Cutubka 4aad

Xagaa gaas kacaanku dhalshay dabayaaqa diisiiba warkii baa ku baahay dalka kala badh oo badh. Maalin la arkona Isnoobool iyo Naabooliyoon baa dirayey kooxo qoolley ah oo la faray in ay dhex galaan xayawaanka ku nool beeraha deris kooda ah, ugana warramaan kacaaanka, una laqimaan heesta ‘Iglan Xoola heedow’.
Jooniskii laga caydhiyey beerta waxa uu ku qaadan jirey waqtiga in tiisa badan Makhmarada magac ceedu ahaa “Libaaxxa Cas.” Meelsha laga shubo khamriga lagama ag waayi jirin. Hal kaas ayuu ka cataabi jirey, isaga oo uga cabanaya cidda dheg u dhigtaba, cadaalad-darrida ay kula kacday koox xayawaan ah oo waxba aan ku wanaagsanayni, koox daas oo ka soo eriday gurigiisa. Beeraleyda kale ee uu u cawday guud ahaan bay uga yaxyaxeen, hase yeelshee, taageero badan uma ay fidin intii arrintu cusbayd ee wax-ka-qabashada lahayd. Hoos ahaana, mid kastiba waxa uu hiyiga ku hayey oo ka fekerayey sida ay suuragal u noqon karto in uu is-kiisa uga faa’iideysto qallad daas ku dhacday Joonis. Joonisna waxa uu ku nasiib wacnaa is-af- garansho-waaga aan marna demin ee had iyo jeer dhex taagnaa labada nin ee kala lahaa labada beerood ee deris kiisa ahaa. Labadaas beerood waxa la kala odhan jirey Fokswudh iyo Binjfiild. Beerta Fokswudh waxay ahayd beer weyn oo u sameysan siyaalihii beeruhu u sameysnaan jireen waqtiyadii tegey.
Si deeda kalena waxay ahayd beer la halleeyey oo dhiri ka dhex baxday; beer did deedu nabaad guurtay oo dhirtii u ahayd oodda, ku sugan tahay xaalad xun. Ninka beerta lahaa oo la odhan jirey Bilkinton, isaguna waxa uu ahaa nin dad-la-socod wanaagsan oo ka mid ah dhul-qabeenka isku sheega beeraleyda. Waqtiga badi diisa waxa uu ku qaadan jirey kalluumeysi ama ugaadhsi, hadba xilliga uu joogo kii ku habboon. Beerta Binjfiildse aad bay uga yarayd Fokswudh, si ka fiicanna waa loo xannaaneyn jirey. Ninka lahaa Binjfiild oo la odhan jirey Feredrik, waxa uu ahaa nin ad-ad ag oo xeel dheer. Goor la arkona waxa uu ku dhex jirey kiis maxkamadeed. Weliba waxa in taas u sii dheeraa oo uu ku ahaa caan in uu yahay nin loo gooyo meelsha uu qabsado. Laba daas nin aad bay isu necbaayeen; colaad dooduna waxay gaadhdhay meel aanay waxba ku heshiin karin, danaha ka dhexeeya oo ay wada jirtaan kay ku tahay.
Colaad daas oo dhex tiil, ayaa haddana laba doodiiba waxa cabsi geliyey kacaanka ka dhacay Beerta Xayawaanka; aadna waxay ugu dedaaleen in xayawaan koodu aanay wax badan ka ogaan waxyaalaha dhacay. Ugu horreyntiiba, waxa ay iska yeelyeeleen in waxyaala haas oo kale aanay dhaci karin; fekradda odhaneysey “xayawaan baa keli good maamuli kara beerna,” way quudhsadeen oo aad bay u yaseen. Waxay isku samirsiiyeen in arrintuba ku baabi’i doonto laba toddobaad. Beertiina wax ay kaga qaadeen oodda, dicaayad ay ku balbalaadhiyeen in xayawaanka Beerta Maanor dagaal koodu aanu marna demin, iyaga oo weliba u saaran cidhifka in ay u wada le’daan macaluul. Waxa ay ku adkeysteen in ay beerta weli ku magcaabaan magac ceedii hore iyaga oo afka soo marin kari waayey magac ceeda cusub. Hase yeelshee, markii waqti badani tegey oo ay caddaatay in aan cidina u baqtiyin macaluul, ayaa Feredrik iyo Bilkinton lieesta halkii hore ka beddeleen. Markanna waxa ay ku dheeraadeen waxa ay ku tilmaameen uur-xumada dhex taal xayawaanka; beertiina waxa ay u saareen dicaayad kale oo ka warrameysa sida xayawaanku isugu bahaloobeen, sida ay biro dab ah isugu gubaan, iyo sida ay dheddigga u wadaagaan. Waxyaala haas fool-xumada leh ee ay wada tilmaameen waxa ay u nisbeeyeen tegidda laga tegey waxyaalaha tiirarka u ah xeerarka nololsha.
In kasta oo sheekooyin kaasi wareegaaleysanayeen, haddana cidina ma wada rumaysan. Nuxnux ku saabsanayd in ay jirto beer dhabanna-hays leh oo inta Bani-aadmi laga caydhiyey, xayawaan is-kiisa u maamulo, iyana si deedii bay u meereysatay: in kasta oo la arkay in nuxnuxdu marka ay sii fiddoba, yeelaneysey wejiyo ka fog runtu waxa ay ahayd.
Si daas ayaa dareen kacaannimo ugu baahay beeraha oo dhan. Taas waxa u marag ahaa dibidii hebedka ahayd oo goor kasta weyraxday; idaha oo inta ay oodda jebiyeen daaqay beeraha; lo’da oo harraatiday baaldiyadii ay ka buuxeen caanaha laga lisay; iyo, fardihii lagu ugaadhsan jirey oo inta ay nimankii fuulshanaa u laliyeen xeryaha, iyaga loogu maara waayey in ay xeroodaan. Waxa weliba taas ka sii darnaa dhakhsaha ay arliga oo dhan ugu baaheen codka iyo midhaha heesta ‘Iglan xoola heedow’. Bani- aadmiguse, waxa ay heestaba ka soo qaadeen wax aan hantaatac dhaamin; si daas dar teed bay isu-weydiiyeen sida cidiba isugu quudhi karto, xayawaan kay ku tahay, in ay ku heesaan hantaatac caas quudhsiga leh oo kale. Taas oo jirtey ayaa haddana la ogaa in heesta maqal keedu ku kiciyo Bani-aadmiga ciil iyo cadho ay la adkaysan waayeen. Xayawaan kasta oo ay ku qabtaan isaga oo hees taas qaadayana, bar taas ayay markiiba ku uleyn jireen. Bani-aadmina si kasta ha ugu dedaalo in uu tirtiro heesta, ee heestii baa ka weynaatay wax la cabbudhin karo; maxaa yeelay, shinbirihii baa ku fooryey, qoolleydii baa ku guuguuleysey, sanqadhdha ka baxaysey biraha tumaalka iyo dawanka kaniisadduna waxay yeelatay codka heesta. Bani-aadmigiina, baqdin bay bowdyaha isla dhaceen mar kasta oo ay maqlaan heesta, iyaga oo heesta midha heeda ka gartay saadaal sii sheegeysa baaba’a u danbeeya.
Arrimaha oo si daas ah oo la joogo bilsha Oktoobar horraan teeda, galleydii la gooyeyna la soo tuumiyey, qaar keedna la tumay; ayaa koox qoolley ah oo cirka heehaabeysey ku soo degtay qolqolka Beerta Xayawaanka. Sida qoolleydu u xammaysnayd, waxa ka muuqdey in ay siddo war xiisa leh. Hal kiina waxay kaga warrantay in Joonis iyo ciidan kiisu ku soo qaadeen duullimaad beerta oo durba soo dhaafeen beerta irriddeedii weyneyd. Ciidanka Joonis oo toban nin ka koobnaa, waxa ay wada sidteen qaaro ay ku dagaal galaan. Joonis oo hor kacayeyna bunduq qiisa buu ku gaadhnaa. Hal kaas waxa ka caddaaday in Joonis iyo ciidan kiisu isku deyi doonaan in ay beerta dib u hantiyaan.
Si daas oo kale in loo soo hollin doonana hore ayaa xayawaanku u filayeen; horena way uga sii digtoonaayeen; tabaabushihii loo baahnaa oo dhanna hore ayay u sii sameysteen. Isnoobool oo buug ka akhristay dagaallada ninkii la odhan jirey Juliyos Siisar waxa loo xil saaray arrimaha gaashaandhigga. Markii uu ka war helay colka ku soo duulay beerta, ammarro deg deg ah ayuu markiiba bartii ku bixiyey, cabbaar yar daba deedna xayawaan kastiba waxa uu ku ahaa heegan bartii uu ka dagaal geli lahaa.
Joonis iyo ciidan kiisa oo mar kaas ku soo dhowaaday guryaha beerta ayaa Isnoobool bixiyey amarka weerarka kowaad. Shan iyo soddonkii qoolley ee beerta joogey ayaa cirka kaga soo haaday nimankii oo madaxya dooda kor heehaabay. Intii Joonis iyo ciidan kiisu ku sii foognaayeen qoolleyda kaga timi cirka ayaa digaagga iyo digirinku kaga soo dhagac yidhaahdeen oodihii ay ku dhex dhuumanayeen, hal kaas oo ay si baas kubabka uga turturqeen colka. Tallaabooyin kaasi, sida ay u dhammaayeen, waxay ahaayeen xeel dagaal Isnoobool uga dan lahaa in uu colka soo duulay ku dhex abuuro xooga fadqalallo iyo nidaam-darro ah. Cabbaar yar daba deedna, Joonis iyo ciidan kiisii baa shinbiraha ku kala didiyey qaara hooda. In taasi markii ay kala gaadhdhay ayaa Isnoobool bixiyey amarka weerarka labaad. Mureel, Benjamin iyo idaha idil kood ayaa mar kaas nimanka dhinac kasta kagala yimi gees iyo herdi. Benjamin, danbaabidho ayuu ugu
qaadqaaday. Nimankiise, si ragannimo leh bay isaga caabbiyeen xayawaanka. Qaaraha ay sidteen, iyo kaba hoodii waaweynaa ce masaabiirta lahaana, si wanaagsan bay ugu dagaallameen. Labada ciidan oo si daas isugu dhex jira ayaa Isnoobool ka yeedhay cir kaas oo bixiyey seenyaalaha dib-u-gurashada. Ci’da Isnoobool markii ay maqleen ayaa xayawaankii dib isu soo wada rogeen oo isku soo shubeen beerta qolqol keeda.
Xayawaanka oo is-rogay markii ay arkeen ayaa nimankii, “Guulalle, kani galbey,” ku qaadeen iyaga oo is-moodsiiyey in nacab koodu jabay. Markii ku xigteyna, iyaga oo aad u nidaam daran bay eryoodeen xayawaanka cararayey. Ujeeddada Isnoobool ka lahaa dib-u-gurashada taas bay ahayd. Nimanka wax baacsanayey markii lagu hubsaday qolqolka guda hiisa ayaa saddexdii faras, saddexdii sac iyo doofaarrada in tooda kale oo gaadmo kula nabnaa xerada lo’da, nimanka kaga yimaaddeen dhabarka oo gooyeen jidkii ay ka soo galeen. Markii uu hubsaday in la gooyey jidka, ayaa Isnoobool bixiyey amarka weerarka. Isagiina, dhinac kaleba ma eeg eegin ee meelshii Joonis ka muuqdey buu qummaati u abbaaray. Joonis kolkii uu arkay sida Isnoobool ugu soo xiimayo ayuu u qabsaday qoriga oo ku riday dhawr xabbadood. Xabbadihii uu rideyna, dhabarka ay ay ka sii xagteen Isnoobool oo gaadhsiiyeen nabarro aan ahayn halis; lax ay ku dhacday xabbadduse, dhulka ulama dhacin nafba. Isnoobool oo aan hakanina, culeys kiisa toddobada faraasiladood iyo badhka ahaa oo waxba aanu kala hadhin buu ku sii daayey addimada Joonis. Hal kaas ayuu Joonis candhada u dhigay digo ag tiisa tuureyd, isaga oo qorigiina ka mudhuxsaday. Waxyaalaha goobta lagu arkay waxa ugu argagax weynaa sida Boskar wax ugu laynayey qoobab kiisa waaweyn ee kabaha birta ahi ugu jireen. Jugtii u horreyseyba wax uu madaxxa kala haleelay wiil ka shaqeynayey Xerada Fardaha ee beerta Fokswudh, kaas oo uu miyir la’aan dhooqada dhex wadhay. Kolkii nimanku arkeen waxa meelsha ka dhacaya iyo sida xaalku ugu xun yahay ayay baqeen oo qaar kood xooreen qaarihii ay ku dagaallamayeen, iskuna dayeen in ay baxsadaan. Cabbaar yar daba deedna, xayawaanka oo isku duuban baa nimankii baacsanayey oo qolqolka beerta ku wareejinayey iyaga oo herdi, harraati, qaniinyo, iyo qardabo midna aan ula hadhin. Xayawaan kasta oo beerta joogeyna hadba sida uu jeclaa buu u aar goostay, una ciil beelay. Cid kaleba iska daa, ee bisaddiina inta ay guri dul shiisa ka soo ballow tidhi oo ku soo booddey nin lo’-jir ah deg tiisa, ayay ciddiyaha kaga aastay surka. Cabaadkii ka baxay nin kaas waaba la ogaa. Intii waxyaala haasi dhacayeen ayaa, nimanka cawa dooda, jidkii ay ka soo galeen cabbaar yar bannaanaaday. Dalool kaas bannaanaaday markii ay arkeen baa arrintiiba noqotay bixiyow i bixi, oo sida ay u dhammaayeen, nimankii u wada carareen debedda. Markii ku xigteyna dhabbadii weyneyd bay cagta saareen. Si daas ayaa loo jebiyey colkii soo duuley oo loo raacsiiyey guul-darro, iyada oo shan miridh aanay ka soo wareegin goortii ay soo qaadeen weerarka. Naf-la-cararkii waxay cagta saareen dhabbadii ay hore u soo mareen. Mar kanse waxa ku daba jirey koox digirin ah oo kubabka ka turturqeysey ilaa ay ka dhammaanayeen beerta.
Nin keli ah mooyaane, si daas ayaa nimanku uga wada baxeen beerta. Qolqolkii dagaalku ka dhacay kolkii lagu soo laabtay ayaa loogu yimi Boskar oo isku deyaya in uu jirjirka u rogo wiilkii uu qoob kiisa ku miyir tiray oo weli dhex geylaansan dhiiqada, isaga oo aan is-loodin.
Boskar oo tiiraanyo buuxiseyna waxa uu ku calaacalay oo yidhi, “Iska daa dhimey e! Sow ma aan illaabin kabaha birta ah ee aan galshanaa! Ujeedda dayduna ma ahayn in aan qudhdha ka gooyo! Bal haddaba ayaa rumaysan doona in aanaan u dilin ula-kac!”
In taas markii uu yidhi ayaa Isnoobool oo weli dhiiggu ka dareerayaa qaylo oodda kaga qaaday Boskar isaga oo leh, “Naxariis la dhaaf jaalle! Dagaalna waa dagaal. Bani-aadmi kiisa u wanaagsanina waa kan meydka ah!”
Boskar oo weli indhaha ay kaga soo taagtaagan tahay ilmo baa mar kaas u jawaabay oo yidhi, “Bani-aadmi tiisana ha ahaatee, sina uma aan rabin in aan cidna ka gooyo qudhdha.”
Hadalka oo hal kaas maraya ayaa xayawaanka mid ka mid ahi tebey Moolli. Cir kaas inta uu ka qayliyey ayuu yidhi, “Moolli aaway?”
Hadal kiisa markii ay maqleen ayaa Xayawaanku mar keli ah isla wada oogsadeen iyaga oo mooday in nimankii soo duulay Moolli u geysteen wax-yeello, amaba, dhaceen oo kaxaysteen. Hadal iyo dhammaantii, Moolli waxa la helay iyada oo xera deeda ku dhuumanaysa oo caws meelsha yiil la galshay madaxxa. Waxa kale oo la ogaaday in Moolli firkanaxday oo baxsatay markii ay maqalshay rasaasta sanqadh dheeda.
Intii la raadinayey Moolli, ayaa wiilkii miyirka la’aa oo aan dhimani miyirsaday. Xagga iyo xagga isaga oo midna aan deyin ayuu markiiba cagaha wax ka deyey oo baxsaday.
Markii Bani-aadmi si daas uga huleelay beerta ayaa xayawaanka oo idili ku soo shururug yidhaahdeen goobta, iyaga oo rayrayni madax martay oo mid kastiba cirka ka qaylinayo, kana sheekaynayo wacdaraha uu ka geystay goobta. Bartiina waxa lagu abaabulay dabbaaldeg loo dabbaal degay guulsha la soo hooyey. Calanka ayaa durba la taagay; heesta ‘Iglan Xoola heedow’ baa la qaaday; laxdii la dilay, sharaf iyo qadderin baa lagu aasay; Xabaal sheediina geed baa lagu beeray. Aaska markii laga soo jeestay oo weli xabaalsha la hareera tuban yahay, ayaa Isnoobool hadal gaaban meelsha ka jeediyey. Hadal kiisiina waxa uu ku nuuxnuuxsaday sida ay lagama-maarmaan u tahay in xayawaan kastiba huro naf tiisa haddii laga fursan waayo, si Beerta Xayawaanku u badbaaddo.
Xayawaanka oo idilina halkii bay isku raaceen in ay bixiyaan billad-sharaf Milleteri. Billad daas oo ay ku magcaabeen billadda ‘Geesiga Xayawaanka, Derejada Kowaad’ ayaa bartii lagu siiyey Isnoobool iyo Boskar. Billada haas la bixiyey oo ay ahayd in la soo xidhto maalmaha Axadaha iyo ciidaha, waxa ay ka sameysnaayeen naxaas. Waxaa iyana meel shaas lagu bixiyey Billad-sharaf Milleteri ‘Geesiga Xayawaanka, Derejada Labaad’ oo lagu maamuusay laxdii geeriyootay.
Dood weynina waxa ay ka dhacday magacca loo bixin doono goob taas. Ugu danbeystii waxa la isugu deystay in goobta lagu magcaabo “Goobta Xerada Lo’ada”, iyada oo xerada lo’du ahayd meelsha laga bilaabay gaadmada.
Qorigii Joonis laga furtay waxa laga soo dhex saaray dhiiqadii uu ku dhex dhacay, rasaasna waxa looga helay guriga Joonis. Taladiina waxa la isugu deystay in qoriga lagu tiiriyo birta calanka; sannadkiina in laba jeer la rido – laba daas jeer oo kala ahaa: laba iyo tobanka Oktoobar oo ah sannadguurada Goobta Xerada Lo’da; iyo Badhtamaha Xagaaga oo iyana ah sannadguurada Kacaanka.

aragtidaada nala wadaag...