Isma Gabo Fariid

Nin safar ah ayaa habeen ku soo beegmay tuulo. Gurigii ugu soo horreeyey ayuu albaabkiisa garaacay. Islaan buuran baa lahayd. Keligeed bay degganayd. Iyadii baa irridkii ka furtay.

“Marwooy, socotaan ahayee, caawa i marti geli,” ayuu yiri ninkii. Islaantii doc bay uga joogsatay.

“Soo gudub,” ayey tiri. Ninkii aqalkii ayuu horay usii galay. Gambar ayuu ku fariistay, Waa la iswaraystay. Goortii dambe ayuu ninkii yiri:

“Marwooy!
Cidlaan joogay xalay oo
Maantana cid maan helin
Caano lagu qaboobiyo
Cunto kale kol ay tahay
Maan saarin carrabkoo
Cunahayga may marin
Calooshayda may galin.”

Guriga way taallay cunto. Hase yeeshee islaantu bakhaylad bay aheyd. Ninka inaanay waxba siin ayey damacday. Iyadoo u dayrinaysa ayey tiri:

“Gacaliye!
Waatay gooman noqotaa
Oo guga la waayaa
Giddi maanta oo idil
Amba maan gasiimanoo
Maan goosan hiliboo
Wax ma saarin gowsaha.”

“Waa hagaag, kaa garawsaday oo kaa guddoonsaday,” ayuu ugu jawaabay ninkii. Waxaa u caddaatay in aan islaantu waxba ula diyaar aheyn. Kolkaasuu fekeray. Dhagax yar oo halkeer oo kale yaalay ayey ishiisu ku dhacday. Markiiba talo ayaa ku dhalatay.

“Haddii aynaan wax kale haysan, dhagaxan yar ayaynu shuuro ka samaysan. Dhaqso, oo digsi iyo fandhaal ii dhiib, girgirahaa dabku ka buuxana ii soo dhawee,” ayuu si niyad ah u yiri.

Islaantii way yaabtay. Afkay gacanta saartay. Waxay tiri, “Toddoba iyo soddon baan jiraayo, tanoo kale weligayba maan maqal! Yaa arkay dhagax shuuro laga sameysto.”

“Caawaba waad arki,” intuu yiri ninkii ayuu istaagay, oo girgirihii ayuu soo qaatay, hortiisii qotomiyey, dambaskii ayuu gilgilay. Islaantii oo weli sidii u amakaagsan ayaa qalabkuu ka dalbaday u keentay.

Ninkii dhagaxii yaraa oo uu mayray ayuu markiiba digsigii ku riday. Dabkii buu saaray. Qaddar biyo ah ayuu ku shubay, kolkaasuu sugay. Biyihii baa karay.

Fandhaalkii ayuu dhex mariyey isagoo dhagixii yaraa kolba dhan u dhaqaajinaya ayuu yiri, “Alla haddaynu in yar oo milix ah haysan lahayn horey ayey cashadu inoogu bislaan laheyd.”

“Anigaa haya,” intay tiri islaantii ayey salad daasad milix ku jirto ka soo saartay. Ninkii bay u dhiibtay.

Intuu uga baahnaa ayuu kaga darsaday, digsigii ayuu walaaqay… Walaaqay… Walaaqay. Xoogaa ayuu u kaadiyey goortii dambe ayuu dhedhemiyey.

“Alla haddaynu in yar oo jariir ah haysan laheyn, cashadeena caawa carrabkaa la isku goosan lahaa.”

Anigaa haya ayey islaantii la soo boodday hul kobteer ah ayey kiisha jariir ah afkan ka maraya kasoo qabatay. Ninkii bay soo ag dhigtay, intii uu uga baahnaa ayuu kaga darsaday, biyihii ayuu kordhistay. Fandhaalkii ayuu dabada ku dhagay. Wuu ku walaaqay. In cabbaar ah ayuu sugay, kolkii dambe ayuu dhedhemiyey.

Isagoo madaxa ruxaya ayuu yiri, “Haa… Haa… War wuxu macaanaa! Wayse yara nugushahay. Alla in yar oo buda ah oo aan ku adkayno haddaanu Ilaahey ina siin lahaa, shuuradeena afka lagama qaadeen kolaba.”

Markiiba islaantii afkeedii waxaa ka soo fakaday, “Anigaaba haya.” Kolkaasay masaf budo cadi ka dul dhoorsan tahay la soo carartay. Ninkii bay gacanta ka gelisay. Isna intuu uga baahnaa ayuu kaga darsaday. Wuxuu fandhaalkii ku walaaqo shuuradii oo uu kolba dhadhamiyoba way u bislaatay.

Markaasuu dabkii ka dhigay, dhagaxii yaraa ayuu ka saaray. Xeero maran oo ay islaantii u soo diyaarisay ayuu shuuradii intuu uga baahi qabay kaga rogtay.

Baaqigii iyo digsigii oo iswatana islaanta xaggeedii ayuu isaga durkiyey.

“Allow subag iyo caano ha inoo waayin, iyagaa inaga dhimane,” ayuuse ka sii daba tuuray.

“Alle inoo ma waayo,” intay tiri islaantiina, ayey dhiil hilan iyo joog codcod ah ninkii soo ag qotomisay.

Doqoni markii horeba gaajay meel isla duu-duubi laheyd. Fariidse isma gabo. Ninkii isagoo dhereg cifta haya ayuu seexday habeenkaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *