Qeybta 26aad

Maalintii toddobaad markay cabbaar socdeen, iyaga oo meel kayn yacay ah maraya, ayaa waxay maqleen sanqadh iyo qarjaf la moodo in geedo la jajabinayo. Wax yar ka dibna waxa meeshii ka soo baxay dhawr bahal oo waaweyn madaxyadoodii. In kasta oo aan Jetro iyo saaxiibadii weligood arag maroodi nool haddana way garteen waayo waxay ku arkeen sawirada laga dul qoray dhagaxaanta taalla kaniisadaha. “Ma laga yaabaa in ay inna soo weeraraaan?” ayuu Jetro weydiiyey raggii gadhwadka ahaa. “Sida badan dadka waxba ma yeelaan,” ayuu raggii midkood ugu jawaabay, “waxase. kollay iska habboon in aynnu marinkooda uga baydho.”

Jetro ayaa dabadeed amray in alaabta badideeda la iska dhigo oo lagu dhuuntay jeexjeexyada dooxa dhiniciisa. Markay qolodeennii dhufays qarsoon galeen ayaa maroodiyaashiina bacaadkii dooxa u soo dhaceen. Kooxdii yarayd shibta ayey galeen oo way sugeen. Wax yar ka dibna waxay maqleen jugtii cagta maroodiga. Jetro baa is hayn kari waayey oo madaxa kor u qaaday. Wuxuu arkay maroodiyaashii oo fiirfiirinaya alaabtii ay meesha kaga yimaadeen. “Wallee waxaynu sidanay oo dhan waxay ila tahay in ay cunayaan,” ayuu yidhi. Cabbaar hadday halkii ku sii dhuunteen ayaa waxay maqleen jibaax iyo qarqarjaf iyo geedo jajabaya. Jetro baa haddana madaxa kor u qaaday, kuye, “Alxamdulillaah! Ilaahay wuu inaga kexeeyey.” Maroodiyaashiina iyaga oo cagta marinaya dhirtii sidii oo ay tahay caws ayey buurtii dib uga baxeen. Hadday Jetro iyo saaxiibadeena ku soo yaaceen xamaantoodii, yaab bay afka la kala qaadeen markay bacaadkii u soo baxeen.

Wax alla wixii ay siteen oo waxay arkeen gobolba meel lagu laalay. Taanbuugyadii yar yaraa ee duubnaa iyo dharkii oo waxay arkeen iniba laan ka lulato sidii waxay maroodiyaashii cadhadu ku fidheen. Taa waxa kaga sii darraa waxa alla wixii cunta ahaa midh lagagama tegin. Sibraaradii caanaha iyo biyaha ahaa iyaga badhtanka ayuun baa laga wada qarxiyey. Halkii bay wixii cagtii maroodiga ka hadhay isku urursadeen oo socodkoodii ka wateen.

Seddex maalmood ka dib ayey yimaaddeen tuulo yar oo ahayd halka kala badha labada nin dhulka ay xukumaan. Afartii nin ee gadhwadka u ahaydna halkaasay kaga tageen oo ay kuwo kale ka kaxaysteen ka dib markii ay rukhsaddii loo baahnaa ka heleen ninka dhulka xukumayey. Maalin dabadeed markii ay nasteen wixii ay sahay u baahnaayeenna gateen ayey misoole dawgo cagta saareen.

Laba toddobaad markii ay socdeen ayey taaggii ugu danbeeyey dusha uga soo baxeen bannaan weynihii ishoodu qabatayna waxa ka soo gadaal baxay baddii oo ifka qorraxda la walac dhabanaysa. Laba maalmood oo kale oo cadceed kulul iyo siigo jay naar ah daadinaysa ayey ku qaadatay intii ay bankii badda ka sokeeyey dhaafayeen; waxanay soo gaadheen magaalo Masar laga xukumi jiray oo badda ku taallay. Mar alla markii ay magaaladii soo galeen baa askari Masri ihi kaxeeyey Jetro oo u geeyey sarkaalkii Masriga ahaa ee magaalada xukumayey. Jetro waxa raacay Jebron, Amuba waxay kaga tageen si uu u sii qalqaaliyo meel ay ku degaan inta ay magaalada joogaan ee ay markab sugayaan. Wax xiisa ahba may galin sarkaalkii Masriga ahaa arrintii Jetro iyo saaxiibbadii. Iyaga uun buu dib uga waraystay jiid ay soo mareen sida xaalkeedu yahay. “Kooxo ganacsata ah ayaa jooga badda xeeligeeda kale; waxanay rabeen in ay buuraha ka gudbaan ilaa Semneh,” ayuu yidhi sarkaalkii, “waxanse ku amray in ay sugaan inta aan war ka helayo dawgu sida uu yahay. Waayo canaan baa iga soo gaadhaysa haddii ay wax dhib ihi ku yimaaddo socotada.”

Toddoba maalmood markii ay nasteen ayuu Jetro soo qalqaaliyey markab ay raacaan ilaa magaalada la odhan jiray Arsindo (hadda loo yaqaanno Suways).

Socdaalkli badmarka ahaa wuxuu noqday mid dheer oo dhib iyo shiddo badan. Dabaysha oo yar awgeed ayaa markabkii noqday sidii oo uu meel ku engegay. Kulaylna hadalkiiba daa; wax alla wixii ay berriga ku soo mareen waxa uu ahaa caano iyo biyo marka loo eego kan badda. Dhawr magaalo oo xeebta bari ku yaallay ayey ku yar hakadeen. Magaalooyinkaa oo uu naakhuuduhu ku iibinayey alaabo Masar lagu sameeyey; kana iibsanayey kuwa uu xaggiis u iib geeyo.

Intii aanay soo ambabixin ayuu Jetro u soo sheegay saaxiibbadii in iyagu markabka kaga hadhi doonaan Elana (oo ahayd magaalo ku taallay meesha hadda loo yaqaan Khoriga Caqaba) oo aanay u raaci doonin Arsinoo siduu kula soo heshiiyey naakhuudaha. Waayo sidaasi waxay u suuragalinaysay in aanay ka gudbin waqooyiga bari ee Masar. Halkaasoo laga yaabo in askarta Masar ka raadinayaan iyaga. Hase yeeshee khiddadooda uma ay sheegin naakhuudaha.

Hadduu markabkii Caqaba foodda saaray ayey inantii Maysa iska dhigtay sidii wax buka in kasta kulkii iyo dhibkii badda ka soo qabsaday aanay bukaan run ah ba dhaamin.

Iyaga oo intoodii kalena aad iskugu hawlaya bukaankeedaa iskayeelka ah ayuu markabkii soo galay magaaladii Elana. Jetro baa deeto qaaday oo geeyey guri magaalada ku yaallay.
Magaalada Masaari badani may joogin. In yar oo askar ah iyo sarkaal ka sakow. Kuwaasoo socotadii aad u xiiso galisay waayo waxay arkeen in ay ganacsato yihiin oo ay kollay waxuun ka dheefi doonaan. Magaalada marka laga baxo dhulku wuxuu ahaa lamadegaan aan qiimo lahayn darteed magaalada ayuun bay Masar xukumi jirtay maxaa yeelay dhulka intiisa kale isku hawlid xukun uma qalmayn.

Laba maalmood kolkay magaaladii joogeen ayuu Jetro ku noqday markabkii; waxaanu u sheegay naakhuudihii in wiilkiisii yaraa aad u buko, sidaa darteed in aanay socdaalkoodii halkii ka sii wadi karayn oo ay markabkiisa ka hadhayaan. Waxa kale oo uu sheegay naakhuudihii in, maadaama ay muddo dheer sugi doonaan, ilaa inta uu markab kale imaanayo, uu jecel yahay in uu ka qaato bucsharad uu kula ganacsado dadka dhulka deggan. Taa danbe naakhuudihii. markiiba wuu oggolaaday; waxaanu alaabtii kaga iibiyey qiimo jaban markuu ogaaday in Jetro nooligii intii u hadhay aanu waxba ka weydiinayn, maxaa yeelay markabka waxay Jetro iyo saaxiibadii u soo kiraysteen ilaa Arsinoo. Halkii buu deeto Jetro kaga iibsaday naakhuudihii dhar iyo alaabo Masar lagu sameeyey. Wuxuu isla mar ahaantaa ka iibsaday hub wixii ay u baahnaayeen.

aragtidaada nala wadaag...