Bari baa waxaa jiray saddex nin oo saaxibo ah, saddexda nin magaalay joogeen, shaqana waa ka waayeen. Markaasay magaalo kale shaqo ka doonteen. Markay habeen iyo maalin soconayeen ayey meel bannaan seexdeen. Saddexdii nin mid ka mid ah ayaa dahab sitay. Markuu toosay ayuu dahabkiisii waayey. Markaasuu saaxiibadii ku yiri, “Waar yaa dahabkaygii arkay.”
Maanu arag ayey ku yiraahdeen: markaasuu ninkii dahabka lahaa ku yiri Saaxiibadii “Waxaan idinku dacweynayaa Magaalada aynu tagi doono suldaanka xukuma haddii aad dahaybkaygii i siin weydaan.
Dabadeed waxay yimaadeen magaalo markaasuu ninkii dahabka laga xaday ku yiri saaxiibadii, “Suldaanka magaaladaan idiin geynayaa ee isoo ruaca”. Markaasay raaceen oo Suldaankii magaalada u wada tageen. Wuxuu ku yiri suldaankii “labadan nin oo aanu saaxiibka nahay ayaa dahab iga dhacay. Waxaan rabaa inaad dahaybkaygii iga siiso adigoon xirin oo aan dilin.”
Markaasuu suldaankii ninkii dahabka lahaa ku yiri, “Haddaan la xirin lana dilin sidee baa looga helayaa dahabkaagii?”
Meesha garta lagu qaadayey waxa fadhiyey inan uu suldaanku dhalay. Markay hadalkii dhageystay bay tiri, “Aniga ayaa nimanka garta u qaadaya, kana soo saaraya dahabka iyadoon la xirin lana dilin.”
Markaasuu suldaankii ku yiri gabadhiisii, “Waa tahay ee kaxayso.” Inantii nimankii bay kaxaysay oo geysay aqalkeedii, waxayna ku tiri, “Saddexdiinaba sheekaan idiinka sheekaynayaaye i dhagaysta.”
Markaasay hadalkeedii ku billowday: “Maalin maalmaha ka mid ah ayaa gabari badda damacday inay ku qubaysato islamarkaa waxaa badda ku qubaysanayey nin, Wuxuu arkay inantii oo baddii ku hafatay. Kolkaasuu u gurmaday oo kasoo saray.
Markaasay tiri inantii, “Maxaan kuugu abaal gudaa?”
“Abaalkayga ma gudi kartid,” buu yiri.
“Waan gudi kara,” ayey ugu jawaabtay.
Markaasuu yiri, “Haddaad gudi karto, marka lagu guursado intaanad aqal gelin isoo ogaysii.”
“Waa yahay,” intay tiri bay tagtay.
Beri dambe ayaa gabadhii la guursaday markaasay inankii guursaday ku tiri, “Ii oggolow inaan laba saacadood kaa maqnaado,” isna wuu u oggolaaday.
lyadoo waddada haysa, ayaa tuugo heleen oo yiraahdeen, “Alla waa gabadh! Alla dahab bay sidataa! Alla nasiib badninaa.”
Markaasay ku tiri, “Nasiibkiin ba’aye isii daaya. Meel baan ku de-degayaaye, waanse idiin soo noqone.”
Way sii daayeen, ninkii abaalka ku lahaa bay u tagtay. Wuxuu ku yiri: “Allay lehe, abaalkii waad guday ee iska tag.”
Markaasay soo noqotay oo u timid tuugadii. Iyana waxay yiraahdeen, “Allay lehe ballantii waad oofisay e iska tag marka.”
Halkaa markay sheekadii marinayso ayey ku tiri saddexdii nin ee dahabka isku haystay, “Saddexda qolo kuwee baa u wanaagsanaa?”
Markaasaa mid yiri, “Tuugadaa ugu wanaagsan.” Midna “Ninkii badda.”
Midkii kalena yiri, “Ninkii arooska ahaa.”
Markaasay inantii tiri: Waxaa dahabka haya ninka yiri, ‘Tuugada ayaa ugu wanaagsan.’”
Kolkaasuu dahabkii soo saaray oo u dhiibay inantii.