Sharciyada Feeryahannada Guuldaraysta
Yoonis waxa uu la kulmay dad khamaar u dhigtay ciyaarta feedhka.
Yoonis waa uu orday isaga oo aan garanayn halka uu u ordayo ilaa iyo intuu ka maqlay gambaleel xoog badan, oo la ruxayo, oo aan kala joogsi lahayn. Dhawaaqii gambaleelka wuxuu bixiyay jabaq celis xooggan, taasoo laga maqlayay jidadka. Yoonis Maskiin waxa uu isku dayay in uu ogaado halka uu ka immanayo dhawaaqaas. Waxa uu ka leexday wad- dadii, wuxuuna yimid dhul bannaan, oo ay dad badani joogaan, dadkaasoo qaylinayay islamarkaasna bixinayey dhawaaq aad u dheer. Isaga oo ku fikiraya in ay tani tahay arrin u baahan gurmad deg deg ah. Yoonis waa uu ku biiray dadkii, kuwaasoo ahaa kuwo si xooggan isu wada riixriixayay, doonayayna in ay wada gaaraan dhexbartanka. Waa uu amakaagay oo uu la yaabay dadkan oo dhan, maxaa yeelay, qofkastaaba waxa uu xidhan yahay suun weyn oo bal- aadhan oo aad ugu dhagan. Waxa uu dareemay in uu yahay qofka keliya ee aan xidhnayn suunkaas.
Yoonis waxa uu eegay dhinacyada, isaga oo aad u doonaya in uu ogaaado waxa halkaas ka socday. Bartanka waa yara sarraysay, kana sarraysay dhulka 3 fiit, haddana qof ayaa ka qaylinayay, oo aad u qaylinayay, “Dhinacan waxaa taagan mid culayskiisu yahay 256 rodol – shan bilood waxa uu ahaa horyaalka aan laga adkaan ee Tartanka Shaqaalaha Caalamiga – feeryahanka shabeelka aadka u daran laftiisa, magaciisuna uu yahay Kuuloow – ‘burburiye’Adag!” Dadkii oo dhan ayaa ahaa kuwo farxad weyni ka muuqato iyaga oo xam- aasadeysan aadna u qaylinaya, sacabkana si aad u sarrayso u tumaya.
Isaga oo u baxaya dhinaca uu nin weyni joogo, ninkaasoo u eg nin laga baqo. Ninkaasi weyn ayaa ku fadhiistay miis yaalay bartamaha dhexdooda. Halka- asoo si xirfad leh loogu shaandaynayay turub. “Iga raali ahoow, mudane.” ayuu ku bilaabay Yoonis.
“Fadlan sharadkaaga, Daahir. Waxa keliya oo aanu haysanaa waa xoogaa daqiiqado ah inta uusan bilaaban wareega kale,” ayuu ninkii la soo booday. Waxaa xusul ku riixay haweeneey weyn, taasoo miiska lacag badan ku daadisay. “Konton horyaalka, deg deg!” ayeey ku amartay.
“Waa hagaag, marwo,” ayuu yidhi ninkii. Waxa uu shaabbad ugu dhuftay tigidhkii, isaga oo ka soo jeexay buug. “Kani waa caddaytii sharadkaaga.” Kadib shaaciyihii ayaa istaagay, oo meel kore oo dadka oo dhan ka arkayaan ku istaagay, kuna dhawaaqay, “Halka shishe – kan la tartamaya kan haysta horyaalka – culasykiisuna waxa uu yahay 270 rodol oo ah muruq soocan – digaandigaha – ka qajajacsiiyihii Xoogsade…”
Isaga oo u soo jeesanaya ninkii miiska, Yoonis waxa uu waydiiyay, “Ma dhib baa jira? Ma jiraa feer?”
“Dagaal waa jiraa dabcan, laakiin ma jiraan wax dhibaata ah,” ayuu yidhi ninkii. “Waligeed sidaas oo kale ma noqon. Halkanse, dagaalka feerku waa mid lagu doogsaday.” Gambaleelkii ayaa laga dhawaajiyay ninkiina dadkii ayuu u baaqay, “Sharatankii waa xidhmay!” Feerkiina waa uu bilaamay islamarkiina
labadii feeryahan waxay bilaabeen in ay feerarkoodii isdhaafsadaan, iyaga oo hadba midka kale feerkiisa ka dhakanaya.
Isaga oo aan eegaynin sharatankiisii iyo rasaynta lacagtii, ninkii baa da- reemay in uusan Yoonis xiiso u hayn feerka, oo uu dhibayo dagaalka feerku. “Dhagayso, Daahir wax laga walwalaa ma jiro. Labadoodaba kan guulaysta iyo kan laga guulaysto feerkan mid waliba xoogaa lacag ah ayuu u qaadanayaa aqalkooda. Waa ay og yihiin waxa ay samaynayaan oo ay doorteen – labadoo- duna waxay helayaan abaalmarinno.” Labadii feeryahan mid ka mid ah ayaa dhulka ku dhacay, waxaana lagu gagabiyay feer culus. Dadkiina waa ay sacab tumeen iyaga oo aad u faraxsan, haddana, sharatankii lacagta kii uruurinayay ayaa bilaabay in uu tiriyo lacagtii, oo uu ku ridridayay sanduug xadiid ka samaysan.
“Ma labaduba waxay helayaa abaalmarin? Ayuu waydiiyay Yoonis. “Dabcan,” ayuu ninkii ku jawaabay. “Kani waa feerkii ugu caansanaa ee lagu qabto jasiiraddan maxaa yeelay mararka qaarkood kan laga adkaaday ayaa ka xeelad wanaagsan kan badiya.”
Yoonis indhihii baa soo baxay. “Miyeey cidna, xitaa aniga, ay ku noqon karin hantiile haddiiba laga adkaaday?”
“Cid waliba may ciyaarto ciyaartan,” ayuu ninkii ku jawaabay. Ninkii wey¬naa isaga oo u eegaya Yoonis si taxadar leh ayuu waydiiyay, “Ma waxaad tahay mid shaqo buuxa haysta oo bulshadan u shaqeeya? Waa in aad haysataa shaqo wanaagsan inta aadan guuldarro aadan la kulmin, oo aadan la feertamin kan haysta horyaalka.”
“Waa hagaag, maya, maya wakhtigan xaadirka ah,” ayuu yidhi Yoonis isaga oo yaabban.
“Hagaag, Ma aan fahmin. Muxuu shaqaaluhu uu u gelinayaa shaqadiisa khatar si uu ula tartamo kan haya horyaalka?”
Gambaleelkii ayaa qayliyay waxaana dhamaaday wareeg kale. Dadkii xoon- sanaa gudaha waa ay yara aamuseen, iyagoo haddana bilaabay hadal hor leh.
“Taasi waa tan looga dan leeyahay. Waligaa miyaadan maqal sharciyada feeryahanada guuldaraysta?” ninkii baa waydiiyay. “Halkee baad ku noolayd? Cid waliba iskuma soo tuurto tartanka feerka, laakiin qaarbaa si gaar ah uga hela. Qaarkood xitaa waxay ku fikiraan, oo ku hamiyaan in ay noqon karaa horyaalka cusub. Laakiinse sharciyada feeryahanada guuldaraysta ay istic- maalaan waxay ka qarisaa badankood khatar faro badan. Kan laga adkaaday kama uu walwalo kharashka dhakhtarku uu ku daawaynayo.”
“Maxaa ugu wacan?” ayuu waydiiyay Yoonis.
“Maxaa yeelay, sharciyada feeryahannada guuldaraysta waxay oranayaan kan laga guulaystay waa in uu bixiyaa kharashka oo dhan. Haddii ay sax u dhacaan, kan laga adkaaday waxa uu heli karaa lacag badan marka uusan shaqaynaynin. Intii ay jireen sharciyada feeryahannada guuldaraysta feerku waa uu qiima beelay.”
Yoonis oo luquntiisa la moodo wiishka ee ka soo dhexdheer dadka intiisa kale, waxaa meel durugsan uga muuqday nin hoos u dhacay oo wajigiisa feer kala daalayo kalkaaliyaha wareegyada feerkan. “Laakiin miyaysan ahayn in maamulaha feerka xaqiisa siiyo kan dhaawucu soo gaaray, oo shaqada kaga dhacay? Maxaa ka khuseeya shaqa bixiyaha feerkan?”
“Waxba, xaqiiqadii,” ayuu yidhi ninkii. “Dhagayso, Daahir, shaqaaluhu waxa uu yiraahdaa waan dhaawacmay, sax soo ma aha? Oo waxa uu yiraahdaa kuma noqon karo shaqada, sax?”
“Waa caadi,” ayuu ku jawaabay Yoonis, isaga oo isku dayaya in uu si fiican u fahmo.
“Haddiise uu yiraahdo dhaawucu wuxuu ka soo gaaray shaqada, loo shaqaqeeyaha ayaa looga baahan yahay in uu caddeeyo in uu run sheegayo. Taasina waaba ay adag tahay, oo maba dhici karto.”
“Ma waxaad u jeedaa kan dhaawacmay ayaa been sheegi kara si uu helo lacag?” ayuu yidhi Yoonis.
“Hah, waaba mid la og yahay in ay dhacdo,” ayuu yidhi ninkii isaga oo ilka caddaynaya. “Khalad ha iga fahmin, shaqaalaha badankoodu ma sheegaan been. Laakiin, sharciyada feeryahannada guuldaraysta waxay wax taraan kuwa beenta sheega. Sidoo kalena, caymiska iyo canshuurtuna kor ayeey u kacaan, ganacsiyo badana waa ay xidhmaan. Feeryahanka aan garan waxa jirana, waxa uu noqdaan mid khasaara, oo aan waxba helin. Sidaa darteed, maalin walba waxaanu aragnaa ciyaaryahanno hor leh. Feeryahan kasta oo halkan jooga maanta ugu yaraan mar ama ka badan ayuu ka qaybqaatay feer ciyaarista.
Kuwa aan jeclayn fikirka ah in aan been laga sheegin dhawacyada, oo been abuurka sameeya bal isku day in aad ka badbaadid wareega koowaad adiga oo aan xoog culusi kugu dhicin.”
“Laakiin maxaa loo shaqeeyuhu uu u diidi la’ yahay been abuurka faraha badan?” ayuu waydiiyay Yoonis.
“Dhabarkaa i xanuunaya, Daahir. Taa ma ansixin kartaa?” Ninkii waxa uu dhaqdhaqaajiyay gacmihiisa isaga oo u baaqaya dadkii tubnaa wareega, misna isaga oo raacinaya, “Dhamaanteen oo dhan waxa ina wada haya dhabar xanuun, waana in aynu isu wada markhaati furnaa dhamaanteen oo dhan si aan shaqo u helno. Markii ugu dambaysay ay aqbalaan been waxaa laga joogaa mudo dhan afartan sanno.”
Ugu dambaytii waxa uu Yoonis fahmay waxa ay dadku u wada xidhnaayeen suumankaas isu wada eg. “Golaha Guurtida wax ma ka qabtaa beentaas intaa le’eg?”
Ninkii waxa uu eeda dusha ka saaray marwo Ashkira isaga oo leh, “Marwo Ashkira waxay tahay macallimadda ugu wanaagsan ee na soo mara intii aan xusuusan karayno! Waa aynagu taageertaa wax kasta oo aan u baahano – iyo annaga oo daacad u ah marka doorashadu ay dhacayso. Waa xiriir xooggan.” “Ciidamada nabadda!” ayuu ku qayliyay qof dadkii ka mid ahaa. Ninkii miiska fadhiyay ayaa markiiba sacab tumid bilaabay, isaga oo gacantiisa ku garaacaya sanduuqa lacagtiisu ku jirto kaasoo ahaa mid xidhan, waa uuna isku laabay miiskii wuxuuna iska dhigay in uu dhex istaagayo dadkii tubnaa, oo daawanayay feerka xiisaha badan. Waxa uu bilaabay foori aan kala go’ lahayn.
Yoonis waxa uu dadka ka eeg eegayay in uu wali goobta uu joogo askarigii. “Maxaa dhacay?” Feerku ma mid aan sharci ahayn baa?” ayuu waydiiyay.
“Maya ma’ahan,” ayuu ninkii ku jawaabay. “Ciidamada nabadda waxay ku raaxaystaan feerka fiican ee aadka u sarreeya. Waa khamaarka qarsoon kan ah sharci darrada. Golaha Guurtidu waxay yiraahdaan khamaarku waa wax xun – dhaqan xumo weyn leh. Codbixiyayaashuna waxay jecel yihiin gole ka difaaca dhaqamada xun xun. Marwo Ashkira waxay qabtaa in ay ka wanaagsan tahay in aan lacagtayada u kaydsano tan tartanka doorashooyinka.”
Waxaa la garaacay gambaleelkii dadkiina waxay u sacabatumeen feerkii.