Xadiiska 1aad

MIISAANKA CAMALKA WAA NIYADDA

[arabic-font]عَنْ أَمِيرِ الْمُؤْمِنِينَ أَبِي حَفْصٍ عُمَرَ بْنِ الْخَطَّابِ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: ” إنَّمَا الْأَعْمَالُ بِالنِّيَّاتِ، وَإِنَّمَا لِكُلِّ امْرِئٍ مَا نَوَى، فَمَنْ كَانَتْ هِجْرَتُهُ إلَى اللَّهِ وَرَسُولِهِ فَهِجْرَتُهُ إلَى اللَّهِ وَرَسُولِهِ، وَمَنْ كَانَتْ هِجْرَتُهُ لِدُنْيَا يُصِيبُهَا أَوْ امْرَأَةٍ يَنْكِحُهَا فَهِجْرَتُهُ إلَى مَا هَاجَرَ إلَيْهِ ٠
رَوَاهُ إِمَامَا الْمُحَدِّثِينَ أَبُو عَبْدِ اللهِ مُحَمَّدُ بنُ إِسْمَاعِيل بن إِبْرَاهِيم بن الْمُغِيرَة بن بَرْدِزبَه الْبُخَارِيُّ الْجُعْفِيُّ [رقم:١]، وَأَبُو الْحُسَيْنِ مُسْلِمٌ بنُ الْحَجَّاج بن مُسْلِم الْقُشَيْرِيُّ النَّيْسَابُورِيُّ [رقم:١٩٠٧] رَضِيَ اللهُ عَنْهُمَا فِي صَحِيحَيْهِمَا اللذَينِ هُمَا أَصَحُّ الْكُتُبِ الْمُصَنَّفَةِ[/arabic-font]

Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu’miniinta Cumar ibn al-Khaddaab, Alla ha ka Raalli Noqdee: inuu yiri, waxaan maqlay Nebiga ﷺ oo leh:
Camalku waxaa saldhig u ah niyadda, qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa, marka qofkii u hijrooday Ilaahay dartii iyo Rasuulkiisa ﷺ wuxuu helayaa ajar Ilaahay. Qofkii u hijrooda inuu adduunyo helo ama gabar uu rabo guurkeeda, isna waxaa lagu abaalmarinayaa niyaddiisa oo Ilaahay ka sugi maayo abaalgud.”
Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa
Niyadda waxaa looga jeedaa marka qofku shaqo qabanayo, wuxuu ula jeedo ama u qasad leeyahay, marka niyaddu waa saldhigga camalka qofka Muslimka ah, waana miisaanka camalka lagu qiyaaso, marka haddii niyaddu saafi tahay oo Lillaahi loola jeedo, Rasuulkii Allana ﷺ howshaa lagu raad raacayo, camalkii waa ansaxay, haddiise wax kale lagu dheeho, ama aan Rasuulkii  lagu raad raaceyn, camalkii waa buray.
Hijradu waxay ahayd in markii gaaladu haysatay Makka laga tago oo lagu biiro xarunta Islaamka ee Madiina, taana waxaa loola jeeday in qofku ka guuro meesha aannu ku haysan inuu ugu dhaqmo diinta Islaamka si xurriyad ah.

FAA’IDADA XADIISKA
Wuxuu noo faa’ideynayaa xadiiskani arrimaha soo socda:

1. Inaan camalku ansaxeyn niyad suubban la’aan.
2. In qofka laga abaalmariyo camalka uu niyad wanaag u falo, shareecadana waafaqsan.
3. Camalka Alla aqbalayo inuu yahay kan isaga dartii loo falay hagar la’aan, shareecadana waafaqsan.
4. Qofkii camalkii uu falay ee shareecada waafaqsanaa ku dara is-tustus ama uga gol leh camalkaa adduun ku hel, ama ha lagu ammaano ee magac iyo maal doon ah waxaa buraya ajarkiisa oo Ilaahay waxba ka sugi maayo.

4 thoughts on “Xadiiska 1aad

  1. ASC, Eebe ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo. Howsha aad qabateen waa howl ballaaran oo faa,iido badanna xambaarsan.
    Waayo waxaan ugu faa,ideeyaa caruur iyo dhallinyaro soomaaliyeed oo Qurbaha kudhashay, haddii ay ahaan lahayd dhanka shareecada islaamka, dhanka afkeenna Hooyo iyo dhanka Carabiga.

    Mahadsanidiin
    Cabdiraxiim

  2. Mahad Alley usugnaatay marka hore, marka danbena culumada diinta noosoo bandhigtay usugnaatay

  3. Pingback: Afartanka Xadiis

Leave a Reply to Cabdiraxiim Maxamed Zubeyr Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *