

Nabi Muuse wuxuu Eebbe ku xoojiyey mucjizado, sida usha, gacanta nuuri, iyo kuwo kale, Fircoonse wuu ka madax-adaygay, oo diiday Xaqa, isagoo u-tusin qawmkiisii in [Nabi] Muuse xumaan iyo dhulkoos ka bixiyo waddo, isuna ekeysiiyey inuu ku xidhan yahay hadalkooda iyo ra‘yigooda, oyna wax faraan si uu ugu tallaabsado maslaxaddooda, iyaguna waxay kula arrimiyeen in xaalka dib loo dhigo, dadna loo diro magaalooyinka si ay usoo kulmiyaan kuwa sixirka aad u-yaqaan, waana lasoo kulmiyey saaxiriintii, dadkiina way soo kulmeen si ay u-raacaan saaxiriinta hadday adkaadaan. Maxaase dhacay? Waa waxay ka warrami aayadaha soo socda, kana warrameen kuwo badan. Fircoon warkiisu waa badan yahay, waxaase la-yaab leh inuu noqdo mid Xaqa ilaalin oo maslaxadda dadkiisa dhawri, kuna xidhan hadalkooda iyo amarkooda, dhabse ma aha taasi. Ash-Shucaraa’ (32-40)

 

  1. Markay yimaadeen saaxiriintii waxay ku dheheen Fircoon, “Ujuuro ma leennahay haddaan adkaanno?”
  2. Wuxuuna yidhi, “Haa, waxaadna noqonaysaan kuwa ii dhow.”
  3. Wuxuu ku yidhi [Nabi] Muuse, “Tuura waxaad tuuraysaan.”
  4. Waxayna tuureen xadhkahoodii iyo ulahoodii, waxayna dheheen, “Sharafta Fircoon yaan ku dhaarannaye annagaa adkaan.”
  5. Markaasuu tuuray [Nabi] Muuse ushiisii waxayna ahaatay mid gurata waxay dhoodhoobeen.
  6. Waxaana la riday saaxiriintii sujuud darteed.
  7. Waxayna dheheen, “Waxaan rumaynay Eebbaha caalamka.”
  8. “Eebbaha [Nabi] Muuse iyo [Nabi] Haaruun.”

 

Saaxiriintii markay ka yimaadeen Masar jahooyinkeeda iyagoo ah kuwo ugu sixir badan, ahna dad badan yey waydiisteen Fircoon abaal-gud hadday adkaadaan, wuuna u ballan-qaaday inuu abaal-mariyo, wuxuuna ugu deeqay inay noqdaan kuwa u-dhow ee agtiisa jooga, wayna tuureen waxay soo dhoodhoobeen oo sixir ah, iyagoo ku dhaartay Fircoon inay adkaan, wayse beenowday dhaartii, waxaana cuntay waxay wateen ushii Nabi Muuse, markaasay garteen inay xumaan ku socdeen, wayna tawbad-keeneen, iyagoo rumeeyey Eebbe iyo Xaqay la yimaadeen Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun. Saasuuna u-sarreeyey Xaqii una buray sixirkoodii loogana adkaaday Fircoon iyo colkiisii. Xujada cad ee Xaqaba way jabisaa xumaanta iyo baadilka had iyo jeer. Ka-dhawrsasho iyo sharaf iyo ku-dhaarashana waynaa muta Eebbe Sarreeye. Ash-Shucaraa’ (41-48)

 

  1. Wuxuu yidhi Fircoon, “Miyaad rumeyseen Muuse kahor idankayga? Isagu waa kan idiinku wayn ee idin baray sixirka waadse ogaan doontaan, waxaana u-goyn gacmahiinna iyo