Xirfadda Adduunka Ugu Da’da Wayn
Shisheeye u akhrinaya Yoonis mustaqbalkiisa.
SHEEKADII uu u sheegay ninkii reer baadiyaha ahaa, waxay Yoonis Maskiin ku reebtay la yaab aad u faro badan. Jasiirad noocee ah ($m ayeey tahay? Waxay ula muuqatay dawlad baaxad ballaadhan. Wux- uuna isku dayay in uu iska dhaqaaqo. Wuxuuna baadigoobay haddii ay jiraan cid garan karta aqalkiisa, oo u fidin kara caawimaad, si ay u soo tusaan. Waxa uu heli karaa cid ka caawisa sidii uu u heli lahaa lacagtiisa. Sidaa daraadeed, waxa uu isku sii daayay bartamaha magaalada. Wuxuuna raacay tilmaantii ninkii beeralayda ahaa.
“Kama amban kartid,” ayuu yidhi ninkii xoolo dhaqatada ahaa markiibana waxa uu dabagalay xoolihiisii.
“Waa magaalo dhexdeed. Waana halka ugu wayn magaalada.” Waddadii waxay ku riday meel wareeg ah oo dhismo waa wayn, kana soo horjeeda aqalka quruxda badan. Aqalkan weyn hortiisa waxaa ku qoran erayo si aad iyo aad u sarraysa loo xardhay. Albaabka laga galo aqalka weyna waxaa ku qornaa: “Aqalka lagu caabudo Eebe.”
Yoonis waxa uu isku qaaday jaranjarada aqalkan wayn, wuxuuna durbadi- iba uu istaagay dhexbartanka aqalkii, isaga oo indhihiisa si fiican ugu eegaya nalka. Waxaana hortiisa ka muuqday qol aad u wayn, saqafkiisuna uu aad iyo aad u fogaa, nalkuna ma wada iftiiminayn. Waxaa u muuqday kabo faro badan iyo calamo lagu sharaxay meel walba. Waxa kaloo dadku ay ku xoonsanaayeen miisas ay horfadhiyeen dad, dadka u yeedhayay, una qaybinayay warqado ay ku qornaayeen qoraallo.
Dhinaca ugu shisheeyana waxaa ka muuqday albaab wayn, oo ka samaysan maar, oo aad iyo aad u qurux badan, hoostana ka dhalaalaya. Yoonis waxa uu bilaabay in uu ku socdo aqalka gudihiisa, isaga oo isku dayaya in uu iska ilaaliyo kooxaha u ololeeya dawlada. Isaga oo aan dhamayn jaranjarooyinkii ayeey haweeneey weyn ka hortimid Yoonis Maskiin. Haweeneeydaas waxay xidhnayd dahab ku sharaxan qoorteeda iyo dhagaheeda; dahabkaasoo aad iyo aad u waaweynaa.
“Ma doonaysaa in aad ogaatid mustaqbalkaaga, ninkaaga yaroow” ayeey tidhi, iyada oo ku soo dhawaanaysa. Yoonis markiiba waxa uu eegay jeebki- isa, isaga oo eegaya haweeneeyda sida quruxda badan u labisan iyadoo ku xaragoonaysa dhago dhalaalaya. “Waxaan haystaa hadiyaddii mustaqbalka. Dabcan waxaad jeceshahay in aad ogaatid waxa soo socda berito.”
“Ma doonaysaa in aad ogaato mustaqbalkaaga, ninyahoow yar.”
“Ma arki kartaa waxa soo socda?” ayuu waydiiyay Yoonis, isaga oo dib u istaagaya, iskuna dayaya in uusan ku xadgudbin. Wuxuuna haweeneeydan u arkayay mid wax abuuri karta. Si gaar ahna waa uu uga shakisnaa.
“Waa hagaag,” ayeey ku jawaabtay iyada oo indhaheeduna ay ka muuqdeen kalsooni dheeraad ah. “Waxaan bartaa faalka, kadibna waan ku dhawaaqaa, sheegasho, sheegid iyo aaminaad wax kasta oo aan sheego waxay noqdaan run.
Haa. Haa, shaqadaydu waa shaqada adduunka ugu da’da wayn.”
“Sida ay cajiibka u tahay,” ayuu yidhi Yoonis. “Ma waxaad isticmaashaa sheey wareega ama caleenta shaaha ama.”
“Maya, maya!” ayeey haweeneeydii la soo baaday, iyada oo hindhisaysa. “Aqoon aad u sarraysa ayaan leeyahay. Waxaan isticmaalaa xisaab iyo isugayn.” Iyada oo si gaar ah u eegaysay, ayeey raacisay. “Dhaqaalahaaga ayeey ku xidhan tahay.”
“Cajiib. Dhaqaale-yaqaan,” ayuu ku celiyay isaga oo ku leh cod aad daciif u ah, erayadiisana sii jiid-jiidaya. “Waan ka xumahay, mar dhawayd ayaa la i xaday, wax lacag ahna ma’aan haysto.
Waa ay ka xumaatay, islamarkiibana waxay u sii jeesatay macaamiisheedii kale.
“Fadlan hooyo, ma ii sheegi kartaa mid keliya,” ayuu Yoonis ka codsaday, “inkastoon aanaan haysan wax lacag ah oo aan ku siiyo?”
“Waa hagaag?” ayeey haweenaydii tidhi iyadoo cadho badani ka muuqdo codkeeda.
“Goorma ayeey dadku kuu yimaadaan oo ay taladaada soo doontaan?” Waxa ay iska eegtay dhinacyada, meel kasta, iyadoo hadana eegaysa in ay cid uun maqashay hadalkooda. Lana moodo in ay sir wayn u sheegayso mukulaal aan cidna waxba yeelayn, ayeey si hoos-hoose wax ugu sheegtay, “Maxaa yeelay, ma aad haysatid lacag aad i siisid, waxaan ku daymin karaa sir yar. Dadku waa ay ii yimaadaan mar walba oo ay doonayaan in ay helaan war wacan oo ku saabsan mustaqbalkooda. Haddii uu yahay war run ah ama wanaagsan ama been ah ama xun – waana mid farxad gelisa dadkaas marka ay wax ka ogaadaan arrimaha ku saabsan mustaqbalkooda.”
“Shaqadaada kuwee baa inta badan isticmaala?” ayuu waydiiyay Yoonis. “Golaha Guurtida ayaa ah macaamiishayda,” ayeey haweeneeydii ku jawaab- tay. “Odayaasha lacag fiican bay i siiyaan – dabcan, lacagta dadka kale. Kadibna, waxay u isticmaalaan khudbadahooda si ay u sii isticmaalaan lacag kale oo faro badan si ay ugu diyaar garoobaan jiilaalka dheer ee soo socda. Waa mid noo shaqaysa annaga oo dhan.”
“Goow!” ayuu yidhi Yoonis, isaga oo gacantiisa saaraya daankiisa, aadna ula yaabban. “Taasi waa mas’uuliyad culus. Sidee bay runta ugu dhawaanayaan saadaashaada ku saabsan mustaqbalkooda?”
“Waad layaabaysaa dadka yar ee taas i waydiisa,” ayeey ku jawaabtay dhaqaale yaqaantii. Waa ay welweshay, hadana waxa ay si taxadar leh ay- eey indhaha uga eegtay. “Waxaad ku heli kartaa saadaal run ah adiga oo tuurta madax iyo xarash. Waa adiga oo kor u tuuraya taano, waana mid cid waliba ay si aad u fudud u samayn karto, laakiin wax faa’iida ah cidna kama heli karto. Kumana beeri karto dadka welwel xooggan ama kama dhigi karto kuwo faraxsan – farxad hor leh siisa, kaamana dhigi karto maalqabeen, oo kamaba dhigi karto odayaasha kuwo awood badan. Markaa waad arki kartaa, waa in aan la imaadaa saadaal aad u qiimo badan, aad u sarraysa ama waxay helayaan qof kale oo shaqadaas u qabta.”