Afku Muxuu La Xoog Yahay

Salaan Carabay gabaygaan waxa uu mariyey isagoo magaalada Neyroobi jooga halkaas oo uu nin uu adeer u ahaa oo uu abaal badan u tirsanayey ugu tagay, ninkaas oo markaas maal qabeen weyn ahaa ayaa halkii uu odayga wax ka tari lahaa inta uu qadiyey ayuu hadana dadkii kale ee Soomaaliyeed ku diray oo yiri, “Waa oday asaasaq ah ee hala hadlina.”

Salaan gabayga wuxuu ku sheegay sadex arrimood oo waaweyn oo uu wiilka u galay, waa tan koowaade isagoo ninkaas iyo geeliisiiba col isku af-duubay ayaa Salaan col uu watay u gurmaday soona furtay, waa tan labaade, mar kale uu ninkaas dowladu xirtay ayuu Salaad dood iyo maal ku soo furtay, waa tan saddexaade, naag uu xoolo ka bixiyey oo laga
qabsaday lagana qaaday uu Salaan u soo furtay, markii uu gar adag la galay reerkii ay gabadhu ka dhalatay, wuxuu asagoo arimahaas sheegaya yiri:

Qeylada xaduurkii ninkay xaraqday laabteydu
Xusul duubka orodkii ninkaan dhab ugu xuurtooday
jilabkii xadhaadhaa ninkaan ugu xajiimooday
guuraha xambaarada ninkuu xagarku ii jeexay
xidhkii odayodheerood markii rag is xiniintaabtay
xaaraamigii olol markuu xila fur kaw siiyey
waataan u xuubsaday sidii xuurta baalka lahe
xarbigii shisheeyaha ninkaan xeebashada diiday
mumarkuba xublada foosha way xanaf wareeraane
balse in ay xusuus daran yihiin xaylka kale mooge
waxba yaanu xeerkay imarin xoolana isiine
xaashee nin labin kaa xistiyay xumihii waa yaabe
xeerbeegti murantaa gartay xeeli hadashaaye
xubin rag isku waajahay haday xeyga ka cadaato
afku wuxuu la xoog yahay magliga xowda kaa jara e
xafiiskii magaalada wixii xaalad iga gaaray
xabsigii cadaawaha ninkaan xaalan uga saaray
xoolaha markay imid ninkaan xulayey geeleyga
waxba yaanu xeerkay imarin xoolana isiine
xaashaa nin labin kaa xistiyey xumihii waa yaabe.

Sharaxa Ereyada

Xaduur: baryo
Xaraqday: gubtay
Xuurtoobay: daalay
Jilib: magac geed
Xagar: magac geed
Xidh: kob
La is xiniin taabtay: rag isku bareeray
U xuubsaday: ku booday
Xuurta: shimbir magaceed
Xeebashada: cabashada
Xeeli: cilmi ahaan
Xeyga: ubaxa
Magliga: ableyda
Xowda: xafta
Xaalan: degdeg
Olol: waa ninki colka geela dhacay madaxa u ahaa.

Weydiimo

  1. Si kooban u sharax tuducyada ka hadlaya in uu Salaan inanka ka abaal dhacay iyo
  2. iloshaha dhawaantiisa?
  3. Immisa waxtar buu odaygu gabayga ku sheegay mid kastaba goonidiisa u sheeg.
  4. “Afku wuxuu la xoog yahay magliga xowda kaa jara e,” ma kula tahay inuu tuducaasi run yahay?

4 thoughts on “Afku Muxuu La Xoog Yahay

  1. This is one of the most strong poets Somali people use it as an example of their interference between them.

Leave a Reply to Safa Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *