All posts by mktbd

Tuduca 19aad

Dawladaha Iyo Suuqa Ganacsiga
Caanooleey ka sheekaynaya ka qayb qaadashada xulashada dawladda.

Yoonis Maskiin waa uu iska ilooway in uu is xoreeyo markii uu maqlay cod daciif ah, kana imanaya dhamaadka waddada. “Moo-o-o,” cod hoose oo lo’eed. Koortii qoorteeda ku xidhnayd waxay ku dhawaaqday cod gaaban, haddana iyada oo sii soconaysa. Markiiba waxaan soo maray sac kale oo ka yimid wadiiqada kale, waxaana mudh ka soo yidhi oday wayn.
“Halkan kaalay, sacyahoow nacaska ah,” ayuu ku heesay xoole ilaaliyihii.
Yoonis wuxuu ruxay garabkiisa, wuxuuna ku soo dhawaaday si uu uga qaado baako agtiisa taalay markii hore. Odaygii waynaa wuxuu soo durdurk- aba.
“Yaa halkaas jooga?” Isaga oo arkaya Yoonis, wuxuuna u soo jeestay dhinici- isa si uu uga jaro xadhiga.
Yoonis wuu farxay. “Waa la i xaday. I caawi si aan xadhiga uga baxo!”
Odaygii waynaa wuxuu jeebkiisa ka soo saaray mindi si uu Yoonis xadhiga uga jaro. “Waad mahadsan tahay, mudane,” ayuu yidhi Yoonis, isaga oo xoq xoqanaya gacmihiisa yara xanuunaya, si ay xiiso gaar ah ay ku jirto ayuu Odaygii sheekadii ugu sheegay.
“Koow,” ayuu yidhi Odaygii waynaa, isaga oo ruxaya madaxiisa. “Waa in aad iska ilaalisaa cid walba maal mahan dambe. Ma’aan imaadeen magaalada haddii aan filayn in aan ka helaayo macaawino dawlada.”
“Ma u malaynaysaa in dawladu ay i siin doonto lacagtii la iga xaday?” ayuu waydiiyay Yoonis.
“Ma’aan hubo, laakiin waa isku dayi karaysaa. Dabcan waxaa dhici karaysa in nasiibkaagu ka wanaagsanaan karayo kayga,” ayuu ku soo jawaabay Odaygii reer miyiga ahaa. Wajigiisuna wuxuu u ekaa qof aad iyo aad u wayn. Wuxuuna xidhnaa dhar iyo kabo duug ah.
Yoonis wuxuu dareemay soo dhawayn markii uu arkay sida tooska ah ee uu ula hadlay.
“Waa maxay dawlada iyo suuqa ganacsiga? Ma tahay meel xoolaha lagu iibiyo?” ayuu Yoonis waydiiyay Odaygii waynaa, oo uu isku yaraaday “taasina waa midda aan u immi in aan ogaado,” ayuu yidhi xoola dhaqatadii. “Waxay kaloo tahay carwo kale gedisan oo kale. Sartu waxay ka qurux badan tahay Bangi, kana wayn wax kasta oo aan horay u arkay. Gudahana waxaa ku jira shaqaale badan oo dawlada u haya shaqooyin kala nooc ah, kuwaasoo loogu talagalay in ay wax ka qabtaa arrimaha wadaniyiinta.”
“Koow” ayuu yidhi Yoonis. “Dawlad noocma ah ayeey doonayaan in ay dadka ka iibiyaan? Ninkii xoola dhaqatada ahaa wuxuu xoqday qoortiisa, isaga oo leh, “Halkaas waxaa jooga nin isigu yeedha ‘hanti wadaag’ wuxuu sheegay dawladan saca kale in ay iga qaadayso sacayga si ay u siiso saca kale deriskayga. Wax dan ah oo aan ka leeyahay ma’ay jirto. Uma aan baahni dawlad sacayga siisa deriskayga-mar hadaan anigu u baahnahay sacayga.”
“Markaas waxaa jiray mid ‘hantiwadaaga’ ah kaasoo xidhnaa kabo waa wayn. Wuxuu ahaa mid furfuran iyo isaga oo salaan gacmahayga kala daalay, kuna dheehan tahay saaxiibtinimo sare, odhanayana sida uu uga fikirayo dana- hayga iyo wanaagayga. Aad buu u wanaagsanaa intii uusan igu odhan dawladi- isu waxay qaadanaysaa labadayda sac. Wuxuu ku andacooday inay caddaalad tahay maxaa yeelay, cid walba ayaa lahaanaysa lo’daada iyo isaga oo i siin doona xoogaa caana ah marka uu u maleeyo in aan u baahnahay. Iyo isaga oo ku andacooday in aan ku heesi doono heesaha xisbiga.”
“Taasina waxaan filayaa inay tahay hees!” ayuu Yoonis yidhi.
“Wax tixgellin ah oo aan u hayey ma’ay jirin maalintaas kadib. Waxaana ogaaday in uu isagu qaadanayo wax walba. Kadib waxaan meermeerayey xafi- isyada dhexdooda, markaasaan waxaa la kulmay ‘fashiiste’” Odaygii waynaa waa uu aamusay si uu saciisa wasakhda lugta ka gashay uga saaro.
“Kan fashiistaha ah wuxuu ahaa mid af macaan, oo fikrado wanaagsan heli ogaa, oo wuxuu la mid ahaa kuwii kale. Wuxuu yidhi, “wuxuu iga qaadanayaa labadayda sac, wuxuuna iga iibinayaa qayb ka mid ah caanaheeda.” Waxaan idhi, “‘maxay?’ In aan lacag kugu siiyo caanaha sacaaga?”
Kadibna waa uu ii hanjabay, isaga oo leh waa ku tooganayaa, haddii aan salaamin calankiisa saxa ah hadda iyo mar walba.”
“Koow” ayuu yidhi Yoonis.
“Waxaan hubaa in aad goobtaa aad iskaga soo carartay.”
“Markii hore waan qaadi karayay lugtayda, kuwan halkan ‘shaqaalaha’ ayaa ila hadlay, oo igu yidhi dawladani waxay rabtaa inay iga qaaddo lo’dayda, mid ay dilaan si ay u dhellitiraan tirada caanaha, si ay haddii ay doonaan ay caanaha qaar u dhimaan. Hadda nacaskee baa arrintaas raaci kara, oo samayn kara arrintan oo kale?”
“Waxay u eg tahay cajiib,” ayuu yidhi Yoonis, isaga oo ruxaya madaxiisa “ma go’aansatay dawladii aad qaadan lahayd?”
“Uma aan malaynayo aniga wakhtigaa,” ayuu ninkii xoola dhaqatada ahaa yidhi.
“Yaa u baahan? Intii ay dawladii maamuli lahayd arrimahayga, waxaan go’aan saday in aan lo’dayda geeyo suuqa lo’da halkaas oo aan iska iibin karo, oo aan ku soo iibsan karo dibi.”

Tuduca 18aad

“Waxaad Isiisaa Waxaad Soo Dhaaftay Ama Mustaqbalkaaga!”
Tuug ayaa ka xaday Yoonis lacagtiisii waxa uuna ugu deeqay talo.

XARUNTA Golaha Guurtida waxay ku taalaa waddada ku beegan biyaasada. Yoonis Maskiin wuxuu is yidhi qaado waddada ugu dhow, wadiiqo yar oo ay xidheen baakadooyin iyo qashin fara badan. Horay ayuu u sii socday isaga oo isku dayaya in uu is iloowsiiyo dareen aan sidaas u sii fiicnayn markii uu iskaga tegay waddadii dadku ay ku xoon sanaayeen.
Markiiba Yoonis Maskiin waxa uu dareemay gacan dhuuntiisa haysa iyo qori lagaga hayo feedhihiisa.
“Ii sheeg taariikhdaada ama mustaqbalkaaga!”
“Maxay?”ayuu Yoonis yidhi, isaga oo baqaya. “Maxaad uga jeedaa?”
“Waad imaqashay – lacagtaada ama naftaadda,” ayuu tuugii ku celiyey, isaga oo qorigii ku sii riixaya. Yoonis wax kale oo uu sameeyo ayuu garan waayey markaasuu markiiba waxa uu soo qabtay boorsadiisa oo ay ku jireen lacagtii uu soo shaqaystay – lacagtiisa.
“Intani waa inta aan haysto iyo aniga oo layga baahan yahay in aan badh ahaan aan ku bixiyo canshuur,” ayuu Yoonis ku baryootamay, isaga oo si tax- adar dheeri ku jiro ku qarinaya wax-xoogaagii roodhida ahayd oo ay ayeeyo soo siisay. “Fadlan badh aniga iiga tag.”
Tuuggii waa uu u dabciyey Yoonis. Mana uu arki karayn wajigiisa uu garinayay, wuxuuna ku garinayay koofiyadiisa uu markaas xidhnaa. Cod aad u hooseeya oo aan naxariis lahayn ayuu ku yidhi, isaga oo qoslaya. “Haddii aad kala qaybinaysid lacagtaada, waxaa habboon in aad gabi ahaan aad bixisid, oo aadan waxba siin canshuur qaadaha.”
“Sababtu waa maxay?” ayuu waydiiyay, isaga oo lacagta gacmahiisa u sii gelinaya. “Haddii aad lacagta aad aniga i siiso,” ayuu yidhi tuugii, isaga oo lacagtii sii gashanaya jeebkiisa, “kadibna anigu waan iska tagayaa, oo ammaan baan ku siinayaa. Laakiin, inta aad ka dhimanayso, canshuur qaaduhu wuxuu kaa qaadanayaa lacagtaada, wixii aad shaqaysatay, wuxuuna isku dayayaa in uu xakameeyo wax kasta oo ku saabsan nolosha mustaqbalkaaga. Waxa uu si fudud u isticmaalayaa lacagta aad sannad shaqaysatay maalin keliya!”
Yoonis waa fajacay. “Laakiin miyeen Golaha Guurtidu aynaan samayn waxyaabo badan oo dadka u fiican, iyada oo isticmaalaysa lacagta ay dadka ka soo uruurisay?”
“Dabcan,” ayuu yidhi. “Dadka qaar baa noqday hantiile. Laakiin, haddii bixinta canshuuruhu ay fiican tahay, muxuu uusan canshuur uruuriyuhu uu adiga kaaga dhaadhicin la’yahay faa’iidadaada, oo uusan kuugu ogolayn in aad adigu iskaa u bixisid?”
Yoonis wuxuu is yidhi. “Mindhaa qancintu waxay qaadanaysaa wakhti iyo shaqo aad u badan?”
“Sax,” ayuu yidhi tuugii “taasina waa arrin dhib badan. Wakhti badan in-
aguma qaadanayso qoriga!” ayuu kaga yaabiyay Yoonis, isaga oo is kor saaraya labadiisa gacmood. “Halkaas waxaan qabaa in aadan u tagi karayn canshuur qaadaha markiiba. Laakiin, waxaad igu kordhisay fikrad cusub.”
Wuxuu ag fadhiistay Yoonis oo aan dhaqaaqi karayn. “Waad la socotaa, soo ma ogid?” ayuu yidhi tuugii. “Siyaasaddu waa arrin isbedel leh. Dadka badankoodu waxay ku fikiraan inay tahay caadi, in been la sheego, in wax la xado, ama in wax la dilo. Ma’aha daris wanaag – haddii aysan siyaasiyiintu samayn arrimo la halmaama dhaqan xumo. Haa, siyaasaddu waxay suurta ge- lisaa, dadka inoogu wanaagsan in ay been sheegaan, oo wax xadaan, xitaa inay mararka qaarkood wax dilaan mararka qaarkood. Iyo iyaga oo wali dareemi karaya inay sameeyaan wax wanaagsan.”
Si in la moodo in uu shaxdhigayo ayuu tuugii soo jeediyay.
“Waxaan u baahanahay in yar oo dambi dhaaf ah in aan iskaga tirtiro dambiyadeena – Iyo in aan isku dayo.” Waa uu isku yaryaraaday, hadana, waa uu yara fikiray wakhti yar.
“Waxaan u malaynayaa in aan soo booqan doono haweeneey marwo Ashkira.” Wuxuu ruxay lugtiisa, isaga oo iskaga tagaya tuugii. Yoonis Maskiin waa uu sii eegayay ilaa uu tuugii ka sii libdhayay.
Waddaduna waxay ahayd mid buuq yar. Yoonis waxa uu ka sii fikiray waxii uu tuugu uu ku yidhi, isaga oo la xarbiyaya koodhkii lagu xidhay. Wakhtigan xaadirka waxa uu yahay caawimo la’aan, haddii uusan cidi u soo gurman. “’Ii Sheeg taariikhdaada ama mustaqbalkaaga!’ Muxuu uga jeeday? Waan gartay!” ayuu yidhi Yoonis, isaga oo is gedgedinaya.
“Lacagtayda, hantidayda waa qayb ka mid ah taariikhdayda – waa mid ku saabsan noloshaydii. Haddii uu qaatay lacagtaydda, waa in aan shaqaddii aan dib u qabtaa mar kale si aan u shaqaysto mar labaad. Haddii uu i dilli lahaa taasi micnaheedu waxay tahay nololi ma jirto, mustaqbalna ma jiro. Inkastoo uu i xidhxidhay, igana qaaday xorriyadaydda, iyo xornimadayda!”
Yoonis waxa uu iswaydiiyay askarigii ka tirsanaa ciidamada nabadda ee uu horay ula kulmay maalin ka hor.
“Meeyay ninkaasi marka aan u baahnahay!”
Fikradda ah in uu mar labaad dib ugu noqdo carwadii uu horay uga soo shaqaystay si uu u soo shaqaysto lacag mar labaad ayaa ka cadhaysiisay Yoonis haddii uu soo shagaystana lacagtiisa waa in uu dhigtaa markan, waxa uu ku fikiray in uu canshuur qaaduhu uu ku leeyahay wax lacag ah! “Sidaadaraadeed nolosha, xorriyadda, iyo hantida dhamaantood waxay ka mid yihiin jiritaankayga, waxa keliya oo kala gedisan waa wakhtiga – mustqabalka, wakhtiga xaadirka ah, iyo kan la soo dhaafay, tuugaasina wuxuu cabsi badan geliyay qaybta iigu muhiimsan xaqayga, si uu u hello qaybta ugu sahlan, una hantiyo lacagta aan anigu soo shaqaystay!”
Markiiba galuus mid ka mid ah galuusyada koodhkiisa ayaa furmay. “Xan uun badanaa!”
Yoonis wuxuu joojiyay wax walba oo uu samaynayay, isaga oo u kaadinaya xoogaa, kana fikiraya arrimahiisa isku qoofilan. Wuxuu is yidhi, “ma’aan ogayn sida ay u wanaagsan tahay in aad xor tahay – Ilaa iyo hadda ka horoow.”

Tuduca 17aad

Guddiga Dheefshiidka
Y oonis waxaa looga dhigay madaxa nafaqooyinka.
YADA oo ay maskaxdiisu ku cusub tahay sheekadda bakaylaha, Yoo-
nis Maskiin waxa uu waydiiyey sida lagu tago bartamaha magaalada. Haweeneeydii waynayd waxay gacanteeda saartay garabkiisa, lana dar
daarantay, “Fadlan, Yoonis Maskiin, cidna ha u sheegin raashinkii aanu ku si- inay. Ma’aanu haysano warqad ogolaansho.”
“Maxay?” ayuu Yoonis yidhi. “Oo ma waxaad u baahan tahay ogolaasho in aad raashin ku bixisaan?”
“Magaaladdan, haa, ” ayeey ayeeyadii ku jawaabtay. Waxayna raacisay, waxayba noo keeni kartaa dhibaato haddii dawladdu ay ka war hesho-In aan raashin bixinay ogolaansho la’aan.”
“Oo maxaa ogolaashaha looga baahan yahay?”
“Waxaa looga baahan yahay cid walba oo raashin isticmaasha. Berri hore dadka magaaladdu waxay raashinkoodda ka iibsan jireen kuwa wadadda wax ku iibiya, dukaamadda xaafadaha ku yaalla, makhaayadaha dadka lacagta lehi ay wax ka cunaan, ama waxay raashinka ka soo iibsadaan dukaamadda, iyaga oo si sharci ugu karsadda raashinka aqaladoodda. Golaha Guurtidda ayaa ku doodaya in aynaan aqligal ahayn in dadka qaarkii ay cunaan raashin wanaagsan. Sidaa daraadeed, waxay sameeyeen sharciyo si cid waliba uga cunto kafateerooyinka, iyaga oo aan bixinayn wax lacag ah.”
“Dabcan, ma’aha lacag la’aan,” ayuu awoowgii yidhi, isaga oo soo saaraya boorsadiisa, iyo isaga oo sii rux ruxaya boorsadiisa yar, sankana ka saar saaraya Yoonis Maskiin.
“Qiimaha raashinka hadda ayuu ugu qaalisan yahay, cidina kuma bixiso albaabka horteeedda. Adeer Samta ayaa ka bixiya canshuurteena. Maadaama kafateeriyadda siyaasadda la siiyey lacagteedda, dad aad u faro badan ayaa joojiyey in ay raashinka ka soo iibsadaan dukaamadda caadiga ah, kuwaa- soo ay qiime kale ka bixinayaan. Dad aad u yar ayaa bixin kara kharashka makhaayadaha iyo iyaga oo dukaanaddii kalena ay lacagta kor u qaadaan. Qaarkood waa ay badbaadeen, sida kuwa dadka haystay lacagta, iyo macaami- ishooddu ay cunaan raashin gaar ah, maxaa yeelay, diintoodda awgeed, laakiin intii badnayd waxay xidheen dukaanadooddii.”
“Maxaa kalifay in cid waliba bixiso lacag kale haddiiba ay ka helli karaan kafeteeriyadda siyaasadda, kuna helli karaan lacag la’aan?” ayuu iswaydiiyey Yoonis.
Awoowihii ayaa qoslay. “Maxaa yeelay, siyaasiintii baa xumaaday – raashin kariyaasha, raashinkii, jawigii – bal adigu magacoow! Shaqaalaha aan si fiican u aqoon cuno karinta shaqooyinkoodda lagama caydhiyo, ururadoodduna waa kuwo aad u awood badan. Inta badana raashin kariyaha shaqadiisa si fiican u qabsadda lama abaal mariyo, maxaa yeelay, kuwo aan aqoon sida raashinka loo kariyo ayaa ka xumaadda, niyad fiicana mahayaan, raashinkuna waa xun yahay, raashinka la kariyana waxaa go’aamiya Golaha Raashinka.”
“Taasina waa qayb ka mid ah dhibaatooyinka,” ayuu yidhi awoowe. “Waxay isku dayaan in ay raalli geliyaan saaxiibadood, waligoodna ma dhargayaan. Waxaa wacnayd in aad aragtid dagaalka loogu jiro roodhidda iyo bataatiga. Roodhidda iyo bataatiga dagaalkoodda maalin walba iyo maalin kasta muddo imminka ku dhoow dhawr iyo tobon sannadood. Muddo kadibna kooxdda baas- tadda u ololeeysa ayaa abaabulay sidii wax loo tari lahaa dadka ka ganacsada bariiska iyo baastada. Taana maskaxda ku hay? Ayuu yidhi isaga oo madaxa uruxaya xaaskiisa.” Goorma ayeey ahayd markii kooxda jecel baastada ay ku guulaystaan in ay dadkooda ku darsadaan golaha maamulka, taasina waxay ahayd markii noogu dambaysay ee aanu maqalno arrimaha ku saabsan rootiga iyo bataatiga.”
Ladan ayaa qososhay, kana hoos qososhay ayeeydeed, waxayna fadhiday garabkeeda, Ladana waxaa sankeeda ka soo fuulfuulayey qoyaan, markaaseey isku yaraatay. “Ma jecli baastada, ayeeyo.”
“Waa in aad cuntaa ayeeyo, haddii kale kooxda nafaqada ayaa ku daba joogaysa.”
“Kooxda nafaqada?” ayuu waydiiyay Yoonis.
“shhh!” ayuu awoowihii yidhi, isaga oo bishimihiisa gacantiisa saaraya. Waxa uu iska eegay garabkiisa, kadibna dhinaca waddada, si uu u arko in cid ay daawanayso. “Kuwa iska daaya raashinka waxay inta badan ku dambeeyaan gacanta kooxaha nafaqada. Caruurtuna waxay ugu yeedhaan kuwii nafaqada. Nafaqadu waxay si gaar ah u waardiyeeyaan dadka aan wakhtiga raashinka aan immaan, iyaga oo baadigooba cidda iman waysa. Dadka raashinka diida waxaa loo taxaabaa xabsiga iyo iyaga oo markaas raashinka xoog lagu cunsiiyo.”
Ladan ayaa ku dhawaaqday, “Laakiinse miyeynaan aqalkeenna raashinka ku cuni karayn? Raashinka ay ayeeyo kariso ayaa ugu wanaagsan.”
“Ayeeyo ma’aha mid la ogol yahay,” ayeey tidhi ayeeyo, iyada oo madaxa u salaaxaysa Ladan.
“Dad qaar ah ayuun baa leh ogolaasho gaar ah, laakiin ayeeyo iyo anigu awood uma lihin, tababar gaarna ma lihin, mana awoodi karno kushiin wayn oo ay u baahan yihiin, na loogana baahan yahay haddii aan dalbano. Bal eeg, Ladan, siyaasiyiintu waxay aaminsan yihiin in ay iyagu kaaga wanaagsan yihiin naftaada adiga.”
“Ogoow,” ayeey ayeeyo ku dartay, “Labadayaduba waa in aanu shaqayno si aanu canshuurta u bixino lagu samaynayo waxaan oo dhan.”
Awoowihii waxa uu xajistay kursigiisa, isaga oo isla hadlaya, hadalkana ku rafanaya, “Waxay noo sheegayaan in aan imminka haysanno raashin aad u yar, marka loo eego taariikhdeenna, inkastoo dadka badhkii ay gaajo wada hayso. Qorshihii hore ee ahaa in dadka saboolka la siiyo raashin nafaqa leh, wuxuu ku dhamaaday in dadka saboolka ahi ay qabsato nafaqa daro. Qaarkood waxay ka go’een raashinkii, waxayna u eg yihiin qoryo. Inkastoo raashinkoodu uu yahay bilaash. Tan ugu darran waxaa biibitada siyaasada waalay boobkii iyo budhcaddii, cid aammin ku qabtana ma jirto.”
“Awoowe, jooji!” ayeey tidhi, iyada oo arkaysay walwalka ka muuqda Yoonis wajigiisa. “Aad iyo aad buu u baqayaa marka uu tago biibitada siyaasada. Waxaad soo qaadataa cadayntaada si aad u tustid dadka raashinka qaybiya, ee albaabka taagan. Wax walibana waa ay kuu hagaagayaan.”
“Waad ku mahadsan tahay walwelkaaga, ayeeyo,” ayuu yidhi Yoonis, isaga oo is leh toloow sidee bay caddayntu u eg tahay iyo sida uu raashinku uu u helli karo isaga oo aan lahayn warqada caddaynta.
“Maad ii ogolaan kartaa haddii aan xoogaa rooti ah aan sii qaato intaan tegin?”
“‘Dabcan ayeeyo.’ Qaado intaad rabto.” Waxay dib ugu noqotay madbakhii waxayna la soo noqotay dhowr midh oo rooti ah oo ku duubban warqad nadiif ah. Waxayna iska eegtay labadda dhinac si ay iskaga eegto haddii deriskeedu ay eegayeen, kadibna iyada oo faraxsan ayeey gacanta ka saartay Yoonis, oo misna tidhi, “Si gaar ah nafta u ilaali. Waxaan xan ku maqlayaa in qofkii raashinka noo keeni jiray in ay ciidamadda nabadda ee raashinku ay xidheen. La soco cidna ha tusin roodhidan, haye dheh?”
“Waa yahay. Waadna ku mahadsan tahay wax walba.” Isaga oo ku sii leh nabadgelyo, Yoonis Maskiin waxa uu u soo baxay banaanka iyo waddada, isaga oo dareensan, garwaaqsanayana in uu jasiiraddan la yaabka leh uu ka helay aqal
– guri.

Tuduca 16aad

Diin iyo Bakayle Dib loo booqday
Ayeeyadii sheekadeedu aan sidaas caanka u ahayn.

Yoonis waxa uu maskaxdiisa ka saari la’ yahay haweeneeydii u ahayd madaxa xafladaha dadka danta gaarka ah ku shirkoobay. Waxayna siin jirtay lacag, hadana waa ay ka qaadataa islamarkiiba. Hadana, markasta iyo had iyo jeer gacanta ayeey u gelisaa, misna waa ay ka dhufsataa. Durbadiiba, Yoonis Maskiin waxa uu la soo toosay amakaab iyo layaab, isaga oo xusuustay in laga doonayo in uu canshuur ka bixiyo lacagtii uu shaqaystay.
Odayga wayn waxa uu kala jar jarayey roodhi, isaga oo ka dhigdhigayey qayb qayb aad u yar yar, doonayeyna in uu u isticmaalo guraac ahaan, markii gabadha yar ee caatada ahi ay si farxadi ku dheehan tahay u soo gashay qolkii. Odaygii waynaa waxa uu u sheegay Yoonis in ay tahay gabadhii uu awoowga u ahaa, oo uu yidhi magaceedanna waxa la yiraahdaa, Ladan, taasoo booqasho gaaban ugu timid, joogina doonta dhawr cisho. Markiiba Yoonis quraacdiisii ayuu wax ka siiyey gabadhii yarayd. Gabadhii yaraydna farxad bay la bood- booday, iyada oo isku dayeeysa in ay kor u qaado iskaalshaheeda. “Awoowe, fadlan ii akhri sheekaddii mar kale,” ayeey ka codsatay.
“Kee, awoowe?”
“Tii aan sida gaarka u jeclaa, tii diin diinka iyo bakaylaha. Sawirradu aad bay u qurux badnaayeen,” ayeey Ladan tidhi.
“Waa wanaagsan, taasina waa hagaag,” ayeey tidhi ayeeyadeed, iyada oo soo qaadaysa buug armaajada jikada dhexdeeda yaalay, oo ay sideedaba ay si fudud ku gaadhi karto. Waxay soo agfadhiisatay gabadhii yarayd, Ladan, iyada oo ku biloowday, “Beribbaa waxaa jiray.,”
“Maya, maya, ayeeyo, ‘wakhti aad u fog.,” ayeey gabadhii la soo booday. Ayeeyadeed waa ay iska qososhay, oo ay sii wadatay. “Wakhti aad u dheer, oo fog, waxaa jiray diin diin la odhan jiray Raage iyo bakayle la odhan jiray Wardheere. Waxay ahaayeen kuwo warqadaha dadka qaybiya, oo ka baayac mushtara, oo xayawaanka kale warqadaha ugu geeya aqalladooda. Maalin maalmaha ka mid ah, Raage, oo sidiisaba dhagahiisu ay ka xoog badan yi- hiin lugahiisa ayaa waxa uu maqlay deriskiisa oo ammaanaya Wardheere, kuna ammaanaya in uu yahay mid markiiba is deg deg ah warqadaha u qaybiya. Wuxuuna ku qaybin karaa wakhti aad u yar halka kuwa kale ay ku qaadato maalmo. Isaga oo Raage dhuuxaya arrintan ayuu u soo dhawaaday, kana qay- bgalaya sheekadooda.
“Bakayle,” ayaa yidhi Raage waa mid aad u gaabiya. ‘Todobaad keliya ayaan waxaan ku heli karaa dad aad u faro badan. Waxaana ahey qof sumcad leh, oo ay macaamishayduna ay i qadariyaan.’
“Wardheere waxa uu bilaabay tartan. ‘sharaftaada? Haa heey! Waxa dadku ay ku fikiraan ma’aha waxaad ku tashan kartid,’ Bakaylihii waa uu soo jeestay, ‘si kastaba ha ahaatee, waan kula tartamayaa!’
Deriskii oo dhami waxay yiraahdeen diin diinka gaabiya ma’aha mid tar- tami kara. Hadana, si ay u caddeeyaan dhammaantood waxay ku heshiiy-
een in ay iyaga noqdaa guddigii go’aamin lahayd cidda tartankan ku guu- laysata todobaadkan. Isla markiiba Wardheere wuxuu u diyaar garoobay tar- tankii, halka Raage uu wali iska fadhiistay, oo uu iska fadhiyey wakhti aad u dheer. Markii ugu dambaysaynna waa uu soo jeestay, isaga oo ka sii dhaqaaqay goobtii.
“Wardheere waxa uu markiiba meel walba ku dhejiyey ogaysiis oo uu ku leeyahay waxaan dhimayaa qiimaha xitaa in ka badan badh – in ka sii yar inta Raage uu ku iibiyo. Warqado qaybintu waxay noqonaysaa maalintii labo jeer imminka wixii ka dambeeya, xitaa sabtida, axada iyo maalmaha fasaxa. Isla markiiba bakaylihii waxa uu isku sii qaaday xaafadihii oo dhan, isaga oo riixaya gambaleelka aqal kasta, markiiba waxaa farta laga saaray warqadihii laga iibsaday tigidhadoodii iyo alaabo kale, xitaa waa uu miisaamayey, isaga oo xitaa xidh xidhayey markiiba. Lacag aad u yar ayuu ku ballan qaaday in ay bixindoonaan mar walba maalin kasta ama habeen walba. Waxa uu intaa ku darsaday isaga oo tusaya daacadnimo, waji furran, oo uusan wax lacag ah ku iibinayn. In uu noqon doono mid shaqadiisu dheelitiran, wax abuurid badan, iyo isaga oo ah mid si wacan idiinku soo dhawaynaya. Bakaylihii markiiba macaamiishiisii ayaa sii badatay, oo korodhay.
“Cid wali aragtay diin diinkiina ma jirto. Dhammaadkii todobaadka, xoogaa guul ayaa u soo hoyatay, Wardheere, markaasuu isku sii qaaday deriskiisa, si uu ula kulmo, kalana hadlo tartankoodii. Aad buu u yaabay markii uu arkay diin diinkii oo ka soo hormaray, oo sugaya. ‘Iga raali ahow, Wardheere,’ ayuu yidhi diin diinkii, isaga oo ku leh cod aad daciif u ah. ‘ Intii aad ku sii cararaysay aqallada xaafaddeena, waxaan keliya oo aan awooday in aan warqaddan ciddi lahayd aan u geeyo.’ Raage waxa uu Wardheere u dhiibay warqad iyo qalin, isaga oo ku daraya, ‘Fadlan saxiix halkan.’
“‘Kani waa maxay?’ ayuu Wardheere waydiiyey.
“‘Boqorkeenna ayaa ii magacaabay aniga oo ah diin diin in aan noqdo madaxa Boostooyinka Guud, wuxuuna ii oggolaaday in aan anigu ka ganacsado warqadaha qaybintooda wadanka oo dhan. Waan ka xumahey bakayle, laakiin waa in aad joojisaa warqado qaybintaada.’
“‘Laakiin taasi ma suurto geli karto!’ ayuu yidhi Wardheere, isaga oo dhulka la dhacaya cagahiisa caro awgeed. ‘Tani caddaalad ma’aha!’
“‘ Tani waa waxa uu boqorku yidhi,” ayuu diin diinkii ku jawaabay. ‘Ma’aha caddaalad in dadkiisu qaarna ay helaan shaqo wacan, qaarka kalena aynaan helin. Markaa aniga ayuu si gaar ah ii siiyey awood ganacsi oo ballaadhan, si cid waliba ay u hesho shaqo isku mid ah.’
“Aad iyo aad buu u cadhooday Wardheere isaga oo ku leh diin diinkii, ‘sidee buu tan kaaga oggolaaday? Maxaad u oggolaatay?’
“Diin diinkii si fudud kuma uu qoslin, laakiin waxa uu maamulay in uu in yar kala qaado afkiisa. ‘Waxaan boqorka u oggolaaday in uu warqadahiisa oo dhan uu lacag la’aan ku dirsan doono. Dabcan, waxaan kaloo xusuusiyey in uu ka war heli doono wax yaabaha dadka kale qoreen, sida kuwa ay qoreen dadka mucaaradka ah, oo ay warqaduhu ku jiraan gacmo la isku hubo, oo daacad kuu ah. Haddii ay warqaddi iga lunto, oo ay igaga lunto halkan iyo halkaas, waa hagaag waa kuma cidda soo dacwoonaysa?’
“‘Laakiin inta badan waxaad lumisaa lacag marka aad warqadaha aad qay- binayso!’ ayuu yidhi bakaylihii.
‘Waa kuma cidda bixinaysa taas?’
“‘Boqorku waxa uu samaynayaa qiimaha si aan macaash fiican aan u sameeyo.
Haddii dadku ay joojiyaan in ay dirsadaan warqadaha canshuurta ayaan ka helayaa qasaarahayga. Muddo ka dibna cidiba ma xusuusan doonto in aan lahaa cid ila tartanta.’ Ayeeyo waxay eegtay kor, iyada oo ku daraysa, waa ‘DHAMMAAD.’
“Waa maxay u jeedadda sheekada,” ay ayeeyo akhrisay,” Taas micnaheedu miyaa mar kasta oo aad la ku lantid dhibaato, waxaad u yeedhanaysaa dawladda.”
Gabadhii yarayd, Ladan ayaa ku celisay, “Taas micnaheedu miyaa mar kasta oo aad la kulantid dhibaato waxaad u yeedhanaysaa dawladda. Ayeeyo tan waan xusuusan doonaa.”
“Maya, ayeeyo, taasi waa ta keliya ee buuggu leeyahay. Waxaa habboon in aad baadigoobtid sida wanaagsan ee ay tahay.”
“Ayeeyo?”
“Hee, ayeeyo?”
“Xayawaanku ma hadli karaan?”
“Kuma hadli karaan luuqadeena, ayeeyo. Sheekadani waa sheeko baralleey, aan run ahayn ama sheekoxariir.”
Yoonis waxa uu dhamaystay raashinkiisa, isaga oo mahad u celinaya reerka, sida wacan ee ay u soo dhaweeyeen. “Waxaad u qaadataa in aan nahey awoow- gaa iyo ayeeyadaa oo kale, haddii aad waligaa aad wax u baahato,” ayuu yidhi odaygii, isaga oo tusaya Yoonis albaabka. Dhamaantood waxay u soo baxeen banaanka si ay u macsalaameeyaan Yoonis Maskiin.

Tuduca 15aad

Adeer Samta
Yoonis waxa uu soo ogaaday micnigga cusub ee dhaqankii hore.

Magaaladii waxay isu bedeshay mid xasiloon. Haweeneeydiina waxay siisay Yoonis in ka badan konton shillin ka qaybqaadashadiisii uu kaga qaybqaatay qaybintii warqadaha. Aad iyo aad bay ugu faraxday in ay aragto ruux aad iyo aad u jecel shaqada, kaasoo tixgelin dheeraad ah siiyey shaqadiisa. Tanina waxay sababtay in ay ka codsato in uu soo noqdo habeen dambe, si uu mar labaad u shaqeeyo. Yoonis wuu ku raacay in uu ku soo noqdo maalin kale haddii uu karo. Kadibna, waa uu iskaga tagay, si uu u raadsado meel uu si fiican u seexdo. Mana uusan garanayn wuxuu sameeyo. Sidaa daraadeed, waxa uu meermeeray bartamaha magaalada. Sidii uu u taagnaa gidaarka hoostiisa, waxaa ka horyimid Oday wayn – oo xidhan shaadh, kaasoo hor istaagay Yoonis Maskiin. Odayga wayni wuxuu mudh ka soo yidhi aqalkiisa oo u dhow aqalka dulsaaran waddada.
Yoonis, isaga oo xiisa gaara sii siinaya ayuu waydiiyey, “maxaad baadi- goobaysaa?”
“Aqalka korkiisa,” ayuu cod aad u hooseeya ku yidhi, isaga oo sii tilmaa- maya mugdiga. “Ma aad aragtaa ninka xidhan dharka cas, cad, iyo kan buluuga ah? Boorsadiisa waa ay sii buurnaanaysaa mar kasta uu booqdo aqal cusub.” Yoonis waxa uu eegay dhinacii uu ninku u tilmaamay. Waxaa uga muuqday aqallada qaarkood muuqaal si fiican loo arki karayn.
“Maxaa ugu wacan, runtii,” ayuu ku dhawaaqay. “Waan arkaa isaga. Max¬aad kor ugu qaylin la’dahay oo aad dadka ugu sheegi la’dahay cidda deggan?” “Hah, ma’aan samaynayo taas,” ayuu ninkii waynaa ku dhawaaqay.
“Adeer Samta waa mid caro badan dadkana ula xaajooda si aad u liidata iyo cidkasta oo uu la laxaajoodo.”
“Miyaad garanaysaa?” ayuu waydiiyeyYoonis. “Laakiin.”
“Shhhh! Aad ha u qaylin,” ayuu ninkii yidhi, isaga oo ku sii xoojinaya fartiisa bishimihiisa. “Adeer Samta waxa uu booqdaa dadka qaylada badan. Dadka badankiisu waxay iska dhigaan inay jiifaan, isagoo xitaa inta badan ku xadgudba xorriyadda shicibka, iskana soo gala aqalladooda.”
Isaga oo iskudayaya in uu is xakameeyo, Yoonis waxa uu isu badiyey dhinaca uu ninku ka xigay. “Ma’aan fahmin maxaa sababay in uu qof waliba uu xidho indhihiisa, mararka aqalladooda la soo galo?”
“Dadku waa ay aamuseen caawa oo ay taariikhdu tahay bishii Abriilyo,” ayuu ninkii waynaa ku sharaxay.
“Haddii kale waxay wax u dhimaysaa fasaxyadooda, oo wax yeelaysaa marka uu fasaxoodu uu u bilaamayo ee uu Adeer Samta uu ka soo noqdo alaabtiisa khaasatan tan caruurta yari ay jecel yihiin si uu u geeyo aqal walba.” “Hah,” ayuu yidhi Yoonis isaga oo yara faraxsan. “Markaa Adeer Samta dib ayuu u bixinayaa wax walba?”
“Maya! Laakiin dadka way jecel yihiin in ay u qaataan. Waxaan isku dayey in aan soo jeedo, si aan ula socdo waxa uu qaaday iyo waxa uu soo celiyey.
Waa mid aan ka helo, ayaad odhan kartaa. Xisaabtayduna, Adeer Samta inta badan isaga ayaa kaydsada, oo meel dhigta iyo isaga oo u kala qaybiya aqalo badan oo ay asxaabtiisu ay deggan tahay. Laakiin,” ayuu yidhi ninkii waynaa, isaga oo isku qabtay gacantiisa cadhana ka muuqatay, “Adeer Samta waa mid taxadar badan, oo cid walba in yar siiya, si uu uga farxiyo. Tanina waxay ka dhigtaa cid walba mid seexday ilaa iyo Bisha Abriilyo ee soo socota, marka uu soo noqdo, si uu u qaato wuxuu doonayo.”
“Ma aan fahmin,” ayuu Yoonis yidhi. “Maxay dadku u soo jeedi la’ yihiin, una sheegi la’ yihiin tuugga, oo ay u ilaashan la’ yihiin hantidooda? Kadibna ay u iibsan la’yihiin wax kasta oo ay doonayaan, oo ay u siiyaan cidkasta oo ay doonayaan”
Odaygii waynaa waxa uu ruxay madaxiisa, isaga oo la yaaban Yoonis fahmi la’aantiisa.
“Adeer Samta waxaa ku hamiya cid walba oo yar. Dhab ahaantii, waalidi- intuna waxay bareen caruurtooda in alaabta ay ku ciyaaraan oo ay si lama filaan ah ay samada uga timid, cidna aynaan waxba ugu fadhiyin.” Markii uu ka bogtay sidii xumayd ee uu u eegay Yoonis, ayuu ninkii waynaa yidhi, “Wax- aad u eg tahay in aadan faraxsanayn maanta. Bal gudaha soo gal oo dareen kulaylka, ninkaaga yaroow. Miyaad u baahan tahay meel aad seexatid caawa?” Yoonis waa uu soo dhaweeyey seexashadii lagu martiqaaday. Ninkii waynaa waxa uu baray Yoonis xaaskiisa, markiiba waxay Yoonis u keentay bakeeri ka buuxay jokolaad kulul iyo saxan ay ku jireen buskud, markiiba daalkii baa ka ba’ay, Yoonis waxa uu isku kala bixiyey kursigii ay qoyskani ay sameeyeen, kana sameeyeen buste iyo barkimo. Ninkii waynaana waxa uu sitay sigaarka baybka lagu cabo, isaga oo dib u fadhiisanaya, horay iyo gadaalna u ruxruxaya kursigiisa.
Markii uu si fiican u nastay Yoonis, waxa uu waydiiyey, “sidee bay dhaqan kani ku bilaamay?”
“Waxaanu horay u lahaan jirnay fasax loo yaqaanay ‘Ciid,’ waana wakhti aad u wanaagsan sannad walba. Waana fasax diimeed oo la isi siiyo hadiyado. Waa hagaag, cid waliba waa ay ka heshaa, oo waa ay jeceshay. Waxayna sababtay in Golaha Guurtida ay go’aamiyaan in ay tahay fasax aad iyo aad muhiim u ah. Waa ayna la wareegeen si ay u maamulaan.” Codkiisii baa sii yaraaday, wuxuuna muujiyey in uu ka xun yahay. “Marka hore, waxyaabaha la xiriira diinta waa in la mamnuucaa. Guurtidu si sharciyan ah ayeey ku bedeleen magacii fasaxa in uu noqdo ‘Ciid Wayn.’ Hadiyadihii dadku isa siin jireen magaceedii waxaa loo bedelay ‘Adeer Samta’ iyo in qofka canshuurta soo qaadaya uu xidho dhar gaar ah.”
Ninkii waynaa waa uu aamusay, si uu u liqo candhuuftiisa, una calaashado tubaakadiisa. Waa uu sii watay, “Ciida wayn canshuurteeda waa in imminka la gudbiyaa foomamkeeda waana in loo gudbiyaa xafiiska rajada wanaagsan. Xafiiska rajada wanaagsan ayaa go’aaminaya lacagta looga baahan yahay can- shuur bixiye kasta, waxaana la isticmaalayaa xisaab ay soo dejiyeen Guurtidu. Waxaad imminka indhahaaga ku aragtay canshuur bixintii Abriilyo.”
“Marka xiga waxaa iminaya xafiiska anshi-xumada iyo wanaagga, kaasoo ay u shaqeeyaan dad aad u fara badan, oo wax xisaabiya, waxna baadha, si ay u imtixaamaan kuwa mudan in ay helaan hadiyad bisha Diseembar.”
“Ugu dambayntii Gudoomiyaha saxa hadiyadda inta ay la’aan karayso, midabkeeda iyo sida ay u ekaan karto ayaa go’aamiya hadiyadda dadka la si- inayo wuxuuna bixiyaa cida la siinayo inay dhisaan warshado haddii ay aamin- san yihiin, ayna taageersan yihiin siyaasada Golaha Guurtida. Cid waliba, iyada oo aan la takoorin, inay helaan inta ay dawladdu u qoondaysay oo ay ku sharxi karaan aqalladooda. Habeenka ‘Ciida’, dadka oo dhan ayaa la isugu yeedhaa, si ay u qaadaan heesaha xafladan ku habboon.”
Ilaa hadda, halgamahan yar ee daalan, markiiba wuu gam’ay. Odaygii waynaa waxa uu kor ugu qaaday bustihii, oo uu korkiisa ku daday. Isaga iyo xaaskiisa waxay cod aad u yar ugu sheegeen Yoonis, oo ay ku yidhaahdeen, “Ciid Wanaagsan!”

Tuduca 14aad

Danta Gaarka Ah
Yoonis waxa uu arkay dabaal dag ciyaareed oo xiisa geliyay dhamaan ciyaartooyda.

Cirkii baa waxaa narivey caad Yoonis Maskiin waxa 1111 istaagay iaranteen, qorraxdiina ay soo baxday. Dad aad iyo aad u badan ayaa xagiisa isku soo qaaday, halkii uu ka joogay faras magaalka, halkaas oo teendho ay ku taalay, kana dambaysay maktabadda. Xiisihii uu u qabay dhulkiisana waxa uu ku ilooway farxadda xafladdan ballaadhan awgeed.
Iyada oo ay cajibisay nalka, aragtidiisa dadka kale gedisan, iyo dhawaaqyada codka dheer, Yoonis waxa uu soo indha-indheeyey teendhadii cajiibka badnayd. Qoraal far qurux badani ku qoran tahay ayuu akhriyey: “CAASIMADDA DABAAL DEGGA: KAN DANTA GAARKA AH.”
Haweeneey xidhnayd dhar casaan iyo madoow leh ayaa mar qura ka soo dhexbaxday dadkii faras magaalka ku xoonsanaa, iyada oo ku qaylinaysa: “Maqla, maqla. Wanaaga nolosha awgeed, horay u soo socda, kuna soo socda Danta Gaarka Ah.” Waxay aragtay Yoonis, isagoo indhihiisu ay aad u foojig- naayeen, aadna u furnaayeen, kana muuqdeen layaab badan, ayeey soo qabatay gacantiisa. “Cid waliba guul bay joogtaa, inankaaga yaroow.”
“Immisa ayeey tahay qimaheedu? Ayuu waydiiyey Yoonis.
“Waxaad keentaa 10 shillin oo keliya, kadibna la tag shay aad u sarreeya!” ayeey ku jawaabtay. Haweeneeydii waxay ruxday kabaheeda dheeraa iyada oo u baaqaysa dadkii ku xoonsanaa faras magaalka. “Maqal, maqal. Danta Gaarka Ah waxay kaa dhigaysaa hantiile wayn!”
Isaga oo aan haysan lacag aad u badan, Yoonis waxa uu sugay intii hawee- neeydu ay mashquul ku noqonayso dadka kale, kadibna waxa uu ku soo waree- gay teendhada xaqeeda dambe. Wuxuuna bilaabay in uu iska qaado dhinacyada teendhada, si uu u galo gudaheeda. Waxa uu daawaday iyada oo dadka ku hog- gaaminaysa kuraastii dadka loogu tala galay, lana iska soo horjeediyey. Toban dadkii ka tirsanaa ayaa is tubay, iyaga oo ka dambeeyey kuraastooda. Nalalkii waa la yareeyey, durbaannadii ayaa bilaamay, mar qudha ayeey xafladii bi- laabatay. Halkii ugu wanaagsanayd waxaa ka soo baxay nin xidhnaa dhar isku joog ah oo midabkiisu yahay madoow iyo koofiyad xardhan. Hoos ayuu u dhigay isaga oo eegaya teendhada gudaheeda.
“Habeen wanaagsan,” ayuu yidhi ninkii. “Waxaan ahay siyaasi gaamuray! Caawa toban idinka mid ihi waxay yeelanayaan nasiib wanaagsan, waxay ku guulaysan doonaan ciyaartan heerka sare. Dhammaantiina waxaad ka tagi doontaa idinka oo ka faraxsan markii aad horay u soo gasheen. Fadlan fad- hiista.” Intaa markii uu yidhi, waxa uu ruxay gacmihiisa, isaga oo u tagaya cid walba oo ku dhex jirta gudaha. Waxa uuna ka soo qaaday qof walba hal shillin. Dayn ma jirto.
Ninkii wuu qoslay. Wuxuuna ku dhawaaqay, “Imminka waxaad arkaysaa
sida laguugu abaalgudo.” Islamarkiina waxa uu riday shan shillin, isaga oo ku tuuraya qof dadkii ka mid ahaa. Qofkii nasiibka badnaa kor ayuu u dhawaaqay, isaga oo kor u bood boodaya, farxad badanina ka muuqato.
“Ma tihid kan keliya ee guulaystay,” ayuu ku dhawaaqay ninkii. Taasina way dhacday. Toban jeer ninkii waxa uu isku sii qaaday bartamaha teendhada, isaga oo soo uruurinaya hal shillin, kana soo uruurinaya dadkii. Markasta oo uu ku noqdaba, waxa uu ridaa shan shillin, isaga oo ku tuuraya dhabta qof ka mid ah dadkii fadhiyey, isaga oo ay ka muuqatay farxad iyo reen reen.
Markii qayladdii istaagtay, dadkiina bilaabeen in ay iska tagaan, Yoonis waxa uu isku sii qaaday xaga hore ee teendhada, si uu u arko in cid waliba ay ku faraxsanayd iyo in kale. Haweeneeyda xidhnayd dharka cas iyo kan madoow ayaa haysay marada ku oodnayd albaabka teendhada. Kor bayna u haysaa maradii. Waxay joojisay mid ka mid ahaa dadkii, iyada oo waydiinaysa: “wakhti fiican ma qaadatay?”
“Dabcan!” ayuu ninkii yidhi, isaga oo ku dhawaaqaya. “Waxay ahayd mid aad u wacan!”
“Ma aan sugi karo si aan ugu sheego asxaabtayda,” ayuu mid kale yidhi. “Waxaa laga yaabaa in aan mar kale aan soo noqdo.”
Hadana mid kale oo faraxsan ayaa ku daray, “Haa, haa. Cid waliba waxay heshay 5 shillin!”
Yoonis waxa uu si gaar ah u eegayey kooxdii ilaa intii ay ka libdhayeen. Haweeneey xidhnayd dhar ku dhagan ayaa siyaasigii firfircoonaa ku soo jeesa- tay, kaasoo markaas dadka ku lahaa nabadgelyo, ayeey waxay tidhi, “Haa, waxaan nahay dad aad u faraxsan. Waxaanu helnay 50 shillin dhamaantayo waanu faraxsanahay! Waxaan rajaynaynaa sannadka dambe in aan waydiisan doono Golaha Guurtida in ay ansixiyaan sharci u oggolaanaya in cid waliba ay ciyaarto ciyaartan heerka sare ah!”

Muddo yar kadib nin cadhaysan ayaa xaga dambe Yoonis kaga yimid isaga oo qabsanaya garabka shaadhkiisa. “U kaadi, dibjiryahoow. Waan ku arkayey markii aad ka soo galaysay xaga dambe. Waxaad mooday in aad bilaash ku soo gali kartid, miyaad moodey?”
“Waan ka xumahey,” ayuu yidhi Yoonis, isaga oo isku dayaya in uu ka baxsado ninkii gacantiisa ka hayey. “Ma aan ogayn in lacag la bixinayo, si loo daawado. Haweeneeydaasna waxay iiga dhigtay in aan foojignaado – mana aan haysan wax lacag ah oo aan iskaga bixiyo, markaas…”
Haweeneeydii iyada oo ku soo jeesanaysa Yoonis, ayeey biloowday in ay qayliso, “wax lacag ah ma jirto?” Kadib, durbadiiba wajigeedii wuu isbede- lay waxayna biloowday in ay qososho. “Iska sii daa,” ayeey tidhi. “Waa wiil wanaagsan. Miyaad jeclaatay barnaamijkii, miyaad?
“Dabcan haa, hooyo!” ayuu Yoonis yidhi, isaga oo madaxiisa ruxaya.
“Waa hagaag, sidee baad ku doonaysaa in aad lacag ku shaqaysatid?” Ama waa sidan, codkeedii wuxuu isu bedelay mid laga baqo, “ama waxaan kuu gudbinayaa guddiga nabad gelyada.”
“Waa hagaag – taasi waa mid wanaagsan,” ayuu yidhi Yoonis, durbadiiba. “Maxaad iga doonaysaa in aan sameeyo?”
“Waa mid fudud,” ayeey ku jawaabtay, af macaan ayeey imminka biloow¬day. “Waxaad dhex socotaa teendhooyinka dhexdooda wakhtigu markuu yahay fiidkii, qaybi warqadahan, una sheeg dadka in ay wakhti fiican qaadan doon- aan. Kani waa hal shillin, mid kale waad shaqaysan doontaa, oo aad ka qaadan doontaa qof kasta hal shillin marka ay gudaha soo galaan, kaasoo sita warqadda aad siisay. Imminka orod oo wax soo samee, hana iga caraysiin.”
Markii uu bilaabay in uu warqadihii xambaarto, oo uu dhaqaaqo, ayeey tidhi, “waxaa kaloo jirta, marka barnaamijka caawa uu dhamaado, waxaan gudbinayaa warbixintaydii ee ku saabsanayd intii aad u shaqaysatay. Waxaana samaynayaa berito aroortii. Adiguna waa in aad ka bixisaa canshuur lacagta aad shaqaysatay.”
“Canshuur?” ayuu Yoonis ku celiyey. “Oo maxaan u bixinayaa?”
“Golaha Guurtidu waxay rabaan qaar ka mid ah lacagta aad shaqaysatay.”
Yoonis waxa uu ku daray, “Waxaan ku raja waynahey in aan aad u shaqayn lahaa haddii aan ogaa in aadan war bixin ka diyaariseen lacagta aan shaqaystay. Waxaa dhici lahayd in aan laba jibaar aan u shaqayn lahaa.”
“Golaha Guurtidu waa ay ka warhaysaa in dadku ay la dhuuntaan canshuur- tooda, waxayna leeyihiin dad u soo basaasa, si gaar ahna uga warhaya. Taasina waxay noqon kartaa dhibaato faro badan – waxaana dhici karta in ganacsiga nalaga xidho,” ayeey haweeneydii tidhi. “Markaa waxba ha ka cabanin. Waa in aan dhamaanteen ka mas’uul noqonaa dambiyadeena.”
“Dambiyadeena?” ayuu ku celiyey.
“Waa waree, haa heey. Canshuurtu waxay keentaa ciqaab. Canshuurta sigaarka laga qaado waxay ciqaabtaa kan caba sigaarka, canshuurta kham- riga laga qaadana waxay ciqaabtaa kan caba khamriga, canshuuridda lacagta dadku shaqaysto waxay ciqaabtaa dadka shaqeeya.” Haweeneeydii waxay ku soo tuuray gacanteedii, iyada oo leh, “Caafimaad wanaagsan iyo kala dambayn. Imminka iska tag, soco, wiilyahoow!”
“Sideen waxba u ahayn farshaxanku?”
Yoonis waxa uu ruxay madaxiisa, isaga oo la yaabay arrintan, ayuu waydi- iyey kuna yidhi cod aad daciif u ah, “sidaas daraadeed tani waa waxba? Sideen waxba ku ahayn farshaxan?”
“Waxa sababay taasi waxay tahay tan baabi’inaysa farshaxanka kana dhi- gaysa mid loo wada dhan yahay. Guddiga Horumarinta Farshaxanka waxay maamulaan bakhtiya nasiib, oo ay iyagu soo dooraan bakhtiya nasiibkan,” ayuu yidhi ninkii ka shaqaynayay maktabadda.
“Bakhtiya nasiib – si loo doorto farshaxanka?” ayuu Yoonis waydiiyey, isaga oo aad ula yaaban. “Maxaa sababay bakhtiya nasiibkan?”
“Guddi mar la doortay oo ka mid ah Golaha Fanka iyo Farshaxanka ayaa go’aamiyey,” ayuu ninkii ku jawaabay. “Markii ugu horaysay golaha waxaa lagu eedeeyey in ay iyagu dooranayaan dookhooda amaba kuwo asxaabtooda. Markii xigayna waxaa lagu eedeeyey faaf-reebid ku saabsan farshaxanka ay- naan jeclayn. Maadaama shicibku ay bixiyaan canshuuro, dadku waxay ka soo horjeesteen dadka aqoonta dheeraadka leh.”
“Ka waran haddii la sameeyo gole kale?” ayuu soo jeediyey Yoonis.
“Waa waree, haa heey, waanu isku daynay taas marar faro badan la sameeyo. Laakiin kuwa aan ku jirin golahan marnaba lama heshiin kuwa ku jira golahan. Sidaa daraadeed ugu dambayntii waa la iska dhaafay talladii oo dhan. Cid waliba waa ay ku raacday in bakhtiya nasiibku uu yahay habka keliya ee wax lagu xulo. Qofkastana waa uu ka soo qaybgali kartaa tartanka – cid waliba waa ay ka soo qaybgashay! Golaha Guurtida ayaa go’aamiyey waxa la helayo. ‘iska ilaali Dulimaadka’ ayaa ku guulaystay tartankii saaka.”
Yoonis ayaa soo dhexgalay, “laakiin maa loo oggolaado in cid waliba ay iib- sato farshaxanka, inta la canshuurayo dadka si ay u iibsadaan bakhtiya nasiib? Kadibna cid waliba waa ay ka dooran karaan waxay rabaan.”
“Maxay!” Ninkii ka shaqaynayay maktabaddii ayaa la soo booday. “Dadka qaar baan iibsanayn, waa kuwa iimaanka xune. Dadka kalena waxay leeyihiin dookh xun. Maya, Guurtidu waxay muujiyeen taageeradooda ay u hayaan fanka iyo farshaxanka!” Kuna soo noqo “iska ilaali Dulidda,” ninkii ka shaqay¬nayay maktabadda waxa uu is dhaafiyey labadiisa gacmood, waxaana ka muuq- day caro wajigiisa. “doorasho wacan, miyaadan ku raacsanayn? Madhnaashuhu sinama uma wanaagsana maktabadaha, waxayna ka dhigtaa albaabadiisa mid madhan. Haddii aan ku sii daro,” waa uu sii watay, “cidna kama soo hor- jeesan karto wanaaga farshaxanka ama sida hufan ee loo qoray. Mana ka soo horjeesanayso cidna – miyeey?”

Tuduca 13aad

Waxba Ma’ahan
Bakhtiyanasiib xalinaya dhibaatooyinka naqshadeeyaha.

AQALKA ku heeraarsan maktabadda waxa uu yahay labo dabaq haddii uu ugu yaraado, waxaana lagu xardhay dhagxaan qurux badan. Wax- aase iska soo buuxshay dad aad u faro badan, kuwaasoo ku xoonsan albaabka laga galo. Dadkii baa ku sii yaacay, iyaga oo iska ilaalilanaya in ay ka qaybqaataan iska horimaadka ka socday dhulka ka dambeeya ee lahaa jardiinooyinka. Yoonis waxa uu ku biiray kooxdii, waxa uu akhriyey isaga oo si gaar ah u xiisaynaya warqadda ku xardhan midabka dahabka, kana koraysa albaabka, “MAKTABADA DADWAYNAHA EE MARWO ASHKIRA.”
Dadka xagga dambe safka kaga jiray waxay sii eegayeen dadka ka horreeyay, oo iyaga in badan ka horreeyey. Waxayna ahaayeen kuwo aad u qaylinayey. “Wanaag,” ayeey dadka qaar si hoos ah u odhanayeen. “layaab,” ayeey dadka intiis kalena ay lahaayeen.
Yoonis Maskiin oo ah wiil jalaqsan oo firfircooni u dheer tahay, ayaa isku sii qaaday dadkii, markaasu dhaafay oo horyimid qofkii hor fadhiyey miiskii maktabadda, lagana galayey maktabaddii. “Maxay dadkani u arkaan wanaag iyo layaab?” ayuu waydiiyey ninkii hor fadhiyey miiska laabereeriga laga galo.
“hahahha!” aad buu ula yaabay ninkii laabereeriga ka shaqaynayey. “Fadlan hoos u dhig codkaaga.” Ninkii wuxuu kor u qaaday warqado badan oo ay qo- raallo ku qornaayeen, isaga oo dhigaya hortiisa, una dhigaya si ay naxariisi ku jirto. Waxa uu u soo jaleecsaday horay, isaga oo eegaya Yoonis, kuna eegaya muraayadahiisa indhaha. “Kuwani waa Guddiga Horumarinta Suugaanta.”
“Ma sidaasaa,” ayuu Yoonis yidhi, kuna yidhi cod yara hoose. Isaga oo kala bixinaya qoortiisa, si uu wax u arko, ayuu yidhi, “Waan jecelahay suugaanta aadka u sarraysa, laakiin meeday? Waan filayaa in ay tahay mid aad u yar.”
“Waxay ku xidhan tahay,” ayuu markiiba la soo booday shaqaalihii mak¬tabadda. “Dadka qaarkii waxay odhanayaan waa mid qaaliya. Tani waa qoraal qurux badan. Waa magac ‘Iska ilaali Duulista.'”
“Laakiin waxba ma’aan arko,” ayuu yidhi Yoonis, isaga oo bedelaya wajigi- isa, eegayana gidaarka cad ee ka korreeya halka laga soo galo.
“Waa sidaas. Miyeeynaan aad u sarayn? Ninkii maktabadda ka shaqay- nayay waxa uu eegay qolkii bannaanaa, isaga oo la moodo in uu riyoonayo. “Wax la mid ah ma jiraan niyadda bini aadamka iyo jihaadka noloshooda, taa- soo ku tusinaysa ogaanshaha qof waliba dareensan yahay marka la barbardhigo aqoonta aynu u leenahay jiritaanka dhabta ah ee uu sankuneefle og yahay lana xiriirta nolosha aadamaha. Cidna halkan diyaar uma aha in qof waliba uu gaaro awoodiisa uu ku soo bandhigayo fikirka maskaxdiisa.”

Tuduca 12aad

Dagaaladii Maktabadaha
Nin iyo naag ku dagaalamaya qiimaha buugaagta.

Arrimihii kale gedisnaa ee ka socday waddooyinka ayaa sii kordhay, Yoonis Maskiin waxa uu ku sii socday bartamaha magaalada. Dad xidhnaa dhar aad u sarreeya ayaa waddada daadsanaa, kuwaasoo ku xoonsanaa dhinacyada waddooyinka. Si deg deg ah isaga oo jaraya bartamaha jardiinada, Yoonis waxa uu la kulmay nin aad u wayn iyo gabadh, kuwaasoo aad iyo aad isugu qaylinayey. Waxayna u ekaayeen kuwo diidan in ay fikrad- dooda bedelaan iyo iyaga oo aad u qaylinayey, ayeey misna gacmahooda cirka ku tuureen, iyaga oo kor u boodboodaya, aadna u caraysan. Markiiba waxa uu ku soo biiray dad tiro yar oo waddada marayey, oo u hakaday si ay u arkaan waxa kallifay dagaalkan.
Markii askarigii yimid si uu u kala saaro, Yoonis waxa uu ku sii jeestay haweeneeydii ku xigtay, isaga oo waydiinaya, “maxay isugu caraysan yihiin?” Haweeneeydii waxay ku jawaabtay, “labadani waxay is haysteen sannado faro badan, murankooduna waxa uu ku salaysan yahay buugaagta taala mak- tabadda. Ninku mar walba waxa uu ka cawdaa buugaag faro badan, wuxuuna yiraahdaa waa kuwo ku daafad ah, oo ay ka buuxdo anshax-xumo iyo kuwo aan sharaf lahayn. Wuxuuna doonayaa in buugaagtaas la tuuro, lana gubo. Iyaduna waxay ugu jawaabtaa, kuna tiraahdaa nacas madax adag.”
“Iyo iyada oo doonaysa in ay akhriso buugaagtaas?” ayuu Yoonis oo ka qaybqaadanaya sheekadoodii yidhi.
“Waa hagaag, sidaas ma’ahan? Ayuu yidhi qof kale oo ka mid ahaa dadkii waddada dhinac taagnaa, ahna nin aad u dheer, kaasoo gacanta haystay inan yar. “Cabashadeedu waa mid la mid ah tiisa – inkastoo ay ku wajahan tahay buugaag kala gedisan, waxayna ku doodaysaa in buugaag badan oo yaala mak- tabadda ay yihiin kuwo liddi ku ah dumarka iyo kuwo ay isirtakoornimo ku gaamurtay.”
“Aabe, Aabe, waa maxay ‘liddinimadeedu’?” ayeey ku dooday gabadhii yarayd, iyada oo soo jiidaysa surwaalkiisa.
“Bal u kaadi in yar, gacaliso. Waxaan lahaa,” ninkii hadalkiisii buu sii watay, “haweeneeydu waxay ku adkaysanaysaa in kuwo liddiga ku ah dumarka iyo kuwa isirtakoornimo ku jirto banaanka loo tuuro iyo iyada oo doonaysa in buugaagta ay rabto loo soo iibiyo maktabadda.”
Askarigii waxa uu soo xidhay labadoodii dagaalamayey. Waxayna ku jiiday- een dhulka. Yoonis oo ka yaaban ayaa madaxiisa ruxay isaga oo leh, “waxaan filayaa in askarigu uu xidhay labadoodaba maxaa yeelay waxay ahaayeen kuwo aad iyo aad isugu qaylinayey.”
“Ma’aynaan ahayn,” ayeey tidhi haweeneeydii iyada oo qoslaysa. “Labadooduba waa la xidhay maxaa yeelay waxay diideen in ay bixiyaan canshuurtii maktabadda. Aniga oo tixraacaya sharciga kaasoo sheegaya in cid waliba looga baahan yahay in ay wax ka bixiso lacagta ku baxda buugaagta, haddii ay jecel yihiin iyo haddii kaleba.”
“Ma runbaa?” ayuu yidhi Yoonis. “Muxuu askarigu ugu oggolaan waayey in ay haystaan lacagtooda, si ay u taageeraan maktabadaha dookhooda? Sidaa daraadeed, waxay bixinayaa oo keliya waxay jecel yihiin.”
“Laakiin gabadhaydu ma’ay awooddo in ay aado maktabadda,” ayuu yidhi ninkii isagoo siinaya gabadhiisa yar nacnac aad u wayn oo hadda isugu jirra casaan iyo cadaan.
“Halkaas ku jooji, mudane,” ayeey tidhi haweeneeydii iyada oo si ay diid- nimo ku jirto ku eegaysaa nacnaca.
“Miyeeynaan cuntada muhiim u ahayn gabadhaadu sida yaamiska?” “Maxaad ula jeedaa?” ayuu ninkii ku jawaabay, isaga oo in yar yara difaa- caya nacnicii. Gabadhiisuna waxay iska wasakhaysay dharkii ay xidhnayd.
In yar bay haweeneeydii aamustay, iyada oo aad u fikiraysa. “Wakhti aad u fog waxaanu la xiriirnay maktabaddo aad u faro badan. Dadkuna waxay lacag siin jireen maktabadda ay ka helaan. Waa ayna bixin jireen lacag aad u yar si ay uga mid noqdaan sannadkiiba mar, cid diiddayna ma’ayn jirin. Maktabaduhuna waxay ku tartami jireen sidii ay xubno u heli lahaayeen, oo ay isku dayi jireen in ay helaan buugaagta ugu wanaagsan iyo shaqaale shaqo wacan. Iyo iyaga oo furi jiray wakhtiyo aad u wanaagsan, kana furi jiray meelo ku habboon. Qaarkood xitaa waxay lahaayeen dad aqalkaaga kuugi keenaya iyo kuwo kaasii qaadaya buugaagta. Marka dadku ay kala doortaan waxay doonayaan iyo maktabadda ay ka mid noqonayaan, xiisaha ay akhriska u qabaan ayaa sii kordhaya. Waana arrin mid wada loo qadarin jiray – wuxuuna ahaa mid ka sarreeya nacnaca!”
Waxa kale oo ay ku dartay, “kadib, Golaha Guurtida ayaa yidhi mak- tabaddu waxa uu ahaa mid muhiimad gaar ah ugu fadhiya bulshada. Dadkuna ma’aha in lacag laga qaado marka ay isticmaalayaan. Markaas golahu waxa uu dhisay laabereeriyo aad u waa wayn, dadkuna ay ku isticmaalaan lacag la’aan. Saddex qof oo shaqaala ahna waa la shaqaaleeyey si ay u qabtaan shaqadii uu qof keliya uu qaban jiray. Wakhtigii la furi jiray waa la xakimay, laakiin golaha laabereerigu waxay ahaayeen kuwo aad caan u ah maxaa yeelay dadku lacag la’aan bay ku geli jireen. Muddo kadib maktabadaha waxay waayeen dad wax ku akhrista. Tanina waxay keentay in dad badan ay noqdaan shaqo la’aan.” “Guurtidu waxay ka dhigeen maktabadaha lacag la’aan.” Ayuu Yoonis ku celiyey. “Laakiin waxaan filayaa in aad tidhi qof waliba waa in uu bixiyaa canshuurta laabereeriga?”
“Taasi waa dhab. Laakiin waa caado in loogu yeedho golaha ayaa fududeeyey ‘lacag la’aan’ inkastoo dadka khasab looga dhigay in ay ku bixiyaan. Waa mid aad u horumarsan,” ayeey tidhi.
Ninkii dheeraa waa uu ka soo horjeestay ka mid noqoshada maktabadda. Waligeey ma’aan maqal tan oo kale!
“Dabcan maya,” ayeey haweeneeydii ku soo noqotay. “Golaha laabereerigu waxay dhisnaayeen wakhti aad u dheer oo aadan wax kale ku fikiri karin.” “Imminka, bal u kaadi!” ayuu ninkii yidhi. “Ma waxaad ka soo horjeedaa canshuurta laabereeriga? Haddii Guurtidu ay qabanayaan shaqo waa in dadka xoog lacagta looga soo qaadaa.”
“Lama qadarinayo haddii xoog lagu soo qaado,” ayeey tidhi haweeneeydii. “Cid waliba ma ay oga waxa u wanaagsan. Dadka intooda badana ma’ay awoodaan,” ayuu ninkii ku dhawaaqay. “Dadka aqoonta leh ayaa og in bu- ugaagta bilaashka ahi ay dhisaan bulsho xor ah. Canshuurtana waa la wada qaybsaday si qof waliba u bixiyo qaybtiisa. Dadka kalena waxay doonayaan in
ay ku kor noolaadaan dadka kale!”
“Waxaa jira dad faro badan oo doonaya in dadka kale ka faa’iidaystaan canshuurtaada laabereeriga,” ayeey haweeneeydii ku celisey. “Dadka isticmaala maktabadda iyo kuwa laga cayimay canshuuraha, waxay ku dul nool yihiin dadka kale. Sidee baa taasi cadaalad u tahay? Yaad u malaynaysaa in ay ku leeyihiin awood Golaha Guurtida: Dadka taajiriinta ee Golaha Guurtida saaxiibada la ah ama dadka saboolka ee aan awood u lahayn in ay buug soo kiraystaan?”
Isaga oo riixaya gabadhiisa ka dambaysay ninkii waxa uu ku celiyey, “mak- tabad noocma ah ayaad rabtaa? Ma waxaad doonaysaa in aad kala dooratid laabereeriyada liddiga ku ah dadka qaarkiis?”
“Kama aad carari kartid liddinimo!” Haweeneeydii baa ku dhawaaqday, iyada oo ku soo dhawaanaysa wajigiisa. “Maxaad u malaynaysaa in labadaas ruux ku dagaalamayaan mar koodii hore?
Ma waxaad doonaysaa in nacasyada ka midka ah golaha ay kuu go’aamiyaan waxaad neceb tahay?”
“Hadaba waa ayo nacasyadan?” ayuu ninkii dib u waydiiyey, isaga oo ka daba tagaya haweeneeydii. “Haddii aadan jeclayn maad isaga tagtid Jasiirad- dan!”
“Akhlaaqdaada xun ee aan daacadda ahayn!’ ayeey haweeyneedii ku celisay. Ilaa iyo imminka labadoodu waa ay isku qaylinayeen gabadha yarna waa ay ooyeeysay. Markiiba qof meesha joogay ayaa cagahiisa wax ka dayey si uu ugu yeedho askarta. Yoonis xoog buu labadooddiiba ku dhaafay, isaga oo go’aansaday in uu baadigoobo meel uu qaxooti ku ahaado, kana heli karo nabad iyo meel sideedaba daba hadalku uu ku yar yahay, una dhow maktabad.

Tuduca 11aad

Hadhacaan Rayiislayaasha Kulmista ah
Yoonis waxa uu baranayaa cabsida dhabta ah ee ay keentay kororka dambiyada.

ADDADA ku xigta Yoonis waxa uu ku arkay nin askari ah, kaasoo ku fadhiyay dhagax korkiisa, wuxuuna akhrinayay wargays. Waana ku iaamyay anagax KorKiisa, wuxuuna aKnnnayay wargays. waana nin gaaban, kamana uusan waynayn Yoonis. Yoonis oo sidiisaba lagu soo barbaariyay in uu tixgeliyo ciidanka nabadsugidda ayaa aqoonsaday dharka qiimaha badan ee ninkan dhalinyarada ahi uu xidhan yahay. Waana dhar isu wada eg oo midabkiisu yahay madoow iyo qori dhalaalaya oo uu ku sitay garabkiisa. Dabcan waxa uu askariga waydiin karaa sida lagu tagi karo dekedda. Askarigu waxa uu ku mashquulsanaa wargayskiisa. Kadibna Yoonis waxa uu ka eegay korka warka madaxdiisa, “AQALKA ODAYAASHA WAXAY ANSIXIYEEN DILIDDA RAYIISLAYAASHA DAMBIILAYAASHA AH!” “Dilid rayislayaasha?” ayuu yidhi Yoonis isaga oo yaaban.
Askarigiina waxa uu eegay Yoonis. “Iga raali ahoow,” ayuu yidhi Yoonis, “uma aan jeedo in aan ku mashquuliyo, laakiin waa la yaabay warka madaxdi- isa. Taasi ma si khalad ah ayaa loo daabacay warkan ku saabsan ciqaabidda rayislayaasha?”
“Waa hagaag, bal aynu eegno.”
“Gudigga odayaasha waxay imminka ansixiyeen dilidda dambiilayaasha lagu helo iyaga oo timo jaraya warqad sharci la’aan, oo maxaad taa ka khaldan oo aad kala yaaban tahay?”
“Taasi miyeen ahayn ciqaab aad u culus marka dambiga loo eego? Ayuu Yoonis waydiiyay isaga oo taxadarsan.
“Ma’aha mid adag,” ayuu askarigii ku jawaabay. “Dilmadu waa ta keliya ee ay dadku sharciga kaga baqi karaan – si kastaba dambigu ha u sahlanaadee.” Indhihii Yoonis waa ay sii waynaadeen. “Timajare uma aad disheen, maxaa yeelay ma haysto warqaddii sharciga ee uu timaha ku jari lahaa?”
“Dabcan kuma aanu dili lahayn,” ayuu askarigii yidhi, isaga oo taataa- banaya qoriqiisa, si aad u adagna gacantiisa ugu xajinaya.” Inkastoo inta badan aan taas la isla gaarin.”
“Waa maxay?”
“Waa hagaag, dambi kasta waxa loo arkaa mid muhiim oo loo baahan ya- hay in laga hortago. Taa micnaheeduna waxa weeye ciqaabtu waa ay korodhaa marka uu qofku ka hor yimaado sharciyada. Markaa, tusaale ahaan, haddii cidi ay damacdo in ay jarto timo iyada oo aan haysan warqaddii sharciga, markaa waxaa lagu xukumayaa ganaax. Haddii ay diidaana in ay bixiyaan ganaaxa ama ay sii wadaan timo jariddooda, kadib dambiilayaasha waa la xi- rayaa, waxaana loo taxaabayaa xabsiga. Iyo wixii la mid ah,” ayuu ninkii ku yidhi cod aad u qaboow, “haddii ay ka horyimaadaan xidhista, kadib dambi- ilayaashan waa in lagu xukumaa ciqaab u qalanta dambiyadooda.” Wajigiisa ayaa sii madoobaaday, isuna yimid.
“Waxaana dhici karta in la toogto. Ka hor imaadkooduna haddii uu kordho,

iyana waxa kordhaysa xoogga lagaga hortagayo.”
Hadalkiisii baa dawikhiyay Yoonis. “Markaa waxa ka dambeeya sharci kasta waa dilmo? Isaga oo wali rajo ku jirto, waxa uu ku sii daray, “markaa xuku- umaddu waxay dilmada u qoondaynaysaa dambiyada ugu xun xun – sida qof dilista iyo kufsashada!”
“Ma’aha mar walba,” ayuu yidhi askarigii, “sharcigu waxa uu sugaa ilaal- inta qawaaniinta iyo ganacsiga dadka ay leeyihiin – ka dhaxeeya. Ururro faro badan oo iskaashatooyin ah ayaa xubnahooda ku badbaadiya haysashada war- qad sharci. Nijaaradda, Dhakhaatiirta, Qasabadleeyda, Xisaabiyayaasha, Bu- likeetileeyda, iyo Sharciyaqaannada – adigu magacoow gidigood oo dhan ma ay jecla dadka sharci darada ku shaqaysta.”
“Sidee bay warqadda sharcigu u ilaalinaysaa?” ayuu Yoonis waydiiyay.
“Waxaa la cayimayaa tirada warqadda sharciga iyo iyada oo la adkaynayo, lana xakimaynayo ka mid noqoshada ururrada farsamayaqaaniinta. Tanina waxay ka hortagaysaa ganacsiga aan sharciga ahayn, kuna shaqaysta fikrado cusub, xiisa badana u haya sidii ay ugu shaqaysan lahaayeen ama wax ku iibin lahaa qiimo aad u hooseeya. Kuwan oo kalena waxay wax yeelaan takhasuska shaqo.”
Yoonis ma uusan qancin hadana waa uu sii watay, “warqaddan sharciga ahi ma badbaadinaysaa dadka wax iibsada?”
“Waa hagaag, haye, taasi waa waxay ku sheegeen maqaalkii,” ayuu yidhi ninkii askariga ahaa, isaga oo dib u eegaya bogga wararka.
“Warqadda sharcigu waxay siisaa ururadda wax soo saara awood ay ku difaacaan dadka wax iibsada, si ay uga ilaaliyaan go’aamo badan iyo in ay wax kala doortaan. Waxayna tidhaahdaa in ururrada wax soo saara ay yihiin kuwo u wanaagsan dadka wax iibsada. Markaas muhiim ma’aha in ay wax kala doortaan.” Isaga oo shafkiisa taabanaya ayuu misna raaciyay, “waxayna hirgeliyaan in ay sii jiraan awoodda ururrada wax soo saara.”
“Marka dad gaar ah ay awood u leeyihiin in ay iyagu uun wax soo saaraan, tani miyeey wanaagsan tahay?” ayuu Yoonis waydiiyay.
Ninkii askariga ahaa waxa uu hoos u dhigay wargayskii mar labaad.
“Ma’aan garanayo, waxa keliya oo aan raacaa waa amarka la isiiyo. Mararka qaarkoodna waan hirgeliyaa sharciyada dadka gaarka ah ee awood keli ahaa- need u leh in ay wax soo saaraan, mararka kalena waxa la igu yidhaahdaa iska daa.”
“Markaa tee baa saxan? In dad gaar ah awood la siiyo iyo in tartan uu jiro?”
Ninkii askariga ahaa ayaa gundhiyay garabkiisa. “Taasi aniga ma’aha in aan go’aamiyo. Aqalka Golaha Guurtida ayaa og tan wanaagsan iyo tan aan wanaagsanayn. Golaha ayaa ii sheega halka aan ku fiiqayo qorigayga.”
Isaga oo eegaya Yoonis, ninkii askariga ahaa waxa uu isku dayay in uu qanciyo Yoonis. “Waxba halayaabin saaxiib. Inta badan dilistayadu waa mid iskaba yar. Cidna ma jecla in ay ka hadasho. In yar uun baa isku daya in ay ka hor yimaadaan, maadaama aanu barno sidii ay mudeec ugu ahaan lahaayeen golaha.”
“Wali ma’aad isticmaashay qorigaaga?” ayuu yidhi Yoonis, isaga oo eegaya bustooladdiisa.
“Dadka sharciyada jabiya?” ayuu yidhi ninkii askariga ahaa, isaga oo rux ruxaya qorigiisa, ayuu waxa uu mar qudha gacantiisa saaray tumuujadkii. “mar qudha.” Waxa uu kala dhigay bistooladdii, isaga oo meel walba ka ee- gaya, hadana waa uu isku xidhay, isaga oo amaanaya. “Tik-noolijiyadda ugu wanaagsan ayaa laga helaa jasiiraddan. Golahuna waxay naga caawiyaan sidii aanu u fulin lahayn shaqadayada. Haa heey, aniga iyo qoriganba waxaa nalagu dhaariyay sidii aanu u difaaci lahayn nolosha, xorriyadda, iyo hantida jasiirad- dan. Waxaadna odhan kartaa in aanu si wacan u wada shaqayno.”
“Goormaad isticmaashay?” ayuu Yoonis waydiiyay.
“Waa wax lagu qoslo in aad i waydiisid? Ayuu yidhi ninkii askariga ahaa, isaga oo wajigiisa isu keenaya. “Sannad dhan oo aan shaqaynayay ayaanaan isticmaalin ilaa iyo saaka. Haweeneey ayaa iswaashay waxayna biloowday in ay u hanjabto koox aqal burburinaysa. Waxayna tidhi wax la xiriira waxaan qaadanayaa aqalkayga. Haa heey, waa ri’dii isnuugtay oo kale.”
Yoonis wadnihiisii baa ruxmay naxdin awgeed. Toloow ma haweeneeydii uu horay ula kulmay miyaa?
Ninkii askariga ahaa ma uusan fahmin walwalka ka muuqda wajigga Yoonis, ninkii askariga ahaa waa uu sii watay, “waxaa la iigu yeedhay in aan la hadlo haweeneeyda, si ay u fuliso sharciga. Warqadaheeduna waxay ahaayeen kuwo aan dhamaystirnayn – Aqalkana waxa la go’aamiyay in laga dhigo jardiinada marwo Ashkira.”
“Waan isku dayay in aan la hadlo. Waxaan u sheegayna in haddii ay soo baxdo iyada oo nabad ah in la xiri doono bilo yar. Laakiin ay aniga ii hanjabtay, iguna tidhi iiga tag aqalka, markaas waxaa caddaatay in ay diidayso in la xidho. Bal eeg maskaxda haweeneeydaa!”
“Haye,” ayuu yidhi Yoonis.
“Maskax maxay ah?”
In xoogaa ah ayeey aamusnaayeen. Ninkii askariga ahaa waxa uu wax u akhrinayay si aad u hoosaysa, halka uu Yoonis ka istaagay, isaga oo lugahiisa dhagax ku taab taabanaya. Kadibna, waxa uu waydiiyay, “cidi ma iibsan kartaa qori la mid ah qorigaaga?”
Isaga oo rogaya qorigiisa, ninkii askariga ahaa wuxuu ku jawaabay, “intii aad nooshahay ma’aad iibsan kartid. Cidbaa wax ku dhacayaan.”

Tuduca 10aad

Iibinta Awoodda
Marwo Ashkira waxa ay ku hanuuninaysaa Yoonis in uu ka qaybqaato Siyaasadda.

Haweeneey cod wayn oo furfuran ayaa hoos u eegtay Yoonis intii uu meer meerayay magaaladda, kana fikirayay meesha uu tagayo. Iyadoon hakanaynin ayeey qabsatay gacantiisa midig, waxayna bilooday in ay riix riixdo. “Iska warran? Miyeen ahayn maalin wanaagsan?” ayeey ku tiri cod aad u qurux badan, iyada oo wali tuujinaysa gacantiisa. “Waxaan ahay marwo Ashkira, mudanahaaga Golaha Guurtida, waxaana aad ugu raja way- nahay deeqdaada iyo codkaaga in aad igu taakulayn doontid dib u cararkayga aan ugu tartamayo kursigayga Golaha Guurtida, halkaana aan kugu metelo oo aan halkaas ku soo bandhigo arrimahiina.”

“Waa hagaag?” ayuu yidhi Yoonis, isaga oo aan garanayn waxa uu ugu jawaabi lahaa hadalkeeda deg dega badan. Waligiina lama uusan kulan qof erayo faro badan mar qudha afkeeda ka soo daynaysa.

“Haa heey,” ayeey ku dartay marwo Ashkira, iyada oo aan dhagaysanayn hadalkiisa. “Waxaan doonayaa in aan ku siiyo lacag, haa heey, haa, waxaan doonayaa in aan lacag ku siiyo waad waydiisan kartaa intan mid ka wanaagsan, baltaana ka warran?”

“Lacag aad iigu siin doontid ka qaybgalkayga iyo cod bixintayda?” ayuu waydiiyay Yoonis isagoo aad u yaaban.

“Dabcan kuma aan siinayo lacag toos ah, taasina waa jabin sharci iyo laalu- ush qaadasho,” ayeey tidhi marwo Ashkira, iyadoo si gaar ah u eegaysa iyo iyada oo garabkiisa sii qabsanaysa. Waxayna ku dartay, “Laakiin waxaan ku siin karaa shay aad u wanaagsan sida lacagta – una dhiganta in badan deeq- daada codeed, taasina waa waxaan kuu samayn doono, taana ka warran?” “Taasi waa wax wanaagsan,” ayuu Yoonis ugu jawaabay, waana uu arkayay in aynaan dhagaysanayn.

“Waa maxay shaqadaadu? Maxaa yeelay haddii aad rabto, waad og tahay, waxaan kuu qaban qaabin karaa caawimaad dawladeed, sida dayn ama shati ama deeq ama canshuurta oo aan kaa yareeyo. Haddii aad doonto wax- aan waxyeeli karaa shirkadaha kula tartamaya aniga oo isticmaalaya sharciga, qawaaniinta, dabagalka joogtada ah, iyo kormeerid sare. Markaa waad arki kartaa ma ay jiraan maalgelin ka wanaagsan – mid la gashado siyaasi. Dabcan waxaad jeceshahay waddo cusub ama Jardiinooyin laga dhiso xafaddaada ama aqal aad u wayn ama.”

“Sug!” ayuu ku soo qayliyay Yoonis, isaga oo isku dayaya in uu joojiyo erayadeeda, “sidee baad igu siin kartaa wax badan, oo ka badan waxaan anigu ku siiyay? Ma waxaad tahay mid aad taajir u ah, deeqsinimana u dheer tahay?” “Aniga, hantiile? Maya!” ayeey tiri mudane marwo Ashkira.

“Ma’aan ihi taajirad, WAA HAGAAG, wali ma’aan ihi. Deeqsiyad? Ha¬gaag, waad odhan kartaa, laakiin ma’aan qorshaysan in aan ku siiyo aniga lacagtayda, dabcan. Maxaa yeelay, waad arki kartaa, waxaan mas’uul ka ahay lacagta dawladda. Waad ogtahay, lacagta lagu soo uruuriyay canshuuraha. Waxaan noqon karaa deeqsi daacad u ah dadka saxda ah.”
Yoonis wali ma uusan fahmin waxay ula jeeday. “Laakiin, haddii aad iib- satid codkayga, miyeen taasi la mid ahayn, hagaag, laaluush?”

Marwo Ashkira wajigeeda waxa ka muuqday isla wayni. “Waxaan adiga ku ahaanayaa daacad, saaxiibkaygii qaaliga ahaayoow.” Iyada oo dhigaysa gacma- heeda garabkiisa, waxayna aad ugu soo riixday dhinaceeda. “Waa laaluush, laakiin waa sharci marka siyaasiyiintu ay isticmaalaan dadka lacagtooda, intii uu isticmaali lahaa lacagtiisa ama lacagteeda. Sida caadada ah waa sharci darro in aad adigu ku deeqdo lacag, taasoo aad ugu deeqdid arrimo siyaasadeed, had- diise aad ugu yeedho deeq olole siyaasadeed’. Kadib waxay noqonaysaa caadi. Laakiin, xitaa, haddii aadan ku faraxsanayn in aad si toosa aad ii siiso, waxaad iila hadli kartaa saaxiibadaa ama tolkaa, ama dadka aad wada shaqaysaan in ay lacag iigu deeqaan, ama maalgelin dhaqaale, ama aad si wacan aad iila xaa- jootid, ama qaraabadeey imminka ama mar kale, iyaga oo ku metalaya adiga.” Waxayna sii daysay neef durbadiiba. “Imminka ma fahantay?”

Yoonis waxa uu gilgilay madaxiisa, “wali ma’aan arko faraqa u dhexeeya. Waxaana u jeedaa, waxay iigu muuqataa laaluushsiinta dadka codkooda iyo wax isdhaafsigu waa laaluush gadasho sideey doonto ha ahaatee ama ciddii doonto ha iska lahaato lacagta. Wax qiimana magacu kuma fadhiyo haddii ficilku uu isku mid yahay.”

Marwo Ashkira waxay ku qososhay Yoonis, iyada oo isku dayeeysa in ay qanciso. “Saaxiibkaygii qaaliga ahaayoow, ee qaaliga ahaayoow, waa in aad soo dabacdaa. Magacu waa wax walba. Waa maxay magacaagu? Wali cidi ma kuu sheegtay in aad leedahay fikrado aad u sarreeya? Meel dheer ayaad gaari kartaa haddii aad u cararto xafiis dawladeed, haddii aad ku darsatid dabacsanaan. Dabcan waxaan kuu raadin karaa meel fiican xafiiskayga marka doorashadaydu dhamaato. Soo dhawoow, wax uun baad doonaysaa?”

Yoonis waxa uu wali ku jiraa baadigoobkiisii hore, wuxuuna isku dayay in uu sii waydiiyo sharaxaad kale. “Maxaad ka helaysaa marka aad bixinaysid lacagta canshuur bixiyayaasha?”

“Aad iyo aad baan ugu riyaaqayaa in aan helo codkaaga…”

“Waa hagaag, qaybi waxay tahay kharashkayga. Waxa kale oo la ii ballan- qaaday kharashkayga marka aan shaqada ka fadhiisto, laakiin inteeda badan waxay i siinaysaa aqoonsi, ama aaminaad ama caanimo ama jacayl ama qushu- ucid ama meel aan ka galo sooyaalka – intaas oo dhan iyo in ka badan oo codeed!” ayeey raacisay marwo Ashkira, “codku waa awood, wax kale ma jiro aan ka helo aan ahayn in aan awood ku yeesho nolosha dadka, xorriyadda, hantida cid waliba leedahay ee ku sugan jasiiraddan. Maad qiyaasi kartaa inta qof ee aniga i taageeri kartaa – aniga i siin kara taageero buuxda, mid weyn iyo mid yar? Dhinacaygana canshuuraha yar iyo qawaaniintu waxay yihiin fursad aan wax ku bixiyo. Dhibaata kastana mid yar iyo mid weynba oo aan ka jawaabo waxay i siinaysaa awood badan. Waxaan karaa in aan go’aamiyo wixii aan doono. Ilaa iyo intii aan ahaa ciyaal waxaan ku raja waynaa in aan noqdo qof mas’uul ah. Adiguna waad kari kartaa!”

Yoonis kama uusan helin sida ay garbihiisa u qabsatay. Wuxuuna isku dayay in uu ka hoos baxo, kana dhex duso gacmaheeda, laakiin marwo Ashkira waxay si aad ah u qabsatay farihiisa.

“Dabcan,” ayuu yidhi Yoonis, “Waxay tahay heshiis adiga iyo saaxiibadaa si aad idiinku wanaagsan, laakiin dadka kale miyeeynaan ka xumaan in lacagtooda loo isticmaalo in lagu iibsado codadka dadka, taageerid iyo awood?”

“Dabcan,” ayeey tidhi, iyada oo kor u qaadaysa gadhkeeda. “Markan waxaan noqday hogaamiyaha dib u habaynta.” Iyada oo ugu dambayntii sii daynaysa gacanta Yoonis, marwo Ashkira waxay xoog u tuurtay gacmaheeda, iyada oo hawada ku sii tuuraysa. “Sanado badan waxaan qoray sharciyo cusub si aan lacagta uga qaado siyaasiyiinta. Mar walbana waxaan odhan jiray waa dhibaato gaamurtay, wax taageerana kama aan helin dadka codka bixiya, aniga oo isku dayayay in aan isbedel sameeyo.” In yar bay aamustay, waana ay sii- waday, “nasiib wanaag anigu mar walba waan aqaanaa si aan uga war wareego sharciga mar haddii ay jiraan taageero qiimo leh oo wax lagu bedeli karo.” Marwo Ashkira waxay si aad ah u eegtay mar labaad Yoonis, iyada oo si gooni ah uga boganaysa sida uu u eg yahay. “Cid taano ku siinaysa si aad cid u taageerto ma jirto, maxaa yeelay adiga wali ma aad haysatid taageero aad wax ku iibsatid. Waana mid sidaas u toosan, miyaadan arkaynin? Laakiin wajigaagan maskiinimadu ka muuqato iyo taageeradayda, dhar cusub iyo timo si aad u sarraysa loo jaray, waxaan laba jibaar ka dhigayaa sharciga khuseeya codbixiyayaasha cusub. Kadib toban ama labaatan sano oo aqooneed-waa hagaag, ma’ay jiraan wax hortaagan waxyaabaha dhici kara! Soo booqo Go¬laha Guurtida, waana eegayaa waxaan kuu qaban karayo.” Markii ay marwo Ashkira ay intaa tidhi waxay indhaheeda ku dhufatay koox shaqaala ah oo baadigoobaya aqal sii baaba’ayay oo ah warshad dayacan, kana soo horjeeda waddada. Markiiba xiisaheedii Yoonis hoos ayuu u dhacay, waxayna isku day- day in ay horay u sii socoto, iyada oo baadigoobaysa wax cusub.

“Isticmaalidda lacagta dadka kale waxay tahay wax arbushid,” ayuu yiri Yoonis, isaga oo hel helaya erayooyinkii uu damacsanaa in uu yiraahdo, marki- iba dhagaheedii baa xiiso hor leh bilaabay, marwo Ashkira waa ay istaagtay, dib ayeeyna mar qudha u soo talaabsatay. “Ma waxaad tidhi ‘arbushid’? Yaa! Waxay dhab ahaantii iila eg tahay cunug yar oo nac nac laga qaatay. Waxa dadku aynaan i siin, waan ka daynsadaa. Waad aragtaa, wakhti fog baan tegi lahaa, si wanaagsana waa la ii xasuusan lahaa marka caruurtoodu ay helaan masruufkooda.”