Qaadow Adigaa Leh

Gabaygan ka hadlaya waxyeelada iyo dhibaatada uu qaadku ummada u leeyahay waxaa curiyey abwaan Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle, gabaygan intaa kuma dhama oo waxa aan ka soo qaadanay qayb ka mid ah.

Cimri kuu qoraa qeyb kalumi qaadow adigaa leh
Qofka aadmigoo qiimo dhaca qaadow adigaa leh
Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh
Qaflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh
Waxaad shaiayto qabatoo qabyaa qaadow adigaa leh
Qaadicu salaadnimo qasada qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la’aan qaadow adigaa leh
Qasban qeyb daroogada ka mida qaadow adigaa leh
Hanti qaran qanaafiir ugee qaadow adigaa leh
Qaamuuska caay waxa ku qoran qaadow adigaa leh
Qisa yaablahow qarinayaan qaadow adigaa leh
Afku wuxuunan ii qaban kareyn qaadow adigaa leh
Qandaraaska qababaal xumida qaadow adigaa leh
Qarnigan qasaaraha u badan qaadow adigaa leh
Quful kugu jaboon furuhu qaban qaadow adigaa leh
Noloi qiyaali ahi qiimo daran qaadow adigaa leh
Qacna maahi qeybina! maqan qaadow adigaa leh
Hadal qararacloo qadiman qaadow adigaa leh
Iska quusashada la is qadimo qaadow adigaa leh
Ragbay ii qaaday qirish kama bixin qaadow adigaa leh
Kabar qolofa xaabshaan hor quban qaadow adigaa leh
Qaangaaro qeyrkood ka haray qaadow adigaa leh
Ha qasaalin lama qoonsadee qaadow adigaa leh
Ku qaraabo xalay waa qadeen qaadow adigaa leh
Qada isiiya meel kaleku qoran qaadow adigaa leh
Qaatilunafsihi kuu qabiran qaadow adigaa leh
Qawlala cagaar kaa qubtana qaadow adigaa leh
Qaiad iyo inkaar qoorta suran qaadow adigaa leh
Qolfo muuqda iyo qoon la rogay qaadow adigaa leh
Quraafaad quraan lagu matalo qaadow adigaa leh
Hadba qaabaqowseyn kirkira qaadow adigaa leh
Qabya tiraha daankoo qonbora qaadow adigaa leh
Ii qaloocan camankoo qaldhacan qaadow adigaa leh
Qumanahoodaqoorta ugu jira qaadow adigaa leh
Sidii qadow laguu qawshadana qaadow adigaa leh
Qoryo feenashaan laga qajilin qaadow adigaa leh
Mari isiiya waa iga qabyee qaadow adigaa leh
Mar ii qaada aan qaaddacee qaadow adigaa leh
Qatar iyo qabyaan la ebyi Karin qaadow adigaa leh
Boqolaal qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh
Qaatalkallaahuye adigaa qaranka aafeeyey
Ilaahey ha naga kaa qabtee qayba herawiinle.

Weydiimo

  1. Yaa tiriyey gabaygan?
  2. Muxuu kaga hadlayaa abwaanku gabayga?
  3. Sheeg saddex dhibaato oo uu abwaanku qaadka ka sheegay?
  4. Sheeg qaadku ma ka mid yahay muqaadaraadka?
  5. Sharax meeriska 22aad ee gabayga?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *