Xadiiska 29aad

JIDKA JANNADA LOO MARO

[arabic-font]عَنْ مُعَاذِ بْنِ جَبَلٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قُلْت يَا رَسُولَ اللَّهِ! أَخْبِرْنِي بِعَمَلٍ يُدْخِلُنِي الْجَنَّةَ وَيُبَاعِدْنِي مِنْ النَّارِ، قَالَ: “لَقَدْ سَأَلْت عَنْ عَظِيمٍ، وَإِنَّهُ لَيَسِيرٌ عَلَى مَنْ يَسَّرَهُ اللَّهُ عَلَيْهِ: تَعْبُدُ اللَّهَ لَا تُشْرِكْ بِهِ شَيْئًا، وَتُقِيمُ الصَّلَاةَ، وَتُؤْتِي الزَّكَاةَ، وَتَصُومُ رَمَضَانَ، وَتَحُجُّ الْبَيْتَ، ثُمَّ قَالَ: أَلَا أَدُلُّك عَلَى أَبْوَابِ الْخَيْرِ؟ الصَّوْمُ جُنَّةٌ، وَالصَّدَقَةُ تُطْفِئُ الْخَطِيئَةَ كَمَا يُطْفِئُ الْمَاءُ النَّارَ، وَصَلَاةُ الرَّجُلِ فِي جَوْفِ اللَّيْلِ، ثُمَّ تَلَا: ” تَتَجَافَى جُنُوبُهُمْ عَنِ الْمَضَاجِعِ ” حَتَّى بَلَغَ “يَعْمَلُونَ”،[ 32 سورة السجدة / الأيتان : 16 و 17 ] ثُمَّ قَالَ: أَلَا أُخْبِرُك بِرَأْسِ الْأَمْرِ وَعَمُودِهِ وَذُرْوَةِ سَنَامِهِ؟ قُلْت: بَلَى يَا رَسُولَ اللَّهِ. قَالَ: رَأْسُ الْأَمْرِ الْإِسْلَامُ، وَعَمُودُهُ الصَّلَاةُ، وَذُرْوَةُ سَنَامِهِ الْجِهَادُ، ثُمَّ قَالَ: أَلَا أُخْبِرُك بِمَلَاكِ ذَلِكَ كُلِّهِ؟ فقُلْت: بَلَى يَا رَسُولَ اللَّهِ ! فَأَخَذَ بِلِسَانِهِ وَقَالَ: كُفَّ عَلَيْك هَذَا. قُلْت: يَا نَبِيَّ اللَّهِ وَإِنَّا لَمُؤَاخَذُونَ بِمَا نَتَكَلَّمُ بِهِ؟ فَقَالَ: ثَكِلَتْك أُمُّك وَهَلْ يَكُبُّ النَّاسَ عَلَى وُجُوهِهِمْ -أَوْ قَالَ عَلَى مَنَاخِرِهِمْ- إلَّا حَصَائِدُ أَلْسِنَتِهِمْ؟!” . [/arabic-font]
[arabic-font]رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:2616] وَقَالَ: حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ.[/arabic-font]

Waxaa laga weriyey Mucaad ibnJabal (Allaha ka
raalli noqdee), wuxuu yiri:
Waxaan ku iri Rasuulkii Allow ii sheeg carnal Jannada i geliya, Naartana iga dheereeya. Wuxuu yiri, waxaad weydiisay arrin cuius, waana sahlan yahay ninkii llaahay u fududeeyo: “llaahay keJigii caabud oo cid kale ha la wadaajinin
116
cibaadada, tuko salaadda, bixi sakada, soon bisha Ramadaanka, Xajka gudo, markaasuu yiri, soo kuma aan tuso irdaha khayrka: Soonku waa gaashaan, sadaqadu waxay -demisaa dembiyada, sida biyuhu dabka u damiyaan, waana sidaa oo kale salaadda saqda dhexe loo kaco. Markaa buu wuxuu akhriyey aayaddan qur’aanka ah
ee ammaanaysa dadka u kaca salaadda saqda dhexe, marka dadka kale hurdada macaansanayaan. Markaasuu yiri: Ma kuu sheegaa arrinka madaxiisa, tiirkiisa iyo baarkiisa? Markaasaan iri: Haa, Rasuulkii Allow. Markaasuu yiri Nebigu: Arrinka madaxiisu waa Islaamnimada; Tiirkiisuna waa Salaadda; Baarkiisuna waa Jihaadka. Haddana wuxuu yiri: Ma kuu sheegaa wax intaas oo dhan isku fuuqsaday? Markaasaan iri: Haa, Rasuulkii Allow, markaasuu yiri intuu carrabka taabtay, iska celi kan. Markaasaan iri Nebi Allow miyaa na loo qabsanayaa waxaan ku hadalno?
Markaasuu yiri hooyadaa ha ku weydo Mucaadow, maxaa dadka naarta ku tuura oo aan ahayn waxyaalaha carrabka lagu galabsaday?
Waxaa weriry at-Tirmidi oo yiri waa Xadiis Xasan
ah.

Sharaxa
Xadiiskan wuxuu kulansaday arrimo waaweyn oo isla markaa qiimo xeel dheer ku fadhiya. Markuu weydiiyey Mucaad Nebiga (s.c.w.), carnal Jannada geeya, Naartana ka fogeeya, wuxuu ugu jawaabay in camalkaasi ku xiran yahay siduu ugu carnal falo mabaadi’ida uu hoos ugu sheegay oo Shanta Tiir ee Islaamku ka mid yihiin, sida in llaahay keligiis la caabudo oo aan cid kale loola shariik yeelin cibaadada. In uu guto waajibaadka salaadda, soonka, sekada iyo xajka.
Wuxuu haddana uga warramay waxtarka salaadda iyo sadaqada isagoo yiri: “Salaaddu waxay gaashaan kaaga noqotaa naarta, weliba wuxuu sii ammaanay isagoo aayad Qur’aan ah tusaale u soo qaatay, dadka saqda dhexe salaadda u kaca markay dadka kale hurdo ku maqan yihiin, sadaqaduna waxay damisaa dembiga qofka gubaya ee u jiidaya naarta.”
Haddana Rasuulku (s.c.w.) wuxuu ka warramay saddex waxyaalood oo ugu muhiimsan qofka dunida ku nool, kan ugu horreeya waa in qofku galo Xerada Islaamnimada, kan labaad waa Tiirka oogidda salaadda, kan saddexaad oo ah heer sare oo ah halka geela kuruska kaga yaallo waa jihaadka aad lajihaadeyso cadowyada naftaadaee faraha badan oo ay ka mid yihiin: Sheydaanka, hawada nafta, Cadowga Islaamka ee raba in uu demiyo iftiinka llaahay iyo cadowga aadamiga, guud ahaan, sida gaajada, cudurka, jahliga iwm. waa inaad cadowyadaas oo dhan midna looga soo dhicin dhinaca aad Islaamka ka joogtid, laakiin, waxaas oo dhan waxaa ka daran ee loo baahan yahay waa inaad carrabkaaga ka adkaatid, maxaa yeelay, waa qalabka sharka iyo kheyrkaba lagu fulin karo, isagaa dadka kugu diri kara, haddaad ku hadasho wax xun, isagaa dadka kuu soo dhoweyn kara hadaad kula dhaqantid wax fiican, markaa ka digtoonow in uu naar ku jiido, dadka isagaa ku ururiyey naarta.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Wuxuu caddeeyey Tiirarka Islaamka;
2. Faa’iidada salaadda iyo kaalinta ay kaga jirto Islaamka;
3. Qiimaha sadaqada iyo salaadda saqda dhexe;
4. Arrimaha ugu muhiimsan qofka dunida ku nool;
5. Jihaadka iyo waxyaalaha lala jihaadaayo;
6. Halisnimada carrabka iyo inuu qofka naar u jiidaayo, hadduusan iska celin;
7. In gudashada waajibka qofka u jiideyso Jannada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *