Maandeeq

Gabaygaan waxaa tiriyey gabyaagii caanka ahaa ee la oran jiray Cabdullaahi Suldaan Timacadde. Timacadde wuxuu gabaygaan tiriyey markii gobanimadii la helay ee isku darkii dhacay. Munaasabaddii uu gabaygan ka tiriyey waxay ahayd iyada oo Amxaaradu ku hanjabtay inay gobalada xoroobay weerari doonto. Wuxuuna yiri:

Gumeysiga hashuu naga dhacay een gurayey raadkeda
Gu’yaal iyo gu’yaal badan hashii gama’a noo diiday
Goobtaay istaagtaba hashaan joognay garabkeeda
Guuraa habeenimo hashaan gabi walba u jiidhay
Waxaan soo gucleyahaba hashaan rag isku soo gaarnay
Gaashaandhigeedii hashuu galowgu eedaamay
Hashii geedankeedii rag badan goodku ku casheeyey
Hashaan labada gaal ee iska barkani gedh u dirireysay
Gacmaa lagu maquunshee xornimo nooma ay garane
Garre iyo guntane maalintay gees isugu booday
Allaa noo gargaaree markuu shicibku guulaystay
Geeraaradeedii hashaan anigu googooyey
Galoolkiyo maraagiyo hashaan kidiga geylaanshay
Gaajiyo haraad badan hashaan ugu garaacaayey
Goortuu sidkeedii go’ay eey galabii fool qaaday
Iyadoo candhada giijisay oo godol ku siidaysay
Garaad nimaan laheyn bay la tahay waad ka gaagixine
Annagoon gantaalada dhiciyo heysan qori gaaban
Hashaan gaada weyniyow libaax uga gaboon waayey
Inaan goraya cowl uga tagaa waa wax soo gudhaye.

SHARAXA EREYADA

Gumeysiga hashuu iga dhacay: gobanimadu
Gurayey: daba socday
Goobtay istaagtaba: meeshay istaagtaba
Galowgu: shimbir dagaalka ka oyda
Geedaankeedii: dagaalkeedii
Goodku: dugaag (mas)
Laba gaal ay is barkani: Ingiriis iyo Talyaani
Geydh u dirireysay: xoog u dirireysay
Garre iyo guntane: rag iyo dumar
Galool, maraa, kidi: geedo magacood
Geylaanshay: googooyey

Weydiimo

  1. Gabyaagu hasha uu sheegayaa waa maxay?
  2. Waa maxay micnaheeda hashaan rag isku soo gaarnay?
  3. Galowgu goormuu eedaamay?
  4. Labada gaal ee is barkani waa kuwee?
  5. Gabaygaan kasoo saar tuduca sheegaya ragga iyo haweenka iskaashigooda?
  6. Yaa loola kala jeedaa gaada weynow libaax iyo gorayo cawl?
  7. Soomaalidu xornimada siday ku heshay?
  8. Markaad gabaygaan u fiirsato, maxaad ku garan kartaa in geelu Soomaalida qiimo weyn ugu fadhiyey?

2 thoughts on “Maandeeq

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *