Ina Xagaa-Dheere

Ina-Xagaa Dheere wuxuu ahaa nin ari badan lahaan jiray. Dharaar dharaaraha ka mid ah ayaa cudur ka galay arigii. Markaasuu aad iyo aad arigii tamootidiisii uga xumaaday, wuxuuna yiri, “Waxaan yeeli si aan aniga iyo Ilaahay xoolo nooga dhaxeyn. Wuxuu iigu soo mar-marsoodaba ha waaye.”

Markaasuu hadlay oo yiri, “Eebbow ariga qeybtaa adigaa leh, qeybtaa kalena anigaa leh, haddaba qaybtaada sidaad doontid dheh oo haygu imaan.” Dabadeed waxaa dhacday in arigii uu socdo oo maalin kasta wax ka dhintaan.

Ina-Xagaa Dheere, mar Alla marka arigiisa neef ka dhintaba, isna arigii kale intuu u galo, ayuu qaar ka gawracaa, oo yiraahdaa, “Ari la laayaa ari loo laayuu leeyahay.” Maalin dambe, ayaa roob da’ay. Markaasuu Ina Xagaa-Dheere sallax biyo ku jiraan, intuu jilbaha dhigay is yiri ka cab. Dabadeedna sallaxiibaa dibnaha kaga dhagay.

Muddo dabadeed, ayuu sallaxii sii daayey, arigii baa sidiisii hore isaga le’day. Ina-Xagaa Dheere waxaa hal-hayn u noqotay markaa, “Haddaanu hadalno waa af sallax ku dheggeygii, haddaanu aamusnana ariga sedan laga deyn maayo.”

Sharaxa Ereyada

1. Tamooti: dhimasho
2. Sallax: dhagax godan.

Weydiimo

1. Ina-Xagaa Dheere ariga qaybintiisa maxaa ku kallifay?
2. Ina Xagaa Dheere diinta wax ma ka yaqaanay?
3. Ma ogaaday inuu qaldan yahay?
4. Wax ma ku qaatay cibaaradii la tusay?
5. Sheekada dulucdeedu waa maxay?

One thought on “Ina Xagaa-Dheere

  1. WEYDIIMO
    1. Ina-Xagaa Dheere ariga qaybintiisa maxaa ku kallifay? jaahil nimo
    2. Ina Xagaa Dheere diinta wax ma ka yaqaanay? haa lkn may badnayn waayo wakii markii salaxu afka kaga dhayga halsaytaa afkiisa ka soobadxay Haddaanu hadalno waa af sallax ku dheggeygii, haddaanu aamusnana ariga sedan laga deyn maayo.”
    3. Ma ogaaday inuu qaldan yahay? haa si fiican
    4. Wax ma ku qaatay cibaaradii la tusay? haa
    5. Sheekada dulucdeedu waa maxay?inta ialahay wax lala qaybsan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *