Dhib Abuurayaal
Yoonis waxa uu ka jawaabayaa oohintii hawaynayda oo ay caawimaadda ku rabtay.
Yoonis wuxuu socday dhawr saacadood, wuxuu u socday jahada ku beeggan buur aad u hooseeysa, kana sii shishaysa xeebta, kuna beeggan caleemaha dhumucda waa wayn. Markiiba wuxuu maqlay haweeneeyneey cabaadaysa, waana uu istaagay, wuxuuna isku dayay in uu ogaado meesha dhawaaqu ka imanayo. Meel shishe oo koraysana wuxuu ka maqlay dhawaaq oohineed oo u baahan taakulayn. Isaga oo iska leexinaya caleemo faro badan iyo dhir culees badan, wuxuu soo gaadhay meeshii dhawaaqu uu ka imaanayay. Isla markiina wuxuu iskaga soo baxay duurkii hawdka keynta badnaa, wuxuu ka soo baxay waddo qurracan.
Yoonis wuxuu u soo cararay duleedka meesha dhirta badan. Waxayna u dhawdahay goobta lagu aasay ninka; goobtaasoo u sii dhaw xaarwalwaalka, lana moodo in uu xaarwalwaalku si fiican u sifeeyay dhulkii oo dhan. Isaga oo walwalsan, wuxuu kor u eegay, indhihiisana ku dhuftay labo nin oo jiidaya qof dumar ah, kalana daalaya haraantiyo culculus, iyagoo walibana ku qaylinaya. Wakhtigii uu nafisayna aad ayuu uga xumaaday. Mana uu siin karayn qofkan dumarka ah xorriyaddeeda, keli ahaantiis. Markiiba Yoonis dib ayuu u noqday isaga oo baadigoobaya kaalmo.
Waddadii baa u furan, wuxuu arkay kooxo dad ah oo iskugu yimid aga- gaarka keynta dhirta badan, kuwaasoo jarayay dhirtii. Yoonis wuxuu u cararay dhinaca ninka, isaga oo misna qabsanaya gacanta ninka; ninkaasi oo markaas kormeerayay shaqada dadka intiisa kale. “Fadlan mudane, i caawi!” buu yiri Yoonis. “Laba nin ayaa qof haweeneey ah qabsaday, waxayna u baahan tahay caawimaad!”
“Waxba yeeynaan la yaab kugu noqonin,” kormeerihii ayaa ku yiri. “Hawee- neeydu waxay tahay maxbuus. Iska iloow, iskana tag, waxa noo taal shaqo, na looga baahan yahay in aanu qabanno.” “Xidhitaan aa?’ ayuu yiri Yoonis, “uma aysan ekayn, dambiile.” Laakiin, haddii ay ahayd dambiile, Yoonis wuxuu la yaabay, waa maxay sababta ay u ooyeeysay, ayna u doonaysay caawimaad?” “Iga raali ohoow, mudane, laakiin waa maxay dambiga ay gashay?”
“Huh?” Ninkii baa bilaabay in uu ka xumaado. “Waa hagaag, haddii ay tahay in aad ogaatid, waxa ay u hanjabtay shaqooyinka cidkasta ee halkan ka shaqaysa.” “Waxay u hanjabtay shaqooyinka cid kasta? Sidee bay taa ku samayn karaysaa? Ayuu Yoonis waydiiyay isaga oo ku celcelinaya.
Isaga oo dib u eegaya su’aashiisa aqoon la’aaneed, kormeerihii ayaa Yoonis u tilmaamay in uu yimaado geedka shaqaaluhu ay ku xoonsan yihiin, ayna mashquulka ku yihiin sidii ay u jari lahaayeen geedka. Isaga oo aad u hanwayn wuxuu yiri, “sida aad ka arkaysid, waxaan nahay shaqaalaha dhirta. Waxaa dhulka dhignaa geedo, iyaga oo qoryo ah, waxaanu ku jarnaa ulahan. Mararka qaarkood boqolaal qof ayaa ka shaqaynaya saacad walba, waxayna dhulka dhigi karaan geedo tira badan in ka yar bil.” Ninkii ayaa riix riixay bishimihiisa, isagoo si taxadar leh iska qaaday wasakhda saarnayd garanka shaadhkiisa quruxda badan oo sida wacan loo jaray. “Haweeneeydaasi waxay timid saakadan halkan si ay u shaqayso iyada oo wadata bir fiiqan oo ku lifaaqan tahay ushaas daab- keed. Waxayna ka caraysiisay dadkii kale ee jaraysay dhirta, waxayna intaas oo dhan ku jartay in ka yar saacad – keli ahaanteed! Ka fikir taa! Waxay khal- khal-gelinaysaa mustaqbalka shaqooyinkayaga, markaa waa in la istaajiyaa.”
Yoonis indhihiisii ayaa soo baxay, wuxuu la yaabay in haweeneeydaa lagu ciqaabayo wax soo saarkeeda. Meeshii uu ka yimid cid waliba waxay isticmaashaa Seef, wuxuu arki jiray iyaga oo ku jara dhirta. Taasina waa sida uu ku helay alwaaxda laga sameeyay doontiisa. “Laakiin, waa wax cusub oo ay dunida u soo bandhigtay!” Yoonis waa uu ka yaabay. “Waxay suurta gal ka dhigaysaa in dadka oo dhan, khaasatan, kuwa ugu xoogga wayn iyo kuwa ugu dhererka badani in ay jaraan dhirta. Miyeeynaa taasi fududaynin, kana dhi- gaynin alwaaxda kuwo jaban iyo iyaga oo fududaynaya alwaaxda heliddooda?”
“Maxaad uga jeeddaa?” ninkii baa yiri isaga oo cadhaysan. “Sidee baa san- ku-neefle ku dhiiri geliyaa firkadda tan oo kale ah?” “Shaqo qiimo badan laguma samayn karayo, haddii qof waliba noola imanaayo fikrad aad u wanaagsan.” “Laakiin, mudane,” ayuu yiri Yoonis, isaga oo isku dayaya in uusan ku xad gudbin” shaqaalahan shaqada wanaagsan waxay haystaan gacmo aad u fiican iyo maskaxdooda. Waxay isticmaali karaan wakhtiga ay dhirta dhulka ku sii daynayaan in ay ku qabtaan waxyaabo kale. Waxayna samayn karaan miisas, armaajooyin, doonyo, ama xitaa aqallo!” “Dhagayso, adigu,” ayuu ninkii yiri, kuna yiri cod laga baqayo “Ujeedada shaqadu waa in la shaqeeyo wakhtiga oo dhan iyo in shaqadu la hubo – ma’aha alaabo cusub.” Codkiisiina waxa uu isu bedalay mid aad u foolxun. “Adigu waxa aad u eg tahay mid ah dhib abuure.”
“Maya. Maya mudane. Uma aan jeedo wax mushkilad ah, mudane. Waan hubaa in aad saxan tahay. Waa hagaag, waan iska tagayaa.” Intaas markuu Yoonis yiri, dib ayuu meeshii uu ka yimid ugu noqday, isaga oo si deg deg ah ugu ordaya waddada, dareemayana in uusan aad ugu faraxsanayn kulankiisii uu kula kulmay dadkaas.