Xadiiska 26aad

XILKA SAARAN XUBNAHA QOFKA

[arabic-font]عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم “كُلُّ سُلَامَى مِنْ النَّاسِ عَلَيْهِ صَدَقَةٌ، كُلَّ يَوْمٍ تَطْلُعُ فِيهِ الشَّمْسُ تَعْدِلُ بَيْنَ اثْنَيْنِ صَدَقَةٌ، وَتُعِينُ الرَّجُلَ فِي دَابَّتِهِ فَتَحْمِلُهُ عَلَيْهَا أَوْ تَرْفَعُ لَهُ عَلَيْهَا مَتَاعَهُ صَدَقَةٌ، وَالْكَلِمَةُ الطَّيِّبَةُ صَدَقَةٌ، وَبِكُلِّ خُطْوَةٍ تَمْشِيهَا إلَى الصَّلَاةِ صَدَقَةٌ، وَتُمِيطُ الْأَذَى عَنْ الطَّرِيقِ صَدَقَةٌ”. [/arabic-font]
[arabic-font][رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ][/arabic-font]
[arabic-font]، [وَمُسْلِمٌ].[/arabic-font]

Waxaa laga weriyey Abuu—Hureyra (Allaha ka raalli noqdee), inuu yiri: Rasuulkii Alla (s.c.w.) wuxuu yiri:
Xubin kasta oo aadamiga ku taal, waxaa kordeeda ah sadaqo, maalin kasta. Marka haddaad laba qof oo dirirsan heshiisiiso sadaqo ayey kuu tahay, haddii aad qof dhibaateysan sida ruux curyaan ah ku gargaartid gaadiid fuulidda oo ku taageertid in uu fuulo ama qaiab dhulka ka yaal aad u soo qabato waxay kuu tahay
sadaqo, hadalka wanaagsan waa sadaqo, tallaabo kasta oo aad salaad u qaaddid waa sadaqo, haddii aad jidka waxa dadka dhibaya aad ka leexisid waa sadaqo.
Waxaa weriyey al-Bukhaari iyo Muslim.

Sharaxa
Xadiiskani, wuxuu si faahfaahsan inoogu warramayaa xilka ka saaran qofka muslimiinta walaalihiisa ah ee bulshada kula nool. Wuxuu llaahay ku waajibiyey xubin kasta oo ka mid ah xubnaha qofka sadaqa joogto ah, waxaana lagu bixin karaa sadaqadaas shaqada xubnaha bulshada ee baahan loo qabanayo, wuxuu xadiisku tilmaamay dhowr fal, tusaale ahaan, kuwaas oo ah: In dadka kala boodsan la heshiisiiyo, in qofka tamarta daran ee curyaanka ah ama indhaha la’ lagu caawiyo fuulidda gaadiidka, in hadal wanaagsan oo aan turxaar) lahayn lagula hadlo dadka aad la kulmeysid, inaad Masaajidka qalbigaaga ku xirto, lugtaadana ku badiso oo aad ka qayb qaadato salaadaha faradka ee jamac ahaan loo wada tukanayo iyo duruusta iyo muxaadarooyinka ka jira, inaad jidka dadka iyo xooluhu marayaan ka nadiifisid waxa dhibaya dadka sida, dhagaxa, oodda iwm. Waxaa la mid ah arrimahaas wax kasta oo waxtar u leh dadka, oo dhib ka badbaadinaya ama dheef u soo jiidaya.
Marka wax—u—qabadka dadka kuu baahan ayaa kaa bixin kara waajibka xubnahaaga saaran, haddii awoodda llaahay ku siiyay aad ka hagratid walaalahaaga u baahan ogow inaad mudan doonto ciqaabta llaahay, sababtoo ah qofka curyaanka ah ama waxtarkaaga u baahan llaahay uma waayin in uu siiyo awooddaada oo kale ama tu ka weynba, laakiinse, ogaan buu sidaa uga yeelay, si laguu imtixaano adiga iyo dadka kula midka ah, in ay wax ka qabtaan arrimahaas oo kale.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Dhexdhexaadinta dadka dirirsan waa ku waajib dadka awoodda u leh;
2. Gargaarka qofka aan fuuli karayn baabuurka ama waxa la midka ahba, ha noqdo qof curyaan ah, mid indha la waa waxyaalaha waajibka ku ah xubnaha bulshada muslimka ah;
3. Qofkii aan wax kale hayn waa inuu ku soo dhoweeyo dadka erayo wanaagsan oo qofku ku farxo, isagoo daacad ah oo aan waxba ka sasabanayn;
4. Jidka dadku marayo waa in laga fogeeyo wixii dadka dhibaya, sida dhagaxa, qoryaha, iwm;
5. Socodka (oo soconayo masjidka, tallaabo kasta ajar buu ku leeyahay qofku;
6. Sida maalka sekada ugu waajibtay ayey jirkana ugu waajibtay seko, laakiin, sekda jirku waa inaad xoogga, caqliga iyo laxaadkaaga kale muslimiinta wax ugu tartid;
7. Inuu qofku xooggiisa isaga uun isku koobin ee waa in uu u gudbiyo dadka kale ee walaalahiis ah una baahan waxtarkiisa.

One thought on “Xadiiska 26aad

  1. Pingback: Afartanka Xadiis

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *