Cutubka 3aad

Maxaa xayawaanka rafaad qabsaday, dhididse maxaa ka dhacay, markii ay is yidhaahdeen cawska baxay inta aydin goysaan soo hooya! Tacab koodiise laguma hungoobin. Abaalgud kiisa oo ahaa cawska oo xayawaanku ku soo hooyeen muddadii la filayey mid ka gaabanna waa la helay.
Hawlsha xayawaanku qabanayeen, marmarka qaar kood aad bay u ba’nayd. Qalabka ay ku adeeganayeenna waxa uu ahaa mid qaab daran oo Bani-aadmi loogu tala galay. Taas ayaa marar badan kala dhantaalshay dedaal kooda. Hase yeelshee, dhibaato kasta oo ka hor timaadda waxa had iyo jeer jid-bixiyeen uga ahaa fariidnimada doofaarrada. Kaalinta farduhuna waxay soo baxday markii ay muujiyeen sida ay beerta ugu yiqiinneen taako-taako. Muranna kuma jirin in farduhu uga xog ogaalsanaayeen Joonis iyo ciidan kiisaba siyaalaha cawska loo gooyo, loona tuumiyo. lyana waxa aan muran ku jirin doofaarrda oo isku koobay hawlsha oo ay kor meeraan iyo xayawaanka kale oo ay kala diraan. Haba yaraatee, doofaarradu ma qabaneyn wax hawl ah oo kaga dhididisa. Arrin lala yaabona ma ahayn haddii doofaarradu taabeen hoggaanka talada marka la tix geliyo aqoonta ay dheeraayeen xayawaanka kale. Waxa kale oo iyana aan la yaab lahayn in la arko Boskar iyo Koloofar oo iyagu isku xidhay birihii cawska goynayey iyo kuwii tuuminayey, doofaar amar siinaya oo cir kaas kaga qaylinayaana daba joogo isaga oo ku leh, “Horuu soco Jaalle!” ama “Joogso Jaalle!” hadba sida uu rabo. Kuwa wacdaraha dhigayna ma ahayn Boskar iyo Koloofar oo keli ah ee hawlsha beerta laga qabanayey looma kala hadhin. Iskaba daa kuwooda xoogga weynaa ee shinbirihiina waxa dilay sii-socod iyo soo-socod milicdii sidii ay afka ugu daldalayeen burar yaryar oo caws ah. Guud ahaanna dedaalkii xayawaanku waxa uu keenay hawlsha oo lagaga fara xalshay muddo laba maalmood ka gaaban intii Joonis iyo ciidan kiisu ku dhammeyn jireen. In taas waxa sii dheeraa cawska la soo hooyey oo noqday kii u fara badnaa ee weli giisba laga jaray beerta. Fara-badnaanta cawskana waxa u ahaa sabab indha-fiyoobaanta shinbiraha soo daldalay bur kasta, iyo xayawaanka kale oo mar kan ka caagganaaday cantuugadii ay hoosta uga qarin jireen.
Xagaagaas oo idil, si aan joogjoogsi lahayn baa hawlsha beertu u socotey. Xayawaanka beertuna waxa ay u badhbadhaadheen si aanay marnaba u maleyn in loo badhbadhaadhi karo. Cantuugo kasta oo jidiin kooda ka degta, si gaar ah ayay u dhadhdhansadeen, una macaansadeen, iyaga oo ogsoon in waxa ay cunayeen aanu ahayn wax yedle masuug ahi hor-Alle u baxsaday, ee uu yahay tacab kooda midha hiisii – tacab kaas oo ah mid iyagu ku dhibtoodeen, dheef tiisana maanta iyagu yeelsheen.
Sida xayawaanku u dhammaayeenna waxa ay wada ogsoonaayeen in waayidda la waayey wax-ma-tarihii Bani-aadmiga ahaa ee iyaga uun ku kor noolaa, keentay iyaga oo imminka hela cunto tii ka badan, iyo nasasho aanay hore u heli jirin. Ogow oo weliba si daas ayaanay weli u lahayn waaya-aragnimo ay keli good ku fuliyaan hawlaha.
Waaya-aragnimo la’aantaasuna waxa ay u keentay dhibaatooyin aan tiro lahayn markii ay damceen in ay tumaan galley da oo kala hufaan. Dhibaata daas waxay ka baxeen markii ay ku talshadeen in ay galleyda ku joogjoogsadaan, daba deedna ku neefsadaan si ay uga haadiyaan baalka. Cidhiidhi kasta oo ay galaan waxa had iyo jeer si daas oo kale uga saarayey fariidnimada doofaarrada iyo turuqyada Boskar ee laxaadka weyn. Boskarna si daas ayuu u noqday neef xayawaanku, sida ay u dhan yihiin, ku dhaadtaan oo laga majeerto beerta oo idil. Hawlkaranima diisuna ma ahayn mid cusub oo uu la soo baxay imminka, ee waagii Joonisba aad buu u shaqayn jirey. Hase yeelshee, intii xayawaanku la wareegay maamulka beerta ayuu bannaanka soo dhigay hawlkarnimo dheeraad ah, isaga oo imminka qabaneyey hawl ay qaban lahaayeen saddex faras. Marmarka qaar koodna waxa aad moodeysey in beerta oo idiliba ku tiirsan tahay garbaha Boskar ee laxaadka leh. Waaberiga sida uu u bilaabo hawlsha, waxa uu ka soo bixi jirey gabbalku marka uu dhaco, isaga oo maalin oo dhan ku jira riixis iyo jiidis, kol walbana ligan hadba meelsha hawlshu ugu kululshahay. Si daas ayuu weliba kula heshiiyey diigagga beerta mid ka mid ah in uu toosiyo goor saacad badhkeed ka horreysa waqtiga xayawaanka kale toosaan si uu uga sii gaadhsiiyo xoogaa iskaa-wax-u-qabso ah, inta aan hawlsha maalin taasi bilaabmin, ugana sii shaqeeyo hadba meelsha uu is-yidhaahdo, “Allay lehe halkan baa wax qabasho looga baahan yahay.” Dhibaato kasta oo ka hor timaadda iyo wax kasta oo dib u hakiya, jawaab keli ah ayaa Boskar u lahaa, taas oo ahayd: “Sidan si ka sii daran baan u shaqayn doonaa.” Markii danbena ereyya daas ayaaba u noqday halqabsi.
Dedaal kaas shaqada ku saabsanaa ee lala yimi kuma koobneyn Boskar oo keli ah ee xayawaan kastiba waxa uu geystay intii tamar tiisu ahayd. Shinbiraha beertuna waxa ay badbaadiyeen shan joonyadood oo galley ah oo lumi lahaa haddii aanay soo ururin midhihii firdhay. Niyadsamida guud ahaanba joogtey beerta waxa u marag ahaa sida xayawaanku u dhaqmayeen, iyaga oo mid koodna aanu wax xadin, waxna qawedin. Dagaalkii, qaniinyadii iyo xinkii u ahaa astaamaha nolol shooda hore, in ay tirtirmaan bay ku dhowaaden. Wax-qabasho kolka ay timaaddona, cidina hawlsha kama leexleexan jirin, amaba, sida loo badnaa, cidina kama leexleexan jirin, in kasta oo ay iska jirtey geenyada Moolli oo iyadu aan ku fiicneyn in ay aroortii waqti hore toosto. Had iyo jeerna, waxa ay ka dhigan jirtey cudurdaar in dhagax ka galay qoobka si ay shaqada uga baxdo goor hore. Bisaddu sida ay u dhaqmeyseyna waxay lahayd xoogaa shaki ah; maxaa yeelay, waxa la ogaaday in muuq qeeda la waayo goor kasta oo hawli jirto. Waxa iyana la ogaaday in, inta ay saacado badan iska maqnaato, goor dhow soo baxdo marka la gaadho waqtiga cuntada, amaba fiidkii goorta hawlaha la soo bogto. Waxay iman jirtey iyada oo aad mooddo in aanay waxba dhimin, lana diyaar ah cudurdaar wanaagsan oo ay soo sameysatay. Guux kalgacal leh oo debecsan marka ay raacisona, waxa adkaa in la beensado cudurdaar keeda. Waxa kale oo jirey Benjamin oo wax is-beddel ah aan muujin sidii kacaanku u dhalshay. Si diisii gaabiska ahayd ee waagii Joonisba uu hawlaha u fulin jirey ayuu weli wax u fulinayey; xil saarnaana kama warwareegin, hawl dheeraad ahna isuma dirin, Kacaanka iyo waxa uu keenayna kama bixin faallo. Kolkii la weydiiyey ee lagu yidhi, “Miyaanaad imminka ka farax badnayn waqtigii Joonis?” Waxa uu ku jawaabay, “Dameeraha cimri goodu aad buu u dheer yahay; waana aan hubaa oo mid kiinna ma arkin dameer baqtiyey.” Ciddii wax weydiisayna waxay ku khasabtay in ay ku qancaan jawaab taas maldahan.
Beerta xayawaanka waxa laga caadeystay in shaqada laga nasto maalmaha Axadaha. Si maalinta Axadda looga bogto hurdada, quraacda ayaa dib loo dhigi jirey saacad iska dhan. Quraacda marka la laasto ayaa la qabanqaabin jirey xus toddobaadkiiba mar ahaa oo sina aan u baaqan jirin. Xuska waxa lagu bilaabi jirey calanka oo la taago, kaas oo ka sameysnaa maro cagaaran oo ka duugowday afada Joonis. Isnoobool oo marada helay ayaa ku sawiray qoob iyo gees cadcad. Subax kasta oo Axad ahna, mara daas ayaa la sudhi jirey birta calanka ee beerta. Isnoobool oo fasirayey calanku waxa uu u taagan yahay waxa uu caddeeyey in midabka cagaarani u taagan yahay beeraha Iglan ee cagaarka ah, qoobka iyo geeskuna in ay u taagan yihiin Jamhuuriyadda Xoolaha ee soo bixi doonta goorta Bani-aadmiga loo af gembiyo si aanu ka saoo waaqsan. Calanka goorta laga soo jeesto, ayaa xayawaanka oo isku duubani aadi jireen xerada weyneyd ee shirarka iyaga oo qoob jac leh. Hal kaas ayay ku yeelan jireen Shirka Guud ee Toddobaadka. Hawlaha la doonayo in la fuliyo toddobaadka soo fool leh, shir kaas ayaa lagu qorsheyn jirey; arrimaha la rabo in laga doodo, shir kaas ayaa had iyo jeer la soo dhex dhigi jirey; go’aanna hal kaas ayaa lagu gaadhi jirey. Waxaase jirtey in doofaarradu ahaayeen kuwa goor walba soo jeediya arrimaha laga doodi doono. Xayawaanka kalese waxa ay yiqiinneen sida ay u bixiyaan codka oo keli ah. Arrin qudh ah oo ay shirka soo dhex dhigaan, haba yaraatee way ka fekeri kari waayeen. Marka doodi timaaddona, xayawaanka oo idil waxa ugu firfircoonaa Isnoobool iyo Naabooliyoon. Taas oo jirtey, ayaa haddana la arkay in laba doodu aanay marna wax ku heshiin, iskuna raacin. Iskaba daa wax kale oo ay isku raacaan, ee maalin laga doodayey arrin aan is-af-garasho-waaba keeni karin oo ahayd in jeexxa ah beerta tufaaxxa dhabar keeda, goonni looga dhigo xayawaanka gabooba ee ka fadhiista hawlsha, waxa laba dooda dhex maray muran kulul oo la galay da’da habboon ee nooc kasta oo xayawaanka ahi kaga fadhiisan karo hawlsha. Shirkana waxa joogto u ahaa in lagu xidho heesta ‘Iglan Xoola heedow’. Dharaarta Axadda gelin keeda danbe, cayaaraha ayaa loo daayey.
Arrinta oo hal kaas mareysa ayaa doofaaradu durba isa siiyeen qol uu oolli jirey qalabku. Hal kaas ayay xarun ka dhigteen. Habeennimadiina hal kaas ayay ku baran jireen tumaaladda, nijaaradda iyo farsamooyin kale oo lagama-maarmaan ahaa. Farsamooyin kaas waxay ka baran jireen buugag ay ka soo qaadteen guriga Joonis. Weliba Isnoobool waxa in taas u sii dheeraa isaga oo aad isugu shuqliyey in uu nidaamiyo xayawaanka oo u sameeyo wax uu ku magcaabay Guddiyada Xayawaanka. Hawlaha cayn kaas oo kale ahna, sina ugama daali jirin. Guddiyada uu abuuray waxa ka mid ahaa Guddida Ukun-dhalka oo uu u sameeyey digaagga, Ururka Dabooyinka Xalan oo lo’da uu u sameeyey, Guddida dib-wax-u-barka Jaallayaalsha Debed-Joogga ah oo ujeedda deedu ahayd in la rabbeeyo jiirka iyo bakaylayaalsha, Dhaqdhaqaaqqa Suufka Cad oo uu u sameeyey idaha, iyo guddiyaal kale oo jaad walba leh. In taas waxa uu ku darsaday isaga oo bilaabay casharro lagu baro xayawaanka sida wax loo qoro, loona akhriyo. Guud ahaanse, waxyaala haas Isnoobool bilaabay badi dooda lagama gaadhin guul. Tusaalena waxa innoogu filan waxxii ka dhacay markii la isku deyey in la hebediyo xayawaanka ah Debed-ku-noolka. Hal kaas waxa ka caddaaday in aan waxba iska doorin dhaqan koodii hore. Kolkii lagula dhaqmay deeqsinimo, ka faa’iideysta ma ahee, wax kaleba way garan waayeen. Bisaddiina waxa ay galshay Guddida Dib-wax-u-barka xayawaanka Debed-ku-noolka ah; dhawrkii maalmood ee horena aad bay u firfircoonayd. Hase yeelshee, maalintii danbe ayaa la arkay iyada oo ku fadhdhida guri dul shiisa oo shinbiro yaryaro ah u sheegaysa in xayawaan oo dhammi jaaleen, haddii ay rabaanna in ay u iman karaan oo ku fadhiisan karaan ciddiya heeda, iyaga oo waxba aan la yeelin. Shinbiruhuse isma dagin ee meel shooda bay ku ekaadeen.
In kasta oo aan lagu guuleysan arrimo badan oo Isnoobool abuuray, uuna is-lahaa wax ku hagaaji, waxa aad loogu guuleystay casharradii lagu baranayey sida wax loo qoro, loona akhriyo. Dayrtu kolkii ay soo galshay, ilaa heer ayaa badiba xayawaanku ka gaadheen sida wax loo qoro, loona akhriyo. Doofaarrada oo iyagu ka fahmo badnaa xayawaanka kale, markiiba waxa ay ku buxuuroobeen sida wax loo qoro loona akhriyo. Eydu sida ay wax u baratay aad bay u ladnayd, in kasta oo aanay u hayn xiisaba in ay bartaan wax dhaafsiisan sida loo akhriyo Toddobada Dardaaran. Ridii Mureel, akhriska ayay si ba’an u baratay oo eydaba iyada ayaa ka badin jirtey sida wax loo akhriyo; marmarna xayawaanka kale ayay u akhriyi jirtey habeenkii wargeysyada la xooray ee ay ka helsho kuddaafadaha. Dameerka Benjamin, doofaarrada ayuu kala sinnaa sida wax loo akhriyo, hase yeelshee, marna ma uu isticmaalin awood daas uu lahaa. Markii la weydiiyey sababta uu u isticmaali waayey awood diisaas, waxa uu meelshii ka caddeeyey in aanu ka war qabin wax istaahila in la akhriyoba. Koloofar, higgaadda oo dhan ayay baratay, waxayse awoodi weydey in ay xuruufta isku xidhiidhiso oo ereyyo ka sameyso. Boskarna waxa uu ka gudbi waayey afarta xaraf ee higgaadda u horreeya, kuwaas oo uu dhulka ku xarxarriiqi jirey, isaga oo qoobab kiisa waaweyn wax ku qoraya. Daba deedna inta uu hogto oo ku dhaygago waxa uu qoray, dhegahana u nabay dib, ayuu is-odhan jirey, “Tolow maxaa ku xigey?” Dhawr jeerna waxa uu ku guuleystey in uu barto afarta xaraf ee labaad. Hase yeelshee, taasi waxa ay keentay in uu illaabo afartii xaraf ee hore. Tala diisiina waxa ay isugu soo ururtay in uu ku ekaado afarta xaraf ee hore, kuwaas oo uu qori jirey maalintiiba mar ama laba jeer si uu isu xusuusiyo goor walba. Geenyada Moolli waxa ay iska soo taagtay in ay barato wax dhaafsiisan lixda xaraf ee magac ceedu ka koobnaa. Lix daas xaraf oo si fiican ay uga sameysay qoryo yaryar bay ku wareegaaleysan jirtey iyada oo isu bogsan.
Xayawaanka kale ee joogey beerta, waxa ay dhaafi kari waayeen xarafka B. Waxa iyana soo if baxay in xayawaanka kuwii u doqonsanaa ee idaha iyo shinbiruhu u horreeyeen korka ka qaban kari waayeen Toddobada Dardaaran. Isnoobool oo arrintaas si ba’an uga fekerey, waqti dheerna ku lumiyey, markii danbe waxa uu daaha ka qaaday in Toddobada Dardaaran lagu soo koobi karo halqabsi qudh ah, iyada oo ujeeddada dardaaranka aan waxba ka lumin. Halqabsigu waxa uu ahaa “Samaa Afar Lugood, Xumaa laba Lugood.” Meelshiina waxa uu ka caddeeyey in Mabda’a Xayawaannimaduba ku soo ururo halqabsi gaas qudh dhiisa; xayawaanka si fiican uga bogta halqabsigana, in uu ka badbaaday Bani-aadmi duufsada oo maskax diisa beddela.
Shinbirihii baa iyagu markiiba iska soo taagay halqabsiga cusub, iyaga oo ku dooday in iyaguba leeyihiin laba addin. Hase yeelshee, Isnoobool baa u caddeeyey in arrintu aanay ahayn sida ay is-moodsiiyeen; wuxuuna yidhi:
“Baalka shinbiruhu Jaallayaal, waa xubinjidhka ah oo wax riixda, waxna dhaqaajisa ee ma aha mid wax lagu qabsado. Si daas awgeed, waa in aynnu baalka u garannaa in uu la mid yahay addin. Bani-aadmiga astaanta u gaarka ahina waa gacanta, taas oo u ah qalab uu ku geysto waxyeello oo dhan.”
Ereyya daas waaweyn ee Isnoobool isticmaalay, wax aanay garan karin bay shinbirihii ku noqdeen. Faahfaahinta uu bixiyeyna sidii uu u yidhi bay u qaadteen. Xayawaanka kuwoodii fahmada darnaana markiiba waxay ku daadteen in ay korka ka qabtaan halqabsiga cusub. Halqabsiga oo far waaweyn ku qoran ayaa mar kaas lagu dhigay xerada lagu shiri jirey derbi geeda, iyada oo weliba lagu qoray meel ka sarreysa meelshii Toddobada Dardaaran ku qornaayeen. Idihiina, halqabsiga cusub oo ay korka ka qabteen ayay aad ugu riyaaqeen. Marar badanna waxa la arkayey iyaga oo beerta fadhfadhiya oo inta ay is-illaabeen la bacaac leh “Samaa Afar Lugood; Xumaa Laba Lugood,” taas oo ay ku celcelin jireen saacado iska dhan iyaga oo marna aan ka daalin.
Naabooliyoon, dheg uma dhigin waxyaalaha Isnoobool sameeyey. Waxaana laga sheegay in uu yidhi in dhallaanka oo wax la baraa ka door roon tahay wax kasta oo loo qabto xayawaanka waaweyn. Waqtiga uu si daas lahaa, labada eeyadood ee la kala odhan jirey Jesi iyo Buleebel, baa dhalay sagaal ey oo yaryar. Ey daas yaryar markii laga gooyay naaska, ayaa Naabooliyoon ka qaaday hooyooyin kood, isaga oo ugu ballan qaaday in waxbaris tooda iyo barbaarin tooda isagu xil qaadayo. Eydii yaryaraydna waxa uu dejiyey meel sare oo cidiba aanay gaadhi karin, iyada oo la dhigto sallaan bakhaarka qalabka mooyaane. Beerta in teeda kalena hal kaas ayuu kaga ooday. Mud do yar daba deedna, in ay jiraanba, waa la iska illaabay.
Arrintii ku saabsanayd meelsha ay maraan caanaha lo’du ee hore loo saari waayey, imminka ayaa la helay sir teedii, oo la ogaaday in caanaha lagu iidaamo soorta doofaarradu cunaan. Berya haas la helay caanaha sir tooda ayay bislaatay tufaaxxa intii u horreysey. Meel kasta oo beerta ahna waxa wadhnaa tufaax ay soo daadisay dabaylshu. Xayawaankana waxa ay la noqotay in loo siman yahay tufaaxxa oo caddaalad lagu qaybsan doono. Hase yeelshee, dharaar baa lagu bixiyey amar in tufaaxxa dabaylshu daadisay la soo ururiyo oo la isugu geeyo bakhaarka qalabka si doofaarradu u cunaan. Xayawaanka qaar kood ayaa ka gunuusay amar kaas cusub, in kasta oo gunuus koodu aanu waxba ka doorin arrinta. Naabooliyoon iyo Isnooboolna ku dar, oo doofaarradu waa u dhammaayeen arrinta; heshiisna waxa ay ku ahaayeen in si daas loogu taliyo tufaaxxa. Iskuwiilar oo afhayeen ahaan doofaarrada kale u soo dirteen si uu u dhacsiiyo xayawaanka arrinta waxa uu yidhi:
“Jaallayaal, kuma aan wado in ay din u maleyseen in aannu sidan u yeelnay hunguri weynaan, iimaan-darro, iyo mudnaan aannu idinka mudan nahay, doofaarrada haddii aannu nahay. Waxaana jirta in qaar badan oo naga mid ahi neceb yihiin caanaha cabbis tooda iyo tufaaxxa cunis tiisaba. Ujeeddada keli ah ee aannu ka leenahay caanaha cabbis tooda iyo tufaaxxa cunis tiisa waxa weeye in aannaan caafimaad darreysan. Caanaha iyo tufaaxxaba sida cilmiga saynisku sheegay, jaallayaal waxa ku jira waxyaalo lagama-maarmaan u ah fiyoobaanta doofaarrada. Doofaarrada haddii aannu nahayna, maskaxda ayaannu ka shaqeysiinnaa. Maamulka iyo habeynta beertuna annaga ayay nagu tiirsan yihiin, oo dan tiinna ayaa ku jirta in aannu dhanno caanaha, tufaaxxana cunno. Mase ogsoon tihiin, jaallayaal, waxa dhaci doona haddii doofaarradu ka soo bixi waayaan kaalin tooda? Aanba idiin sheego, ee Joonis baa soo laaban doona! Waana dhab in Joonis soo laaban doono haddii doofaarradu ka soo bixi waayaan xil kooda. Haddaba, jaallayaal, miyaynnaan meel uga soo wada jeedin in aan Joonis soo laaban?”
Fekrad keli ah oo xayawaanku ka sinnaayeen haddii ay jirtey, fekrad daasi waxa ay ahayd in aanu soo laaban Joonis. Kol kaas, haddii arrinta ku saabsanayd caanaha iyo tufaaxxa sidan loo rogay oo ay ku lug yeelatay Joonis soo-noqosha diisa, xayawaanka wax ay la noqotay in wax laga yidhaahdaaba aanay hadhin.
Waxa iyana meelsha uga muuqday xayawaanka, baahida loo qabo in doofaarradu had iyo jeer fiyoobaadaan. Dood kaleba iyada oo aan la yeelan baa bartii lagu guddoomay in loo dhowro doofaarrada caanaha iyo tufaaxxa dabaylshu daadisay iyo tufaaxxa kale ee go’i doonaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.