Monthly Archives: January 2017

Tuduca 3aad

Shamacyo iyo Koodhadh
Yoonis waxa uu baranayaa mamnuucidda iftiinka qorraxda.

Waddadu waa ay sii dheeraatay, wuxuu bartamaha kaga dhacay miyigii dhirta badnaa. Yoonis waxa uu arkay in dhirtu ay ka dhamaanayso geesaha wabiga, wuxuu jaray buundada lugta lagaga gudbo. Wuxuu arkaa aqallo ku yaala dhinaca kale, isaga oo moodaya in cid uun ay joogto halkaas, una sheegi kara meesha uu joogo.

Marka la dhaafana buundada waxa uu kula kulmay haweeneey xambaarsanayd warqado muhiim ah, aadna u badnaa, waxayna ku fadhiday miis dabadiis, oo ku daboolnaa billad yar oo qarinaysa inteeda kale. “Waan ku baryayaa,” ayeey haweeneeydii ku dhawaaqday, iyada oo ruxruxaysa indhaheeda waawayn, wax- ayna soo qabatay Yoonis shaadhkiisa si ay ugu xidho billadda. “Miyaadan saxi- ixayn arjigayga?” “Waa hagaag, ma’aan garanayo,” ayuu Yoonis ku dhawaaqay. “Laakiin, maad ii tilmaami karaysaa dhinaca magaaladu iga xigto?”

Haweeneeydii waxa ay eegtay iyada oo ka shakisan. “Ma dadka jasiirad- dan baad tahay?” Yoonis waa uu joojiyay hadalkiisii, isaga oo xasuusanaya isbedelka codkeeda ka muuqda. “Haa, waxaan ahay dadka deggan jasiiraddan, waxa aana ahay ambad.” Haweeneeydii waa ay qososhay mar labaad. “Wad- dadan ayaa ku gaynaysa magaalada. Laakiin, inta aadan tagin, waxay kugu qaadanaysaa in yar in aad saxiixdid arjigan,” ayeey tiri, “waxa aadna caaw- inaysaa dad faro badan.” “Waa hagaag, haddii ay kuugu fadhido qiimo badan.” Yoonis isaga oo garabkiisa gundhinaya ayuu ka qaaday qalinkeedii, wuuna u saxiixay. Wuxuu dareemay ka xumaansho.

Waxayna ahayd maalin kulul, hawaduna wacan tahay, Yoonis waxaa ka muuqday dhidid, haweeneeyduna waxay ku fadhiday daraasiin dhar ah. Waana meel ku habboon warqado saxiixidda! “Maxaa loo qorayaa arjigan?” ayuu Yoonis waydiiyay. Waxa ayna isu gaysay labadeeda gacmood, lana moodo in ay hees damacsan tahay in ay ku dhawaaqdo. “Kani waa arji lagu badbaadinayo shaqooyinka iyo warshadaha. Waxa aad taageersan tahay shaqooyinka iyo warshadaha, miyeeynaan ahayn?” ayeey ku dhawaaqday. “Dabcan waan ahay,” ayuu yiri Yoonis. Markiiba isaga oo xusuusanaya wixii ku dhacay haweeneeydii uu horay waddada ugula kulmay. Ma uusan doonayn in uu u ekaado in uusan xiisaynayn shaqooyinka shicibka. “Sidee bay tani u caawinaysaa?” ayuu Yoonis waydiiyay. “Golaha Guurtida ayaa badbaadinaya shaqooyinka xaafadayada iyo warshadaha alaabta ay soo saaraan. Alaabta badankooduna waxay nooga timaadaa dibadda. Haddii dad badani ay saxiixaan arjigan, Golaha Guurtida ayaa noo ballan qaaday in ay sharci ka soo saari doonaan, qabanna doonaan wax kasta oo awoodooda ah, iyo sidii ay u mamnuuci lahaayeen alaabta dibadda nooga timaada, waxna u dhimaya alaabta warshadahayaga.”

“Oo maxay tahay warshaddaadu?” ayuu Yoonis waydiiyay. Haweeneey¬dii ayaa kor u dhawaaqday iyada oo aad isula hanwayn, “waxaan metelaa warshadaha sameeya shamacyada iyo koodhadhka. Arjiganina waxa uu ugu yeedhayaa mamnuucidda qorraxda.”

“Qorraxda?” ayuu Yoonis ku celceliyay. “Sidee, uh, maxaad u mamnu- ucaysaa qorraxda?” Waxay eegtay Yoonis, kuna tiri, iyada oo isdifaacaysa, “waan arkaa in aad wax garanaysid, laakiin miyaadan arag qorraxdda waxay wax yeelaysaa warshadaha shamacyada iyo kuwa koodhadhka sameeya. Waad xaqiiqsan kartaa in qorraxdu ay tahay isha kuleeelka iyo nalka, ahna mid jaban. Waa hagaag, kanna ma’aha mid aynu aqbali karayno!”

“Laakiin nalka iyo kuleelka qorraxdu waa mid bilaash ah,” ayuu Yoonis yiri. Haweeneeydii waa ay ka xumaatay hadalkiisaas, “sidaas weeye dhibaatadu, miyaadan arkayn?” waxayna u soo qaadatay loox, iyada oo tusaysa tusaalooyin yar yar. “Aniga oo ugu yeeraya qiimahan aadka u jaban ee shisheeyuhu ay kalifeen, hoosna u dhigaya shaqaalaynta iyo lacagta dadku ku shaqeeyaan ugu yaraan boqolkiiba konton; kuwaasina waa warshadaha aan metelo. Cashuur la saaro ama si toos ah oo looga horyimaado ayaa horumarin karaya sida arrin tahay.”

Yoonis waxa uu iska dhigay arjigeedii. “Laakiin haddii dadku ay ku iib- sadaan shamacyadiina iyo koodhadhkiina lacag badan, nalkooda iyo dabkooda markaas wax u soo haraya lacag yar si ay u iibsadaan alaabe kale, sida hilibka ama caano ama rooti.” “Anigu ma’aan metelo hiliblayaasha, ama caanooleeyda, ama rooti sameeyaasha,” ayeey haweeneeydii tiri. Iyada oo ka dareemaysa Yoo¬nis in uu isbedelay, iskuna dayeeysa in uusan tirtirin saxiixiisa. “Dhab ahaantii waxaad xiisaynaysaa danaha dadka wax iibsada, ee ma aad doonaysid in aad badbaadisid amniga shaqada iyo maalgelinta ganacsatada. Maalin wacan,” ayeey ku tiri, iyada oo soo xiraysa wada hadalkoodii. Yoonis dib ayuu uga is- taagay miiskii, ka dibna si qaboow leh ayuu uga tagay. “Mamnuuc qorraxda?” ayuu iswaydiiyay. “Waaba fikrad waalli ku jirto!” Yoonis waxa uu rajaynayaa in uu la kulmi doono qof aqli dhaama.

Tuduca 2aad

Dhib Abuurayaal
Yoonis waxa uu ka jawaabayaa oohintii hawaynayda oo ay caawimaadda ku rabtay.

Yoonis wuxuu socday dhawr saacadood, wuxuu u socday jahada ku beeggan buur aad u hooseeysa, kana sii shishaysa xeebta, kuna beeggan caleemaha dhumucda waa wayn. Markiiba wuxuu maqlay haweeneeyneey cabaadaysa, waana uu istaagay, wuxuuna isku dayay in uu ogaado meesha dhawaaqu ka imanayo. Meel shishe oo koraysana wuxuu ka maqlay dhawaaq oohineed oo u baahan taakulayn. Isaga oo iska leexinaya caleemo faro badan iyo dhir culees badan, wuxuu soo gaadhay meeshii dhawaaqu uu ka imaanayay. Isla markiina wuxuu iskaga soo baxay duurkii hawdka keynta badnaa, wuxuu ka soo baxay waddo qurracan.

Yoonis wuxuu u soo cararay duleedka meesha dhirta badan. Waxayna u dhawdahay goobta lagu aasay ninka; goobtaasoo u sii dhaw xaarwalwaalka, lana moodo in uu xaarwalwaalku si fiican u sifeeyay dhulkii oo dhan. Isaga oo walwalsan, wuxuu kor u eegay, indhihiisana ku dhuftay labo nin oo jiidaya qof dumar ah, kalana daalaya haraantiyo culculus, iyagoo walibana ku qaylinaya. Wakhtigii uu nafisayna aad ayuu uga xumaaday. Mana uu siin karayn qofkan dumarka ah xorriyaddeeda, keli ahaantiis. Markiiba Yoonis dib ayuu u noqday isaga oo baadigoobaya kaalmo.

Waddadii baa u furan, wuxuu arkay kooxo dad ah oo iskugu yimid aga- gaarka keynta dhirta badan, kuwaasoo jarayay dhirtii. Yoonis wuxuu u cararay dhinaca ninka, isaga oo misna qabsanaya gacanta ninka; ninkaasi oo markaas kormeerayay shaqada dadka intiisa kale. “Fadlan mudane, i caawi!” buu yiri Yoonis. “Laba nin ayaa qof haweeneey ah qabsaday, waxayna u baahan tahay caawimaad!”

“Waxba yeeynaan la yaab kugu noqonin,” kormeerihii ayaa ku yiri. “Hawee- neeydu waxay tahay maxbuus. Iska iloow, iskana tag, waxa noo taal shaqo, na looga baahan yahay in aanu qabanno.” “Xidhitaan aa?’ ayuu yiri Yoonis, “uma aysan ekayn, dambiile.” Laakiin, haddii ay ahayd dambiile, Yoonis wuxuu la yaabay, waa maxay sababta ay u ooyeeysay, ayna u doonaysay caawimaad?” “Iga raali ohoow, mudane, laakiin waa maxay dambiga ay gashay?”

“Huh?” Ninkii baa bilaabay in uu ka xumaado. “Waa hagaag, haddii ay tahay in aad ogaatid, waxa ay u hanjabtay shaqooyinka cidkasta ee halkan ka shaqaysa.” “Waxay u hanjabtay shaqooyinka cid kasta? Sidee bay taa ku samayn karaysaa? Ayuu Yoonis waydiiyay isaga oo ku celcelinaya.

Isaga oo dib u eegaya su’aashiisa aqoon la’aaneed, kormeerihii ayaa Yoonis u tilmaamay in uu yimaado geedka shaqaaluhu ay ku xoonsan yihiin, ayna mashquulka ku yihiin sidii ay u jari lahaayeen geedka. Isaga oo aad u hanwayn wuxuu yiri, “sida aad ka arkaysid, waxaan nahay shaqaalaha dhirta. Waxaa dhulka dhignaa geedo, iyaga oo qoryo ah, waxaanu ku jarnaa ulahan. Mararka qaarkood boqolaal qof ayaa ka shaqaynaya saacad walba, waxayna dhulka dhigi karaan geedo tira badan in ka yar bil.” Ninkii ayaa riix riixay bishimihiisa, isagoo si taxadar leh iska qaaday wasakhda saarnayd garanka shaadhkiisa quruxda badan oo sida wacan loo jaray. “Haweeneeydaasi waxay timid saakadan halkan si ay u shaqayso iyada oo wadata bir fiiqan oo ku lifaaqan tahay ushaas daab- keed. Waxayna ka caraysiisay dadkii kale ee jaraysay dhirta, waxayna intaas oo dhan ku jartay in ka yar saacad – keli ahaanteed! Ka fikir taa! Waxay khal- khal-gelinaysaa mustaqbalka shaqooyinkayaga, markaa waa in la istaajiyaa.”

Yoonis indhihiisii ayaa soo baxay, wuxuu la yaabay in haweeneeydaa lagu ciqaabayo wax soo saarkeeda. Meeshii uu ka yimid cid waliba waxay isticmaashaa Seef, wuxuu arki jiray iyaga oo ku jara dhirta. Taasina waa sida uu ku helay alwaaxda laga sameeyay doontiisa. “Laakiin, waa wax cusub oo ay dunida u soo bandhigtay!” Yoonis waa uu ka yaabay. “Waxay suurta gal ka dhigaysaa in dadka oo dhan, khaasatan, kuwa ugu xoogga wayn iyo kuwa ugu dhererka badani in ay jaraan dhirta. Miyeeynaa taasi fududaynin, kana dhi- gaynin alwaaxda kuwo jaban iyo iyaga oo fududaynaya alwaaxda heliddooda?”

“Maxaad uga jeeddaa?” ninkii baa yiri isaga oo cadhaysan. “Sidee baa san- ku-neefle ku dhiiri geliyaa firkadda tan oo kale ah?” “Shaqo qiimo badan laguma samayn karayo, haddii qof waliba noola imanaayo fikrad aad u wanaagsan.” “Laakiin, mudane,” ayuu yiri Yoonis, isaga oo isku dayaya in uusan ku xad gudbin” shaqaalahan shaqada wanaagsan waxay haystaan gacmo aad u fiican iyo maskaxdooda. Waxay isticmaali karaan wakhtiga ay dhirta dhulka ku sii daynayaan in ay ku qabtaan waxyaabo kale. Waxayna samayn karaan miisas, armaajooyin, doonyo, ama xitaa aqallo!” “Dhagayso, adigu,” ayuu ninkii yiri, kuna yiri cod laga baqayo “Ujeedada shaqadu waa in la shaqeeyo wakhtiga oo dhan iyo in shaqadu la hubo – ma’aha alaabo cusub.” Codkiisiina waxa uu isu bedalay mid aad u foolxun. “Adigu waxa aad u eg tahay mid ah dhib abuure.”

“Maya. Maya mudane. Uma aan jeedo wax mushkilad ah, mudane. Waan hubaa in aad saxan tahay. Waa hagaag, waan iska tagayaa.” Intaas markuu Yoonis yiri, dib ayuu meeshii uu ka yimid ugu noqday, isaga oo si deg deg ah ugu ordaya waddada, dareemayana in uusan aad ugu faraxsanayn kulankiisii uu kula kulmay dadkaas.

Tuduca 1aad

Duufaankii Waynaa
Yoonis waxa uu u ambabaxay badwaynta, markabkiisiina waxa uu ku caariyey jasiirad uusan horay u arag.

Booliqaran waa magaalo qurux badan oo dulsaaran xeebta dusheedda. Waa magaalo ay deggan yihiin dad caan ah oo jila filimada. Waana magaalada uu ku nool yahay wiil yar oo magaciisa la yiraahdo Yoonis Maskiin; ahaana mid dadka oo dhami ay qadariyaan. Marka laga reebo waalid- kiis, oo moodayay in uu yahay xariif, daacad ah oo ku darsaday ciyaartooyn- imo cajiib ah…Madaxiisa carrada midabka boodhka leh, iyo cagahiisa aadka u wayn. Wuxuu ka shaqeeyaa dukaan yar oo iibiya shamacyo, kuna yaalla bartamaha magaalada. Waa magaalo kalluumaysato, dadkuna ku mashquulsan yahay dabashada kalluunka. Dadka ku nool magaaladan waa dad aad u tiro badan oo aad u shaqaysta. Qaarkood waa dad dabeecad wanaagsan, in kaloo badannina waa kuwo dabeecad xun iyo kuwo kale oo aan waxba lagu sifayn karayn.

Marka uusan samaynaynin hawl maalmeedkiisa aan dhibta badan lahayn ama uusan caawinaynin dukaanka waalidkiisa, Yoonis Maskiin waxa uu yahay badmaax, wuxuu doontiisa yar u horseeda socdaaladiisa. Sida caruurta la filka ah wakhtigiisa meel keliya kuma uu lumiyo, maxaa yeelay, waxa uu ogaaday in noloshu aynaan xiiso lahayn, niyaddiisana ka dhaadhiciyay in dadka ay isku magaalo ku nool yihiin aynaan wax cusub isku dayin, wax kalena aynaan ku fikirin. Wuxuu jeclaa in uu arko markab la yaab leh ama kalluun wayn, inta uu safarkiisa ku sii jiro ee uusan gaarin dekedda ugu dhow. Waxaana laga yaabaa in uu tartan ka qayb galo, laguna khasbo in uu xoog uga qaybqaato maridda toddobada bad. Ama, haddii kalluumayste uu u ansixiyo in uu ku biiro kooxdiisa. Bad maristiisuna inta badan waxay u keentaa gaajo ama harraad, waxa keliya oo maskaxdiisana ku jira waa raashin; casho. Iyada uun baa ku soo dhacday madaxiisa.

Wakhtiga xagaaga jawiga waa ay qorrax diirran tahay, badduna waxay tahay mid aad u wanaagsan. Yoonis Maskiin wuxuu is leeyahay xir-xidho qadadaada iyo doontaada yar, si uu badda ugu dhaqaaqo. Dhabarkiisana waxa qariyay dabayl, mana arko ceeryaamadan isku soo ururtay oo cirkii oo dhan qarisay.

Yoonis imminkadan ayuun buu bilaabay in uu badda ku dhaqaaqo, dhaafana agagaarka xeebta horteeda, laakiin wuxuu qabaa kalsooni dheeraad ah. Marka dabayshu ay xoog wayn yeelatay, kama uusan walwalin ilaa iyo wakhti aan waxba laga qaban karin. Markiiba waxa uu bilaabay halgankiisii uu kaga hortagay dabaysha, taasoo xoogeedii kula duldhacday doontiisii, kuna xoog beeshay hirarkii. Wuuna isku dayay wax walba, sidii uu ku badbaadin lahaa, doontiisuna waxay noqotay wax aan waxba ahayn, waxaana burburiyay dabayl xoog culus wadatay. Ugu danbayntiina waxa uu hoos galay hoosta doontiisa, dhinacyadeeda iyo isaga oo rajo aan niyadda ka saarin. Wuxuu kala garan waayay habeen iyo dharaar.

Markii dabayshu baaba’day, doontii Yoonis Maskiin waa ay burburtay, baalasheeddiina waa ay jajabeen, shiraaciina waa uu gogo’ay, iyo iyada oo isku soo noqnoqotay. Badduna hoos bay u dhacday, laakiin ceeryaamadii ayaa qarisay dhinac walba, iskuna ooday. Muddo wuxuu adkaystaba biyihii ayaa ka dhamaaday, wuxuu ku qalajistaa bishimihiisa wixii ku soo duulduula. Kadibna, ceeryaamadii ayaa iska tagtay, Yoonis Maskiin wuxuu ku xoog beelay Jasiirad. Markii uu ku soo dhawaaday, wuxuu yimid dhul ciid badan, buurana leh oo ay qarisay khudrad faro badan.

Hirarkii ayaa soo qaaday, wuxuu soo dhexmaray dhagxaan aan hoosta u dheerayn. Wuxuu goobtii kaga tagay xirfadiisii. Yoonis wuxuu dabaal ku yimid xeebta. Markiibana wuxuu helay raashin; cunto uu quuto, moos iyo khudrad kale gedisan oo macaan, kuwaasoo ka baxa dhanka xeebta, lehna cimiladda qoyan. Markii xoogiisii dib u soo noqday Yoonis wuxuu dereemay kelinimo, inkastoo uu ku faraxsan yahay in uu nool yahay, haddana aad buu dareenkiisu u kacsan yahay. Markiiba wuxuu u dhaqaaqay in uu wax ka ogaado dhulkan ciidda cad, uuna baadigoobo jasiiraddan qalaad ee uu ku cusub yahay.

“Dad noocma ayaa halkan ku nool?” ayuu iswaydiiyay. “Ma noqonayaan dad furfuran, oo la-af garan karo ama aan la-af garanayn? Waa hagaag, si kastaba ha ahaatee kan ma’aha mid fahmo daran!”

Halgankii Yoonis Maskiin

Taxanihii Suuqa Madax Bannaan
Ken Shuulan
Daabacaaddii Saddexaad, 2001

Farshaxankii Randal Lafaariyas
Waxaa Af-Soomaali u tarjumay Faysal Axmed Xasan

Daabacaaddii Waxbarashada ee Ganacsatada Yaryar ee Hawaa’ii.

Waxa uu buuggani ku guulaystay billad sharaftii Joorj Waashinton taasoo ka timid xoriyadoonka Faali Fooj, sannadkii 1990, ee Dhaqaalaha iyo Isgaarsiinta Dadwaynaha

Gabadhayda Kenli, iyo inta ay isku filka yihiin, kuwaas oo buuggan loo qoray.

Waxaana lagu daabacay in ka badan labaatan luuqadood: Ingiriiska, Dhajka, Luutiiniyaanka, Noorwiijiyaanka, Roomaaniyaanka, Ruushka, Seerbiyaanka, Korooweeshiyaanka, Maaseedooniyaanka, Isloofiiniyaanka, Jarmalka, Isbaanishka, Baaluuwiyaanka, Shiinaha, Albaaniyaanka, Laatfiiniyaanka, Hangaariyaanka, Talyaaniga, Roomaanoo, Jeeka, Jabaaniiska, iyo Boolishka.

Xuquuqda qoraalka (C) 1981 , 1987 & 1995, 2001,

Qore: Ken Shuulan, schoollak001@hawaii.rr.com, waxaana tarjumay: Faysal Axmed Xasan, hassan_faisal@hotmail.com.

Kii ugu horeeyayna waxaa la daabacay sannadkii 1988. Kiisii labaadna waxaa la daabacay sannadkii 1995. Farshaxanka iyo jaldiga buuggan waxaa alifay xuquuqda 1988, 1995 iyo 2001 u dhawrsantahay shirkadda Ganacsatada Yaryar ee Hawaa’ii. Waxaa lagu daabacay Honoluulu, Hawaa’ii, Isutagga Mareykanka.

Buuggan ama qaybaha ka tirsan dib looma daabici karo, sinama qaybihiisa looma soo saari karo, noocna ama lama dhigan karo, iyadoon oggolaasho laga helin qoraaga buugga, Ken Shuulan. Waxaa tarjumay Faysal Axmed Xasan.

Waxaa daabacay ganacsatada Yaryar ee Hawaa’ii, Dabaqa Shirkadda Hawaa’ii Kai, 6600 Waddada Kalanianaole, Guriga 212, Honoluulu, Hawaa’ii, 96825, Mareykanka, (808) 396-1724 Teleefoonka, (808) 396-1726 Faakis iimayl: sbh@lava.net, bogga: www.smallbusinesshawaii.org

ISBN 0-9623467-1-3

Waxaa daabacay Edwaad Enterprise.

Halgankii Yoonis Maskiin: Taxanihii Suuqa Madax Bannaan.

Tusmada Buugga
1 Duufaankii Waynaa
Yoonis waxa uu u ambabaxay badwaynta, markabkiisiina waxa uu ku caariyey Jasiirad uusan horay u arag.

2 Dhib Abuurayaal
Yoonis waxa uu ka jawaabayaa oohintii hawaynayda oo ay caawimaadda ku rabtay.

3 Shamacyo iyo Koodhadh
Yoonis waxa uu baranayaa mamnuucidda iftiinka qorraxda.

4 Askarta Cuntada
Haweeneey iyo caruurteedii oo sheegaya sheeko oohin leh.

5 Sheeko Kalluun Oon Caadi Ahayn
Nin kaluumaysta ah oo la qaybsanaya kalluunkiisa yar ee uu soo dabtay.

6 Marka Aqalku Uusan Ahayn Hooy
Yoonis waxa uu daawanayaa burburinta aqallada wanaagsan ee Booliqaran.

7 Labadii Carwo Ee Xayawaanka
Dayrkii mataanka ahaa ee beeshu samaysteen waxa ay Yoonis ka dhigtay mid aan aad u dabacsanayn.

8 Shaqaysanayaa Lacag
Yoonis waxa uu baadigoobayaa daabacaad aad muhiim u ah.

9 Mashiinkii Riyada
Sanduug layaab leh oo dhaliyay mushkilooyin iyo xidhitaankii warshadda.

10 Iibinta Awoodda
Marwo Ashkira waxa ay ku hanuuninaysaa Yoonis in uu ka qaybqaato Siyaasadda.

11 Hadhacaan Rayiislayaasha Kulmista ah
Yoonis waxa uu baranayaa cabsida dhabta ah ee ay keentay kororka dambiyada.

12 Dagaaladii Maktabadaha
Nin iyo naag ku dagaalamaya qiimaha buugaagta.

13 Waxba Ma’ahan
Bakhtiyanasiib xalinaya dhibaatooyinka naqshadeeyaha.

14 Danta Gaarka Ah
Yoonis waxa uu arkay dabaal dag ciyaareed oo xiisa geliyay dhamaan ciyaartooyda.

15 Adeer Samta
Yoonis waxa uu soo ogaaday micnigga cusub ee dhaqankii hore.

16 Diin iyo Bakayle Dib loo booqday
Ayeeyadii sheekadeedu aan sidaas caanka u ahayn.

17 Guddiga Dheefshiidka
Yoonis waxaa looga dhigay madaxa nafaqooyinka.

18 “Waxaad Isiisaa Waxaad Soo Dhaaftay Ama Mustaqbalkaaga!”
Tuug ayaa ka xaday Yoonis lacagtiisii waxa uuna ugu deeqay talo.

19 Dawladaha Iyo Suuqa Ganacsiga
Caanooleey ka sheekaynaya ka qayb qaadashada xulashada dawladda.

20 Xirfadda Adduunka Ugu Da’da Wayn
Shisheeye u akhrinaya Yoonis mustaqbalkiisa.

21 Soosaaridda Kabaha Dusha Ka Xiran—Buudhka
Shaqaale dawladeed oo qabtay shir isgaarsiineed soona bandhigay barnaamijka cusub ee kabaha.

22 Sacab Garaacayaasha
Qabanqaabiye ayaa waraysanaya madaxa doorashada iyo hogaamiye xisbi siyaasadeed.

23 Iyadoo Loo Eegayo Baahida
Yoonis waxa uu fiirinayaa qalin jabin iskuul iyo tartankii macsalaamaynta.

24 Mushaaharadii Dambiilayaasha
Kooxo dib uga xumaaday dhibabka shaqooyinkoodu gaysteen.

25 Khiyaamo ama Macaamilid
Dadka waayeelka ah oo aad uga caawday khiyaamooyinka lacagtooda hawl gabnimo.

26 Kuma Ayeey Ka Timid Fikraddan Aadka u Wacan?
Sharciyaqaano ka wada hadlaya sidii ay u noqon lahaayeen taajiriin iyaga oo isticmaalaya firkadahooda.

27 Cakis ah
Yoonis oo askartii u akhrinayaan waxa toosan iyo waxa qal- loocan.

28 Faraxsan
Yoonis oo ka badbaaday dabin waxa uuna baranayaa cashar caafimaad.

29 Baadigoobkii Weynaa
Wadaad madax sare ah ayaa sharaxaya micnaha xorriyadda, mas’uuliyadda, iyo qalbiga wacan.

30 Sharciyada Feeryahannada Guuldaraysta
Yoonis waxa uu la kulmay dad khamaar u dhigtay ciyaarta feedhka.

31 Aaminsan
Cod bixiye taageersan ayaa sharaxaya micnaha adeec- sanaantu leedahay.

32 Canshuuriddii Dhererka
Kuwa dhererka dhaadheer ayaa lagu soo rogay baaq cusub oo shumuc.

33 Soo Galootiga Cusub
Shaqaalaha ajaanibka ah ayaa la ogaaday markaasaa la saaray.

34 Dacwo Maxkamadeed
Yoonis waxa uu baranayaa daruus ku saabsan waxyaabaha mas’uuliyaddiisu tahay.

35 Mabaadii’
Dhakhtar ayaa sharaxaya muhiimada ay noloshu u leedahay shaqsiga.

36 Aqallada Hortooda
Haweeneey dhalinyara ah ayaa ka hadashay walwalka ay ka qabto aqallada.

37 Qawleysatada Dimoqraadiyadda
Koox baqdin ku jirto ayaa la kulmay Yoonis, Yoonis Maskiina dib ayuu isugu gurtay isaga oo tagay meel yara koraysa.

38 Shimbir cunis badan, Dawarsadayaal, Ragga wax khiyaameeya, iyo Boqorrada
Yoonis rajo xumo ayuu kala kulmay qalbiyada foosha xun.

39 Iftiinka Xorriyadda
Yoonis waxa uu baadigoobayaa dhulka xorriyada dhabta ah ka jirto.

Gunaanad
Su’aalaha Tuducyada
Mahadcelin
Faallo ka Bixin
Mahadcelinta Turjumaha
Luqadaha kala duwan ee lagu daabacay