Dabadhah: Kumuu Ahaa Maxamed Yuusuf Cartan?

DABADHAH
Kuma ayuu ahaa Maxamed Yuusuf Cartan?
Maxamed Yuusuf Cartan (Miyiga Sanaag, 1939 – Daryaale, 2010)

Alla ha u naxariistee, Maxamed Yuusuf Cartan wuxu ku dhashay gobolka Sanaag, sanadkii 1939, waxbarashadiisii dugsiga hoose wuxu ka bilaabay magaalada Ceerigaabo 1949, ka dib dugsiga dhexe iyo sare wuxu ku qaadtay magaalada Sheekh isaga oo ahaa dufcaddii ugu horreysey ee ka qalinjabisa Dugsiga Sare ee Sheekh sanadkii 1960. Wuxu waxbarasho ugu baxay dalka Britaaniya isaga oo loo direy cilmiga joolajiga (geology), haseyeeshee isagoo aan dhammaysan ayuu ka soo noqday, sanadkii 1963 wuxu waxbarasho u tegey dalka Maraykanka, halkaas oo uu ka soo qaadtay derajada (Master of Science) cilmiga Korodhka Dadka (Demography).
Wuxu shaqo ka bilaabay wasaaraddii Qorshaynta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu noqday Agaasimaha Waaxda Tirakoobka (Department of Statistics). Maxamed Yusuf wuxu ahaa sarkaalkii madaxda ka ahaa tirakoobkii ugu horreeyey ee laga qabtay Jamhuuriyadda Soomaaliya sanadkii 1974, xukunkii Siyaad Barre ma jecleysan natiijadii ka soo baxday tirakoobkaas, waxana Siyaad Barre amar ku siiyey Maxamed Yusuf inuu tirada kordhiyo kuna fadhiisiyo macluumaadkii uu kacaaanku ku sheegi jirey khudbadihiisa. Haseyeeshee inuu foorjari ku sameeyo natiijadii dhabta ahaa way u cuntami weydey Maxamed Yuusuf Cartan, waxaana hakad abadi ahi ku yimid soo bixitaankii natiijadii rasmiga ahayd ee tirakoobkaas. Kolkii amarkaasi yimid, Maxamed Yuusuf wuxu tababar kooban ugu baxay dalka Biritaaniya sanadkii 1975, kolkaas oo uu go’aansaday in aannu Jamhuuriyadda Soomaaliya dib ugu soo laaban inta Maxamed Siyaad Barre ka arriminayo.
Wuxu shaqo ka bilaabay dalka Sucuudi Carabiya halkaas oo uu khabiir ahaan ugu shaqeynayey Sanduuqa Warshedeynta Sucuudiga (Saudi Industrial Fund) muddo ku siman 14 sannadood. Intii uu Sucuudiga ka shaqayenayey ayuu bilaabay tarjumidda buugga Beerta Xayawaanka, waxa tarjumuhu qisada buuggaas ka dheehday siday isugu eg yihiin sheekada buugga iyo dhaqanka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waqtigaas ka jirey, wuxuna dareemay in turjumidda buugani dadka Soomaalida u ifinayso sawirka dhabta ah ee Maxamed Siyaad Barre iyo kacaankiisa.
Maxamed Yuusuf Cartan wuxu ka mid ahaa xubnihii ku sugnaa Sucuudi Carabiya ee aasaasay Ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (Es.En.Em – SNM). 1991 kii ayuu dalka ku soo laabtay, wuxuna beer ka samaystey tuulo beereedka Daryaale ee ku taalla galbeedka Ceerigaabo ee uu maro togga dudurka ah ee la yidhaahdo Biyo-moog. Intii uu dalka ku soo noqday 1991 ilaa geeridiisii 2001, wuxu si weyn uga qayb galay nabadeynta beelaha Sanaag, dhismaha maamulka magaalada Ceerigaabo, horumarinta adeegyada aasaasiga ah gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashada isaga oo ka mid ahaa Guddiga Horumarinta Gobolka Sanaag.

2 thoughts on “Dabadhah: Kumuu Ahaa Maxamed Yuusuf Cartan?

Leave a Reply to Cabdillaahi Cartan Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *