Sahan: Saar

Saarkaan hal ku dheggiisu yahay Sahan waxaa tiriyey Alla ha u naxariistee abwaan Careys Ciise Kaarshe, wuxuuna si qoto dheer uga hadlayaa dhaqanka dadka Soomaaliyeed ee la xiriira marka xoolaha loo sahmiyo, wuxuuna yiri:

Gahaa gabey laga galaa,
Gawaan waa lagu kufaa,
Gabiib waa la cuskadaa,
Goon waa laga dhaadhacaa,
Ga’dii kale waxaan lahaa,
Abaar xooluhu go’een,
Iyadoo geelii gawaray,
Gudbanahaan deyrta sugin,
Cirkaa soo daayey gugac,
Habeen baan reer ka guday,
Gudcur ay goortu tahay,
Go’doon weeyee caradu,
Galool fooryaaya iyo,
Waxaa igu yeerey galow,
Libaax baa igu gurxamey,
Abeesada gaamurtiyo.
Good iyo gugume,
Waraabe igarab ordiyo,
Gufashada geedka iyo,
God dheeraadoon galiyo,
Sidaan guuraha uwadey,
Jidkii baa kala gudoo,
Faalbaan gaagaabiyoo,
Guntanaa ii soo baxoo ,
Mid waataan saarey geed,
Midkii kale waan lagaley,
Cabbaar goortaan gurmadey,
Hirdana aan siinin gama’,
Gaduudkii waaga iyo,
Salaaddaa galac ku tin,
Aniga oo gaaja qabah,
Oo gamaavadu saa’id tahay,
Fuley baa gabi rogtee,
Intaan dhuuqsadey guntiga,
Guluf waa taan iakacay,
Harkii oon geesna jirin,
Haduu soo galay gondaha,
Geed hoostii baan gabadey,
Dhuunyaalaa igu gab yiri,
Go’doon weeyee caradu,
Illeen waa guul daree,
Cabbaar anigoon gal galan,
Hadiibana weys gadiyey,
Waxaan galay galab carow,
Kabteyduna wey gabtoo,
Ilaashkii baa ka go’ay,
Gacmaha anigoo ku sida,
Markaana aan gaabshay socod,
Gabalkii bey igu dhacay,
Waa ii guurihii lauaad,
Cabbaar goorlaan gurmadey,
Gufaacadii roobka ivo,
Geedaha ii soo carfiyo,
Naqii vvaatuu igalay,
Illeen waa gooba3^ee,
Go’ii baan saartay geed,
Katiga warankaan la baxay,
Dhulkii baab ciid ka gurey,
Oo god dheeraadaan ka qoday,
Aniga oon gaarin wali,
Caloosheeydaan gocdoo,
Hadiibana weys gadiyey,
Cabbaar goortaan gurmadey,
Habeenkii galin dhexaad,
Gondoob loogama noqdee,
Gugacu meeshuu ku dhacay,
Guntii roobkaan utagey,
Haraad bey gubahayee,
Biyihii goortaan dhex galey,
Gacalo anigoo uqaba,
Qur qura gowaaan ka suray,
Waa gacan weynyahey ilaah,
Ninkuu guuleeyso dhaho,
Talada waa kii gartee,
Geedbaan guudka uga baxey
Saa waa gaajeeysnahaye,
Miraha goortaan ka guray,
Hadii aan gowska dhigay,
Garoorkii caanihiyo,
Waxaad moodaa galey,
Calooshii baa gig tiri,
Sahay meel gaara iyo,
Guntiga qaar baan ku ride
Aniga oo guushii wada,
Salaadii wcys gadiyey,
Go’doon kaan soo marana
Garmaamaan kaga baxay,
Oo ciddii goortaan ugaley,
Gaadiidkaan soo qabtayoo
Reerkii geedaan urarey,
Habeen guul oomaniyo,
Gasiin iyo galab carow,
Naqii goortaan ku galay,
Dhulkii geedaha lahaa
Guriga goortaan ku furay,
Intaan gaawaha uculay,
Geelii baa ii godladey,
Ritigu waa guuxey,
Oo qaalmuhu waa goojiyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *