Cutubka 8aad

Dhawr maalmood markii laga joogey dilka ka dhacay beerta, argagaxxii dilka abuurayna yara demey, ayaa xayawaanka qaar kood xusuusteen – amaba, is-moodsiiyeen in ay xusuusnaayeen, in Dardaaranka Lixaad dhigayey ‘In xayawaanna aanu dili karin xayawaan kale’. In kasta oo mid koodna ku dhaci waayey in uu faalleeyo arrin taas isaga oo doofaarrada ama eydu maqlayaan, haddana xayawaanka waxay la noqotay in dilka dhacay ka soo hor jeedey waxxii Dardaaranka Lixaad faray. Koloofar baa mar kaas ka bariday Bejamin in uu u akhriyo Dardaaranka Lixaad. Goortii Benjamin u sheegay caada diisa ah in waxyaala haas oo kale aanu la gelin faraha, ayay kaxaysatay ridii Muureel. Muureel baa hal kaas ugu akhriday Dardaaranka Lixaad. Ereyyada meelsha ku qornaa ee ay u akhridayna waxa ay ahaayeen, “Xayawaanna kuma dili karo mid kale SABAB LA’AAN.” Si ay ku noqotayba, labada erey ee danbe ayaan xayawaanku qaban oo maskax dooda gelin. Koloofar haddii ay tahayna, imminka ayay aragtay in aan cidina burin dardaaranka. Sida Dardaaranku yidhina, sabab lagu dilo khaai’miin taas la soo saftay Isnoobool, oo cid kasta deeqda, baa jirtey.
Sannad kaas oo idil xayawaanku waxa ay u hawl galeen si bara dheereysay hawlgal koodii sannadka tegey. Hawl aad u qallafsanna waxa ku noqday dhismaha Wershedda Dabaylsha ee ay rabeen in ay laba jibbaaraan dhumucda derbiya diisa, waqtiga loo gooyeyna ku dhammeeyaan. Hawlaha beerta ee joogtada ahaana, sidii bay u barbar socdeen. Si daas dar teed bay marmarka qaar kood la noqoneysey xayawaanka in ay shaqeeyaan saacado ka fara badan kuwii ay shaqeyn jireen waagii Joonis, iyaga oo cuna cunto aan ka sidan tii ay hore u cuni jireen.
Aroor kasta oo Axad ahna Iskuwiilar baa, inta uu warqad dheer ku qabsado raafka, u akhriyi jirey sida uu u laba laabmay tacabka beeruhu, u saddex laabmay, amaba, shan jeer ku soo laabmay in tii uu ahaan jirey. Tirooyin kaas Iskuwiilar akhriyayna ma jirin, gaar ahaan imminka oo si wanaagsanba aanay u xusuusneyn xaalku sida uu ahaan jirey. Waxaase jirey maalmo badan oo tirooyinka laba laabmaya ama saddex laabmaya, ay ka jeclaan lahaayeen cuntada oo la yara kordhiyo.
Amarrada ka soo fula Naabooliyoon waxa beryahan danbe loo soo dhiibayey Iskuwiilar ama doofaarrada kale mid kood. Naabooliyoonse, dhif iyo naadir baa lagu arki jirey meelaha xayawaanku ku kulmo. Labadii toddobaad, in mar la arko iyo in kale ayay ka dhexeysey. Goorta uu soo baxona, ey diisa oo keli ahi uma raxraxlayn jirin ee waxa ka soo horreyn jirey diig madow oo hawl shiisu ahayd in uu sii naadiyo imaatinka Naabooliyoon. ‘Kokokookoo’ marka uu kor ugu dhawaaqo, waxa ay u ahayd astaan in Naabooliyoon maaggan yahay hadal. Waxa iyana la ogaaday, in Naabooliyoon, guriga guda hiisana ka goonni yahay doofaarrada kale oo meel ka gaar ah u hoydo, goonnina u cunteeyo isaga oo laba ey u qabbaanayaan. Weelka uu ku cunteynayeyna waxa uu ahaa mid sannad kiiba mar reer Joonis ku cunteyn jireen; inta kalena daawasho meel loo dhigi jirey. Berya haas ayaa iyana lagu dhawaaqay in qoriga la ridi doono sannadguurada maalintii uu dhalshay Naabooliyoon iyo labadii jeer ee hore loo guddoomiyey.
Waxa iyana beryahan danbe jirtey in kolka laga hadlayo Naabooliyoon, aan loogu yeedheyn magac ciisa oo keli ah, ee mar kasta si rasmi ah, loogu yeedhayey ‘Hoggaamiye heenna, Jaalle Naabooliyoon’. Doofaarraduna waxa ay jecleysteen in ay u soo saaraan magacyo kale oo ay ka mid ahaayeen ‘Aabbaha Xayawaanka’, ‘Cabsida Bani-aadmiga’, ‘Ilaaliyaha Xerada Idaha’, ‘Saaxiibka dhallaanka shinbir-badeedda’ iyo waxyaalo kale oo jaad kaas ah. Iskuwiilar oo dhabannada ilmo ka tililiq leeday, khudbada hiisa ayuu kaga hadli jirey murtibadnida Naabooliyoon, calool-fiyoobaan tiisa, iyo jeceylka qotada dheer ee uu u hayo xayawaan oo idil meel kastaba ha joogeene, gaar ahaanna kuwa weli ku nool jaahilnimada iyo addoonsiga beeraha kale. Beertiina waxa caado u noqotay in Naabooliyoon loo nisbeeyo wax kasta oo lagu guuleysto, ama, ayyaan-wanaag ku yimaadda. Marar badanna waxaaba la maqlayey digaagad ku leh mid kale, ‘Hoggaamiye heenna Jaalle Naabooliyoon baa ii hor seeday in lix maalmood oo isku xiga aan dhalo shan hal oo ukun ah’, amaba laba sac oo balliga ka cabbaya, iyaga oo amankaag muujinayana isku leh, “Caynaanka Jaalle Naabooliyoon hayo baa ugu wacan ee Alla biyuhu macaanaa.” Xaalka beertu sida uu maalin taas ahaa waxa si fiican u tilmaamay gabay Minimas tiriyey. Gabayga magac ciisu waxa uu ahaa “Jaalle Naabooliyoon”, midhaha hiisuna waxa ay ahaayeen:
Naabooliyoon haddaad tahay,
Naseexxii agoontee, ka ilaalshey nacabkow,
Naas aan gudheynoo, farxad nagu dhammeeyow, Nabarkaan ku eegoba
Naf taydu waxay la ololshaa, Qorraxna u nisbeeyaa, Nuurka araga haagaas, Nasashadu u hoyatee,
Miyirku ku negaadee, Nin kastoo miliilica,
Niyad doodaay faraaniyo, Naar si deed u taabtee.
Jaalle Naabooliyoonow!
Xayawaan haddaan nahay,
Nolol taan u jecel nahay, adaa nagu manneystoo.
Nahaar kiiba laba jeer, noo buuxshey ubucdoo,
Caws kan u nadiif badan, gogolsha nooga dhigayoo, Nis-yariyo nis-weyneba, adaa nabad ku seexshee.
Naalleeya haygii, korka naga ilaalshow,
Jaalle Naabooliyoonow!
Naabooliyoon, haddaan dhalo,
Nasib kay i siiyoba,
Nuunuuga doofaar, naasku u macaan yahay,
Waxan kuugu nidar galay, isagoon nis weynaan, ‘Nacam’ kugu yidhaahdoo, Kuu dhega nuglaadee.
Hadal kolkuu niyeeyona,
Niiqda u horreysiyo, hadaaq qiisu inuu noqon:
‘Jaalle Naabooliyoonow!’
Naabooliyoon mar kiiba gabaygii buu oggolaaday, amarna waxa uu ku bixiyey in lagu qoro derbi ka soo hor jeedey meelsha ay ku qornaayeen Toddobada Dardaaran. Gabayga dul shiisana waxa la sudhay sawir Naabooliyoon lahaa oo Iskuwiilar ku sawiray rini cad.
Waxyaala haasi inta ay ka dhacayeen beerta, waxa barbar socdey wada-hadal xeel dheer oo dhex marayey Naabooliyoon iyo labada nin ee kala lahaa labada beerood ee Beerta Xayawaanku la ahayd deriska. Naabooliyoon waxa af-hayeen u ahaa wakiil kiisa Waymbar. Feredrik iyo Bilkinton midba dhinac ciisa ayuu ka socdey. Arrinta laga xaajoonayeyna waxa ay ahayd qoriga yiil beerta oo weli aan la iibin. Laba doodana, Feredrik baa aad u sii rabey in uu iibsado qoriga, hase yeelshee, qiimaha uu ku doonayey baan ahayn mid la yeeli karo. Taas oo jirtey ayaa la isla dhex marayey in Feredrik iyo ciidan kiisu ku talshadeen in ay ku soo duulaan beerta Xayawaanka, dismahaha Wershedda Dabaylshana dumiyaan. Sida la ogaana, Feredrik aad buu uga baqayey in dhismuhu dhammaado oo hir galo. Waxa iyana la ogsoonaa in Isnoobool weli ku dhuumanayey beerta Feredrik. Arrinta oo si daas ah oo xagaa badhtama hiisa la joogo ayaa xayawaanku la fajaceen markii loogu warramay in saddex digaagadood is-kooda u soo baxeen oo qirteen in ay ka qayb galeen shir qool la doonayey in Naabooliyoon lagu dilo. Sida la sheegay, Isnoobool baa digaagga ku dhiirri geliyey in ay yeelaan si daas. Saddex doodiiba halkii baa qudhdha lagaga gooyey. Isla markiina waxa la qaaday tallaabooyin hor leh oo ku lug leh nabadgelyada Naabooliyoon. Afar ey oo habeenkii marka uu hurdo ilaaliya Naabooliyoon waxa la kala taagay sariir tiisa afar teeda gees. Doofaar yar oo Binkay lagu magcaabi jireyna waxa lagu qaybiyey in uu ka sii dhadhdhamiyo Naabooliyoon cuntada si uu u hubiyo in aanay sumeysnayn.
Isla waqti gaas ayaa lagu dhawaaqay in la dhammeeyey arrinta qoriga, oo qoriga laga gadi doono Bilkinton. Weliba waxa in taas weheliyey iyada oo la caddeeyey in Beerta Xayawaanka iyo Beerta Bilkinton wada geli doonaan heshiis ay isku dhaafsadaan waxyaalaha labada beerood ka baxa. xidhiidh kaas la sheegay in uu dhex mari doono Naabooliyoon iyo Bilkinton waxa uu ku dhowaa xidhiidh saaxiibtinimo, in kasta oo laba doodu mania aanay kulrnin ee Waymbar dhexdhexaad ahaa. XayawaankiiNc waxay ka qabeen Bilkinton aammin-daro weyn oo guud ahaanha Bani-aadmi oo dhan ay ka qabeen. Hase yeelshee, haddii ay u soo joogsato isaga iyo Feredrik, isaga ayay door bidi lahaayeon. Si daas waxa ugu wacnaa cabsida weyn ee ay ka qabeen Feredrik iyo neceybka faraha badan ee ay u hayeen.
Xagaagu kolkii uu sii gurmay, dhismaha Wershedda Dabaylshuna ku dhowaaday dhammaystir, ayay sii xoogsatay dicaayaddii sheegeysey in Feredrik iyo col uu wadto oo labaatan nin ahi soo weerari doonaan Beerta Xayawaanka. Dicaayaddu weliba waxa ay in taas raacisay in Feredrik durba sii laaluushay garsooraha maxkamadda iyo bileyskaba si aan loo sii baadhbaadhin arrinta haddii mar uun mulkiyaddaa beertu gacanta u soo galsho. Arrinta duullimaadka waxa weliba bara dheereeyey wararka ka imanayey beerta Feredrik ee ka warramayey naxariis-darrida Feredrik kula kaco xayawaan kiisa “Faras gaboobay buu nafta ka gooyey, sidii uu ugu wadey ul’, baa la yidhi. “Lo’dii baa u baqtiday macaluul”, baa la yidhi. “Ey nool buu ku riday muufo”, baa la yidhi. “Caweysinkii buu isku maaweeliyaa dagaalka ka dhex dhaca laba diig oo uu isku diray inta uu mid walba afka ugu xidhay makiinad”, baa la yidhi. Naxariis-darri daas lagula dhaqmay Jaallayaal shooda, markii xayawaanku maqleen, ayaa dhiig goodu la karay ciil iyo cadho. Dhawr jeerna waxayba la buuqeen in lagu fasaxo Feredrik iyo beer tiisa si ay beerta gebi geedaba u mariyaan cagta, Bani- aadmiga hal kaas jooga u eryaan, xayawaankana u xoreeyaan. Hase yeelshee, Iskuwiilar baa u caqli celiyey oo kula taliyey in ay had iyo jeer ka digtoonaadaan talooyinka aan laga fiirsan, mar walbana ku kalsoonaadaan tabaha Jaalle Naabooliyoon maaggan yahay.
Wax kasta Iskuwiilar ha ku hadlee, waxa cir kaas maray neceybka xayawaanku u hayey Feredrik. Si daas ayaa Naabooliyoon subax Axadeed u yimi xerada lagu kulmi jirey si uu u faalleeyo arrin taas. Shirkii waxa uu ka caddeeyey in marna aanay soo gelin maskax diisa in uu Feredrik ka iibiyo qoriga, macaamilona la yeelsho tuug gaas oo kale. Qoolleyda oo weli loo dhiibayey dhanbaallada kacaanka, waxa laga xaaraantimeeyey in ay cag dhigaan beerta Bilkinton. Hal qabsi gooda ahaa ‘Bani-aadmigu Ha Dhintona’, waxa lagu yidhi ku beddela ‘Feredrik Ha Dhinto’.
Xagaa gaas qudh dhiisa ayay soo if baxday mid ka mid ah luggooyooyinkii Isnoobool, mar kaas oo la arkay sarreenka soo biqlay oo haramo ka dhex buuxdo. Hal kaas ayaa lagu ogaaday in Isnoobool habeen u soo dusay beerta oo abuurka sarreenka ku dhex daray iniin haramo. Shinbir-badeedda mid ka mid ah oo la yidhi Isnoobool bay kula jirtey arrinta, waxa la yidhi inta ay denbi geeda u qiratay Iskuwiilar bay leqday midho sun ah. Xayawaankana mar kaas ayaa loo sheegay in Isnoobool abid kiisba aan la siin billadda ‘Geesiga Xayawaanka, Derejada Kowaad’ sida ay is-moodsiiyeen; iyada oo weliba loo raaciyey in is-moodsiin taasi ka soo abuurantay sheeko aan sal lahayn oo isaga qudh dhiisu faafsaday. Iskaba daa billad la siiyey, baa la yidhi, ee waxa aad loogu ceebeeyey, laguna canaantay fuleynimadii uu ka muujiyey goobta. Xayawaankiina si daas ayay mar kale u dhegeysteen war ka dhaka faariyey. Hase yeelshee, Iskuwiilar baa arrin taas ka qanciyey, una sheegay in sida ay wax u xusuusnaayeen aanay ahayn sidii runtu ahayd.
Dayrtu kolkii ay soo galshay ayaa la dhammays tiray dhismaha Wershedda Dabaylsha, mar kaas oo laxaad xoog leh la dul dhigay, iyada oo weliba goynta beeruhu barbar socotey. Makiinadihii la dhigi lahaa dhismaha lama keenin oo Waymbar baa weli ka xaajoonayey siyaalihii loo soo gadan lahaa. In kasta oo si daas wax u kala dhinnaayeen; in kasta oo dhibaatooyin badani ka hor yimaadeen xayawaanka; in kasta oo waaya-aragnimo aanay u lahayn siyaalaha wax loo dhiso; in kasta oo qalabka ay isticmaalayeen ahaa mid laga baxay; in kasta oo dhawr jeer nasiib- darro ku dhacday; in kasta oo khaa’innimada Isnoobool weli meel sheedii ahayd; in kasta oo waxyaala haas oo dhammi jireen, haddana dhismaha waxay ku dhammeeyeen waqtigii loogu tala galay, iyaga oo aan dib ula dhacin maalin keli ah.
Kaxba ha ahaadeen ee haddana aad bay isula han weynaayeen. Iyaga oo faraxsan bay kol kaas ku meereysteen sheygaas farshaxannimadu ku dhan tahay ee ay ku sameeyeen karti dooda.
Waxay la noqotay in kani ka qurux badan yahay kii hore looga dumiyey. Quruxda waxa u sii dheeraa derbiya diisa oo dhumuc doodu ku laba laabmeysey kii hore. Xoog inta derbiya daasi ka qabeen, miino wax aan ahayni ma dumin kareyn. Dib markii ay u gocdeen rafaadka iyo niyadjabka soo qabsaday, markii ay ka fekereen sida weyn ee wax isaga beddeli doonaan nolol shooda goorta marawaxadaha la sudho, daynabadana la saaro; mar kaas ayaa daalkii hayey ka tegey oo ay riyaaq iyo rayrayn dhismihii “Guulalle” kula wareegaaleysteen. Naabooliyoon oo ey diisu kaga jiraan hareeraha, diig giisiina hor socdo, baa soo booqday dhismaha si uu u arko hawlsha la dhammeeyey. Hal kaas ayuu xayawaanka ugu hambalyeeyey guul shaas la gaadhay. Dhismihiina, isaga ayaa isugu magac daray oo u bixiyey “Wershedda Naabooliyoon.”
Laba dharaarood markii laga joogey dhammeystirka dhismaha ayaa xayawaanka loogu yeedhay shir degdeg ah. Shir kaas ayaa loogu sheegay in Naabooliyoon ka iibiyey Feredrik qoriga. Xayawaankiina dhabannahays £>aa ka soo hadhay goortii ay maqleen warka. Waxa iyana meelshii loogu sheegay in gawaadhida Feredrik iman doonaan beerta si ay qoriga u daldalaan. Hal kaas waxa ka caddaaday in Naabooliyoon la lahaa Feredrik heshiis qarsoodi ah muddadii uu tusayey Bilkinton saaxiibtinimada been-beenta ah oo dhan.
Xidhiidhkii lala lahaa Bilkinton, hal kaas ayuu ku go’ay. Waxaana la is-weydaarsaday dhanbaallo cay ah. Qoolley diina waxa la faray in ay ka fogaadaan beerta Feredrik oo halqabsi goodii ahaa ‘ Feredrik Ha Dhinto’ ku beddelaan ‘Bilkinton Ha Dhinto’. Mar kaas qudh dheeda ayaa Naabooliyoon xayawaanka ka raariday in aan waxba ka jirin duullimaadkii la sheegayey; sheekooyinka ahaa in Feredrik kula kacay xayawaan kiisa naxariis-darro, in ay ahaayeen kuwo si baas loo balballaadhiyey oo laga yaabo in Isnoobool lahaa asaas kooda. Sida wax loo wadey, waxaadba moodeysey in imminkana xayawaanka lagu lahaa, Isnoobool abid kiisba kuma dhuuman, cagna ma uu dhigin beerta Feredrik ee waxa uu weli giisba ku dhuumanayey beerta Bilkinton, hal kaas oo xaq-hawl-gabeen uu ka qaadto, raaxona ku nool yahay.
Doofaarradii, iyagu aad bay ugu bogeen dabbaal joogtada Naabooliyoon oo waxa ay yidhaahdeen, “Saaxiibtinimada iska- yeel-yeelka ahayd ee uu tusay Bilkinton baa ku dirqiday Feredrik in uu laba iyo toban gini ku kordhiyo in tii uu hore qoriga ugu baayacay.” Iskuwiilar oo arrin taas ka faalloonayeyna waxa uu yidhi:
“In maskaxda Naabooliyoon mid kasta ka sarreyso waxa ku tusaya sida aanu cidna u aamminin, Feredrik kay ku tahay. Waayo, goortii Feredrik jecleystay in qoriga lacag tiisa uu ku bixiyo wax la yidhaahdo ‘Jeeg’, kaas oo sida la og yahay ah warqad ballan qaadeysa in la bixiyo lacagta ku qoran, Naabooliyoon waa diiday. Isaga oo ah mid aan la dagi karin, ayuu ku adkeystay in qoriga lacag tiisa lagu siiyo noodhadh dhab ah oo shan-shan gini ah, lana bixiyo inta aan qoriga laga qaadin meel shiisa. Iskuwiilar waxa uu in taas ku daray in Feredrik durba bixiyey lacagta, lacagtuna ku filan tahay makiinadaha Wershedda Dabaylsha.
Qorigii oo mar kaas la kala iibsaday ayaa Feredrik durba bilaabay in uu qoriga u gurto si dhakhso ah. Qoriga Daldalis tiisa markii la dhammeeyey, ayaa xayawaanka loo qabtay shir gaar ah si ay u arkaan noodhadhka Feredrik bixiyey. Naabooliyoon oo dhoollaha ka qoslayaana waxa uu ku soo fadhiistay sariir ka samaysnayd caws oo rakada tiil, isaga oo ku shaqlan laba diisa billadood. Hareer tiisana waxa tiil lacagtii oo inta si fiican loo soo raseeyey, lagu soo riday maddiibado dhoobo ah. Xayawaankiina, saf is-daba-joog ah bay soo galeen si ay lacagta uga dayma sugtaan. Boskar inta uu sanka u soo dhoweeyey maddiibadaha oo is-yidhi urso, ayuu neef kaga jababacsiiyey noodhadhkii tuurnaa meelsha.
Saddex beri kolkii laga joogey maalinta la gaday qoriga ayaa durba ‘hayyaay, waa wareey’ soo yeedhdhay.
Waymbar oo midab doorsoomay ayaa soo qabsaday dhabbadii guriga, isaga oo kaga haadinaya baaskiilkii. Irriddii guriga markii uu marayey ayuu dhinac u keynaaniyey baaskiilka oo daf yidhi guriga. Cabbaar yar daba deedna waxa guriga laga maqlay qaylo la mergatay ciil iyo cadho oo ka soo baxday qaybtii Naabooliyoon ka degganaa guriga. Isla markiina warkii baa sidii dab oo kale ugu fiday beerta, war kaas oo ahaa in lacagta laga bixiyey qoriga ahayd mid beenbeen ah! Feredrikna qorigii buu ku qaadtay bilaash!
Mar kaas ayaa Naabooliyoon soo shiriyey xayawaanka. Cod kaga wada argagixiyena waxa uu ugu sheegay in uu dil ku xukumey Feredrik, isaga oo weliba nololsha lagu karin doono goorta la qabto. Xayawaankana bartii buu uga digay in khaa’innima daas Feredrik ku kacay u noqon karto horseed waxyaalo kale oo ka sii daran, lana arko in Feredrik iyo ciidan kiisu goor aan sii dheereyn, oodda ka soo qaadaan weerar koodii la filayey muddada dheer. Si daas dar teed ayaa ilaalo loo dhigay meelaha laga soo geli karayey beerta oo dhan. Afar qoolleyna waxa loo diray Bilkinton, iyaga oo sida dhanbaal ka hadlaya heshiis iyo xidhiidh wanaagsan oo dhex mara labada beerood.
Maalin taas maalintii ku xigtey aroornima deedii, ayaa oodda laga soo qaaday weerarkii la filayey. Xayawaanku quraac bay u wada fadhdhiyeen goorta la soo sheegay in Feredrik iyo ciidanka uu wadtey ee duullimaadka ahaa, durba soo dhaafeen irridda weyneyd ee beerta. Xayawaankii oo xiniinyo isku boorayaana hal kaas ayay kaga hor tageen colka. Flase yeelshee, mar kan uma ay guuleysan sidii fududeyd ee ay ugu guuleysteen Goobtii Xerada Lo’da. Colka ay mar kan ka hor tageenna waxa uu ka koobnaa shan iyo toban nin oo lix dabley yihiin. Kuwaas ayaa xayawaanka ku furay rasaas markii ay konton tallaabo u soo jireen, rasaas taas oo xayawaanku u adkeysan kari waayeen sanqadh dheeda iyo xanafta falfalliidh keeda. Guubaabadii Naabooliyoon iyo Boskama waxba waa ka tari waayeen. Hal kaas ayaa xayawaanka dib loo jebiyey, iyada oo qaar kood gaadheen dhaawacyo. Gurigii doofaarradu ku noolaayeen bay mar kaas isku shubeen oo nabadgelyo bideen, daloolla diisana wax ka soo eegeen.
Beeraha daaqqa iyo dhismaha Wershedda Dabaylshuba nacanbkii bay u galeen gacanta. Xayawaanka in tooda kale iskaba daa ee Naabooliyoon qudh dhiisana waxa ku dhacay dhaka-faar uu la garan waayey si uu yeelo. Socsocod uu hor iyo dib u
socsocdo baa ka soo hadhay, isaga oo juuqna aan odhan, dibkuna tigmay oo hadba dhinac u gariirayo. Yididdiilada keli ah ee imminka ay qabeen waxa ay ahayd Bilkinton oo u soo ciidamiya. Mar kaas qudh dheeda ayay soo laabteen afartii qoolley ee hore loo diray, iyaga oo mid ka mid ahi siddo dhanbaal uu soo diray Bilkinton. Dhanbaal kiina waxa uu noqday, “Baga. Waxa kugu dhacay waad Istaahilshaa.”
Farrin taas marka la akhriyayey, Feredrik iyo ciidan kiisu waxa ay hareera taagnaayeen Dhismaha Wershedda Dabaylsha. Xayawaankuna waxay la raacayeen indhaha wax kasta oo meelsha ka socdey. Markii ay arkeen laba nin oo soo qaadtay sabarad iyo dubbe ay moodeen in nimanku ku duminayaan dhismaha, ayay ka wada kaceen baroor niyad-jab iyo yididdiilo- beel ka keeneen. Naabooliyoon baa mar kaas isla booday isaga oo cir kaas ka qaylinaya oo leh:
“U Suura Geli Meyso in ay si daas ku dumiyaan derbiga, sababta oo ah derbiyada aynnu dhisnay baa ka dumuc weyn wax si daas fudud loo dumin karo! Haddii ay isku dayaanna, toddobaad iska dhan kuma dumin karaan. Calool adayga Jaallayaal!”
Flase yeelshee, Benjamin oo si aad ah ula socdey dhaqdhaqaaqqa nimanka ayaa arkay in ay god ka qodayaan seeska dhismaha ag tiisa. Isaga oo aad moodo in waxa oo dhammi la yihiin qosol ayuu mar kaas kor u qaaday gafuurka oo yidhi:
“Waan ku wadey! Malaha ma aragtaan waxa nimanku samaynayaan? Aan idiin sheego, ee cabbaar daba deed bay ku ridayaan god kaas ay qodayaan baaruud qaraxda!”
Hal koodii baa xayawaanku wax ku dhawreen iyaga oo warka Benjamin u gilgilay si baas. Sida xaalku ahaana, umaba suura geleyn in ay ka baxaan guriga oo imminka u ahaa gabbood. Cabbaar yar daba deedna waxaaba la arkay nimankii oo dhinac walba uga cararaya meelshii dhismuhu ahaa. isla markiina waxa la maqlay qarax laxaad leh oo wax dhega tiray. Qoollleydu cirka ayay markiiba isku shareertay. Xayawaanka, oo aan Naabooliyoon ku jirin, sida ay u dhammaayeen dhulka ayay isku wada xanjeeyeen oo wejiyada qarsadeen. Markii ay soo tooseen, waxa la kulmay indha hooda qiiq madow oo daruur si deeda kor hadhsanaya meelshii dhismuhu ahaa. Qiiqqu intii uu kacayeyna muddo aan yarayn bay qaadatay. Waqti kastaba ha qaadato, ee markii qiiqqu kacay ayaa xayawaanku arkeen in wax dhisme la yidhaahdaaba aanu jirin meelsha.
Dhismihii oo laga dhigay baabah, markii ay arkeen ayaa xayawaankii dhiidhdhiyeen. Cabsidii iyo yididdiilo-beelkii hore ugu dhacay waxa baabi’iyey ciilka ay ka keeneen gunnimada iyo quudhsiga Bani-aadmigu ku kacay. Iyaga oo isku duuban oo cidba aan ka sugin amar, ayay colkii ku hagaageen inta ay “Tolla’ay” ku wada qayliyeen. Falfalliidhkii rasaasta ugu soo daadanaysey dhagaxyaale roob si diisa, way ka waaban waayeen. Dagaalkii meel shaas ka dhacay waxa uu noqday mid aad u qadhadh oo aan la is-bixin. Si bahalnimo ahna waa loo dagaallamay. Nimankii, rasaas aan u-kaad-kaadis iyo hakasho lahayn bay ku fureen xayawaanka. Goortii la isa soo guda galayna, ulo iyo kaba hoodii,waaweynaa bay dabada u qabteen xayawaanka. Sac, saddex laxaad, iyo laba shinbirood, halkii bay kaga aguugtay. Dhaawaccana waa laga sinnaa. Naabooliyoon oo xagga danbe ka bixinayey amarrada, xabbad baa ka goysey dhilifka. Nimanka soo duulay qudh dhoodu, kuma tegin fiyoobaan. Hortiiba, saddex ka mid ah nimanka, Boskar baa gaadhsiiyey dakharro. Mid kalena waa la dooxay oo gees baa laga daray caloolsha. Jesi iyo Buluubel, nin kale bay ka siibi gaadheen surwaalka. Sagaalkii ey ee Naabooliyoon ilaalin jirey, isaga ayaa ku amray in ay ku sii gabbadaan oodda oo hareeraha kaga yimaaddaan nimanka. Hareera hooda markii eydu ka soo baxday, ayaa bahal cabsi ahi buuxisey nimanka, mar kaas oo ay ku baraarugeen in ay halis u yihiin in la hareereeyo. Feredrik, markii uu arkay sida wax u dhacayaan ayuu ciidan kiisa u qayliyey oo ku amray in ay meelsha ka baxsadaan, inta goori goor tahay. Muddo yar daba deedna colkii soo duulay ee fuleyaalsha ahaa baa, naf-la-carar, cagaha wax ka deyey. Harraatiyaha u danbeeyeyna waxa lagu sii dhuftay markii loo baacsaday beerta cidhif keeda hoose, hal kaas oo ay dhex jeexeen oodihii lahaa qodaxda.
Guuleyste, in kasta oo ay aad u daallanaayeen, dhaawacyada gaadheyna aad u dhiig baxayeen. Cagaha iyaga oo jiidaya, ayay mar kaas u dhaqaaqeen barbarkii beertu ka xigtey. Qaar koodna, ilmo ayay gabax ka siiyeen markii ay arkeen meydkii jaallayaal shooda la dilay oo dul geylaansan geedaha. Meelshii dhismuhu ahaan jirey bay cabbaar hogteen intii aanay hore u sii luudin iyaga oo la qidhim yidhi tiiraanyo. Dhab bay ahayd oo dhismihii socoy! Rafaadkii soo qabsaday, raad kiisiina la waa! Iskaba daa dhismaha oo wax ka sii taagnaayeen, ee seeskii baa qaar kiis burburay. “Dib baydin u dhisi doontaan” haddii ay is-odhan lahaayeen, waxa ay ogaayeen in aanay ka faa’iideysan karin dhagxantii dhismaha la dumiyey. Taas waxa ugu wacnaa iyada oo qaraxxa xoog giisu ku kala laliyey dhagxanta boqollaal tallaabo. Sida meelshu u ekeydna waxaaba la moodayey in wax dhisme la yidhaahdaaba aanu mama ahaan jirin meel shaas.
Beerta, goortii ay ku soo dhowaadeen, ayaa Iskuwiilar oo ka tuurayaa ka hor yimi, isaga oo boodboodaya, dibkana saydhaya oo u bogsan sidii dagaalku ku dhammaaday. Sababta uu uga maqnaa dagaalka, xayawaanku waa garan waayeen. isla mar kaas ayaa sanqadh rasaaseed laga maqlay guryaha beerta. Sanqadh dhaas oo Boskar garan waayey ujeedda deeda, buu doonay cid wax uga sheegta; wuxuuna yidhi, “Tolow, maxaa loo ridayaa qoriga?”
Iskuwiilar baa mar kaas hore u soo booday oo yidhi, “Waxa loo ridayaa si aynnu ugu dabbaal degno guul sheenna!”
Boskar oo dhiig ka da’ayo jilbaha; birihii u ahaa kabaha midi ka luntay, qoob kala dillaacay, dersin falliidh oo rasaas ahina kaga jiraan addinka danbe, baa u qaadan waayey jawaabta Iskuwiilar oo yidhi, “Guul maxay ah?’.
Iskuwiilar oo isagii u laacay sare, waxa uu ku jawaabay, “Maxaad tidhi Jaalle? Guul maxay ah? Miyaynnaan colkii ka saarin ciid deenna? Miyaynnaan ka saarin ciidda Beerta Xayawaanka?”
“Ogoobey, waxa ay dumiyeen dhismihii Wershedda Dabaylsha, dhisme aynnu ku rafaadnay laba sannadood oo iska dhan!” ayaa Boskar ku celiyey.
“waxba ha ka soo qaadin”, ayaa Iskuwiilar ku jawaabay, “mid kale ayaynnu dhisi doonnaa. Lix kale ayaynriu dhisi doonnaa haddii ay innala noqoto. Malaha ma kasi kartid Jaalle, wax xan qiimaha iyo qaayaha leh ee aynnu falnay. Ogow oo col baa qabsaday ciid dan aynnu imminka ku kor taagan nahay. Imminkana, iyada oo hoggaaminta Jaalle Naabooliyoon ugu wacan tahav, ayaynnu dib u hantinay taako kasta!”
Boskar oo mar kale ku celiyey hadalka, waxa uu yidhi, “Kol kaas, ma waxaad leedahay waxa aynnu dib u hantinay wax aynnu horeba u haysanney?”
“Taas weeye guulsha aynnu helnay!”, ayaa Iskuwiilar ku celiyey.
In taas markii la is-weydaarsaday ayaa xayawaanka oo tukubayaa ku laabteen qolqolkii beerta. falliidhyadii rasaasta ee Boskar kaga jirey qaarka danbe, aad bay u dhibayeen Boskar, hase yeelshee, isagu waxa uu durba ka sii fekerayey hawlsha soo fool leh ee dib-u-dhiska dhismuhu la iman doono. Hawl shaas ayuu durba isu sii diyaarinayey, in kasta oo markii u horreysey ay maskax diisa soo galshay in uu kow-iyo-toban-jirsaday oo muruqya diisu aanay lahayn laxaad koodii hore.
Xayawaanku, si kasta ha u daallanaayeen, ee markii ay arkeen calan koodii cagaarnaa oo la taagay; markii ay maqleen qorigii oo la ridey toddoba jeer; markii ay dhegeysteen hadalkii Naabooliyoon jeediyey, kuna hambalyeeyey sida ay ka yeeleen dagaalka; mar kaas ayay is-yidhaahdeen malaha guul weyn baydin soo hoyseen. Xayawaankii ku qudh baxay dagaalka, si sharaf leh ayaa loo aasay. Gaadhigii looga dhigay naxashka, waxa jiiday Boskar iyo Koloofar. Naabooliyoon oo hor kacayey xayawaanka kale, gaadhiga ayuu daba galay. Laba dharaarood oo iska dhan baa loo dabbaal degayey guulsha la soo hooyey: heeso badan baa la qaaday, khudbado ayaa la akhriyey, qorigiina dhawr jeer oo kale ayaa la riday. Xayawaan kastana waxa loogu abaal guday xabbad tufaax ah, shinbir kasta waxa la siiyey laba wiqiyadood oo galley ah, ey kastana waxa la siiyey saddex midh oo buskud ah. Goobtii waxa loo bixiyey Goobta Wershedda Dabaylsha; Naabooliyoon, halkii buu ku abuuray billad cusub oo uu u bixiyey Billadda Calanka Cagaaran. Naabooliyoon haddii
uu yahay, isaga ayaa isku maamuusay billad daas. Arrintii nasiib- darrada lahayd ee ku saabsanayd noodhadhka Feredrik, iyana dabbaaldegga ayaa lagu illaabay.
Maalmo yar iyada oo laga joogo maalmihii la dabbaal degey, ayaa doofaarradu heleen saxaarad uu ka buuxo khamri wiski ahi. Saxaaradda waxa ay ka heleen meel Joonis ku kaydsan jirey cuntada oo hore aan loo dhugan. Maalin taas habeennima deedii waxa ka soo yeedhay guriga doofaarradu ku noolaayeen buuq aad mooddo in heestii
“Iglan Xoola heedow” la qaadayo, iyada oo midha heeda la isu dhigay candhada.
Sagaalkii habeennimo goortii la gaadhay, waxa la arkay Naabooliyoon oo irridda danbe ee guriga ka soo baxay isaga oo galshan koofiyad duugowday oo Joonis lahaan jirey. Barxadda guriga inta uu dhakhso ugu soo wareegay, ayuu markiiba meelshii uu ka soo baxay dalaq dib u yidhi. Aroornimadiina wax sanqadh ahba waa laga waayey guriga doofaarrada; doofaar keli ah oo dhaqdhaqaaqana waa la arki waayey. Sagaalkii aroornimo goor ku dhow, ayaa Iskuwiilar soo baxay isaga oo qun yar tallaabsanaya, indha hiisana aad mooddo in aan nololiba ku jirin. Waxa ka lulshey dibkii had iyo jeer taagnaan jirey oo la moodo in aanu kuba oollin. Gebi giisana waxa la moodayey in uu buko. Hal kaas ayuu xayawaanka isugu yeedhay oo ugu sheegay warkii naxdinta lahaa ee uu sidey, war kaas oo ahaa in Jaalle Naabooliyoon bestii yahay, lagana yaabo in uu geeriyoodo.
‘Alla ba’ayey baa xayawaanku la wada jeesteen, markii ay maqleen warka. Si ay sanqadhdha uga dhawraan Jaalle Naabooliyoon, irridaha guriga oo dhan bay hor gogleen caws. Iyaguna, qanjaafilaha caara dooda ayay ku wada socdeen. Sida ay u dhammaayeen, ilmo ayaa ka soo wada gabax tidhi. Dhaka- faarna waxa ku noqday sida ay yeeli doonaan haddii Alla ka qaado Hoggaamiya hooda. Isla mar kaas ayaa la faafiyey dicaayad odhaneysey “Isnoobool baa sun ugu daray cuntada.” Kow iyo tobankii aroornimo waqtiga oo ku dhow baa Iskuwiilar mar kale ku soo laabtay xayawaanka si uu ula socodsiiyo wararka. Hal kaas waxa uu ka caddeeyey in Jaalle Naabooliyoon oo naftu iska
sii gureysaa soo saaray sharci uu soo saaro, inta uu raaqraaqayo, kii ugu danbeeyey; sharci gaas oo ah in cabbista khamriga lagu abaal mariyi dil.
Maalin taas fiid keediiba waxa la arkay Naabooliyoon oo ladnaaday; aroornimadii danbena Iskuwiilar baa xayawaanka kale ugu warramay in caafimaadka Jaalle Naabooliyoon aad u wanaagsan yahay; habeennimadiina shaqa diisii buu dib u bilaabay. Maalin-labaaddiina waxa la ogaaday in Naabooliyoon ku amray Waymbar in uu magaalada ka soo gado buugag laga barto sida khamriga loo khamiiriyo, loona kala miiro. Toddobaad dabadiina, Naabooliyoon baa amar ku bixiyey in la qodo jeexxii yaraa ee hore loogu tala galay in xayawaanka gaboobaa daaqaan. Jeexxa qodis tiisana waxa loogu marmarsooday in daaq qiisu xaalufay oo loo baahday in dib loo shinniyeeyo. Hase yeelshee, ciyoonba waxa la ogaaday in Naabooliyoon damacsan yahay in uu ka beero heed.
Isla berya haas baa waxa dhacday arrin ujeedda deedu kaga wareerisay xayawaanka. Goor habeen-badh-ku-dhowaad ah ayaa xayawaanku ku war heleen sanqadh sidii wax meel sare ka soo dhacay oo kale ah. Sanqadh dhaas oo kaga timi barbarka xerada shirarka markii ay maqleen, ayaa xayawaanku oodda jebiyeen oo u wada dhagac yidhaahdeen meelshii sanqadhdhu ka baxday. Habeenkuna waxa uu ahaa habeen dayyaxxu aad wax u iftiiminayey. Xerada weyned ee shirarka markii ay daf yidhaahdeen ayay arkeen sallaan laba u kala jabay oo yaal derbigii ay ku qornaayeen Toddobada Dardaaran sal kiisa. Iskuwiilar oo miyir la’ina sallaanka ag tiisa ayuu wadhnaa. Dhinac ciisana waxa yiil faynuus, burush iyo dheri rinji cad ah oo af gembiyan. eyda ilaalineysey baa markiiba isku xeertay meelsha Iskuwiilar geylaansanaa. Goortii uu is-loodiyeyna waxa ay u sii garab galeen guriga doofaarradu ku noolaayeen. Benjamin inta uu is-neefiyey, gafuurkana ruxay sidii uu gartay macnaha ku jira meelsha, ayuu haddana cidna wax u sheegi waayey.
Maalmo yar daba deed baa Muureel oo Toddobadda Dardaaran ahrisaneysey dareentay in uu jiro Dardaaran kale oo xayawaanku u xusuusnaayeen si xun. Hore waxa ay moodayeen in
Dardaarnaka Shanaad dhigay ‘Xayawaanna ma cabbi karo khamri’. Sida muuqateyse, laba erey bay illaabeen. Xaqiiqduna waxa ay ahayd sida Dardaaranka derbiga ku qornaa yidhi, ‘Xayawaanna khamri uma cabbi karo XAD DHAAF’.

aragtidaada nala wadaag...