Dhaadaa Wax Ma Dhaafaan

Guuleed oo safar ah iyo nin tafga xaydan oo awr ka lumay baadidoonkii ah, ayaa meel cidla ciirsi ku kulmaya. Isma gacan qaadayaan, afkayse iska salaamayaan.

Ninkii: War salaamu calaykum.

Guuleed: Calaykuma salaam.

Ninkii: War inay badidaada badbaaddo, awr baadi ah ma ii sheegtay?

Guuleed: Allaa igu og, oo il ma saarin.

Guuleed: Ha sheegin

Ninkii on

iqaaqid u h1–o1l1l_a_naya haddaa

Guuleed: Sug awka ma il la’aa?
Ninkii Ilaahey ballankii

Guuleed: Awrku culays ma siday?
Ninkii tilmaantay
Guuleed waan
Ninkii
kaygii.. loo noqon mayo,
oo tallaabo horey u qaac
ee nabadgelyo!
oo yaaban war waa ku side xageed isaga
dhaqaaqday?
Guuleed: Xaggaa iyo meeshaa awalba u socday.
Ninkii:
Guuleed:
Ninkii
oo caro is maray, Awrkaygiina
oo socosho maagan awr ma arag ee aduu
kaa maqan yahaye raaso
oo flad u xanaaox saJv oo Op uuleed hor “
goynaya: waar aragtayee.. awrkii meel iigu
sheeg.
Guuleed: il ma saarin ee iga hor baydh
Ninkii
Guuleed
N inkii
oo indhuhu soo gal baxsan yihiin:
waar ha isku keen dilin ee awrkii
iska keen.
Allaa igu og inaan war iyo wacaan toona|
ka heyn
Guuleed
Ninkii:
kaamana
kaama
dhan tahay
inkir iga kaa wadi mayo
Goor ay isla il daran yihiin oo qir iyo qir uu xaal
joogo, ayaa oday socoto ahi ku soo baxayaa

Guuleed
Odaygii
Ninkn:
Ninkii:
Odaygii: Kaye.
Ninkii:
Odaygii
Ninkii:
Odaygii
Ninkii:
Odaygii:
Ninkii:
Odaygii:
Ninkii:
Odaygii:
Ninkii:
Odaygii:
war salaamu calayku aa
goor fiican baad timid W?JJ bal Ca8 dhiga’
tahav – ee ee … bal n i n k a T ^ ^ Waad
waa tahay … side w*v
I siiyas. wax u jiraan? Ral warka
laguu warran.Odaygii:qhave
baadl QOOnkii hann ‘
— —
na kala saar
awrku wuu il la’aa.
(oo shaarubta miiqaya) waa tahay
wuu daba go’naa.

Odaygii: haye.
Ninkii: laba moohaaradood oo haruur cad ah
ayuu siday
waa tahay
ninkan ayaan la kulmay waa llaah
mahaddiiye.
haye.
awr baadi ah ma shegtay baan ku iri
haye.
Maya buu igu yiri
waa tahay.

misna awrka tilmaantiisii buu ii shee
L”v 1 / A o 1 1 sankana
haye
Ninkii: waa sida … ee ninku awrkaygii meel ha ku
sheego.
Odaygii- oo guuleed indhalia ku sugaya) war adna
Guuleed:
Odaygii:
Guuleed:
taa soo oog
wax ku dari mayo oo waa siduu kuugu
shegay.
oo
bidaarta salaaxaya: awrka maad arag r
haa oo Alla ogyahay.

Odaygii: tilmaantaa
bixisay?
Guuleed: haa hevsto.
v>U
side ku ogaatay?
Guuleed: kuu sheegay.
Odaygii: waa tahay
Guuleed
Guuleed
tiimaantiisa
Odaygii: haye
i raadkiisaan meel aan
baan kaga soo dhacay
intuu il la’yahay, oo waliba tan uu
xaan

Odaygii: hee!
Guuleed: dhirta dhanka bidix ka soo hagaagta wuu jiidhayey.
Odaygii: haa gartay!
Guuleed: deaba la’aantiisa wax aan ku dhaaday
Guuleed: saalada ayuu tuuminayey
Odaygii: oo madaxa lulaya: gartay … gartay…
Guuleed: inuu culays sido waxaa aan ku dhaaday…
Odaygii: hee!
Guuleed: cagta ayuu dhulka ku ballaarinayey… radkiisuna si fiican ayuu u dhignaa.
Odaygii: haa haa gartay … gartay!
Guuleed: waa sidaa. Ee ma ku qanacday?

Odaygii: oo ninkii muddiga ahaa kugu quusreebaya, ku qanacaye ma ku qanacday oo wax dhaadiddiisu intay gun dheer tahay ma ku dhacday!

Ninkii oo goorahaanba yaabsanaa, ku qancay oo wuu iga kafiyey siduu tilmaanta awrka ku helay!

Dhaadid: wax
laba jawaan wo
Tuumin: isku meel dhig

Sahan: Saar

Saarkaan hal ku dheggiisu yahay Sahan waxaa tiriyey Alla ha u naxariistee abwaan Careys Ciise Kaarshe, wuxuuna si qoto dheer uga hadlayaa dhaqanka dadka Soomaaliyeed ee la xiriira marka xoolaha loo sahmiyo, wuxuuna yiri:

Gahaa gabey laga galaa,
Gawaan waa lagu kufaa,
Gabiib waa la cuskadaa,
Goon waa laga dhaadhacaa,
Ga’dii kale waxaan lahaa,
Abaar xooluhu go’een,
Iyadoo geelii gawaray,
Gudbanahaan deyrta sugin,
Cirkaa soo daayey gugac,
Habeen baan reer ka guday,
Gudcur ay goortu tahay,
Go’doon weeyee caradu,
Galool fooryaaya iyo,
Waxaa igu yeerey galow,
Libaax baa igu gurxamey,
Abeesada gaamurtiyo.
Good iyo gugume,
Waraabe igarab ordiyo,
Gufashada geedka iyo,
God dheeraadoon galiyo,
Sidaan guuraha uwadey,
Jidkii baa kala gudoo,
Faalbaan gaagaabiyoo,
Guntanaa ii soo baxoo ,
Mid waataan saarey geed,
Midkii kale waan lagaley,
Cabbaar goortaan gurmadey,
Hirdana aan siinin gama’,
Gaduudkii waaga iyo,
Salaaddaa galac ku tin,
Aniga oo gaaja qabah,
Oo gamaavadu saa’id tahay,
Fuley baa gabi rogtee,
Intaan dhuuqsadey guntiga,
Guluf waa taan iakacay,
Harkii oon geesna jirin,
Haduu soo galay gondaha,
Geed hoostii baan gabadey,
Dhuunyaalaa igu gab yiri,
Go’doon weeyee caradu,
Illeen waa guul daree,
Cabbaar anigoon gal galan,
Hadiibana weys gadiyey,
Waxaan galay galab carow,
Kabteyduna wey gabtoo,
Ilaashkii baa ka go’ay,
Gacmaha anigoo ku sida,
Markaana aan gaabshay socod,
Gabalkii bey igu dhacay,
Waa ii guurihii lauaad,
Cabbaar goorlaan gurmadey,
Gufaacadii roobka ivo,
Geedaha ii soo carfiyo,
Naqii vvaatuu igalay,
Illeen waa gooba3^ee,
Go’ii baan saartay geed,
Katiga warankaan la baxay,
Dhulkii baab ciid ka gurey,
Oo god dheeraadaan ka qoday,
Aniga oon gaarin wali,
Caloosheeydaan gocdoo,
Hadiibana weys gadiyey,
Cabbaar goortaan gurmadey,
Habeenkii galin dhexaad,
Gondoob loogama noqdee,
Gugacu meeshuu ku dhacay,
Guntii roobkaan utagey,
Haraad bey gubahayee,
Biyihii goortaan dhex galey,
Gacalo anigoo uqaba,
Qur qura gowaaan ka suray,
Waa gacan weynyahey ilaah,
Ninkuu guuleeyso dhaho,
Talada waa kii gartee,
Geedbaan guudka uga baxey
Saa waa gaajeeysnahaye,
Miraha goortaan ka guray,
Hadii aan gowska dhigay,
Garoorkii caanihiyo,
Waxaad moodaa galey,
Calooshii baa gig tiri,
Sahay meel gaara iyo,
Guntiga qaar baan ku ride
Aniga oo guushii wada,
Salaadii wcys gadiyey,
Go’doon kaan soo marana
Garmaamaan kaga baxay,
Oo ciddii goortaan ugaley,
Gaadiidkaan soo qabtayoo
Reerkii geedaan urarey,
Habeen guul oomaniyo,
Gasiin iyo galab carow,
Naqii goortaan ku galay,
Dhulkii geedaha lahaa
Guriga goortaan ku furay,
Intaan gaawaha uculay,
Geelii baa ii godladey,
Ritigu waa guuxey,
Oo qaalmuhu waa goojiyeen.

Cabdi-Gahayr iyo Geela

Beri ayaa nin Cabdi Gaheyr la oran jiray geel laga dhacay. Markii loo sheegay in geeliisii la qaaday ayuu wuxuu ballan ugu qaaday nimankii dhacaa ku kacay in uu ka aar gudan doono, aargudashadiisuna ay keeni doonto cirib xumo weyn oo aan laga soo waaqsan.

Markaas ayuu tuducyadan soo socda ee kala googo’an tiriyey isagoo ku halqabsanaya wiil uu dhalay oo Gohaad la oran jiray:

Wallee ama gufaacada ka qaday guga la eegaayo
Wallee ama Gohaadow waxaan geysto, lala yaabye
Gacantayda jeeraan sidii, Gurey ku ciil beelo
Amaan gaal madow herer ku dilo giibba laga noole
Oo ay dumar ganbacad soo xidhaan gabaygu waab been.

Nin wadaad ah ayaa waaniyey Cabdi Gaheyr, kuna ehbiyey inuu cagta dhigo oo meel joogo. Cabdi Gahayr wuxuu ku yiri wadaadkii, “Sidee meel u joogaa, haddii xoolihii oo dhan la iga dhacay?” Isagoo wadaadkii xusuusinaya qiimaha iyo nacfiga geela wuxuu yiri:

Magaalada Hargaysiyo Berbera, moodka waxa keena
Oo Adari Maarsay ka dhjgay, muranku waa ceebe
Waa rn.uin.iQ addoonlow rati£3, rnicidu waynaatay
Markab buu adduunyada u yahay, maccallinow geele
Nin waliba macnaha loo dhaqduu, maanka ku hayaaye
Muraadkaa ku toos awgayow, hay makeekiyine.

Sidaa markii uu yiri: ayuu hadana wadaadkii ku yiri, “Cabdi Gaheyr waxaad garan doontaa markii xabbadi wadnaha kaaga joogsato.”

Cabdi Gacaheyr wuxuu ugu jawaabay wadaadkii gabay, wuxuuna yiri:

Dagaalkii jidbaalaba ninkii, joogay baan ahaye,
Abidkayba meel lagu jabaan jiqilo weynaaye
Ilaahay I jeclaa muxuu, jiray arwaaxaygu.

Wadaadkii kamuu harin ee wuxuu hadana ku yiri, “Cabdi-Gahayr iska joog oo wardiga iyo Quraanka dhigo, geelii waad heli doontaaye ee si nabad ah ku raadso.”

Cabdi-Gahayr wuxuu haddana ugu jawaabay wadaadkii tixdan kale, isagoo ku celcelinaya sida uu ugu han weyn yahay lahaanshaha geela:

Idinbacasa awrkay dhashiyo, aarankay wadatay
Aakhiro nimaan geel lahayn, lama ammaanayne
Asaxaabihii horeba waa, ku intifaaceene
Maxaan idinla awlaadsadaa, awgaywo awr ma dhaansado e.

SHARAXA EREYADA

Gufaaco: roob dabeyl leh
Here: waa Hargeysa
Giib (Gibb): wuxuu ahaa gaal Ingiriis ah oo Burco lagu dilay
Maarsay: waa magaalo Faransiiska ku taal oo deked leh, Marseille.
Makeekiyine: Hadalka ha duwin jidka toosan oo muranka iyo isyeel-yeelka ka dhaaf.
Idinbacasa: qaalin geel ah.

Xeerka Af-Soomaaliga

Fal-Kaab

Waa erey caddeeya sida falku u dhacay wuxuuna u kala baxaa lix qeybood:

1. Fal-kaab waqtiyeed, sida: Cali baan barqadii arkey.
2. Fat-kaab meeleed, sida: Bisad baa kursiga hoos fadhida.
3. Fal-kaab jiho, sida: Iridda waxey u jeeddaa bari.
4. Fal-kaab masaafo, sida: Soddon tillaabo ayaan horey u qaaday.
5. Fal-kaab siyeed, sida: Degdeg buu Warsamc igu dhaafay.
6. Fal-kaab ra’yi, sida: Casharka ma baratay? Haa. Waan bartay.

Xiriiriye

Waa erey qeybaha hadalka ka mid ah wuxuuna isku xiraa ereyada, oraahda, iyo weeraha, waxaana ka mid ah: iyo, laakiin, ama, intii, ileyn, mindhaa, oo, ee, maxaa, yeelay, se, xataa, ilaa, na.

Iyo: Cali iyo cumar way is raaceen.
Laakiin: Raggii oo dhan waan u sheegay laakiin Cali ma arag.
Ama: Axmed ha soo maro eeddo ama Cali.
Intii: Waxaa iga tagay baabuurkii intii aan soo socday.
Maxaa: Dariishadii waan xiray maxaa yeelay roob baa da’ayo.
Mise: Ma cuntay hilibkii mise waad diiday.
Na: Cismaan Xaashi u dir calina ogeysii.
Ilaa: Tagi meyno ilaa macalinku yimaado.

Ha Socoto! Ha Socoto!

Gabaygan waxaa tiriyey Cabdi Muxumed Amiin taariikhdu markay aheyd 10.9.1992, wuxuuna kaga hadlayaa sidii ay dadkii Soomaaliyeed isu dhalanrugeen oo ay qabyaaladdu u saamaysay, wuxuuna yiri:

Haddaan diidney samihii Sinaantiyo wanaagii
Soomaalinimadii, la sadqeeyey nabaddii
Cadaaladdii surgooyiyo Lagu jiiday secf wcyn,
Sulankeed la naaroo Lala dhacay serbiyo kulul,
Anignn jwirr_e_e_yjt_y_o lKuiwbuir say’nta ala lulav
UawlHdnimo aadwccycc Haday sahal inala tahay,
Re*r hcbrl ka sara maray. Calankii si lagu hclo,
Saxaritrk# loo maray Hadduu caial la suray iyo
Wit suufiyuashec Siyaarada inala yahay,
Sad haddaad ka dhigatcen, Waxaan sii ahaaneyn
lyo acyn go’cenii, Ha socotoo ha socoto,
Sulufldyo colaaduhu Samadaa ha gaadhcen,
Sabigiyo hawecnkiyo Sirqada ha iska laayeen,
Qabii! baad ku sumad tahay Seyntiistayaashiyo
Saaniciin halagu dilo, Aqoonyahanow saahiday
Sceddi iyo walaal iyo Safaf ina adeeriyo
Sokecyaba ha waayeen. Maalkey sir iyo cad
Si kastaba’ku helayeen Cayr hawga soofeen,
Dad aan subaxna wcli qadin. Samay ha u ekaadeen,
Sahara du ha dhuubteen, Ha solmeen sideenaa
Sumuciyo rasaastaa Subagga ay u moodeen
Sanka markay ka keenaan * Soo jog nindiidaba
Soo jiifo wawdane, Halka laga siqsiqayiyo
Xeedhada salkeeduba Soomaali bay noqon.
Calankana rag bow sida.

Weydiimo

  1. Yaa tiriyey Gabaygan?
  2. Waa ayo dadka nabadda diiday ee uu abwaanku sheegayo?
  3. Goorma ayuu abwaanku gabaygan tiriyey?
  4. Muxuu ula jeedaa Abwaanku Ha socoto ha socoto?
  5. Aqoonyahanadu iyo dhaqaatiirtu qabiil ma leeyihiin?

Wayga Degi Waayey

Gabaygan waxaa tiriyey abwaan Abshir Nuur Bacadle, wuxuuna kaga hadlayaa tirqooyinka Diinta iyo sida ay madaahibta isugu khilaafsan yihiin, isagoo abwaanku laa xun ayuu arrintaas gabaygan ka tiriyey, wuxuuna yiri:

Toddobaatan toban lagu daroo diinta wada sheegta.
Go qoloba qolo diidan tahay doodna ka horgaysay
Daldaloolka mceshaa ku jira wayga dagi waayey.
Maraan iri ma diintaa qabtoo waadan dib u fiirin
Maraan iri ma dano gaara baa culimadii doorshay
Maraan iri dadkoo idil maxaa dacarta qaadsiiyey
Maraan iri Allaha dooriyee duruqdu waas shiico.
Maraan iri salad lala dukaday daa’in ma ajiibin.
Maraan iri ka deeyoo sunnaha dacalna ha u dhaafin.
Deb intaad ka roortaad mid kale dalaq tiraahdaaye
Maraan iri degaan kale ilmaha diinta ugu eexi
Waa laga durkaa meel shirkigu diin latoo yahaye.

Qaadow Adigaa Leh

Gabaygan ka hadlaya waxyeelada iyo dhibaatada uu qaadku ummada u leeyahay waxaa curiyey abwaan Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle, gabaygan intaa kuma dhama oo waxa aan ka soo qaadanay qayb ka mid ah.

Cimri kuu qoraa qeyb kalumi qaadow adigaa leh
Qofka aadmigoo qiimo dhaca qaadow adigaa leh
Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh
Qaflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh
Waxaad shaiayto qabatoo qabyaa qaadow adigaa leh
Qaadicu salaadnimo qasada qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la’aan qaadow adigaa leh
Qasban qeyb daroogada ka mida qaadow adigaa leh
Hanti qaran qanaafiir ugee qaadow adigaa leh
Qaamuuska caay waxa ku qoran qaadow adigaa leh
Qisa yaablahow qarinayaan qaadow adigaa leh
Afku wuxuunan ii qaban kareyn qaadow adigaa leh
Qandaraaska qababaal xumida qaadow adigaa leh
Qarnigan qasaaraha u badan qaadow adigaa leh
Quful kugu jaboon furuhu qaban qaadow adigaa leh
Noloi qiyaali ahi qiimo daran qaadow adigaa leh
Qacna maahi qeybina! maqan qaadow adigaa leh
Hadal qararacloo qadiman qaadow adigaa leh
Iska quusashada la is qadimo qaadow adigaa leh
Ragbay ii qaaday qirish kama bixin qaadow adigaa leh
Kabar qolofa xaabshaan hor quban qaadow adigaa leh
Qaangaaro qeyrkood ka haray qaadow adigaa leh
Ha qasaalin lama qoonsadee qaadow adigaa leh
Ku qaraabo xalay waa qadeen qaadow adigaa leh
Qada isiiya meel kaleku qoran qaadow adigaa leh
Qaatilunafsihi kuu qabiran qaadow adigaa leh
Qawlala cagaar kaa qubtana qaadow adigaa leh
Qaiad iyo inkaar qoorta suran qaadow adigaa leh
Qolfo muuqda iyo qoon la rogay qaadow adigaa leh
Quraafaad quraan lagu matalo qaadow adigaa leh
Hadba qaabaqowseyn kirkira qaadow adigaa leh
Qabya tiraha daankoo qonbora qaadow adigaa leh
Ii qaloocan camankoo qaldhacan qaadow adigaa leh
Qumanahoodaqoorta ugu jira qaadow adigaa leh
Sidii qadow laguu qawshadana qaadow adigaa leh
Qoryo feenashaan laga qajilin qaadow adigaa leh
Mari isiiya waa iga qabyee qaadow adigaa leh
Mar ii qaada aan qaaddacee qaadow adigaa leh
Qatar iyo qabyaan la ebyi Karin qaadow adigaa leh
Boqolaal qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh
Qaatalkallaahuye adigaa qaranka aafeeyey
Ilaahey ha naga kaa qabtee qayba herawiinle.

Weydiimo

  1. Yaa tiriyey gabaygan?
  2. Muxuu kaga hadlayaa abwaanku gabayga?
  3. Sheeg saddex dhibaato oo uu abwaanku qaadka ka sheegay?
  4. Sheeg qaadku ma ka mid yahay muqaadaraadka?
  5. Sharax meeriska 22aad ee gabayga?

Tusaale Waalid

Gabaygaan waxaa tiriyey ninka la yiraahdo Cali Mire Cawaale oo u tiriyey gabdhihiisii waaweynaa ee uu rajonimo ku soo koriyey. Ujeeddaduu Cali ka lahaana waxay ahayd inuu ku waaniyo gabdhihiisa waaweyn si ay u xannaaneeyaan caruurta ka yaryar ee haweyneyda uu qabaa ay dhashay iyo in uu ogeysiiyo inuu dhib badan ka soo maray koriimadooda. Wuxuuna yiri:

Da’ qofkii noqdaa loo ogaa inuu dardaarmaaye
Gabdhayahow duq baan ahay haddeer aan durdurineyne
Waxaan idinka doonaaba waa daacad iyo xooge
Caruurtaan ducaysaneyni way degal xumaataaye
Inaad daadaheysaan ilmaha idinku dor roone
Haddeydaan dulqaad yeelan waa dib u dhac reereede
Idinkuba wax badan baan dartiin daal usoo maraye
Duleed lagama helin xoolihiyo daartaad hurudaane
Dagaal baan usoo galay waxaad duni arkeysaane
Dabbaan shiday intaan daango dubay rooti duhur qaatay
Daryeelkiina awgiis xawaash dumar lasoo iibshay
Dadaal aan idin qabo cuntada dacal kusoo laabay
Idinkaan dareemine mayara diifta igu taale
Allahayow daraaddiin maxaan daano igu gaartay
Doqon iyo dammiin iyo maxaan nacab la daaweystay
Dayaca karog intii aan lahaa dacas maxay fuulay
Deriskooda yey mudan maxaan deyn ugalay xoog leh
Dadka yuu rajo ugaran maxaan qariyey daalkeyga
Dabeyl iyo kuleyl iyo maxaan dibad idiin meeray
Diihaal anoo qaban maxaan qariyey daalkeyga
Kolkuu diiqa ciyo aawadiin dalag maxaan raadshay
Dulbaax iyo baruur iyo maxaan darib idiin keenay
Darmo iyo furaash iyo maxaan gogol idiin daashay
Dibaaj xariiriyo maxaan diric idiin gooyey
Midi dureyda lay dhexe maxaan daawada ukiciyey
Dugaagiyo maxaan idinka jiray daalin iyo meel xun
Maxaan idinka digay xaajo aan idinka diidaayo
Duur xun hadal ah naag tiri Allow diiq maxaan galiyey
Dulmi idinka oo falay maxaan idinla soo duubtay
Dambi aad sameyseen maxaan duulal kale saaray
Darajiyo wanaag iyo maxaan samo idiin doonay
Duco iyo maxaan Eebbe tuug idinku siidaayey
Eegana dantay aan hadlee waxaan ku soo duubay
Daacad iyo werdiga Eebbahay docogso mooyaane
Inaan daayo yaa ila gudboon duunyo dhaqideede
Bal aan dayo abaal inuu dad galo Daayin baa garane.

Weydiimo

  1. Tuducyada 1aad, 2aad iyo 3aad muxuu gabyaagu kaga hadlayaa? Muxuuse gabdhihiisu weydiisanayaa?
  2. Tuducyada 3aad, aad, 5aad iyo 6aad yuu ka rabaa inay gabdhihiisu u dulqaataan?
  3. Tuducyada 10aad, 11aad iyo 12aad muxuu gabyaagu kaga hadlayaa?
  4. Tuducyada 13aad, 14aad iyo 15aad waayo dadka uu Cali tilmaamayo ee la daaweystay ama wax ku darsaday?
  5. Tuducyada 16aad 17aad, 18aad illaa 24aad si kooban faallo uga bixi.
  6. Tuducyada 25aad, 26aad iyo 27aad waa maxay dugaagga daalinka iyo xaajooyinka uu ka hadlayo?
  7. Tuducyada 28aad, 29aad iyo 30aad si faahfaahsan uga hadal arrimaha uu Cali guud maray.
  8. Tuducyada 34aad, 35aad iyo 36aad muxuu gabyaagu hadalkiisa ku duubay?

Heerin

Afar hablood ayaa beri ku guur seegay beeshoodii, waxay guudka fidhaan oo gayaankooda sugaanba, habeenkii dambe ayey hoos isula faqeen, “Waxaynu dhawrnaaba waa guumaysnimo ee aan ka heerino oo ka huleelno meesha,” ayey tala ku goosteen. Haddii dayaxii dhacay habeenkaa, ayey muska soo jeexeen.

Mid walba hu’ waxay laheyd ayey gosha soo gashatay, laba caano maal hadday jidka soo dhignaayeen ayey habeenkii dambe goor fiid ah reer u soo hoyden.

Inta ooddii laga rogay ayaa buulkii gabdhaha gogol loogu fldiyey, wan saddex jir oo macashu dhulka xaabayso oo baruur dhaqaaqi la’ ayaa loo loogay. Intii hilbuhu uga bislaanayeena, karuur geel oo ay hamuunta ku sii jabiyaan ayaa loo geeeyey.

Kor dahab oo reerka keli gabadh ku aheydna way ugu sii sheekaysay. Haddii hablihii intaa la isugu qoofalay, ayaa odaygii reerka ubadkiisii oo gugaa labaatan jirsaday, ayuu gooni ugu yeeray. Wuxuu yiri, “Aabbe gedahaad ku guursan lahayd waad joogtaa, gabdhuhuna waa heerin oo way inoo soo galeen ee waa inaad mid kala hadhaa.”

“Ha la yeelo Aabbe eh, tan aan kala baxayno ma dhaban baan ku doortaa illeyn wax kama naqaano e?” ayuu yiri wiilkii.

Odaygii baa intuu shaarubta miiqay ugu jawaabay, “Maya, si kalaynu ku dayi, waynu xujeyn. Hilbahoo kulul; baynu u geyn, innaguna waynu u kuur geli.”

Hablihii heerinka ahaa waxay jiriqsadaanba kolkii dambe ayaa hilbihii oo karaya oo xeero geedaysan lagu sido loo keenay. Illeyn waa meel wax laga wado ee, hor dahabna waa looga yeeray. Haddii ay hablihii hilibkii ku cidleysteen ayaa tii ugu horreysay ku soo haadday, oo ay xeedhadii hab ku tiri, sidii haadka adagta! Gacantay galisaba kor bay ula boodday, iyadoo ku hiiraanhiraysa. “Hoh… hoh… kama naalee kululaa…”

Tii xigtay ayaa soo hilatay oo ku tiraabtay, “Naa koran weynee kala goo.”

Tii saddexaad oo hanqalka la soo boodday ayaa ku gurxantay, “Naa ha qaboobee qabo weyn ku rid.”

Tii afraad oo raarta ugu xigtay oo aan halkeedii ka soo ruqaansan ayaa tiri iyadoo afka gacanta ku haysa, “Naa ha kafafee kor saar.”

Odaygii iyo wiilkiisii oo buulka docdiisa bari ee dibadda ah taagnaa ayaa is eegay. “Waataa afraad ee codkeedu xabeeb leeyahay tii aad kala bixi laheyd, ee tilmaanso,” ayuu waayeelkii wiilkiisii kula xanshaashaqay.

SHARAXA EREYADA

Naale: joognee
Koran: Sugi
Qaboweyne: haan biyood
Hinraag: neef googoyn
Hanqalka: qaarka sare
Tiraabtay: Ku dhaqaaqday.

WEYDIIMO

  1. Heerin waa maxay?
  2. Immisa maalmood bay habluhu jidka ku soo jireen?
  3. Caanaha karuurka ah maxaa hablaha loogu hormariyey?
  4. Hablaha maxaa tii afraad loogala baxay?

Haddii Dunida Lagu Waarayo

Nin gabyaa ahaa oo ku magac dheetaa ina-Cabdulle Muuse lana oran jiray Yuusuf Cabdulle Muuse ayaa gabaygaan curiyey. Yuusuf markii uu arkay in uu da’ noqday ayaa waayo aragnimadiisa tustay in uu dadka raad kaga tago oo uu la dardaarmo, wuxuuna dadka kala sii dardaarmayey waxyaabo nolosha ku haboon ee dunida la xiriira wuxuuna yiri:

1. Haddii dunida lagu waarayooy daayin noqoneyso
2. Waxaan laga dileen nebiyadii laysu soo diraye
3. Asxaabihii baan degeen daahirka ahaaye.
4. Faadumo iyo dirkeedii ay aan dumug yidhaahdeene
5. Daahaa ku noolaan lahaa delegyadoodiiye
6. Anse waxaan daliishaday inaan laga dambeyneyne
7. Dowliilka uun baan arkiyo diray arwaaxdiiye
8. Durdurkii makaad iyo xajkaan daalib leeyahaye
9. Deeblahabkaan geela iyo ariga waa dalaal marane.
10. Daaraha la weegaarayaa waa aduun dumaye.
11. Udadaala diintiyo waqtiga daacadna ahaada.
12. Cabdalaha dushiisiyo ayuu deyro kale sheegan.
13. Darkii odayadii hore xidheen dalwgu yuu gonin.
14. Doqon xaajo waa kaa dilaa dibadaba u tuura.
15. Shisheeyuhu hadduu idin danqaro dogob u
16. Rag idaaya kaaama tagee dab u fagaareeya.
17. Meeshii daleelaa musaka bahalku doontaaye
18. Duldliabaha waxa loo saarayaa yaan dugaag marine.
19. Is dugsada walaal kala durkaa dagan dharaartaase.
20. Anna dulka aan celinayiyo daaddka aan raoosi
21. Dal shisheeye waagaan tagee idinka duukeeyo
22. Amase mowdku igu soo dagee dabaqa laysaaro.
23. Dadbtiyo aloolkaan ahaa dib u shalaantooda,

SHARAXA EREYADA

Asxaabihii baan dageen: asxaabihi baan dhinteen
Faadumo: waa inantii Nebi Muxamed dhalay (NNKH)
Dirkedii: caruurteedii
Damug yiraahdeen: madheen
Daaha: Nebi Muxamed
Degaladoodii: guryahoodi
Dowliilka: bidhaanta
Daleel maran: dhalanteed
La meegaarayaa: la dhisayaa
Idin danqaro
Darku: waa wadaanta ceelka biyaha lagaga dhuro
Duldhabaha: waa ooda badan
Is dugsada: waa isku tiirsada
Idinka duukeeyo: idinka tago
Dabaqa ley saaro: luxudka lay saaro

WEYDIIMO

  1. Firkadda guud ee gabaygaan ma dhismaha nolosha dunida ayey taageeraysaa mise tan aakhiro?
  2. Tacabka nolosha dunida dhismahooda lagu jiro muxuu gabyaagu ka qabaa?
  3. Daaha muxuu ahaa? Ka hadal.
  4. Dowliilka uun baad arkiye diray arwaaxdiiye, si kooban u sharax tuducan.
  5. Gardarrada shisheeyuhu muxuu ka qabaa in lagaga hortago? Maku raacsan tahay? Waayo?
  6. Gabyaagu talooyin buu soo jeediyey. Caddee inta aad is leedahay nolosha wax bay ka tarayaan iyo inta aan waxba ka tareyn?