Cutubka 2aad

Saddex habeen kolkii laga joogey khudbaddii Duqqa Mijir, ayaa Duqqa Mijir si fudud hurdada ugu fiddigay. Meyd kiisiina waxa lagu aassay beerta tufaaxxa ag teeda.
Bilsha Maarj horraan teeda ayay ahayd goorta Duqqa Mijir geeriyooday. Saddexdii bilood ee ka danbeeyeyna waxa beerta lagu arkay dhaqdhaqaaq badan oo qarsoodi ah. Dhaqdhaqaa qaasi waxa uu ka abuurmay khudbaddii Duqqa Mijir oo xayawaanka in tooda garashada dheer bartay siyaalo hor leh oo nololsha loo eego. Hana moodin in xayawaan kaasi xog ogaal u ahaayeen goorta uu dhaci doono kacaankii Duqqa Mijir saadiyey. Sabab ay ku filaan in kacaan kaasi dhaci doono inta ay nool yihiinna ma jirin. Hase yeelshee, si cad bay xayawaan kaas ugu muuqatay in xil koodu yahay in ay is-diyaariyaan. Hawlihii ay la yimaaddeen waxbarista iyo isku-dubbaridka xayawaanku, si doodaba waxay dulsha ka fuuleen doofaarrada oo badanaaba loo aqoonsan yahay in ay u fariidsan yihiin xayawaanka. Doofaarrada beerta ku noolaana waxa ugu magac dheeraa laba doofaar oo qoodh ahaan loo dhaqayey, laguna kala magcaabi jirey Isnoobool iyo Naabooliyoon – laba daas oo Joonis damacsanaa in uu gado goorta ay si fiican u koraan. Naabooliyoon waa jimidh weynaa, arag giisuna, argagax aan yarayn buu cid walba gelin jirey. Caanna waxa uu ku ahaa in uu yeelsiin karo xayawaanka kale hadba sida uu rabo, in kasta oo aanu hadal badneyn. Naabooliyoon waxa aad uga duwanaa Isnoobool oo isagu aad buu uga weji furfurnaa, hadalka ka heli ogaa, wax-cusub-abuurkana kaga fiicnaa. Hase yeelshee, sina looguma wadin in raganima diisu u qota dheer tahay sida Naabooliyoon. Doofaarrada kale sida ay u dhammaayeen, waa wada dhufaannaayeen oo qalliin baa loo dhaqayey. Iyagana waxa u caansanaa ku yar oo buuran oo lagu magcaabi jirey Iskuwiilar. Iskuwiilar waxa uu lahaa caman buurbuuran, indho cadcad, soc-socod fudud iyo cod dhuuban oo xun. Waxa uu ahaa aftahan caado u leh in uu hadba dhinac u boodo, dibkana ruxo, kolka uu ka murmayo arrimaha qallafsan. Boodboodis taas iyo dib-lul kaasina waxay ahaayeen xeeladaha uu ku sasabto kuna qanciyo xayawaanka kale. Xayawaanka kalena waxay Iskuwiilar ku xaman jireen in muran kiisu, wax madow oo aad aragtid kaaga dhigi karo caddaan.
Saddex daas doofaar ayaa tifa tiray tusaalooyinkii Duqqa Mijir, kana soo saaray hab cusub oo loo fekero. Hab kaas cusub waxay ku magcaabeen Mabda’a “Xayawaannimada”. Saddex dooda ayaa toddobaadkiiba dhawr jeer shir u qaban jirey xayawaanka in tooda kale goorta Joonis hurdo. Mabda’a Xayawaannimadu waxa uu yahay ayay ku fasiri jireen shirka. Horraantiina waxa ay kala kulmeen xayawaanka dammiinnimo iyo xiisa la’aan ay u sabab ahaayeen xayawaanka qaar kood oo ka hadli jirey waajib kooda ah in ay daacad u ahaadaan Joonis – Joonis oo ay kol walba ku magcaabayeen “sayid keenna”. Qaar waxay ku dhawaaqeen hadallo bilow ah oo ay ka mid yihiin, “Joonis wax buu inna siiyaa, haddii uu innaga tagona macaluul baynnu u baqtiyi doonnaa.” Qaar kalena waxay soo jeediyeen su’aalo ay ka mid yihiin, ‘Maxay tahay danta innaga haysa waxa dhaci doona goorta aynnu dhimanno?’ amaba, ‘Sidee baa hawlgal keennu wax u kordhin doonaa, kolleyba haddii kacaanku iman doono oo lama-huraan yahay?’ Doofaaradiina, dhibaato weyn bay la kulmeen markii ay is-yidhaahdeen xayawaanka kale dhacsiiya in waxyaala haasi ka soo hor jeedaan, lidna ku yihiin Mabda’a Xayawaannimada. Su’aalaha u doqonniino weynaa waxa weydiisay Moolli, geenyadii caddayd. Su’aal sheeda hore ee Isnoobool ay u soo jeedisay waxay ahayd, “Kacaanka ka bacdi, sonkor ma la helayaa?”
Isnoobool oo si baas ugu gubaya hadalka ayaa su’aal shaas ka jawaabay oo yidhi, “Mayya, oo beertu ma leh alaab lagu samayn karo sonkor. Midda kalena, maxaadba ku falaysaa sonkor, adiga oo heli doona caws iyo midho hadba inta aad ka rabto?”
Moolli oo jawaabta la siiyey deeqi weydey ayaa su’aal sheedii sii wadatay oo tidhi, “Ma la iise oggolaan doonaa in aan sii galshanaado boqorradan iigu shaqlan guudka?”
“Jaalle,” ayaa Isnoobool ugu jawaabay, “boqorra daas aad caashaqsan tahay waa astaamaha addoonsiga. Malaha garaad uma lihid in xornimo ka qiima badan tahay boqorro la xidhto?”
Hal kaas ayaa Moolli ku garowsatay jawaabtii la siiyey in kasta oo aanay u dhawaaq ekeyn sidii wax la qanciyey.
Dhibaatooyinka ay keentay doqonniinada xayawaanku kuwo ka sii daran baa doofaarradu la kulmeen kolkii ay is-yidhaahdeen ka hor taga beenta uu faafinayey Moosis. Moosis waxa uu ahaa coomaaddihii Joonis u rabbeystay sida gaarka ah. Waxa uu ahaa fariid hadal yaqaan ah in kasta oo uu ahaa basaas warsheeko badan. Moosis waxa uu ku doodi jirey in ay jirto arlo dahsoon oo lagu magcaabo ‘Buurta Sonkornacnac’. Arla daas, sida Moosis yidhi, xayawaanka oo dhan baa aada goorta ay dhintaan. Waxa kale oo uu sheegay in arla daasu ku taal meel uu ku tilmaamay cirka, oo sida uu yidhi, xoogaa ka sarreysa daruuraha. Arla daas Buurta Sonkornacnac, sida Moosis yidhi, lagama shaqeeyo, iyada oo weliba sonkorkhaanta iyo waxyaalaha kale ee macmacaani hawl-yari uga dhex baxaan oodaha kala qoqoba guryaha iyo beeraha. Xayawaanku aad bay u necbaayeen Moosis, maxaa yeelay, afka uun buu ka noolaa ee wax hawl ah ma qaban jirin. Taas oo jirtey ayaa haddana xayawaanka qaar kood rumeysnaa in ‘Buurta Sonkornacnac’ ee Moosis sheegay jirto. Taas ayaa doofaarrada ku sandulleysay in ay si kulul uga doodaan in meel magac caas la yidhaahdaa aanay jirin.
Xayawaanka ku daba tukaday doofaarrada waxa u sii hanuunsanaa labada faras ee Boskar iyo Koloofar. Labadaba waxa dhib ku ahaa in ay is-kooda u fekeraan. Taas ayaa keentay in ay doofaarada ka dhigtaan macallimiin tooda, duuduubna ku leqaan wax kasta oo doofaarradu u sheegaan. Leqis taas ay leqayeen wax kasta oo doofaarradu u sheegaan, iyagu iskuma koobin, ee weliba si daas ayay ugu sii gudbinayeen xayawaanka kale wax kasta oo ay ka maqlaan doofaarrada, iyaga oo si bilow ah uga doodaya arrimaha qallafsan. Shirarka qarsoodiga ah ee xerada weyn lagu qaban jireyna sina labada faras ugama maqnaan jirin; heesta ‘Iglan Xoola heedow’ oo shirarka lagu xidhi jireyna iyaga ayaa hor kaci jirey.
Arrimaha oo isaga socda si doodaas, ayuun baa mar keli ah wax is-beddeleen oo kacaankiiba lagu gaadhay muddo ka gaaban intii la filayey, dhabbo toobiye ahna loo maray. Sababta keentay in arrimuhu si daas la-yaabka leh mar keli ah isu beddelaan waxay ku lug lahayd Joonis iyo is-beddelka ku dhacay dabeecad diisa. Nin kaas Joonis, in kasta oo beryihii hore uu ahaa sayid qallafsan, haddana waxa uu ahaa nin beeraley ah oo karti leh. Berya han danbese waxa la soo gudboonaaday waqti xun oo uu sabab u ahaa kiis maxkamadeed oo laga helay, lacagina kaga baxday. Taas ayaa keentay in uu niyad jabo oo caadeysto khamriga oo si xad dhaaf ah uu u cabbo. Kolkol buu dhawr maalmood oo isku-bixis ah wargeys uun akhrisan jirey inta uu isku kala bixiyo kursi dheer oo guriga u yiil. Wargeys uu akhristo, khamri uu cabbo, iyo Moosis oo afka uu ugu guro kibis qallalan oo khamri uu daray ma ahee, wax kale ma uu qaban jirin maalma haas. In taas waxa u sii raacay, ciidan kiisa oo ahaa kuwo wahsi dilshooday, daacadnimaduna ku yar tahay. Si daas aw geed ayaa haramo u buuxisay beeraha, guryuhu u baahdeen in saqafyo cusub la saaro, oodihii beeruhu u dar xumoodeen, xayawaankana loo siin waayey cunto ku filan.
Xaaladda beerta oo si daas ah ayaa bilsha Juun soo galshay. Waqtigii la goyn lahaa cawska beeraha ka baxay, si daas ayuu u soo dhowaaday. Haddaba iyada oo maalintu tahay Sabti, berrina xagaagu kala badh noqon doono, ayaa Joonis u dhaadhacay magaalada Wellindhon. Daba deedna waxa uu si baas ugu sakhraamay makhmarad ahayd magaalada oo magac ceedu ahaa ‘Libaaxxa Cas’. Si daas dar teed ayay u suura geli weydey in uu ku soo laabto beerta waqti ka horreeya maalintii Axada duhur keeda. Ciidan kiisiina, inta ay lo’dii liseen subaxnimadii Axadda, ayay ugaadhsi aadeen iyaga oo aan isku shidin in ay siiyaan xayawaanka wax ay cunaan. Goortii Joonis soo laabtay, isaguna hoosba uma deyin xaaladda beertu ku sugan tahay, ee markiiba waxa uu lac yidhi kursi ballaadhan oo guriga u yiil, wejigana waxa uu iska saaray wargeys ka mid ah kuwii uu akhrisan jirey. Si daas ayaa arrintu isugu soo biya shubatay xayawaanka oo weli xereysan oo qadtan gabbalku markii uu dhacay. Intii ay adkeysteen in ka badan kolkii xayawaanku adkeysan kari waayeen, ayaa sac lo’da ka mid ahi gudaha isugu celiyey irriddii bakhaarka cawska. Hal kaas ayaa xayawaanku sidii ay u dhammaayeen ku wada haliileen oo isku marti qaadeen cawskii ku kaydsanaa bakhaarka. Isla mar kaas ayaa Joonis ka soo baraarugay hurdada. Cabbar yar daba deedna, isaga iyo afartii nin ee ciidan kiisa ahaa oo jeedallo lalansanaya ayaa soo daf yidhi bakhaarka. Jeedallada oo dhinac walba ay u saydhayaan bay xayawaanka kula soo dhex dhaceen. Waxxii ay meelsha ka geysteen waxa uu noqday wax xayawaankii gaajeysnaa u dul qaadan kari waayeen. Xanafta jeedallada markii ay u adkeysan kari waayeen ayay mar keli ah kula jeesteen, Joonis iyo ciidan kiisa, in kasta oo si daas in la yeelo aan hore loogu sii heshiin. Joonis iyo ciidan kiina si lama-filaan ah ayay ugu war heleen herdi iyo danbaabidho kaga imanaya gees walba. Waxay arkeen in xaalku aad ugu xun yahay oo ay u maara la’ yihiin xayawaanka. Aadna waxa uga sii yaabiyey gadood kan ay la yimaadeen xayawaankii ay u uleyn jireen, una hagardaameyn jireen hadba sida ay rabaan. Dhiidhdhi gan xayawaanku dhiidhdhiyeen ee wax la mid ah aanay u soo joogin weli good iyo waaq qood, ayaa Joonis iyo ciidan kiisa geliyey fuleynimo ay la fekeri kari waayeen. Cabbaar yar markii ay is-tiileen, hase yeelshee ka quusteen in ay muquuniyaan xayawaanka, ayay cagaha wax ka dayeen. Muddo yar daba deedna shan toodiiba waxay cagta saareen dhabbo gaadhi-farasku la baxay oo ku darmeysey waddada weyn, iyaga oo xayawaanka guuleystay cagta cagta u saareen.
Afadii Joonis, daaqadda ayay ka daawanaysey waxyaala haas dhacayey. Sida wax u socdaan kolkii ay aragtay ayay alaab teeda qaar ka mid ah degdeg ugu boobtay kiish ay lahayd oo sijaayad ka sameysnaa. Daba deedna waxay ka dustay irrid beertu ku lahayd xagga danbe. Moosisna inta uu ka soo balow yidhi udubkii uu ku fadhdhiyey ayuu daba galay Afada Joonis isaga oo ka bafbafsiinaya baalalka, si aad ahna u ciyaya. Intii Afada Joonis iyo Moosis si daas yeelayeen ayaa xayawaanku ka caydhiyeen beerta Joonis iyo ciidan kiisiiba, iyaga oo shan toodiiba cagta u saaray waddadii weyneyd ee ahayd beerta debed deeda. Daba deedna irridda ayay ka soo xidhteen. Si daas ayaa kacaankii u hir galay iyada oo cidiba aanay weli dhaadin in kacaan dhalshay. Si daas ayaa Joonis u huleelay, Beertii Maanorna u noqotay meel xayawaanka u ah hanti.
Cabbaarkii hore oo dhan, xayawaanku way u qaadan waayeen cawa dooda. Wax ay falaanna waxa ugu horeeyey dhabaabaco ay ku soo mareen soohdinta beerta, taas oo aad moodeysey in ay ku hubinayaan in wax Bani-aadmi ahi aanu ku dhuumaneyn meel keli ah oo beerta dhul keeda ah. Daba deedna waxay u soo beratameen aqalladii beerta si ay u tirtiraan raadka uu ka tegey xukunkii Joonis ee la necbaa. Iyaga oo aan hakanba, waxay jebiyeen qolkii qalabka ee ka shisheeyey xerada fardaha. Qalab meel shaas yiil oo ay ka mid ahaayeen xakamayaalsha, giraangiraha sanka, silsiladaha eyda, iyo mindiyaha matudhooyinka ahaa ee Joonis ku dhufaani jirey doofaarrada iyo wananka, dhammaan tood ceel bay gundhada u dhigeen.
Keenooyinkii, hoggaammadii, indhasaabkii iyo koleyydii sanka loo gelin jirey ee ahaa astaamaha gumeysiga, dhammaan toodba waxa lagu riday meelsha qashinka lagu qubo oo mar kaas dab ka oognaa. Jeedalladii oo olol qabsaday markii ay arkeen, farxad bay isla haysan waayeen oo bartii bay cayaar ka ag qabsadeen. Waxa kale oo Isnoobool ku ridey dabka boqorradii fardaha lagu qurxin jirey maalmaha la aadayo suuqqa. Dabka goortii uu ku ridayeyna waxa uu yidhi:
“Boqorradu in ay yihiin dhar waa in loo gartaa; dharkuna waxa uu ka mid yahay astaamaha Bani-aadmiga. Xayawaanku sida ay u dhan yihiin waa in ay muddugnaan ku socdaan.”
Hadalka Isnoobool markii uu maqlay ayaa Boskar la soo booday koofiyad yar oo isagu lahaa. Koofiyaddu waxa ay ka sameysnayd caws oo xagaaga ayaa duqsiga loogaga celin jirey dhegaha. Hal kaas ayuu iyadiina ku riday dabka.
Tirtiris taas xayawaanku tirtirayeen wax kasta oo xusuusinayey Joonis, kama qaadan waqti badan. Markii ay ka soo jeesteen ayaa Naabooliyoon, sidii ay u dhammaayeen, u hor kacay bakhaarka cawska, hal kaas oo mid walba loo laba laabay sedkii hore loo siin jirey; eydiina mid walba sed kiisa loogu daray laba midh oo buskud ah. Kolkii la fuleyna, toddoba jeer oo aan loo nasan ayaa la qaaday heesta ‘Iglan Xoola heedow’ intii aan la kala hoyan. Hurdo macaan oo abid kood aanay hore u seexan bay habeen kaas wada seexdeen.
Waagu markii uu beryey ayaa xayawaanku u soo tooseen si doodii hore; hase yeelshee, markiiba waxa ay xusuusteen guulshii raacday shalay. Si daas markii ay xusuusteen ayay u wada yaaceen beeraha daaqqa. Meel aan si daasba u sii fogeyn oo beeraha daaqqa ag tooda ahayd ayaa waxa ahaa taag yar oo dhulka beerta in tiisa kale si fiican looga arko. Taag gaas fiiq qiisa ayaa xayawaanku is-tubeen. Aadna waxay ugu dhaygageen beerta hor tooda fidsanayd baaxad weynaan teeda. Iyaga oo si daas u dhaygagsan ayay maskax dooda ku soo dhacday in wax kasta oo hor tooda ahba iyagu iska leeyihiin. Fekraad daasi markii ay ku dhalatay ayaa jibbo daf tidhi xayawaanka. Jibbadii baa markiiba madax martay oo kobtii bay ka bilaabeen garmaameyn ay farxad iskula meereysteen, booddaaleysi ay hadba cirka isku ganeen, dooggii udgoonaa oo ay cancantuugeen, dharabkii oo ay ku galgalsheen, iyo beerta ciid deedii madoobeyd oo ay fufujiyeen oo udug geeda ka buuxsadeen sanbabbada. Markii jibbadu ka yara jabtay oo ay yara xasileen ayay beerta oo idil kormeer ku mareen. Amankaag iyaga oo la yeedhi la’ ayay soo sahamiyeen qaybahii kala duwanaa ee beerta oo dhan: Qayba heeda la falo, qaybaha cawsku ka baxo, kuwa dhirtu ka baxdo, beerta tufaaxxa iyo balliga biyaha. Ilaa waqti gaasna waxa ay u qaadan la’aayeen in wax kastiba yihiin yed dooda.
In taasi markii ay dhacday ayaa xayawaanku isa soo daba galeen oo ku soo laabteen aqalladii beerta. Guriga Joonis bay mar kaas is-hor tubeen. “Kanna idinka ayaa iska leh,” ayay is-yidhaahdeen markii ay isa soo hor tubeen guriga. Si daas ha is-yidhaahdeen, ee haddana aad bay uga maageen, ugana cabsadeen in ay galaan guriga. Cabbaar markii ay taagnaayeen ayaa Naabooliyoon iyo Isnoobool is-booxbooxeen oo inta ay garbaha ku dhufteen irriddii, gudaha isugu celiyeen. Si daas ayaa xayawaanku ku galeen gurigii Joonis, iyaga oo dhuukinaya oo midba kan kale daba joogo si waxna aan meel shiisa looga dhaqaajin. Hadba qol bay ka baxeen oo mid kale galeen iyaga oo qoobabka caara dooda ku soconaya, hoosna u xanshashaqaya. Guriga buruud kiisa baa sida ay u dhammaayeen taabtay. Qol kasta oo ay galeen waxa ay la dhaygageen raaxada taal meelsha; aadna waxay ula sii yaabeen sariiraha furshaan toodu ahayd baalka, muraayadaha, kursigii ballaadhnaa ee ka samaysnaa saynta fardaha, qaddiifadaha iyo Boqorraddii ‘Fiktooriya’ sawir keeda saarnaa kabadh meelsha yiil dul shiisa. Iyaga oo mar kaas uun ka dayma sugtay gurigii Joonis, xatabadana maraya oo is-leh baxa, ayay tebeen geenyadii Moolli. Dib markii ay u noqdeen, waxay Moolli ka heleen qolalka hurdada kii u fiicnaa, iyada oo boqor buluug ah ka qaadatay miis ay ku lebbisan jirtey Afada Joonis oo inta ay boqor kaas la sintay garba heeda, isla baxday oo isku jamaneysa muraayadda. Bartii baa xayawaanka kale si kulul ugu canaanteen oo baxeen. Xoogaa hilib doofaar ah oo ka lulshey madbakhkha, markii ay sii baxayeen bay sii qaadeen oo aas geeyeen. Haantii biirahana Boskar baa ku sii af gembiyey danbaabidho. Alaabtii tiil guriga ee kalese far lama taabsiin. Go’aan arrin taas ku saabsan oo la isku wada raacayna bartii baa lagu gaadhay, go’aan kaas oo ahaa in guriga laga dhigo meel loo daawasho tago oo lagu kaydiyo waxyaalaha ku saabsan hiddaha, dhaqanka, iyo taariikhda. Isla mar kaas ayaa xayawaanku sida ay u dhammaayeen isku raaceen in xayawaan oo idili ka caagganaadaan guri gaas u-hoyasha diisa.
Xayawaanka oo mar kaas quraacday ayaa Naabooliyoon iyo Isnoobool mar labaad isugu yeedheen. Isnoobool oo hadalka qaadtayna waxa uu yidhi:
“Jaallayaal, lixdii iyo badhkii aroornimo ayaynnu joognaa. Maalin dheerina waa innaga horreysaa. Maantana wax aynnu bilaabeynaa cawska goyn tiisa. Taase wax ka horreeya arrin kale oo u baahan in la saaro gacanta.”
Shir kaas ayaa doofaarradu ka muujiyeen in ay barteen sida wax loo qoro, loona akhriyo, saddexdii bilood ee tegey (saddexdii bilood ee ka soo wareegay habeenkii Duqqa Mijir jeediyey khudbad diisii caanka ahayd). Waxay ka barteen buug higgaadda ah oo ay ka dhex heleen kuddaafadda. Buugga waxa lahaan jirey Joonis carruur tiisa. Mar kaas ayaa Naabooliyoon cid u diray in la keeno dheryo rinji cad iyo rinji madoobi ku jireen. Rinjiga markii la keenay buu xayawaanka u hor kacay irriddii beerta ee hore looga soo xidhtay Joonis iyo ciidan kiisa. Isnoobool oo doofaarrada u badin jirey sida wax loo qoro ayaa mar kaas, inta uu qanjaafilaha ku qabsaday burush, tirtiray magaccii beerta ee ahaa ‘Beerta Maanor’. Magaccu waxa uu ku qornaa irridda dul sheeda. Halkii uu magacca ka baabi’iyeyna wax uu ku qoray ‘Beerta Xayawaanka’, magaccaas cusub oo uu sheegay in uu noqon doono magacca beerta loogu yeedhi doono imminka iyo waxxii ka danbeeya. In taas markii ay bogeen ayay ku soo laabteen aqallada beerta. Hal kaas ayaa Naabooliyoon iyo Isnoobool mar labaad adeegsadeen xayawaanka kale oo imminkana ku amreen in ay la kaalayaan sallaan. Sallaanka la keenay waxa lagu tiiriyey xeradii lagu shiri jirey derbi geeda. Xayawaanka kalena hal kaas ayay ku ogaadeen in doofaarradu, saddexdii bilood ee tegey, ku guuleysteen in ay Mabda’a Xayawaanimada ku soo koobaan Toddoba Dardaaran. Toddoba daas Dardaaran oo sida la yidhi, noqon doona sharci aan sina loo doorin karin oo xayawaanku ku dhaqmaan, ayaa la doonayay in lagu qoro derbiga. Isnoobool oo dhibaato aan yarayn la kulmay baa mar kaas fuulay sallaanka. Iskuwiilarna dhawr tallaabo ayuu ka hooseeyey oo dheryaha rinjiga ayuu u hayey.
Toddobadii Dardaaran oo xuruuf waaweyn oo cad cad ku qoran ayaa Isnoobool kol kaas ku dhigay derbigii madoobaa. Waaweynaan iyo cadcaddaan inta xuruuftu ka qabtey, waxa laga akhriyi karayey meel u jirta soddon tallaabo. Derbiga waxa uu ku qorayna waxay ahaayeen:
TODDOBADA DARDAARAN
1. Laba-addinle waa nacab.
2. Afar-addinle iyo haad waa saaxiib.
3. Xayawaanku waa in aannu galshan dhar.
4. Xayawaanku waa in aannu ku seexan sariir.
5. Xayawaanku waa in aannu cabbin khamri.
6. Xayawaanku waa in aannu nafta ka goyn mid kale.
7. Xayawaan oo idili waa siman yihiin.
Farta uu ku dhigay Dardaarannada aad bay u habeysnayd, higgaadduna waa wada toosnayd, ereyga ‘Saaxiib’ oo xuruuf tiisa uu is-dhaafiyey iyo xarafka ‘s’ oo uu u dhigay si gurracan ma ahee. Goortii uu ka soo jeestay derbiga, ayuu kor u akhriyey dardaaranka si uu ula socodsiiyo xayawaanka kale waxa uu qoray. Xayawaanku inta ay le’ekaayeen madaxxa ayay u wada ruxeen; waxxii uu qoray oo dhanna way ku raaceen. Kuwooda fahmada badnaana markiiba waxay bilaabeen in ay korka ka qabtaan Dardaaranka. Isnoobool oo shirka xidhayeyna waxa uu yidhi:
“Imminkana jaallayaal, innagu dhaqaajiya cawska; ballanna aan ka dhiganno in aynnu ku soo hoynno cawska muddo ka gaaban intii Joonis iyo ciidan kiisu ku soo hoyn jireen.”
Dhaqaaqa, markii la is-yidhi ayaa saddexdii sac, oo goorahanba xamxamaaranayey sara joogsadeen oo ci’ oodda ka qaadeen. Sababta ay la ciyayeen waxay ahayd iyaga oo saddex caana maal dihnaa, kuna sigtay in candhooyinku la dildillaacaan caano. Cabbaar yar haddii laga fekeray sida arrin taas wax looga qaban karo ayaa doofaarradu cid u direen in la keeno baaldiyo. Baaldiyada kolkii la keenayna, qanjaafilaha ayay ku liseen lo’da. Hal kaasna wax ay ku ogaadeen in qanjaafilo hoodu si fiican ugu habeysan yihiin in lagu liso lo’da. Shan baaldi oo xoor leh ayaa laga buuxiyey lo’da; shan taas baaldi oo xayawaanku u wada hunguroodeen. Xayawaanka mid ka mid ah oo is-haysan kari waayeyna waxa uu yidhi:
“Tolow wax xan oo caano ah maxaa lagu sameyn doonaa?”
Digaagad su’aalshu dhiirri gelisay baa u jawaabtay oo tidhi, “Marmarka qaar kood baa Joonis noogu iidaami jirey soorta.”
In taas markii la is-dhaafsaday ayaa Naabooliyoon halka ka soo booday. Inta uu isa soo barbar taagay baaldiyadii caanaha, ayuu cir kaas ka qayliyey oo yidhi: “Shaqo ayaa laga qaban doonaa caanaha, hadal-hayn tooduna wax innooguma jilna ee cawska la goynayo dhakhso ha loo aado. Hawlsha waxa idiin hor kaci doona Jaalle Isnoobool, aniguna goor dhow ayaan idinka daba iman doonaa. Horuu soco, Jaalle! Cawskii waa inna sugayaa e.”
Askar sida ay yihiin baa loo dhaqaajiyey xayawaanka oo caws-goyn la aadsiiyey. Markii ay soo laabteen fiidkii, waxay ogaaden in caanahii muuq qooda la waayey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *