Qoobkii ku dillaacay Boskar dagaalka, hore ayuu ugu bogsan waayey. Labada maalmood ee la dabbaal degayey goortii ay dhammaadeen, markiiba waxa dib loo bilaabay dhismaha Wershedda Dabaylsha ee la dumiyey. Boskarna waxa lagu kari waayey in uu ka nasto shaqada maalin keli ah. Waxa jirtey in uu hoos ahaan ugu talshaday, in xanuunka hayaa aanu sina uga muuqan. Habeennimadii buu hoos ahaan u qiran jirey Koloofar in qoobku aad u dhibayo. Iyadaana qoobka ugu daweyn jirtey dhir ay calalisay. Iyada iyo Benjaminba, si doodii bay had iyo jeer Boskar ugu waaninayeen in uu u tudho naf tiisa oo iska dhimo shaqada faraha badan. “Waar hoy Boskarow”, baa Koloofar ku tidhi, “ogoow, sanbabbada farduhu ma waaraane.” Boskarse dhegba waa u dhig waayey waanooyin kaas la siiyey. Sida uu Koloofar u sheegeyna, sheyga keli ah ee uu higsanayeyba waxa uu ahaa in uu arko hawlsha dhismaha oo si fiican isugu dubba dhacday, inta aanu ka fadhiisan shaqada.
Berigii hore ee la dhigay sharciyada beerta, waxa la isla gartay in fardaha iyo doofaarradu kaga fadhiistaan shaqada laba-iyo- toban-jirka, lo’du saddex-iyo-toban-jirka, eydu sagaal-jirka, iduhu toddoba-jirka, haadkuna goorta ay shan-jirsadaan. Waxa kale oo beri gaas lagu heshiiyey in xayawaanka ka fadhiista hawlsha la siiyo xaq wanaagsan oo ay ku noolaadaan. Imminka oo la gartay in heed lagu beero jeexxii hore loogu tala galay in xayawaanka waayeelaa ku nastaan, waxa la isla dhex marayey in, xayawaan kaas, loo xidhi doono beerta weyn ee daaqqa geftin keeda. Xaqqa fardaha gabooba la siin doonaa, baa la yidhi, waxa uu noqon doonaa shan rodol oo galley ah, jiilaalkana shan iyo toban rodol oo caws ah, iyada oo maalmaha ciidaha loogu dari doono midh dabacase ah, ama midh tufaax ah, haddii si daasi suurowdo. Boskarna waxa uu laba-iyo-toban-jirsanayey xagaaga soo socdey dabayaaqa diisa.
Arrimaha oo si daas ah, ayaa weliba nololshu sidii hore ka sii adkaatay. Jiilaalka ay ku jireenna waxa uu ahaa mid ka qabow jiilaalkii hore; cuntaduna si deedii hore waa ka sii yaraatay oo mar kale ayaa, doofaarrada iyo eyda mooyaane, xayawaanka kale oo dhan laga dhimay. Iskuwiilar oo dhimista cuntada u sharxayey xayawaanka waxa uu caddeeyey in cuntada oo laga sinnaadaa ka soo hor jeeddo Mabaadi’da Xayawaannimada. Haba yaraatee, wax dhibaato ahna, kalama uu kulmin si uu xayawaanka uga raarido in cunto yaraatay aanay jirin, muuqqa guud si kasta ha u ekaadee. Cuntada oo imminka dib loo qaybiyey, sida Iskuwiilar yidhi, wax laga fursan waayey bay noqotay. Goor kasta oo uu soo qaadqaado arrin taas, waxa uu had iyo jeer ka hadlayey cuntada oo qayb teeda dib loogu noqday, ee marna afka ma uu soo marin cuntada la dhimay. Waxa uu weliba in taas ku daray in cuntada imminka la helaa weli aad uga badan tahay intii la heli jirey waagii Joonis. Isaga oo ku boobaya, cod kiisii xumaana ku akhriyaya, ayuu bartii si tifa tiran ugu caddeeyey xayawaanka in ay ka helaan jaad kasta oo cunto ah in ka badan intii ay heli jireen waqtiyadii Joonis; in saacadaha ay shaqeeyaan ka gaaban yihiin kuwii ay hore shaqeyn jireen; in biyaha ay cabbaan ka wanaagsan yihiin kuwii ay hore u cabbi jireen; in gedafilasha doodu korodhdhay oo imminka ay noolaadaan waqti ka dheer kii hore; in dhallaankii saqiiri jirey ka yaraaday intii hore oo imminka carruur intii hore ka badani u kacdo, una barbaarto; in cawska ay xeryaha ku gogladaan ka badan yahay kii hore u goglanaan jirey; iyo, in dhibiijadu ka yaraatay sidii hore. Erey kasta oo ka soo baxay af kiisa, si diisii baa xayawaanku ku leqeen. Runta haddii la sheegose, Joonis iyo waxa uu u taagnaaba waa ka sii baaba’ayeen xayawaanka xusuus tooda. Xaaladda ay maanta ku sugnaayeen ayuun bay aad u ogaayeen, taas oo ahayd mid adag oo wanaag oo dhan ka arradan. Nololsha ay maanta noolaayeen waxa ay ahayd mid ay badanaaba gaajoonayeen, badanaaba dhaxamoonayeen; marka aanay hurdinna mid ay ku foognaayeen hawl. Hase yeelshee, “Shaki kuma jiro”, ayay is- yidhaahdeen, “in xaalku si dan ka sii liidan jirey.” Si daas in ay rumeystaan aad bay u jeclaayeen oo samirsiis bay u noqotay. Waxa kale oo aan la dhayalsan kareyn in ay berigii hore ahaayeen
addoon la leeyahay. Imminkase ay noqdeen xor madax bannaan. Taas ayaa ahayd arrin aan waxba la barbar dhig kareyn, sida Iskuwiilarba aanu marna u seegin sheegid deeda.
Xayawaanka beerta fara hoodii hore waxaa ku soo kordhay afaf badan oo cusub, kuwaas oo u baahday in la daryeelo. Waxaana jirtey in afartii doofaarradood ee beerta joogey mar wada dhaleen kow iyo soddon hal oo wada mudhuxsan. In meel dheer laga doono meelsha uu ka soo jeedey isir koodu looma baahnayn kol haddii Naabooliyoon ahaa qoodhdha keli ah ee doofaarrada ku jirey. Markii ay dhalsheen doofaarra daas yaryari, waxa lagu dhawaaqay in loo dhisi doono dugsi goorta la soo gado leben iyo qori.
Intii aan loo dhisin dugsiga, Naabooliyoon qudh dhiisa baa ku sii siin jirey casharrada madbakha guriga. Beer yar oo guriga gaar u ahaydna way ku cayaari jireen. Waxaana laga waaniyey in ay dhex galaan xayawaanka kale ee fil kooda ah. Isla berya haas ayaa la soo rogay sharci waajib ka dhigaya in xayawaanka kale barbar isu taago goorta doofaar iyo xayawaan kale ku kulmaan jid. Sharci gaas waxa weheliyey mid kale oo doofaarrada u banneeyey in ay dibka ku xidhtaan boqor cagaaran maalmaha Axadaha.
Si iska ladan baa Beerta Xayawaanku u baxday sannad kaas, in kasta oo weli lacagtu ku yarayd, waxyaalo badanna ay u baahnaayeen. Waxa ay u baahnaayeen in leben, niis iyo nuurad loo soo gado dugsiga doofaarrada, in kayd loo sii dhigo qalabka dhismaha Wersheda Dabaylsha la dhigi doono; iyada oo weliba ay sii dheeraayeen gaasta iyo shamacca guriga doofaarrada, iyo sonkorta uu u baahnaa miiska Naabooliyoon. Sonkortu waxa ay sed gaar ah u ahayd Naabooliyoon; doofaarrada kale oo dhanna wuu ka hiray isaga oo ku yidhi, “si xun baydin ugu naaxi doontaan, haddii aydin isticmaalshaan sonkorta.” In taas waxa weheliyey alaabta had iyo jeer loo baahnaa, sida: masaabiirta, xadhkaha, dhuxulsha, xasawda, birta, iyo eyda buskud keeda. Si daas dar teed ayaa loo gaday xidhmo caws ah iyo qayb ka mid ah baradhdhadii baxday sannad kaas. Qandaraaskii ukuntana waxa laga dhigay lix boqol toddobaad kiiba. Si daas ayaa digaaggiiba ku sigteen in tira doodu is-dhinto, iska daa taran ay tarmaane. Cuntada la dhimay bilsha Diisembar baa, haddana mar kale la dhimay bilsha Feebarwari. Faynuusyadii oolli jirey xeryaha xayawaanka, iyana waa la xaaraantimeeyey, si loo madhaxsado gaasta. Cidhiidhi gaas oo jirey, ayaa haddaba waxa muuqdey in doofaarradu ku jireen raaxeysi deeqay. Maalinba maalinta ka danbeysana way sii naaxayeen. Bilsha Feebarwari dabayaaqa deeda, ayaa xayawaanku uriyeen udug wax la mid ah aanay hore u urin. Kooda uriyeyba, sanka ayuu la sii raacay, isaga oo xusuustay xiisaha uu u qabo cunto. Uduggu waxa uu kaga yimi guri ka shisheeyey madbakhkha guriga doofaarrada, oo hore loogu tala galay in khamriga lagu sameeyo, hase yeelshee, aan Joonis isticmaali jirin. Xayawaanka mid kood baa udugga ku maleeyey heed la karinayo; sidii ay u dhammaayeenna, sanka ayay la wada raaceen udugga ay siddey dabaylshu iyaga oo is- leh, “Tolow ma soor diirran baa caawa la idiinku sameynayaa casho!” Hase yeelshee, soor diirranna ma ay arkin. Axaddii u soo horreyseyna waxa lagu dhawaaqay in doofaarrada keli good isticmaali doonaan heedda. Meel ka shisheysey beerta tufaaxxana, durba heed baa lagu beer ay. Isla waqti gaas ayaa la xansaday in si joogto ah doofaar kasta loo raaciyo cuntada bakeeri weyn oo biire ah. Naabooliyoon oo isagu nus-galaan qaadan jirey, waxa uu ku shuban jirey maddiibad weyn oo reer Joonis sannadkiiba mar ku shuban jireen maraqqa.
In kasta oo dhibaatooyin haysteen xayawaanka, haddana waxa samirsiinayey xaqiiqda ah nolol shooda oo maanta ka sharaf rooneyd nolol shoodii hore. Heeso, khudbado iyo bannaanbaxyo intii hore ka badan, maanta way haysteen.
Naabooliyoonna, amar buu ku bixiyey in toddobaadkiiba mar la sameeyo wax uu ku magcaabay “Bannaanbaxxa Is-kiisa U Yimaadda”, ujeedda diisuna tahay in loo dabbaal dego halganka Beerta Xayawaanku soo martay iyo guulaha ay gaadhdhay. Bannaanbaxxa waqti giisa goorta la joogo ayaa xayawaanku hal keeda kaga dhaqaaqi jireen shaqada, kuna meereysan jireen soohdinta beerta, iyaga oo qoobjac leh oo doofaarradu ku jiraan safka horraan tiisa. Fardaha, lo’da, idaha, iyo haadka oo si daas u kala horreeyey, doofaarrada ayay daba joogeen. Eyduna baallaha ayay ka raaci jirtey safka. Dhammaan toodna waxa hor kacayey diiggii madoobaa ee Naabooliyoon. Mar kasta oo bannaanbax la sameeyo, Boskar iyo Koloofar waxa ay wadajir u qaadi jireen calan cagaaran oo ay ku sawireen qoob iyo gees, laguna qoray ‘Jaalle Naabooliyoon Ha Noolaado’. In taasi marka ay dhacdo ayaa la tirin jirey gabayyo lagu maamuusayo Naabooliyoon; Iskuwiilarna waxa uu akhriyi jirey khudbad uu ku faahfaahinayo waxyaalihii u danbeeyey ee soo-saaridda cuntada ku kordhay. Marmarna xabbad-xabbad rasaas ah ayaaba la ridi jirey. Bannaan-baxyada kolka ay timaaddo, waxa la arkay in iduhu ugu hanuunsanaayeen xayawaanka oo dhan. Haddii xayawaanka mid ka mid ahi gunuuso, taas oo dhaci jirtey marka aan doofaarrada iyo eydu ka dhoweyn meelsha, oo Bannaanbaxxa ku tilmaamo waqti-lumis, amaba yidhaahdo, “Alla dhaxan weynaa”, hubaal waxa ahaa in iduhu aammusinayeen inta ay kaga dayyaamiyaan bacaacdooda ‘Samaa Afar Lugood, Xumaa Laba Lugood’. Guud ahaan hadii loo eegose, aad baa xayawaanku ugu bogeen bannaanbaxyada, oo waxa ay ku diirsadeen xusuusin taas la xusuusiyey in iyagu is-xukumaan oo hawlaha ay qabtaan dheef tooda iyagu iska leeyihiin. In badanna, caloola hooda madhan bay isku illowsiiyeen heesaha la qaadayey, safsafka loo socdey, warbixinta Iskuwiillar, dayyaanka rasaasta, qalaadka diigga iyo biligbiligta calanka.
Bilsha Abril goortii la joogey ayaa lagu dhawaaqay in Beerta Xayawaanku noqotay Jamhuuriyad. Si daas ayaa loogu baahday in Madaxweyne la doorto. Naabooliyoon keli giis baa isu soo taagay jaga daas. Isagana sacab baa lagu doortay. Maalin taas qudh dheeda ayaa daaha laga qaaday in la helay waraaqo cusub oo muujinaya in Isnoobool weli giisba la soo safnaa Joonis. Sida warar kaas cusubi sheegeen. Isnoobool si aan gabbasho lahayn buu uga soo jeedey dhinacca Joonis, isaga oo hoggaaminayey colka Bani-aadmiga ee ku soo duulay beerta. Si daas markii uu yeelay, ayaa warka cusubi yidhi, buu weliba ku qayliyey ‘Bani- aadmigu Ha Noolaado’. Warku waxa uu in taas ku daray in arrintu aanay ahayn sida xayawaanku is-moodsiiyeen ee ahayd in uu xayawaanka u dhigay xeel xun oo dagaal, si xayawaanka loo jebiyo. Dhaawacyadii ku gaadhay Isnoobool dagaalka, oo xayawaanka qaar kood weli sii xusuusnaayeen, waxa warka cusubi ku fasiray in ay ahaayeen qaniinyadii ay gaadhsiiyeen ilkaha Naabooliyoon.
Xagaaga badhtama hiisa markii la joogey ayaa coomaaddihii Moosis, si lama-filaan ah, ugu soo laabtay beerta isaga oo maqnaa dhawr sannadood, hase yeelshee, muuq qiisa aan waxba iska doorin. Si diisii buu weli uga hadlayey Buurta Sonkor-nacnac, isaga oo wax hawl ah aan qaban. Inta uu udub kiisa fuulo oo baalalka ka bafbafsiiyo ayuu saacado iska dhan wacdi u qaban jirey dabada, cid kasta oo dhegta u dhigta. Caadona waxa u ahaa in uu yidhaahdo, isaga oo si aan dheeldheel ku jirin u tilmaamaya samada:
“Meel dul sheenna ah Jaallayaal, meel dul sheenna ah oo daruur taas madow ee aydin aragtaan kaga naban dhinacca shishe, ayay tahay Buurta Sonkor-nacnac iyo dhul keeda lagu badhaadhay. Hal kaas ayaynnu, si waarta, kaga nasan doonnaa hawlaha inna dhabar jebiyey, xayawaanka saboolka ah haddii aynnu nahay.”
Hadal-tiradiina waxa ay la gaadhdhay in uu ku doodo in uu booqday Buurta Sonkor-nacnac, mar uu si baas u cir baxay. Hal kaas, sida uu yidhi, waxa uu ku arkay beero aan goosasha doodu waqti lahayn oo midho iyo sonkori ka dhex baxaan oodaha lagu kala qoqobay beeraha. Xayawaanku sida ay u badnaayeen, way rumeysteen waxyaala haas Moosis ka sheekeeyey. “Caddaalad iyo xaq haddii ay jiraan”, ayay is-yidhaahdeen, “waa in ay jirto nolol danbe oo ka sidata tan macaluulsha iyo lurka leh ee aydin maanta ku nool shihiin.” Arrinta la saari waayeyse waxa ay ahayd meelsha doofaarradu ka taagnaayeen Moosis iyo wacdi giisa. Doofaarradu sida ay u dhammaayeen way wada quudhsadeen waxyaala haas Moosis sheegayey; waxayna ku tilmaameen been aan waxba ka jirin. Iyaga oo si daas yeelay, ayay haddana Moosis u oggolaayeen in uu joogo beerta isaga oo waxba aan qaban. Maalin kastana waxa ay u qoreen cantuugo biire ah.
Boskar oo qoobku u bogsaday mar kaas, markiiba waxa uu ku dhaqaaqay hawlshii uu hore u qaban jirey mid ka sii daran. Dhammaan toodna, addoon si deeda ayay u lurtoodeen. Hawlsha joogtada ahayd ee beerta, waxa u sii dheeraa dhismaha dib loo dhisayey iyo dugsiga doofaarrada yaryar oo bilsha Maarj la bilaabay. Saacadaha faraha badan ee la shaqeynayey iyo cuntada oo cidna aan ku filneyn, labaduba waxay noqdeen kadeed ay u adkeysan kari waayeen xayawaanku. Boskar oo keli ah baan marna liicin oo qowl kiisa iyo ficil kiisa midna aan laga dareemin in laxaad kiisu iska dhimay sidii uu ahaan jirey. Hase yeelshee, muuq qiisa baa yara doorsoomay oo saan tiisa ayaan si deedii hore u dhalaal badneyn; miska hiisii laxaadka weynaana in ay soo kogeen baa la moodayey. “Gugaa Boskar naaxi doonaa”, baa xayawaanku is-yidhaahdeen. Gugii ay sheegeen waa soo galay, Boskarse ma naaxin. Marmarka qaar kood oo muruqyadu la tigmayeen culeyska dhadhdhaabaha uu ka soo saarayey tiirada, cidda aragtaaba waxa ay is-odhan lahayd, “niyad-adeyg giisa ayaa u aasay dhaadadka.” Hadalba marka uu ka soo bixi waayona, waxa la arkayey faruurya hiisa oo la dhaqdhaqaaqaya, “Si dan si ka daran baan u shaqeyn doonaa.” Koloofar iyo Benjamin markii ay arkeen xaalka uu ku sugan yahay, bay mar kale ku waaniyeen in uu is-badbaadiyo. Dhegse uma uu dhigin. Dharaartii uu laba-iyo-toban-jirsan lahaana waa soo dhoweyd, oo ujeeddada keli ah ee uu lahaaba waxa ay ahayd in uu sii tuuro dhagax ku filnaada dhismaha, inta aanu ka fadhiisan shaqada.
Habeen ahaa xagaa gaas oo waqtigu yahay caweysin, ayay beerta ku fidday nuxnux sheegtay in shil ku dhacay Boskar. Boskar mar kaas waa ka maqnaa guryaha oo waqti hore ayuu sii aaday meelshii laga dhisayey dhismaha si uu u sii jiido rar dhagax ah. Nuxnuxdiina waxay dhabowday markii laba qoolley oo xameysani ku soo degeen beerta. Halkii waxay kaga warrameen in Boskar kufay oo barbarkii uu u dhacay iska loodin kari waayey!.
Hal kaas ayaa xayawaanka kala-badh-oo-badh dhagac u yidhaahdeenkurtii dhismuhu ahaa. Meelsha markii ay gaadheen, waxay arkeen Boskar oo dhulka yaal oo ku dhex jira labadii qori ee gaadhiga, luquntuna hore u soo fidsan tahay oo awoodi kari la’ in uu is-dhaqaajiyo, madaxxa oo uu kor u qaadona ha ahaatee; sararaha dhidid buuxiyey, afkana dhiig ka dareerayo. Sida uu yahay markii ay aragtay ayaa Koloofar jilbaha ugu dhacday barbar kiisa iyada oo barooraneysa oo ku tidhi: “Boskarow, iska warran?”
Boskar oo hadalba ka soo bixi la’ yahay baa u jawaabay oo yidhi, “sanbabka ayaa la iga haya. Waxbase ma aha oo waxa aan hubaa in aydin la’aan tayda qabya tiri kartaan dhismaha Wershedda Dabaylsha oo dhagax ku filan aan u dhigay. Sida aad og tahayna, kolleyba waan ka fadhiisan lahaa shaqada oo waqtigiiba waxa iiga hadhay bil qudha ah. Runta haddii aan kuu sheego, aad baan u sugayey dharaarta aan ka fadhiisan doono shaqada. Benjamin qudh dhiisu waa kan gaboobaya ee waxa aan rajeynayaa in doofaarradu u oggolaadaan in uu ka fadhiisto shaqada si aannu isu wehelshanno.”
In taas markii uu yidhi ayaa Koloofar ku jeesatay xayawaanka oo ku tidhi, “Waa in la innoo soo ciidamiyaa ee mid kiinow durduri oo u soo sheeg Iskuwiilar shilka dhacay.”
Xayawaankii oo isku duuban baa mar kaas dib ugu yaacay beerta si ay u war geliyaan Iskuwiilar. Koloofar iyo, Benjamin oo aanu ka soo bixin erey keli ahi, dib kiisana, Boskar kaga eryaya duqsiga, baan ka ag tegin Boskar. Rubuc-saace daba deedna, waxa yimi Iskuwiilar oo iska oohinaya, lana fatahaya sida uu uga xun yahay waxa dhacay. In Jaalle Naabooliyoon aad u tiiraanyooday markii uu ogaaday dhiilla daas ku timi shaqaalaha beerta koodii u daacadsanaa, halkii buu ka sheegay. Waxa uu weliba in taas raaciyey in Jaalle Naabooliyoon durba gacanta saaray sidii Boskar loogu daweyn lahaa cusbataalka magaalada. Hase yeelshee, war kaas ayaa markiiba qoonsimaad geliyey xayawaanka. Waxa ay wada ogsoonaayeen in aanu jirin xayawaan, aan ahayn Moolli iyo Isnoobool oo, weligii debedda uga baxay beerta. Mid deeda kalena, waxay jecleysan waayeen jaalla hooda bukaanka ah oo u gacan gala Bani-aadmi. Hase yeelshee, Iskuwiilar oo sina aan ugu dhibtoon baa u caqli celiyey oo ku qanciyey in dhakhtarka xooluhu u daweyn doono si dooda si ka wanaagsan. Nusa-saace daba deedna, Boskar baa sidii hore ka soo ladnaaday oo xeradii u sii tukubay, hal kaas oo Koloofar iyo Benjamin u sii gogleen caws.
Si daas ayaa Boskar ugu negaaday xera diisa labadii maalmood ee ka danbeeyey maalinta uu kufay. Doofaarraduna waxa ay u soo direen daawo ay ka heleen kabadh yiil xammaamka oo reer Joonis ku ridan jirey dawooyinka. Dawa daas ayaa Koloofar siin jirtey Boskar goorta uu cunteeyo. Habeennimadiina xera diisa ayay la jiifsan jirtey, iyada oo u sheekeeneysa, Benjaminna ka eryayo duqsiga. Hal kaas ayaa Boskar, laba dooda ugu sheegay sida aanu uga xumayn waxa dhacay. Qummaati haddii uu u bogsadona, waxa uu filayey in uu noolaado saddex sannadood oo kale, ku waas oo si xiisa leh uu u sugayey. Sida uu yidhi, waxa uu filayey in uu ku nasto saddex daas sannadood beerta loo xidhay xayawaanka da’ooba. Waxa uu ku tilmaamay in saddex daas sannadood noqon doonaan goortii u horreysey ee uu u fara baxsanaado waxbarasho iyo maskax diisa oo hore uu u mariyo. Sida uu yidhi, waxa uu damacsanaa in uu u huro, nolol shiisa inta ka hadhdhay, barashada laba iyo labaatanka xaraf ee uga dhinnayd higgaadda.
Koloofar iyo Benjamin waxa ay la joogi karayeen Boskar goorta aan shaqo jirin oo keli ah. Maalin-saddexaaddii, qorraxda oo kugta joogta, ayaa gaadhi daboolani yimi beerta si uu u qaado Boskar. Xayawaanku, mar kaas hawl bay ku maqnaayeen oo beeraha ayay ka gurayeen haramada, iyaga oo doofaarradu ka ilaalinayaan dulsha. Si daas, iyaga oo u shaqeynaya, ayaa xayawaanku mar keli ah ku war heleen lana yaabeen, markii ay arkeen Benjamin oo ka soo garmaameynaya barbarkii ay ka xigeen guryaha beertu, isaga oo u madaaraya si aan hore loo maqlin. Taas ayaa xayawaanka gelisay fajac; maxaa yeelay, waaba isaga oo weyraxsan oo la arkaaye, waxa ay ahayd markii u horreysey ee xayawaanku arkay Benjamin oo si daas oo kale u orda. Qayla-roorka markii uu kula soo dhex dhacay xayawaanka buu ku yidhi, “Dhakhsada! Dhakhsada oo ka soo kaca, Boskar bay fogeynayaane! Amarba iyaga oo aan ka sugin doofaarrada, ayaa xayawaanku dhagac u yidhaahdeen guryaha beerta. Warkii Benjamin sheegeyna dhab buu ahaa oo qolqoka guryaha ayay ku arkeen gaadhi daboolan oo laba faras jiidayaan. Gaadhi gaas oo dhinacyada wax kaga qornaayeen waxa wadey nin galshan koofiyad gaaban oo khaa’innimo kaga dhigan tahay wejiga. Xerada Boskarna waa madhneyd.
Xerada madhan markii ay arkeen, ayaa xayawaanku ku xoomeen gaadhiga, iyaga oo cir kaas ka qaylinaya oo leh, “Nabadgelyo! Boskarow Nabadgelyo!”
Benjamin oo ku wareegaaleysanaya xayawaanka, qoobab kiisa yaryarna ku garaacaya dhulka, ayaa mar kaas qaylo dheer ka kacay oo yidhi, “Doqommada daya! Doqommayohow malaha ma aragtaan waxa dhinacca kaga qoran gaadhiga?”
Xayawaankii inta ay wada hogteen bay shib wada yidhaahdeen. Muureel baa kol kaas isku dayday in ay higgaadiso ereyyadii ku qornaa gaadhiga. Hase yeelshee, Benjamin baa ga’ga’deeda dhinac isaga riixay. Iyada oo sidii loo wada aammusan yahay, buuu mar kaas u akhriyey xayawaanka waxxii ku qornaa gaadhiga. Wuxuuna kor u yidhi:
“Alfred Simmonds, Farda-qale, xabag ka sameeya qoobabka iyo qanjaafilaha oo deggan magaalada Wellindhon; isla mar kaasna ah ganacsade saamaha iyo cuntada laga sameeyo lafaha.” Malaha ma garaneysaan ereyya daas macna hoodu waxa uu yahay? Aanba idiin sheego, ee Boskar bay u dirayaan Farda-qalaha!”
War kaas markii ay maqleen baa xayawaanku naxdin isla haysan kari waayeen oo qaylo ka kaceen. Ninkii gaadhiga wadeyna mar kaas ayuu laba diisii faras, inta uu jeedal ku dhuftay, kadle ku dhaqaajiyey. Xayawaankiina, gaadhigii bay daba jabsadeen iyaga oo cir kaas ka qaylinaya. Koloofar, inta ay xayawaankii oo dhan soo jiidhdhay bay horraanta soo galshay. Gaadhiga oo orodka ka sii kordhiyey intii hore, markii ay is-tidhi gaadh, shileys keedii baa u suura gelin waayey in ay afar qaaddo. Inta ay gaadhiga daba ordeysey oo dhan waxa ay ku qaylineysey oo lahayd:
“Boskarow! Boskarow! Boskarow ka soo bax meelsha! Degdeg uga soo bax! Geeridaada bay kuu wadaane!”
Boskar oo aad moodeysey inuu mar kaas maqlay sawaxanka debedda ka baxaya, baa food diisa iyo san kiisa laga arkay daaqad yar oo gaadhigu ku lahaa xagga danbe.
Xayawaanka oo qabsaday muusannowgii Koloofar, iyana waxa ay ku wada qayliyeen, “Boskarow! Meelsha ka soo bax! Degdeg uga soo bax!” Si kasta xayawaanku ha u cabaadeen, ee orod baa u sii kordhayey gaadhiga mar kasta, marba marka ka sii danbeysana xayawaanka ayuu ka sii durkayey. Weliba si daas ayaan xayawaanku u hubin in Boskar maqlay iyo in kale. Hase yeelshee, muddo yar daba deed, inta wejigii Boskar ka libdhay daaqaddi uu soo taagnaa, ayaa xayawaanku ka maqleen gaadhiga guda hiisa qoobabka Boskar digdig tooda, isaga oo is-leh gaadhigaba burburi oo meelsha ka bax.
Waxa jirey beri uu gaadhiga u burburin lahaa qolof kibriid si deeda. Nasiibdarri diisa, aad buu imminka u itaal darnaa. Sanqadhdhii ka soo baxday gaadhigana, haddiiba way yaraatay, cabbaar yar daba deedna way is-taagtay. Iyaga oo si daas ugu jira quus, ayay bilaabeen baryootan ay ka baryayeen labada faras ee gaadhiga jiidayey in ay joogsadaan. Labada faras waxa ay ku lahaayeen, “Jaallayaalow! Jaallayaalow! Waa walaalkiin kan aydin siddaan, ee wed kiisa ha u hor seedina!” Hase yeelshee, labada segeger ee jaahilnimadu ka badatay, sina uma dhaadin waxyaalaha ka dhacayey hareera hooda. Waaba joogsi ay joogsadaane, qaylada markii ay maqleen bay dib u nabeen dhegaha oo sidii hore si ka sii daran u ordeen. Boskar weji giisiina, si daas ayaan dib loogu arkin. Mar aan gooriba goor ahayn, ayaa xayawaanka mid ka mid ahi isla hambaaburay oo is-yidhi, durduri oo irrida sii xidh inta aan gaadhigu ka bixin. Hase yeelshee, gaadhigii oo si baas u ordaya baa irrida uga horreeyey oo dhabbadii weyneyd ku dhacay. Arag loo yeelsho Boskar, mar kaas ayaa u danbeysey.
Saddex maalmood daba deed, xayawaanka waxa loogu soo warramay in Boskar ku baqtiyey cusbataalka magaalada, in kasta oo, sida la yidhi, uu helay xannaano faras helo tii u fiicneyd. Iskuwiilar oo xayawaanka kale uga warramayey arrin taas waxa uu meelshii ka sheegay in uu u ahaa goobjoog geerida Boskar. Isaga oo raafka iskaga tiraya ilmo ka soo gobo’ tidhi, waxa uu yidhi:
“Geerida Boskar waxa ay ahayd wax aan arko tii iigu naxdin weyneyd, aniga oo barbar taagnaa sariir tiisa intii naftu ka baxaysey. Af kiisa ayuu dhegta ii saaray, isaga oo naftu iska gureyso oo, itaal-darri aw geed, hadalba kari waayeey. Waxa uu igula faqay in uu ka murugeysan yahay dhimashada uu dhimanayo isaga oo aan dhammeyn dhismaha Wershedda Dabaylsha. Jaallayaal, ereyyada u danbeeyey ee ka soo baxay af
kiisa iyo dardaaran kiisu waxa ay ahaayeen ‘Horuusocda Jaallayaal! Horuusocda oo Kacaanka ku dhaadta! Ha Noolaato Beerta Xayawaanku! Jaalle Naabooliyoon Ha Noolaado! Ma- gefaha Jaalle Naabooliyoon!”
Iskuwiilar markii uu in taas yidhi, baa markiiba weji giisii is- beddeley. lnta uu cabbaar aammusay oo hadba barbar eegay, sidii uu wax qoonsaday, ayuu xayawaanka u sheegay in uu ogaaday in la faafiyey dicaayad xun oo nacasnimo iyo uur-xumo ku jiraan, maalintii Boskar laga kaxeeyey beerta. Dicaayad daasi, sida uu yidhi, waxa ay ku sal lahayd xayawaanka qaar kood oo arkay ereyyada ‘Farda-qale’, kuwaas oo ku qornaa gaadhigii qaaday Boskar, daba deedna is-yidhi Boskar baa loo dirayaa Farda- qalaha. Waxa uu weliba raaciyey in uu rumeysan kari la’ yahay heerka calaannimadu ka gaadhdhay xayawaanka qaar kood. Isaga oo dibka saydhaya oo hadba dhinac u boodaya ayuu mar kaas xayawaanka ku yidhi:
“Xayawaan kaasi, miyaanay aqoon in taas ka badan u lahayn Hoggaamiya heenna Jaalle Naabooliyoon? Arrintuba sida ay is- moodsiiyeen ma ahayn, ee gaadhiga ayaa hore Farda-qale u lahaan jirey, intii aan dhakhtarka xooluhu ka iibsan. Dhakhtarkana weli uma suura gelin in uu rinjiyo gaadhiga oo magaccii hore ka baabi’iyo. Is-af-garansho-waaguna si daas ayuu ku yimi.”
Si daas suuragalka ah markii Iskuwiilar arrinta u sharxay ayaa xayawaanka neefi ka soo boodday. Markii uu si cad u tilmaamay sariirta Boskar ku dhintay, xannaanada loo bogay ee la siiyey, iyo dawooyinka qaaliga ahaa ee qiima hoodaba aan Naabooliyoon hoos u eegin, mar kaas ayaa shakigii ku jirey xayawaanka baaba’ay. Murugadii ay ka murugeysnaayeen jaalla hooda geeriyoodeyna waxa yara illowsiiyey markii ay is- yidhaahdeen, malaha waxa uu dhintay isaga oo faraxsan.
Naabooliyoon qudh dhiisa baa yimi Shirkii Axadda. Khudbad uu jeediyeyna, Boskar buu aad ugu ammaanay. Hadal kiisiina waxa uu ku daray in ay suuragal noqon weydey in la soo celiyo meydka jaalla hoodaas ay u wada tiiraanyoonayeen si loogu aaso beerta. Waxa kale oo uu sheegay in uu amar ku bixiyey in xidhmo ubax ah la geeyo xabaalsha Boskar, iyo in doofaarradu sameysan doonaan casho-sharaf lagu xusi doono Boskar, goor aan sii fogeyn. Hadal kiisa waxa uu ku soo gebagebeeyey isaga oo xayawaanka xusuusiyey labadii halqabsi ee Boskar ee ahaa ‘Sidan si ka sii daran baan u shaqeyn doonaa’ iyo ‘Jaalle Naabooliyoon yidhiyaaba, dhab weeye!’, laba daas halqabsi oo sida uu yidhi, xayawaan kasti ku rayn doono haddii uu ka dhigto halqabsi sida Boskar.
Casho-sharafta habeenkii loogu tala galay dharaartii ka horreysey ayuu yimi beerta gaadhi uu lahaa nin ku haystey magaalada dukaan. Gaadhigu waxa uu sidey saxaarad weyn. Habeen kaas waxa guriga doofaarrada laga maqlay buuq iyo heeso ay daba joogeen wax xayawaanka ka fogaa ula ekaaday muran ba’an. Kow-iyo-tobankii habeennimo ayaa buuqqii, heesihii, iyo murankii, intuba mar keli ah wada joogsadeen; xayawaankiina ku war heleen dhalooyin jajabay sanqadh dhooda. Maalintii ku xigteyna dhaqdhaqaaqba waa laga waayey guriga doofaarrada, intii qorraxdu gaadheysey kugta. Xayawaanka beertuna waxa ay isla dhex mareen in doofaarradu meel uun ka heleen lacag ay soo siisteen saxaarad wiski ah.