Tusaale Waalid

Gabaygaan waxaa tiriyey ninka la yiraahdo Cali Mire Cawaale oo u tiriyey gabdhihiisii waaweynaa ee uu rajonimo ku soo koriyey. Ujeeddaduu Cali ka lahaana waxay ahayd inuu ku waaniyo gabdhihiisa waaweyn si ay u xannaaneeyaan caruurta ka yaryar ee haweyneyda uu qabaa ay dhashay iyo in uu ogeysiiyo inuu dhib badan ka soo maray koriimadooda. Wuxuuna yiri:

Da’ qofkii noqdaa loo ogaa inuu dardaarmaaye
Gabdhayahow duq baan ahay haddeer aan durdurineyne
Waxaan idinka doonaaba waa daacad iyo xooge
Caruurtaan ducaysaneyni way degal xumaataaye
Inaad daadaheysaan ilmaha idinku dor roone
Haddeydaan dulqaad yeelan waa dib u dhac reereede
Idinkuba wax badan baan dartiin daal usoo maraye
Duleed lagama helin xoolihiyo daartaad hurudaane
Dagaal baan usoo galay waxaad duni arkeysaane
Dabbaan shiday intaan daango dubay rooti duhur qaatay
Daryeelkiina awgiis xawaash dumar lasoo iibshay
Dadaal aan idin qabo cuntada dacal kusoo laabay
Idinkaan dareemine mayara diifta igu taale
Allahayow daraaddiin maxaan daano igu gaartay
Doqon iyo dammiin iyo maxaan nacab la daaweystay
Dayaca karog intii aan lahaa dacas maxay fuulay
Deriskooda yey mudan maxaan deyn ugalay xoog leh
Dadka yuu rajo ugaran maxaan qariyey daalkeyga
Dabeyl iyo kuleyl iyo maxaan dibad idiin meeray
Diihaal anoo qaban maxaan qariyey daalkeyga
Kolkuu diiqa ciyo aawadiin dalag maxaan raadshay
Dulbaax iyo baruur iyo maxaan darib idiin keenay
Darmo iyo furaash iyo maxaan gogol idiin daashay
Dibaaj xariiriyo maxaan diric idiin gooyey
Midi dureyda lay dhexe maxaan daawada ukiciyey
Dugaagiyo maxaan idinka jiray daalin iyo meel xun
Maxaan idinka digay xaajo aan idinka diidaayo
Duur xun hadal ah naag tiri Allow diiq maxaan galiyey
Dulmi idinka oo falay maxaan idinla soo duubtay
Dambi aad sameyseen maxaan duulal kale saaray
Darajiyo wanaag iyo maxaan samo idiin doonay
Duco iyo maxaan Eebbe tuug idinku siidaayey
Eegana dantay aan hadlee waxaan ku soo duubay
Daacad iyo werdiga Eebbahay docogso mooyaane
Inaan daayo yaa ila gudboon duunyo dhaqideede
Bal aan dayo abaal inuu dad galo Daayin baa garane.

Weydiimo

  1. Tuducyada 1aad, 2aad iyo 3aad muxuu gabyaagu kaga hadlayaa? Muxuuse gabdhihiisu weydiisanayaa?
  2. Tuducyada 3aad, aad, 5aad iyo 6aad yuu ka rabaa inay gabdhihiisu u dulqaataan?
  3. Tuducyada 10aad, 11aad iyo 12aad muxuu gabyaagu kaga hadlayaa?
  4. Tuducyada 13aad, 14aad iyo 15aad waayo dadka uu Cali tilmaamayo ee la daaweystay ama wax ku darsaday?
  5. Tuducyada 16aad 17aad, 18aad illaa 24aad si kooban faallo uga bixi.
  6. Tuducyada 25aad, 26aad iyo 27aad waa maxay dugaagga daalinka iyo xaajooyinka uu ka hadlayo?
  7. Tuducyada 28aad, 29aad iyo 30aad si faahfaahsan uga hadal arrimaha uu Cali guud maray.
  8. Tuducyada 34aad, 35aad iyo 36aad muxuu gabyaagu hadalkiisa ku duubay?

4 thoughts on “Tusaale Waalid

Leave a Reply to Bishar Abdi Imisa Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *