Waa Maxay Tix iyo Tiraab?

Hordhac

Inta aynaan qeexin waxa ay kala yihiin tix iyo tiraab, waxa habboon in aynu marka hore qeexno waxa uu yahay afka Soomaaliga ee ay tixdu iyo tiraabtuba ka mid yihiin.

Af-Soomaaligu waa af xuruuftiisu ay Laatiin tahay dhawaaqiisuna uu Carabi yahay. Waxaana la qoray fartiisu sanadku marka uu ahaa 1972kii.

Codadka uu far-Soomaaliga ka kooban yahay ama leeyahay waa toban shaqal, kow iyo labaatan shibbane iyo sumadda hamsada oo iyadu leh cod gaar ah.

Afka Soomaaligu waxa uu u qaybsamaa guud ahaan labo qaybood oo waaweyn oo kala ah:

  • Tix
  • Tiraab

Qeexid Tix

Tixdu waa qayb hadalka ka mid ah waxayna leedahay ridmo iyo qaafiyad u gaar ah oo xaraf ku socota oo tuduca horey ama dhexda ka gala kuna soo noqnoqda labo, saddex ama afar goor. Tixdu waa suugaan, suugaantuna waa maanso, maansaduna waxa ay ka kooban tahay qaybo badan, waxaana ugu waaweyn:

  • Gabayga
  • Geeraarka
  • Jiiftada
  • Masafada
  • Buraanburka
  • Heesaha
  • Guurowga
  • Shiribka
  • Welgada
  • Maahmaahyada

Xeerka tixdu waa inaad saddex waxyaabood dhawrtaa: munaasabadda, macnaha iyo xarafkaba.

Qeexid Tiraab

Tiraabtu waa qaybta hadalka ka midka ah ee aan lahayn ridmo iyo qaafiyad ama xaraf ay ku socoto, waxa ayna ka kooban tahay murti, googaaleysiga, sheeko, baaniso, oraah iyo qayb ka mid ah maahmaahyada.

Xeerka tiraabta loo adeegsado waa in loo ilaaliyo meel dhacdo iyo macno, laakiin kugu dabrimeyso tiraabtu inaad xaraf iyo xubin midna ku socodsiiso ee hadalku tiraabta ahi waad dheereyn kartaa waadna gaabin kartaa.

Weydiimo

  1. Waa maxay tix? Waa maxayse tiraab?
  2. Goorma ayaa la qoray far-Soomaaliga?
  3. Immisa ayuu u qeybsamaa Af-Soomaaligu?
  4. Sheeg saddex ka mid ah qaybaha tixda.
  5. Sheeg xeerka tixda iyo tiraabta.

25 thoughts on “Waa Maxay Tix iyo Tiraab?

    1. 1: Tixdu waa qayb af Soomaaliga ka tirsan lehna ridmo iyo qaafiyad lehna miisaan xaf fadhiista
      = Tiraab tu waa hadal caadi ah lahayn ridmo iyo qaafiyad kuna socon Hal xaraf
      2: Waxaa la qoray afka Soomaaliga sanadii 1972
      3: Afka Soomaaliga waxuu u qeeb samaa labo qayb oo kala ah B) Tix T) Tiraab
      4: Saddexda qaybood waa B) Gabay. T) Geeraar. J) Saar

  1. Waxaa aad iyo aad ugu faraxsanahay in dib loo soo nooleeyo. Balse waxaan qabaa su’aal.
    Waa maxay suugaan / maanso?

    1. Qaamuuska Af-Soomaaliga (Mansuur, Puglielli) wuxuu labada eray u qeexayaa sidatan:

      suugaan: 1. Hadal tix ama tiraab ah oo murti hugan. 2. Laan aqoonta ka mid ah oo la barto; adab. 3. Naq; doog; cosob.
      maanso: Suugaanta qayb ka mid ah oo ka kooban waxyaabo badan oo la tirsho sida, gabayga, masafada, heesta iwm.

      Macluumaad dheeri ahna waxaad ka heli kartaa ararka Diiwaanka Gabayadii Sayidka.

    2. suuganto waa maanso
      maansado na waa ay la Koban tahay qaybo waaWAny
      ✅ Gabayga
      ✔Geerarka
      ✔ Jiiftada
      iyo wixii la Mid ah

  2. Tix: Tixdu waa qayb hadalka ka mid ah waxayna leedahay ridmo iyo qaafiyad u gaar ah oo xaraf ku socota oo tuduca horey ama dhexda ka gala kuna soo noqnoqda labo, saddex ama afar goor. Tixdu waa suugaan, suugaantuna waa maanso, maansaduna waxa ay ka kooban tahay qaybo badan waxaana ugu waaweyn:
    Tiraab: Tiraabtu waa qayb hadalka ka mid ah ee aan lahayn ridmo iyo qaafiyad ama xaraf ay ku socoto, waxayna ka kooban tahay murti, googaaleysiga, sheeko, baaniso, oraah iyo qayb ka mid ah maahmaahyada.
    2) Af-Soomaaliga waxaa la qoray sanadkii 1972.
    3) Tixda waxaa kamid ah,
    Gabay
    Geerar
    iyo Guurow
    4) Xeerka tixda waa in la ilaaliyo micnaha erayada iyo kala duwanaanshaha xarafka.
    Xeerka tiraabta loo adeegsado waa in loo ilaaliyo meel dhacdo iyo macno, laakiin kugu dabrimeyso tiraabtu inaad xaraf iyo xubin midna ku socodsiiso ee hadalku tiraabta ahi waad dheereyn kartaa waadna gaabin kartaa.

  3. waad mahadsan tihiin waxaad isku dayaysaan inaad soo celisaan dhaqankii iyo afkeenii hore aad iyo aad ayaan idiinku mahadnaqayaa

  4. Waxaan kaa rabaa ereyga ‘baaniso’ iyo ereyga ‘weglada’ oo ka mid ah tiraabta haddii ay jirto.
    Mahadsanid

    1. Soo dhawoow, walaal Cabdulqaadir.

      Qaamuuska Af-Soomaaliga ee Yaasiin Cismaan Keenadiid wuxuu erayga baaniso u qeexayaa sidatan:
      Baanise (-ha) — Hadal ama dood, qoran ama aan qorrayn oo meel madal ah laga yiraahdo; khudbo.

      Erayga kale ee weglo, waan ogahay inuu ka mid yahay qeybaha maansada, laakiin qeexid kuma arag qaamuusyada, haddaan micnihiisa oo sharraxan helo waan kula socodsiin, inshaa Allaah.

      1. Erayga weglo waa ciyaarta ay ciyaaraan reer baadiyuhu xiliyada guga, waa ciyaaro dhaqameed aroodyada marka laga dareero la ciyaaro.

  5. waad kumahadsantay soo noolaynta afka hooyo
    ta labaad waxaad tiri tixdu waxay leeday sadex qodob
    1.micno
    2.xaraf
    3.munaasiba

    micno iyo xaraf waan fahmay lkn munaasibad waa maxay mahadsanid

  6. Asc Dhawan waxaan salaamayaa bahda makatabada sida sharaftale eey ugudbinayaan afkeena hooyo iyo ka guul gaaridiisa hadion aan isku dayo layliga waaa sida aan
    1) tix waaa waa hadalka qeeyb kamid ah ooo leh ridmo iyo qaafiyad aay ku socoto
    =Tiraàab waaa qeyb hadalka kamid ah oo aan leheyn ridmo iyo qaafiyad ayaa ku
    socoto
    2) afka soomaliga waxaa laqoray sanadkii 1972
    Wxaana afka looo qeybiyaa laba qeybood ooo kala ah maay iyo mxaa tiri
    3) qeybaha tixda wxaa kamida a) gabay)b) geeraar iyo saaaar

  7. Asc Dhawan waxaan salaamayaa bahda makatabada sida sharaftale eey ugudbinayaan afkeena hooyo iyo ka guul gaaridiisa hadion aan isku dayo layliga waaa sida aan
    1) tix waaa waa hadalka qeeyb kamid ah ooo leh ridmo iyo qaafiyad aay ku socoto
    =Tiraàab waaa qeyb hadalka kamid ah oo aan leheyn ridmo iyo qaafiyad ayaa ku
    socoto
    2) afka soomaliga waxaa laqoray sanadkii 1972
    Wxaana afka looo qeybiyaa laba qeybood ooo kala ah maay iyo mxaa tiri
    3) qeybaha tixda wxaa kamida a) gabay)b) geeraar iyo saaaar

    1. Asc. Dhamaan waxaan salaamayaa bahda maktabada sida sharaftale eey ugudbinayaan afkeena hooyo iyo ka guul gaaridiisa hadii an isku dayo layliga waa sidaan:
      1) tix waa hadalka qeeyb kamid ah oo leh ridmo iyo qaafiyad ay ku socoto.
      =Tiraab waa qeyb hadalka kamid ah oo aan leheyn ridmo iyo qaafiyad ay ku socoto.
      2) afka soomaaliga waxaa laqoray sanadkii 1972.
      Waxaana afka loo qeybiyaa laba qeybood oo kala ah maay iyo maxaa tiri.
      3) qeybaha tixda waxaa kamida a) gabay b) geeraar iyo masafada.

      1. وعليكم السلام ورحمة الله وبركاته
        mahadsanid walaal

Leave a Reply to Shaataa Axmed Olol Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *