Askarta Cuntada
Haweeneey iyo caruurteedii oo sheegaya sheeko oohin leh.
Waddooyinka kalena waxay ku soo dhacaan jidka wasakhda ah, waana mid sii ballaadhan, oo ka mid noqda waddooyinka ugu muhiimsan dalka. Mana aha miyi, Yoonis Maskiin wuxuu soo dhaafay coowskii is haystay iyo beero aad u qaali ah, oo ay ku beernaayeen tufaax iyo khudrado faro badan. Aragga cuntooyinkaas oo dhan waxay Yoonis ka dhigeen mid gaajaysan mar labaad. Wuxuu ku leexday dhinaca waddada xigta aqalka beerta cad, isaga oo rajaynaya in uu heli doono cidda iska leh. Aqalka hortiisana, waxa uu kula kulmay qof dumar ah oo dhalinyara ah iyo saddex ciyaal ah, oo wada ooyaya. “Iga raali noqo,” ayuu ku yiri si ay naxariisi ku jirto. “Wax dhib ah miyaa jira?” Qofkii dumarka ahaa ayaa kor u eegtay, iyada oo ooyeeysa, “Waa odaygayga. Huh, odaygayga,” ayeey tiri. “Waan ogaa maalin maalmahan ka mid ah in ay iskugu biyo shuban doonto sidan. Waa la xiray,” ayeey tiri iyada oo ooyeeysa, “waana Askarta Raashinka!”
“Aad baan uga xumahay in aan maqlo arrinkan, hooyo. Umm, ma wax¬aad tiri, ‘Askarta Raashinka’?” ayuu Yoonis waydiiyay, isaga oo madaxa ka taabanaya mid ka mid ah caruurteeda, tusayana naxariis. “Maxay isaga u xireen?” Haweeneeydii ilkeheedii bay isku qabatay, iyada oo doonaysa in ay joojiso oohinteeda. Kadibna waxay tiri, “Danbigiisu waxa uu ahaa – waa xoogsade, waxa uu soo saarayay raashin aad u faro badan!” Yoonis waa uu ka yaabay. Jasiiraddani waa dhul aad cajiib u ah! “Waaba dambi in la soo saaro raashin badan?” Qofkii haweeneeyda ahayd ayaa hadalkii sii wadatay, “sannadkii hore, Askarta cuntada ayaa u qoray warqad amar ah, una shee- gaya inta raashin ah ee uu soo saari karayo iyo inta uu dadka ka iibin karayo. Waxay noo sheegeen in qiimaha oo hooseeya uu wax u dhimayo beeraleeyda kale. “Waxay qaniintay carabkeeda in yar, ka dibna waa ay sii wadatay, “oday- gaygu waxa uu ahaa beeraleey wanaagsan marka la bar bardhigo beeraleeyda kale oo dhan!”
Markiiba, Yoonis waxa uu maqlay qosol dhaadheer. Waa nin aad u xoog wayn, oo ku soo socda waddada beerta. “Huh! Waxa aan idhi beerta wanaagsani waa ta cidi uun ay leedahay?” Isaga oo ku hindhisoonaya saddexdii caruurta ahayd, oo misna kor u hadlaya waxa uu yiri, “Imminka soo qaado alaabtaada, waana in aad xidhxidhataa, oo aad iskaga tagtaa halkan.”
Ninkii waxa uu soo qabsaday boombale jaranjarada yaalay, wuxuu ku soo tuuray gacmihii Yoonis. “Waan u malaynayaa in ay u baahan tahay caaw- imaad. Ka dhaqaaq halkan imminka aniga ayaa iska leh.” Haweeneeydii kor ayeey u istaagtay, iyada oo indhaheeda laga dareemayo cadho, “odaygaygu waxa uu ahaa beeraleey adiga kaa fiican, waligaana gaari maysid.” “Taasi waa laga doodi karaa,” ayuu ninkii si akhlaakh la’aani ku jirto ku yiri. “Huh, wax soo saarkiisu waxa uu ahaa mid aad u sareeya. Waxa uu ahaa ganacsade maskax wacan, wuxuu ogaa waxa loo baahan yahay, si uu u raali geliyo dadka wax iibsada. Waxa uu ahaa nin cajiib ah! Laakiin waxa uu illaaway mid keliya qiimaha iyo iyada oo uu raali geliyo Golaha Guurtida iyo in uu hirgeliyo amarrada loo xilsaaray Askarta cuntada in ay fuliyaan. Ma uusan faham- sanayn siyaasadda beeraha.” “Waxaad tahay beenaale,” ayeey haweeneeydii ku dhawaaqday. “Mar walbaba waxaad u malaysaa si khaldan, waxaad dhumisaa fertilaasarka iyo midho kasta oo aad beerato, cid doonaysana ma jirto in ay iibsato waxaad beertay. Beertaadu waxay ku fadhidaa dhul fatahaadeed ama carro xun, adigana qiimo kuuguma fadhido, haddii aad ku khasaarto wax wal- bana. Waxa ku siiya waxaaga Golaha Guurtida wixii kaa xumaaday oo dhan.” Yoonis waa uu yaabban yahay, waxa uuna yiri, “Markaa wax faa’iida kuma jirto in aad ahaatid beeraleey wanaagsan?”
“Waaba khalad in aad ahaatid beeraleey wanaagsan,” ayeey tiri haweeneeydii. “Odaygaygu, ma’uusan ahayn isaga oo kale, waana uu diiday in uu la safto Golaha Guurtida, wuxuu soo saari jiray raashin wanaagsan iyo kuwo la iibsan karayo.” Isaga oo ka saaraya heweeneeydii iyo ciyaalkeedii beerta gudaheeda, ninkii waxa uu ku dhawaaqay, “Haa, waxa uu diiday in uu soo saaro inta loo qoondeeyay. Cid beeraleey ah oo ka soo horjeesatay Askarta cuntada oo aan wax laga qaban ma ay jiraan. Imminka iiga baxa beertayda!”
Yoonis waxa uu caawiyay haweeneeydii iyo caruurteedii in ay alaabtooda qaataan, waxay ka dhaqaaqeen beertoodii. Intii aynaan ka tegin meeshii, waa ay yara hakadeen, dib ayeeyna u sii eegeen, si ay mar labaad u eegaan aqalkooda wacnaa. “Imminka maxaa kugu dhici?” ayuu Yoonis waydiiyay. Haweeneey¬dii waxay tiri, “Ma’aan awoodo in aan bixiyo raashinka qaaliga ah ee miyiga wakhtigan aynu ku jirno. Nasiib wanaag, waxaan leeyahay saaxiibo iyo qaraabo aan caawimaad waydiisan karayo. Haddii kale waa in aan tagaa magaalada, oo aan baryaa Golaha Guurtida, si ay ii caawiyaan aniga iyo caruurtayda. Waana jecel yihiin sidan in ay ii caawiyaan. Ina keena caruureey,” ayeey si ay cadho ku jirto ku tidhi, “odayaasha ayaa noo keenay dhibaatadan iyo iyaga oo si fiican wax ula qabanaya ninkaas kharriban. Xoogooduna waxa uu jiraa inta dadku ay ku hoos jiraan iyaga. Shaqada dadka kalena waa saldhigga deeqsinimadooda.” Yoonis waxa uu qabsaday calooshiisa – imminka waxa uu dareemayaa wax yar oo xanuun ah marka loo eego gaajada haysa.