Xadiiska 19aad

GARGAARKA ALLA

[arabic-font]عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَبَّاسٍ  قَالَ: “كُنْت خَلْفَ رَسُولِ اللَّهِ يَوْمًا، فَقَالَ: يَا غُلَامِ! إنِّي أُعَلِّمُك كَلِمَاتٍ: احْفَظْ اللَّهَ يَحْفَظْك، احْفَظْ اللَّهَ تَجِدْهُ تُجَاهَك، إذَا سَأَلْت فَاسْأَلْ اللَّهَ، وَإِذَا اسْتَعَنْت فَاسْتَعِنْ بِاَللَّهِ، وَاعْلَمْ أَنَّ الْأُمَّةَ لَوْ اجْتَمَعَتْ عَلَى أَنْ يَنْفَعُوك بِشَيْءٍ لَمْ يَنْفَعُوك إلَّا بِشَيْءٍ قَدْ كَتَبَهُ اللَّهُ لَك، وَإِنْ اجْتَمَعُوا عَلَى أَنْ يَضُرُّوك بِشَيْءٍ لَمْ يَضُرُّوك إلَّا بِشَيْءٍ قَدْ كَتَبَهُ اللَّهُ عَلَيْك؛ رُفِعَتْ الْأَقْلَامُ، وَجَفَّتْ الصُّحُفُ” . رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:2516] وَقَالَ: حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ. [/arabic-font]
[arabic-font]وَفِي رِوَايَةِ غَيْرِ التِّرْمِذِيِّ: “احْفَظْ اللَّهَ تَجِدْهُ أمامك، تَعَرَّفْ إلَى اللَّهِ فِي الرَّخَاءِ يَعْرِفُك فِي الشِّدَّةِ، وَاعْلَمْ أَنَّ مَا أَخْطَأَك لَمْ يَكُنْ لِيُصِيبَك، وَمَا أَصَابَك لَمْ يَكُنْ لِيُخْطِئَك، وَاعْلَمْ أَنَّ النَّصْرَ مَعَ الصَّبْرِ، وَأَنْ الْفَرَجَ مَعَ الْكَرْبِ، وَأَنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا”.[/arabic-font]

Waxaa laga weriyay Abuu Cabbaas Cabdullaah ibn Cabbaas , inuu yiri:
Anigoo daba socda Nebiga  maalin ayuu i yiri: dhageyso wiiiyahow waxaan ku barayaa ereyadan: llaahay dhowr isaguna waa ku dhowrayaa, llaahay dhowr waxaad ka heli doontaa hortaada. Haddii aad wax baryeysid llaahay bari, haddii aad gargaar dooneysid llaahay gargaarso. Ogow haddii ummaddoo dhan isugu tagto iney wax kuu tarto waxaan Alla kuu qorin kuuuma qaban karaan. Haddii ay isugu tagaan iney dhib ku gaarsiiyaan kuma gaarsiin karaan wax aan laguu qorin, qalinkii waa la rafacay, anqaastii xaanshiduna wey qallashay.
Waxaa weriyey Tirmidi waana xadiis Xasan, saxiix ah.

Sharaxa
Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa sidii leysugu kalsoonaan lahaa llaahayna loo cuskan lahaa. Haddii qofku xafido amarka llaahay faray isagana ilaahay baa ka xafidaya musiibooyinka dunida ku baahsan, macnaha waa haddii aad raacdid jidka toosan ee llaahay jideeyay waxaad ka badbaadeysaa balaayooyinka badan ee ka dhasha baadinimada iyo ku xadgudubka sharciga. Wuxuu faray Nebiga  qof kasta inuu ilaaliyo sharciga llaahay si uu uga helo hortiisa arrimihiisa oo llaahay u irrido bixinayo, waxaanalagu sheegay Aayad Qur’aan ah in ninkii llaahay ka cabsada arrimihiisa loo sahlayo, ciriirigana llaahay ka saarayo, meel uusan wax ka fileynna laga irsaaqayo.
Marka haddii llaahay kuu ballan qaaday inuu arrimahaaga fulinayo waa inaad isaga weydiisataa muraadkaada, marka wax la weydiisanayo keligii weydiiso. Haddii arrimaha aad warsaneysaa yihiin kuwa llaahay la kelida yahay sida risqiga, ilmaha, cumri dhirirka, cudur qaadidda, roobka i.w.m. Haddiise waxaad codsaneysaa yahay ‘arrimaha dadka dhexdiisa isa—siin karaan sida maacuunka iyo waxyaalaha aadamiga llaahay awoodda u siiyay ee uu bixin karo waa la weydiisan karaa arrinkaa qofkii wax ka qaban kara. Markaadse gashid meel halisahoo llaahay keligi wax ka qaban karo sida markaad geshid meelo aad khatar u ah sida doon badda ku maashootay oo kale ama dab ku kacay dayuurad cirka socota iyo musiibooyinka llaahay oo keliya loo sheegan karo waa inaad llaahay keligi gargaar warsatid, maxaa yeelay waxyaalaha ka baxsan awoodda aadamiga waa in llaahay la warsado.
Waxaa kale oo xadiisku caddeynayaa in dhib iyo dheefba llaahay hayo keligi, dadkuna waxba geli kareyn waxna kuu tari kareyn haddii aan llaahay horay kuugu qorin, wixii llaahay kuu qorayna hore ayey u dhigan yihiin marka waxaa laga rabaa qofka inaanu waxba u habranin ama aano cabsanin ee waa inuu ku dhaqaaqo wixii uu xaq u garto isagoo ku kalsoon llaahiisa oo isaga qura cuskanaya kana gargaar dalbaya.
1. Qofkii xafida sharciga llaahay inuu sharta ka xafidayo,
2. Qofkii llaahay isku halleeya isagaa u jidbixinaaya,
3. Qofkii cid baryaya waa inuu llaahay baryo isagana gargaar weydiisto,
4. Waa in qofku ogaado inaan cidna ka baajin kareyn wixii ioo qoray cidnana u diidi kareyn wixii loo calfay,
5. Camalka wanaagsan wuxuu ka badbaadiyaa qofka musiibooyinka,
6. Waa in qofku ku kalsoonaado naftiisa kuna tiirsado llaahiisa keligi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *