Xadiiska 20aad

XISHOODKA

[arabic-font]عَنْ ابْنِ مَسْعُودٍ عُقْبَةَ بْنِ عَمْرٍو الْأَنْصَارِيِّ الْبَدْرِيِّ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ “إنَّ مِمَّا أَدْرَكَ النَّاسُ مِنْ كَلَامِ النُّبُوَّةِ الْأُولَى: إذَا لَمْ تَسْتَحِ فَاصْنَعْ مَا شِئْت” . [/arabic-font]
[arabic-font][رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ].[/arabic-font]

Waxaa laga weriyay Abuu Mascuud Cuqba ibn Camaral Ansaari Al Badri , Inuu yiri: Rasuulkii llaahay  wuxuu yiri:
Waxaa ka mid ahaa hadalladii laga soo gaaray Nebiyadii hore: Haddii aadan xishooneyn fal waxaad doontid.
Waxaa weriyay Bukhaari.

Sharaxa
Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa qiimaha weyn ee xishoodku ku lahaa diinihii hore ee aadamigu ka soo dhaxleen Nebiyadii hore Nebedgelyo iyo Naxariisi kordooda ha ahaatee. Hadalka waxaa laga garanayaaa in nebi walba ummaddiisa ku waanin jirey, Nebi Muxammedna  wuxuu u sheegay ummaddiisa in xishoodku ka mid yahay iimaanka. Marka xishood la’aan waa iimaan la’aan, ama xishood laawe waa iimaan laawe, sidaa awgeed, xadiiskan waa hanjabaad iyo goodin u jeedda qofka xishoodka fududaysta, lana dareensinayo haddii uu fududeysto xishoodka qiimaha uu ku leeyahay bulshada inuu hoos u dhici doono, isla markaana ciqaab mudan doono, maxaa yeelay, xishoodku waa xakamaha qofka ka hortaagan xumaatada, qallooca, sharaf—dhaca iyo dulliga.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Qiimaha weyn ee xishoodku ku leeyahay taariikhda aadamiga,
2. Qofka aan xishoon kheyr iaga sugimaayo,
3. In xishoodku ka mid yahay anshaxa wanaagsan ee dadka ku faano,
4. Goodiga ku dtiacay xishood laawaha inuu mudan doono ciqaab adag, maxaa yeelay mar haddii qofku xishoodka ka tago wuxuu ku kacayaa dembiyo fool xun.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *