Bayaamin Daabacaadda Labaad

BAYAAMIN DAABACAADDA LABAAD
Waa maxay sheeko suugaaneed sooyaal ahi (classical literature)? Maxay tahay sababta loo akhriyaa sheeko sooyaal ah sida “Beerta Xayawaanka”? Muxuu sii arkay Joorj Orwel markii uu qorey sheekadan? Maxaase maanta ka dhigay lama huraan in dib loo daabaco? Maxay macno ku samaynaysaa iyada oo Soomaali ku dhigan?
Sheeko ama curis waa sooyaal haddii akhriska farriinta ay sidaan uu kugu yeesho saamayn; saamayntaas oo hagta ficilladaada, oo adiga oo aan is ogayn in aad jilayso, haddana raaca hilinkii ay sheekadu u raacday marka uu arrin la mid ah kan sheekadu ka hadlaysaa uu kula soo gudboonaado. Mararka qaarkood nuxurka sheekadu maskaxdaada wuu ku sii nagaadaa oo lama ilaawo muddo, marna xitaa haddii aad illowdo sheekada lafteeda, waxa ay wax kaga sii hadhnaadaan laamaha hoose ee xusuustaada. Sheeko sooyaal ahi waxay saamaysaa fikirkaaga iyo is ahaanshahaaga, waxayna sallaan dhex dhigtaa ama silsilad isugu xidhaa waqtiyo kala fog tiro ahaan, sida qamigii tegey iyo ka jooga, oo ay usu soo dhoweysaa amaba isasaartaaba.
“Beerta Xayawaanka” waa sheeko sooyaal ah, waa xus siyaasadeed (political allegory) oo daaha ka faydaysa taariikhdii iyo xaqiiqyoonkii uu ku salaysnaa kacaankii Midowga Soofiyeedku, iyo sida uu markii danbe ku noqdey kali-talis. Waa maadays siyaasadeed (political satire). Waa maldahaad dhacdo siyaasadeed oo loo qorey sidii sheeko-baralay habar dugaag dhexmartay. Waase yeedhmo qalbiyada dadka kusoo jeedinaysa, oo ka digaysa, halista in si qaldan loo adeegsado awoodda maamulka, kuna baraarujinaysa bulshadu in ay ka digtoonaadaan, oo xakame u noqdaan, kolba ciddii awoodda loo dhiibaa, in aanay awooddaas ku tarki falin. Waxa sheekadan ka dhigaya sooyaal, waa sida ay dhaqankii iyo falalkii Istaalin ku majarahabaabiyey himilooyinkii kacaankii Ruushku ay meel kasta iyo mar kasta u soo noqon karaan. Bal u fiirso isu ekaanshaha sheekadan iyo sida himilooyinkii ay Soomaalidu lahayd dabayaaqadii 1960eeyadii loo majara habaabiyey ee lagu ragaadiyey kacdoonkii maskaxeed ee bulshadu samaysay?
Sheekada “Beerta Xayawaanka” waxa ay tahay in loo akhriyo, oo waliba dhallinyaradu u akhrido, waayo waxa ay taabanaysaa habdhaqanka inta badan ee mas’uuliyiinta xilka lagu aamino meel kasta ha joogaan, midab kasta ha yeeshaan, ama mar kasta ha jiraane. Joorj Orwel wuxuu sii arkay in jileeca dadka ay ka mid tahay in marka ay xilka qabtaan wixii hammiga guud ahaa iyo himilooyinkii sarsare ay ka jeestaan, oo dan gaar ah ka hormariyaan. Haddii markii hore ee habar dugaag halganka ku jirtey lagu heshiiyey in “Xayawaan oo idiliay siman yihiin”, haddana markii guushu timi intii maamulka qabatay waxay u beddeshay “Haa, Xayawaan oo idili way siman yihiin, waase la kala mudan yahay.” Taasi waa halis mar walba taagan oo ah in laga feejignaado. Joorj Orwel waxa uu ka digey in bulshadu u dhego nuglaato cidda ay maamulka u dhiibato; waxa uu ka digay in bulshadu ka fogaato in ay cod siman ku tidhaahdo “Waxan kuugu nidar galay, isagoon nis weynaan, ‘Nacam’ kugu yidhaahdo.” Haddii taasi timaaddo, oo arrinku markasta ku biya shubto “caynaanka hay, waligaa hay”, waa cawaaqib xumo ayuu inooga digayaa qoraaga sheekadu.
Farriinta sheekadu waxa weeye dugmo-u-yeelasho ka dhexaysa bulshada iyo inta yar ee ay bulshadu danaheeda ugu dhiibato in ay u maamulaan. Kuwa ay tahay labada in ay dhego nuglaadaan waa kuwa maamulka loo dhiibo. Waa taa farriinta buuggu. Kacdoonka xayawaanka ku nool beerta Orwel waa mid waaqici ah oo ay tahay in maskaxda dhallinyaradu ku feejignaato mar kasta iyo meel kasta. Sheekada sooyaalka ahi, sida “Beerta Xayawaanka”, waa ta mar kasta oo aad akhrido wax cusub kuu sheegta oo kusoo jeedisa. Waa farriin aan duugoobayn.
Haddaba in uu Maxamed Yuusuf Cartan ku fekero in uu turjumo sheekadan sooyaalka ah sannado yar uun ka dib kacaankii millateriga ahaa ee maroorsaday xukunka dowladdii
Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa ay marag ka tahay heerka fekerka ee bulshadu sida uu u feejignaa horraantii 70eeyada. Qiyam sare oo watay himilooyin sarsare oo bulshadu lahayd ayaa jirey. Markii uu buuggu soo baxay waa la mamnuucay in dalka la keeno, turjumahana waxa lagu handiday xadhig iyo in uu dhibaato mudan doono marka uu dalka kusoo noqdo. Sida aan cid kale waddadiisaa u marin, ee aan waxna loo qorin waxna la turjumini, waxa ay ka marag kacaysaa sida ay dawladdii Maxamed Siyaad Barre u baabi’isay nashaad iyo dhaqdhaqaaq fikir oo kasta, ummaddana u marisay jid qalloocan.
“Beerta Xayawaanka” waxa uu Joorj Orwel si farshaxannimo leh ugu sheegayaa saddex arrimood oo aasaasi ah:
1. Musuqmaasuqa iyo ku tagrifalka Awoodda;
2. Kacaanku wuxuu ku siqaa marka danbe in uu isagu isku koobnaado oo ummaddii dhalisay ka fogaado;
3. Xitaa dadka qiimaha leh ee marka hore himilooyinka wanaagsani waxa ay halis u yihiin inay ku dhacaan khatarta bini-aadamiga ee ah xukun jacaylka iyo ku fara adayga hoggaanka.
In maanta dib loo daabaco buuggan isaga oo Af-Soomaali ah waxa ka dhigay lagama maarmaan waa baahida loo qabo in, gaar ahaan dhallinyaradu, ka feejignaato cid kasta oo xukunka loo dhiibo habdhaqankeeda. Waa in bulshadu ku baraarugsanaataa halista markasta hadhqoodaarka soo taagan ee ah in danta guud laga hormariyo ta gaar ahaaneed, in lagu amar-kutaagleeyo awoodda qaranka, oo kolba kuwa markaa xukunka doonayaa inta ay awrka ku kacsadaan bulshada inteeda kale, haddana marka guushu timaaddo ee ratigu isu taago, ay illaawaan sababtii loo soo halgamay. Akhriska Af-Soomaaligu lagu akhriyaa Orwel waxa ay siinaysaa fursad inta ugu badan ee dhallinyaro ah ee maanta waddanka gudihiisa ku nool. Waxana uu gaadhsiinayaa farriinta ah in danta guud loo feejignaado oo marinhabowga laga ilaaliyo.
Fanka iyo suugaantu ay ka mid yihiin kuwa ugu halista badan, maadaama ay dadka dareenkooda iyo dookhooda – wax jeclaysiin iyo wax nebcaysiinba – si xooggan u soo jiidan karaan. Waana halkaas qiimaha gaar ahaaneed ee la siinayo sheekada Joorj Orwel curiyey qarnigii labaatanaad horraantiisii. Midowga Soofiyeeti iyo talis-xumidii ka taagnayd ee buuggani tilmaamayey, in kastuu burburay, haddana buuggani wuxuu mar walba si toos ah u abbaarayaa ‘Talisyada Macangagga ah’ ee adduunka ka jira maanta, muddo dheerna ka jiri doona. Tan dadkeena iyo dalkeenna haysata ama ku iman kartaana waaba innaga sii xag jirtaa. Waxay dhallinyarada iyo jiilasha soo koraysaba qasab kaga dhigaysaa ka wa-warqabid iyo taxadaddar joogta ah in loo yeesho arrimaha xasaasiga ah iyo sida bulshada aayaheeda lagu maamulayo.
Waxa aannu ku kalsoonahay in dib u daabacaadda buuggan, oo markii kowaad lagu soo saaray dalka Masar 1979 kii, ay wax wayn ku soo kordhin doonto abuurista jiil cusub oo waddiniyiin ah, oo fikirkoodu ku salaysan yahay iswaydiimo iyo faaqidaad ay ku sameeyaan hab nololeedka bulshada ay ku dhex nool yihiin, kuna xisaabtama in ay wax ka beddelaan oo cod ku yeeshaan aayo ka talinta mustaqbalka waddankooda.
Jaamac Muuse Jaamac

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *