Xadiiska 41aad

HAWADA MU’MINKA

 

[arabic-font]عَنْ أَبِي مُحَمَّدٍ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “لَا يُؤْمِنُ أَحَدُكُمْ حَتَّى يَكُونَ هَوَاهُ تَبَعًا لِمَا جِئْتُ بِهِ”. [/arabic-font]
[arabic-font]حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ، رَوَيْنَاهُ فِي كِتَابِ “الْحُجَّةِ” بِإِسْنَادٍ صَحِيحٍ.[/arabic-font]

 

Waxaa laga weriyey abuu Muxammad Cabdullaah ibn Camar ibn al—Caas (Allaha ka raalli noqdee), Rasuulkii llaahay ﷺ wuxuu yiri:
Qofkiin ma rumeeyo (Diinta), ilaa hawadiisu raacdo wixii aan la imid.”
Waa xadiis Xasan ah, saxiix ah, waxaa lagu weriyey Kitaabka Xujada.

SHARAXA
Xadiiskani wuxuu aasaas u yahay ku dhaqanka Islaamka runta ah. Qof kasta wuu iska sheegan karaa Islaamnimada, laakiin, waxaa lagu kala soocayaa marka la yirahdo ha lagu dhaqmo. Muslimka runta ah, wuxuu jecel yahay uu ku farxayaa in uu raaco wuxuu Nebiga la yimid oo ah Qur’aanka iyo Xadiiska, marka qofkii aan qalbiga u furin ee aan ku kalsoonaan, kuna dhaqmin sharciga Islaamka barasho dabadeed ma aha muslim quman oo dhab ah.
Haddaba, naftaada la xisaabtan in hawadu raacsan tahay wixii Nebigu (s.c.w.) la yimid iyo in kale, waxaana jira astaan aad isku garan karto oo ah marka adigoo ku kacaya ficil, ha ahaado mid xun ama mid aad ula niyeysato cibaado ee lagu yiraahdo arrinkan sidaa ah Nebigu wuu reebay ama sidaa uguma dhaqmi jirin, maxaad iska dareemaysaa?
Haddii hawadaadu raacsan tahay wuxuu Nebiga la yimid, halkaasaad ku joogsanaysaa markaasaad hubsanaysaa wuxuu Nebigu faray ama Qur’aanka faray, haddiise aad tahay qof hawadiisa raacay waad dafiraysaa markaasaad sanka taageysaa oo aad la diriraysaa qofkii kugu baraarujin lahaa jidkii Rasuulka ama waxaad ku hadlaysaa erayo aan ku habboonayn halkii aad xaqa ka baari lahaydna waad sii baadiyoobaysaa oo aad xaqa uga sii fogaanaysaa.
Haddaba, ogow haddaad doonaysid inaad noqotid Muslim quman, isku day inaad ficilkaaga ku miisaantid wixii Nebi Muxammad (s.c.w.) la yimid llaahay ha innagu toosiyo tubtii Rasuulka iyo tii Khulafadii hanuunsanayd.

FAA’IIDADA XADIISKA
1. Qofka Muslimka ah waa in uu waafajiyo camalkiisa wixii Nebiga la yimid;
2. Waa in lagu dadaalo in la raaco Nabiga ficilkiisa iyo habka uu u dhaqmi jirey;
3. Ka jeedsiga iyo nicidda raacidda Nebiga waa gaalnimo;
4. Muslimka xaqa ah, waa kan ku dayda Nebigiisa iyo asaxaabtiisa, waa kaa midka keli ah ee lagu hubo nabadgelyo iyo qumanaan in Jannada lagu gelaayo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *