Xadiiska 31aad

WAXA ILAAHAY IYO DADKUBA KUGU JECLAADAAN

عَنْ أَبِي الْعَبَّاسِ سَهْلِ بْنِ سَعْدٍ السَّاعِدِيّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: جَاءَ رَجُلٌ إلَى النَّبِيِّ صلى الله عليه و سلم فَقَالَ: يَا رَسُولَ اللَّهِ‍! دُلَّنِي عَلَى عَمَلٍ إذَا عَمِلْتُهُ أَحَبَّنِي اللَّهُ وَأَحَبَّنِي النَّاسُ؛ فَقَالَ: “ازْهَدْ فِي الدُّنْيَا يُحِبُّك اللَّهُ، وَازْهَدْ فِيمَا عِنْدَ النَّاسِ يُحِبُّك النَّاسُ” .
حديث حسن، رَوَاهُ ابْنُ مَاجَهْ [رقم:4102]، وَغَيْرُهُ بِأَسَانِيدَ حَسَنَةٍ.

Waxaa laga weriyey Abuu Cabbaas Sahal ibn Saacid Al—Saacidi (Allaha ka raalli noqdee), in uu yiri:
Waxaa u yimid Nebiga (s.c.w.), nin oo ku yiri Rasuulkii Allow igu hanuuni ficil haddii aan falo llaahay iyo ummaddiisaba igu jeclaadaan. Markaas buu ku yiri, ka saahid adduunyada llaahay baa kugu jeclaane, ka saahid waxay dadku haystaan iyagaa ku jeclaan doonee.”
Waxaa weriyey Ibnu—Maajah iyo kuwo kale, waana Xadiis Xasan ah.

SHARAXA
Xadiiskan wuxuu ka hadlayaa jidkii loo mari lahaa raalli ahaanshaha llaahay iyo aadamiga, waana wax aad u adag sidii labadaba loo wads heli lahaa. Raalli ahaanshaha Alla waa inaad adduunyada iska dhaaftid. Adduunyada waxaa looga jeedaa maalka, marka waxaa is—weydiin leh haddii qofku iska dhaafo maalka iyo kasabaka sidee u noolaan karaa? Xadiiskan waxaa loogga jeedaa maalka laga saahidayo waa midka lagu raadiyo jidka aan sharciga ahayn ama sida xaaraanta ah lagu doono, laakiin, jidka xalaasha ah inaad ku shaqaysatid waa waajib, sida ay caddeeyeen aayado badan iyo xadiisyo kale.
Marka yaan loo qaadan in xoolaha oo dhan laga saahidaayo, maxaa yeelay, haddii sidaa la yeelo, waxaa dayacmaya waajibaadkii llaahay amray in laga bixiyo xoolaha sida sakada, sadaqada, xajka, jihaadka iyo badbaadin muslimiinta laga badbadiyo dhibaatooyinka arradka, gaajada, cudurrada iwm. Ka saahidda xoolaha dadka, waxaa loola jeedaa inaan qofku noqon mid damca waxa ay dadka kale haystaan oo aanu ka baryin ama ka boobin ama ka dhicin, dadku waxay isku nacaan baryada, marka Waxaa loo baahan yahay intii qofku awoodi karo in uu iska dhowro baryada aadamiga, haddii ay arkaan dadku inaad ka deeqtoon tahay oo aanad waxtar ma ahee waxyeello u lahayn iyagaa ku jeclaanaya oo kuu soo bandhigaya inay kula yeeshaan xiriir, iskaashi iyo iskaalmeysi.

  1. Qofkii ka dheeraada damaca maalka xaraanta laga helo llaahay baa ka raalli noqonaya;
  2. Qofkii banneysta maalka xaaraanta ah, llaahay wuu nacaa, uunkiisuna wey nacaan;
  3. Waxay dadku kugu jeclaanayaan inaad ka deeqtoontid maalkooda iyo xooggooda, markaasay ku jeclaanayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *