Shaqaysanayaa Lacag
Yoonis waxa uu baadigoobayaa daabacaad aad muhiim u ah.
Siduu Yoonis u socday waxa uu kor yimid dhagax aad u wayn, lana moodo in uu leeyahay albaabo, kaasoo iska yaalay bannaanka. Dad- kuna waxay fuushanaayeen fardo, waxayna siteen sanduuqyo, iyo dad aad u badnaa oo waday gaadiidyo kala gedisan. Waxayna ku socdeen bar- tamaha magaalada. Yoonis waxa uu ruxay garbihiisa, isaga oo gilgilaya shaadhki- isa ku dhagan iyo surwaalkiisa, wuxuuna u sii dhaqaaqay meeshii dadkii kale ay joogeen.
Gudaha ganjeelladda wuxuu ka maqlay cod aad u dheer, kaasoo ka imanayay dabaqa labaad, ahna aqal aad u wayn oo cas. Dhawaaquna wuxuu u ekaa sida mid madbacadeed. “Dabcan waa wargayska magaalada,” ayuu Yoonis moo- day. “Wanaag! Hadaba waan akhiriyi waxkasta oo ku saabsan Jasiiraddan iyo dadkooda. Dabcan waan heli doonaa, si aan dib ugu noqdo aqalkaygii.”
Waxa uu ku soo wareegay gidaarka aqalka isaga oo raadinaya aqalka meel laga galo, wuxuuna ku dhacay nin iyo haweeneey wada socday, kuwaas oo aad u xarragoonayey, gacmahana is haystay, kana gudbayay waddada. “Waan ka xumahay,” ayuu Yoonis ku raali geliyay. “Waan heli kari waayay halka laga galo daarta wargayska. Ma ii tilmaami kartaa?”
Haweeneeydii waa ay ilka cadaysay intii uu ninku saxayay Yoonis. “Waad khaldan tahay maandhoow. Tani waa xarunta lacagta samaysa, ee ma’aha wargays.”
“Waaw,” ayuu yidhi Yoonis, isaga oo ka xun. “Waxaan rajaynayay in aan ka heli daabacaad aad u sareeysa.”
“Maxaad aad uga xun tahay?” ayuu ninkii waydiiyay. “Ku faraxsanoow. Xaruntani waa mid aad muhiim u ah, waana mid aad iyo aad uga sarraysa dukaan daabaca wararka. Miyaan taasi sax ahayn, saaxiib?” Ninkii si naxariisi ku jirto ayuu u taabtay gacanta haweeneyda.
“Haa, taasi waa run,” ayeey haweeneeydii tidhi, iyada oo qoslaysa.” Dadkani waxay daabacaan lacag aad u badan, si ay dadka uga farxiyaan.”
“Dabcan tani waa xalkii aan uga tagi lahaa Jasiiraddan,” ayuu Yoonis ku fikiray. “Dabcan sidan wuxuu ku iibsan karaa markab.” “Tani waxay tahay fikrad aad u wanaagsan!” ayuu yiri Yoonis isaga oo faraxsan. “Aniguna waxaan doonayaa in aan noqdo mid faraxsan. Dabcan waan daabacan karaa xoogaa lacag ah iyo.”
“Waaw, maya,” ayuu yidhi ninkii, isaga oo si cad ugu diidaya in Yoonis uu samaysto lacag. Wuxuuna wajiga Yoonis ku hor luxay fartiisa far dhexaad. “Taasi waa mid aan meesha ku jirin. Taasi miyeen ahayn jacayl?”
“Dabcan,” ayeey haweeneeydii ku dartay. “lacag daabacadayaasha oo aan u oggolaan Golaha Guurtida, ma’ay samayn karaan lacag aan ‘saxnayn’, dad- kaasna waxaa lagu tuuraa xabsi. Mana aan u dul qaadano dadka noocan oo kala ah.”
Ninkii waxa uu ruxay madaxiisa. “Marka dadku lacagta suuqa madoow ay samaystaan, lana isticmaalo. Lacagtani waxay ku faaftaa suuqyada, waxayna hoos u dhigtaa qiimaha lacagta qof waliba haysto. Cidkasta oo caydh ah oo ku nool mushahar go’an, sida mushahar caddidan, lacag kayd ah, ama midka la si- iyo qofka shaqada ka fadhiista. Waxay markiiba ka war helayaan in lacagtoodu ay noqotay mid aan qiimo lahayn.”
Yoonis wuxuu isku keenay wajigiisa. Muxuusan fahmin? “Waxaan mooday in aad tidhi daabicidda lacagta badan waxay ka farxisaa dadka.”
“Haa, taasi waa run,” ayeey haweeneeydii ku jawaabtay. “Ayna la socoto…” “.taasi waa lacagta la daabici karo.” Ninkii baa soo dhexgalay intii ay- naan dhamayn. Yoonis oo yaabban, lana yaabsan sida ninka iyo haweeneeydu isu yaqaaneen, waxayna ahaayeen kuwo isu dhamaynaya erayadooda. Ninkii wuxuu soo saaray boorsadiisii, kana soo saaray jeebkiisa, isaga oo tusaya Yoo- nis lacag. Tusayana lacag laga aqbalsan yahay Jasiiraddan ayuu ku daray, “Haddii ay tahay mid la aqbalay, ma’aha mid la ‘iska samaystay’”
“Kadibna waxaa lagu magacaabaa ‘dhaqaale xume’” ayeey la soo booday, si ay ka xafiday buug ay horay u akhrisay. “isticmaalidda lacag aynaan haysan waxay la mid tahay barnaamij aan lacagtiisa loo qoyndayn, iyo qorshe aan aad looga baaraan degin.”
Isaga oo dhigaya boorsadiisa meel shishe, ninkii wuxuu yidhi durbadiiba, “haddii dawladdu ay lacagta soo saarto, dadka daabacayana ma’ay aha tuug.” “Ma’ay aha!” ayeey tidhi. “Run ahaantii, kuwa isticmaala lacagta waxay ka mid yihiin Golaha Guurtida.”
“Haa,” ayuu yiri, “Waxayna yihiin kuwo deegsiyiin ah. Waxayna lacagta u isticmaalaan mashaariic waxtaraya dadka ku dhaqan Jasiiraddan, iyaguna waxay yihiin kuwo naxariis badan oo ay doortaan xilliga doorashada.”
Iyaga oo si toos ah u eegaya Yoonis, waxay labadooduba isku dayeen, “Miyaadan codbixintaada siiseen iyaga?”
Yoonis waa ka fikiray in xoogaa ah. Ninkii iyo haweeneeydii waa ay aa- museen si uu ugu jawaabo. “Su’aal kalena haddii aadan waxba u qaadan,” ayuu ku jawaabay Yoonis. “Maxaa ku dhacaya mushaharka cid walba, lacagta ay kaydsadeen, iyo lacagta ay qaateen marka ay shaqada ka fadhiistaan? Wax- aad horay u tidhi waxay noqdaan kuwo aan qiimo lahayn marka lacag kale la daabaco. Tani miyeen iyana dhicin marka dawladdu ay daabacdo lacag? Tani miyeen cid walba ka farxinayn?”
Ninkii iyo haweeneeydii ayaa is eegay. Ninkii baa yiri, “dabcan mar walba waanu faraxsanahay marka Golaha Guurtidu ay lacag badan kharash gareeyaan. Laakiin, waxaa jira dhibaatooyin faro badan oo loo baahan yahay in la xal- liyo – baahida shaqaalaha, dadka aan waxba haysan, iyo dhibaatada dadka waawayn.”
Haweeneeydiina waxay ku sharaxday, “Golaha Guurtida waxay yihiin kuwo baadigoob ku sameeya saldhigga dhibaatada haysata Jasiiraddan. Waxayna ku sharaxeen dhibaatada nasiib xumo iyo hawo xumo, in ay u sabab yihiin dhibaatooyinka. Haa, nasiib xumo iyo hawo xumo ayaa ugu wacan qiimaha kor u kacaya iyo hoos u dhaca nolosha.”
“Iyo – ,” ninkii ayaa aamusay. “Ha illaawin dadka dibadda ka yimaada.” “Khaasatan dadka dibadda ka yimaada!” ayeey haweeneeydii tidhi. “Jasi- iraddeenna waxaa meel walba kaga yimid cadoow, kuwaas oo isku dayaya in ay baabi’yaan dhaqaalaheenna, iyaga oo isticmaalaya qiime aad u sarreeya alaabta ay iibiyaan. Dhab ahaantii, qiimaha aadka u sarreeya waxay sababi doonaan dhibaatooyin.”
“Ama qiime hooseeya,” ayuu ku daray.
“Waxay mar walbaba isku dayayaan in ay naga iibiyaan cunto iyo dhar aad u hooseeya. Waxaa mahad leh Golaha Guurtida oo si wacan ula xaajooda.” “Bogaadin, Haa! Waxaanuna leenahay Gole maskax wacan oo xalliya wax walba, kana eega waxa annaga noo wanaagsan,” ayeey haweeneeydii tidhi, iyada oo ku jeesanaysa jacaylkeeda waxayna u tilmaantay qorraxda, iyada oo damacsan in ay sii socoto.
“Waa yahay, jacayl. Waxaan filayaa in aad naga raalli ahaan doontid, nin yahoow yar. Waxaanu leenahay ballan, oo aanu la ballansannahay galabta maal-geliye Bangiyeed. Waana nacasnimo haddii aanu tegi wayno iibintiisa cusub ee dhulalka iyo biraha. Nasiib darro, dadka saboolka ee aan helin koror lacageed ma’ay tagi karaan, halka aanu annagu ka helnay! Sax, jacayl?”
Ninkii wuxuu kor u qaaday koofidiisa, haweeneeydiina si akhlaaqi ku jirto ayeey ku soo dhawaysay, labadooduna waxay Yoonis ku yiraahdeen maalin wacan.