Xayaabo-Tirka Towxiidka

Waxaa Qoray:
Sheekh Muxammad bin Saalax al-Tamiimi

Waxaa Tarjumay:
Cabdul-Rasaaq Cabdi Daad

Waxaa Naqtiimay:
Cabdul-Casiis Xasan Yacquub

KU BILAABIDDA MAGACA ALLE EE NAXARIISTA GUUD IYO MIDDA GAARABA LEH

Waxaa laga dalban karaa manshuuraadkeenna oo kutubbo iyo cajalado Islaami ah:
P.O.Box 33049 Riyadh 11445
Tel. iyo Fakis No. 4591226
Hey’adda Islaamka ee Gargaarka Soomaaliya


Hordhac

Mahad waxaa mudan oo leh Allahii yiri:

2:21

2:22

“Dadyahow Rabbigiin caabuda ee idin abuuray, idinka iyo kuwii idinka horreeyeyba, cabsi Allaad mudanaysaane. Allahaasoo ah kii dhulka idiin ka dhigay gogol, cirkana dhis.. Cirkana idiin ka soo dejiyey biyo ee ku soo saaray miro risiq idiin ah iyo dheef aad quudataan ee Alle ha u yeelina asaagyo aad la mid dhigeysaan idinkoo ogsoon cirib xumada arrintaa leedahay…”

Sidoo kale yiri:

40:60:
Rabbigiin wuxuu yiri i barya idinka ajiibo’e, kuwa iska weyneenaya cibaadadeyda, waxay galayaan Jahannama iyagoo dulleysan.”

Sidoo kalena yiri:

( ۖ فَمَن كَانَ يَرْجُو لِقَاءَ رَبِّهِ فَلْيَعْمَلْ عَمَلًا صَالِحًا وَلَا يُشْرِكْ بِعِبَادَةِ رَبِّهِ أَحَدًا)

“Kii la kulanka Rabbigiis rajeynaya camal suuhban ha fasho, cibaadada Rabbigiisna yuusan cidna la wadaajin.”
Naxariis iyo nabad Allena nabigayagii dushiisa ha ahaato ee yiri:
Xadiis iyo hadal waxaa u wanaagsan kitaabka Alle, hanuunna kii nabi Muxammad (SCW), arrimahana waxa u shar badan waxa dadka diin looga dhigo aan diinta ka mid aheyn ee bidcada ah lagu soo kordhiyey diinta ama laga naaqusiyey.. Waxaa la idiin yaboohayna waad arkeysaan oo way iman. Allana xagna loogama baxsanayo.”

Sidoo kalena yiri:
“Qofkii dhinta isagoo baryaya Alla sokadii cid kale (ee mootan ama ka maqan, amaba cid noolba ka baryaya waxyaalo uu Alle isku gaar yeelay) qofkaasi naartuu galayaa.”

Nabigeennii sidaa yiri nabad iyo naxariis Alle dushiisa ha ahaato, iyo eheladiisii daahirka aheyd. iyo asxaabtiisii akhyaarta aheyd iyo cid kastoo xaqa ku raacday tan iyo qiyaamaha… Kaddib…
Casrigan la yaabka leh waxaa fiday jahligii, dadkiisuna waa bateen, samaaantiina xumaan baa loo arkay, xumaantiina samaan…
Waxaana yaraaday in la helo cuqulo wax walbo oo loo sheego miisaanka sharciga ku miisamaysa, dhabna u eegaysa axkaamta loo soo warinaya iyo maslaxadda ay ku laran yihiin aakhiro iyo adduunba…
Waxaa yaraaday dadkii garan lahaa maqaasidda shareecada iyo waxay Alle iyo rasuulkiisa ugala jeedaan nusuusta sharciga.
Waxaana ku fiday dalalka muslimiinta kooxo addoommada Ilaahay daah ka saaraya wixii ugu weynaa ee la faray ee ahaa Towxiidka, iyagoo xayaaboyin kala duwan kaga dahaaraya, si ay caamada ugu baaqi noqoto shirkiga ay qaarkood ku jiraan oo ay ku adduun iyo aakhiro seegaan, maalkoodana been looga cuno…
Sidaa awgeed waxaan garannay inaan walaalaheen Soomaaliyeed u soo gudbinaa risaaladan qiimaha badan ee la yiraahdo: Xayaabo-Tirka Towxiidka uu qoray caaliinkii weynaa Sheekh Muxammad bin Suleymaan al-Tamiimi.
Risaaladan oo uu ku baabi’inaya, kuna burinayo xujooyin badan ay daliilsadaan culimada mushrikiinta ah si ay caamada towxiidka xaqa ah uga hor istaagaan oo ay uga qariyaan…
Waxaana shaki ku jirin in qofkii laabta iyo qalbiga u furaa, ee si wanaagsan u dhuuxa hadallada Imaamka inuu faa’ido badan ka heli doono uu kaga hortago kooxaha habowsan ee dadka ugu yeeraya shirkiga, kana kororsan doono iimaan iyo aqoon uu kaga badbaado mugdiga shirkiga iyo waxyeelloyinkiisa adduun iyo aakhiroba.
Waxaan Alle ka baryeynaa inuu xaqa dadka tuso. oo ay ku baraarugaanna xayaabooyinka beenta ah ee laga saaray towxiidka, si ay Caqiidada toosan u fiddo, loona helo dad badan oo muwaxidiin ah Alle ku mideeya Rabbinimada, Ilaahnimada, iyo Magacyada iyo Tilmaamaha uu leeyahay, iyagoo raacaya raadkii rasuulkood (SCW), asxaabtiisii iyo horraankii suubbanaa ee ummadan…
Nabad iyo naxiriis Allena nabigayagii dushiisa ha ahaato, ehelka iyo asxaabtiisii iyo cid kastoo xaqa ku raacday. Aamiin… Aamiin… Aamiin…

Naxariista Alle hele, waxaad ogaataa towxiidka inuu yahay Alle oo Cibaadada gooni looga dhigo, waa sidaas diintii Alle iyo risaaladii rususha…
Nuux oo ugu horreeyey rususha waxaa Alle soo diray markii ay qoonkiisii ku xadgudbeen oo ay ka badbadiyeen illaa ay heer ilaahnimo gaarsiiyeen Alla yaqaannadii ahaa: Waddi iyo Suwaac iyo Yaquus iyo Yacuuq iyo Nasr; masawirradii Alla yaqaannadaas oo waqti sii dambeeyey Jasiiradda Carabta taallooyin lagu xusuusto oo lagu caabudo looga dhisay waxaa jajabiyey rasuulkii Alle Muxammad (SCW) oo ugu dambeeyey rususha, kii lagu gunaanadayna ahaa…
Waxaa loo soo diray nebi Muxammadna gaalo mushrikiin ah, ha yeeshee cibaadaysta, xajiya, wax sadaqaysta, Allena xusa, waxayna sababta shirkiga iyo gaalnimadooda ahayd ka dhigashadooda uunanka qaarkood sida malaa’igta, anbiyada, Alla yaqaannada iyo qeyrkoodba xiriiriyeyaal isku xira iyaga iyo Alle.

Waxay lahayeen.
“Allay noo dhoweynayaan oo shafeeco noogu tagayaan.” Macnaha kheyr iyo deeq san inoo weydiinayaan…

Nebi Muxammad – S.C.W – baa Alle u soo diray dadkaa si uu diintii aabbahood Ibraahiim ugu soo nooleeyo. Wuxuu u sheegayey in baryada iyo shafeeco dalabka noocaas ah ay cibaado tahay Alle keliya leeyahay; cid kale oo xaq ku lehina aysan jirin; ama malaa’ig ha ahaato ama nabi la soo diraye.
Mushrikiintaas gaalada ahi waxay qirayeen in Alle keliya wax abuuro, wax irsaaqo, wax dilo, waxna nooleeyo, keligiisna maamulo cirarka iyo dhulka iyo waxa ku suganba…
Gaaladaas rasuulka Alle uu la diriray inay sidaas qirsanaayeen waxaa u daliil ah qowlka
Alle kor ahaaye:
‘Waxaa ku tiraahdaa Rasuulkii Allow gaalada mushrikiinta ah: Yaa idinka irsaaqa cirarka iyo dhulka, yaase maqalka iyo aragga leh? Yaa meydka noole ka soo saara, noolahana meyd ku soo saara, yaase arrinka maamula? Waxay oran doonaan. Alle. Markaas dheh: Haddaba maxaad ugu hogaansami weydeen? Waxaa kaloo ku tiraahdaa mushrikiintaa gaalada ah: Yaa leh dhulka iyo waxa ku sugan haddaad wax og tihiin? Waxay oran doonaan: Allaa leh. Dheh: Haddaad sidaa qirsan tihiin maxaad waanadiisa u qaadan weydeen?”

Waxaad kaloo ku dhahdaa: Yaa ah Rabbiga toddobada cir iyo carshiga weyn Rabbigiisaba? Waxay oran doonaan Allaa leh. Dheh: Oo ma waydaan marka cabsanayn, oo aydaan Alle u hoggansaameyn?

Dheh: Kee buu gacantiisa ku jiraa mulkiga wax walba ee isagu wax magan geliya ee magangelin isagu ka deeqtoon, haddii aad wax og tihiin? Waxay oran doonaan: Alle. Dheh: Haddaba maxaa idin marin habaabiyay ee hilinkii toosnaa idinka lumiyey oo idin maan dooriyey?
Aayado kale oo badan baa muujinaya macnahan oo kale. Markay kuu caddaato inay qirayeen gaaladii sabankaa inuu Alle keliya leeyahay abuurka, deeq bixinta, iyo maamulka arrinka uunka, aysan sidaasi ku soo gelin diintii Alle (Islaamka); aadna garatid towxiidka ay diideen inuu towxiidka xagga cibaadada ahaa, iyo ku keli yeelka Alle maqalka iyo adeecidda iyo in isaga keligiis loo hoggaansamo, oo laga dambeeyo farid iyo reebidba, qowl iyo ficil, sharcigiisana xukun laga dhigto dadka iyo dalka lagu maamulo…

Markaad garato in rasuulkii Alle kula dirirayey shirkigaas ah in ay marna Alle baryayeen habeen iyo maalinba, marna malaa’igta baryayeen iyagoo ugu xilanaya wanaagsnaanta iyo Alle u dhowaanta oo shafeeco ka. sugaya. Amaba ay baryayeen awliyada ama anbiyada ama awoowayaashoodii hore, ama ay diidanayeen in xukunka iyo gargoynta Alle keligi yeesho…
Markaad garatid inuu taas rasuulkii kula dirirayey, isla markaasna ugu yeerayey inay cibaadada Alle u barax tiraan; siduu Alleba yiri:
“Alle cidna ha la baryina.”
“Cidna Alle ha la baryina isagaa leh baryada xaqa ah, kuwa ay Alle ka sokow baryayaanna waxba ka aqbali mayaan.”
Markaad garatid in rasuulka Alle (SCW) kula dirirayey inay Alle keligi baryaan, nidarka la galaan, keligi wax u gawracaan, keligi gargaarsadaan, keligi u xukuntamaan, oo Alle keligi Cibaadada oo dhan u gooni yeelaan.
Markaad garatid towxiidkoodii ay Alle Rabbinnimadiisa u qireen inaysan Islaamka ku soo gelin, dhiiggoodii iyo maalkoodiina uu ku bannaanaaday qasadkoodii ahaa malaa’igta iyo nabiyada iyo awliyadu ha idiin shafeeceen oo Alle ha idiin dhoweeyeen.
Markaad waxaas oo dhan garatid waxaad garanaysaa towxiidkii ay rususha Alle dadka ugu yeeri jireen, mushrikiintuna qiritaankiisa diidi jireen. Tawxiidkaasuna waa markii aad tiraahdo:
“Laa ilaaha illal Laah.” Mushrikiintu “ilaah” waxay u aqoon jireen wax kasta oo loo aado waxyaalahu aan kor ku soo sheegnay. Waxay ilaah u yiqiinneen wixii loo sujuudo ama loo rakuuco ama la baryo, ama wax loo qalo, ama nidir lala galo, ama loo xukuntamo oo gar qaybin loo aado, ama sharci iyo xeer uu dhigay lagu dhaqmo.
Macnaha ilaahna uma ay aqoon kan wax abuura, irsaaqa, uunkana maamula. Maxaa yeelay intaas Alle keliya bay u qirsanaayeen sidaan horeyba u soo sheegnay.
Ilaah waxay u yaqaaneen macnaha ereyga mudane ama sayid u leeyahay mushrikiinta maanta jooga. Dabadeedna markuu nabigu u yimid – S.C.W. – gaaladaa wuxuu ugu yeeray kalimaddaas towxiidka oo ah:
“Laa ilaaha illal Laah.”
Qasadka kelmaddaas towxiidka laga leeyahayna ma aha ku dhawaaqeeda keliya ee waa fulinta macnaheeda…
Gaaladii jaahiliinta ahaana waa garanayeen ujeeddada nabigu kelmaddaas ka lahaa inay ahayd in Alle keligi lagu xirmo, la baryo, wax loo qalo, nidir lala galo, loo xukuntamo, sharcigiisa dalka iyo dadka lagu dhaqo, oo loo sujuudo, loo rakuuco, wax loo sadaqeysto, hannaanka nolosheenna iyo hab dhaqankeenna aan ku dhisno sida uu Rabbi doonayo, oo lagu gaaloobo waxa Alle sokadi la caabudayo oo dhan, ee loo hoggaansan yahay oo barii laga noqdo, xiriirka iyo xariggana laga goosto, oo lala colloobo gaalada, acmaashooda, iyo cid kastoo taageersan mabaadi’dooda; saa iyaguna waa gaalo kale e, walow ay muslim sheegteen.. walow ay soomaan, salaadaan, xajkana aadaan… Markuu nabigu (SCW) ku yiri gaaladii Qureysh: Dhahaya: “Laa ilaaha illal Laah,” waxay yiraahdeen:
“Ilaahyadii ma hal ilaah buu soo reebay, waxakaanu waa la yaab lehe!”
Oo ma aynan dooneyn inay ka soo haraan, xiriirka iyo xarigga ka goostaan ilaahyadii badnaa ay lahaayeen Alle sokadi oo ay baryi jiree, wax u qali jireen, nidirka la geli jireen iyo xeerarkii tolka ay isku dhaqi jireen.
Waxaa la yaab leh meesha macnaha ashahaadada gaaladii jaahiliinta ahaana ka garanayeen, mid islaamnimo sheeganayaana uu waxba ka fahamsanayn.
Bal garan la’ wixii ay gaalada jaahiliinta ahi garanayeen!!! Mayee wuxuuba u qabaa inay ku dhan tahay xuruufteeda oo lagu dhawaaqo, iyadoo aan macnaheedaba qalbiga lagu hayn, addinkana looga dhaqaaqin… Kan u roon baa wuxuu u qabaa sidii gaaladii hore in macnaheedu yahay:
“Cid aan Alle ahyni wax ma abuurto oo wax ma irsaaqdo.”
Shaki la’aan khayr ma uu laha nin Islaam sheegan, haddana gaaladii jaahilka ahayd ay ka badiso macnaha laa ilaaha illal Laah. Markaadse arrimahaa garasho yaqiin leh garato, iyo in Alle u shariig yeelku yahay dembi culus, siduu yiri Alle korahaaye.
“Ilaahay ma dhaafo dembiga ah in loo shariig yeelo, wixii kaiase oo intaa ka sokeeya oo ka yar wuu u dhaafaa ciddii uu doono.”
Markaad garato diintii Alle rususha la soo diri jirey, iyo inuusan cidna Alle ka yeelayn diin iyo dhaqan aan iyada ahayn, oo aad misna aragto sida dadka badanki maanta noqday iyo jaahilnimada uu arrintaas kaga sugan yahay; waxyaalahaas oo dhammi markay kuu caddaadaan, waxaad kala kulmaysaa labo waxyaalood oo tan hore tahay farxad naxariista iyo galladda Alle kuu galay; waa siduu Alleba u yiriye:
“Dheh: Naxariista iyo galladda Alle ha kufarxeen iyadaa ka khayr badan waxay urursanayaane.”
Iyo arrintii labaad oo ah cabsi weyn oo aad kororsato oo aad Alle ka cabsaneyso; maxaa yeelay markaad ogaatid in qofku ku gaaloobi karo kelmed uu afka kaga dhawaaqay, ayna suuragal tahay inuu yiraahdo isagoo jaahil ka ah inay gaalnimo u keeneyso aan looguna cudur daareyn.
Sidoo kalena ay suura gal tahay inuu yiraahdo isagoo moodaya inuu Alle ugu dhowaanayo, waa sidii ay gaaladu yeeli jirtaye gaar ahaan markaad garato wixii Alle ka sheegay qoomkii Muuse.
Waa tii ay u yimaadeen reer banii Israa’iil nebi Muuse iyagoo weliba roonaa oo cilmi lahaa markay arkeen dad barakeysanaya oo dulyaxooba oo wax u gowracaya, nidirna la
xiranaya, oo isugu soo bannaan baxay si ay ugu kulmaan qubuuro Alle yaqaanno iyo goobo iyo geedo ay fariisan jireen, markaa bay qoomkii nabi Muuse ay yiraahdeen:
“Ilaah noo yeel sida ay iyaba ilaahyada u leeyihiin.”
Markaana nabi Muuse waa tii uu aad uga carooday hadalkaa. oo uu ka canaantay arrinkaa kufriga ah, uuna ka jaahil bixiyey, iyagana ka toobad keenaan. Taas oo ka marag kaceyso in shirkigu oo dembi culus ah, caamo iyo culumaba ku dhici karto ay waajib tahay in laga digtoonado, dadka looga digo oo loo bayaamiyo wixii shirki iyo gaalnimo ah si ay uga fogaadaan..
Markaad arrimahaas ogaatid, dhabna u fahantid waxaa badanaya baqdintaada iyo dadaalkaaga si aadan waxyaalahaas oo kale dhex dhicin.
Xigmadda Allena waxaa ka mid ahi ma jiro nabi uu soo diray oo uusan cadow u yeelin, isagoo taas Alle sheegayana wuxuu yiri:
“Sidaasoo kale ayaan nabi walba ugu yeelnay cadow ah shaydaamada jinka iyo insiga, oo isu waxyoonaya hadal la qurxiyey oo wax hodaya.”
Cadowga towxiidkuna waa lahaan karaa cilmi iyo kutub iyo waxyaalo ay ku doodaan siduu Alleba yiri sare ahaaye:
“Markii ay rusushoodu ay caddaymaha ula yimaadeen bay ku farxeen wixii ay cilmi haysteen.”
Halkaana waxaa kaaga muuqanaya, aayadduna ka marag kacday in waddada Alle cadowyo badani fadhiyaan; cadawyo af maal ah oo cilmi leh, xujooyinna haysta; taas oo waajibineysa inaad diinta Alle ka baratid wax aad kula dirirtid shaydaammadaas koodii u weynaa Alle ku yiri:
“Ballan baan ku qaaday inaan jidkaaga toosan u fariistaa, dabadeedna uga imaadaa horay iyo gadaal iyo xagga midig iyo xagga bidixba. badankooda oo hoggaansamana heli meysid…”

Haddaadse adigu Alle si fiican u raacdid oo u dhego nuglaatid caddaymihiisa iyo xujooyinkiisa, waxba ha baqin, waxay ku yeeli karaan lama arko, oo waa siduu Alleba u yiri:
“Dhagarta shaydaanku waa wax liidata.”
Halka qof ee muwaxidka caamada ahina wuxuu ka adkaanayaa kun culimada mushrikiinta ah…
Alle wuxuu yiri kor ahaaye:
“Ciidankayaga weeyaan kuwa adkaanaya.”
Ciidanka Alle iyagaa adkaanaya oo ciribta dambe ee wanaagsan yeelanaya markay afka joogto, sida ay u adkaanayaan ciribta dambena u yeelanayaan marka ay addinka joogtaba. Waxaase loo baqaa qofka ehlu towxiidka ah ee jidka maraya isagoo aan hub wadan (yacni aqoon aan laheyn ee aan naftiisa carbin, si fiicanna u diyaarin hadday noqoto xoog, aqoon (mid adduun iyo mid aakhiroba), xeelad iyo xarbadba.) Allana wuxuu na siiyey kitaab wax walba caddaynaya oo hanuun, naxariis iyo bishaaro muslimiinta u ah; qof kasta oo ehlu baadilka ah oo xujo la yimaadana Qur’aankaa laga helayaa wixii xujadiisaas burin lahaa…

Siduu Alleba yiri kor ahaaye:
“Tusaale kasta oo ay kuula yimaadaanba annagaa mid ka wanaagsan oo ka xoog badan xaqna ah kuula imanayna ..

Culimada Qur’aanka fasiray qaarkood waxay yiraahdeen: Aayaddaanu waxay si guud u saameyneysaa xujo kasta oo ehlu baadilka la yimaadaan tan iyo maalinta qiyaamaha.

Waxaana halakan wax kaga xusayaa aay£ do kitaabka Alle ka mid ah oo jawaab ti I xujooyin ay mushrikiinta maanta jiraa ku jaytamaan, annagoo taas ka hadlaynana wax. aannu leennahay:
Jawaabta ehlu baadilka la siinayaa laba siyood bay ku imaanaysaa. Mid waa si guud oo duuduub ah, midna waa si faah faahsan.
Tan guud ee duuduubka ahi waa amark$ weyn iyo faa’idada ballaaran ninkii garanaya taa oo ah qowlka Alle kor ahaaye ee ah: )

“Alle waa midka kugu soo de- jiyey kitaabka ay ka midka yihiin aayadaha cad cad ee ebyoon ki-l taabkana hooyada u ah, iyo kuwa kale ee ka daahsoomi kara kuwa cilmigoodu gaaban yahay aan in
dheergann karin, kuwa qalbigooda 1 qalloocu ku jiraana waxay raacay- . aan waxa caamada badi ka daah- soomi kara ee isaga ekaanaya iya- goo fidmo iyo fasirkiisa doon j ah”…
Waxaa ka sugnaaday rasuulka (SCW) inuu yiri:

“Markaad aragtaan kuwa raacaya waxa isaga ekaaday, iska jira waa kuwii Alle shee- j gaye” ee qalbigoodu qalloooca ku jiray”..
Matalan waxaa taas ka mid ah:
(1) Marka ay mushrikiinta gaalada ahi qaar- kood leeyihiin:
“Waa xaqiiqa in awliyada Alle cabsi iyo murugo korkoodu ahaa- neyn”..
Shafeecadu waa xaq, nabiyaduna Alla agti waji bay ku leeyihiin ee haddaba maxaad ku diideysaan in la baryo si ay Alle muraai keenna inoogu weydiyaan?..
. Sidaas markii ay yiraahdaan ama ay shec* gaan xadiis aadan hubin ay leeyihiin nebiga ayaa yiri, arrin baadil ahna ay u adeegsana- yaan, waxaad ugu jawaabtaa oo ku tiraahdaa: “Alle Wuxuu sheegay in kuwa qalbigooda qalloocu ku jiraa ay ka tegayaan aaayadaha cad cad, raacayaanna kuwa ka daahsoomi kara caamada ee isaga ekaan kara , marka wixii aan kuu soo sheegay oo ahaa in Alle sheegay inay mushrikiintu qirsanaayeen Rabbinnimadiisa oo ay qirayeen in Ilahay isaga oo keliya uu yahay kan wax abuura, ir- saaqadda bixiya, arrinka uunkana maamula, ayna ku gaaloobeen sababta ah malaa’gtii iyo nabiyadii iyo awliyadii ay ku ximaayeen oo xiriiriyayaasha ka dhiganayeen iyo u dhex- eeyayaasha iyaga iyo Alle , iyagoo lahaa: J

“kuwaanu Alle agti bay noogo shafeecayaan”..oo kheyr iyo deeq- san inoo weydiinayaan.. taas buu- na Alle ku gaaleysiiyey..
A rrintaas waa arrin iska cad oo aan wax mad madow ah lahayn, cidnana ayan wax ka beddeli karin.
Tan aad ii sheegaysose oo Qur’aanka iyo xa- diiska nabigaa yiri aad leedahayna anigu ma aqaan, laakiinse waxaan hubaa inuusan ha- dalka Alle is khilaafsanayn, hadalka nebigu- na (SCW) hadalka Alle khilaafsanayn.
Waa taas jawaabta xaqa ahi ee ha fudu- daysan, kolleyba nin Alle solansiiyey keliyaa fahmaya, siduu Alleba yiri kor ahaaye:

“lama solansiiyo kuwa samray ma’ahee lamana solansiiyo mid nasiib badan ma’ahee”..
Jawaabta faahfaahsanna waxaa weeye si- doodaba cadowyada Alle waxay marwalba leeyihiin waxyaalo turun turrooyin iyo jig – raar ah oo ay dadka ku gudbaan. 4
(2) oo Waxaa ka mid ah xayaabooyinkoo^ marka ay leeyihiin: annagu Alle uma shariig yeello oo waxaan qirsannahay inaysan ci- daan Alle aheyn wax uumi karin waxna ir- saaqi karin, dhibna lahayn iyo dheef toonna, iyo inuusan Muxammad (SCW) naftiisa u awoodin waxtar iyo u waxyeello toonna, bal Cabdul Qaadir Jeylaani iyo cid kale daaye, laakiinse waxaan ahay qof dambaabay, saa- lixiintuna Alle agti waji bay ku leeyihiin, marka iyagaan Alle u sii marayaa oo wax kaga doonayaa.
Saas markuu yiraahdo jawaabtii aan soo mamay ugu jawaab, oo ahayd: kuwii uu ra- suulka Alle la dirirayba waa qirsanaayeen inta aad sheegtay, waana qirsanaayeen inay¬san sanammadoodu waxba maamulin, ee iya- guba waji iyo shafeeco keliya bay ka doo- nayeen. Sidaas ku dheh, dabadeedna xusuysi aayadahii aan horay u soo mamay..
Hadduu yiraahdo: aayadahaanu waxay ku soo dageen dad asnaam caabudaya, ee ma saalixiintii baad sanammo ka dhigaysaan, laakiinse uu damco inuu kala saaro ficilkoo- dii iyo ficilkiisa, u sheeg gaalada in qaar bar
yi jireen saalixiinta iyo sanammada, qaama bary* jireen awliyadii Alle ka yiri:

. “Kuwaas ay baryayaan iyagaaba kuwooda ugu dhowi doonaya ca¬rnal suubban ee Rabbigood ku xi- riiriya”.iyo cid u duceysa oo Alle u barida.
Awliyadaas ayey baryi jireen iyo nabi Ciise iyo hooyadii Maryam oo iyagana Alle ka yiri:

“Ciisihii ina Maryam ahaa ra- suul uun buu ahaa ay rusul ka hor- raysey, hooyadiisna waxay ahayd haweeney daacad u ah Rabbigeed, si dhab ahna u rumeysay, waxayna ahaayeen (nabi Ciise iyo hooya- diis) kuwo raashinka cuna ee ad- doomo ah ka mid addoomaha Ildm hay bal fiiri sida aan aayadaha ugu caddaynayno, sida loo lumay- ana ee xaqa looga leexanyo bal fii- ri”..
Waxaad kale oo u sheegtaa qowlka All ee ah:

“Maalin baan kulligood isu kee- naynaa dabadeedna malaa’igta ku oranaynaa: kuwaanu ma idinkay idin caabudi jireen, oo ay orana- yaan Adaa hufane Adigaa iyaga naga xiga oo maamulahayagii ah; mayee Jin bay caabudi jireen oo badankoodu rumaysnaa”…
Intaas markii aad ku tiraahdid, misna dheh: ma garatay in Alle gaalaysiiyey kii sa-
{ nammada u qasdey iyo kii saalixiinta u qas- dcyba, rasuulkuna s.c.w. la diriray. ”
1 (3) Hadduu yiraahdo gaaladu iyagay wax ka
i rabeen, aniguse waxaan qirsanahay in Alle
dhibta iyo dheefta iyo maamulkaba hayo. cid | aan isaga ahaynna wax ka dooni mayo, saa- lixiintuna maamulka waxba kuma laha, laa¬kiinse waxaan iyaga ka rabaa inay Alle iiga shafeecaan oo kheyr iyo deeqsan Rabbi ii weydiiyaan. Sidaas haddii uu yiraahdana dheh: ereyga aad tiri waa kii ay gaaladu la- hayd oo car iyo bey la1 ..Oo waa tii Qur’aanku inoo sheegay inay gaalada markii uu rasuulka ku waaniyo inay shirkiga iyo gaalnimadooda ah qasadkooda malaa’igata iyo anbiyada iyo awliyada ka haraan ay oran jireen sida ay sheegeyso aayadda:18ee suu- radda Yuunis: ^
” Allay noo dhoweenayaan oo noo- ga shafeeco qaadayaan”..

” U caabudi meyno waxaan aheyn inay Alle dhoweyn inoo dhoweeyaan”..
Seddexdaas xayaabaa u weyn waxay haylk taan, markaad iyaga si fiican Qur’aanka fahamtid oo in Alle kitaabkiisa ku caddeeyey aad ogaatidna, wixii kale oo dhammi fudayd bay kuu noqonayaan Alle idanki.
Intaas kaddib hadduu yiraahdo:
(4) Anigu waxaan Alle ahayn ma caabudo, aadista iyo baryada saalixiintuna cibaado ma aha.
Dheh: sow qiri maysid in Alle kugu waajib- yeelay inaad cibaadada isaga u gooni yee- shid, sowse ma ay aha xaq uu kugu leeya- hay? Markuu haah yiraahdo dheh: ii caddee cibaadada xaqa Alle kugu leeyahay ah oo in¬aad isaga u gooni yeesho lagugu waajibi- yey? Dabadeed u caddee, cibaado iyo inta ay u kala baxdo toonna wax kama uu oga e, oo ku dheh:
Alle wuxuu yiri kor ahaaye:
jjzi j iy “Rabbiggiin sir iyo saaqba u barya”..
Haddaad sidaa yeesho oo aad ku carnal fasho aayaddaa, Rabbigaana sidaa u baridaa sow cibaado ma aha? Shakila wuxuu oranayaa: haa oo baryadu waa dhuuxii cibaadada.
Markaas dheh: Waayahaye haddii aad qirsan tahay inay baryadu cibaado tahay oo aad Alle baridid habeen iyo maalinba, adigoo ra- jeynaya samaantiisa, kana baqaya cadaabtii- sa..
misna wixii aad Alle ka baryeysey aad nebi ama cid kale ka barido, cibaadadii Alle goo- nida u ahayd cid kale ma la wadaajisey? Shaki la’aan haa buu oranayaa, ee misna ku dheh:
Alle wuxuu yir kor ahaaye:
“Rabbigaa darti u tuko oo wax u qal”
Marka haddii aad Alle yeesho oo darti u tu- kato, ama wax u qasho; sow cibaado ma aha? Shaki la’aan haah buu oranayaa.. Haddaba
haddaad misna aad abuurane darti wax u 1 qasho nabi ha ahaado ama Jiani ama Wfl| kalee sow cibaadadaas cid kale Alle lama aa- dan wadaajin? Shaki la’aan haa buu oranayaa ee misna ku dheh: mushrikiintu uu Qur’aanku ku soo degayey sow may caabudi jirin malaa’igta iyo saalixiinta iyo Laata, i.w.m.
Wuxuu oranayaa: haah, ee misna dheh:
oo caabudidda ay caabudi jireen sow inay baryi jireen oo wax u qali jireen oo magaa gali jireen iyo wixii la mid ah ma aha, sowse ma ay ogeyn inay addoomo Alle maamtf* la oo hoos jooga yihiin ee sow baryada iyo aadista shafeeco iyo waji uun ugama ay dan lahayn.
taasu waa arrin iska cad.
(5) . Haddii markaa uu yiraahdo Adigu ma shafeecada nabigaad inkiraysaa?
Dheh: May, inkirimayo mana diiddani, waa- na uu shafeecayaa lagana aqbalayaa, ani- guna shafeecadiisaan Alle ka rajeynayaa, laa- kiinse shafeecada oo dhan baa Alle leeyahay-
Alle wuxuu yiri kor ahaaye:
” Shafeecada oo dhan Allaa leh
Waxaynuna ogsoonnahay inayan dhaceyn jeeruu idmo, siduu Alle yiri sare ahaaye:

“Kee baa agtiisa ka shafeecaya jeer uu idmo”..
Qof uusan Alle raalli ka noqonna u shafeeci- maayaan, siduu yiri sare ahaaye:
” U shafeeci may aan qof uu raalli uga noqday ma’ahee
Wax aan towxiidka ahaynna raalli Alle ka uu noqon maayo, siduu yiri sare ahaaye:
“Kii doona dhaqan aan islaam-
ka ahayn,waxba laga aqbali maayo”..
Marka hadday shafeecadu tahay wax kul- ligeed Alle leeyahay, jeer uu isagu idmana aysan dhacayn, qof Alle u idmay cidaan ahaynna aan loo shafeecayn, cid aan ehlu towxiidka ahaynna uusan u idmayn; waxaan marka shafeecada u doonanayaa Allaha leh anigo oranaya: Allow shafeecada nabiga ha iga qadin, Allow uu ii shafeeco qaadaa,
i.w.m.
(6) . Hadduu yiraahda: Nabiga s.c.w. waa la siiyey shafeecada, wixii Alle siiyey baanna ka baryayaa.
Dheh: haah oo Alle waa siiyey shafeecada, adigana waa uu kaa reebay sidaas aad shee- gayso, oo Alle wuxuu yiri:
| Alle cidna ha la baryina”..
Haddaad haddaba dooneyso inuu Alle nabigiisa kuu- gu shafeeco, u hoggaansan qowlkiisa ah ” Alle cidna ha la baryina”.
Waxaa kaloo shafeecada la siiyey oo shafee- caya malaa’igta iyo awliyada ee ma waxaad
— Shafeccadi Aik sttyty mm b HiWI aad tidaii tlreihdM w» jLiil itftr up irnimty nrfmrtwlii mlmiiai tjawda pabdM ocan jktm : watay lahaa
” yeen
0 Allay noo dhowcymyam m mm* $a shafeecayaan *

baad naftaada uga ilaalinaysaa shiiiclga haddii aadan wuxuu yahayba aqoon?..
Sideese inta Alle waxakan kaa xaaraamee- I yey oo inuusan dhaafayn oo kuu sheegay, qofkii ku dhacaana seddex cadaabood loo ya- boohay oo kala ah:
1. Cafis la’aan..
2. Camalkiisa oo bura..
3. Jannadoo xaaraan ka ah..
baadan misna u waydiinayn, wuxuu yahayna j u raadineyn?
Mise waxaad u qabtaa in Alle inta wax j xaaraameeyo uusannoo caddaynayn? !!..
Hadduu yiraahdo: Shrikigu waa asnaamta oo la caabudo annaguna asnaam ma caabudno.
| Dheh: oo asnaaam caabudid waa maxay?
^ Ma Waxaad u qabtaa inay ictiqaadsanaayeen inay qoryaha iyo dhagxaantu wax abuuraan
oo wax irsaaqaan oo qofkii barya ay arrinkii- sa naamulayaan? Sidaas Qur’aankaaba beeni- naya.
Haddii aad leedahay qoryaha iyo dhagxaanta iyo dhismayaasha bay baryi jireen oo wax u | qali jireen oo oran jireen: beladay baraka- J| dooda nooga xijaabayaanna, waa run taa, II waase sida aad idinkuba samaysaan marka I aad joogtaan dhagxaanta iyo dhismayaasha I qabuuraha iyo meelaha la midka ah, sanam /a* caabudiddana sidaasaa ah.
j Tan kale marka aad leedahay shirkigu waa I sanam caabudidda, ma waxaad ula jeeddaa I intaasaa shirkigu ku egyahay oo baryada iyo I cuskashada saalixiintu shrikiga ka mid ma
I aha?
Sidaas iyadana Quraankaa burinaya oo H tii Alle caddeeyey inay gaalo yihiin kuwii^ xirmay malaa’igta iyo Ciise iyo saalixiinta^
Si kastaba ha ahaatee shaki kuma jiro inuu qirayo haddii cibaadada Alle cid saalix. iinta ka mid ah lala wadaajiyo inay-tahay shrikigii Qur’aanku sheegay, inta la rabaana waa intaas.

Dulucda mas’aladuna waxaa weeye hadduu
yiraahdo ” Anigu Alle uma shariig yeelo
waxaad ku tiraahdaa waa maxay shirkigu?
Hadduu yiraahdo shirkigu waa asnaamta oo la caabudo. Dheh : Oo asnaam caabudid waa maxay?. Hadduu yiraahdo anigu ma caabu¬do waxaan Alle aheyn” ku dheh oo Alle caa* budiddiisa waa maxay?. Hadduu uu ku fasiro si Qur’aanka waafaqsan waa sidii la doonay- ey .. Haddii uu garan waayana sidee buu u sheeganayaa wuxuusan garaneyn.. Haddiise uu ku fasiro waxaan macnaheeda aheyn wa- xaad u sheegtaa aayadaha cad cad ee ku soo arooray shirkiga iyo cibaadada asnaamta ee waqtigan la sameeyo. iyo in Alle oo keliya la
A9
m caabudo shariik la’aan ay tahay waxa ay in- [u f nagu inkirayaan, la qaylinayaanna, sidii ay af | labadi u yeereenba walaalahood gaaladii ! waqti hore oo waa tii ay nabigu ku yiraah- ro | deen, sida Qur’aanka sheegay:

na ” Ma ilaahyadii buu Ilaah keliya ka soo reebay, taasi waa arrin la uu yaab leh”.. i

Waa sidaase markay KIIU caadaato mushri- kiinta maanta jiraa waxa ay ictiqaadka u ya-
0 qaannaani inuu yahay shirkigii Qur’aanku ka ^aa I hadlayey, nebiguna s.c.w. dadka kula dirira- 3U- yey. Markay taasu kuu caddaato waxaad aa. misna ogaataa in shirkiga kuwaanu ka daran jr0 | yahay shirkigii kuwii hore, laba sababood ay. awgood:
J ^
|se Tan hore: Gaaladii hore waxay Alle u Lgj shariig yeeli jireen, oo nebiyada, malaa’igta V 0 iyo awliyada baryi jireen goorta ay barwaa- ; qaysan yihiin, marka ay dhibaataysan yi-
1 cu hiinse Alle waa ay waxidi jireen, a 13
siduu Alleba yiri sare ahaaye:. ^

“Markii aad badda dhexdeeda “>
ku dhibaatootaan waxaa dhuma j”
w/jcii aad baryi jirteen Alle , “¦
ma’ahee, mar kii uu barriga idiin ,
badbaadiyana waa aad jeesataan, ^
Aadanahaa gaaloobid badane’
Wuxuu kaloo Alle yiri: a

“Dheh bal ka warrama hadday ca- ?
daabta Rabbi idiin timaaddo ama J
saacaddu, ma cid aan Alle aheyn
baad baryaysaan haddii aad run j 1
sheegaysaan? Mayee isagaad bar- ‘
yaysaan markaasuu idinka feyday- I aa hadduu doono wixii aad u bari- j
jeen, waana aad halmaamaysaan wixii aad u shariig yeelayseen”..
*Aadanahu markii ay dhibi taabato Rabbigiisuu bar- yaa isagoo u noqonaya” illaa qowlka Alle:
H Dheh gaalnimadaada in yar ku raaxeyso ehlu – naarkaad ka mid tahay”..
Iyo qowlka Alle:
” Markii ay daboosho mowjad higillada oo kale ah, alley baryaa iyagoo cibaadada u gooni yeelaya”..
Waa kuwaas mushrikiintii uu rasuulku (s.cw) la dirirayey, goortii ay dhibaataysan yihiin waxay baryayeen Alle keliya, waana ay halmaamayeen wixii kale oo dhan, halka
* mushrikiinta maanta hadday diyaarad sama-
. da kula dheeliso ama markab badda dabeyli
hadba dhinac u qaaddaa waxaad maqleysaa p dad Sheekh CabdulQaadirow leh ama
Sheekh Aweysow, ama awoowe hebelow | iwm…
taas markii aad fahantid baadna garanaysaa
* farqiga u dhexeeya shirkigoodii iyo kuwa
I maanta jooga shirkigooda, laakiinse meeyey
qofkii taas garan lahaa, Allaa wax la kaal-
i maysto ahe.
Tan labaadna waxaa weeye; dadkii hore waxay baryi jireen dad ilaahay u dhow oo nabiyo iyo awliyo ah iyo malaa’ig iyo dhir
iyo dhagxaan aan Alle caasiyayn, kuwakan maanta joogaana waxay baryaan kuwii dad- ka u faasiqsanaa; waxay baryayaan kuwii fu- suqa iyo faajimimada uga sheekaynayey iyo sinada iyo salaad ka tegidda iyo tuugada, i,w.m.
Kan baryaya mid aan Alle caasiyayn baa dhaama mid baryaya faasiq faajimimadiisu bannaanka taal oo uu u jeedo.
Kuwaas uu rasuulkiis.c.w. la dirirayey si- daasay kuwaan uga caqli roonaayeen oo uga shirki duwanaayeen, laakiinse kuwaanu wax¬ay ku andocoodaan oo ku doodaan xayaaba- daan soo socota, waana tan u daran wax ay ku gabbadaan..
(8) Waxay yiraahdaan: Kuwii uu Qur’aanku ku soo degey ma ay lahayn “Laa ilaaha illal Laah,Rasuulkana s.c.w. waa beeninayeen iyo soo bixinta iilka layska soo saarayo, Qur’aankana waa beeninayeen oo waa sixir bay lahaayeen; annaguna waxaan leennahay:
c aJO Jaw! ^
“Laa ilaaha Illal Laah Muxammada Rasuulullaah”..
Qur’aankana waan rumaysannahay iyo soo bixinta iilka layska soo saarayo, waana tu- kannaa, waana soonnaa, marka sidee noo si- maysaan annaga iyo kuwaas?
Jawaab: Culimadu iskuma khilaafsana had- duu qofku nebiga wax ka rumaysto waxna ku beeniyo inuu yahay gaal aan diinta soo galin, sidoo kale hadduu Qur’aanka qaar bee¬niyo qaama rumeeyo, sida qof towxiidka qi- ray, inay salaaddu waajib tahayna diidey ama towxiidka iyo salaaddaba qiray, sakada- na diiday, ama waxaasoo dhan inta qiray xaj- ka diidey – waa tii qoladii xajiyi weydey waagii nebiga, Alle ku soo dejiyey qowlkiisa ah:
j* <ul jji yS
“Alle waa uu ku leeyahay dadka inay beydka ku soo xajiyaan qofkii karaan u leh, kii gaaloobana Alle uunka waa uu ka deeq toon yahay”
A7
Waxaasoo dhan kii wada qira oo soo bixinta iilka layska soo saarayo beeniyaana waa la isku raacsan yahay inuu gaaloobey oo ay dhiiggiisa iyo maalkiisuba bannaan yihiin:
Alle wuxuu yiri kor ahaaye:

“Kuwa Alle iyo rasuulkiisa ku gaaloobaya ee doonaya inay Alle iyo rususha kala saaraan, oo leh qaarna waa rumaynaynnaa qaar- na waa ku gaaloobaynaa, oo raba inay halkaas jid ka dhex samays- taan; kuwaasi shaki laa’an waa gaalo, gaaladana waxaan u diyaa- rinnay cadaab wax dufaysa”..
Marka haddii sidaas Alle u Caddeeyey inuu gaal yahay kii rususha qaama rumeeya, qaama beeniya, meesha waa ay ka baxaysaa xayabadaasu, maxaa yeelay; sidee bay suuro gal u tahay inuu qofku gaaloobo hadduu sa- laadda beeniyo ama soonka ama sekada ama soo bixinta; sidee bay suuro gal u tahay inuu markaasna gaaloobayo, markii uu towxiidka diinta oo dhan saldhigga u ah oo salaadda iyo wax kale oo dhanba ka sii muhiimsan uu beeniyana uusan u gaaloobayn?!!!
Jahliga heerkaas ah la yaab badanaa!!..
Dhinac kale; asxaabtii nebigu s.c.w. waa kuwii la diriray qoladii la oran jirey Banii Xaniifa iyagoo soo islaamay waagii nebiga, waxayna qirayeen inuusan ilaah jirin xaq ah Alle ma ahee, iyo in Muxammad Rasuulkii Alle yahay, salaadda iyo soonka iyo aadaan- kana kama ayan tegi jirin, wixii lagula diri- rayeyna waxa uu ahaa Musaylama oo ay waa nebi yiraahdeen; marka haddii ay iyagu ku gaaloobeen oo dhiiggoodii iyo maalkoodiiba ku bannaanaaday Musaylama oo ay heer nebi gaarsiiyeen, shahadadii iyo soonkii iyo
slaaddiina waxba u tari waayeen; bal ka war- ran Cabdul qaadir Jeylaani ama Aweys ama nin saxaabi ah amaba nabi kan gaarsiiyey heerkii Allahii uunka oo dhan abuuray ?!!
Raxmaanku wacanaa, wax la mid ah la waayayaa, sha’nigiisu weynaayayaa..
“Sidaasaa Alle u daboolaa qalbiga wax ma ogayaasha”..
Sidoo kale waxaa la leeyeahay:
Qoladii uu Cali bin abii Daalib gubey waxay iyaguna sheeganayeen islaamnimo raggii Cali bayna ahaayeen, asxaabtii bayna cilmi- ga ka barteen, laakiinse Cali bay waxay ka ictiqaadeen waxa laga ictiqaadey Cabdulqaa- dir iyo Aweys iyo kuwa la midka ah.
Marka sidee bay asxaabtii isugu raacday laynta iyo gaalaysiinta duulkaas? mise wa¬xaad is leedihiin asxaabtu muslimkay gaa- laysiin jireen? mise haddu Cali la aaminona waa la gaaloobayaa, haddii Cabdulqaadir iyo kuwa la midka ah la aaminona waxba xumaan mayaan?
Waxaa kaloo la leeyahay : Reer barnra Cubeyd al-Qaddaax ee Masar iyo dhulka pqrib qabsaday waagii Cabbaasiyiinta. Kulligoodba waa ashahaadanayeen oo wax-ay lahaayeen laa ilaaha illal Laah, islaamni- inayna sheeganayeen, waana tukanayeen Jimcaha iyo jameecadaba, dabadeedna mar¬kii ay shareecada ku khilaafeen waxyaalo waxa aan maanta ku jimo ka yaraa bay culi- madii isku raacday in ay gaalo yihiin oo lala diriro iyo in dhulkoodu “Beel dagaal” yahay. Dabadeedna muslimintu waa ay ku duuleen illaa laga soo celiyey dhulkii muslimiinta oo ay haysteen oo dhan.
(9) . Waxaa iyaduna meesha ku jirta oo la oran karaa dadkii hore si kale kuma gaaloo- bin ee waxay kulansadeen shirki iyo iyagoo beeniyey Rasuulkii, Qur’aankii iyo soo bi- xintii; haddii sidaas keliyaa gaalnimada keenta la oran lahaa, waxay markaas su’ aa- shu noqonaysaa: Waa maxay mad-hab walba baabkaan ay culimadu qorayso. Baabkaan ah “Xukunka murtadka”? oo ah qof muslim ahaa oo diintii ka baxay.
Waxay culimadu baabkaas ku sheegeen wax. yaalo badan oo mid walba qofku diinta kaga baxayo, dhiiggiisa iyo maalkiisuna ku xalaa- loobayo.
Waxyaalahaas waxaa ka mid ah kuwo fu- dud marka qofku falayo, sida isagoo afka kaga dhawaaqay erey uusan uurka ku hayn ama erey uu si kaftan ah u yiri.
Bal eeg qoladaan Alle gaalaysiiyey uuna ka yiri:

“Allay ku dhaaranayaan inaysan oran, waana yiraahdeen kelmeddii gaalnima- da, waana gaaloobeen islaamnimadii kaddib”..
Bal eeg Alle Wuxuu ku gaalaysiiyey erey ay yiraahdeene, Waana waagii nebiga oo waxay la socdeen nebigii s.c.w. oo la jihaa- dayeen, la tukanayeen, soomayeen, la xaji- nayeen, sekada bixinayeen oo Alle waxiday- eene!!
Bal eeg iyagana kuwa Alle ka yiri:

“Waxaad ku tiraahdaa rasuulkii Allow : ma Alle iyo aayadihiisa
iyo rasuulkiisaad ku jeesjeesay- saan? Ha cudurdaarannina waa gaalowdeen imaankiinnii kad- dibe”..
Kuwaan Alle caddeeyey inay gaaloobeen markii ay kelmed gaalnimo ah si kaftan ah u yiraahdeen, iyagoo duulaankii Tabuuk nebi¬ga s.c.w. la socda.
Bal eeg waxaas ay ku gaaloobeen waa erey kaftan ah keliyae!!!
Haddaba eeg xayaabadaan ay ku andacdb- nayaan ee ah:
” Waxaad gaalaysiinaysaan dad ashahaada- naya oo soomaya oo salaadaya”…
Jawaabteedana hadda eeg faa’ido badan baa ku jirta e. Waxaan daliil u soo qaadanaynnaa sidoo kale wuxuu Alle ka sheegay reer banii Israaiil kolkay Muuse ku yiraahdeen:

“Ilaah no yeel sida ay iyaguba ilaahyo u leeyihiin”..
Iyo wixii ay rag asxaabtii ka mid ahaa ne¬biga s.c.w. ku yiraahdeen:
“Noo yeel geedo surmo leh”oo aan bara- keysanno, sida ay gaaladuba u leeyihiin…
Intuu dhaartay buu wuxuu yiri nabigu: Hadalkaasu wuxuu la mid yahay hadalkii reer banii Israai’il: . (Ul U Jv-‘)
– noo yeel ilaah.”..
Halkaan mushrikiintu waxay ku doodaan xayaabo kale; waxay yiraahdaan: reer banii Israa’iil iyo raggaas asxaabta ka mid ahaaba kuma gaaloobin hadalladaas ay yiraahdeen.
Jawaabtu waxaa weeye waa run oo kuma ay gaaloobin, waxayna u gaaloobi waayeen kuma ay dhaqaaqin sidaas ay damceen, ee waa ay ka joogsadeen markii ay nabiyadu ka reebeen; haddii ay nabiyada diidi lahaa – yeen oo ku dhaqaaqi lahaayeenna waa ay gaa¬loobi lahaaeyeen.
Waxaa kale oo arrintaan ku jira oo laga dhuuxayaa in qoika muslimka ahi ama Shiikha caalimka ahi uu shirki marmar ka dhici karo isagoo aan ogeyn, taasina waxay keenaysaa inay waxbarashada iyo aqoontu yihiin wax mar walba loo baahan yahay, oo lama huraan ah.
Towxiidka oo jaahil laga noqdaana ay tahay jaahilnimo tan u weyn iyo dabinkii shay- daanka oo lagu dhacayo. Waxaa kale oo laga dhuuxayaa; hadduu qofka muslimka ahi hadal gaalnimo ah ku hadlo isagoo aan
ogeyn oo maikiiba lagu baraarujiyo oo mar- kiiba uu ka toobad keeno, inuusan ku gaa- loobayn.
Waxaa kale oo laga dhuuxayaa in qofkaas hadal adag la oranayo isagoo aanba gaaloo¬bin, sida uu nabiguba s.c.w. qoladaas hadal¬ka adag ugu yiri.
Waa sidaase xayaabooyinka mushrikiintu waa badan yihiin oo waxaa iyaduna ka mid ah tan;
(10) .Waxay yiraahdaan: Usaama markii uu diley ninka ashahaadanaya waa tii uu nebigu s.c.w. ku diidey oo yiri: Ma waxaad dishey markii uu Laa ilaaha illal Laah yiri kaddib?
iyo xadiskii nebiga oo ahaa: Waxaa la i faray inaan dadka la diriro jeer ay Laa ilaaha ilal- Laah yiraahadaan. Iyo xadiisyo kale oo ka hadlaya iska deynta qofka Laa ilaaha illal Laah yiraahda.
Jahli qabeenka saas u hadlayaa waxay arrin- taas uga dan leeyihiin in qofkii sidaas yiraah- daa uusan gaaloobayn, lana dilayn wixii uu doonoba ha falo e.
Jahli qabeenkaas waxaan leennahay; wa¬xaa wax la wada og yahay ah inuu nebigu s.c.w. Yuhuud la diriray oo qafaashay iyagoo Laa ilaaha illal Laah leh, asxaabtuna la dirir- tay reer banii Xaniifa iyagoo ashahaadanaya oo tukanaya oo islaamnimo sheeganaya, Ca- lina sidoo kale gubey kuwo iyaguna sidaasoo kale ah.
Jahliqabeenku waxay oranayaan: qofkii soo bixinta inkira waa la dilayaa; laa ilaaha illal Laah haba yiraahdo e, oo qofkii wax tii- rarka islaamka ka mid ah beeniya waa gaa- loobayaa waana la dilayaa haba ashahaato e.
Marka waa la yaabe sidee buu qofku u gaa- loobayaa haddu uu arrin farci ah beeniyo, oo uusan u gaalobayn haddii uu beeniyo tow- xiidkii ay diinta oo dhammi ku qotontey oo saldhigga u ahaa?!!!..
Cadowyada Alle fahmi mayaan mana fahmi doonaan macnaha axaadiista.
Xadiiska Usaama ku saabsan waxaa- weeye; Usaama wuxuu diley nin uu u malay- nayey islaamnimada uu sheeganayaa inay ka tahay baqdin uu naftiisa iyo maalkiisa u ba- qayo. Qofku markii uu islaamnimo muujista- na inaan la dilin baa waajib ah jeeray wax- kale ka soo baxaan.
Alle isagoo taas ka hadlayana wuxuu yiri:

” Kuwa Alle rumeeyow markii aad jihaadka u baxdaan wax hubsada”
Waxay aayaddu tusaysaa inay waajib ta¬hay inaan qofkaas la taaban jeer la hubsado, markii la hubsado kaddibna haddii ay ka soo baxaan wax islaamka khilaafsan waa la di¬layaa, maxaa yeelay haddaan markaas dambe la dilayn macno ma yeelateen kel- medda ah jj Wax hubsada”..
Axaadiista kalena waa sidaasoo kale macno- hoodu iyo kuwa la midka ah oo waxay dhammaan dulucdoodu tahay in qofkii tow- xiid iyo Islaamnimo muujiya faraha laga qaa- dayo, xuquuqdiisana la dhowrayo, lagumana xadgudbi karo in laga arko mooyee wax towxiidka burinaya.. Waxaana taa u daliil ah in rasuulku yiri:
War ma markuu Laa ilaaha illal Laahu yiri kaddib baad dishey”..
Sidoo kalena yiri:
’’Waxaa la i faray inaan dadka la diriro jee- ray laa ilaaha illal Laah yiraahdaan;
Rasuulkii sidaa yiri waa kan yiri isagoo khawaarijtii oo aheyd qolo amiirkii mu’miniinta Cali bin abii Daalib ka go’day oo xukunkiisa ka baxday, muslimkii dambi weyn ku dhacaana yiri waa gaal. walow uu qofkaa muslimka ah ka xun yahay xaaraanna u arka dambigaa uu ka dhacay..
Khawaarijta waxay kaloo muslimiinta ku AHis&frk nimaamaha Alle
qaar oo ay diideen, nebiguna wuxuu yiri isa¬goo kuwaa ka hadlaya waxyi dabadeed uu Ilaahay tusay isa goo ka warramayey rasuul- ku nin ku xadgudbay wuxuu sheegay inay firitiisa ka soo bixi doonaan qoladaas..
Wuxuu yiri rasuulku isagoo ka hadlaya khawaarijtaa arrimo ku khilaafi doona ehlu Sunnaha iyo jamaacada:
“Meeshii aad ku aragtaanba ku laaya, had¬dii aan la kulmo sidii reer Caad oo kalaan u laynayaaye”.
Khawaarijtana dadka iyagaa u cibaado iyo tasbiix iyo Allaahu Akbar badnaa oo asxaab- tu waa isla carnal falasho yaraan jireen mar¬kay iyaga la joogaan, asxaabtayna Khawaa- rijtu cilmiga ka barteen, laa ilaaha illal laahu iyo cilmigoodii iyo camalfalaashadoodu iyo islaam sheegadkoodiina wax uma tarin mar- kii ay wax shareecada khilaafsan la soo ba- xeen..
Jpagaalkii Yuhuud iyo reer banii Xaniifa lagu qaadayna sidaasoo kaluu ahaa.
Nabiguna s.c.w. Waa tuu damcay inuu reer banii Musdalaq ku duulo, markii nin ka been sheegayaa u sheegay inay sekadii dii- deen; Aliena yiri:
“Kuwa Alle rumeeyow hadduu faasiq war idiin keeno iska hu – biya warkiisa”..
Arrimahaas oo dhammi waxay muujinayaan inuu xaalku sidaan sheegayno yahay oo ax- aadiistu aysan aheyn sida ay u wadaan.
(11) . Xayaabo kale; waxay yirahdaan: dadku maalinta qiyaamaha waxay codsi ugu tagay- aa Aadam, dabadeedna Nuux , dabadeena Ibraahiim, dabadeedna Muuse, dabadeena Ciise, kulligoodna waa cudur daaranayaan, taasuna waxay tusaysaa inuusan codsigu shirki aheyn..
Xayaabadan jawaabteedu waxaa weeye in- aad tiraahdo:
Annagu ma diiddanin in uunka laga codsado wixii ay awoodaan, siduu Alleba yiri:
” Kii qoladiisa ahaabaa inuu kii kale uga hiilliyo ka codsaday” nebi Muuse..
Aadanahuna waa kan sida caadiga ah hiilka u kala codsada goorta dagaalka iyo waxyaalaha kaleba, dhibna malaha in makhluuqa laga codsado wixii uu awoodo. Ee waxaan diid- danahay codsiga gargaarsiga cibaadada ah oo aad samaysaan marka aad joogtaan qabuura- ha awliyada ama iyagoo maqanba, idinkoo ka codsanaya waxyaalo Alle keligi awoodo; maalinta qiyaamahana waxaa nebiyada laga rabaa inay Alle ka baryaan inuu dadka kala xisaabo, si dhibta dhoobnnaanta looga baxo. Taasuna waa bannaan tahay oo in loo tago qof Alla yaqaan ah oo lala fariisto oo Alle ii bari la yiraahdo sidii ay asxaabtiia nebigaba (S.C.W.) yeeli jireen markii uu noolaa waa wax bannaan oo aan dhib laheyn. Laakiinse
qof dhintay ama maqan lama baryi karo, asxaabtuna markii uu nebigu S.C.W. dhintay ma ay baryin waxnana ma ay su,aalin..
Mayee waxayba diideen oo mamnuuc ka dhigeen in Alle qabriga nebiga S.C.W. agtii- sa lagu baryo, bal nebiga oo la baryo daaye..
(12) . Xaayabo kale; waxay yiraahdaan: nebi Ibraahiim caleyhi salaam markii dabka lagu ridey Jibriil baa hawada kala hadlay: oo wax ma kuu qabtaa yiri? wuxuu ku jawaabay hadday adiga tahay maya., marka haddii ay sidaasu shirki ahaan lahayed Jibriil ma uu yi¬raahdeen Ibraahiim.
Jawaab; xayaabadaanu waxay la mid tahay tii hore; Jibriil waxuu Ibraahiim u soo ban- dhigay wax uu karo, Jibriil waa tuu Alle ka yiri:
” Waa xoog badan yahay”
Marka wuxuu awooday haddii loo idmo inuu dabka oo dhanba meesha ka qaado ama Ibraahiim meel fog geeyo, ama cirkaba u qaado. Taasuna waxay la mid tahay sidii qof maal qabeen ah oo qof baahan arkay oo mar- kaas ku yiri aan wax ku daynsho, waxna ku siiyo, oo kii baahnaa ka diiday wax qaada- shadii, sugayna wax xag Alle uga yimaada oo aysan cidina abaal ku laheyn…
Waxaan hadalka ku soo gunaanudeynaa ar- rin weyn oo ah : la iskuma hayo inuu towx- iidku yahay qalbi ku hayn, afkaga dhawaa- qid iyo ku dhaqmidba, haddii ay seddexdaas *y wax ka dhinmaanna qofku muslim ma ah.

Haddii uu qofku towxiidka garto oo ku dhaq-
mi waayo waa gaal macangag ah oo sidii
O’ I Fircoon iyo Ibliis ah., i-
:a Dad badan oo qaldan baa waxay yiraahdaan: j; annagu waa ognahay inuu (towxiidku) xaq yahay, waana fahmeynaa . laakiinse kuma dhaqmi kamo, dadka aan la joognana lama |u uu noolaan karo qof aan la mid noqonin.
Dadbaa sidaas yiraahda oo ku dooda iyo cu¬ff dur daarro kale oo la mid ah; laakiinse wax-
I- aysan kuwaasu garan inay madaxda gaaladu
u badankoodu xaqa garanayaan ee ay uga te-
gayaan cudurdaarasho uun:
* | Alle wuxuu yiri kor ahaaye:
j L; 4)1 obL
ayadihii Alle bay qiimo yar siis- teen ”
Wuxuu kaloo yiri:
“Waxay u garanayaan xaqa sida ay ilmahooda u garanayaan”…
Hadduu qofku towxiidka ku dhaqmona isa¬goo aan uurka ku hayn aanna fahamsaneynna waaba munaafaq, gaaladana waa ka daran yahay, maxaa yeelay munaafiqiinta naarta waa u hooseeyaan..
” Munaafiqiintu naarta halka u hooseysa bay kaga jiraan”..
Arrintaanu waa arrin dheer oo aad dadka mar walba ku arkaysid haddii aad u fiirsatid wa¬xaad arkeysaa qof xaqa garanaya oo ku dha- qankiisa uga tegaya adduunyo kororso ama waji raadsi ama qof darti. Waxaadna arkay- saa qof ku dhaqmaya oo uusan uurka ka jirin, oo haddaad weydiiso wuxuu qalbiga ka ru- meysan yahay aad arkeysid inuusan waxba garaneyn..
Waxaadse adigu mar walba niyada ku haysaa dhabna u fahamtaa laba aayadood ee kitaab¬ka Alle ku soo aroortay,
midda hore waxaa weeye qowlka Alle sare ahaaye:

” Ha cudur daarannina waa gaa- loowdeen imaankiinii kaddibe”…
Haddaba markii ay kuu caddaato inay rag asxaabtii ka mid ah oo nebiga (SCW) Ruum ula duulay ay ku gaaloobeen erey ay si kaf¬tan u yiraahdeen; waxaa markaas kuu cad- daanaya inuu kuwaas ka daran yahay ka gaalnimada ku hadlaya oo ku dhaqmaya oo sidaas u yeelaya adduunyo kororsi ama waji raadin ama qof darti..
Aayadda labaadna waa qowlka Alle sare ahaaye:

| Qofkii Alle ku gaalooba markuu rumeeyey kaddib , qof lagu qasbay oo qalbiga iimaan ku heysta ma ahee – laakiinse qofkii gaalnimada laabta ufura caro Allaa ku dhacday , cadaab weyn bayna leeyihiin…Waxaana ugu wacan adduunkay aakhiro ka doorteen” …
Wuxuu Alle u cudur daaray qofka la qasbay, 00 iimaanka uurka ku heysta keliya, wixii aan kaas aheyn oo dhammina waa gaaloo- bayaan maal jaceyl, ama qaraabo jaceyl, ama adduun jaceyl ama waddan jaceyl ha u geey- cene, ama baqdin iyo qof ka haybaysi iyo waji raadin ha u geeyeene ama kaftan iyo dano kale…
Aayadduna laba siyood bay taas u taabatay oo midi tahay Alle oo u cudur daaray qofka la qasbay keliya, ^ JA VI )>
f “Qofkii la qasbay maahee”.. midda kalena tahay qowlka Alle:
” Adduunkay aakhiro ka doorteen”
Tan qasabka ahna sideedaba qof waxaa lagu qasbi karaa qowlka iyo ficilka ee uurkiisa cidna ma geli karto.

Tan an adduunkay aakhiro ka doorteenna waxay tusaysaa inay sababtaas cadaabta iyo carada Alle ugu waajibeen, oo lama sheegin sabab caqiido ama jaahilnimo ama diin na- ceyb iyo gaalnimo jaceyl.

Intaasaan ku soo koobaynaa, Allaana kor ahaaye arrimaha u ogaal badan, isagaana ciso
iyo awood badan. Nabigayagiina naxariis iyo nabadgelyo kor- kiisa ha ahaadeen…

 

Hal faallo ayaa laga dhiibtay “Xayaabo-Tirka Towxiidka

  1. Sax waaye maashaa Allaah. Ilaahey hanagu toosiyo waddada xaqa, akhii.
    Magaceyga Yaasiin, oo jooga Yurub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *