All posts by mktbd

Cabdi-Gahayr iyo Geela

Beri ayaa nin Cabdi Gaheyr la oran jiray geel laga dhacay. Markii loo sheegay in geeliisii la qaaday ayuu wuxuu ballan ugu qaaday nimankii dhacaa ku kacay in uu ka aar gudan doono, aargudashadiisuna ay keeni doonto cirib xumo weyn oo aan laga soo waaqsan.

Markaas ayuu tuducyadan soo socda ee kala googo’an tiriyey isagoo ku halqabsanaya wiil uu dhalay oo Gohaad la oran jiray:

Wallee ama gufaacada ka qaday guga la eegaayo
Wallee ama Gohaadow waxaan geysto, lala yaabye
Gacantayda jeeraan sidii, Gurey ku ciil beelo
Amaan gaal madow herer ku dilo giibba laga noole
Oo ay dumar ganbacad soo xidhaan gabaygu waab been.

Nin wadaad ah ayaa waaniyey Cabdi Gaheyr, kuna ehbiyey inuu cagta dhigo oo meel joogo. Cabdi Gahayr wuxuu ku yiri wadaadkii, “Sidee meel u joogaa, haddii xoolihii oo dhan la iga dhacay?” Isagoo wadaadkii xusuusinaya qiimaha iyo nacfiga geela wuxuu yiri:

Magaalada Hargaysiyo Berbera, moodka waxa keena
Oo Adari Maarsay ka dhjgay, muranku waa ceebe
Waa rn.uin.iQ addoonlow rati£3, rnicidu waynaatay
Markab buu adduunyada u yahay, maccallinow geele
Nin waliba macnaha loo dhaqduu, maanka ku hayaaye
Muraadkaa ku toos awgayow, hay makeekiyine.

Sidaa markii uu yiri: ayuu hadana wadaadkii ku yiri, “Cabdi Gaheyr waxaad garan doontaa markii xabbadi wadnaha kaaga joogsato.”

Cabdi Gacaheyr wuxuu ugu jawaabay wadaadkii gabay, wuxuuna yiri:

Dagaalkii jidbaalaba ninkii, joogay baan ahaye,
Abidkayba meel lagu jabaan jiqilo weynaaye
Ilaahay I jeclaa muxuu, jiray arwaaxaygu.

Wadaadkii kamuu harin ee wuxuu hadana ku yiri, “Cabdi-Gahayr iska joog oo wardiga iyo Quraanka dhigo, geelii waad heli doontaaye ee si nabad ah ku raadso.”

Cabdi-Gahayr wuxuu haddana ugu jawaabay wadaadkii tixdan kale, isagoo ku celcelinaya sida uu ugu han weyn yahay lahaanshaha geela:

Idinbacasa awrkay dhashiyo, aarankay wadatay
Aakhiro nimaan geel lahayn, lama ammaanayne
Asaxaabihii horeba waa, ku intifaaceene
Maxaan idinla awlaadsadaa, awgaywo awr ma dhaansado e.

SHARAXA EREYADA

Gufaaco: roob dabeyl leh
Here: waa Hargeysa
Giib (Gibb): wuxuu ahaa gaal Ingiriis ah oo Burco lagu dilay
Maarsay: waa magaalo Faransiiska ku taal oo deked leh, Marseille.
Makeekiyine: Hadalka ha duwin jidka toosan oo muranka iyo isyeel-yeelka ka dhaaf.
Idinbacasa: qaalin geel ah.

Xeerka Af-Soomaaliga

Fal-Kaab

Waa erey caddeeya sida falku u dhacay wuxuuna u kala baxaa lix qeybood:

1. Fal-kaab waqtiyeed, sida: Cali baan barqadii arkey.
2. Fat-kaab meeleed, sida: Bisad baa kursiga hoos fadhida.
3. Fal-kaab jiho, sida: Iridda waxey u jeeddaa bari.
4. Fal-kaab masaafo, sida: Soddon tillaabo ayaan horey u qaaday.
5. Fal-kaab siyeed, sida: Degdeg buu Warsamc igu dhaafay.
6. Fal-kaab ra’yi, sida: Casharka ma baratay? Haa. Waan bartay.

Xiriiriye

Waa erey qeybaha hadalka ka mid ah wuxuuna isku xiraa ereyada, oraahda, iyo weeraha, waxaana ka mid ah: iyo, laakiin, ama, intii, ileyn, mindhaa, oo, ee, maxaa, yeelay, se, xataa, ilaa, na.

Iyo: Cali iyo cumar way is raaceen.
Laakiin: Raggii oo dhan waan u sheegay laakiin Cali ma arag.
Ama: Axmed ha soo maro eeddo ama Cali.
Intii: Waxaa iga tagay baabuurkii intii aan soo socday.
Maxaa: Dariishadii waan xiray maxaa yeelay roob baa da’ayo.
Mise: Ma cuntay hilibkii mise waad diiday.
Na: Cismaan Xaashi u dir calina ogeysii.
Ilaa: Tagi meyno ilaa macalinku yimaado.

Ha Socoto! Ha Socoto!

Gabaygan waxaa tiriyey Cabdi Muxumed Amiin taariikhdu markay aheyd 10.9.1992, wuxuuna kaga hadlayaa sidii ay dadkii Soomaaliyeed isu dhalanrugeen oo ay qabyaaladdu u saamaysay, wuxuuna yiri:

Haddaan diidney samihii Sinaantiyo wanaagii
Soomaalinimadii, la sadqeeyey nabaddii
Cadaaladdii surgooyiyo Lagu jiiday secf wcyn,
Sulankeed la naaroo Lala dhacay serbiyo kulul,
Anignn jwirr_e_e_yjt_y_o lKuiwbuir say’nta ala lulav
UawlHdnimo aadwccycc Haday sahal inala tahay,
Re*r hcbrl ka sara maray. Calankii si lagu hclo,
Saxaritrk# loo maray Hadduu caial la suray iyo
Wit suufiyuashec Siyaarada inala yahay,
Sad haddaad ka dhigatcen, Waxaan sii ahaaneyn
lyo acyn go’cenii, Ha socotoo ha socoto,
Sulufldyo colaaduhu Samadaa ha gaadhcen,
Sabigiyo hawecnkiyo Sirqada ha iska laayeen,
Qabii! baad ku sumad tahay Seyntiistayaashiyo
Saaniciin halagu dilo, Aqoonyahanow saahiday
Sceddi iyo walaal iyo Safaf ina adeeriyo
Sokecyaba ha waayeen. Maalkey sir iyo cad
Si kastaba’ku helayeen Cayr hawga soofeen,
Dad aan subaxna wcli qadin. Samay ha u ekaadeen,
Sahara du ha dhuubteen, Ha solmeen sideenaa
Sumuciyo rasaastaa Subagga ay u moodeen
Sanka markay ka keenaan * Soo jog nindiidaba
Soo jiifo wawdane, Halka laga siqsiqayiyo
Xeedhada salkeeduba Soomaali bay noqon.
Calankana rag bow sida.

Weydiimo

  1. Yaa tiriyey Gabaygan?
  2. Waa ayo dadka nabadda diiday ee uu abwaanku sheegayo?
  3. Goorma ayuu abwaanku gabaygan tiriyey?
  4. Muxuu ula jeedaa Abwaanku Ha socoto ha socoto?
  5. Aqoonyahanadu iyo dhaqaatiirtu qabiil ma leeyihiin?

Wayga Degi Waayey

Gabaygan waxaa tiriyey abwaan Abshir Nuur Bacadle, wuxuuna kaga hadlayaa tirqooyinka Diinta iyo sida ay madaahibta isugu khilaafsan yihiin, isagoo abwaanku laa xun ayuu arrintaas gabaygan ka tiriyey, wuxuuna yiri:

Toddobaatan toban lagu daroo diinta wada sheegta.
Go qoloba qolo diidan tahay doodna ka horgaysay
Daldaloolka mceshaa ku jira wayga dagi waayey.
Maraan iri ma diintaa qabtoo waadan dib u fiirin
Maraan iri ma dano gaara baa culimadii doorshay
Maraan iri dadkoo idil maxaa dacarta qaadsiiyey
Maraan iri Allaha dooriyee duruqdu waas shiico.
Maraan iri salad lala dukaday daa’in ma ajiibin.
Maraan iri ka deeyoo sunnaha dacalna ha u dhaafin.
Deb intaad ka roortaad mid kale dalaq tiraahdaaye
Maraan iri degaan kale ilmaha diinta ugu eexi
Waa laga durkaa meel shirkigu diin latoo yahaye.

Qaadow Adigaa Leh

Gabaygan ka hadlaya waxyeelada iyo dhibaatada uu qaadku ummada u leeyahay waxaa curiyey abwaan Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle, gabaygan intaa kuma dhama oo waxa aan ka soo qaadanay qayb ka mid ah.

Cimri kuu qoraa qeyb kalumi qaadow adigaa leh
Qofka aadmigoo qiimo dhaca qaadow adigaa leh
Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh
Qaflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh
Waxaad shaiayto qabatoo qabyaa qaadow adigaa leh
Qaadicu salaadnimo qasada qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la’aan qaadow adigaa leh
Qasban qeyb daroogada ka mida qaadow adigaa leh
Hanti qaran qanaafiir ugee qaadow adigaa leh
Qaamuuska caay waxa ku qoran qaadow adigaa leh
Qisa yaablahow qarinayaan qaadow adigaa leh
Afku wuxuunan ii qaban kareyn qaadow adigaa leh
Qandaraaska qababaal xumida qaadow adigaa leh
Qarnigan qasaaraha u badan qaadow adigaa leh
Quful kugu jaboon furuhu qaban qaadow adigaa leh
Noloi qiyaali ahi qiimo daran qaadow adigaa leh
Qacna maahi qeybina! maqan qaadow adigaa leh
Hadal qararacloo qadiman qaadow adigaa leh
Iska quusashada la is qadimo qaadow adigaa leh
Ragbay ii qaaday qirish kama bixin qaadow adigaa leh
Kabar qolofa xaabshaan hor quban qaadow adigaa leh
Qaangaaro qeyrkood ka haray qaadow adigaa leh
Ha qasaalin lama qoonsadee qaadow adigaa leh
Ku qaraabo xalay waa qadeen qaadow adigaa leh
Qada isiiya meel kaleku qoran qaadow adigaa leh
Qaatilunafsihi kuu qabiran qaadow adigaa leh
Qawlala cagaar kaa qubtana qaadow adigaa leh
Qaiad iyo inkaar qoorta suran qaadow adigaa leh
Qolfo muuqda iyo qoon la rogay qaadow adigaa leh
Quraafaad quraan lagu matalo qaadow adigaa leh
Hadba qaabaqowseyn kirkira qaadow adigaa leh
Qabya tiraha daankoo qonbora qaadow adigaa leh
Ii qaloocan camankoo qaldhacan qaadow adigaa leh
Qumanahoodaqoorta ugu jira qaadow adigaa leh
Sidii qadow laguu qawshadana qaadow adigaa leh
Qoryo feenashaan laga qajilin qaadow adigaa leh
Mari isiiya waa iga qabyee qaadow adigaa leh
Mar ii qaada aan qaaddacee qaadow adigaa leh
Qatar iyo qabyaan la ebyi Karin qaadow adigaa leh
Boqolaal qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh
Qaatalkallaahuye adigaa qaranka aafeeyey
Ilaahey ha naga kaa qabtee qayba herawiinle.

Weydiimo

  1. Yaa tiriyey gabaygan?
  2. Muxuu kaga hadlayaa abwaanku gabayga?
  3. Sheeg saddex dhibaato oo uu abwaanku qaadka ka sheegay?
  4. Sheeg qaadku ma ka mid yahay muqaadaraadka?
  5. Sharax meeriska 22aad ee gabayga?

Tusaale Waalid

Gabaygaan waxaa tiriyey ninka la yiraahdo Cali Mire Cawaale oo u tiriyey gabdhihiisii waaweynaa ee uu rajonimo ku soo koriyey. Ujeeddaduu Cali ka lahaana waxay ahayd inuu ku waaniyo gabdhihiisa waaweyn si ay u xannaaneeyaan caruurta ka yaryar ee haweyneyda uu qabaa ay dhashay iyo in uu ogeysiiyo inuu dhib badan ka soo maray koriimadooda. Wuxuuna yiri:

Da’ qofkii noqdaa loo ogaa inuu dardaarmaaye
Gabdhayahow duq baan ahay haddeer aan durdurineyne
Waxaan idinka doonaaba waa daacad iyo xooge
Caruurtaan ducaysaneyni way degal xumaataaye
Inaad daadaheysaan ilmaha idinku dor roone
Haddeydaan dulqaad yeelan waa dib u dhac reereede
Idinkuba wax badan baan dartiin daal usoo maraye
Duleed lagama helin xoolihiyo daartaad hurudaane
Dagaal baan usoo galay waxaad duni arkeysaane
Dabbaan shiday intaan daango dubay rooti duhur qaatay
Daryeelkiina awgiis xawaash dumar lasoo iibshay
Dadaal aan idin qabo cuntada dacal kusoo laabay
Idinkaan dareemine mayara diifta igu taale
Allahayow daraaddiin maxaan daano igu gaartay
Doqon iyo dammiin iyo maxaan nacab la daaweystay
Dayaca karog intii aan lahaa dacas maxay fuulay
Deriskooda yey mudan maxaan deyn ugalay xoog leh
Dadka yuu rajo ugaran maxaan qariyey daalkeyga
Dabeyl iyo kuleyl iyo maxaan dibad idiin meeray
Diihaal anoo qaban maxaan qariyey daalkeyga
Kolkuu diiqa ciyo aawadiin dalag maxaan raadshay
Dulbaax iyo baruur iyo maxaan darib idiin keenay
Darmo iyo furaash iyo maxaan gogol idiin daashay
Dibaaj xariiriyo maxaan diric idiin gooyey
Midi dureyda lay dhexe maxaan daawada ukiciyey
Dugaagiyo maxaan idinka jiray daalin iyo meel xun
Maxaan idinka digay xaajo aan idinka diidaayo
Duur xun hadal ah naag tiri Allow diiq maxaan galiyey
Dulmi idinka oo falay maxaan idinla soo duubtay
Dambi aad sameyseen maxaan duulal kale saaray
Darajiyo wanaag iyo maxaan samo idiin doonay
Duco iyo maxaan Eebbe tuug idinku siidaayey
Eegana dantay aan hadlee waxaan ku soo duubay
Daacad iyo werdiga Eebbahay docogso mooyaane
Inaan daayo yaa ila gudboon duunyo dhaqideede
Bal aan dayo abaal inuu dad galo Daayin baa garane.

Weydiimo

  1. Tuducyada 1aad, 2aad iyo 3aad muxuu gabyaagu kaga hadlayaa? Muxuuse gabdhihiisu weydiisanayaa?
  2. Tuducyada 3aad, aad, 5aad iyo 6aad yuu ka rabaa inay gabdhihiisu u dulqaataan?
  3. Tuducyada 10aad, 11aad iyo 12aad muxuu gabyaagu kaga hadlayaa?
  4. Tuducyada 13aad, 14aad iyo 15aad waayo dadka uu Cali tilmaamayo ee la daaweystay ama wax ku darsaday?
  5. Tuducyada 16aad 17aad, 18aad illaa 24aad si kooban faallo uga bixi.
  6. Tuducyada 25aad, 26aad iyo 27aad waa maxay dugaagga daalinka iyo xaajooyinka uu ka hadlayo?
  7. Tuducyada 28aad, 29aad iyo 30aad si faahfaahsan uga hadal arrimaha uu Cali guud maray.
  8. Tuducyada 34aad, 35aad iyo 36aad muxuu gabyaagu hadalkiisa ku duubay?

Heerin

Afar hablood ayaa beri ku guur seegay beeshoodii, waxay guudka fidhaan oo gayaankooda sugaanba, habeenkii dambe ayey hoos isula faqeen, “Waxaynu dhawrnaaba waa guumaysnimo ee aan ka heerino oo ka huleelno meesha,” ayey tala ku goosteen. Haddii dayaxii dhacay habeenkaa, ayey muska soo jeexeen.

Mid walba hu’ waxay laheyd ayey gosha soo gashatay, laba caano maal hadday jidka soo dhignaayeen ayey habeenkii dambe goor fiid ah reer u soo hoyden.

Inta ooddii laga rogay ayaa buulkii gabdhaha gogol loogu fldiyey, wan saddex jir oo macashu dhulka xaabayso oo baruur dhaqaaqi la’ ayaa loo loogay. Intii hilbuhu uga bislaanayeena, karuur geel oo ay hamuunta ku sii jabiyaan ayaa loo geeeyey.

Kor dahab oo reerka keli gabadh ku aheydna way ugu sii sheekaysay. Haddii hablihii intaa la isugu qoofalay, ayaa odaygii reerka ubadkiisii oo gugaa labaatan jirsaday, ayuu gooni ugu yeeray. Wuxuu yiri, “Aabbe gedahaad ku guursan lahayd waad joogtaa, gabdhuhuna waa heerin oo way inoo soo galeen ee waa inaad mid kala hadhaa.”

“Ha la yeelo Aabbe eh, tan aan kala baxayno ma dhaban baan ku doortaa illeyn wax kama naqaano e?” ayuu yiri wiilkii.

Odaygii baa intuu shaarubta miiqay ugu jawaabay, “Maya, si kalaynu ku dayi, waynu xujeyn. Hilbahoo kulul; baynu u geyn, innaguna waynu u kuur geli.”

Hablihii heerinka ahaa waxay jiriqsadaanba kolkii dambe ayaa hilbihii oo karaya oo xeero geedaysan lagu sido loo keenay. Illeyn waa meel wax laga wado ee, hor dahabna waa looga yeeray. Haddii ay hablihii hilibkii ku cidleysteen ayaa tii ugu horreysay ku soo haadday, oo ay xeedhadii hab ku tiri, sidii haadka adagta! Gacantay galisaba kor bay ula boodday, iyadoo ku hiiraanhiraysa. “Hoh… hoh… kama naalee kululaa…”

Tii xigtay ayaa soo hilatay oo ku tiraabtay, “Naa koran weynee kala goo.”

Tii saddexaad oo hanqalka la soo boodday ayaa ku gurxantay, “Naa ha qaboobee qabo weyn ku rid.”

Tii afraad oo raarta ugu xigtay oo aan halkeedii ka soo ruqaansan ayaa tiri iyadoo afka gacanta ku haysa, “Naa ha kafafee kor saar.”

Odaygii iyo wiilkiisii oo buulka docdiisa bari ee dibadda ah taagnaa ayaa is eegay. “Waataa afraad ee codkeedu xabeeb leeyahay tii aad kala bixi laheyd, ee tilmaanso,” ayuu waayeelkii wiilkiisii kula xanshaashaqay.

SHARAXA EREYADA

Naale: joognee
Koran: Sugi
Qaboweyne: haan biyood
Hinraag: neef googoyn
Hanqalka: qaarka sare
Tiraabtay: Ku dhaqaaqday.

WEYDIIMO

  1. Heerin waa maxay?
  2. Immisa maalmood bay habluhu jidka ku soo jireen?
  3. Caanaha karuurka ah maxaa hablaha loogu hormariyey?
  4. Hablaha maxaa tii afraad loogala baxay?

Haddii Dunida Lagu Waarayo

Nin gabyaa ahaa oo ku magac dheetaa ina-Cabdulle Muuse lana oran jiray Yuusuf Cabdulle Muuse ayaa gabaygaan curiyey. Yuusuf markii uu arkay in uu da’ noqday ayaa waayo aragnimadiisa tustay in uu dadka raad kaga tago oo uu la dardaarmo, wuxuuna dadka kala sii dardaarmayey waxyaabo nolosha ku haboon ee dunida la xiriira wuxuuna yiri:

1. Haddii dunida lagu waarayooy daayin noqoneyso
2. Waxaan laga dileen nebiyadii laysu soo diraye
3. Asxaabihii baan degeen daahirka ahaaye.
4. Faadumo iyo dirkeedii ay aan dumug yidhaahdeene
5. Daahaa ku noolaan lahaa delegyadoodiiye
6. Anse waxaan daliishaday inaan laga dambeyneyne
7. Dowliilka uun baan arkiyo diray arwaaxdiiye
8. Durdurkii makaad iyo xajkaan daalib leeyahaye
9. Deeblahabkaan geela iyo ariga waa dalaal marane.
10. Daaraha la weegaarayaa waa aduun dumaye.
11. Udadaala diintiyo waqtiga daacadna ahaada.
12. Cabdalaha dushiisiyo ayuu deyro kale sheegan.
13. Darkii odayadii hore xidheen dalwgu yuu gonin.
14. Doqon xaajo waa kaa dilaa dibadaba u tuura.
15. Shisheeyuhu hadduu idin danqaro dogob u
16. Rag idaaya kaaama tagee dab u fagaareeya.
17. Meeshii daleelaa musaka bahalku doontaaye
18. Duldliabaha waxa loo saarayaa yaan dugaag marine.
19. Is dugsada walaal kala durkaa dagan dharaartaase.
20. Anna dulka aan celinayiyo daaddka aan raoosi
21. Dal shisheeye waagaan tagee idinka duukeeyo
22. Amase mowdku igu soo dagee dabaqa laysaaro.
23. Dadbtiyo aloolkaan ahaa dib u shalaantooda,

SHARAXA EREYADA

Asxaabihii baan dageen: asxaabihi baan dhinteen
Faadumo: waa inantii Nebi Muxamed dhalay (NNKH)
Dirkedii: caruurteedii
Damug yiraahdeen: madheen
Daaha: Nebi Muxamed
Degaladoodii: guryahoodi
Dowliilka: bidhaanta
Daleel maran: dhalanteed
La meegaarayaa: la dhisayaa
Idin danqaro
Darku: waa wadaanta ceelka biyaha lagaga dhuro
Duldhabaha: waa ooda badan
Is dugsada: waa isku tiirsada
Idinka duukeeyo: idinka tago
Dabaqa ley saaro: luxudka lay saaro

WEYDIIMO

  1. Firkadda guud ee gabaygaan ma dhismaha nolosha dunida ayey taageeraysaa mise tan aakhiro?
  2. Tacabka nolosha dunida dhismahooda lagu jiro muxuu gabyaagu ka qabaa?
  3. Daaha muxuu ahaa? Ka hadal.
  4. Dowliilka uun baad arkiye diray arwaaxdiiye, si kooban u sharax tuducan.
  5. Gardarrada shisheeyuhu muxuu ka qabaa in lagaga hortago? Maku raacsan tahay? Waayo?
  6. Gabyaagu talooyin buu soo jeediyey. Caddee inta aad is leedahay nolosha wax bay ka tarayaan iyo inta aan waxba ka tareyn?

Isma Gabo Fariid

Nin safar ah ayaa habeen ku soo beegmay tuulo. Gurigii ugu soo horreeyey ayuu albaabkiisa garaacay. Islaan buuran baa lahayd. Keligeed bay degganayd. Iyadii baa irridkii ka furtay.

“Marwooy, socotaan ahayee, caawa i marti geli,” ayuu yiri ninkii. Islaantii doc bay uga joogsatay.

“Soo gudub,” ayey tiri. Ninkii aqalkii ayuu horay usii galay. Gambar ayuu ku fariistay, Waa la iswaraystay. Goortii dambe ayuu ninkii yiri:

“Marwooy!
Cidlaan joogay xalay oo
Maantana cid maan helin
Caano lagu qaboobiyo
Cunto kale kol ay tahay
Maan saarin carrabkoo
Cunahayga may marin
Calooshayda may galin.”

Guriga way taallay cunto. Hase yeeshee islaantu bakhaylad bay aheyd. Ninka inaanay waxba siin ayey damacday. Iyadoo u dayrinaysa ayey tiri:

“Gacaliye!
Waatay gooman noqotaa
Oo guga la waayaa
Giddi maanta oo idil
Amba maan gasiimanoo
Maan goosan hiliboo
Wax ma saarin gowsaha.”

“Waa hagaag, kaa garawsaday oo kaa guddoonsaday,” ayuu ugu jawaabay ninkii. Waxaa u caddaatay in aan islaantu waxba ula diyaar aheyn. Kolkaasuu fekeray. Dhagax yar oo halkeer oo kale yaalay ayey ishiisu ku dhacday. Markiiba talo ayaa ku dhalatay.

“Haddii aynaan wax kale haysan, dhagaxan yar ayaynu shuuro ka samaysan. Dhaqso, oo digsi iyo fandhaal ii dhiib, girgirahaa dabku ka buuxana ii soo dhawee,” ayuu si niyad ah u yiri.

Islaantii way yaabtay. Afkay gacanta saartay. Waxay tiri, “Toddoba iyo soddon baan jiraayo, tanoo kale weligayba maan maqal! Yaa arkay dhagax shuuro laga sameysto.”

“Caawaba waad arki,” intuu yiri ninkii ayuu istaagay, oo girgirihii ayuu soo qaatay, hortiisii qotomiyey, dambaskii ayuu gilgilay. Islaantii oo weli sidii u amakaagsan ayaa qalabkuu ka dalbaday u keentay.

Ninkii dhagaxii yaraa oo uu mayray ayuu markiiba digsigii ku riday. Dabkii buu saaray. Qaddar biyo ah ayuu ku shubay, kolkaasuu sugay. Biyihii baa karay.

Fandhaalkii ayuu dhex mariyey isagoo dhagixii yaraa kolba dhan u dhaqaajinaya ayuu yiri, “Alla haddaynu in yar oo milix ah haysan lahayn horey ayey cashadu inoogu bislaan laheyd.”

“Anigaa haya,” intay tiri islaantii ayey salad daasad milix ku jirto ka soo saartay. Ninkii bay u dhiibtay.

Intuu uga baahnaa ayuu kaga darsaday, digsigii ayuu walaaqay… Walaaqay… Walaaqay. Xoogaa ayuu u kaadiyey goortii dambe ayuu dhedhemiyey.

“Alla haddaynu in yar oo jariir ah haysan laheyn, cashadeena caawa carrabkaa la isku goosan lahaa.”

Anigaa haya ayey islaantii la soo boodday hul kobteer ah ayey kiisha jariir ah afkan ka maraya kasoo qabatay. Ninkii bay soo ag dhigtay, intii uu uga baahnaa ayuu kaga darsaday, biyihii ayuu kordhistay. Fandhaalkii ayuu dabada ku dhagay. Wuu ku walaaqay. In cabbaar ah ayuu sugay, kolkii dambe ayuu dhedhemiyey.

Isagoo madaxa ruxaya ayuu yiri, “Haa… Haa… War wuxu macaanaa! Wayse yara nugushahay. Alla in yar oo buda ah oo aan ku adkayno haddaanu Ilaahey ina siin lahaa, shuuradeena afka lagama qaadeen kolaba.”

Markiiba islaantii afkeedii waxaa ka soo fakaday, “Anigaaba haya.” Kolkaasay masaf budo cadi ka dul dhoorsan tahay la soo carartay. Ninkii bay gacanta ka gelisay. Isna intuu uga baahnaa ayuu kaga darsaday. Wuxuu fandhaalkii ku walaaqo shuuradii oo uu kolba dhadhamiyoba way u bislaatay.

Markaasuu dabkii ka dhigay, dhagaxii yaraa ayuu ka saaray. Xeero maran oo ay islaantii u soo diyaarisay ayuu shuuradii intuu uga baahi qabay kaga rogtay.

Baaqigii iyo digsigii oo iswatana islaanta xaggeedii ayuu isaga durkiyey.

“Allow subag iyo caano ha inoo waayin, iyagaa inaga dhimane,” ayuuse ka sii daba tuuray.

“Alle inoo ma waayo,” intay tiri islaantiina, ayey dhiil hilan iyo joog codcod ah ninkii soo ag qotomisay.

Doqoni markii horeba gaajay meel isla duu-duubi laheyd. Fariidse isma gabo. Ninkii isagoo dhereg cifta haya ayuu seexday habeenkaa.

Garsoorka Wanaagsan

Bari baa waxaa jiray saddex nin oo saaxibo ah, saddexda nin magaalay joogeen, shaqana waa ka waayeen. Markaasay magaalo kale shaqo ka doonteen. Markay habeen iyo maalin soconayeen ayey meel bannaan seexdeen. Saddexdii nin mid ka mid ah ayaa dahab sitay. Markuu toosay ayuu dahabkiisii waayey. Markaasuu saaxiibadii ku yiri, “Waar yaa dahabkaygii arkay.”

Maanu arag ayey ku yiraahdeen: markaasuu ninkii dahabka lahaa ku yiri Saaxiibadii “Waxaan idinku dacweynayaa Magaalada aynu tagi doono suldaanka xukuma haddii aad dahaybkaygii i siin weydaan.

Dabadeed waxay yimaadeen magaalo markaasuu ninkii dahabka laga xaday ku yiri saaxiibadii, “Suldaanka magaaladaan idiin geynayaa ee isoo ruaca”. Markaasay raaceen oo Suldaankii magaalada u wada tageen. Wuxuu ku yiri suldaankii “labadan nin oo aanu saaxiibka nahay ayaa dahab iga dhacay. Waxaan rabaa inaad dahaybkaygii iga siiso adigoon xirin oo aan dilin.”

Markaasuu suldaankii ninkii dahabka lahaa ku yiri, “Haddaan la xirin lana dilin sidee baa looga helayaa dahabkaagii?”

Meesha garta lagu qaadayey waxa fadhiyey inan uu suldaanku dhalay. Markay hadalkii dhageystay bay tiri, “Aniga ayaa nimanka garta u qaadaya, kana soo saaraya dahabka iyadoon la xirin lana dilin.”

Markaasuu suldaankii ku yiri gabadhiisii, “Waa tahay ee kaxayso.” Inantii nimankii bay kaxaysay oo geysay aqalkeedii, waxayna ku tiri, “Saddexdiinaba sheekaan idiinka sheekaynayaaye i dhagaysta.”

Markaasay hadalkeedii ku billowday: “Maalin maalmaha ka mid ah ayaa gabari badda damacday inay ku qubaysato islamarkaa waxaa badda ku qubaysanayey nin, Wuxuu arkay inantii oo baddii ku hafatay. Kolkaasuu u gurmaday oo kasoo saray.

Markaasay tiri inantii, “Maxaan kuugu abaal gudaa?”

“Abaalkayga ma gudi kartid,” buu yiri.

“Waan gudi kara,” ayey ugu jawaabtay.

Markaasuu yiri, “Haddaad gudi karto, marka lagu guursado intaanad aqal gelin isoo ogaysii.”
“Waa yahay,” intay tiri bay tagtay.

Beri dambe ayaa gabadhii la guursaday markaasay inankii guursaday ku tiri, “Ii oggolow inaan laba saacadood kaa maqnaado,” isna wuu u oggolaaday.

lyadoo waddada haysa, ayaa tuugo heleen oo yiraahdeen, “Alla waa gabadh! Alla dahab bay sidataa! Alla nasiib badninaa.”

Markaasay ku tiri, “Nasiibkiin ba’aye isii daaya. Meel baan ku de-degayaaye, waanse idiin soo noqone.”

Way sii daayeen, ninkii abaalka ku lahaa bay u tagtay. Wuxuu ku yiri: “Allay lehe, abaalkii waad guday ee iska tag.”

Markaasay soo noqotay oo u timid tuugadii. Iyana waxay yiraahdeen, “Allay lehe ballantii waad oofisay e iska tag marka.”

Halkaa markay sheekadii marinayso ayey ku tiri saddexdii nin ee dahabka isku haystay, “Saddexda qolo kuwee baa u wanaagsanaa?”

Markaasaa mid yiri, “Tuugadaa ugu wanaagsan.” Midna “Ninkii badda.”

Midkii kalena yiri, “Ninkii arooska ahaa.”

Markaasay inantii tiri: Waxaa dahabka haya ninka yiri, ‘Tuugada ayaa ugu wanaagsan.’”
Kolkaasuu dahabkii soo saaray oo u dhiibay inantii.