Qeybta 17aad

Maalmo badan ayaa sidii ku tegay ilaa la wada rumaystay in bisaddii, si ay noqotaba, si uun ku dhimatay. Ameres iyo qoyskiisii iyo intii kale guriga la joogtayba, siday caadadu ahayd, ayay u baroorteen. Gurigii iyo intii ku noolaydbana waa la nacladay oo sharafdhac weyn bay muteen. Maalinba maalinta ka danbaysa ayaa cadaawadda iyo nacaybka dadweynuhu u hayeen reer Ameres ay sii weynaanaysay. Kooxo dad ah ayaa ku soo xoomi jiray guriga. Dadkaasoo erayo habaar iyo cay ah ku qaylinayey mararka qaarkood. Xataa marka uu wadaadka weyni ku socdo kaniisadda ee uu dhexmaro dadkaa buuqsan, waa la caayi jirey oo feedha cadho ah loo luuli jiray, inkasta oo aan ruuxna ku dhicin in u far saaro. Mar iyo laba in ka badan ayaa Jebron isaga oo aad uga xun guuldarro qoyskoodii uu u soo jiiday weydiistay aabbihii in uu dadweynaha isku dhiibo oo uu runta bannaanka soo dhigo, waxanu odhan jirey, “Aabbo aniga geerida kama baqayo, ee waa in aad ka fikirtaa hooyaday iyo walaashay waxa haysta. Geerida waxaa aniga igaga daran halista iyo ceebta idin haysta.” Hasa ahaatee taa Ameres dheg uma dhigin.

“Ha moodin in aanan halista aynnu ku jirno arkayn,” ayuu Ameres ku yidhi wiilkiisii Jebron, “markii hore waxan u haystay in arrinta si dhakhso ah loo ilaawi doono; wayna jirtaa in aan taa ku gafay. Bawkis waxay ahayd bisaddii amranayd ee loo xushay in la geeyo kaniisadda Bubaysta; taasaana mushkilladda oo dhan innagu kicisay. Laakiin haddana, anigu sidaan filayo, taasuun maaha waxa dadkii oo dhan sidan innoogu kicisay.

Meeshatan qof innoo cadow ah ayaa ku jira oo ulakac dadka inoogu diraya. Waa laga yaabaa in aan gafo, waxase aan uga baqo qabaa in ninka waxaas oo dhan xaggiisa ay innaga yimaaddeen yahay Bataylus. Waad og tahay oo dhawaan iyuu ku soo noqday Tebis. Intan uu soo noqdayna aad ayuu iskugu keen dhadhaweeyaa; waxayna ila tahay kalgacalo muujiskaa been beenta ah wuxuun buu ku qarinayaa. Inuu kuwii habeenkii kaniisadda shirqoolka ku dhigayey ku jiray iyo in kale garan maayo; waxasen markii horena malaynayey imikana hubaa in qofkaa ay dilkiisa damacsanaayeen aniga ahaa. Imikanna bisaddan dhimashadeeda ayuu ka faa’iidaysanayaa, oo si dhib yar ayuu dadka uga dhaadhicinayaa in aan si uun wax uga ogahay dhimashadii bisadda. Jetro wuxuu shalay iga dalbay in aan u oggolaado in uu bisadda maydkeeda halkii u Amuba ku aasay ka saaro oo meel fog ku soo qariyo. Taasise, waxay ila tahay in ay halista sii kordhin karto.”

Ameres hadalkii isaga iyo Jetro dhex maray uma wada sheegin Jebron. Waxanu ku yidhi Jetro, markaa hore ee ay wada sheekaysteen, “Jetro, anigu waxba lafahayga uma cabsi qabo, waayo waligay ruux bani’aadam ah wax xumaan ah uma gaysan. Inta madaxaygu saan lahaana waxan u hawlanaa waxtarka dadka liita; Hasa ahaatee, arrinta maanta joogta marka la eego, waxa khasab igu ah in aan ka fikiro sidaan Jebron iyo Maysa u badbaadin lahaa, shan kasta oo dadweynuhu aad u kacsan yahay haddana waxa laga yaabaa in ayna Maysa qofna ku dhicin; waxase aan ka baqayaa dad innoo dan lihi in ay dafaan. Adiga, Jetro ah waxan kaa doonayaa in aad sidii Jebron iyo Amuba aad u nabadgelin lahayd ku dadaasho. Haddii halistu intan ka sii badato waxa lagama maarmaan noqonaysa inaad sidii aad u la baxsan lahayd falowgeed qabato. Waxan yaqiinsannahay in kalgacalada boqorkiinii dhintay inankiisa aad u haysaa ay kugu kallifi karto in aad khatar kasta dartii beerka ugu dhigto. Jebronna waa in aad sidaad Amuba iskugu xilqaami lahayd iskugu xilqaantaa.”

“Ballan baan kuugu qaadayaa in aan sidaa yeello, sarreeye,” ayuu ku jawaabay Jetro, “Jebron wuxuu Amuba ula dhaqmay sidii walaalkii oo kale; ilaa maalintii aannu halkan nimid; aniguna waxan ugu abaalgudi karaa aniga oo sidii wiilkayga oo kale naftiisa intaan badbaadin karo ku dirira.”

“Waa runtaa; waana filayey in aan kugu kalsoonaan karo oo aad tahay nin aan wiilkayga ku aamini karo,” ayuu yidhi Ameres. “Waxan lacag idinku filan idiinku dhiibay nin la yidhaahdo Jigron. Jebron baa yaqaanna oo ku tusi doona; waana nin aad isku hallayn karto. Wuxuu kugu garan doonaa oo aad tusi doontaa kaatunkayga (ama faraatigayga); waxanu idin qarin doonaa dhawr maalmood ilaa inta aad ugu diyaar noqonaysaan socdaal dheer oo aad dalka kaga baxdaan. Haddii ay lagama maarmaan noqoto in aad lafihiina u baxsataan waxaad hor iyo horraan foodda u dhigaysaan koonfur si aad dadka idin raacdaynaya, haddiiba ay dhacdo, aad u jahawareerisaan. Dadku waxay moodi doonaan in aad xagga lama deggaanka bari ama badda cas u baxsateen; amba waxay is-odhan doonaan waxay aadeen galbeed si ay badda weyn ee woqooyi u gaadhaan.”

Laba maalmood ka dib ayuu Ameres Jebron iyo Amuba u diray in ay tagaan meel magaalada ka baxsan oo uu beero ku lahaa; waxanu faray in ay halkaa joogaan ila inta ay isaga war danbe ka helayaan. «Miyaanad adna na raacayn ilaa inta uu qalaanqalku xasiloonaayo?” ayuu Jebron ku yidhi aabbihii.

“Kama tegi karo gudashada waajibaadkayga diinta; haddii xataa aan tago nafahaanteeda lagama yaabo in wax rooni inoogu jiraan. Waxan hubaa dadka cadawga innoo ah ee aan iminka ku dhacayn in ay badheedh waxyaallo inoogu geeystaan, ay dadweynaha oo dhan innagu kicin doonaan. Markaa anigu idinma raaci karo ee waxaad ogaataa in aan Jetro kaaga tegay oo uu mu mas’uul kaa noqon doono; Amuba waa in aad ka dhigataa saaxiib iyo walaal labadaba. Nabadgelyo, waxan Ilaaha weyn wax walba isagu abuuray ka baryayaa in uu ku ilaaliyo.”

Habeennimadaa ayaa dabadeed Jebron iyo Amuba oo uu la socdo Jetro ay tuugo ahaan kaga gudbeen jidadkii magaalada Tebis iyaga oo ku socda halkii uu Ameres faray in ay tagaan. Waxay hadhkii gidaarrada isku beegaan oo ay fardihii yar daba socdaanba, cabbaar hadday mugdigii socdeen ayuu Amuba gadaal fiiriyey, intuu gaagabsaday ayuu yidhi, “Waar waa la inna daba socdaa, Jetrow.” “Haa, waan u jeeday goorahanba,” ayuu Jetro ugu jawaabay, “laakiinse hadda innaguma dhacaan, waayo hub innagu filan baynu haysannaa kolleyna waxaan filayaa in loo soo diray in ay inna basaasaan waxa aynnu ku talo jirro. Waxba ha u baqan haddii ay rabshad isku dayaan wax xille ayeynu tusi doonaa.”
Markii ay magaaladii ka baxeen ayey fardihii ay wateen fuuleen ilaa ay meeshii beeraha lahayd gaadheen. Halkaasay dabadeed dhawr maalmood ku dhuumanayeen; Jetrona maalin walba magaalada ayuu dhuumasho ku gali jiray si uu u soo ogaado kolba halka xaal marayo iyo waxa wararku yihiin.

Maalintii shanaad galabnimadeedii ayaa Jetro oo ordayaa cariishkii ay ku dhuumanayeen daf soo yidhi. Labadii inan baa degdeg u sara joogsaday daftii uu ku soo galay, waayo markii ay arkeen Jetro labada dhafoor dhiigu ka da’ayo, hadalkuna diriq kaga soo baxayo. Shaw lix mayl oo magaalada iyo meesha ay joogaan u dhaxaysa ayuu soo orday isaga oo aan marna istaagin. Waxaana ka soo baxday, “Dhakhsada! Daqiiqad ma lumin karno wax walba waa la ogaaday. Baadidoonkii u horreeyeyna hadday xaggeena ku soo maqan yihiin.” “Aabbahayna?” ayuu la warraaqay Jebron. “Hadhow baan kaaga warrami, Jebron. Iminka waqti aan hadal ku luminaa ma jiro. Amarkii aabbahaa waa in la fuliyaa. Waxba ma ka aragteen kuwii inna basaasey?” ayuu deg deg u yidhi Jetro.

“Mid ka mid ah ayaa meel halkaasa fadhiya. Ilaa intii aynnu nimid marna mid wax ka badan ma arag,” yuu ku jawaabay Amuba. “Soo qaataa warmihiinna oo isoo raaca,” ayuu Jetro amar ku bixiyey intuu isna qaare weyn meel halkana kala booday.

aragtidaada nala wadaag...