Qeybta 11aad

Jetro baa gabadhii sariir yar oo gees taallay dhigay. Dabadeed biyihii buu ku yar rusheeyey; Amubana madaxuu u salaaxay. Cabbaar ka dib bay indhaha kala qaadday oo ay soo miiraabtay. Isla markaa waxa soo galay laba dumar ah. Markaasay qoladeenii iyagu iska baxeen oo kaga tageen dumarkii. “Waxan rajaynayaa,” buu yidhi Amuba, “in aan yartu dhaawac badan qabin. Oo dharkeedu waxabu iila ekaa dadkii waa reer Yuusuf la lahaa. Inkasta aan moodayay in aynnu dhulkoodii geestaa ku soo dhaafnay. Kollayba yartu waxay u maryo ekayd dadkii aynnu kaga nimid Goshen.”

Wax yar ka dambow ayaa waxa gurigii ka soo baxday mid ka mid labadii dumar ahaa waxanay u sheegtay ragii in gabadhii ladan tahay oo aanay wax nabaro ah qabin. “Yaxaasku,” bay tidhi “gabadha maradeeda uun buu qabsaday ee jidhkeeda aad uma gaadhin. Awoowgeedna wuxuu doonayaa in uu idinku mahadnaqo wanaagga aad u fasheen.” Waxay markaa dib ugu noqdeen gurigii. Waxay arkeen gabadhii oo awoowgeed hoos fadhida oo gacantiisana labadeeda gacmood ku haysa.

Dumarkii oo iyaga markaa hawshoodii dhamaatayna dibadda ayey u baxeen. “Kumaa yartayda nolosheeda nabadgeliyey?” ayuu yidhi odaygii. “Annaga oo dhan. Anigu waxaan ahay Jebron, wiilka Ameres, wadaadka weyn ee kaniisadda Osiris ee Tebis ku taalla. Kuwanna waa saaxiibaday Amuba iyo Jetro, oo ah labo ka mid ah dadkii reer Reebu ee la keenay Masar. Iminkana guriga aabbahay ayay addoon ahaan u joogaan.”

“Run ahaantii waxannu nahay addoontiisii in kasta oo u na yidhi waa saaxiibaday,” ayuu yidhi Amuba. “Waa arrin la yaab leh,” ayuu yidhi odaygii, “in ayaamaha noloshayda u dambeeya wadaad ilaaha Osiris u tukadaa wiil uu dhalay ka dhigo kuwa farxada leh; oo nabadgelyo nolosha inantayda yar. Sidaa waxan u leeyahay waan necbaa weligayba in aan u sujuudo oo aan u tukado ilaahyada Masar. Haddaad dhan kale ka eegtaanse waxaba malaha u habboonayd in uu yaxaasku la tago. Sababta oo ah noloshaydii wax yar baa ka hadhay. Markaan ifka ka tagana keli bay ku noqon doontaa.” Yartii markay hadalkaa maqashay bay intay jilbaha isku taagtay oo odaygii laabtiisa isku tuurtay ayey oohin qadhaadh hiqlaysay.

“Runtii waa sidaas, awoow,” ayuu ugu caqli celiyey odaygii yartii, “waxan soo jirey boqol iyo toban sanadood. Imikana noloshaydii waa dhamaad.” “Waxan ugu yeedhayaa awoow,” ayuu ku yidhi dhalinyaradeenii, “runtiise waxan u ahay awoowgii labaad. Waxa alla waxay dunida ku haysataa waa aniga. Aabbo ma leh, hooyo, awoow iyo ayey midna ma lahaa labadayadaana isku kali ah. Laakiinse waxay aaminsantay Ilaaha midka keli ah ee awoowyaashayo caabudi jireen. Isagaana ilaalin doona.”

Cabbaar ayaa la wada aamusnaa markuu odaygii hadalkii dhameeyey, Dabadeed Jebron baa hadlay, waxaanu yidhi, “Aabbahay waa nin wax garad ah. Cilmigana fiqi ku ah; wax walbana si xaq ah ayuu u eegaa; siday saaxiibaday iiga markhaati yihiin. Wuxuu og yahay in dadkii reer Nebi Yuusuf Ilaah kali ah caabudi jireen. Haddaan markaa Aabbahay weydiisto in u yartaada gurigayaga in ay joogta u oggolaado; wuu yeeli doonaa. Waxan hubaa inuuna waxba ka qabi doonin in ay siday doonto wax u caabudo. Waxannu walaalo nahay gabadh yar oo ay Ruut isku da’ yihiin, oo wanaagsan, naxariis badanna, oo ay rafiiq noqon doonaan.”

Odaygii baa Jebron cabbaar dhugtay. Deetana yidhi, “Hadalkaaga, inanyahow, waxa iiga dhadhamaya wanaag iyo naxariis. Waxaanad ila leedahay weji daacad ah. Dhowr sano ka hor waxan odhan lahaa gabadhayda geeribaa u dhaanta inay u shaqayso Masri; laakiinse markay dhimasho soo dhawaato waxa inoo caado ah in aynnu bedelo ra’yigeenna. Ruut, waad maqlaysaa soo dhaweynta lagu siiyey. Adiguun baana ku tashanaya sidaad jeceshahay. Ma waxaad raaci sayidkan yar ee Masriga ah oo aad walaashii u shaqayn, mise waxaad tegi reerihii dadkeenu deganaayeen?” Ruut baa sara joogsatay oo aad u eegtay Jebron, deetana waxay ku jeedsatay Amuba iyo Jetro.

Markay seddexdoodaba isha kala dheregtay ayey tidhi, “Waxan rumays nahay in Ilaahay ii soo dooray oo iigu soo diray in ay noloshayda uun nabad galiyaan kaliya maahee waliba inay ii kaalmeeyaan inta aan noolahay. Nimankan wejigooda waxan ka arkaa wanaag. Haddii markaa ninkan yar aabbihii ii oggolaanayo, awoow markaad dhimato, waan raaci. Sidii roonna Rabbaa og.”

“Waa si wanaagsan,” ayuu yidhi odaygii, “Imikaanan si fudud u dhiman karayaa oo aan luxudka qabanayaa; waayo, ducadaydii baa Ilaahay aqbalay. Waxaanan ninyohow yari Ilaahay kuu baryayaa in uu sidaad ilmahayga ka yeeshay adigana kaa yeelo.”

“Iminkana waanu idin ka tegeynaa, waayo adna waad iska daallan tahay, Ruutana yaxaaskii baa si ba’an uga bajiyey oo nasasho ayey iskaga baahan tahay. Waxannu degney oon kaam ka dhiganay meel hal mayl inoo jirta oo wabiga uun la siman; bari baanannu idinku soo noqoneynaa.”

Dhallinyartii markii ay gurigii ka baxeen ka dib in muddo ah midkoodna eray kama soo bixin. Jebron baa hadlay oo yidhi, “Waan in aan aabbahay warqad u qoraa, oo aan wax alla wixii dhacay oo dhan uga warramaa. Waxan u dhiibi doonaa mid addoonta ka mid ah. Odaygu wuxuu ku farxi doonaa wax alla waxaa aynnu u samaynay yartaa miskiinadda ah. Aabbahay waa inaan waliba uga warramaa mushkiladda i haysata.”

Amuba ayaa yaabay oo weydiiyey, “Oo waa maxay mushkiladda ku haysataa?” “Miyaadan garanayn. Amuba, in aan ka qayb galay dilkii yaxaaska oo taasina tahay arrin ku xaaraan diintayada. Maxaase kaleen yeeli lahaa? Ma bahal qof cunaya ayaad dayn karaysaa?”

“Hubaal wax kale oo aad yeeshaa meesha ma ool. Kol haddaanad ku odhan karteen intaad dhegta ugu qabato: ‘Waar waa khalad inaad yarta cuntaa.’ Adigu wixii kula gudboonaa uun baad yeeshay. Haddaad si kale u eegto adiguba maaddiline, wuxuu ku dhintay tumaatidii Jetro iyo ninka kale,” ayuu yidhi Amuba.

“Ma fahmaysid Amuba, sida arrintu tahay. Walow aanan lahayn nafta yaxaaska ayaa ka muuhiimsan naf qof baniaadam ah; waxase jirta in yaxaasku yahay xayawaan xagga diintayda ku dheer, qofkii wax yeelana ay balaayo ku dhacayso.”

“Sidaas hadday tahay,” buu uga daba qaatey Amuba, “Jebron, balaayadu waa in ay ku dhacdaa dadkan jooga dhulkan la ogol yahay in yaxaaska la dilo. Marnaba u malayn maayo in balaayada ku dhacda iyaga tu ka badani kugu dhacayso.”

“Waa laga yaabaa in sidaasi jirto, Amuba, laakiinse eeg ilaahyada qaar baa meelo badan oo dalka ah lagu cabudaa,” ayuu ku dooday Jebron. “Waa yahay. Dee markaa saaxiib dhiiggaaga qabooji. Waayo kol haddaan halkan lagu caabudin wax kugu dhacyaana ma jiraan. Aabbahaana waxba odhan maayo, waayo adigu waxba maad yeelin bahalka.”

Jebron baa warqad dheer aabbihii u qoray. Wuxuu u yeedhay Rabah oo ku amray in uu warqadda addoon orad badan u dhiibo. Subaxnimadii dambe ayuu addoonkii oo cararaya oo jawaabtii Ameres sidaa yimid. “Aabbahay wuu ila waafaqsan yahay,” ayuu yidhi Jebron isaga oo faraxsan markuu dhameeyey akhrigii warqadda, “Waan iska garanayey in uu sidaa igu raacayo. Iminkana waxan u tegi doonaa odaygii. Saaka idinka idiima baahni. Markaa haddaad doontaan iska kalluumaysi taga.”

Jebron baa dabadeed u ambabaxay xaggii gurigii odayga iyo inanta yar ee uu awoowga u yahay joogeen. Markuu meeshil yimid gabadhii Ruut waxay ka shaqaynaysay beer yar oo guriga hortiisa ku taallay. “Aad buu u jecal yahay awoowgay,” bay ku tidhi Jebron, “in uu ku arko. Laakiinse saaka sidii hore wuu ka sii liitaa.” Deeto waxay u horkacday xaggi guriga. Markay qolkii odayga soo galeen ayuu Jebron odaygii ku yidhi, “Ruut baa ii kaa sheegtay in aadan saaka roonayn; ee bal iska warran.” “Waxan la yaabay,” ayuu odaygii yidhi, “waxaan naxdintii shalay i gaadhay ugu dhiraan waayey. Saa saaka haayoo ma fiicni.”

“War wanaagsan baan kuu hayaa,” buu Jebron odaygii ugu bishaareeyey; “shalay baan aabbahay warqad u diray ku saabsan arrintii, jawaabtiina saaka ayaan ka helay.”

Markaasuu warqaddii qaybtii Ameres kaga hadlayey ogolaanshaha Ruut, kor ugu akhriyey odaygii. “Aad baan kuugu mahad naqayaa,” buu odaygii Jebron ku yidhi; “Ilaahaygana waxan kuu baryayaa in uu ku taageero. Waxaanse doonayaa in ay gabadhu ila joogto ilaa inta ayaamahan.” “Waa sidaas Aabbahayna wuxuu sheega in uu kharashka ku bixin doono ilaa ay gaadhayso Tebis u qalqaaliyey.”

Labo maalmood bay Jebron iyo kooxdii la socotay sii joogeen jiiddii webiga agtiisa ee ay kalluumaysiga iyo ugaadhsiga ugu tamashlaha yimaadeen. Markay ka xiiso dhaceen taasina waxay ku noqdeen Goshen halkii ay Ameres kaga yimaaddeen.

Meeshaasoo ay giddigood laba bilood oo kale sii joogeen; isaga oo Ameres gaar ahaan u indha indhaynaya habka shaqada beeraha laga qabanayaa u socoto. Haddii uu ka bogtay kormeeriddaana waxay isaga iyo intii la socotay u soo ambabaxeen Tebis.

Kolkay gurigoodii Tebis ku soo noqdeen baa addoon u yimid Ameres oo u sheegay in gabadh yaroo magaceeda la yidhaa Ruut ay guriga timid oo ay doonayso in ay aragto isaga. Addoonkii buu ku amray in uu soo kaxeeyo gabadha; islamarkaana u yeedho Jebron.

“Aad baan ugu faraxsanahay gabadh yahay yari, in aan ku arko,” ayuu wadaadkii ku yidhi Ruut, markay isa soo hortaagtay, “Waxan filayaa in hadda awoowgaa dhintay; mar haddaanad, isaga oo sida wiilkaygu warqadda iigu soo sheegay, ahaa nin aad u da’ weyn, ka iman karteen.”

“Haa, sayidii, wuxuu dhintay bil ka hor,” ayey ugu celisay Ruut, “Laakiinse halkan waxan imid laba toddobaad horteed, waayo waxan hore u waayey doonni aan halkan u soo raaco.”

“Jebron,” ayuu yidhi Ameres, “orod u yeedh Maysa.” Jebron baa markiiba u yeedhay Maysa oo hore u maqashay in gabadha iyada loogu keenay in ay noqoto adeegaheeda gaarka ah; waxanay aad ugu xiiso qabtay warka uu Jebron ka sido gabadhu siday uga nabadgashay yaxaaska.

“Gabadhan waxa la yidhaa Ruut,” ayuu Ameres ku yidhi Maysa markay soo gashay, “Rafiiqii kali ahaa ee ay dunida ku lahaydna wuu dhintay, markaa waxan aabbo kaa doonayaa in aad u qalbi jilicsanaato. Waxaad ka dhigtaa adiga oo dad aanad aqoon lagu dhex geeyo oo kale, sidaad noqon lahayd. Waxa laga yaabaa in ay inta hore la socon kari waydo dhaqankeenna; waa inaadse ku dadaashaa sidaad u qariib bixin lahayd.” “Waxba iska hagran maayo, aabbo,” ayey Maysa ku jawaabtay, “sidii aan joogitaankeeda u fududayn lahaa.”

“Hubaal aad baynnu isku jeclaan doonaa; waxanan rajaynayaa, markaynu aad isku baranno, in aanad iga arkayn wax ku dhiba,” ayey raacisay Maysa. Ruutna waxay ku kordhisay, “Shaki waxanu ku jirin in aynnu saaxiibo wanaaggan noqon doonno. Waligay ma helin qof aannu isku da’ nahay oo aan saaxiibno. Waxaan isku deyi doonaa in aan ku raali galiyo; waayo aabbahaa iyo walaalkaaba waxanan waligay ila wayn bay ii tareen.”
Intaa haddii la isdhaafsaday baa Ameres ku yidhi Maysa, “Imikana aabbo israaca oo beerta iyo xayawaanka aad leedihiin soo tutusa, gee oo u sheeg waxa hawlaheedu noqon doonaan.”

Muddo aan badnaynba ka dib ayey Ruut si fiican ula qabsatay hoygii cusbaa iyo dhaqankii cusbaa ee maqaadiirtu la soo doontay. Maysa ayay u noqotay rafiiq iyo jaariyad labadaba. Waxay u raaci jirtay mijabaxsiga iyo tamashlaha iyaga oo Jetro daba gaambinayo, mararka qaarkood waxay la caawin jirtay marka tan kale xayawaanka wax siinayso yaalaana waqtigood wuxuu ahaa sheeko ay midiba mid ku maaweelin jirtay waxay sheekooyin hayso.

aragtidaada nala wadaag...