Heerin

Afar hablood ayaa beri ku guur seegay beeshoodii, waxay guudka fidhaan oo gayaankooda sugaanba, habeenkii dambe ayey hoos isula faqeen, “Waxaynu dhawrnaaba waa guumaysnimo ee aan ka heerino oo ka huleelno meesha,” ayey tala ku goosteen. Haddii dayaxii dhacay habeenkaa, ayey muska soo jeexeen.

Mid walba hu’ waxay laheyd ayey gosha soo gashatay, laba caano maal hadday jidka soo dhignaayeen ayey habeenkii dambe goor fiid ah reer u soo hoyden.

Inta ooddii laga rogay ayaa buulkii gabdhaha gogol loogu fldiyey, wan saddex jir oo macashu dhulka xaabayso oo baruur dhaqaaqi la’ ayaa loo loogay. Intii hilbuhu uga bislaanayeena, karuur geel oo ay hamuunta ku sii jabiyaan ayaa loo geeeyey.

Kor dahab oo reerka keli gabadh ku aheydna way ugu sii sheekaysay. Haddii hablihii intaa la isugu qoofalay, ayaa odaygii reerka ubadkiisii oo gugaa labaatan jirsaday, ayuu gooni ugu yeeray. Wuxuu yiri, “Aabbe gedahaad ku guursan lahayd waad joogtaa, gabdhuhuna waa heerin oo way inoo soo galeen ee waa inaad mid kala hadhaa.”

“Ha la yeelo Aabbe eh, tan aan kala baxayno ma dhaban baan ku doortaa illeyn wax kama naqaano e?” ayuu yiri wiilkii.

Odaygii baa intuu shaarubta miiqay ugu jawaabay, “Maya, si kalaynu ku dayi, waynu xujeyn. Hilbahoo kulul; baynu u geyn, innaguna waynu u kuur geli.”

Hablihii heerinka ahaa waxay jiriqsadaanba kolkii dambe ayaa hilbihii oo karaya oo xeero geedaysan lagu sido loo keenay. Illeyn waa meel wax laga wado ee, hor dahabna waa looga yeeray. Haddii ay hablihii hilibkii ku cidleysteen ayaa tii ugu horreysay ku soo haadday, oo ay xeedhadii hab ku tiri, sidii haadka adagta! Gacantay galisaba kor bay ula boodday, iyadoo ku hiiraanhiraysa. “Hoh… hoh… kama naalee kululaa…”

Tii xigtay ayaa soo hilatay oo ku tiraabtay, “Naa koran weynee kala goo.”

Tii saddexaad oo hanqalka la soo boodday ayaa ku gurxantay, “Naa ha qaboobee qabo weyn ku rid.”

Tii afraad oo raarta ugu xigtay oo aan halkeedii ka soo ruqaansan ayaa tiri iyadoo afka gacanta ku haysa, “Naa ha kafafee kor saar.”

Odaygii iyo wiilkiisii oo buulka docdiisa bari ee dibadda ah taagnaa ayaa is eegay. “Waataa afraad ee codkeedu xabeeb leeyahay tii aad kala bixi laheyd, ee tilmaanso,” ayuu waayeelkii wiilkiisii kula xanshaashaqay.

SHARAXA EREYADA

Naale: joognee
Koran: Sugi
Qaboweyne: haan biyood
Hinraag: neef googoyn
Hanqalka: qaarka sare
Tiraabtay: Ku dhaqaaqday.

WEYDIIMO

  1. Heerin waa maxay?
  2. Immisa maalmood bay habluhu jidka ku soo jireen?
  3. Caanaha karuurka ah maxaa hablaha loogu hormariyey?
  4. Hablaha maxaa tii afraad loogala baxay?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *