Tufmada Sharciga ah

الرّقية الشرعية

Maxamuud Axmad Naasir

© Xuquuqda daabacaaddu waa ay dhawrsan tahay. Lama badsan karo, si kasta oo loo dhigaba, iyadoon oggolaansho loo haysan. Ciddii ku xad gudubta waxaa lala tiigsan doonaa maxkamadda sharciga ah ee wadanka iyo dibaddiisa, ama waxaa lala sugi midda aakhiro ee Ilaahay oon laga fakan karin, iyadoo ay shareecada Islaamku ka istaagtay mawqif ah xaaraantinimada bililiqaysiga buugta, sida ku xusan kitaabka Xuquuqda Kutubta ee Sheekh al-Albaani, Alle ha u naxariistee.

Daabacaadda Labaad: 7.23.2009
Maktabadda iyo Madbacadda Taqwa
Islii, Nayroobi, Keenya
Tel: 0722 582 139 | 0722 583 408

 

Xaqiiqada Isha iyo Daawaynteeda:
Qeexidda Isha: Wuxuu yiri Ibnu Xajar, Alle ha u naxariistee, isagoo noo qeexaya isha: “Ishu waa eegmo wax u bogta fiicnaysana, taasoo ku dheehan xaasidnimo, kasoo fusha uurxumo, sidaasayna kii la eegay ku gaarsiisaa dhibaato xun.”
Waxaa kusoo arooray Saxiix Muslim in Nabigu (s.c.w) yiri:

[العين حقّ، ولو كان شيءٌ سابق القدر سبقته العين، وإذا استغسلتم فاغسلوا] أخرجه مسلم في كتاب السلام.

“Ishu waa xaq (waa wax jira oo dhab ah), haddii uu jiri lahaa wax la tartama ama ka hormara qadarta, waxaa ka hormari lahaa isha, haddii laydin ka codsado dhaqmo iyo qabaysi, dhaqa.”
Wuxuu kaloo yiri Rasuulku (s.c.w): “Kitaabka Ilaahay iyo qadartiisa kadib waxaa ugu badan dadka dhimanaya umaddayda dadka ku dhimanaya isha.”

Daawada Isha:
Daawaynta Ishu waa laba xaaladood, xaalad kastaana hannaan iyo qaab loo daaweeyo bey leedahay:
Xaaladda koowaad: waa haddii la garto qofka wax ileeyey, waa in qofkaasi ugu duceeyaa qofkii uu ileeyey barako iya kheyr, waa inuu dhahaa: maashaa Allaah laa quwwata illaa billaah, kadib waxaa la amri ileeyaha wax ileeyey in uu dhaqo wajigiisa, gacmihiisa, xusuladiisa, anqawyadiisa iyo waliba hoosguntigiisa isagoo ku kordhaqanaya koob ama weel, kadib waxaa lagu shubi biyahaas xalka ah qofkii ilaysnaa ee isha qabay. Waxaana lagaga shubayaa madaxiisa iyo dhabarkiisa qaarkooda dambe, kadib koobka waa la foorarin oo dhulka ayaa lagu gambiyi.
Xaaladda labaad: haddii la garan waayo qofkii wax ileeyey, waxaa loogu ducayn barako, kadibna waxaa lagu tufi wixii tufmo sharci ah ee sugan.

Xaaqiiqada sixirka iyo siyaabaha loo daaweeyo:
Sixirka waxaa loo yaqaannaa dhawr macno:
1. Sixirku luuqadda Carabiga wuxuu ka dhigan yahay waxa sii yar ee ishu qaban karin.
2. Waxaa kaloo loo yaqaan indho-sarcaadka, iyo indhaha siriddooda.
3. Wuxuu kaloo noqdaa waxa ku yimaad kaalmaysiga shayaadiinta iyo u dhawaanshahooda.

Haddaba sixirku waa wax dhab ah oo jira, waxaana sugan Sunnada in Rasuulkeenna (s.c.w) la sixray, oo uu gaaray heer uu u maleeyo ama uu ismoodsiiyo in uu samaynayo arrin, laakiin dhab ahaantii uusan samaynaynin. Sixirkuna waa jaadad badan yahay laakiin sixirka noocan oo kale ah ayaa ugu daran.

Daawada Sixirka:
Daawada sixirku waa laba xaaladood:
Xaaladda koowaad: Haddii la awoodo in laga soo saaro sixirka salkiisa meeshii uu ku aasnaa, waa si wanaagsan, oo wuu burayaa sixirkii.
Xaaladda labaad: Haddii la waayo sixirku (falku meesha uu ku duugan yahay) waxaa bukaanka oodda looga qaadayaa tufmada sharciga ahi, taasaana kala tuuraysa sixirka inshaa Allaah.

Qaybaha Isha:
Isha wax dhabata ama ilaysa, waxaa loo qaybiyaa saddex nooc:
1. Il wax ka hesha.
2. Il xaasidad ah.
3. Il dilaa ah.

Isha wax dhabataa waa inay tahay laba mid, il bini-aadan, iyo il jinni, waayo jinka laftirkiisu waxaa sugan inuu wax ileeyo, waliba si ka daran dadka ayuu ula helaa. Waxaa ku yimid Sunanka Nisaa’i in laga wariyey nin la dhihi jiray Abii Nadrah isagoo waliba ninkaasi kasii warinaya Abii Saciid, wuxuu yiri: “Wuxuu ahaa Rasuulkii Ilaahay (s.c.w) kii ka magan gala isha jinka iyo ta dadkaba, laakiin markay soo dageen labadan suuradood birabbi-naas iyo birabbil-falaq (oo loo yaqaano al-mucawidataan) ayuu qaatay Rasuulku (s.c.w) wixii kasoo hadhayna wuu iska daayey.”

Isha wax cawrtana waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood:
1. Il wax ka hesha ama jeclaata: Nafta bina’aadanku haddii ay ku talaxtagto u bogidda iyo jacaylka ama ka helitaanka nicmo kamida nicmooyinka Ilaahay, waxaa la arkaa in kahelitaankaasi waxyeelo gaarsiiyo nicmadaas, iyadoo ay ku dhacayso arrintaasi idanka Ilaahay. Arrinkaasina wuxuu imaanayaa haddii uusan qofkaasi dhihin maashaa Allaah (waxaa inoo dhaqan ah in haddii qof nagu yiraahdo ‘Maashaa Allaah dhaha,’ inaan ugu jawaabno ‘War ma qumay baad namoodaysaa,’ haddaba saa ma aha waa in aan u hogaansannaa Sharcigu sida uu nafarayo, iskana daynaa dhaqanka khilaafsan diinta Alle). Ilaahay wuxuu ku yiri Suuradda al-Kahfi isagoo nooga warramaya qoladii beerta:

“Maxaadan markaad gasho beertaada u dhihin ‘Wuxuu dooney Eebbe, xoog majiro Eebbe mooyee,’ haddaad aragtay anoo kaa yar adiga xoolo iyo caruurba.” Suuratul Kahfi 39

Wuxuu kaloo Rasuulku (s.c.w) yiri:

[إذا رأى أحدكم من أخيه ما يعجبه فليدع له بالبركة] رواه ابن ماجه.

“Haddii midkiin ku arko walaalkiis wax uu u bogo ama yaab galiya ha ugu duceeyo barako.”
Wuxuu yiri Ibnu Xajar, Alle ha u naxariistee: “Waxaa la arkaa qofka ishiisu inay ku dhacdo qofka uu jecel yahay isagoon xasdayn, waxayna ishu ka dhici kartaa ninka wanaagsan iyo kan aadka kuu jecelba, sidaa awgeed ayaa waxaa habboon in uu ugu duceeyo qofka uu jeclaaday barako, taasaana u noqonaysa tufmo.”

  1. Il xaasidad ah: Waxay kaloo ishu kasoo baxdaa dadka xaasidiinta ah, ee xasadku murxiyey, xasadkuna waxaa lagu qeexaa inuu yahay: Rajaynta baaba’a nicmada Ilaahay ugu nicmeeyay kan la xasdayo, macnaheeduna waa inaad walaalkaa waxa Ilaahay ku galadaystay aad jeclaatid inuu waayo ama caydhoobo.

Ilaahay wuxuu yiri (subxaanahu watacaalaa):

“Waxay jeclaadeen kuwo badan oo kamida Ahlu-Kitaabka in la idiin celiyo gaalnimo iimaankiina ka gadaal, iyagoo idin xasdaya, kadambow intii uu u caddaaday xaqqu.”
109 al-Baqarah.

Nin gabyaa ahna wuxuu ku gabyay:

أيا حاسدا لي على نعمتي ـــ أتدري على من أسأت الأدب
أسأت على الله في حكمه ـــ لأنّك لم ترض لي ما وهب
فأخزاك ربي بأن زادني ـــ وسد عليك وجوه الطلب

War kan ii xaasidaya nicmadayda
Ma taqaanaa axadka aad ku adeb darraatay

Ilaahay ayaad ku adeb darraatay xukunkiisa
Waayo kuma aadan raali noqon waxa uu ii hibeeyey

Kadibna rabigay wuu ku hoojiyey markii uu ii kordhiyey nicmada
Wuxuuna kaa awday wajiyadii (siyaabihii) irsiq dalabka.

  1. Isha dilaaga ah: Waa il sun ah, waxayna kasoo fushaa qofka qumayga ah. Waxaa jiri jiray nin Carab ahaa, oo haddii uusan laba maalmood wax cunin ishiisu ay kanooni (madfac) ahayd, wuxuu ahaa haddii uu joogo laba maalmood cunta la’aan oo kadib kasoo baxo teendhadiisa, oo uu arko xoolo meesha maraya ama daaqaya, oo kadib yiraahdo ‘Wallee maanta geel iyo adhi ka gashi muuqaal wanaagsan ma daaqayaan meeshan,’ waxaa la arki jiray in xoolahaasi le’daan ama wax ka daataan.
    Haddaba ninkaas qumayga ahaa ee ishiisu ahayd il aan kaftamayn ayey u tageen gaaladii Makka, waxayna ka codsadeen in uu ileeyo ama ku rido labo saalbo hubkiisa kamida Rasuulka (s.c.w), kadib ninkii wuu isku dayey laakiin Ilaahay ayaa ka dhawray sharkiisii Rasuulka (s.c.w). Waxaana arrintaa ku soo dagtay aayadan:

“Waxay u dhow yihiin kuwii gaaloobay inay daymada kugu lagdaan markay maqlaan Qur’aanka, waxayna dhihi ‘Waa waalan yahay (Nabigu)’.”
Wuxuu ku yiri Ibnul Qayyim kitaabkiisa Badaa’ic al-Fawaa’id markii uu tafsiirayay: “Alla badanaa dad le’day iyo dad caafimaadkii laga siibay, iyo kuwo kale oo bukaan socod ah, oo firaashka yaalla, oo uu ku leeyahay dhakhtarkiisu: ‘Daawo ma lihid,’ oy tahayna dhakhtarka runtiis, waayo waxa hayaa ma aha cudur xubneed, ee waa cudur nafsi ah, kaas oysan garanayn dad khaas ah mooyee, kuwa laga madoobeeyeyna way inkirayaan cilmigaas.”
Wuxuu ku yiri sheekha la yiraahdo Abuu Bakar al-Bazaar kitaabkiisa Musnadka ah, isagoo ka warinaya Jaabir Ibnu Cabdillaah (r.c), Jaabirna kasii warinayo aabihiis (r.c.): Wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay (s.c.w) ayaa yiri: “Waxaa ugu badan dadka dhimanaya umaddayda, qoraalka Ilaahay iyo qadihiisa kadib, waa kuwa ku dhimanaya isha.”

Wuxuu ku yiri Ibnu Kathiir tafsiirkiisa marka uu tafsiirayay aayadda ugu dambaysa ee Suuradda Nuun: “Waxaa lagu wariyey xadiiskan wadda kale, waxaa laga wariyey Jaabir Ibnu Cabdillaah in Rasuulka Ilaahay (s.c.w.) uu yiri: “Ishu waa xaq (dhab) waxayna galisaa ninka xabaasha, awrkana distida, waxa ugu badan ay ku halaagsamayso umaddayduna waa isha.”

Waxaa laga faa’idaysanayaa xadiiskan:
– In ummada Nabi Muxammad (s.c.w) uga badan tahay ummadaha kale ku dhimashada isha.
– In dadka geeriyooda umadda Nabi Muxammad badankooda ishu sababto, taas oo ka dhigan in boqolkiiba-50 ku dhintaan siyaabo farabadan, hadday ahaato shil baabuur ama ku diyaaradeed, ama cudur falkiis la waayey, waxaas oo dhan waxaa gundhig u ah – qadarta Ilaahay iyadoo meesheeda tahay – isha.
– Waxaan kaloo ka qaadanaynaa xadiiskan in cudurro badan oo dhakhaatiirtu xallin kari la’yihiin ay tahay il, daawadeeduna tahay diin la isa saaro iyo tufmada Sharciga oo la isku tufo.

Qeexidda tufmada iyo caddaynta qaybaheeda:
Waxaa lagu qeexaa tufmada, inay tahay magan galka loogu magan galo Ilaahay, laguna tufo qofka aafaysan, sida xummada, suuxdinta, i.w.m oo ah aafooyinka.

Tufmaduna waxay u qaybsantaa afar nooc:
1. Tufmo la isku tufo Qur’aanka Ilaahay iyo magacyadiisa wanaagga badan iyo sifooyinkiisa (tilmaamihiisa) sarsarreeya. Marka tufmada noocan ah way bannaan tahay waana shay ku dhaqankeeda la jecel yahay.
2. Waxaa soo raaca tufmadaa hore, xusidda Ilaahay iyo ducooyinka laga soo xigtay Shareecada. Noocanina wuu bannaan yahay.
3. Waxaa kaloo kuu bannaan dikriga (xusidda Ilaahay) iyo duco aan laga soo xigan shareecada, laakiin aan khilaafsanayn shareecada.
4. Kuuma bannaana inaad isku tufto wax aan la fahmayn, sida ay samayn jireen gaaladu xilligii jaahiliga. Noocan waxaa waajib ah in laga dheeraado, si aan loogu dhicin shirki (wax la wadaajin Ilaahay cibaadadiisa).

Shuruudaha Tufmada:
Waxay isku raaceen culumadu in ay bannaan tahay tufmadu haddii la helo saddex shardi:
1. In ay noqoto tufmadu Qur’aan iyo magacyada Ilaahay ee wanwanaagsan iyo tilmaamihiisa sarsarreeya.
2. Inay noqoto luuqadda Carabiga, ama luuqad uu fahmi karo bukaanka lagu tufayo.
3. In ay aaminaan kan wax tufaya iyo kan lagu tufayaba in tufmadu si ahaanteeda wax caafin laakiin Ilaahay wax caafiyo caafimaadkana hayo.

Shuruudaha laga rabo Tufaha iyo Lagu-Tufaha:
Tufuhu waa in uu noqdaa qof ehel u ah tufmada, taas oo ah in uu noqdo qof wanaagsan oo ah ehelu khayr Alla ka cabsi badan.
Waa in uu gartaa tufmada munaasabka ah, kuna fiican yahay xulashada aayadaha sida ay u kala habboon yihiin.
Waa in uu yahay qofka xanuunsani ehelu iimaan, taqwo badan kuna toosan diinta Alle, waxaa na tusaya arinkaas aayaddan:
“Waxaa kasoo dajinnaa Qur’aanka shay caafimaad iyo naxariis u ah mu’miniinta, umana kordhiyo dadka gardarraystay khasaaro mooyee.”

Sidaa awgeed tufmadu sida badan ma saamayso dadka fallaagoobay ee caasiyaalka ah.

Waa in la aaminaa si dhab iyo hubaal ah in Qur’aanku yahay caafimaad iyo naxariis Ilaahay soo dajiyey, iyo daawo nafci badan leh, sidaa darteed waa in uusan ugu tufin si tijaabo ah, laakiin waa in uu ugu tufaa si hubaal ah in uu ku caafimaadayo.

Markii la helo shuruudahan, waxaa la helayaa Ilaahay idinkiis intifaacii la rajaynayey, Ilaahay baana naga og.

Arrimo muhim ah:
Waxaa jira sababo ama siyaabo, haddii uu raaco qofka ibtilaysani, ku caawin lahayd helidda caafimaadkiisa iyo dadajintiisa.
Waxaa kamida arrimahaas:
1. Ku dadaalka tooska ah cibaadooyinka, iyo oogiddooda waqtiyadooda, waxaana ugu muhiimsan cibaadooyinkaas salaadda oo lagu tukado jamaacada, waliba gaar ahaan salaada Subax. Wuxuu yiri Rasuulku (s.c.w): “Qofkii tukada salaada Subax wuxuu ku sugan yahay maganta Ilaahay.” Waxaa soo saaray xadiiskan Muslim.

Wuxuu kaloo yiri Rasuulku (s.c.w): “Qofkii ku tukada salaadda Subax jamaaco wuxuu la mid yahay qof habeenkii oo dhan tukaday.” Waxaa soo saaray xadiiskan sidoo kale Muslim.
2. In uu isku tufo isagu, waayo tufmada qofku isku tufo, ayaa ka habboon tufmada qof kale ku tufo, maxaa yeelay tufmadu waa duco, ducada qofku ducaysto isagoo yaqiinsan yaqiin dhab ah ayaa looga raja wayn yahay aqbalkeeda tan ruux kale u duceeyey. Gaar ahaan xilligaan aan joogno ee ay yaraadeen tufayaal daacad ah.
3. Haddii uu bukaanku bastii yahay, oo uu awoodi waayo in uu isku tufo, amase doonaya in uu kordhisto tufmada, waxaa laga rabaa in uu doonto dad suubban oo wanaaggooda la isla yaqaan, caqiidadooduna saafi tahay, hana ka digtoonaado wadaaddada khuraafaatka iyo qarjaajufka ku shaqaysta, waayo arrinkaasi waa wax xaaraantimadeeda la ogaaday. Sidoo kale haka digtoonaado isku daawaynta wax Ilaahay xaaraantimeeyey, waayo daawo ma noqdo shay xaaraan ihi, wuxuu yiri Rasuulku (s.c.w):

[إنّ الله لم يجعل شفاءكم في حرام.] أخرجه ابن حبّان: 1391

“Ilaahay ma yeelin daawadiina shay xaaraan ah.” Waxaa soo saaray xadiiskan Ibnu Xibbaan (1391).

  1. Waa in ay kasoo fushaa tufmada Sharciga ihi qof taqwo iyo cibaado badan, oo iska ilaaliya xaaraanta, waa in uu yaqiinsadaa inuu Ilaahay kaligii un wax caafiyo, wax kaloo wax caafin karaana jirin, waayo tufmadu waa duco, haddii uu isku tufo qofi, ama ku tufo qof kale, waxaa waajib ku ah inuu aaminaa marka uu tufayo in caafimaadka la helayo, waana in uu iska ilaaliyaa ku tijaabinta, haddii uu u tufo si tijaabo ah, wuxuu is dhaafinayaa waxtarkii tufmada laga dhawrayey.
  2. Waa in uu duceeyaa duco isbihinbihin ku dheehan tahay, isagoo waliba aad ugu celcelinaya ducada, taasna waxaa ku sugan dayashadii Nabiga (s.c.w). Ilaahay wuxuu yiri kor ahaaye:

“Mise Eebbaha aqbala ka dhibban marka uu baryo, oo fayda xumaanta (dhibka) idinkana yeeli kuwo dhulka u hadhi, (iskala baddala) ma Ilaah kalaa jira Eebbe miciisa, yaraa intaad wax xasuusanaysaan.”

Sidoo kale waxaa looga baahan yahay kan wax tufaya in uu la eegto ducadiisa xilliyada ducooyinka la ajiibo, kuwaas oo lagu caddeeyey Kitaabka iyo Sunnada, waxaana kamida, habeenka qaarkiisa dambe, iyo saacadda ugu dambaysa maalinta Jimcada, (yacni Maqribka wax yar ka hor) sidoo kale marka lagu jiro sujuuda, iyo kuwa kale oo kamida waqtiyada fadliga badan.
6. Waa in uu ku dadaalaa qofka isku tufaya ama lagu tufayo, amase isagu wax ku tufayo, in uu noqdo xalaal miirad, ka dheer xaaraanta iyo boolida. Wuxuu yiri Rasuulku (s.c.w):

[أطب مطعمك تكن مستجاب الدعوة.] أخرجه الطبراني في الأوسط

“Wanaaji waxa aad cunayso, waxaad noqon mid ducadiisa la aqbalo.”

Wuxuu kaloo yiri Rasuulku (s.c.w):

[إنّ الله طيب لا يقبل إلّا طيباً… ثم ذكر الرجل يطيل السفر أشعث أغبر، يمدّ يديه إلى السماء : يا ربّ يا ربّ، ومطعمه حرام وملبسه حرام وغذِّي بالحرام، فأنّا يستجاب لذلك؟] أخرجه مسلم

“Dadow, Ilaahay wuu fiican yahay, mana aqbalo wax fiican mooyee…” Kadib wuxuu sheegay rasuulku nin safar dheer soo galay, basaasaysan, boodh badan, oo gacmihiisa cirka u taagaya oo leh: ‘Rabbiyaw, Rabbiyaw,’ laakiin quudkiisu xaaraan yahay, waxa uu xidhan yahayna xaaraan yahay, waxaana lagu quudiyey xaaraan, see loo ajiibi kaas.”
7. Waa in uu ku dadaalaa ku akhrinta Suuratul Baqara guriga, waayo suuraddu waa gaashaan adag, waana tufmo wayn, gurigii lagu akhriyaana shaydaan foodda ma soo galiyo, wuxuu yiri Rasuulku (s.c.w):

[إنّ الشيطان ينفر من البيت الّذي تقرأ فيه سورة البقرة.] أخرجه مسلم.

“Shaydaanku wuu ka didaa (cararaa) guriga lagu akhriyo Suuratul Baqarah.”

Waxaa wanaagsan in uu isku akhriyo bukaanku suuraddan, ama lagu dul akhriyo, sidoo kale haddii uu cajal ay ku duuban tahay haysto haku ridto, waa arrin sax ah, waxaana la arkaa in Ilaahay ku caafiyo dhammaan dadka ku nool gurigaas. Waa sida uu sheekh Cabdallah Jibriin noo fadwooday Ilaahay ha u naxariistee.
8. Waa in uu ku dadaalaa xusidda Ilaahay, iyo Qur’aan akhriska, iyo joogtaynta istiqfaarka (dambidhaaf waydiisiga).
9. Waa in uu ku dadaalaa cabidda taxaliisha Qur’aanka lagu akhriyey, waa in uu cabbaa kuna maydhaa, gaar ahaan biyaha zamzamka, waayo waa daawo, in taxaliil laga dhigtana way fiican tahay, wayna caafimaad badan tahay. Haddii aad ku darto caleenta gobka, ama aad ku radiso waraaqo lagu qoray aayado Qur’aan ah, waliba la adeegsaday khad daahir ah, waxaa laga helaa caafimaad Ilaahay idinkiis.
10. Waa in lagu dadaalaa cunidda saliidda zaytuunka iyo ku dhaashigeeda. Wuxuu yiri Rasuulku (s.c.w): “Cuna saliidda, kuna dhaashta, waayo waxay ka timid geed barakaysan.”

Sidoo kale xabba-sawdada iyo saliiddeedu waa daawo, wuxuu yiri Rasuulku (s.c.w):

[في الحبّة السوداء شفاء من كل داء إلا السّام.] متّفق عليه، أخرجه البخاريّ في كتاب الطبّ.

“Xabbadsawdada waxaa ku dhex sugan daawada cudur kasta geeri mooyee.”
Haddii marka lagu akhriyo labadoodaas (saliida zaytuunka iyo xabad sawdada) aayado Qur’aan ah aad ayey u fiicnaan lahayd.
11. Waa in lagu dadaalaa cunidda malabka, waayo waxaa ku sugan caafimaad badan, Ilaahay baana noo sheegay. Haddii lagu akhriyo malabka Qur’aan kaba sii fiican. Waayo waxaa kulmay Qur’aankii oo daawo ah iyo malabkii oo isaguna gaar ahaantiisa daawo u ah.
12. Waa in lagu dadaalaa toobniinka, mar kasta oo loo baahdo, waayo wuxuu yiri Rasuulku (s.c.w):

[الشّفاء في ثلاثة: في شرطة محجم، أو شربة عسل، أو كيَّةٍ بنار، وأنا أنهى أمّتي عن الكيّ.] أخرجه البخاري في كتاب الطبّ.

“Caafimaadku wuxuu ku sugan yahay saddex: sarriin toobniin, cantuugo malab, iyo isgubid dab, aniguna waan ka reebayaa ummadayda isgubidda.”

  1. In waagu markuu baryo lagu aftirto toddobo xabbadood oo timirta cajwada ah, wuxuu yiri Rasuulku (s.c.w):

[من تصبّح ـ كلّ يوم ـ سبع تمرات عجوة لم يضرّه في ذلك اليوم سمًّ ولا سِحرٌ.] أخرجه البخاري في كتاب الأطعمة.

“Qofkii maalin walba ku subaxaysta toddobo timirood oo cajwa ah, ma dhibayo maalintaas sun iyo sixir toonna.”

Toban arrimood oo lagaga hortagi karo sharka sixirka, isha iyo xaasidka:
Wuxuu ku sheegay Ibnul Qayyim kitaabkiisa Badaa’ic al-Fawaaid toban arrimood oo lagaga hortagi karo sixirka, isha iyo xaasidiinta Ilaahay idinkiis:
1. Magangalka Ilaahay, iyo dhufeyska kadhigashada xuska Ilaahay.
2. Cabsida Ilaahay, oo macnaheedu yahay raacidda waxa Eebbe faray, iyo ka dheeraanshaha waxa uu reebay, waayo qofka Ilaahay ka cabsada cabsi dhab ah, wuxuu Ilaahay kafaala qaadayaa xifdintiisa iyo dhawriddiisa.
3. Waa inuu u daayo cadawga xaasidka ah Ilaahay, waayo dhagarta xumi waxay xaaqdaa dadkeeda.
4. Talasaarashada Ilaahay: qofkii tala-saarta Ilaahay, waxaa dhab ah inuu Ilaahay ku filan yahay, talasaarashaduna waa waxa ugu wayn ee addoonku kaga hortago waxa tabartiisa ka wayn oo ah dhibaatooyin uunka.
5. In qalbiga laga saaro danaynta xaasidka, waa in aan dhag jalaq loo siin xaasid, lagana cabsanin.
6. U jeedsiga xagga Ilaahay, iyo badhaxtirka cibaadadiisa iyo xaqqiisa.
7. Towbadda oo laga towbadkeeno danbiyada oo dhan kuwaad og tahay iyo kuwa aadan ogaynba, waayo, badanaa ibtiladu waxay uga timaaddaa addoonka dunuubtiisa.
8. Sadaqaysiga: sadaqada iyo samafalkuba waxay kaalin wayn ka qaataan celinta isha iyo sixirka.
9. Daminta dabka xaasidka, taas oo loo adeegsanayo jidka ixsaan iyo samafalka, waa in loo ixsaan falaa si aad uga badbaaddid xasadkiisa iyo dhagartiisa, waayo qofka haddii aad wanaajisid waxaa la arkaa in uu ku tixgaliyo ama kaa xishooda sida loo yiriba af wax cunay xishoo, taas isagoo Ilaahay ka hadlayo ayaa wuxuu yiri:

“Mana eka wanaagga iyo xumaantu, reebna (bixi) arrinta fiican markaas waxaa soo bixi in midkii coli idin dhex yiil uu noqon sokeeye iyo saaxiib.” Fussilat 34.

  1. Waa in la xaqiijiyaa oo la dhabeeyaa tawxiidka Ilaahay, lagana dheeraadaa shirkiga ama wax la wadaajinta Ilaahay (subxaanahu wa tacaalaa) cibaadadiisa, taas markii la helo wuxuu helayaa qofku amni iyo xasilooni.

Ha u daymo la’aan arrimahaan:
1. Inaad rumiyeyso Qadarka Ilaahay khayrkiisa iyo sharkiisa, taas oo ah tiir kamida tiirarka Iimaanka ee lixda ah. Wuxuu yiri Rasuulku (s.c.w):

[لا يؤمن عبدٌ حتى يؤمن بالقدر خيره وشرّه، حتى يعلم أنّ ما أصابه لم يكن ليخطئه، وأنّ ما أخطئه لم يكن ليصيبه.] أخرجه الترمذي في كتاب القدر

“Ma rumayn addoon illaa uu ka rumeeyo Qadarka khayrkiisa iyo sharkiisaba, illaa uu ka ogaado waxa asiibay inuusan ahayn wax gafi lahaa, waxa seegayna in uu ahaa wax aan marna ku dhici lahayn.” Waxaa soo saaray xadiiskan Tirmidi, Kitaabka Qadarka.
2. Inaad ogaatid waxa kugu dhacay oo musiiba ah inuu yahay imtaxaan Ilaahay kaa qaadayo, ajirna kuugu siinayo, waxaad kaloo ogaataa inay tahay musiibadaasi calaamad ku tusinaysa jacaylka Ilaahay ku jecel yahay. Waayo ibtilooyinka waxay u yihiin mu’minka saabbuun ka mayraysa dunuubta. Wuxuu yiri Rasuulku (s.c.w):

[إنّ عظم الجزاء مع عظم البلاء، وإنّ الله إذا أحبّ قوماً ابتلاهم، فمن رضي فله الرّضا، ومن سخط فله السخط.] أخرجه الترمذي

“Waynaanta abaal marintu waxay ku salaysan tahay waynaanta balaayada, Ilaahayna hadii uu jeclaado qolo wuu itaxaanaa (ibtileeyaa), haddaba qofkii raali ku noqda wuxuu leeyahay raalinimo, qofkii ka cadhoodana wuxuu leeyhay cadho.” Waxaa soo saaray xadiiskan Tirmidi.
3. Waa inaad ku samirtaa, ajirna xisaabsataa Ilaahay agtiisa, xoojisaana ku xidhnaanta Ilaahay. Waxaadna mar walba Ilaahay waydiisataa inuu ku siiyo caafimaad.

Talooyin Guud oo la raaco marka la tufayo Tufmada Sharciga ah:
Waa in uu tufuhu ahaadaa mid wayso-qaba.
Waxaa habboon in uu u jeedsado xagga qiblada marka uu wax ku tufayo.
Waa inuu u akhriyaa Qur’aanka iyo ducooyinkaba si daggan oo tadabbur leh, taas oo ku dhalinaysa tufaha iyo lagu tufahaba inay khushuuc helaan.
Tufidda oo ah mar kasta uu wax akhriyo.
Waxaa wanaagsan in uu saaro gacantiisa midig foodda bukaanka, ama meesha xanuunaysa, hana ogaado in aysan bannaanayn in haweenka far la saaro, dadka maxramka u ah mooyee.
Waxaa kaloo wanaagsan in dhagta midig lagaga akhriyo bukaanka markii wax yar la joogaba.
Haddii aad dareentid bukaanka oo ku saamoobay aayadaha qaarkood, waa inaad ku celcelisaa aayadahaas saddex mar illaa shan mar.
Waa in uu tufuhu niyoodaa inuu ku anfaco Ilaahay tufmadan walaalkiis, waa inuuna waaniyaa, sidoo kale haddii uu ka dhex hadlo jin, waa in uu jinkaas laftirkiisa xasuusiyaa cabsida Ilaahay, uguna yeeraa dacwada Islaamka.
Waa in uu tixgaliyaa hannaanka ducooyinku u socdaan, oo uu kala baddalaa haddii uu isku tufayo ama uu ku tufayo rag ama dumar waa inuu alfaadda iyo ereyada ducooyinka kala duwaa.
Waa inuusan ka daalin tufmada waayo waxaa la arkaa in ay socoto usbuucyo ama bilooyin, hadba sida uu yahay bukaanku, sidaa awgeed waa in lagu wadaa illaa laydh iyo naacaw caafimaad uu ka helayo bukaanku.
Wuxuu awoodaa tufuhu in uu soo gaabsado tufmada, ama uu doorto aayado gaar ah oo u arkay inay anfacayso bukaanka, sidaa darteed ayaan u qaybinay laba qaybood tufmo gaaban oon ugu tala galnay in qofku akhristo marka uusan haysan waqti fiican ama kanshihiisu yar yahay, iyo tufmo dheer oo uu akhrisanayo qofku marka uu haysto waqti fiican.
Wuu u akhriyi karaa tufuhu tufmada kor iyo hoosba, laakiin waxaa wanaagsan in uu u akhriyo kor, si uu u dhagaysto bukaanku, uguna saamoobo Qur’aanka uu maqlayo.

 

رقيةٌ موجزة
Tufmo Gaaban

Fiiro Gaar ah.
Marka aadan haysan waqti fiican, ama kanshahaagu yar yahay, isku akhri tufmadan gaaban, hana ka wahsan akhrinteeda.
Mar walba maanka ku hay in uu Ilaahay un kaligii caafimaadka bixiyo.

الرّقية من القرآن الكريم
Tufmada Qur’aanka


سُورَةُ الفَاتِحَةِ
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ١ ]
ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٢
ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ٣ مَٰلِكِ يَوۡمِ ٱلدِّينِ ٤
إِيَّاكَ نَعۡبُدُ وَإِيَّاكَ نَسۡتَعِينُ ٥ ٱهۡدِنَا
ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ ٦ صِرَٰطَ ٱلَّذِينَ أَنۡعَمۡتَ
عَلَيۡهِمۡ غَيۡرِ ٱلۡمَغۡضُوبِ عَلَيۡهِمۡ
[وَلَا ٱلضَّآلِّينَ ٧

al-Faatixa 1-7


سُورَةُ البَقَرَةِ
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ]
الٓمٓ ١ ذَٰلِكَ ٱلۡكِتَٰبُ لَا رَيۡبَۛ فِيهِۛ هُدٗى
لِّلۡمُتَّقِينَ ٢ ٱلَّذِينَ يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡغَيۡبِ وَيُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ
وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ ٣ وَٱلَّذِينَ يُؤۡمِنُونَ بِمَآ أُنزِلَ
إِلَيۡكَ وَمَآ أُنزِلَ مِن قَبۡلِكَ وَبِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ يُوقِنُونَ ٤
أُوْلَٰٓئِكَ عَلَىٰ هُدٗى مِّن رَّبِّهِمۡۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ
[هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ ٥

al-Baqara 1-5


ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ]
ٱلۡحَيُّ ٱلۡقَيُّومُۚ لَا تَأۡخُذُهُۥ سِنَةٞ وَلَا نَوۡمٞۚ لَّهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ
وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ مَن ذَا ٱلَّذِي يَشۡفَعُ عِندَهُۥٓ إِلَّا بِإِذۡنِهِۦۚ يَعۡلَمُ
مَا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُمۡۖ وَلَا يُحِيطُونَ بِشَيۡءٖ مِّنۡ عِلۡمِهِۦٓ إِلَّا
بِمَا شَآءَۚ وَسِعَ كُرۡسِيُّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَۖ وَلَا يَ‍ُٔودُهُۥ حِفۡظُهُمَاۚ
[وَهُوَ ٱلۡعَلِيُّ ٱلۡعَظِيمُ ٢٥٥

al-Baqara 255


لِّلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ ]
وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَإِن تُبۡدُواْ مَا فِيٓ أَنفُسِكُمۡ أَوۡ تُخۡفُوهُ
يُحَاسِبۡكُم بِهِ ٱللَّهُۖ فَيَغۡفِرُ لِمَن يَشَآءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَآءُۗ
وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ ٢٨٤ ءَامَنَ ٱلرَّسُولُ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيۡهِ
مِن رَّبِّهِۦ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَۚ كُلٌّ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَمَلَٰٓئِكَتِهِۦ
وَكُتُبِهِۦ وَرُسُلِهِۦ لَا نُفَرِّقُ بَيۡنَ أَحَدٖ مِّن رُّسُلِهِۦۚ وَقَالُواْ
سَمِعۡنَا وَأَطَعۡنَاۖ غُفۡرَانَكَ رَبَّنَا وَإِلَيۡكَ ٱلۡمَصِيرُ ٢٨٥ لَا يُكَلِّفُ
ٱللَّهُ نَفۡسًا إِلَّا وُسۡعَهَاۚ لَهَا مَا كَسَبَتۡ وَعَلَيۡهَا مَا ٱكۡتَسَبَتۡۗ
رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذۡنَآ إِن نَّسِينَآ أَوۡ أَخۡطَأۡنَاۚ رَبَّنَا وَلَا تَحۡمِلۡ
عَلَيۡنَآ إِصۡرٗا كَمَا حَمَلۡتَهُۥ عَلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِنَاۚ رَبَّنَا
وَلَا تُحَمِّلۡنَا مَا لَا طَاقَةَ لَنَا بِهِۦۖ وَٱعۡفُ عَنَّا وَٱغۡفِرۡ لَنَا
[وَٱرۡحَمۡنَآۚ أَنتَ مَوۡلَىٰنَا فَٱنصُرۡنَا عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡكَٰفِرِينَ ٢٨٦

al-Baqara 284-286


قَالَ هَلۡ ءَامَنُكُمۡ عَلَيۡهِ إِلَّا كَمَآ أَمِنتُكُمۡ عَلَىٰٓ أَخِيهِ مِن ]
[قَبۡلُ فَٱللَّهُ خَيۡرٌ حَٰفِظٗاۖ وَهُوَ أَرۡحَمُ ٱلرَّٰحِمِينَ ٦٤

Yuusuf 64


سُورَةُ الكَافِرُونَ

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ]

قُلۡ يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡكَٰفِرُونَ ١ لَآ أَعۡبُدُ مَا تَعۡبُدُونَ ٢
وَلَآ أَنتُمۡ عَٰبِدُونَ مَآ أَعۡبُدُ ٣ وَلَآ أَنَا۠ عَابِدٞ مَّا عَبَدتُّمۡ ٤
[وَلَآ أَنتُمۡ عَٰبِدُونَ مَآ أَعۡبُدُ ٥ لَكُمۡ دِينُكُمۡ وَلِيَ دِينِ ٦

al-Kaafiruun 1-6


سُورَةُ الإِخۡلَاصِ

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ]

قُلۡ هُوَ ٱللَّهُ أَحَدٌ ١ ٱللَّهُ ٱلصَّمَدُ ٢ لَمۡ يَلِدۡ وَلَمۡ يُولَدۡ ٣
[وَلَمۡ يَكُن لَّهُۥ كُفُوًا أَحَدُۢ ٤

al-Ikhlaas 1-4


سُورَةُ الفَلَقِ

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ]

قُلۡ أَعُوذُ بِرَبِّ ٱلۡفَلَقِ ١ مِن شَرِّ مَا خَلَقَ ٢ وَمِن شَرِّ
غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ ٣ وَمِن شَرِّ ٱلنَّفَّٰثَٰتِ فِي ٱلۡعُقَدِ ٤
[وَمِن شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ ٥

al-Falaq 1-5


سُورَةُ النَّاسِ

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ]

قُلۡ أَعُوذُ بِرَبِّ ٱلنَّاسِ ١ مَلِكِ ٱلنَّاسِ ٢ إِلَٰهِ
ٱلنَّاسِ ٣ مِن شَرِّ ٱلۡوَسۡوَاسِ ٱلۡخَنَّاسِ ٤ ٱلَّذِي
يُوَسۡوِسُ فِي صُدُورِ ٱلنَّاسِ ٥
[مِنَ ٱلۡجِنَّةِ وَٱلنَّاسِ ٦

an-Naas 1-6


 

 

الرّقية من السنّة
Tufmada Sunnada

أعوذ بالله السّميع العليم من الشّيطان الرّجيم، من همزه ونفخه ونفثه.

“Waxaan uga magan galayaa Allaha maqalka iyo cilmiga badan, shaydaanka la fogeeyey, waswaaskiisa, afuufkiisa, iyo waalidiisa ama wareerkiisa.”

أعوذ بكلمات الله التامّة، من كل شيطان وهامّة، ومن كل عين لامّة.

“Waxaan uga magan galayaa kalmadaha Ilaahay ee dhamayska tiran, shaydaan kasta iyo wax kasta oo la baasaysto, iyo il walbo oo wax dhabata (ilaysa).”

أعوذ بكلمات الله التامّات كلّهنّ، من شرّ ما خلق

“Waxaan uga magan galayaa kalmada Ilaahay ee dhamayska tiran, giddigood, waxa uu uumay sharkiis.”

بسم الله الّذي لا يضرّ مع اسمه شيء في الأرض ولا في السّماء وهو السّميع العليم. (ثلاث مرّات)

“Magaca Ilaahay ayaan ku billaabayaa, magacaasoo uusan dhibin lajirkiisa wax ku sugan dhulka iyo cirka, Allena waa maqal badane cilmi badane ah.” Qofkii yiraahda saddex jeer subaxdii iyo galabkii ducadan wax dhiba ma arkayo.

بسم الله (ثلاثا) أعوذ بالله وقدرته من شرّ ما أجد وأحاذر. (سبع مرّات)

“Bismillaahi (saddex jeer), waxaan uga magan galayaa Ilaahay iyo awooddiisa, waxa aan helayo ama aan kadiyo sharkiisa.” Toddoba jeer.

بسم الله أرقيك، من كلّ شيء يؤذيك، من شرّ كلّ نفس، أو عين حاسد، الله يشفيك، بسم الله أرقيك.

“Magaca Ilaahay ayaan kugu tufayaa, wax kasta oo ku dhibaya, naf walba sharkeed, ama il xaasid, Ilaahay baa ku shaafin, magaca Ilaahay ayaan kugu tufayaa.”

أذهب البأس، ربّ الناس، واشف أنت الشّافي، لا شفاء إلّا شفاؤك، شفاء لا يغادر سقما.

“Tagsii dhibka, dadka Rabbigoodow, shaafina adigaa wax shaafiyee, caafimaad ma jiro, caafimaadkaaga mooyee, caafimaad aan ka tagayn cudur.”

اللّهم اشف عبدك ـ أو أمتك ـ وصدّق رسولك صلّى الله عليه وسلّم.

“Allow caafi adoonkaaga – ama adoontaada – u rumeena Rasuulkaaga (s.c.w}.”

اللّهم بارك عليه، وأذهب عنه حرّ العين وبردها ووصبها.

“Allow barakee, kana tagsii isha kulaylkeeda, qabawgeeda, iyo xanuunkeeda.”

أسأل الله العظيم ربّ العرش العظيم أن يشفيك. (سبع مرّات)

“Waxaan waydiisanayaa Allaha wayn ee ah Rabbiga carshiga wayn, inuu ku shaafiyo.”

اللهم إنا نسألك من خير ما سألك منه نبيّك محمّد صلّى الله عليه وسلّم، ونعوذ بك من شرّ ما استعاذ منه نبيّك محمّد صلّى الله عليه وسلّم، وأنت المستعان وعليك البلاغ، ولا حول ولا قوّة إلّا بالله.

“Allow annagu waxaan ku waydiisanaynaa wax kamida khayrka uu ku waydiistay Nabigaaga Muxammad (s.c.w), waxaana kaa magan galaynaa sharka uu kaa magan galay Nabigaaga Muxammad (s.c.w), adigaa kaalmada la waydiistaa, adigaan wax gaadhsiiya.”

لا إله إلّا الله العظيم الحليم، لا إله إلّا الله ربّ العرش العظيم، لا إله إلّا الله ربّ السّماوات وربّ الأرض، وربّ العرش الكريم.

“Ilaah xaq lagu caabudo ma jiro, Ilaaha weyn ee dulqaadka badan mooyee, ilaah xaq lagu caabudo ma jiro, Ilaaha carshiga weyn leh mooyee, ilaah xaq lagu caabudo majiro, Ilaaha cirarka iyo dhulka iyo carshiga wanaagsan Rabbigooda ah mooyee.”

ربّنا الله الّذي في السّماء، تقدّس اسمك، أمرك في السّماء والأرض، كما رحمتك في السّماء فاجعل رحمتك في الأرض، اغفر لنا حوبنا وخطايانا، أنت ربّ الطيّبين، أنزل رحمة من رحمتك وشفاء من شفائك على هذا الوجع، فيبرأ. (ثلاث مرّات)

“Rabbigano waa Allaha ku sugan cirka, magacaaga ayaa xumaan ka hufnaaday, arrinkaaguna cir iyo dhulba wuu ku sugan yahay, sida naxariistaadu cirka u joogto, ka yeel naxariistaada dhulkana, noo dhaaf dambiyadannada iyo gafafkannaga, Adigu waxaad tahay Rabbiga dadka wanaagsan, ku soo daji naxariis naxariistaada kamida, iyo caafimaad caafimaadkaaga kamida, xanuunkan.” Saddex jeer.

اللّهم صلّ على محمّد وعلى آل محمّد كما صلّيت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، إنّك حميد مجيد، اللّهم بارك على محمّد وعلى آل محمّد كما باركت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم في العالمين، إنّك حميد مجيد.

“Allow ammaan Muxammad iyo reer Muxammad sida aad u ammaantay Ibraahiim iyo reer Ibraahiim, Adigu Allow waxaad tahay mahad badane, sharaf badane ah. Allow barakee Muxammad iyo reer Muxammad sida aad u barakaysay Ibraahiim iyo reer Ibraahiim adigu waxaa tahay mahad badane sharaf badan.”

 

رقية طويلة
Tufmo Dheer

Marka aad haysatid waqti fiican, ama kanshahaagu roon yahay, isku akhri tufmadan dheer.

Mar walba maanka ku hay in uu Ilaahay un kaligii caafimaadka bixiyo.

الرّقية من القرآن الكريم
Tufmada Qur’aanka

سُورَةُ الفَاتِحَةِ
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ١ ]
ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٢
ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ٣ مَٰلِكِ يَوۡمِ ٱلدِّينِ ٤
إِيَّاكَ نَعۡبُدُ وَإِيَّاكَ نَسۡتَعِينُ ٥ ٱهۡدِنَا
ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ ٦ صِرَٰطَ ٱلَّذِينَ أَنۡعَمۡتَ
عَلَيۡهِمۡ غَيۡرِ ٱلۡمَغۡضُوبِ عَلَيۡهِمۡ
[وَلَا ٱلضَّآلِّينَ ٧

al-Faatixa 1-7


سُورَةُ البَقَرَةِ
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ]
الٓمٓ ١ ذَٰلِكَ ٱلۡكِتَٰبُ لَا رَيۡبَۛ فِيهِۛ هُدٗى
لِّلۡمُتَّقِينَ ٢ ٱلَّذِينَ يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡغَيۡبِ وَيُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ
وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ ٣ وَٱلَّذِينَ يُؤۡمِنُونَ بِمَآ أُنزِلَ
إِلَيۡكَ وَمَآ أُنزِلَ مِن قَبۡلِكَ وَبِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ يُوقِنُونَ ٤
أُوْلَٰٓئِكَ عَلَىٰ هُدٗى مِّن رَّبِّهِمۡۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ
هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ ٥

إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ سَوَآءٌ عَلَيۡهِمۡ ءَأَنذَرۡتَهُمۡ أَمۡ لَمۡ تُنذِرۡهُمۡ
لَا يُؤۡمِنُونَ ٦ خَتَمَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ وَعَلَىٰ سَمۡعِهِمۡۖ وَعَلَىٰٓ
[أَبۡصَٰرِهِمۡ غِشَٰوَةٞۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ ٧

al-Baqara 1-7


 بَدِيعُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ ]
[وَإِذَا قَضَىٰٓ أَمۡرٗا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ ١١٧

al-Baqara 117


فَإِنۡ ءَامَنُواْ بِمِثۡلِ مَآ ءَامَنتُم بِهِۦ فَقَدِ ٱهۡتَدَواْۖ وَّإِن تَوَلَّوۡاْ ]
فَإِنَّمَا هُمۡ فِي شِقَاقٖۖ فَسَيَكۡفِيكَهُمُ ٱللَّهُۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
[١٣٧

al-Baqara 137


وَإِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۖ لَّآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلرَّحۡمَٰنُ ٱلرَّحِيمُ ١٦٣ ]
إِنَّ فِي خَلۡقِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَٱخۡتِلَٰفِ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ
وَٱلۡفُلۡكِ ٱلَّتِي تَجۡرِي فِي ٱلۡبَحۡرِ بِمَا يَنفَعُ ٱلنَّاسَ وَمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ
مِنَ ٱلسَّمَآءِ مِن مَّآءٖ فَأَحۡيَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَا وَبَثَّ فِيهَا
مِن كُلِّ دَآبَّةٖ وَتَصۡرِيفِ ٱلرِّيَٰحِ وَٱلسَّحَابِ ٱلۡمُسَخَّرِ بَيۡنَ
[ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ ١٦٤

al-Baqara 163-164


 يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَنفِقُواْ ]
مِمَّا رَزَقۡنَٰكُم مِّن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَ يَوۡمٞ لَّا بَيۡعٞ فِيهِ وَلَا خُلَّةٞ وَلَا
شَفَٰعَةٞۗ وَٱلۡكَٰفِرُونَ هُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ ٢٥٤ ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ
ٱلۡحَيُّ ٱلۡقَيُّومُۚ لَا تَأۡخُذُهُۥ سِنَةٞ وَلَا نَوۡمٞۚ لَّهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ
وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ مَن ذَا ٱلَّذِي يَشۡفَعُ عِندَهُۥٓ إِلَّا بِإِذۡنِهِۦۚ يَعۡلَمُ
مَا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُمۡۖ وَلَا يُحِيطُونَ بِشَيۡءٖ مِّنۡ عِلۡمِهِۦٓ إِلَّا
بِمَا شَآءَۚ وَسِعَ كُرۡسِيُّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَۖ وَلَا يَ‍ُٔودُهُۥ حِفۡظُهُمَاۚ
وَهُوَ ٱلۡعَلِيُّ ٱلۡعَظِيمُ ٢٥٥ لَآ إِكۡرَاهَ فِي ٱلدِّينِۖ قَد تَّبَيَّنَ ٱلرُّشۡدُ مِنَ
ٱلۡغَيِّۚ فَمَن يَكۡفُرۡ بِٱلطَّٰغُوتِ وَيُؤۡمِنۢ بِٱللَّهِ فَقَدِ ٱسۡتَمۡسَكَ
بِٱلۡعُرۡوَةِ ٱلۡوُثۡقَىٰ لَا ٱنفِصَامَ لَهَاۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ ٢٥٦
ٱللَّهُ وَلِيُّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ يُخۡرِجُهُم مِّنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِۖ
وَٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَوۡلِيَآؤُهُمُ ٱلطَّٰغُوتُ يُخۡرِجُونَهُم مِّنَ
ٱلنُّورِ إِلَى ٱلظُّلُمَٰتِۗ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا
[خَٰلِدُونَ ٢٥٧

al-Baqara 254-257


لِّلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ ]
وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَإِن تُبۡدُواْ مَا فِيٓ أَنفُسِكُمۡ أَوۡ تُخۡفُوهُ
يُحَاسِبۡكُم بِهِ ٱللَّهُۖ فَيَغۡفِرُ لِمَن يَشَآءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَآءُۗ
وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ ٢٨٤ ءَامَنَ ٱلرَّسُولُ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيۡهِ
مِن رَّبِّهِۦ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَۚ كُلٌّ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَمَلَٰٓئِكَتِهِۦ
وَكُتُبِهِۦ وَرُسُلِهِۦ لَا نُفَرِّقُ بَيۡنَ أَحَدٖ مِّن رُّسُلِهِۦۚ وَقَالُواْ
سَمِعۡنَا وَأَطَعۡنَاۖ غُفۡرَانَكَ رَبَّنَا وَإِلَيۡكَ ٱلۡمَصِيرُ ٢٨٥ لَا يُكَلِّفُ
ٱللَّهُ نَفۡسًا إِلَّا وُسۡعَهَاۚ لَهَا مَا كَسَبَتۡ وَعَلَيۡهَا مَا ٱكۡتَسَبَتۡۗ
رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذۡنَآ إِن نَّسِينَآ أَوۡ أَخۡطَأۡنَاۚ رَبَّنَا وَلَا تَحۡمِلۡ
عَلَيۡنَآ إِصۡرٗا كَمَا حَمَلۡتَهُۥ عَلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِنَاۚ رَبَّنَا
وَلَا تُحَمِّلۡنَا مَا لَا طَاقَةَ لَنَا بِهِۦۖ وَٱعۡفُ عَنَّا وَٱغۡفِرۡ لَنَا
[وَٱرۡحَمۡنَآۚ أَنتَ مَوۡلَىٰنَا فَٱنصُرۡنَا عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡكَٰفِرِينَ ٢٨٦

al-Baqara 284-286,


Aal Cimraan 1-6, 18, 28-27, 85

al-Acraaf 54-56

al-Anbiyaa 87

al-Israa 110-111

al-Baqara 109

an-Nisaa 54

Yuunus 107

Yuusuf 67

al-Kahfi 39

al-Mulk 1-4

al-Qalam 51-52

al-Baqara 102-103

al-Acraaf 117-122

Yuunus 77

Yuunus 81-82

Daahaa 69

al-Mu’minuun 115-118

al-Axqaaf 31

ar-Raxmaan 33-36

al-Xashr 21-24

al-Ancaam 17

as-Saafaat 1-11

al-Ancaam 13

at-Tawba 129

az-Zumar 38

ad-Dalaaq 7

Yuunus 62-63

Yuusuf 86

ar-Racd 28

Ibraahiim 27

Faadir 34

ash-Sharx 1-8

Fussilat 44

Yuunus 57

al-Israa 82

ash-Shucaraa 80

at-Tawba 14-15

al-Israa 81

al-Mu’minuun 107


[ وَإِذۡ قَتَلۡتُمۡ نَفۡسٗا فَٱدَّٰرَٰٔتُمۡ فِيهَاۖ وَٱللَّهُ مُخۡرِجٞ مَّا كُنتُمۡ تَكۡتُمُونَ ٧٢ ]

al-Baqara 72


al-Furqaan 23

ad-Dalaaq 2-3

al-Aclaa 4


سُورَةُ الزَّلۡزَلَةِ

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ]

إِذَا زُلۡزِلَتِ ٱلۡأَرۡضُ زِلۡزَالَهَا ١ وَأَخۡرَجَتِ ٱلۡأَرۡضُ أَثۡقَالَهَا ٢ وَقَالَ
ٱلۡإِنسَٰنُ مَا لَهَا ٣ يَوۡمَئِذٖ تُحَدِّثُ أَخۡبَارَهَا ٤ بِأَنَّ رَبَّكَ أَوۡحَىٰ لَهَا
٥ يَوۡمَئِذٖ يَصۡدُرُ ٱلنَّاسُ أَشۡتَاتٗا لِّيُرَوۡاْ أَعۡمَٰلَهُمۡ ٦ فَمَن يَعۡمَلۡ
[مِثۡقَالَ ذَرَّةٍ خَيۡرٗا يَرَهُۥ ٧ وَمَن يَعۡمَلۡ مِثۡقَالَ ذَرَّةٖ شَرّٗا يَرَهُۥ ٨

az-Zalzala 1-8


Yuusuf 64

al-Xijr 17

Qaafir 44-45

al-Infidaar 10-12

ad-Daariq 4


سُورَةُ الكَافِرُونَ

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ]

قُلۡ يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡكَٰفِرُونَ ١ لَآ أَعۡبُدُ مَا تَعۡبُدُونَ ٢
وَلَآ أَنتُمۡ عَٰبِدُونَ مَآ أَعۡبُدُ ٣ وَلَآ أَنَا۠ عَابِدٞ مَّا عَبَدتُّمۡ ٤
[وَلَآ أَنتُمۡ عَٰبِدُونَ مَآ أَعۡبُدُ ٥ لَكُمۡ دِينُكُمۡ وَلِيَ دِينِ ٦

al-Kaafiruun 1-6


سُورَةُ الإِخۡلَاصِ

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ]

قُلۡ هُوَ ٱللَّهُ أَحَدٌ ١ ٱللَّهُ ٱلصَّمَدُ ٢ لَمۡ يَلِدۡ وَلَمۡ يُولَدۡ ٣
[وَلَمۡ يَكُن لَّهُۥ كُفُوًا أَحَدُۢ ٤

al-Ikhlaas 1-4


سُورَةُ الفَلَقِ

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ]

قُلۡ أَعُوذُ بِرَبِّ ٱلۡفَلَقِ ١ مِن شَرِّ مَا خَلَقَ ٢ وَمِن شَرِّ
غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ ٣ وَمِن شَرِّ ٱلنَّفَّٰثَٰتِ فِي ٱلۡعُقَدِ ٤
[وَمِن شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ ٥

al-Falaq 1-5


سُورَةُ النَّاسِ

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ]

قُلۡ أَعُوذُ بِرَبِّ ٱلنَّاسِ ١ مَلِكِ ٱلنَّاسِ ٢ إِلَٰهِ
ٱلنَّاسِ ٣ مِن شَرِّ ٱلۡوَسۡوَاسِ ٱلۡخَنَّاسِ ٤ ٱلَّذِي
يُوَسۡوِسُ فِي صُدُورِ ٱلنَّاسِ ٥
[مِنَ ٱلۡجِنَّةِ وَٱلنَّاسِ ٦

an-Naas 1-6


 

 

الرّقية من السنّة
Tufmada Sunnada

أعوذ بالله السّميع العليم من الشّيطان الرّجيم، من همزه ونفخه ونفثه.

“Waxaan uga magan galayaa Allaha maqalka iyo cilmiga badan, shaydaanka la fogeeyey, waswaaskiisa, afuufkiisa, iyo waalidiisa ama wareerkiisa.”

أعوذ بكلمات الله التامّة، من كلّ شيطان وهامّة، ومن كل عين لامّة.

“Waxaan uga magan galayaa kalmadaha Ilaahay ee dhamayska tiran, shaydaan kasta iyo wax kasta oo labaasaysto, iyo il walbo oo wax dhabata (ilaysa).)

أعوذ بكلمات الله التامّات كلّهن، من شرّ ما خلق.

“Waxaan uga magan galayaa kalmada Ilaahay ee dhamayska tiran, giddigood, waxa uu uumay sharkiis.”

أعوذ بوجه الله الكريم، وبكلمات الله التامّات اللّاتي لا يجاوزهن برّ ولا فاجر، من شرّ ما ينزل من السّماء وشرّ ما يعرج فيها، وشرّ ما ذرأ في الأرض، وشرّ ما يخرج منها، ومن فتن اللّيل والنّهار، ومن طوارق اللّيل والنّهار إلّا طارقا يطرق بخير يا رحمان.

“Waxaan u magan galayaa kalmadaha Ilaahay ee dhamayska tiran, kuwaasoo uusan dhaafi karin Muslin iyo gaal toona, ama taqi iyo caasi, waxa uu uumay sharkiis, ee uu abuuray, iyo sharka wax kasta oo daga samada, iyo sharka waxa fuula samada, iyo sharka waxa uu ku abuuray dhulka, iyo sharka waxa ka soo baxa dhulka, iyo sharka fitanta habeenkii iyo dharaartii, iyo sharka wax kastoo soo garaaca xiliga habeenkii, ku khayr wado mooyee Allihii naxariista guud naxariisanayow.”

بسم الله الّذي لا يضرّ مع اسمه شيء في الأرض ولا في السّماء وهو السّميع العليم. (ثلاث مرّات)

“Magaca Ilaahay ayaan ku billaabayaa, magacaasoo uusan dhibin lajirkiisa wax ku sugan dhulka iyo cirka, Allena waa maqal badane cilmi badane ah.” Qofkii yiraahda saddex jeer subaxdii iyo galabkii ducadan wax dhiba ma arkayo.

بسم الله، أعوذ بكلمات الله التامّة من غضبه وعقابه، وشرّ عباده، ومن همزات الشّياطين وأن يحضرون.

“Waxaan uga magan galayaa erayada Alle ee dhamayska tiran, caradiisa, iyo ciqaabtiisa, iyo sharka addoomihiisa, iyo waswaaska shayaadiinta iyo inay ii yimaadaan.”

بسم الله (ثلاثا) أعوذ بالله وقدرته من شرّ ما أجد وأحاذر. (سبع مرّات)

“Bismillaahi (saddex jeer), waxaan uga magan galayaa Ilaahay iyo awooddiisa, waxa aan helayo ama aan kadiyo sharkiisa.” Toddoba jeer.

بسم الله أرقيك، من كلّ شيء يؤذيك، من شرّ كلّ نفس، أو عين حاسد، الله يشفيك، بسم الله أرقيك.

“Magaca Ilaahay ayaan kugu tufayaa, wax kasta oo ku dhibaya, naf walba sharkeed, ama il xaasid, Ilaahay baa ku shaafin, magaca Ilaahay ayaan kugu tufayaa.”

بسم الله الكبير، أعوذ بالله العظيم من شرّ كلّ عرق نعّار، ومن شرّ حرّ النّار.

“Magaca Ilaahay ee wayn, waxaan uga magan galayaa Ilaahayga wayn sharka xidid fataha, iyo sharka kulaylka naarta.”

بسم الله تربة أرضنا، بريقة بعضنا، يشفى به سقيمنا بإذن ربنا.

“Magaca Ilaahay, ciidda dhulkannaga, candhuufta badhkannaga, ayaa lagu caafinayaa bukaankayaga, idinka Rabbiganno.”

اللهم إنّي أسألك بأنّ لك الحمد لا إله إلّا أنت، الحنّان، بديع السّماوات والأرض، ذا الجلال والإكرام، يا حيّ يا قيّوم.

“Allow anigu waan ku waydiisanayaa inaad leedahay mahad oo dhan darteed, ilaah majiro xaq lagu caabudo Adiga mooyee, Ilaah naxariis iyo xanaano badan ayaa tahay, cirarka iyo dhulka kan abuuray ayaa tahay, waynaan iyo wanaagga kii u saaxiibka ahaa ayaa tahay, Allihii noolaayow, Allihii wax kasta u maamulayow.”

اللّهم إنّي أسألك أنّي أشهد أنّك أنت الله الّذي لا إله إلّا أنت، الأحد الصّمد، الّذي لم يلد ولم يولد ولم يكن له كفوا أحد.

“Allow waan ku waydiisanayaa, anigoo ku qiraya inaad adigu tahay Ilaahay, kaasoo uusan jirin ilaah aan Adiga ahayn, waa kaligii waana kan dan oo idil loola qasdo, kaas oon waxba dhalin, lanana dhalin, umana sugnaanin wax u qalmo (lamid ah).”

أذهب البأس، ربّ النّاس، واشف أنت الشّافي، لا شفاء إلّا شفاؤك، شفاء لا يغادر سقما.

“Tagsii dhibka, dadka Rabbigoodow, shaafina adigaa wax shaafiyee, caafimaad ma jiro, caafimaadkaaga mooyee, caafimaad aan ka tagayn cudur.”

اللّهم عافني في بدني، اللّهم عافني في سمعي، اللّهم عافني في بصري، لا إله إلّا أنت. (ثلاث مرّات)

“Allow ii caafi jidhkayga, Allow ii caafi maqalkayga, Allow ii caafi aragayga, ilaah xaq lagu caabudo ma jiro Adiga mooyee.”

اللّهم اشف عبدك ـ أو أمتك ـ وصدّق رسولك صلّى الله عليه وسلّم.

“Allow caafi adoonkaaga – ama adoontaada – u rumeena Rasuulkaaga (s.c.w).

اللّهم بارك عليه، وأذهب عنه حرّ العين وبردها ووصبها.

“Allow barakee, kana tagsii isha kulaylkeeda, qabawgeeda, iyo xanuunkeeda.”

أسأل الله العظيم ربّ العرش العظيم أن يشفيك. (سبع مرّات)

“Waxaan waydiisanayaa Allaha wayn ee ah Rabbiga carshiga wayn, inuu ku shaafiyo.” Toddoba jeer.

اللّهم برّد قلبي بالثّلج والبرد، والماء البارد، اللّهم نقّ قلبي من الخطايا كما نقّيت الثّوب الأبيض من الدّنس.

“Allow ku qabooji qalbigayga baraf iyo qabaw, iyo biyo qabaw, Allow ka nadiifi qalbigayga gafafka sida aad uga sifaysay marada cad wasakhda.”

ربّنا الله الّذي في السّماء، تقدّس اسمك، أمرك في السّماء والأرض، كما رحمتك في السّماء فاجعل رحمتك في الأرض، اغفر لنا حوبنا وخطايانا، أنت ربّ الطيّبين، أنزل رحمة من رحمتك وشفاء من شفائك على هذا الوجع، فيبرأ. ثلاث مرّات

“Rabiganno waa Allaha ku sugan cirka, magacaaga ayaa xumaan ka hufnaaday, arrinkaaguna cir iyo dhulba wuu ku sugan yahay, sida naxariistaadu cirka u joogto, ka yeel naxariistaada dhulkana, noo dhaaf dambiyadanada iyo gafafkannaga, adigu waxaad tahay Rabbiga dadka wanaagsan, ku soo daji naxariis naxariistaada kamida, iyo caafimaad caafimaadkaaga kamida, xanuunkan.” Saddex jeer.

اللّهم صلّ على محمّد وعلى آل محمّد كما صلّيت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، إنّك حميد مجيد، اللّهم بارك على محمّد وعلى آل محمّد كما باركت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم في العالمين، إنّك حميد مجيد

“Allow ammaan Muxammad iyo reer Muxammad sida aad u ammaantay Ibraahiim iyo reer Ibraahiim, Adigu Allow waxaad tahay mahad badane, sharaf badane ah. Allow barakee Muxammad iyo reer Muxammad sida aad u barakaysay Ibraahiim iyo reer Ibraahiim adigu waxaa tahay mahad badane sharaf badan.”
Dabayaaqo iyo Gunaanad
Gabagabadii, waxaa mahad aan xad lahayn iska leh Eebbe waynaha ii suurta galiyey inaan diyaariyo kitaabkan, waxaana Ilaahay ka baryayaa in uu ajir iyo xasanaad iga siiyo, kuna anfaco Muslimiinta oo dhan, kooda buka iyo kooda fayowba.
Allow aamiin

لا تنسونا من صالح دعاءكم

وبالله التوفيق

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *