Cabdi-Gahayr iyo Geela

Beri ayaa nin Cabdi Gaheyr la oran jiray geel laga dhacay. Markii loo sheegay in geeliisii la qaaday ayuu wuxuu ballan ugu qaaday nimankii dhacaa ku kacay in uu ka aar gudan doono, aargudashadiisuna ay keeni doonto cirib xumo weyn oo aan laga soo waaqsan.

Markaas ayuu tuducyadan soo socda ee kala googo’an tiriyey isagoo ku halqabsanaya wiil uu dhalay oo Gohaad la oran jiray:

Wallee ama gufaacada ka qaday guga la eegaayo
Wallee ama Gohaadow waxaan geysto, lala yaabye
Gacantayda jeeraan sidii, Gurey ku ciil beelo
Amaan gaal madow herer ku dilo giibba laga noole
Oo ay dumar ganbacad soo xidhaan gabaygu waab been.

Nin wadaad ah ayaa waaniyey Cabdi Gaheyr, kuna ehbiyey inuu cagta dhigo oo meel joogo. Cabdi Gahayr wuxuu ku yiri wadaadkii, “Sidee meel u joogaa, haddii xoolihii oo dhan la iga dhacay?” Isagoo wadaadkii xusuusinaya qiimaha iyo nacfiga geela wuxuu yiri:

Magaalada Hargaysiyo Berbera, moodka waxa keena
Oo Adari Maarsay ka dhjgay, muranku waa ceebe
Waa rn.uin.iQ addoonlow rati£3, rnicidu waynaatay
Markab buu adduunyada u yahay, maccallinow geele
Nin waliba macnaha loo dhaqduu, maanka ku hayaaye
Muraadkaa ku toos awgayow, hay makeekiyine.

Sidaa markii uu yiri: ayuu hadana wadaadkii ku yiri, “Cabdi Gaheyr waxaad garan doontaa markii xabbadi wadnaha kaaga joogsato.”

Cabdi Gacaheyr wuxuu ugu jawaabay wadaadkii gabay, wuxuuna yiri:

Dagaalkii jidbaalaba ninkii, joogay baan ahaye,
Abidkayba meel lagu jabaan jiqilo weynaaye
Ilaahay I jeclaa muxuu, jiray arwaaxaygu.

Wadaadkii kamuu harin ee wuxuu hadana ku yiri, “Cabdi-Gahayr iska joog oo wardiga iyo Quraanka dhigo, geelii waad heli doontaaye ee si nabad ah ku raadso.”

Cabdi-Gahayr wuxuu haddana ugu jawaabay wadaadkii tixdan kale, isagoo ku celcelinaya sida uu ugu han weyn yahay lahaanshaha geela:

Idinbacasa awrkay dhashiyo, aarankay wadatay
Aakhiro nimaan geel lahayn, lama ammaanayne
Asaxaabihii horeba waa, ku intifaaceene
Maxaan idinla awlaadsadaa, awgaywo awr ma dhaansado e.

SHARAXA EREYADA

Gufaaco: roob dabeyl leh
Here: waa Hargeysa
Giib (Gibb): wuxuu ahaa gaal Ingiriis ah oo Burco lagu dilay
Maarsay: waa magaalo Faransiiska ku taal oo deked leh, Marseille.
Makeekiyine: Hadalka ha duwin jidka toosan oo muranka iyo isyeel-yeelka ka dhaaf.
Idinbacasa: qaalin geel ah.

8 thoughts on “Cabdi-Gahayr iyo Geela

  1. Nin waliba wuxuu urursaduu gaysan aakhira’e
    Adhi iyo waxaad geel lahayd kuma ilaashaane
    ifka weeyi xooluhu halkay ilxumo reebaane
    Hor illaahay waxad gaysataad dheefsan abidkaaye

  2. Sixitaan:

    Gabayga geela ee kor ku xusan waxaa tiriyay sida taariikhda lagu hayo ‘’Ismaaciil Xayd Xirsi (Aflow) oo ahaa gabayaa caan ah oo la yaqaano. Sababta uu gabayga uu tiriyayna waxay ahayd:

    ‘’Wadaad caruurtiisa u dhigi jiray quraanka ayaa markii caruurtii ay aflaxday wadiistay Aflow in uu qaalin geela ajuura ahaan u siiyo’’

    Ismaacill Xayd Xirsi (Aflow), isagoo hoga tusaalaynaya Wadaadkii wuxuu tiriyay gabaygan uu geela ku amaanayo, kuna sheegayo qiimiha geela. Gabayga wuu dheeraa baydadkiisa u dambeeya ee hoos ku qoran ayaa kuu muujinaya inuu Aflow diiday inuu geel ku bixiyo ajuuro (oo uu wadaadka siiyo):

    Riyaha macaan laga helaa maradu go’ysaaye
    Waxa se qalinka meemka iyo ra’dii loox u marinaysay
    Maqribka iyo allaylka waxaad ugu madiixaysay

    Mashaysii ardayda waa cilaan in aad inaad ku maashaaye
    Muraadkaa ku toos Awgayow ha i makeekiyine

    Cadaymo la xidhiidha waxaad ka helaysaa:
    1. https://www.farshaxan.com/Gabayaa/Aflow.html
    2. https://hoygasuugaanta.com/Aflow7.htm
    3. Iyo kuwo kale oo badan

    Waad mahadsantihiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *